Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 20, 2014                                              

 

 

 

 

Xildhibaano Cambaareeyey Rasaastii Lagu Furay Dadweynihii Dibadbaxa Ka Dhigay Gabiley Iyo Dilkii Saraakiishii Ciidanka Qaranka Oo Ay Ku Tilmaamay Mid Qorshaysnaa
 

Hargeysa, September 20, 2014 (Haatuf) – Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa xukuumada Siilaanyo Cambaarayn uga soo jeediyey sidii foosha xumayd ee ay Ciidamada RRU-du Rasaasta ula dhaceen dadweynihii sida salmiga ah ugu mudaharaaday Gabiley, kuwaas oo sidoo kale wax lagu xumaado ku tilmaamay qaabka qarsoon ee loo aasay saraakiishaasi la dilay.
Xildhibaanadan ayaa sidaasi ku sheegay mar ay maanta ugu waramayeen warbaahinta xarunta golaha wakiilada, waxaanay sheegeen in dilka saraakiishaasi iyo in ninkii dilka geystay ee baxsadayba ay ahayd mu’aamarad loo baahan yahay in baadhitaan lagu sameeyo.
Ugu horayna Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Tacsi dabadeed, horta qaabka raga loo laayey waad ka war haysaan, ninkani wuu xidhnaa oo saraakiisha ayaa xidhay, dambiiluunu ahaa, cidbaana ka furtay halkii uu ku xidhnaa, cidbaa qoriga usoo dhiibtay, cidbaa diyaargaraysay, cidbaa ku talo gashay in aan la qaban, taasi waa qodob.
Waxaan xukuumada ku cambaaraynayaa taas oo dhacday ayaa ragaasi sida Tukaha loo aasay oo cid is-weydiisay iyo janan u tagay iyo wasiir gashaandhig oo ka hadlay, madaxweyna ka hadlay io cid ka tacsiyadaysay aanay jirin”.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Bashiir Tucaake waxa uu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa dhibtaa ciidanka qaranka ku timid iyo dadweynaha reer Gabiley ee ciidamada RRU-du laayeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay kaga dhigeen, kuwa dhaawacmayna ilaahay ha u naxariisto. Waxa gadoodka keenay waxa weeyaan ragii ragii jiida hore joogay ee sida xun ee mu’aamaradaysan loo dilay ayaa aaskii loo sameeyey waxa uu noqday mid aan loo aasiin tuuga, waxa weeyi nimankani saraakiil bay ahaayeen waxay ahayd in aas milatari loo sameeyo, calanka lagu duugo oo salaam Milatari la siiyo oo taliyaha ciidanka qaranku muu tacsiyadayn oo muu soo haal qaadin dadkii la laayay.
Arinta gadoodka keentayna waxa weeyaan sida riqiiska ah ee loo aasay Saraakiishaasi, dadku way mudaharaadeen si nabadgalyo ah ayay wadadaa dheer ee Gabiley u marayeen, ciidanbaa markiiba laga horgeeyey dadkii waxa ay taayir mariyeen iyo wax ay rasaas mariyeen ayay kaga dhigeen Adeer marka ay dadku kacaan Rasaas iyo ciidan waxba ma taraan”.