Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 21, 2014                                              

 

 

 

 

Madasha Waddatashiga iyo Toosinta Qaranka Oo Sheegay In Xukuumada

 Madaxweyne Siilaanyo Aanay Daacad Ka Ahayn Doorasho Dalka Ka Dhacda 

Hargeysa, September 21, 2014 (Haatuf) – Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland ayaa sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo aanay daacad ka ahayn in dalka ay ka dhacdo Dorashooyinka Madaxtooyada iyo Barlaamanka, waxayna Tilmaameen in hore Xukumadu ugu fashilantay Doorashadii Gollaha Deeganka.

Siyaasiintan ayaa sidaasi ku sheegay Shir jaraa’id oo ay Maanta Hargeysa ku qabteen, iyagoo sidoo kale ka hadlay dilkii Saraakiisha Ciidamada Qaranka ee laggu Dillay Qorulug iyo Mudaharadkii ka dhacay Gabiley oo ay ku xukumada ku eedeyen in ay Dad Shicib ah rasaas nool la dhacday, waxa kale oo ay ka hadleen Madaxdhaqameedkii reer Awdal iyo cabashadoodii Saami qaybsiga oo ay sheegen in aan wali halkii laga qaadin.

Guddoomiyaha Madasha Waddatashiga iyo toosinta Qaranka Mujaahid Xassan Guure oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu Xukumada ku eedeyey in illaa Wakhtigan si cad aanay uga jawaabin Cabashadii odeyaasha Reer Boorama ay madaxweynaha Soo gaadhsiiyeen waxanu tilmaamay in Gudidii madaxweynuhu u xilsaaray arrintaasi aanay wali shir kali ah ka yeelan arrintii loo xilsaaray. Waxanu yidhi. “Barri dhaweyto waxa Hargeysa Yimid Odeyaashii reer Awdal, arrimo iyo tabasho ayey u yimadeen, madaxweynaha Somaliland way is arkeen, madaxweynuhu umu jawaabin ee Guddi ayuu u saaray, Guddidii Madaxweynuhu u saaray illaa maalintii illaa maanta may fadhiisan, dadkiina markii ay daalen way iska noqdeen, waxaynu ognahay in dagaalka muddo dheer ka socday barriga waxa dagaal laggu xalin karana ma jirto, haddii iyada oo taasina jirto tana raacdo waxay noqonaysaa Burburkii Somaliland, Maxamed Siyaad Barre isma lahayn Dagaalka Burco iyo Hargeysa ka dhacay ayaa Xamar kugu imandoona, haddii aynan dabkaasi bakhtiiN waynu ku gubandoona nabad ayeynu u baahanahay iyo in la wadda hadlo oo Somaliland dib iskugu timaado, Beelaha kale ee reer Somaliland waxay Tuhmayaan in Beesha Dhexe qaadatay Dhammaan Maamulkii dalka oo dhan, Beesha Dhexena waxay tuhumaysaa in Beel kali ahi qaadatay, laakiin waxan qabaa in koox isku xidhan ay dalkii la wareegtay, marka intii aynu is tuhmilahayn waa in aynu isku nimadno oo aynu eegno halka wixii la wadda lahaa la geeyey.”Ayuu yidhi Xassan Guure.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa isna sheegay inuu ka warwarsan yahay in Xukumadda Siilaanyo dalka ka hir galin doonto doorasho la mid ah tii 2012-ka oo kale ah taasi oo kala diri karta Wada jirka Somaliland, Waxa uu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in xukumaddu mudo korodhsi waddo.

Waxanu yidhi. “Waxay inbadan ku celceliyeen doorashooyinku inaanay maalin la dhaafayn wakhtigoodii ay qabanayaan, Muuminow run sheeg, Muuminowna uga qaado baa la yidhi laakiin Muuminka looga qaadanayo runtu waa ka Qawlkiisa iyo ficilkiisu isku Makhraati furayaan, Xukumaddan hadalkaasi ku celcelinaysa ee tidhi maalin nala dhaafi mayso waxa aan looga qaadanayni waxay tahay doorashadii ugu dambeysay ee Golaha deegaanka ee ay qabteen wadankan way kala dirtay, haddii ay doorasho kale oo noocaas ah inoo qabtaana Somaliland ba ma jirayso”Ayuu yidhi Xassan Ciise.

Waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ah Xasan Ciise u soo jeediyay inay ku dadaalaan sidii doorasho lagu kalsoon yahay dalka ugu dhici lahayd “Anigu waxaan odhan lahaa Xisbiyada Mucaaradka ah waar intaad ka warwarsan tihiin doorasho inaanay Dhicidoonin, haa oo warwar wey leedahay laakiin waxa kale oo aad culayska saartaan Doorashadu haddii ay dhacdaba, sidii la iskaga ilaalin lahaa boobkan caddaanka ah ee aan Xishoonayn ee Umaddu soo martay, waa in qorshe laga yeeshaa waayo, Haddii doorashadii u dambeysay oo kale dhacdo waa aan Isdilo”Ayuu yidhi.

Xasan Ciise waxa uu sheegay inaan Mucaaradku diidanayn diwaangalinta Madaniga ah balse ay diidan yihiin isku dabrida labada diwaangalinood ee cod bixinta iyo muwaadinka “Diwaangalinta lama diidana ee waxaa la diidan yahay waxa ku ladhan ee Khiyaamada ah ee ama doorashada dib loogu dhigayo ama lagu deedafaynayo, shaygan Diwaangalinta Madaniga ahi Asal ahaan malahaba wakhti, waa wax uu xaq u leeyahay in Ilmaha yar ee maanta dhashay la diwaan galiyo, ka bari dhashaa la diwaan galinayaa, bil walba inta dhalata ayaa la diwaan galinayaa”

Waxa kale oo uu ka hadlaya Sida ay Ciidanka Boolisku Xabada Nool ugu adeegsadeen Shacabkii Reer Gabilay “Ciidamadii Bilayska ee Somaliland ee Shaqadoodu ahayd inay ilaaliyaan Amaanka iyo nabad galyada reer Somaliland ayaa Amar lagu siiyay inay Rasaas nool la dhacaan Dadkii Ra’yidka ahaa ee Caruurta iyo dumarka ahaa ee aan hubaynayn ee Mudaharaadayay. mana aha markii u horaysay ee taas oo kale ka dhacdo Somaliland, arintaasi waanu ka hadalay mararkii horay dhacday haddana waanu ka hadlaynaa, mana aha arin loo adkaysan karo, Arin caqliga Saliimka ahi qaadan karo ma aha, Sababtu waxa weeye, Rasaasta iyo Qoryaha waxa loogu tala galay Nacabka waddankan Cadawga ku ah, Mushaharada Ciidanka waxa bixiya dadkan Shacabka ah oo waa Cashuurta laga qaado, Madaxda ilaa wasiirada ilaa Askariga Dadkan ra’yidka ah ee nabadgalyadooda la ilaalinayo ayaa masruufa kuwan Rasaasta la dhacaya iyo kuwa Amraya marka Arintaasi waa inay halkaasi isku taagto aanay dib inoogu soo noqon Insha Allaha”

Wasiirkii Hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa Xukumadu ku eedeyey in ay qiil u raadinayso mudo korodhsi islamarkaana diidan tahay waxyaabihii lagu heshiiyay waxanu yidhi. “Waxay maanta diidayaan wixii Saddexda Xisbi, Wasiirka Daakhiliga, Qaadhaan bixiyeyaasha iyo Madaxweynuhu ku heshiiyeen ee madaxweynuhu saxeexay oo ah Diwaangalinta Madaniga ahi waa wax iska socda oo Xafiisyo loo furo oo ka dhinta iyo ka dhashaba waa lagu qoraa laakiin tan kale ee Codbixiyuhu waa mudada gaaban ee lagaga gaadhsiin karo Shuruucdada doorashada si ay si xalaal ah oo xor ah u dhacdo” ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.