Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 21, 2014                                              

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wasiirkiisa Macdanta Oo Shirkad Uu Abbaan Ka Yahay Nin Beeshooda Ka Tirsani Qandaraas Ku Siiyey Abaabulka Iyo Hawlgalinta Ciidan Ilaaliya Shirkadaha Shidaal Baadhista
Hargeysa, (Qarannews) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wasiirkiisa macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shirkad gaar loo leeyahay oo uu abbaan ka yahay nin beeshooda ka soo jeedaa qandaraas ku siiyey qorista, tababarka, qalabaynta iyo hawlgalinta ciidan cusub oo loogu talagalay inuu ilaaliyo shirkadaha heshiisyada shidaal baadhista kula jira wasaaradda macdanta Somaliland.
Qandaraaskan oo aan dadwaynaha reer Somaliland ka warqabin cidii bixisay iyo goortii la shaaciyey toonna, waxay xukuumadu u saartay guddi qiimaysa shirkadaha soo dalbada qandaraaskan, waxaanay guddidaasi kulankii ugu horeeyey ee ay arrintaas ka yeelatay ka dib soo saartay go’aan ah in lixdii shirkadood ee usoo tartamay qandaraasku aanay midina buuxinin shuruudihii looga baahnaa, waxaanay xubnihii guddidu isla-garteen inay waajib tahay in qandaraaska dib loo baahiyo.
Haddaba wasiirka macdanta Mr Xuseen oo ka mid ahaa xubnaha guddidii wax qiimaynaysay iyo madaxwaynaha ayaa labadoodu mudo haatan laba todobaad laga jooggo waxay go’aan ku gaadheen in qandaraaska la siiyo shirkad ka mid ah 6-dii shirkadood ee markii hore dhacay oo uu abbaan ka yahay nin ay isku beel yihiin.
Qandaraaskan oo malaayiin doolar ku kacaya ayaa waxa lacagtiisa bixinaya shirkadaha shidaal-baadhista ee uu heshiisyada la saxeexday ninka macdantu.
Wakhti hore oo isla-sanadkan ah ayaa Guddida Dabagalka ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia (UN Monitoring Group) waxay xukuumadda Somaliland uga digtay inay samayso ciidan cusub oo aan si daah-furan (transparent) loo ogaan karayn cida kharashkiisa bixinaysa iyo qaabka loo qorayo isla markaana loo hubaynayo ciidankaas.
Si uu iskaga maslaxo qaramadda midoobay ayaa madaxwayne Siilaanyo wuxuu dhawaan ka noqday go’aankiisii hore ee uu wakiilka Baanki-muun u qaabilsan arrimaha Somalia ee Nickolas Kay kaga mabnuucay inuu yimaado Somaliland.
Mr Kay oo bishii August ee ina dhaaftay booqasho ku yimid magaaladda Hargeysa ayuu madaxwayne Siilaanyo ku soo dhaweeyey xafiiskiisa.
Hadaba is-fahan aan rasmi ahayn oo labada dhinac ee UN-ka iyo Somaliland isku afgarteen ayaa ahaa in xukuumadu si aan musuqmaasuq ku jirin oo daahfuran u maamusho arrintan samaynta ciidanka loogu talo-galay ilaalinta shirkadaha macdanta iyo saliida.
Xukuumadu is-afgaradkii ay UN-ka la gaadhay ee ay jabisay markii ay qandaraaskii ciidan samaynta hoos ahaan u bixisay ka sokow waxay dhibaato wayni ka soo socotaa marka gudaha dalka laga ogaado in shirkadaha shidaal baadhistu ay xukuumadda Siilaanyo u samaynayaan ciidan gaar ah oo beelaysan oo waliba ka xoog-wayn ciidanka qaran ee beelaha Somaliland u dhan yihiin.