Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 22, 2014                                              

 

 

 

 

Duqeenii Dhasha Xumaa: Gabay: Maqaloocshe

 

Dawladd looma haystaan

Duqeenii dhasha xumaa

Da’buu noo abbaahiyey

Dabadeeto laga dabar

Dadku wuu is-dhaamee

Intuu Diiranaabuu

Sacad-Muuse Daashaday

Dumar iyo Ragba u dhalay

Yarkaa Dibada meeree

Dawladaha salaamiyo

Da’buu Xaashiyaal dhalay

Diyaanahaa Samaale

Ee u dalacay siyaasiga

Dabadhoonka Dhuxuliyo

Da’kaluu Abiib dhalay

 

Duqeenii dhasha xumaa

Markuu daanta Arab tagay

Haashinbuu dib ugu baxay

Uu digadaa ka wada dhigay

Jamaalkaa Dilaalka Ah

Yarka diinta joogiyo

Ina Diiriyuu dhalay

Muusoo dareeruu

Dayacnaan abaahiyey

Nin dabeecad ka aradan

Abshirbuu da’kale dhalay

Dambabeer ma dhigihii

 

Duqeenii dhasha xumaa

Ciidagaluu dul taagnaa

Cukuseiyo Digtoorkuu

Darandoori ugu dhalay

Isaxaaq Dumaalbuu

Geeljirihii la dayrshiyo

Daakhiliga ugu dhalay

 

Duqeenii Dhasha Xumaa

Isagoo Dibjirabay

Dumar Sii kaxaysteen

Dacar Budhuq dul geeyeen

Ciise Muuse kuma darin

Doohbaana lagu yidhi

Dildilaacyey reerkii

Dubur buu ku kala jabay

Dookh ha inoo dambeeyee

Wax la yidhi daneey tali

Doonyadii waxay tidhi

Dadba waa xumeeyee

Inagana ha lagu daro

Qodobaase daba yaal

Damba-beer ma dhigahoow

Inta kale dishoodow

Dekeduun ha noo dhalin

 

Duqeenii dhasha xumaa

Isagoo da’furi laa

Habar-Yoonis baa damac

Isku soo daruurtoo

Duur iyo Cabduu dhalay

 

Duqeenii dhasha xumaa

Durka Habar-jecladu tahay

Horuu ugu duraaqsaday

Dabadheer Abaartii-buu

Darxumada abaahiyey

Diigaanyo dhabatiyo

Kun da’ buu ka wada dhalay