Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 22, 2014                                              

 

 

 

 

Ciidamada RRU-da Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Dhalinyaro Ah Oo Lagu Qabtay Gadoodkii Gabiley

Hargeysa, September 22, 2014 (Haatuf) - Askarta Ciidanka RRU-da ayaa maanta toogasho ku dilay Mukhtaar Xasan Bare oo ka mid ahaa dhalinyaro saldhiga Gabiley lagu hayey oo lagu qabtay gadoodkii maalintii Jimcaha ka dhacay magaaladaasi.

Siday dad goobjoog ahi noo sheegeen toogashadani waxa ay dhacday mar ay dadkaasi xidhnaa ciidamada RRU-du usoo qaadeen xaga maxkamada, taas oo wiilkan dhintay uu isku dayey inuu ka fara-muruxsado Askartii waday kadibna ay toogasho ku dileen.

Tan iyo Maalintii gadoodku dhacay ayaa xukuumadu waxa ay Gabiley ku xoojisay ciidamo ka tirsan Bileyska iyo RRU-da, waxaanay ilaa iyo hadda ku sugan yihiin magaalada iyadoo ay ka xukuumadu ka cabsi qabto in kacdoon kale ka qarxo dilkii askari ka tirsan maleeshiyada deegaanka qori-lugud ku laayey 17-kii bishan labdii sarkaal ee Ciidanka Qaranka ka tirsanaa..

Hase yeeshee waxa suurtagal ah in dilkan cusubi uu soo cusboonaysiiyo gadood kale oo mar labaad ka dhaca magaalada Gabiley oo wali tiiraanyeysan tacsidii saraakiishii ciidanka qaranka ee Qori-lugud lagu dilay.