Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

September 22, 2014                                              

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Seedigii Oo Qawaday $600 Kun Oo

Laga Siiyey Wacyigalintii Shidaal Baadhista, Halka HCTV Ka Helay $2 Milyan

Hargeysa, September 22, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale seedigii oo magaciisa la yidhaa Siciid Xasan Sheekeeye ayaa qawaday Lix Boqol Oo Kun Oo Dollar oo nin ay Wasiirka walaalo yihiin ka siiyey lacagtii loogu talo-galay in bulshada reer Somaliland lagaga wacyigaliyo arimaha hawlaha shidaal baadhista kuwaas oo dhawr shirkadood oo ajaanib ahi ay damacsan yihiin inay dib uga bilaabaan dalka.

Lacagtan wacyigalinta ah oo uu wasiirka macdantu maamulkeeda u xilsaaray nin ay walaalo yihiin oo la yidhaahdo Maxamed ayaa waxa bixiyey shirkadaha heshiisyaa shidaal baadhista ah kula jira Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, waxaana qayb ka mid ah lacagtaasi la kala siiyey Mr Siciid Xasan Sheekeeye iyo HCTV.

Hadaba ninka wasiirka seediga u ah oo isku waday inuu $2.5 (Laba Milyan iyo Badh oo dollar) ka helo lacagta wacyigalinta ayaa saluugay qusumkii loo gartay kadib markii uu ogaaday in laba milyan oo dollar la siiyey HCTV oo baryahanba olole ugu jiray sidii uu qayb libaax uga heli lahaa lacagta ay shirkaduhu wacyigalinta ku bixinayaan.