Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 27 2014                                             Dul-Hijjah 3,1435H     

 

 

 

 

Shirkadda DNO Oo Ka Baxday Heshiiskii Shidaal Baadhista Ka Dib Markii Ay U Adkaysan-Wayday Musuq-Maasuqa Wasiirka Macdanta

Oslo, September 27, 2014 (Haatuf) – Shirkadda DNO ee laga leeyahay

dalkan Norway ayaa ka baxday heshiiskii shidaal baadhista ee ay kula

jirtay xukuumadda Somaliland, isla markaana joojisay dhamaan hawlihii

ku tacaluq-sanaa arrimihaasi ee ay ka waday dalka Somaliland.

Siday noo sheegeen ilo arrimahan u dhuundaloolaa, shirkadda DNO ayaa

go’aanka ka bixida Somaliland gaadhay ka dib markii ay Wasiirka

Macdanta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale kaga hor-yimaadeen arrimo

ay shirkadu ku tilmaamtay musuqmaasuq wasiirku ula yimid oo

Madaxwaynuhu-na markii ay cabasho ula tageen wax uu ka qabto daayoo uu

wasiirkiisa la saftay.

Shirkadda DNO ayaa 22-kii April 2013-kii heshiis shidaal-baadhis ah

magaaladda Washington kula saxeexatay madaxwaynaha Somaliland Axmed

Siilaanyo oo xiligaas booqasho ku joogay dalka Maraykanka.

Heshiiskan ayaa waxa shirkadda DNO lagu siiyey ruqsad ay shidaal kaga

baadhayso Block18, kaas oo ka kooban dhul baaxadiisa tahay 12,000 SQ

KM oo ku yaal barriga Somaliland.

Arrimaha la isku qabtay waxa ka mid ah miisaaniyad ay shirkadu ugu

talo-gashay in lagu wacyi-galiyo mashaariic horumarineed-na loogu

sameeyo dadka ku nool deegaanka laga sahaminayo shidaalka oo uu gabi

ahaanteeda lunsaday wasiirka macdantu.

Wasiir Ducaale oo warbaahinta Somaliland hore ugu dhaliishay

wax-isdaba-marinta iyo qaraabo kiilka (Nepotism) ayaa isaga iyo

madaxwayne Siilaanyo waxay dhawaan qandaraas lagu bixinayey ilaalinta

(Security) shirkadaha shidaal-baadhista hoos ahaan u siiyeen nin ka

soo jeeda beeshooda.

Qandaraaskan oo lagu samaynayo ciidan cusub oo ilaaliya shirkadaha

shidaalka ayaa dhab ahaan ah mashruuc ku kooban wasiirka macdanta,

madaxwaynaha iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil, iyadoo

masuuliyiinta kale ee xukuumadu magaciisa mooyaane  aanay mashruucaa

wax kale kala soconin.

Arrintan ciidan u samaynta shirkadaha ayaa markii u horaysay ee  ay

soo shaac-baxday  waxa ka qaylisay guddida UN-ka u qaabilsan dabagalka

xayiraadda hubka ee Qaramadda Midaabay hore ugu soo rogtay Somalia iyo

Eretria.

Siday warbaahinta Somaliland sheegtay ergayga UN-ka ee Somalia

Nickolas Kay iyo madaxwayne Siilaanyo oo arrinta ciidankaa ka wada

hadlay bishii August ayaa isku afgartay in si daah-furan (Transparent)

ah loo sameeyo ciidankaas.

Laakiin xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa durtaba u muuqata inay

jabisay balankaasi markii ay qandaraas aanay shaacinin ku bixisay

qorista, qalabaynta iyo hawlgalinta ciidankaas cusub.

Qandaraaskan ayaa siday warbaahintu sheegtay todobaadkii hore waxa soo

doontay lix shirkadood oo dhawaan laga diwaangaliyey dibadaha.

Guddi wasiiro ah oo loo xilsaaray inay qiimeeyaan shirkadaha araajidda

u soo qortay qandaraaskaa ayaa ku taliyey in qandaraska dib loo

baahiyo ka dib markii lixdii shirkadood midkoodna buuxin waydey

shuruudihii laga rabay.

Hase yeeshee madaxwayne Siilaanyo iyo wasiirkiisa macdanta ayaa

gaadhay go’aan aanay guddidii wasiiradu la ogayn waxaanay qandaraaskii

siiyeen mid ka mid ah lixdii shirkadood ee dhacay oo uu abbaan ka

yahay xildhibaan ay isku beelyihiin oo ka tirsan golaha wakiilada

Somaliland, kaas oo siday ilahaas noo waramay sheegeen culays kale ku

keentay shirkadda DNO isla markaana kaliftay inay ka baxdo heshiiskii

shidaal-baadhista ee ay Somaliland kula jirtay gabi-ahaantii.

Shirkadan ayaa todobaadyo ka hor laga soo celiyey dhulkii ay shidaalka

ka sahaminaysay ka dib markii ay isku dhaceen dadka ku noolaa

deegaanka barriga Ceel-afwayn.