Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
September 27 2014 Dul-Hijjah 3,1435H |
|
|
Madaxwayne Siilaanyo Oo Is-diwaangaliyey Sharcigii Oo Wali Baarlamaanka Horyaala Hargeysa, September 27, 2014 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa shalay qaatay kaadhka diwaangalinta maddaniga ah iyada oo aanu Baarlamaanka dalku wali ansixinin xeerkii lagu sharciyey-nayey diwaangalintaasi oo ay xukuumadu damacsan tahay inay ka hirgaliso dhamaan goboladda dalka. Diwaangalintan madaxwaynaha ee shalay oo siday wasaaradda daakhiligu sheegtay muwaadiniinta u saamixi doonta inay qaataan kaadhka aqoonsiga jinsiyada Somaliland waxa ku wehelinayey qaar ka mid ah wasiiradiisa oo iyaguna is-diwaangaliyey. Arrintan layaabka leh ee madaxwaynuhu ka hordhacay sharcigii wadanka ayaa waxa Mr Siilaanyo u dheer fadeexad kale oo dhacday markii uu kaadhka diwaangalinta qaadanayey iyasagoo sheegtay markaasi inuu ku dhashay magaaladda Burco sanadkii 1942, halka uu waxyar ka hor doorashadii 2010-kii sheegtay inuu ku dhashay tuulada Dheryalay oo ka tirsan degmadda Balli-dhiig sanadkii 1936-kii. |
|