Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 September 29 2014                                             Dul-Hijjah 4,1435H     

 

 

 

 

Diwaangalintii Maddaniga Ahayd Oo Fashilantay Iyo Lacagtii Shaqaalaha Mashruucaas Oo La Musuqmaasuqay

Hargeysa, September 28, 2014 (Haatuf) – Mashruucii diwaangalintii

maddaniga ah ee ay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Khamiistii

dhawayd ka bilawday magaaladda Hargeysa ayaa u muuqata mid

fashilantay, iyadoo ay soo waajaheen arrimo ay ka mid yihiin qorshe

xumo, farsamo darro iyo wacyi–galin la’aan.

Maanta may jirin wax shaqo ah oo ka socotay goobihii loogu talo-galay

diwaangalinta sida xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee uu

madaxwayne Siilaanyo iska diwaangaliyey maalintii khamiistii.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii loogu talogalay hirgalinta diwaangalinta

maddaniga ah ayaa waxay noo sheegeen in lacagtii shaqaalaha la cunay

oo ay diideen inay $10 ku shaqeeyaan labada galinba.

Waxa kale oo durtaba shaqayn-waayey qalabkii diwaangalinta ee uu

wasiirka daakhiliga Cali Warancade ku faanayey in xataa mustaqbalka

loo adeegsankaro diwaangalinta codbixiyeyaasha marka tan maddaniga ah

laga faraxasho, iyada oo ay ciladi gashay nidaamkii keydinta ee

macluumaadka (xogaha) laga qorro dadka is-diwaangalinaya usoo

gudbinayey Server-ka  xarunta dhexe ee mashruucan diwaangalinta

maddaniga.

Waxa kale oo hirgalinta mashruucan curyaamiyey waaxdiisa wacyi-galinta

oon si fiican u shaqaynin, iyadoo dadka intooda badani ay iskugu

jiraan qaar aan diwaangalinta fikradba ka haysanin iyo qaar fikrad xun

ka haystaba.

Inkasta oo Mr Warancade dhawr war oo xayeysiis ah oo mashruucan ku

saabsan ka sii daayey telefishanka xukuumadda, haddana taasi wax badan

kamay tarrin hanuunintii dadwaynaha, kalsooni-darada ay ka qabaan

warbaahinta dawladda awgeed.

Dhinaca kale cuqaashii loogu talo-galay inay ka shaqeeyaan

diwaangalinta maddaniga ah si ay u kala saaraan muwaadiniinta dalka

ayaa iyagana la musuqmaasuqay lacagtii loogu talo-galay inay ku

hawlgalaan, kuwaas oo uu wasiirka daakhiligu u qoondeeyey in

caaqil-kastaa uu ku shaqeeyo labada galin ee maalintii min $3, isagoo

waliba dhaqaalahaasi oo aan ciddi-caaradeed ka ahayn lacagta cuqaasha

ugu jirta mashruucan diwaangalinta uu haddana lacagtoodii ugu shubay

xafiisyada badhasaabada goboladda dalka oo iyagana  la caaglaystay.