Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 October 1 2014                                             Dul-Hijjah 5,1435H     

 

 

 

 

Somaliland eey Siilaanyo Waa Kaa

Waa Ninka Saleebaan Gaal, Ina-Dhul-cun Iyo Ina-Ubaxle Isku Siiyey Qandaraas $6 Milyan Ah

Sidii aanu horeba u sheegnay Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dhawaan Qandaraas qarsoodi ah ku bixiyey hawl lagu samaynayo Ciidan cusub oo ay xukuumadiisu sheegtay in loogu talo-galay ilaalinta amaanka shirkadaha shidaal sahaminta ee heshiisyada wali qarsoon kula jira maamulka Madaxweyne Siilaanyo.

Qandaraaskani muu ahayn mid inta Guddida Qandaraasyada la soo mariyey la shaaciyey si muwaadiniinta Somaliland fursad loogu siiyo inay usoo tartamaan balse waxay dadweynuhu ku war heleen in qandaraaskani jiro uun markii uu shalay Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyadu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in la siiyey shirkad uu magaceeda ku sheegay Salaaxu-Diin taas oo uu yidhi waxay ku qaadatay lix milyan oo dollar.

Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Aadan Axmed Nugaal sababta ku kaliftay inuu hada ka hadlo qandaraas aanu hore dadka ugu soo bandhigin waxay ahayd markii ay Haatuf todobaadkan ku baahisay website-keedan warar ay dadka ugu sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Macdantu Xuseen Cabdi Ducaale ay si qarsoodi ah u bixiyeen qandaraas lagu samaynayo ciidan ilaaliya afarta shirkadood ee ay Wasaarada Macdantu ruqsadaha u siisay inay dalka shidaal ka baadhaan kana soo saaraan.

Haatuf waxa kale oo ay warkeedaa ku sheegtay in Madaxweynaha iyo Wasiirku ay qandaraaskaasi siiyeen shirkad dhawaan la diiwaangaliyey oo uu ku jiro Xildhibaan Cabdicasiis Dhul-cun oo ka tirsan Golaha Wakiilada.

Hadaba waxa hada soo ifbaxay oo cadaatay in qandaraaskan abaal-gudd loo siiyey Cabdicasiis Dhul-cun, Eng Axmed Cali Ubaxle iyo Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal.

Shirkadan uu shalay ka hadlayey gudoomiyaha qandaraasyadu waxay ka mid ahayd lix shirkadood oo soo doontay qandaraaskan dadka laga qarinayey oo siday Haatuf hore u sheegtay lixdooduba ay buuxin waayeen shuruudihii.

Haba qarsadaane halkii ay ka raadin lahaayeen shirkad iska xejin karta hawshan qandaraaska lagu bixinayey ayaa Madaxweyne Siilaanyo wuxuu go’aansaday in qandaraaskan lixda milyan ee dollar ah ee lacagtiisa laga qaadayo shirkadaha uu siiyo Saleebaan Gaal iyo laba inan oo uu u adeer yahay.

Sababta uu Siilaanyo sidaas u yeelay iyo cida dhabta ah ee ciidanka laga qoran doono kala soco website-kan www.haatuf.net.