Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 October 1 2014                                             Dul-Hijjah 5,1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Madaxtooyadda Somaliland Oo Fasaxaysa Universal TV Xili Haatuf  Iyo Hubaal Xafiisyadoodii Ciidan Degan Yahay

Universal Tv Oo Dhawr Jeer Sii Daysay Barnaamijyo Ka Dhan Ah Qaran-nimada Somaliland Ayaa Sii Daynteeda Waxa Ka Qayb-qaatay, Madaxdhaqmeed Iyo Xubno Xukuumadda Ka Tirsan

Hargeysa, September  30, 2014 (Haatuf) – Madaxtooyadda Somaliland ayaa sida la sheegay maalmaha soo socda fasaxaysa telefishanka Universal TV ee ay hore xukuumadu u xayirtay ka dib markii uu dhawr jeer baahiyey warar iyo barnaamijyo ka dhan ah dawladda Somaliland.

Maamulka Universal TV iyo xubno ka tirsan xukuumadda Siilaanyo ayaa tiraba saddex jeer iskugu yimid sidii ay uga wada hadli lahaayeen xayiraada tv-gaas, balse shirarkaasi ayaa noqday kuwo aan midho dhal noqon ka dib markii madaxda Universal diiday inuu raali galin ka bixiyo barnaamijyadii ay ka gubatay madaxtooyadda Somaliland ee sababay in albaabada loo laabo gabi ahaanba xafiiskii ay magaaladda Hargeysa ku lahaayeen, lagana joojiyey hawlihii ay ka hayeen dalka.

Heshiisyadaa hore ee dhawrka jeer fashilmay ayaa sababay in aakhirkii uu maamulka telefishanka caalamiga ah ee Universal uu madaxtooyadda ka soo marro xaga madaxdhaqmeedka, kaas oo isagoo adeegsanaya Garaadka guud ee beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Boqor Cismaan Buurmadow, xubno ka mid ah madaxdhaqmeedka magaaladda Muqdisho oo qaarkood Hargeysa yimaadeen iyo wasiirka hawlaha guud ee Somaliland C/risaaq Khaliif, kuwaas oo ku guulaystay inay  madaxwayne Siilaanyo ku qanciyaan in xayiraada laga qaado telefishankaasi isla markaana uu mulkiilahoodu raali galin ka bixiyo barnaamijyadii khilaafka sababay, iyadoo aanay wali xukuumadu ku dhawaaqin inay xayiraada ka qaado TV-gaasi xaruntiisu tahay magaaladda London.

Dhacdooyinkan ayaa waxay dhacayaan xili ay Wargeysyadii Haatuf iyo Hubaal ee ka soo bixi jiray magaaladda Hargeysa ay xidhan yihiin isla markaana ay xafiisyadoodii xeryo ciidan noqdeen, taas oo shacbiga reer Somaliland dareeno aan wanaagsanayn ay ku qabaan in iyadoo Haatuf iyo Hubaal ay xidhan yihiin in la fasaxo Universal TV oo dhawr hore u baahisay barnaamijyo ay ku aflagaadaynayaan madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo xubno ka mid ah xukuumadiisa.