Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 October 1 2014                                             Dul-Hijjah 5,1435H     

 

 

 

 

Mustaqbalka Caruurtaada Ha Ugu Wan-Qalin Xiise Kuu Haya Nin Siyaasi Ah W/Q: Maxamed Cali Bileasi Ah!!!! W/Q: Maxamed Cali Bile

 

Waxa maanta jooga waxa uu ku fadhiyaa taladii iyo odorskii la sameeyey 10 sanadood ka hor. Nolosha iyo duruufaha aynu joognana wax aka mas’uul ah go’aamo hore loo sameeyey oo waxa an arkeynaa waa natiijadii. Wixii fiican ee maanta an aragnaa waxa ka danbeeyey talo fiican oo la gaadhey wakhti hore oo tegey. Wixii maanta qaldanna waxa u sal ah talo ama la ilduufey ama la isdiidsiiyey 10 sanadoo iyo 15 sanadood ka hor. Waxan uuga socdaa, hoggaamiyaha ad maanta doorataa maah xilkiisu inu maareeyo arimaha maanta taagan. Xilkiisa koowaad waa inu talo ka gaadho halka dalkan iyo dadkiisu joogi doonaan 10 sanadood ama 20 sanadood ka dib.

Sideedaba umad guusheeda iyo guuldaradeeda waxa mas’uul ka ahdadka ay hoggaanka u dhiibtey. Hoggaanka umadda ayuunbaa ka mas’uul ah iney umaddaasi guuleysato ama iney dib u dhacdo amabase baaba’do. Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda SomalilandMaanta waxa as heysataa fursad naftaada iyo mustaqbalka caruurtaada uugu hiiliso. Waxa ina soo marey ina soo maridoonana fursado an kundoorano hogganka dalka hadduu yahay doorasho xildhibaan ama doorashobguurti amaba doorasho deegaan. Waxa kale oo ad fursad u heystaa inad doorato madaxweynah dalka oo ah ruuxa ay gacantiisa ku jirto, Ilaahey ka sakow, mustaqbalkii caruurtaada iyo ta umadda guud ahaanba.

Fursadahaasi yey si dhib yar kugu dhaafin. Yaanu ficil yar oo soke iyo xintan amase caadifad reernimo kugu kelifin inad doorato madax aan umadda iyo caruurtaada la tartansiin karin umadaha caalamka.Maxamed Cali Bile

Madaxda ad dooraneyso haku qiimeyn wixii ay shaley ahaayeen oo keliya iyo wixii ay dalka u soo qabteen. Kii wax fiican soo qabtey alaal ayuu leeyahay, balse qasab maaha in loogu abaalgudo mustaqbalka caruurtaada. Kii fiican ee karti leh haa.

Waxa ad hoggaamiyahaaga ku doorataa ha noqdo aragtida iyo aqoonta uu ku dejin karo qorshe 10 sanadood ama 20 sanadood dabadeed u horseeda in caruurtaadu addunka wax la qeybsato.

Mastaqbalka caruurtaada qof ad ku qiimeysay wixii uu beri soo ahaan jirey. Haku doran wixii uu dalka u soo qabtey oo keliya. Haku doran aftahanimo ama iyo tororog qolqol joog ah. Yuu ku dagin dibjir suudh xidhan.

Inta ad indhaha isku qabato maskaxda ku sawiro ninka ama gabadha ad dooraneyso. Ka bacdina isweydii qofkaasi mayahay kii inankaaga hebel ama inantaad heblaayo mustaqbalkeeda ad ku aamini laheyn ee haddii maanta ad nooshahay iyo haddii ad dhimataba kaga gam’i laheyd. Haddii ad tidha maya ama ma hubo ama inuun uu shaki kaa galo, iskaga hadh. Jacyel iyo xiise nin kuu haya ha uugu wanqalin mustaqbalka caruurtaada. Waxa dhici karta qofka ad ku kalsioontahay inu yahay mid ka mida kuwa manta damaca siyaasadeed hayo. Balse khasab maaha inad kuwaa ku eekaato ee wuxu noqon karaa mid kale oo aan iminka muuqan.

W/Q: Maxamed Cali Bile