Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 4, 2014                                              

 

 

 

 

Somaliland Waxay U baahan Tahay Hogaamiyeyaal Leh
Aqoontii Iyo Kartidii Ay Kula Jaanqaadi Lahaayeen Casrigan Qarniga 21aad

Hargeysa, October 4, 2014 (Haatuf) - Dhibaatooyinka calculus ee Somaliland ka haysta xaga saboolnimada, shaqo la’aanta, tayo-xumida adeegyada waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ictiraaf la’aanta waxa ka saari kara oo kaliya hogaamiyeyaal wax curin kara oo aqoon ahaan iyo karti ahaanba la jaanqaadi kara casrigan qarniga 21aad ee aynu hada kaga jirno 14-ka sano. Dhibaatooyinkan kor ku tilmaaman inagama saari karaan raga sagaashan jirka ah ee hada talada dalka haya. Qofka bini’aadamka ah maskaxdiisu waxay leedahay cimri ay ku tamariso oo hadii ay dhaafto aanu qofku wax cusub oo loo aayo curin karayn.
Laakiin mushkilada ina haysataa waxa weeyi inagoo mar walba hoggaan ka dhigana shakhsiyaad talax gabay oo hal-abuurnimo dambe oo ku hadhay aanay jirin. Tusaale ahaan bal aan isweydiino’e Siilaanyo oo sideetankii kor u dhaafay ama sagaashankii cago-cagaynaya ayaynu Madaxweyne u dooranaye, suurtagal may tahay marka la eego da’da uu hada taagan yahay in maskaxdiisa inta uu tuujiyo ay ka soo dhiiqaan afkaaro iyo talooyin cusub oo ummaddan u horseedi kara horumar dhaqan-dhaqaale (socio-economic progress).
Su’aashaa hadii aynu si kale u dhigno Siilaanyo da’dan uu joogo Somaliland ma u jeexi karaa jidd uu dalkani kaga gudbi karo dhibaatooyinka haysta ee aynu hore u soo sheegnay??? Dabcan Madaxweyne ahaan iyo qof ahaanba Siilaanyo wuu jecel yahay in wax walba u hagaagaan oo dhibaatooyinka dadkiisa haystaa ay xalilmaan oo dalku wada nimco noqdo.
Laakiinse rajo iyo niyadsami oo kaliya wax kuma qabsoomaan hadii aan lala iman fikirkii, qorshihii iyo ficilkii ay ku rumoobi lahaayeen. Waa hawl adag oo u baahan dalka Somaliland oo kale qofka hogaamiye u noqonayaa in 24-ka saacadood ee wakhtiga uu hawshaa siiyo ugu yaraan 16 ka mid ah.
Camaliyan runtii maaha mid uu Axmed Siilaanyo ama Gudoomiyaha Guurtida ee Saleebaan Gaal iyo qof kasta oo la da’ ahi uu u babac dhigi karo. Laakiinse waxa aynu nahay ummadd cunta mustaqbalka ubadkooda oo waxaynu wax ku dooranaa waa qabyaaladd.
Haba ahaato qabyaalade waxaynu qabiilkii ka soo dhex dooranaa mid aynu wada ognahay inuu barito caruurta ilaa tabaashiirta ka cuni doono oo dantiisa mooyaane aanay mid kale u cuntamayn.
Ma jeclin qofka musuqmaasuqa neceb ee doona in cashuurta dadka laga qaado iyaga dib loogu celiyo iyadoo waxqabad ah. Waxaynu kaas ka jecel nahay ka bixbixiya xoolihii ummadda ee lagu tayayn lahaa waxbarashada caruurteena.
Hada ogow tacliinta iyo waxbarashadu waa raasamaalka ugu qaalisan ee ummaddi leedahay waana waxa ay wadamadii saboolka ahaa isku dhaafeen qaarna qaniga ku noqdeen qaarna wali saboolnimadii ku jiraan.
Waxa aynu qayrkeen uga hadhnay maaha badrool iyo dahab ayaan dhulkeena laga soo saarine ee inaga ayaa ah dad aan wax soo kordhin karayn oo waxa aynu sabool ka nahay cilmigii, takhasuskii iyo farsamadii aynu wax ku abuuri lahayn.
Bal aan isweydiinee imisa Injineer ayuu dalkani leeyahay?. Ma leenahay dad farsamayaqaano sare ah oo wax ikhtiraaci kara ama si cilmiyeysan u baadhi kara mashaakilka ina haysta si xall farsamo loogu helo?.
Imaatinkii taliska Siilaanyo waxa ku reeyey oo mahadiyey afmiishaaradii marfashyada iyo salaadiintii bugta ahaa oo tiradoodii ooda jabsatay.
Intii caadifada qabyaaladeed ugu codaysay inkastoo uu hada malaha saarkii ka soo dagay hadana ma jirto wax ay doorashadiisii bulsho ahaan uga faa’iidaysteen. Laakiin waxa Siilaanyo ku hungoobay intii ku tuhmaysay aqoon, cilmi iyo waayo aragnimo uu ummadda wax ugu soo kordhiyo.
Qaybtan bulshada oo u badnayd dhalinyarada ku hamida in dalkoodu gaadho umadaha kale ee horumaray oo ay qayrkood wax la qaybsan karaan ayaa goor-dambe oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen waxay ogaadeen in ninka ay iska daba socdeen iyagoon iska hubin in guntiga iyo maskaxda wax ugu laaban yihiin iyo in kale aanu shaw ahaynba aqoonyahankii ilbaxa ahaa ee ay u haysteen oo caalam uu la socdo daayoo buug uu akhriyo ay ugu dambaysay markii uu jaamacada ka baxay 48 sanadood ka hor.