Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 6, 2014                                              

 

 

 

 

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inuu Madaxweyne Siilaanyo Usoo Jeediyey Inuu Sameeyo Guddi Madaxbanaan Oo Baadha Sida Qandaraasyada Iyo Shaqaalaha Wasaaradaha Loo Bixiyo

Boorama, October 6, 2014 (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in qabyaalada iyo habacsanaanta adeegyadii dawladu qaban jirtay ee Biyaha, Laydhka, Caafimaadka iyo Tacliintu ay meel aad u daran marayaan oo aanay waxba ka qaban.

Mr Waraabe ayaa intaasi ku daray inuu dhawaan madaxweyne Siilaanyo uu usoo jeediyey inuu sameeyo guddi madaxbanaan oo baadha habka wasaaraduhu u qaataan shaqaalaha iyo habka loo bixiyo qandaraasyada dalka oo guddi baadha loo saaro labada hay’adood ee ku shaqada leh.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad Boorama loogu sameeyey dadweyne tiro bodan oo ka soo goostay xisbiga Kulmiye, kuna soo biirayay xisbiga UCID, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Waad Ogtihiin maanta dawladu adeegii ay qaban jirtay waxba ma qabato, biyihii waa lacag, laydhkii waa lacag, caafimaadkii waa lacag, tacliintii waa lacag intaba gacanta dawlada ayaanu ku soo celinaynaa insha allaahu tacaalaa.

Maanta reerkii lacag haysta ayuunbuu inankoodu jaamacada galayaa, reerkii fiqiirka ahaa fanash weey, iskuul yaroo la yidhi waa dawladoo inta sagaalka albaabka lagu xidho oo inta uu macalinku iska tago meel yaroo private school ah oo ilaa kowda ay ku xaraysnaadaan ayaa meeshii jooga, waxaanu jecelnahay in aanu iskuulada dawlada tayayno, ka private schoolka furayna aanu ku xidhno shuruudo adag ayaanu doonaynaa insha allaahu tacaalaa, in aanu badino iskuulada farsamada gacanta (Vocational Training Schools) ayaanu doonaynaa insha alaahu tacaalaa oo aanu miisaaniyada boqolkiiba 15% aanu galino tacliinta ayaanu doonaynaa, 15% aanu galino caafimaadka ayaano doonaynaa insha allaah iyo horumarinta reer miyiga oo aan laga iman miyiga oo aanu lacag galino ayaanu doonaynaa.

Maanta qabyaalad baa jirta, qabyaaladana waxa wada madaxda ilaa madaxdu hagaagtana qabyaalad laga bixi maayo, waxaan madaxweynaha u soo jeediyey maalintii dhaweyd ee Jaamacada Hargeysi Qalinjabinaysay in guddi madaxbanaan la sameeyo oo baadha sida wasaaraduhu u qaataan shaqalaaha iyo sida qandaraasyada loo bixiyo ee hay’adaha Qandaraasyada iyo Shaqaaluhu u bixiyaan.

Xumaantu meel kasta way taalaa reer Boorama gaar ha iskaga dhigina way idin taabatay ayaanu leenahay oo waxbaanu ka qabanaynaa arimahaasi. Waxaanan reer Boorama leeyahay aniga iyo Rayaale laba gudoomiye ayaanu ahayn, barigii foodka waad iga siiseen Rayaale oo wuxuu idheeraa inanta (xaaskiisa) ayaa iyaduna reer Boorama ahayd, markaa halkaasuu igaga helay, Balse doorkan waa UCID insha allaah”.