Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 23, 2014                                              

 

 

 

 

Xildhibaanada Kulmiye Oo Shir Uga Socdo Guriga Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo

Xukuumada Oo Abaabulaysa Sidii Xilka Loo Qaadi Lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka

Hargeysa, October 23, 2014 (Haatuf) - Xildhibaanada xisbiga Kulmiye ayaa caawa shir uga furmay guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, kaas oo la sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku doonayso sidii maalinta sabtida xilka looga qaadi lahaa gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro.
Shirkan ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan inay ka soo qaybgaleen ku dhawaad 40 xildhibaan oo ay ka mid yihiin labada Gudoomiye ku xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, kuwaas oo xukuumadu ay kala hadlayso sidii maalinta sabtida ah xildhibaanada la iskugu yeedhi lahaa kalfadhi aan caadi ahayn si xilka looga qaado Cabdiraxmaan Ciro.
Ilo wareedo ka ag-dhaw guriga Madaxweyne ku xigeenka ayaa Hilaacmedia u sheegay in caawa dhaqdhaqaaq xoogan laga dareemayo guriga, isla markaana baabuurta xildhibaanadu ay buux dhaafiyeen barxada hore ee gurigaasi.
Shirkan caawa madaxweyne ku xigeenku gurigiisa ugu qabano xildhibaanada Kulmiye iyo kuwa taabacsan xukuumada ayaa waxa uu ku soo beegmayaa hanjabaado iyo goodin maanta dhex martay xildhibaanada golahaasi ee kala taageersan Xukuumada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, kuwaas oo iskugu hanjabay in hadii Gudoomiye Ciro xilka laga qaado ay iyaguna golaha soo dhigi doonaan maamuus ka xayuubin ay ku sameeyaan Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee golaha wakiilada ayaa ku jira fasax, isla markaana gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna gudoomiyaha golaha Wakiilada ayaa hada ku sugan magaalada Nairobi, waxaana la saadaalinayaa in gudoomiye Saacadaha safarkiisa soo gaabin doono, maadaama oo uu jiro shirqool ka dhan ah oo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku doonayso inay xilka kaga qaado.