Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

October 23, 2014                                              

 

 

 

 

Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh Oo Lagu Amray Inuu Ethiopia Ka Baxo

Addis Ababa, October 23, 2014 (Qaran) - Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaaya in dawlada Itoobiya ay dalkeeda ku amartay in uu iskaga baxo qab qable Cali Khaliif Galaydh oo ahaa xildhibaan ka tirsan xukumadda Somaliya. Hase ahaatee ay dawlada Xasan Sheekh u soo dirtay inuu qas iyo colaado sokeeye ka abuuro deegaanada u dhaxeeya maamulka Puntland ee Somaliya iyo xukumadda Somaliland.

Qab qable Cali Khaliif ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uu dhisanaayo maamul uu ugu yeedhay Khaatumo, oo si toos ah u hoos tagi doona maamulka ka dhisan magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, iyada oo uu maamulkaasi kaga dhawaaqay geed hoostii goob ku taala xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo dhowr jeerna si sharci daro ah xadka Itoobiya iyo Somaliland ugala talaabay hub iyo baabuur uu kala yimid koonfurta Somaliya.

Cali Khaliif ayaa doraad si lama filaan ah oo aanay dawlada Itoobiyi ka war qabin u galay dalka Itoobiya isla markaasina shaaciyay in uu xagaasi kaga qayb galaayo shiarar ay qabanyso xukumadda Somaliya ee uu gadhwadeenka ka yahay Xasan Sheekh Culusow, sidaasi oo uu saxaafada u sheegay qab qable Cali Khaliif Galaydh, oo ah shaqsi doonaaya in uu colaad iyo dagaalo sokeeye ka abuuro deegano degan oo ku soo caano maalay nabad iyo deganaasho 21 sanadood ee la soo dhaafay.