SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

News File

 

 

 


Haatuf, Feb.2, 2002, Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Koox Dabley ah oo Shalay Weerartay Xabsiga Burco

 

Burco (Haatuf): Koox dabley ah ayaa shalay barqadii weerar ku qaaday Xabsiga

weyn ee magaalada Burco, halkaas oo ay tacshiirado rasaas ah isku

weydaarsadeen ilaalada Jeelka iyo kooxdaasi.

 

Siduu noo soo sheegay Weriyahayaga gobolka Togdheer, iska horimaadkaasi ma

geysan wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ah. Kooxda dableyda ah ee

weerarka ku soo qaaday Jeelkuna, waxay ka cadhaysnaayeen Siduu warku

sheegay, laba Maxbuus oo loo aanaynayay dil hore oo ay ku andacoodeen

kooxdaasi in la sii daayay.

 

Qaar ka mid ah kooxdaas oo uu Weriyahayagu la kulmay, ayaa ku eedeeyay

Taliyaha Xabsiga inuu sii daayay Maxaabiistaas, hase yeeshee Taliyaha

Xabsiga oo uu isna Weriyahayagu wax ka weydiiyay amuurtaas, ayaa ka

gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo dhacdadaas. Lama sheegin wax

tallaabo ah, oo laga qaaday kooxdaa dableyda ah ee Jeelka weerartay.

……………………………………………………….

 

Burco yaanay noqon Buul ay galaan Dadka Rabshada wadaa.

Ninka xabad halkan ka ridow, ina Cigaal ma maqlayee, halkiisa ugu tag

Faysal Cali Waraabe

 

Burco (Haatuf): Masuuliyiinta Urur-siyaasadeedka UCID oo dhawaan socdaal ku

tegay magaalada Burco iyo degmada Caynaba, ayaa ugu baaqay dadka deegaankaa

in ay ku faro-adaygaan nabadgelyadda ay haysataan, iskana ilaaliyaan dad ay

ugu yeedheen in ay rabshad wadayaal yihiin, kuwaas oo aanay diirka ka

qaadin.

 

Siduu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Togdheer, Liibaan Maaweel Shire,

Gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha Guud ee ururkaas

Axmed Muuse Geedi (Sanjab) iyo xubno kale oo ururka ka tirsan oo olole Siyaasadeed ku tegay gobolkaas, ayaa dabayaaqadii toddobaadkii tegay

fagaaraha khayriyadda kala hadlay dadweynaha reer Burco. Faysal Cali

Waraabe, khudbad halkaas dadka reer Burco uga jeediyay, wuxuu sharaxaad kaga

bixiyay Taariikhda magaalada Burco iyo taxanihii dagaaladii sokeeye ee dalka

ka dhacay, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen qaar aan jiho lahayn.

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ugu baaqay dadka reer Burco in ay

ilaashadaan nabadgelyadooda. Ninka xabad halkan ka ridow, ina Cigaal ma

maqlayee, waa in ninkii nin doonayaa ugu tagaa halkiisa, ayuu yidhi Faysal

Cali Waraabe.

 

Gudoomiyaha UCID, wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; Maaha in la qixiyo

Islaamaha Milixda iibiya iyo caruurta yaryar. Burco-na waxaan leeyahay haka

soo baxaan, Sh. Bashiir, Maxamuud Axmed Cali, Suugaanyahankii Cabdilaahi

Qarshe iyo Muuse Galaal oo kale, waa maxay buushahan ka soo baxay ee dadka

iyo haweenka isku dirayaa. Burco-na yaanay noqonin Buulal ay galaan dadka

rabshada wadaa. Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ku sheegay

khudbadiisaa, inuu hubo in ururkiisu uu ku guulaysan doono doorashooyinka la

filayo, sidaa daraadeed ayuu yidhi; Haka hadhina reer Burcoow, UCID baa

foodka helaysee, waayo daacad baanu nahay, Illaahayna daacadduu jecel

yahay.

 

Xoghaya Guud ee ururka UCID, Axmed Muuse Geeddi (Sanjab), ayaa isna hadal uu

halkaa ka jeediyay dadka reer Burco ugu sheegay in ururkoodu yahay, kii

bilaabay iskaashi uu xusay inuu u dhexeeyo ururada Mucaaridka ah iyo in ay

qaadacaan oo aan la gelin doorasho, ilaa inta dhamaystirayo xeerarkii

doorashooyinka.

 

Weftiga ururka UCID, intii uu aaggaa joogay wuxuu Xafiiskii ururka ka furay

degmada Caynaba.

………………………………………………..

 

Hawl-gal Caafimaad oo Indhaha loogu Qallayo 300-Qof oo ka bilaabmay

Ceerigaabo

 

Ceerigaabo (Haatuf): Hawl-gal Caafimaad oo indhaha loogu qallayo 300 qof oo

ka tirsan bulshada deegaanka gobolka Sanaag ayaa shalay ka bilaabmay

Cisbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo.

 

Siduu sheegay War arrintaa ku saabsan oo naga soo gaadhay magaalada

Ceerigaabo, hawl-galkaa Indhaha loogu qallayo Bukaankaa 300 qof gaadhaya

waxa fulinaya dhakhaatiir Bakistaaniyiin iyo Soomaali isugu jirta, oo

fulinta arrintaa u yimi Ceerigaabo, kadib markii ay Wasaaradda Caafimaadku

xidhiidh la samaysay. Warku wuxuu intaa ku daray in hawl-galkaasi socon

doono muddo laba toddobaad ah, maalin kastana qaliin lagu saamayn doono 30

qof oo dadkaa ka mid ah. Warku, wuxuu intaa raaciyay in dhakhaatiirtaasi ay

mar kale lix bilood kadib ku soo laabmayaan magaalada Ceerigaabo.

Waa markii u horaysay ee hawl-gal Caafimaad oo noocan oo kale ah laga fuliyo

deegaanka Ceerigaabo iyo guud ahaanba Gobolka Sanaag oo aan lahayn Jid

hagaagsan oo ku xidha gobolada kale ee dalka, inta badana aan helin daryeel

Caafimaad oo wanaagsan.

……………………………………………..

 

Madaxweyne Cigaal: Soo Noqodkiisii, Jawigii Socdaalkiisa iyo Xog-warankii

Odayaasha

 

Marka uu Nin weyni arrin wax ka garan waayo wuu khalaaweeyaa

 

Berbera (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa

shalay ku soo laabtay xarunta Hargeysa, kadib markii uu soo dhamaystay

socdaal saddex maalmood qaatay oo uu ku tegay magaalada Berbera Arbacadii

tagtay.

 

Madaxweyne Cigaal oo Duhurnimadii soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka hor

intii aanu ka soo ambabixin magaalada Berbera, waxa uu kulan kula yeeshay

Odayaal iyo Wax-garad kale oo ka tirsan deegaankaas. Arrimihii uu kaga

hadlay kulankaas iyo Jawigii guud ee socdaalkiisa Berbera-ba, waxa

Warbixintan ka soo diyaariyay Weriye C/Risaaq M. Dubad, oo socdaal hawleed

ku joogga Berbera.

 

Calanka Jamhuuriyadda oo ka babanayey baabuurta yaryar iyo dhimayaasha

magaalada ayaa ku cusbayd magaalada, mana jirin dhaqdhaqaaq qayra-caadi ah

oo ku dareensiinayay  in magaalada uu booqasho ku joogo Hoggaamiyihii

Qaranku. Galabnimadii Arbacadii, ayuu goor gaaban Madaxweynuhu socdaal kadis

ah oo cidi ku wehelin ku yimid magaalada. Dadweynaha magaalada oo si weyn

loogu abaabulay soo dhawayntiisa, ayaa arbacadii oo dhan Wadooyinka u

taagnaa, hase yeeshee may suuro-gelin in ay arkaan Madaxweynaha, isla

markaana muddo dhowr Caana-maal ah oo Madaxweynuhu ku sugnaa Berbera, waxa

ay dadku dhaqdhaqaaqiisa dareemeen oo keliya Jimcihii, isaga oo ka soo baxay

Guriga Martida ee uu ku degay oo ku yaalla dhinaca Galbeed ee magaalada,

markaas oo uu uga baxay magaalada dhinaca Xeebta Batalaalle, oo dhacda

Waqooyi-bari ee magaalada Berbera, halkaas oo looga diyaariyay meel uu ku

nasto, ammaankeedana aad loo adkeeyay. Waxaanu magaalada dhexmaray iyadoo

Tikniko iyo Gaadiid kaleba gelbinayaan. Waxaana Ciidamo la dhigay Jidadka u

baxa Xeebta Batalaalle oo gebi ahaanba laga celinayay dadka caadiga ah.

Marka laga yimaado Taliyaha Booliiska oo la socday Madaxweynaha, markasta oo

uu meel u baxayana u sahamiya dhinaca ammaanka iyo Badhasaabka gobolkaas oo

ahna Maayarka magaalada iyo Maareeyaha Dekedda mooyaane, ma jirin

dhaqdhaqaaq kale oo Siyaasadeed oo caynkaas ah, Inkasta oo dadka reer

Berbera ay ii sheegeen in magaalada oo maalmihii hore cidlo ahayd ay

waxoogaa dad iyo gadiid ahi ku soo biireen intii Madaxweynuhu joogay,

taasina ay waxoogaa diirimaad ah ku soo kordhisay dhaqdhaqaaqa magaalada.

 

Waa markii labaad muddo saddex bilood gudahood ah ee uu Madaxweyne Cigaal,

socdaal kedis iyo kelinimo-socod ah ku yimaado Berbera, waana markii

saddexaad muddo laba sannadood gudahood ah ee uu socdaal kan la mid ah ku

yimaado Berbera. Socdaalkan iyo kii ka horeeyayna, waxa ay ahaayeen qaar

isku qaab ah, marka la eego ujeeddada Caafimaad iyo Nasasho ee labada goorba

sida ficilka ah u muujiyay.

 

Guud ahaanba socdaalada noocan ah ee Madaxweynaha, waxa ka dhasha tuhun iyo

xiisad Siyaasadeed, waxaana looga bartay inuu fursad u helo arrimo uu

haleeli la’aa, kuwaas oo lagu macneeyay in hawo bedelashadiisa Nafsadeed ay

dabadda ku hayso hawo-gedis Siyaasadeed. Sidaa darteed, ayaa aad loogu dheg

taagayay, dani weyna laga qabay biyo-dhaca iyo dulucda socdaalkiisa.

 

Hase yeeshee, si ka duwan Safaradiisii hore Madaxweyne Cigaal, wuxuu

Jimcihii fadhi guud oo qayilaadeed ugu waramay Odayaasha, Wax-garadka iyo

Maamulka deegaankaa oo isu dhan. Siduu ii sheegay Nin Oday ah oo ka

qayb-galay kulankaasi, Mudane Cigaal wuxuu u sheegay in uu shirkaa u qabtay

in ay isku xog-waraystaan Odayaasha, si aydinnaan isu odhan ayuu yidhi:

Guriguu xidhay, isagoo intaa raaciyay in aanu ujeedo kale iyo arrimo kale

u iman, balse waxa uu laba maalmoodba badda u joogay ee uu u yimid ay tahay

arrimo Caafimaad oo dhakhtar kula taliyay, waxaanu ka cawday Xanuun uu

tibaaxay inuu ka hayo lugaha iyo qaarka dambe. Waxa kale oo uu carabaabay

ujeeddada kale ee uu yimid oo ugu yeedhay KHALAAWEYN, taas oo uu xusay

isaga oo ereyga Khalaawe carabka ku adkeynaya, mid uu sameeyo marka uu

Jawiga waxba ka garan waayo; Marka uu Nin-weyni arin wax ka garan waayo,

wuu Khalaaweeyaa.

 

Madaxweyne Cigaal, oo la isla dhexmarayay in uu gor-gortan iyo waan-waan la

billaabi doono Mucaaridkiisa ama uu u fekerayay sidii uu isaga fudaydin

lahaa culayskooda, taas haabkeed ma hayn, mana beenin in Cadaadis

Siyaasadeed oo cabudhiyay uu jiro. Wuxuu ka hadlay rajo fiican oo uu ku qabo

beesha Caalamka, oo wakhtigan diiradda soo saartay dalkii Soomaaliya la

odhan jiray, Somaliland-na uu xusay in ay garowshiiyo heshay. Wuxuuse taas

barbar dhigay, Caqiibo-xumo Siyaasadda Gudaha ka muuqata. Isaga oo ka

waramayay Mucaaridkiisa oo uu ku eedeeyay in ay Colaad hurinayaan, waxa uu

carabka ku adkeeyay oo gaashaanka ku dhuftay goaan ay dhawaan soo wada

saareen ururada SAHAN iyo ASAD oo ay ku sheegeen in ay hawl-galayaan sidii

loo dhisi lahaa Xukuumad dastuurka waafaqsan. Wuxuu xusay in rag Siyaasiyiin

ah ay ku hanjabeen in dagaal dhacayo iyo in ay Ciidan saarayaan, waxaanu

farta ku fiiqay Burco iyo deegaamo bari ka xiga.

 

Waxa kale oo uu sheegay in uu ka xun yahay Muddo-kordhinta sannadka ah,

taas oo uu xusay in uu ka doorbidayay doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca,

oo uu muujiyay in ay ahayd sida ugu dhow ee uu kaga guulaysan lahaa

Mucaaridkiisa, oo uu carabka ku dhuftay in aanay ku kalsoonayn doorashada.

Dib-u-dhaca doorashadana, wuxuu eedeeda dusha ka saaray Baarlamaanka.

 

Ugu dambayntii, Mudane Cigaal xaaladdaa uu ka dayriyay wuxuu canaanteeda wax

ka saaray Odayaasha iyo Wax-garadkii dhegaysanayay ee Shirka fadhiyay, oo uu

ku tilmaamay in ay gaabiyeen kaalintoodii oo uu sheegay in ay ahayd in aanay

ka aamusin ee ay runta u sheegaan, iskana qabtaan kuwaa uu ku tilmaamay in

ay fidmada hurinayaan. Odayaashii iyo Ragii fadhigaa ka qayb-galay,

dhinacooda wax hadal ahi kama bixin.