SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf, issue35, Feb.10, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Wefti ka socda Xafiisk Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa Sooranka Ingiriiska oo

shalay ka dhoofay dalka

 

Harg (Haatuf): Mr. Philip Batson oo madax ka ah Qaybta Geeska Afrika ee

waaxda Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa Sooranka u qaabilsan Afrika,

ayaa shalay ka ambabaxay Hargeysa, kadib markuu soo gebagebeeyay booqasho

shaqo oo uu muddo saddex maalmood ah ku joogay dalka.

Mr. Baston, waxa baaqashadiisa ku weheliyey Mr. Owen Richards oo ah

ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda u qaabilsan Safaradda Biritayn ku

leedahay Addis Ababa, oo isagu weli ku sugan Hargeysa.

Mr. Baston iyo weftigiisu oo soo gaadhay Khamiistii aynu soo dhaafnay, waxa

intii uu dalka joogay kulamo la yeeshay Madaxda hayadaha dawladda, ururada

bulshada madaniga ah, axsaabta Siyaasadda iyo dadka dhalashada Ingiriiska

haysta ee dalka jooga. Waxana uu ugu dambayntii shalay weftigu kulan iyo

wada xaajood kula yeeshay Qasriga Madaxtooyadda Madaxweynaha Somaliland,

Mud. Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

Si rasmi ah daboolka loogama qaadin ujeedadda booqashada weftiga iyo

arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Cigaal. Hase yeeshee, Madaxa weftiga

Mr. Philip Batson oo shalay intii aanu dalka ka dhoofin Madaarka ugu waramay

Weriyayaal ka tirsan Wargeysyada Haatuf iyo The Somaliland Times, ayaa

sheegay in booqashadiisu ay ahayd mid xaqiiqo raadis ah oo ay ugu kuur

gelayeen, kuna indha-indhaynayeen xaaladda dhabta ah ee Somaliland ku sugan

tahay.

 

Mr. Batson oo ka jawaabayey suaal ku saabsanayd in dad badan oo reer

Somaliland ahi ay ku dhalliilaan dawladda Biritayn oo dalkan xukumi jirtay

Cahdigii gumaysiga, isla markaana dadka Somaliland ay la dagaal-galeen

Ingiriiska dagaalkii labaad ee dunida, waxa uu yidhi; Waa run, Somaliland

iyo Biritayn waxa ka dhexeeya xidhiidh taariikhi ah oo soo taxnaa boqol

sannadood in ka badan, xidhiidhkaasina waa mid ilaa maanta jira, taas baana

keentay booqashadan maanta halkan aanu ku joogno.Waxana uu qiray in dadka

reer Somaliland u hiiliyeen Biritayn dagaalkii labaad.

 

Mr. Batson, isaga oo ka jawaabaya suaal laga weydiiyey waxyaabihii uu kala

kulmay iyo aragtidii uu ka qaatay Somaliland intii uu joogay, waxa uu yidhi:

Sannad ayaa hadda laga joogaa markii iigu dambeysey ee aan Somaliland

imaado, waxayna iila muuqata meel xasiloon oo nabadii ka jirto, dadkuna isku

kalsoon yahay oo ay ku dedaalayaan sidii ay u soo celin lahaayeen noloshii

caadiga ahayd iyo horumarinta danahooda.

 

Waxa kale oo ay Weriyayaashu weydiiyeen Mr. Batson, sida dawladda Biritayn

waxa u gala qaban karto Somaliland, sidii xal loogu heli lahaa xayiraadda

ilaa iyo hadda saaran xoolihii noolaa ee Somaliland u dhoofin jirtay dalka

Sucuudi Carabiya oo Boqortooyada dalkaasi joojisay September, 2000. Waxa uu

ku jawaabay oo uu sheegay in goaaminta arrintaas aanu isagu awood u lahayn,

balse waxaan ogahay ayuu yidhi; In dawladda Biritayn ay dareensan tahay

saamaynta dhibaatada leh ee ay ku keentay xayiraaddaasi, xoolo-dhaqatada

Somaliland iyo kuwa mandaqaddaba. Waxana uu intaas ku daray; Waxaanuse

kollay ka tashan doonnaa sidii aan Somaliland iyo Gobolkaba aanu wax ugala

qaban lahayn dhibaatada kaga timi xayiraadda xoolaha.

………………………………………………

 

Waxbadso wax beel bay dhashaa

Mudane Aadan Jaamac Saxar, Golaha Wakiillada

 

Dadweynaha reer Somaliland waxaa hore u ragaadiyey sicir-barar, maalin kasta

si xun kor u kiciya dhammaan nolosha. Sicir bararka waxaa cir bixiyay

lacagta Qaranka ee mar walba inta la iska soo daabaco si indho la’aan ah

suuqa ugu fatahda. Tusaale haddii aan soo qaato, waxaa inagaga filan shaxdan

heerarka bararka muujinaaya.

Taariikh        Sl.Sh. per USD

25/7/95 50.00

25/10/5 80.00

30/10/95        280.00

4/11/95 300.00

12/11/95        310.00

13/5/96 1,400.00

31/7/96 1,550.00

31/8/97 2,800.00

31/10/97        4,000.00

31/12/2000      4,450.00

31/5/2001       6,150.00

31/8/2001       7,150.00

20/9/2001       7,500.00

31/9/2001 & wixii ka dambeeyay  7,100.00

 

Dadweynaha reer Somaliland 50% in lagu qiyaasay ayaan dheri dab saarin,

intooda badanina waxa ku nool yihiin shaxaad ka dhigan Nin qadhaab hela Nin

iskaba qada hala qarafsado. Iyadoo marxaladdan xun lagu jiro, ayaa waxaa af

kala qaad iyo fajac noqday cashuurtii ayaa kor loo qaaday 65%, kor u

qaadkaas cashuurtu waxay dusha ka fuulaysaa dadweynaha awelba nolosha adag

ku jirey, waayo, waa Cashuur dadban (Indirect Taxation), ninka ganacsatada

ahna waxba yeeli mayso, wuxuuna kor saarayaa qiimihii hore ee uu wax ku gadi

jiray.

 

Dadweynow, haddii aynu iskaba yeeli lahayn Xukuumaddu sharci ma u haysaa

heerka cashuurta lagu bedelo? Qodobka 13aad faqradiisa koowaad ee dastuurku

waxay ina faraysaa in aan Cashuur la qaadi karin haddaan xeer jideyn.

Qodobka 13aad faqradiisa 2aadna, waxay ina faraysaa curinta iyo wax ka

bedelka cashuuraha waa in xeer jideeyo.

Waxaa la yaab leh xeerkaasu mee? Macquul ma aha wax la qaadan karona ma ahaa

shaygii halkiisa Doollar ku qiimaysnaa 2500/= Sl.Sh, mar qudha waxaa loo

boodsiiyey 7,000 (Toddoba kun).

Isbedel dhaqaalaha ku dhacay dalka Argentiin, afar Madaxweyne ayaa muddo yar

iska daba daatay, dalka Maraykanka wakhtigii dhaqaale burburka (Great

Depression), ee 193aadkii waxaa lagu riday dawladii The more you increase

the taxes the less you collect. Waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa inay

korodhsiimadan cashuurta ka noqoto sida ugu dhakhsaha badan (The sooner, the

better). Xukuumadaha dadweynahooda u daneeyaa, daryeelkoodana ka shaqeeyaa

waxay hoos u dhigaan cashuurta. Mr. Bush, wuxuu ku guulaystay markuu

ololihiisii ku ballan qaaday inuu cashuurta dhimi doono.

Md. Aadan Jaamac Saxar

………………………………………

 

Hargeysa TV labaad ayay u baahan tahay

 

Hargeysa oo ah Caasimadda dalka Somaliland oo Shacbiga ku nooli uu imika aad

u badan yahay, Tilifayshinka hadda jirana la sameeyay sannadkii 1997kii,

kaas oo dalku u baahnaa run ahaantii wax badana uu u soo kordhiyay, ahna

meelaha laga eego horumarka dalka, way ku ammaanan yihiin dadkii Fikradaasi

lahaa ee hindisay, Madaxda iyo kuwa la shaqeeyaana aad ayay u ammaanan

yihiin.

 

Haddaba, waxa jirta dhalliilo badan oo ilaa maanta ka muuqda TV-ga Hargeysa,

una baahan wax ka qabasho iyo toosin. Taas oo aan dhawr jeer oo horana

fikrad iyo tallaba ka dhiibtay, anigoo ku faafiyay Joornaalada, talladaydana

waxa weeyaan tii saddexaad een arrintan ka bixiyo. Waxaana ka mid ah:

1.      Habeenka Jimcaha, waxaad saartaan Riwaayado reer Jabuuti ah ood mid

walba Toban jeer ku soo celiseen, waxa haboon in aad ku bedeshaan Riwaayadaha

Wadaniga ah ood isku taxalujisaan sidaad u soo heli lahaydeen Cajaladahooda,

soona ururisaan. Mida kale Cajaladaha Muxaadarooyinka Diiniga ah sida kuwa

uu duubay Mustafe Xaaji Ismaaciil iyo kuwa la midka ah oo aad soo daysan

Toddobaadkii laba ilaa saddex jeer.

2.      Goob kasta oo shaqo wax soo saarkeeda, hagaajinteeda iyo sumcadeedu

waxay

ku dhisan tahay amba tayadeedu noqotaa marba sida loo raali geliyo

shaqaalaha goobtaas hawlaha ka wada.

3.      Maadaama aad Janalkii 2aad ee Ciyaaraha aad siiseen TV-ga aad ka

furteen

Boorama, waa in aad Janal 2aad oo Ciyaaraha u gooniya si degdeg ah aad u

samaysaan.

4.      Waa in aad Barnaamijyadiina ku soo dartaan Barnaamijka magaala joog

xumada, idinkoo kaga hadlaya dadka hab-dhaqanka xun leh ee magaalada ku soo

badanaya.

5.      Soo saarayaasha barnaamijyada ee TV-ga Hargeysa, way ku mahadsan yihiin

Barnaamijyada kala ah: Xogta maanta iyo Caawa iyo Barnaamijka Hal Adayg,

Barnaamijka Daafaha Dunida, waana in wax laga bedelo barnaamijyada tayadoodu

hadda liidato, sida Haanta TV-ga iyo Rayiga dadweynaha. Warka Soomaaliga ah

oo wakhtigiisu aad u gaaban yahay intuu socdo waa in la dheereeyo sida

TV-yada Caalamiga ah, laguna soo darro wararka muuqaal ahaan meeshii u

baahanba, Weriyayaashuna ay xil iska saaraan siday wax uga soo duubi

lahaayeen magaalada gudaheeda wararka muhiimka ah, sidoo kale gobolada iyo

degmooyinkaba wararkooda oo muuqaal ah ay ka soo duubaan

6.      Ma aha TV-gu inuu soo duubo oo keliya meesha ay xaflad amba Siminaar ka

jiro ee looga yeedho ee waa in ay ka war doontaan dhacdooyinka joogtada ah

ee magaalada iyo dalkaba, taas oo ay ka heli karaan dhacdooyin xiiso badan,

amba muhiim ah amba la yaab ah oo loo baahan yahay, isla markaa soo

taabanaya soona duubaya wixii fool-xumo wadanka ku ah ee ka hagaajin u

baahan iyo wixii horumar ah ee wadanka u soo kordha. Waa in aad wararka iyo

dhacdooyinka joogtada ah Ikhtiyaarkiina u raadsataan.

Haddaba, waxaan ku guubaabinayaa Ganacsatada Hargeysa in ay qaarkood isku

tagaan una sameeyaan Tilifayshan 2aad oo ay Caasimaddu aad ugu baahan tahay,

iyaguna ay ka heli doonaan dhaqaale badan, dalkana wax ugu soo kordhin

doonaan. Shacbiga laftooduna waxay helayaan in ay kala doorasho ku sameeyaan

labada TV, oo ay hadba kii wanaagsan doortaan.

Ismaaciil C/Raxmaan Cumar-xaashi, Hargeysa.

………………………………………………………..

 

Cashuurta 280% La Kordhiyey Waa Khamaar Dhaqaale

Dr. Ismaaciil I. Axmed --- London

 

London (Haatuf): Dr. Ismaaciil Ibraahim Axmed oo ah aqoonyahan u dhashay

Somaliland, wakhtigana degan magaalada London ee Cariga Ingiriiska, ayaa ka

hadlay Tallaabada Cashuur-kordhinta ah ee Xukuumaddu dhawaan ku tallaabsatay

oo uu ku tilmaamay Cashuurtii ugu badnayd dunida ee maalin keliya la

kordhiyo. Dr. Ismaaciil, wuxuu cadeeyay in tallaabadan cusubi ay tahay mid

horseedi karta Khalkhal Siyaasadeed iyo burbur dhaqaale intaba.

Dr. Ismaaciil Ibraahim oo Macalin ka ah Jaamacad ku taal dalka Ingiriiska,

isla markaana ah la-taliyaha ururka IGAD ee dhinaca Cilmi-baadhista, wuxuu

qoraalkaasi ku bilaabay sidan:

 

Haddii ujeeddada dawladdu tahay in sida ugu dhakhso badan loo burburiyo

dhaqaalaha oo muddo yar dad aan qiyaas lahayn la shaqa tiro, cashuurta oo

maalin qudha la kordhiyo 280% waa tallaabada keliya ee la hubo in ay si

degdeg ah u keenayso khalkhal dhaqaale. Kordhintan cashuurta oo ah tii ugu

badnayd ee maalin qudha waddan nabad ah lagu soo rogo, waxay si toos ah u

taabansayaa nolosha iyo dhaqaalaha 3.5 milyan oo reer Somaliland ah.

 

Arrintani waxay kusoo beegantay wakhti isbedello muhiim ah oo khuseeya

cashuuruhu ay ka dhaceen Jabuuti iyo Puntland oo ganacsiga kula tartama

Somaliland. Jabuuti waxay todobaadkii hore ku dhawaaqday in tacaariifta

badeecadaha intooda badan oo ahaan jirey 35% imika laga dhigay ilaa 10%,

halka kii Somaliland ee ahaan jiray ilaa 10% imika laga dhigay 35%. Sidoo

kale waxaa Puntland la joojiyey gebi ahaanba cashuurihii laga qaadi jiray

ganacsiga isbedelladii dhowaan ka dhacay dartood.

Waxyaalaha ka dhalan kara tallaabadan waxaa ka mid ah: (1) in badiba

ganacsigu u wareego Puntland iyo gobollada kale ee Soomaaliya oo aan wax

cashuur ah la bixin, halkaana ay ku shaqo waayaan dad badan oo ka xoogsan

jirey ganacsiga; (2) in badeecadaha transit-ka ah ee Itoobiya loo

wareejiyo Puntland iyo Jabuuti oo aan cashuur ka qaadin alaabooyinka

dhaafaya, taasi oo dhalin karta in ganacsato badan oo reer Somaliland ah ay

suuqan ka baxaan; (3) in musuqa iyo laaluushku intii hore aad uga sii bato

marka dadka la weydiiyo lacag aanay awoodi karin; (4) in dhaqdhaqaaqa guud

ee ganacsiga yaraado, qiimaha shilinka Somalilandna uu hoos uga dhaco halka

uu maanta joogo marka badh ka mid ah badeecooyinkii shilinka Somaliland lagu

kala iibsadaa u wareegaan meelo laga isticmaalo lacago kale; (5) in

raashinka quutal daruuriga ah ee bariisku ugu horreeyaa uu suuqa kusii yaraado oo markaana qiimihiisu kordho in ka badan ta cashuurta.

 

Cashuurtani waxay khaasatan toos u taabanaysaa dadka kuwa ugu saboolsan oo

marka horeba culayska ugu badan ee cashuurtu saarraa. Nidaamkan cashuurta ee

imika jira oo ah kii laga dhaxlay taliskii Afweyne ayaa wuxuu u shaqeeyaa

qaab regressive ah oo qaybta ugu badan waxaa bixiya dadka danyarta ah,

halka dunida kale uu ka jiro nidaam progressive ah oo qaybta ugu badan ay

bixiyaan kolba dadka hantidooda iyo dakhligoodu sarreeyo. Tusaale ahaan,

qoyska saboolka ah ee wixii soo galaa inta badan ku baxaan raashin, dhamaan

cuntada ay iibsadaan sida bariiska, qamadiga, sonkorta, saliidda iyo

caana-boodhaha dibada ayaa laga keenaa oo dawladdu waxay ka qaaddaa cashuuro

gaadhaya ilaa 18%. Dadka dakhligoodu sarreeyo oo iyaga cuntadoodu u badan

tahay mid aan cashuur laga qaadin sida hilibka, subagga, caanaha xoolaha,

malabka iyo khudaarta waxaa cashuur ku soo hagaaga in ka yar 0.01% dakhliga

soo gala maaddaama adeegyada iyo badeecadaha kale ee qaaliga ah ee ay

isticmaalaan aanay dawladdu cashuurin.

 

Waxaa miisaaniyadda dawladda ku jirtay in mushaharooyinka ciidamada la

kordhinayo 24.2% si heerka noloshooda kor loogu qaado. Askartu waxay ka

mid yihiin qoysaska dan yarta ah ee in ka badan 80% dakhligoodu ku baxo

cunto, daawo iyo dhar dibadda laga keeno, kolkaa cashuurtan la kordhiyey waxay kharashkooda ku biirinaysaa ugu yaraan 28%. Haddaba cashuurta

tallaabadani in ay wax ka dhinto mooyaane haba yaraatee waxba uma

kordhinayso ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dawladda toona. Haddii (sida

laga yaabo in ay dhacdo) qiimaha shilinka Somaliland hoos usii dhaco waxaa

imanaysa in lacagta loo kordhiyey wax ka badan ay ku waayaan isbedelka

sarrifka oo qudha.

Shaki kuma jiro in xukuumaddu iyada oo aan kasoo baaraandegin ay goaankan

ku dhaqaaqday. Haddaba waxa la gudboon inta aanay dhibaatooyin badani dhicin

in ay si degdeg ah wax uga bedelaan goaankan. Waxaa la gudboon in arrimaha

noocan ah aanay ku degdegin iyaga oo aan si ballaadhan oo miyir qabta u

darsin raadka uu isbedelkan oo kale ku yeelan karo qayb kasta oo dhaqaalaha

iyo nolosha dadka ka mid ah.

Maxaa u Baahan in Cashuuraha Laga Bedelo?

Haddii ay dawladdu dhab ahaan u doonayso in ay wax ka qabato dhibaatada mar

kasta taagan ee ka jirta xagga cashuuraha iyo kharashka dawladda, looma

baahna in cashuurta 280% la kordhiyo ee waxa loo baahan yahay in lagu

dhaqaaqo tallaabooyin ay ka mid yihiin:

(1) Musuqa iyo xatooyada oo wax laga qabto. Qiimaha badeecadaha dibadda laga

soo dejiyey sannadkii 2001 oo aanu ku jirin qaadku waxaa lagu qiyaasay in ka badan $650 milyan. Haddii 5% cashuur ah laga qaado, waxaa khasnadda dawladda

kusoo xeroon lahaa $32.5 milyan, taasi oo saddex laab uga badan lacagihii

rasmi ahaan dawladda ugasoo xarooday kastamada. Haddaba cashuurta la

kordhinayaa waxa keliya ee ay dan u tahay dadkii horeba u lunsan jiray

cashuurta iyo ganacsato yar oo dawladda ku xidhan oo ay iyaga ku baaqato

lacago badan oo cashuur ahi.

(2) In si weyn wax looga bedelo qaabka ay cashuuruhu u dejisan yihiin.

Waddamada la midka ah Somaliland in ka yar 40% ayaa cashuurahooda kasoo

xerooda kastamada oo ganacsiga dibadda laga qaadaa. Inta kale waa cashuuraha

berriga oo la saaro dakhliga dadka, shirkadaha, hantida ma-guurtada ah iyo

iibka alaabooyinka iyo adeegyada dalka gudihiisa. Somaliland in ka badan 95%

dakhliga dawladdu wuxuu kasoo xeroodaa cashuur toos loo saaro ganacsiga

debedda. Sida daraasad uu Bangiga Adduunku sameeyey ay sheegayso sannadihii

80-nadii Soomaaliya waxay ahayd dalka keliya ee cashuurahooda 95% kasoo

xeroon jireen kastamada. Ujeeddada ay dawladdii Afweyne ka lahayd waxay

ahayd in lagu curyaamiyo ganacsigii dibadda ee ay dadka reer Somaliland la

lahaayeen adduunka. Waa maxay ujeedadda dawladdeennu?

(3) In cashuuraha laga qaado raashinka daruuriga ah gebi ahaanba la joojiyo.

Nidaamkan jira waxaa ka dhashay in maanta qoysaska dalka ugu liita ee ku nool wax ka yar hal doollar maalintii ay dawladdu ka qaaddo in ka badan 20%

dakhliga bishii soo gala. Shakhsiyaadka iyo shirkadaha dalka gudihiisa ka

shaqeysta ee aan iyagu dibadda waxba toos ugala soo degin ma jiraan wax

cashuur ah oo laga qaado. Hayadda ama shirkadda bishii bixisa biil telefoon

oo gaadhaya ilaa $10,000 ayaa nidaamkani ogol yahay in aanay wax cashuur ah

bixin. Sidoo kale waa in la yareeyo ama la joojiyo cashuuraha tooska ah ee

laga qaado waxbarashada, daawooyinka, qalabka warshadaha dalka iyo kuwa

beeraha.

(4) In dawladdu ogolaato in dadkeedu la xisaabtami karaan oo aan dakhliga

iyo kharashka dawladda loo dhigin sidii ay yihiin Sir Qaran oo kale.

Dawladda waxaa looga baahan yahay in ay si toos ah uga jawaabaan suaalaha

ku saabsan xisaabaha dawladda. Dakhliga soo galaa ma aha mid deeq ah oo lagu

caawiyey ee waa cashuur dadka toos looga qaadey. Qof kasta oo cashuur

bixiyaa xaq dastuuri ah ayuu u leeyahay in uu ogaado xoolaha dadka laga

ururiyaa sida ay u baxaan. Iyada oo imika ay jiraan dareen ah in lacagihii

ummadda lagu takri falay oo ay dawladdu ku maalgelisay xisbiga UDUB, waxaa

loo baahnaa in dadka xisaab cad loo soo bandhigo.

 

(5) In degdeg wax looga qabto kharash bararka ka jira wasaaradaha dawladda.

Shay kasta oo dawladdu iibsato waxaa qiimisa la kordhiyaa ilaa 10 jeer.

Gaadhiga suuqa Hargeysa ka jooga $2,000 waxay dawladdu siisaataa in ka badan

$10,000. Kombiyuutarka suuqa ka jooga $700 wasaaraduhu waxay ku iibsadaan

ilaa $4,000. Miiska iyo kurisiga  suuqa ka jooga $120, dawladdu waxay ka

bixisaa $1,400. Khadka printer-ka ee suuqa ka jooga $27, dawladdu waxay ku

iibsataa in ka badan $100. In kasta oo aanay safarro dhaadheer dawladdu u

bixin, shidaalka ku baxa wasaaradaha sannadkii waxay lacagtiisu dib u dhisi

lahayd waddooyinka dalka oo dhan.

…………………………………………………….

 

Afrika: Cilladda Hoggaaminta iyo Hootada sita

 

Marka aad indhaha qac ku siisid map-ka qaaradda Afrika waxa markiiba ku soo

dhacaya maskaxda: gumaysigii halgankii Pan-Africanism, sannadka Afrika

raadaynta dagaalka qaboobaa, xukun militari, qaxootinimada, faqriga ka jooga

qaarada hodanka iyo ururada badan ee ka jira Afrika ee hootada ku sifoobay;

sida OAU-da loo beddalay AU, IGAD iyo qaar badan oo kale.

Halgankii dhiidhiga Pan-Africanism ee bilowga qarnigii 20aad ee Afrika, waxa

sees adag iyo hooyo u ah aqoonyahanadii saanmadoobaha ahaa ee aasaasay 1910.

waa berigii ugu horreeyay ee dhiidhiga Afrika u gaadho xor iyo nolol taam ah, laakiin cabudh ku yimid. Waxay ahayd riyo halgan , himilooyin, wacyigelin iyo midayn oo kala ah:

Iska rogida heeryada gumaysiga.

Xorriyadda, Xaqsoor, sharafta dadka, siyaasadda, dhaqaalaha masiirka iyo

dhaqanka ee Afrika. Wadaaga iyo midaynta khayraadka qaarada.

Pan-Africanism, waxay xambaarsanayd in ummadaha qaaradda Afrika ay

hab-dhaqan wadaag siyaasadeed iyo dhaqaale samaystaan. Sida awgeed wadano

badan ayaa ka dhiidhiyay heeryadii gumaysiga. Afrika way ku kala horaysay

dhiidhiga. Waddada, sida badan loo maray gobonimada waddanada Afrika waxay

ahayd habka xisbiyada badan oo ahaa dhaqan siyaasadeed oo ku cusub.

Waxay Afriki reentaba sannadka 1960-kii, waxa lagu magacaabay in uu noqdo

sannadkii Afrika, waxa la tuuray heeryadii gumaysiga, waayo waqtigaasi

waxa aad u sarreeyay xumaha xaraaradda dagaalka qabow.

 

Madaxdii dawladaha Afrika ayaa ku dhaqaaqay xoojinta himilooyinka falsafadda

Pan-Africanism.

Sidaa awgeed waxa xaqiiqo noqday in la aasaasay urur qaaradedka Afrika ee

OAU-da (Organization of African Unity) sannadkii 1963 bishii May oo

xarunteedu tahay Addis-Ababa Ethiopia. OAU-da waxa loo sameeyay Jartarka

dhaxalgal ah oo ay ku bilaabeen 38 dawladood oo madaxweyneyaashoodu

saxeexeen 1963-kii.

 

Hadddaba maxaa u sabab noqday hootonimada OAU-da 40-kii sano ee ay jirtay?

Jawaabta ka hor, imisa urur-qaaradeed caalamiya iyo urur-goboleed ayaa

Afrika laga sameeyay oo saamayn dhinacyo badan ku yeeshay arrimaha umadaha

Afrika 40-kii sano ee u dambeeyay?

Urur-qaaradeed kaliya ayaa ka jira qaarada Afrika oo ah OAU. Laakiin waxa

OAU-da lagu sameeyay dib-u-habayn.

Xaajadda dib-u-habaynta waxa muddo badan foolanaayay madaxweyne Mucamar

Al-qadaafi, kadib markii uu Qadaafi ka quustay ururka Carbeed [Arab League].

OAU-da waxa magaceedii hore loo beddalay (All Africa Union) sannadkii 2000.

Haddaba maxaa saldhig u noqday OAU/AU hootonimada dhinac kasta?

Ururada caalamiga ah ee dawladaha Afrikaanka ah intooda badan waxaan si cad

daaha looga qaadin inay yihiin carqaladaha fulinta Jaatarka OAU-da.

Ururadaasi caalamiga ah si dadban iyo si toos ah ayay u naafeeyeen habka

dhaqan-siyaasadeed, dhaqaale, xalinta iyo nabadaynta dhammaan dawladaha

qaaradda Afrika.

 

Ururadaasi waxay xambaarsan yihiin siyaasado, aragtiyo iyo himilooyin aad u

kala duwan oo ku salaysan danaha gaarka ah ee dawladaha Yurub iyo Carbeed

iyo kala ilaalinta midnimada awooda siyaasada iyo diblomaasiyadda ee dawrka

quwadaysan ee ay dawladaha Afrika ka ciyaari karaan xaajooyinka caalamka.

Ururada waxa ka mid ah: Barwaaqo-sooranka [Commonwealth] Anglo-phone,

Franco-phone, Arab League, Ururka islaamka iyo ururka dhexdhexaadka

(Non-alignment organization) iyo UNO.

 

Sidaasi oo kale OAU-da xeerarka dhaxalgalka ahee ku xardhan waxa dabarka jiq

ku siiyay oo naafeeyay fulinta iyo rumaynta wacadkii qaaradeed ee ku xusan

jaatarka OAU-da.

 

Arrimahan iyo ururadan goboleed [Sub-regional] ee la sameeyay sanadihii

dagaalka qabow [Cold-war]. Dawladaha Afrika ee abuuray ururadaasi waxa

hoosmaray garashada iyo fahamka ujeedooyinka dabin-qoolka ku ah midnimada

codka, mawqifka iyo aragtida dawladaha Afrika, oo waxa is daboolay

baahiyooyinka gaagaaban (short range) hoggaamiyeyaasha mucangaga ku ah

cadaadinta dadkooda inuu helo mucaawino joogta ah iyo baahida iyo danaha

dawladaha waaweyn.

Urur-goboleedyada ka dhisan qaaradda Afrika waxa a mid ah:

IGAD

SADC (South African Development Community)

EAEM (East African Economic Market)

ECAWAS (Economic Community West African)

 

Haddaba ururada goboleed ee Afrika ma waafaqsan yihiin hab-dhaqanka

siyaasadeed (Character) ay u maareeyaan xaajooyinka qarada weyn ee Afrika?

Himilooyinkii iyo ujeedooyinka ku xardhan jaatarkii OAU waxa sun iyo waabay

xaqiijintooda ku noqday arrimahan soo socda:

Isku Milanka hoggaamiyeyaasha xaq u dirirka ahaa iyo kuwa madaxda ahaa ee

shisheeye kursiga dhigtay si uu u fuliyo oo keliya danta dawladaha iyo

shirkadaha shisheeye sida Mabuto Seseko.

dagaalkii qaboobaa ee ka dhexeeyay Shuuciyada iyo Hantigoosiga ayaa kala

qoqobay midaynta codka iyo habdhaqanka siyaasadeed iyo khilaafka madaxda

Afrika oo ku haftay sida loo caawinayo jabhadaha Afrika ee xoraynaayay

dalalkooda.

mucaawinooyinkii sida daadka ugu soo shubmi jiray baananka dawladaha

curdinka ahaa ayaa kala qaybiyay  dawlad kasta iyo shacbi kasta. Taasina

waxay abuurtay inay dawlado badani isku beddelaan madiidin u adeega

dawladaha.

La soco. (Cumar Aadan Cawaale), Hargeysa.