SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


 

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

Haweenka Boorama oo u soo tafa-xaytey Buuxinta Kaalintooda Horumarinta Gobolka

B

 

Boorama (Haatuf): Haweenka magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, ayaa bilaabay abaabul ay isugu diyaarinayaan sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen hawlaha horumarinta Gobolka iyo kobcinta adeegga guud.

Sida uu ku soo waramay Weriye Maxamed Cumar oo Boorama jooga, kulan ay isugu yimaadeen in ka badan 100 haweenka reer Boorama ah, ayaa shalay lagu qabtay Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Cabdiraxmaan ee magaalada Boorama, halkaas oo ay haweenkii ku go’aansadeen in ay muruq iyo maalba kaga qayb-qaataan horumarinta Gobolka.

 

Marwo Ikraan X. Daa’uud Warsame iyo Caasha Jaamac Faarax oo ka mid ah qabanqaabiyayaashii Shirkaas, ayaa sheegtay in ay bilaabayaan qaadhaan xoog iyo xoolo-ba leh oo ay doonayaan in ay ku biiriyaan Mashaariic Mutadawacnimo ah oo ay ka mid yihiin dhismaha Jidka isku xidha Boorama iyo Dilla, la dagaalanka Eyda tirada badan ee ku sii tarmaya deegaanka Boorama, la dagaalanka Qashinka tuullan magaalada gudaheeda iyo adkaynta nabad-gelyada. Labadaa Marwo, waxay ku guubaabiyeen haweenka in aanay wax ka sugin dawlad iyo Rag uun, balse ay haweenku wax qabsan karaan, sidaas darteedna aanay wixii awooddooda ah kala hadhin Mashaariicdan.

Waxa iyana Munaasibadaas ka hadashay Marwo, Cibaado Geelle oo ku hadlaysey magaca Jaaliyadda reer Boorama ee Maraykanka deggan iyo Nin Dhallinyarada reer Boorama ka tirsan oo ka codsaday haweenka in ay kala qayb-qaataan badbaadinta Garoonka Kubadda Cagta ee Boorama, kaas oo uu sheegay in ay boob ku hayaan dad jagooyin doonaya, Maamulka Dawladda Hoose-na uu wax ka qaban waayey dayaca Garoonkaas.

 

…………………………………………………………………………….

 

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

 

Somaliland oo ogolaatay fulinta shuruud Yamani ku xidhay dhoofka xoolaha

H

 

Hargeisa(Haatuf):- Dawladda Yaman ayaa oggolaatay inay dib u furto ganacsigii xoolaha nool ee Somaliland u dhoofin jiray oo ay xayiraad ku soo rogtay horraanti January, sidaana waxa daboolka ka qaaday warsaxaafadeed shalay ka soo baxay rugta Ganacsiga Somaliland.

Ballan-qaadka dawladda Yaman waxa uu ka dambeeyay sida warsaxaafadeedku sheegay, booqasho ay dalkaas ku tageen wefti laba xubnood ah oo ka socday rugta ganacsiga Somaliland, wadahadallona ay la yeesheen madaxda dawladda Yaman ku taxaluqa caafimaadka iyo ganacsiga xoolaha nool, kuwaas oo is-afgarad lagaga gaadhay cilladihii dhaliyay xayiraaddii dawladda Yamani ku soo rogtay xoolaha Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda.

Weftigaas oo ka koobnaa xoghayaa guud ee rugta ganacsiga Somaliland Cabdillaahi Diiriye Jaamac iyo Dr. Cali Cabdi Xasan oo ah dhakhtar dhinaca xoolaha ah.

 

Weftigaasi waxay dalka ka ambo-baxeen January 15, iyada oo socdaalkoodu dabada ku hayay dedaal ay isku kaashanayeen rugta ganacsiga Somaliland, ganacsatada dalka, wakiilladooda Yaman u jooga iyo ganacsato Yamaniyiin ah oo daneeya ka ganacsiga xoolaha Somaliland, kaas oo ka dambeeyay markii dawladda Yaman ay dib u soo celisay xoolo looga dhoofiyay Somaliland, isla markaana xayiraad ku soo rogtay Lo’da oo ay ahayd suuqa keliya ee Somaliland u dirto.

 

Sida war-saxaafadeedku sheegay, weftigu wuxuu Sanca kaga qaybgalay dood dheer oo loo qabtay koox dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ee Yaman ah oo uu hoggaaminayay Dr. Qaalib Al-Iryaan oo madax ka ah waaxda caafimaadka xoolaha ee wasaaradda Yaman, taas oo lagaga wada xaajoonayay heerka caafimaadka xoolaha Somaliland u dhoofiso Yaman, waxaana uu warku intaas ku daray in doodahaas ku wajahnaa caafimaadka xoolaha si fiican la isugu afgartay.

 

Waxa kale oo warku sheegay in doodahaas sidoo kale la iskula soo qaaday shuruudo dhawaan dawladda Yaman ay ku soo rogtay xoolaha dalkeeda gelaya.

“Shuruuduhu waxay u badnaayeen kuwo caadi ah oo sideedaba dalka loo dhoofsho xoolo uu xaq u leeyahay dalabkooda,” ayuu sheegay war-saxaafadeedku, waxaana ka mid ah shuruudahaas:-

  1. In xooluhu ka fayow yihiin cuduro oo dhan gaar ahaan kuwa faafa.
  2. In muddo 21 cisho ah (xoolaha) lagu hayo xeryo (holding grounds).
  3. In laga soo buufiyo cayayaanka.

 

“Gebogebadii doodihii farsamo ee ku saabsanaa shuruudaha Yaman waa lagu heshiiyay, waxaana loo gudbiyay qodobadii (lagu heshiiyay) wasiirkooda beeraha iyo waraabka,” ayuu yidhi war-saxaafadeedka rugta ganacsiga ka soo baxay.

 

Hase yeeshee, ‘waxay na hoga-tusaaleeyeen’ ayuu yidhi weftiga rugta ganacsigu in dawladda Yaman ay u baahan tahay waqti aan badnayn si ay go’aanka xayiraad-ka-qaadista lo’da ah ugu dhawaaqi lahayd.

Warsaxaafadeedku waxa uu sheegay in doodihii farsamo ee laga yeeshay xoolaha Somaliland, aanay dhinaca Yaman ka soo yeedhin wax cabsi ah oo ku saabsan bukaan ay qabaan xooluhu, isla markaana aanu jirin tuhun caafimaad darro oo xoolaha Somaliand laga qabaa. Taasna waxa daliil u ah ayuu yidhi warsaxaafadeedku in Yamantu ay sheegeen inay fududeeyeen shuruudihii soo gelidda adhiga Somaliland ee dalkooda, isaga oo intaas raaciyay in haatanba loo dhoofiyo adhiga, inkasta oo sida weftigu sheegay adhigu aanu suuq sidaa u badan ka helayn sayladdaas.

“Markaa waxay noogu muuqataa arrintu intay tahay mid dhowaan la heli doono ku dhawaaqida xayiraad ka qaadista lo’deena ee Yaman,” ayuu yidhif weftigu.

 

Sida warsaxaafadeedku sheegay weftiga rugta ganacsigu waxay muddadii booqashooda kulamo iyo wadahadallo la yeesheen Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Yaman Yaxya Al-Raaci iyo wasiirka ganacsiga Yaman Cabdul-casiis Al-kamiim, waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan xidhiidhka labada dal ee dhinaca ganacsiga.

Sida warku sheegay weftiga rugta ganacsiga Somaliland waxay u gudbiyeen labada mas’uul cabasho ku saabsan xaaladda adag ee ay Yaman kala kulmaan ganacsatada Somaliland, sida dhac joogto ah oo loo geysto hantidooda iyo cidhiidhi dhinaca gelidda iyo joogitaanka dalkaas ah, taas oo ay labada mas’uul sheegen inay wixii suurogal ah ka qaban doonaan cabashadaas. Waxay kaloo cabasho taas la mid ah u gudbiyeen guddoomiyaha iyo xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Sanca oo sida warsaxaafadeedku sheegay weftigu la yeeshay wada hadal dheeraad ah, waxayna labada rugood ku heshiiyeen inay xidhiidh joogto ah iyo iskaashiba ay yeeshaan, ayna isweydaarsadaan wufuud.

 

“Waxa hadaba lagama maarmaan ah in xaggeena (Somaliland) xal loo helo sidii ganacsigeena aynu Yaman la leenahay looga badbaadin lahaa dhibaatada iyo darxumada uu ku sugan yahay,” ayuu yidhi  warsaxaafadeedku, waxayna ku talisay rugta ganacsiga Somaliland, tallaabada ugu horraysa in la dejiyo, lana hirgeliyo nidaam lagu habaynayo xoolaha dalkaa loo dhoofiyo.

Warku wuxuu intaa ku daray in rugta ganacsigu ay bilowday hawlgal arrintaa ku saabsan, iyada oo la kaashan doono wasaarada ganacsiga iyo ganacsatada.

………………………………………………………………………………………….

 

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Maareeyaha Biyaha Hargeysa oo ka hadlay biyo yaraan ka dhacday magaalada.

 

H

Harg (Haatuf):- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Cumar Xandulle Boobe ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay biyo yaraanta maalmahan dambe sida weyn looga dareemay qaybo ka mid ah xaafadaha caasimadda Hargeysa iyo qorshe hawleedkiisa.

 

Shir-jaraa’id oo shalay uu xafiiskiisa ku qabtay Cumar Boobe wuxuu ku sheegay inay jiraan cabashooyin dhinaca biyo yaraanta ah oo ka jirta goobo ka mid ah magaalada, taas oo uu ku tilmaamay inay keentay qoysaska qaxootiyada ka soo laabanaya oo si xad-dhaaf ah u soo degaya iyo weliba dadka kale oo iyana si xawli ah u soo degaya magaalada Hargeysa.

Maareeyaha biyaha Hargeysa, wuxuu caddeeyay inay dareensan yihiin dhibaatada ay keeni karto biyo la’aanta ka dhacda magaalada, balse wuxuu sheegay inaan wakaaladu wada dabooli Karin dhammaan noocyada baahiyeed ee hada jira, “Qiyaasta biyaha hadda soo baxaa waa (6000) ilx kun oo M.Q, boqolkiiba (15%) shan iyo toban waxay daataan, marka qasabadi jabto, marka ay  dameeradu ceelasha biyaha ka dhaaminayaan iyo marka dadku cabayaan intaba, boqolkiiba (20%) labaatana waxay ku hadhaan beebabka, inta soo hadhay ee magaalada lagu cabaa waa (3900) oo mitir-kuyuub,” ayuu yidhi maareeyaha biyaha Hargeysa.

 

Cumar Boobe, wuxuu sheegay in qofka ku nool Hargeysa uu maalin kasta u baahan yahay 20 litir oo biyo ah, hase yeeshee uu hadda helo toddoba litir oo keliya. Shirkaa jaraa’id kadib ayay weriyeyaashu weydiiyeen su’aalo kala duwan, waraysigiina wuxuu dhacay sidan:

S: maareeye waxa jirtay in maalmahan dambe laga cabanayo biyo yaraan ka jirta magaalada, markaa ma waxaa jirta biyo la’aan cusub oo hor leh?

J: runtii biyo yaraani way jirtay ilaa muddo laba maalmood gaadhaysa, sababtuna waxa weeye marka Bam xumaado kii kalena ma shaqaynayo oo wuu istaagayaa. Waxaa dhacday in maalin dhoweyd uu naga xumaaday mid ka mid ah Bamambka biyaha soo tuura, kaas oo aanu ku beddelay mid hore noogu yaalay, nasiib darro kiina uu noo shaqayn waayay, taasina waxay keentay inaanu beddelkiisii dirano. Muddo yar bay nagu qaadatay inaanu keeno, isla markiibana waanu beddelay. Hadana si fiican ayuu u shaqaynayaa, markaa muddadii yarayd ee uu Bamku naga xumaa ayay biyihiina yaraadeen, haddase caadigoodii ayay ku soo noqdeen.

 

S: hadda waxaad sheegtay biyaha aad soo saartaan inaanay magaalada ku filayn, madaxdii kaa horraysayna waxay sheegeen in biyuhu ay ku filan yihiin Hargeysa, markaa ma waxa jira hoos-u-dhac cusub oo hada idinku yimi?

J: Walaahay anigu warbixinaha hore war uma hayo, laakiin daraasad aanu samaynay iyo waxa aanu maamulay ee aanu gacanta ku hayno, iyo tirada dadka magaalada ku nool marka aanu isu eegnay, waxaanu arkaynaa inaanay isle’ekayn oo dadku badan yahay, horena waanigii idiinku sheegay qiyaasta qofku u baahan yahay iyo inta uu hadda helo.

S: waa imisa tirada shaqaalaha wakaalada ka hawgalaa waqtigan?

J:  tirada shaqaalahayagu waa 272 qof.

S: tiradani waa mid badan, markaa waqtigan wakaaladdu ma is bixisaa marka la isbarbardhigo kharash iyo dakhli?

J: runtii hadda way isdabooshaa, laakiin waxaanay soo saari karayn kharash dheeraad ah oo aad wax kale ku qabsato, waxaan qabaa haddii muggeeda lagu kordhiyo lacagteedana si hagaagsan loo soo ururiyo waxaan qabaa in wakaaladu ay isbixinayso, macaashna ay keeni karto, laakiin hadda way kala dhiman tahay, waayo waxa jira meelo badan oo aanu biyo siino kharashna aanu nooga soo noqon, sida Hudheelka Hargeysa Club, Dawladda Hoose iyo Wasaaradaha iyo weliba Shacbiga qaarkii.

S: maareeye mudadii aad xilka haysay maxaa isbedel ah oo aad ku samaysay wakaaladda?

J: ugu horrayn xilkii shaqaalaha waanu caddaynay wax isdhexyaac ahina hada ma jiraan, waxa kale oo aanu dayactirnay mishiinadii, ilaa hada waxaa noo suurtogashay inaanu horumar ku samaynay kor-u-qaadida dhinaca aqoonta shaqaalaha, waxaanuna tabobar u dirnay 40 qof oo shaqaale ah, oo baran doona xisaabaad, kuwaas oo 20 ka mid ahi ay baranayaan sida loo sameeyo biilasha, 20 kale oo iyana loo soo tabobarayo sida khasnadaha looga shaqeeyo.

Dhallinyaradaasi waxay wax ka bartaan mac-hadka (British College) oo ay gelinka dambe dhigtaan, iyada oo mid kasta oo ka mid ahna aanu ka bixino shan dollar bishiiba hal mar. marka dhallinyaradaasi tabobarkaa dhamayso, waxaau qiimayn ku samaynaynaa guryaha, gaadiidka iyo mishiinada wakaaladu leedahay.

S: marar badan waxa dhacda in marka aad biyogelin samaysaan inaad jebisaan laamiga, kadibna aad ka tagtaan idinka oo aan dib u samayn, arrintaa bal ka waran?

J: wallaahi anigu arrintaa cid ka cabanaysa maan arag, laakiin waanu dhisnaa, dhulka aanu qodno haddii ay laami tahay dib ayaanu u samaynaa, haddii ay dhul ciida tahayna waanu aasnaa.

S: muddo aad u dheer ayaad ka cabanayseen kharashka badan ee idinkaga baxa mashiinada badan ee aad isticmaashaan, miyaad awoodi kari weydeen inaad mishiinada meel keliya ku midaysaan si kharashku idiinka yaraado?

J: dhibaatadaasi waxay ka mid tahay dhibaatooyinkii aanu ka hadalnay, runtiina ma samayn karayno, waayo waa mashruuc dhan oo u baahan kharash dhan (700,000) toddoba boqol oo kun oo dollar, waana kaanu ku talojirno mustaqbalka. Waxaa jira mashaariic aanu hay’ado u qoranay oo aanu ka warsugayno?

S: waxaad sheegtay inaad waraaqo u qoratay hay’adaha, dhinaca xukuumadda wax dhaqaale ah ma weydiisateen, gaar ahaan dawladda hoose?

J: horta markaad eegto sharciga wakaalada anagu ma hoostagno dawlada hoose, waxaanu ka mid nahay wakaaladaha madaxa-bannan ee hoostaga madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland, laakiin marwawlba waxaa naga dhexeeya wadashaqayn, hadday meel tagaan wayna meteli karaan, anaguna waanu meteli karnaa.

……………………………………………………………………………………………………………………………………………….

 

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Kooxda Star Airline Burco iyo kulamadii Hargeysa

 

Kooxda kubadda cagta ee Star Airline Burco, oo booqasho ciyaareed ku timi magaalada Hargeysa, ayaa kulamo saaxiibtinimo la yeelatay qaar ka mid ah naadiyada heerka koowaad ee magaalada.

Kooxda Star Airline Burco, waxaa ka mid ahaa naadiyadii ay la ciyaartay kooxda ay isku shirkadda u wada ciyaaraan, laakiin ka dhisan caasimadda, kulamadii kalena waxay la kala yeelatay Bilaal Group iyo Diana Club.

Kulamadii saddexda ahaa ee ay yeelatay waxay u dhaceen sidan:

Kulankii ugu dambeeyay ee yeelatay wuxuu dhexmaray kooxda Diana Club Hargeysa iyo Star Airline Burco, kulankaas oo ahaa mid aad u xiiso badnaa, waxa 3-1 guushii ku raacday Star Burco, oo si weyn ugu gacansaraysay maamulka garoonka.

Bilowgii qaybtii hore ayay kooxda Star Burco dhalisay goolkeedii kolowaad ee ciyaarta, waxaana u saxeexay ciyaaryahanka lagu magacaabo Siciid Maxamed Ducaale, oo kubbad isu-dhiibdhiib ah kula mudhuxsaday goolhayaha oo keliya, kadibna si xarago leh kubaddii u daba mariyay goolhayihii kooxda Diana Club.

 

Markii la isugu soo laabtay wejigii labaad ee ciyaarta oo ay koox waliba soo urursatay wixii talooyin ah, ayay sii kululaatay xammaasaddii ciyaartu, iyada oo dhinac waliba ku dedaalayay sidii guushu u raaci lahayd.

 

Kooxda Star Burco, oo kulanka intiisa badan gacanta ku haysay ayay markale u suugtogashay inay goolkeedii labaad dhaliso, kadib markii uu kubadda meel fog kaga toogtay goolka ciyaaryahanka dhallinyar ee Maxamed Cali Baashe “Masinga” ciyaartiina waxay noqotay 2-0 ay Star Burco leedahay.

 

Isla badhtamihii qaybtii labaad ayay Star Burco dhalisay goolkeedii saddexaad oo madaxa uu ku dhaliyay Liibaan Cismaan Yuusuf, oo uu kubbad koone ah u so sallaxay kabtanka koxdaa oo lagu magacaabo Maxamed Khaliif.

Goolka keliya ee ay dhalisay Diana Club, waxay heshay dhammaadkii ciyaarta, kulankiina wuxuu ku soo gebogeboobay 3-1 ay guushu uk raacday Star Airline Burco.

Kulankii ugu horreeyay ee kooxdu yeelatay wuxuu dhexmaray Star Hargeysa iyo Star Burco, kaas oo ay 1-0 ku badisay kooxda Star Hargeysa.

Kulankii labaad oo dhacay 12 bishan wuxuu shexmaray Star Airline Burco iyo Bilaal Group Hargeysa, kulankaasina wuxuu ku dhammaaday barbaro 2-2 gool.

 

Tabobaraha kooxda Star Burco, oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko ciyaarihii ay yeesheen iyo sidii loogu soo dhaweeyay Hargaysa ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay sidii qiimaha lahayd ee loo qaabilay, markii ay magaalada yimaadeen, iyo weliba sidii hagarla’aanta ahayd ee ay taageeradooda ugu fidiyeen daawadayaashu ciyaarahooda ka soo qaybgalay.

 

Tabobaraha Star Airline Burco, Faysal Saleebaan, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay maamulaha shirkadda Star Airline Ismaaciil Cabdi Xuseen, oo u sheegay inuu isagu u fidiyay martiqaadkii ay Hargeysa ku yimaadeen.

“Socdaalkani waa kii ugu horreeyay ee aanu Hargeysa ku nimaadno, waxaanu kala kulanay wixii aanu filaynay oo ah guulo, waayo waxaan ogaa tayada ciyaartoyga,” ayuu yidhi tabobaraha Star Burco.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

ODHAAHDA AKHRISTAHA

By Haatuf Media Network

 

Dawladii Hoose Dacawo ayaa Cuntay

 

Annagoo oo ah dad shan iyo Toban qof oo dhul banana ku leh Hargeysa, ayaa waxa aanu diyaar ula ahayn in aanu bixino Cashuur sannadeedkii, waxa maalin walba nalagu yidhaahdaa beri soo noqda, haddii aanad doollar sidan waxba laguu qaban maayo, annagoo xaraynay 2001-kii ilaa maantana hortaagan.

 

Haddaba, boqol doollar qofkii kastaaba bixiyo, haddaba cashuurtii dawladda loo shubi lahaa, waxa hortaagan boqolkaa doollar.

Haddaba, haddii dawladdu tallaabo ka qaadi waydo, arintu way xumaanaysaa.

Hadda meesha gaadiidkeedu Cagaftu ay jiido ayaanu rajo ka sugaynaa. Dhul-boobka ka jira Hargeysa, dawladdu wax haka qabato Budhcadan meesha isugu timi.

 

Haddaba, cidii tidhaahda meesha wax ka bedela ama daacadda Maamulkani meesha ayuu ka saaraa. Markii waxba nalaga waayey, waxay arintu noqotay in nala yidhaahdo waad habsaanteen ee iska taga, waraaqihiinii (File-kii) waa la tuuraye.

Xaawa Xasan Jaamac,

Sh. Madar, Hargeysa.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………..

 

 

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Xadkii Somaliland ma wuxuu noqday Burco iyo Hargeysa dhexdooda

 

1.       Xadkii Somaliland ma wuxuu noqday dariiqa Burco iyo Hargeysa isku xidha?

2.       Yaa loo dhigay Jidka Ciidamada ee la difaacayaa ma cadow Somaliland dibadda kaga soo duullay baa maanta jira?

3.       Somaliland, ma Hargeysaa, goboladii kale ee dalkuna waxay noqdeen dalal kale oo aan Somaliland ahayn?

4.       Haddii ay taa tahay hala cadeeyo in aan dal iyo dani ka dhexayn Hargeysa iyo dalka intiisa kale, si ay dalka intiisa kale aayahooda uga tashadaan.

 

Waxaan intaa ku darayaa Baaq dheer oo ka hadlayo, kana digaya Sawirka muuqda ee khaldan ee uu maamulka maanta dhisani wado, waxaan u sheegayaa qof kasta oo xilkas ah oo ku sugan gobolka majiraha khaldan lagu soo fulinayo ee maamulku dugsanayo oo Hargeysa ah, in Ciidamada lagu isticmaalayo dadkii dalka u dhashay ay tahay arin khaldan, xuduudna uu uga dhigtay Maamulku, isaga oo wata in ay danaha khaldan ee uu leeyahay ay anfacaan oo uu u adeegsado arrintaas oo ah mid aan u suuro-gelayn.

Ninna dalkuu ku dhashay ee uu u dhintay in uu kaga waabto maanta xuduud la kala dhex-dhigo oo ah mid beenoobaysa oo aan soconayn, tallaabadaasina tahay mid uu dib uga noqdo, Maamulka waxaan leeyahay, waxaan kuu soconayn falxumadeeda ha beerin. Waxaan u baqayaa oo u digayaa masuuliyiinta Ciidanka Qaran Somaliland in aanu Qaranku ahayn Maamulka ee uu yahay dadka iyo dalka, sidaas ay u fahmaan oo aanay fulin oo loo isticmaalin kuway Qaranka ku ahaayeen ama ku noqonayeen, haddii ay taas seegaan waxa cadaanaysa Digniin, waxaan mar kale farayaa ama ku baraarujinayaa nin kasta oo askari ah, in uu isweydiiyo miisaankiisa iyo cidda uu metelaa in ay tahay Mujtamaca ku dhaqan dalka Somaliland oo dhan aanu noqon in uu noqdo nin siistam markaa u adeegaya ee uu ogaado siistam kasta oo yimaadda in isaga shaqadiisu tahay danta guud ee ummadda.

Mustafe Maxamed Xuseen,

Burco, Somaliland.

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………

 

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

Haddii Baarlamaanku ogolaado Muuse Xisbi, Cismaan Shunuuna ha soo celiyo

 

axa wax lala yaabo noqotay in Golaha Baarlamaanka mar labaad lagu soo celiyo Xubin ay ka weyday Cod oo ka mid ahayd 7-xubnood ee loo xulay guddida doorashooyinka.

Haddaba, arrinkan oo ah ama u baahan in dhinacyo badan laga eego, ugu horeyn muxuu ku keeni karaa: 1) Sumcadda Golaha Wakiiladda, 2) Sumcadda Madaxweynaha, 3) Sumcadii Qaranka, aynu ka hor aynu Qodobka hore ee ah.

 

Golaha Baarlamaantka

Horta marka hore way salaaman yihiin Golaha Wakiiladdu. Waxa keliya ee aan idiin sheegayaa ama aad ogtihiin in aad tihiin golihii xeer-dejinta dalka. Waxa aad shalay diideen Gudoomiyihii Maxkamadda Sare, Dr. Cismaan Sheekh oo weliba aad mar labaad ka soo daba saarteen Qoraal odhanaya  sharci-darro ayuu ku fadhiyaa kursiga, waxayna ahayd arin aad xaq dastuuriya u lahaydeen.

 

Waxa kale oo aad diideen, xubin ka mid ah guddida doorashooyinka oo weliba aad baadhis dabadeed soo ogaateen inuu yahay shaqaale dawladeed oo bilihii u dambeeyay qaatay mushahaar. Waxaanad go’aan hal-dheeriya ku celiseen ama ka daadifayseen xubinimadiisii.

Waxa aan maanta maqlayaa in Madaxweynuhu idinka codsaday in duuduub loo qaato, idinkana siiba hoggaanka baarlamaankuna u saaray guddi ka soo tala-bixisa arrinta.

 

Marka xaalku halkaa marayo, waxa meesha taalla laba arrimood:

a)       In aad cuntaan sharaftiina iyo karaamadiina.

b)        In aad ku adkaysataan go’aankii hore ee aad gaadheen ileen “Dayrkii Maka maydaan Gubine” oo aad Shacbiga u cadaysaan in aad tihiin gole madaxbanaan oo go’aan gaadhi kara, haddii kale mudanayaal godob baad xambaaranaysaan ee Cismaan Shunuuna ku soo celiya xilkiisii aad ka qaadeen.

 

Madaxweynaha

Madaxweyne, waxaa ayaan darro ah in aad mar labaad hor keento ama aad ka codsoto xubintan Golaha Wakiiladda. Waxa aanu ognahay sidaad horeyba u sheegtay mar aad la hadlaysay Salaadiinta Burco, in aad xukunto dhammaan beelaha Somaliland, isla markaa xubintan oo ka mid ah beesha aad adiga iyo aniguba ka mid nahay, waxaa suuqa ku jirta mar haddii mar iyo lababa la diiday, miyayna lahayn cid kale. Waxa kale oo Madaxweyne lays weydiinayaa waa maxay danta ugu jirta Madaxweynaha inuu soo celiyo xubintan.

 

Madaxweyne, waxa ilaa maanta dalka ka jira laba gole oo qudha, kuwaas oo ah Xeer-dejinta iyo Fullinta. Halka golihii Garsoorka ama Maxkamadii Dastuuriga ahayd ay tahay mid aan jirin oo maamulkaaga hoos timaadda.

Madaxweyne, waxa aan ka mid ahay dadka sida aadka ah u taageera Fikradaada iyo hannaankii maamul ee aad tustay Shacbiga, balse maaha in aan mar walba ku idhaahdo “Cimrigii Jiryoow caynaanka hay,” dabadeed sax iyo khaladba lagugu taageero.

 

Madaxweyne, Codsiga xubinta waxaa ka muhiimsan in aad wax ka qabato arrimaha dhaqaalaha ee hadda sii xumaanaya, xaaladdan dhaqaalle oo keeni karta nabad-gelyo xumo hor leh.

Madaxweyne, tan iyo intii xaaladda dhaqaale isbedeshay waxa mucaaridka kaa soo horjeedaa heleen taageero xooga oo soo dadajin karta Jiritaanka Maamulkaaga.

Madaxweyne, qolyaha kugu mashquuliyay arrinka xubintan iyo kor u qaadida sarrifka Baankuba, waxay ka mid yihiin kooxaha raba in aad ka degto kursiga.

Waxaanan ogahay in ay mucaaradka dibadda kaa joogaa yihiin qaar ka dhow xubnaha aad talada ka qaadato.

Gabo-gabadii, waxaad cadaysay dhawaan in aad musharax tahay wakhtiga dhow, hadeerna waxaa la galay wakhtigii ololaha, waxaana loo baahnaa in aad Siyaasadaada furfurto, waxana iga talo ah in aanad Madaxweyne noqon Farsamayaqaankii tuulkiisa canaanan jiray ee iska bedel tuulka aad haysato hadda.

Sumcadda Qaranka

Waa wax laga naxo in Qarankani noqdo mid ayaan daran oo muddo 12 sanno ah laysla dhaafi la’ yahay Beelo, Tusaale:

-          Ciidamadii Qaranku ma laha Darajo

-          Ma jirto tiro sugan oo Ciidan ahi

-          Waxaana luma Miisaaniyad badan

-          Lacagta Somaliland oo ka shaqaysa saddex gobol oo qudha

-          Calanka iyo Ciidamada Somaliland oon joogin Gobolka Sool

-          Mucaaridka Somaliland oon lahayn talo

-          Isugayn waa Qaran dayacan gudo iyo dibadba, dadkiisuna ma oga.

Cabdiraxmaan Maxamed Guun, Hargeysa.

 

……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….

 

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

“Cashuurta la kordhiyey waxaannu u aragnaa in wax kale lagu raadinayo”

Maxamed Kaahin iyo Maxamed Ismaaciil

B

 

Burco Haatuf): Maxamed Kaahim Axmed iyo Maxamed Ismaaciil Bullaale oo ah Siyaasiyiin ka tirsan urur-siyaasadeedka lagu magacaabo ASAD, fadhigooduna yahay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer, ayaa Shir-jaraa’id oo ay horaantii toddobaadkan ku qabteen magaalada Burco, si weyn u dhaliilay tallaabada korodhka qiimaha sicirka Cashuurta ee ay dhawaan Xukuumaddu soo saartay, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo aan laga fiirsan oo aan ku salaysnayn Sharciyadda dalka iyo aqoonta dhaqaale midna.

 

“Maanta dalku, wuxuu ku jiraa xaalad dhaqaale oo aad iyo aad u hoosaysa, xoola-dhaqatadu xoolaha ayay ku noolayd, reer magaalkuna xoolaha ayay ku daba-noolaayeen, xoolihiina way xayiran yihiin. Sidaa awgeed, go’aanka dawladda ee Cashuur-kordhintu dhabar-jab ayuu ku yahay Mujtamaca,” ayey yidhaahdeen labo Maxamed. Iyaga oo arrintaa ku tilmaamay mid aan caqli-gal ahayn oo ay Xukuumaddu ka leedahay dano gaar ah, waxayna dawladda ugu baaqeen in ay go’aankaa ka noqoto.

 

Maxamed Kaahin iyo Maxamed Ismaaciil, iyaga oo farta ku godaya go’aanka Xukuumadda ee kor-u-qaadidda sicirka Cashuurta, waxay yidhaahdeen; “Uma aragno in ay tallaabadaasi dhaqaale kobcinayso, balse waxaanu u aragnaa in wax kale lagu raadinayo, waxaanuna dawladda kula talinaynaa ama aanu u soo jeedinaynaa in ay ka noqoto cashuurta ay kordhisay ee Qayral caqliga iyo qayral distoorka ah, annaga oo leh ceeb maaha haddii uu hogaanka caqliga leh ama dimoqraadiga ahi yidhaahdo, tallaabadii aad waday hirgelimayso ee ka noqda wixii u hirgeliwaaya, annaga oo u aragna in ay ka noqoshadu tahay wax sharaf ah oo ay tahay in ay Xukuumaddu samayso, ummaddana waxaanu leenahay Xukuumaddu khalkhal bay wadaa ee yeynaan la wadin, nabad-gelyadana aynu ilaashano.”

 

Intaa kadib, labadan Siyaasi mar la weydiiyey dhaliishoodan cusubi waxa ay kaga duwan tahay dhaliilihii ay had iyo goor Xukuumadda la dabo-jabacsan jireen, waxay ku jawaabeen: “Anagu dawladda indho la’aan isaga dhaliili mayno ee waxaanu dhaliil ka soo jeedinaa wixii dhaliil leh, taasina wax caadi ah oo Caalamka ka jira, wixii dawladdu qabatana waanu taageeraynaa, iminkana waxaanu ka hadlaynaa xaalad waaqiciya oo abuuran, taas oo ah in ay dawladdu dariiq khaldan martay, waxaadna moodaa in had iyo goor la isku khaldo Tiirarka Siyaasiga ah ee ay Dimoqraadiyaddu leedahay iyo Nidaamyada fadhiidka iyo madhalayska noqday ee dalkan aynu ku noolnahay ka soo jiray ilaa dhowr iyo lixdankii ilaa maanta, laakiin waa wax caadi ah in Xukuumadda dal ka jirta dhaliil laga sheego, waxa ay qabatayna la sheego.”

 

Maxamed Kaahin iyo Maxamed Ismaaciil Bullaale, maadaama ay ka mid yihiin Urur-siyaasadeedka ASAD oo ah urur u ololeeya ama aaminsan, sidii loo qaban lahaa Shirweyne Qaran oo lagu bedelo hogaanka talada haya ayay weriyayaashu weydiiyeen halka uu ururkoodu marinayo hawshii u ololaynta qabashada Shirweyne Qaran. Waxayna su’aashaa kaga jawaabeen; “Arrintaasi meel fiican bay maraysaa, shirarka lagu jiraana ASAD uun maahee, Isbahaysiga SAHAN baa ka mid ah oo wax ka soo saaray baaqyada Shirarka, ujeedada shirkaasina waa wada-tashi lagu lafo-gurayo ama lagaga baaraan-degayo, sidii ay xaaladaasi u qabsoomi lahayd iyo dariiqa loo marayo, meel fiicana way maraysaa hawshaasi, ku talo-galkeeduna wuu socdaa.”

 

…………………………………………………………………………………………………………….

 

 

 

Ma dhab-baa Dawladda Hoose ee Hargeysa Qiimihii Cashuurahay Kordhisay?

H

argeysa (Haatuf): Maayarka magaalada Hargeysa, Cawl Cilmi Cabdalla ayaa beeniyay jiritaanka warar sheegaya in Maamulka D/Hoose ee Caasimaddu kordhiyay, qiimaha qaar ka mid ah Cashuuraha ay qaado, lana dhaqan-geliyay go’aan kor-u-qaadidaa ku saabsan oo la sheegay inuu Duqa magaaladu soo saaray, kaas oo korodhka Cashuurtaa ku jaan-goynaya qiimaha sarrifka suuqa.

 

Horaantii sannadkii 2000, ayaa si rasmi ah loo dhaqan-geliyay Ta’riifadda Cashuuraha Dawladaha Hoose ee dalku ay ku shaqeeyaan, taas oo uu ansixiyay Golaha Wakiiladdu, Madaxweyne Cigaal-na uu saxeexay horaantii bishii April ee sannadkaas. Ta’riifaddan oo ah, ta ay ku shaqeeyaan dhammaanba Dawladaha Hoose ee degmooyinka dalku, waxay qeexaysaa qiimayaasha Cashuuraha ay Maamulada Deegaanadu qaadi karaan, mid kastaba inta xadigeedu le’eg yahay. Sida; Cashuur-maalmeedka suuqyada, Cashuurta Liisanada Ganacsiga, Cashuurta Iibka xoolaha, Cashuurta Calaamadaha Ganacsiga, Cashuurta Beeraha, Cashuurta Guryaha Daaraha ah, Cashuurta Dhulka, Cashuurta Kawaanada iyo Gawraca Xoolaha, Cashuuta Berkedaha iyo Balliyada, Cashuurta Diiwaan-gelinta iyo guud ahaanba noocyada kale ee Cashuuraha Dawladaha Hoose xaqa u leeyihiin in ay qaadaan. Siduu Xeerka Ta’riifadda Cashuuraha Dawladaha Hoose dhigayo, waxa ka reeban Maamulada Degmooyinka dalka, in ay qaadaan Cashuur ka baxsan oo aanu sheegin Xeerkani, iyadoo ay Dawladda Dhexe qoraal ahaan ugu igmato mooyaane. Xeerka Cashuuraha D/Hoose, waxa kale oo uu sheegayaa, in aanay Maamulada Dawladaha Hoose ee dalku awood u lahayn kordhinta qiimaha Cashuuraha, balse ay xaq u leeyihiin in ay hoos u dhigaan qiimaha Cashuurta ee Xeerkaa ku cad, iyaga oo eegaya maslaxadda degmooyinkooda, hoos-u-dhigaana waxay u gudbinayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha oo leh Ansixinta kama dambaysta ah, kadib marka uu la tashado Wasiirka Maaliyadda.

 

Dhanka kale, Cashuuraha ay Dawladaha Hoose qaadaan waxay ku salaysan yihiin Sharciyan Shillinka Somaliland ee laguma jaan-gooyo sarrifka Doollarka, sida Cashuurta Dawladda Dhexe ee Kastamadu qaadaan. Sababtoo ah Dawladaha Hoose Cashuuraha ay qaadaan waa qaar maxali ah, oo degmo waliba deegaankeeda ku kooban tahay. Siduu Xeerka Cashuuruhu muujinayo Dawladaha Hoose awood sharci uma laha in ay soo saaraan go’aano qiime-kordhin cashuureed ah iyo in ay ku sicir-goostaan qiimaha sarrifka doollarkaba. Isla markaana degmana gaarkeeda uma samaysan karto Ta’riifad Cashuureed oo u gaar ah, waxaana laga simay gebi ahaanba Dawladaha Hoose ee dalku in ay ku dhaqmaan oo keliya Xeerka Ta’riifadda Cashuuraha ee Baarlamaanku ansixiyay.

 

Inkasta oo Nidaamka Cashuuraha Dawladaha Hoose sidaa yahay, haddana waxa soo baxay warar sheegaya in Maamulka degaanka Hargeysa uu soo saaray go’aan u gaar ah oo uu ku kordhiyay qiimaha Cashuuraha, kuna waafajinayo Cashuuraha qiimaha sarrifka suuqa. Siday muujinayaan xoggo uu helay Wargeyska Haatuf, waxa soo if-baxay Jiritaanka amar qoraal ah oo la sheegay inuu Maayarka Hargeysa soo saaray February 05, 2002, kaas oo loo kala diray Agaasinka Waaxda Cashuuraha ee Dawladda Hoose iyo Goobaha Cashuuraha-ba, looguna sheegay qiime-kordhinta Cashuuraha. Siday iftiiminayaan Xoggaha na soo gaadhay ee arrintaa la xidhiidhaa, amarkan Qoraalka ahi waxa uu ku war-gelinayaa Agaasinka Waaxda Cashuuraha in qiimaha Ta’riifadda Cashuur-kordhinta ah lagu saleeyo qiimaha sarrifka suuqa, isla markaana qiimaha Cashuurta darajooyinka kala duwan lagu qaado qiimaha cusub ee amarku xambaarsan yahay, lana waafajiyo qiimaha sarrifka suuqa. Warku wuxuu intaa ku daray in Cashuuraha la kordhiyay ee qoraalkaa lagu sheegay ay ka mid yihiin; Cashuurta Dhulka, Cashuurta Guryaha ee Ardiyadda loo yaqaano, Cashuurta dhulka bannaan, Geerashyada, Deyrarka, Darajooyinka kala duwan ee Liisanada Ganacsiga, Cashuurta Dhismayaasha ku meel-gaadhka ah gaar ahaan derejada Sandaqadaha, Cashuurta Xaqal-xashiishka Jaadka, Cashuurta Xaqal-xashiishka Badeecadaha, Cashuurta Sigaarka, Bagaashka, Calaamadaha Ganacsiga, iyo Cashuurta Nadaafadda.

 

Tusaale ahaan, qoraalkaasi wuxuu sheegayaa in qiimaha Cashuurta Ardiyadda ee guryaha darajada koowaad ee suuqa ku yaalla laga dhigay, halkii Mitir ee laba jibaaranba 1080 (Kun iyo Sideetan) shillin, halka uu markii hore ka ahaa 600 Sh.Sl, Mitirkii laba jibaaraniba. Matalan marka la eego qiimaha cusub, guriga Cabirkiisu dhan yahay 10x9mitir ee darajada koowaad ee ku yaalla suuqa, waxa laga qaadayaa 97,200 (Toddoba iyo Sagaashan Kun iyo laba boqol) oo Shillin. Halka marka qiimihii hore lagu dhufto uu ka noqonayo 54-kun oo Shillin. Dhinaca dhulka marka la eego, darajada (A), waxa laga dhigay halkii Mitir ee laba jibaaran-ba 3,360 (Saddex kun saddex boqol iyo lixdan) oo Shillin. Halka markii hore laga qaadi jiray 1200 (Kun iyo laba boqol) oo Shillin halkii mitir ee laba jibaaranba. Sida warka qoraalkaasi sheegayo, darajooyinka Liisanada Ganacsiga ayaa iyana la kordhiyay, waxaana Liisanada darajada koowaad oo hore looga qaadi jiray 250,000 (laba boqol iyo konton kun) oo Shillin, laga dhigay 450,000 (Afar boqol iyo konton kun) oo Shillin, Liisanka darajada labaadna 360,000 (Saddex iyo boqol iyo lixdan kun) oo Shillin, halkii hore looga qaadi jiray 200,000 (laba boqol oo kun) oo Shillin. Sidaas oo kale, ayaa iyana warka qoraalkaasi u muujinayaa in loo kordhiyay goobaha aynu kor ku soo xusnay oo dhan, qiimihii Cashuuraha ee laga qaadi jiray. Wararku waxay intaa raaciyeen in qorshahani yahay, mid la dhaqan-geliyay maalintii uu soo baxayba, sidaa aawadeedna lagu hawl-galay oo uu Maamulka D/Hoose dabaqay, ayna jiraan Cashuuro lagu qaaday go’aankaa.

 

Marka laga gudbo taasi, Maayarka magaalada Hargeysa, Mud. Cawl Cilmi Cabdalla oo aanu shalay wax ka weydiinay jiritaanka qorshahaa Cashuur-kordhinta ah, ayaa isagu muujiyay in aanu jirin go’aan Cashuur-kordhin ah oo uu soo saaray, lana dhaqan-gelin. “Waxa jiray Nidaam aan oggaa oo dawladda hoose ka socon jiray, anigoon Maayar-ba ahayn, kaas oo Maayaradii hore-na aanay ku khaldanayn ee ay ku hagaagsanaayeen. Marka wareer galo dhaqaalaha, Maayaradii hore waxay ku shaqayn jireen oo ay wax ku qaadi jireen sarrifku maalinba wuxuu marayo, xorna way u yihiin in ay sharcigaa soo saaraan. Nidaam jira buu ahaa, waanu hagaagsanaa, laakiin anigu weli ma dabbaqin, waana been wax kordhay oo aan amar ka qoray, warqad aan qorayna ma jirto,” ayuu yidhi Maayarku. Wuxuu intaa ku ladhay oo uu mar kale yidhi; “Meelaha qaar waxba lama saari karo, sida Ardiyadahan Aqallada waxba lama saari karo oo waa qiimo go’an. Laakiin, wixii aanu badeecad ahaan u iibsanayno ee aynu soo dallacanayno, ninkii wax qaadi kara in aad wax yar saartaan, boqol Shillin iyo laba boqol oo Shillin ka qaada, Kheyriyaddaa-ban ka sheegoo maan qarsan, laakiin weli amar kumaan bixin, sharci aan soo saarayna ma jiro. Waayo, waxaan diidayaa markii Dawladda Dhexe go’aanka soo saartay, aniguna in aan la hoos carraro, laakiin in aan ku yar daqaqami doonnaa waa jirtaa. Kheyriyaddana waan ka sheegay oo aniga qudhaydaa u hungurooday, in waxaan dadku ka damqan aan saaro, hase yeeshee weli go’aan gaadhay ma jiro.”

 

Maayarka Hargeysa, Mud. Cawl, isagoo arrintaa sababaynaya oo u qiil deyaya, wuxuu sheegay in hawlaha ay qabtaan Dawlad Hoose ahaan iyo kharashka soo galaa ay kala badan yihiin, oo hawshu ka badan tahay dakhliga. “Matalan, shaqaalaha Mushaharkoodu wuxuu noqdaa 180 Milyan oo Shillin, Shidaalkuna 160 Milyan oo Shillin ayuu noqdaa. Ciddaanu Shidaalka ka qaadanaana anaga doollarbay wax nagaga qaadataa, waxayna ku saleeyaan sarrifku maalintaa wuxuu marayo, markaa dee haddaanaan anaguna kaa wax yar saarin, yacnii xaggaanu ka bixinaynaa kharashka. Laakiin, waa arin aan weli ka fiirsanayo.” Maayarku, wuxuu intaa raaciyay in Ta’riifadda jirtaa dhaliilo badan leedahay, hase yeeshee wuxuu qiray in aanay Dawladaha Hoose awood sharci u lahayn kordhinta qiimaha Cashuuraha, balse ay xaq u leeyihiin in ay hoos u dhigaan oo keliya. Waxa kale oo uu ka marag-kacay in Cashuuraha Dawladaha Hoose ku jaan-go’an yihiin Shillinka Somaliland, oo aanay ku salaysnayn sarrifka doollarka. “Cashuurtu waxay ku jaan-go’antahay Shillinka Somaliland, intii aan joogayna maan raacin jidkii hagaagsanaa ee Maayaradii hore raaceen, anigoo dadka u baqaya oo is leh ma qaadi karaan awgeed,” ayuu yidhi Cawl Cilmi Cabdalla. Wuxuu xusay in Cashuurta keliya ee ay doollar ku qaadaan ay tahay Saamiga Cashuureed ee laga qaado, dadka guryaha kala iibsada ee Mulkiyadaha loo kala wareejinayo. Waxaanu intaa ku daray oo uu ammaanay dadweynaha reer Hargeysa oo uu ku tilmaamay in ay yihiin, qaar hurra bixinta Cashuurta duruuf kasta oo ay ku jiraan-ba.

 

Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxa muhiim ah in la isla hubsado qorshahan oo jiritaankiisu qayral-sharci noqonayo, dhabahana u xaadhi kara qorshayaal lagu boobo bulshada, xilliyada qasaawa-salanka dhaqaale dhisaalan yahay, sida wakhtigan oo kale oo aanu weli sal dhigan buuqa ka aloosmay go’aankii dawladda dhexe ku kordhisay qiimaha sicirka doollarka ee ay Cashuurta ku salayn jirtay. Sidaa aawadeed, waxa lama hurraan ah in dawladda dhexe fiiro gaar ah u yeelato hannaanka Cashuuraha Dawladaha Hoose, guntana soo xaadho qorshahan oo noqon kara mid hannaan siri-daali ah lagu hagayo.

………………………………………………………………………………………………………………………..

 

“Nimanka SAHAN iyo ASAD ee hanjabaya diyaar baanu u nahay”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

H

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md. C/Laahi Cumar Cige, ayaa sheegay in ay Ragga Mucaaridka ahi, gaar ahaan ururada SAHAN iyo ASAD, ay dalka ka wadaan dhaqdhaqaaqyo keeni kara nabad-gelyo-darro iyo ujeedooyin lid ku ah Nidaamka Dawliga ah ee Somaliland, wuxuuna ku hanjabay in ay dawlad ahaan tallaabo ka qaadi doonnaan Raggaa, haddii aanay ka tanaasulin dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ee nabad-gelyo-darada keeni kara.

 

Wasiirku, wuxuu hadalkan ka jeediyay Shir-jaraa’id oo uu subaxnimadii shalay ku qabtay Xafiiskiisa, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aanay dawladdu u dulqaadanayn, waxna ay ka qabanayso dhaqdhaqaaqyada xasilooni-darada keeni kara ee ay Mucaaridku wadaan, isaga oo Wasiirku ragga xasilooni-daradaa wada ku tilmaamay Siyaasiyiinta ururada SAHAN iyo ASAD, taas oo uu weliba si gaar ah farta ugu fiiqay ururka ASAD.

 

Wasiirku, wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay: “Sida la ogyahay dadka reer Somaliland, waxay soo mareen wakhtiyo kala duwan oo ay kala soo kulmeen dhibaatooyin kala nooc ah, laga soo bilaabo xilligii halgankii wakhtiga dheer qaatay, balse wixii ay doonayeen guulbay ka gaadheen oo dalkoodii bay dib ugu soo noqdeen, iyadoo wakhtigaa dalka taallay dhibaato, sida dalkii oo burburay, dhaqaale la’aan iyo mashaakil farabadan oo jiray iyo Ciidamadii SNM oo soo galay iyagoo baahsan oo reer reer u kala jooga, waxayse dadka reer Somaliland u guntadeen in ay Ciidamadaa xereeyaan, si ay u noqdaan Ciidan Qaran, dalkana dhibaatadu uga yaraato, taas way ku guulaysteen, waxayna dadku dhisteen dawlad, nabad-gelyadiina taambay ka yeeleen oo waxay soo ceshedeen noloshii ka baa’baday. Hase yeeshee, taasi iskama iman ee waxay ku timid urursanaanta dadka reer Somaliland iyo hogaanka dalka. Sidaa darteed waxaan leeyahay, dadka reer Somaliland waa in ay ka feejignaadaan wixii dhibaato ku wada gudo iyo dibad-ba.

 

Waxa jira niman Mucaarid ah oo had iyo goor laabta u garaaca, sidii dalka nabad-gelyo-xumo looga ridi lahaa, iyagoo leh waa cidda ina kala badbaadisa, 23-ka bisha dawladi ma jirto iyo Shir-beeleed baanu qabanaynaa, raggaana waxa u dambeeyay C/Raxmaan Aw Cali oo yidhi; “Dalka Dawlad baanu ka dhisaynaa 23-ka February,” waxaanse leeyahay, waxaas oo dhammi waa sharci burburin iyo dhibaato dalka lagu abuurayo, dalkuna distoor iyo sharci buu leeyahay cidii ku geftana gacmaha ka laabanmayno, Wasaaradda Arrimaha Guduhuna Nabad-gelyada dalka iyadaa qaabilsan, markaa waxaanu cid walba u sheegaynaa in aanu wax ka qabanayno nin waliba wixii uu galabsado af iyo ficil-ba, si aanu nabad-gelyada u sugno, nimanka mucaaridka ah waxaanu leenahay; dalku waa dalkiinii oo idinkama xigno ee qaybtiina ilaashada, ninna waxba kuma helo laab-garaac oo haddii maanta xabadi dhacdo oo la kala yaaco, nin waliba reer buu noqonayaa. Nimanka la yidhaahdo SAHAN iyo ASAD, siiba ASAD sharciga ha mareen oo ha tartameen, haddii ay sidaa yeeli waayaan waxaan leeyahay waadiga hanjabayee, annaguna diyaarbaanu kuu nahay ee sidaa ogaada, una dulqaadan mayno ninka doonaya in uu baabi’iyo waxa ay maanta haysano,” ayuu ku soo xidhay hadalkiisa, intaa kadibna Weriyayaasha ayaa su’aalo weydiiyay, waxayna u dhaceen sidan:

 

S: Ururka ASAD ee aad ku dheeraatay, waxa aad moodaa in uu dawladda khalkhal ku hayo, waa maxay awoodda aad kaga shakisan tihiin?

J: Xukuumaddu way leedahay awood ay wax kaga qabato nabad-gelyada, laakiin inta aad dareemaysaan waxa weeye dulqaad iyo odaytinimo ayaanu wax walba ku tix-gelinaynaa, annaga oo doonayna in aanay inaga baabi’in dimoqraadiyadda aynu ku dhaqannaa.

S: Hadda ma mashaakil cusub oo nabad-gelyo-darro ayaa soo fool leh, maxaa kaa hadliyey?

J: Hadalkan waxa iga keenay in farabadan ayaa Xukuumadda Miiska loo garaacayay oo la yidhi Xukuumaddu ma jirto, intaas oo dhanna uma aanu jawaabin markaa saaka waa muqadas in aanu u jawaabnaa.

S: Haddii aad tallaabooyin qaadaan, sideebaad u waajahasaan?

J: Annagu kolayba dalka in aanu wanaag iyo nabad-gelyo u hogaamino mooyee marna ku degdegimayno dhibaato.

S: Mucaaridka waxaad ku eedaysaan in ay wadaan nabad-gelyo-darro, iyaguna waxay idinku eedeeyaan in aad dawlad ahaan nabad-gelyada xuurto ku haysataan oo aad leedihiin, haddii kuraastayada la soo hungureeyo, nabad-gelyada ayaanu kala tuuraynaa, taa maxaad ka odhanaysaa?

J: [Wasiirku intuu dhoolla cadeeyay ayuu yidhi]: Nabad-gelyada maxaanu xuurto ku haysanaa, annagaaba ilaalinayna oo leh waar ka daaya, markaa adeer taasi ma jirto, kuraastana waxa nalagaga qaadi karaa dee distoorbaynu leenahay oo xisbiyo ayaynu samaysanaye hanalala tartamo oo ha la iska-kaayo celiyo.

S: Dawlad ahaan, hadday ummaddu idiin dhiibtay awoodii, maxaad uga baqaysaan rag aan waxba hayn?

J: Annagu ma nihin, waxay mucaaridka iyo cid kaletoona baabi’in karto, laakiin waxaanu sheegaynaa in aanu nabad-gelyada Masuul ka nahay, cidina aanay sida ay doonto dalka ka yeeli karin, taa weeye waxa aanu ka hadlaynaa.

S: Halgankii aad sheegtay in Madaxbannaanida lagu gaadhay rag badan oo ka mid ah kuwa aad magacowday, waxay ahaayeen aabayaashii halganka, markaa ma waxaad aaminsan tahay in aad dalka uga lexejeclo roon tihiin?

J: Raggaasi way soo halgameen oo qayb libaax bay soo qaateen, taasina cidna kama qarsoona, laakiin shakhsiga Siyaasadiisu iyadoo wanaagsan bay si kale isu bedeli kartaa, taas ayaanuna ku dhaliilaynaa.

S: Mucaaridka waxaad ku eedeysay in ay hanjabayaan, adigana hadda waxaa kaa muuqda in aad ku hanjabayso in aad wax samaynaysaan, markaa ma waxaad leedahay annaga ayuun baa hanjabi karna?

J: Maya, Annaga kolayba meesha hanjabaadi nooguma jirto, waayo Mucaaridka iyo Mucaafidkaba annagaa xukunna oo waa dadkayagii ee loolan Siyaasadeed ayuun baa meesha ku jira, markaa ma hanjabayno ee waxaanu leenahay nin waliba ha ilaaliyo sharciga iyo distoorka dalka.

S: Adiga laftaaduba waxaad tahay Wasiir aan la ansixin, muddadii ku-meel-gaadhkuna way kaa dhammaatay, markaa miyaadan adiga laftaadu kursiga sharci-darro ku fadhiyin?

J: Waa runtaa oo la ima ansixin, laakiin waxaan rajaynayaa in uu arrinkaasi dhammaado maalmaha soo socda, welina wakhtigii nalagu ansixin lahaa nagama dhammaan.

S: Dawlad ahaan waxa la idinku eedeeyaa in aydaan diyaarinayn Madashii lagu tartami lahaa, taa maxaad ka odhan?

J: Adeer, taasi ma jirto, dawladduna intii aan waxba la kordhin ayay wax walba diyaarisay oo ay dhammaystirtay wixii doorashada lagu geli lahaa, laakiin ururada Mucaaridka ayaa yidhi dib noogu dhigga.

S: Mucaaridka qaarkood way dureen sharciyadda korodhsiimada, markaa idinku Xukuumad ahaan ma waxaad u aragtaan in ay korodhsiimadu waafaqsan tahay qodobkii distooriga ahaa?

J: Mucaaridku wax walba way iska odhan karaan, laakiin sharciyan ma durna korodhsiimadu ee waxay waafaqsan tahay distoorka iyo sharciga.

S: Dib-u-dhaca doorashooyinka waxaad ku eedayseen Golaha Wakiiladda, idinku Xukuumad ahaan, maxaad u diidaysan dhaliisha aad leedihiin?

J: Annaga Xukuumad ahaan, waxba nagama ay dhinayn ee kordhintu waxay ka timid ururada Mucaaridka oo codsaday, Golaha Wakiiladdana waxa lagu eedaynayaa wakhtigii ay wax qaban lahaayeen in aanay qaban ee ay baraarugeen markii ay wax waliba soo dhawaadeen.

S: Muranka idiin dhexeeya idinka iyo Mucaaridka, waxay dad badani u arkaan in aad isku haysaan idinka oo leh naga daaya ololaha iyo shirarka aad wadaan, taasina waxay u muuqataa khilaaf Siyaasadeed, markaa idinku Xukuumad ahaan Miyeydaan diyaar u ahayn in xal Siyaasi ah la gaadho oo miiska wada-hadalka la isugu yimaado?

J: Adeer, ururada diiwaan-gashan ee sharciga ah waanu wada-hadalnay oo miis baanu soo wada-fadhiisanay, wax walbana si qurux badan baanu u dhammaysanay, markii dambena wixii ay soo codsadeen waanu ku raacnay, laakiin cid aanaan marnaba miis la fadhiisanayni waxa weeye ururka isku magacaabay ASAD ee qarda-jeexa ah.

S: Miyaydaan ururka ASAD dawlad u ahayn?

J: Mayee, waanu u nahay.

S: ururada diiwaan-gashan ee aad miiska la fadhiisateen dhammaantood waa reer Hargeysa, markaa ma reer Hargeysa uun baa ka wada-hadlaya Aayaha dalka?

J: [Wasiirku inta uu qoslay ayuu yidhi]: Adeer, ma waxaad u jeeddaa reer Burco kuma jiraan, Adeer, Xisbiyadu Hargeysa, Burco, Boorama, Laas-caanood iyo Ceerigaabo midna maaha ee waa loo dhan yahay oo cid waliba way ku jirtaa, mana jiraan wax reer Hargeysa la yidhaahdaa, laakiin haddii ay adiga (Weriyaha) kaa guuxayso Burco, way ka buuxaan reer Burco.

S: Marka laga yimaado hadalada nimanka Mucaaridka ah ee aad tixraacday, hadda miyay jirtaa arin aad farta ku fiiqi karto oo nabad-gelyo-darro ah oo soo fool leh?

J: Maya, ma jirto wax nabad-gelyo-darro ah oo aan farta ku fiiqi karo oo soo socotaa, dalkuna guud ahaan nabad buu ku sugan yahay oo wax dhibaato ahi ma jirto, mana dareemayno in ay dhibaato dhacayso.

 

…………………………………………………………………………………………………………………………………….

 

Haatuf, Cadadkii 37-ad

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com
 

 

Axmed Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Burco

B

 

Burco (Haatuf): Siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo horaantii toddobaadkan ka soo laabtay dalka Ingiriiska oo uu muddo sannad ka badan ku maqnaa, ayaa shalay gaadhay magaalada Burco, kadib markii uu subaxnimadii shalay ka baquulay magaalada Hargeysa, waxaana Axmed Siilaanyo magaalada Burco loogu soo dhaweeyay, si ballaadhan.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liiban Maaweel Shire, baabuur gaadhaysa ilaa 130 gaadhi iyo dad tiro badan ayaa Axmed Siilaanyo kaga hortegay Tuulada Hudiso oo ku taal halka laga fuulo buurta waddada Dawga Sheekh, dhinaca xeebta ujeedda, waxaana loo soo daadihiyay dhinaca Burco, iyadoo ay baabuurta qaarkood dhinaca kaga dhegenaayeen Sawirka Siilaanyo.

 

Axmed Siilaanyo iyo dadkii la socday, muddadii ay jidka ku sii jireen, waxa iyaduna soo dhaweyntii ka qayb qaatay dadka ku dhaqan magaalooyinka Sheekh iyo Tuulooyin ay ka mid yihiin Hudisa, Galooley iyo Qoyta, halkaas oo ay dadku wadooyinka safnaayeen, kuna dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin Mujaahidku ha noolaado iyo ereyo kale oo taageero ah. Axmed Siilaanyo iyo dadka la socday waxay magaalada Burco gaadheen 12:30 Duhurnimo, waxaana soo dhaweeyay dad farabadan oo waddada hareeraheeda tubnaa, kuna dhawaaqayay ereyo Taageero ah, waxaana Axmed Siilaanyo lagu soo wareejiyay magaalada, hase yeeshee waxaa markii dambe la geeyay Hudheelka Maka Al-Mukarama oo ku yaal magaalada koonaheeda, halkaas oo qado loogu sameeyay.

 

Axmed Siilaanyo, waxay Hudheelka ku kulmeen Gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), waxayna Axmed Siilaanyo iyo Saleebaan-gaal isku qaabileen salaan gaado isu-dhiib ah. “Asalaamu Calaykum, Abti soo dhawow,” ayuu ku tiraabay Saleebaan-gaal.

Axmed Siilaayo iyo Ragii la socday, waxay u fadhiisteen qadadii, waxaana muddadii ay hudheelka ku sugnaayeen Miiska dushiisa kula kulmay Masuuliyiinta Maamulka Burco iyo xubno Wasiiro ah, iyada oo ay Axmed Siilaanyo goobtaa ku salaameen rag ay ka mid yihiin, Wasiirka Wershadaha Axmed Jaamac Bootaan, Badhasaabka Burco, Maxamuud Aadan Dheri, Badhasaab ku-xigeenka Yaasiin, Maayarka Burco iyo Masuuliyiin kale.

 

Axmed Siilaanyo oo uu Weriyaha Haatuf weydiiyay inuu Burco dhaafayo in kale, wuxuu sheegay inuu hadda safarkiisu Burco ku egyahay, balse uu ku talo jiro inuu tago gobolada Bariga ee Sool iyo Sanaag.