SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 39-aad

                              

Wararka Gudaha

 

Shir wadatashi oo wakiilo ka kala socda Dalalka Geeska Afrika oo ka furmay Hargeysa

 

H

arg (Haatuf) :- Shir hawleed wadatashi ah oo ay ku kulmeen madaxda barnaamijka ladagaalanka Gudniinka Fircooniga ah ee dalalka gobolka Geeska Afrika, ayaa shalay ka furmay cusbitaalka dhalmada ee Edna (Edna Maternity Hospital), ee magaalada Hargeysa.

 

Shirkaas oo qaadanaya muddo saddex maalmood ah (19-22/2/2002), waxa ka soo qaybgalay wakiilo ka kala socda waddamada Djabuuti, Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland. Shirkaa wadatashi ee ururada gobolka ee u dhaqdhaqaaqa dabargoynta Gudniinka, waxa qabanqaabiyay, isla markaasna martigeliyay ururka SIHA ee Somaliland (Somaliland Initiative for Health Acticities), oo ay gacan weyn ka siisay hay’adda CARITAS, waxaana lagu gorfaynayaa lagagana wadatashanayaa dhawr qodob oo kala ah:

  1. Sidii ururada gobolka ee barnaamijkan ku lug lehi ay u wadaagi lahaayeen isuna weydaarasn lahaayeen akhbaaraadka iyo xogaha.
  2. samaynta shabakad xidhiidhisa dhammaanba dhinacyada iyo ururada arrintan ku taxaluqa.
  3. dejinta istiraatiijiyad guud iyo aragti midaysan oo lagaga wada duulo la dagaalanka gudniinka.
  4. iyo samaynta macluumaad wacyigelineed oo midaysan, kuna qoran luqadaha maxalliga ah ama dadka deegaanku leeyahay oo loogu talogalayo tirtirista dhammaan noocyada gudniinka hablaha.

 

Shirkaas waxa furay, hadalana ka jeediyay ka soo qaybgalayaasha, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka iyo diinta iyo Awqaafta, Axmed Cabdi Jaamac iyo Sh. Maxamed Axmed Cali, oo sharaxay sida ay u soo dhoweynayaan dedaalka noocan ah ee lagula dagaalamayo gudniinka haweenka oo ay qireen waxyeelada caafimaad ee uu ku hayo bulshada, gaar ahaan haweenka iyo sida aanu diinta islaamka ugu bannaanayn dhaqankaasi. Waxa kale oo iyaguna ka hadlay furitankii shirkaas madaxda hay’adda CARITAS ee Somaliland, UNICEF, iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna madax ka ah ururka SIHA ee qabanqaabiyay shirkaas.

In ka badan 30 ergay oo ka kala yimi Djabuuti, degaanka Soomaalida ee Itoobiya, maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Muqdisho iyo Somaliland, ayaa ka qaybgelaya shirkaas, kuwaas oo isugu jira hawlwadeeno caafimaad, culimaa’udiin iyo dhaqanyaqaan, waxaana uu shirku xooga saarayaa sidii mushkiladda looga eegi lahaa saddexdaa dhinac ee waaweyn, kadibna la isula meeldhigi lahaa sidii xalka loo baadi dooni lahaa si isku xidhnaan iyo wadajir ah.

……………………………………………………………………………………..

 

Wefti Liibiyaan ah oo Socdaal ku yimi Hargeysa

 

H

argeysa (Haatuf): Wefti Liibiyaan ah oo afar Xubnood ka koobnaa oo Isniintii yimi magaalada Hargeysa oo aan la sheegin ujeeddada Safarkooda, ayaa shalay ka ambabaxay dalka una kicitimay dhinaca G/Waqooyi Bari ee Soomaaliya iyo dalka Djabuuti.

 

Xubnaha Weftigan, waxay laba ka mid ahi ka yimaadeen sida warku sheegay dhinaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo magacyadooda la kala yidhaahdo; Ciisa Rabiica Cashur oo sheegtay inuu yahay Safiir iyo Maxamed Cali oo isna sheegtay inuu yahay Qunsul-safaaradeed. Halka labada xubnood ee kale oo magacyadooda lagu sheegay Jamaal Al-Mahdi iyo Gomased Lytah ay ka soo duuleen, sida la sheegay magaalada Djabuuti. Siday Warar lagu kalsoon yahay tibaaxeen, labadan nin ee dambe muddo hore oo aan fogayn ayay fiiso la’aan ku soo galeen dalka, kadibna waxa la sheegay in la musaafuriyay oo diyaarad loo saaray dhinaca Sucuudiga, halkaas oo lagu xidhay, balse ay wararku sheegeen in markii dambe dawladoodu ka furdaamisay. Haddana waxay ka soo duuleen magaalada Djabuuti Hargeysa kaga biireen labada xubnood ee kale oo ay isku xilli, Duhurkii Isniintii wada yimaadeen Hargeysa.

 

Dhinaca kale, lama oga ujeeddada rasmiga ah ee socodka xubnahan oo ku degay Hotel Maansoor, waxaanay Wararku sheegeen in aanay jirin cid dawladda ka tirsan oo qaabishay, Wasiirka Arrimaha Dibadda C/Xamiid oo la sheegay inuu Madaarka ku bariidiyay mooyaane. Gelinkii dambe ee Isniintiina inta badan kamay bixin Hotelka mar mooyaane, markaana lama xaqiijin meel ay tageen iyo cid ay la kulmeen in ay jirto toona.

 

Sidoo kale, ma cadda in ay habeenimadii cid la kulmeen iyo in kale, hase yeeshee waxay warar lagu kalsoon yahay oo aanu helay tibaaxeen in Xukuumaddu dhabarka u sii jeedisay xubnahan, maalintaana aanay jirin cid qaabishay. Wararkaasi, waxay intaa ku dareen in afarta xubnood ay shalay Diyaarad u raacaan dhinaca magaalada Boosaaso iyo Djabuuti. Xubno Xukuumadda ka tirsan oo aanu la xidhiidhnayna, waxay noo sheegeen in aanay ka war-haynin.

………………………………………………………..

 

Reer Allaybaday oo Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

A

nigoo uga Wakiil ah Hambalyada, waxay dadka reer Allaybaday aad ugu farxeen magacaabida degmada cusub ee Allaybaday loo aqoonsaday oo uu 12/2/2002, ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/Laahi Cumar Cige.

Degmadaasi oo dadka reer Allaybaday ka sugayeen Xukuumadda muddo dheer, taasi oo ay u arkayeen haddii ay degmo gaar ah noqdaan in ay hawlo badan oo gaabis ku dhacay ay wax ka qaban lahaayeen, sida arrimaha bulshada, ha ugu sii darnaato dhinaca waxbarashada oo aan sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyay wax laga qaban. Waxaa jirta saddex Iskuul (Schools), oo NGO-yada degaanku muddo ku hawloonayeen dib-u-dhiskooda, Iskuuladaasi oo kala ah; Geed-abeera 1995, Teysa 1997 iyo Allay-baday 1998, iyadoo hore loogu gudbiyay UNHCR iyo Wasaaradda Tacliinta, sannad walbana qoraal cusub ayaa loo geynayay, si loo xusuusiyo.

 

Haddaba Madaxweynaha, waxaanu leenahay adigoo ku mahadsan, sida sharafta leh ee aad noo qadarisay, nooguna magacowday degmo cusub, in saddexdaasi School ee aan soo sheegayna wax nalagala qabto, sababtoo ah waa laf-dhabarta da’yarta ama dhalinyarada. Mustaqbalkoodii mar haddii ay ka gaabisay Wasaaradda Waxbarashadu, waxaananu nahay dad heegan u ah in ay dhisaan dalkooda kana hortagaan wixii hagardaamaynaya.

Aadan Ismaaciil Yoonis (X. Geydh), Hargeysa.

……………………………………………………………………..

 

Halkee buu marayaa Ololaha Qaadhaan-ururinta dhsimaha Jidka Dilla – Boorame?

Shir-jaraa’id.

 

H

argeysa (Haatuf): Guddi Odayaal ah oo beryahanba ku hawlanaa, hawl-gal ay qaadhaan ugu ururinayaan dhismaha Waddada isku xidha Dilla – Boorame, ayaa Isniintii Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa ku sheegay in ay taageero xoog leh uga heleen shicib iyo dawlad-ba, dib-u-dhiska wadadaas oo ay tijaabo ahaan markii hore u bilaabeen laba shirkadood oo wadani ah oo laysku yidhaahdo Shaafici, kuwaas oo tijaabo ahaan u dhisay hal kilomitir iyo badh waddadaas ka mid ah.

 

Xubnaha guddigaa odayaasha ah oo ay ka mid yihiin, Sh. Muuse Jaamac Goodaad, X. Daahir Cilmi iyo X. C/Raxmaan Ibraahim Illeeye oo dhammaantoodba ka mid ah duqayda caanka ah ee Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, waxay ku sheegeen Shirkaa Jaraa’id in hindisaha dib-u-dhiska waddada ay bilaabeen dhalinyaro reer Boorame ah oo uu hormood u yahay ganacsade dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmed Sh. Cali Ayaanle. Waxay intaa ku ladheen in dhalintaas ay iskaashadeen Shirkadda dhismaha ee Horn Co, isla markaana u dhiseen 1.5 km waddadaas ka mid ah, hawshaas oo ay bilaabeen Janruary 16, 2002, dhameeyeena Janruary 27, 2002, waxay odayaashu sheegeen in ay tijaabadaasi dhiiri-gelisay, kadibna ay shiriyeen bulshada Boorama, layslana qaatay in loo kaco dib-u-dhiska Waddadaas oo dhan 28km. “Markii laysla qaatay waxa la saaray guddidan, si ay ugu ololeeyaan dhaqaalihii dib loogu dhisi lahaa waddada, markaas sidaas ayay odayaashu ku yimaadeen 31 Janruary, halkan.” Sidaa waxa yidhi Sh. Muuse Jaamac Goodaad oo guddigaa ka tirsan, oo ka hadlay shirkaa Jaraa’id. “Dawladda Hoose ee Hargeysa ku yaboohday Cagaf weyn, shidaalkeeda iyo lacag aan weli naloo sheegin cadadkeeda. Dawladda Hoose ee Gebilay, ayaa iyana ku yaboohday kaalmo oo nala ballantay.” Sidaa waxa isna yidhi Xaaji Daahir Cilmi oo odayaashaa ka mid ah.

 

Sh. Muuse Jaamac Goodaad iyo Xaaji Daahir, waxay labadooduba sheegeen in ay taageero wanaagsan uga heleen waddada dawlad iyo shicib, intii ay hawlaha qaadhaan ururinta ah ka wadeen Berbera iyo Hargeysa. “Si fiican baa wax naloo siiyay ninba karaankii, qaar 1500-qardaas oo sibidh ah bixiyay, waa xoolo 8-kun oo doollar gaadhaya, qaar 4-kun bixiyay, qaar 2-kun bixiyay….” ayuu yidhi Sh. Muuse Jaamac Goodaad. Wuxuu intaa ku ladhay in dawladdana ay la kulmeen oo ay u sheegtay odayaasha in ay la wareegayso xilka dib-u-dhiska waddada. “Dawladda waanu aragnay, waxay yidhaahdeen anagaa xilka idin kala wareegayna, waxaana loo xilsaaray, Hay’adda Wadooyinka, waxayna dirayaan Injineero soo eegga oo soo qiimeeya kharashka waddada ku baxaya,” ayuu yidhi Sh. Muuse.

 

Labada Odayba, waxay cadeeyeen in ay guul weyn ka gaadheen ololahooda qaadhaan ururinta ah ee ay ugu gurmanayaan dhismaha waddadaas, waxaanay tibaaxeen in dhaqaale iyo dhiiri-gelinba ay ka heleen qaybihii bulshada ee ay la kulmeen.

“Madaxweynuhu ballan cad ayuu noo qaaday, waanu ku farxay hawsha aanu wadno. Guurtida iyo Wakiiladduna si fiican ayay noo soo dhaweeyeen,” ayay yidhaahdeen.

Sh. Muuse iyo Xaaji Daahir, waxay labadooduba cadeeyeen in si dhakhso ah loo bilaabi doono dhismaha waddadaas, Ciiddal-udxaha dabadeedna ay dib u bilaabayaan ololaha qaadhaan ururinta, si laysugu geeyo oo hawsha loo bilaabo. Waxay intaa ku dareen oo ay sheegeen in ay dib ka soo saarayaan dadka deeqaha bixiyay. “Annagu, waxaanu ku dhaqaaqnay waa dagaal aynu dalkeena ku dhisayno,” ayuu yidhi Sh. Muuse.

 

Shirkaa Jaraa’id kadib, waxa xubnaha guddigaas la weydiiyay dhawr su’aalood, kuwaas oo u dhacay sidan:

S: Hay’adaha Samafalka Caalamiga ah ee dalka ku sugani, iyaga wax yabooh ah ma ka hesheen, mase u tagteen?

Sh. Muuse: Hay’adaha, waxaanu la sugaynaa kolka aanu isu soo ururina qaadhaankan aanu wadno, si aanu u nidhaahno qiimihii waddadu ku kacaysay waa intaa, markaa intaasaanu haynaa ee wixii kale dhamaystira. Waayo, haddii aad tidhaahdo waxanaan haysataan waxa laga yaabaa in lagu caawiyo. Sidaa darteed, ayaanu dib ugu dhignay, si waxaanu helay aanu saami ahaan ugu qiimayno.

S: Dawlada iyada, maxaa ka haysaan?

Sh. Muuse: Madaxweynuhu, wuxuu nagu yidhi anagaa kafaala qaadayna oo xilkeedii qaadanayna.

S: Maamul ahaan yaa Maamulaya hawsha dhismaha Waddada?

Sh. Muuse: Horta anagu odayaal baanu nahay abaabulaya deeq bixiyayaasha, laakiin farsamadeeda iyo xal-xaalideeda dawladaa leh, maamulka guudna dawladdaa leh.

Xaaji Daahir: Dawladdu imika Injineero ayay diraysaa, iyagaa keenaya Waddada wixii ku baxaya.

Qaybo kale oo hawl-galka Waddadan lagu dhisayo ka mid ah, la soco Cadadyada dambe…

 

 

Odhaahda Akhristaha

 

Xiisihii Doorashadii Cigaal ee 1993 iyo Waxqabad la’aantii 9 sanno ee uu Madaxweynaha ahaa

M

aalmihii doorashadii Cigaal ee Boorame 1993, dadku way so dhaweeyeen badankoodu, sannadana dawladda Cigaal waxay ku cabanaysay dhinaca waxqabad la’aanta horumarineed in la galay dagaalo sokeeye, haddaba markii ay dhammaatay hawshii dagaalada sokeeye, ayaa dadka Somaliland is qabsadeen gacmaha noqdeena, qaar ilaashanaya jiritaanka dalkooda iyo guud ahaan nabadooda, marka laga soo bilaabo muddadaa dawladdu waxay ahayd mid ay dadku jecelyihiin una hogaansan yihiin, laakiinse nasiib darro Maamulka Cigaal oo aanu ku cadayno in uu yahay mid caan ku ah Musuqmaasuq iyo qaataye qaado, looguna soo hal qabto sida Maamulida gaar ee Shirkadda Total iyo dekedda oo si toos ah u hoos timaada cidina aanay xisaabteeda ka dhex galin, ayana caddayn u tahay odayaynta uu ka odayeeyo marka ay xamxami ka timaado xageeda, noqdayna mid dadkii u horseeday shuuqsiga aan distoorka waafaqsanayn, aamuska awood la’aaneed ee guurtida iyo baarlamaanka iyo waxqabad la’aanta Wasiiradda iyo Maayaraduba ay noqotay mid dhalaanku wada ogyahay.

 

Madaxweyne Cigaal-na, waxaan u arkaa in uu yahay nin kursiga Madaxnimada ee kharashka weyn leh aad u jecel, dadkana aanay muuqan waxay qabsadeen mooyee wax uu u qabtay, balse baaqigii ka soo hadhay xabbadii Faqashta wax uu u tara daayo ay moraal xumada lunsiga hantida Qaranka ay wada waasheen, taas oo malaha ma ogee ka muuqata bulshada magaalooyinka dalka oo dhan.

 

Sidaa daraadeed, ayaanu Madaxweynaha waxaanu u soo jeedinay Madaxweyne wixii aad qaban wayday 9 sanno maanta garan mayside, baaqiga ha waalin.

Maxamed Jaamac, Hargeysa.

………………………………………….

 

Eedaysanoow waa lagu ogyahay

 

A

nagoo ah Haweenka u dhashay G/Awdal, waxaanu ka xunahay dhibaatooyinka soo waajahay G/Awdal, waxa beryahan dambe ay dhibaatooyin lixaad leh soo food saareen gobolkan ayna fuliyaan dad u dhashay ahna masuuliyiin sare oo matasha G/Awdal, kuwaas oo rag iyo dumar leh oo xilka aan u kala sarayn. Waxa jirta in la iska horkeeno dad wada dhashay oo reer Awdal, sababta nagu kaliftay in aan soo qorno maqaalkan eedaysanoow waa lagu ogyahay, waa waxyaabaha xun xun ee ka dhacay G/Awdal.

 

Haddaba, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; “Meyd waxaa ugu dambeeyay kaa la sii sido.” Haddii aan wax ka soo qaato dilalkii ugu dambeeyay ee foosha xumaa, dilkii ka dhacay UNHCR horteeda iyo kan u dambeeya ee dhibtiisu taalo Boorame, haddii ay maamulka gobolka iyo ka degmada ay wax ka qaban lahayeen ay ka cabsi qabaan maamulka sare. Waxa kale oo jirta labadii sanno ee ugu dambeeyay laga badalay shan Taliye Qaybeed, taas oo la raadinayay mid danahooda gaar ahaaneed u fuliya ama mid ka taliya maslaxadda G/Awdal la rabin.

 

Tusaale waxaa nagaga filan T/Qaybta G/Awdal Maxmed Cabdille Xasan oo ah ninka kaliya ee Cadaaladda ku maamulay dhinaca nabadgelyada, taas oo beelo badan oon hore u iman jirin Saldhigyadda oo u arkayay meel Cadaaladdu ka fog tahay, si rasmiya imika u tagaan, dacwadoodana ay ugu dhiibtaan dabadeedna lagu qabsaday maxaad u arkaysaa maqaarsaarkayaga.

 

Haddaba, waxaan si nasteexo leh ugu sheegaynaa in ay dheguhu u furmaan, waanadana u qaato, haddii kale waa nasiib-darro.

Xaawo Maxamuud Cali,

Cutub Bille Cabdi,

Sahra Yuusuf Samaale,

Maryan Xasan Bade iyo

Xaliimo Cali Boqore,

Boorame.

………………………………………………………………………..

 

U coddee Xisbigii Qaadi kara Nabad-gelyada

 

M

uddaba waan la socday Siyaasadda Somaliland, waxaanan xog waraysanayay Shacabka somaliland, wax garadka, dhalinyarada, caruurta iyo dumarkaba. Kuwaas oo aan ka dareemay in aanay u diyaar ahayn barakac dambe. Haddaba, waxaa ayaan-darro ah, kuwa fursaddaa dahabka ah ku doonaaya in ay qaxiyaan Maatada mar labaad. Ninkii doonaya in uu ka qayb qaato Siyaasadda Somaliland, waa in uu soo maro habkeedii oo ay ku dheehantay degenaan.

 

Markaa ha noqon, sidii Xisbigii SAHAN ee Kheyriyadda ka hadlay ee yidhi; “Saaxil waxay Gobol tahay, inta uu ina Cigaal joogo.” Miyaanay ahayn ayaan-darro iyo khalkhal la kala dhex dhigaayo Shacabka Somaliland. Ma kaas ayaa horumar u haya bulshada Somaliland.

 

Ku codee maskax caafimaad qabta oo aan khalkhal gelin bulshada iyo nabadooda. U codee Xisbigii qaadi kara nabad-gelyada.

Mustafe Jirde Xayd

 

Raadiyow Ma Qalloocshe

A.A.Garas

 

H

alkani waa Raadiyow ma Qalloocshe oo aydin ka dhegeysataan Mawjadaha kaftan yaqaanka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaqyahanka. Akhyaartayada indhaha cas-casow, iminkana waxa soo socdaa waa warkii dunida, waakan weriye Mr. Gawsa-dhuub.

Warkii oo Dalba leh

Dawladda Lix karoonlaan ayaa subax dhowayd isla kala jiiday, wax hangool iyo udub loo kala garan waayay, waxaanay dhanka buuran ugu dhufatay cashuurta shaari-shaarida laga qaado. Shuqulkaasna waxa isu gaabiyay baa la yidhi, Ministarada iyo macal aabahood.

 

Cashuurtaas caynka hoosta laga geliyay, waxay saliid kaga keentay dhammaanba uur-kuusanayaasha shaari-shaarida, kuwaas oo la sheegay in ay tijaar badani cadho daraadeed sida jinac-duullaanka u ureen. Madaxkuuska lixkaroonta iyo uurkuusyada tijaarta ayaa shirar la qarsaday isku soo afgartay in aan cashuurta dhanka buuran loogu dhuftay dadku u taaghayinin. Sidaa la ajligeedna cashuurta loogu dhufto dhanka bagafsan oo ballaciisu yahay 350 Giraam ilaa inta dadku dhiigeysanayo.

 

Cashuurta cagabidhyaysay ayaa la ii sheegay in ay ka dhalatay farsamada qiimaha doollar-shilin-saarka oo la sheegay in doollarku ka gurguurtay halkii shillinka laysku fuushiyay kal shanaad markii mayayga beenta ahi arlada ka da’ay ee dalka maansheeyey.

Hargeysa

Wasiirka dukhul-daakilka dawladda shankaroonlaand ayaa subax dhowayd si la fajacay ugu cawaandi gareeyay mucaaridka dawladda ka maadsada. Cawaandaddaa ministarku wuxuu qumaati u hulluuqsiiyay qaar ka mid ah ururada dayr-dhaladka ah, kuwaas oo ayaan dhowayd sheegay in ay caashaqa kala noqon doonaan dawladda ciida carrafo kadib.

“Nimanka mucaaridka sheeganaaya ee halkan ka had-hadlayaa malaha xishoodkayaga ayay dawlad moodayaane Wallaahi in aanu beel-beel kula qasan oo intaan beeshayada u yeedho ay buutooy-buuto wareen ka dhici doonto.” Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen cawaandiyayntii minister daakhilka.

 

Ministarku isagoo cawaandiyayntiisa sii wata, wuxuu sheegay in nimankaasi hadday ciyaar seel-seelida joojin waayaan in aanay ka baqan doonin ee ay kax bannaan isugu soo baxaan, kooda ciidda la cunsiiyo.

 

Gebagebadii cawaandinimada, ministarkii wuxuu sheegay in ay dawladdu dalbatay shixnad qabyaalad ah, taas oo uu sheegay in qabyaalad cusubi miyi uga imanayso, shixnaddii ugu horeysayna cagafyo lagaga soo raray Harta Sheekh Axmed oo ay jidka ku soo jiraan.

Weriye ka mid ah raggii warboobayaasha ahaa ee uu caynkaa ugu sheekeeyey ayaa weydiiyay oo yidhi; “Wasiir, Cigaal baan kugu dhaariyeye ma caynkaasaa kaa dhab ah?”

Wuxuuna ku jawaabay ministarku; “Nacam, Cigaal baad igu dhaarisee waa caynkaa.”

Qaarka mid ah ragga mucaaridka ee cawaandiyayntu ku dhacday ayaa hadalkaa wasiirka ku tilmaamay af-dhanaanaan aan geedna loogu soo gaban.

 

Ciyaal kale oo aanan garanayn cid ay yihiin ayaa sheegay in ay in yar ka dhega-diideen cawaandiyaynta wasiirka, iyagoo yidhi; “Cawaandiyaynta waanu doonaynay, laakiinka laxanka qabyaaladda ee uu ku ladhay ayaa heesta kharibtay.” “Macnose malaha oo waxa laga yaabaa in wasiirku yahay fannaaniinta cusub ee dhawaan Siyaasadda la qoray,” ayay sii yidhaahdeen

Qabridahaar

Xujaas reer af-bagastaan ah ayaa maalin dhoweyd waxay hurdub iyoi feedh jilib ku dileen wasiirkii samada iyo arlada diyaaradaha ee af-bagastaan.

 

Xujaajtaas oo reer Gaaldhibaan ahi, wuxuu Ninkaasi ku waryeeshay markii ay waayeen gaadiid ay xajka u raacaan, kuwaas oo markii ay wax duullaba waayeen, ku dugleeyay wasiirkii duulista. Waxaana xantu lahaayeen, wuxuu xujaajta ka duuliyay diyaaraddii ay raaci lahaayeen, kadibna xayraankii ay isagii dhegaha soo qabteen oo yidhaahdeen; “Adba duul,” waxayna damceen baa la yidhi in ay wasiirka ballaadhiyaan oo intay baalal u sameeyaan xajka ku gaadhaan, laakiin markii uu u ballaadhan waayay ay beerka ku dhufteen, Sidaana digta kaga jareen.

 

Walaalayaal, dhegaystayaal, maanta warka halkaa dhaafin maayo, waxaanse gawda idiinkaga saari doonaa hees qaali ah oo aanay idinka mooyee cid kale iga qaadeen. Waatan fannaanaddii carrabka lagaga gubtey, Salaado musbaaro oo idiin maroojisaa ee dhadhan wanaagsan.

Dhirin..dhirin… dhish..dhax..

Shabkax… Shabkax….

Gabayada macaaniyo

Heestayda dalabta leh

Aan soo cashuuree

Sida wiil badraan dhalay

Ama baashe meel yaal

Ma idiinku saydhaa

Degmayahay islaameed

Doon heeso lagu guray

Markii aan dorraad galab

Damcay in aan cashuuro

Dekedaha ka soo rogo

Qiimihii cashuurtaa

Igu qaaliyowdee

Bal qasaarahaa daya

Tijaar iyo dilaal baa

Dowladdii malmalayoo

Hadalkaan macneeyay

Murtidii cashuureen

Tijaarkiyo mallaalkuba

Wuxuunbay mallaalaan

Xoolahayga weeye

Sow xaaji maan ahi

Sidii xaqa rubaabidii

Dunidaba xaqii tidhi

Anna xoolahaygii

Dadku igama xadayaan.

 

Sida dawlad beelo ah

Oday uu ka madax yahay

Iyadoo dastuurkii

Doorashooyin lagu simin

Shicibkuna cashuurtiyo

Cabashooyin joogaan

Ururkii is-waalee

Odaybaa dhacaayiyo

Egesbaayir weeyaan

Laga maqlo afkiisana

Waa in udub dhexaadiyo

Diga-xaadho lala dhaco

Horta guurtidaydani

Kookiyo ma faantaa

Mise seben abweeyaan

Ma bilaale shaahiyo

Ciir lagu walaaqaa

Sannad waa salleelee

Toban waaba sahalee

Miyaa lays cawarayaa

Runba naago diidee

Qushbal ururadaan idhi

Haddaad qaadan weydaan

Qaacida sideedii

In ay qawdu idin heli

Ka qabtaaydu in ay badan

Hanjabaadna maahee,

Meeshu beelo weeyaan.

Bil amaara tarariis

Looma baahna weeyaan.

 

………………………………………………..

 

Is-gaadhsiintii Dibadda ee Telesom oo dib loo furay

 

H

argeysa (Haatuf): Maamulka Shirkadda Is-gaadhsiinta ee Telesom (Ex-Globetel) ayaa shaaca ka qaaday in dib loo furay khadkii Isgaadhsiinta dibadda ee dirida Telefoonada, Shalay laga bilaabana ay dadku dibadda u diran karaan Telefoonada, toddoba cisho gudahoodna lagu dhammaystiri doono khadka soo dhicida Telefoonada dibadda laga soo dirayo.

Siduu sheegay War-Saxaafadeed uu soo saaray Maamule ku-xigeenka Shirkadda Telesom Mr. Maxamuud X. Aadan Xadeed, waxa kale oo ay Shirkaddu 50% hoos u dhigtay qiimihii Internet-ka oo laga dhigay 1.50 Doollar Saacadiiba, halkii uu markii hore ka haa $ 3-Doollar Saacadiiba.

Hoos-u-dhiga qiimaha Internet-ka, wuxuu ka bilaabmaya 01/03/2002. Shirkaddan oo ah tii ugu horaysay ee dalka keenta adeegga Internet-ka, sababta ay hoos ugu dhigeen qiimaha khadka Internet-ka waxay ku sheegeen in ay ugu talo-galeen, sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen dhammaan qaybaha bulshadu maadaama dunidu maanta marayso cahdigii Kumbuyuutarka iyo Teknilojiyada Casriga.

 

Maamulka Shirkaddu, waxay War-saxaafadeedkooda ugu mahad celiyeen macaamiishooda oo ay ku hambalyeeyeen, siday ugu dhabar adaygeen muddadii uu Shirkadda ka maqnaa khadka dibaddu, waxaanay u ballan qaadeen in ay ka heli doonaan una fidin doonaan adeeg tayo leh.

Shirkaddan oo ah ta ugu ballaadhan kuna shaqaysa qalab casri ah, waxa khadka Telefoonka dibaddu ka go’ay markii uu Maraykanku xayiraad ku soo rogay Shirkadii loo yaqaanay Barakaat 13-kii Nofember 2001, taas oo keentay in ay kala baxaan Barakaat iyo Globetel oo haatan la baxday Telesom Co. Xayiraadaasi waxay saamayn weyn ku yeelatay bulshada.

………………………………………………………………………………..

 

Sarkaal Q. Midoobay ee la Musaafuriyay oo Dalka ka baxay

 

H

argeysa (Haatuf): Sarkaalkii dhinaca Nabadgelyada u qaabilsanaa Hay’adaha Q. Midoobay ee dalka joogga Mr. George Bloch, ayaa Isniintii ka dhoofay Madaarka Hargeysa, kadib markii Xukuumaddu ku amartay inuu 24 Saacadood Gudahood kaga baxo dalka.

 

Siduu shaaca ka qaaday War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Laahi Cumar Cige, Xukuumaddu waxay ku eedaysay Sarkaalkaa inuu galay arrimo lid ku ah Qaranimada Somaliland, hase yeeshee muu saafin Wasiirku arintaas, hase ahaatee wuxuu ku xusay qoraalkiisa oo la siiyay Warbaahinta dawladda, in Sarkaalkaasi ku war-geliyay shaqaalaha Q. Midoobay in ay dalka ka baxaan, sababo ammaan-darro awgood, sidaas darteedna loo musaafuriyay, looguna amray inuu 24 Saacadood gudahood dalka kaga baxo.

 

Dhinaca kale, siday sheegeen warar madaxbanaan oo arintaas la xidhiidhaa, Mr. George Bloche, waxaa lagu qoonsaday kulamo uu la yeeshay qaar Madax-dhaqameedka ka tirsan, iyo xubno Mucaaridka ka mid ah, kuwaas oo uu wax ka weydiiyay xaaladda adag ee Siyaasadeed ee dalku ku jiro. Sidoo kale, waxa loo aaneeyay War-gelin uu shaqaalaha Ajnabiga ah ee UN-ka, taas oo gundhigeeda lagu sheegay in ay ahayd mid uu shaqaalaha ugu sheegay in ay taxadir dheeraad ah galaan, inta ay xaaladda Siyaasadeed ee dalku xasilayso. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta waaweyn ee Mucaaridka iyo Salaadiinta oo ka hadlay qadiyadda Sarkaalkaa ayaa iyana lagu musaafuriyay mid khalad ah, haddii ujeeddadu tahay kulamadda uu Mucaaridka iyo Salaadiinta la yeeshay.

…………………………………………………….

Ururka SAHAN oo Xukuumadda ku Eedeeyay in ay Dalka ka Abuurayaan Colaad Dagaal

H

argeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka SAHAN ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay isu-diyaarinayso, sidii dagaal Wadanka uga dhici lahaa, isla markaana ay abaabulayso Mudaharaadyo ay khalkhal ku gelinayso nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta.

 

Ururka SAHAN oo Galabnimadii shalay, Xafiiskiisa Hargeysa ku qabtay Shir-jaraa’id oo ay kaga hadlayaan dhinacyo badan, waxa kale oo ay si weyn u cambaareeyeen Golaha Guurtida iyo Maayarka Caasimadda oo ay iyana ku eedeeyeen in ay yihiin kuwo abuuraya xaalado nabadgelyo xumo oo aan dalka ka jirin. Ururka SAHAN, wuxuu sheegay in Xukuumadda, Guurtida iyo Dawladda Hoose, ay si wada-jir ah u abaabulayaan kacdoon shacbi oo ay ku qarinayaan gefafka Dastuuriga ah ee ay galeen, kaas oo uu ururku ku tilmaamay mid si ula-kac ah loogu soo beegay Xuskii 20 bisha Feberweri oo lagu xusuusto, kacdoonkii Shacbiga reer Somaliland kala hortageen Taliskii Siyaad Barre, oo cadaadis iyo lugooyo joogto ah ku hayey.

 

Hadal Qoraal ah oo ururka SAHAN, ka akhriyay Shirkaa Jaraa’id, wuxuu u dhignaa sidan:

“Mowqifka Siyaasadeed ee ururka SAHAN, waa mid ku salaysan nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka, waayo haddii nabad la waayo, waxay keenaysaa in horumar la waayo oo dhibaato iyo khalkhalna dalka ka abuurmo. Dadkuna wuxuu soo maray dagaalo iyo colaado keenay in ay qaarkood qaxootinimo ku joogaan Qaaradaha dunida, gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Siyaasadda SAHAN, waxay ku qotontaa nabad-gelyada iyo Jiritaanka Somaliland, cidina ugama lexojeclo badna dadka iyo dalka Somaliland, wax alla wixii waxyeelayana wuu ka soo horjeeddaa.”

Ururka SAHAN, oo ka hadlay khalkhalka iyo colaadda uu sheegay in ay Xukuumaddu diyaarinayso, ayaa carabka ku dhuftay in ay Xukuumaddu wado khudbado hanjabaad iyo caga-juglayn u badan oo ay ku iftiiminayso tallaabooyin dagaal. “Waxa jirtay khudbad Madaxweynuhu akhriyay oo uu ku sheegay in reer-reer loo dagaalamayo, oo marba qolo la eryanayo oo aan la kala adkaanayn. Waxa kale oo jiray in Wasiirka Daakhiligu sheegay, in dagaalo dhacayaan oo ay diyaar u yihiin. SAHAN-na ma wado dagaal, Mucaaridkuna iyaga ayaa Xukuumadda ka jecel nabadda. Waxaa Xusid mudan in nimankii shalay inoo yimi ee markii dagaaladu socdeen debedaha ka shaqaysanayay, ayna yidhaahdaan; anagaa dalka idinka lexojeclo badan.”

 

“Waxa kale oo jira Odayaal xaafadaha loo diray oo yidhaahdo; belaa dhacayse hebelkiina qabsada. Waxa kale oo jira dad masaakiin ah oo la abaabulo oo ay ka mid yihiin; Ciyaalka Iskuullada iyo Islaamo dadka laga horgeeyo, waxaa ugu dambeeyay markii dhawaan Odayadii dhaqanka loo adeegsaday ardaydii dugsiyada, halkaana ay qaarkood ku dhinteen,” ayuu ku daray ururka SAHAN.

 

Ururka SAHAN, wuxuu kaloo cambaareeyay tallaabadii dhawaan Xukuumadda dalka kaga eriday Sarkaalkii Qaramada Midoobay, Nabad-gelyada u qaabilsanaa.

Shirka Jaraa’id kadib, ayay Weriyayaashu weydiiyeen su’aalo la xidhiidha arrimihii ay shirkaa Jaraa’id kaga hadleen, su’aalahaasina waxay u dhaceen sidan;

S: Waxaa jirta baqdin iyo walaac xoog leh oo ay Xukuumaddu ka muujisay idinka (SAHAN) iyo ASAD, markaa ma waxa jira hub iyo Ciidamo idiin gaar ah oo aad diyaarsateen?

J: Ma jiraan waxaanu diyaarsanay iyo dagaal aanu wadnaa midna, balse waxaanu ku loolamaynaa Siyaasad, waana ta aanu isu-diiwaan gelinay, haddaanu nahay SAHAN. Siyaasadii ayaa noqotay in ay ku qariyaan marka ay wax qaloociyaan, dadkana ay ku khalkhaliyaan. Waxaad ka soo qaaddaa, Ciidamada la dhigay Wadooyinka u dhexeeya magaalooyinka ee lagu dilayo dhaxantaa, waxaan leeyahay waa in laga daayaa, tacadiga lagu hayo.

S: Waxaa muuqata xaalad khatar ah oo dalka ku soo fool leh, oo ka dhalatay hadalalada kulkulul ee ay isdhaafsanayaan Xukuumadda iyo Mucaaridku, taas oo baqdin badan Shacbiga ku abuurtay markaa idinku maxaad xal u aragtaan in arintaa lagaga bixi karayo?

J: Horta Xukuumaddu, iyada ayaa abuuraysa waxaan jirin oo ka sii hadlaysa waxaan weli lagaadhin (Qaybka), wax dhibaato ah oo soo socdaan ma aragno, waxaad in badan ka maqasheen Madaxweynaha oo leh, anagu diyaar baanu nahay, iyada oo aan la magacaabin gudidii doorashooyinka oo aan la saamayn Shuruucdii iyo qawaaniintii ka dhinayd Shuruudaha doorashooyinka ee kala xadaynta degmooyinka iyo goboladu ka mid ahayd, ee diiwaan gelinta lahayd, ee tiro-koobka lahayd. Taasi waxay ku tusaysaa, inuu Madaxweynuhu doonayay inuu doorashada ku shubto, waayo wuxuu iska samaystay sanaaduuqdii, shaambadihii iyo qalabkii kale ee doorashada, ta kale wax nabadgelyo xumi ahi ma jirto, waxaana ka markhaati kacay Wasiirka arrimaha gudaha oo xalay (Habeen hore), Telefiishinka ka sheegay in ay nabadgelyadu taam tahay.

Xukuumadda maanta jirtana sharcigii ay ku fadhiday, wuxuu kaga egyahay 23 bishan, anaguna waxaanu qabnaa in sharciga la raaco oo laga hawl-galo, oo dadka lagala tashado, sidii dib loogu soo celin lahaa sharcigii dalkana loogu saamayn lahaa Xukuumad gaadhsiisa doorashooyin xaq ah oo dalka ka dhaca.

S: Waxaad ka hadasheen eriga Sarkaalka Q. Midoobay, ee Xukuumaddu ay ku eedaysay inuu fara-gelin ku sameeyay Siyaasadda dalka, idinku maxaad u difaacaysaan haddii uu arrimo khaldan galay?

J: Anagu ninkaa difaaci mayno, balse xaqa ayaanu difaacaynaa; markay Guurtidu tidhi, nabad-gelyo darraa jirta oo uu maqlayay hanjabaadii Madaxweynaha, tii Wasiirka arrimaha gudaha iyo tii Guddoomiyaha Guurtida ee ay lahaayeen, waanu dagaalamaynaa, xaq buu u leeyahay inuu u digo dadka xilku ka saaran yahay. waayo, nabad-gelyada ayuu u qaabilsan yahay, haddii uu yidhaahdo waar bal is yar ururiya, muxuu sameeyay.

Berigii hore, marka Milaterigu dagaal gelayo, waxa la afuufi jiray bahal Bigil la yidhaahdo, iminka Xukuumaddu waxay afuuftay Bigil, waxa ugu horeeyay Madaxweynaha oo markii uu ka hadlayay Berbera yidhi; “Haddii la islaayo, la kala macaashi maayo’e maalinba reerbaa la eryaynayaa.” Waxa ku xigay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo yidhi; “Haddii dagaal dhaco, qof waliba reer buu noqonayaa.” Markaa ma jirto cid kale oo dagaal sheegtay, dawladda ayaa keligeed wada. Waxa jira Mudaharaad ay Dawladda Hoose wado oo berito (Maanta) ka dhacaya Hargeysa, Maayarka ayaana u aabo ah, waxaan Maayarka ku odhan lahaa intaad waxaan jirin abaabulayso, Caruurta u ammaangeli garoomada ay ku ciyaarayaan iyo surimadii ay mari lahaayeen ee aad ka awdayso.

S: Waxaa jira, warar sheegaya in Xukuumaddu qorshaynayso sidii ay u xidh-xidhi lahayd xubno ka mid ah ururada SAHAN iyo ASAD, arrintaa maxaad ka ogtihiin?

J: Waxa nagu jira qaar Xukuumadda u tegay oo ku yidhi; hadaad hebel iyo hebel xidh-xidhaan, anaga xagayaga waa ka fasax. Waxaan qabaa in ay ku dhaqaaqeen, sidii af-miishaar waiba Xukuumadda isu jeclaysiin lahaa, laakiin xadhiga ragbaa loo sameeyay, Somaliland-na xadhig wax ka adag baanu ugu badheedhnay, dil baanu ugu beegsanay. Maantana haddii xaqa nalagu xidhayo waxba kama qabno, waa nin iyo waagii, waxaanuse anagu qabnaa in aanaan ku kacayn waxaan sharci ahayn.

S: Guurtidu, waxay yidhaahdeen cidii wax ka qabta Muddo-kordhinta Xukuumadda ee Qod. 83aad, dacwadooda ha geysato Maxkamadda dastuuriga ah, idinku maxaad taa ku diidan tihiin?

J: Dacwadii waa noo qoran tahay, waanuna haynaa, balse waxa is-weydiin leh meeday Maxkamadii dastuuriga ahayd, xagee baanu ugu hagaagnaa.

S: Had iyo goor ururada Mucaaridku, inta aanay xilka hayn waxay tilmaamaan dhaliilaha Xukuumadda, idinku hadaad talada dalka ku guulaysataan ma kaga dhabaynaysaan waxqabadka aad sheegtaan?

J: Haa, waa himiladayada, waana ujeeddada iyo Siyaasadda ururka SAHAN, marka aanu talada dalka qabano idinka ayaa arki doonna in aanu ballantaa fulino iyo in kale.

S: Waxaad sheegteen in barito la qabanaya Xuskii 20-ka Feberweri, Khayriyaddana waxa ka hadlayo Guurtida, markaa xagee lagu qabanayaa Xuskaa?

J: Guurtidu way ku gabanaysaa, umana badheedhi karto. Xuskani, waa mid Qaran loomana baahna in lagu khaldo Siyaasadda. Waxay ahayd in Guurtidu aanay carsha-carshayn, khudbadeedana ay ka dhigato maalin kale.

S: Waxa jirta in Axmed Siilaanyo, dhex-dhexaadin ka dhex wado Mucaaridka, markaa idinku mala kulanteen?

J: Horta dhex-dhexaadinta ururada, cid samaysa anagaa ugu horaynay, saddex bilood baanu wadnay, si aanu meesha uga saarno kala qaybsanaanta bulshada, taasi may dhicin oo way kala yaaceen. Qaar waxay noqdeen, sida UCID oo uu ka lumay kanfaskii ay ku kala garan lahaayeen cidda ay wax ka doonayaan tii kale, halkii ay Xukuumadda ka dhaliilli lahaayeen ay kaga dhegtay hebel baa shanqadhaya. Siilaanyo iyo is-aragiisana waxba kama qabno, waa Nin Oday ah oo dalka xaq weyn ku leh, haddii uu noo yimaadana ma diidayno.

S: Xukuumaddu, waxay ku adkaysanaysaa in ay sharci tahay muddada loo kordhiyay, idinka iyo ASAD-na waxaad hore u soo sheegteen in aad soo dhisaysaan dawlad dastuurka waafaqsan. Haddii labadiina dhinacba aad tanaasul diidaan, maxaa xal noqonaya?

J: Dawladdu talada ma maroorsan karto, sharci darrana dalka kuma dhiqi karto, waxaan doonaan yeelayaana mid suura-gal ah maaha, arrintuna waa mid u taal cid kasta oo sharciga jecel, waxaanu qabnaa in ay waajib tahay in la samaysto dawlad sharci ku dhisan.

……………………………………………………………………………………………

 

 

Ururka jaaliyadda Somaliland ee UK oo ku baaqay in la dhowro go’aankii Guurtida

L

ondon – Harg (Haatuf) :- Ururka Jaaliyadda Somaliland (Somaliland Society – UK), ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedyada ururada siyaasadda iyo dawladdaba, inay xaq-dhawraan go’aankii golaha Guurtida ee muddada sannadka loogu kordhiyay xukuumada talada haysa. Sidaana wuxuu ururku ku caddeeyay Bayaan uu ka soo saaray magaalada London.

Bayaankaa ururku soo saarayna wuxuu u dhignaa sidan:

 

Ururka Jaaliyada Somaliland (Somaliland Society - UK) Isagoo garanaya xaaladaha ka dhalan kara geedi socodka, koritaanka qaabka siyaasada iyo maamulka dalka;

Anagoo Xusayna waxqabadka iyo guulaha uu dalku gaadhay tan iyo intii laga xoreeyay gumeysigii nacabka ahaa, taasoo ay libteeda leeyihiin, shacabka reer Somaliland, goloyaasha iyo xukuumaduba;

 

Anagoo ka warwarsan muranka soo afjarmi waayey ee u dhexeeya dawladda, Madax-dhaqameedyada, Xisbiyada Siyaasiga ah ee dalka ka jira iyo dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Murankaas oo haatan isu bedelay middi-middi ku taag iyo kala xantaysi, waxaanu ugu baaqaynaa dhamaantood qodobadan hoos ku qoran:

  1. In la xaq dhawro Go’ankii Golaha Guurtida ee mudada sanadka ah lagu kordhiyey xukuumada maadama ay suurto gali weyday in doorashooyin madax-banann lagu qabto mudadii loogu talo galay. Laakiinse, mudadaasi la kordhiyey waa in ay qabsoomaan lana dhamaystiraa dhamaan wixii suurto galin lahaa doorashooyin ka dhaca dalka oo dhan;
  2. Cidii (wadar iyo waaxidba) wax ka tabanaysa, ama diidan qaabka mudada loo kordhiyay, ama u aragta in anay dastuurka waafaqsanayn, waxaa haboon in ay dacwadooda iyo doodoodaba u gudbiyaan maxkamada sare ee dalka. Waxaanu ugu baaqayna dhamaan dhincyada isku haya arintan in wax walba laga hormariyo danta guud, xalkana lagu raadiyo wada-hadal, wada-tashi iyo is-qancin;
  3. Dhaliilsha ama qabyada ka jirta dalka gaar ahaan dhinaca doorashooyinka  waxaa haboon in cid waliba ogaloaato ama ka garawdo inta ay leeyihhin dhaliisha;
  4. Xeerka iyo qaabka doorashooyinka waa inuu noqdo mid si qoto dheer loo soo darsay oo dhamaan raali laga wada yahay (Xisbiyada, Xukuumada, Golayasha dalka beelaha iyo shacbiga walaalha ah ee reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba). Waxaanu soo jeedinaynaa in la xulo aqoonyahano cilmi-baadhis ku soo sameeya qaabka doorashooyinka ee la qaadan karo iyo sida ugu haboon ee dalka looga hirgalin karo doorashooyin  madax-banaan.

………………………………………………………………………………….

 

Xukuumaddu Ansixinta Muuse Xisbi ma sandullayn doontaa Wakiillada?

 

H

argaysa (Haatuf) Muuse Jaamac Maxamed, waxa uu ahaa xubinta keliya ee ay Golaha Wakiiladdu ansixintiisa ganafka ku dhufteen, kadib markii ay ansixiyeen lixdii kale ee Toddoba xubnoood oo ay guddiga doorashooyinku ka koobnaayeen.

Haseyeeshee markale ayuu Muuse xisbi beegsanayaa in dib loo ansixiyo ka dib markii uu Madaxweyne Cigaal Golaha wakiilada ku soo cayntaariyey waraaq qoraal ah oo uu kaga dalbanayo inay Muuse xisbi dib u ansixiyaan, islamarkaana ay Xukuumaddu ku dhaqaaqday kaambayn ay golayaasha baarlamaanka cadaadis ku saarayso inay ninkaa ansixintiisa dib u meelmariyaan si uu uga mid noqdo guddiga Doorashooyinka.

 

18-kii Diisambar ee sannadkii ina dhaafay ee 2001 ayuu Madaxweyne Cigaal markii u horaysay Golaha wakiilada u soo gudbiyey magacyada toddoba xubnood oo guddiga doorashooyinka ah si ay u ansixiyaan.

 

32-Maalmood ayey aqalka wakiiladu u fadhiisteen ansixinta guddigaa, iyadoo hal-hal loogu codeeyey. Haseyeeshee, Muuse Maxamed Jaamac (Muuse xisbi) ayaa noqday xubinta keliya ee la diiday ansixintiisa, halka lixdii kale la ogolaaday, waxayna Wakiiladdu diidmada Muuse Xisbi u cuskadeen inuu buuxin waayey qaar ka mid ah shuruudihii looga baahnaa xubinta ka mid noqonaysa guddiga doorashooyinka, waxaana shuruudahaa ka mid ah; in aanu ahayn shaqaale dawladeed. Haseyeeshee, Wakiiladdu waxay sheegeen inuu Muuse Xisbi yahay shaqaale dawladeed, oo uu xataa bishii u dambaysay ee la soo magacaabay saxeexay mushahar.

 

Diid-mada Muuse xisbi, waxay dhalisay xiisad Siyaasadeed oo si weyn u dhex-xushay Golayaasha dawladda, min Baarlamaan ilaa Xukuumadda ilaa Aqalka Madaxtooyadda.

Saddex ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashooyinka, waxa magacaabidooda soo xulay Madaxweyne Cigaal, labo ka mid ah-na waxa soo xulay Golaha Guurtida, halka laba xub-nood-na ay soo xuleen ururada mucaaradka ahi. Sidaa awgeed, Muuse Xisbi, waxa uu ka mid ahaa labada xubnood ee dhinaca guurtida ka yimi.

 

Sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah oo la xidhiidha arintan, markii ay Golaha wakiiladu diideen Muuse xisbi, Golaha Guurtidu waxay miiska soo dhigeen xubin kale oo ay ugu talo-galeen in ay noqoto xubinta ka dhimman guddiga doorashooyinka. Xubintaas oo sida la sheegay ahayd, Nin lagu magacaabo Axmed Xaashi oo mar Agaasime Guud ka ahaa Wasaaradda Caafimaadka. Odayaasha Shir-gudoonka Guurtida uma ay suuro-gelin in ay magacaabidiisa meel mariyaan, iyadoo la sheegay in ay taasi ka suuroobi wayday cadaadis ka yimi dhinaca Xukuumadda iyo Aqalka Madaxtooyadda iyo weliba urur-siyaasadeedka UDUB, waxayna wararka arrintaa u dhuun-daloollaa si gaar ah farta ugu fiiqeen Madaxweyne Cigaal iyo Wasiirkiisa Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, taas oo la sheegay in ay yihiin labada Oday ee shidhka ugu jira dedaalka la doonayo in mar kale dib loogu ansixiyo Muuse Xisbi, Sidaana uu kaga mid noqdo guddiga doorashooyinka.

 

Wasiirka Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, oo ay Muuse Xisbi isku degaan ka soo jeedaan, ayaa si weyn uga cadhooday diidmada Muuse Xisbi ee Golaha Wakiiladda, taasina waxay keentay in aanu Axmed Yuusuf Ducaale qarsan dareenkiisa ah, inuu ka dagaalamayo diidmada Muuse Xisbi, kadibna wuxuu qaaday olole af iyo adinba leh oo uu ku beegsanayo in waxkasta oo ay ku kacayso uu Muuse Xisbi ka mid noqdo guddiga doorashooyinka, dibna loo ansixiyo.

 

Madaxweyne Cigaal, ayaan isna qarsan sida ay uga go’an tahay inuu Muuse Xisbi ka mid noqdo guddigaa, kadib markii uu Golaha Wakiiladda ku soo cayntaariyay waraaq uu leeyahay waa in Muuse Xisbi sidiisa lagu ansixiyaa. Waraaqda Madaxweyne Cigaal, waxa iyana ka dhashay dareen dood abuuray. “Hadii ay Golaha Wakiiladdu, Muuse Xisbi soo celiyaan waa in ay Cismaan Shunuuna soo celiyaan.” Weedhani waxay cinwaan u ahayd, Maqaalad uu Wargeyska Haatuf ku qoray nin la yidhaahdo C/Raxmaan Maxamed Guun oo ka hadlay arrintaa. Hase yeeshee, Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka arrimaha Shuruucda ee Aqalka Wakiiladda, Mudane Maxamed Xuseen Dhamac, ayaa isna ka hadlay waraaqda Madaxweynaha, wuxuuna yidhi; “Isma buuxinayaan Nuxurka Qoraalka Madaxweynaha iyo Cinwaanka farta waaweyn ku qoran ee ku yaalay Jamhuuriya. Waayo, Dekreetada uu Madaxweynuhu ku soo magacaabay xubinta Koomishinka (Muuse Xisbi), haba yaraatee kuma jiro, erayga duuduub ku ansixiya. Ansixintuna, waa xil uu Golaha Wakiiladdu leeyahay distooriyan.”

 

Arinta Muuse Xisbi, Golaha Wakiiladdu waxay u saareen Guddi Hoosaadka arrimaha Shuruucda, hase yeeshee waxa la sheegay in aanay guddigaasi soo helin Qiil-shilis oo lagu meel marin karo Muuse Xisbi, kadibna mar kale ayuu goluhu arintaa u saaray guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee Wakiiladda, si ay talo uga soo bixiyaan, kuwaas oo aanay weli jawaabtoodu gole iman.

 

Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Wakiiladda, wakhtigana ah Kusimaha Guddoomiyaha Mudane Cabdiqaadir Jirde oo arintaa ka hadlaya ayaa si kooban u yidhi; “Waa la soo celin karaa, laakiin goluhu cod buu u qaadayaa, codkaa ayuuna nasiibkiisa ka qaadayaa.”

Muuse Xisbi laftiisa oo aanu waydiinay, rajada uu ka qabo inuu golihii hore u diiday, haddana ansixinayo ayaa ku jawaabay; “Waan ku rajo weynahay in la I ansixin doono.”

 

Wakhtigan Xaadirka ahna, waxa socda kaambayn ay dabadda ka wadaan Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB oo is huwan, taas oo ay u ololaynayaan sidii ay u suurto-gelin lahaayeen ansixinta Muuse Jaamac, waxaana maalmihii ina dhaafay ilaa hadda socday kulamo gaar-gaar ah oo lala yeelanayo Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, si loogu bisleeyo ansixinta Muuse Xisbi.

 

Lama oga taageerada shilis ee uu Muuse Xisbi ka haysto Aqalka Xukuumadda, halka ay daaran tahay, waxaase loo malaynayaa in aanay ka badnayn Masaaliix gaar ah oo Siyaasadeed.

 

Ugu dambayn, bal aynu ka war sugno, halka ay ku gudho sheekada Muuse Xisbi.

…………………………………………………

 

 

TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM ABWAAN GUJIS..

A

lla ha u naxariistee, waxaa habeenmadii sabtidii ku geeriyooday gurgiisa oo ku yaala xaafadda Hal-wadaag ee magaalada Hargeysa marxuum Abwan Xusen Jaamac Rooble (X. Gujis), waxaana meydkiisa lagu aasay xabaalaha xaafada Daloodho, isla subaxnimadii sabtidii oo ahayd 16/02/2002.

 

Abwaan Xaaji-Gujis, Alla ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa laf-dhabarta fanka Soomaalida, wuxuuna doorweyn ku lahaa ku wacyigelinta bulshada ee dhinaca nabadda. Sidaa darteed waxaanu doorbidnay inaanu bulshada u soo bandhigno qayb ka mid ah taariikh-nololeedkii Xaaji-Gujis.

 

Waxaana ka sheekeeyay dad badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Axmed Saleebaan Bidde, Fannaanka caanka ah ee Rashiid Bullo, Ismaaciil Sh. Axmed Cagaf, Muuse Cali Faruur oo ah Abwaan iyo khabiir ku xeel-dheer taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida iyo Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo ah qoraa inta badan wax ka qora dhinacyo kala duwan oo uu fanku ka mid yahay, waana tan taariikhdiisii oo koobani:-

 

Alla ha u naxariistee Abwaan Xuseen Jaamac Rooble (X.Gujis), wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa waqti lagu qiyaasay ilaa sannadkii 1934, halkaas oo yaraantiisii uu ku soo barbaaray. Abwaan Xaaji Gujis, wuxuu la barbaaray jacaylka uu fanka u qabay, wuxuuna aad u jeclaa inuu ka agdhawaado goobaha iyo majaalistiisa ay fadhistaan fannaaniinta Soomaalidu, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo xarun u ahayd fanka.

 

Markii uu yaraa wuxuu ka shaqayn jiray baabuurta oo uu ka bilaabay daba-kafuul, ama waxay Soomaalidu u taqaan Geerash-booy. Inkasta oo aanu soo marin waxbarasho sare haddana wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu aqoonta dheer fannaaniinta, wuxuuna si fiican ugu hadli jiray afafka Carabiga, Ingiriisiga iyo afkiisa Hooyo.

 

Abwaanka caanka ah Axmed Saleebaan Bidde, oo ka mid ah shakhsiyaadkii ay isku kacaanka ahaayen, muddo badana ay ku wada noolaayeen hargeysa ayaa ka mid ahaa dadkii wax laga weydiiyay taariikhda Xaaji-Gujis. Axmed oo u warramay Idaacadda Raadiyow Hargeysa wuxuu  yidhi’ “Waxa jirtay mar aanu yaryarayn oo aanu labadayaduba ka wada cuntayn jirnay guriga walaalkii oo la odhan jiray Axmed Goodmorning oo ku yaalay xaafadda Hindiyalaynka (Indian line).”

Axmed Saleebaan Bide, oo tilmaamo ka bixinaya shakhsiyaddii Xaaji-Gujis, ayaa ku tilmaamay nin bashaash ah oo aad u firfircoon, isla markaana Eebe ku manaystay maskax furan iyo degganaansho.

 

Bide oo wax ka sheegay hab-dhaqankii iyo waayihii uu fanka la jaan-qaaday, ayaa ku sifeeyay Xaaji-gujis in uu ahaa Johoraddii fanka Soomaalida.

 

“Wuxuu ahaa mu’alif hal-abuur ah, mulax hannaaniya hab-dhaca muusikada loogu jaan-gooyo heesaha, Heesaa iyo weliba mumasil (Jilaa). Wuxuu ahaa koosaarka fanka,” ayuu ku daray Bidde.

Alla ha u naxariiistee, Xuseen Jaamac Rooble (X.Gujis), wuxuu ahaa bulshaawi kaftan badan oo dadku ku soo ururo markasta iyo meelkasta oo uu joogaba.

 

Xaaji Gujis, wuxuu ka tegay dhaxal aan duugoobayn oo baaqi ku noqon doona guri kasta oo Soomaaliyeed, inta dunidu taagan tahay. Marka laga tgo mudadii uu fanka ku hawlanaa, waxaa si gaar ah murtidiisa loo dhegaysanayay amaba loo daawanayay muddo afartan (40) sannadood ah.

Akhristayaal, fanka Xaaji Gujis, maaha mid lagaga geyoonayo qalin iyo waraaq la isdul dhigo, hase yeeshee waxaanu maqaalkan idiinku soo gudbinaynaa qaybo yar oo ka tirsan taariikhdii fankiisa.

Riwaayadihiisii oo aad u badnaa waxaa ka mid ah, Ragba ficilkii haween Rookee. Gardiid waa Alla diid. Diinkuba illeyn danihiisa waw dunkukuuraa, iyo qaar kale oo badan.

 

Marka laga hadlayo fanka, abwaanka X.Gujis, waxa heesihiisa ka mid ah “Gaasire” oo ka mid ah heesaha uu ku luuqeeyo fannaanka caanka ah Alla ha u naxariistee Axmed Mooge Liibaan. Miyaad talo ku weyn tahay, Haween waa u samir, ama waa ka samir. Wallee anigu goornaba kuma naco gobaadeey, iyo kuwo kale oo camuudaa ka badan.

 

Xuseen Jaamac Rooble, wuxuu si buuxda dhaqdhaqaaqa fanka u bilaabay markii ay dhawaatay gobonimada Somaliland oo ku beegnayd daboyaaqadii sanadihi 50-aadkii. Sida ay taariikhdu qorayso abwaanimada marxuumku waxay baarka la baxday sannadkii 1962. waqtigaas oo uu soo saaray riwaayaddisii ugu horreysay oo la odhan jiray Gardiid waa Alla diid. Taarikhda fanka ee Xaaji Gujis, dadkii wax laga weydiiyay waxaa ka mid ahaa fannaanka caanka ah ee Rashiid Bullo, oo isagu sheegay inuu wax ka qoray qaar ka mid ah riwaayadihisii, kuwaas oo kala ahaa; Ragba ficilkii haween rookee, iyo Gardiid waa Alla diid. Rashiid Bullo, oo ka warbixinaya sifooyinkii abwaan Xaaji Gujis wuxuu yidhi, “Wuxuu ahaa, nin gacan furan oo jecel fanka iyo fannaaniinta.”

 

Ismaaciil Sh. Axmed Cagaf, oo ka tirsan abwaanada caanka ah, oo ay aad isu yaqaaneen marxuumka ayaa isna sheegay in ay isyaqaaneen tan iyo sannadkii 1967, markaas oo ay isku barteen Gaafkii aroska marxuumka oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Ismaaciil Cagaf wuxuu marxuumka ku tilmaamay deeqsi aan dadka kala jeclayn. “Waxaanu isku baranay arooskiisii, oo markaa laga qaadayay heesta Maydal qoor dheer, oo ammintaa ku luuqaynayay Alla ha u naxariistee fannaankii Cabdalle Sag-saag.” Erayadaasi waxay ka mid ahaayeen jawaabihi uu ka bixiyay Ismaaciil Cagaf. “Aniga oo yar oo aan Itoobiya joogo ayaan maqli jiray heesaha uu qaado ama uu sameeyay, waana layaabi jirey, laakiin nasiib-wanaag waxaa ii suurtogashay inaan beri dambe waxa dhigay riwaayad la yidhaahdo Diinkuba illeyn danihiisa waw dunkukuuriyaa, oo uu sameeyay marxuumka Xaaji Gujis,” weedhahani waxay ka mid ahaayeen jawaab uu ka bixiyay wixii uu ka xusuusto taariikhdii marxuumkaas.

 

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka mid ah dadka qora taariikhda, ayaa isna ka hadlay qoraalo uu marxuumka ka reebay waqtigii uu noolaa, wuxuuna sheegay qaar ka mid ah erayadii halhaysta u ahaa oo sida uu sheegay ay ka mid ahaayeen “ma nin baan Hargeysa ku dhalan oo isu haysta inuu dhashay.”

 

Boobe, wuxuu sheegy inuu goobjoog u ahaa markii marxuumka uu soo gaadhay dhaawac gubasho ahaa, oo uu muddo sanooyin ah u jiifay cusbitaalka guud ee Hargeysa, wuxuuna intaa raaciyay in Marxuumku muddo sannad ah cusbitaalka isaga oo ku jira xaalad miyir doorsoon ah (koomo). Wuxuu kaloo intaa ku daray inu mudo ka shaqaynayay qaybta sawirada ee cusbitaalka.

“Xaaji Gujis, wuxuu ka mid ahaa dadka tirada yar ee uu kulmiyo dhammaan qaybaha fanka, wuxuuna la mid ahaa Cabdillaahi Qarshe, Cumar Dhuule iyo Maxamed Mooge. Wuxuu ahaa nin xishood badan, aadna u xaragooda, isla markaaan aad u garasho badan,” ayuu yidhi Boobe.

Cabdi Yuusuf Ducaale oo sheegay inuu hayo ugu yaraan 50 heesood oo uu ka duubay sannadkii 1993, ayaa marxuunka ku sifeeyay mid fanku hiwaayad u ahaa, balse aan shaqo ka dhigan jirin.

Alle ha naxariistee marxuumku wuxuu waqtigan ku hawlanaa arrimaha nabadgelyada waddanka, wuxuuna diyaariyay barnaamijyo tayo sare leh, oo dagaalada iyo colaadaha lagaga baraarujinayo guud ahaan dadka Soomaalida ah.

 

MAANSO Baroor-diiq

Xishood caado u ahaa,

Astan xarrago u ahayd,

Kiiyoo cida aan xagxagan,

Xaqdhowr baa lagu yaqiin.

 

Fankuu xakab aan jabayn,

Xuladka loo qiijiyiyo,

Xansaska huriya u ahaa

Xaaraan nin ka caaganaa,

Xooggisa miciinsadoo,

Baryada aan xeerinine,

Xalaal-maal uu ahaa,

Xariif kaftan uu lahaa,

Xaruuraa loo yiqiin,

Xiloodinta uu lahaa,

Siduu xididka u yiqiin,

Saaxibada ugu xidhnaa,

Dadkaa xigto u ahaa,

Dalkaa xudduntii ahaa,

Xarun na Herer buu lahaa,

Hargeysuu xiise badan,

Xusuus-hilow uu jeclaa.

 

Midhaa laxaw loo xigtiyo,

Muxuu sida xabag-barsheed,

Xiddaynta alxaanta iyo,

Codkaba xarakayn ogaa,

Miyuusiga ku xadfanaa,

Xantiyo been muu aqoon,

Runtaanu ka xeeban jirin,

Xaraar nin butaystayoo,

Xifaaliyo dood badheedh,

Nimaan loo duur-xuleyn,

Haasaawaha lagu xadayn,

Kasmada xilal loo igmado,

Xumaa ka sarriigta oo,

Colaad ka xanaaqa oo,

Dalkoo xasilana jeclaa,

Nabadda u xishuu ahaa,

Nin xeerka daneeya oo,

Xad-gudub neceb buu ahaa,

Xistiga wuu ka caaganaa,

Xoolaha wuu bixin yiqiin,

Muxuu doobi xoor lahaa,

Qof baahan xigsiin ku habay?

Niman xakamaba sudhayn,

Keenada aan ku xasillayn,

Xorriyad u hadluu ahaa,

Nin sheekada soo xigtoo,

Ku xiiqa mid aanu curin,

Xaasha’e, ma ahayn gulaan,

Doobtiisu na xoorino,

Raakadana aan xunbayn,

Haddaan la is-xaasidayn,

Abaabulka xiin aan damin,

Ordoo xusul-duubka jarin,

Xadkuu gunto aan la furin,

Xeer-beegtiya buu ahaa,

Fankeena xaskii la dhigay

Nin xooxsaday uu ku furay,

In uu xaadho wuu jeclaa,

Xaglaa kama laaban jirin,

Xanuunka dilaa ku helay,

Xiiqdii kala soo tegyaa,

Xuurtaynrii xijaabayaa,

Magaca xaajiguu ahaa,

Xag loo dayo wuxuu ahaa,

Nimuu fanku aad u xulay,

Xeel-dheerida loo ogyahay,

In uu xubnihiisa badan,

Horyaal xul ah uu ka yahay,

Taariikhdu xuseyso abid,

Xishmayntana loo ogyahay,

Suugaanta xurmeynta mudan,

Sheekooyin xariirta hilanta,

Alxaanta xaadda taabatoo,

Xiskaagaba taabta iyo,

Maalmuu dhaxal ay xaleen,

Xareed ah muxuu ka tegay,

Xabaashaada nuur hadhe,

Cadaab Eebbe kaa xoree,

Jannada goob lagaaga xaadh,

Ilaahay xuural-cayn,

Xilahaad rabtay kaaga yeel.

Boobe Yuusuf Ducaale.