SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 40-aad

 Haatuf, Feb.22, 2002, Cadadkii 40-aad,

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

 

Shirkadda jaadka Barako B611, oo shixnad Adhi ah ugu deeqay cusbitaalka Qaaxada Hargeysa

Harg (Haatuf) :- Mulkiilaha shirkadda Qaadka Barako (B611), Maxamed Cabdi Shire, ayaa toban neef oo Adhi ah, ugu deeqay cusbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa. Deeqdan adhiga ah oo ka kooban toban neef oo ah nooca Ahminka loo yaqaan, waxay shirkadda B.611, ugu talogashay in ay kaga farxiso dadka bukaanka ah ee qaba cudurka qaaxada, si ay farxadda ciida Adxa-da ula qaybsadaan muslimiinta. Agaasimaha cusbitaalka qaaxada Hargeysa Dr. Ismaaciil Adan Cabdillaahi, oo deeqdaa guddoomay ayaa ka mahad celiyay kaalmada loo fidiyay bukaan- jiifka lagu daweeyo dakhtarka qaaxada ee uu mas’uulka ka yahay.

 

Dr. Ismaaciil, wuxuu deeqdan ku tilmaamay kuwii ugu horreeyay ee ay cusbitaalka u fidiyaan shirkadaha yaryar ee waddaniga ahi. wuxuuna shirkadaha kale kula taliyay inay tallaaban oo kale qaadaan, taas oo sida uu sheegay suurtogal ka dhigi karta in lagaga maarmo baahida debedda. “Markii hore cidda keliya ee aanu kaalmada ka heli jirnay waxay ahaayeen hay’adaha, laakiin hadda waxa muuqata inay qayb libaax ka qaadan karaan shirkadaha wadaniga ahi. Taasi waxay suurtogelin kartaa in aynu kaga maarano caawimooyin aynu debedda ka sugno,” sidaa waxa yidhi agaasimaha cusbitaalka Dr. Ismaaciil.

 

Waxa muuqata inay qayblibaax ka qaadan karaan shirkadaha waddaniga ahi, taasi waxay suurtogelin kartaa inaynu kaga maarano caawimooyin aynu dibedda ka sugno,” sidaa waxa yidhi Agaasimaha cusbitaalka Dr. Ismaaciil. Waxa kale oo halkaa ka hadlay mid ka mid ah bukaan-jiifka lagu daweeyo cusbitaalka qaaxada Hargeysa, oo sheegay inuu muddo bil ah ku jiray, wuxuuna mulkiilaha shirkadda B.611, uga mahadceliyay kaalmada uu ugu deeqay oo uu ku tilmaamay mid ay aad ugu baahan yihiin.

.................................................................................

 

Boorama

 

Boorama (Haatuf) :- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa maalintii shalay booqasho ku tegay magaalada Boorama ee magaalo madaxda gobolka Awdal.

 

Madaxweyne ku xigeenka oo gurigiisa Boorama ugu warramayay warfidiyeenada, ayaa sheegay inay booqashadiisu la xidhiidho laba arrimood oo kala ah; inuu munaasibada ciidul-Adxada la ciido dadweynaha Boorama iyo inuu xog-ogaal u noqdo xaalada guud ee dadweynaha gobolka Awdal. Isaga oo intaa ku daray inay booqashadiisu ku egtahay magaalada Boorama.

 

Dhinaca kale, sida uu noo soo sheegay weriyahayaga gobolka Awdal, Maxamed Cumar, wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Kent, oo isna booqasho ku jooga magaalada Boorama, ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah duqeyda, wax-garadka iyo maamulka Jaamacadda Camuud. Warku wuxuu sheegay inaanu wax kulamo ah la yeelanin maamulka gobolka Awdal.

 

Mr. Kent, waxa uu khudbad (Lecture) ka jeedijyay Jaamacadda Camuud, isaga oo ka warramay waxa caalamku la qaban karo Soomaaliya iyo Somaliland. Isaga oo intaa ku daray inuu talooyinkiisa u gudbin doono Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo cid kasta oo danaynaysaba qadiyada Soomaalida.

.................................................................

 

Habane oo xilkii kala wareegay Ismaaciil Shaqale

Wax lala yaabo maaha inan an-na xilka ku soo noqday, maantoo Cigaal iyo dawladdaba haddana lo kordhiyay.

Xasan Yoonis Habane.

 

Harg (Haatuf) :- Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka Xasan Yoonis Habane ayaa shalay xilka kala wareegay taliyihii hore ee xilka laga qaaday Ismaaciil Shaqale, waxaana uu sheegay in aanay wax lala yaabo ahayn inuu markale xilkan oo uu hayay afar sannadood ka hor qabto.

 

Xasan Yoonis Habane oo mar ahaa taliyaha ciidanka badhtamihii sagaashanaadkii, waxa uu madaxweyne Cigaal dib ugu magacaabay xilkaas Arbacadii dorraad. Waxaana uu shalay xilka kala wareegay talihiyii afar sannadood kahor ka tirsaday. Ismaaciil Shaqalle oo isaga xilka laga fadhiisiyay dorraad.

Labada taliye, Xasan Yoonis Habane iyo Ismaaciil Shaqalle, waxay xilka kula kala wareegeen xaflad lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, taas oo ay ka qaybgaleen madaxda hoggaanada iyo taliyeyaasha laamaha ciidanka qaranka, wasiiro, wasiir-kuxigeeno iyo mas’uuliyiin kale.

 

Taliyaha cusub, Mr. Xasan Yoonis Habane oo magacaabistiisan iyo markii hore ee uu xilkan qabtay oo ahayd 1996-98, ay labaduba ku beegmeen xilli markasta waqtiga xukuumada madaxweyne Cigaal gabaabsi tahay, ayna aloosan yihiin xaalado siyaasadeed, ayaa dib u magacaabistiisa waqtigani waxay soo kicisay faaqidaad dareen gelinaysa ujeedada dib-u-magacaabistiisa waqtigan, oo ay dad badani ku macneeyeen tallaabo siyaasadeed oo uu madaxweyne Cigaal uga gol-leeyahay inuu ugu caga-jugleeyo dhaqdhaqaaqyada mucaaridka aan ayidsanayn muddadii sannadka ahayd ee golaha Guurtidu dhowaan u kordhiyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

Isla markaana waxay dib-u-magacaabistan Xasan Yoonis timi, iyada oo xukuumaddu ay muujisay baqdin weyn oo ay ka qabto abaabulada mucaaradka oo sheegay in aanay aqoonsanayn dawladda marka la gaadho Feb. 23, oo uu ku egyahay muddadeedi rasmiga ahayd. Xasan Yoonis Habane, oo ka hadlay xafladdaas shalay, kadib markii taliyihii hore Ismaaciil Shaqale, uu jeediyay warbixinta xil-wareejinta, kuna soo dhaweeyay xilka, waxa uu xusay in marxaladdan aanu jeclayn inuu xil qabto.

 

Xasan faahfaahin kama bixin sababta, waxaana uu si kooban u yidhi; “Marxaladda waqtigan ah inaan amba xil qabto way igu adkayd run ahaantii.”

“Hase yeeshee, wixii qaran ee lagaala maarmi waayo dee wuu ku qabsan yahay mawaadin kastaa wixii uu ku biirin karo,” ayuu raaciyay Xasan Yoonis.

Taliyaha cusub, Xasan Yoonis, waxa uu muujiyay inuu dareensan yahay fursadaha ka dhashay dib-u-magacaabistiisa oo dood ku saabsan ka dhex aloosnayd bulshada tan iyo barqadii Arbacadii, markii xeerka magacaabista taliyaha cusubi ka soo baxay madaxtooyada.

 

“Waxa iyana aan wax layaab leh ahayn ‘anna waykan haddana…’” ayuu yidhi Habane, isaga oo ka hadlaya dib ugu soo noqoshada xilka, waxaana uu raaciyay isaga oo dhex raacinaya qosol uu la wadaagay madasha.

“…. Oo xilkii la igu soo celiyay, maantoo Cigaal iyo dawladdiina haddana loo kordhiyay, dee wax lala yaabo maaha, waa caadi.”

 

Xasan Yoonis, is-difaaciisa erayadaa kaftanka ah ee dadka ka qosliyay kagama hadhine, waxa uu ku daray hadalo hanjabaad ah oo inkasta oo aanu si cad u sheegin cidda uu ula jeedo iyo waxa uu uga jeedo, balse ku xidhiidhsan dareemada ka dhashay magacaabistiisa. Waxaana uu yidhi; “Taasna ku dhegganaanshihiisu wuxuu u muuqan karaa inay gacmo kale inagu jiri karaan qaran ahaan. Ka looga baahan yahay inuu difaaco aafo gudeed iyo mid dibadeedba waa ciidanka qaranka iyo ciidamada kale ee nabadgelyada. Siduu taliyuhu ii sheegayna kalsooni baan ku qabaa inaan xilkaa - haddii ay nala soo deristo uu ciidanku si fiican u gudan doono.”

 

Xasan Yoonis, magacaabistiisa waxa uu fiirada gaarka ah u yeeshay, iyada oo mucaaradku xukuumaddu baqasho weyn ka muujisay ay saamayn weyn ku leeyihiin saraakiil hore oo ay SNM wada ahaayeen, balse ay muddo dheer iskaga soo horjeedeen dhinaca siyaasadda, taas oo aakhirkii sababtay iska-horimaadkii qabaa’ilka isu rogay ee ka dhexqarxay maleeshiyooyinkii SNM, waqtigaas oo uu Xasan Yoonis hoggaaminayay malleeshiyo taageerayay maamulkii SNM ee Cabdiraxmaan Axmed Cali.

 

Taliyaha cusub, Mr. Xasan Yoonis Habane, waxa uu ka marag-kacay oo uu qiray wax-qabadka iyo horumarka ciidanka qaranku gaadhay mudadii afarta sannood iyo bilaha ahayd ee uu xilka hayay Ismaaciil Shaqale, oo warbixintiisa ku sheegay in xilka uu taliyaha cusub ku wareejinayo kayd shidaal, kayd sannadeed iyo mid maaliyadeed iyo mid taakulayn.

“Waxaa sharaf noo ah inaanan taliyaha dayn ku wareejinayn lagu leeyahay ciidanka qaranka. Haba yaraatee wax Shillin-Somaliland ah oo ciidanka lagu leeyahay oo aan kugu wareejinayaa ma jiro,” ayuu yidhi Ismaaciil Shaqalle, taas

oo uu sheegay inay ka turjumayso wareegto uu madaxweyne Cigaal soo saaray oo faraysay hay’adaha dawlada inay isku filaysiiyaan miisaaniyadda loo qoondeeyay.

 

Waxa kale oo uu sheegay in ciidanku u dhismay dhinaca kala dambaynta iyo anshaxa. Xasan Yoonis-na waxa uu sheegay in tallaabadaas isku filaysiinta miisaaniyaddu ay tahay mid muujinaysa horumarka talisku sameeyay, marka loo eego sidii xaaladdu ahayd, markii uu ka tegay.

 

“Waxaa ka mid ah guulaha la gaadhay isku fillaysiinta wixii qaranku u qoondeeyay oo maanta weliba uu kayd ka tegayo oo igu wareejinayo,” ayu yidhi Habane. Isaga oo raaciyay; “Halka anigu aan kaga wareejiyay kaga wareejiyay deyn badan iyo meel madhan. Waxaana uu sheegay Habane inuu halkaa ka sii wadi doono, korna uga sii qaadi doono. Isaga oo ballan-qaaday inuu dhammaystiri doono muddada uu xilka hayo waxyaabaha qabyada ah, joogitaanka ciidankana uu gaadhsiin doono dhammaan xuduudaha dalka.

 

Taliyeyaashu, waxay markii u horreysay qireen in ciidanka qaranku aanu gaadhin  qaybo ka mid ah, waxayna xuseen in aanu ciidanku gaadhin Sanaag bari iyo qayb ka mid ah gobolka Sool, taas oo uu taliyaha cusub balanqaaday inuu gaadhsiin doono ciidanka.

 

Xafladdaas, waxa kale oo ka hadlay wasiir-kuxigeenka Gaashandhigga Md. Maxamed Cali Maydhax, waxaana uu ammaan badan iyo bogaadinba u jediyay taliyaha la beddalay. Ismaaciil Shaqalle oo uu sheegay inuu u qalmo bilad sharaf uu ku mutaystay horumarka uu gaadhsiiyay ciidanka qaranka.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Cumar Cige, ayaa isaguna hadal uu xafladdaas ka jeediyay kula dardaarmay taliyaha cusub Mr. Habane.

“Xasan Yoonis Habane, waxaan leeyahay xil weyn baa ku fuulay, sababtu wada weeye, waxaad mas’uul ka tahay nabadgelyadii qaranka oo dhan kol haddaad taliyihii ciidanka qaranka noqotay,” ayuu yidhi wasiirku. “Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu xilka kugu asturo,” ayuu raaciyay.

 

Dhinaca kale wasiirku waxa uu tilmaamay taliyaha dhibaatooyin dhaqaale iyo khataro badan dalka ku xeeran, kuwaas oo uu ku booriyay inuu adkaysi u yeesho.

Xoolihii baa la inga xidhay, cidhiidhi badan baa ina haysta, cadow farabadan baynu leenahay, cid walba dab-baa inagaga shidan..” ayuu yidhi, isaga oo ku adkaynaya inay halkaa ka sii wadaan, iskuna deberaan waxa yar ee loo qorsheeyay. Waxa kale oo uu ku celceliyay in xukuumaddu ku kalsoon tahay in ciidanka qaranku yahay mid ku filan cadow gudeed iyo mid dibadeedba.