SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 41-aad

Haatuf, Feb.24, 2002, Cadadkii 41-aad,

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

C/Raxmaan Aw Cali: Ma jiro wax Qaban-qaabo dagaal ah oo ay ASAD iyo

SAHAN ku jiraan.

 

Boorame (Haatuf): Guddoomiye Xigeenka

urur-siyaasadeedka ASAD, C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo

socdaal ku joogga magaalada Boorama, ayaa ujeeddada

Safarkiisa ku macneeyay in ay tahay mid uu dadka kaga

dhaadhicinayo in aanay ururada Mucaaridka ah ee ASAD

iyo SAHAN, wadin wax dhibaato bulshada ku ah,

nabadgelyadana wax u dhimaya.

 

Siduu noo soo gudbiyay Weriye Maxamed Cumar, Gudoomiye

Xigeenka ASAD, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu dadka

reer Boorama ka saaro, Shakiga la geliyay ee ah ayuu

yidhi: ASAD iyo SAHAN baa wax wada.Wuxuu intaa ku

ladhay in aanay jirin wax dagaal ah oo dalka ka

dhacayaa, balse ay Xukuumaddu bulshada ku abuurayso

Wallaac iyo Shaki argagax gelin ah. Ma jiro wax

qaban-qaabo dagaal ah oo ay ASAD iyo SAHAN ku

tallo-jiraan, sidaa darteed way is-keeni doontaa cidii

iyadu wada qalalaase iyo xaalad-abuur, ayuu yidhi

C/Raxmaan Aw Cali. Wuxuu intaa ku daray in aanay dadku

u dheg taagin, wuxuu ugu yeedhay dacaayadaha raqiiska

ah ee Maamulku ka fidinayo, ayuu yidhi. Ujeeddadayada

oo ah in ay si nabad-gelyo ah xilka ku wareejiso.

 

Dhinaca kale, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, ayaa

isna u sheegay Saxaafadda in ay haboon tahay

Xukuumaddu in ay joojiso ayuu yidhi; Dhoolla-tuska

Ciidan ee ay Jidadka ku gaynayso, Mucaaridkana ka

dayso masabidka. Suldaanku, wuxuu intaa raaciyay in

aanay jirin kooxo hubaysan oo dagaal-doon ahi, balse

wuxuu xusay in ay Xukuumaddu abuurayso tuhun, si ay u

meel-marsato ayuu yidhi; Wakhtiga dheeraadka ah ee ay

kordhisatay.

…………………………………………….

 

Dhismaha Urur Cusub oo lagaga Dhawaaqay Boorame

 

Boorama (Haatuf): Urur cusub oo ay ku bahoobeen

dhalinyaro dhigata Dugsiyadda Dhexe, Sare iyo

Jaamacadda Camuud, ayaa shalay lagaga dhawaaqay

dhismihiisa magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Siduu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Awdal,

Maxamed Cumar, Xafladii furitaanka ee lagaga dhawaaqay

dhismaha urur-bulsheedkan cusub oo lagu magacaabo

Al-AQSA oo ku yaalla magaalada Boorama, waxaa ka

qayb-galay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Awdal iyo

degmada Boorama, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof.

Saleebaan Axmed Guuleed, Salaadiin, Xubno ka tirsan

Golaha Guurtida, Culimo, Ganacsato iyo xubno kale oo

bulshada ka tirsan. Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud,

 

Prof. Saleebaan oo hadal furitaan ah xafladdaa ka

jeediyayna, wuxuu sharaxaad kaga bixiyay sidii lagu

hirgeliyay dhismaha ururkan oo la yidhaahdo; Ururka

Badbaadinta Dhalinyarada Somaliland (SAYS). Prof.

Saleebaan, wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in

ururkani ka duwanaado, ururo dhalinyaro oo hore loo

sameeyay, kuwaas oo uu xusay in ay ka leexdeen

dariiqoodii, kadibna ay hadheeyeen; Qabyaalad,

Siyaasad iyo dhaqan-xumo. Gudoomiyaha Jaamacadda

Camuud, wuxuu kula dar-daarmay dhalinyarada ururkaas

in looga baahan yahay, adkaynta Midnimada Somaliland,

Nabad-gelyada iyo in ay ku dadaalaan waxbarashada.

Sidoo kale, waxaa iyana Xafladdaa ka hadlay

Masuuliyiin, Culimo, Ganacsato iyo Xubno Guurtida ka

tirsan, kuwaas oo dhammaantood-ba ku ballan qaaday in

ay ururka cusub ku taakulaynayaan, tallaabo kasta oo

waxtar u ah bulshada iyo dalkaba. Waxaanay

dhammaantoodba kula taliyeen dhalinta ururka in ay ka

fogaadaan, qof-nacayb, anshax-xumadda, qabyaaladda iyo

Siyaasadda.

…………………………………………

 

 

Ciidamada Goobahoodii halagu Celiyo, dadkana Bandooda

halaga qaado. War-saxaafadeed ururada Mucaaridka

 

Hargeysa (Haatuf): Shan urur-siyaasadeed oo ka mid ah

ururada Mucaaridka ah, ayaa ugu baaqay Xukuumadda in

Ciidanka Booliska loo daayo Sugidda ammaanka, laguna

celiyo Xeryahoodii Ciidamada kale ee Qaranka,

dadweynahana laga qaado waxay ugu yeedheen Bandooda

aan shrciyaysnayn. Sidaana, waxay shanta ururba ku

sheegeen, War-saxaafadeed wada-jir ah oo ay xalay

Fiidkii na soo gaadhsiiyeen.

 

War-saxaafadeedkaas oo ay saxeexeen ururada UCID,

SAHAN, HORMOOD, BIRSOL, UMAD iyo ILAYS, wuxuu u

dhignaa sidan:

Sida la wada-ogsoon yahay, dalka Somaliland wuxuu

marayaa marxalad adag, arrintaana waxa lagaga bixi

karaa iyadoo dadka reer Somaliland meel uga soo

wada-jeestaan hirgelinta Nabadda. Si taa loo helo,

ururada hoos ku xusan markay u caddaatay beryahan

dambe In dadweynaha uu galay SAS ah, in

xasilooni-darro ku soo fool leedahay, kaas oo ka

dhashay muddo-kordhinta aan ururada Siyaasaddu ka

midaysnayn, kaas oo ku ajburay ururadii kala aragtida

ahaa in ay ummadda wada-jir ugu ballan qaadaan in aan

wax dhaqdhaqaaqaa oo nabad-gelyada jirta dhaawici kara

aanay xagooda ka iman, cid kalena ka yeelayn meela uga

soo wada-jeestaan, waxayna isku raaceen qodobbada soo

socda:

 

v       In dalka xasiloonidiisa iyo nabad-gelyadiisa la wada

dhawro, wixii dhaawacayana gees looga soo wada jeesto.

 

      In Xukuumadda Somaliland ka waantowdo, baqa-gelinta

shicibka iyo xaalad-abuurka deg-degga ah ee ka muuqata

magaalooyinka. Sidaa darteed, waxaanu soo jeedinaynaa

in Ciidamada lagu celiyo goobihii ay deganaayeen,

dadkana Bandooda aan wax kelifaa jirin, cidina

sheegin, lana sharciyayn laga qaado, iyadoo Ciidanka

Booliska aanu filayno inuu qabsado shaqadii

Nabad-gelyada ay u xilsaaraayeen, Ciidanka Qarankuna

qabto shaqadii loo abuuray.

 

       Ururadu, waxay soo dhawaynayaan cidii reer

Somaliland ah ee wanaag iyo isu soo dhawaanshaha

ummadda kala qayb-galaysa. Waxayna xoog saarayaan,

wada-jirka iyo wada-tashiga axsaabta Mucaaridka ah, si

ay uga hawl-galaan Nabadda iyo sidii loo gaadhi lahaa

Dimoqraadiyad aynu ku faani karo oo ku salaysan

Diinteena iyo Distoorka.

 

       In sida Xeerka Nidaamka Axsaabtu qorayo Qodobka

Lixaad, Faqrada A, loo sinaado adeegsiga

Warbaahinta. Waxay ururada ka codsanayaan Hayadaha

Warbaahinta in aanay buun-buunin, wixii

nabadgelyo-xumo abuuri kara.

……………………………………………..

 

Xukuumadda oo caddaysay Mowqifkeeda ku waajahan

Hindisaha Axmed Siilaanyo

 

Hargeysa (Haatuf): Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca

ka qaaday in aanay gelaynin Wada-hadal ku saabsan

Shir-beeleed iyo sannadkii loo kordhiyay Madaxweynaha

iyo Ku-xigeenkiisa, kuwaas oo ay sheegtay in ka

wada-hadalkoodu uu ka soo horjeedo dastuurka, Qaranka

iyo nabadgelyadana duminaya. Sidaana, waxay Xukuumaddu

ku caddaysay War-saxaafadeed ay soo saartay.

Xukuumaddu, waxay War-saxaafadeedka ku sheegtay in ay

diyaar u tahay wax alla wixii wada-hadal ah ee dan

guud la xidhiidha in ay la yeelato urur, koox iyo qof

kasta oo dastuurka aaminsan, isla markaana ay

caddaynayso diryaarna u tahay in khilaaf kasta oo

Siyaasi ah wada-hadal lagu dhameeyo. Waxase ka reeban

Xukuumadda, ayuu yidhi War-saxaafadeedku, In ay urur,

koox iyo qof la-gasho wada-hadal ku saabsan

Shir-beeleed dood la xidhiidha iyo sannadkii ay

guurtidu u kordhisay Madaxweynaha iyo

Madaxweyne-xigeenka.

 

Xukuumaddu, waxay intaa ku dartay oo ay War-saxaafadeedkaa

ku tidhi; Sababtoo ah ka wada-hadalka labadaa arin laga wada-hadlaa,

wuxuu ka soo horjeeddaa dastuurka, Qaranka iyo nabadda,

labadabana uu duminayo. Shir-beeleed-na, kol haddii

ururadii Siyaasiga ahi ay isdiiwaan geliyeen,

hawlahoodiina ay wataan, Shir-beeleed dambe oo

dhaqdhaqaaq Siyaasadeed lagu saleeyaa halkaasuu ku

hadhay. Muddada Guurtidu kordhisayna waa goaan

dastuuri ah oo waajib ah oo ay waajib ku tahay

Xukuumadda, Golayaasha Sharci-dejinta, ururada

Siyaasiga ah iyo Muwaadiniintu in ay ku dhaqmaan.

 

War-saxaafadeedkan Xukuumaddu wuxuu soo baxay, kadib

markii ay shalay wada-hadalo yeesheen Guddi Wasiiro ah

oo Xukuumadda ka tirsan iyo Siyaasiga Axmed Maxamed

Siilaanyo oo u ololaynayay, sidii wada-hadal loogu soo

dabaali lahaa xaaladda Siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Axmed Siilaanyo, ka hor intii aanu la kulmin

Xukuumadda, wuxuu ku horeeyay Mucaaridka iyo

Salaadiintii hore u soo jeediyay qabashada Shir-weyne

Qaran, kuwaas oo aqbalay hindisihiisa. Kadib wuxuu u

gudbay dhinaca Xukuumadda, si uu jawaab ugaga helo

qorshaha uu badka soo dhigay ee wada-hadalka ah.

 

Hase yeeshee, mar aanu xalay Fiidkii la xidhiidhnay Axmed

Siilaanyo, wuu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka

bixiyo, wixii uu kala kulmay dhinaca Maamulka, waxaanu

si kooban u yidhi; Arrintaa imika wax war ah kama

bixin karo, hase yeeshee Shir-jaraaid ayaan kaga

warami doonaa.

 

Dhinaca kale, iyadoo ay maalintii shalay soo

geba-gebaysay Muddadii 5 sanno ahayd ee Madaxweyne

Cigaal, hore loogu doortay inuu jagadaa hayo, ayaa

waxa habeenkii xalay lagu arkayay dariiqyada magaalada

Ciidamo dheeraad ah oo gaaf-wareegaya suuqyada.

……………………………………………..

 

Dedaalka Siilaanyo iyo Dareenka Dadweynaha

Faallo: S.I.Guraase

 

"Haddii ay laba Maroodi islaayaan, waxaa ku dhex

burbura doogga, ayay tidhaahdaa maahmah Afrikaan ahi.

Sidaa darteed ayaan uga tanaasulay in aan loolan u

galo Madaxtinimada Somaliland, si aanay dhibaato ugu

keenin dadkayga, sidaa waxa yidhi Siyaasiga Caanka ah

ee reer Somaliland, Md. Cumar Carte Qaalib, mar uu u

warramay Telefishanka dalka Djibouti, sannadkii

1997-kii, kadib markii uu ka qaybgalay Shirweynihii

Hargeysa ay ku yeesheen Beelaha Somaliland.

Taasi waa xaqiiqo dhab ah, haddii uu adkaado loolanka

iyo u tartanka madaxtinimada dalku, iyada oo aan la

isu tanaasulayn.

 

Taasi waxay horseed u tahay dagaalo iyo burbur dalka

ku dhaca oo ay dhibaatada ugu weyni ka soo gaadho

dadweynaha iyo maatida aan waxba galabsan.

Marka aad eegto dalkeena Somaliland, waxa aynu kaga

duwanahay qaybaha kale ee dalkii la odhan jiray

Soomaaliya, waxay ahayd garashada ay garteen

Siyaasiyiintu dhibaatada ay leedahay tartan iyo

xafiiltan adag oo loo galo madaxtinimada, iyada oo

markasta looga hadhayey loona hanaynayay qofkii ku

guulaysta. Taas oo aan ahayn mid hadda bilaabantay ee

soo taxnayd tan iyo aasaaskii SNM, oo iyagu bilaabay

hannaanka isu tanaasulka doorashada iyo u hibaynta

ciddii ku guulaysata, taas oo keentay in ay

madaxtinimada SNM iska beddedlaan 7 Guddoomiye.

 

Hannaanka noocaas ahi, waxa uu u muuqday maalmihii

dhowaa, mid laga tallaabsanayo oo ay soo baxayeen

dhawaaqyo aan isu dabac lahayn oo ka soo yeedhayay

dhinaca Xukuumadda iyo Mucaaridkaba, kadib markii ay

soo dhawaatay gebo-gebada waqtiga Xukuumadda

Madaxweyne Cigaal, oo ku ekeyd shalay oo ay taariikhdu

ahayd 23-kii Feb, gaar ahaana intii uu soo baxay

goaanka ay Guurtidu muddada sanadka ah ugu kordhiyeen

Xukuumadda Madaxweyne Cigaal 12-kii bishii hore ee

January.

 

Muddadaana, waxay Mucaaridku ku adkaysanayeen in aanay

Xukuumaddu Sharci ahayn, wixii ka dambeeya Feberuary

23, Xukuumadduna intii hore waxay ku adkaysanaysay in

ay diyaar u tahay doorashooyin dalka ka dhaca.

Haddaba, goaanka ay Guurtidu gaadhay ee ay muddada

sannadka ah ugu kordhisay Xukuumadda, ayay dadka

qaarkii ku tilmaameen mid aan bislayn, si weyna aan

looga fiirsan, isaga oo u baahnaa wada-tashi

ballaadhan iyo in aad loo rog-rogo. Sidaa darteed ayay

ururada Mucaaridku, gaar ahaan ASAD iyo SAHAN ayay ka

timid cambaaraynta iyo mucaariddada ugu adagi, iyagoo

ku baaqay in ay dhisayaan Xukuumad cusub. Arrintani,

waxay dhalisay wer-wer weyn iyo walaac ku dhashay

dadweynaha oo isweydiinayey, sida uu xaalku noqon

doono.

 

Iyada oo uu xaalku halkaa marayo, ayuu soo baxay Warka

ku sahabsan dedaalka iyo dhex-dhexaadinta uu ku

dhaqaaqay Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka mid ah,

Siyaasiyiinta Somaliland ee aadka loo qaddariyo, taas

oo uu kaga dhawaaqay Shir-jaraaid oo uu gurigiisa ku

qabtay habeenimadii Khamiistii ina dhaaftay.

Warkani, waxa uu niyad-sami ku abuuray dadweynaha oo

ay intooda badani ku diirsadeen, iyaga oo uu arkayey

inuu buuxiyay kaalin banaanayd oo loo baahnaa cid lagu

wada kalsoonaan karo oo gasha.

 

Taasi, la-yaabis malaha marka loo eego Mud. Siilaanyo

oo ka mid ahaa gudoomiyayaashii SNM, ahaana

Gudoomiyihii ugu muddada dheeraa, iyada oo SNM, sida

aynu soo sheegnay ay caado u ahayd wada-tashi iyo

isu-tanaasul. Waxaanu markiiba sida muuqata, kalsooni

ka helay qaybaha is haya, gaar ahaana ururada

Mucaaridka ah oo soo dhaweeyey dedaalkiisa

dhex-dhexaadineed ee uu bilaabay. Inkasta oo ay weli

laalantahay, Natiijada dedaalkiisa dhex-dhexaadintu,

haddana waa mid sidiisa qiimo gaar ah u leh, una

baahan in gacan lagu siiyo Xukuumad iyo Mucaaridba.

Marka la eego dhinaca kale, waxaa in la qiimeeyo u

baahan, hadalkii uu maalintii Khamiistii ka jeediyay

Khayriyadda Xaaji Cabdi Waraabe, kaas oo uu ku

tilmaamay, sida loogu baahan yahay in ay Mucaaridku

midoobaan oo ay isku raacaan Musharax keliya oo la

tartama Madaxweyne Cigaal, si ay u muuqato cid isbedel

keeni karta laguna kalsoonaan karo, kaas oo ah xil

Mucaaridka saaran.

 

Geba-gebadiina, dedaalka dhex-dhexaadinta ee uu

bilaabay Mud. Siilaanyo, waa mid qaddarin leh, loona

baahan yahay inta laga midho dhallinayo,

Siyaasiyiintana waa inuu tusaale u noqdaa hadalka aynu

ka soo xiganay Cumar Carta Qaalib ee ah; Haddii ay

laba Maroodi is-laayaan, waxaa ku dhex burbura

doogga.

……………………………………………

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Madaxweyne ninka kuugu godobooba marka aad is

qabataan, si xun hawtuurin

 

Geela ayaa loogu heesaa, Ninba tacabkii Toggaay ka

maal, taas oo macnaheedu yahay nin waliba inta uu

geeliisa dhaqdo ayuu ka faaiidaa. Sidoo kale Beertu

marka hore waa dhib badan tahay, markay midhaheedu

bislaadaana way macaantay. Beer la beerana waxa ugu

qaalisan beerta xoriyadda, waayo waxay ku baxdaa

xinjiro dhiig ah. Qof kasta oo reer Somaliland ah,

marka uu xusuusto dadkii kaga dhintay halgankii iyo

hantidii uu ku waayay halgankii lagu keenay

madaxbannaanida iyo dawladnimada Somaliland, wayna

damqadaan. Waxayse ku ilaawaan calanka tawxiidku u

xardhan yahay iyo dawladnimada.

 

Marka dib loo eego taariikhdii halganka, marka hore ma

jirto cid gooni u sheegan karta libtii halganka,

waxaanse la dafiri karin doorkii lama ilaawaanka ahaa

ee SNM ku lahayd taariikhdii halganka, taas oo ay

shacbigu u hayaan mudnaan iyo ixtiraam. Mana mudna in

madaxdii SNM abaal looga dhigo xaqiraad iyo taariikh

liidata, sida ay dadka qaarkood ku hadaaqaan. Hase

yeeshee, waxa iyana xusid mudan dhaliilihii

siyaasadeed ee ay kasbadeen madaxdii SNM markii loo

dhiibay talada dalka, taas oo la odhan karo mar iyo

lababa inay taloxumaysteen, talo-xumadoodana waxa

umadda ka soo gaadhay dhibaato badan iyo dib-u-dhac.

Sidaa darteed, maantana raga mucaaradka ah oo ay ku

badan yihiin siyaasiyiin SNM ahi, waxaan kula talin

lahaa ama uga digayaa inaanay markale ku dhicin

talo-xumo, iyaga iyo umaddaba adhax-jab ku noqota.

Inkasta oo ay ummaddu dooratay, calafna meesha ku

jiray, haddana markii ina-Cigaal Boorama lagu soo

doortay raggii ugu badnaa ee codsaday waxay ahaayeen

niman SNM ah.

 

Raga mucaaridka ahi waxay had iyo goor

Cigaal ku dhaliilaan inaanu waxba qaban, laakiin anigu

taa ma qabo, waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa gaal

dil, gartiisana sii.

 

Sidaa awgeed, waa in la qiro wixii uu qabtay, maxaa

yeelay maalintii Boorama lagu doortay wuxuu la

wareegay dal aan wax dawlad ahi ka jirin. Maantase

waxaa marag ma doon ah inuu dhisay haykal dawladeed oo

dhaxalgal ah, nidaam siyaasi ah iyo nabadgelyo taam

ah, taasina waxay u baahan tahay in la ilaashado,

halkaana laga sii wado.

 

Hase yeeshee, laba arrimood oo I xaganaya ayaan

doonayaa inaan madaxweyne talo kaa siiyo. Waxaanay

kala yihiin:

·       Madaxweyne ha noqon nin dhogorta Weylaha leh.

Haddii aan taa yara macneeyo, beribaa waxa jirey nin

caaqil ah oo la odhan jiray Xasan Sheekh, wuxuuna ahaa

nin dulqaad badan, aadna u hoggaamin fiicnaa oo qaali

ah, hase yeeshee maalin maalmaha ka mid ah ayuu Xasan

Sheekh aad u cadhooday oo dagaal xun ku qaaday nin ka

mid ah raggii uu xukumi jiray.

 

Cadhadaasi waxay ahayd mid aan looga baran Xasan

Sheekh, waxaana lagu yidhi Xaaji waa sidee? Wuxuuna

ku jawaabay, Adeer mar-mar ayaan dhogarta weylaha

yeeshaa.

 

Ninkii yaqaanba waa yaqaanee, haraga ama dhogarta

weylaha hadba doc buu cararaa. Sidaa awgeed qofka

fuulaa si deg-dega ayuu uga dhacaa, kadibna dingaraaro

uu la dawakho ayuu la kulmaa.

 

Dadka intaad marka hore xanbaarto oo cirka geyso,

ayaad marka dambena bahal dingaraaro ah dhulka ku

tuurtaa, waxaanad isu raacisaa eris iyo hadal adag,

taasina waxay keentaa colaad badan. Markaa waxaan

kugula talin lahaa inaad waxa tegay tegye wixii dambe

ka qabato.

 

·       Madaxweyne ninka adiga dalkaba abaal u gala ama u

godobooba, marka aad is qabataan si xun ha u tuurine

waa inaad mar walba u tixgelisaa wixii uu qabtay iyo

wixii wanaag uu adiga kuu galay, adigoo ku dayanaya

xadiiskii Rasuulka, oo niman Asxaabtiisa ahaa oo qalad

sameeyay ku yidhi; Iska daaya dagaalkii Bedar ayay

xaadireene.

 

Waxa jirta madaxweyne sheeko xariir, taas oo ah;

maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin Faras fuushani ku

soo baxay nin liita oo naftu hayso, oo dhulka jiifa,

kadibna wuxuu siiyay caano iyo biyo. Ninkii naftu

haysay markii uu noolaaday, ayaa wuxuu ugu abaal guday

inuu ninkii faraska ka tuuro, isagii ayaana kaxaystay

faraskii. Ninkii faraska lahaa oo dhulka jooga ayaa

ninkii faraska ka dhacay ku yidhi, Ilaah baan kugu

dhaariyee kelmad iga maqal.Inta ninkii meel fog isa

soo taagay ayuu yidhi; Ii sheeg waxa aad sheegayso.

Wuxuuna yidhi, Ilaah baan kugu dhaariyaye sidaad

faraska iiga qaaday cidna hawsheegin, kadibna ninkii

faraska dhacay ayaa yidhi, maxaad uga jeedaa?

wuxuuna ugu jawaabay, nin dambe oo cidla jiifa ayaan

cidina qaadi doonin.

 

Haddaba madaxweyne aniga oo aan marna ku sifaynayn

sheeko xariirtan, haddana waxaan kugu odhan lahaa;

ninka faraska xaggiisa hore lagaaga dejiyo, cidla ha

kaga dhaqaaqine waa inaad fanaysaa oo aad faraska

xagiisa dambe u ogolaataa.

Cismaan Aw Maxamed (Buur-madow).