SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 43-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland

Wararka Gudaha

Cusbitaalka Hargeysa oo Qarka u Saaran inuu Hawl-gabo

H

argeysa (Haatuf): Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, ayaa ku jira xilligan marxalad aad u adag oo gayaysiin karta inuu burburo oo uu meesha ka baxo adeegiisii Caafimaad, haddi aan la helin xal deg-deg ah oo si dhakhso ah loogu dheelitiro. Sidaana waxa ku dhawaaqay, Maamulka Cusbitaalka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, mar ay shalay ka hadlayeen kulan afar-geesood ah oo laysku dareensiinayay xaaladda Cusbitaalka, kaas oo ay isku-hor-fadhiisteen Maamulka Cusbitaalka, dhakhaatiirta, Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxtooyaddu.

Kulankaas hadal ay ka jeediyeen Agaasimaha Cusbitaalka, Dr. Cabdi Ismaaciil iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadku, waxay labadooduba sheegeen in Cusbitaalku ku jiro xaalad adag, dadkuna ay xoog uga cabanayaan adeegiisii. Agaasimaha Cusbitalku, wuxuu xusay in ilaa 20-Dhakhtar ku qoran yihiin Cusbitaalka, hase ahaatee aanay badidoodu soo xaadirin Saacadaha shaqada. Dr. Cabdi Ismaaciil, wuxuu intaa ku ladhay oo uu xusay, in maqnaanshaha dhakhaatiirtu sababay in bukaan-socodku waayaan dhakhtarkii ay la xidhiidhi lahaayeen.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, ayaa isna farta ku fiiqay dhakhaatiirta iyo Maamulka Cusbitaalkaba. “Cusbitaalku maanta, wuxuu marayaa xaalad uu xidhmo, dawladduna waa u diyaar si allaale iyo sidii wax looga qaban karaba, markaa Saacadaha ummaddu xaqa idiinku leedahay in aad waajibaadkooda gudataan, oo aydaan waxba ka hagran ayaa la doonayaa,” ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenku. Wuxuu intaa ku darray in markastaba la waydiiyo, su’aal la xidhiidha dhaliilaha Cusbitaalka, sababta wax looga qaban-waayay, waxaanu sheegay in ay taasi dhalisay kulankaas. Wasiir Ku-xigeeenku, wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi: “Anigu ma jecli milil guudkii in la dhayo, ee waa in dhaliilaha la kala tabanayo laga wada-hadlo oo loo soo jeesto Cusbitaalka.” Wasiir Ku-xigeenku, ma sheegin wax qorshe ah oo ay Wasaaradda Caafimaadku, kaga hawl-galayso hagaajinta adeega Cusbitaalka ee uu ka dayriyay, waxaanu hadalkiisa ku ururiyay in loo baahan yahay in Cusbitaalka la dhaliil tiro oo iska wax u qabso, dhakhaatiir iyo maamulba loogu adeego dadka.

Dhinaca kale, waxaa iyana kulankaa ka hadlay dhakhaatiirtii ka qayb-gashay ee madashaa ka xaadirtay. Xubnihii halkaa ka hadlayna, waxaa ka mid ahaa; Dr. Garaad oo isagu sheegay in marka hore loo baahan yahay in dhibaatada xalinta u baahan marka laysla cadeeyo, kadibna xalkeeda la raadiyo. Dr. Garaad, wuxuu dhaliilay Wasaaradda Caafimaadka oo uu ku tilmaamay in ay tahay Wasaarad aan shaqadeedii haynin. “Waa laga yaabaa in waraaqo qurux badan laysu qoro, laakiin Wasaaraddana maalin kasta boqolaal baabuur baa dhex taagan, Cusbitaalkan oo muraayaddii Caafimaadka dalka ahna, waad arkaysaan oo ma jiro Wasiir soo galaa,” ayuu yidhi Dr. Garaad. Wuxuu intaa raaciyay oo uu sheegay in dhakhaatiirtu, shakhsi ka tahay dhaliisha Cusbitaalka, waxaanu xusay in aanay Madaxda dawladdu dhiiri-gelin Cusbitaalka oo aanay la soo xidhiidhin, balse ay la xidhiidhaan Cusbitaalka gaarka loo leeyahay.

Dr. Garaad, wuxuu ku taliyay in la gorfeeyo arrintan oo aan laga daalin, dhinac kastana la arko oo la dhegaysto.

Dr. Axmed Jaamac Samatar (Dr. Who) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa si weyn u dhaliilay Maamulka Cusbitaalka, kuna dooday in Cusbitaalku dhinacaa ka ciiray.

Sidoo kale, Dr. Axmed Cabdi oo kulankaa ka hadlay ayaa isna ku taliyay in arrintan si mug leh loo eego, oo gorfayntiisana laga furo Shir-doodeed ayaamo socda. Dr. Cismaan Meygaag, ayaa isna soo jeediyay in loo baahan yahay in dawladdu, dhaqaale u hurto Cusbitaalka, halka ay meelo kale oo badan oo aan daruuri ahayn kaga kharash-garoobayso.

Dhakhaartiir kale oo dhawr ah oo kulankaa ka qayb-galay, ayaa iyana ka dooday arrintaas, kuwaas oo qaarkood ay muujiyeen dhaliilo maamul iyo arrimo la xidhiidha oo ka mid ah, Carqaladaha Cusbitaalka haysta. Dhanka kale, Wasiirka Madaxtooyadda Mr. Nuux oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in markii hore kulankaa lagu marti qaaday Marwada Madaxweynaha, Kaltuun X. Daahir, hase ahaatee ay fursad u wayday, kadibna uu isagu ka soo qayb-galay. Mr. Nuux, wuxuu sharaxaad ka bixiyay taariikhdii dhismaha Cusbitaalka oo uu xusay in ay wax ka dhiseen, isaga iyo rag kale oo uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Xaaji Tuwaale. Wasiirku, waxa kale oo ka hadlay xaaladda dhaqaale iyo haynta dadka, waxaanu sheegay in aanay dawladdu awoodin in ay damaanad qaado baahida ay keliftay, siduu xusay in ay dhakhaatiirtu si gaar ah u shaqaystaan, sidaa aawadeed wuxuu soo jeediyay dhakhaatiirtu in ay ku xisaabtamaan duruufaha oo ay qiimeeyaan haynta bulshada ay u adeegayaan, kuna dadaalaan in ay wakhtiga shaqada ka hawl-galaan Cusbitaalka. Guud ahaan kulankaas afar-geesoodka ahaa, si weyn looguma lafo-gurin duruufaha dhabta ah ee Cusbitaalka haysta, kuwaas oo ka baaxad weyn sida la sheegay dhakhaatiirta oo shaqaysa Saacado go’an.

 

Ururka ILAYSKA Somaliland

L

ondon (Haatuf): Urur-siyaasadeedka ILAYSKA Somaliland, ayaa sheegay in aanu ogolayn oo taageeraynin, wax uu ugu yeedhay Fikrad kasta oo cid iyadu is-magacowday ay ku doonayso in ay dhex-dhexaadin ku samayso oo af-hayeen ugu noqoto bulshada. Sidaana, wuxuu ururku ku cadeeyay War-saxaafadeed uu London ka soo saaray, Af-hayeen ururkaa u hadlay oo lagu magacaabo Cismaan A. Cigaal.

Mr. Cismaan A. Cigaal, wuxuu War-saxaafadeedkiisaa ku sheegay in dalku maanta taagan yahay Marxaladda Xisbiyadda badan, bulshaduna ay leedahay Khibrad ku filan oo ay ku dooran karaan Hogaamiyayaashooda Siyaasadeed. Wuxuu intaa ku daray in ay bulshada hore u balan-baliyeen, Siyaasiyiin iskood isu magacowda oo rumaysan ayuu yidhi; “In ay keligood ka hadli karaan baahiyaha bulshada.” Waxaanu intaa ku ladhay in aanu ururkoodu marnaba taageeraynin, hindise dhex-dhexaadin ah oo uu samaystay Siyaasi noocaas oo kale ah oo iskii isu magacaabay. “Waxaanu ugu yeedhaynaa, Waardiyayaasha gaboobay in ay xaqiiqada waajihaan oo ay taageeraan Dastuurka, raadsadaana tiqadda iyo codka ummadda, halka ay ka cabsi gelinayaan ee ay ka bajinayaan,” ayuu ku yidhi War-saxaafadeedkiisaa, Cismaan A. Cigaal. Wuxuu intaa ku daray in la joogo wakhtigii bulshadu, dooran lahayd odayaasheeda, kii hunguri ka hayo ee doonaya inuu ummadda hogaamiyaana uu u tartami lahaa ayuu yidhi. Af-hayeenka ururka ILAYSKA Somaliland, wuxuu sheegay inuu ujeeddada ururkiisu warkan u soo saaray ay tahay, sidii mugdiga looga saari lahaa ee loo iftiimin lahaa xaaladda dalku marayo. Siyaasiyiinta gaboobayna, waxaanu ka rajaynaynaa ayuu yidhi, in ay dariiqa saxa ah maraan.

 

Daahir Riyaale oo soo geba-gebeeyay Socdaalkiisii Boorama

B

oorama (Haatuf): Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay soo geba-gebeeyay Socdaal Sideed maalmood qaatay oo uu ku tegay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Siduu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Awdal, Riyaale intii uu joogay Boorama, wuxuu shirar kala duwan la yeeshay Madaxda Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiinta magaalada Boorama, Madaxda Ciidamada Aagaa, Madaxda Laamaha Dawladda, Odoyaasha iyo Wax-garadka bulshada reer Boorame. Ka hor intii aanu ka soo ambabixin magaalada Boorama maalintii shalay, wuxuu safarkiisaa ku soo khatimay kulan uu la yeeshay Duqay iyo Wax-garad kale oo lagaga arinsanayay, arin la xidhiidha muran dhinaca dhulka ah oo u dhexeeyay beelo deegaankaa ka mid ah. Isla shalay Subaxna, wuxuu hadal u jeediyay Madaxda iyo Shaqaalaha Cusbitaalka Guud ee Boorama oo beryahanba khilaaf ka jiray. “Dhakhaatiirtu, waxay ku shaqayn jireen Tabaruc, waxayna la kulmeen duruufo kala gedisan, markaa waxaan idinku boorinayaa in aad dedaashaan, waayo waxaad haysaan dad liita oo maato ah,” ayuu yidhi Daahir Riyaale. Wuxuu intaa ku ladhay in baadhitaan deg-deg ah lagu samaynayo, khaladaadka jira. “Cusbitaalka, haddii wax ka khaldan yihiin, haddii ay Hay’adda COOPI wax ka khaldan yihiin iyo haddii ay dawladda hoose tahayba, intaba waa la baadhay, si deg-deg ah ayaana go’aan looga soo saarayaa, cidii khaladka yeelatana waa lala xisaabtamayaa, idinkuna inta ka horeysa waa in aad sii shaqaysaan,” ayuu ku yidhi Riyaale, shaqaalaha Cusbitaalka.

Safar-hawleedkan Madaxweyne ku-xigeenka ee Boorama, wuxuu ku beegmay xilli ay aad u kacsan yihiin Mowjado Siyaasadeed, isla markaana ay magaalada Boorama ay ku sugan yihiin, xubno ka tirsan ururada Mucaaridka iyo Salaadiinta Xukuumadda dhaliilaaba.

 

 

 

 

Madaxweyne Cigaal oo Maraykanka u sheegay in ay Somaliland joogaan Mintid Asal-raac ah

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa ku sheegay Wareysi uu siiyay Wargeyska AL-HAYAAT ee ka soo baxa London, inuu Maraykanka u cadeeyay in ay Somaliland joogaan, qaar ka mid ah kooxaha Muslimiinta Asal-raaca ah, balse aanay wax awood Siyaasadeed ah lahayn, sida kuwa Muqdisho.

“Maraykanku, wuxuu na weydiiyay ururka Al-Itixaad Al-Islaam, waxaananu u sheegnay in ay Somaliland joogaan qaar ka mid ah Asal-raacu, balse aanay wax awood Siyaasadeed ah ku lahayn dalka.” Ayuu yidhi Madaxweyne Cigaal oo ka jawaabayay, su’aal uu weydiiyay Yuusuf Khazem oo ka tirsan AL-HAYAAT, horaantii bishan dhammaatayna booqasho ku yimid Somaliland, wareysina la yeeshay Madaxweyne Cigaal, kaas uu Wargeysku ku daabacay Cadadkiisii Arbacadii dorraad.

Ururka Soomaaliga ah ee lagu magacaabo Al-Itixaad Al-Islaami, ayaa Maraykanku ku daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah ee uu Maamulka Madaxweyne W. Bush soo saaray, wixii ka dambeeyay September 11, wakhtigaas oo ahayd maalintii la duqeeyay xaruntii ganacsiga adduunka ee burburtay ee magaalada New York iyo goobo ka mid ah Washington, weerarkaas oo lagu eedeeyay Usama binu Laadin iyo ururkiisa Al-Qaacida. Sidaas oo kale ururka Al-Itixaadna, waxa Maraykanka iyo reer Galbeedku rumaysan yihiin inuu xidhiidh la leeyahay Al-Qaacida, isla markaana waxay wax ka saaraan weeraradii lagu qarxiyay Safaaradaha Maraykanka ee Nayroobi iyo Dara-salam 1998. Sidoo kale dawladda Itoobiya, ayaa ku celcelisa in ay Soomaaliya joogaan kooxo argagixisa ah oo hawl-galo fuliya. Sidaa aawadeed, waxa tan iyo September 11, isa soo tarayay dareeno ka dhashay daymada Maraykanka ee Soomaaliya, dhaqdhaqaaqyada Sirdoonkiisa iyo Dublomaasiyiintiisu ku gala-baxayaan gobolka, kuwaas oo wararka ka soo baxayaa ay iftiiminayeen in Soomaaliya tahay, bar-tilmaameedka labaad ee ku xiga Afgaanistaan. Taas waxa raaca oo soo baxay iyana, warar sheegaya in Maraykanku doonayo in uu u adeegsado ololihiisa Soomaaliya, dad Soomaali ah, sida Isbahaysigii Waqooyiga Afgaanistaan ee uu u gacan geliyay talada dalkaas. Waxa kale oo soo baxayay, warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in Xukuumadda Somaliland ay u balan-qaaday Xulafadda Maraykanka, Saldhig dhinaca badda ah iyo Cirka ah oo ay kaga dulaan, kana kormeeraan dhaqdhaqaaqa argagixisada gobolka loo aaneeyay. Hase yeeshee, Madaxweyne Cigaal oo wareysigaa uu siiyay Al-hayaat lagu weydiiyay in ay Maraykanka is-weydaarsadeen arrimaha noocaas ah, wuxuu sheegay inuu taageeray dagaalka lagula jiro argagixisada. “Waxa na soo booqday Wafti ka socda Maraykanka horaantii Diisambar ee sannadkii tegay, waxayna na weydiiyeen Mowqifkayaga dagaalka lagu hayo argagixisada oo dhibaato ku ah Caalamka oo dhan. Wixii September 11, ka dhacay New York iyo Washington, wuxuu ahaa fal bahalnimo ah oo aanu cambaaraynayno,” ayuu yidhi Madaxweyne Cigaal. Wuxuu intaa raaciyay in Weftigaa ra’yi is-weydaarsadeen, balse aanu weydiisan wax kaalmo ah, iyana aanay weydiisan dhinaciisa. “Waxay noo soo bandhigeen in aanu Macluumaad dhinaca Booliska ah, oo baadhis, daba-gal iyo xogo ah is-weydaarsano, ma diidayno ayaanu nidhi, balse wax arrintaa ku saabsan weli may dhicin.” Ayuu yidhi Mud. Cigaal.

Dhinaca kale, tan iyo intii uu dunida ka bilowday hawl-galkan la-dagaalanka argagixisadu, ayna soo af-yeesheen wararka ku saabsan in Somaliland qayb ka tahay Xulafada Maraykanka, waxa iyaguna soo baxayay tuhun iyo dareen xoogan oo farta ku fiiqayay in Cigaal isku dayayo inuu ololahan uga faa’iidaysto, dhinac kale oo ah inuu kula dagaalamo Mucaaridka gudaha ee Xukuumadiisa ku kacsan.

Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa, hogaamiyayaashii Milateri ee SNM, haatana ka tirsan Golaha Fulinta ee urur-siyaasadeedka ASAD, ayaa Wareysi uu horaantii January siiyay Wargeyska Haatuf, isagoo Burco ku sugnaa wakhtigaas, waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Cigaal, inuu Maraykanka iyo xulafadiisa u gudbiyay Magacyada dad Muwaadiniin ah oo ay ku jiraan Siyaasiyiin Mucaarid ah iyo xitaa xubno Salaadiin ah, kuwaas oo lagu tilmaamay ayuu yidhi argagixiso xidhiidh la leh Al-Qaacid. Maxamed Kaahin, wuxuu ku tilmaamay tallaabadaas mid kalsooni darro ah oo dawladda kala meeqaan dhigaysa, kooxaha Soomaaliya ee midba mid ku eedeeyo ayuu yidhi, Al-Qaacida ayay taageeraan si ay taageero uga helaan reer Galbeedka. Sidoo kale, Boqor Maxamuud Cali Carab oo ka mid ah Madax-dhaqameedka sida weyn u dhaliila Xukuumadda, ayaa isna Wareysi uu siiyay Haatuf wakhtigaas ku sheegay, inuu maqlay arin ku saabsan inuu jiro Liis ay ku jiraan xubno Salaadiin ah oo lagu eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin Argagixisada in loo gudbiyay Maraykanka. Waxaanu intaa ku daray in arrintaasi ka mid tahay, waxyaabo ay doonayaan in ay kaga tashadaan Shirweynaha Qaran ee ay qabashadiisa ku baaqeen.

Dhinaca kale, Wareysiga uu Al-Hayaat qoray Madaxweyne Cigaal, waxa uu ku nuux-nuuxsaday in Xukuumadiisu ay ka adkaatay ammaanka dalka, ahmiyadda ugu weyna ay siiso Ciidamada, isagoo sheegay in ay dawladdu leedahay 23-kun oo askari oo isugu jira Boolis, Asluub iyo Milateri. “Ciidanka Amnigu, guud ahaan waxay gaadhayaan 23-kun oo askari oo ka shaqeeya sugida ammaanka,” ayuu yidhi Cigaal. Mar uu ka jawaabayay, halka ay kharashka uga helaan Ciidamadaa faraha badan, waxa uu sheegay Madaxweynuhu in Miisaaniyadda dawladda, mudnaanta koowaad la siiyo Ciidanka, waxaanu intaa ku daray in askari kasta la siiyo bishiiba $300 - doollar oo mushahar ah, raashinkuna u dheer yahay. “Miisaaniyadda ayaanu ahmiyadda ku siinay, sidii aanu Ciidamada Mushahar u siin lahayn. Anagoo og ahmiyadda Nabaddu leedahayna, waxa aanu mushahar ahaan u siinaa $ 300 USD (Saddex boqol oo doollar), askari kasta bishii, waxaana u dheer Qoysaskooda oo aanu siino waxyaabaha daruuriga ah – Raashinka,” ayuu ku yidhi Madaxweynuhu, wareysigaa uu siiyay Wargeyska Al-Hayaat. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Waxaaanu qaraar ku gaadhnay, si kasta oo uu u yar yahay dakhliga dawladdu in aanu Mushaharka Ciidanka xil iska saarno bixintiisa, xilliga ay muteysteen, anagoo ahmiyad siinayna ammaanka dalka.”

 

Fadeexad iyo Been Midkee Bay Sheekadu ku Dambeyn

H

argaysa (Haatuf): Golaha Guurtida Somaliland ayaa arbacadii doraad madasha fadhiyada ee xarunta Golaha Guurtida kaga dhawaaqay inay dac-wad ku oogayaan wargayska Jamhuuriya,taas oo uu goluhu wargayska ku eedeeyey inuu ka faaafiyey war been-abuur ah .

Wargayska Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay arbacadii doraad ee febarweri 27, 2002 waxa uu boggiisa hore ku qoray war uu ciwaankiisu ahaa (Golaha Guurtida oo Madaxweyne cigaal u diray ergo kala soo xaajoota abaal-marin lacageed oo uu hore ugu ballan-qaaday).

Warkan oo uu wargaysku ciwaankiisa ku qoray far-waaweyn oo ku dhereran foodda sare ee wajahadda wargayska wuxuu sheegay inay Golaha guurtidu magacaabeen guddi afar xubnood ah oo Madaxweyne cigaal kala soo xaajooda lacag abaal-marin ah oo hore odayaasha Guurtida loogu ballan-qaaday in la siin doono ka dib marka ay soo saaraan go’aanka muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Haseyeeshee warka uu Jamhuuriya daabacay si kulul ayey Odayaasha Guurtidu u beeniyeen, waxayna ku tilmaameen war been-abuur ah oo aan sal iyo raad toonna lahayn, waxayna guurtidu sheegeen inay wargayskaa dacwad ku oogayaan oo ay maxkamad u gudbin doonaan.

Wargayska Jamhuuriya ayaa hadana shalay markale jawaab ka bixiyey eedda iyo canbaaraynta ay guurtidu u jeedisay ,taas oo uu wargaysku ku dacwiyey inuu hayo xaqiiqo iyo caddaymo ku saabsan warka uu daabacay , isla markaana wargaysku wuxuu hadalka Guurtida ka soo yeedhay ku tilmaamay inuu yahay sheeko majarehabaabin ah oo xaqiiqda lagu daadefaynayo.

Marka laga yimaado jawaabaha ay sida deg-degga ah isugu baaciyeen Guurtida iyo wargayska wax ka qoray ee Jamhuuriya ,si aynu  sheekada faham guud uga qaadano waxaynu marka hore iswaydiinaynaa dhawr su’aalood oo ay kow ka tahay mawduuca wargayskani ka hadlay saamayn intee le’eg ayuu ku yeeshay dareenka dadka reersomaliland , mar labaadka hadii ay sidaa ku cadaato fadeexadda wargaysku daabacay waa maxay saamaynta ay ku yeelan doontaa sumcadda siyaasadeed ee Golaha Guurtida iyo aqalka madaxtooyada iyo weliba marxaladda ee uu dalku marayo?.

Haseyeeshee inta aynaan wax faaaqidaad ah ka bixin jawaabaha su’aalahaa aynu marka hore waxooga sharax ah ka bixino sida ay u dhaceen jawaabaha ay isu celiyeen labada dhinac .

Warka uu wargaysku ka qoray Guurtida wuxuu sheekadiisa ku bilaabay “ Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay (talaadadii) isku raacay magacaabidda ergo ka kooban afar xubnood oo uu goluhu u xilsaaray in ay Madaxweyne cigaal kala soo xaajoodaan lacag abaal-marin ah oo ay xukuumaddu uballan qaaday inay Guurtida siin doonto marka ay soo saaraan go’aanka muddo-kordhinta ee ay dhowaan mudada sannadka ah ugu dareen Madaxweynaha cigaal iyo ku-xigeenkiisa”.

Haseyeeshee guurtidu waxay dhinacooda warkaa kaga jawaabeen: “Warka ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya maaha war ka soo baxay Golaha Guurtida, isla markaana maaha wax uu goluhu ka hadlay, sidaa darteed waa war been a buur ah oo aan sal iyo raad lahayn”.

Marka la eego warka Wargeysku qoray waxa raacsan sawir satex kolom ah oo u eg  sawirka fadhiga Guurtida, waxaana sawirkaa hoosta kaga qornaa weedh u dhignayd “fadhiga wakiilada oo lagu magacaabay ergo loo diray Madaxweyne Cigaal”.

Wargeysku waxa kale oo warkiisa ku daray magacyada xubno guddi ah oo uu goluhu u magacaabay arimo kala duwan.

Hasa yaashee shir-gudoonka guurtidu waxay madasha ka xaadiriyeen ilaa afar xubnood oo ay sheegeen in aanay gebi ahaanba ku jirin liiska mudanayaasha guuritda, balse ka mid ah magacyada Wargeysku qoray, taas oo ay ku tilmaameen in uu Wargeysku qoray magacyo been abuur ah.

“ Sh. Xirsi Xasan, Sh.C/raxmaan Mukhtaar, C/raxmaan Ducaale iyo Xasan Axmed, midna ku ma jiro liiska Guurtida, balse Jamhuuriya iyagaa sheegi doona meesha ay ka keeneen magacyadaa”.

Marka la eego jawaabta uu Jamhuuriya ka bixiyay eedaynta ay guurtidu u jeedisay diidmo iyo cudur daar midna kuma xusin  afarta qof ee guurtidu sheegtay in ay yihiin magacyo been abuur ah, iyo waliba xarfaha ku hoos qoran sawirka, wuxuuse Wargeysku ku dacwiyay inaanu haba yaraatee qorin wax been abuur ah, isla markaana uu hayo xaqiiqooyin sugaya jiritaanka warkaa.

Wargeyska Jamhuuriya jawaabta uu siiyay Guurtida wax uu cinwaan uga dhigay “xaasha’e Jamhuuriya beeni waa ka xaaraan”, waxaana ka mid ahaa hadalada Wargeysku ku dacwiyay “Wargeyska Jamhuuriya oo aanay akhristayaashiisu hore uga baran inuu soo gudbiyo warar aan sal iyo raadtoona lahayn, sida ay Golaha guurtidu ku hadaaqeen, wuxuu kalsooni buuxda ku qabaa xaqiiqda uu ku fadhiyo warka damqay Golaha odayaasha”.

Marka laga yimaado jawaabaha ay isu celiyeen Guurtida iyo Wargeysku, mawduuca Jamhuuriya soo ban dhigay wuxuu nuxurkiisu u dhadhamayaa in ay Guurtida iyo madaxweyn Cigaal gacanta isu dhiibeen, taasina waxay ahayd sheeko dadka ku noqotay fajac iyo af-kalaqaad.

“ilaa sadex goor ayaan marba dib u akhriyay warkan, waayo wuxu noqday wax iga degi waayay” sidaa waxa yidhi qof ka mid ah dadkii akhriyay warkaa.

Laga soo bilaabo ilaa markii ay odayaasha guurtidu qalinka ku duugeen go’aankii muddo-kordhinta  Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxa jiray sheekooyin ay dad badani isla dhex marayeen oo odhanaysa odayaasha Guurtida waxa sacabka loo saaray woxoogaa sarif ah si ay u fududeeyaan go’aanka muddo-kordhinta, balse sheekadaasi kama badnayn xanshaashaq iyo xan la isla dhex marayo.

Hase yeeshee sheekadaasi markii ugu horeysay waxay buulka ka soo baxday markii uu Wargeyska Jamhuuriya arbacdii doraad ku qoray bogiisa hore, taas oo ay dad badan ugu muuqatay in ay tahay arin xaqiiq ah warkii hore shakiga looga qabay ee Guurtida iyo Madaxweyne Cigaal lagu xamanayey in ay gacanta isu dhiibeen.

“Marar badan oo la igu yidhi odayaasha guurtidu Madaxweyne Cigaal, waxay lacag kaga qaateen muddo-kurdhinta maan rumaysan oo waxaan u haystay dacaayad iyo borobagaandhe, balse hadda waan rumaystay maadaama joornaalku qoray” sidaa waxa yidhi qof faallo ka bixinaya warkii uu Jamhuuriya daabacay ee ku saabsanaa Guurtida.

Sidaa awgeed waxay dad badan oo warkaasi gaadhay hadda aaminsanyihiin in ay sheekadaasi tahay xaqiiq aan loo noqonayn ilaa ay mar kale maqlaan wax waxaa ka duwan.

Hadaba hadii ay odayaasha Guurtida ku cadaato in ay galeen fadeexadda uu Jamhuuriya faafiyay, waxay taasi noqonaysaa khiyaamo wayn oo ay ka galeen ummadda xilka culus ku aamintay, waayo waa marag madoon in ay jariimad wayn noqonayso haddii uu aayaha dhan ee hogaaminta  ummaddu  noqdo dilaal yar oo shilimo loo kala  qaato.

Sidaa darteed odayaasha guurtidu hadii ay meel u samayn waayaan  fadeexadda  Wargeysku daabacay waa in ay qoorta soo dhigtaan oo ay dummadda ku qaadaan in ay taasi tahay  danbi culus oo ay ummadda ka galeen, iyadoo hadii ay fadeexadaasi sidaa ku cadaato uu Madaxweyne Cigaal badhkiisa yeelanaayo wixii danbi iyo ceeb halkaa ka yimaada waayo ninka warku sheegay in uu lacagta muddo-kordhinta Guurtida u balan qaaday waa isaga.

Wargeyka Jamhuuriya ee daabacay warkan doodu ka taagan tahay inkasta oo sheegay in uu hayo caddaymo ka marag-kacaya  jiritaanka warkaa, hadana tafaasiil dheeraad ah kama bixin inta ay mug leegyihiin cadaymaha uu hayaa, wuxuuse Wargeysku tuduca ugu danbeeya jawaab-celintiisa ku sheegay in uu cadaymihiisa si cad ugu soo bandhigi doono goobta iyo goorta looga baahdo.

Arintu sida ay doonto ha ahaatee sheekadani waxa weeye dhacdo lama ilaawan ah oo ay dadku aad isha ugu hayaan halka ay biyo dhigto, waxaynuse ka war sugi doonaa fadeexadda Wargeysku qoray in ay noqoto ceeb iyo danbi guurtidu leedahay iyo in ay noqoto been abuurka guurtidu sheegtay oo ay eedu Wargeyska dib ugu noqoto.

 

Shirkadda DAHAB SHIIL oo Dalka Britain laga Siiyay Rukhsadda Ganacsiga Xawaaladaha

H

argeysa (Haatuf): Shirkadda caanka ah ee Dahab-Shiil oo ah Shirkad wadani ah, kana mid ah Shirkadaha ugu waawayn ee ganacsiga xawaaladaha soomaalida ayaa 23-kii bishan aynu ku jirno ee Febuary 2002 dawladda Biritin ka heshay rukhsada cusub ee ay dawladaha reer galbeedku ku soo rogeen Shirkadaha ganacsiga xawaaladaha, sidaana waxa shaaca ka qaaday war shalay ka soo baxay xarunta dhexe ee Shirkadda Dahab-Shiil oo ku taala Caasimadda Hargeysa.

Laga soo bilaabo tan iyo dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay ee 2001, markii ay dawladaha reer galbeedku sharciga cusub ku soo rogeen xawaaladaha ganacsiga waxay Shirkada Dahab-Shiil noqonaysaa Shirkaddii u horaysay ee liisanka cusub ee ganacsiga xawaaladaha ka hesha dawlada Biritan.

Shirkada Dahab-Shiil waxay hore uga haysatay dalka Biritan rukhsad ganacsi oo caadi ah, balse rukhsaddan cusubi waxay la xidhiidhaa nidaamka cusub ee ay dawladaha reer galbeedku ku soo rogeen Shirkadaha ganacsiga xawaaladaha, iyadoo ay dawladaha reer galbeedku sharcigan cusub soo rogeen, kadib markii ay albaabada u xidheen Shirkadii xawaaladaha ee Al-Barakaat oo ka mid ahayd Shirkadaha ugu waawayn ee ganacsiga xawaaladaha soomaalida, waxayna reer galbeedku Shirkaddan ku eedeyeen in ay xidhiidh la leedahay maalqabeenka carbeed ee ay reer galbeedku u yaqaaniin argagixisada, Usama bin Laden.

Shirkada Dahab-Shiil waa Ruqsadii labaad ee ay ka heshay dalalka reer-galbeedka, waxay hore rukhsadda  ganacsiga xawaaladaha ah uga heshay dalka Maraykanka.

Iyada oo Shirkadani  laamo ku leh dalal badan oo ku kala yaal Qaaradaha kala duwan ee Aduunka.

Hase yeeshee Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dahab-Shiil C/rashiid Maxamed Siciid oo dhawaan u waramay Wargeyska “Haatuf,”” ayaa sheegay inaanay dalalka kale ee dunidu ilaa hadda ku soo rogin shuruudaha iyo shuruucda cusub ee ay dalalka reer galbeedku ku soo rogeen, sidaa awgeed ay ula macaamilayaan sidii ay markii hore ula macaamilijireen.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Sawir been ah ummaddu idinka yeeli mayso

D

oorasho ninka u diyaar garoobayaa waa in uu marka hore sameeyaa tira-koob ah ayaa muwaadin ah, yaanse ahayn, waxaynu ognahay in maamulkani sameeyay degmooyin farabadan oo isu jira daaqsin maqaleed aan xuduud loo kala samayn, golayaashuna aanay xalaalayn ama degmooyin hore ka raray meelihii ay ka tirsanaayeen meel kalena u raray, sida Degmada Sheekh, ee gobolka Togdheer, loona raray gobolka Saaxil.

Doorasho xalaal ah siday ku dhici kartaa marka waxaas oo dhami jiraan. Waxaan leeyahay Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha Xisbiga UDUB, Maxamed Ibraaahim Cigaal ummadda sawir run ah oo ay kaa iibsato u soo bandhig, inkastoo waqtigii sharciga ahaa uu kaa dhammaaday.

Waxaan isna xoghayaha UDUB leeyahay ina-Awaahirow, maaamulkaa jira baan mar wasiir ka ahaa siyaasi laguma noqdo.

Reer Somaliland, waxaan leeyahay haddaad tihiin salaadiinta, aqoonyahano, siyaasiyiin, wax-garad, iyo dhallinyaroba fadhiga ha laga kaco, si aynu uga badbaadno ku shubasho iyo ka shubasho iyo dhabal-food si masiirka ummaddu uu u noqdo mid xalaal iyo caddaalad ku salaysan.

Waxaan saddexda gole leeyahay dhex baad ummada u tihiin, haddaadse dhan noqotaan sida iminka aad u Udubowdeen, ogaada wixii laydiin igmaday dibaa laydin kala noqonayaa, sawir beenana ummadu idinka yeelimayso.

Baashe Jaamac Ibraahim,

Burco.

By: Abdifatah M. Aidied

Haatuf Media Network