SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 44-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf  Vol. 1, Tirsiga 44,                        Axad, 3 March 2002 

 

Wararka Gudaha

 

“Xadhigii La’i Xidhay Wuxuu I Tusay Cadaaladda Cigaal”

Maayarka Hargeysa

 

H

argeysa (Haatuf): Maayarka magaalada Hargeysa, ayaa Wareysi uu siiyay Weriye, Xadiis Maxamed Xadiis ku sheegay in la sameeyay Guddi uu isagu Guddoomiye ka yahay oo darsi doonta, Goobaha Dhismayaasha laga dhisayo, isla markaana kaga sheekeeyay arrima la xidhiidha Mushkiladda dhinaca dhulka, haddii Xilka laga qaado siduu yeeli doono iyo sida uu u arko Xadhigii hore loo xidhay, kadib markii lagu eedeeyay in uu Musuq-maasuq galay.

 

Su’aalihii Wareysigaa lagu weydiiyay iyo Jawaabihii uu ka bixiyay, waxay u dhaceen sidan:

 

S: Waxa ku soo badanaya Hargeysa Dhul-boob iyo Cabashooyinka dhinaca dhulka lagu muransan yahay, bal War-bixin naga sii arrintaas?

J: Horta in la is-wareysto oo wax la is-weydiiyo, way wanaagsan tahay. Midda kale, adigu dhawaan baad Xamar ka timid, xogo-gaal baad u tahay xaaladeeda, Hargeysana waad joogtaa oo Nabad baa taalla iyo horumar. Markaa waxaaba ila quman in aad dadka reer Hargeysa wax u sheegtid oo aad Jaraa’idka ku qortid. Halkan dadku wuu degay, nabad baana lagu nool yahay, mar hadday nabad iyo deggenaansho jiraana ummaddu way is-damaaciyaysaa, oo maanta Somaliland nin waliba wuxuu doonayaa inuu baloodh helo, oo nin kale wixiisii ku qabsado. Waa runtaa way jirtaa in meel walba laysku haysto dhulkii, waxaana sababaya dhaqaale-xumada, shaqo la’aanta iyo Ictiraaf la’aanta. Dhinaca kalena, waad ogtahay oo Sayladii dhoofka xoolaha waa la inaga xayiray, qaabka Siyaasadeed ee aanu ku soconaana waa mid yagleel ah, Mashaariicdii horumarintuna meesha way ka maqan tahay oo Caalamkuba waxba nama siiyo. Wixii yar ee la helana, waxa lagu sugaa Nabad-gelyadda. Taasina, waxay keentay in dhulkii lagu yaaco oo mid dilaal ah iyo mid sharci ku soo helay iyo mid sharci-darro ku soo helayba la is-dhex qaado. Dhibaataduna, waa mid doonaya dhul uu dhisto oo ay dhab ka tahay iyo nin doonaya in uu dib u sii iibiyo.

S: “Fule xantii ma mooga” ayaa Soomaalidu tidhaahdaa, sidaa aawadeed waxa suuqa kuugu jirta in aad si Sharci-darro ah u bixiso dhulka, oo xitaa Faras-magaalahana aad bixisay, goobo ay hore uga xishoodeen Gaani iyo Moorgan in ay bixiyaan, taasi siday kuugu muuqataa?

J: Walaahi, Horta anigu Mafrishyada ma tago oo Jaadka ma cuno. Markaa dadku shaqo kaleba ma hayaanoo oo way ku mahadsan yihiin in ay na hadal-hayaan had iyo jeer. Laakiin, meel sharci-darro ku baxday ama lagu dhisayaa ma jirto. Qorshaha ay magaaladu ku dhisan tahayna waaba midaan sax ahayn oo dib baa loogu noqonayaa marka itaal la helo. Sidaas horeyba u sheegay, hadduu jiro guri guri ka dheeri, waxaanu ku talo-jirnaa in aanu la soo sino ka kale, oo qorshahayaga waa ka mid, waana Mabda’ aanu qaadanay. Imikana Guddi baa la sameeyay aan anigu Gudoomiye ka ahay oo hadda kadib isla eegi doonna, meesha la dhisayaa in ay qaadi karto dhismaha iyo in kale, ilaa iyo haddana wax fool-xumo nooga dhacay ma jiraan, meel walibana waxay noqon doontaa, meel marka la dhisayo Tiifiigu sawiro, si loo arko khaladka jira. Ma dhici karto in ay Faras-magaalaha in ay laba qol oo yar-yari uuni iska soo horjeedaan ee dhismaha waa la bedelayaa, oo meeshii aan bilicda magaalada wax u dhimaynba, Ninkii dabaqyo qurux badan ka dhisaya waa la siinayaa, waxaanan doonayaa inuu Xafiiskaygu noqdo kii wax laga sheego ee la hadal-hayo, balse Saxaafadda iyo Jaraa’idku waa in ay Milgo yeeshaan.

S: Haddii xilka lagaa qaado dhaliilaha dawladda ee aad hadda qarinayso, Ma sheegi doontaa?

J: Maya, aniga taasi igama suuro-gasho oo sharaftaydaan ilaashanayaa.

S: Xukuumadda Mucaarid ku noqon maysid miyaa?

J: Maya, ee aayar baan iska joogi.

S: Hadda ka hor, mar baa lagugu xidhay arrimo la xidhiidha Hanti-lunsi iyo Musuqmaasuq, markaa si aanay tiiyoo kale kuugu dhicin, ma ka gaashaamatay oo Waayo-aragnimo ma kala hadhay xadhigaa hore?

J: Haa, Waayo-aragnimo badan baa kala hadhay, Xabsigana inaga uun baa la inoo dhisay. Xadhigii iyo Xabsigii la I xidhayna, wuxuu I tusay Cadaaladda Cigaal.

…………………………………………………………………………….

                 

Wefti Itoobiyaan ah oo Booqday Boorama

 

Boorama (Haatuf) :- Wefti ka socda dalka Itoobiya, ayaa shalay booqasho ku yimi Boorama. Weftigan oo ka kooban ilaa toban xubnood ayaa guddoomiyaha maamulka gobolka Awdal Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne), booqashadooda ku tilmaamay inay la xidhiidho sii xoojinta xidhiidhka iyo wada-shaqayn dhinaca nabadgelyada ah oo hore uga dhexaysay labada gobol ee Awdal iyo Jig-Jiga.

 

Weftigan oo uu hoggaaminayay maamulka gobolka Jig-Jiga, intii ay joogeen Boorama, waxa Huteel Seven Star oo ku yaalla Boorama ku marti-qaaday Duqa magaalada Boorama, Maxamed Daheeye Ismaaciil.

 

Guddoomiyaha gobolka oo uu weriyahayagu wax ka weydiiyay arimaha ay ka wada hadleena wuxuu sheegay in waqti kale ay u ballameen dhammaystirka heshiisyo hore u dhexmaray oo aanu faah-faahin.

………………………………………………………….

 

Axmed Siilaanyo oo socdaal ku tegey Burco

 

Harg (Haatuf) :- Siyaasiga Axmed Maxamed Siilaanyo oo weli ku hawlan hirgelinta hindisihii dhexdhexaadinta ahaa ee uu ugu ololaynayay sidii wadahadal loogu soo dabbaali lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira, ayaa shalay socdaal ku tegay magaalada Burco.

 

Siday sheegeen warar magaalada Burco naga soo gaadhay, waxa la filayaa inuu Axmed Siilaanyo kulamo kula yeesho halkaas, mucaaridka iyo salaadiinta ka soo horjeeda xukuumada Cigaal, ee hore ugu dhawaaqay qabashada shirweyne qaran, kuwaas oo soo dhaweeyay hindisaha Siilaanyo, kana aqbalay in wadahadal bilaa shuruud ah lagu dhammeeyo is-af-garan waaga, haddana lagu wado inuu jawaab ka siiyo wixii uu kala kulmay dhinaca xukuumadda.

 

Xubnaha mucaaridka ah ee Burco ku sugan, sida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), iyo Salaadiintuba weli jawaab rasmi ah kamay soo saarin go’aankii xukuumaddu ku dabartay waan-waantii uu ka odayaynayay Axmed Siilaanyo. Warar laga soo xigtay ilo ku dhowdhowina waxay tibaaxeen inay sugayeen Axmed Siilaanyo, si uu faah-faahin buuxda uga siiyo wixii uu kala kulmay dhinaca xukuumadda.

 

Dhinaca kalena, siday wararku tibaaxeen waxa u socday maalmahanba Salaadiinta shirar wadatashi ah, oo ay ku gorfaynayeen jawaabta ay ka bixinayaan mawqifka xukuumadda.

…………………………………………………………………

 

            Guddoomiye-Xigeenka Golaha Wakiiladda

oo Taageeray Hindisaha Siilaanyo

 

H

argeysa (Haatuf): Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland, wakhtigana ah Ku-simaha Gudoomiyaha, Md. C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, ayaa ka hadlay marxaladda Xasaasiga ah ee uu dalku marayo iyo khilaafka murugsan ee wakhtiga xaadirka ah, ku gedfan Waayaha Siyaasiga ah ee Somaliland.

 

Shir-jaraa’id oo uu Mudane C/qaadir, Jimcihii dorraad ku qabtay Xafiiskiisa ku yaal xarunta Golaha Wakiiladda, waxa uu ku soo bandhigay dood dheer oo uu kaga hadlay sababaha salka u ah khilaafka maanta taagan iyo sida loo dawayn karo ciladaha Siyaasiga ah ee wakhtigan dalka ka aloosan, wuxuuna Mud. C/qaadir farta ku fiiqay in loo baahan yahay, sidii dawo loogu heli lahaa is-maandhaafka iyo aamin-darada Siyaasadeed ee u dhexaysa kooxaha Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Somaliland, isaga oo hadalkiisa ku xusay sida uu u arko arrimaha dooduhu ka taagan yihiin ee ay ka mid yihiin; Shir-qarameed, Muddo-kordhinta Xukuumadda iyo aragtida Axmed Siilaanyo ee la xidhiidha dhex-dhexaadinta dhinacyada Mucaaridka iyo dawladda.

 

Mudane C/qaadir X. Ismaaciil, wuxuu ka hadlay khilaafka Siyaasiga ah ee dalka ka jira. Hase yeeshee, waxay is-weydiintu tahay C/qaadir, sidee buu u arkaa sababta khilaafka keentay.

 

“Muranka waxaan u arkaa inuu ka yimi aamin-darro laga leeyahay Xukuumadda ma lagu aamini karaa doorasho xalaal ah,” ayuu yidhi Mud C/qaadir, wuxuuna sheegay in ay halkay sartu ka qudhantay tahay shaki laga qabo, sidii dhinaca Xukuumadda looga heli lahaa in ay diyaariso doorasho xalaal ah.

 

Mud C/qaadir, isaga oo farta ku fiiqay qolyaha Shir-qarameedka dabadda ka wada, sababta uu u arko in ay kelifayso, wuxuu yidhi: “Nimankan Shirka wada, waxaan u arkaa in ay kelifayso aamin ka-bax ay ka aamin ka-baxeen in ay Xukuumaddu keeni karto, doorasho xalaal ah ee kuma ay riyoon, iskamana ay jeclaan Shir-beeleed. Saleebaan-gaal maalintii uu lahaa yaa ina kala badbaadinaya, dad baa u qaatay si kale, laakiin wuxuu ka hadlayay shakiga uu ka qabo sida loo heli karo doorasho xalaal ah iyo cid wax xaqsoorta.”

 

Mudane C/qaadir, mar la weydiiyay in ay waxa khilaafka ka taagan yahay yihiin Shir-qarameed iyo Muddo-kordhinta, wuxuu ku dooday in aanay ciladdu taa ahayn, wuxuuna ku jawaabay; “Anigu ma qabo in ay waxa la isku haya yihiin Shir-qarameed iyo Muddo-kordhin, laakiin cudurku waa doorasho xalaal ah ma la heli karaa, markaa ninkii isku qanciyay in aan doorasho xalaal ah la heli karin, ayaa shirka dabadda ka wada. Waayo, Xukuumadda maanta jirta ayay dadka ama ururada qaarkood, kalsooni-darro ka qabaan in ay keeni karto doorasho xalaal ah, taas ayaa keenaysa shakiga”.

 

Mud. C/qaadir Jirde, wuxuu dadka ku canaantay in ay ka gaabinayaan wax ka qabashada khilaafka murugsan ee dalka ka taagan, wuxuuna yidhi: “Dadkeenu ma yaqaaniin sida khilaafka Siyaasiga ah loo xalilo, laakiin waxay yaqaaniin sida khilaafka qabaliga ah loo xalilo, oo maanta haddii ay laba reer is-qabato bari iyo galbeed waa la isaga imanayaa oo nin doorka dhan baa soo gurmanaya, balse khilaafka Siyaasiga ah waa la isku daawanayaa, aakhirkana waxay keenaysaa dhibaato. Arrinta maanta taagan, haddii la dhammayn lahaa maalintii ay Hargeysa isku haysteen Xukuumadda iyo Salaadiintu oo ragayagii dhex-galay ay hiil heli lahaayeen, ka maanu baxneen iyadoo qabyo ah.”

 

Mudane C/qaadir, isaga oo tilmaamaya go’aankii Muddo-kordhinta markii hawshiisa la waday sidii uu kaga talo-bixiyay, wuxuu yidhi; “Anagu Shir-gudoon ahaan, waxaanu ku talinay in la dhiso dawlad wadaag ah oo ay ururada Mucaaridka ahi ku jiraan, kana mid noqdaan Xukuumadda, waayo haddii la heli lahaa dawlad wadaag ah, UDUB ma maroorsan kareen hantida ummadda oo masalan haddii uu Wasiirka arrimaha guduhu ASAD noqdo, Badhasaabkuna maleeyeen inuu UDUB oo keliya hor-fadhiisanayo, Muddo-kordhintuna waa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee Golaha Wasiiraddu kuma jiraan oo taasi distoorka kuma taal.”

 

Haddaba C/qaadir, isaga oo tilmaamaya sida uu xalka u arko wuxuu ku celceliyay in Sharciyadda la xoojiyo oo la isugu yimaado oo aan UDUB looga cararin, si taa loo helona wuxuu C/qaadir u arkaa in la qaado labo tallaabo oo uu ku tilmaamay; “Waa in Sharicga wax laga bedelo oo gol-daloolooyinka laga bi’iyo iyo in qaabka Xukuumaddu u dhisan tahay wax laga bedelo oo Mucaaridku dawladda soo galo, si looga hor-tago haddii uu UDUB hantida cunayo.”

 

Mudane C/qaadir, wuxuu ku celceliyay inuu asalka khilaafka yahay, shakiga laga qabo helida doorasho xalaal ah, taasi si ay u baxdona wuxuu yidhi; “Waa in la helo damaanad.”

 

Mudane C/qaadir, waxa kale oo uu xusay aragtida dhex-dhexaadinta ee Axmed Siilaanyo iyo sida uu u arko Mabaadi’da, wuxuuna yidhi; “Anigu waxaan u arkaa in la wada-hadlo oo aan la kala oodnaan, waayo, haddii la kala ooto oo la wada-hadli waayo, waxa imanaysa in nacaybku halka ugu saraysa gaadho, dibna loo soo celin kari waayo, makaa waa in la isla qaato Mabda’a Wada-hadalka oo aan la kala oodmin.”

 

C/qaadir, isaga oo ka hadlaya qadiyadda dhex-dhexaadinta Axmed Siilaanyo, wuxuu yidhi: “Axmed Siilaanyo, keligii waxba ma qaban karo ee waa in ay ummaddu kala qayb-qaadato, waxaadna moodaa Axmed in lagu khasbayo inuu Fikradiisa sheego oo la leeyahay, Adigu Horta maxaad aaminsan tahay, taasina daw maaha, waayo haddii aad wax dhex-dhexaadinayo oo aad sheekada ka bilowdo “Hebelow waad gar-darran tahay,” waxba maad dhex-dhexaadin. Markaa Axmed, wuu ku hagaagsan yahay inuu Fikradiisa haysto.”

……………………………………………………..

 

Hargeysa iyo Xafladdii Furitaanka Mawjadda FM-ta Cadceedda ku shaqaysa ee BBC-da

 

Harg (Haatuf) :- Mawjad FM ah oo ah tii ugu horraysay ee ku shaqaysa Tamarta Cadceeda, lagana dhegaysan doono barnaamijyada BBC-da, ee Ingiriisiga, Carabiga iyo Soomaaliga ayaa si rasmi ah looga furay magaalada Hargeysa Jimcihii, waxaana furitaankii mawjadaa oo si tijaabo ah u sii shaqaynaysay in muddo ah lagu maamuusay xaflad ballaadhan oo ay soo qaban-qaabisay BBC-du, oo habeenkii Sabtidu soo galaysay ka dhacday Hotel Maansoor, taas oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Cigaal, badi xubnaha Xukuumaddiisa, Guddoomiyaha Guurtida, Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, xubno kale oo Golayaasha Baarlamaanka ka tirsan, saxaafada Somaliland, siyaasiyiinta mucaaridka iyo martisharaf kale oo tiro badnayd.

 

Sidoo kale, waxaa iyana xafladdaa ka qaybgalay madax iyo weriyeyaal door ah oo ka tirsan Idaacada BBC-da oo qabatay munaasibaddaa. Mas’uuliyiinta BBC-da ka socotayna waxaa ka mid ahaa madaxa qaybta BBC-da ee Afrika iyo Bariga Dhexe, Mr. Barry Langring, Tifaftiraha laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar Axmed, soo saare sare, Yoonis Cali Nuur, iyo weriyeyaasha laanta Afka Soomaaliga wararka uga tebiya mandaqadda Soomaalidu degto ee Bariga Afrika, iyo Axmed Xasan Cawke, oo ka mid ah weriyeyaasha xarunta BBC-da. Xafladdani waxay ahayd tii ugu ballaadhnayd ee BBC-du ku qabato dhulka Soomaalidu degto, inta la xasuusan yahay, waxaana si toos ah looga xidhiidhinayay Barnaamijkii laanta Afka Soomaaliga ee habeenimo, kaas oo warkii mooyee qaybihiisii kale ay wada-jir uga xidhiidhinayeen madashii xafladda dhexdeeda, Shaadiya Maxamed Rooble iyo Axmed Xasan Cawke.

 

Dammaashaadkii munaasibaddaa mawjadda FM-ta ah lagu xusayay ka sokow, waxay xafladdaasi lahayd muuqaal kale oo siyaasadeed, waxaana isugu yimi wejiyo loolan ka dhexeeyo oo aan in muddo ah madal isugu iman, kuwaas oo muxaafid iyo mucaarid-ba isugu jiray, oo ay ka mid ahaayeen; Madaxweyne Cigaal, Maxamed Xaashi Cilmi, Cali Maxamed Waran-cadde oo mudo ka sii maqnaa golaha xukuumadda, haddana  ka mid ah xubnaha u taagan kursi ridashada, Muuse Biixi, Axmed Yuusuf Ducaale iyo xubno kale oo tiro badnaa oo labada dhinacba ka tirsan.

 

Axmed Siilaanyo oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn ee lagu tiriyo inay u taagan yihiin hanashada talada dalka, oo aan ilaa hadda soo bandhigin badheedhihiisa, qorshihiisii dhexdhexaadinta ee uu soo jeediyayna uu nitaakho kala kulmay dhinaca xukuumadda, ayaa isna dhex-fadhiyay labada dhinac ee uu doonayay inay wadahadal isku soo horfadhiistaan.

 

Marka laga tago sawirkaa guud-marka ah ee aynu u soo noqono ujeedadii xafladdaa, waxaa madashaa ka hadlay, madaxa qaybta Afrika iyo Bariga dhexe ee BBC-da Mr. Barry oo sharraxaad ka bixiyay guud ahaan hawlaha BBC-da iyo muhiimadda ay leedahay mawjadan FM-ta ee ay ka fureen Hargeysa.

 

“Waxaanu nahay hay’adda warbaahineed ee ugu ballaadhan caalamka oo dhan, waxaana farxad noo ah in aanu  furay mawjadda FM-ta ee Hargeysa oo ah tii ugu horreysay ee ku shaqaysa tamarta Qorraxda, sababta aanu Hargeysa ugu dooranay arrintan, saddex sababood ayaan ka  sheegi karaa; Hargeysa oo qorraxdu ku badan tahay, ta labaad oo ah nabadda iyo deganaanshaha dalka ka jira iyo dadka Soomaalida ah oo daneeya dhegaysiga BBC-da,” ayuu yidhi Mr. Barry.

 

Isaga oo intaa ku daray inay iskaashi la yeelanayaan Wasaarada Warfaafinta oo ay u fidinayaan kaalmo kala duwan, waxaanu u mahad-naqay shirkadda Dahab-shiil, oo gacan ka geystay hawshan. Mar uu si gaar ah uga hadlayay laanta Af-soomaaliga, waxa uu sheegay inay tahay laanta ugu badan ee la ammaano ama la dhaliilo ee BBC-da, hawshiisana ay tahay inuu ogaado; “Haddii aad dhalliilaysaan idinka ayaa leh waayo? Hargeysa ayay ka tegeen raggii ugu horreeyay ee ka hawlgalay laanta Af-Soomaaliga, BBC-duna maaha meel wax laga shirqoolo ama lagu dheel-dheelo, waxayse leedahay qawaaniiinteeda iyo anshaxeeda abaal-marineed. Laanta Af-Soomaaliguna taasay ku socotaa,” ayuu yidhi Mr. Barry, isaga oo ballan-qaaday inay mustaqbalka sii horumarinayaan hawlahooda. Intaa kadib, waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka warfaafinta Somaliland, Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo ka warramay is-kaashi ay la yeelanayaan BBC-da.

 

“Xidhiidhka Somaliland iyo BBC-du, waa mid soo jireen ah, waxaanu bilaabmay ilaa 1941-kii, maantana waxaanu doonaynaa in aanu xidhiidhkii sii xoojino,” ayuu yidhi, wasiirku, isaga oo u muuqday inuu ku faraxsan yahay hawlaha BBC-da iyo is-kaashiga ay la yeelanayaanba. Waxaanu xusay in Raadiyow Hargeysa la mataanoobayo BBC-da.

 

Wasiirka kadib, waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay madaxweyne Cigaal oo khubaddiisa isla taagay goob ka hoosaysa halkii khudbadaha loo fuulayay. Madaxweyne Cigaal laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da aad ayuu u dhaliilay sida ay haatan wararkooda u tebiyaan oo uu ku tilmaamay mid aan dhexdhex-aad ahayn, waxaanu aad uga sheekeeyay taariikhda laanta Af-Soomaaliga iyo marxaladihii ay soo martay. “Markii BBC-da la furay ayuu wax ka sheegay nin la odhan jiray X. Shaqale, iyada oo markaa u adeegaysay isticmaarkii, waxaanu u bixiyay BBC-da Been-been-Sii,” ayuu yidhi madaxweynuhu, isaga oo tilmaamay inay muddooyinkii hore laanta Af-Soomaaligu fiicnayd, balse aanay haatan sidii hore ahayn.

 

“Tan iyo markii Soomaalidu Istiqlaalka qaadatay, waxay noqotay meel kolba ciddii joogtaa ay aragtideeda ku dabbaqdo,” ayuu yidhi. Waxaanu intaa ku daray, isaga oo arrintaa sii faah-faahinaya; “Wakhti ayuu madax ka ahaa Cabdiraxmaan Caabi Faarax, waxaana ku xigay Mustafe X. Nuur, labadoodaba Ilaahay ha u naxariistee, markaa waxaanu ku xidhnayn Af-gooye, aad bay u dhibsan jirtay dawladdii markaa jirtay, markii dambena Cabdillaahi Xaaji iyo rag kale ayaa hawshaa qabtay, waxaana loo arkayay inay soo jeedinayaan fikrad cid gaar ah.”

 

Mar uu ka hadlay xaaladda haatan, waxa uu yidhi; “Maantana ragga jooga oo uu madax u yahay Yuusuf Garaad, waxaad moodaa inay soo jeedinayaan ra’yi aan dhex ahayn, matalan Kilalka-shanaad, waxaa loo yaqaan gobolka Soomaalida Itoobiya, Yuusuf Garaad iyo raggiisuna waxay u yaqaanaan Ogaadeeniya,” ayuu yidhi. Inkasta oo Cigaal uu dhaliilay laanta Af-Soomaaliga, haddana wuxuu ku hambalyeeyay BBC-da hawshan mawjadda FM-tu ka midka tahay ee ay qabatay. Gebogebadii xafladda waxa heeso iyo bandhig-faneed ku soo bandhigay, qaar ka tirsan fannaaniinta Somaliland.

 

………………………………………………………

 

      Booliska Boorama oo Qabtay Khamri

Boorama (Haatuf) :- Ciidanka nabadgelyada Boorama ayaa qabtay shixnad Khamri ah oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo magaalada. Taliyaha Saldhiga Booliska Boorama Cumar Xasan Alaale, ayaa u sheegay weriyahayaga gobolka Awdal, in khamrigaa lagu soo qariyay gaadhi Xaajiyad ah markii ay baadheena ay ka heleen ilaa 100 litir oo khamri ah (boqol litir), oo lagu soo cabeeyay caagadaha biyaha lagu dhaamiyo, isla markaana dabooladooda lagu dahaadhay xaydh iyo subag.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay in saddex qof loo xidhay khamrigan, waxaana uu intaa ku daray in waayadan dambe khamriga iyo maandooriyaha xashiishaduba ay Boorama u soo galaan si tuugo ah, iyada oo dadka ku lug leh hawshaasi ay adeegsadaan Dameero, Awr iyo gaadiid intaba, balse aanay dhicin khamri intaa le’eg oo si badheedh ah loo soo mariyo jidka isku xidha Boorama – Hargeysa iyo Itoobiya.

 

Taliyaha oo ka warramayay dhinaca nabadgelyada waxa uu sheegay inay magaaladu xasiloon tahay, isla markaana ay qabteen in ka badan toban dhallinyaro ah, kuwo kalena ay raadinayaan, kadib markii afar cisho ka hor ay Boorama ku soo celiyeen dhaqan is-dil koox-koox ah, boob, burburin guryo iyo hanti kaleba.

 

Waxa uu sheegay in haatan qaarkood wataan qoryo fudud oo ay Booliska kala hor imanayaan, haddii ay isku dayaan inay qabtaan. Taliyuhu wuxuu waalidiinta iyo qaar dadweynaha Boorama ka tirsan ku canaantay taageero iyo difaacid ay siiyaan tuugada iyo dhalin-yarada, Booliskana ay ku carqaladaynayaan waajibkooda.

……………………………………………………………………………..

 

“Annagu Jaadka LaasCaanood taga Ma Cashuuro.”

Wasiirka Maaliyadda

 

H

argeysa (Haatuf): Mudanayaasha Wakiiladda ayaa fadhigii Golaha ee shalay ku weydiiyay Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Faarax Dooddi iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaa, su’aalo la xidhiidhay Miisaaniyadda sannadka 2002 oo hortaalla Golaha, si uu u ansixiyo.

 

Su’aalihii Madashaa lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Faarax Dooddi oo dhammaantoodba ahaa qaar la xidhiidhay Maaliyadda iyo arrimaha Miisaaniyadda, waxaa ka mid ahaa; su’aal laga weydiiyay dhinaca shaqaalaha dawladda iyo Ciidamada tira badnaantooda. Waxaanu Wasiirku sheegay in Nidaamkii imtixaanada ee shaqaalaha la mariyay uu ahaa mid looga jeeday in shaqaalaha lagu kala saaro, si loo reebo tirada loo baahan yahay ee tayo ahaan qaban karta shaqada. Waxa kale oo uu xusay in aad loo dhimay tirada Ciidamada.

 

Wasiirka Maaliyadda, mar wax laga weydiiyay Shirkad madaxbannaan oo la sheegay in lagu wareejiyay, qabashada Cashuuraha ka soo hoyda Madaaradda iyo fulinta adeegyadda Garoomada Diyaaradaha-ba, wuxuu sheegay in diyaarintii Miisaaniyadda kadib, arrintani dhacday, lana wareejiyay. “Annaga qorshihii hore ayaa noogu jira Miisaaniyadda, welina habkii xil-wareejinta waxaanu ka sugaynaa Wasaaradii ku shaqo lahayd ee duulista hawada,” ayuu yidhi Xuseen Faarax Dooddi. Waxaanu intaa ku ladhay oo uu xusay, in arrintaasi ay tahay mid weli socota, gacantana ay ku hayaan Wasiirka Duulista Hawada iyo Shirkadda loo dhiibay Madaaradda.

 

Wasiirka Maaliyadda Xuseen Dooddi, mar la weydiiyay su’aal ku saabsanayd sababta loo kordhin waayay Miisaaniyadda Golaha Wakiiladda oo uu Mudanaha su’aasha weydiiyay, tilmaamay in aanu lahayn qalabkii shaqada, hal Teeb mooyaane. Wuxuu sheegay in aanay Golayaasha waxba ka hagran ee ay u dedaalaan. “Miisaaniyadda, sideedaba sannadkan hay’adaha iyo wasaaradaha badankooda umaanu kordhin, labada golena Miisaaniyadooda wax cabasho ah oo naga soo gaadhay ma jiro,” ayuu yidhi.

 

Markii uu Wasiirku dhameeyay Jawaabtii su’aashaa, ayaa waxaa Mikirifoonka la wareegay Gudoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha, C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo isna weedho kaabis ah ku sii daray Jawaabtii Wasiirka. “Kordhinta Miisaaniyadda Golayaasha, waxaan filayaa in aanay maanta su’aali ka taagnayn oo guurtidaa inaga dhoobaysay,” ayuu yidhi C/qaadir. Wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Markaa ilaa inta arrinkaa Guurtidu dhinac u dhacayo, kordhin iyo waxaa inaga daaya.’

 

Dhinaca kale, mar la weydiiyay Wasiirka Maaliyadda, bal in ay Cashuurta ka qaadaan Jaadka taga Gobolka Sool oo Diyaarad lagaga qaado magaalada Diri-Dhaba, wuxuu sheegay in aanay wax Cashuur ah ka qaadin Jaadka taga magaalada Laas-caanood. “Jaadka Gobolka Sool, Diri-dhaba ayaa diyaarad laga saaraa, anagana wixii Jaad ahi wuxuu noo soo maraa Kastamka Kala-baydh, wixii Kastamkaa soo mara ayaanuna awood u leenahay in aanu Cashuuro, laakiin Jaadka Laas-caanood taga ma Cashuuro,” ayuu yidhi Xuseen Faarax Dooddi. Su’aalo kale oo door ah ayay Mudanayaashu, halkaa ku weydiiyeen Wasiirka Maaliyadda, Agaasimaha Guud iyo Masuuliyiin kale oo Wasaaradaa ka tirsan oo weheliyay.

…………………………………………………………………………

 

 

Maqaaladda ku soo baxa boggani maha ra’yi uu leeyahay Wargeysku, waxayna gaar u yihiin akhristaha soo qoray

 
Odhaahda Akhristaha

 

 

 

Kolkay Tallo Taagan tahay Cadka inoo Qaybiya, Hebelow Qaado ka daaya

 

A

nigoo ka mid ah Muwadiniinta dalka, ayaa waxaan jeclaystey in aan fikirkeyga ka dhiibto xaaladda dalku ku sugan yahay, taas oo aan ahayn mid indhaha laga qarsan karo.

 

Haddaba, aniga oon ku talax-tegayn ka hadalka marxaladdan, waxaan leeyahay sidaynu wada ogsoonahay bulsho kasta oo adduunka jirta in baa Illaahay (sw) hormood uga dhiggaa, cidaasina laba mid uun bay noqotaa; mid la mahadiyo oo raad-reeb aan hadhin oo lagu hirto horseedda iyo mid la eedo oo karaamada ummadooda iyo hadafkooda mustaqbal iibsada oo danahooda shakhsiga ah raaca, bulshadoodana dhaxal-xumo iyo dhaadasho la;aan uga taga.

 

Haddaba, anigoo si guud ula hadlaya Golayaasha Qaranka, siiba Golaha Guurtida oo isagu ah ka ay mididda wax lagu xalaaleeyaa gacantooda ku jirto, waxaan idin leeyahay idinkoon hebel u xaglin, hebel kalena ka xadin kolkay talo taagan tahay  waar cadka inoo qeybiya,” ka daaya hebelow qaadada oo waar horta dhulka dhigga dhaha. Haddaadse sarajooga ku qaybiya tidhaahdaan, idinkii duqeytida ee garaad iyo garasho la bidayey, sow markaa arrinku noqon maayo “Hashii aaranka hor durdurisey ee iyaguna ku daray.” Waxayna uun la mid tahay, aan Sara-joogga ku atixiyaadsano, wax lala fadhiistaba hala waayee.

 

Markaa waxaan leeyahay adeeradayow, ayaanu biyo-dhigiinu noqon (Ceel madhan qode). Marka xigga, waxaan si gaara ula hadlayaa xubnaha Golaha Guurtida kaga jira Gobolka Awdal, oo aan ka mid ahay bulshada ay metelaan, taas oon leeyahay adeerayaal indhahayaga mooyiye, Caqligayaga waad ka qarsoon tihiin.

 

Anigoo ku hadlaya Magacayga, waxaan leeyahay; “Gabadh aabaheed cunayaa, ceeb ma waydo.”

C/raxmaan R. Dhabar (Xayakallah), Hargeysa.

……………………………………………………..
Waxaan u arkaa in Siilaanyo wax u hooseeyaa  jiro
 
Anigoo ka werwersan siday  Xisbiyada qaarkood (SAHAN IYO xisbi-u-yaalka ASAD) waxay wadaan, waxaan ugu baaqayaa Shacbiga Somaliland, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumada inay dhinac uga soo wadajeedaan Kooxda damacsan inay khalkhal iyo dhibaato ku abuuraan Somaliland.
 
Kooxda maanta ku baaqaysa in shirbeeleed la qabto, ama ku hanjabaysa inay ku dhawaaqii doonnaan dawlad ama leh ma’aqoonsanin go’aanka Guurtida waxaan u arkaa niman ku xadgudbaya distuurka Somaliland oo  aan doonayn inay Somaliland ka baxdo qabyalaad oo u gudubto heer Qaran.
Sidaa darteed, waxaan xukuumada ku barbar taaganahay inaanay la yeelan wada hadal wixii ku saabsan shirbeeleed ama  go’aankii guurtidu gaadhay ee la xidhiidha sannadkii ay guurtidu u kordhisay xukuumada.
Waxaan baaqan u soo dirrayaa Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Golaha Xukumada iyo Shacbiga Somaliland ee qiimo badan u soo huray dalkooda iyo dadkoodaba, inay iska kaashadaan wixii nabadgelyada maanta Shacbiga Somaliland  haysto duminaya.
 
Markaan akhriyay warkii jaraa’idka (Feb. 26,2002 ) ee Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku caddeeyay in uu hindisihiisii dhexdhexaadinta kaga guul darraystay dhinaca xukuumadda, waxaan u arkaa in Md. Axmed maxamed Siilaanyo, wax aanu shaaca ka qadin oo u hooseeyaa jiro.  Waayo warar baa sheegaya in Axmed u janjeedho dhinaca Shirbeeleed in la qabto.   Waxaanad moodaa in Siilaanyo iska indha tirayo fahamka dastuurka oo uu doonayo in xeer jajab ama xeer reer lagu maamulo arrimaha jira.
“Tii horaa la dhaafoo  tu kale ayaa taallee, Taliye maxaad odhan.” (Garro)
Yassin Ibrahim Hore.
Riyadh, Saudi Arabia.

 

………………………………………………………………….
 
Siilaanyo waddanka ugama lexojeclo weydnid
Waxaan leeyahay madaxwaynaha mujaahid Siilaanyo wadanka ugama lexo jeclo waynid waana nin muwaadin ah ee maxaad ugu ballan furtay?
Balse Md. Axmed Siilaanyo waa u soo halgamay wadanka,isagaana sida wax loogu taro yaqaan dalka iyo dadkaba,fadlan xilka iskaga deg madaxwayne ummadda ayaa cidday doonto u dhiibanayse’e.
Mustafe Cali 

………………………………………………………………………………………….

 

Madaxweyne Cigaal waxaan leeyahay

 

Marka hore waxaan salaan u soo tebinayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland waxaana leeyahay ciid mubaarik salaan kadib intaanan u gudo gelin nuxurka warqadayda waxaa xusid mudan halgankii dheeraa ee loo soo maray xornimada Somaliland ha noqoto kii gumaysiga Ingiriiska ama kii wuxuushtii faqashtii isu bahaysatay xasuuqa iyo burburinta shacabka reer Somaliland waxaa mahadleh Allihii inooga hiiliyay nacabkaas manaxaanka ahaa, waxa kale oo

 

xusid mudan ururka SNM oo Ilaahay ku guuleeyay afgembigii faqashta, waxaa kaloo xusid mudan dadka reer Somaliland ee jecel nabada iyo horumarka Somaliland sida Md.Axmed maxamud siilaanyo.

 

Hadaan u soo gondadego nuxurka warqadayda waxaan halkan talo waano ah uga soo jeedinayaa madaxweynaha J.S/land md.Maxamed Ibraahim Cigaal iyo mucaaradka ka soo horjeeda waa Sahan iyo Asad, kadib markii aan arkay muranka dhammaan-waayey ee mudada socday markii aan arkay isu imasho la’aanta iyo kala fogaanta labada dhinac markii aan arkay cadowga ka dhursugaya arintu halkay ku dhaamato markii aan arkay werwerka iyo wallaaca soo foodsaaray shacbiga reer Somaliland gaar ahaan qurbo-jooga, waxay ila-noqotay caqligayguna I siiyay inaan warqadan u soo qoro madaxweynaha iyo mucaaradkaba anigoo rajaynaya inay labada dhinacba ay wax u tari doonto inshaa Allaah waxaan ku bilaabayaa madaxweynaha md. Maxamed Ibraahim Cigaal Somaalidu waxay ku maah-maahdaa madaxa meel ka saraysa oo La salaaxaa ma jirto.

 

Waxaan uga jeedaa maanta waxaad tahay madaxa Somaliland dheefteeda iyo dhaliisheedabana waxbaad ku leedahay waxaadna mas’uul ka tahay dhulka Somaliland iyo waxa dulsaaran, waxaad mas’uul ka tahay bulshada ku nool dhulka taas oo leh waayeel, caruur, waxgarad iyo caqli-gaaba. mid walibana wuxuu xaq kuugu leeyahay inaad qanciso isagoo halkiisa jooga, tusaale ahaan mucaaradka kugula doodaya in qabiil wax lagu qaybsado waxaan qabaa caqligooda ayaa sidaa siiyay ee maaha inaad kula yaabto ee waa inaad soo dhowaysaa oo fadhiga wax ugu sheegtaa hadii ay qanci waayaan.

 

Waxaad kala tashataa waxgaradka iyo shacbiga reer s.land ee talada kula leh. Taa waxaan uga jeeda inaad shuruud ku xidho waa khalad sidaan anigu u arko go’aankeedana waxa leh shacbiga.

 

Mucaaradka waxaan leeyahay diinteenu waxay ina fartay inaan madaxdeena adeecno una dulqaadano waxaad kudoodaysaan in kordhinta madaxweynuhu aanay sharci ahayn taa su’aal baan idin waydiinayaaye yaa waqtiga kordhiyay ma cid cigaal dirsaday mise cid shacbigu dirsaday?

 

Aniga aqoontayda gaaban waxaa kordhiyay Guurtida s.land oo ka wakiil ah shacabka. Hadii ay sidaa tahay waa inaad kuqanacdaan hadii ay ka duwan tahay idinkaan idinka sugayaa faah-faahinteeda.

 

Waxaana idinku waaninayaa inaad u hoggaansantaan sida shacbiga Somaliland dantu ugu jirto hab khaldan ba ha ku timaadee. Ugu dambayntii shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay xaqa is garab-taaga cidii dantiina wadana garab siiya.

Ahmed Abdikariim X. Ducaale (Walhad) E-mail: Duallehofir@.dk

 

 

…………………………………………….

 

Awr dabar la’aan dhacay

 

D

alkeena Somaliland waxaad moodaa qofka soo magacaaba masuulka, wuxuu xulashadiisa ku saleeyaa shaqsiga isaga raali galiya oo keli ah.

Waxa marka horeba aan diyaarsanayn qoraal ka hadlaya tilmaamaha guud iyo kuwa gaara laga rabo mihnadaas wakhtiga markaas la joogo, shuruudaha dhigan in la buuxiyo waa in la hor keeno guddi farsamo oo Wareysi la yeelata si fool ka fool ah iyada oo la qiimeynayo dadnimadiisa iyo dareenkiisa wadanimo.

 

Qodobka labaad waa xakameynta amase dabarka masuulka sida ay u badan yihiin, mid kasta oo xil loo dhiibay ma laha BIR-MAGEYDO, haddii ay tahay dhaqaalaha hawsha,qalabka, hantida ma guurtada ah iyo bulshada, mana jiraan xeerar qoran oo ka hadlaya dabarka Madaxda, haddii ay jiraan 5%ma daboolaan xaaladaha dhab ahaan u jira xiligan, nidaam xumadana waxay burbur ku tahay hawshii, hantidii,dadkii, iyo dalkiiba.

Haddaba, dadweynow waxa inala gudboon sidii dabar adag loogu heli lahaa oo aynu mar uun Duu duu duu iyo didibso u odhan lahayn masuuladan wada doobta weyn, ee isu haysta in ay roob danabo leh iyo duuufaan inagu rogi karaan.

 

Waxa lagama maarmaan ah in la helo sharci si cad u qeexaya xakameynta oo meel kasta oo loo xilsaaraba kaga sii horeeya, sida ay shaqo kastaaba ugu baahantahay qorshe-hawleed ay diyaarisey wasaarada qorsheyntu si iyadu (w.maaliyada) ugu sameyso tusme miisaaniyadeed, marka intaasi la helo ayaa la iswaafajin karaa qorshe-hawleedka guud:-

·       Tusmada Miinsaaniyadeed.

·       Hawl-galka Masuulka.

·       Socodka hawsha.

·       Wakhtiga

·       Dhamaystirka

·       Qiimaynta

·       Jaan-goynta

 

Marka la doonayo in wax waliba u fulo sidii loogu talo-galay, waa in la helo gacan debedda ka ah hawshaasi, taas oo ka kooban Madax kala duwan oo yeelata:- Kormeerka, hubinta sugnaanta, Xisaabinta, gebo-gebaynta hawsha, mutaysiga Masuulka iyo faafinta  kama dambeysta ah.

 

Waxa intaasi oo dhan ka halisaysan, waa in la helo Sirdoon dhab ah oo indha-qudhaajo leh. Sirdoonku ma aha inta dawladdu mushaharka siiso, ee waxa weeyi xilka saaran dhammaan Muwaadiniinta Somaliland.

 

Dulucda qoraalkayga, waxaan ku soo duubayaa ummad yahay hal dooni ah ayeynu dusheeda wada saaran nahay oo midkeenii dacal jebshaa ku soo deynaayo biyaha, ee qof kastow dhinacaaga kabo.

Dr. Maxamed Cali Odey, Hargeysa.

 

……………………………………….

 

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du ha u Sinaato Soomaaliya iyo Somaliland

 

L

aanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo la aasaasey 1957kii gumeysigii ingiriisku waxa uu ugu talogaley dhegeysigeeda dadka reer Somaliland ee reer waqooyi, kuwaas oo uu gumaysan jiray. Ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliga ah ee ka hadlaana waxa uu ahaa xaaji Cabdi Ducaale oo reer Waqooyi ah eebbe ha u naxariisto .

 

Ilaa taariikhdaa aan kor ku soo sheegay ilaa wakhtiyo dhaweydna dadka ka hadlaa waxay ahaayeeen reer Waqooyi. Laba sano ka hor markii Yuusuf garaad laga dhigey madaxa laanta afka-Soomaaliga ee BBCda, waxa uu bilaabay inuu meeshii ku soo ururiyo dad badan oo reer koonfureed ah mar kaliya, waxaanu mar kaliya qorey saddex wariye oo reer koonfureed ah oo midi gabadh tahay, dadka reer S/land dareen badan ayey ka qabaan siduu wax u wado.

 

Dadka wariyayaasha ah ee imika Idaacadaasi ka soo hadlaa isuma dheelitirna, waxayna isugu jiraan dad reer Waqooyi ah iyo dadka reer koonfureedka ah iyo reer Puntland. Jaaliyadaha reer s/land ee ingiriiska degana waxan ka codsaneynaa, iney dacweeyaan ninkaas una qoraan warqad Madaxda BBCda taasoo ay ku sheegayaan cadaalad darrada uu wado Yuusuf Garaad, kaasoo weliba wariyayaal badan oo reer Somaliland ah oo la isku ogaa iney ku biiraan Idaacada BBCda ka horjoogsadey oo boosaskoodii ay geli lahaayeen la siiyey qaar wariyayaal hore aan aheyn oo reer koonfureed ah oo ay suuqa ka soo qorteena mar walba wariyayaasha reer Waqooyi waxay shaqada ku heli jireen Imtixaan ay u galeen shaqada iyo qiimeyn ee may aheyn qaar suuqa laga soo ururiyo.

 

Midda kale, Wararka Koonfurtu maalin walba way ku jiraan barnaamijyada oon waliba u badneyn warar macno leh, laakiinse Barnaamijyada laguma soo darro warar badan oo Waqooyiga ku saabsan, taasina waa cadaalad-darro dhinaca wararka ah. Warar badan oo Hargeysa iyo Waqooyi laga dirana, hoosta ayaa la dhigaa oo lama sheego.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar, Hargeisa.

 

………………………………………………………………………..

 

Mujaahidku ma Muteysan Naqdiga

 

W

aa wax iska caadi ah in aad markastaba aragto ama maqasho wax kaa yaabiya. Haddaba, waxay ahayd goor habeen ah, markii aan raadiyaha ka maqley mawduuc lagu qorey Wargeyska Maandeeq oo wax ka sheegaya Muwaadin bulshada dhexdeeda sumcad iyo karaamo ku leh “Axmed Maxamed (Silaanyo).” Waxa i yaab geliyay in Wargeysku, Muwaadinka ku qoonsadey badbaadada uu sida xilkasnimada ah, isugu xilsaarey inuu ku badbaaddiyo arimaha walaaca badan ee soo foodsaarey dalka uu naftiisa u hurey xoreyntiisa.

 

Cabdi qays baa laga haya; “Xeebtaa Jabuutee, Soomaali laga xaday, haddii aan, xaggaa tegay, maxaa laygu soo xidhey.”

Wargeysku, ma wuxuu diidan yahay in laga gudbo mustaqbalka dalkan ee calaamatu-su’aashu saaran tahay.? Ma iska indho-tiri karaa Wargeysku, xaqiiqda taagan ee ah in ay jirto dhibaato halisteeda leh oo dhextaal Xukuumadda muddada loo kordhiyey, iyo mucaaridka shirka raba?  Muxuu Wargeysku uga jeedaa odhaahda uu qorey ee ah: “Geel-jire geella waa wada jiraa, haddana waa kala jiraa”?

Miyaanu u ekaan karayn, isku beelbaydun ka soo jeedaan (adiga iyo Saleebaan-gaal)?

Ma wuxuu aqoonsaday in ay Muddo-kordhintu, dastuurka waafaqsan tahay, halka Shirkuna ka soo horjeedo?

 

Haddaba, waxa iyadu dhab aan dhana looga leexan karin ah, in aan labada arrimood midina dastuurka sal ku lahayn. Wuu qorey Wargeysku waana run in Silaanyo uu sheegay inuu taageersanaa in axdi-qarameed lagu sii dhaqmo. Laakiinse Wargeysku, muu sheegin in uu mujaahidku qabay inuu doorbidi lahaa mid (dastuur) aad looga fiirsaday oo dhamaystiran. Miyaanaynuse odhan karin wuxuu Mujaahidku arkayey dhibka maanta taagan ee aan dastuurkana ku xusneyn kaas oo ah waxa laga yeelayo, haddii muddada xukuumadu dhamaato iyadoon dhibaato jirin (Doorashada).

Haddaba, ma is-weydiin karaa, waxa tifaftirka Wargeyska ku kalifay naqdiga Mujaahidka?

 

Ma wuxuu higsanayaa kursiga Golaha Wasiirada ka tirsan ee uu saaxiibkiisii jagadan tifaftirka uga horeeyay ku fadhiyo mid la mid ah (W/xigeenka arrimaha dibadda Maxamed Cabdi “Digtoorka”)?

 

Odhaah Soomaaliyeed baa tidhaa: “Walaashaa iskuma hubtide, Seedigaa ha coleysan.”

Waxan sheekada ku soo gebagebayn lahaa, Mujaahidku ma muteysan naqdiga.

Maxamed Daahir C/laahi (Osaama), Hargeisa

 

 

 

Akhristayaasha E-mail-ka noo soo mariya fikradahooda waxaannu ka codsanaynaa inay qoraalkooda soo raaciyaan halka ay joogaan ama laga helo. Wargeysku wuxuu xaq u leeyahay inuu tifatiro ama soo koobo ray’iga akhristuhu u soo gudbiyo iyadoo aan nuxurka wax laga tegeyn ama la luminayn.

 
.

 

 

 

Ninna Ka Yeeli-meyno Dawladda Ma Aqoonsani

 

Kornayl, Cumar Maxamuud Nimcaale (Wasiirkii hore ee Difaaca)

 

In muddo ah arrimaha Somaliland kamaan hadlin sababta oo ah wadanku caadi buu ku socdey xadgudubkuna wuu yaraa. Waxaan maanta arkaa in woxoogaa jiraan haddii ay sidaa ku sii socotana aaney dani ugu jirin shacbiweynaha Somaliland oo hadda ka soo kabanayo wixii reer Soomaaliya u gaysteen reer Somaliland ee ahaa dil dhac burbur iyo qaxoonti.

Markaa Shacbiga Somaliland diyaar uma ah burbur, xabbad iyo qaxoonti dambe balse waxay diyaar u yihiin in ay dhinac uga soo wada jeedaan cidda isku dayda in ay khalkhaliyaan nabadgelyada iyo xorriyada ay ku keeneen dhiig iyo maal aad u fara badan. Cida alla cidii ku riyoonaysa inuu dalka khalkhal galiyo, si Somaliland dib ula federaalawdo waa qof aan jirin.

Anigoo ku hadlaya magaca shicib weynaha aamusan waxaan u sheegayaa ragga looltamaya, danta dalka iyo dadku waxa weeye:-

 

1.    (A). Madaxwaynaha:- waxa laga doonayaa inuu had iyo goor wada hadal la yeesho talana waydiiyo xisbiyada mucaaridka,salaadiinta iyo madaxdhaqeemeedyada, culumaaudiinka baayasmushtarka iyo cidii kale ee Madaxda dalka ah.

(B) waxa madaxwaynaha laga doonayaa inuu siyaasada debada toosiyo oo uu adduun weynaha ka dhaadhiciyo inaaney Somaliland ahayn horena u ahaan jirin gobol Soomaaliya ka tirsan sida Majeerteeniya oo kale ee ay sida dawladaha  Africa oo kale ay mustacmaradii Ingiriiska ka qaadatey xorriyadeedii. Waana inuu ka dhaadhiciyo adduunka in Ictiraafka Somaliland uu door weyn ka ciyaari doono xasiloonida &nabadgelyada geeska Africa.

(C) Waxa shicibku khaatulahi ka jooga fashiish xumada,cudurada &anshax xumada iyo dawersiga ay la wareegayaan kumaankun ka yimid Somalia oo qarqiyay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Waxa taa ka sii daran kumaankun dhalinyaro ah oo qaarkood maleeshiyo Somalia ahaayeen oo iyaguna magaalooyinka waaweyn ee Somaliland jooga Hargeisa ha u badnaatee waxa iyana jira oromo aad u fara badan. Suaasha jawaabteeda waxay tahay miyaan Wadanka cidi lahayn? Waa in dawladdu si degdeg ah wadanka uga saartaa inta aan shacbigu aanu ku qamaamin.

2.   Mucaaridka

Shicibku wuxuu ka doonayaa mucaaridka, cidda uu doono ha noqdee, waa inuu ku socdaa sharciga dalka u yaalla dalkani Somaliland. mucaaridku waa inuu noqdaa mid wax dhisa ee aanu noqon mid wax dumiya, kii kursi ama mansab doonayaa shicibka ha iska dhaadhiciyo inuu yahay kii waxqabadkiisu ka fiicanyahay ka hada xukunka haya laakiin qofna shicibku ka yeeli maayo inuu ummada qalaanqal galiyo. Ninna ka yeeli mayno inuu yidhaa mucaarid baan ahay oo Madaxnimaan doonayaa oo dalkii baan joogaa oo haddana “dawlada ma aqoonsani “. Haddana ku hanjabaya “Shir-beeleed’ ayaan qabanaya. Taasi, waa arin aan meesha qaban. Waa arin shaki la’aan qalaanqal keenaysa waa arin meel ka dhac ku ah shicibka reer Somaliland ee ku codeeyey dastuurkii 97%. Waa arin muwaadin kasta oo reer Somaliland ah ka nixineysa cadawgana ka farxineysa. Shicibku labadaa arin cidna ka aqbali maayo.

3.   Axmed Siilaanyo:

Waxaan ammaan u soo jeedinayaa ninka siyaasiga weyn ah ee is xilqaamey in xiisadan u dhaxaysa dawlada iyo mucaaridka uu bakhtiiyo waa arin dalku u baahan yahay.

4.   Somaliland forum:

Somaliland forum waxaan ugu mahad naqayaa talooyinka aad u soo jeedineysaan Madaxda dalka iyo dadaalka aan kalago’a lahayn ee aad wakhti walba ugu jirtaan in Somaliland la ictiraafo iyo sida aad ugu dedaaleysaan inaad adduunka ka dhaadhicisaan taariikhda Somaliland.