SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 45-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Mashruuc Biyo Ballaadhin ah oo ka Socda Buro

Dhulkii Beebabka la dhigi lahaa iyio dhulkii Ceelashaba waxa ku habsaday dad dhul-boob ah

B

urco (Haatuf): Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Togdheer, Madaxda Hay’adaha, Wakaaladda Biyaha, Madax-dhaqameedyada reer Burco iyo ururada Bulshada, ayaa shalay isugu yimi Shir ballaadhan oo lagaga wada-hadlayey, sidii caqabadaha iyo qodoxda looga xaadhi lahaa Mashaariic ballaadhan oo lagu ballaadhinayo Biyaha magaalada Burco iyo guud ahaanba Gobolka.

 

Shirkan oo lagu qabtay Xarunta Gobolka, ayna ka qayb-galeen Badhasaabka Gobolka, Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Saraakiil ka socotay hay’adaha HABITAT, UNDP iyo OXFOM UK, Aqoonyahanno, Waxgaradka bulshada oo uu ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Masuuliyiin kale, waxa uu ka dambeeyay baaq cabasho ah oo ka soo yeedhay Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Burco iyo hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada-shaqeeyaan oo hadda gacanta ku haya fulinta Mashaariic ceelal biyood lagaga qodayo Burco, kuwaas oo ay caqabado kaga yimaadeen bulshada.

 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco, Mr. Maxamuud Yaasiin Maxamed oo xog-warran siinayey dadkii shirkaas ka soo qayb-galay, ayaa ugu horrayn ugu bushaareeyay dadweynaha reer Burco, laba Ceel ay maal-gelintiisa ugu deeqday dawladda Holland, kuwaas oo qodistooda la bilaabay toddobaadkan, iyadoo ay fulinayso hay’addda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta deegaanka ee HABITAT. Ceelashaas, waxa weheliya sida uu sheegay Maareeyuhu, beebabkii hore oo la dayac-tirayo qaarkood iyo kuwo cusub oo la dhigayo. Waxa kale oo ku jira Mashruuca, dib-u-habayn iyo dayac-tir la doonayo in lagu sameeyo Taangiga weyn ee ku yaalla Sheekh Bashiir oo kayd u noqon doona magaalada.

 

Maareeyuhu, wuxuu intaa ku daray in labadaas Ceel oo mid laga qodayo Xarunta Wakaaladda Biyaha Burco, ka kalena laga qodayo meel u dhow gurigii hore ee Martida Burco (Ex State House), laga filayo in ay laban-laabaan biyaha magaaladu hesho wakhtigan, marka hawshoodu dhammaato.

 

Hase yeeshee, waxa uu Maareeyuhu soo bandhignay Mushkilado caqabad ku ah shaqadooda, waxaanu sheegay in dhulkii beebabka ama tuubooyinka biyaha ee hore ay mari jireen la degay oo dhismayaal laga bineeyay, beebabka cusubna aanay hayn meel ay mariyaan, si magaalada oo dhan biyaha loo wada-gaadhsiiyo, iyada oo Mushkiladdu tahay dhul-boobka. Waxa kale oo uu sheegay in laba Ceel oo kale oo mid qodan yahayna ay dad qabsadeen oo dul degeen, waxana uu codsaday in dadkaa laga kiciyo dhulkaas.

Dhinaca kale, qoraal uu shirkaas ka akhriyay Xisaabiyaha Wakaaladda Biyaha, Muuse Cabdi Ismaaciil ayaa Wakaaladdu ku soo bandhigtay cabasho ku saabsan dayn laxaad leh oo ay Wakaaladdu ku leedahay Hay’adaha Dawladda. Sida Warbixintu sheegtay, Wakaaladda waxa deyn kaga maqan lacag gaadhaysa Sl. Sh. 97,575,108, taas oo ay ku tilmaameen 25% wax-soo-saarka bishii ee Wakaaladda, halka Wakaaladdana lagu leeyahay $15,000 (Shan iyo Toban kun oo doollar). Waxana ay warbixintu aad ugu nuux-nuuxsatay duruufaha haysta Wakaaladda wakhtigan oo ay sheegeen in hay’adda HABITAT-na ay ku hayso baadhis xisaabeed, duruufahaasina ay ku kelifeen in ay dadweynaha iyo dowladdaba ay u qaylo-dirsadaan. Waxa isaguna xog-warran ka jeediyay, Madaxa Hay’adda HABITAT, Mr. Marco oo ka waramay waxqabadka hay’adda iyo duruufaha horyaalla.

 

Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maxamuud Aadan Dheri, ayaa isagu ku bogaadiyay Wakaaladda iyo Hay’addaba waxqabadkooda, waxana uu amray hay’adaha dawladdu in mid kastaaba ay iska bixiso lacagta biyaha.

“Caqabadahan kale, Dawladda Hoose ayaa dhulka u xil saaran waa in ay wax ka qabataa, oo ay heshaa dhul beebabka la mariyo, si biyuhu magaalada u wada gaadhaan,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo halkaa ka hadlay, ayaa isna uga garaabay Wakaaladda dhibaatooyinka haysta, waxana uu ku baaqay in si wada-jir ah loogu hawl-galo, sidii caqabadahaas looga xaadhi lahaa biyo-gelinta.

………………………………………………………………………………………….

Wefti Talyaani ah oo Socdaal ku yimi Somaliland

Hindisaha Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya

H

arg(Haatuf) :- Ergayga dawladda Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Carlo Ungaro, ayaa shalay socdaal hawleed ku yimi dalka.

 

Mr. Ungaro, waxaa safarkiisa ku weheliyay sarkaal kale, waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Qaasim Sh. Yuusuf iyo saraakiil kale.

Mr. Ungaro, wuxuu weriyeyaal kula kulmay madaarka u sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay mid xaqiiqo-raadis ah oo uu doonayo inuu ku ogaado xaaladda dalka, waxaanu intaa ku ladhay, inuu kulamo la yeelan doono xukuumadda Somaliland, wadahadalna ay ka yeelan doonaan sidii iskaashi wax-wada qabsi ah ay u yeelan lahaayeen labada dhinac.

 

Hase yeeshee, siday tibaaxeen warar laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed, socdaalka Mr. Ungaro, wuxuu dabada ku hayaa arrimo ku saabsan dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Sidaa aawadeedna waxay wararku sheegeen inuu u ololaynayo qorshe uu Talyaanigu wato oo ammuurtaa la xidhiidha.

 

Dhinaca kale, waxaan fulin ballan-qaadyo ay hore dawladda Talyaanigu u qaaday, oo nuxurkoodu yahay inay ka kaalmaynayaan Somaliland dhinacyo dhawr ah.

………………………………………………………………………………………..

Mayor cusub oo loo magacaabay degmada Taleex

H

argeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdillaahi  Cumar Cige, ayaa shalay soo saaray magacaabista Maayor cusub oo uu u magacaabay degmada Taleex.

Wasiirku qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu u magacaabay Cali Ibraahim Xasan inuu ahaado, Maayorka degmada Taleex ee gobolka Sool.

 

…………………………………………………………………………………………………………..

Shirka Kenya: Hirdanka Dalalka Mandaqadda, Xeeladda Itoobiya iyo Hoggaamiye-kooxeedyada SRRC

Xuseen Caydiid oo loo haysto Deyn 168-kun oo dollar ah

A

dis Ababa (Haatuf): Shir la damacsan yahay in lagu heshiisiiyo kooxaha ku hirdamaya Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inuu bisha March ee aynu ku jirno ka dhaco magaalada Nayroobi ee Caasimadda Kenya, waxaana hadda socda hawlo qaban-qaabo ah oo loogu googol xaadhayo qabashada Shirkaa, iyadoo ay qaban-qaabada Shirkaa wada-jir gacmaha ugula jiraan dalalka Urur-goboleedka IGAD, gaar ahaan saddexda dawladood ee Itoobiya, Kenya iyo Djibuuti.

 

Wararka Shirkaa la xidhiidhaa, waxay qaarkood tibaaxayaan in lagu magacaabayo dawlad cusub oo Soomaaliya ah, waxaana muuqda duruufo Siyaasadeed oo guud ahaan ku gedfan hawlaha shirkaa iyo xadhig-jiidad ay dawladaha mandaqaddu ugu xusul-duuban yihiin, sidii ay mid waliba mindida daabkeeda u qaban lahayd, suurta-galna uga dhigi lahayd in ay meesha ka soo baxdo dawlad u nasteex ahi, iyadoo ay hadda dalka Itoobiya ku sugan yihiin Kooxda la magac baxday SRRC oo ay ku bahoobeen hoggaamiye-kooxeedyada ka horjeedda Maamulka C/qaasim.

 

Weriye Maxamed-rashiid oo Haatuf ka tirsan, ayaa daboyaaqadi bishii January booqday dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalooyinka Adis Ababa iyo Jig-jigga, kana soo laabtay Khamiistii toddobaadkii hore, kadibna warbixin ka diyaariyay arrimahaas iyo saamaynta ay ku yeesheen hogaamiye-kooxeedyada is-bahaysiga SRRC, iyo weliba Maamulka C/qaasim, wuxuuna Warbixintiisa ku bilaabay: “Laga soo bilaabo horraantii bishii Febarweri ilaa daboyaaqadii isla bishaa, waxa soo if-baxayay dareemo shaki leh oo la xidhiidha shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaaliya ee lagu wado inuu bisha March ka dhaco dalka Kenya, iyadoo uu shakigaasi si gaar ah u saameeyay, hogaamiye-kooxeedyada Itoobiya ku sugan qaarkood.

 

Dareenka ugu weyni, wuxuu soo if-baxay kadib markii uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Males Senawi booqashada ku tegay dalk Faransiiska bishii January, wuxuuna safarka Mr. Males ka dambeeyay Casuumad uu u fidiyey Madaxweynaha Faransiiska Mr. Jacquas Chirac, wuxuuna Madaxweynaha Faransiisku ku guulaystay inuu heshiis ka dhex rido Ra’iisal Wasaare Males Senawi iyo Madaxweynaha Kenya Mr. Moi, oo si weyn isugu qar-dhaafsanaa hindisaha Shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaaliya, iyadoo uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, aqbalay inuu ka qayb-qaato hawlaha qaban-qaabada shirkaa.

 

Mr. Males Senawi, waxa la aaminsan yahay inuu si weyn dabadda u hayey qabsoomidda Shirka Kenya, hase yeeshee Mr. Senawi, markii uu ka soo laabtay Paris, wuxuu la soo guryo noqday aragti cusub oo ku waajahan Shirka Nayroobi, waxaana dhaq-dhaqaaqiisa laga dareemay inuu hadda taabacsan yahay Shirkaa.

Ra’iisal Wasaare, Males oo markii uu Paris ka soo noqday Baarlamaanka iyo Golaha Xukuumadiisa u sheegay in aanay dawladda Itoobiya hadda diyaar u ahayn in ay daboolka ka qaado Mowqifkeeda ku waajahan Shirka Kenya, ilaa inta ay dhinac u dhacayso Natiijada Shirku, hadalkaana waxa loo qaatay labo mid uun; Inuu Males Senawi, ka baqsan yahay inuu Mowqifka cusubi waxyeelo u geysto qaban-qaabada Shirka oo ay kooxaha qaar ka didaan iyo inuu Mowqifkiisa la sugayo Natiijada Shirka oo haddii ay anfici waydo uu hadhow yidhaahdo, awelba waan ka aamusay.

 

Hase yeeshee, aragtida cusub ee Males Senawi, waxay sas iyo didmo ku abuurtay hogaamiye-kooxeedyada SRRC ee Itoobiya ku sugan, sida: Xuseen Caydiid oo hadda ah Gudoomiyaha Golaha SRRC.

Ra’iisal Wasaare Males, wuxuu tibaaxay in ay kooxaha kala duwan ee Soomaaliya, ula macaamili doonaan si hoos-hoos ah, wuxuuna Febarweri 18, 2002 magacaabay Safiir uga wakiil ah Soomaaliya, taas oo loo qaatay inuu Mr. Males Senawi, ka soo debcay Mowqifkiisii diidmada Maamulka C/qaasim, waxayna taasi ku soo beegantay xilli uu Maamulka C/qaasim dawladda Itoobiya ku eedaynayo in ay dabadda hayso hawsha dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo uu Ra’iisal Wasaaraha Maamulka C/qaasim, Mr. Xasan Abshir, dhawaan dawladda Itoobiya ku eedeeyay in ay taageero af iyo adinba leh, siiso kooxaha hubaysan ee Soomaaliya, isla markaana ay dawladda Carta la dabo-joogto Ashkato.

 

Hase yeeshee, Dawladda Itoobiya kama jawaabin dhaleecayntaa u dambaysay ee ka soo yeedhay Maamulka C/qaasim, waxayna taasi dadka qaar ugu muuqatay in ay dawladda Itoobiya, hadda qaadatay Mowqif dhex-dhexaad ah oo ay doonayso in ay dhex u noqoto kooxaha Soomaaliya ku hirdamaya, halkii ay awel aad uga soo horjeeday Maamulka C/qaasim.

 

Xuseen Caydiid oo hadda ku sugan Itoobiya, Wareysi uu Febarweri 2, 2002 siiyey Wakaaladda wararka ee IRIN, wuxuu ku sheegay inuu ka shaqayn doono midaynta Soomaalida ku dhaqan dhammaan dalalka Mandaqadda, isaga oo sheekadiisa ku daray in ay dawladda Itoobiya ogoshahay in ay Soomaalida Kililka 5aad iska saarto, sida Ereteriya. Hase yeeshee, Xuseen Caydiid wuxuu ku beeniyey Wareysi uu Feberweri 3, 2002 siiyey Jariiradda Reporter oo ah, Toddobaadle ka soo baxa Itoobiya, waxayse taasi u muuqatay dafiraad, waayo way caddayd inuu hadalka hore yidhi. Hase yeeshee, dadka arrimaha Siyaasadda u dhuun-daloollaa, hadalada Xuseen Caydiid waxay ku macneeyeen, kalsooni-darro uu ka qaaday saaxiibkiisii Itoobiya, kadibna ay taasi tahay haddii lay nacay, aniguna meel kale ayaan ka fad ku dinayaa oo xitaa haddii ay Kooxda Carta ii ogolaato Ra’iisal Wasaare ama Madaxweyne waan taabacayaa, iyadoo ay weliba taa u weheliso Golaha SRRC ee uu Gudoomiyaha u yahay oo badhkood hore uga jabeen, kana qayb-galeen Shirkii hore ee Nayroobi, balse ujeedaddu waxay doonto ha ahaatee waxay dad badani la yaabeen, weedhaha is-burinaya ee sida lama filaanka ah uga soo yeedhay laba maalmood oo is-xiga.

 

Hase yeeshee, 18-kii January 2002, oo aan tegay Caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa, waxaan ilo xog-ogaal ah oo aad ugu dhow-dhow Xuseen Caydiid ii tibaaxeen in ay isaga iyo Janaraal Gabyow, dalka Itoobiya ka haysato dhibaato ba’ani, taas oo u qaybsan dawladda Itoobiya oo saartay cadaadis dheeraad ah, kuna qoob-xidhay dalkeeda iyo duruufo dhaqaale oo haysta.

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo aan Adis Ababa kula kulmay, ayaa ii sheegay in ay Nimankani u rahman yihiin dawladda Itoobiya oo doonaysa in ay ku gorgortanto oo ay dunida tusto in ay gacanta ku hayso Golaha SRRC, kuna khasabto Shirka Nayroobi.

 

Xuseen Caydiid, wuxuu hore u sheegay kooxaha argagixisadu in ay Saldhigyo Milateri ku leeyihiin Soomaaliya, balse waxa taa beeniyay Wefti Sirdoonka Maraykanka ah oo bishii hore booqday Soomaaliya, kadibna sheegay in aanay jirin kooxo argagixiso, ururkii Al-itixaadna uu baaba’ay, qaar ka tirsan Nimankii saamiga ku lahaa Shirkadii Al-Barakaat oo aan Adis Ababa kula kulmay, ayaa ii sheegay inuu Xuseen Caydiid ahaa dadka ugu badan ee ku eedeeyay argagixiso, Maraykankuna u maqlay, waxayna nimankaasi ii sheegeen in ay Xuseen Caydid ku leeyihiin lacag dayn ah oo tiradeedu tahay $168,000 USD, ayna ku ashkataynayaan.

 

Gabyow iyo Xuseen oo ay Itoobiya ku haysato duruuf dhaqaale, dawladda Itoobiya kama helaan wax ka badan Sariirta Hotel gion iyo cuntada saddexda wakhti. Waxa la rumaysan yahay in aanay dawladda Itoobiya, rajo badan ka qabin sida ay ugu qanci karto natiijada Shirka, waxayse dawladda Itoobiya soo bandhigtay sheekooyin loo qaatay in ay Kenya taageerayso, waxaana ka mid ah: Heshiiskii Ra’iisal Wasaare Males iyo Madaxweyne Moi, ku dhexmaray Paris iyo hadalkii C/Majiid ee uu yidhi, cidii aan ogolayn in ay Soomaaliyi isu timaado way iska tegaysaa.

 

Inkasta oo ay dawladda Itoobiya u muuqato in ay nasteex u muujinayso Shirka Kenya iyo Maamulka C/qaasim, haddana waxay dad badani leeyahay weli lama gaadhin qotoda Itoobiya, waxayna taatigal ugu jirtaa sidii ay tallaabo kale u qaadan lahayd, haddii uu shirka Nayroobi fashilmo, iyadoo isu muujinaysa in ay inta badan kooxaha Soomaaliya gacanta ku hayso, taas oo markay u baahato ay sida ay doonto uga faa’iidaysan karto.

Shirka Kenya oo ay wada-jir u qaban-qaabinayaan dawladaha Kenya, Itoobiya iyo Djibuuti, Inkasta oo ay Beesha Caalamku cadaadis saartay in ay mowqif midaysan ka yeeshaan Shirka Kenya, haddana ma qarsoona loolanka ku waajahan Soomaaliya ee ka dhexeeya dawladaha Mandaqadda, taas oo ay dawlad waliba goonideeda taatigal ugu jirto in ay mindida daabkeeda qabato, iyadoo dawladda Itoobiya isu aragta in ay tahay odayga gobolka, isla markaana aanay cidina kaga saamayn badnayn arrimaha Soomaalida, sidaa darteed ay mudan tahay in loo daba-fadhiisto, balse dawladaha Kenya, Suudaan iyo Djibuuti ayaa iyana mid walba goonideeda isu bidaysaa.”

…………………………………………………………………………………..

Maxkamadda Boorame oo Xukuntay Dad     Khamri lagu Qabtay

 

B

oorama (Haatuf): Maxkamadda Degmada Boorama, ayaa shalay ku xukuntay midkiiba saddex bilood oo xadhig ah, laba qof oo lagu soo eedeeyay in ay Khamri gaadhaya ilaa boqol litir isku dayeen in ay 3dii bishan soo geliyaan Boorama. Maxkamaddu, waxa kale oo ay labadaa eedeysane iyo gaadhigii siday Khamrigaa ku ganaaxday lacag dhan 150,000 (Boqol iyo Konton kun) Sl. Shillin midkiiba. Maxkamaddu, waxay sii deysay laba qof oo lagu waayey dembigaa.

 

Dhinaca kale, wejigii labaad ee dhismaha Jidka isku xidha Boorama – Dila, ayaa ka bilowday Boorama.

Munaasibad shalay ka dhacday Koontoroolka Boorama ee dhinaca Hargeysa oo ay ka soo qayb-galeen, Xubno ka tirsan Golaha Guurtida, Madax-dhaqameedyo, iyo marti-sharaf kale ayaa lagaga hadlay dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ee soo waajahay, Xubnihii ka tirsanaa Shirkadda Shaafici ee isku xilqaantay bilowga jidka isku xidha Dila – Boorama oo ka soo bilowday dhinaca Dila, kaas oo haatan joogsaday. Xubnaha Guurtida iyo Madax-dhaqameedyada halkaa ka hadlay, ayaa waxa ay sheegeen in sababta haatan Boorama uga bilaabeen ay tahay in dadweynaha reer Boorama kala qayb-qaataan, si iska wax-u-qabso ah socodsiinta Jidka. Waxa kale oo ay mahad gaar ah u jeediyeen, ururka Haweenka Gobolka Awdal oo si aan kala joogsi lahayn wax ula wada, Inkasta oo maamulka dawladdu aanu siinin dhiiri-gelin, iyagoo dhinaca kalena dadweynaha reer Boorama ka codsaday in ay xoojiyaan taageerada Jidka xoog iyo xoolaba.

………………………………………………………………………………………………………………..

 

Amarro uu soo saaray Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Gobolka Togdheer

 

B

urco (Haatuf): Guddi lagu magacaabo Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Gobolka Togdheer, ayaa soo saaray go’aano lagu xakamaynayo anshaxa goobaha aflaamka lagu daawado ee magaalada Burco, isla markaana lagaga hortegayo dhaqan-xumo ka dhacda goobahaa.

 

Guddigaas oo beryahan dambeba waday, hawl-gal uu la kaashanayay Ciidan Booliska oo lagula dagaalamayay dhaqan-xumadda, laguna wacyi gelinayay bulshada. Qoraal uu soo saaray guddigaasi oo uu saxeexay Guddoomiyaha Guddiga Aadan Ibraahim Mire, wuxuu sharaxaad kaga bixiyay hawl-galada Guddigaa iyo Awaamiirta cusub ee ay ku soo rogeen goobaha aflaamta lagu daawado. Qoraalkaas oo uu guddigu ogeysiin ku siiyay, masuuliyiinta Maamulka Gobolka Togdheer, degmada Burco, Taliyaha Booliska, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo hay’adaha Garsoorka, waxa uu u dhignaa sidan:

“Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Gobolka Togdheer Burco, iyada oo tixraacaysa bayaankii lifaaqiisu ahaa GWFXR/B/1/2001 ee ku taariikhaysnayd 31/10/2001 oo ay ku caddayd sida wax looga qaban lahaa dhaqan xumada, guud ahaan ay ku soo koobtay guddidu Qaybta koowaad toddoba dembi oo waaweyn, ahna qodobadda fawaaxishta iyo dhaqan xumada.

 

Sidaas darteed, waxaa Guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu mar labaad ay soo jeedinayaan in si gaar ah xoogga loo saaro qodobka sideedaad ee qodobadda fawaaxishta iyo dhaqan xumada, kaas oo ah Fiidyowga, una qoran sidan:

Qod. 8aad

1.       Fiidyowyadu wakhtiga ay soo jeedi karaan waa (4 Galabnimo ilaa 10 habeenimo)

1.       Waxaana lagu saamayn doonaa kaantarool ama ka war hayn filimada lagu daawado, cidii ka leexatana wakhtiga loo qorsheeyay, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo gannaax ah oo dhan 300,000 oo Shillin Somaliland ah.

2.       Fiidyowgii daawadsiiya dadka cajaladaha dhaqan xumada ah ama ay ku jiraan waxyaabo dhaqan-xumo ahi, waxaa la xidhi doonaa muddo sannad ah iyo qalabka oo laga xereeyo.

Waxaa kale oo bayaankan la baahinayaa uu xambaarsan yahay, sidan soo socota:

1.       Dadkii Fiidyowga meheradda ka dhigtay in ay doontaan meherad dhaanta oo aan dembi uga iman.

2.       Waa in loo sameeyo laydh gudaha ah.

3.       Waa in la kala saaro ragga iyo dumarka ama ay kala wakhti noqdaan.

4.       Waa in aanu ka horrayn 4 galabnimo, kana dambayn 10-ka habeenimo.

5.       Waa in aan codka waxa la daawanayo laga maqal dibadda ama aanu sameecad ku xidhan dibadda, si aan dadku u dhibsan.

 

Waa in uu Illaahay ka baqaa meel uu joogaba, kana baxo fasaadka iyo fasahaadinta ummadda, gaar ahaan ubadka, Illaahna uu weydiisto meherad xallaal ah oo dhaanta ta fiidyowga.

Sidaa darteed, waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo ku haboon, cidii ka dhega-adaygta in ay fuliso qodobbada loo soo jeediyay oo ah, joojinta fool-xumada oo dhammaanteen dan inoo ah.”

Dhinaca kale, waxaa la sameeyay hawl-gal habeenkii ah laga bilaabo 15/1/2002 ilaa 20/2/2002, waxaa habeen walba odayaasha iyo booliisku ay soo qabtaan gabdho iyo wiilal, dhallinyaro ah oo ku soo jeedda seesaska kharaabadaha xun-xun, luuq-luuqyada madow, kuwaas oo samaynaya anshax-xumo badan, Maxramna aan isu ahayn. Waxaa la qabtay dad gaadhaya 150 Qof, dadkaas oo la hayo 24 Saacadood, kadibna la waaniyo, lana sii daayo marka waalidkood u yimaado, waana hawl socota.

Waxaan Wacyi-gelin siinay 10 iskuul oo ku yaal Burco, oo inta badan ay xukunto W.W.B, waxaana laga hadlaayay;

1.       Dhiiri-gelinta Waxbarashada.

2.       Waxyaaaha Anshax-xumada keenaya, sida; Sinada, Khamriga, Xashiishada, Fiidiyayaasha Cajaladaha xun-xun lagu daawado, iwm.

3.       In ay iska illaaliyaan xannuunka dilaaga ah Aids iyo wax kasta oo Islaamkooda xumaynaya.

……………………………………………………………………………………….

 

 

 

Xukuumadda oo Ku Dhawaaqday Halista Cudurka AIDS-ka oo ku sii Fidaya Dalka

 

H

ar(Haatuf) :- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa shalay mar kale ku celiyay bayaan ay xukuumadda Somaliland hore u soo saartay oo ay ku caddaysay mawqifkeeda ku wajahan cudurka khatarta ah ee HIV/AIDS.

Md. Cabdillaahi, oo shalay ka hadlay xidhitaankii siminaar saddex maalmood uga socday xarunta Radiyow Hargeysa koox suxufiyiin ah oo kala socday saxaafadda madaxa bannaan iyo ta dawladda oo ku saabsanaa halista cudurka AIDS-ka.

 

Wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland mar horeba go’aamisay inay daboolka ka qaado la dagaalanka cudurkaas, kaalinta ugu horreysana ka gasho sidii looga hortegi lahaa.

“Waxaan doonayaa inaan mar kale ku celiyo bayaankii xukuumadu ku cadaysay jiritaanka cudurkaas,” ayuu yidhi wasiirku, waxaana uu intaa raaciyay in madaxweynuhuna amar ka bixiyay oo uu u saaray shan wasaaradood inay ka wada hawlgalaan la dagaalanka cudurkaas iyo ka hortaggiisa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasaaradaha caafimaadka, Hiddaha iyo Suugaanta, Diinta iyo Awqaafta.

“Arrinkaasi wuxuu u baahan yahay dagaal adag in loo galo,” ayuu yidhi Md. Ducaale, isaga oo beesha caalamka ugu baaqay inay ka caawiyaan dawladda Somaliland cudurkaas.

Badhtamihii 1999-kii, ayay xukuumadda Somaliland caddaysay in cudurka AIDS-ku ka jiro dalka. Hase yeeshee, wasiir ku xigeenka caafimaadka Maxamuud Faarax Warfaa iyo Dr. Maxamed C/raxmaan oo wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan cudurka AIDS-ka, ayaa iyagu walaac ka muujiyay xawliga uu cudurkani ku fidi karo, waxayna ku qiyaaseen in laba sano kadib baadhis hore loo sameeyay oo lagu ogaaday in boqolkiiba hal (1%) uu saameeyay cudurku, hadda uu noqon karo 2.5%, marka la eego ayay yidhaahdeen xuduudaha dalka iyo sida uu isku-socodka dadku ugu furan yahay waddamada deriska ah ee cudurkani sida xun u aafeeyay, gaar ahaan Itoobiya iyo Jabuuti oo uu faro baas ku hayo.

“2% nagama go’i karaan oo dal yar baynu nahay,” sidaa wasiirka warfaafinta oo dareen yax-yax leh ka muujiyay khatarta cudurkani ku hayo dalka.

 

Wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa isna sheegay in wasaaraddu afar waadh u diyaarisay dadka xannuunkan aan daawada lahayn uu soo rito, kuwaas oo ku kala yaala Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Laas-caanood, looguna hayo waxoogaa daawo ah oo dalka la keenay.

Siminaarkan waxa soo qabanqaabisay hay’adda ICD, waxaana gacan ku siiyay wasaaradaha warfaafinta iyo caafimaadka, waxaana lagaga dooday macluumaad ku saabsan sidii saxaafadu door uga qaadan lahayd ladagaalanka cudurkaas.

……………………………………………………………………………

Cigaal oo Istiqalad ka aqbalay Wasiirkii Boosta iyo Is-gaadhsiinta

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa ka aqbalay wasiirkii Boosta iyo Is-gaadhsiinta, Dr. Cabdi-jibaar Maxamed Cabdi, istiqaalad uu hore ugu faafiyay wargeyska Jamhuuriya, oo uu iskaga casilay xilkii wasiirnimo ee uu hayay. Sidaana waxaa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale.

Warkaa uu soo saaray Af-hayeenku wuxuu xusay in madaxweynuhu aanu qoraal ka helin wasiirka is casilay, hase yeeshee uu is casilaaddiisa ku qoray wargeyska Jamhuuriya, sidaa aawadeedna wuxu sheegay madaxweynuhu inuu ka oggolaaday istiqaaladdaa, dhakhsana uu nin cusub ugu magacaabi doono wasaaradda.

……………………………………………………………………………………………

 

 

 “Wuxuu ahaa Weerar Cad oo lagula dagaalamayay MUDDO KORDHINTA”

War-saxaafadeed Xoghayaha Guurtida

I

yadoo uu shirgudoonka Golahu ka soo saaray war cad oo saxaafadeed arrintii ku soo baxday Wargesyska jamhuuriya ee 1735 aad ee arbacadii bishu ahayd 27/02 /2002, ahaydna Golaha Guurtida oo Guddi ergo ah u magacaabay Madaxweynaha, si ay ugala soo xaajoodaan abaal marin lacageed oo uu hore u ballan qaaday.

Si haddaba aanu dadweynaha ugu sammayno faah-faahin la xidhiidha arrintaas oo dheeraad ah, ayaan halkan ku muujinayna arrintaas:-

 

Sidii ku caddayd war saxaafadeedkii hore, waxan jecelnahay inaanu si kooban u tilmaano raad la’aanta warkaas aan jirin laf-ahaantiisa ee iska hor-imaanayey isna burinayay:-

 

1.       Sida ka muuqata ciwaanka wargesyka cadadkiisu yahay jamhuuriya 1735, wuxuu tilmaamayaa Guurtida oo Guddi u saartey arrinta aan ka hadlayno, sawirka ay soo daabaceen ee ay ku muujinayaan marag ahaan, hadaa eegtaan waa sawir hore loo qaaday oo isugu jira saddexda gole, ahaydna waqtigii la furayay aqalka odayaasha, waxaana ka arki karaysaan xubno Golayaasha kale ah (Siiba Golaha Wakiilada) isla sawirka hoostiisa, waxa ku qoran “fadhiga Golaha wakiilada oo lagu magacaabay ergo loo direy Madaxweynaha.”

2.       Goluhu wuxuu u saaray laba guddi oo kala ah:- Guddiga dabagalka &kormeerka ee la socodka hawlaha dhamaystirka u baahan doorashada ka hor, sida la ku cadayd go’aankii Guurtida ee 12/01/2002. guddigaas oo ka kooban 9 xubnood, wuxuu xaqiijinayaa hubinayana Go’aamadii la socday muddo kordhinta ee la xidhiidhey dhammaystirka hawlaha qabyada ah ee looga baahanyahay habsami-u-qabsoomida doorashooyinka iyadoo lagala xidhiidhayo dhinacyada ay khuseeyaan ee kala duwan. Guddiga labaadna, wuxuu ahaa, Guddi ka kooban lix xubnood (6xubnood) kuwaasoo oo tallo ka soo bixinaya arrimo Golahu leeyahay ahaana xeerarkiisa.

3.       Waxa go’aan ah oo intaas weheliyay oo fadhigii Golaha lagaga hadlay ama laga soo saaray ma jirin, magacyada Guddiyada, qaar baan ahayn xubno ka tirsan Golaha Guurtida sida:-

Ø      Sh. Xirsi xasan

Ø      Sh. C/raxmaan mukhtaar

3.       C/raxmaan Ducaale

4.       Hawsha Guddiyadaasi loo diray ee ay soo qabanayaan way ka been-abuureen, iyagoo u dhigay sidii wax ay Guurtidu go’aankeedii ka noqotay oo ay dib-u-eegayso. Haddaba waxaan dadweynaha xusuusinaynaa oo u sheegaynaa in waxa Wargeysku farta-waaweyn uu ku qoray uu yahay weerar cad oon daliil lahayn, cid kastaba ha ka dambaysee.waxa lala dagaalamayaa laguna weerarayaa muddadii kordhsiimada ee go’aanka ahayd. Iyadoo ay sharci ahaan & dastooriyan ahayd xil Gole Guurti, haddana wuxuu ku tiirsanaa talooyin ay soo jeediyeen ururo Siyaasadeed, qaybaha bulshada ee kala duwan, wuxuuna ku fadhiyay doonista Shacbiga Somaliland, wuxuuna xal u ahaa su’aal taagnayd oon loo hayn jawaab kale oo looga wareego. Waxa inagu filana cid kastaba ha hadashee taageeradii Shacbigu bixiyay gudo & dibadba. Intaas marka laga yimaado, arrintaa aan hada ka hadlayno ee taagan xalkeedu kuma jiro qoraal la isku waydaarsado Saxaafadda oo weerar & difaac ah, balse waxay u baahantahay, mar haddii ayna arrintu ahayn wax fudud in lagu kala baxo sharciga lana helo cadaymaheeda.

 

In badan ayaynu aragney cinwaan & nuxur aan is-buuxinayn oo lagu iib-geeyo muraad gaar ah oon dadku wada ogayn, madaxbanaanida oo ay u macnaystaan si aad u fog dhaqanka saxaafada & sharciga & xuquuqaadka aasaasiga ah ee Bulshada kala mudantahay, dhawris ahaana waxbaba loo aabo yeelin qiimo kastaba ha ku jooge, oo aanay jirinba wax la wada ilaashado amba la wada xeeriyo. Arrintani iyada ah, waxay u micnaystaan iyagoo isku dayaya dadka in ay khaldaan dhinaca ra’yiga, waxay xidhaan dhinacyada kale oo ay ku dedaalaan in ay ka tarjumaan af-kooxeed (faction) amba ku hadlaanba, waxayna ku buuxiyaan khasnadaasi oo ay ehel uga dhigaan waxyaabo an laaqiba ahayn, oo damiirka qofka caaddiga ahi uu diidi karo. Waxay ka faa’iidaystaan waa Wargesyka jamhuuriya’e, dadkeena oon intooda badani u fiirsan wax badana aan ka daba tagin amba aan is-weydiinba. Waxay ku hawlanyihiin duminta, deganaanshahs & Maamulka, waxayna doon-doonayaan Dawlad kale oo ayan garanayn sifaha sharci ee ay ku imanayso. Iskuma haysataan in ay leeyihiin tan ay duminayaan amba wax ku leeyihiin waa Dawladda’e, balse su’aashu waxay ay tahay ayaa leh? Jawaabtaas dadwaynaha ayaan u daynayaa. Arrinta wargayska jamhuuriya inaga oon ku dheeraanayn tafaasiisheeda, waxan u daynaynaa dadka aad wax u daneeya ee xafida qoraalada, Taariikhda & waayaha. Waxa is-waydiin mudan cayda qaawan ee wagarta loogu dhuunto, ee waliba shakhsiyaadka wax lagaga sheego. Ayaa fasaxaasi siiyay? Maxkamadeese u jidaysay? Taasi miyaanay keenay in lagula kaco dagaal af & gacan & in suuqyada lagu caytamo, waayo aflagaadooyinkaasi kuma ekanayaan qoraal keliya. Gunaanadkii

 

Jamhuuriya Wargeyska la baxay, wuxuu shabahaa Joornaalada lagu caytamo ee ay ku raaxaystaan dabaqaddaha aan muxtarimka ahayn ee Reer galbeedka, taasi ma tahay mid halkani ka soconaysa oo ay sii wadi karaan? Ma u cuntamaysaa, mujtamaca aynu ognahay xaaladiisa?

Cabdilaahi Ibraahim Habane

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida JSL.

………………………………………………………………………………………………………………..

ODHAAHDA AKHRISTAHA

ALLOW GUURTI ROON IYO GURI BARWAAQO GUULOOW

M

arka hore waxaan bogaadinayaa Wargeyska Madaxabanaan ee Haatuf, kaas oo looga bartay soo bandhigida xaqaa’iqa ka jira Wadanka. Haddaan u daadego ujeedadayda gaarka ah, maahmaah ayaa tidhaahda; “Alifka kaa xumaadaa albaqra ayuu kugu dhibaa.” Waxaynu la wada soconaa in shirkii beelaha uu muran xooglihi ka dhexdhashay, sidii ay beel waliba u soo xulan lahayd shakhsigii uga qaybgeli lahaa golayaasha Qaranka, gaar ahaan Guurtida. Sababtu waxay ahayd, Xukuumadda oo ku dedaalaysay sidii ay ula soo bixi lahayd dad gaara oo ay markaa iyadu mudnaanta siinaysay, waxaanay Xukuumaddu faro galisay iyada oo aan wax tixgalin ah siinin mudnaanta uu leeyahay kursiga sharafta mudan ee goluhu. Shakhsiga oo looga baahan yahay sida uu dastuurku dhigayo inuu ku sifoobo.

 

B. Inuu diinta aad yaqaano,

 

T. In lagu yaqaano daacadnimo,

 

J. Iyo inuu yahay nin aqoon u leh dhaqanka dadwaynaha Somaliland, taas oo ay shaqadoodu ugu muhiimsanina tahay nabagelyada iyo kolba waxa dhibaato ah ee dalka soo foodsaara xalintooda, iyagoo u maraya wadada toosan ee ay ugu horayso daacad ka noqoshada arrinta, iyagoon dhinacna u xaglinayn, mucaarid iyo muxaafid.

Haddaba waxaa la yidhi; “Canaan ka yaab reer ma doojo.” Waxaa jirta qodob dastuuriya oo dhigaya inay Golaha guurtidu yihiin hayada ugu saraysa qodobkaasoo aad is odhanayso malaha hoosba umay eegin, haday u eegaana malaha Cigaal baabay qodobkaa awooda badan ka iibiyeen. Sababtoo ah kumay socdeen odayaashu kolba wixii looga soo laqimo madaxtooyada. Tusaalena waxaa inoogu filan wararka dhawaan soo baxay ee sheegaya in ay Madaxweynaha iyo odayaashu isku khilaafsan yihiin balanqaad lacageed oo uu Madaxwaynuhu ugu balanqaaday waxyar ka hor muddo kordhintiisa, imikana aad moodo in markii ay dantiisu u fushay uu dhabarka u jeediyay odayaasha. Laakiin, waa nasiib darro mar haday haleeli waayeen Nootaayo sharciga ka qorta cadadka iyo muddaba uu bixinayo lacagtaa la sheegayo ee muddo kordhinta.

 

Akhristow, mala odhan karaa maah-maahda aynu maqaalka ku bilownay, ayaa maanta oo aynu albaqra marayno qalooceedii inagu soo baxay. Taasina waata maanta ragga qaarkood la qaylinayaan iyagoo ku doodaya Shirweyne Qaran hala qabto si uu alifkii inaga qaloocday inoogu tooso. Taana waxaan u malaynaya in ay dhaanto sanadkaas oo la iska samro, si ay u kala miiranto una noqoto macal-cune soo bixi doonaa. Waxaase Guurtida la gudboon in ama sanad ha kordhiyaan ama imikaba ha kala soo noqdaane ay ogaadaan in ay iyaga iyo dadwaynuhuba wada fuushan yihiin dooni kaliya oo haday degtana la degayaan, hadday badbaadaana la badbaadayaan, waxaase fiicnayd odayaashu in ay dhagaystaan heesta caanka ah ee ay qaado fanaanada Caasha Cige ee tidhaahda

1.       Qarka goolan haay iyo

Sida qoorigoo kale

2.       Haday laba quruumood

Qalabka isku haysataan

3.       Oo guurti qaadiyo

Guddi qaybsan loo diro

4.       Iyagoon gartii qalin

Haddii ay si qaab daran

5.       Qalin ugu saxeexaan

Qalalaase mooyee

6.       Nabad laguma qaato.

 

Illaahay ha inaga hayo qalalaase iyo dhibtaba. Mudanayaal, waxa jirtay waxyaabo badan oo aad hore usoo qabateen laakiin intan danbe farbaa idinku godan waxa la idiinka baahanyahay in aad ka fogaataan wixii idin dhex dabaalsiinaya Siyaasadda, ururada Mucaaridka ah iyo Xukuumaddana dhex u noqotaan, cidii is-haysana Miiska nabadda soo wada fadhiisisaan o Madaxweynuhu dalka, dadka iyo diintaba wuxuu kaga gar-daran yahay, cidii qabanaysaa idinka noqoto.

 

Waxay ila tahay, sidaa si aan ahayn in aanay sharaf ku yeelanayn Koofiyadiina, Cumaamadiina Rishwaaniga ah iyo waliba Bakooradiina xaradhka leh. Haddii kale, waxaa hubaalla in aad la mid noqon doontaan Caaqilkii isagoon la hubsan garaadkiisa, la caleemo saaray ee maalintii dambe loo keenay Ceesaan madaxa la gashay dheri ee lagu yidhi; Caaqilow, kala badbaadi ceesaanta iyo dheriga, ee intuu meel fagaare ah dadkii isugu yeedhay amarka ku bixiyay in horta ceesaanta la gawraco, markii la gawracayna yidhi: dheriga jabiya. Dherigiina, la jabiyay. Kadibna, intuu Khudbad la sara kacay yidhi; waxaan aad uga xumahay, haddii ay maanta geerida xaqa ihi ii timaado cidda aayhihiina ka talin doonta. Isagoo isku haysta inuu arrintii lagu tijaabinayay uu ku guulaystay, halkaana ay cumaamadii kaga dhacday xilkiina lagaga qaaday

Cabdi Xuseen Ismaaciil (Cabdi-Madoobe), Hargeysa.

……………………………………………………………………………………….

 

Golaha Wakiiladdu yaanay Aqbalin Miisaaniyadda Ciidamada iyagoo Hubiya mooyee

 

W

axaynu maqalnaa sannad kastaba, marka ay Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyaddu soo bandhigto in Miisaaniyadda dalka 70% ku baxaan Ciidamada dalka JSL ee kala duwan. Waxaa haddaba, Golaha Wakiiladda waajib ku ah idinkoo arrintan hore u dayacay, bal in aad sannadkan xil weyn iska saartaan Miisaaniyaddana aydaan Ansixin ilaa aad tiro-koob rasmiya ku soo samaysan tirada Ciidamada Qaranka, Booliiska iyo Asluubta, idinkoo arrintaas u magacaabaya Guddi ka tirsan Golaha Wakiiladda, lana kaashanaya Wasaaradda Maaliyadda.

 

Lacagta lagu sheego in ay Ciidamada kala duwan ku baxdo oo aad u fara badan, mana aha mid macquul ah, waana wax xaqiiqada aad uga fog, waxaana lagu lunsadaa lacag aad u fara badan sannad walba, siiba Ciidamada Booliiska iyo Ciidamada Qaranka (Labadaasi). Dadka lunsadaa, waa in yar oo la yaqaano. Ciidamada magacooda lacagtaasi lagu cunayana, waxa ka muuqata diif badan, lacagtaasi waa in loo jiheeyo oo lagu hirgeliyo mashaariicda kale ee muhiimka ah, sida; Xannaanada Xoolaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka, iwm. Arrintaas, waa in aad xil weyn iska saartaan.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar-xaashi, Hargeysa.

 

………………………………………………………………………………………………………

Waa Marag Madoon Dhiilada hadhaysay Dhalinta Maanta

 

A

nigoo ka tirsan bahda dhalinyarada, waxaan jecelahay in aan halkan ku sawiro dhibco ka mid ah, dhacdooyinka dhabta ah ee dhallintan aanu weli sugnayn amniga mustaqbalkoodu.

 

Ma garan mana gorfayn karo, meel ama mawduuc aan ka tiraabo mowjadaha dhibaatooyinka ah ee graacaya maqaarka sare ee muwaadiniinta. Ma waxaan ka hadlaa horumar mise nabad iyo nolol ku dirir. Dhibtu waa badan tahay, waanay wajiyo gedisan tahay wadankan aynu joogno iyo waxay ood wadaagaanba.

Waa layaabe, ma waxaan hogo-tusaaleeyaa Waayeelka iyo waxgaradka wadankan aayaha daran, mise waaba yaabka yaabkiise, waxaan tusmo iyo tusaableba u magaabiyaa dhalintan dhan walba dhagaraha dahsoon lagaga dayray.

 

Haa, waa dhacdooyin marag madoonto ah, dhiilada hadhaysay dhallinta aan lahayn ceel cidina u maqnayn.

Keliya, waxa igu kalifay qormadan in aan ku soo bariidiyo buuraha baaba’a ee bahdii barbaarta sheeko xariirooyinka ay Madaxda qaarkood ku sheegaan daba-qabataynta Ardayda dalka iyo shaqo-u-abuurida, kuwa dhooban dhabayaasha magaalooyinka.

 

Ma arko iimana muuqato, waxaan hadimo iyo hagar-daamo ahayn oo ay jilayaan raggaasi, mise waxay u maleeyeen in wali bahda waxbarashada iyo dhallintuba ay rajo ka qabaan.

Waxa aan daah saarnayn in dhammaan ragga siyaasi ku sheegyada ahi, ay waa horeba u daad guraysteen qoysaskoodii iyo caruurtoodiiba, islamarkaana ay jaamacadaha Yurub dhigtaan dhadig iyo laboodba.

Akhrisrte, ha yaabin hana fajicin haddana ku idhaa waxaan arkay mawaaqiftan qaarkood, sida iyada oo dagaalo sokeeye ay oogeen Siyaasi ku sheegyadu ay haddana faraha dagaalka ku qaadan jireen waxa loo yaqaan (Correspondence) ama waxbarashada laysu soo diro, taas oo loo soo dhigi jiray Safaaradaha ku yaal Djibuuti iyo Itoobiya, balse haddii aanay iiga ekaannayn shakhsi necayb, waxaan kuu tixi lahaa magacyada Mujrimiintaa.

Ma laha tix iyo tiraabi kala koobi og hadafkee, iga hoo tusmooyinkan aan kuu soo koobay gorfaynta tabashooyinka iyo tabaalaha dhallinyarada dalkan.

Fadlan, ka soo dhiibo ra’yigaaga gurmad iyo dhaliilba aad ka qabto mawduucan madoow:

“Qisaweeye layaablo khasaaraa ina gaadhay, qiilna loo helimaayo

Qaar baa laga quustay oo, qaawanaan ku dhaqaaqay

Qaarna waabay qaxeenoo qabri waaba xabaale, qurbahaa lagu waayay

Qallin aan ku shaqayniyo, qormo aynu xariiqnaba

Qawlkoodu ha joogee, qad kiibaa laga quustoo,

Qaaf qor baa lagu daalay,

Qiso weeye layaabloo qasaarraa ina gaadhay, qiilna loo helimaayo.

 

Qomamada iga haysa Siyaasigaa iqasaaya,

Qishku waaba saleelee qiimihii noloshayda,

Qayb dhanbaan kaba quustay,

Qanda-raaslana weeye, qiyaastiisa layaaboo

Qoladii wax hujuunta qidmadiisa ka qaata.

 

Bal hadduu mar qudhaata, qalbigayga aqoonta,

Qorof waabay mugwayntee qudhudhuc ka waraabsho,

Sida Qoyska baxrayn baan qaa’idii odhanlaa,

Maalintuu qosli waayo, ama uu qabri aado,

Qaadir baa I abuuree, qayd cad baan xidhan laa.

 

Ama qoomka qadaafi sida ay u qoreenbaan

Qud lanaa odhanlaa

Qiso weeye layaablee waxa aan kala quustay

Anigaysu qadaamiye qorigaad la ordayso

Iga qaad qumuciisan qarxayee idilaaya

Qiso weeye layaabloo qasaaraa ina gaadhay qiilna loo helimaayo

Qabsadoo bal ogaada, quwadii wadankeena

Qalabkeenii difaaca,

Dhallintii qaban laydbaa inba meel lagu qooboo,

Qoomamaa dul hadhaysay,

Sida qaar laga sheegay, ama aynu qudheenu

Qac ku siinay indhaa, imisaa is-qisaasoo

Kaba quustay aduunka!

Qiso weeye dhabtii ninna aan ka qarsoonayn,

Waxse quusta abuuray, ama iiba qudhgooyay

Dhallintaa qormadaydan qaylo dhaanta u taagan, een

Qasadkeeda fahmaynin.

Axmed X. M, Berbera

 

Raadiyow Ma Qaloocshe

H

alkani waa Raadiyow ma Qaloocshe oo aydin ka dhegeysataan Mowjadaha kaftan yaqaanka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq aqoonka. Akhyaartayada indhaha buurbuuranow, waxaanu soo gaadhnay xilligii aan idin hulluuqsiin jirey wararkii dunida, waxaana maanta dabadda idiin qaban doona weriye Qayte Burre.

 

Warkii oo Kambadhuudha

War aan beenna ahayn, runna wax uga dhiman yihiin ayaa sheegay in duqyaasha Guurida laga cawaray Mushqaayad yar oo ay kursi-kordhinta ku mutaysteen. Warkaas oo iyaga iyo Allahoode, Jamhuuriya qortay ayaa si bilaa qiyaas ah uga xanaajiyay Guurtida, iyadoo duqyaal badan koofiyaduhu ka siliteeyeen.

Mushqaayadan, waxa Wargeysku sheegay in Madaxkuusku amaahday, balse lama ogaan inta gashigu yahay iyo cid dillaal ka ahayd toon-na.

Duqyaasha Guurtida, ayaa Jariiraddada ku tilmaamay “Beenlay beenlay kale aan la arag” waxayna sheegeen in ay maxkamad horgeyn doonaan, si loogu cuskado qodobka dastuuriga ah ee beenaalayaasha loo samaystay, qaybtiisa B, farqadiisa “faafiye ammuur rag waaweyni qarinayay.”

War Dhaameelka noocan ah, inkastoo xanshaashiqiisu badnaa, xantiisuna dariiqada caanka ahayd, waa markii u horreysay xaafaduhu ogaadaan tan iyo markii odayaasha Cimaamadaha lagu rakibay.

Nimanka Jariidadda dembaaba, ayaa iyaguna yidhi bogi, car wir bannaanka isugu keen soo saara.

 

Hargeysa

Xaflad loogu ciyaaray Mowjadda Fa Ma ee Bii Bii Cii-du ka dhex qotomisay ceelka Hargeysa, ayaa caweysin dhoweyd loo golaystay Hudheel ku yaalla sheedaha.

Xafladaas, waxa quraac iyo saambuus loogu qaybiyey raggag badan oo ka kala yimi xaafadaha Hargeysa iyo weriyayaal ilama BBC ah oo ka soo kala ciyaar-guday Jabuuti, Muqdisho, Dhagax-buur, Kuunya Barrow iyo Garoowe. Ciyaartaas, waxa isna joogay Oday Faranji ah oo la sheegay inuu yahay nin mudakar ah oo ka taliya Mowjadaha waaweyn ee BBC-da, ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Mastar Beer Laangadhe.

Hadal uu halkaa ka jeediyayna wuxuu Af Ingiriisi buur-buuran ku yidhi; “The Hargeisa FM is very new band-band, because it eating sun-light and the Hargeisa is first where for BBC FM sun eating made.” Hadalkaas oo aan iska gartay iyadoon cidina ii fasilin , wuxuu u ekaa, “Mawjaddani waa bahal kibirtay oo cadceeda ku qadaysa, dayaxana ku quraacata, dhulkana ku cashaysa, una baahnayn mishiin laxooxda u duba.”

Ninkaasi waxa la sheegay inuu yahay ninkii u horreeyay ee qaradiisa leh ee BBC-du u soo dirto carrada Somali degto, waxaana uu af Faranjigiisa ku sheegay in sababta isagoo aynigaas ah soo jirrabtay ay tahay, iyada oo il-ka-cabbir dhowaan la sameeyay ay ku ogaadeen in Soomaalidu tahay dadka ugu badan ee BBC-du dhegaha ka kiraysatay Carab iyo Cajab-ba.

 

Ka qaybgalayaasha xafladdaas Saambuuska loogu qaybiyay waxa ka mid ahaa madax-kuuska Shanka-roonland iyo Afadiisa. Madax-kuusku hadal uu hulluuqsiiyay dadkaas, wuxuu ku sheegay in BBC-du Ooraydh tahay markay Afka Ingiriisida, Carabiga, Sawaaxiliga, Xawsaha, Af-kilaanjaha iyo Baashtuuga kula hadlayso, laakiin qaybta Af-Soomaaliga dadka lagu xanto adeeradana difaaco, iyadoo iraadada Ilaahay had iyo goor inanka BBC-da Af-Soomaaliga haysta iyo madaxweynaha Soomaaliya ku-hor-kaajaa ay adeer isugu toosnaadaan xagga haybta marka laga eego.

 

Dhinaca kale, war aan ka soo fara-maroojiyay habar Sheedaha gasha, ayaa iftiimiyay in madax-kuuska oo salaaddii Ciidul-Adxada u jaray, isaga oo kaga cudur-daartay xannuunka dadka ayniga ah ku dhaca ee “Habro-buus-buuska loo yaqan,” uu habeenkaa dhabaabaco ku tegay Hudheelka FM-Soor, wishiirigiisana laga yaabay oo uu  Waraabe ka caafimaad weynaa.

Arrintana waxa fajac bidaarta ka xoqay habro doora iyo ciyaal fara-ka-ciyaarayay.

 

AFBAGISTAAN:

Madaxweyne Buushaha dalka Maraykankma ayaa la sheegay inuu dib ugu xayraamay Buuralayda Af-bagistaan, kadib markii buurtaas lagu ammuursaday caymadka col ka mid ah jabhaddii Gaal-dhibaan, kuwaas oo madaxweyne-ka-yaraha Maraykanka Mr. Dhiig-jeeg uu yidhi maalin hore;

“May be we killed, killed all Al-Qaacid Madmulla,” oo macnaheedu yahay, “Waxaanu u malaynaynaa inaanu idlaynay oo an midh ka bixin Al-Qaacida.”

 

Hase yeeshee, warka qarxiskiisii oo goor dambe soo dhacay ayaa sheegay in Gaal-dhibaanno soo aakhiro-toosay ay quluul ugu tureen diyaarad dadlays ah oo maraykanku leeyahay, toddoba Askarina ay Aakhiro u direen, kadib dagaal Af-castu dheregtay oo ka dhacay koonfurta Afbagistaan.

War aan ka hoos qaaday weriye hurda ayaa sheegay in tantoomadani ay ku dhacday madaxweyne Buush, iyada oo Maraykanku uu is-waalwaalkiisii si kale u beddelay, kaas oo la sheegay in dagaalka uu kula jiro argagixisada uu askartii caadiga ahayd ka daayay oo uu dagaalgelin doono ragga bidaarta leh ee lacagta ku sawiran. Qorshahaas oo la yidhi dawladaha argagixisadu joogto waa in aan weerar lagu qaadin ee loo diro ciidanka bidaarta leh ee dollarka loo yaqaano oo ka caawin doona dawladahaas iyo ciidamadooda la dagaalanka Argagixisada.

Warar ficil ka sallaxmay

 

HINAASE NIYUUS:

Qaad-dhaadhiga weyn ee shirkadda Barako ee sumaddiisu tahay 611, ayaa dhawaan toban baag oo adhiga ahminkiisa ah ugu deeqay cusbitaalka xannuunka Feedhaha, si loogu buuleeyo bukaan-jiifka.

Warkan oo weriyihii soo khaawisay barje ku habsaamay, wuxuu sheegay inuu xoolahaas ula niyooday inuu kaga barakaysto ciiddi barakaysnayd ee Carrafo.

Hase yeeshee, Qaadyahanka kale ee weyn ee 571, oo uu beratan ka dhexeeyo ayaa isaguna ka daba raray Lawdh Adhi ah, si uu ula boobo barakada ciidda.

Sidoo kale, dawladda dhan ee Shanka-roonland, ayaa hinaase weyn ka muujisay is-maqiiqista shirkadda yar ee Haatuf Media Network, oo soo saarta saddex jariiradood oo Soomaali, Carabi iyo Ingiriisi ku hadla.

Dawladdu dedaalkeeda ay doonayso inay dhawr lowdh oo Joornaallo ah ka daba rarto. Haatuf waxay si xayraan leh ugu qalibaa-geddiday wargeyskeedii Maandeeq oo ay ka hurguftay madaxdii hore, waxayna nidar ku gashay in ay soo saarto saddex Joornaal: Maandeeq oo maalinle noqon doona, mid Carabi ah oo Qarnul-Ifriiq loo bixiyay iyo Hoon Tiriituu mid la yidhaa oo Ingiriisi ah.

Raadyow maqalloocshe ayaa dhawaan mawjad cusub ka furay Hargeysa, mawjaddaas oo la yidhaa Fa,Na. Furitaankii xafladdaas waxa ka soo qaybgalay Akhyaar badan oo indho-buurbuuran, iyo weriyeyaasha tuulooyinka uga soo warrama.

Kulankaas oo madax-kuusku soo gaadhi kari waayay, waxaan idin maqashiin doonaa, Gabay geedkaa le’eg oo halkaa weriye Abwaan ahi ka tirshay.

 

GABAY:

Dharaartii timaadaba,

Warboob taagan baan ahaye,

Tobaneeyo wariyoon ku jiraa,

Warar ku tawsiinay,

Tagsi fuuli mayniyo annagu,

Marki tuuyada’e,

Tallaabada sidii aar wax dilay,

Fadalka tuuryaynay.

 

Tirsan maryno wasiir laga tegiyo,

Tuug waxuun cuna’e,

Toddobada aroornimo markuu,

Odaygu soo toosay,

Tarajeeguu xaajigu ku jiro,

Tiimbad ugu roorray,

Tudhii horeba toogadii warkiyo,

Taan u nimi sheegnay,

Su’aalaha rag baw tobabartoo,

Loona tiriyaaye,

Turjubaanadeediyo ragay tebaysay,

Weeteeye toban qabow ah,

Toban bayl ka kulul,

Toban u gaal-gaal ah,

Iyo taan ku laba rogi ogaa,

Duqa ku tuutaynay,

Isna hadalka uma toog dayee,

Yara taraarsiinay,

Tu aan laga filayn,

Iyo xoog sira kaga,

Tadhaa siinay,

Annaguna xaqiiq kama tagnee,

Tubinay riinkoodhka,

Rag dhaameel ka taabtaa jiree,

Toodu socon weyday,

Dharaartaa halkaa kaga tagnoo,

Toobiyaha qaadnay,

Tuu Alufka duhurkii markuu

Talahay eedaanka,

Ee aan salaadii tukaday,

Qado ka soo tuurnay,

Tax-taxaashka socodkii,

La yimi Haatuf tugulkeeda,

Tuhun beena lama daabaciyo,

Tu aan la doonayne,

Talafoon dirnaa ama,

Si kale ula tacaalaaba,

Tabaalada adduun,

Khabar wixii taalay soo hubinay,

Xaashiyo intaan taab fuqsaday,

Taybalka u fuulay,

Ninba aytamkuu tacabka ku helay,

Xaashi lagu tuuji,

Tastuur iyo intaan dhaqan ku ladhay,

Tumay ku ayshaadnay,

Tafatiruu intuu naga shirabay,

Taytalada raaci,

Taswiiraa intuu kala naqilay,

Kaabshanada teedi,

Maqalloocshihii tirin ogaa,

Turuq ku weedhaami,

Tus onkoday sidiisii,

Halkuu toogto ku hillaaci,

Tallaaduhu markii ay dhaceen,

Tirinay joornaalka.

 

Markuu oogu tahan soo mudh-baxay,

Suuqa lagu teedi,

Akhristuhu markuu toos is yidhi,

Tiigsay halacdeeda,

Waa Haatuf Joornaal ka tegay,

Tab iyo dheeraade,

Tuug iyo xagee beeni qaban,

Tebiyay baacweyne,

Taytal qurux sanaw,

Eebahay kuma tabaaleeyo