SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 46-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


 

Wararka

Macallimiin loo Tabobaray Waxbarista Dadka Waaweyn

 

B

oorama (Haatuf):- Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Awdal Maxamed Xasan Axmed ayaa shalay aqoon isweydaarsi ku saabsan waxbaridda dadka waaweyn u xidhay 20 macallin oo wax ka dhiga qaar ka mid ah dugsiyada Boorama. Kaas oo socday muddo saddex maalmood ah.

 

Aqoon-isweydaarsigan, oo ku saabsanaa sidii dadka waaweyn ee aan waxna qorin waxna akhriyin kor loogu qaadi lahaa aqoontooda, ayaa xidhitaankiisii waxa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka oo ka qaybgalayaasha u sheegay dedaalkii loo soo maray tabobarkan qabashadiisa iyo suurtogelintiisa iyo sida macallimiinta loogu baahan yahay in ay ku dedaalaan waxbaridda dadkooda waaweyn ee aan iyagu yaraantoodii helin fursado u saamaxa.

 

Aqoon-isweydaarsigan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen wasaaradda waxbarashada, BBC-da, hay’adda AET (Africa Educational Trust) ee fadhigeedu yahay Hargeysa, ayaa waxa kale oo ka hadlay wakiilka hay’adda AET ee gobolka Awdal Cabdulwahaab Xasan Iimaan, isaga oo sheegay in tabobarkani la xidhiidho iskaashi kor loogu qaadayo aqoonta dadka waaweyn ee Soomaaliya iyo Somaliland, wadajirna ay u fulinayaan BBC-da iyo AET, waxaanu ka codsaday macallimiinta tabobarka qaatay inay noqdaan kuwa ka faa’iideya aqoontay barteen.

 

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Maxamed Xasan Axmed, wuxuu isla shalay tabobar ku saabsan tallaalka cudurada carruurta laaya u xidhay 30 ka tirsan dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal.

 

Tabobarkan oo socday muddo afar cisho ah ayaa ka qaybgalayaashu ku baranayeen habka ugu wanaagsan ee loo tallaalo carruurta da’doodu shanta sano ka yar tahay iyo sidii waalidiinta looga dhaadhicin lahaa faa’iidooyinka tallaalku u leeyahay carruurtooda. Guddoomiye ku xigeenka oo ka hadlaya munaasibadda xidhitaanku wuxuu dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ku guubaabiyay in si waddaninimo leh ugu hawgalaan tallaalka carruurtooda.

 

Madaxa qaybta tallaalka lixda cudur ee carruurta waxyeeleeya. Siciid Bile ayaa munaasibadda xidhitaanka ka sheegay in waayadan dambe ay soo baxeen dad aan u danayn ubadkooda oo been ka sheega  tallaalka faa’iidooyinkiisa, sidaas darteed aan dheg loo dhigin oo ay hawshooda u gutaan si aan hagar  lahayn.

…………………………………………….

 

Faysal Cali Waraabe oo Sheegay inuu sharaxanyahay Jagada Madaxweynimo

 

H

elisinki (Haatuf); Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka UCID (justice and Welfare Party), Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay daboolka ka qaaday inuu u sharaxan yahay jagada Madaxweyne-nimada Somaliland, tartanka doorashooyinka ee dalka ku soo fool leh.

 

“Aqoonyahannada iyo anigaba, waxa ku waajiba in aanu doorashooyinka tu Madaxweyne iyo tu kaleba isu soo taagno, si loo beddelo Siyaasiyiintii Somaliland 11ka sanadood lee-leelinayay,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo lagu waraystay Shabakada Internet-ka ee ururkiisa ucidparty.com.

“Anigu waxaan jecelahay in aan isu taago Madaxweynenimada Somaliland,” ayuu raaciyay Faysal Cali Waraabe oo deggan dalka Finland, waxa uu waraysigan bixiyay isagoo oo sida warku sheegay ka soo qayb-galka shir ay yeesheen xisbiyada “Social Democrats” loo yaqaan ee Yurub ku yeesheen dalka Spain, iyadoo faysal xubin ka yahay Xisbiga Social Democratic Party oo ka taliya dalka Finland. “Marka aan ku guulaysto jagadaas, Inshaa Allaah - waxan dalka ku hogaamin doonaa barnaamijka Xisbiga ee aan doorashada ku helay” ayuu yidhi Faysal oo ka jawaabayay waxa uu qaban doono haddii uu doorashada ku guulaysto.

 

Waxaanu raaciyay inuu dhisi doono dawlad loo wada dhan yahay oo casri ah, kuna salaysan caddaalad iyo wada tashi, taas oo soo afjari doonta ayuu yidhi “Qabyaaladda iyo cunfiga, si simanna u qaybisa khayraadka dalka.”

 

Faysal Cali Waraabe, waxa uu Waraysigaas ku sheegay in “Somaliland maalin ay maanta ka fiican tahay aanay soo marin, tobankii sanadood ee ay jirtay.” Waxa kale oo uu ka waramay khilaafka iyo kala qaybsanaanta ka jirta habka doorashada oo uu sheegay in ay jireen laba ra’yi oo kala ah doorashooyin ku salaysan habka axsaabta badan iyo Shir-beeleed, taas oo uu sheegay in ururkiisa UCID ay kaga timid cadaawad badan “Kuwa dantooda u arkayay shir-beeleed” ayuu yidhi.

 

Waxa uu sheegay in ururkiisu uu ka soo horjeedo, kuwa shir-beeleedka doonaya, ururka Xukuumadda ee UDUB-na ay ku kala aragti duwan yihiin in Madaxweyne Cigaal, mar kale dib loo doorto.

Hase yeeshee, Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in uu aad ugu kalsoonyahay in doorashooyin xalaal ahi ay Somaliland ka dhici doonaan ururkiisuna ka adkaan doono Cigaal.” Waxaan ku kalsoonahay in ay doorashooyin xalaal ahi ka dhici doonaan Somaliland, Madaxweyne Cigaalna laga adkaan doono, UCID-na uu awoodda Xukunka Somaliland heli doono,” ayuu yidhi Faysal.

 

Guddoomiyaha ururka UDUB, Madaxweyne Cigaal ayaa isagu hore u caddeeyay inuu dib isugu sharixi doono jagada. Faysal Cali Waraabena, waa guddoomiyihii labaad ee caddeeyay inuu u sharaxan yahay ururkiisa, todobada urur ee is-diwaan-geliyay.

…………………………………………………………………………..

 

URURKA ASAD OO

DHAMBAAL U DIRAY HAWEENKA

 

H

argeisa (Haatuf): Maalinta Haweenka adduunka ee 8-da March oo ku beegan maanta, ayaa si weyn looga xusayaa dunida oo dhan islamarkaana meelo badan oo ka mida Jamhuuriyada Somaliland ayaa sidoo kale maanta laga xusayaa maalinta haweenka, iyadoo oo xaflad ballaadhan lagu qaban doono fagaaraha Khayriyada Hargeisa.

 

Isbahaysiga mucaaridka ee ASAD, ayaa iyaguna xalay soo gaadhsiiyay Haatuf dhanbaal ay direen haweenka Somaliland iyo guud ahaan haweenka adduunka, xuska 8-da March darteed.

Dhambaalkaas oo xambaarsan Hambalyo dhiiri-gelin, taageero iyo ballanqaadyo, uuna ku saxeexnaa Afhayeenka ururka ASAD, Jaamac Ismaaciil Shabeel, waxa uu u qornaa sidan:

“Ururku wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Haweenka Somaliland, iyo guud ahaan haweenka adduunka, Munaasibadda xuska maalinta haweenka adduunka oo ah 8 Maarso.

Sidii kuwii hore, waxaynu maanta xusaynaa iyadoo haweenka Somaliland ay haysataan dhibaatooyin farabadan oo ka dhashay duruufaha nololeed ee sii adkaanaya maalinba maalinta ka dambaysa iyo dayaca wax-u-qabad la’aanta ah. Marka laga reebo, dedaalka kooban ee hay’adaha Samofalka wadaniga iyo kuwa Caalamiga ah.

 

Dhinaca kale, waxa lama ilaawaan ah kaalintii mugga lahayd ee ay ka soo qaateen Haweenka reer Somaliland, halgankii qadhaadhaa ee dib-u-xoraynta dalka iyo kaalintay kaga beegmeen dib-u-dhiska dalka.

 

Waxaanse sinaba laysu diidsiin karin muddadii ay jirtay dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland in aanay haweenku ka helin kaalintay mudnaayeen, hadday tahay wax u qabashada haweenka agoomaha ah iyo kuwa kale ee tabaalaysanba, iyo hadday tahay dhanka talada midna.

 

ASAD, wuxuu urur ahaan u ballanqaadayaa inuu heegan u yahay difaaca xuquuqda haweenka Somaliland, wakhti kasta iyo gole kasta. Ururka waxa u qorshaysan fullinta mashaariic lagu horumarinayo oo kor loogu qaadayo Haweenka heerkooda nololeed, iyadoo ahmiyadda ay leedahay la siinayo arrintu. Waxa kale oo ururka u qorshaysan in ay helaan haweenka reer Somaliland, kaalinta ku haboon ee ay kaga beegan yihiin talada dalka.”

……………………………………………………………………..

 

 “Anigaa Iskay isu casilay, Madaxweynuhuna wuu iga Aqbalay”

Badhasaabkii G. Togdheer

Burco (Haatuf): Guddoomiyihii Gobolka Togdheer ee xilka iska casilay, Maxamuud Aadan Dheri, ayaa beeniyay warar lagu xidhiidhiyay in ay is-casilaadiisu ka dhalatay, isla markaana faahfaahin ka bixiyay sababta is-casilaadiisa.

 

Warar soo baxay Is-casilaadii Guddoomiyaha kadib, ayaa sheegay sababaha Badhasaabku isu casilay inuu qayb ka ahaa bogcad dhul ah oo ay Maayorka Burco, Muuse Cabdi iyo Wasiirka Wershadaha Axmed Jaamac Bootaan, sida la sheegay ay wada-jir u bixiyeen taas oo la sheegay in Maxamuud Aadan Dheri ka cadhooday iyo qodobo kale oo la xidhiidha. Hase ahaatee, Maayarka Burco ayaa beeniyay jiritaanka wararkaa; “Dhul noocaas ah oo aan aniga iyo Daaniye bixinay ma jiro,” ayuu yidhi Maayarku. Waxaanu intaa raaciyay, in aanu ogayn arin noocaas ah oo uu isku casilay Guddoomiyuhu. Sidoo kale, Maxamuud Aadan Dheri laftiisa oo aanu xalay kula xidhiidhnay khadka telefoonka, isagoo joogga Burco, ayaa beeniyay jiritaanka warkaas. Maxamuud Aadan, wuxuu sheegay inuu iskii isu casilay, Madaxweynuhuna uu ka aqbalay.

 

“Ilaa Ingiriskii baan soo shaqaynayay, waanan daalay, markaa waxaan doonayaa in aan iska nasto oo aan geedka fadhiisto oo aan odayeeyo,” ayuu yidhi. Wuxuu intaa raaciyay oo uu xusay, in ay saaxiib yihiin Maayarka iyo Wasiirka Warshadahaba. Waxa kale oo uu xusay in markii horeba lagu khasbay qabashada Jagada, balse aanu isagu u ololayn. Maxamuud Aadan Dheri, wuxuu ku celceliyay oo uu sheegay inuu iskii isu casilay, laakiin aanay sabab kale ku kelifin is-casilaadda.

…………………………………………………………………………….

 

Dhul-boob Xaalad Qasan ka Abuuray Magaalada Burco

“Dhul nool oo dawladdu leedahay oo aan ugu imiba waa yar yahay” Maayarka Burco

B

urco/Harg (Haatuf): Dhul-boob xoog leh iyo xaalad qasan oo dhinaca Maamulka dhulka ah, ayaa ka aloosan magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, waxaana badiba gacanta dawladda ka baxay dhulkii danta guud, kaas oo bixintiisa lagu eedeeyay Maamulka dawladda hoose, balse uu Maayarka Burco Muuse Cabdi, beeniyay jiritaankooda.

Siday sheegeen, warar naga soo gaadhay magaalada Burco, goobaha dawladda ee la sheegay in la bixiyay, waxaa ka mid ah; Beerta Daallo oo ka soo horjeeda dhismaha Baanka, taas oo ay wararku tibaaxeen in la siiyay Nin shacbi ah;

-           Guryaha Kastamka ku dhexyaalla.

-           Rugtii Cashuur ururinta ee xaafadda Faarax Oomaar.

-           Xaruntii hore loogu yaqaanay Dhalinta Kacaanka.

-           Xarunta xaafadda Sh. Bashiir oo laba Bakhaar laga dhisay.

-           Hangaradii Injida.

-           Qaybo ka mid ah dhulkii dugsiga Farsamada Gacanta.

-           Goob u dhow Hudheelka Baar Siigo.

-           Dhul banaannaa oo ku yaalla Xafiiska Gobolka hortiisa, kaas oo la sheegay in la siiyay gabadh ay walaalo yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga.

 

Guud ahaan goobahaa iyo meelo kale oo raacaba, waxa la sheegay in la siiyay dad shicib ah. Sidoo kale Xaruntii Boosta ee magaalada Burco, ayaa iyana laysku weydaarsaday tacshiirado rasaas ah, kadib markii ay iska horyimaadeen Ciidanka Ammaanka iyo koox shicib ah oo halkaa deganaa, kuwaas oo ay wararku sheegeen in ay isku dayeen in ay dumiyaan dhismaha Boosta oo ah dhisme gaboobay, hase yeeshee laga horjoogsaday.

Wararku waxa kale oo ay intaa ku ladheen, inuu magaalada ka socdo dhul-boob xoog lihi, Maamulka dawladda hoose-na ay ku mashquulsan yihiin oo keli ah arrimaha dhinaca dhulka, loona tirinayo bixinta goobahaa dawladda, kuwaas oo ay wararku tibaaxeen in la aaminsan yahay in laga iibiyay dad ganacsato u badan.

 

Dhinaca kale, Maayarka magaalada Burco Muuse Cabdi oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa isagu beeniyay jiritaanka wararka sheegaya in Maamulkiisu dhaxal-wareejiyay, dhulkii danta guud iyo dhismayaasha dawladda. “Horta dhul nool oo dawladdu leedahay oo aan u imiba, waa yar yahay,” ayuu yidhi Maayarku. Wuxuu intaa raaciayay oo uu yidhi; “Inji iyo Onat, hortaybaa la bixiyay. Garoomadii iyo Saldhigyada hortoodana hortay baa la bixiyay. Dhulka Shacabka badankiisuna waa iga horeeyay oo waa la bixiyay.” Maayarka mar wax laga weydiiyay, dhul bannaan oo xarunta gobolka horteeda ah oo la sheegay in la seestay, wuxuu carabka ku dhuftay in aanu Maamul ahaan wax lug ah ku lahayn arrintaas. “Gabadhaa ay walaalaha yihiin Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha, lama siinin meesha ee niman bay ka iibsatay.” Wuxuu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Laba nin baa Hargeysa laga soo siiyay meeshaa, Badhasaabkuna waraaq buu noo soo qoray uu leeyahay, hala siiyo nimankaa meesha. Dabadeed markuu arkay meesha, ma soconayso ayaan idhi, hase yeeshee sees bay qodeen, dabadeed waanu ka joojinay, waanan xidh-xidhay, balse waa la damiintay.”

 

Muuse Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in aanay Maamul ahaan, wax shaqo ah ku lahayn; Beerta Daallo, Boosta, Kastamka iyo meel kale toona. Waxaanu intaa raaciyay in aanu Maamulkiisu bixin in habayaraatee wax dhul iyo dhisme dawladeed ah.

Maayarka mar wax laga weydiiyay, Mushahar la’aanta haysata shaqaalaha dawladda hoose, wuxuu tibaaxay in aan Mushahaarooyinka loo waayin, balse mararka qaarkood dib u yara dhacdo, sidaa aawadeedna ay ka yara habsaantay.

………………………………………………………………….

 

Hoggaamiyayaasha Ururka SAHAN oo Qaabilay Kooxo Dhallinyaro ah

H

argeysa (Haatuf): Hoggaamiyayaasha Urur-siyaasadeedka SAHAN, ayaa shalay Xafiiskooda Hargeysa ku qaabilay kooxo dad ah oo ka kala socda, dhawr urur-dhallinyaro oo ka jira xaafadaha magaalada Hargeysa, kana mid ah taageerayaasha SAHAN, waxaana halkaa hadalo ka jeediyay, qaar ka tirsan Siyaasiyiinta ururka SAHAN.

 

Munaasibaddan ay isku qaabileen kooxaha dhallinyarada ah iyo hoggaamiyayaasha ururka SAHAN, waxa Koob lagu gudoonsiiyay koox Kubadda Cagta ah oo ku guulaysatay tartan ciyaaraeed dhex-maray 16 Kooxood.

 

Kooxaha dhallinyarada ee kulankaa ka soo qayb-galay, waxay ka kala tirsanaayeen ururo dhallinyaro oo la kala yidhaahdo; DAHAB, UDAN, AAYATIIN iyo IFTIIN, iyadoo ay dhallinyaradii halkaa isugu timi kulanku uu ahaa Munaasibad ay isku bartaan. Siyaasiyiinta ururka SAHAN ee kulankaa ka hadlay, waxa ka mid ahaa; Guddoomayaha ururka SAHAN, Maxamed Cumar Jiir, Cali Maxamed Waran-cadde, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Maxamed Cabdi Is-keerse, waxayna dhallinyaradaa farta ugu fiiqeen talooyin door ah oo ay ka mid yihiin; In ay wax bartaan iyo in ay la dagaalamaan dhaqan-xumada.

 

Kooxda dhallinyarada ah ee ay hoggaamiyayaasha SAHAN koobka gudoonsiiyeen, waxay hal gool iyo saddex gool kaga badisay koox kale oo ka soo jeedda ururada dhallinyaro ee taageersan ururka UDUB. Sidaa darteed, Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa kaftan Siyaasadeed ku tafsiiray, labada kooxood ee kala badiyay oo ka soo kala jeedda ururo dhallinyaro oo kal taageersan SAHAN iyo UDUB, wuxuuna Waran-cadde yidhi; “Ururka SAHAN, waxa ka go’an inuu dhinac walba ka dhiso bulshadeenna, isla markaana waxaanu ballan-qaadaynaa in aanu adkayno xasiloonida iyo midnimada Somaliland, dalkana sida loogu talin karaa waa cadaalad iyo nabadgelyo, anaguna haddii aanu madaxtinimada ku guulaysano, taa ayaanu ku maamulaynaa, saddexda gool ee ay Kooxda SAHAN ku dhufatay Kooxda UDUB, waxay saadaal wanaagsan u tahay doorashada.”

 

Hoggaamiyayaasha SAHAN, inkasta oo ay sheekadoodu u badnayd guubaabo ay dhallinyarada ku guubaabinayeen in ay ka faa’iidaystaan fursadooda dhallinyaro-nimo, oo ay ka shaqeeyaan horumarka Tacliinta iyo Wacyiga wanaagsan ee bulshada, haddana kama ay tegin in ay kulankaa uga faa’iidaystaan dhinaca Siyaasadda.

“Inkasta oo ay dawladdu tidhaahdo, distoorka hala raaco, haddana waxba kama noola oo iyadaa wada jebisay.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuuna mar kale yidhi; “Dawladda maanta jirta, kaa adki mooyaane sharci kuma joogto, wixii ay kala iibsadeenna waa taa xaq-daradii qar-qarxaysa ee la qorayo.”

 

Maxamed Cabdi Is-keersi oo isna halkaa ka hadlay, waxa ereyadiisa ka mid ahaa; “Sababaha ay ururada u samaysmeen, wax ka mid ah; Xukuumadda oo ku fashilantay wixii loo igmaday, anaguna waxaanu doonaynaa in ay ummaddu goob-joog ka noqoto saaxadda taladeeda lagu goynayo.”

Guddoomiyaha SAHAN, Maxamed Cumar Jiir oo kulankaa gebo-gabeeyay, waxa ereyadiisa ka mid ahaa; “Anigu, Xukuumadda oo qudha eedda saari maayo, waayo dadweynihii dalka iyo taladiisaba lahaa ayaad moodaa in aanay garan masiirkooda.”

 

……………………………………………………………………..

 

         Sahan Ku Saabsan  Xannuunada Laga

Dhaxlo Dagaalada oo Dhawaan la bilaabayo

 

H

argeysa (Haatuf): Waxa dhawaan ka bilaabmaya magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco, Sahan Cilmi-baadhiseed oo ku saabsan Xannuunada Nafsaaniga ah ee ka dhasha dagaalada.

 

Sahankan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda UNDP, qaybteeda hub ka dhigista iyo jihaynta, iyada oo la kaashanaysa Akaadimiyada Nabadda iyo Horumarinta, waxa lagu waraysan doonaa dad tiradoodu gaadhayso ilaa Shan boqol oo qof oo isugu jira Dagaal-yahanadii hore, kuwa shaqeeya iyo kuwa shaqada la’ba, hooyooyinka agoomoobay iyo carruurta tarbiyadu ka xumaatay.

 

Waxa si weyn loo rumaysan yahay in dalka Somaliland ay ku nool yihiin, dad aad u tiro badan oo ay nafsaani ahaan saameeyeen, dagaaladii iyo dhibaatooyinkii cuslaa ee dalku soo maray labaatankii sannadood ee u dambeeyay. Ilaa hadda ma jirto cid isku hawshay, wax-ka-qabashada Mushkiladdan baaxadda weyn leh ee sida gaarka ah u saameysay, dadkii ka soo qayb-galay dagaalada, kuwii ku naafoobay iyo kuwii ku agoomoobayba.

 

Siday warar xogogaal ahi sheegayaan, ujeeddada laga leeyahay waraysiyadan dadka laga qaadayo, waxay tahay in marka hore la helo xogo lagu qiyaas qaadan karo oo ku saabsan, sida ay u jiraan xannuunada Nafsaaniga ahi iyo xidhiidhka ay la leeyihiin dagaaladii dalku soo maray iyo dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale, siday saamayn ugu leeyihiin Jiritaanka Xannuunnadaasi.

 

Talaabada labaad ee ku xigta Sahan qaadistan, ayaa la filayaa in ay noqoto in la aasaaso Rugo-caafimaadka Nafsaaniga ah u adeegga oo laga dhex sameeyo meelaha ay bulshadu ku nooshahay, sida magaalooyinka iyo tuulooyinka, iyada oo la door-bidi doono degaamada iyo goobaha shaqo ee ay ku badan yihiin Dagaal-yahanadii hore, Agoomaha iyo Dhallinyarada dhaqanku ka xumaaday, iyada oo gudashada hawshaasi loo tababari doono dad gaar ah.

 

Siday sheegayaan Warar ku dhow-dhow Hay’adda UNDP, waxa wareysiyada ku saabsan Barnaamijkan la bilaabi doonaa dabayaaqada bishan, kadib marka uu dhammaado tababar la siinayo afar kooxood oo loogu talo-galay in ay fuliyaan wareysiyada.

 

Hay’adaha WHO, UNIFEM, HCR iyo GTZ, ayaa la filayaa in ay kaalin ka geystaan Barnaamijyada ku aadan, wax-ka-qabashada Xannuunada Nafsaaniga ah.

………………………………………………………………………

“Muddo-kordhinta ay Ku War-wareegayaan Arrintu Way Ka Durugsan tahay”

 

H

arg(Haatuf): Guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida, ayaa shalay soo saaray war-saxaafadeed ay kaga jawaabayaan qoraal uu hore wargeyska Jamhuuriya ugu qoray Gar-yaqaan Rooble Maykal Maryama, kaas oo uu kaga hadlay golaha Guurtida iyo arrimo la xidhiidha mawduucii Jamhuuriya faafiyay ee nuxurkiisu ahaa; Guurtida oo magacowday guddi madaxweyne Cigaal kala soo xaajooda abaalmarin lacageed oo uu hore ugu ballan-qaaday waqtigii muddo-kordhinta.

 

War-saxaafadeedkaa guddiga joogatada ah ee Guutidu kaga jawaabeen maqaalka uu qoray garyaqaan Rooble Maykal, oo ku soo baxay Jamhuuriya 4.3.2002, ayna saxeexeen xubnaha guddigaasi, wuxuu u dhignaa sidan;

“Tixraac wargeyska Jamhuuriya caddkiisu 1737aa ee soo baxay 4/3/2002, maqaalka uu qoray Rooble Maykal, kana hadlayay Guurtida iyo Shir-beeleedka, ayaa waxaan halkan ku siinaynaa jawaab-celin la xidhiidha mawduuca uu ka hadlay.

 

Ma aha markii u horreysay oo uu Jamhuuriya ku muujiyo Af-lagaadooyin uu ku weerarayo Guurtida iyo madaxda kaleba.

 

Maqaalkii kan ka horreeyay, wuxuu kaga hadlay shakhsiyadda Guurtida iyo sifaha Guurtida looga baahan yahay, isaga oo ku gebogebeeyay in ayna kuwani Guurti ahayn, una qalmin.

 

In badan ayuu fikirkiisa kooxeed ku cabbirayay qoraalada wargeysyada, doodaha iyo kulamada ay qaban-qaabiyaan akaadeemiyada iyo kuwo kaleba.

 

Noocyada bulshada iyo midabada ay qaadan karto, isaga oo aan xeerin wuxuu muusikada ka garaacaa hal xadhig, waana qiyaasta keli ahee uu nolosha iyo dhinaca sharcigaba wax ku cabbiro.

 

Wixii aan waafaqsanayn qaacidada aragti kooxeedka u ah hal-ku-dhegga (slogan) xisaabtaba uguma jirto. Waxa kale oo aanu xisaabta ku darsan isbeddelka dhinaca waayaha iyo socodka taariiikhiga ah ee bulshadu marayso, mid taagan, mid tagtay iyo mid soo socotaba. Ma aha tani daliilkeedu wax loo doon-doonayo, waayo wuxuu doonayaa isaga oo ka tarjumaya aragti-kooxeedkiisa in dib loo riixo, laguna noqdo lix sano ka hor. Waqtigaasi isaga ah, ma uu jirin waddo kale oo sharciyadeed oo lagu go’aan qaadan karayay, oo aan ahayn shirweynihii ku qabsoomay Hargeysa 96/77, iyo kuwii ka horreeyayba.

 

Fikir kooxeedkiisu wuxuu meesha ka saarayaa isbeddelladii iyo waayihii dhacay muddadaa kadib, oo ahaa waqti taariikheed oo lahaa qiimihiisa iyo horumarkiisa dhinacyada kala duwan.

Ninkani wuxuu meesha ka saaray Distoorkii ay ummaddu ku oggolaatay aftida 97.6% 31/05/2001.

Muddo-kordhinta ay isaga iyo rag kaleba ku warwareegayaan, arintu way ka durugsan tahay.

Waqtigii lagu gudo-jiray hawshi qaban-qaabada Aftida ayay isaga iyo saaxiibadii kaga doodeen amba ka soo jeediyeenba in aan la qaban Karin Afti u qaadis Dastuur, balse la qabto shir-beeleed.

 

Dhinac kale, maalmihii ugu dambeeyay bisha May 2001, kana hadhsanayd Aftida saddex ilaa afar maalmood, waxa uu daarta xarunta u ah BBC-da ee (Bush house), ka yidhi isaga oo joogay London, “Aftida iyo Distoorka midnaba waxba kama jiraan,” iyada oo laga sii daayay barnaamijka Focus on Afrika. Waxa uu intaasi ku daray; “dadku ma taageersana, balse waxa arrinta wata Cigaal iyo in taageersan.”

 

Iyada oo laga warqabay sida ay Aftidu u dhacday ee ay shacbigu ficil ahaan ugu muujiyeen doonistooda iyo dareenkoodaba, kana markhaati kaceen goob-joogayaashii caalamiga ahaa, iyaga oo ka soo saaray dhakmentis rasmiya, natiijooyinkii iyo sidii ay wax u dhaceenba, gaadhsiiyeena adduunweynaha.

Intaa kasokow, waxa jira hawl-qabadyo laxaad leh oo lagu tallaabsaday Afti-u-qaadistii Distoorka kadib, sida xeerkii diiwaangelinta Axsaabta, magacaabistii Guddiga diiwaan-gelinta ururada iyo ansixinta Axsaabta, xeerkii doorashooyinka D/hoose iyo Madaxtooyada iyo magacaabista iyo ansixinta Guddiga doorashooyinka iwm.

 

Dhinaca kale, waxa abuurmay ururo siyaasadeed oo is-diiwaangeliyay, qabsadayna hawlahooda. Sidoo kale waxa la dhammaystiray agabkii iyo miisaaniyaddii doorashooyinka oo hadda gacanta ugu jira xilkoodana ay tahay Guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo laga sugayo muddo qabashada rasmiga ah, kadib marka ay golayaashu dhammaystiraan mashruucyada sharciga ee dhiman oo ay hadda gacanta ku hayaan.

 

Sidaasi awgeed, marka arrimahaasi la isku wada daro, xilka inoo yaal dhammaystirka hawshaasi iyada ah, iyo sidii loo meelmarin lahaa tartan doorashooyin madax-bannaan oo ay si sharciya ugu loolamaan ururada is-diiwaangeliyay, kuwaasi oo intooda ka gudubta heerka koowaad ku tartami doonaan hoggaanka sare ee dalka iyo golayaashaba. Ma jiraan dariiqooyin kale oo aan ahayn tan aan soo tilmaanay oo lagu biyo-cabbi doono, mana jiraan wax kale oo qancin karaya shacbi-weynaha Distoorkooda u codeeyay iyo ururada is-abaabulay. Wax kasta oo ay cidi ku riyoonayso oo ka duwan waddadaa iyada ah, iyaga ayaa sheegi doona suuqa iyo shacbiga ay u hayaan ee ka iibsanaya.

 

Haddii aanu intaa kaga gudubno farriintan qoraalka ah ee Rooble iyo saaxiibadii, bal si gaar ah aan u eegno Qareen Rooble iyo sida uu isku muujiyo iyo sida uu u dhaqmaba. Run ahaan taasi naguma habboonayn, laaqina nooma aha jawaabtiisu, balse mar haddii uu qareen sheeganayo (gar-yaqaan), caadaystayna inuu dadka ka iibsho waxyaabo ka fog xaqiiqda iyo sifooyinka sharciga ah, weliba u shakhsiyadda guud ee golaha Guurtida iyo Mudanayaal gaar ahba ka been-abuurto, gaystana af-lagaadooyin iyo dhaleecayn rakhiisa oo ayna geyin, una cuntamayn dadweynaha oo xog-ogaal u ah kaalinta Guurtida ee muuqata ayay noogu kelliftay in aanu isaga iyo saaxiibadii dadweynaha dareensiino shaqada ay ku hawlanaayeen isaga iyo saaxiibadii qaybo yar oo ka mida:

  1. Sidaan horeba u soo sheegnay wuu daffirsan yahay distoorkaba, horayso iyo dambaysaba.
  2. waxaan xog-ogaal u ahayn inuu ka ahaa qareen iyo madinaba mooshinkii ay Golaha Wakiilada qayb ka mid ahi soo jeediyeen, ahaydna eedayntii madaxweynaha (Impeachment). Waa yaabe isaga oo dafirsanba Dastuurka, ayuu kaga dooday akaadeemiyadda nabadda inuu madaxweynuhu Distoorka jabiyay, mudanyahayna in lagu eedeeyo.
  3. muddo gaaban kadib, wuxuu taageeray oo uu ka qaybqaatay kulankii ay qaar ka mid ah Salaadiintu ku yeesheen Burco iyo xiisadihii ay ka abuureen magaalada Hargeysa.

 

Gebogebadii, waxaan Rooble weydiinaynaa ma kolba waxa uu doonayo ayaa sax ah?

Mar haddii aanu oggolaynba Distoorka, muxuu uga hadlaa ugana dan ah jebintiisa?

Xaggay joogaan shucuubta u ooman qabashada shir-beeleedka ee isaga iyo saaxiibadii ugu jira xeryaha?

 

Qareen Rooble oo baalmarsan hab-dhaqankii qoyska reer Maykal, wuxuu ku goolaaftamaa in ay xukunka dalka cidi u leedahay kaaye, taasi oo aynaan ogayn meel iyo goor la isla meel-dhigay.

Gunnaanadkii, qareenka iyo Wargeyska Jamhuuriya, ha soo bandhigaan ballan-qaadka uu madaxweynuhu kaga baxay Guurtida iyo go’aanka Goluhu ka gaadhay inuu guddi u diro madaxweynaha, iyada oo looga fadhiyo inay maxkamadda keenaan caddaymahooda.

 

Mr. Rooble, haddii uu ka tanaasuli waayo aflagaadooyinka iyo dhalleecooyinka uu sida badheedhka ah ugu weerarayo duqayda iyo guud ahaanba golaha, waxa la iftiimin donaa waxyaabo badan oo ku saabsan dhaqankiisa runta ah.”

  1. Md. Cali Cumar Axmed
  2. Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan
  3. Maxamuud Xareed Rooble
  4. Yusuf Sh. Axmed Nuur Yuusuf
  5. Maxamed Ducaale Qurux
  6. Maxamed Muxumed Diiriye
  7. C/raxmaan Cismaan Xasan Shaadh.

……………………………………………………………………………..

Khilaafka Gaamuray ee Siyaasiyiinta Soomaalida Itoobiya iyio Isku-dhacyadii u dambeeyay

 

A

dis(Haatuf) 12 sarkaal oo xilal sare ka hayey dawladda dhexe ee fedaraalka Itobiya iyo dawladda ismaamulka kililka shanaad ee ay somalidu degto ayaa dhowaan laga eryey xilalkii iyo xubin-nimadii ay ka hayeen xisbiga ka taliya degaanka ismaamulka somalida itoobiya ee S.D.R.P(Somali democratic repuplic part) ,waxayna taasi ka dambaysay khilaaf murugsan oo dhawrkii bilood ee u dambeeyey ka dhex-oognaa siyaasiyiinta somalida ee xisbiga ka taliya kililka 5aad ee itoobiya .

 

Marka laga yimaado 12-ka xubnood ee xisbiga laga eryey waxa is-na si weyn loo gilgilay ismaamulka somalida mudane C\rashiid Duullane Rafle , ka dib markii uu qaar ka mid ah waayey awoodo badan oo uu ku lahaa xisbiga dhexdiisa .

 

Intii u dhexaysay horaantii bishii jananweri ilaa dabayaaqadii febarweri 2002, waxa casasumadda itoobiya ee Adi-ababa shir uga socday xisbiga S.D.R.P. ee ka taliya kililka 5aad , dhirkaana waxa lagaga wada hadlay khilaafaadkii u dambeeyey ee ks dhex-aloosmay siyaasiyiinta somalida kililka 5aad , waxaana hadda kursiga madaxeynenimada kililka 5aad ku fadhiya madaxweynihii 7aad muddo 10 sanno ah ,iyadoo ay taa ugu wacantahay khilaaf gaamuray iyo xasilooni daro siyaasadeed oo mar qudha ka jimcin wayday geyiga kililka 5aad .

 

Werye Maxamed-Rashiid oo Haatuf ka tirsan , dabayaaqadii toddobaadkii horena ka soo laabtay socdaal uu muddo dhawr toddobaad ah ugu maqnaa dalka itoobiya ,gaar ahaan magaalooyinka Adis-ababa iyo Jigjiga ayaa warbixin nooga diyaariyey guud ahaan xaaladaha kililka 5aad , murug siyaasadeed oo naafeeyeey geyigaa iyo isku dhacyadii u dambeeyey ee siyaasyiinta somalida itoobiya ,wuxuuna warbixintiida ku bilaabay:

 

“ Madaxweynaha kilika 5aad ee ismaamulka somalida itoobiya C\rashiid Duullane Rafle ayaa 25-kii jananwei 2002 soo saaray wareegto uu shaqada kaga fadhiisiyey 7 sarkaal oo xilal sare ka hayey xisbiga S.D.R.P iyo dawladda kililkaba,waxyna toddobadaa xubnood ka mid yihiin 12-ka xubnood ee lag eryey xisbiga ka taliya kilika somalidu degto ee itoobiya , iyadoo uu madaxweynaha kililku talaabadan qaaday wax yar ka dib markii laga soo dareeray shir muddo bil iyo dheeraad ah Adi-ababa uga soxday xisbiga S.D.R.P.

 

Khilaafkan u dambeeyey ee xisbiga ka taliya kililka somalida itoobiya ,inkasta oo uu muddo soo jiitamayey hadana waxa uu markii u horayasay cirka isku shareeray ka dib markii xubno xisbiga ka mid ah lagu soo eedeeye musuqmaasuq iyo lunsi hanti qaran ,taas oo keentay inuu xisbigu si weyn u qaybsamo ,una kala jabo labo qaybood oo ay qaybi taabacsantahay madaxweynaha ismaamulka C\rashiid Duullane iyo qayb taabacsan madaxweyne-ku-xigeenkiisa Aadan C\laahi.

 

Jinaaxa madaxweyne ku xigeenka taabacsan oo aha aqlabiyadda badan waxa ay damacsanaayeen inay madaxweynaha talada ka tuuraan . Haseyeeshe inkasta oo ay mucaaradku wax gilgileen hadana waa lag gol-roonaaday waxaana xilalkii ay maamulka ka hayeen iyo xubinimadii  xisbigaba dibedda laga dhigay 12 xubnood oo ka mid ah raggii taabacsanaa madaxweyne ku xigeenka oo uu isaguna ka mid yahay, iyada oo ay shan xubnood oo 12-kaa ka mid ahi xilal sare ka hayeen dawlada dhexe ee federaalka Itoobiya, halka ay toddobada kale xilal ka hayeen dawlada Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha Kililka 5aad, inkasta oo uu ka badbaaday in kursiga madaxweynenimada laga tuuro, haddana wuxuu waayay laba mansab oo uu ka hayay Xisbiga, kuwaas oo kala ahaa guddoomiye ku xigeenka Xisbiga iyo xubin guddiga sare ee fulinta Xisbiga ah.

 

Marka laga yimaado madaxweyne ku xigeenkii, ragga kale ee la eryay waxa ka mid ah Wasiirkii Waxbarashada Kililka 5aad Cabdi-waasac Muxumed Mahdi iyo Badhasaabkii gobolka Goday Cabdi-casiis Sh. Maxamed iyo afar sarkaal oo xilal sare ka hayay Xisbiga qaybtiisa is-maamulka, kuwaas oo kala ah; Cabdi Aadan (Raaxo) (Arrimaha Bulshada), Cabdi Cali Shagax (Arrimaha Maaliyadda), Cabdi Ismaaciil (Arrimaha Tabobarada) iyo Cali-Gurey oo xibin ka ahaa Golaha Dhexe.

 

Shirka uu Xisbigu ku yeeshay Addis-Ababa, wuxuu socday intii u dhaxaysay horraantii Jenuary ilaa daboyaaqadii February 2002, waxaana shir-guddoon ka ahaa Cabdil-majiid Xuseen oo ah Wakiilka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Xisbigana ka tirsan iyo Maxamuud Dirir oo ah Guddomiyaha Xisbiga, isla markaana ah Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta ee dawladda Federaalka Itoobiya.

22-kii February, oo ah laba maalmood kadib markii uu xidhmay shirkii xisbigu ayuu Cabdul-majiid waraysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada Itoobiya, wuxuuna yidhi; “Shirka waxa lagaga wada hadlay sidii meesha looga saari lahaa khilaafaadkii ku dhex jiray iyo sidii wax loogu qaban lahaa bulshada, waxaana la is yidhi waa inay meesha (talada) timaado ciddii diyaar u ah inay bulshada wax u qabato, waxaanuna samaynay aragti wax lagu dhisi karo, iyada oo uu is-jiid-jiidad muddo 10 sano ah u dhaxeeyay siyaasiyiinta maamulka haya keenay dib-u-dhac weyn oo aan xataa ilaa hadda la qaban doorashooyinkii Tuulooyinka iyo Degmooyinka Kilalka 5aad, taas oo aanu shirki ku go’aaminay in dhakhso loo qabto.”

 

Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta dawladda Federaalka Itoobiya ahna guddoomiyaha Xisbiga SDRP Maxamuud Dirir, ayaa isna 25 January oo ahayd maalintii uu madaxweynaha Kililku shaqada ka joojiyay 7da xubnood ee laga eryay Xisbiga ka taliya Kililka 5aad, waxa uu yidhi; “Madaxweyne is-haysiga Soomaalidu waa noocaa, waxayna faa’iidada laga helaa tahay in xilal lagu waayo oo qudha.”

 

Khilaafkan u dambeeyay maaha markii u horraysay ee uu khilaaf iyo iska-horimaad dhex maro siyaasiyiinta iyo maamulayaasha xisbiga ka taliya Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya. Hase yeeshee laga soo bilaabo tan iyo markii ay dawladda Itoobiya qaadatay habka Federaalka oo hada laga joogo muddo toban sano ah, Kililka Soomaalida waxa ka oognaa khilaafaad iyo qalalaase siyaasadeed oo mar qudha saldhigi waayay, waxayna taasi keentay inay muddadaa tobanka sano ah kursiga madaxweynenimada Kililka 5aad iska beddelaan ilaa 7 madaxweyne, halka ay is-maamulada kale ee gobolada Itoobiya meesha ugu badan muddadaa tobanka sano ah soo mareen laba madaxweyne.

Tusaale ahaan, Kililka 5aad sannadkii 1997-kii, waxa ka dhacay isbeddelkii ugu naanaysta badnaa, kadib markii hal mar xabsiga loo taxaabay, xilalkiina laga qaaday dhammaan madaxdii dawlada Kililka 5aad, taas oo ku timid iska-hor-imaad ba’an oo ka dhex oogmay.

 

Khilaafaadka iyo muruga siyaasadeed ee muddadaa tobanka sano ah mar qudha ka bixi waayay hoggaanka Kililka 5aad iyo guud ahaan siyaasiyiinta Soomaalida  Itoobiya, waxa uu mujtamaca Soomaalida ah ee degaamadaa ku dhaqan dhaxal siiyay dib-u-dhac weyn oo la xidhiidha dhinacyada dhaqaalah, nabadgelyada, bulshada iyo jahawareer siyaasadeed, waxaana dadkaa naafeeyay macalluul iyo horumar la’aan, taas oo kentay inuu Kililka 5aad ee Soomaalidu degto, ka mid noqdo gobollada Itoobiya ee loogu yeedho gobollada dib-dhacsan, oo ay Canfartu ka mid tahay, iyada oo ay naanaystaasi ku raacday horumar la’aanta iyo dhibaatooyinka dhaqaale, ee haysta bulshada degaamadaa.”

…………………………………………..

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Haddii la Maro Jidkii Tii Hore Waa Cawaaqib-xumo

“Waxaa laygu xidhay shar-cidarro”

W

axay ahayd fiidnimo ah oo sacaadu tahay 8:30 taariikdu tahay 2/3/2002 waxan joogay xaafada jig-jigyar markii laba askari I qabteen anigoo taagan wadada qarkeeda waxay igu yidhaahdeen waanu ka shakinay, waxa si degdeg ah la ii saaray gaadhi boolisku leeyahay, waxa gaadhiga I saaray laba askari waxaana saarnaa afar askari waxa markiiba laygu bilaabay qori dabadii iyadoo lay gaadhsiiyay jugo aad u badan.

 

Haddaba, anigu kama xumi wixii I gaadhay, laakiin waxaan aad iyo aad uga xumahay ku tumashada qaawan ee sharciga iyo dastuurka, iyadoo ay meel kadhac ku tahay xuquuqda muwaadinka iyo jiritaanka bulshada. Maan samayn wax dambi ah, markii lay qabtay, waxan kaliyoon sitay raadyow kuwa dhegaha ah. Waxaan kaloon aad ula yaabay, qof aan waxba geysan oo lala dhaco qori dabadii.

 

Haddaba, waxaa aad u nasiib-darro ah oo wax laga murugooda ah oo waxaan bulshadu geyin ah, in la soo nooleeyo wixii bulshadu ka dooratay darxumada ee u lumisay shaqo iyo aqoonba, waayo bulshadani waxay soo martay dhibaatooyin farabadan, taas oo ay ku bedesheen Xorriyada iyo dimuqraadiyadda, markaas haddii la marin habaabiyo dimuqraadiyadda xorriyatul-qawlka oo lagu gefo sharafta muwaadinka, waxaa dhaawac ku iman doonaa wadajirka iyo xasiloonida. Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa; “Dawlad xumo dawlad la’aan bay dhaantaa,” waxaa weeye idinkaa dalka dawlad u ah, xilbaana idinka saaran ammaanka iyo nabadgelyada ummadda, laakiin haddii sifo khalada loo maro waa nasiib-darro, waana mid gef ku ah bulshada rayidka.

 

Waxaan dawladda leeyahay, yaan laga been sheegin dimuqraadiyadda, laguna gefin xuquuqda muwaadinka. Waxaa la yidhi, lugtu hadday Jeeniga dhaafto way jabtaa. Waxaan kaloon iftiiminayaa in dhalinyarada Somaliland ay yihiin, kuwo dulman oo ay ka muuqato diciifnimo iyo rajo la’aan, waayo dhalinyarada Somaliland boqolkiiba sagaal iyo sagaashan way shaqo la’ yihiin (99%), boqolkiiba sideetan ma haystaan waxbarasho (80%), Caafimaadka iskaba daa. Waxaa soo dhan waxaa ka sii xun, loolanka Siyaasadeed ee maalin walba joogga iyo is-barbar yaaca aan mucaarid iyo muxaafidtoona loo danayn ummaddan.

“Tolow goormay umadani nabsi-bax heli.”

Mohamed Axmed Hurre

……………………………………………………………………………………….

 

Maqaamkii Gabooyaha Maxaa loo Maroorsaday?

 

A

nigoo ah muwaadinka magaciisu hoos ku xusanyahay kana mida muwaadiniinta ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland degan magaalada Hargeisa waxaan qaylo dhaan iyo cabasho u soo jeedinayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL. Waxa jirta in ay jiraan tabashooyin ay beeshu tabanayso, taas oo ay hore ugu muujiyeen Saxaafadda Madaxabannaan, wax laga qabtayna aanay jirin, sidaa daraadeed waxa dhacday in maqaamkii beeshu lahayd ee Sh. Muuse Maxamed ee ku yaalay Xaafadda Sh. Nuur, beeshuna ku siyaartaan Sheekhii ay ka tafiirmeen, una ah meel muhiim ah oo ay aad u tixgeliyaan, kana midda maqaamada Somaliland, iyada oo ay ku dhisan yihiin laba qol oo maqaam ah malcaamad iyo berked-biyood weyn, ayaa waxa dhacday in maamulka dawlada hoose, gaar ahaan degmada Gacan Libaax, Gudoomiyihii hore ee degmadaasi uu sifo aan sharci ahayn u bixiyay lix baloodh oo ka mid ah, dhulkii maqaamka oo aanu ugu talo-galnay in aanu ka dhisno Masaajid iyo Malcaamad aanuna hawsheedii gacanta ku hayno, iyada oo uu arkayey  Gudoomiyuhu dhiska Berkedda iyo hantida ma-guurtada ah ee ka dhisan meesha, wakhtigaas oo ay ehelkii maqaamka iyo muriidkuba uu ku maqnaa xerada qoxootiga ee Aw-Barre, iyada oo uu Gudoomiyihii hore siiyey saddex Caaqil oo ka tirsan Cuqaasha ka diiwaan-gashan Wasaaradda arimaha gudaha.

 

Waxa ayaan-darro ah in Cuqaasha ka hortegi lahayd dhul-boobka iyo xad-gudubkaba ay ku dhiiradeen, kana qayb-galeen dhulboobkaa xaq-darrada ah ee maqaamka Sh. Muuse oo aanu u aragno ku xad-gudub iyo dulmi laga galay beesha.

 

Waxaanu cuqaasha xusuusinaynaa in maqaamku la mid yahay, maqaamada awliyada ee ka dhisan Somaliland, lans xuquuq yahay, sida maqaamada Sh. Nuur, Sh.madar, Sh. Cayngal Sh. Muuse, oo aanu aaminsanahay in aan ninna damcayn dhulka maqaamada kale. Haddii aad han yaraysanaysaan maqaamka Sh. Muuse, wuxuu la mid yahay maqaamada Somaliland.

 

Waxaan si naxariis leh uga codsaynaa, hay’adaha ay khusayso sida; dawlada hoose ee Hargeisa, Wasaaradda arrimaha gudaha in wax laga qabto dhulboobka lagu sameeyay maqaamka, ayna cuqaasha faraha ka qaadaan dhulka xaqdarrada lagu siiyay cidii u baahana waxaanu tusaynaa hantida ma guurtada ah ee ka dhisan maqaamka. Waxa kaloon aaminsanahay in tabashada beesha aanay cidina dhagaysan oo aan dheg loo dhigin wax laga qabtaana aanay jirin, sidaa daraadeed waxaan codsanaynaa in tabashada beesha wax laga qabto, waxaanuna jecelnahay in la siiyo mudnaanta iyo tixgalinta ay leeyihiin maqaamada kale, loogana xishoodo sida looga xishoodo maqaamada kale ee Somaliland.

Xasan Sh. Maxamed Aw cali

Gudoomiyaha beesha Gabooyes

………………………………………………………………………………………..

Waxaan la hadlayaa Dadka Moodaya meel lagu Xafiiltamay in lagu kala tegey

 

A

niga oo ah nin Somalilandera oo inbadan qurbaha ku noolaa,aad iyo aadna u bohol-

yoowbay oo jecel inuu dhulkiisa hooyo ku soo noqdo uu ku nasto inta noloshiisa ka

hadhay, aad ayaan uga xumahay waxyaabaha xafiiltanka siyaasadeed ah ee had iyo jeer ama jaraa'idku qoraan ama idaacaduhu sheegaan ee maanta ka taagan dhulkeena.Taas oo nacabka iyo si xun wax u waduhu ka faa'iidaysanayaan, maan gaabna qaldi karaysa.

 

Waxaanay ii la muuqatay inaan warqadan soo qoro oon bal yara bayaamiyo arimo loo baahan yahay in la ogaado,si ay u kala cadaadaan wadooyinka iyo wadiiqooyinka la marayaa,aniga oo rajaynaya inay dadka moodaya meel lagu xafiiltamay in lagu kala tegay dawo u noqoto. Nacab iyo xuma-talis ahina ku quustaan.

 

Marka hore, wadan kasta oo aduunkan korkiisa jiraaba wxuu dawlad ku yahay ama ku noqdaa arimahan soo socda,oo lagu ictiraafaasan yahay ama lagu ictiraafaa :-

1- Dhul xuduuddaysan oo la yaqaano.

2- Dad ku nool xuduudda dhulkaas (Shacbi)

3- Madax ay doortaan dadkaasi (Xukumad)

4- Distoor uu dalku yeesho.

5- Calan u gaar ah.

6- Lacag u gaar ah.

7- Ammaan lagu suggo dalkaas.

 

Waa Eebe mahaddiiyoo intaaba waynu leenahay, oo waynu samaysanay,halgankeennii

dheeraa ee dhiig iyo dhaqaaleba loo huray dabaddii. Hadaba,dhulku isagu waa ma guuraan

oo ha yaraado ama ha badnaadee khayraadka ku jira ayay dadka iyo xukuumadduba ku

nool yihiin. Taas oo tilmaanta heer dhaqaaleedka wadanka.Inana waynu ku dul noolahay, heer dhaqaalaadku siduu doono ha ahaadee.

Laakiin hadaan kala qaado shacbiga iyo xukuumadda, mid waliba wuxuu leeyahay waajib iyo xuquuq u gaar ah. Aan ku horeeyee Xukuumadda waajibkeeda iyo xuquuqdeeda waxa ka mid ah:-

Waajib  

Inay sugto ugu horayn amaanka dalka oo dhan.

Inay cadaalad ku shaqayso oo ay musuq iyo maasuqba tirto.

Inay shacbiga ka dayac tirto dhinaca nolosha sida (Caafimaadka,Wax-barashada,

     Biyaha, Laydhka, Wadooyinka, Beerah iyo wixii la mid ah). Dalka meel walba.

Inay shaqooyin u abuurto dhalinyarada dugsiyada ka soo baxay iyo kuwa suuqa iska

    Jooga een waxba haynba.

5- Inay dhaqaale u samayso dalka si uu isku filaansho u gaadho.

6- Inay aduunka ku xidhiidhiso dalka oo aanay meel ku oodin.

7- Inay dhowrto xuquuqda qof waliba leeyahay oo ay qiimayso shacbiga.

Intaasi waxay ka mid tahay waajibka xukuumadda saaran ee faraha badan,waana inta ugu muhiimsan ee dadku ka sugayo inay suura geliso xukuumaddu intii kartideeda ah.

 

Xuquuqda

Inay ka hesho dadkeeda tayo iyo taageero buuxda.

Inay hesho ilo dhaqaale sida cashuurta oo la bixiyo.

Inuu shacbigu ixtiraamo fuliyana distoorka la ansixiyey.

Inuu shacbigu u dul-qaato duruufaha kolba taagan.Waayo waxaynu dawladnimada

ka bilawnay unuggii ugu horeeyay oo waxba la'aan ah.

5- In nidaamka ay u dhigto habka nolol maalmeedka la xurmeeyo.

Intaasina waxay ka mid tahay xuquuqda ay leedahay xukuumaddu ee ay tahay inuu shac-

bigu fuliyo ama ku  gargaaro xukuumaddiisa si hagar la'aanna.

Hadaan u galo waajibaadka iyo xuquuqda dadku (shacbigu) leeyahay, waxa ka mid ah

kuwan :-

 

Waajib

Inuu xukuumadda uu doortay, nidaamku doono ha ku doortee, ka danbeeyo.

Inuu ku dadaalo siduu gacan uga geeysan lahaa hormarka la doonayo.

Inuu bixiyo cashuuraha iyo wixii xukuumaddu uga baahato.

Maadaama dalku sabool yahay, inay shaqado u badato iskaa wax u qabso.

Inuu wixii uu diido, dariiqad distoori ah oon nidaamka wax yeelayn ku doono.

Inaannu gargaarin musuq maasaq iyo wixii la hal maala.

Intaasina waxay ka mid tahay waajibka saaran shacbiga ee lama huraanka ay tahay inay hesho xukuumaddu.

 

Xuquuq

Waajibaadka  xukuumadda oo dhami waa xuquuqda shacbigu uu ku leeyahay, waana

inuu helaa dhamaan ama kolba intii suuragal noqota, een hagrasho ku jirin, ilayn "luggi

luqun ma dhaaftee".

Intaa waxa ii raaca, sanku neefle dhamaantii wuxu qirayaa inaynu leenahay wixii looga baahnaa inuu dal madax banaani yeesho oo dhan. Iskamanay imane dadaal iyo isku

duubnaan ayaa lagu keenay taa, oo waynu wada garanaynaa oo ninna looga sheekayn

maayo, kaan garanayna loo sheegi maayo'e wakhtigaa tabo bari doona. Hadaba ilmo dhashay oo markiiba dhaqaaqa lama arag, wax waliba waxuu u baahan yihiin inuu waqti

qaato, innana waxaad mooddaa inaynu degdegayno ooynu doonayno inay wax waliba subax iyo galabteed inoo dhamaadaan. "Hadduu deg degsiiye door dhalay, kaadsiiyana giish lacagga".

Sabir aan yeelano, oo yaanu xawliga u lahashadu inla boodin. Waayo, sidoo macalinkeena suugaanto Mr.Xansan Ganay yidhi"Xalaytaba cawaykii Canabay daruuruhu cimidhbay

ahaayeen, caawana laguma oga waqtigii ku ciiloo, cisiga iyo wanaaguna way is daba

caraabaan".waa is-daba socodkaa aduunyadu hadhka labaddiisa gelin midba gees jiro.

Wixii ina soo maray inteena maanta ka nooli waa inaynu ku fara adaygno, oonay marnaba

Inaga qaloocsamin,si ay inteenii dhimatay "alla ha u naxariistee" een dhadhaminnin midhihii dhiigoodu qabrigai ugu ledaan, inanna cisi iyo wanaag ugu waaro, mustaqbalka ubadkeenuna noqdo mid qurux badan oo aynu inaga ka shaqayno dhulkeena,ilayn cid

kale ina badali mayso'e, oo inooga shaqayn mayso'e, isagoo diyaar ahna la ina keeni maay'e

Mida kale, wanaaga iyo quruxdu waxay ku jiraan kala danbaynteena. In nin walba wixii

loo igmaday lagu xaq dhowro oon la is barbar yaacin la isna yasin ee nin walba lagu qiim-

eeyo wax qabadkiisa iyo aqoontiisa, meel ka dhacna aan la isku samayn.

Qaruumahan hore u maray, waxay halkaa ku gaadheen isku kalsooni iyo iyadoo nin walba

wixii loo diray loo daayay laguna gargaaray siduu xilkiisa u gudan lahaa.

Waxaan warqadda ku soo xidhayaa, waxaan idin leeyahay "An maalo hasheena maan-deeq. Hagoog xumana yeelkadiisa".

Maxamed Cabdi Biikay (Cadami Biikay),

Riyad, Sucuudi Carabiya

E-mail       hassanhaibeh@hotmail.com