SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 48-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Booliska Maraykanka oo toogasho ku dilay nin Soomaali ah

 

M

inneapolis-USA, (AP):- Booliska Minneapolis ee dalka Maraykanka, ayaa toogasho ku dilay Axaddii dorraad nin Soomaali ah.

Marxuumkaas waxa la odhan jiray Qaasim Jeylaani, wuxuuna ahaa 28-jir, sida ay dad qaraabadiisa ahi sheegeen.

 

Koox Boolis ah ayaa hareeraysay, kadibna rasaas ku riday ninkaas oo la sheegay in uu sitay Baange. Hase yeeshee, waxa Booliska lagu eedeeyay inuu ku isticmaalay awood dheeraad ama xad-dhaaf ah, marxuumkaas oo la sheegay in xiskiisu aanu dhammayn oo maskaxda wax uga dhinnaayeen, Afka Ingiriisigana aan garanayn.

 

Ugu yaraan shan saraakiisha Booliska ah ayaa arrintaa darteed la mariyay ganaax shaqo ka fadhiisin oo caadi ah, isla markaana Maayorka magaaladaas Mr. R. T. Rybark, ayaa qorshaynaya kulan uu la yeesho hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo ay kaga wadahadlaan arrinta toogashada.

Boolisku waxa la sheegay in ay isku gedaameen dhawr sekedood, ciidanka iyo dadkii ninkaa garanayayna ay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu tuuro Baangaha iyo walax kale oo bir ah oo uu iyana sitay.

 

Kadib toogashada Jiilaani, Soomaali isu soo baxday ayaa ku qayliyay Booliska iyaga oo cabanaya.

“Ma rumaysan karo inay iyagu falkaas ku kaceen, waayo nin waalan buu ahaa,” sidaa waxa tidhi Amaal Yuusuf oo ah Agaasimaha fulinta ee ururka haweenka Soomaalida.

“Waxay awoodeen inay isticmaalaan rasaasta rabadhka ah ama qiiqa dadka kaga ilmaysiiya,” ayay raacisay Amal, oo gaadhi ku maraysay meesha toogashadu ka dhacday.

Taliyaha Booliska Roper Olson, ayaa sheegay in ciidanku ay u muuqdaan inay u raaceen sharciga sidii uu ahaa.

“Waxaanu haynaa muwaadiniin badan oo dad u werwersan, xaqna way u leeyihiin taas,” ayuu yidhi Olson. “Waxaan ka rajaynayaa inay dib isu qabtaan, ayna sugaan ilaa ay helayaan waxa xaqiiqadu tahay,” ayuu raaciyay.

 

Booliska Minneapolis, ayaa loo furay tabobar ku saabsan sida loola dhaqmo dadka maskaxda wax uga dhiman yihiin, tan iyo markii Boolisku ay toogteen saddex qof oo maskaxda wax uga dhiman yihiin intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2000.

 

Dendell Holley, oo ka mid ahaa goob-joogayaashii arkayay dhacdada ayaa sheegay in Jaylaani uu Baangaha laadlaadsanayay markii uu meesha marayay, balse aanu ku handadayn ama aanu ku waabinayn dadkii agtiisa marayay. Laakiin wuxuu intaa ku daray in Jaylaani uu baangaha ku gujiyay gaadhi Boolisku leeyahay, kadibna intay boolisku ka soo boodeen gaadhigii ay u sheegeen Jaylaani inuu hubka dhigo, markii uu dhegaha ka furaystayna ay u isticmaaleen rasaasta rabadhka ah si ay u xannuunjiyaan uun.

 

“Waxay lahaayeen oo ay u sheegayeen dhulka dhig (baangaha), dhulka dhig,” ayuu yidhi Holley. “Waxay u ekeyd in aanay banaatiikhda u cabbaysanayn,” ayuu raaciyay.

 

Raxma Cali oo iyadu garanaysay marxuumka, lana socotay markuu suuqa u soo dhaadhacayay ayaa sheegtay in Jeylaani aanu u muuqanayn nin garanayay ama u joojinayay qofna dadkii hareerihiisa marayay.

“Waxa keliya oo uu ku hadaaqayay “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, oo uu ku celcelinayay,” ayay tidhi Raxma.

Raxma Cali, waxa ay intaa ku dartay in marxuumku markii Boolisku hareereeyay uu sare u taagay baangihii uu sitay, isagoo ku dhawaaqayay kelmeddaas ‘Allaahu Akbar’ oo macnaheedu yahay Ilaahay baa weyn, kadibna la toogtay.

……………………………………………………………………

 

Madaxweyne Cigaal oo Oggolaaday dib u furidda Diiwaangelinta Ururrada

 

H

arg(Haatuf) :- Madaxweynaha Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa shalay soo saaray xeer uu ku oggolaaday in dib  loo furo diiwaangelinta ururada siyaasadda oo ay hore u meel-mariyeen golayaasha Baarlamaanku.

 

Sida uu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, madaxweyne Cigaal waxa uu xeerkan ku baahiyay dhaqangalka wax ka-beddel lagu sameeyay xeerka N0./4/2000, ee diiwaangelinta ururada siyaasadda qodobkiisa 3aad, faqradda 1aad, kaas oo sida warku sheegay lagu kaabay xubin cusub oo dhigaya in muddada diiwaangelinta ururada lagu kordhiyay laba bilood oo kale.

Dib-u-furista diiwaangelintu wuxuuu dhaqan galay shalay oo madaxweynuhu saxeexay, sida faqraddaa cusubi dhigayso, isla markaana waxa tirsiga muddadaasi bilaabmaysaa marka guddiga diiwaangelintu baayiso ogaysiiska furitaanka.

 

Toddoba urur-siyaasadeed oo kala ah; UDUB, UCID, ILAYS, BIRSOL, UMAD, HORMOOD iyo SAHAN, ayaa diiwaangeliyay muddadii rasmi ahaan ay u furnayd diiwaangelinta ururada siyaasadeed ee dalka, oo ahayd Sept. 20. ilaa Dec. 21.

 

Waxaana ku gacan-saydhay diiwaangelinta ururo dhawr ah oo siyaasadda isu abaabulay, kuwaas oo kadib ku bahoobay isbahaysiga la baxay ASAD (Alliance for salvation and Democracy).

Dib-u-furista diwaangelintana waxa curiyay golaha Guurtida oo ansixiyay January, 2, 2002, kadib markii ay muddo sannad ah dib u dhigeen doorashoooyinka, una kordhiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Golaha Wakiilada ayaa isaguna ansixiyay go’aankaas Feb. 18, waxaana loogu talogalay in fursad loo siiyo isbahaysiga ASAD iyo ururada kale ee is-abaabulaya inay is diiwaangeliyaan.

……………………………………………………………………………

 

Madaxweynaha oo Saxeexay Xeerka La-dagaalanka Mukhaaddaraadka

 

H

arg (Haatuf) :- Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa shalay saxeexay, isla markaana xeer madaxweyne ku baahiyay xeerka la dagaalanka mukhaadaraadka oo ay soo saareen Golayaasha Baarlamaanku.

 

Sharcigan oo ka soo fulay Golaha Guurtida Somaliland, oo uu waajibaadkiisa dastuuriga ah ay ugu waaweyn yihiin arrimaha dhaqanka, diinta iyo nabadgelyada qaranka, waxaana uu u gudbiyay Wakiillada oo isaguna ansixiyay, kadib markii uu dib-u-eegis ku sameeyay isla markaana uu Goluhu xog-warran kala yeeshay hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh la dagaanka mukhaaradaadka.

Sida sharcigu dhigayo xeerkani waxa uu dhaqangelayaa markii uu madaxweynuhu saxeexay oo ahayd shalay.

 

Xeerkan oo ka kooban lix qodob, waxaa uu u qoran yahay xeerkaasi sidan:

 

Qodobka 1aad

MACNAHA EREY-BIXINTA

Maandooriye: Waxa loola jeedaa shay kasta oo isticmaalkiisu beddelo xiska Aadamaha oo keeni kara sakhrad muddo dheer ama muddo gaaban sifo kasta ha lahaadee.

Isticmaalka: Waxa loola jeedaa sifa kasta oo loo qaato maandooriye sida cabbid, qiijin, ursasho, turqin, irbad, shidasho, cunid iwm.

Caadayste: Waxa loola jeedaa qof kasta oo bariinsaday isticmaalka maandooriye oo lagu caddeeyay sida xeerkan tilmaamayo.

 

Qodobka 2aad

REEBANAANTA MAANDOORIYAHA

Beerista, samaynta, ka ganacsiga, soo gelinta, haysashada iyo isticmaalka dhammaan maandooriyeyaashu way ka reebban yihiin gayiga Somaliland.

 

Qodobka 3aad

ISTICMAALKA MAANDOORIYAHA

1.       qofkii isticmaala maandooriye ee ay maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu ciqaabayaa karbaash dhan afartan (40) jeedal iyo lix bilood ilaa hal sano oo xadhig aan iib lahayn ah.

2.       qofkii ku isticmaala maandooriye meel fagaare ah ama dadweynaha u furan ama sakhrad ku muuja meel fagaare ah ama dadweynaha u furan waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan. Waxa kale oo loogu siyaadinayaa ganaax dhan 500,000 Sl.Shillin ilaa 1,000,000 Sl.Shillin oo hadduu bixin waayo loogu beddelayo xadhig u dhigma.

3.       qofku hadduu yahay mid caadaystay isticmaalida maandooriyaha waxa lagu ciqaabayaa karbaash dhan afartan (40) jeedal ama hal sano ilaa laba sano oo xadhig aan iib lahayn iyo ganaax lacageed oo dhan 2,000,000 Sl.Shillin oo haddii uu bixin waayo loogu beddelayo xadhig u dhigma.

4.       caadayste waxa loo aqoonsanayaa qof kasta oo ay maxkamad horteed kaga caddaatay isticmaal maandooriye afar jeer ugu yaraan.

5.       qofkii siiya maandooriye qof da’diisu ka yar tahay 15-jir ama qof xiskiisu dhiman yahay ee maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu ciqaabayaa xadhig dhan saddex sano oo aan iib lahayn iyo ganaax lagaceed oo dhan 1,000,000 ilaa 2,000,000 Sl. Shillin oo haddii uu bixin waayo loogu beddelayo xadhig u dhigma.

6.       qofkii u qariya ama ku khasba qof kale shay maandooriye ah ama cunto ku dara ee dadweynaha u soo bandhiga ee ay maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku xusan faqradda 5aad ee qodobkan.

 

Qodobka 4aad

KA GANACSIGA

1.       qofkii dalka soo geliya ama beera ama sameeya ama ka ganacsada ama si uun u haysta maandooriye ee lagu helo waxa lagu ciqaabayaa xadhig dhan saddex sano ilaa shan sano oo aan iib lahayn iyo ganaax lacageed oo dhan 3,000,000 ilaa 5,000,000 Sl.Shillin oo haddii uu bixin waayo loogu beddelayo xadhig u dhigma.

2.       waxa la baabiinayaa dhammaan maandooriyihii la qabtay, kii la beeray, qalabkii lagu beeray ama lagu sameeyay.

3.       wadaha gaadiidka dalka soo geliya maandooriye nooc kasta oo uu yahay (mid dhul, cir iyo bad) ee ay maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan.

4.       gaadiidka lagu qabtay maandooriye ee ay maxkamad horteed kaga caddaatay waxa marka koowaad lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan 5% qiimaha gaadiidka iyo digniin qoraal ah oo la siinayo mulkiilaha. Marka labaad waxa la ganaaxayaa 10% qiimaha gaadiidka, marka saddexaad waa lala wareegayaa.

5.       deganaha guriga (dhismaha) lagu iibiyo maandooriye ee ay maxkamad horteed kaga caddaato waxa lagu ciqaabayaa ciqaabta ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, iyada oo digniin qoraal ahna la siinayo marka koowaad mulkiilaha guriga, marka labaad ee lagu helo waxa mulkiilaha guriga lagu ganaaxay 2% qiimaha guriga, marka saddexaad ee lagu helo waxa lagu ganaaxayaa 5% qiimaha guriga, marka afraad ee lagu helo waa lagala wareegayaa dhismaha.

 

Qodobka 5aad

BEDELAAD IYO BURIN

Xeerkani wuxuu beddelayaa qodobada 411, 412, 413, 414, 415, 416, 417, 342 iyo 343 ee xeerka ciqaabta guud, waxa kale oo uu burinayaa xeer kasta oo ka soo horjeeda.

 

Qodobka 6aad

DHAQAN-GALKA

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka Baarlamaanku ansixiyo, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland saxeexo.

 

 

 

 

Raadiyoow maqalloocshe

A.A.Garas

 

Halkani waa Raadiyoow Maqalloocshe oo aydin kala xidhiidhaan mawjadaha kala yaryar.

Dhegaystayaashayada dhudhunada yaryarow waxaynu soo gaadhnay waqtigii aanu idin hulluuqsiin jiray, idinna dhegta ka maali jirteen warkii dunida.

Weriyaha maanta warka u biyaystayna waa Mr. Bisad ina Baasto Far ku dhuuqe.

 

Isagii oo kambadhuudha

Xaawiyo Faadumo lagu xusayay maalinta Xaawlayda dunida ayaa lagu qabtay xadrooyin dunida ku yaal.

Bilis, Garoob iyo Guduudley isugu jirta ayaa aroor dhoweyd wishiiri la yimi xadrada Hargeysa ee Khayriyada loo yaqaano, halkaas oo ay ka qabsadeen ciyaar walasaqo ah oo jiib iyo jaanba laysla giraangiriyay.

Xaawalaydaas waxa ciyaarta kala qaybqaatay Duqyaal Guurti ah iyo Ragag kale oo haweenka u dhaxay iyo qaar ay dhaleenba.

Cawaysinkii habeenkaas, ayaa wishiiriga Bilistu lala tegay xadrada madaxkuuska, halkaas oo Afada madaxkuuska ay wada joogaan Bun-saloolkii Xaawiyo Faadumada ku samaysay. Khudbado ay halkaas ka jeediyeen ayay ku sheegeen in haweenku ka il-baxeen shuquladii hore, sida laxoox-dubidda, ciir-lulidda iyo Riyo lisidda, ayna doonayaan inay shuqulada Qoodhu qaban jirtay sida sahaminta, reer-oodista, faanka, Fardo-fuulka, maamulka iyo wax meherinta ay ka qayb galaan, shuquladaas oo tahli-waa mooyaane cid u diiday aanay jirin, waxaana halkaa lagu dhegaysanayay heesta tidhaa;

“Habar yahay la’aantaa,

adduunyadu hubaasihii,

hoog kama baxdenoo...” Maalinta Naagga oo sannad walba dunida laga xasuusto ayaa la sheegay in loola dan leeyahay iska dhicinta inan-rag, siiba kuwa haweenka u haysta nacasyo bilaa xinniinyo ah.

Xafladdaas waxa loogu duceyaa islaamihii Arraweelo, Dhegdheer, Indhiiro iyo Qadiija Warsamadii Siddi-qabaxda soo saartay.

 

Hargeysa

Ceelka Hargeysa ayaa naagaggu raganimo weyn is-taawiyeen, markii ay yeesheen cusbitaal aanu rag shaqo shuqul toona ku lahayn oo dumarka lagaga umuliyo, kaas oo ay iyagu dhisteen.

Dhakhtarkaas oo quruxdiisa iyo qaayihiisa aan hore loo arag, waxa dumarka ugu deeqday naag naago ka tegtay, ragna ay isku jiraan, kaas oo dowladda iyo raggeeduna aanay bilaale ku darsan.

Dhakhtarkaas waxa loogu walqalay maalinta Xaawiyo Faadumada ee 8-da Maaraj, waxaana foorjo iyo wadhi ka raacday inan rag wixii joogay ceelka Hargeysa.

 

Siinbaabi

Dalka Siimbaabi ayaa beryahaaba elegshankii la ildaraa, kadib markii suququl xagga sanaaduuqda ahi soo food saaray.

Warkan oo aan sabbaaxad Siinbaawi kaga keenay wuxuu sheegay in muddo saddex cisho ah qasaawe-salal iyo isdaba qamaan badani ku dhacay dadka reer Siinbaawi, kuwaas oo la sheegay inay codkooda la meehanaabayaan oo ay waayeen hog ay ku ridaan.

Shuqulkan ayaa lagu tilmaamay farsamo uu cimri dherer ka dhiganayo ninka kursiga lagula hirdamayo ee Raage Mugaawi.

Ninkaas oo laba iyo labaatan sannadood dalkaas baastar ka ahaa, kadib markii kiishashka codka lagagala caalwaayay inuu kordhiyo, ee qolyaha mucaaradka ahi ay ooyi gaadheen, ayay maxkamadda sare ku xukuntay sanaadiiq kordhin, laakiin ilaa alaana kuyuugii waa teedsan yahay.

Haddaba, Oday Mugaawe oo raggii arkay ku tilmaamay oday eyni ah oo kursiga ku ilka-dhacsaday, kadib markii laba iyo labaatan sano ka hor uu xukunka ka faramaroojiyay nimanka qodaalka ah ee caddaanka, oo loo yaqiinay Alaynismiidhyadii reer Rooddiidshiya, kuwaas oo Ingiriis-kacii ka hor gobonimada jeebkooda kala baxay oo markii uu xornimada Ingiriisku u soo qaaday ku yidhi, “sorry my cat, we need don’t it.”

Haddaba, dalkan oo ka mid ah dalal Afrikada Oogo, ee aan doorashooyinka iyo shuqul asxaabiga aqoon, ayaa looga baqa qabaa inay dimuqraadiyaddu uga darto.

Isbeddelkana waxa la xiiseeyey dhawr sano ka hor markii boob lagu caseeyay nimanka Faranji ee qodaalka ah ee beeraha Buuriga iyo Khamradu ka baxdo arladaas ku leh. Oday Mugaawe oo aan is idhi waxa lagu haystaa waar maxaad ragga madmadow ragga cad-cad uga celin weyday ayaa u qaadan waayay doorashooyinkan iyo shuquladan cusub, isaga oo laga sheegay inuu yidhi, “gudhu-gudhu gudhuu.. baa gudhuu, oo aan u gartay, maxay doorashada ku falayaan sawtan anigu aan dooranahay maaha.”

Doorashadan lala rafanayo ayaa waxay ka dhaxaysaa nin mucaarad ah, oo magaciisa la yidhaa Shumburo Giraan Moorgan iyo oday Mugaawe oo ka soo jeeda xisbi Udubkiisa.

Oday Mugaawe oo rag aynigii cabiray sheegeen inuu ina Cigaalna ka guunsan yahay, ayaa weriyeyaashii BBC-da ka eryaday dalkaas, balse Maqalloocshe iyo Raadiyo Asli warka ka dhergiyay.

 

Hargeysa

Habar siyaasadda ka ganacsata ayaa dharaar dhaweyd degmooyin  cusub magacawday.

Habartaasi waxay magacaabida ku sababaysay Degmo-barar la sheegay in Shankaroontu baraysatay.

Meelaha habartaasi degmooyinka u magacawdayna waxa ka mid ah; Geedka dheenta (degmo), Geed-deeble (degmo), Laanta Taaloogale (degmo), madaxtooyada deyrkeeda (degmo), Maqaaxiyaha habeen-kaama-tegin (degmo), suuq-duqsiile (degmo), Bancadde (degmo), Karamaan (degmo), Baar-siigo (degmo), Kaam-tuug (degmo), Istaanka Basaska (degmo), Diyaaradda Cawl dabadeeda (degmo cusub), ugu dambayntii habartaasi waxay Gobol u magacawday Bidaarteeda.

Dhegaystayaal maanta gabay yellam! laakiin waxaan idiin hayaa qasiido ama shallaad qiiro miidhan ah, oo uu inoo qaado Sheekh Gadhoose.

Dhinaan,….. dhiidhaan,….. dhiiraan,…… dhariiram:

Maxamed yaa madaxweynahayagiiyoow,

Kurisigii waadigaa fadhiyee ka kici waayee

Xoogaa lacagaa damaaciga kaa xijaabtee,

Karaamada Sheekhu calayhaawaa korkaage

Adaa fadhiyee haddaad doontona ku seexo,

Dhidhiin…dhidhiindhidhiindhin..

Indhaha buuranee dadku waa belaayee,

Kuwaa yar-yar baa siyaasadda lagu arkaa,

Kordhinta sannad keliya waa kadeedee,

Malaha shan sanaa ka sii fiicnaan lahayde,

Kaambaynka Saleebaan walaaloow waa kulayle,

Ka Siilaanyaa qabow bay nagu lahaayeen.

Kuraasta buurbuuran haweenkuba waa geyaane,

Ilaahay maad ka yaabtaanoo yar siisaan.

Idaacadda mawjaddaa dhexe waa tushuushe,

EF-em taasaa dhafoorada kuu safaysa.

Shir-beeleed iyo shaqaaqadu waa qadhaadhe,

Misana sheekh allow mucaaridku maaha gaalo.

Basaasiintu beenta way qoraane inay runta soo bartaan baa la qaatay.

Madaxweynuhu mucaaridka wuu arkaaye, malaa iyaguna isaguunbay arkaan.

 

……………………………………………………………………………………….

 

 

Ciidamo dheeraad ah oo la geeyey Boorame

 

B

oorama (Haatuf):- Odayaal, xubno madax-dhaqameed ah, maamulka gobolka Awdal iyo wefti wasiiro ah, oo gobolkaa u tegay daminta iska hor-imaad u dhaxeeya laba Ardaa oo Isniintii dagaal ku dhexnmaray magalada Boorama, ayaa ku gudo jira dedaal ay xal ugu raadinayaan dhammaystirka shaqaaqadaa. Siduu noo soo tebiyay weriyahayaga gobolka Awdal, Maxamed Cumar, magaalada Boorama waxay weli ku jirtaa xaalad bandoo ah, waxaana magaaladaa gaadhay cutubyo ciidamo ah oo ka tegay dhinaca xarunta Hargeysa, kuwaas oo loogu talogalay adkaynta iyo sugidda ammaanka.

Warku wuxuu intaa ku daray in jawiga magaaladu uu deggan yahay, ciidamaduna ay saqaafayaan qaybaha magaalada.

 

Xallinta iska-hor-imaadkii Isniintii dhacay iyo sababihii dhaliyayna siday wararku sheegeen, waxaa gacanta ku haya furdaamintooda, wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka Dib-u-dejinta Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), maamulka gobolka Awdal, odayaal iyo xubno madax-dhaqameed ah.

Istiintii dorraad ayaa malleeshiyooyin hubaysan oo ka soo kala jeeday laba Ardaa oo aano hore u dhaxaysay oo ka mid ah beelaha Samaroon, ee degaanka gobolka Awdal, uu iska-hor-imaad dagaal ku dhexmaray badhtamaha magaalada Boorama, dagaalkaas oo ay saddex qof ku dhinteen dhawr kalena ku dhaawacmeen.

 

………………………………………………………………………………

Madaxweyne Cigaal oo Guurtida ka Dalbaday in Muddada loo kordhiyo Golaha Wakiillada

H

arg (Haatuf):- Iyada oo Golaha Guurtidu uu hal sano u kordhiyay Madaxweyne Cigaal muddada xilka horrantii January ayaa madaxweynuhu siday wararku sheegayaan wuxuu markale ka codsaday Golaha Guurtida inay sidoo kale muddo kooban u kordhiyaan Golaha Wakiillada oo xilku kaga eg yahay bisha May ee soo socota.

 

Sida uu sheegayo war aanu ka helay ilo muhiim ah oo ku dhow madaxtoyada, Md. Cigaal waxa uu horraantii toddobaadkan warqad u qoray shir-guddoonka Guurtida, taas oo uu kaga dalbanayo in Goluhu muddo saddex bilood ah u kordhiyo wakiillada. Muddadaas oo uu cayimay inay ku dhammaystiraan xeerarka qabyada ah ee doorashooyinka.

 

Madaxweynuhu tan iyo intii muddada loo kordhiyay wuxuu si ku cel-celis ah ugu eedaynayay golaha wakiillada dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinkii la filayay inay dalka ka dhacaan Dec. 20, iyada oo sababtuna tahay xeerarkii doorashooyinka oo wakiilladu dhammaytiri waayeen.

Si rasmi ah daboolka loogama qaadin warka ku saabsan dalabka.cusub ee madaxweynaha oo ilo golayaasha Baarlamaanka ahina ay u xaqiijiyeen Haatuf in ilaa Sabtidii hadalhaynta warkaasi la maqlayay, lana filayo in golaha la horkeeno.

 

Warar kale, oo aan sugnayn ayaa sheegaya in madaxweyne Cigaal uu dib ula noqday soo jeedintiisaa, taas oo la filayo sabab la xidhiidha dhinaca sharciga inuu u hakiyay.

Golaha wakiillada oo muddada xilkoodu ahayd shan sannadood, waxa golaha hadda waqtigaasi kaga egyahay bisha May ee soo socota, isla markaana sida xukuumadda aanay doorasho gole cusub suuroobaynin.

 

Haddaba sida uu sheegayo qodobka 42aad ee distoorka faqraddiisa saddexaad haddii doorashada golaha wakiilladu ku qabsoomi waydo duruufo adag awgeed, golaha hore ayaa xilka sii haynaya intay ka dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo gole cusub. Isla qodobkaas xaggiisa dambe wuxuu go’aan ka gaadhista iyo qiimaynta awood u siinayaa golaha Guurtida, oo qiimaynaysa go’aana ka gaadhaysa kadib marka golaha xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

……………………………………………………………………………………….

 

Xubno ka tirsan Madax-dhaqameedyada Gobolka Awdal oo Xukuumadda ku Eedeeyay in ay ka Baaqatay Xalinta Mushkiladda ka dhacay Boorama

“Maamulka ayaa diiday in aanu Mushkiladda ka hawl-galo, wixii ceebka yimaadaana, iyaga ayaa ka masuul ah”

 

B

oorama (Haatuf): Madax-dhaqameedyada gobolka Awdal ee ka midka ahaa Golihii Salaadiinta

Muranku u dhexeeyay dawladda, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay ka gaabisay, wax-ka-qabashada Mushkiladda dagaal ee u dhaxaysa laba beelood oo dagaal ku dhexmaray magaalada Boorama.

 

Madax-dhaqmeedyadaas oo kala ah, Ugaas Cismaan Ugaas Doodi Ugaas Rooble, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Xasan Xaddi Axmed (Baade), Chief Caaqil Cabdi Aadan Aare, iyo Ibraahim Geedi Muuse, waxay sheegeen in Maamulka dawliga ah ee gobolku iska hortaagay in ay kala dhex-galaan, labadaa beelood oo ka mid ah beelaha gobolka Awdal.

 

Madax-dhaqameedyadaa oo magaalada Boorama ugu waramay Haatuf, ka hor intaanu dhicin dagaalka Jimcihii la soo dhaafay dhexmaray labadaa beelood oo ay saddex qof ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Waxay kaloo Xukuumadda ku eedeeyeen in ay hurinayso Colaad cusub oo ay bulshada iskaga horkeenayso, kaas oo ay ku macneeyeen mid ay ugu qiil samaynayso muddo-kordhinta aan xalaasha ahayn. Intaa kadib, xubnaha Madax-dhaqameedyada waxa su’aalo dhinacyo badan leh waydiiyay, Weriye Saleebaan Gurey oo dhawaan socdaal shaqo ku tegay magaalada Boorama, Waraysigana wuxuu u dhacay sidan:

 

S: Suldaan Ibraahim idinu ka Madax-dhaqameed ahaan, marar badan ayaad ku celcelisaan in aad nabadda u guntan tihiin, Xukuumadduna waxay idinku eedaysaa in aad nabadgelyadda halis ku tihiin. Markaa haddiiba aad nabadda ka shaqaynaysaan maxaa keenay baqdinta ay Xukuumaddu idinka qabto?

J: Wallaahay, Horta anagu halis aanu nabadgelyada ku haynaa ma jirto, naloogana biqi-maayo in aanu waxyeelayno, sidaa aad adiguba sheegtay waxaanu nahay Madax-dhaqameedyo, dadka oo dhammina sidaas ayay u arkaan in aanaan dhib wadin, laakiin waxani waa Siyaasad ay Xukuumaddu ku shaqaysanayso oo ay ku doonayso in ay dadweynaha ku kasbato oo ay ku jiidato, had iyo goorna marka ay Xukuumaddu dan u gaar ah wadato ayay tidhaahdaa, Salaadiinta, Ugaasyada iyo Madax-dhaqameedyada, ayaa fadqalado wada, Xukuumaddaa la minjo-xaabinayaa, si sharci-darro ah ayay wax u doonayaan. Laakiin, waxaasi waa qaar aanay waxba ka jirin.

S: Suldaan, waxaad carabka ku adkaysay Muddo-kordhinta Guurtidu, Xukuumadda u samaysay. Idinku Gole ahaan, sidee u aragtaan Muddo-kordhinta?

J: Arrintaa Muddo-kordhinta ah, hore ayaa dadku uga hadlay, anaguna waanu sheegnay, waxaanu qabnaa in aan Shuruudaheedii la marin, waayo, arrinta Muddo-kordhinta dastuuriyan waxay leedahay qodobo iyo shuruudo. Marka aynu soo qaadano qodobka 83aad, dastuurka Somaliland sida uu dhigayo, marnaba ma waafaqsana Muddo-kordhintan, waannuna ka soo horjeednaa, waayo, shuruudaha ay kordhintu ku ansaxayso, waxaa ka mid ah; in ay doorashooyinku u qabsoomi waayaan qodobba ay ka midka yihiin; dalka oo cadow shisheeye soo weeraro, inuu dilaaco cudur halis ah oo dalka oo dhan saameeyay oo doorashadu ka qabsoomi kari waydo iyo in ay dalka ka dhacaan abaaro. Qodobbadaa midkoodna ma dhicin, waxay Guurtidu cuskatayna, wax sharci ah maaha. Sidaa darteed, waxaanu leenahay, taa ma ogoline ee wixii kale ee xal ah ama wada-tashi ah, hala sameeyo.

S: Haddii nabadgelyo buuxda Gobolkan ka jirto, maxay qabanayaan Ciidamadan Roondada ah ee habeenkii magaalada wareegayaa?

J: Arrimahaasi waa kuwa aanu la-yaabanahay ee aanu Saxaafadda dadka ugu sheegayno, waana kuwa aanu la-yaabanahay ee argagaxa na geliyay, waa arrimaha ay la-yaaban yihiin Shacbiga, dumarka iyo carruuraha xaafadaha magaaladu. Xukuumadda, waxaanu u sheegaynaa in ay khalkhal-gelinta ka daayaan dadweynaha, Ciidamadan dariiqyada la dhigayna ay ka daayaan, waayo; tani waxay dadka ku beeraysaa fikrad ah in aan nabadgelyo jirin.

S: Marka laga tago qoraalada aad Warbaahinta ku baahisaan, idinka Madax-dhaqameedyo ahaan, Xukuumadda ma kala hadasheen waxyaabahan aad ku dhaliilaysaan?

J: Haa! Markay noqoto xagga nabadgelyada, qolyaha nabadda gobolka u qaabilsan waanu kala hadalnaa, gurigan Ugaaska laftiisa ayaanu kaga wada-hadalnay, waxaanuna isla garanay in aanu hormood ka nahay oo aanu kala shaqayno nabadda, mar walbana dhinacayaga heegan baanu u nahay. Laakiin, waxaad moodaa in Maamulku, weli taa ka caga-jiidayo oo aanu doonayn in lala soo fara-geliyo, sugida nabadgelyada, taasina waa ta mar walba dhibaatada keenaysa. Waayo, wax dhibaato ahi ma dhaceen, haddii ay iska kaashadaan Madax-dhaqameedyada oo dadka shacabka ah metelaya iyo Xukuumaddu.

S: Ugaas Cismaan, waxa jirtay in dhawaan mar uu magaalada booqasho ku yimi, Madaxweyne-ku-xigeenku uu isku deyay inuu idinla kulmo oo aad ka wada-hadashaan arrimaha idin dhexyaalla, arrintaasi maxay ku dhammaatay?

J: Madaxweyne Ku-xigeenku magaalada Boorama wuu yimi, waxa ila soo xidhiidhay Duqa magaalada oo Telefoon ii soo diray, iguna yidhi; Madaxweynaha ayaa doonaya inuu kula kulmo oo uu kaala hadlo, arrimaha nabadgelyada iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. Aniguna, waxaan ku idhi; ma xumma bal aan la tashado Salaadiinta kale. Kadibna, markii aan ragii la xidhiidhayay, waxaan ogaaday in mid kasta gooni loola xidhiidhay.

Mar labaad ayuu Maayarkii Telefoon igula soo xidhiidhay, aniguna maan diidine waan ka aqbalay oo waxaan ku idhi; Maadaama aan ahay Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon, sida xeerkeenii dhigayo waa in uu gurigayga iigu yimaado, waayo, Madaxweynuhu wuxuu ka mid yahay dadka aan Ugaaska u ahay, gacmo furana waan ku soo dhaweeyay. Laakiin, nasiib-darro halkii aan jawaab hufan ka sugayay, wuxuu iigu jawaabay hadalo aflagaado ah.

Suldaan Ibraahim, anagu markasta waanu qabnay in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo, laakiin sida naloola soo xidhiidhay waxay ahayd, si dadban oo ay dhaliyeen Maamulka Gobolku. Runtii, Inkasta oo aanay wakhtigani ahayn kii munaasibka ku ahaa in la wada kulmo, haddana waxay noqon lahaydba waxaa dhacday in Salaadiinta qaarkeed, la isku dayay in khasab lagu kaxeeyo inta wakhti aan munaasib ahayn oo habeenimo ah gurigooda loogu tegay. Markii taasi dhacday, waxay noqotay in ay keentay in uu Jawigiiba xumaaday.

Anaguna, sidii aanu horeba u caddaynay waxaanu diyaar u nahay in aanu Madaxweynaha is aragno, Golaha Salaadiinta oo isu dhan aanu Caasimadda ku kulano, oo la isla meel dhigo waxyaabaha la isku hayo, laakiin diyaar uma nihin in aanu si gooni-gooni ah gobolada cid ugula kulano.

S: Ma waxaad leedahay, ma kulmi karaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Madax-dhaqameedyada Gobolku?

J: Maya; taa uma jeedo, laakiin waxaa jirtay qadiyad guud oo u dhaxaysay Golaha Salaadiinta iyo Xukuumadda, kaas ayaanu leenahay halaga wada-hadlo oo halaga horaysiiyo arrimahan gaarka ah ee ay dalbanayaan. Arrimaha gaarka ah ee gobolkana, waxaanu diyaar u nahay in aanu kala hadalno Maamulka Gobolka uga Masuulka ah Xukuumadda.

S: Waa kuma Suldaanka aad sheegaysaan ee gurigiisa lagu weeraray?

J: Suldaan “Baade” Horta aniga Madaxweyne Ku-xigeen iima iman, ilamana soo xidhiidhin, laakiin, waxaa goor habeen badh ah oo Saacaddu tahay 11-habeenimo, gurigayga yimi ninka Maayarka ah ee ina Daheeye, oo aanu naga dhexayn wax wada-hadal iyo wada-shaqayn ahi ilaa muddo Sideed bilood ah, isaga oo uu la socdo nin Kornayl ah oo la yidhaahdo Maxamuud Axmed Yabaal. Ninkaasi, dadkii guriga joogay rag iyo dumarba wuu iska soo jiidhay.

Way fool-xun tahay in Nin aanaan habeen iyo dharaar midna wada hadli jirini, uu wakhtigaa gurigayga yimaado, isaga oo wata Ciidan hubaysan.

S: Marka laga tago shakiga ka dhashay wada xidhiidh la’aantii hore ee adiga iyo Maayarka ma jirtaa caddaymo kale oo muujinaya in lagu qabanayay?

J: Wax war ah kama helin, oo markii ay I waayeen, dib ayay isaga noqdeen, kadibna wakhti ilaa kowdii habeenimo ah ayuu ila soo hadlay oo igu yidhi; waa maxay Filimka aad nagu meteshay. Intaa ayuu hadal noogu dhammaaday, mar dambena cidi ilama soo xidhiidhin, laakiin, waxaan leeyahay arrintu may ahayn Madaxweynaa ku doonaya, balse waxay ahayd Shirqool. Waayo, haddii Madaxweyne Ku-xigeenkii idoonayo ama uu soo diray warbuu igu soo celin lahaa, isaguna sidii buu Hargeysa isaga tegay.

S: Haddaad tihiin Golihii Salaadiinta, Xukuumaddu waxay marar badan idinku eedaysay in aad duminaysaan Qaranimada Somaliland, arrintaa maxaad ka qabtaan?

J: Annagu Somaliland-diid ma nihin ee waxaanu nahay kuwii dhisay, dadkii shanta bilood fadhiyay Iskuulka Sh. Cali Jawhar ee dawladda ku dhisay ee intaa Culaysku dul saarnaa baanu nahay, ilaa haddana sidii baanu u danaynaynaa Somaliland in ay hesho Maamul hagaagsan, nabadgelyo suganta iyo cadaalad. Waxaanu doonaynaa in ay Somaliland hesho, dad aamin iyo isku halayn leh.

Waxaanu raadinaynaa masuuliyadda na saaran in aanu iska reebno, oo aanu xilka na-saaran sheegno, markastana aanu xaqa ku adino. Sidaa darteed, anagu Somaliland waanu aaminsanahay, laakiin, waxaanu ka soo horjeednaa cid kasta oo Maamulka ah, oo laga arko cadaalad xumo, horumar la’aan iyo cago-juglayn, taasina waa mid aanu ku adagnahay, cidna uga haybadaysan mayno.

S: Suldaan Baade, adiga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku, waxaad tihiin isku raas, Suldaana waad u tahay, markaa maxay tahay sababta aad uga hortimi, maadaama aad haysataan Kursigii labaad ee dalka ugu sareeyay?

J: Horta aad baad u mahadsan tahay, laakiin waxaan leeyahay xaqbaa la doonayaaye, xigto la dooni maayo. Xaqa dadweynaha in la sugaa loo baahan yahay, waxaana cid walba u sheegayaa; waar xigto ma jirto ee xaq baa jira.

S: Waxa jira Muran marar badan soo noqnoqda, oo la moodo in aad idinka iyo Maamulka Gobolku aad kala jiidanaysaan talada, arrimahaas maxaa keena?

J: Wallaahi ka Gobolka uun maaha’e, Maamulada waxaanu u haysanaa in ay danaystayaal yihiin, oo aanay dadka waxba u qabanayn. Laakiin, ka ummadda wax u qabanaya anaguna waanu ku taageeraynaa, shacbiguna wuu ku taageerayaa. Kaanu ka soo horjeednaa waa ka leh; “Qaado Shillinka waxna ha u qaban.”

S: Waxa jira dhibaato dhextaal laba reer oo ka mid ah Deegaanka Boorama, taas oo sida la sheegay adna aad ka mid ahayd guddidii ku kala dhex jirtay, markaa miyaad ka baxdeen dhexdhexaadinta, mise waa lagaa saaray?

J: annaga oo magaalada joogna ayaanu maqalay Sanqadha rasaasta, dabadeed gurmad baanu galay oo waxaanu is-raacnay Ciidan isugu jira Milateri iyo Bilays, waxa kale oo gurmadkaa tegey Maamulka Gobolka iyo Degmada ee Xukuumadda. Arrintii anagaa qaboojinay oo kala kaxaynay Ciidamadii dagaalku ka dhex qarxay, intii markaa dhacday oo ahayd qof dhimasho ah iyo mid dhaawac ah mooyee, dabkii waanu qaboojinay. Waxaa nasiib darro ah, in Maayarka iyo Badhasaabka magaalada ay ka dhegga adaygeen, qaylo-dhaantii lagu soo celcelinayay muddo Saddex maalmood ah oo ka horaysay, intii aan shilkani dhicin, markii dambena iyaga ayaa noo diiday in aan hawshii sii wadno, iyagaana u magacaabay cidii ay doonayeen, wixii ceeb ka yimaadaana iyaga ayaa ka masuul ah.

…………………………………………………………………………………

 

Golaha Wakiiladda oo Gudagalay Doodda Miisaaniyadda Sannadka 2002

H

argeysa (Haatuf): Guddiga dhaqaalaha u qaabilsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa Golaha uga waramay qorshaha ku talo-galka ay ee ya ku fadhido Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2002.

 

Guddiga dhaqaalaha Wakiiladda oo muddo ku hawlanaa u dhabo-galka Miisaaniyadda Cusub, ayaa Warbixintooda ku sheegay in Miisaaniyaddan lagu sarjaray tii sannadkii hore ee 2001, sidaa darteedna aanay ku jirin wax kharash oo loogu tala-galay Mashaariic horumarineed, balse ay ku kooban tahay Mushahaar, guno shaqaale, shidaal, raashin iyo wixii la mid ah. Guddidu, waxay qorshahan cusub ee miisaaniyaddan ku tilmaantay mid ku salaysan, dakhli ururina iyo xoojinta waaxda xisaabaadka guud ee dalka, taas oo ay sheegeen in looga dan leeyahay si aanay u dhicin hanti lunsi ku yimaadda dhaqaalaha.

 

Guddoomiyaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda, Md Siciid Cilmi Rooble, oo Warbixin dheer ka akhriyay fadhigii shalay ee aqalka Wakiiladda ayaa sheegay in ay kulamo kala duwan la yeesheen dhammaanba dhinacyada kala duwan ee ay khusayso Miisaaniyadda cusubi ee 2002. Md Rooble, wuxuu tilmaamo ka bixiyay dhaliilo xoog leh oo ka muuqda shaxda Miisaaniyadda iyo qaabka dakhli ururinta oo uu ku sheegay mid kala daadsan oo ku kala xeroota meelo kala duwan.

“Miisaaniyadda sannadkani waxay la kulantay, iyada oo ay xidhan yihiin dhoofkii xoolaha ee laf-dhabarta u ahaa dhaqaalaha dalka, sidaa darteed kama jiraan kharasha loogu tala-galay mashaariic horumarineed, waxayna ku kooban tahay, mushahaar, guno, shidaal iyo raashin,” ayay tidhi Warbixintii.

Warbixinta guddidu, waxay kaloo sheegtay in dakhliga loo cayimay inuu ka soo xerooda Kastamadu uu yahay, Shan iyo Toddobaatan (75) Bilyan oo Shillinka Somaliland, halka dakhliga ka soo xeroonaya cashuuraha beriguna uu yahay Sagaal Bilyan oo keliya.

 

Warbixinta Guddidu, waxay dhaliishay Cashuuraha ay Wasaaraddu ka qaado Shirkadaha Isgaadhsiinta oo ay ku tilmaantay in ay ka hoosayso heerkii loo baahnaa in la gaadhsiiyo. “Inkasta oo ay Cashuuraha gudaha uu ka muuqdo korodh dhan 780 Milyan Sh.Sl, misna guddidu waxay xustay in cashuurahaasi ay intaa  ka badan lahaayeen, haddii Wasaaradda Maaliyaddu ku dedaasho. Metelan, Cashuurta Isgaadhsiintu sannadkii hore ee 2001m waxay ahayd 107 Milyan oo keliya, halka ay sannadkan kor ugu kacday 210 (laba boqol iyo Toban) milyan.

 

Cashuuraha Macaashul-macaashka ganacsigu, sannadkii hore wuxuu ahaa 205 Milyan, sannadkana waxaa la gaadhsiiyay 570 Milyan. Cashuurta kirada Bakhaarada iyo Kaalmaha Shidaalka, waxay sannadkii hore 2001 ahayd 205 Milyan, sannadkana 2002-na waa 510 Milyan,” ayay guddidu ku sheegtay Warbixinteeda.

Guddoomiyahaa Guddida dhaqaaluhu, wuxuu Warbixintiisa ku cadeeyay in Shirkadaha Isgaadhsiinta uu ku baaqday dakhli lacageed oo gaadhaya Afar boqol iyo toddoba iyo sagaashan (497) Milyan sannadihii 1999. Halka ay ganacsatada qaarkood u ku maqan yahay dakhli gaadhaya 8-9 Bilyan oo Shillinka Somaliland ah.

Warbixinta guddida, waxa kaloo lagu sheegay in ay meesha ka maqan tahay, lacagta Cashuurta ah ee laga qaado shaqaalaha Rayidka ah, taasna ay sabab u tahay Xafiiskii shaqada iyo shaqaalaha oo aan shaqayn, lana dhaqan gelin.

 

Qodobka labaad ee guddidu xoogga saartay, ayaa ah xoojinta Xafiiska iyo Xisaabaadka Guud ee Qaranka, waxayna talo ahaan ku soo jeediyeen in wax laga bedelo Shuruucda ay dawladda dhexe ku shaqayso, si loo xoojiyo ururinta dhaqaalaha dalka, in la dejiyo nidaam habaysan oo midaysan, in kastamo la geeyo degmooyinka ku yaal xuduudaha dakhligu ka soo gelaya.

 

Daraasad dheer kadib guddida dhaqaaluhu, wuxuu soo bandhignay in dhibaato ka jirto hay’adaha Madaxabannaan, oo aan xisaabtoodu marin Wasaaradda Maaliyadda, hase yeeshee iyagu si toos ah u hoos taga Madaxtooyadda. Hay’adahaas oo kala ah; Baanka, Madbacadda Qaranka, Hay’adda Wadooyinka, Wakaaladda Biyaha, Dekedda, Hay’adda Shaqaalaha, Hudheelka Hargeysa Club. “Dhammaan hay’adahaasi ma jiraan wax shuruuc ha oo Golaha Sharci dejinta u ansixiyay ama looba soo gudbiyay. Wasaaradda Maaliyadda oo xakamayn lahaydna, waxay odhanaysaa way naga Madaxbannaan yihiin. Hay’adaha lagama hayo nidaam xisaabeed iyo hannaan xalaal ah oo ay ku shaqeeyaan,” ayay tidhi Warbixinta guddidu.

Warbixinta guddidu, waxa kale oo ay caddaysay in aanay jirin cid daba-gasha oo diiwaan gelisa hantida Wasaaraduhu ku isticmaalaan Kharashka ay galaan.

 

Xildhibaan Maxamed Warsame Jiir oo la taliye u ha guddida dhaqaalaha Golaha oo isna Warbixinta halkaa ka jeediyay, ayaa sheegay in ay kala daadsanaan badani ka muuqato, ururinta kharashka iyo in kharashkii loogu tala-galay Gobolada iyo Degmooyinka aanay gaadhin isu-duwayaashii Wasaaradaha, balse ay Hargeysa ku haysataan Wasiiro, taasina ay keentay fiditaan la’aanta Maamulka dalka.

 

“Sannad walba waxaad Miisaaniyadda ku aragtaan iib qalab Xafiis, Wasaarad waliba way soo qorataa, miyaanay Xafiisyadu buuxsamayn. Waxaanu nidhi, waa in la sameeyo cid kaantaroosha. Waa in la sameeyo Bakhaaro lagu kaydiyo. Waxa kale oo sannad walba la iibiyaa baabuur. Waxaa jira dhawr iyo afartan degmo, oo mid kasta loo iibiyo gaadhi, qiimihiisu yahay Toban Kun oo Doollar. Waxaa dheer baabuurta Wasaaradaha, kuwa Wasiiradda, kuwa Agaasimayaasha Guud, iyo Agaasimayaasha Waaxyaha. Lacagta Baabuurta gashay ugu yaraan waxay noqonaysaa 1-5 Milyan oo Doollar, haddana baabuurtaasi cidina ma diiwaan-gelin, cidna uma tirsana,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Warsame.

Warbixinta kadib, guddidu waxay soo jeediyeen talooyin ka kooban 17 Qodob oo la xidhiidha, habka ugu wanaagsan ee loo dheeli-tiri karayo ilaalinta dakhliga dawladda.

 

Miisaaniyadda cusub ee sannadka 2002, waxa la filayaa in dhawaan goluhu ka dooddaan wax ka bedelkeeda, kadibna ay ansixiyaan.

……………………………………………………………………………

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xilkii u kala wareejiyey Guddoomiyaha Cusub iyo kii hore ee Gobolka Togdheer

 

B

urco (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Laahi Cumar Cige, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas, Maxamed Aadan Dheri oo dhawaan iska casilay Jagadaas.

 

Wasiirka Daakhiliga C/Laahi Cadde, hadal uu ka jeediyay Xafladii Xil-wareejinta, wuxuu ka sheegay in aanay wada-shaqayn ka dhexayn Gudoomiyaha Xilka wareejiyay Maxamuud Aadan Dheri iyo Maayarkii hore ee Burco Muuse Cabdi ,waxaanu xusay in taasi caqabad ku noqotay shaqadii Qaranka. Wasiirku isagoo si gaar ah ula hadlaya, Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer iyo Maayar Cusub ee loo magacaabay magaalada Burco, wuxuu yidhi; “Imika Badhasaabka cusub, Maayarka cusub, Taliyaha Qaybta Booliska, waa in Guddigiinaa nabadgelyaddu aad ka midaysnaataan hawsha Qaranka, oo tallo isugu timaadaan. Iska ilaaliya tafaraaruq, aniguna qodobkaasaan idinku koontaroolayaa, haddaad idinku gudihiina is-haysataan, cidna waxba ma tari kartaan.” Wasiirka arrimaha Guduhu, wuxuu intaa raaciyay oo uu ballan qaaday in shaqaalaha Gobolka ay dhakhso u heli doonaan, mushahaarooyinkii oo in muddo ah aanay qaadan.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ka hor, waxaa Xafladdaa ka hadlay Badhasaabkii hore Maxamuud Aadan Dheri, waxaanu halkaa ka sheegay in shaqaalaha Xafiiska Gobolku aanu qaadan wax mushahaaro ah, muddo saddex bilood ah. Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale aanay Mushahaaro qaadanin 106-Caaqil oo Gobolka Togdheer ahi. “In badan baan idinku soo qaylinay oonu ka hadalay dayntaa, markaa iyadoo sidaa isu saaran baan aniguna ku wareejinayaa Cali Cabdi Hurre,” ayuu yidhi Maxamuud Aadan Dheri. Waxaanu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Saddex Nin oo habeen gudaya ayaa Abeeso isu dhiibay, iyagoo geel doonaya oo habeenimo gudaya. Laba markay qaniintay, ayaa kii saddexaad yidhi; waar igala taga. Markaa kolay anigu Cali baan ku wareejiyay, Cali-na Wasiirka Arrimaha Gudaha ayuu ku wareejin doonaa.” Hadalkaa Maxamuud Aadan Dheri, kadib waxaa isna halkaa erayo kooban oo mahad celin ah ka jeediyay Guddoomiyaha cusub ee xilka la wareegay Cali Cabdi Hurre.

 

Xafladdii Xil-wareejintaa, waxa kale oo khudbado ka jeediyay Wasiirka Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Cali, Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer.

……………………………………………………………………………………………………..

 

Badheedhaha Wargeyska

Sidee looga dhabaynayaa La-dagaalanka Mukhaadaraadka?

 

Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu shalay qalinka ku duugay oo uu ogolaaday dhaqan-gelintiisa Xeer lagula dagaalamayo Mukhaadaraadka, ka ganacsigiisa, samayntiisa, isticmaalkiisa haysashadiisa iyo gelintiisaba. Xeerkan oo ka kooban lix qodob, waxaa markii u horaysay soo curiyay Aqalka Odayaasha, kadibna waxa soo diyaariyay Golaha Wakiiladda.

 

Haddaba, iyadoo Xeer noocan ahi uu yahay mid baahi weyn loo qabo, marka la eego sida ba’an ee Mukhaadaraadku ugu batay dalka iyo dhibaatooyinka dhaqan-xumadda ah ee uu dhaxal siiyay qaybo badan oo bulshada ka mid ah, haddana waxaa in lays weydiiyo mudan, sidee buu Xeerkani u noqon karaa mid wax ka tara xakamaynta aafaddaa?

 

Jawaabta su’aashani rasmi ahaan, waa mid u baahan fallanqayn iyo rog-rogis badan si loo helo talooyin dhaxal-gal ah  oo dhaqaajiya xeerkan, si uu u noqdo mid awoodiisu fusho, sababtoo ah way fududahay in xeer Qaran la soo saaro, balse waxaa dhib badan sida uu u tamariyo. Haddaba, si aanu xaalku ugu ekaanin hadal af laga yidhi oo qaran, waxaa muhiim ah in xeerkani marka hore ka dhex shaqeeyo Golayaasha dawladda. Waayo, waxaa badan Masuuliyiin Golayaasha ka tirsan oo loo aaneeyo isticmaalka Mukhaadaraadka, gaar ahaan Khamriga, kuwaas oo qaarkood aanay iska qarin indhaha dadka.

 

Haddii taasi suuro-gasho, waxay u dhowdahay in uu Xeerkani 99%, sidiisa u fullo, haddiise taa la waayo, wuxuu mari doonnaa wadadii ay ku dambeeyeen xeerar badan oo hore oo sidaas oo kale u qoraa, balse aan shaqaynin, kuwaas oo haddii cid lagu fuliyana qabta uun bulshada inta awooda lahayn.

 

Sidaa aawadeed, bal waxaynu eegi doonaa hadba sida loo dabaqo xeerkan, shalay Madaxweynuhu Qalinka ku duugay.

 

…………………………………………………………………………

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Mudane   Maxaa  kaa  Lilaahiya ?

W

axaan maqaaladan kaga hadlayaa shirkii jaraa’id ee uu qabtay Muadane A/qaadir Jirde ee uu xaalada dalka  kaga hadlayay Jimce 01/03/2002 ee ku soo baxay cadadkaasi Wargayska Haatuf.  Murti baa tidhaahda “Ciyi waa ka baryey, ninkii cuney baa ka liita.”

 

Golaha Wakiiladda ee aad k/s gudoomiyaha & gudoomiye ku xigeenka1aad ka tahay sharci dejinta oo ay ahayd inuu dhamaystirto sharciyada qabyada ah ilaaliyana qodobada tirada badan ee dastuurka ee Xukuumadu jabisay. Adigoo golaha xubin muhim ah ka ah haddana hadimada sharci daro ee dalkaa maanta haysata  si weyn ayaad uga qayb qaadatay.  Haddana   shirkaagii jaraa’id waxaad wel-wel ka muujisay sidii loo heli lahaa doorashooyin xalaala (FREE & FAIR  ELECTION) oo ay wer-wer ka qabaan ururada  mucaradku.

 

Mudane, murti baa tiraa “TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFADAA”

Mar hore oo aan maanta ahayn ayaa ka hadalkeeda iyo wax ka qabadkeeduba kuu banaanaa; Waxay Ummadu kuu ogtahay sidii dadaalka lahayd ee aad ugu guntatay hirgelinta aftidii  dastuurka. Balse, hadalkaagii shirka jaraa’id  su’aasha ka taagan ee is weydiinteeda leh ayaa ah maxay ka tahay Mudanaha weedhahan quruxda badan ee ka soo yeedhay? Waxaaan qabaa inaad soo bandhigayso ciyaar siyaasadeed aan ka duwanayn tii Guurtidu soo bandhigtay ee dadka lagu khaldayey, iyadoo ragga ugu cadcad golaha guurtidu laftoodu ay isku maan-dhaafsanaayeen dhex-dhexaadnimadooda, balse wakhtigaa shirgudoonka guurtidu muujiyey arrin maanka dad badan u soo leexisay xaqsoorka ay isku soo dabaaleen guurtidu inuu yahay mid sax ah.

 

Haddaba, waxaan ku xusuusinayaa in ciyaarta noocaas ah la fahamay  waxa ka dambeeya. Waxa la jebiyey qodobo badan oo dastuuriya wax aad ka qabatayna ma jiraan ujeedada salka u ah hadalkaaganna waxaynu u dhaafaynaa taariikhda.

 

Waxa cad in aad soo wadato waxaan ka fogayn fulinta damaca Madaxweynaha. Waayo, waa wadadii wadaadka ayaad haysaa, waxa tusaale inoogu filan codsigii Madaxweynaha ee Muuse Xisbi in duuduub lagu ansixiyo iyadoo Mudane, golahiinu horey u diiday ayaan haddana codsigii Madaxweynaha ku ansixiseen cod aqlabiyad ah. Miyaanay ahayn marag cad in sharci iyo sharci daraba aad fulinaysaan wixii Odaygu idiin yeedhiyo? Mar uun bay kala cadaan doontaa goobta ay isugu biyo shubato mashruucan cusub ee ciyaareed ee aaad soo bandhigtay. Taarikhda iyo wakhtigeedana waan u daynayaa.

 

Waxaanad maanka ku haysaa in Golaha aad ka tirsan tahay masuuliyadeeda leeyahay wixii dhibaato  yimaado ee ay sababeen sharciga la garab maray ee ilaalinteeda idinku aad lahaydeen.

 Waxaan ku soo gunaanadayaa su,aasha ah  mudane A/qaadir ma aaminsatahay in xukuumadu jabisay qodobo badan oo dastuuriya,? Haday haa tahay maxaad maanta iyo mar horaba uga hadli weydey. Maxaase kaa lillaahiya haatan ?

C/Kariim Cabdillaahi (Finiin), Hargeysa

………………………………………………………………………………….        

Cuqaasha Somaliland maxaa kala fadilay?

W

axa jira caaqilada Somaliland in ay qaar qortay dawladii Ingiriisku qaarna ay soo doorteen dadkoodii muddadii wadanka aynu dib u xoraynay, kuwaas oo oo kaalin mug leh ka soo qaatay nabadayntii iyo dhisidii dawladnimo iyo ilaa xorayntii dalkaba. Islamarkaana ay aqbashay Wasaaradda arrimaha guduhu iyo Xukuumadduba, islamarkaana ay haystaanaqoonsi iyo qoraal ay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo suldaanada beelahooduba siiyeen.

 

Sidaas darteed, waxa la-yaab leh in Xukuumadda maanta jirtaa oo ah tii aqoonsatay caaqilada, isla markaana ay kala shaqeeyeen hawlaha dhinaca nabadgelyada iyo dhismaha dalka iyo nabad ku wada noolaanshaha taas oo aanay jirin waxay ku kala duwanyihiin labada caaqil.

 

Haddaba, markii dawladnimadu ay taabo gashay cuqaashani waxay dhaxleen:

1.       Mushahaaro la’aan ilaa intii wadanka la soo galay.

2.       Cadaadis la yidhaahdo Wasaaraddaha dawladdu siiba kuwa ay wada shaqayntu ka dhaxayso, sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ma waxaad tihiin kuwii Ingiriiska mise kuwiii dambe, taas oon meesha le’ekayn.

3.      Iyada oo sannad walba la yidhaahdo ka danbe ayaa la idinku darayaa, markaa qaarna la yidhaahdo Wasaaradda Maaliyadda, ayaa idiin diiday. Sidaas darteed, waxaanu Xukuumadda ka codsanaynaa in arrimahaas aanu kor ku soo xusnay wax laga qabto, si aan u helno xuquuqdayadii sida ka Ingiriisku qoray uu lacagta u qaato anagoo dhib wada qabna, dheefna aan wada qabin.

4.       Baaqaas, waxa soo saaray 26 caaqil oo ka tirsan Gobolka Hargeysa liiska magacyada cuqaasha oo ku lifaaqnaa warqadda, waa kan:

1.      Cabdi Faarax Aaden

2.      Aabi Muuse Cilmi

3.      Xuseen Colaad Jaamac 

4.      Maxamed Xaashi Axmed

5.      Ibraahim Ducaale Shire

6.      Xasan Axmed Cigaal

7.      Axmed Xuseen Maxamuud

8.      Aaden Cabdi Yaasiin

9.      C/laahi Magan Buubaal

10.  Cali Maxamuud Axmed

11.  Axmed Aw Cabdi Jaamc

12.  Axmed Maxamuud Cumar

13.  Cabdi Yuusuf Cali

14.  Maxamed C/laahi Rooble

15.  Cawil Xirsi Diiriye

16.  Maxamuud Aadan

17.  Xasan Cabdi Jaamac

18.  Maxamed Cali Hadi

19.  Maxamed Axmed Xirsi

20.  Dirir Faarax Seed

21.  Maxamed Xuseen Ibraahim

22.  Maxamed Afay Meecaad

23.  Ciise Cumar Cabdi

24.   Maxamuud Cali Ismaaciil

25.  Cali Gahayr Muxumed

26.  Cabdi Yuusuf Cilmi

………………………………………………………..

Jidkee loo Maarayn karaa Khilaafka Siyaasiga ah. Maxaana Keenay?

M

aaha arrin ugub ah in ismaandhaaf ka dhex aloosmo shakhsiyaad, bulsho ama dawladba, iyagoo dareemaya in ay kala leeyihiin danno iska hor imanaya, ama aan is-waafiqin danahaasi oo qolo waliba ama qof waliba doonayo in aanay lumin. Danahaasi oo noqon kara, kuwo muuqda, khiyaamo ama isir, marka loo maro wado khaldan. Inktastoo is-qabsigu la xidhiidho qodobadaasi aan kor ku soo sheegnay, ayaan waxaan yara iftiiminayaa is-qabsiga keenay iyo sida lagaga gudbi karo. Xaaladan ayaa waxaa keenay Wakiiladda la raaciyay danta ummadda oo mugdi ka gashay, hawshii loo soo dirtay ee bulshadu ka sugaysay, isla markaana ansixintii dastuurka ayaa abuuray muran qodobo qabyo ah oo ku jira awgeed.

 

Mar kale ayaa qodobadii loo adeegsaday sifo aan sharci ahayn, waayo, xaaladda qodobka la cuskaday ma ahayn mid taagnayd. Markaa arrimahan dawladdu, waxay u aragtay xalka qudha ee lagaga gudbi karo dayaca ka muuqday hawlaha doorashada ee ay kaga gaadhsiin wayday muddadii loo cayimay Xukuumadda, sidaas darteed Wakiiladdu waxay u muuqdeen qaar hagraday shacabka, kana seexday sax iyo cadaalad u maamulida danta caamka ah ee dalka, si fiicana waxa looga wada dheregsan yahay hawl gudashadooda iyo go’aan qaadashadooda in ay xor u yihiin.

 

Haddaba, muddadan la siyaadiyay waxay soo kordhisay, hanjabaado badan oo la xidhiidha in Xukuumadda wakhtigeedii dhammaaday, xaaraanina xalaaloobi karin marnaba. Haddaba, si wax looga qabto khilaafkan waxaa lagama maarmaan ah in la wado kasbado faham guud oo ku saabsan amuurahan iyo maarayntooda. Marka hore waa in la gartaa, waxa laga hadlayaa inuu yahay dalka, dadka iyo dhacdooyinka. Waayo, cidda dhibtu asiibaysaa waa dadka, si tan looga dheeraadona waa in tanaasulaad labada dhinac isu sameeyaan oo la wada hadlo, waayo “aan wada-hadalno waa aan heshiino.”

 

Ragga iskood isku xilsaarayna laga daayaa af-lagaadada laga af-lagaadaynayo Saxaafadda, mana aha in khilaaf shakhsiyaad ay ka dhigaan mid Siyaasi ah. Si aan uga gudubno dhacdadan taagan, waa in labada dhinac ee Muxaafidka iyo Mucaaridkuba, debecsanaan muujiyaan.

 

Mucaaridku waa in uu sannadkan sida khaldan guurtidu ugula dul kuftay ina Cigaal ay u haneeyaan, “si xeegana xeego u noqoto, ilkana u nabad galaan.” Xukuumadda mudane Cigaalla, waxaan u soo jeedinayaa in ay dastuurka dib u hagaajin ku samayso oo ka saarto, qodobada cid si gaarra ugu danaynaya, doorasho xalaallana loo galo, marka muddadani dhammaato inta ka horeysa, si wada jira loo diyaariyo dhammaan hawlaha qabyada ah.

2. Waa in aad Madaxbanaysaa guddida doorashooyinka, habkan iminkana dib loogu noqdaa. Waayo, helida amuurtani waa habka keliya ee ay ila tahay in lagu qaban karo doorasho xor ah. Haddii kale sidan doorasho ku dhacdaa, waxay la mid tahay toori berkad ku qodid ama wax aan inoo suurto-gelin hadhow marka la gaadho, kadib taladayda haddii ay u muuqato wax lagaga badbaadi karo, dhibay aabo u tahay macangagnimo, sidii horumar ay u keentaa ay adkaan doonto.

 

Shacabku, tirada ha ku darsadaan inta ay ka heli karaan golayaasha, haddii ay u codeeyaan “Afti” si midna loo sugo waa in Baarlamaanka lagu guraa dadkii dhiigoodii iyo dheecaankoodii dalka ku waraabiyay wadaninimaduna biyo dhigtay oo wax walba ka horaysiinaya danta guud, mar walbana u doodda sidii mushahaarka loogu kordhin lahaa askarta, shaqaalaha iyo macalimiinta oo aan ugu horaysiin tooda gaar ahaaneed, sida dhacda marka miisaaniyadda la ansaxinayo. Dalku xagga Golayaasha ayuu ka dumay.

C/Laahi Cali Xasan (John), Hargeysa

…………………………………………………………………………..

Deegaanka
Dhaqaalaynta Ciidda iyo Biyaha

Cumar Daahir Cumar

S

i loo ilaaliyo deegaanka, waxaa qayb muhiima ka ah ilaalinta ciidda ay ka baxaan dhirta dabiiciga ah iyo kuwa aynu beerano, sida raashinka, doogga iyo geedaha ay quutaan xooluhu ee aan ka helno cuntada daruuriga ah, sida: Hilibka, Caanaha, Subagga iyo Haragga. Intaa waxa u dheer iyadoo gaadiid ahaan loo isticmaalo, xoolaha qaar ama qayb weyn oo ay ka qaataan hawlaha qodaalka beeraha, qaabka loo dhaqaaleeyo ciidda iyo kan biyaha, waxaa ka dhexeeya xidhiidh.

 

Ciidda, waxaa laga dhaqaaleeyaa nabaad-guurka uu keeno biyaha roobka ee socda, inta qulqulaysa ee aanay ciiddu awoodin in ay kaydsato, socodkaas oo qaadda labeenta sare ee ciidda oo muhiim u ah dalagyada la beerto iyo dhirta dabiiciga ahba.

 

Saameynta uu yeelan karo nabaad-guurka biyuhu sababaan, ama loo yaqaan Jeexjeexyada, laagaha ama dooxyada, waxay u kala duwan yihiin kolba qaabka loo beero dhulkaas, qaabka uu dhulku dabeeciyan u samaysan yahay, iyo kolba farsamada la isticmaalo, si looga hortago, loo yareeyo nabaad-guurka carrada ee ay biyuhu keenaan. Waxaa muhiima in la kordhiyo awooda biyo isticmaalka carradaas, si loo yareeyo biyaha dul cararaya ee keenaya nabaad-guurka.

 

Dhinaca kale, biyaha dheeraadka ah waxaa loo saamayn karaa jaho duwis, inta aanay soo gaadhin dhulka uu nabaad-guurku saameeyay. Waxaa kale oo la isticmaali karaa Moosas hakiya oo keena fursad ay biyaha ciiddu ku qabsato ama yareeya xawliga uu ku qaadayo ciidda waxtarka leh. Waxa iyana la isticmaalaa Qotimo la gudbay, si ay biyahana u sii daayaan ciiddana uga reebaan. Waxaa iyana la isticmaali karaa jaranjarooyin dhagaxyo la habeeyay ah oo nasiya biyaha.

 

Nabaad-guurka ay dabeyshu sababto, isagu wuxuu dhacaa marka ay carradu qallalan tahay ee aanay rays lahayn, marka waxaa loo baahan yahay in ay beertu ris leedahay iyo raysba, si looga badbaado. Inta badan Keymaha dhiraysan iyo dhulka leh bur-cawseedka, kama dhaco nabaad-guurku, hase yeeshee marka dhulka laga jaro dhirtii ku taalay sababo badan awgeed, sida: iyadoo laga dhigayo beer oodan, ama la dhuxuleysto ama loo goosto qoryaha dergedaha lagu dhiso, ayuu nabaad-guurku saameeyaa.

 

Beerta rista leh iyo beerta bannaan, marka uu roobku ku wada da’o, si kala duwan ayuu u saamaynayaa beerta bannaan ee ciideeda aanay waxba ku daboolnayn; doog, caws, dhir gaagaaban ama dhir dhaadheer. Dhibicda roobku, waxay kala furtaa isku dhiskii ciidda oo ay biyahaasi qaadaan, ciidda oo si xad dhaafa loo beero ama xoolaha oo si xun u daaqa, ayaa iyana dhiiri-gelisa nabaad-guurka ay biyuhu sababaan.

Nabaad-guurka ciidda ee ay biyuhu keenaan, wuxuu maraa heerar kala duwan, sida wadiiqooyin yaryar, jeexjeexyo, qowraaro, dooxyo waaweyn oo intaasiba meesha ka saara dhul lahaa ciid ay ka bixi jirtay dhir iyo midho faa’iido u leh dadka iyo xoolahaba.

 

Samaynta nooca carradu ay ku leedahay Carro-guurka

 Nooca ciidda ayaa arrin muhiima ah ama caawin karta nabaad-guurka ama adkaysi u yeelan karta, sida carrada madow ee hore loogu sameeyay nafaqada dabiiciga ah, waa mid u adkaysan karta nabaad-guurka biyaha, carrada marka horeba furfuran ee u dhow bataaxa ee ay kku yeelatay nafaqada dibiiciga ah, waa mid u fudud nabaad-guurka.

Nooca carro madowda ee aan lahayn nafaqeyn furfurta, si biyuhu u galaan iyana way u nugushahay carro-guurka.

 

Haddaba, nafaqada dabiiciga ahi ma aha mid beerta looga keenayo meel kale ee waxa weeyi, caleemaha, laamaha, jiridaha geedaha ka baxay, ciidda oo dib ciidda beerta loogu carro rogo ama god yar nooca Compost loo yaqaano oo loo diyaariyo beertana dib loogu daadiyo, ayaa leh faa’iidada aan soo xusnay.

Guud ahaan nafaqada ciidda oo hoos u dhacda, ayaa ka mid ah sababaha keena nabaad-guurka ciidda. Haddaba, si looga hortago carro-guurka, waxaa loo baahan yahay in dhulka loo naqshadeeyo la isuna raaciyo qaabka uu isu raacayo, qayb walbana loo isticmaalo ujeeddada ku haboon sida; beero, daaqsin iyo dhir waaweyn. Qayb walba dhulkaas ah waa in laga hirgaliyaa shaqooyin ka farsameed ee dhulka ka dawaynaya nabaad-guurka hore ugu dhacay ama ka hortagaya nabaad-guurka soo socda.

Tan saddexaad, qayb walba oo dhulka ka mid ah waa in lagu isticmaala qaab beereedka ku haboon ee aan keenayn nabaad-guur.