SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 49-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf Newspaper, Issue 49, Date: March 15, 2002

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Si Cad U Taageeray Goonni-isu-taagga Somaliland

H

argeysa (Haatuf): Ra’iisal Wasaraha dalka Itoobiya, Meles Zenewi, ayaa markii u horaysay si cad u taageeray qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland, isla markaana shaaca ka qaaday in Somaliland ay ka taliso dawlad xalaal ah oo maamusha dhulkeeda, taas oo uu xusay in ay la leeyihiin xidhiidh ballaadhan oo dhinacyo badan ah.

 

Ra’iisal Wasaare Meles Zenewi, waraysi dheer oo uu la yeeshay Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad, wuxuu si faahfaahsan ugaga hadlay sida uu u arko qadiyadda Somaliland, iyo arrimaha Soomaaliya ee dhinaca Dib-u-heshiisiinta. Ra’iisal Wasaare Meles, mar wax laga weydiiyay in Somaliland ka qayb-galayso Shirka Nayroobi iyo in laga reebay, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Inta badan waxaa dhacda, marka lagu guda-jiro arrimaha dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, xaaladda Somaliland waxaa laga dhigaa mid gaar ah. Dad arrimaha Soomaaliya indha-indheeyaana waxay aaminsan yihiin, marka la xalliyo dhibaatada Soomaaliya inteeda kale, markaas ayuun bay tahay in loo galo arrimaha Somaliland, iyadoo ay tahay waxa la isticmaali karaa in wada-hadal loo furo markaa Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale. Waxaan aaminsanahay in xeeladdani tahay, mid hadda la isticmaalayo, horena loo isticmaalay.”

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, mar wax laga waydiiyay xidhiidhka ay Itoobiya la leedahay Somaliland, wuxuu sheegay in ay la leeyihiin xidhiidh ballaadhan. Isagoo arrintaa ka sii hadlayana, wuxuu yidhi; “Somaliland waxa ka jirta, dawlad xalaal ah oo dhul aad u ballaadhan ka talisa, isla markaana xasilooni ku soo dabaashay dhulka ay ka taliso, maadaama aanay jirin wax kale oo ka wanaagsan oo lagu doorsadaa. Fikradda dad badan ayaa ah in xasiloonida goobtaa ka jirta oo la dhiiri-geliyaa ay cid walba faa’iido u tahay in laga caawiyo taliska Somaliland, in uu la dagaalamo argagixisadda Caalamkana, waxay faa’iido u tahay cid walba.” Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Xidhiidh ganacsi oo weyn, ayaa in badanba u dhexeeyay Somaliland iyo Gobolka Soomaalida Itoobiya, si lagu joojin karaana ma jirto. Waxaanan u aragnay in ay muhiim tahay in aanu ganacsigaa ballaadhino oo ka dhigmo mid sharciyaysan.”

 

Mr. Meles Zenawi, isagoo xidhiidhka dhinaca ammaanka ee ay la leeyihiin Somaliland, ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxaanu hore ula yeelanay xidhiidh dhinaca amniga ah, waxaanu ka caawinay ogaanshaha kooxaha argagixisada ah. Waxaanu la wadaagnay sirta, waanuna la wadaagi doonaa mustaqbalka.”

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Inkastoo aanaan u aqoonsan Somaliland Wadan Madaxbannaan, haddana arrintani waa mid ku saabsan nolol. Waayo, Somaliland xad  baanu wadaagnaa, waxaanuna arrimaha kula tacaalnaa si xeel-dheer.” Mr. Meles, mar la weydiiyay sababta ay markaas u aqoonsan la’ yihiin Somaliland, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Waa su’aal ay dad badan oo ka yimi dhulkaa ka tirsan Soomaaliya in badan na waydiiyaan. Anagu Itoobiya haddaanu nahay arrintaa, waxaanu u aragnaa in ay tahay, mid uu ka dambeeyo dedaal firfircoon oo lagu doonayo Gooni-isu-taag iyo Madaxbannaani. Anaga dastuurkayaguna, wuu ogolyahay arrintaa. Dadka reer Somaliland, waxay sheegayaan in anagu aanu ogolahay Soomaalida Itoobiya in ay goostaan, haddii ay doonaan, balse iyagu fursad taa la mid ah aanay haysanin, maadaama ay wadan kale ka tirsan yihiin. Anagu, waxaanu ugu jawaabnaa shuruucdayada, anaga ayaa samaysana, cid xadkayaga ka baxsana kuma khasabno.”

 

Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi, wuu ka sii hadlay arrintaas, waxaanu yidhi; “Su’aasha kale ee lays waydiin karaa waxay tahay gobolada kale ee Soomaaliya, sideebay u arkaan Somaliland? Waxaan u arkaa in qof kastaba ay la xuntahay in loo arko inuu sabab u noqdo kala go’a Soomaaliya, haddii ay gobol ka mid ah Wadanka u aqoonsadaan mid ka Madaxbannaan Wadanka intiisa kale. Arrintani aad ayay u khusaysaa Itoobiya lafteeda, maadaama ay Madaxdii Talisyadii hore ee Itoobiya, Soomaaliya ka lahaayeen hadafyo iyaga u gaar ahaa oo aan faa’iido u lahayn Shacabka Soomaaliyeed. Arrintani waa mid u taallaa dadka Soomaalida ah, haddii ay aqoonsadaan Somaliland-na, anaguna waxba kama qabno oo waan aqoonsanaynaa, balse waa inuu marka hore ka yimaado Soomaalida, aqoonsiga Somaliland.”

…………………..

 

Ergadii Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska oo Ka Soo Ambabaxay London

L

ondon (Haatuf): Ergo ka socota jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa Arbacadii ka soo ambabaxay magaalada London, iyaga oo ku soo jeeda dalka Somaaliland. Weftigan oo aan xubnihiisa la cayimin waxa hoggaaminaya guddoomiyaha jaaliyadda ama bulshada Somaaliland ee ku dhaqan cariga Ingiriiska (Somaaliland Society UK) Mr. Maxamed Axmed Xirsi, waxayna isku dayayaan in ay dhex-dhexaadiyaan Xukuumadda iyo mucaaridka Somaliland ee khilaafka adagi u dhexeeyo. Ergadani waxay jaaliyaddu go’aamisay inay dirto toddobaad ka hor waxaana ay daba joogaan dedaalkii uu dhawaan dalka gudihiisa ka bilaabay siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ee uu doonayey inuu ku dhexdhexaadiyo xukuumada iyo mucaaridka ka soo horjeeda, kaas  oo hakaday markii Xukuumaddu shuruudo ku xidhay sida  ay jaaliyaddu ku sheegtay war-murtiyeed ay dhawaan ka soo saareen. Ergadani, waxa ay sheegeen hindisaha Axmed Silaanyo, in ay u arkaan mid albaabada u furay wadahadalka marhaddii labada dhinac ee mucaaridka iyo xukuumadu aqbaleen in la wadahadlo.

 

Guddoomiyaha ururka ilaalinta dimoqraadiyadda Somaliland fadhigiisu yahay London ayaa isaguna Haatuf u sheegay in weftiga Ergada ahi intii aanay ka soo ambabixin London ay kulan ballaadhan u qabteen jaaliyadda Somaliland halkaas oo laga soo jeediyey talooyin door ah oo ku wajahan xaaladda dalka. Weftiguna ballanqaaday tallooyinkaas in uu hordhigi doono Madaxweyne Maxamed X. ibraahin Cigaal.

 

Ergadani waxa ay xoogga saarayaan sidii labada dhinacba u xaqdhawri lahaayeen dastuurka khilaafkana wadahadal iyo tanaasul loogu dhammayn lahaa.

…………………………………………………………

 

Wakiilka Hay’adda Al-Xaramayn ee Geeska Afrika oo Shaki Geliyay Go’aanka Maraykanku ku Xayiray

 

H

argeysa (Haatuf): Wakiilka Hay’adda Al-xaramayn Al-khayriya ee Somaliland iyo Somalia Dr. Cumar Idriis Shaamaay, ayaa shaki ka muujiyay in ay hay’addooda tahay, ta ay warar soo baxay maalintii Salaasadii sheegeen inay Xukuumadda Maraykanku ka xayirtay Maaliyadda laba Xafiis oo ay ku lahayd hay’addaasi dalalka Soomaaliya iyo Boosniya.

 

Waraysi aanu la yeelanay Dr. Cumar Idriis oo haataan ku sugan Hargeysa waxa uu intaa ku daray inay jiraan hay’ado kale oo sita magaca Al-xaramayn walina aanu si rasmi u soo gaadhin wax arrintaa ku saabsani, balse ay ka maqleen uun qalabka warbaahinta, sidaa darteedna uu shaki ka qabo in ay hay’addoodu tahay ta xayiraadda Maraykanku ku soo rogay.

Inkasta oo ay Hay’addu Xafiisyo ku leedahay dalal badan, haddana xayiraaddani waxay ku egtahay dalalka Soomaaliya iyo Boosniya, iyada oo uu Maraykanku ku eedeeyey in ay maal-gelin u fidiyaan argagixisada. Eedayntaas oo uu Dr. Cumar Idriis si xoogleh u beeneeyay, isaga oo sheegay in aanay wax xidhiidh ah la lahayn ururada la sheegay, balse ay hay’adoodu tahay mid samafal oo ka shaqaysa in ay kaalmo geysato dadka baahan, sida agoomaha, fuqarada iyo dhisida ceelalka biyaha, masaajidada iwm.

 

Mar uu ka hadlayey hawlahay ka hayaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sheegay in ay dhinaca Soomaaliya hawlaheeda ka bilaabeen 10 sano ka hor markii uu burburkii dhacay, balse ay hawl-galkeeda Somaliland bilaabeen lix bilood ka hor hawlahay ilaa iyo had qabteenna ay ka mid yihiin kaalmaynta agoomaha dhisida masaajidada iyo kaalmo ku saabsan ciidii adxada oo ay qaybiyeen xoolo. Mar la weydiiyey in ay ruqsad ka haystaan Xukuumadda Somaliland iyo sababta ay mudada dheer dib ugu dhacday hawlgalkooda Somaliland. Waxa uu cadeeyay in ay ruqsad ka haystaan dawladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Qorshaynta, Diinta iyo Awqaafta iyo Arrimaha Gudaha. Sababtii dib u dhacana, wuxuu eedeeda saaray dadka reer Somaliland oo uu sheegay in aanay u hawl-gelin soo jiidashada iyo wargelinta hayadaha samafalka ee islaamiga ah iyo hay’adaha laftooda oo uu ku dhaliilay sida ay uga gaabiyeen ogaanshaha dadka reer Somaliland.

“Sidaas darteed ayaanu u sii laban-laabaynaa hawlahayaga Samo-falka ee Somaliland, Xukuumadda Sucuudiguna waxay nasiisay ruqsad aanu kaga hawl-gali karno Somaliland, iyada oo og in aanu hawlo Samofal ka wadno halkan,” ayuu yidhi Dr. Cumar Idiris.

………………………………………………………………..

 

“Salaadiintu Shir-beeleed ayay Aaminsan yihiin, Anaguna Siyaasadda Uma Ogolin”

Badhasaabka Awdal – Waraysi Khaasah

 

B

oorama (Haatuf): Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne), ayaa ka waramay xaaladda nabadgelyada Gobolka oo uu ku tilmaamay mid aad u degen.

Badhasaabka oo waraysi khaas ah siiyay Weriye ka tirsan Haatuf, shan cisho ka hor intii aanu dhicin dagaalkii dhawaan magaalada Boorama ku dhexmaray, laba beelood oo ka tirsan degaankaasi, oo ay u dhaxaysay utun hore.

 

Afweyne, waxa kale oo uu sheegay in ay xasiloon tahay xaaladda Siyaasadeed ee Gobolku, isla markaana ay magaalada wada joogaan Mucaarid iyo Muxaafidba. “Waxaa gobolka ka jira taageerayaal badan oo Xukuumadda raacsan iyo kuwo kale oo Mucaaridka ah, laakiin waxaan odhan karaa boqolkiiba 90%, waa dhinaca Xukuumadda,” ayuu yidhi Badhasaabku.

 

Inkasta oo uu Afweyne, mid aad u deggan ku tilmaamay, haddana wuxuu sheegay in ay mararka qaarkood ay gobolka ka dhacaan fal-dembiyeedyo, iyada oo marmarna dad lagu dilo.

Badhasaabka oo ka waramay xaaladda dhaqaalaha gobolka, ayaa cadeeyay in ay saamayn oo hoos-u-dhac ah ku yeelatay tallaabadii xoolo joojinta, wuxuuna intaa ku daray in aanay wakhtigan gobolka ka socon hawlo Mashaariiceed, marka laga reebo laba Mashruuc oo kala ah, mid biyo gelin ah, oo laga hirgelinayo magaalada Boorama iyo Mashruuca dib-u-dhiska wadada isku xidha Boorama iyo Dilla.

Intaa kadib, ayuu Weriyuhu su’aalo ka waydiiyay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin; Siyaasadda, Nabadgelyada, Arrimaha Bulshada iyo Arrimo kale oo ka mid ah waxyaabaha ku xeeran xaaladda guud ee gobolka. Waraysigiina, wuxuu u dhacay sidan:

 

S: Dhawaan, waxaa magaalada yimi wefti Itoobiyaan ah, kulamona waad wada yeelateen, Maxaad ka wada hadasheen?

J: Wuu jiray Weftigaasi, waa mid ku salaysan xidhiidhka wada-shaqayneed iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya labada gobol, wax hadda uun bilowdayna maahee, ee 1995kii, ayaan aniga oo badhasaab halkan ka ah, aanu bilowday xidhiidhkan iskaashi ee xaga nabadgelyada iyo is-xaqdhowrka Jaarnimo ee u dhexeeya labada gobol ee Awdal iyo gobolka Jig-jigga ee Is-Maamulka Soomaalida, oo uu Gudoomiyihii Maamulku halkan noogu yimi.

Waxaanu kulankaa ku sii xoojinaynay, ilaalinta Cashuuraha, laba Toddobaad kadibna kulan labaad ayaanu yeelanaynaa.

S: Maalmahan dambe, waxaa magaalada ka taagan colaad u dhaxaysa, laba beelood oo wer-wer cabsi leh Shacbiga ku riday, arrintaa miyaad furdaamin kari waydeen?

J: Arrintu way socotaa oo Ninbaa la iska dilay, waana dhaqan Soomaaliyeed marka cid la dilo in guurti loo saaro. Guurtidii baanu u saarnay hawshii qayb way dhamaysay, wixii u dhimana way dhammayn doonaan, haddii Eebbe yidhaahdo. Welise Magtii lama kala qaadan, waxaana taagan dood uu dhinac ka soo celiyay go’aanka Guurtida, waxayna leeyihiin waxaa jiray Xeer noo dhexeeyay ee imika ha naloo dilo. Hase yeeshee, ma jirto wax nabadgelyo xumo ah oo hadda u dhexeeya labada beelood. Waxa kale oo jirta in qolada wax tabanaysaa ay guurtidii ku tidhi, Xukunkani nama qancine ee guddida wax ha laga bedelo, iyadoo taasi jirto ayuu Madaxweyne Ku-xigeenku Boorama yimi, kadibna wuxuu ku yidhi guurtidaa ambiil lagama qaadan karo. Markaa kuwii hayay ayuu ku yidhi, hawshii sii wada oo dhamaystira.

S:; Waxaa soo baxay Warar sheegaya, in Xukuumaddu diiday in ay Salaadiintu kala dhex galaan beelaha is-dilay arrintaa Maxaad ka ogtahay?

J: Arrintaasi adeer ma jirto, Guurtida iyada ayaa is-xilqaantay maalintii falku dhacay ay labadii beelood kala joojiyeen, sidaas ayay ku abuurantaye mid Maamulku sameeyay may ahayn. Anaguna Mucaarid iyo Muxaafid midna maanu tilmaamin, laakiin cidda leh maxaa la iigu garan waayey, iyada ayay u taallaa.

S: Axmed waxaa jira warar sheegaya in arrintaa lafteeda aad isku maandhaafteen adiga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku, kadibna aad isku casilaad u gudbisay Madaxweynaha, arrintaasi miyaanay jirin?

J: Maya! Walaal ma jirto wax is-casilaad ah iyo waxaanu isku afdhaafnay Madaxweyne Ku-xigeenka midkoodna.

S: Waxa jirtay in aad idinka iyo Madax-dhaqameedyada, qaarkood aad isku afdhaafteen soo dhawayntii Weftigii Itoobiya ka yimi, taasina ay keentay in Maayarka magaaladu uu Weftiga hortiisa kula dagaalamay Ugaas Cismaan, markaa xidhiidhkiinu waa sidee?

J: Anaga, sida ballanku yahay, horena waanu u wada shirnay Salaadiinta, iminkana wixii war ah waanu ka wada soconaa, Maamulka gobolkana way u hogaansan yihiin, fikrado ay aaminsan yihiin way jiraan, laakiin intaanu ka wacdiyi karno waanu ka waaninaa, nabadgelyadana, waanu ka wada shaqaynaa, danaha guud ee gobolka waanu ka wada shaqaynaa, laakiin waxaanu ku kala duwannahay, iyagu (Salaadiintu) shir-beeleed bay aaminsan yihiin, anaguna hawlahaa Siyaasadeed ee Shir-beeleedka ah uma ogolin, laakiin hawlahooda Madax-dhaqameednimo way u Madaxbannaan yihiin.

S: Waxaa jirta, Siduu isaguba sheegay in aad isku daydeen in aad xidhaan Suldaan “Baade” oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada aad sheegtay in aad kala fikradaha tihiin?

J: Hore ayaan su’aashaa uga jawaabay, Suldaan Baadena lama qabanayn, waxay ahayd Shirarkayagii hore ayay Salaadiintu na-yidhaahdeen, nagama qayb-gelisaan kulamada Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiradda Gobolka u dhashay aad la yeelateen markay gobolka yimaadaana, berigaas ayaanu ka ballan qaadnay in aanu isu geyno weftiga ugu horeeya ee gobolka yimaadda. Hadda markii Madaxweynuhu yimi, ayaan anigu u soo jeediyay inuu la kulmo Salaadiinta, wuuna iga aqbalay. Labadii kale Telefoono ayaan kula xidhiidhay, Suldaan Baade waanu waynay, markaas ayaan u diray Duqa magaalada iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, labadooda ayaa aqalkiisa si caadi ah u tegey, taas ayuu in la qabanaya moodaye’ waxba may jirin.

S: Haddii aan arrinta la sheegayo wax ka jirin, Maxaad wakhtigaa habeenimada ah ugu dirteen Ciidanka?

J: Ina’adeer, Tobankii habeenimo ayay ahayd, Taliyaha Ciidankana way iska soo horjeedaan, marka qaab beeleed loo eegona labada ninba Suldaan buu u yahay, ragga isku beesha ahina 10-ka maahee, kowda habeenimo ayay isu tagaan.

S: Haddii aynu dhinac kale uga wareegno, mudooyinkan dambe waxaa magaalada ku soo batay dhalinyaro kooxo ah oo habeenkii magaalada rabshado ka sameeyo, arrintaa miyaad xal u waydeen?

J: Horta Gobolkan uun maahee, Hargeysa haddaad tagto waad ku arkaysaa Ciyaal is-eryana, arrinta ciyaalkuna mid Siyaasad ah maaha, mid qabiilna maaha, waana dhalinyaro kooxo ah, xeerna waxay u leeyihiin, haddii mid ka baxo kudladii uu ku jiray in laga qaado 40-kun oo ganaax ah, markaa waxay suuqa er-eryadaan kuwii ka baxay ee wacyiga fahmay. Kuwaana Bilayska ayaa tallaabo ka qaadayoo, qaar ka mid ah soo xidh-xidhay, guud ahaanna waxaanu rajaynaynaa in ay si dhakhso ah u dhammaato.

……………………………………………………………….

 

Dr. Jane Mocellin (UNDP/SCPP) Iyo Barnaamijkeeda Wax ka Qabashada Cudurada Dagaaladu Keenan

H

argeysa (Haatuf): Dr. Jane Mocellen oo ah haweenay khabiir ku ah cuduro Nafsadeedka Bulsho ee ku dhaca inta badan dadka ay dalalkooda dagaaladu ka dhaceen, ayaa shalay Siminaar maalin ah u qabatay 19 Weriye oo ka kala socda Jaraa’idka, Idaacadda iyo TV Somaliland ee Madaxbannaan iyo kuwa dawladda.

 

Siminaarkan oo lagu qabtay xarunta Hay’adda UNDP/SCPP ee magaaladan Hargeysa, waxaa lagaga hadlayay, sidii ay Saxaafaddu uga qayb qaadan lahayd Barnaamij wax lagaga qabanayo Cudurada Maskaxeed, nafsadeed iyo Bulsheed ee ku dhaca dagaalyahanada dhulkooda ay dagaaladu aafeeyeen.

Tababarkan oo uu furay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland, Mud, Cabdilaahi Maxamed Ducaalle, waa kii ugu horeeyay noociisa ee lagu qabto Somaliland.

Dr. Jane, ayaa ka codsatay ka qayb-galayaasha tababarkan in ay casharada ay ka faa’iidaystaan Siminaarkan ay si waxtar leh ugu gudbiyaan dadka ay naafaysay Cudurada Maskaxda iyo kuwa Nafsadeed ee ay sababaan dagaalada sokeeye iyo waxyaalooyinka ka dhasha.

 

Dr. Jane, waxaa kale oo ay sheegtay in ay saamayn doonto, Sahan ay bartilmaameed u yihiin dagaalyahaniin xiliyadii colaada ee Somaliland, Sahankaas oo ay ku tegi doonto magaalooyinka Berbera, Burco, Boorama iyo magaalada Hargeysa, waxaa lagu diyaarin doonaa warbixin ay Dr. Jane ka saamayn doonto, Mashruuc wax lagaga qabto dhibaatada Maskaxda ee gaadhay dagaalyahanada Somaliland.

 

Sahanka, waxaa iyana qayb ka noqon doona wareysiyo lala yeelan doono ehelada dadka ay dhibaatooyinka xanuun ee Maskaxda ku dhaca iyo kuwa nafsaaniga ahi ay soo gaadheen.

Guud ahaan, Somaliland oo dadkeedu ay soo mareen caddaadisyo Xukuumadeed, Cabudhin, xadhigyo, Jidh-dil iyo dagaalo isuma ciirsato ah, waxaa qoys iyo qof ula soo darsay murugooyin iyo haliso dhaliyay waali, qulub, nafsad-jab, iwm oo ku dhaca inta badan halgamayaashii SNM, dablaydii kale ee ka soo horjeeday iyo kuwii dagaalada qabaa’ilka.

Xanuunada (Psychosocial) Maskaxda, Nafsada, iwm, waa kuwa aad ugu badan bulshada reer Somaliland. Dagaalyahanada reer Somaliland ee xilligii halganka ayaa ah halka ay ugu badan yihiin Masiibada xanuunada maskaxda iy qulubku, kadib markii ay la kulmeen daryeel la’aan, xurmo la’aan iyo mararka qaarkood in ay halgankii ay naftooda u hibeeyeen uu ku keeno takoor bulshada dhexdeeda ah oo aanay filayn. Waxa hubaal ah in haddii uu hirgalo Barnaamijkan Dr. Jane wado inuu soo celin doono rajada mustaqbal ee tiro badan oo halgamayaashii ka mid ah.

 

Dhibaatada Cudurada ku dhaca Maskaxda iyo Nafsada oo sii kordhaya xilliyada dagaalada kadib, waa mid saamayn weyn ku yeelatay qoyskasta oo qof ka xanuusanayo.

Dhinaca warbaahinta, barnaamijyada Wacyi-gelineed iyo talooyin Caafimaad oo loogu gudbiyo bulshada reer Somaliland, ayaa waxtar weyn iyo taageero u noqon karta, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada.

………………………………………………………….

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Barnaamijka Golaha Guurtida Somaliland

Guurtidu iyada oo ahayd wax jira dabeeciyan, marka dib-u-eegis lagu sameeyo qaab dhismeedka iyo dhaqanka sooyaalka ah ee bulshadeena, haddana muddooyinkan dambe waxay la hana-qaadaysay koritaanka arrimo bulsheedka.

 

Marka aynu si gaara u eegno ilaa la-soo noqoshadii madax-bannaanida qaranimada Somaliland iyo doorkii Guuridu ka qaadanaysay, wuxuu ahaa marka aynu si kooban u macnayno hay’adda degaanka ugu muhiimsanaynd ee bulshadu u aqoonsanaysay hormoodnimo.

 

Mutaysiga arrintaasi oon dad badan ka qarsoonayn, waxay ahayd astaan dabiici ah oo gudanasay xil ballaadhan oo lagu tilmaami karo doorkii nabadgelyada iyo siyaasadda.

Arrimahaasi aan sida kooban u xusnay iyo kuwo kale oo tusaale loo soo qaadan karaaba waxay inoo muujinayaan doorkii hawlaha Guurtida iyo waqtigii ina soo dhaafay.

Si kooban haddii aynu u macnayno hawlihii kala duwanaa ee Guurtida waxaynu soo qaadan karnaa:

1.       Haloosigii iyo abaabulkii la soo noqoshada madax-bannaanida, iyaga oo ka turjumaya dareenkii iyo rabitaankii shacbiga, isla markaana waxay u soo bandhigeen Golihii dhexe ee SNM, Ajandihii shirka oo ka kooban toddoba (7) qodob.

2.       Xallinta khilaafaadkii siyaasiga ahaa iyo xal-u-heliddii dagaaladii sokeeya ee Burco iyo Berbera, sannadihii 1991 iyo 92, kuwaas oo lagu soo afjaray shirkii nabadeed ee Sheekh, isla markaana lagu gaadhay go’aanadii lagu amba-qaaday shirweynihii dambe.

3.       Abaabulkii iyo qabashadii shirweynihii Boorama ee 24/Jan/1993 – 25/May/1993, kaas oo lagu dhisay dawlad ku hawlgashay, Axdi iyo Barnaamij.

4.       Hawlgalladii iyo dedaalkii dheeraa ee lagaga hortagayay dagaaladii sokeeya ee dhacay, kaasi oo aynu ku macnayn karno isku-day ama tacab aan lagu guulaysan. Iyada oo sidaas ah haddana dedaalka Guurtidu ma joogsan, waxa socdawy hawlgallo iyo muxaawilooyin isdaba joogay, ilaa laga gaadhay dhammaystirkii nabadda ee lagu gunnaanaday shirweynihii 3aad, balse iyada oo Guurtidu niyad iyo ficilba la taagnayd, wuxuun bay ka mid ahayd, qaybna ka ahayd xoogagii ku hawlanaa nabadda.

5.       Abaabulkii iyo qabashadii shirweynihii 3aad ee 15/Oct/1996 – 12/April/97, kaas oo lagu gaadhay nabad, dhisme dawladeed oo leh distoor iyo Golayaasheedii.

Sidaasi darteed fursadaha dambe ee shaqada mustaqbalka taariikhiga ah (historial events) iyo wixii go’aamo soo baxayba iyaga oo qaabaysan ayaa la daabaci doonaa, si ay dhaxal iyo raad-raac ugu noqdaan Jiilalka dambe.

 

GEBOGEBO:-

Marka arrimaha dawladnimo lagu hadlayo Guurtidu waxay buuxinaysay kaalin bannaanayd. Waxaanad moodaysay inay u shaqaynaysay iyada oo kaashanaysay wax-garadka, aqoonyahanka, culimaa’udiinka iwm, kaalin ama door hooseednimo, kaas oo ay qaadan lahaayeen haddii ay jiraan Axsaab waddani ah oo dhisan oo caado ahaan waqtigan casriga ah ku unka dhismahooda dawladnimo iyo barnaamijka ay ku hoggaaminayaan mujtamaca.

Haddaba waqtiga ay inoo ukamaan Axsaabta iyo shuruucdeedu waxay Guurtidu qaadan doontaa xil ka duwan kuwii hore, oo ah mid xaddidan oo Dastuurka ku cad.

Cali X. Cabdi Ducaale (Mudane Golaha Guurtida ah).

…………………………………………………………………………..

 

Cusbitaalka Hargeysa Ceel Uma Maqnee Ma Cid Baanu Lahayn

 

Sida aynu wada ognahay, cusbitaalka  iyo guud ahaanba wax ka qabadka cafimaadku waa xaajooyinka ugu liita ee ka jira dalka. Dadku hadiyo jeer aad bay ugu marmaan sababaha keena dhibaatada.

 Dadka qaar baa waxay u arkaan in shaqaalaha caafimaadku ay yihiin kuwa dhallilaha abuura ee xumaanta leh, taasoo ay ku eedeeyaan in ay ku mameen laaloosh ay si sharci darro ah uga qaataan dadka bukaanka ah, waxna aanay u qaban haddii aan la siin lacagtaas.

 

Haddaba, aragtida kale waxay tahay; dhakhaatiir, shaqaale caafimaad, iyo gargaarayaal ayagii u baahan daryeel kana werwersan daruurigii, ma daryeeli karaan dad maati ah oo xanuunsanaya oo aanay ka haqab tirikarayn qalabka adeegga iyo daawo midna ? Kulankii ay isugu yimaaddeen dhowaan horraantiisii maamulka Cusbitaalka, W/caafimaadka, Madaxtooyada iyo dhakhaatiirta. Kaas oo ku soo baxay shebakadda wararka ee Somalilandnet. (Haatuf) Mar 02 2002, maqaalkaasoo cinwaankiisu ahaa  “Cusbitaalka Hargeysa oo qarka u saaran inuu hawl-gabo”.

 

Dooddii halkaa laysku waydaarsaday waxa ay ku bilaabatay is difaac uu nin walba tiisa difaaco, natijadii shirkaasi waxay ku ekaatay kuna gaba-gabowday “Waraababa waraabe canaanay.

Dhillisha iyo Baylahdan oo aan ahayn mid maanta cusub laakiin  ah mid guun ah oo muddaba soo taxnayd dhawr maamulna soo kala dumaaleen, waxay si toos ah ay u khusaysaa dhibaatooyinkaana mas’uul ka ah Wasaaradda

caafimaadka ee xilka la saaray.

 

 Waynu araganaa inaan Cusbitaalka ceel u qodnayn, waxase is weyddiin leh; ceel yuu u qodnaane ceelalyo ma u maqan tahay ? Maxay u arki weyday dawladdii xilka u dhiibtay Wasaaradda caafimaadka ee dalka iyo dadkaba u ballan qaaday in ay intii karaankeeda ah ay gaadhsiiso si sidan dhaanta ? Ma loo qorsheeyey qorshe u gaar ah caafimaadka, mise kamaba soo hadho madaxda wasaaradda guryahooda quruxda badan iyo gaadiidka gaarka ah ay iskaga taxtaxaashaan? Maxay uga hadli waayeen Ururrada mucaaradka ee diiwaan gashani arrimaha

tirada badan ee noocaas ah, ta kale, illaa hadda may soo bandhigin ujeedooyinkooda iyo cidaha ay u sharraxayaan madaxnimada dalka iyo waxyaabaha ay ku ballan-qaadayaan. Dadweynuhu weli dhagaha ayey u taagayaan si ay u saadaaliyaan mustaqbalkooda foodda ku haya ee ah doorashooyinka madaxa bannaan.

Mucaarad iyo muxaafidba, dadka iyo dalku waa kuwa madaxnimada lagu doonayo, waa in loogu dadaalaa waxyaabaha muhiimka ah ee lama-huraanka ah, aanay ugu horreyso tan caafimaadka, biyaha, korontada, waddooyinka iwm.

Wargeysyadu way ku ammaanan yihiin sida fiican ee ay farta ugu fiiqaan goddoloolooyinka aan loo adkaysan Karin, taasoo tilmaamaysa diimuqraadiyadda dalka ka jirta.

Mohamed Indha-cawl

Riyadh,

E-mail; farahm@Sabic.com

……………………………………………………………………………………………

 

Nabad iyo isbeddel

 

Hordhac

Wax walwal ah kama qabo in mar saddexaad aan ku mutaysto xadhig dulmiya sidii hore iigu dhacday, iyada oo aan baadidoon ugu jiray sidii Somaliland loogu heli lahaa xal ama fikrad ay kaga badbaadi karto burbur qaran iyo khilaafaad baro-kac abuura.

 

Maanta ayuu ii soo dhammaaday xabsi 7 bilood iyo badh ku sinnaa oo aan xabsiga Hargeysa ku xidhnaa. Xadhigaas waxay dawladdu sabab uga dhigtay aniga oo qoraal talo soo jeedin ah u gudbyiyay xubnaha Baarlamaanka Somaliland, kaas oo ku salaysnaa in Somaliland ay hesho isbeddel siyaasadeed oo si nabadgelyo ah u dhaca. Waxaan u arkayay in haddii Baarlamaanku kalsoonida xilka kaga xayuubiyo madaxweyne Cigaal kadibna ay iyagu doortaan madaxweyne iyo ku xigeen cusub qaabkaas oo aan u arkayay inuu dalku ka heli karo isbeddel u dhaca si nabadgelyo ah, laakiin nasiib-darro laba goor oo aan arrintaas ku taageeray Baarlamaanka oo kala ahaa; July 27, 2000 iyo July 1           6, 2001 labada goorba xadhig xaqdarro ah oo qayral-distooriya ayaan ku mutaystay, iyada oo isku-daygii dambe ay xukuumaddu nagaga guulaysatay 38 iyo 37 cod. Si kastaba ha ahaatee, wixii dhibaatooyin ah ee dedaalkaas igu so gaadhay waan ka saamaxay madaxweyne Cigaal, laakiin xaakimkii I xukumay maan saamixin, sababtoo ah iguma aanu xukumin shareecada islaamka, sidaas waxaan u yeelayaa Ilaahay dartii oo keliya.

 

Sida uu sheegay Mudane Cabdiqaadir Jirde, qofkii isku daya inuu danta guud wanaajinteeda tilmaan ka bixiyo waxaa loo yaqaanaa qof danseeg ah hubaashuna waxa weeye haddii danta guud hagaagi weydo inaanay jiri Karin dan gaara. Somaliland weligay xumaan lama doonin dambina kama aanan gelin dadkeyga, kana geli maayo dalkayga. Iminkana halkan waxaan ku xusayaa saaxiibadaydii aanu xabsiga liinta ku wada cabbaynay muddada badan oo ay ka mid yihin Cismaan Awr Liqe, Dr. Dayr, Caaqil Cabdi Xaruur iyo ninka la yidhaahdo Cali Sh. Ibraahim Araaye oo afar sano wasiir ka ahaa xukuumadda Somaliland, ninkaas oo ahaa nin macallin ahaan jiray, isla markaana had iyo jeer ku fikira walaalaynta shacbiga Somaliland iyo isu soo dhaweynta labada shacbiga Somaliland iyo Jabuuti mana filayo inuu yahay nin geli kara waxa lagu eedaynayo ee uu jeelka ugu jiro.

 

Maxaa keena burbur qaran?

Sida ay sheegeen culimada taariikhdu waxay ogaadeen in saddex arrimood ay sababaan burburka ilbaxnimada.

Waxay yidhaahdeen markay bulsho meel deggani ay la kulanto.

1.       masiibo bulsho mel deggen uu ku soo duulo cadow ka xoog rooni ee uu dhulkooda qabsado taladoodana la wareego ayuu qaranku burburaa.

2.       markay bulsho meel deggan uu hoggaanku ka xummaado ayay ilbaxnimadooda iyo dawladnimadoodu burburtaa. Waxay sheegeen in ay 95% qaranimadii hore u burburay ay hoggaan xumo u burbureen, hoggaanka xumi boqol siyaabood ayuu guul-darro ugu horseedaa ummaddiisa, markaa anigu waxaan qaatay in Somaliland maanta hoggaamin xumo ay ka jirto, burburkuna uu boqol dhinac inaga soo food saaray. Qofna si gaara uma nebci kooxna si gaara uma jecli ee dadka oo dhan waxaan la jeclahay wanaaga aan naftayda la jeclahay, Cigaalna dadka aan wanaaga la jeclahay ayuu ka mid yahay.

 

Maanta xalka Somaliland ma ka iman karaa dhinaca Golaha Salaadiinta.

Asalkaba asaaska nidaamka dawladnimo wuxuu ka unkamaa laba dhinac:

Dhinaca dhaqanka ummadda iyo dhinaca diinta ummadda. Dhaqan bulsheedkuna wuxuu leeyahay tiirar hoggaamineed. Markaas dawladnimada xaqiiqada ku dhisan waxa lagu beeniyaa madaxdi dhaqan ahaan bulshadu u hoggaansanayd iyo shuruucdoodii diineed, si da’ aynu wada ogaanay dawladaha reer Yurub waxaa meel sare kaga jira nidaamkooda dawliga ah boqoradii iyo salaadiinta xukumi jiray degaamadooda kala duwan. Dawladaha Carabta iyaguna waa lamid. Haddaba qaramadaasi in ay burburaan waxaa ka hor jooga nidaamkooda dawliga ah ee dhaqankooda ku dhisan. Inaga maxay u dhacday in Suldaamadeenu ay bannaanka ka noqdaan hoggaaminta qarankooda?

Maxaa shurucdeenii diineed la inoogu xukumi waayay?

Dalkeena Somaliland distoorkiisu wuxuu sheegayaa in Golaha Guurtidu ka kooban yahay madax-dhaqameedyada beelaha Somaliland. Laakiin waa la inqilaabay oo maanta wuxuu ka kooban yahay rag suuqa laga soo urursaday. Markaas haddii shirweynaha Salaadiintu ku baaqeen uu yahay mid ku qotoma hagaajinta aasaaskeena dawladnimo oo lagu midaynayo hoggaan-dhaqameedkii xukumi jiray beelaha iyo dawladnimada casriga ah xal wuu keenayaa shirkoodu iyo aas-aaska golahooduba. Mana filayo inay iyagu cid gaara u ololaynayaan sida guurtida maanta jirta.

Waxaan u soo jeediynayaa Golaha Salaadiintu inay ergo ugu tagaan Salaadiinta aan weli fahmin qorashahooda xalka ah ee ay wadaan. Waxaanan ku ammaanayaa sida ay diyaarka ugu yihiin inay cid walba la hadlaan.

 

Gunaanad

Haddii la doonayo dariiq wada tashi furan ku dhisan oo isbeddel nabadgelyo lagu gaadhayo waxaa ugu habboon:

·         in dastuurka wax laga beddelo waxna lagu daro.

·         In markaas kadib beelahu ay ku beddeshaan xubnaha Baarlamaanka cid ay ku kalsoon yihiin.

·         In Baarlamaanka sidaas ku dhismaa uu fadhi yeesho oo ay doortaan madaxweyne iyo ku xigeen cusub. Qaabkan oo ah shirweynihii qaran oo dastuurka la waafajiyay.

Cali Dool Axmed (Qoryoolay).

…………………………………………………………………………………………………………..

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Taariikhda Dawladihii islaamka iyo cahdigii cabbaasiyiinta

Q: 3aad

Qormadeenii toddobaadkii hore waxa aynu kaga soo hadalnay aas-aasayaashii dawladdii Cabbaasiyiinta, gaar ahaana Abuu Cabbaas Al-Safaax iyo Abu Jacfar Al-Mansuur oo iskaga dambeeyay xukunka iyo heerkii ay gaadhsiiyeen dhismihii dawladdaasi ay madaxda ka noqdeen.

 

Maantana waxaynu ku soo qaadan doonaa qaar kale oo ka mid ahaa madaxdii hoggaanka u qabatay Cabbaasiyiinta.

Waxaa labadaa hore ku xigay Al-Mahdi oo uu dhalay Abu Jacfar Al-Mansuur oo markii uu geeriyooday uu ka dhaxlay sannadkii 158-kii Hijirada kuna beegnayd 775-kii Milaadiga.

 

Al-Mahdi waxa uu dhashay sannadkii 126aad ee Hijrada, isaga oo ku barbaaray degmada Al-Xamiima, Aabihii ayaana kula dedaalay waxbarashada iyo saqaafada, kadib markii uu aabihii madax noqday ayuu sannadkii 147-kii Hijrada u cayimay inuu yeesho dhaxalka Boqortooyada, taas oo loo caleemo-saaray sannadkii 158aad ee Hijrada, muddadii uu xukunka hayay oo gaadhaysay 10 sannadood haddii aynu eegno waxyaabihii uu qabtay, marka horeba maamulkiisu waxa uu ku soo beegmay waqti ay xasillooni ka hirgashay dhulkii ay ka talinaysay dawladdiisu, isla markaana ay u kaydsan tahay maaliyad farabadan.

 

Marka laga reebo waxoogaa mucaarad ah oo ku kacay kuwaas oo si dhib yar ugu guulaystay. Taasi waxay u suurtogelisay inuu wax ka qabto hawlihii lagu horumarinayay maamulkii dawladda waxyaabihii uu qabtayna waxaa ka mid ah:

Waxa uu ooda ka qaaday dad badan oo xidhnaa isaga oo ka reebay uun dadka sida xaqa ah u xidhnaa ee galay dambiyo ay ku mutaysteen xadhig, gaar ahaana waxa uu si fiican ula dhaqmay Calawiyiintii.

Waxa uu xil weyn iska saaray ilaalinta xuquuqda dadka dulman oo uu isagu toos u eegi jiray, gaar ahaana waxa uu gurigiisa ka sameeyay daaqad bir ah oo ay dadku ku soo ridaan qoraaladooda.

Si gaar ah waxa uu daryeel ugu fidiyay dadka buka iyo dadka xidhan oo uu siin jiray daryeel gaar ah.

Waxa uu sameeyay goobo lagu nasto oo ku yaala jidka isku xidha Ciraaq iyo Maka si ay ugu raaxaystaan dadka xajka ku socda.

 

Waxa uu hagaajiyay war-isgaadhsiinta iyo boosaha ka dhaxeeyay dawladdii Islaamka.

Waxa uu si ballaadhan ku sameeyay masaajidka Xaramka iyo ka rasuulka CSW, ee Madiina.

Markii muddo xukunka uu hayay ayuu dhaxalka madaxtinimada u magacaabay inankiisii, sidaa darteed waxa uu raacay dariiqii kuwii ka horreeyay.

Al-Mahdi waxa uu geeriyooday sannadkii 169 ee Hijrada, kuna beegnayd 785-kii Miilaadiga.

 

Inaga oo aan ka dabaalanayn haddii aynu is nidhaa si dhammaystiran uga hadla madaxdii ka xilka qabatay dawladdii Cabbaasiyiinta oo uu waqtigeedu aad u dheeraa, sidii aynu soo aragnay, taas oo ku dhaweyd toddoba qarni, balse waxaynu ahmiyadda siinaynaa sidii ay u kala caansanaayeen madaxdii Cabaasiyiinta Al-Mahdi, waxa uu ku dardaarmay inuu xukunka uga dambeeyo inankiisii Al-Haadi, isaga dabadiina uu qabto inankiisii kale ee Haarun Al-Rashiid.

 

Haaruun waxa uu xukunka qabtay sannadkii 170-kii Hijrada, kuna beegnayd 786-kii, kadib markii uu geeriyooday walaalkii AL-Haadi.

Marka la eego madaxtinimadiisu waxa ay ku soo beegantay xilli dhex u ah marxaladdii Cabaasiyiinta waxaana markaa jiray labada dhacdo oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah;

Kacdoono gudaha ka dillaacay oo mucaarad ku ahaa maamulkii Cabaasiyiinta.

Iyo horumar weyn oo ay ku tallaabsatay dawladdii Cabaasiyiintu. Taas oo ka dhigtay Cahdigiisii mid ay meel sare xaddaaraddii islaamka.

Haaruun Al-Rashiid waxa uu ahaa nin ka lib keenay kacdoonadii ka horyimid.

Waxaanu geeriyooday sannadkii 193-kii Hijrada, kadib markii uu xukunka hayay 23 sannadood, balse waxa uu ku dhacay khaladkii kuwii isaga ka horreeyay, isaga oo madaxtinimada ku dardaarmay inay dhaxlaan carruurtiisu, taas oo markii dame ay iskaga hor yimaadeen inamadiisii Amiin iyo Mamuun.

La soco………..

…………………………………………………………….

 

WAADIGA CIYAARAHA

 

Inter Ma soo ceshan doontaa sumcaddii ay waatyo lahayd

Intii lagu gudojiray fasaxii ciidda Masiixiga ee sanadkii tegay, Inter Milan waxay isu diyaarinaysay sidii ay uga tallaabsan lahayd kulanka kooxaha heerka koowaad ee ay la yeelanaysay naadiga Piacenza, weriyeyaasha ayaa tabobaraha kooxda ee Arjantiiniga ah Hector Cuper weydiiyay sida ay u diyaargaroobeen, maadaama ciyaartoygu ay ku maqnaayen fasaxa ay ku soo dukaansanayeen ee ciidda Kiristaanka darteed, wuxuuna ku jawaabceliyay; “Ciyaartoygu diirda ayay ku hayaan kubadda cagta.”

 

Siday u muuqato ninka aan hadlini, waxaa iska cad inuu fahmay asluubta dadka lagula dhaqmo.

Hector    Cuper si fiican ayuu u caddeeyay inuu si sax ah ugu helo sabab dhakhtarnimo boogta ay ka dhutinayso Inter. Waxa jira dad aan si fiican u aqoon taariikhda Inter, haddaba si aynu taa wax uga ogaano waa inaynu is-dultaagno saddexdii xilli-ciyaareed ere ugu dambeeyay wixii ay xiiso lahaayeen iyo guuldarrooyinkii ku habsaday intaba. Waxa ay ahayd muddadii ay kooxda soo mareen qaar ka mid ah tabobarayaashii ugu fiicnaa oo isku waqtina kubadda cagta ku ahaa, laga soo bilaabo Mircea Lucescu ilaa Marcello Lippi iyo weliba Marco Tardelli, ayaa galaa baxay iyaga o si joogto ah albaabka ugu wareegayay.

 

Waqtiyadan dambena waxay si nafla-caari ah ku gaadhay kaalmaha siddeedaad, afraad iyo shanaad, oo ku dhammaysatay ciyaarihi heerka kowaad ee saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay, taasina waxay sii adkaysay waqtigi taageerayaasha Inter ay sugayeen tan iyo 1989 oo kooxdu ku guulaysatay markii 14aad ee horyaalka Talyaaniga.

Intaa waxa dheer, muddada ay sugayeen ballan-qaadkii oo isa soo xidhay, waxaana dhaqaaq-joogsiga keentay dhaawacyo iyo qalliin go’doomiyay ciyaartoygii kooxda ugu caansanaa una dhashay Brazil ee Ronaldo.

Iyada oo uu meel dhexe marayo tartanka xilli-ciyaareedkani, ayay taageerayaasha Inter, si adag isha ula raacayaan kooxdooda.

 

Bilowgii ciyaarahani Inter si fiican ayuu ugu bilowday oo xagga sare ayay kaga jirtay jadwalkaba, oo marna hoggaanka ayay qabanaysay marna kaalinta labaad ayay ku jirtay, ta labaadna xilligan lamay kulmin wax la taaban karo oo fadeexad ah, taas oo min dacal ilaa daraf ku baahday kooxaha Talyaaniga.

Markii ay dhacday inay si qaawan fagaarayaasha af-suuqdi isugu caayaan Roberto Baggio iyo Marcelo Lippi, ayay halis gashay farxaddii oo si kale isu beddeshay, taasina waxay keentay inuu meesha ka baxo mid ka mid ah khubarada kubadda cagtu, iyada oo la filayo inay isu tirinayeen utumo hore, hase yeeshee waxaa markiiba soo ifbaxay warar sheegaya in qaar ka mid ah ciyaartoygu ay tumasho bilaabeen, qaar kalena ay qoob-ka-ciyaarka habeenimo badsadeen. Inkasta oo isbeddel deg-deg ah la qaaday, haddana waxba ismay beddelin oo markii Tardelli loo caleemo saaray tabobarenimada waxaa sii kordhay niyad-jabkii awelba taagnaa.

Ninka u dhashay Arjantiin, hal-adayga difaacana ka dhiga mid u wada shaqeeya sidii qof keliya ee Hector Cuper, ayaa u noqday tabobare, waana ka keliya ee ku guulaystay ciyaaraha Talyaaniga. Intaa waxa u dheer aqoontiisa oo aad u hoosaysa oo aan dhisnayn, ilaa haddana si fiican umuu baran afka Talyaaniga, wuxuu door-bidaa inuu waraysiyada ku bixiyo afka Isbaanishka iyo Xabbad-xabbad Talyaani ah, gaar ahaan erey-bixinta afka ciyaaraha. Si raaxo leh ayuu ugu dakeeyaa dhismayaasha waaweyn ee kooxda.

 

“Haddii aan wax kasta siiyo Inter, waxay noqonaysaa aragti fiican, oo ay iga qaataan dhammaan kooxaha Arjantiin, xataa kuwa casharadan fursadda u helini waxay ka fekerayaan dhammaantood sidii ay ku bilaabi lahaayeen bilowga xilli-ciyaareedka, hagaag kuma ayaa og,!

 

Waa laga yaabaa in sannadkani noqdo kaayagii,” sidaa waxaa wargeyska Gazzeto Dello Sports dhawaan u sheegay tabobare Cuper oo la weydiiyey rajada uu ka qabo sannadkan hanashada horyaalka.

Way caddahay in si fudud loogu sababeeyo inay Inter abaal ugu hayso dib-u-soo noolaanshaheeda Cuper. Markii uu soo cago-dhigtay Xagaagii hore wuxuu la kulmay farxad xaddi leh iyo halbowlayaal wax soo-saar leh, oo uu ugu horreeyo uguna muhiimsan yahay ku soo laabashada dhaawaca muddada dheer ee Christian Vieri. Wuxuuna la soo noqday oo uu soo bandhigay wacdarihiisii, gaar ahaan bilowgii xilli-ciyaareedka. Cuper sharaxaadii ugu horreysay ee uu ka bixiyo wuxuu ku yidhi; “hore ayan u sheegay, haddana waan ku celinayaa sheekada Vieri. Waa ciyaryahan u dhashay guusha markasta, xaqiiqadana waxaad taabanaysaa markuu joogo miidaamka tabobarka. Isagu waa dhiirigeliyaha kooxda, taasina waa maqaamka uu hiigsanayo inta lagu jiro qolka beddelashada.”

Waxa kale oo rumowday iyana in Inter uu ciyaarteeda xoojiyay Marco Materizzi, oo ciyaartoygu aanay Cuper hortii madaxa la kicin.

 

Difaacnimadiisa Materazzi waxaa haysay waayo’aragnimo la’aan uu wax kula qaybsado difaacyahanka Faraniiska ah ee Laurent Blanc. Hase yeeshee, Inter wax qaylo ahi kama soo yeedhin difaacnimada geesiga Amesterdam, goolhayihii hore ee Fiorentina Francesco Toldo, oo la barbar dhigi karo Gigi Bufon oo Juventus ah, oo la odhan karo waa ka ugu wanaangsan kubadaha dhulka.

Sidoo kale Cristiano Zanetti, oo hore uga mid ahaa Roma ayay caddaatay inuu qabtay hawshii khadka dhexe ee Cuper doonay. Waxaan waxba ugu filaan fursado badanna aanu siin ciyaartoy door ah oo uu ka mid yahay ninka reer Holland Clarence Seedorf, oo kulankii ugu dambeeyay la baxsaday Inter, kadib markii uu laba gool dhaliyay kulankii Juventus ee ugu dambeeyay.

 

Waxa kale oo isna aan macno weyn ugu fadhiyin Alvaro Recoba, oo u halgamaya sidii uu kaalin kooxda ugu yeelan lahaa.

Marka laga tago ragga waxtarka ah ee aynu kor ku soo sheegnay waxaan isna kaalintiisa la dafiri karin ciyaartoyga, sida Sierra Leone-niga weeraryahanka ah Maxamed Kallon, oo isaga soo kala dab-qaaday Inter, Reggina iyo Vicenza, muddo xilli-ciyaareedyo ah, wuxuuna muujiyay faham hibo u weheliso, wuxuu u dhaliyay 11 gool iyo siddeed oo uu xushmayn kaga helay naadiyadaas. Waxay dib ugu yeedhatay Inter xagaagii ina dhaafay, Kallon  waxa la siiyay fursad kasta oo uu Cuper ku xaqiijiyay inuu si wanaagsan u buuxin karo doorka isfahamka ee Ronaldo kaga maqan yahay dhaawaca aanu weli ka bugsan. Ugu dambayntiina Kallon wuxuu ku tallaabsaday inuu noqdo kuwa ugu yaabka badan Inter xilligan.

Inter weerarkeedu wuxuu u muuqdaa mid khatar ah markay iska barbar ciyaarayaan Vieri iyo Kallon, ama Vieri iyo Ronaldo oo ay muuqto inuu soo hayo waddadii soo noqoshada.

 

Inter waxay u muuqataa mid aan cidina uga nasiib badnayn horyaalka, waxayna ka mid tahay saddexda naadi ee ugu rajada fiican, oo kala ah Inter, Roma iyo Juventus. Waxaana laga yaabaa in aanay ku caloolsamayn Inter horyaalka Yurub, xataa haddii ay Inter sii waddo horumarka ay ka gaadhay koobka Yurub (UEFA Cup).

Tabobare Cuper oo ah ninkii Valencia ku qaatay laba guul-darro oo kaga lumay kama dambaysta koobka horyaalada Yurub, ayaanu wax fikrad ah ka haysan tartankaa. Hase yeeshee wuxuu heli karaa fursad uu mar saddexaad nasiibkiisa ku eego.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee Cuper wuxuu ka gaabsaday inuu caddeeyo inuu isagu ku guulaysan doono tartanka Talyaaniga. “Waxaan doorbidayaa in laga fekero wuxuu la kulmay inay weli isa soo tarayso sida uu dhulka uga soo qaaday in xataa la haab-haaban karo horyaalka,” sidaa waxa yidhi goolhaye Toldo.