SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 50-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf cadadki 50-aad, March 17, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Duqa Burco oo Joojiyay Kharash ku Bixi jiray 26-Telafonada Siyaasadda ah

 

Burco (Haatuf): Maayarka cusub ee magaalada Burco Maxamed Cali Maxamed, ayaa joojiyay kharash ku bixi jiray 26-Telefoonada gacanta ee Mobile-ka loo yaqaano ah, kuwaas oo uu maamulkii hore bixin jiray lacagtooda.

Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Togdheer Liibaan Maaweel Shire, Telefoonadaa uu Maayarka cusubi joojiyay ee lacagtii laga bixin jiray, waxaa sita oo isticmaala, Agaasime Waaxeedyo dawladda hoose ka tirsan, xubno la sheegay in ay dembi baadhayaal (C.I.D) yihiin oo Rayid ah, darawalo iyo qaar ka mid ah dadkii ugu dhow-dhowaa Maayarkii hore. Mar uu la hadlayay Maayarka cusubi, Agaasimayaasha Waaxyaha ee Dawladda Hoose ee Burco, wuxuu ka hadlay Mushahar la’aan dhinaca shaqaalaha haysata, waxaanu xusay sida ay shaqaaluhu mushahar ku helayaan in ay tahay kharashyadda oo la dhimo.

 

Dhinaca kale, wuxuu Maxamed Cali Maxamed hore u sheegay in aanu Maamulkiisu diyaar u ahayn in ay cidnaba wada-hadal kala galaan arrimo ku saabsan dhulka  xaafadda Shacabka Burco iyo Guryaha dawladda midnaba. Hadalkaasi, wuxuu ka cadhaysiiyay qaar ka mid ah dadka oo dayn ku yeeshay dawladda hoose intii Maayarkii hore joogay, isla markaana hore loogu carabaabay in mag-dhow loo siin doono dhul ku yaalla xaafadda Shacabka, iyo dhismayaal dawladda hoose leedahay. Hase yeeshee uu isbedelka Maamul dhacay ka hor intii aanay fulin taasi. Wararku waxay intaa ku dareen oo ay sheegeen in carqaladda ugu weyn ee hortaala Maamulka cusubi ay tahay, dayn xad-dhaaf ah oo lagu wareejiyay, taas oo la sheegay in ay gaadhayso Hal milyan oo doollar, iyo shaqaalaha dawladda hoose oo aan iyana wax mushahaaro ah qaadan muddo dhawr bilood ah.

………………………………………………………………………………………….

 

Dacar-budhuq oo laga hirgeliyay Biyo Gelin Casri ah

 

Dacar-budhuq (Haatuf): Ururka bisha cas ee Somaliland, ayaa ceel biyo ah oo dadku ka cabo ka hirgeliyay tuulada Dacar-budhuq oo ka tirsan deegaanka Hargeysa.

 

Mashruuca biyo-gelinta oo ay hirgelintiisa ku baxaday, lacag gaadhaysa saddex iyo Toban (13-kun) oo doollarka Maraykanka ah, waxaa maalgelintiisa ku deeqay ururka Laanqayrta Cas ee dalka Jarmalka (German Red Cross), waxaa laga hirgeliyay Tuulada Dacar-budhuq oo dhinaca bari ka xigta Caasimadda Hargeysa, qiyaas 60 km.

Dadka reer Dacar-budhuq oo biyaha looga keeni jiray, dhul aad uga durugsan ayay hadda u suurto gashay in ay si fudud u helaan biyo saafi ah, oo ay kaga maarmaan biyihii Booyaduhu u soo dhaamin jireen. Xaafadaha tuulada, waxaa loo sameeyay afar kaalmood oo ay dadku ka dhaansadaan, kuwaas oo biyaha ka soo qaadayo Haan biyaha lagu kaydiyo oo qaada (50,000) oo litir.

 

Andreas Lindner, oo ah Wakiilka Laanqayrta Cas ee Jarmalka u qaabilsan Wadamada Afrikada Bari, oo goob-joog ka ahaa xafladii Ceelka biyaha loogu wareejinayay dadka deegaanka, ayaa sheegay in dalkiisu sii wadi doono biyo-gelinta magaalooyinka gobolo kala duwan oo Somaliland ka tirsan, halkaas oo sida uu sarkaalku sheegay laga bilaabi doono Mashruuc laba sannadood socon doona oo biyaha loogu gelinayo afar gobol oo ka tirsan Somaliland.

 

Andreas, wuxuu sheegay in aan Maal-gelinta ururkoodu fulinayaa aanu ku koobnayn biyaha, balse ay jiraan Mashaariic kale oo dhinaca Caafimaadka oo ay dalka ka hirgelisay Laanqayrta Cas ee Jarmalku, iyadoo uu ku tala-galku yahay in sannadkana ay laba xarun Caafimaad ka fulin doonaan magaalooyinka dalka qaar ka mid ah.

Inj. Cali Jirde oo Madax ka ah ururka Bisha Cas ee Somaliland oo fuliyay mashruuca biyo gelinta ee laga furay Dacar-budhuq, ayaa ka hadlay baahida loo qabo daryeelka iyo ilaalinta ceel-biyoodka cusub oo lagu wareejiyay degaanka tuuladaas.

 

“Maanta waxaa la idinku wareejiyay Mashruucan biyaha oo dhammaaday, waxaana la idiinka baahan yahay in aad dhaqaalaysataan,” ayuu yidhi Cali Jirde.

 

Inj. Cali Jirde, wuxuu cadeeyay in hawsha Mashruuca biyo-gelinta ay uga horaysay Hay’adda Swiss Group, balse ay ku guulaysan wayday dhammaystirkeeda, wuxuu kaloo intaa ku daray in ay biyo-gelinta u isticmaaleen qasabado ay hay’adaasi leedahay.

 

Xafladda xilka Ceel-biyoodka loogu wareejinayay deegaanka Dacar-budhuq, waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdi Faarax (Ina Cabdi Malow), hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyayna wuxuu ku tilmaamay baahida ay Shacbiga reer Somaliland u qabaan biyaha, iyo waxtarka mashruucani u leeyahay dadka ku dhaqan degaanka. “Waxaanu ugu tala-galay in ay dhibaatada kaga nastaan Hooyooyinka dushooda biyaha kaga soo dhaamiya meelaha ka fog-fog magaalada,” ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Malow, wuxuu Masuuliyiinta biyaha loo xilsaaray kula dardaarmay in ay tixgelin siiyaan dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay biyaha iibsadaan.

 

“Waa in aad dadka biyaha kaga iibisaan, qiime aad u jaban oo aan ka badnayn Masaariif iyo kharashka Ceelka, hana is-odhanina waxaad hesheen Ceel shidaal ah,” ayuu ku daray.

Ugu dambayntii Wasiirku, wuxuu u mahad naqay Laanqayrta Cas ee Jarmalka iyo Bisha Cas ee Somaliland oo iska kaashaday hirgelinta hawsha Biyo-gelinta.

………………………………………………………………………………….

 

Duub-cadda ugu waaweyn Guurtida oo Boorama u Tegay Dhex-dhexaadinta Laba Beelood

 

Boorama (Haatuf): Wefti odayaal ah oo Golaha Guurtida ka tirsan, kana tegay magaalada Hargeysa, ayaa habeenimadii sabtidii shalay gaadhay magaalada Boorama, halkaas oo ay u tageen ka qayb-qaadashada hawl-gal lagu dhex-dhexaadinayo laba beelood oo deegaankaa ka tirsan, kuwaas oo 10 March 2002, Iska-horimaad dagaal oo saddex qof ku dhimatay uu ku dhexmaray badhtamaha magaalada Boorama.

 

Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Awdal, Maxamed Cumar, Weftigaa odayaasha ahi waxay ka kooban yihiin afar xubnood, kuwaas oo kala ah; Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe), Sul. C/raxmaan Sh. Muxumed, Cumar Budeeya iyo Gudoomiye-Xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux. Xubnahaa G. Guurtidu, waxay ku biireen Wefti Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Dib-u-dejinta C/Laahi Xuseen Iimaan (Dirawal), kaas oo hore u sii joogay magaalada Boorama, waxaanay dhinacyadaa oo wada jiraa shalay, kulamo la yeesheen Odayaasha labada beelood ee xurguftu dhexmartay. Wasiirka Dib-u-dejinta C/Laahi Dirawal oo weriyahayagu uu wax ka waydiiyay halka wax u marayaana, wuxuu sheegay in ay heer wanaagsan u marayso xallinta arrintaasi, balse Wasiirku wuu ka gaabsaday inuu sharaxaad ka sii bixiyo.

 

Dhinaca kale, dad isugu jira Haween, Carruur iyo Waxgarad kaleba oo ka mid ah bulshada reer Boorama, ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyayba ka waday dariiqyada magaaladaas, banaan-baxyo nabadgely doon ah, waxaanay dadkaasi ugu baaqayeen Xukuumadda, Shacbiga, Aqoonyahanada, Madaxda dhaqanka iyo Culumadaba in ay u hawl-galaan xal u helidda khilaafka labadaa beelood. Warku wuxuu intaa ku daray in Ciidamada Qaranka iyo Boolisku, ay weli ku kala dhexjiraan Maleeshiyooyinkii labada ardaa ee dirirtu dhexmartay, hase yeeshee ay magaaladu aad u degan tahay.

……………………………………………………………………………………

Wefti Somaliland Uga Qayb-gelaya Shirka Wasiiradda Xoolaha Afrika oo Shalay Dalka ka Amba-baxay

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Saleebaan Maxamed Cali-Koore iyo Afar Dhakhtar oo weheliya , ayaa shalay ka dhoofay Madaarka magaalada Hargeysa, una socdaalay xarunta dalka Itoobiya ee Addis-ababa, halkaas oo ay kaga qayb-gelayaan shir ay ku kulmayaan Wasiiradda Xanaanada Xoolaha ee Qaaradda Afrika.

 

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland, intii aanay isaga iyo Weftigiisu ka ambabixin magaalada Hargeysa, Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Idaacadda Raadiyow Hargeysa, wuxuu ku sheegay in shirkaas lagu marti-qaaday Maamulka Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, sidaa aawadedna ay u tegayaan, sidii ay shirkaa dhexdiisa ugaga ololayn lahaayeen, sidii Xayiraadda looga qaadi lahaa Ganacsiga Xoolaha Nool. Wasiirku, wuxuu intaa ku ladhay, in laba dhakhtar oo Weftigiisa ka mid ahi ay u sii gudbi doonaan dalka Faransiiska. “Dhakhaatiirta ila socota qaarkood waxay u sii dhaafi doonaan Addis Ababa dhinaca dalka Faransiiska, iyagoo raadinaya sidii Somaliland xubin uga noqon lahayd ururka Caafimaadka Xoolaha ee Aduunka. Kaas oo ay Somaliland diyaar u tahay in ay buuxiso, wixii shuruud ha ee lagu xidho,” ayuu yidhi Mudane Koorre. Wasiirku, wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Ka mid noqoshada ururkaasi, waxay wax badan ka tari doontaa soo noq-noqoshada Xayiraadda Xoolaheena, waxaanay inaga caawinaysaa qaabkii aynu u suuq-geyn lahayn xoolaheena.’

 

Wasiirka Xanaanadda Xooluhu, waxa uu shirkiisaa Jaraa’id ku sheegay in dawladdu dedaal ugu jirto, sidii loo qaadi lahaa xayiraadda Ganacsiga Xoolaha, isla markaana ay sii kordhinayso dadaalkaa uu xusay. Waxaanu carabka ku dhuftay in dhanka kalena la sameeyay Mashruuc dhinaca Caafimaadka Xoolaha ah, kaas oo uu tibaaxay in Wasaaradiisu samaysay, oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid lagu daba-gelayo, laguna xaqiijinayo Caafimaadka xoolaha.

 

Shirkan Itoobiya ka sokow, wuxuu Wasiirku sheegay in Somaliland ka qayb-geli doonto shir kale oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Sanca ee dalka Yemen, kaas oo ay ku kulmayaan Hay’adaha Xanaanadda Xoolaha u qaabilsan dalalka Yurub iyo Carabta.

Hadalkaa Jaraa’id kadib, Weriyayaashii kulankaa ka qayb-galay waxay Wasiirka halkaa ku weydiiyeen su’aalo dhawr ah, oo safarkiia iyo mowduuca xoolaha la xidhiidha. Su’aalihii iyo Jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan;

 

S: Shirkan Itoobiya ee aad sheegtay in aad tegaysid, Miyaa laydinku marti-qaaday, Mise qaab kale ayaad doonaysaan in aad kaga qayb-gashaan?

J: Si rasmi ah yaa naloogu casuumay, anigoo Wasiir ah iyo Khubarada dhakhaatiirta ah ee ila socotaba.

S: Yaa idin casuumay markaa?

J: Waxa na casuumay Hay’adda Xoolaha ee OAU, sida Wasiiradda kale ee Afrikaba loo casuumay.

S: Hadda waxaad sheegtay in aad shirar ka qayb-gelaysaan oo keli ah, waxa kale oo aad sheegtay in dawladdu dadaal diblomaasiyadeed hore u samaysay, haddana wado, isku wada darroo, bal faahfaahin naga sii rajada ku jirta?

J: Dawladdu, waxay la xidhiidhay dawladdu badan, sida: Maraykanka, Yurub, Carab iyo Afrikaba, dhammaantoodna waxaanu kala kulanay jawi wanaagsan, waxaanay noo ballan qaadeen in ay si toos ah iyo si dadbanba uga hawl-gelayaan sidii xayiraadda looga qaadi lahaa xoolaheena.

S: Wasiir, Xayiraaddan xoolaha la saaray, ma mid Siyaasadeedbaa, mise waa mid dhinaca Caafimaadka ka dhalatay?

J: Anigoo Wasiir ah bay magacayga ku soo direen Casuumadda oo ay yidhaahdeen, Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland baanu casuunay, markaa kollay haddii masuul heer Wasiir ah la casuumo, macnaheedu waxa weeye waa mid Siyaasi ah.

S: Xoolaheena, dalka Sucuudiga ayaa joojiyay, markaa Miyaa Sucuudiga wax ka haysaan?

J: Si toos ah iyo si dadbanba, waa loola xidhiidhay, markaa hadda waxay u egtahay wakhtigan wixii ka dambeeya Sucuudigu inuu ka soo dabcayo, qaabkii uu hore u taagnaa oo aanu dawlad ahaan, anagu u arkaynay in ay tahay arrin Siyaasadeed, laakiin aad moodid inuu isagu haddan bixinayo calaamado uu ku ogol yahay inuu si dhakhso ah xoolaha uga qaadayo xayiraadda uu ku soo rogay.

S: Ma u malaynaysaa dadaalkaa aad sheegtay in Xukuumadda Somaliland qaaday, inuu Boqortooyada Sucuudiga ku kellifo in ay Xayiraadda ka qaado Ganacsiga Xoolaha?

J: Waxaanu isku dayaynaa in ay garwaaqsadaan in ay xaq u leeyihiin in ay xayiraadda ka qaadaan xoolaha.

S: Maaha markii ugu horaysay ee Xukuumaddu hadalo noocan oo kale ah ay sheegto, hore waxay u faafisay in Masar, Liibiya iyo Iiraan-ba ay xoolo inaga qaadanayaan, balse may midho dhalin, markaas ma waxaad leedahay Shirkan hadda faa’iido ayaanu kala soo noqonaynaa?

J: Maya, ma odhanayo waxaanu kala soo noqonaynaa xoolihii oo la furayo. Anaga, waxaa nala faray in aanu dedaalo, shirkaa waxaanu geynaana in Caafimaadka Xoolaha Somaliland sugan yahay, loona baahan yahay in loo furo suuqa. Wasiiradda Shirkaa ka soo qayb-galana, waxaanu ka codsanaynaa sidii arrintaa wax naloogala qaban lahaa.

S: Imisa dal baa shirka ka qayb-galaya?

J: Sida Casuumaddu iigu timi, waxaa ka soo qayb-gelaya Wasiiradda Xanaanadda Xoolaha ee Afrika.

S: Afrika Xoollo inagama qaadatee, Maxaa faa’iido ah ee markaa ku jira?

J: Qaarad dhan oo meel ku shirtay, waxa ka soo bixi karaa maaha wax dhayal ah, markaa sidaas ayaanu uga qayb-gelaynaa.

 

………………………………………………………………………………………………………

 

FAAQIDAADDA  ADUUNKA

 

Hawl-galka Maraykanka ee Barriga Dhexe, Muxuu keeni doonaa?

 

Masuuliyiin ka socda dawladda Maraykanka, ayaa booqasho ku maraya dalal ka tirsan Barriga Dhexe, Masuuliyiintaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka Dick Cheny oo booqasho ku maraya 11 Dal oo ka tirsan Barriga Dhexe, Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan barriga dhexe ayaa isna haatan ku guda-jira xal-u-helida dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta, taas oo muujinaysa in ay dawladda Maraykanku dardar hor leh galisay hawl-galkeeda barriga dhexe.

Hase yeeshee, marka loo dhabo galo hawl-galkan cusub ee Maraykanku, wuxuu u muuqdaa mid laba waji leh oo isku murugsan, kuwaas oo kala ah inuu Maraykanku taageero u raadinayo, Xal-u-helida Qalalaasaha u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil iyo inuu Maraykanku, xulafo u raadinayo weerar cusub oo uu ku qaadayo dalka Ciraaq, taas oo tuhunkeedu beryahanba taagnaa.

 

Haddiise aynu kala qaadno, dawladda Maraykanku beryahan dambe waxay u muuqatay in ay ka soo debcayso Mowqifkeedii hore ee ay ka qabtay Qadiyadda reer Falastiin, iyada oo ay markii ugu horaysay dhinaca Maraykanka ka soo baxayeen dareeno iyo dhawaaqyo muujinaya inuu ogolyahay, dawlad gaar ah oo ay Falastiiniyiintu yeeshaan, taas oo ay ugu dambaysay taageeradii uu Maraykanku siiyey arrintaasi, markii uu Golaha Ammaanku shir ka yeeshay Qadiyadda Barriga Dhexe iyo Maraykanka oo Israa’iil ugu baaqay in ay ka baxdo dhulka Maamul-hoosaadka Falastiin oo ay xoog ku gashay.

 

Taasi waxa ay muujisay, isbedelka ku dhacay Siyaasadii Maraykanka oo markii hore ahayd mid had iyo jeer ay ku garab-taagan tahay Israa’iil gar iyo gar-daraba.

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ee Maraykanku, waxay ku soo beegantay iyada oo ay jiraan dhawr arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

v      Waxa sii xoogaysanaya iska horimaadka iyo dagaalada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta, kaas oo bilaabmay September 2000, kadib markii uu Arial Sharon booqasho ku tegay Masaajidka Baraykaysan ee Al-Aqsa, markaas oo ay Falastiiniyiintu bilaabeen kacdoonka ilaa hadda socda, Inkasta oo ay ku waayeen Nafo badan iyo hantiba, haddana keenay garawshiiyo ah in ay xaq u leeyihiin dawladooda gaarka ah. Taasi waxa ay sii xoogaysatay, markii uu khasaaruhu ku fiday Israa’iil, kadib markii ay Falastiiniyiintu weeraro aargoosasho ah la beegsadaan bar-tilmaameedyo ku yaalla gudaha Israa’iil.

v      Hindisaha u dambeeyay ee uu soo jeediyay Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Amiir Cabdalla binu Cabdilcasiis, ayaa isna wax weyn ka bedelay Jawigii Siyaasadeed ee Barriga Dhexe, kaas oo dhigaya in ay Israa’iil ka baxdo dhammaan dhulkii ay ka qabsatay dalalka Carabta, dagaalkii 1967-kii. Taa bedelkeedana ay Carabtu aqoonsato Israa’iil, Falastiina ay hesho dawlad Madaxbannaan, taas oo noqotay mid ay aduunyadu taageero weyn u muujisay, Inkasta oo ay wali socoto gorfeynta hindisahaasi.

v      Waxa dhawaan lagu wadaa inuu Shir-madaxeed ay ku kulmayaan dalalka Carabtu uu ka dhaco Caasimadda Lubnaan ee Bayruut, kaas oo ay qadiyadda Falastiin safka hore kaga jirto arrimaha lagaga wada-hadlayo, taasi waxa ay keentay in la isku dayo sidii xaaladda Barriga Dhexe loo dejin lahaa ka hor shirkaasi.

v      Sidoo kalena, waxaa socda dagaalka uu Maraykanku kula jiro, waxa uu ugu yeedho argagixisada, kaas oo ficil ahaan uga socda dalka Afgaanistaan, taas oo keentay colaad ay Shucuubta Islaamku u qaadaan Maraykanka, si uu taa uga taxadirona, wuxuu Maraykanku debciyay Mowqifkiisii ku aadanaa dawlad ay Falastiin yeelato iyo isaga oo debciyay taageeradiisii Israa’iil.

Dhinaca kale, waxaa jira tuhun ku saabsan inuu Maraykanku damacsan yahay weerar uu ku qaado Ciraaq, si uu taa taageero ugu helana wuxuu dalalka Carabta ku soo jiidanayaa taageero uu siiyo Dawlad ay Falastiin yeelato, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka ka faalooda Siyaasadda, balse taasi waxa ay u muuqataa in ay ka soo taagan yihiin dalalka Carabtu, kuwaas oo gaar ahaan ka cabsi qaba in ay taasi dhaliso gadood ay ku kacaan Shacbigu oo aad uga soo horjeedda weerar lagu qaado Ciraaq, oo aanay muuqan wax ay ku mutaysatay weerar lagu qaado.

 

Ciraaq lafteeda, ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ay kaga hortagayso damaca Maraykanka, iyada oo ay maalmahan booqasho ku marayaan dalal ka tirsan Carabta, wufuud ka socota Xukuumadda Ciraaq, si ay taageero ugu hesho ka hortega weerar uu Maraykanku ku qaado.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la is-weydiinayaa tafo-xaydashada Maraykanku, Ma waxay keeni dawlad Falastiin leedahay, Mise duullaan lagu qaado Ciraaq?

Jawaabta su’aashaasina, waxay kala caddaan doontaa maalmaha soo socda.

…………………………………………………………………………

 

Badheedhaha Wargeyska

 

Inkastoo ay xoolaha Somaliland ka fayow yihiin, dhammaan Cuduraddii loo aaneeyay oo baadhitaano Caalami ah oo lagu sameeyay dhiigooda lagu xaqiijiyay in aanay qabin xanuunaddii loo sibir-saaray, haddana taasi may noqon mid wax ka tarta Xayiraadii Sucuudigu saaray Ganacsigii xoolaha, taas oo weli sideedii u jirta. Arrintaas darteed, waxay dad badani is-weydiinayaan sababta ay Boqortooyadda Sucuudigu ugu sii hayso Xayiraadda Ganacsiga Xoolaha, maadaama uu meesha ka baxay shakigii ay markii hore ka qabtay. Jawaabta su’aashani maaha mid sahlan, hase yeeshee, waxaa la aaminsan yahay in Xayiraadda Sucuudigu ay tahay, mid salka ku haysa arrimo Siyaasadeed. Hadal-haynta guud ka sokow, xubno Wasiiro ah oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo sannadkii hore socdaal ku tegay dalka Sucuudiga, ayaa soo noqodkoodii muujiyay Jiritaanka arrintan.

 

Warar laga soo xigtay wakhtigaa xubnahaa Wasiiradda ahi, waxay farta ku fiiqayeen in Sucuudigu, shuruud ku xidhay qaadista Xayiraadda Ganacsiga Xoolaha Somaliland, taas oo la sheegay in nuxurkeedu ahaa, haddii ay Somaliland ka noqoto Gooni-isu-taaga Qaranimadeeda, in markaas ay Boqortooyadda Sucuudigu Xayiraadda qaadayso, Caawimana ay u raacin doonto, balse haddii ay taasi suuroobi weydo aanay qaadaynin Xayiraadda.

Haddii arrintu sidaa run ku tahay, waxaa iska cad markaas in dawladda Sucuudigu ay ku tallo-gashay in ay xididdada u siibto Jiritaanka dhaqan/dhaqaale ee bulshada Somaliland, hase ahaatee taasi ma noqonin mid hoos u dhigta hanka qaranimo ee dadweynaha, kuwaas oo xamil u yeeshay duruufo adag oo ay ilaa hadda u dhabar-adaygayaan. Haddii aanu xaalku sidaa ahayna, waxay dadka reer Somaliland uga fadhiyaan Boqortooyadda Sucuudiga in ay dhakhso uga faydo Xayiraadda Ganacsiga Xoolaha, halka ay ashkhaas ay Seko u soo xambaarisay u soo dirayso gudaha Somaliland-na, ay ku bedesho Caawimo muuqata oo waxtar leh.

 

Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland Inkasta oo ay ku dooday in ay dedaalo xoog leh hore u gashay qaarna wado, haddana taasi maaha sida muuqata mid shilis oo meel mar ah. Sidaa aawadeed, waxaa haboon inuu Maamulku si dhakhso ah ugu hawl-galo, sidii isbedel xaaladda taagan debciyaa uu iman lahaa. Bulshada reer Somaliland-na, waxaa la gudboon in ay ilaashadaan Jiritaanka Qaranimadooda oo aanay u debcin, isku-day kasta oo la doonayo in lagaga faro-maroojiyo aayahooda.

 

……………………………………………………………………………………………………………………………………

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Wakaaladdii Biyuhu ma waxay noqotay wakaaladda waraabka Beeraha

 

Waxaan ka hadlayaa xaaladda biyo yaraanta ah ee ay magaaladu ku sugan tahay iyo sababtooda oo aan xog-ogaal u ahay.

Waxa jirtay dhawr bilood ka hor inay caddilmeen mashiinada biyaha qaarkood, xaalad biyo la’aan ah oo aad u xumaydna ay dhacday.

 

Kadib waxa la beddelay saraakiishii sarsare ee wakaaladda oo ugu horreeyay Maareeyihii.

Haddaba halkii la islahaa waad ka baxdeen biyo la’aan, waxay noqotay “ka-dar oo Dibi dhal”. Xaaladduna waxay isu rogtay in magaalada qaarna ay cabbaan saacadda aan cidiba soo jeedin, iyaga oo ku beegma xilli ay hurdadu ugu wanaagsan tahay oo weliba aan la hubin, qaarna aanay biyo helin dhawr maalmood.

Haddaba waxa hore u jiray musuq-maasuq xagga shidaalka iyo saliida ah. Kala badh shidaalka wakaallada u xisaabsan in mashiinadu ku shaqeeyaan waxa lagaga shaqeeyaa Beeraha iyo gaadiidka ka shaqeeya degaamada Geed-deeble, Hor-haadlay, Biyo-Doofaar iyo Biyo-shiinaha, maamulkuna hore iyo iminkaba la ogyahay shidaal cunistaa. Iyada oo wakaaladuna hore u caddaysay in biyaha ay soo saartaa ay yihiin afar kun oo mitir kuyuubik (4000m3).

 

Haddaba Maareeyaha cusubi wuxuu bilaabay inuu qasabado geliyo Beeraha degaamada ay ku yaalaan ceelasha iyo biyo soo saarka iyo Baraagaha ay biyuhu ku so hakadaanba isaga oo ka leh dano gaar ah, iskagana indho qarsanaya u danaynta ummaddan uu mas’uulka uga yahay biyo-siintooda.

Waxaana halkaa ay Beeruhu ku isticmaalaan biyo dhan 1000m3 oo oo u dhiganta 25% (boqolkiiba shan iyo labaatan biyaha soo baxa.

 

Haddaba waxa habboon in Maareeyuhu garto hawsha uu hayaa inay tahay mid culus oo aanay cidina u adkaysan Karin biyo la’aanta iyo harraadka dadka yaryar ee jilicsan, ayna u sii dheertahay sixirka qaaliga ah ee aanay goyn karin.

 

Waxaanan hadalka kaga baxayaa wakaalada biyuhu ma waxay isu beddeshay wakaaladda waraabka beeraha.

Faysal Muuse Muxumed,

Hargeysa.

………………………………………………………………………………………..

 

Cimri tegay ceeb Laguma sagootiyo

 

Waxaan doonayaa in aan si kooban dadka reer Somaliland aragtidayda ugu iftiimiyo dhibaatada haysata dadka reer Somaliland ee kaga timi saddexda hay’adood ee loogu talogalay inay noqdaan kuwo hanta sidii ay u jiri lahayd Somaliland iyo inay dhammaystiraan shuruucdii ay dawladdi lahaan jirtay.

 

Waxaa kale oo iyana meesha tiil ciddii xil loo dhiibaa inay waayo-arag ka noqoto wixii la soo maray iyo wixii ay ku dambeeyeen kuwii iyaga ka horreeyay. Ciddii ku fekerta inay baal marto jidka toosan ee wax-qabad iyo maamul iyo horumar, iyaga oo jalleecaya inay keligood ka muuqdaan hoggaaminta dalka, isla markaana ganafka ku dhuftaan ciddii ku soo dhawaata sheelkooda, taas oo laga dhaxlay maamulkii Siyaad Barre iyo kuwii ka horreeyay ee qaarkood Cigaal Ra’iisal-wasaaraha ka ahaa.

 

Soomaalida ayaa ku maahmaahda ‘Hal Xaaraani Nirig Xalaal ah ma dhasho’, taa waxaan uga jeedaa saddexda Gole ee maanta jira ee ummaddu ka sugayso horumar iyo caddaalad ayaa marka horeba ku dhisnaa hab khaldan; Tusaale, 1) waxan dadweynow idin su’alayaa muxuu Sheekh Ibraahim ka ahaa shirkii Boorama, mase ku jiray 150-ki xubnood ee codka bixinayay, sidee ayuu ku noqday Guddoomiyaha Golaha Guurtida. Taasi waxay noqonaysaa hadyad uu qarsoodi ku helay, basle isu arka Libaax garab haysta oo siduu doono u tallaabsan kara marka loo eego hadalladiisa gefka ah ee ka soo yeedha Afkiisa ee ku qoran taariikhda.

2) sidee buu u dhacay shirweynihii Af-duubka ahaa ee 1997, kaas oo ahaa in beel kastaa soo saarto xubnaheeda uga qaybgeli lahaa shirweynaha qaran miyaan 62 xubnood oo beeluhu soo doorteen loo diidin inay ka qaybgalaan shirkii qaran, miyaan loo diidin 31 xubnood oo reer Somaliland ah inay ka mid noqdaan Golayaasha, muxuu ka duday Garaadkii guud ee reer Sool?

3) Dastuurka intee qodob iyo qeexiddooda ayaa muran iyo murug ka jiraa, yaase xaq u lahaa caddayntooda iy oinay dabraan wixii khaldan ama aan qeexnayn, hadduuse soo butaaco oo uu kiciyo uuro iyo dabaylo oo uu laayo dad iyo duunyo mood iyo noolba, yaa iska leh dhibtaas? Waxaa leh wixii dabarka ka furay oo ah Baarlamaanka.

4) Waxaase ayaan-darro ah shacbiga reer Somaliland oo iyagu inta ay soo ururiyeen hannaankii iyo habkii dawlad lagu dhisi lahaa hadyad u siiyay kuwa taagan waqtigii cimriga. Balse dadka waxaa kelifey wixii soo maray oo ku kelifay nabad jacal iyo xorriyad jacayl.

Waxaan kula dardaarmayaa hoggaanka Golaha Guurtida iyo kan Baarlamaanka iyo kan  dawladda, ‘Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo taariikhdiina ha ku qorina qalin cas’.

Cismaan X. Abokor,

Burco.

…………………………………………………………………………………

Muxuu qabtaa Boolisku?

 

Haddaan ka warramo wax-qabadka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahida loo qabo wada-shaqaynta bulshada iyo ciidanku waa sidan hoos ku qoran:

Waxay nabad-gelyo ahaan ula shaqeeyaan wasaaradaha dalkoo dhan.

Dawladda Hoose,

Meelaha dhaqaaluhu ka soo baxo oo dhan,

Baananka dalka ka jira,

Hay’adaha Ajnebiga ah,

Maxkamadaha dalka,

Meelo kale oo muhiim ah,

intaas waxa u dheer,

Nabadgelyada dalka oo dhan,

 

Waxaanay u socdaan habeen iyo maalin inaad xasillooni  iyo nabadgelyo idinka iyo maalkiinuba heshaan,

Waxaanay weedhayaan habeen iyo maalin Tuug iyo dhaqan-biiska iyo fidno walaha,

haddaba ciidanka nabadgelyadu waa kuwa dhaxanta habeenkii wareegaya idinkoo dugsi iyo meel diiran kaga jira.

Milicda aad ka hadhsataan waa kuwa aan ka hadhsan, ee iyagu dheemaalaya (Bulshooy).

Midda kale Boolisku dadweynoow waa ubadkaad dhasheene meel kale kamay iman, waxaana loo baahan yahay hawl kasta oo ay qabanayaan inaad gacan ku siisaan oo aydun dhiirigelisaan lana shaqaysaan, xog-ogaalna u noqotaan xannibyada had iyo jeer hortaagan ama walaalaha iska hor keenaya ciidanka Booliska iyo ummaday u adeegayaan.

 

Haddaan tusaale idinka siiyo meesha Caada la yidhaahdo waxaa ka jirta arrin dhul oo laba qabiil isku haystaan muddo dhan laba sano iyo dheeraad, sidii caadadeenu ahaan jirtayna haddii laba reer arrin isku qabtaan waxaa maarayn jiray Cuqaal iyo Salaadiin iyo wax-garad xilkas ah, saddexdaas oo kala ah arrin dumar, xaajo Geel ama maal kale oo badan ama arrin dhul. Waxaana lagu kala bixi jiray marag iil, haddii waxa kale la waayo oo nin baa odhan jiray; ‘Hebelkii dhintay Alle haw naxariistee Afkiisii waxaan ka hayaa Anaa Carrab qoyan ku hadlaayoo, dhulkaas ciddaasaa leh ama gabadhaasi waa sidaa, xoolahaasina waa sidaas’. Warbixintaas ayaa lagu qanci jiray, intii midna lama hayo. Raggii sidaas yeeli jirayna ma noola.

 

Kuwaasi tay banneeyeena waxay dhibaato ku haysaa Booliskii kala dhex joogay muddada dheer iyo shicibkii. Waxaa kaloo dhibaato ku haya ciidanka dhulkan beddelay xoolihii la joojay, ha ugu sii darraato meel la bixiyay oo casayn iyo cadaynba loo dhammeeyay. Qofkii markuu dhiso maago ee dhoobadii iyo sibidhkii isku qooyo, joojintan dambe ee laga joojinaayo oo qofkii dhibane isku arkaayo. Khasab ciidanka kaga joojinaayana bulshadii way ku naceen, waxaanay taasi keentay isku dhufasho ciidan iyo dadweyne.

Haddaba anigoon cidna durraynin, kana hadlaaya dan guud iyo isku xidhnaan ka dhalata ciidanka iyo bulshaday u adeegayaan, waxaan ku talinayaa, qolooyinka dhulbixinta in laga dhigo xilkaas qofka loo dhiibayo da’diisa 65-jir ilaa 70-jir Alla caabuda. Arrinta Caaduna hadday odayaal wayday yaanay dawlad waayin. Maqaalkaygana waxaan kaga baxayaa ‘Gacmo wada-jir bay wax ku gooyaane, Bulshooy fari fool ma dhaqdo’.

Muxumed X. Soofe Ismaaciil,

Madaxa hoggaanka wacyigelinta Booliska.

 

................................................................................................................

 

Axmed-siilaanyo ka weeco Dhabadaad bixisay baa la marayaaye !!!

 

 

 

Ka hor intii aan lagu dhawaaqin  dawladii u horeysey ee gaarka u ahayd SomaliLand waxa xukunka sii hayey Maamulkii SNM ee ay ku soo dhiseen Qaybo ka mid ah Beelaha reer SomaliLand sannadkii 1989 Tuulada Madalweyn. Maamulkaas waxa ka madax ahaa C/raxmaan Axmed Cali(Tuur). Magacaabista C/raxmaan-tuur waxa sabab u ahaa Gudoomiyihii isaga uga horeeyey jagadaas loo doortay oo ahaa Axmed Max`ed –Siilaanyo, ahaana saaxiibkiisii midig ee xagga Siyaasadda.

 

Dawladii 18 May 1991 lagaga dhawaaqay Burco, muddo Bilo ah ayey si fiican oo xawli leh u socotay, ka hor intii aan fitnada la afuufin,dagaalada sokeeyana aan bulsho weynta la dhex dhigin.

 

Dagaaladaasi sidii ay doonaanba ha u bilaabmaan waxay noqdeen kuwo boqno gooyey Dawladdii curdinka ahayd ee dalka laga unkay, waxaana markiiba qaadhay taageeradii Caalamka intooda badani ay u hayeen, waxaana halkaas candhuufta dib ugu liqay dawlado markii hore iyagu soo hadal qaaday inay ka fiirsanayaan inay aqoonsdaan SomaliLand. Aakhirataankiina dagaaladaasi waxay sababeen Dumistii Dawladii la dhisay 18 May 1991. Axmed Max`ed-Siilaanyo- oo ahaa Saaxiibkii C/raxmaan-tuur, sababna isagu u ahaa magacawgiisii Madalweyn nasiib daro waxa uu isna ka qayb qaatay dumistii dawladii uu madaxda ka ahaa ninkii ay midig iyo bidix isu ahaayeen. Siilaanyo waraysi ay idaacdda BBC-du la yeelatay maalmihii dagaaladu ka socdeen magaalada Berbera waxa uu kaga jawaabay dagaalada ka socda Berbera inay yihiin Qabiil qabiil kale ku soo duulay oo aanay jirin ciidamo dawladeed iyo mucaarad meesha ku dagaalamayaa. Su`aashaa oo weriyuhu Siilaanyo si kale u sii weydiiyey, waxa uu Siilaanyo mar labaad ku sii adkaystay  yidhina : waxaanu ahayn Beelo ee maanu ahayn dawlad ciidamo leh! Siilaanyo waxa uu halkaas ku beeniyey wareysi ay BBC-du hore ula yeelatay Wasiirkii Gaashaandhiga Xasan Yoonis Habane ee Dawladdii C/raxmaan-tuur, oo isugu hore ugu sheegay dagaalada Berbera ka socdaa inay yihiin qaar u dhexeeya ciidamada dawladda iyo niman ay mucaaradnimadii ka xumaatay oo dagaalka kelifay.

 

Axmed Max`ed Silaanyo jawaabahaas uu ka bixiyey dagaaladii Berbera markaas ka socday waxay ku abuurtay bulshada in badan oo ka mid ahayd shaki weyni inuu kaga dhaco dagaalada Berbera, waxaanay sababtay arintaasi in Ciidamadii magaca dawladda ku socday tafararuq ku dhexdhaco kuna kala qaybsamaan wejiga cusub ee loo macneeyey dagaalka. Waxaana timid in beelo badani ka saaraan cidamadii dawladda kaga jiray Berbera. Nasiib darro waxa uu si toos ah dagaalkii isugu bedelay dagaal qabiil, halkii markii hore  dadka intooda badani u rumeysnaayeen inuu yahay dagaal dhexmaraya ciidamo dawladda ka socda rabana inay xaqiijiyaan  dakhliga Berbera ka soo xaroodaa inuu ku soo xaroodo Khasnadda dawladda iyo ciidamo mucaarad ah;

 

Ka soo horjeesiga Siilaanyo iyo kooxihii ay markaas isku aragtida ahaayeen ay kala  horyimaadeen dawladii Curdinka ahayd ee dalka markaas ka hana qaaday waxa uu sababay Dumistii Dawladaas bilawga ahayd, waxaanuu kale oo ku furay Bulshoweynta reer SomaliLand waddo halaq oo qaradle kasta oo aragti gaaban lehiba uu ugu gabado . Halkaasna waxa  ka bilaabmay mabda`a aragtida gaaban ku dhisan ee ah Kursiga Madaxnimo haddii aanaan anigu ku fadhiyin ama Beeshaydu ku fadhiyin cid kalena yaanay ku fadhiisane waan jebinayaa !

Suàasha maalintaas BBC-du Siilaanyo  weydiisay  ayaa isla lafteedii BBC-du waxay Siilaanyo ka weydiisay  dagaaladii ka bilaabmay Airport-ka Hargeysa ee u dhexeeyey Dawladdii Cigaal dhisay iyo mucaaradka ka soo horjeestay. Axmed Max`ed Siilaanyo waxa uu kaga jawaabay inay yihiin dagaalo u dhexeeya ciidamada Dawladda iyo Maleeshiyooyin ka soo horjeeda!

 

Jawaabahaas kala duwan ee Axmed Max`ed –Siilaanyo ka bixiyey labada xaaladood ee isku midka ahaa, waa arin inna tusaysa Mabda’a ay ku xisaabtamaan Siyaasiyiinteenu iyo isrogrogga ay leeyihiin sida jirjirolaha.

 

Jidgooyadaas Siilaanyo bilaabay waxa ku xigay ku dhawaaqistii Federaalka ee uu la soo banbaxay C/raxmaan Axmed Cali , taas oo iyana horseeday dagaalkii Hargeysa ka bilaabmay inuu Burcona ku fido, dawladda Cigaal-na u dirto Ciidamo uu hogaaminayo Siyaasiga Saleebaan Maxùd Adan( Saleebaan-gaal).  C/raxmaan Axmed Cali inkasta oo uu Doorashadii Cigaal ee Boorame uu aqbalay una hanneeyey madaxtinamada loo doortay haddana in yar ka dib waa uu isku rogey sababta sidii la doonaba ha loo macneeyee.

Ismail Odawa

Switzerland

06/03/2002

.............................................................................................................

 

U sheega dadka inay Dawlad Xaq ahi imanayso

Waxaa layaable inuu mayorka magaalada Hargeisa uu ka hadlayo inuu qorshe u hayo magaalada, waxa layaable inuu bixiyay xataa meelihii ay caruurtu ku ciyaari jirtay, sida garoonka kubada cagta ee biyo dhacay. Gani iyo Morgan way ka xishoodeen arintaas. Waxa layaable inuu bixiyay dhulkii dawladu ay lahayd, waxaad u sheegtaan dhamaan dadwaynaha reer Somaliland in ay imandoonto dawlad xaqi maalin aan maanta ahayn marka ay timaadana dadkii ku dhistay dhulka xaqdaro, ay ka kici doonaan. Su'aasha ay u baahan yihiin inay is waydiiyaan waxa weeye, ma ka maarmaan lacagta ay ku khasaarinayaan dhulka ay xaq darada ku dhisteen ee lays kaga daba iman doono. Idinkoo mahad san u sheega dadka

in dhulkii dawladu ay lahay record koodu uu noo wada qoran yahay.

Cabdi-casiis Axmed Muuse (India)

……………………………………………………………………………….

 

Fahamka Caafimaadka

Wadna-xanuunka

Marka ay si fiican u taxaddaraan ama qaataan talo dhakhtar aqoon u leh, waxaa dhacda in qofka uu wadno-xannuunku ku dhacay uu badbaado, daawooyinka casriga ah ayaa qayb weyn ka qaatay badbaadinta bukaanka wadnaha, laakiin arriintan waxa caawin kara qaab-dhaqanka qofka bukaanka wadnaha, waa inuu qaataa xilli nasasho. Arrintaasi waxay yaraynaysaa hawshii wadnuhu qabanayay, waxaanay siinaysaa fursad ay qaybta bugta ee wadnuhu ku bogsato.

 

Dadka qaar wadna-xannuunku ku dhacay ayaa bilaaba markay bogsadaan jimicsi si ay u xoojiyaan awoodda shaqo ee wadnaha. Dad uu xannuunkani ku dhacay ayaa sheegay markii ay sameeyeen jimicsiga inay heleen caafimaad dheeraada, qaarkoodna waxayba noqdeen dadka orda orodka dheer ee Maaratoonka.

Dhinaca kale nooca raashinka oo la habeeyo si loo ilaaliyo miisaanka jidheed oo keena waxyeelo, raashinka ay ku yaryihiin dufanka iyo milixdu, ayaa ah nooca raashin ee lagula taliyay bukaanka wadna-xannuunka qaba.

Qofka uu wadna-xannuun ku dhacay waxay dhakhaatiirtu kula taliyeen joojiyo cabbista sigaarka.

Talooyinka kale ee la siiyay dadka uu ku dhaco xannuunkani waxa ka mid ah, inuu beddelo qofku nooca shaqo adag ah ee uu hayay, si aanu xannuunkiisu u sii siyaadin.

Dadka uu wadna-xannuunku sida xun uga saameeyo Aarteriyada wadnaha heerka xun, (Chronic), noocan wadna-xannunka ah waxa loo yaqaanaa (Angina), waxaanay dhakhaatiirtu u qoraan bukaanka qaba kiniinka la yidhaa (Nitroglycerin), si kiniinkani ugu ballaadhiyo Aartariyada, taas oo saamaxda in dhiigu uu mari karo si bukaanku uu u dareemo nafis.

 

Xannuunkan waxa kale oo lagu daaweeyaa qalliin, iyada oo ay caadi noqotay in la beddelo qaybta bukootay ee wadnaha ama xidida dhiiga ee wadnaha taga.

Waxaa iyana xal u noqotay xannuunkan samaynta Aaladda Artificial-ka ah ee loo yaqaano (Pacemaker), waxaanay caawisaa bukaanka uu garaaciisa wadnuhu uu diciifay ama uu hakadyo aan caadi ahayn yeeshay, adhaddan sanaaciga ahi waxay qabataa hawl ay qaban jirtay Pacemaker-ka dabiiciga ah ee wadnaha qofka bukooday. Arrintan waxa la samaynayaa qalliin, waxaana Pacemaker-ka lagu xidhayaa wadnaha si uu ula shaqeeyo.

 

Xabadda (Syphilis)

Cudurka Xabbaddu ama Waraabowgu (Syphilis), wuxuu ka mid yahay xannuunada lagu isugu gudbiyo galmada ee loo yaqaan (STD). Cudurkani wuxuu keeni karaa marka aan la iska dawayn indho-la’aan, waali iyo dhimasho.

Xabadda waxa keena Bakteeriya jidhka ka gasha halka ay kaga badbaadayso sida, Hab-dhiska Taranka Rag iyo Dumarba. Cudurkani wuxuu maraa afar heer oo kala duwan oo mid waliba leeyahay calaamadihiisa iyo waxyeeladiisa jidheed.

 

Heerka koowaad ee Xabadda (Syphilis)

Heerkan xannuunka Xabaddu wuxuu bilowdaa marka Bakteeriyadiisu ay ka soo gudubto jidka qofka hore u qabay xannuunkan una soo gudubto qofka qaadaya xannuunkan, qofka xannuunku u soo gudbay ma dareemo in xannuun jidhkiisa soo galay muddo toban ilaa siddeed iyo toban maalood ah, kadib qofku wax yar oo xannuun ah ayuu dareemaa waxaana dhaca barar saameeya qaybta jidhka ee bukootay, xilligan haddii uu bukaanku dhakhtar la tashado si fudud ayaa looga daweyn karaa.

Heerkan koowaad ee xannuunka Xabadda haddii qofka la daweeyo iyo haddii aan la daweynba astaamaha xannunkan ee wejiga koowaad way baaba’aan toddobaadyo gudahood, markaa macnuhu maaha inuu xannuunkii tegay ee waxa dhammaaday wejigii koowaad ee xannuunka.

 

Wejiga labaa ee xannuunka

Heerkan labaad ee xannuunka Xabadda Bakteeriyadu waxay raacdaa dhiiga qofka buka waxayna gaadhaa qaybaha jidhka lix bilood ilaa sanado, xilligan bukaanku wuxuu dareemaa madax-xannuun, xummad iyo qanjidhada oo qaarkood bararaan, heerkan bukaanku wuxuu gaadhaa inuu faafin karo cudurka.

 

Heerka Saddexaad ee xannuunka

Dhammaan astaamihii heerka labaad ee xabadda xilligan way qarsoomaan, laakiin Bakteeriyadu waxay jidhka u geysanaysaa dhibaato faro badan, waxayna u gudubtaa xubnaha halbawlaha jidhka sida wadnaha iyo maskaxda.

Heerkani mararka qaar wuxuu ku eg yahay bilo, waxaase dhici karta inuu jidhka ku jiro 20 sano ilaa uu qofka ka dilayo.

Hooyada qabta xannuunkan ee uurka leh, ilmaha waxay ku qaadsiin kartaa isaga oo uurka ku jira, waxaanu ilmuhu ku dhiman karaa uurka ilaa afar bilood. Haddii hooyada qabta cudurkan ee uurka leh ay hesho daawo inta ka horraysa afarta bilood, iyada ilmuhuba way ka badbaadaan.

Xannuunkan waxaa daaweyn kara Antibiotics, heerarka hore, gaar ahaan Penicillin.

 

 

 

Xannuunka maskaxda (Mental Ills)

Si aynu u fahamno siyaalaha uu u bilowdo ama loo garto inuu qofku qabo xannuun kaga dhacay maskaxda aan eegno sheekadan ka dhalatay isbeddel qaab-dhaqameedkii dabeecadeed ee arday la odhan jiray Kim.

Kim, wuxuu ahaa arday ciyaara kubadda kolayga gelinka dambe, Kim in muddo ahba laguma arag garoomada kubadda. Kim waxa kale oo uu ahaa arday firfircoon oo kaftan badan, hase yeeshee xilligan wuxuu noqday arday inta badan maahsan oo ku jira riyo, hadalkiisuna uu yaryahay inta badana daalan, waxa kale oo is dhimay miisaankiisii jidheed iyo muuqaalkiisiiba.

 

Kim saaxiibadii iyo macallimiintiisaba waxay ka werwereen isbeddelka ku dhacay.

Macallin ka mid ah macallimiintiisa ayaa markii dambe booqday guriga ardaygiisa, wuxuuna la kulmay waalidkiisii oo uu kala sheekaystay xaaladda cusub ee la soo gudboonaatay. Hase yeeshee, Kim waalidkii waxay u sheegeen macallinka in inankoodu in muddo ahba uu shaqeeyo saacad kasta oo uu firaaqo leehayay, si uu u dhiso dooni uu qoysku hore u lahaan jiray, mana doonayo inuu si dhakhso ah u dhammeeyo, markaa arrinta ku cusubi aanay ahayn xannuun, laakiin ay tahay isaga oo xilli dambe ku gaadha hawshan.

Marka arrintan iyo isbeddelka ku yimi Kim la eego, macalliintiisa iyo ardayda ay isku fasalka yihiin miyay ku khaldanaayeen inay ka werweraan caafimaadka Kim?

 

Maya, kumay khaldanayn, waayo isbedellada lagu arkay Kim waxay ahaayeen kuwo u eg astaamaha lagu garto qofka uu xannuunka maskaxdu hayo ama uu ku soo jiro xannuunku.

Sida aynu ku aragnay sheekadan ma fududa sida loo kala garto in qofka uu hayo xannuun maskaxeed iyo in qofka uu hayo hawl kale oo mashquulisay maskaxdiisa. Labadan arrimood waxa u dhaxeeya wadiiqo yar oo lagu kala saari karo maskiaxda fayow iyo maskaxda xannuunku aafeeyay, inta badana ma cadda marka ay wadiiqooyinkaasi isku tallaabaan.

 

Dadka qaar ayaa ku cabira haddii uu qofku sameeyo qaab-dhaqan ka baxsan ka laga yaqaan degaankaas in maskaxdiisu aanay caadi ahayn, laakiin dadku wuu kala firfircoon yahay, wuxuuna ku kala duwan yahay dhinaca fikirka iyo hal-abuurka. Haddii dadka sidaa rumaysan la qaato fikirkoodana, waxay noqonaysaa in dadka waxa cusub soo kordhiyaa aanay caadi ahayn.

Sharciyan waxa dunida qaar qofka loo aqoonsadaa inuu waalan yahay marka uu ku saxmo qodobadan soo socda;

1.       Qofka xannuun maskaxeed qabaa ma kala garan karo khaladka iyo saxa dhaqan ahaan.

2.       Qofka xannuun maskaxeed qabaa ma xukumi karo ficillada uu samaynayo ama ficilkiisu ma sababaysna….

La socod ………

 

Halista caafimaad ee ku soo fool leh Hargeysa

Waxaynu galnay xilliyadii ay dillaaci jireen cayayaanka halista ku ah caafimaadka aadamaha sida Duqsiga, Kaneecada, Barambarada (Out Break), iwm, kuwaas oo dhammaantood ka dhasha nadaafad-darrada.

Haddaba iyada oo ay sidaasi jirto ayay maanta caasimadda Somaliland ee Hargeysa maraysaa heerkii ugu liitay ee nadaafad-darro tan iyo dhawrkii bilood ee u dambeeyay, buuro xashiis ah ayaa samaysmay, khusuusan goobtii xashiiska la dhigi jiray ee deyrja Idaacadda xaggiisa Waqooyi ayaa hadda noqotay meel qashinka looga caagay, dadka halkaa marayaana ka diiqadoodaan. Halka hoyga u noqotay qashinkan waxa ku yaala madarasado ay dhigtaan in ka badan 700 oo Arday, ardaydaas oo xilliga nusu-saacaha wax ku ag cuna goobtaa ay nadaafaddeedu aad u liidato.

Waxay dhibaato taa la mid ahi ka taagan tahay suuqa Xisbiga, Shiraaqle, Xaafadda Daami, Dooxaha Hargeysa iyo Goobo kaleba. Ugu dambayntii waxaan dadweynaha reer Hargeysa u soo jeedinayaa inay iska guraan xashiishkaas oo aanay isku hallayn ciddii hawshaa lahayd ee dayacday, maadaama ay xilliyadii roobabku soo dhowyihiin.

C/rashiid Cabdi Xuseen,

Hargeysa