SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 51-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf

Tirsiga 51aad, March 19, 2002

 

 


Saraakiil Maraykan ah oo Wada-hadalo Qarsoodi ah la yeeshay Xukuumadda Somaliland

H

argeysa (Haatuf, March 19): Wefti Saraakiil ah oo ka socda dawladda Maraykanka, ayaa shalay ka dhoofay magaalada Hargeysa, kadib markay wada-hadalo la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Mudane Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka.

Weftigaasi, waxa ay dalka yimaadeen gelinkii dambe ee Sabtidii, waxana wararku sheegayaan in ay Axadii la kulmeen Madaxweyne Cigaal.

 

Si rasmi ah daboolka loogama qaadin xubnaha weftigaas iyo ujeeddada booqashadooda. Hase yeeshee, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in weftigaas ay ka mid ahaayeen Saraakiil ka tirsan Hay’adaha sirdoonka iyo Pantigonka (Wasaaradda Difaaca) Maraykanka, isla markaana ay Madaxweyne Cigaal iyo Xukuumadiisa kala xaajoodeen arrimo ku saabsan ammaanka dalka iyo argagixisada.

Sida ay wararkaasi sheegayaan, weftiga iyo Xukuumaddu waxay ka wada-xajoodeen Mawaadiic khuseeya danaha iyo xidhiidhka labada dal ee Maraykanka iyo Somaliland, iyada oo masuuliyiinta Somaliland ay mar kale u xaqiijiyeen in ay ayidsan yihiin, lana shaqaynayaan Isbahaysiga Maraykanku hogaamiyo ee ololaha la dagaalanka argagixisada.

 

Afhayeenka Madaxtooyadda Mr. Cabdi Idiris oo aanu arrimaha weftigaas wax ka weydiinay, waxa uu xaqiijiyay inuu dalka yimi wefti Maraykan ah, hase yeeshee waxa uu ka gaabsaday inu wax faahfaahin ah ka bixiyo ujeeddada weftigaas iyo arrimaha ay Xukuumadda ka wada-hadleen.

 

Dhinaca kale, Idaacadda Dawladda ee Raadiyow Hargeysa ayaa ka soo xigatay Afhayeenka Madaxtooyadda in Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cigaal uu fadhigii Golaha Wasiiradda ee shalay kaga waramay dedaalka dawladda ee arrimaha dibadda. Sida warkaasi sheegay, Madaxweyne Cigaal waxa uu Wasiiradda uga waramay sida xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland la leedahay dunidu uu u sii xoogeysanayo marba marka ka dambaysa, “Taasi oo ay markhaati u tahay” ayuu yidhi; “Diblomaasiyiinta Caalamka ee sida is-dabajoogga ah u imanaya dalka, ayna ugu dambeeyaan kuwa maanta (shalay) joogga dalka iyo qalabka warbaahinta iyo warfidiyeenada maalin kasta imanaya dalka.

 

Sida warkaasi sheegay Madaxweyne Cigaal, waxa uu rajo fiican ka muujiyay beesha Caalamka. Sidaas darteedna, waxa uu ku booriyay Wasiiradda in ay xoojiyaan hawlaha dhinaca gudaha.

Socdaalka weftigan Saraakiisha ah ee Maraykanku, waxa uu ku soo beegmay iyada oo gobolka Geeska Afrika uu socdaal ku marayo Abaanduulaha Taliska dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee ka hawl-gelaya Eeshiya iyo Bariga Afrika, General Tommy Frank.

 

Gen. Frank, waxa uu socdaalkiisan ku maray Waddamada Djabuuti, Erateriya iyo Itoobiya, isaga oo Madaxda dalalkaa kala xaajooday dagaalka uu kula jiro argagixisada iyo xaaladda qasan ee Soomaaliya, waxaana jira warar booqashada Saraakiishan Maraykanka ku xidhiidhinaya socdaalka Gen. Frank uu ku marayo Gobolka iyo weliba wada-hadalo hore Xukuumadda Somaliland iyo Saraakiisha Maraykanka u dhexmaray oo ku saabsan ololaha isbahaysiga Maraykanka ee la dagaalanka argagixisada.

 

Madaxweyne Cigaal, ayaa hore waraysi u siiyay Wargeyska Al-Xayaat ee ka soo baxa London, ku sheegay in Maraykanka ay ka wada-hadleen ololaha argagixisada bishii December, uuna u muujiyay taageero, balse aanay dib ula soo xidhiidhin.

……………………………………………………………

 

Laba Urur Siyaasadeed oo ku hadhay Qiimayntii Guddiga Diiwaangelinta

 

H

argeysa (Haatuf, March 19,): Guddida diiwaan-gelinta iyo ansixinta axsaabta Siyaasiga ah ee ka qayb-galaya doorashooyinka guud, ayaa ogolaansho rasmi ah siiyay shan ka mid ah toddobada urur e isu diiwaangeliyay tartanka doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta Maxamed Jaamac Boodhe, ayaa lagu cadeeyay magacyada shanta urur-siyaasadeed ee buuxiyay Shuruudihii looga baahnaa ee ay ku ansaxaysay ka qayb-galka tartanka dawladda hoose.

 

Shantaa urur oo kala ah: UCID, UDUB, HORMOOD, SAHAN iyo BIRSOL, inkasta oo ururada shanta ah la siiyay ogolaansho rasmi ah, haddana waa lagala noqon karaa haddii ay ku kacaan waxaan sharcigu u ogolaan. “Waxay u tartami doonaan doorashooyinka dawladaha hoose, haddii aanay la iman wax xeerka burinaya,” ayuu yidhi War-saxaafadeedku.

 

War-saxaafadeedkaas oo guddidii soo saartay 17/03/2002, waxna guddidu ku go’aamisay in labada urur-siyaasadeed ee ILAYS iyo UMAD, ay buuxin waayeen shuruudihii u fasaxayay in ay ka mid noqdaan ururada ka qayb-gelaya tartanka dawladda hoose. Sidaa darteed, waxay guddida diiwaan-gelintu labada urur ee ILAYS iyo UMAD kula taliyeen in ya u hawl-galaan, sidii ay u dhamaystiri lahaayeen Shuruudaha qabyada ka ah ee uga hadhsan.

 

Guddida diiwaan-gelintu, inkasta oo ay labadaa urur ka reebeen kuwa ogolaanshaha rasmiga ah la siiyay, haddana waxay sheegtay in loo tixgelin doono diiwaan-gelintoodii hore.

Hase yeeshee, ururka ILAYSKA Somaliland oo ka mid ah, labada urur ee loo diiday ruqsadii rasmiga ahayd ee ururnimo, ayaa go’aanka guddidii gaadhay ku tilmaamay mid lagu degdegay oo aan ku sataysnayn wacyiga hadda jira. War-saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee ILAYSKA Somaliland Cumar Jaamac Faarax, wuxuu u dhignaa sidan;

 

“Warka ka soo baxay guddida diiwaan-gelinta ee ay ku sheegeen in ILAYSKA Somaliland uu buuxiyo shuruudaha uu ugu tartamayo doorashada dawladaha hoose, iyaga oo tixraacaya kormeerkii ay sameeyeen bishii Diisambar, ka hor intii aan dib loo dhigin wakhtiga doorashooyinka.”

Xoghayaha ILAYS, oo War-saxaafadeedkiisa kaga hadlaya sida ay ula u muuqdo, go’aan guddida diiwaan-gelinta, wuxuu yidhi; “May ahayn in guddidu qiimayntooda ku saleeyaan wakhtigii hore looga guuray, iyadoo doorashooyinkiiba dib loo dhigay.”

Guddida diiwaan-gelinta iyo ansixinta Axsaabta Siyaasadeed oo kormeer baadhiseed ku soo maray gobolada iyo degmooyinka dalka, ayaa shir ay yeesheen, kadib soo saaray Warbixin ku saabsan qiimaynta hawl-qabadka ururada ee la xidhiidha hawlihii xafiisyadooda, sida diiwaanta xubnaha ururku ku yeelanayo gobolad aiyo kuwa kale.

 

………………………………………………………………..

 

“Guurtidu ha joojiso sida cad ee ay ugu ololayso UDUB”

Warsaxaafadeed Ururka UCID

H

argeysa (Haatuf, March 19, ): Ururka UCID ee Cadaaladda iyio Daryeelka, ayaa War-saxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Falkenberg ee dalka Sweden oo shirar iyo abaabul uu uga socdo, waxa uu dhaliilo ugu soo jeediyay Xukuumadda, Guurtida iyo Mucaaridka.

 

Warkaas oo uu soo saaray Afhayeenka ururka UCID ee Yurub, Inj. Naasir X. Cali, waxa uu soo jeediyay dowladda in ay joojiso magacaabista degmooyinka cusub, kuwaas oo uu sheegay ururku in si ku tala-gal ah oo xad-dhaaf ah loo magacaabayo, loogana jeedo cod-badsi keliya.

 

Golaha Guurtidana, waxa uu ururka UCID ugu baaqay in ay ka waantoobaan sida cad ee ay ugu ololeeyaan ururka UDUB ee dawladda ee uu gudoomiyaha u yahay Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Waxa kale oo uu Xukuumadda iyo Baarlamaankaba ka dalbaday in si degdeg ah loo dhammaystiro, wixii ka dhiman Maxkamadda distooriga ah, si loogu kala baxo, khilaafkana lagu xalilo.

 

Maxkamada sare, isla markaana ah Maxkamadda Distoorka oo gudoomiyaheedii ku-meelgaadhka ahaa bil ka hor Madaxweynuhu xilka ka qaaday ayaan ilaa iyo hadda guddoomiye cusub loo magacaabin. Isla markaana Maxkamadda Sare, waxay qaybweyn ka tahay caqabadaha horyaalla Doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca, iyadoo ururada Mucaaridku ay ku doodayaan in aanay ku kalsoonaan karin, hannaanka garsoor ee hadda jira.

 

Ururka UCID, waxa uu sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland uu yahay wax aan cidna lagala gorgortami karin, adduunyaduna ay qirayso Jiritaankeeda, waxana uu ku baaqay in laga fogaado isticmaalka hadalada keeni kara qas iyo kala fogaansho, waxna u dhimaya Midnimada. Isaga oo si gaar ah u xusay War-saxaafadeedku, waraysi uu dhowaan Siyaasiga Saleebaan Maxamuud Aadan siiyey Idaacadda BBC-da, taas oo uu sheegay in ay tahay wax laga naxo in “Saleebaan uu inkiray Jiritaanka Somaliland.”

 

Dhinaca kale ururka UCID, waxa uu sheegay in ereyga “Mucaarid” loo isticmaalo keliya qayb ka mid ah Mucaaridka dalka, taas oo uu ku tilmaamay in ay meel-ka-dhac ku tahay ururada Mucaaridka.

“Waxa meel-ka-dhac ku ah dhammaan ururada Mucaaridka ee Somaliland, in ereyga Mucaarid loo isticmaalo oo keliya qayb ka mid ah Mucaaridka dalka. Sidaa darteed, waxaan caddaynaynaa in arrintan si khalad ah loo turjumay, lagana saaray ururada kale ee Mucaaridka ah, sida UCID,” ayuu yidhi War-saxaafadeedku. Waxana uu intaas ku daray in Waan-waanta iyo isu-soo-dhoweynta hadda la wado ay tahay, mid u dhexeeya dawladda iyo qayb ka mid ah Mucaaridka ee aanay ahayn, mid u dhexeysa Mucaaridka oo dhan iyo dawladda, sida Saxaafadda loogu sheego.

………………………………………………………………………

 

Boorame: Dagaalkii ka dhacay Raad ma ku reebay Bulshada?

Warbixin – Maxamed Cumar

 

T

an iyo markii Xukunkii Afweyne ka baxay dalka 91-kii, waa markii ugu horaysay ee magaaladan Boorama dad hubaysani iskaga horyimaadaan, goobaha ugu cammiran ee ugu dadka badan. Bishan March 10-dii, ayay ahayd, wakhtigii ay si lama filaan ah maleeshiyooyin ka tirsan laba beelood oo u dhashay gobolkan Awdal ay rasaas isku weydaarsadeen suuqa, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba soo gaadha, isla markaana dad rayid ah oo aan ka tirsanayn labadaa beelood ay soo gaadheen dhibaatooyinkaas oo kale. Haddaba, sidee ayaa dagaalkaasi u saameeyay, Nolosha reer Boorama?

 

Waxaa War-bixin arrintaa ku saabsan soo diyaariyay, Weriyahayaga Gobolka Awdal, Maxamed Cumar.

Run ahaantii Boorama, Tobankaa sannadood ee Xukuumadda Somaliland la dhisay iyo intii ka horaysay ee ay jireen dagaaladii sokeeye, dadka ku nooli way ka duwanaayeen kuwa maanta. Dadka reer Boorama, boqolkiiba konton waa dhalinyaro, waxayna u badan yihiin kuwa aan waxba ka arag dagaal magaalo, balse way jeclaayeen in ay arkaan xaqiiqada dagaalada xigtada.

Dhalinyarada reer Boorama ee u dhaxaysa 10-jirka ilaa iyo 15 jirku, khalkhal ayay ku hayeen nabadgelyada magaalada. Dad reer Boorama ah oo Waayeel ah iyo Waalidiinta dhalinyaraduba, waxaad moodaysay in ay ka dambeeyaan waxa ay samaynayaan carruurtoodani, sababtoo ah marka la qab-qabto way u ashtakoodaan, iyagoo ku andacoonaya in aanay carruurtoodu Masaajidka ka bixin. Dagaalkii dhawaanta ka dhacay Boorama, wuxuu dad badan oo reer Boorama ku beeray maskax cusub iyo xisaabtan dhab ah oo ay ka sameeyaan waxa dambe ee ka iman kara, haddii ay dhacaan kuwa kale.

 

Haddaba, dagaalkan dhexmaray laba ka mid ah Maleeshiyooyinka Boorama, ayaa waxa uu marka horeba ka bilowday meelaha ugu cammiran magaalada oo ay ku yaallaan Bacadlaha, Kaboolayaasha, Jaadlaha iyo Bakhaarada Bagaashka iyo Farsamooyinka Dhismaha. Saacado gudaheed, waxay goobtaasi u ekaatay goob aan weligeed la degin. Saamaynta kale ee dagaalku ku yeeshay nolosha dadweynaha, ayaa waxa ugu weynaa; Argagaxa ku dhacay Waayeel iyo Da’yar aan weli arag dagaal magaalo; Budhcad iyo tuugo ku soo gabaday rasaasta oo boobay hanti laga yaacay; Dad ka baxay magaalada oo aan garanayn meel ay hantidooda iyo naftooda ula cararaan. Nabad jacayl ay haweenka, Culimada iyo Madax-dhaqameedyada iyo Ganacsatadu ku wacyi-gelinayaan dadweynaha, mar haddii reer Boorama jeclaadeen nabadgelyada, waxa soo baxday in la jeclaado Ciidamada Nabadgelyada oo uga gurmaday dhiig badan oo daata, gaar ahaan Ciidanka Booliiska oo dhalinyarada reer Boorama shiidi jireen, marka ay tuugga qabanayaan ama dambiile kale soo xidhayaan oo xaalkoodu hadda noqday in lagu ixtiraamo shaqadooda. Rasaastii lagu yaaci jiray goobta ay ka dhacdo maanta waa laga dheeraanayaa, lamana dhegeysto ninkii lagu soo xoomi jiray marka uu ka hadlayo isku-dhac. Duruusta reer Boorama ka barteen maalinta dhaweyd dagaalkii dhacay waa kuwa ay xusuusnaan doonaan muddo dheer. Inkasta oo ay weli u dhiman yihiin casharo kale oo ku kelifa in ay nabadda si buuxda ugu wada hawl-galaan.

…………………………………………………………………….

 

 

Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda oo soo saaray Maalinta ay dib u bilaabmayso Diiwaangelinta Ururradu

 

H

argeysa (Haatuf, March 19,): Guddiga diiwaan-gelinta axsaabta Siyaasadeed, ayaa fadhi ay shalay yeesheen ku go’aamiyay maalinta ay ka bilaabmayso, muddadii labada bilood ahayd ee lagu kordhiyay wakhtiga is-diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda.

 

Guddigu kulankaas, wuxuu ku go’aamiyay laba qodob oo u dhignaa sidan;

  1. “In ay Guddigu, diiwaan-gelinta ururada aan hore isu diiwaan-gelin, si ay u dhisaan urur Siyaasadeed ay diiwaan-gelintu ka bilaabmayso 18th March 2002, socona doonto muddo laba bilood ah oo ku eg 18th May 2002.
  2. In ay Guddigu, muddada laba bilood gudohooda ee ay is-diiwaan-gelintu socoto, ay mar walba oo saacadaha shaqada ah ugu diyaar yihiin cidkasta oo u baahan in ay isu diiwaan-geliso urur Siyaasadeed, iyadoo diiwaan-gelintu ka socon doonto Xarunta Guddiga oo ku taalla goobta ay tahay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda (Ex-Official Union), waxaana xarunta laga bixin doonaa Foomka uu ururku soo buuxin doono.”

…………………………………………………

 

Xukuumadda Somaliland oo Madaarka Hargeysa ku xayirtay Diyaarado u shaqeeya Hay’adaha Caalamiga ah

 

H

argeysa (Haatuf, March 19,): Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa shalay Madaarka Hargeysa ku xayirtay saddex ka mid ah, Dayuuradaha u kiraysan hay’adaha Samofalka Caalamiga, kadib markii ay bixin waayeen lacagta adeegga ah ee laga qaadi jiray oo Wasaaraddu kordhisay.

Lacagta adeegga ah (Handling Charge) ee hore looga qaadi jiray, halkii duulimaad oo ahaa labaatan doollar ($20 USD), ayaa kor loo qaaday oo laga dhigay boqol doollar ($100 USD), hase yeeshee Masuuliyiinta dayuuradahaas ayaa diiday in ay bixiyaan kharashkaa lagu kordhiyay. Taasina waxay keentay in saddexdaa dayuuradood laga xayiro duulimaadkii ay samayn lahaayeen oo ka bilaabmayay 8:00 Subaxnimo ee Isniintii shalay.

 

Maamulayaasha dayuuradahaa la xayiray, ayaa diidmadooda ku sababeeyay in aanay dayuuradahoodu ahayn qaar qaadda alaab culus oo xamuul ah, waxa ay dalka keenaana ay tahay qof iyo shandad. Sidaa darteedna, waxay ku adkaysanayaan in lacagtaa lagu kordhiyay aan xaq loogu lahayn.

Maamulaha Madaarka Hargeysa, C/llaahi Sugaal oo aanu wax ka weydiinay sababta loo xanibay duulimaadkii dayuuradahaa, ayaa cadeeyay in ay iska bixin waayeen khidmadii adeegga ee laga qaadi jiray, “Waxay diidan yihiin dawladnimadeena, waayo, waxay bixin waayeen lacagtii sharciga ahayd ee Baarlamaanku ansixiyay,” ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Hargeysa.

 

Maamulaha oo aanu waydiinay in dayuuradahaa la sii daynayo iyo in kale, ayaa sheegay in arrintu dhammaanayso diyaaradahana la fasaxayo, hase yeeshee ma sheegin wakhti cayiman oo loo qabtay sii daynta dayuuradahaa iyo waxa lagu heshiiyay midna.

 

Dayuuradaha la xayiray oo ay leeyihiin Shirkadaha; UNCAS iyo ICAO, waxay Madaarka Hargeysa fadhiyeen muddo saddex maalmood ah, balse intii shalay ka horaysay way Madaxbannaanaayeen.

……………………………………………………………………………..

 

Raxmaadkii Gu’ga oo ka Curatay  Somaliland

 

H

argeysa (Haatuf, March 19,): Raxmaadkii Xilliga gu’ga ayaa ka curtay meelo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Caasimadda Hargeysa oo ka mid ah meelaha roobku ka curtay, ayay dhibicdii ugu horaysay, barta saartay abaaro Saddexdii galabnimo ee Wekhtiga gudaha ee shalay. Inkasta oo aanu raxmadda gu’gu si isku mid ah u helin xaafadaha magaalada, haddana si weyn ayay uga doogsatay basaastii xilliga Jiilaalka. Roobka galabnimadii shalay ka curtay  Hargeysa, waxaa ka dhashay daadad xoog leh oo ka soo rogmaday buuralayda ku xeeran magaalada, kuwaas oo qaarkood kala xidheen isu socodkii dadka iyio gaadiidka ee magaalada.

 

Laagta Maroodijeex oo ay soo maraan biyaha ka soo rogmada buurta Libaaxyada ee koonfurta Hargeysa, oo uu daafaha mariyay daadku, ayaa keentay in ay gaadiidka iyo dadkuba ku xanibmaan muddo afartan (40) daqiiqadood ah. Gaadiid isugu jira Basaska shillin guratada ee ka shaqeeya xaafadaha, oo aad u buuxa ayaa ka mid ahaa baabuurtii muddada taagnayd dhinaca bari ee laagta daadku marayay, kadib markii ay u suurtoobi wayday in ay ka tallaabaan. Gaadiidkii kale ee daadku xanibay,waxaa ka mid ahaa gaadiid badan oo ka yimi Madaarka Hargeysa, dadkaas oo ahaa rakaabkii la kala socday dayuuradda ay leedahay (Ethiopian Airlines) oo ka timi magaalada Adis Ababa iyo dayuurad kale oo ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines.

 

Laba haween oo Ajnabi ah, ayaa iyana ka mid ahaa dadkii saarnaa gaadiidka kala duwan ee la kulmay Jid-xidhankaa muddada socday. Laba dumar ah oo Ajnabiya oo watay baabuur yar, ayaa waxa ku soo ururay dad dhalinyaro u badan oo uga digayay khatarta ay biyuhu leeyihiin, balse is-faham la’aan dhinaca luqadaha, taas oo keentay in ay hablahaasi ka saseen dadkaa ku soo xoomay.

Meelaha kale ee roobabku ka curteen waxaa ka mid ah, magaalada Boorama, Sheekh iyo Balli-gubadle. Roobabkaasi, wax khasaarooyin ah oo ay geysteen lama soo sheegin.

…………………………………………………………………..

 

 

Raadiyow Maqalloocshe

Axmed Cali Garas

Halkani waa Raadiyow Maqalloochse oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaqyahanka.

Dhegaystayaasha indhaha buurbuuranow iminkana waxa idinku soo maqiiqan warkii dunida, waxaana maanta u soo indho kuulatay Abaydaay Filfilo-caddeey.

 

Warkii oo kambadhuudha:

Dhako-buurka Itoobiya u arrimiya Mr. Sarrif Sanaawi, ayaa yidhi Jamhuuriyadda Shanka-roonland Duruunow, laakiin anigu aqoonsi Adhalam. Hadalkaas oo macnihiisu yahay, Nacam Billah waa bahal la aqoonsadaa, laakin misbiyaajoow anigu uma hayo. Ninkaasi wuxuu u sheegay warboobe BBC-da u dhaxay oo dhawaan u dhukusay mar uu weydiiyay haddii aad Shankaroonta caashaqday, maxaad aqoonsiga ugu ishi-garayn weyday, wuxuu yidhi waanan ku eed-baxayn.

Haddaa bal u tilmaan xaggee laga dayaa ayaa la weydiiyay, wuxuuna yidhi “Anigu u aftixi maayee suuqa Bakaaraha ee Xamar iyo Daba-kaaye madow haddii ay tinish yar ka soo qaataan waan u kordhin doonaa oo anigaa matooga u buuxinaya. Sarrif Sanaawi wuxuu si badraanimo ku jirto u yidhi “Indhee, Shankaroontu way warafaa hidhay, nabadda iyo dawladnimaduna waa Busuu Busuu alle” wuxuuna sheegay in dhakhtar loo diray oo markii dhiig laga qaaday laga helay Shankaroonta 6 balaas oo nabad ah iyo saddex iyo badh dawladnimo ah.

 

Mar la weydiiyay Shaarishaaridaba weydinka Ambaasadorka u diraye maxaa dawladda Safaarad ugu diri weydeen, wuxuu ku jawaabay; “shaarishaari fiican baa beryahaaba naga dhaxaysay Shankaroonta, waayo laba boqol oo Tiyoote oo jaad ah ayay maalin kasta naga iibsadaan."

Mar lagu yidhi markay Mingiste Xayle iyo Siyaad is laayeen miyaad xasuusan tahay, wuxuu yidhi; “Eger-eger maya waanagii ilownay, gobolkii ay isku haysteena anigu waxaan ku idhi haddaad meel aad qabataan garanaysaan waad tegi kartaan.”

Hadalkaas Sarrif Sanaawi ayaa habro reer Shanka-roon ahi sheegeen inuu yahay war sonkor leh, laakiin oday kale ayaa yidhi sonkorna ma leh, ma ninka yidhi Xamar aqoonsi ka soo qaata iga walla waa kaa jar ka tuuray. Ammaan lahayne Allow yaa harageedii inagaga celiya.

 

Carabta

Madax-yaraha Maraykanka Mr Jeena Dhiig, ayaa maalin dhaweyd Carabta u yimid oo ku yidhi Ciraaq ma dilnaa? Markaasay ugu jawaabeen waar beri hore ayaad Ciraaq disheen oonu kula dilnay laakiin maanta ma oggolin inaad dhirbaaxdo.

Dalka laan-gaabka ah ee Kuweyd oo mar hore Ciraaq buquujisay digtana uu ka dhammayn lahaa haddaan Maraykanku ka soo gaadhin ayaa ahayd Carabiyaddii ugu dambaysay ee diida in Ciraq la karbaasho, iyada oo tidhi, “Haddii madaxweynayaasha waalwaalan lalaynayo Eerayal Shardoonka Israa’iil iyo ka Ciraaqba ha la-isku daro.”

 

Waddamada Orobada la baxay ayaa Maraykanka u sheegay in wixii Saddaam lala damacsan yahay majlisul umamka laga ansixiyo.

Madaxyare Jeena Dhiig oo aan faraxsanayn ayaa la sheegay inuu ka noqday oo nimankii Maraykan uga warrami doono Carab iyo camaladeed, waxaana laga baqo qabaa in Maraykan weyne Carab ku xayraamo oo batroolkana ka aaso cumaamadahana ka daadiyo.

Warar Bari Carab iga soo gaadhay ayaa sheegaya in nimankii carbeed isku yaacyaaceen oo ay doonayaan inay dalalka isku durdurkiyaan iyada oo la sheegay in Ciraaq iyo Iiraan ay isku darsanayaan haddii xayraanka Maraykanku soo kordho.

 

Jabuuti

Diyaarad ciyaal ahayd oo Jabuuti u dhalatay, ayaa shalay ku kuftay badda guduudan, waxaana ku dhintay cir-maaxyadii diyaaradda iyo kaarayaashii soo kireeyay.

Diyaaraddaas oo ahayd diyaarad aan weynayn oo Aaran ah lama oga inay cirka gidaar ku duqaysay iyo in diyaarad weyni cirka feedh kaga soo tuurtay, waxaase la ogyahay in aanay xarago isku dilin kolleyba ee cirka lagu qaniinay, odayaal waaweynina waxay wiswis ka muujiyeen basar-xumo ceelkaa lagu xanto in diyaaraddaa loo malgay.

 

Warkii maanta waa naga intaa haddii rabbi xukmayo, imminkana waxaynu joognaa ammintii aannu idin hulluuqsiin jirney gabayadii suugaantii buurbuurnayd ee Raadhiyowga aydun uga barateen.

 

Gabay Coofle oo qarayar baan soo  cirbixiyaaye,

Qalqalloocintaydaad qacdiyo qabaxda yaabtaaye,

Soomaaliya Itoobiya haddii lagu cashaysiiyo miyay noqon kartaa moofo iyo kimis la suugeeyey,

Aqoonsiga Itoobiya na tidhi Xamar ka soo qaata.

.Wadaadada ninkii baacsadaa dollar buu heliye!!!

Ka rogoo laba saaray.

Adna Malas Sanaawow,

Awoowgii la naaryow,.

Aqoonsigu ma roodhaa,

Ma maqaayad shaahoo,

Dadku wada masruuftaa,

Dad baa bahalka sugayoo

Oohowda gurayee

Shiikhii loo irkanayow

Soo ururi bahalkii

Islaan baa dorraad tidhi,

Nin wadaadda caydhshaa,

Citiraafka helayee,

Culimadan Gadh-dhuubta ah

Ka sameeya doollaar,

Adhigii la diidyoo,

Ahmin kale ma haynee,

Suufiyada ka reeboo,

Ragga lacag ka soo shuba.

…………………………………………………………………….

Yaa Ragaadiyey Odayayntii Siilaanyo?

Ma Khabiirrada Golaha Wasiirrada Mise..

Faallo:  Cumar Daahir Cumar

March 19,

 

M

uran ka dhashay qodabada Dastuurka Somaliland oo siyaalo kala duwan loo fasirtay, iyada oo dhinac walba uu ku saleeyay ujeedadiisa iyo aragtiisa gaar ahaaneed, hay’adihii garsoor ee ka gar-niqi lahaa oo gees la raaciyay, is-aamin-darro muddo soo kobcaysay oo u dhaxaysa maamulka xilligan ee Somaliland iyo mucaaridka dhaliila ee leh ujeedooyinka kala duwan iyo aragti siyaasadeed oo meelo kala duwan ku aroora ayaad moodaa inuu sababay aakhirkii inuu Somaliland gaadhsiiyo heer muran-siyaasadeed kii ugu muuqaalka xumaa muddadii 12 sannadood ahayd ee ay Somaliland la kacaa-kufaysay gooni-isu-taaggeeda iyo yagleelka maamul aan haysan taageero ka baxsan kan dadweynihiisa.

 

Arintan saddex qodob ayaa muhiim ah, tan koowaad waa xisbiga uu hoggaminayo ninka ugu cad-cad mucaaradka ee Somaliland xilliyadan dambe Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo ka biyo-diiday inay xisbi ahaan isku diiwaangeliyaan.

 

Tan labaad waa fikirka Saleebaan iyo taageerayaashiisa ee ah in hoggaaminta Somaliland loogu tartamo qaab aan ahayn xisbiyo sida shir-beeleed ama shirweyne qaran.

Arrinta saddexad waxay tahay muran ka yimid dhinaca mucaaridka oo ku saabsan muddada sanadka ah ee loo kordhiyay xukuumadda Somaliland.

Isku-darka dhammaan arrimahaasi waxay noqdeen khilaaf soo shaac-baxay oo ay dareemeen inta badan wax-garadka reer Somaliland iyo shicib-weynahaba jawiga siyaasadeed ee xiligan.

 

Marka uu yimaado muran iyo kala qaybsanaan xoog leh oo siyaasadeed si loo dhowro danta guud ee ummadda waxa lagama maarmaan ah odayayn iyo isu soo dhaweyn afkaarta kala tagsan. Haddaba waxa dhawaan doorkaa odayaynta iskii isugu xilqaamay Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweyne Cigaal iyo Mucaaridka oo ay labada dhinacba soo dhaweeyeen dhexdhexaadintaas. Jewigaasi wuxuu ahaa mid rajo geliyay dhammaan wax-garadka Somaliland, laakiin waxa arrinta soo dhexgalay latashi uu madaxweyne Cigaal arrintan kala sameeyay Golihiisa wasiirada, haddaba waxa isweydiin leh Golaha Wasiirada ee Somaliland oo ay ku jiraan xubno wasiiro ahaa in ka badan 7 sannadood oo caan ku ah kooxaysiga siyaasadeed ee carqalada ku ah habsami u socodka hawlaha talo iyo maamul ee Somaliland. Xubnahaasi talo caafimaad qabta ma ka siin karaan madaxweyne Cigaal sidii uu isu soo dhaweyn aragtida siyaasadeed ah kula samayn lahaa mucaaradka Somaliland?

Su’aashan jawaabteeda dadku wuu ku kala aragti duwanaan karaa, laakiin marka la eego hab-dhaqanka xilliyadii tegay ee wasiirada muxaafidka ah ee ku saydha sunta maska cid walba oo aan iyaga ahayn ee ay dareemaan in madaxweyne Cigaal xidhiidh la samaynayo ama uu u qorshaystay inay ka wada shaqeeyaan ama ka wada tashadaan danta guud.

 

Marka arrintaa la dhuuxo waxa marag ma doon ah inay siinayaan madaxweyne Cigaal talo keenta inaan mucaaradka iyo madaxweynuhu isku soo dhawaan. Ta labaad waxa habboon inuu madaxweyne Cigaal tixgeliyo danta guud ee ummadda oo uu yeelo wax walba oo deggenaansho ku kordhinaya qaranka Somaliland ee aanu tixgelin wasiirro ku miyir beelay sidii ay u xejisan lahaayeen kursiga wasiirnimo, xataa haddii uu soo dumayo gidaarka guriga ay ku shiraan Golaha wasiiradu ee madaxtooyadu.

Gunaanadkii odayayntii Siilaanyo ee uu soo dhaweeyay madaxweyne Cigaal mucaaradkuna taageereen, waxaa laalay taladii ay wasiirada u muuqda in gowskoodu laasimay hantida ummadda ay siiyeen madaxweynaha iyaga oo uga jeeda inaan madaxweynuhu samaynin furfurnaan siyaasadeed oo isu furta xukuumadda iyo mucaaradka, taas oo meesha ka saaraysa wasiiro badan oo ku tamariya khilaafka jira.

Wixii aragti kala duwan ee dhex mara mucaaridka iyo dawladda si fudud ayaa loo xallin karaa haddii ay xukuumaddu muujiso niyad wanaag, furfurnaan iyo in talada loo siman yahay muwaadiniinta kuwa xilka haya iyo kuwa aan xilka haynin, meeshana laga saaro kooxaysiga ragaadiyay midnimada iyo wax wada-qabsiga reer Somaliland, shakhsiyaadka qaarna ay shaqada ka dhigteen.

……………………………………………………………………..

Golaha wakiilada oo ansixiyay Miisaaniyadda 2002

H

arg (Haatuf, March 19,) :- Golaha wakiilada ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda sannadka 2002, isla markaana raaciyay go’aano iyo talooyin ay ku lifaaqeen oo ay soo jeediyeen in la dhaqangeliyo.

 

Miisaaniyadda sannadkan 2002, oo gaadhaysa boqol iyo afar bilyan oo shillin wuxuu goluhu ku ansixiyay 48 cod, hal mudanena wuu ka aamusay. Ansixinta miisaaniyadda wuxuu goluhu ku lifaaqay go’aano farta ku fiiqaya sidii loo sixi lahaa gal-daloolooyinka jira iyo talooyin.

 

Go’aanada iyo talooyinka ay soo jeediyeen waxay u dhignaayeen sidan;

Dhammaan hay’adaha dawladda, wasaaradaha, kuwa madaxa bannaan iyo dawladda hoose waxa ku waajib ah inay si toos ah ugu dhaqmaan xeerka maamulka maaliyadda. Hantidhawraha guud iyo xisaabiyaha guudna waa inay hubiyaan dhaqangalka xeerkaas oo uu tilmaamayo qodobka 34aad faqraddiisa 2aad ee dastuurku.

 

Dawlada dhexe iyo dawladaha hoose waxaa reeban inay qaadaan cashuur ama ta’riif aanu xeerku jidayn ama ay bixiyaan kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku soo aroorin sida uu tilmaamayo qodobka 14aad, 55aad faqraddiisa 3aad ee distoorku.

Maadaama dhoofkii xooluhu xayiran yahay canshuurta dejin dhoofkana aan marwalba lagu tiirsanaan karin inay talo midaysan oo cad ka gaadho soo xaraynta cashuuraha aas-aasiga ah sida macaashul-macaashka ee ku baaqday ganacsatada qaarkood iyo canshuuraha lagu leeyahay shirkadaha isgaadhsiinta ee muddo-dhaaftay. Iyada oo guddiga dhaqaaluhuna ka qaybqaadan doono hawshaas sida uu tilmaamayo qodobka 34aad faqraddiisa 3aad ee distoorka, kuwaas oo bixin la’aantooda ciqaabi ka dhalan karto sida ku tilmaaman qodobka 34aad faqraddiisa 5aad ee distoorka.

 

Si loo daweeyo is-maandhaafka dhexyaala waaxda garsoorka iyo wasaaradda caddaaladda, loona sugo kala madax-bannaanida waaxyaha qaranka, waa in miisaaniyadda maxkamadaha hoose laga wareejiyaa wasaaradda caddaaladda lana hoos geeyaa guddiga garsoorka, oo ah hay’ad hoggaamisa maamulka garsoorka, guddomiyena uu u yahay guddoomiyaha maxkamadda sare, siduu tilmaamayo qodobka 107aad ee dastuurku.

 

Qandaraasyada dawladdu bixinayso iyo wax kasta oo ay iibsanayso oo ay lacagtoodu ka badan tahay lix milyan, waa in guddiga qandaraasyada loo soo gudbiyaa si loogu bandhigo dadka oo ay ugu tartamaan qandaraaska. Xisaabiyaha guudna waxa ku waajib ah inaanu bixinin lacag qandaraas kasta oo aan sharciga qandaraaska waafaqsanayn.

 

Golaha wakiillada waa in loo soo gudbiyaa sharciga aas-aaska ta’riifadaha iyo miisaaniyad sannadeedka wakaaladaha madaxa bannaan ee dawladda ee kala ah madbacadda qaranka, wakaaladda waddooyinka (SRA), wakaaladaha biyaha (Hargeysa iyo Berbera), iyo baanka Somaliland.

Si loo xakameeyo lunsiga iyo ku takrifalka hantida qaranka waxa lama huraana in xukuumaddu gacan ku siiso hantidhawrka guud gudashada waajibaadkooda, korna loo qaado miisaaniyaddooda si ay dardar u geliyaan hawlahooda.


Talooyinka ay goluhu ansixinta miisaaniyadda raaciyeen waxa ay kala yihiin sidan:

1.       Maadaama shaqaalaha gaarka ah ee dalkeena (private sector) ay aad u bateen, isla markaana ay aad u soo kordhayaan shaqaalaha Ajnebiga ah ee aan meelna ka diwaangashanayn waxa lagama maarmaan ah in la abuuro xafiis ilaaliya xuquuqda,  badbaadinta iyo diiwaangelinta shaqaalaha gaarka ah.

2.       inta aan la gaadhin miisaaniyadda 2002, waa in la sameeyaa tiro-koob guud ee Booliska iyo ciidamada qaranka Somaliland. Tiro-koobkan waa inay sameeyaan guddi madax-bannaan oo uu qayb ka yahay guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanku (Wakiillada).

3.       in loo hawgalo sidii loo samayn lahaa hoosada gaadiidka dawladda, si ay u suurtogasho in dhammaan wadayaasha dawladda iyo gaadiidkoodaba la hoos geeyo hoosadaas meelo qudhana laga xukumo.

4.       in la qaado olole ballaadhan oo dadweynaha lagu wacyigelinayo bixinta cashuuraha ku waajibay iyo qaranimada, lana geliyo shucuur waddaniyeed, iyada oo abaalmarin la siinayo cashuur-bixiyeyaasha wanaagsan, kuwa aan cashuurta bixinna laga qaadayo tallaabo sharci ah.

………………………………………………………………

Wasiirka Ganacsiga oo xadhiga ka jaray Kaalin Shidaal oo Casri ah

 

H

arg (Haatuf, March 19, ) :- Wasiirka Ganacsiga Somaliland Rashiid X. Cabdillaahi, ayaa xadhiga ka jaray xarun cusub oo isugu jirta kaalin shidaal oo gaadiidka u qabanaysa adeegyo casri ah iyo goob cuntada fudud iyo cabitaanka ah, oo ay shirkadda Star Group ka dhistay xaafadda Calaamadaha, gaar ahaan jidka xdhiidhiya madaarka iyo magaalada Hargeysa.

 

Xafladdii furitaanka xaruntaas, oo ku qabsoontay dhismaha xaruntaa cusub habeenimadii Isniinta, hadal uu ka jeediyay wasiirka ganacsigu wuxuu ku sheegay in maamulaha shirkadda diyaaradaha ee STAR, Mr. Cismaan-dheere oo xaruntaa dhisay, uu ka mid ahaa raggii hormoodka ka ahaa sidii madaarka Hargeysa ay diyaaraduhu ugu hoyan lahaayeen, isla markaana uu keenay shidaalkii ugu horreeyay ee diyaaradaha. Rashiid, wuxuu intaa ku ladhay in siyaasadda dawladda ee dhinaca ganacsigu ay tahay mid aan farogelin ku samaynin ganacsiga xorta ah, isla markaana ay dulucdeedu tahay in dawladdu dhiirigeliso wax-qabsiga bulshada. Wasiirka ganacsigu wuxuu intaa ku ladhay oo uu ka dalbaday ganacsatada inay iyana dhinacooda ku dedaalaan sidii ay cashuurta u bixin lahaayeen.

Maamulaha shirkadda STAR-Group Mr. Cismaan-dheere, oo isna hadal kooban ka jeediyay xafladdaas, ayaa sharraxaad ka bixiyay sababihii ay u hirgeliyeen xaruntan cusub, ee ay qaybaheeda ka mid tahay kaalinta shidaalku, taas oo u shaqaynaysa hab casri ah, una qabanaysa gaadiidleyda adeegyo badan oo qaarkood bilaa lacag yihiin, haddii aad la macaamisho.

 

Cali Cumar Guuleed oo ka mid ah dadka reer Hargeysa ayaa isna hadal uu halkaa ka jeediyay ugu hambalyeeyay shirkadda STAR Group, oo fulisay mashruucaa, iyo cidda fulisay dhismaha Huteelka Ambassador iyo Isbitaalka Edna.

 

Intaas ka sokow waxaa qaybtii dambe ee xafladdaas lagu soo gebogebeeyay bakhtiyaa-nasiib loogu wanqalay furitaanka xaruntaas, kaas oo lagu helay tigidh Go and Back, oo Hargeysa-Dubai-Hargeysa ah, Fiise 15 cisho ah oo Imaaraadka ah iyo shiidaal.

 

Waxaana tigidhka ku guulaystay guddoomiyaha Baanka C/raxmaan Ducaale, Fiisahana Muniir Abu-site.

Nin lagu magacaabo Maxamed Guuleed ayaa isna ku guulaystay taangiga gaadhiga oo buuxa oo batrool ah, halka nin kale oo la yidhaahdo Xasan Maxamuud-na kaga guulaystay in gaadhi bilaa lacag loogu maydho.

Waraaqaha Bakhtiyaa-nasiibkaas oo ahaa kaadhahki marti-qaadka waxaa ka soo saaraysay kartoonka ay ku jireen weriyaha BBC-da ee Hargeysa Shaadiya Maxamed Rooble.

 

………………………………………………………………………….

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Shacabku Dal aan jirin bay Dunida ku soo dareen

 

Sida aynu ogsoonahay waxa SoomaliLand lagaga dhawaaqay Axsaab badan, ka dib markii Maamulka Cigaal soo saaray qaynuun ogolaanaya furista Axsaabta. Runtii ma xuma oo qofku waxa uu is odhan karaa waa talaabo loo qaaday xagga xoriyadda iyo talo-wadaaga.Dhinacase dhabta ah marka aad ka eegto waxaad arkaysaa qaynuunkaas Dawladdu soo saartay ee ay ku ogolaanasey furista Axsaabtu inuu ahaa mid jaho wareersan oo aan waafaqsaneyn xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, waxa keliya ee ay ka lahaydna uu ahaa  xeelado Siyaasadeed, iyo qorshe ama qaab  ay ugu talogashay inay xokunka muddo kale ku sii haysan karto. Waayo, waxa aan caad ka saarneyn si cadna ugu muuqata qofkasta oo caqli toosan iyo aragti wadaninimo ku jirto in aanay xiliga lagu dhawaaqay soo saarista  qaynuunka ogolaanshaha Axsaabtu aanu ahayn mid ku munaasib ah xaaladda Dalka iyo dadka toona.

 

Waxaana hubaal ah in Axsaab Siyaasadeed oo badan oo la sameeyaa in  aanay ahayn waddada keliya ee Ummadi ku gaadhi karto caddalad iyo ujeeddooyinka ay higsanayso toona. Waxaabse laga yaabaa Axsaab badan oo la sameeyaa in ayba horseed u noqdaan burburinta Ummadda dhinac kasta oo laga eegaba. Halka Madaxweyne Cigaal kaga dhawaaqayeyna ogolaanshaha Axsaabta ,waxa aad u haboonaan lahaa bulshaduna u arki lahayd talaabo u jahaysan xagga caddaaladda iyo hore umarka haddii marka hore madaxweyne -Cigaal asaaska u dhigi lahaa maamul ku salaysan Caddaalad iyo wadaninimo, kana nadiifin lahaa naftiisa iyo golayaasha maamulkiisaba musuqmaasaqa daashada muddada ku dhaw tobanka sannadood. Markaas ayey noqon lahayd in la helo muwaadin garnaya macnaha doorasho ay leedahay oo aan qabiil wax ku doorane wax ku doorta u hiilinta caddaaladda iyo dadka wanaaga horkacaya.

 

Waxaana fiicnayd ka hor intii aan la soo saarin Qaynuunka ogolaanshaha Axisaabta in la xisaabtamo ,oo lala xisaabtamo Maamulka Cigaal, laysna weydiiyo mudada tobanka sannadood (10 sannadood) ku dhaw ee maamulka  Cigaal dalka ka jiray ma u diyaariyey dalka iyo dadktoona xaalad ku munaasib ah in dalka laga furo Xisbiyo Siyaasadeed, iyada oo la eegayo dhamaystir dhinac kastaba ah, Siyaasad ahaan, nabad gelyo ahaan, dhaqaale ahaan,cifimaad ahaan, waxbarasho ahaan iyo hadday noqoto xaaladda Bulshada guud ahaanba maxaa hore umar ah ee maamulku qabtay ?

Runtii xisaabtankaasi haddii la hormarsan lahaa waxa caddaan lahayd in aan dalka iyo dadku toona ku jirin loona diyaarin xaalad u suurogelineysa in laga sameeyo Axsaab Siyaasi ah. Waxaynu ognahay in meelo ama gobolo dalka ka mid ah aan Maamulka Somaliland ka jirinba oo ay xitaa  suurogeli weydey in laga qabto aftidii Distoorka. Waxaynu aragnaa in labada magaalo ee dalka ugu waa weyni –Hargeysa iyo Burco- aanay dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaan toona isku xidhneyn. Burco maadaama weli laga isticmaalo Shilinkii Soomaaliyadii hore, isbedbedelkiisuna uu  saameyna  ku leeyahay suuqyada Burco, waxay noqoneysaa Burco in  dhaqaale ahaan  laga xukumo Xamar iyo koonfurta Somaliya. Waxaana jirta oo xaqiiqo ah in Burco weli ay ka jirto mucaaradad xooggan oo ahadaaf kala duwan kala huwan haba gebi-dhaclayso oo hadba miisaanka ay doonto ha yeelatee, jahada ay doontana ha u jeesatee.

 

Waxa iyana muuqata inaan maamulka Cigaal dalka wax horumar ah aanu ka sameynin dhinacnaba, sababna uu uga dhigay Aqoonsi Caalami ah ma ahayno.

 

Dakhligii ka soo baxayey ilaha dhaqaalaha ee dalkuna -ha noqoto Dekedo, Airport-yo ama ha noqoto guud ahaanba waxii cashuuro shacbiga laga qaadayaye- waxii ka soo baxayey waxa ay noqdeen idil ahaantoodba  wax la odhan karo waxa uu ka dhigtay Maamulka dalka ka jiraa hanti u gaar ah oo uu u isticmaalo danihiisa siyaasadeed, waxaanay xaaraan ka noqotay in wax lagaga qabto baahida xoogga leh ee  dadka iyo dalkuba qabaan .

 

waxaase isweydiin leh haddii aan Somaliland la aqoonsan, dawladeenuna mayey is dabreysaa oo garbaduub ayey  isu  xidhaysaa?  Miyeynaan iskeen wax u qabsankareynin, horumarna aynaan isu horseedi karinin, oo aan la odhan nin weliba gacantiisa ayuu biyo kaga dhergaa? Aqoonsiga aynu dooneynaa macnihiisu ma waxa weeye in fasax laynoo siiyo baryootan si aynu u helo dawlado iyo shirkado nolosheena kor inoogu qaada dalkana hore u mar inoo gaadhsiiya ? Ma waxa caqli gal ah inaynu nidhaahno hagaajinta iyo dayactirka  waddada u dhaxaysa Airport-ka Hargeysa iyo magaalada Hargeysa waxaynu la sugeynaa aqoonsi caalami ah oo aynu helo! Ma waxaa caqli gal ah inaynu nidhaahno nidaamka maamulkeena oo aynu toosino cadaaladna ku saleyno waxaynu la sugeynaa in aynu helo aqoonsi caalami ah?

 

Waxa aad u qurux badan sharifina inoogu jirtaa inaynu waxa aynu haysano isku filaysiino si caddaladana u qorshaysano, muruqeenna iyo maankeenna ku xisaabtanno, ka dibna Alle talo saaranno oo u tafo xaydano sidii aynu uga faaμidaysan lahayn khayraatka badan ee Alle dalkeena ku manaystay. Lax walibana shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa, marka layna arko inaga oo guntiga dhiisha iskaga dhignay si aynu wax u qabsano, waxa xaqiiqo ah inaynu gamco badan oo ina taageera heli doono, horumarka aynu jecelahayna markaas ayaynu si dhab ah u arki doonaa.

 

Waxase aad u ammaanan, mudanna in la xuso hore umarka runtii aadka u dheereynaya ee ay dadka shacabka ahi ka wadaan dalka, kaas oo runtii si layaab leh caalamku uga fajicisan yahay. Hore u markuna asal ahaanba waxa uu ka yimaadaa laba meelood, xagga shacabka iyo  xagga Dawladda. Xagga shacabku runtii waa dadaalayaan, waxaanaad odhan karta Dal aan jirin ayey Dunida ku soo dareen.Waxaase hore umarka ay wadaan wiiqaya oo lugta jiidaya Dawladdii u noqon lahayd Udub-dhexaad adag hore umarka ay higsanayaan oo barbarkeedii xagal-daacisay ama aad odhankarto barbarkeedii way cidleysay.

 

Dawladda waxa looga baahan yahay inay wixii hawl ah ee ay masuul ka tahay si daacad ah u gudato, uguna horeysiiso inay dhawrto kuna socota Distoorka iyo qawniinta dalk u dhigan,deeqsiisana shacabka oo dhan caddaaaladda,ilaalisana sharafta qaranimo ee ay u dhisantahay,dhawrtana hantida ay gacanta  ugu hayso ummadda,kuna fuliso Danta dadka iyo dalka, joojisana boobka aan xadka lahayn ee lagu hayo hantidaas ummadda, oo ay joojiso danaha siyaasadeed ee ay u adeegsanayso. Dawladda waxa ku waajib ah inay shacabka naftooda iyo hantidoodaba u difaacdo, ugana ilaaliso cidkasta oo isku dayda inay dhaawac ka gaadhsiiso naftooda iyo dhaqaalahoodba.

 

Dhaqaalaha la rabo in shacaka loo ilaaliyo ma aha mid aynu leenahay askar Boolis ah ha u hortaagto Beerahooda iyo Wershadahooda, waase ilaalin macneheedu yahay inay dawladu dhaqangeliso qawniinta tilmaamaysa dhiirigelinta iyo difaacista wax soo-saarka muwaadinka, si looga ilaaliyo dhaawaac dhaqaale oo muwaadinka kaga yimaada badeecado debadda lagaga soo waarido oo la mid ah ta muwaadanku soo saaro, taas oo  baabiμnaysa wax-soosaark muwaadinka.

 

Haddii aan muwaadinka loo ilaalin wax- soosaarkiisa, kana waayo dawladda dhiirigelintii iyo taageeradii uu uga baahnaa ,waxa imanaysa in aan dalku weligiiba hore u mar gaadhin, qofka muwaadinka ahina hore u markii uu waday uu faraha ka qaado, ka dibna aynu noqono dad ku nool wixii Badaha uga soo dega. Mawduucaas ah ilaalinta iyo dhiirigelinta wax-soo-saarka dalku waa arin aad u muhiim ah una baahan in la dareensiiyo guud ahaanba Bulshada;  Maamul iyo shacaba.

Ismail Odawa Laari

Switzerland

 

…………………………………………………………………….

 

Dayaxii baa la koroyoo weli awrka Doohda hayaan

 

Kadib markii laga guulaystay nacabkii Siyaad Barre ee dawladda lagu dhawaaqay, ee distuur  daadku (97%) ka raali yahay la sameeyay, oo loo baahan yahay  in dhinaca la wada hayo, Waxaan aragnaa, rag badan oo aan qalin dahaba ku qori jiray magacooda ayaan maanta qalin pensil ku qoreen maanta.

Nin lagu seexdaw ha seexan, waxayna si fiican uga wada war haynaa in ay inoo hadhay howlo gudaha,  debadaba, iyo sida cadowgu dhibaato iyo fool xumo inoola jecelyahay.  Anagoo og in shacbiga Somaliland  yahay khubaro soo baratay qof iyo kooxba, si weyna  u garanaya qofka ay hoggaanka u dhiibanayaan, waxaanu barbar taaganahay go’aankii Guurtida, waxaanu kasoo horjeednaa Shirbeeleed.

Waxa naga dardarana  in ay dhamaan Shacbiga Somaliland, Golaha Guurtida, Gulaha Wakiilada iyo Golaha Xukumada in ay isku mid ahaadaan, dhinac qudhana wada maraan, oo wax aliyaale waxii dastuurka ka horimanaya, ama ku shaqaynaya si Somaliland ugu noqoto Shirbeeleed dedan.  Hees ba Tidhi “Adoo guri barwaaqa’a geel dhalay ku haysta, geedi lama lalabo oo abbaar looma guuree, waxii ila garaadow gobanimo ha tuurina).

Maxamad Kosaar Farax/Yassin Ibrahim Xore

Riyadh, Saudi Arabia.

    

Hambalyo Furitaanka Dhakhtarka Dumarka.

 

Anigoo ku hadlaya magaca Ururka Somaliland ee Magaalada Toronto, dalka Kanada , waxaan halkan

hambalyo ugu soo gudbinyaa aan ka wado dhamaan beesha Somaliland ee dalkan Kanada Marwo; Edna sida xilkasnimada iyo wadaninimad ay ku jirto ee ay nafteedii, maalkeedii iyo waqtigeediiba ugu hurtay dhismaha dhakhtarka Dumarka ee laga furay Magaalada Hargeysa.

 

Marwo; Edna waxay muujisay sida loogu baahan yahay muwaadin kastaba inuu dhinaciisa iska xil saaro siduu dadkiisa iyo dalkiisa uu wax ugu qaban lahaa. Waxayna inoo horseeday tusmo ku dayasho mudan. Baal dahabana waxay ka gashay taariikhda Somaliland.

Waxaan ku boorinayaa dhamaan dadka ganacsatada ah ee u dhashay dalkan iyo dawladaba  inay ku daydaan Edna ayna u noqoto dhiiri galin  sidii ay uga qayb qaadan lahayeen dib u dhiska dalkooda ( Nimay ku hadhay hawli haysaa).

 

 

 
Ugu damabyn waxaan dhamaan dadwaynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba  (dalka gudihiisa iyo dibadaba) ka codsnayaa in ayna kala joojin hambalyada iyo dhiirigalinta dadaalka ay muujisay Marwo Edna.

Maxamed Cali Bilaal

Gudoomiyaha Ururka Somaliland, Toronto, Kanada.