SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 52-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf  Tirisga 52, Jimce, March 22, 2002

Wararka Gudaha

Madaxweyne Cigaal iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Socdaal Rasmiya ku Tegay Itoobiya

“Waar Dalka Ka War-haya oo Ogaada” Madaxweyne Cigaal

 

 

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa shalay socdaal rasmi ah ku tegay xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaanay Madaarka Hargeysa ka raaceen diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya, taas oo uu u soo diray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mr. Meles Zenawi.

Socdaalka Madaxweynaha iyo Weftigiisu ku tageen dalka Itoobiya, lagama soo saarin warar faahfaahsan oo la xidhiidha dulucda safarkaa, hase yeeshee Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris, War-saxaafadeed uu soo saaray, wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Cigaal uu Marti-qaad rasmiya ka helay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mr. Meles Zenawi, isla markaana uu u soo diray diyaaradda qaaday. Madaxweyne Cigaal, waxa socdaalkiisaa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Siciid Gees, Wasiirka Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, Gudoomiyaha Baanka C/raxmaan Ducaale iyo Xoghayaha Madaxtooyadda.

 

Ka hor intii aanu diyaaradda raacina, wuxuu Madaxweyne Cigaal salaan sharaf kaga qaatay Madaarka, Cutubyo Ciidanka Qaranka ka tirsan. “Waar dalka ka war-haya oo ogaada.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha mar uu salaan gacan-qaad ah mid mid ugu fidiyay qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Qaranka oo saf u taagnaa, si ay u sii sagootiyaan. Waxa kale oo halkaa ku sii sagootiyay Weftiga, xubnaha golayaasha dawladda iyo dad kale oo Shacbiga ka tirsan. “Farriin baan idiin soo diray, laakiin waa isu soo noqonaynaa oo waa isu imanaynaa.” Sidaa wuxuu Mr. Cigaal ku yidhi, xubno ka mid ah Wefti ka socda Jaaliyadda dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, kuwaas oo u yimi dalka ka qayb-qaadashada xalinta khilaafaadka Siyaasadeed ee marxalladan, kana mid ahaa xubnihii shalay sii sagootiska weftigaa u tegay Madaarka.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo ka duulay Madaarka Hargeysa waxyar ka hor Salaadii duhurnimo, markii ay gaadheen magaalada Addis Ababa, waxaa la dejiyay Hotelka Hilton, halkaas oo la sii sudhay Calanka Somaliland, ka hor intii aanay gaadhin Cigaal iyo Weftigiisu. Siday sheegeen warar naga soo gaadhay magaalada Addis Ababa, Cigaal iyo Weftigiisu waxaa la filayaa in ay joogaan halkaas muddo dhawr maalmood ah. Warku wuxuu intaa ku daray, in arrimaha ay ka wada-hadlayaan labada dhinac ay ka mid yihiin qodobo ku saabsan Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nayroobi iyo arrimo kale oo ku lug leh xidhiidhka labada dal.

 

Somaliland iyo Itoobiya, waxaa ka dhexeeya xidhiidh aad u weyn oo sokeeye, kaas oo isugu jira dhinacyada Nabadgelyada, Ganacsiga, Sirdoonka iyo qaybo kale oo badan, dawladda Itoobiyaha waxay magaalada Hargeysa ku leedahay, Xafiis ganacsi iyo mid arrimaha nabadgelyada ah.

Dhinaca kale, waxaa lagu daray barnaamijyadda ay baahiso Idaacadda Raadiyow Hargeysa, barnaamij ku baxaya luqadda Afka Amxaariga ee lagaga hadlo dalka Itoobiya. Baahintii ugu horaysay ee barnaamijkan afka amxaariga ku baxayana, waxay idaacaddu sii daysay maalintii shalay. Siduu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeen u hadlay Wasaaradda Warfaafintu, barnaamijkan cusub oo qayb ka noqonaya, barnaamijyada afafka qalad ku baxa ee Raadiyow Hargeysa, wuxuu socon doonaa muddo 15 daqiiqo ah maalin walba.

 

Afhayeenku, wuxuu War-saxaafadeedkiisaa ku sheegay in sababta barnaamijka amxaariga ah loogu daray baahinta idaacaddu ay tahay mid la xidhiidha oo ka turjumaysa, xidhiidhka derisnimo ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ayuu yidhi Afhayeenka War-saxaafadeedka soo saaray oo lagu magacaabo Maxamed Siciid Muxumed oo ah Agaasimaha Waaxda Idaacadda ee Wasaaradda Warfaafinta.

 

Jaamacadda Camuud: waxay Cid Walba ku Dhaaftay Kartida Maamulka Hogaamiya

Warbixin – Saleebaan I Guray

S

ideed iyo Konton bilood kadib, ayay Jaamacadda Camuud u muuqataa mid midha-dhal ah oo dhawaan la manaafacaadsan doono, marka la gaadho xilliga gu’ga ee soo socda markaas oo ay ka qalin-jebinayaan afar iyo soddon (34) arday oo ka mid ah (60) lixdan arday oo lagu bilaabay furitaankii Jaamacada ee badhtamihii 1997.

 

26 ka mid ah ardaydu, waxay dhammaysanayaan kuliyadda maaraynta iyo Maamulka, sideed ardayna waxay ka faraxalanayaan Kuliyadda Waxbarashada.

Dhalinyarada dhammaysatay Waxbarashada Jaamacadda Camuud ka sokow, Sumcadda ay u leeyihiin Somaliland, waxay waxtar weyn u yihiin Jaamacadda oo ay ka daboolayaan kaalin mug leh, kadib marka sida la filayo qaar ka mid ahi ay kal-kaaliyayaal ka noqdaan tacliinta Jaamacadda, halka qaar kalena lagu wado in ay waxbarashadoodii sii wataan oo ay koorasyo dheeraad ah ka helaan Wadamada debedda.

 

320 arday, ayaa wax ka barta Jaamacadda, kuwaas oo u kala qaybsama saddex kuliyadood oo kala ah; Waxbarashada, Caafimaadka iyo Maamulka iyo Maaraynta, waxa kale oo Jaamacadda si aan joogto ahayn (part-time) wax uga barata 40 arday oo kale.

Jaamacadda Camuud, waxay ku shaqaysaa qaab iskaashi iyo wada-tashi ah oo leh dalaayad guud, guddi-fulineed, Guddoomiye iyo guddoomiye xigeeno isku xidhan oo kala ah sidan:

- Gole sare oo isugu jira odayaal iyo aqoonyahano uu hormood u yahay Xaaji Jaamac Maxamed. Guddi-fulineed oo toddoba xubnood ka kooban oo ah rag profosooro ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda oo ah prof. Saleebaan Axmed Guuleed;

Laba guddoomiye ku-xigeen oo kala qaabilsan qaybaha waxbarashada iyo maamulka Jaamacadda Camuud.

Hormoodka Jaamacadda, macalimiinta (Professers).

 

Guddoomiyaha Jaamacaddu, wuxuu ku yimaadaa hab doorasho ah, muddada uu xilka haynayaana waa laba sannadood oo marka ay ka dhammaato dib loo soo dooran karo.

Jaamacadda oo markii hore lagu bilaabay labada Kuliyadood ee Maamulka iyo Maaraynta, iyo waxbarashada, waxaa dhawaan lagu daray kuliyadda Caafimaadka oo hadda Tacliinteedu si toos ah uga socoto. Kulliyadda cusubi, waa mid si casri ah u qalabaysan oo ay u dhan yihiin Buugtii Caafimaadka, qalabka qalliinka, theather, qalliinka Cusbitaalka oo casri ah, sida qalabka lagu qalo kelyaha, wadnaha, sambabada iyo weliba qalabka dhiigga lagu baadho oo ah mid la mid ah kuwa Cusbitaalada Casriga ah yaala.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo aan xafiiskiisa ku booqday, ayaa ii sheegay in ay dhawaan Jaamacadda ku darayaan dhismayaal cusub oo lagu darayo qaybta Libareriga, iyada oo dhinaca waxbarashadana lagu darayo kuliyad cusub oo lagu baran doono Culuunta beeraha.

Guddoomiyaha Jaamacadda oo muddo dheer macalin ahaa, isla markaana meelo kala duwan kaga soo shaqeeyay wakhtigan kuma eka Maamulka guud ee Jaamacadda, balse wuxuu qayb ka qaataa dhinaca cashar bixinta, wuxuuna dhigaa laba kooras oo kala ah Cilmi Nafsiga iyo Waxbarashada.

 

Dhismaha Jaamacadda oo hore u ahaan jiray Dugsigii Sare ee Camuud, waxaa la dhisay sannadkii 1953, hase yeeshee sannadkii 1997, ayaa loo bedelay in ay noqoto Jaamacad.

Jaamacaddu, way u madaxbanaan tahay hawl-qabadkeeda Maamul, dhaqaale, waxbarasho iyo wixii la mid ah, hase yeeshee waxaa xidhiidh Iskaashi ka dhexeeyaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ay ka wada-socdaan Istaraatijiyadda loo doorto ardayda ay Jaamacaddu qaadanayso, waxayna labada dhinac isla qaateen in ardayda la qaadanayaa ay noqdaan kuwo ka soo maray imtixaanka dugsiga sare ee Wasaaradda.

 

“Hawlahayaga waanu u madaxbanaan nahay, laakiin waxaanu ku dhaqanaa in ardayga aanu dalka gudihiisa ka qaadanaynaa uu yahay mid soo maray imtixaankii Wasaaradda.” Sidaa waxa yidhi Prof. Saleebaan, oo sharaxaad kooban ka bixinayay Siyaasadda lagu hago Jaamacadda.

Ardayda wax ka barataa kuma koobna, kuwa dugsiyada dalka ka soo baxay oo keliya, balse waxaa jira 17 arday oo ka soo noqday Wadamada Carabta, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, kuwaas oo qaarkood ka mid yihiin ardayda dhawaan waxbarashadooda dhamaysanaya.

Afar hablood oo ka mid ah ardayda ka soo laabatay Wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayay saddex ka mid ahi dhigtaan Kuliyadda Caafimaadka, halka gabadha kale ay Waxbarashadu dhawaan u dhammaanayso.

15% ardayda wax ka barata Jaamacadda, waxa marka loo eegaa qiyaasta hablaha waxbarashada u baahan, hase yeeshee Prof. Saleebaan oo aanu waydiinay in ay kordhinayaan tirada hablaha, ayaa sheegay in ay qorshahaas wax ka barta gaadhsiinayaan 30%. “Maadaama ay gabdhuhu hormood ka yihiin dhinac kasta oo nolosha laga eegoba, sida dhaqaalaha, nabadgelyada, tarbiyadda, markaa waxaanu ku dedaalaynaa in ay helaan xuquuqdooda waxbarasho,” ayuu yidhi Prof. Saleebaan.

 

Isaga Profossorku ka hadlaya, sababta yaraysay tirada gabdhaha wax barta ee wakhtigan, wuxuu yidhi: “Tirada hablaha dhammaystay dugsiyada sare oo wakhtigan aad uga hoosaysa ta inamada, ayaa keentay in ay aad u yaraadaan gabdhaha Jaamacadda Camuud wakhtigan wax ka barta.”

Jaamacaddu, waxay leedahay Maktabad casri ah oo la odhan karo, waxay ka mid tahay kuwa ugu baaxadda waaweyn Maktabadaha (Library) ku yaal Wadamada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Jaamacadda, ayaa tirada Buugaagta Jaamacadda u taal ku sheegay ilaa (83,000) oo Buugaag kala duwan ah, kuwaas oo qaarkood ardayda la siiyo, kuwa kalena la dhigay guryo waaweyn oo aad looga shaqeeyay.

 

Maamulka Jaamacaddu, wuxuu ku dedaalay sidii ay kaalin waxtar leh uga qaadan lahaayeen, baahida dalku u qabo Maktabadaha, sidaa darteed waxay qaar ka mid ah magaalooyinka Wadanka u fidinayaan Buugaagtii loogu talo-galay in la dhigo goobo si guud dadku wax uga bartaan.

Guddoomiyaha Jaamacaddu, ayaa ii sheegay in ay hadda diyaar u yihiin kuwii loogu talo-galay Boorama iyo degmada Gebilay. mid ka mid ah Bakhaarada kaydka Jaamacadda oo ay dhexyaaleen tiro aan ka yarayn ilaa (25,000) oo buug, kuwaas oo qaar ka mid ah kartoomada ay ku jiraan dushooda ay ku qornayd degmada Gebilay.

 

Guddoomiyaha oo aan waydiiyay tirada buugta ay ugu tala-galeen, ayaa ii sheegay in ay (3,000) oo buug diyaar u yihiin degmada Gebilay, kuwii magaalooyinka kalena ay Jidka ku soo jiraan.

Marka laga eego dhanka Waxbarashada Jaamacadddu, waxay kulmisaa dhammaan ardayda gobolada dalka oo dhan, gobol ka maqanina ma jiro haba u kala badnaadeene.

Arday lagu magacaabo Faarax Yiroowe, ayaa ka mid ah kuwa Camuud muddada dheer wax ka baranayay, isaga oo weliba ahaa ardaygii ugu horeeyay ee Jaamacadda la qoro. Faarax Yiroowe oo aan weydiiyay sababta uu magacaasi ugu baxay iyo wakhtigii uu magaalada Boorama tegey, ayaa sheegay in isaga oo deggan magaalada Yiroowe uu maqlay Jaamacadda la furayo, kadibna uu sidaa ku tegay Camuud, wuxuuna sheegay in magacu kala xidhiidhay magaalada uu ka yimi oo wakhtigaa maqalkeedu dad badan ku cusbaa.

Cabdiraxmaan Nuux Xuseen oo wax ka barta Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud oo aan la kulmay, isaga oo Library-ga Jaamacadda ku dhex akhrisanaya buug ka hadlaya barashada noolaha (biology), ayaa ii sheegay in casharada lagu qaato kuliyadda uu doortay ay ka adagyihiin kuwa kale, sidaa darteedna ay akhris dheeraad ah u baahan yihiin, C/raxmaan wuxuu sheegay in ugu yaraan uu maalin walba afar saacadood wax akhristo, intaa in le’eg oo kalena uu fasalka gudihiisa casharada ku qaato, wuxuu kale oo intaa ku daray inuu habeenkii waxbaro carruur ay walaalo yihiin.

 

Maxamuud Daahir Coofle oo ku guda-jira, sannadkii labaad ee kuliyadda waxbarashada, ayaa isna ii sheegay mar aan kula kulmay isla goobta wax akhriska (library) in ay helaan waxbarasho fiican, iyo inuu wax akhriyo in ka badan sagaal saacadood.

Coofle oo gelinka dambe ku shaqeeya macalinnimo, wuxuu Maadadda Afka Soomaaliga ka dhigaa dugsiga sare ee Al-Aqsa, Siduu sheegay maalin walba wuxuu bixiyaa shan xiisadood oo mid waliba 40 daqiiqadood tahay.

 

Wakhtigan, waxa Jaamacadda ka hawl-gala 23 Macalin, kuwaas oo bixiyay duruusta kala gedisan ee ardaydu qaadato, tirada macalinmiinta Jaamacadda lagu bilaabay oo markii hore saddex keliya ahayd, waxaa la filayaa in ay sannadkan noqoto 31 macalin.

Gudoomiyaha Camuud, ayaa sheegay in ay sannadkan Jaaamacadda ku soo biirayaan Sideed Macalin oo isugu jira, shan reer galbeed ah iyo saddex Soomaali ah.

“Sannadkan, waxaanu Jaamacadda ku soo kordhinaynaa sideed macalin oo isugu jira saddex Maraykan ah, laba Faransiis ah iyo saddex Soomaali ah oo uu ka mid yahay abwaanka caanka ah ee Maxamuud Xaashi Dhamac (Gaariye), oo isagu dhigi doonna Maadadda (Somali Litreture) oo ah maado ku cusub Jaamacadda,” ayuu yidhi Prof. Saleebaan.

 

Dhammaan Macalimiinta wax ka dhigga Jaamacaddu, waa in ay haystaan ugu yaraan Shahaadadda Waxbarasho ee M.A (Master of Arts), lamana ogola in uu bare ka noqdo qof aqoontiisu ka hoosayso Shahaadaddaa.

 

Maxamed Xirsi Qalinle oo ah, hormoodka qaybta waxbarashada ee Jaamacadda Camuud, isla markaana ah nin bartay Cilmiga bulshada (Social Science) oo sita Shahaadadda M.A, ayaa ka waramay qaabka waxbarasho iyo Maamul ee Jaamacadda Camuud oo uu sheegay in ay si weyn uga duwan tahay Jaamacadda Hargeysa.

Prof. Qalinle, oo u dhashay deegaanka Gebilay oo aan waydiiyay sababta uu Camuud u doorbiday, maadaama ay jirto Jaamacad kale oo uga dhowi, ayaa sheegay in ay Jaamacadda Camuud baahideeda ogtahay oo ay u doonanayso meel kasta oo ay ka heli karto, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Maamul ahaan way kala duwan yihiin labada Jaamacadood, Boorama way garanaysaa baahideeda, laakiin Jaamacadda Hargeysa ma garanayso. Macalinkuna, wuxuu u baahan yahay in la dareensiiyo in loo baahan yahay. aniga oo Gebilay ka shaqeeya, ayuu Prof. Saleebaan ii yimi, oo igu yidhi: “Waar Camuud way kuu baahan tahaye iskeen,” sidaas ayaan ku imi.”

 

Jaamacadda dhaqaalaha ay hawlaheeda ku socodsiiso, waxay inta ugu badan ka heshaa lacagta Fiiga ah ee ardayda laga qaado oo halkii Simistar (120 US) ah iyo dadka reer Somaliland gudo iyo debedba oo iyana si hagar la’aan Jaamacadda isula barbar taagay, sidii suurto ay u noqon lahayd Jiritaankeedu, waxa kale oo waxtar mug leh u fidiya hay’adaha oo iyagu gacan ka gaysta, sidii ay u heli lahayd Buugaag.

 

Cabashooyin Ka Aloosmay Qaybinta Bacadlaha Hargeysa iyo Jawaab Dawladda Hoose ka Bixisay

H

argeysa (Haatuf): Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ku gudda-jirta qaybinta iyo dib-u-furista Bacadlayaasha iyo Sariibadda Suuqa dhexe ee Waaheen, ayaa waxa soo baxay cabashooyinkii u horeeyay oo ku saabsan musuq-maasuq iyo wax is-dhaaf-dhaafis la sheegay inuu galay qaabka loo maamulay qaybinta dhismayaasha suuqaas, taas oo masuuliyiinta dawladda hoose-na ay beeniyeen.

 

Bacadlayaasha suuqa oo dib-u-dhis iyo dib-u-habayn lagu sameeyay, waxay dawladda hoose bilowday hawsha dib-u-furista iyo qaybinta dhismayaashaas toddobaadkii hore, waxayna si fiican ugu guulaysatay qaybta suuqaas ee Khudradda iyo Hilibka oo lagu magacaabo Sabadda oo ka kooban 36 qol, iyo qayb ka mid ah Bacadlayaasha oo hore loo odhan jiray Kilaadhi-xun, taas oo hadda loo qaybiyay Bacadlayaal, kadib markii dib-u-dhis lagu sameeyay.

Hase yeeshee, waxaa labada meelood ka jira saxmad iyo buuq ka aloosay suuqaas, khilaaf ka dhashay qaybinta dhismayaasha Bacadlihii hore ee Waaheen iyo qayb ka mid ah Bacadlaha oo loo yaqaan Hindhisada.

 

18 qof oo sheeganaya in ay ganacsi ku lahaan jireen, suuqaas hindhisada loo yaqaano, ayaa qoraal ay soo gaadhsiiyeen Haatuf, isla markaana ay u gudbiyeen Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda, Maamulka Dawladda Hoose ku shaqada leh qaybinta suuqaas, ku sheegay in aan si cadaaladda waafaqsan loo qaybin. Waxa kale oo ay qoraalkoodaa ku sheegeen in lacag hawl-fududayn ah, ay guddi ay leeyihiin u gudbin jirtay Madaxda hawshani khusayso.

 

Dadkaasi, waxay qoraalkooda ku doodeen in suuqa hindhisada oo ka tirsanaa Bacadlaha Waaheen, uu ahaa suuq ganacsi ilaa 1950-kii, hase yeeshee waxay sheegeen goobtaas oo ahaan jirtay Rayislayaal ay Bacadlayaal isku rogtay 1960-kii, markaas oo sida ay ku sheegeen qoraalkooda dawladda hoose ka saartay Rayislayaashii, iyagana ku wareejisay.

Waxa uu qoraalkaasi intaa ku daray in 1991-kii, dawladda hoose ku amartay in ay dib u dhistaan, taas oo ay ku andacoodeen in qofkastaba ay kaga baxday dhismaha qolkiiba, aduun dhan 5,000 USD (Shan kun oo doollar).

 

Bacadlayaashaas cabanayay, waxay intaas ku dareen in sannadkii 1995-kii, maamulka dawladda hoose dumiyay dhammaan qaybta Waaheen iyo Hindhisada, qorshe dib-u-dhis awgii, iyagoo sheegtay in la siiyay ballanqaad ah in dib loo siin doono qolalkooda marka dib loo dhiso, qofkasta oo ka mid ah Bacadlayaasha cabanayaana in uu haysto sharci dawladda hoose siisay iyo ruqsad ganacsi.

 

Sabaax Axmed Cadami oo ka mid ah, 18-ka qof ee saxeexay Qoraalka ay Bacadlayaashu ku cabanayaan, ayaa weriyayaasha Haatuf u sheegtay in si sharci ah loo siiyay qolalka Hindhisada ee suuqa Bacadlaha sannadkii 1991-kii, xilligaas oo ay sheegtay in dawladda hoose fasax u siisay in ay dhistaan qolalkaas. Sabaax, waxay sheegtay in ilaa 7,000 USD kaga baxday dhismaha qolka.

18-ka qof ee Bacadlayaasha ah, waxay ku andacoonayaan in si toos ah iyo si dadbanba looga qaaday lacag hawl-fududayn ah, si loo siiyo qolalkaas. Waxaanay sheegeen in lacagtaas laga qaaday loo geeyay Maayarka iyo Ku-xigeenkiisa labaad. Lacagtaas oo ay tibaaxeen in ay ka qaadir jireen guddi bacadluhu leeyahay.

 

Haddaba, Wargeyska Haatuf markii uu qoraalkaasi soo gaadhay, wuxuu waraysi kula yeeshay shalay goobta bacadlaha ee dawladda hoose qaybinayso, ku-xigeenka labaad ee Duqa Caasimada Hargeysa Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), halkaas oo uu ka wado hawsha qaybinta 307 Qol oo uu ka kooban yahay Bacadlihii hore oo isugu jira, qaybo ay Bacadlayaashu u yaqaanaan Sabadda, Waaheen iyo Hindhisada. Qolalkaas, waxa iyagana qayb laga siiyay Ganacsatada khudradda iyo hillibka.

 

Guddoomiye Ku-xigeenku, isaga oo ka waramaya sida ay dawladda hoose u maamusho hawshaas, wuxuu yidhi; “Waxaanu qolalka Bacadlayaasha u qaybinaynay, laba nooc oo Bacadlayaal ah; Bacadlayaashii hore iyo kuwa hadda haysta Bacadlayaasha, waxaanuna ugu qaybinay; Bacadlayaasha hore qofkii ku lahaan jiray qol suuqaas ee ay u caddahay, waxaanu siinaynaa qolkiisii, Bacadlayaashuna waxay samaysteen Guddi, waxaanay noo soo gudbiyeen liis ka kooban Bacadlayaashii hore, qolalka Bacadlyaasha ee hadda aanu qaybinaynaa, haddaanu nahay dawladda hoose way ka badan yihiin kuwii ka dhisnaa suuqaa, wixii ka horeeyay 1988-kii. Sidaa daraadeed, wixii qolal ah ee ka soo hadha Bacadlayaashii hore qolalkooda, waxaanu siinaynaa ganacsatada hadda Bacadlayaasha ah ee hore u lahaan jirin qolalka, waxaanu ballan qaaday in qofkasta oo bacadle lahaan jiray oo qol ku lahaan jiray suuqaas inuu heli doono qolkiisii, hadduu garanayo meesha uu ku yaalay iyo lambarkiisii.

 

Guddoomiye Ku-xigeenku, isagoo ka hadlayay qaybta Hindhisada oo ka mid ah qaybaha Bacadlaha ee ay cabashadu ka timid ee xilligana dawladda hoose qaybinaysay, in qaybtaasi aanay ahaan jirin Bacadle ee Hargeysadii hore loo yaqaanay Rayislayaasha, markaa uu u aqoonsan yahay Rayislayaashii lahaa. Dadkan imika ku doodayaa, haddii ay Rayislayaashii ku wareejiyeen, waxaa looga baahan yahay caddayn, isagoo ka hadlayay dadka ku andacoonaya in ay lacag dib-u-dhis ah geliyeen qolalkaas, wuxuu sheegay qofkii dhisme dawladi leedahay isagu iskii lacag u geliyay, dawladii lahaydna ay dunsatay aanu fahmi karayn sida uu magdhow u doonayo.

Guddoomiye Ku-xigeenku, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd cabashada qaar ka mid ah Bacadlayaasha oo sheegtay in lacag hawl-fududayn ah laga qaatay, wuxuu yidhi; “Way fiican tahay, anagaaba doonaynay ee ha cadeeyaan qofka ka qaaday, halkuu kaga qaaday iyo sababtuu uga qaaday, waxaana qurux badan in cabashadaasi ay sal leedahay.”

Dhinaca kale, Maxamuud Axmed Cali (Diiq-diiq) oo ka mid ahaa ragga ugu faca weyn, uguna caansan Bacadlaha Hargeysa qaybtiisa Waaheen, ayaa Weriyayaasha u sheegay in ilaa 1956-kii uu ka ganacsanayay suuqaas, isla markaana dawladii C/rashiid Cali Sharmaake ay dhismihii u horaysay ka samaysay Bacadlahaas, kuna wareejisay dadka ka ganacsan jiray ee uu isagu ka midka ahaa.

 

Maxamuud Diiq-diiq oo ka mid ah, Bacadlayaasha sugayay in ay ka helaan qolalkoodii hore ay ugu ganacsan jireen ee qaybta Waaheen oo aan Maamulka Dawladda Hoose weli qaybin, wuxuu ku eedeeyay Maamulka dawladda hoose in ay si aan toos ahayn oo mad-madow ku jiro u maamuleen qayb Bacadlaha ka mid ahaan jirtay oo loo yaqaanay Kilaadhi-xunta, iyagoo siiyay dad aan ahayn dadkii hore uga ganacsan jiray, dadkii qaybtaa ku ganacsan jirayna ugu ballan qaaday qaybta Waaheen, taasina ay sii kordhisay culayska iyo muranka hadda taagan. Laakiin Ku-xigeenka Duqu, wuu beeniyay eedayntaas iyo gebi ahaanba inuu jiro qorshe ay dawladda hoose wax ku siisay dad aan hore u lahaan jirin Bacadlayaasha, wuxuuna yidhi; “Bacadlaha Waaheen, wuxuu hore u ahaa 86 qol, waxayna dawladda hoose ku kordhisay 34-qol, taas oo guud ahaan ka dhigaysa 120-qol, markaa qofwal oo hore ugu lahaan jiray qol, qolkiisii wuu helayaa, inta cusub ee lagu kordhiyayna waxa la siinayaa Bacadlayaasha cusub ee aan hore ugu lahaan jirin qolalka.”

 

Guddoomiye Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in aanu jirin wax bakhtiyaa-nasiib ah oo ay gelinayaan, dadkii hore ugu lahaan jiray qolalka bacadlayaasha suuqaas, laakiin ay bakhtiyaa-nasiibka u tuurayaan qolalka ay u qaybinayaan Bacadlayaasha cusub ee aan qolal ganacsi hore ugu lahaan jirin suuqaas.

 

Maayorka Burco iyo Hawl-galadiisii Ugu Horeeyay

B

urco (Haatuf): Maayarka cusub ee Burco Maxamed Cali Maxamed, ayaa shalay Hudheelka Nageeye ee magaalada Burco kula shiray ganacsatada reer Burco, wuxuuna shirkaasi ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda iyo nadaafadda magaalada.

Sida uu ku soo waramay Weriye Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel, Maayarku wuxuu ka dalbaday ganacsatada in ay iska bixiyaan wixii Cashuuro ah ee ay dawladda hoose ku leedahay iyo in ay gacan ka geystaan wax ka qabashada dhibaatooyinka jira, taas oo ay ganacsataduna dhinacooda soo dhaweeyeen, iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo adeegyada magaalada.

Kulankan uu Maayarku la yeeshay ganacsatada, waxa uu qayb ka yahay hawl-galo uu ku tallaabsaday Maayarku toddobaadkan, taas oo uu doonayo inuu wax kaga qabto, duruufaha Maamulkiisa horyaal.

 

Salaasadii toddobaadkan, ayuu Maayarka cusub ee Burco, markii ugu horaysay bilaabay hawl-gal uu ku burburinayo dhismayaasha sharci darrada ah, taas oo uu ugu horayn baabi’iyay dhismayaal ku yaalay Wajahada iyo daaqadaha Xarun MCH ah, isla markaana wuxuu farta ku fiiqay meelo dhawr ah oo uu sheegay in la baabi’inayo. Waxaana Maamulka Dawladda Hoose, hawl-galkaas gacan ka siiyay Ciidamada Booliiska iyo dadweynaha magaalada, iyadoo ay dadku aad u soo dhaweeyeen hawl-galka lagu burburinayo dhismayaasha Sharci-darada ah.

“Waanu taageersan nahay, wixii waxqabad dhab ah, wixii sharci-darro wadana waa in wax looga qabtaa si loo midaysan yahay meel uu joogaba.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Shugri oo ka mid ahaa, dadkii wax ka fulinayay hawl-galka.

 

Shamis Yuusuf Cartan oo ka mid ah, shaqaalaha Caafimaadka ee MCH-ka dhismayaasha laga hor baabi’iyay, ayaa iyana dareenkeeda ka muujisay hawl-galkan cusub ee uu ku tallaabsaday Maamulka dawladda hoose, waxayna tidhi; “Dhibaatada noogu darnayd waxay ahayd, marka aanu hooyada uurka leh eegayno waxa nagu adkaan jiray in aanu eegno, waayo, daaqadda qolka waxa ku beegnaa dhismaha la wado, markaa way nagu adkaan jirtay in aanu qaawino hooyada uurka leh, waayo daaqadaha ayaa nalaga soo eegayay, sidaa darteed waanu soo dhawaynaynaa hawl-galka ay dawladda hoose qaaday.”

 

Maayarka dawladda hoose, ayaa isna Shir-jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay hawl-galkan, wuxuuna yidhi; “Hawl-galkani, wuxuu ku saabsan yahay sidii aanu wax uga qaban lahayn dhulka danta guud ah ee la dhistay, taas oo aanu doonayno in aanu banayno Wadooyinka xidhan iyo dhismayaal laga sameeyay meelo aan munaasib ahayn.”

 

Burco Maxaa ku Cusub?

Warbixin – A. Ducaalle

B

urco (Haatuf): “Meesha waa la duminayaa, ilaa berito ayaan idin siinaynaa ee ka urursada wixii idinka yaal.” Sidaa waxa yidhi maayarka cusub ee magaalada Burco oo la hadlayey dad degan dhismayaal meherado ganacsi ah oo uu amray in la dumiyo .

“Qabanqaabadii shirku way socotaa, laakiin hadda kuuma sheegi karo maalinta kama dambaysta ah ee uu ku beegmayo.” Sidaana waxa yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah, Ragga Salaadiinta ah ee hore ugu dhawaaqay qabashada Shirweyne Qaran.

Suldaan Maxamed, waxaan kula kulmay magaalada Burco oo aan socdaal dhawr maalmood qaatay ku tagay, aniga oo Hargeysa dib ugu soo laabtay Khamiistii shalay.

 

Maqaalad keliya laguma soo koobi karo, xaaladaha Siyaasadeed, Nabadgelyo, Maamul, Ganacsi iyo Jawiga nololeed ee wakhtigan dhexyaal magaalada Burco, hase yeeshee waxaynu waxooggaa iftiimin ah ka bixinaynaa waxyaalaha ugu xiiso badan ee ay marka ugu horaysaba ishu ku dhacayso ama dhegtu maqlayso, iyada oo ay magaaladu mudooyinkan dambe dagal-fadhi ka dhigteen Kooxo Mucaarid ah oo dhinacyo badan leh. Hase yeeshee, sheekooyinka ugu xiisaha badan ee wakhtigan magaalada dhexyaal, waxa ka mid ah; Mushkilad baahsan oo dhinaca dhulka ah, kadib markii ay laba Maayar oo talada Burco isaga dambeeyay (Haybe C/llaahi iyo Muuse Cabdi), Masalaha hor qaadeen dhul-boob oodda goostay oo magaalada ka dhacay dhawr iyo tobankii bilood ee ugu dambeeyay.

 

“Dhibaatada ugu weyn ee aan la kulmay waxa ka mid ah; Dhulka, gaar ahaan dhulkii dawladda oo la boobay iyo dhaqaale la’aan.” Sidaa waxa yidhi Maayarka cusub, Maxamed Cali oo aan kula kulmay Xafiiskiisa, waxna ka weydiiyay dhibaatooyinka ilaa hadda la kulmay, isaga oo sheegay inuu dhulka xidhay ilaa amar dambe, isla markaana uu kharashaadka Maamulkiisa hakiyay muddo ilaa laba toddobaad ah.

 

Shaqaalaha dawladda hoose ee Burco, afartii bilood ee u dambeeyay ma qaadan wax mushahar ah, haddana Maayarkii Xilka laga qaaday Muuse Cabdi, waxa uu Xafiiska kaga tagay deyn gaadhaysa hal bilyan iyo lix boqol oo milyan oo shillin Somaliland ah.

 

Inta badan dhulkii danta guud ee magaalada Burco, waxa uu gacanta u galay kooxo dadweyne ah oo ay qaarkood haystaan Waraaqo lahaansho ah oo ay siiyeen maamuladii talada isaga dambeeyay, halka ay dadkaa qaarkoodna iskood iskaga qaateen dhulka dawladda. Hase yeeshee, Maayarka cusub mar aan weydiiyay sida uu ka yeelayo dhulka danta guud ee ay bixiyeen Maayaradii ka horeeyay ama la iska boobay, wuxuu ku tiraabay, “Anigu ma aqoonsanayo, waraaqaha ay Maayaradii hore bixiyeen ee lagu qaadanayo dhulka danta guud ee meel kasta oo dhulka dawladda ah waxa aan u aqoonsanahay, meel dawladdu leedahay.”

 

Marka laga yimaado dhulka danta guud ee la boobay, waxa kale oo magaalada hafiyay dhismayaal aan loo meel dayin oo laga taagay suryooyinka Xaafadaha, Wadooyinka iyo suuqyada faras-magaalaha, taas oo keentay inuu muuqaalka iyo hannaanka degsiimo ee magaaladu noqdo, meel isku cayn iyo bayd go’an oo aan lahayn Faras-magaale iyo wadooyin laga foofo.

Maayarka cusub, ayaa Salaasadii toddobaadkan bilaabay hawl-galkii u horeeyay ee uu ku baabi’inayo dhismayaasha murugsan ee loo dhistay sida sharci-darada ah, lagana taagay meelaha aan munaasibka ahayn, taas oo uu Maamulka dawladda hoose cagta mariyay dhismayaal isugu jiray Daaro iyo Sandaqado oo ku yaalay Wajahadda iyo Daaqadaha Xarun Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ah oo ku taal badhtamaha magaalada, iyadoo uu Maayarku meelo kalena digniin ku bixiyayin laga gurto, kuwaas oo uu sheegay inuu dumin doono.

 

Hase yeeshee, dadka reer Burco waxay aad isu waydiinayaan Maayarka cusubi maka midho dhalin doonaa talaabada uu ka qaaday dhinaca dhul-boobka, mise sanqadhiisu waxay ku ekaan doontaa inta uu la qabsanayo degalka Maamulka, sidii labadii Maayar ee ka horeeyay.

Magaalada Burco oo ahayd, xarunta ganacsiga xoolaha nool, ayaa si weyn looga dareemayaa diifta dhaqaale ee ay dadku kala kulmeen xayiraadii ganacsiga xoolaha. Hase yeeshee, Inkasta oo la odhan karo waa Nin iyo waagii, haddana xaaladda nololeed iyo ganacsi ma aha mid ku didinaysa waayo, ishaadu ma qabanayso calaamado muujinaya Macluul iyo darxumo nololeed.

Inkasta oo magaalada laga isticmaalo lacagta Somaliland, haddana lacagta Giinbaarta loo yaqaan ee shillin soomaaligii hore, ayaa haysata suuqyada ganacsiga, iyadoo boqolka doollar lagu sarrifo ilaa 2,200.000/= Sh.So.

 

Koobka Shaaha ah waxa laga iibinayaa 800 Sh. So, taas oo ay gadbadda sonkorta ahi tahay 400,000 oo shillin Soomaali ah.

Arrinta in la xuso muddani waxay tahay, iyadoo wakhtigan xaadirka ah magaalada Burco iyo wixii bari ka xigga uu ganacsigoodu si weyn ugu janjeedhsaday dhinaca Boosaaso, taas oo xoolaha nool loo iib geeyo, badeecadaha ganacsigana laga keeno.

Magaalada Burco, waxa ka muuqata nabadgelyo iyo xasilooni shilis, mana dareemaysid haba yaraatee wax dareen cabsiyeed ah iyo xataa ifa-faallo la odhan karo wuxuu keeni karaa suurad nabad-gelyo-darrp/

Dadka reer Burco, waxay saluug xoog leh ka muujinayaan xaaladda Maamul iyo adeegyada bulsho ee dhinaca dawladda, taas oo ay dadku si ba’an uga cabanayaan waxqabad la’aan iyo tayo-darro maamul.

Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, waxa dhex hurda xamlado Mucaarid ah oo ka horjeeda Maamulka Madaxweyne Cigaal.

 

Qaar ka tirsan Salaadiintii hore ugu dhawaaqay Shir-qarameedka, ayaa fadhigoodu yahay magaalada Burco, kuwaa oo saamayn ku leh dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee gobolka.

“Qaban-qaabadii shirku way socotaa, laakiin hadda kuuma sheegi karo wakhti kama dambays ah oo uu ku beegmayo.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo aan habeenimadii arbacadii toddobaadkan, kula kulmay gurigiisa Burco, kalana sheekaystay halka ay xaaladiisu marayso Shir-qarameedkii ay ku baaqeen, wuxuuna Suldaanku intaa ku daray, “Anagu, haddii aanaan wax badan oo danta dadka ah xeerinayn, waxa jira tallaabooyin badan oo aanu mar hore qaadi kari lahayn, imikana qaadi karno, shirkana waxaanu u aragnaa inuu yahay dariiqa lagaga bixi karo muruga Siyaasiga ah ee jira ama lagaga badbaadi karo burbur yimaado, mar kastana mowqifkayagu waa wada-hadal iyo xal nabadgelyo.”

 

Siyaasiyiinta ururka ASAD, ayaa iyaguna ka mid ah Mucaaridka ugu fadalo cadcad ee gobolka jooga, iyadoo guddoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) fadhiisin ka dhigtay Burco.

 

Dhinaca kalena, wefti Wasiiro ah oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa muddo bil ka badan ku sugnaa magaalada Burco, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay ujeeddadooda ugu weyn ee ay Burco u joogaan tahay, in ay ka hor tagaan Mucaaridka luxdan ee Burco yuurura.

Mid ka mid ahaa, Weftiga Wasiiradda oo ah Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/jibaar Maxamed Siciid, ayaa is-casilay toddobaad ka hor, kana baxay weftiga.

“Xilkii Wasiirnimo waanigii iska casilay, xubinimadii UDUB oo aanan weli iska casilina, haddana waraaq qorayaa oo iska casilayaa.” Sidaa waxa ku tiraabay C/jibaar oo aan maalin maalmaha ka mid ah isa soo dul taagay, isaga oo dhexda ugu jira xubno ka tirsan ururka Mucaaridka fog ah ee ASAD, taas oo u muuqata inuu C/jibaar ka soo jeestay geesta Mucaaridka.

 

Shahaadooyin laguddoonsiiyay arday ururka NAGAAD u baratay Computer-ka

H

arg (Haatuf) – 32 arday oo ururka haweenka ee NAGAAD uu ka bixiyay kharashka waxbarashada Computer-ka duruustana, ku qaatay mac-hadka Micro-computer Service, ayaa shalay shahaadooyin lagu guddoonsiiyay xaflad lagu qabtay Hotelka Mingsing ee magaalada Hargeysa.

 

Xafladdan oo la qabtay subaxnimadii shalay waxa hadallo ka jeediyay maamulaha mac-hadka M.C.S., Eng. C/raxmaan Daahir oo ka waramay duruustii ay 32-ka arday qaateen muddadii afarta bilood ahayd ee ay waxbaranayeen oo uu sheegay inay ahaayeen duruus dhaxalgal ah mustaqbalkana anfici doonta iyo guud ahaanba kaalinta uu mac-hadku ka qaato waxbarashada, gaar ahaana cilmiga computer-ka oo si gaar ah mac-hadka loogu barto.

Waxaa iyaduna xafladdaasi ka hadashay guddoomiyaha ururka NAGAAD, Ismahaan Cabdisalaan oo ka warrantay ujeedada ay tabobarkan ka lahaayeen oo ay tilmaantay inay ugu danaynayeen ardaydaasi si ay u helaan aqoon anfacda iyo ahmiyad uu ururkoodu siiyo waxbarashada, gaar ahaana haweenka.

 

Khudbad kooban oo uu isna ka jeediyay xafladdaasi agaasimaha waxbarashada Xuseen Daarood, waxa uu kaga hadlay ahmiyadda waxbarashada iyo doorka uu kaga jiro mac-hadka M.C.S, oo uu aad u ammaanay.

 

Waxa iyaduna kalmad mahad-naq ah ka soo jeedisay halkaas Khadra Cumar Xasan oo ku hadlaysay magaca 32-ka arday, iyada oo aad ugu mahad-naqday ururka NAGAAD, oo waxbarashadan ugu deeqay iyo mac-hadka M.C.S oo fuliyay.

Gebogebadiina waxa shahaadooyinkii ay mutaysteen lagu guddoonsiiyay 32-ka arday ee tabobarku u dhammaaday oo hablo u badnaa.

 

Wararka Dibadda

“Usaama wuu caafimaad qabaa, Hooyadiina Telefoon buu kula soo Xidhiidhay,”

Sh. Axmed – Usama walaalkii (waraysi)

C

NN – Nin lagu magacaabo Sh. Axmed oo la sheegay inay xagga hooyo walaalo ka yihiin Usaama binu Laden, ayaa beeniyay inuu walaalkii Usaama wax lug ah ku lahaa qaraxyadii ka dhacay Maraykanka 11-kii September, ee sannadkii hore mar uu waraysi la yeeshay Telefishanka Maraykanka ee CNN 20-kii bishan aynu ku jirno ee March.

Waxaanu intaa ku daray inay xaaladdiisa caafimaad aad u fiican tahay uuna sidaa niyadda ugu qaboojiyay hooyadii mar ay Telefoon kula xidhiidhay.

 

Mar uu ka hadlayay dabeecadaha Usaama waxa uu sheegay inuu yahay qofka ay isugu dhawdhaw yihiin walaaladii oo dhan uuna aad u yaqaano, tan iyo markii loo aqoonsaday argagixisada oo ay reerkoodii oo dhami ka goosteen xidhiidhka uu isagu la lahaa, uuna ku yaqaano inuu ilaahay aad uga cabsado.

Waxaanu intaa ku daray inuu walaac weyni ku abuurmay tan iyo markii uu Maraykanku ku dhawaaqay inuu raad-gurayo walaalkii Usaama, balse uu haatan walaacaasi ka yaraaday, ayna la qabsadeen xaaladdan warwarka leh, ayna ugu daran tahay hooyadii oo uu ku abuurmay walaac weyni, balse haatan la qabsatay warbaahintu waxay ka sheegayso Usaama oo ay had iyo jeer dhegta u dhigto.

 

Sh. Axmed oo aan la sheegin halka uu joogay marka la waraystay, waxa uu ka gaabsaday inuu magaciisa dhammaystiro, balse wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu walaalkii metelo haddii la soo saarayo filim ka hadlaya walaalkii Usaama bin Laden.

 

 

 

 

Maraykanka oo sheegay inuu Cadaymo u hayo Joogitaanka Al-Qaacida ee Soomaaliya

A

ddis Ababa (B.B.C): Abaanduulaha Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada Gen. Tommy Francis, ayaa shaaca ka qaaday in ay caddaymo u hayaan eedayntooda ah in ay Soomaaliya joogaan kooxo Cilaaqaad la leh ururka Al-Qaacida, mar ay waraysi la yeelatay idaacadda B.B.C-du, mar uu booqasho ku joogay magaalada Addis Ababa, badhtamihii toddobaadkii hore, isaga oo booqasho ku marayay dalal ka tirsan Geeska Afrika, taas oo ku soo beegantay iyada oo uu soo baxayay tuhunku saabsan inuu Maraykanku damacsan yahay weerar uu ku qaado Soomaaliya.

Waxaana Gen. Tommy, waraysigiisaa walaac weyn ka muujiyay arrintaa oo ay dawladda Maraykanku IL gaar ah ku eegayso.

 

“Waxaanu muddo dheerba haynay macluumaad ku saabsan in ay Soomaaliya ku sugan yihiin, Kooxo cilaaqaad la leh Al-Qaacida, laakiin haatan faahfaahin kama bixin karayo macluumaadkaasi waxa ay yihiin,” ayuu yidhi Gen. Tommy, isaga oo intaa ku daray; “Walaac weyn ayaanu ka qabnaa arrintaasi, wax la fogaysan karana maaha in aanu talaabo ka qaadno dalka aanu sidaa uga walaacsan nahay,” ayuu yidhi. Waxaanu muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin Maamulka Cabdiqaasim oo uu farta ku fiiqay inuu gacan siiyo, waxa uu ugu yeedhay kooxaha argagixisada.

 

Dhinaca kale, dawladda Maraykanka ayaa beenisay warar shalay soo baxay oo sheegayay in ay Ciidamada Maraykanka ee dagaalka ka wada Afgaanistaan ay heleen Qalab uu lahaa mid ka mid ah Askartii Maraykanka ee lagu dilay dagaaladii ku dhexmaray Muqdisho, Maleeshiyooyin Soomaaliya bishii Oktoobar 1993-kii, kuwaas oo lagu dilay 18 Askari oo Maraykan ah. Waxaanay sheegeen inuu warkaasi, ku faafay si khalad ah oo aan laga fiirsan.

 

Cabdiqaasim oo Carabta uga Ashkatoonaya Maraykanka

M

uqdisho (Haatuf): Xukuumadda Carta ee uu Madaxda ka yahay Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa ku talo jirta in ay Maraykanka ka ashkatayso Shir-madaxeedka dalalka Carabta oo lagu qaban doono Caasimadda dalka Lubnaan, dabayaaqadda bishan March. Sida ay sheegeen ilo u dhuun daloolla Xukuumadda Carta, Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ku talo jiraa inuu Shir-madaxeedka Carabta ka dalbado in ay si weyn uga wada-hadlaan Hanjabaadda Maraykanka ee ku saabsan inuu weerarayo Soomaaliya laga soo bilaabo 11-kii Sebtember iyo in ay dhex-dhexaadin ka galaan arrintaasi, si ay Maraykanka uga baajiyaan weerarka uu damacsan yahay.

 

Dawladda Maraykanka, ayaa hore ugu eedaysay Xukuumadda Cabdiqaasim in ay gacan siiso kooxaha argagixisada ah. Waxaanay walaac ka muujisay, sida ay kooxahaasi xubnaha uga yihiin Xukuumadda iyo baarlamaanka Cabdiqaasim, iyada oo u soo jeedisay inuu ka si feeyo Xukuumadiisa kooxaha argagixisada, gaar ahaana ururka Al-Itixaad oo Maraykanka ugu jira liiska, waxa uu ugu yeedho argagixisada, kuwaas oo la sheegay in ay sutida u qabteen qorshe kasta oo arrintaa lagu fulinayo Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu maalintii Salaasadii la kulmay Cadnaan Daraabulisi oo Wasiiro-dawle ka ah Xukuumadda Lubnaan oo u gudbiyay Marti-qaad uu u soo diray Cabdiqaasim.

Madaxweynaha Lubnaan, Amiin Laxuud, si uu gua qayb-galo Shir-madaxeedka Carabta oo bishan March 27-keeda ka furmidoona Bayruut.

 

 

Xubin ka tirsan AL-qaacida oo lagu qabtay Suudaan.

K

hartuum (Wakaaladaha wararka) – xubin muhiim ah oo ka tirsan ururka Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Usaama bin Laden, ayaa la sheegay in lagu qabtay dalka Suudaan. Kaas oo ka tirsan 22 qof oo ay dawladda Maraykanku toosh ku doondoonayso.

 

Ninkan oo magaciisa la yidhaa Abuu Anas Al-liibi, waxa ay wararku sheegeen inay xukuumadda Maraykanku dedaal ugu jirto sidii loogu soo gudbin lahaa ee ay gacanta ugu dhigi lahayd, arintaasi oo ay haatan wada xaajood kala leedahay dawladda Suudaan.

Waxaa kale oo doodi ka taagan tahay in loo gudbiyo dalka Masar, iyada oo lagu eedaynayo inuu lug ku lahaa isku-daygii ahaa in la dilo madaxweynaha Masar. Hase yeeshee dawladda Suudaan ayaa beenisay inuu warkaasi jiro.

 

Abuu Anas oo u dhashay Liibiya, da’diisuna tahay 37-jir waxa la sheegay inuu Al-Qaacida ku biiray 1992-kii, haatana uu gacan-yare u ahaa Usaama bin Laden, waxaana lagu eedaynayaa inuu dad Maraykan ah laayay sannadkii 1998-kii, uuna ku lug lahaa qarxintii Safaaradaha Maraykanka ee Kiiniya iyo Tansaaniya. Qabashadiisana waxaa la sheeg

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Adhiyahow gil-gilo

Nabadda siyaasadeed waa danta qaranka, haddii sida ay tahay loogu dhaqmo oo aan la majara habaabin labada kooxood waxaa kala hoggaamiya Dhidar iyo Weere. Waxay isku haystaan Adhi xayeesh ah oo ugu jira xero weyn oo kala qoqoban, oo diif iyo darxumo ka muuqato, oo aan garanayn in Dhidar iyo Weere isku haystaan, oo uu mid kastaaba leeyahay anigaa adhiga raacaya oo meel tigaadle furaya.

 

Labadii xero ee ahminka ahaa ee ay iska soo sooceen si ay danahooda u ilaaliyaana dib-ba ugamay soo noqon adhiga, arrinka taagan maantana xal umay helin.

Adhigu xog-ogaal maaha, hase yeeshee waxay maqlaan kooxda Dhidar halku-dheggooda oo ah erayga Nabadda, oo ay u isticmaalaan sida uu Maraykanku u isticmaalo erayga argagixisada. Kooxda kalena waxay maqlaan iyaga oo ku dhawaaqaya Baha-adhi waxay ku badbaadayaan shir-qaran iyo wada-tashi laga yeesho xaaladda lagu jiro. Laakiin adhigu waa warmooge, iska qaata waxay maqlaan uun, sidaa daraadeed waxa kala qaybiyay hadaladaa labada kooxood, waxaanay ku kala biireen labadaa dhinac.

 

Adhigii oo jaah-wareerka ku jira ayaa waxaa carrada yimi Bakayle muddo dheer maqnaa, kaas oo markuu ka damqaday xaaladda bahdiisa ku jirto u soo gurmaday si uu iskugu keeno kooxaha adhiga isku haysta.

Marba koox la fadhiisay, isku hawl badbaadinta adhiga, balse Alle waxba kama tarin, oo isaga laftiisiibaa ayaabay, eedi ka raacday oo lagu tilmaamay inuu dhinac u xagliyay.

Yididiiladii keli ahaydna halkaasay ku gudhay. Maanta ayaanay adfhiga xaaladdiisii ugu daran tahay.

 

Adhigu wuxuu ku maahmaahaa, “Lax dhali wayday Alleelo ku waalatay,” hadda cidda keli ah ee haddaanu adhiga nahay aanu wax weydiinaa waa ciidamada maqaamada ee riyada wax lagu tuso. Markaas wankii u weynaa ayaa soo warramay, waxaanu yidhi; “Xalay waxaa manaam laygu tusay wiyil (Dagaal), waxaanu igu yidhi; anigu muddo dheer ayaanka maqnaa, oo aan meelo kale mashquul ku ahaa, meesha la iiga baahdana waan tagaa oo anigaa xalka noqda.

mid kalena waan idiin sheegayaaye Dhidar iyo Weeraba adeer baan u ahay, mana farogeliyo, laakiin markay sida mara-boobta isku dhegaan ayaan hootada soo qaataa.

Waxaanan tusaa in midkoodna aanu gacan ugu jirin adhigan uu tirsanayaa iyo guusha u filayaa. Markaa ugu dambayntii waxan idin leeyahay, adhigu dhaqan buu lahaan jiray uu dhibaatooyinkiisa ku xalliyo ee maxaa idinku dhacay? Degdeg reeban, dibna isugu noqda, haddii kale anigu shaqadaydaan

 

Gudanayaa, waxaan idin geyaysiiyana la arkee, in la arko basaska oo istaanka taagan oo kaarigu ku dhawaaqayo, xamareey, xamareey. Xamareey, iyo inaad dib ugu noqotaan meel aydaan mar dambe ka soo noqon karin. Markaa waxaan idin leeyahay adhiyow gil-gilo.

Axmed Waxar, Hargeysa.

 

 

Dadka iyo dalkyuba waxay u baahan yihiin waa isbeddel nidaam

Siday ila tahay waa in ay dadku ka gudbaan fikirkan ah ayaa la isla oggol yahay ee la hayaa ama madaxweyne noqon kara.

 

Waayo sidaynu wada ogsoonahay adduunka waxaa xukuma waa nidaam, markaa qof looma baahna in la yidhaa kuma, kii doonaaba ha fadhiisto, maadaama ay jirto wax ummaddu dhigatay oo uu raacayo, taas oo qof walba xaqqiisa siinaysa, wixii xaq loogu leeyahayna ka qaadaysa.

Markaa waxaa imanaysa inay shacbigu gartaan, in xukuumadu iyaga shaqaale u yihiin, ninkii ay saluugaan shaqadiisa ama wax-qabadkiisaba inay iska beddeli karaan xaqna ay u leeyihiin iska badalkiisa ninka mas’uulka dawladda ahina waxa uu ogaanayaa in uu xoolo ummadeed hayo, waanu iska ilaalinayaa inuu isku muujiyo wax-qabadkiisa iyo daacadnimadiisa iyo waddaninimadiisa, waana laga gudbayaa ta maanta joogta ee ah ka taajiridda hantida ummadda iyo adeegsiga qabiil ee foosha xun ee marba dhinac loo adeegsanayo, iyada oo aan cidna qabiil wax loogu qaban ee lagu maalin-guuro uun.

 

Haddaba markay sidaa tahay waa in aynu ogaanaa dadka iyo dalkuba waxay u baahan yihiin waa isbeddel nidaam.

Dadku waa inay ogaadaan inay isku dan yihiin, waxna u wada baahan yihiin, kana wada tashadaan masiirkooda iyo mustaqbalka carruurtooda. Haddaba si ay taa u helaan waa inay isku si u fakiraan ogaadaana inay wax u wada baahan yihiin falawgeedana qabtaan sidii ay nidaam u wada samaysan lahaayeen.

Maanta waynu wada ogsoon nahay in aynu samaysanay distoor ama nidaam. Laakiin ma aha afkuun ka dheh.

 

Distoorbaynu samaysanay haddii aan la dhammaystirin oo aan loo saarayn dad sharci yaqaan ah oo ka turjuma waxna laga weydiiyo ku dhaqanka sida distoorku yahay, oo golihii sharciga oo la nooleeyo awooddiisiina la siiyo iyo madax-bannaanidiisa iyo madaxda sare oo laga dhigo waxay ahayd iyo awoodeeda maxkamadeed oo la xoojiyo.

 

Ta kale Baarlamaanka oo iyana shaqadooda garta iyo awoodooda iyo isticmaalka distoorka iyo ilaalinta ku xad-gudubka distoorka xaggooda iyo xagga dawladaha. Haddaan soo qaato maanta waxa jirta wasiiro badan oo ilaa hadda aanay Baarlamaanku u yeedhin si ay u ansixiyaan, distoorkuna siduu dhigaayo waa inay bil gudaheed ugu yeedheen haddana ilaa sannad ku dhawaad ayay marayaan. Markaa waxaan leeyahay dawladdu waa dadka, dadkuna waa dawladda, waa inay oggolaataa in lala xisaabtami karo ama wax laga weydiiyo xilkii loo dhiibtay siday u maamulen. Kadibna waxaa imanaysa in qaladka jira la saxo oo wax la isla meeldhigo. Haddii se dawladdu u qaadato in ay iyadu keligeed isku dawlad tahayna markaa waxa iman kara is-maandhaaf dhibaato dhaliya ay ka iman karto, markay dadweynuhu arkaan in hantidoodii si qaldan loogu tagri falayo, awoodiina iyaga loo adeegsanayo nidaamna aanu jirin.

 

Haddaba hadalka waxaan ku soo koobayaa, nidaam ayaa loo baahan yahay wax kala haga ee ha lagu fakiro sidii loo heli lahaa.

Cali Jaamac Guuleed.

 

 

 

 

Waxaanu hambalyo u diraynaa madaxweynaha

Anigoo ah guddiga wanaag-faridda iyo xumaan-reebista ee garabka haweenka waxa aanu bogaadin iyo hambalyo u diraynaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamed Ibraahim Cigaal go’aamada qiimaha badan ee uu ku ansixiyay ka hortagga mukhaadaraadka.

Mukhaadaraadkaas oo beryahan dambe dalka loo soo geliyo si qayru-caadi ah oo ay soo geliyaan dad aan u dhalan dalka iyo kuwo u dhashayba, kuwaas oo aan xilkas ahayn oo aan kala garanayn waxa dalkooda iyo dadkoodaba dhibaatada u keenaya iyo waxa faa’iidada ah.

 

Waxa kale oo aanu bogaadinaynaa labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, oo iyaguna markay lafo-gureen u gudbiyay madaxweynaha.

Hadaba waxa aanu idin leenahay hore ayay inoogu ekayd in sidaa la yeelo, haddiise maanta la fahmay waa Alle mahaddii.

Haddaba waxa aanu ku guubaabinaynaa in sida loo go’aamiyay loo hirgeliyo, laguna dedaalo cidhibtirka maandooriyaha ilaa ay kala caagan dalkeena kuwa ku ba’ay ka shaqaysiga maandooriye.

 

Waxa kale oo aanu ka codsanaynaa dadka reer Somaliland in dhaqan-xumada iyo fawaaxishka nooc kasta ha ahaadaane ay ka hortagaan Haddaba haddii aanu nahay ururka wanaag-farista iyo xumaan-reebka dedaalkayaga waanu wadaynaa, dawladdana waanu ku garab taaganahay wax ka qabadka mukhaaraadka iyo fawaaxishkaba.

C/llaahi Axmed Cali

Hargeysa.

 

Talo soo jeedin aan marti idiinka ahay

Anigoo ah muwaadinka magaciisu hoos ku yaalo, kuna dhashay magaalada Berbera, deggana Burco, waxaan ka codsanayaa bulsho-weynta reer Somaliland inay talo iga siiyaan arrintan, waxaan doonayaa in aan shaqo deg-deg helo si aan hanti korodhsi uga helo, haddaba waxaan bulsho-weynta reer Somaliland ka codsanayaa inay arrintan mid uun igula soo taliyaan.

·         In aan madaxweyne Cigaal u tago oo uu ii soo magacaabo xil wasiirnimo ama maayornimo.

·         In aan maamulaha shirkadda qaadka 571 ee ina-Afdiinle aan u tago oo uu dhiibo maqsin si aan wakiil u noqdo.

Markaa waxaan bulshada reer Somaliland mar labaad ka codsanayaa inay labadaas ii soo kala dooraan midii aan u shaqo tegi lahaa.

Labadaas arrimood jawaabteeda fadlan joornaalka iigu soo qora idinkoo raali ah.

Farxaan Maxamed Jaamac,

Burco.

 

 

Maxaa ka socda xarunta UNHCR

Waxa jira in hablaha da’da yar-yar ee Hargeysa qaarkood ay taagan xafiiska UNHCR gelinka dambe, iyada oo maalin walba tirada habluhu sii kordhayso, dadka qaarna sheegeen inay kubbad ku ciyaaraan.

 

Haddaba, iyada oo aan cidina si cad u ogayn sababta ay u tagaan xafiiskan da’yartani, ayaanu u aragnaa mid halis ah.

Waxa mudan, in dadkan oo islaam ah aanay ku habbonayn dhaqamada noocaas oo kale ahi.

Gunaanadka hadalka, waxaanu leenahay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaruhu ha u samayso meel ku habboon oo ay habluhu iftiinkii ku ciyaaraan. Sidoo kale walidku ha isweydiiyo meesha hablahoodu ku maqan yihiin.

 

Hablahayagana waxaanu kula talinaynaa annagoon ciyaarta idiin diidanayn, inaad ku ciyaartaan meelaha ku munaasibka ah, weliba idinkoo asturan.

Ugu dambayna, UNHCR, waxaanu leenahay wasaarad ayaa arrintan noo qaabilsan ee ka waantooba, farahana ka qaada.

Arrintan oo ah mid aan noo cuntami karin.

1.       Maxamed Daahir,

2.       Keyse Axmed

3.       Baashe Muuse,

4.       Cigaal Maxamed,

5.       Cabdillaahi Cabdi.

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

Kluivert muxuu u noqon waayay ka ugu wanaagsan Barcelona

Marka aynu si mug leh uga hadalno sababta uu Kluivert u noqon waayay ka ugu fiican. Haddiiba taa laga tago Patrick Kluivert maaha nin xun.

 

Marka uu isaga oo cadhaysan oo sida ilays-gudbiyaha laga dhex akhriyayo uu qolkiisa galo wuxuu markiiba kugu soo laabanayaa isaga oo aan kiiba ahayn oo ilka-caddaynaya.

Kluivert, wuu lahaa xumaano markii uu yaraa sida David Beckham, mana ahayn mid maskax badan. Laakiin wuxuu ahaa wiil fiican oo kubadda cagta aad ugu wanaagsan.

Waana ta keliya ee uu ku noqon karo ka ugu wanaagsan markii uu hunguriyeyay inuu dib ula soo noqdo ayay kooxdiisu kala daadatay, Barcelona-na hoos bay u dhacday.

Real Madrid koox caan ah oo iyana urursatay xiddigaha caanka ah ayay sabtidii hore fooda isku dareen garoonka Nou Camp.

 

Markii ugu horreysay ee uu soo ban-baxay waxay u koolkoolin jireen sida dhallaanka, walibana wuxuu ku hadaaqayay Kluivert, Kluivert; “Haddii uu noo yimi hadda ayaanu horyaalka ku guulaysanaynaa,” waxayna ku soo dhaweeyeen heestii loo sameeyay markii uu Ajax ahaa sannadkiisii koowaad ee 1994/95.

15-jirkiisii ayuu dhaliyay 18 gool oo gundhig u ahaa guushii ay ka gaadheen kulankii kama dambaysta ee horyaalka Yurub.

 

Marxaladdii taa xigtay ee kubbaddiisu noolaatay waxay ahayd muddadii aanu qaangaadhka noqon.

Intaa wixii ka dambaysay ciyaartoygu marba marka dambaysa wuu sii niyad jabayay. Taas oo qof waliba ka cadhooday. Wuxuu markii dambe si deg-deg ah ku helay lacag, baabuur uu ciyaarta ku tago, wuxuuna beddelay noloshiisii hore.

Markale ayuu 19-jirkiisii ku kacay fal dambiyeedyo kale. Wuxuu dilay agaasime xarun-dhaqanka lagu kaydiyo, isaga oo gaadhigiisu xawli sare ku soconayay. Sidoo kale koox saaxiibadii ka mid ah ayaa ku eedeeyay in uu si ciyaalo suuqnimo ah ula dhaqmay gabadh yar.

19-jir markuu gaadhay ayuu bilaabay inuu is dabaqabateeyo, wuxuuna ka hadhay dhac-dhac badan oo lagu yaqiinay.

 

Johan Cruyff, ayaa kamid ahaa dad badan oo majeertay farsamada ku qarsoon Kluivert oo ay dad badani ku tuhunsanayeen xaalad ciyaareed oo rasiim ah.

Bilowgii hore, Kluivert wuxuu aad ugu fiicnaa hannaanka dhex-ka weerarka ah oo uu kubadaha ka qaybin jiray, balse waxaa lagala quustay gooldhalinta.

 

Laga bilaabo 1997-2000, markaas oo uu Holland iyo Barcelona, uga ciyaarayay baal, ayuu curiyay inuu kaalinta dhex-ka weerarka kaga wanaagsan yahay, wuxuuna horumar ka muujiyay inuu laba iyo in ka badan kubadda la dhaafi karo oo weliba uu goolna dhalin karo.

Hase yeeshee, may ahayn mid xiise dheeraada leh, mana uu dhalin goolal gaadhaya 20, xilli-ciyaareed keliya, isaga oo mararka qaarkoodna u muuqday mid aan niyadba u hayn. Weliba wuxuu mar-marka qaarkood lumin jiray fursado ay ka mid ahayd mid uu ka helay goolka Ireland hortiisa, taas oo waddanka xeebta ah ee Holland ka caawin lahayd koobka Adduunka.

“Waxaan u arkaa mid khadka dhexe ah,” ayuu yidhi Louis van Gaal, maamulaha Holland oo waqtigaa wareegaalaysanayay.

 

Weli waa 25-jir, oo waxay isku maalin wada dhasheen July, 1,1976 Ruud van Nistelrooy oo ciyaartiisu si xidhiidh ah u soo kordhayso.

Wuxuu bilaabay inuu si joogto ah goolal u dhaliyo. Haddana wuxuu leeyahay 16 gool xilligan iyo lix gool oo horyaalka Yurub ah, inkasta oo uu u ciyaaro Barcelona, oo inta badan ciyaartoygu caruurnimada ugu yimaadaa ay xubin ka noqdaan kooxda.

Qofkii daawaday kulankii Liverpool ee ka dhacday Nou Camp, wuu ka xumaanayay.

 

Baalashu way shaqaynayeen, inkasta oo ay raacsanaayen Rivaldo iyo Javier Saviola, labadaa ciyaartoy oo qayb ka ah habka uu kubadda ku helo marka uu cagaha lagalo xeebta goolka.

Saddex ka mid ah khadka dhexe ayaa kulankaa maqnaa, Saviola iyo Rivaldo-na inta badan kubadda way jiidayeen ilaa inta ay kubaddu ka dhimanayso ama ay goolka ku garaacayaan, gaar ahaan Rivaldo. Saviola iyo Rivaldo inkasta oo aanu la kaalin ahayn, haddana ciyaartoyga Holland u dhashay kubadda meel bannaan oo kone ah inuu ka helo wuu ku fiican yahay.

 

Markii ciyaartu dhammaatay waxay dad badani dhaliilayeen hannaanka tabobare Charly Rexach, u maaamulay dhismaha kooxda, waxayna in badani isweydiinaysay muxuu baalaha uga weerargelin waayay, maadaama uu haysto saddex weeraryahan, ilaa haddana xaaladdu waxay u muuqataa mid aan kasoo rayn lahayn, arrintuna kama maarmayso in kooxda baalaha laga dhiso.

ay in lagu helayo 25 malyuun oo dollar.