SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 56-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Afar Ka Mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta

oo Heshiis Ka Gaadhay Midaynta Telefoonada

 

H

argeysa (Haatuf): Ururka Shariikadaha Telefoonada Somaliland ee SATO (Somaliland Association of Telecommunication Operators), ayaa shalay ku dhawaaqay isku-xidhka Telefoonada Afar shirkadood oo ka mid ah ururka, taas oo ay suurta-gal noqon doonto in ay wada-hadli karaan bishan April gudaheeda.

Afartaa Shirkadood oo kala ah; STC, SOLTELCO, AEROLITE iyo SOMTEL, waxa kale oo ay shalay daboolka ka qaadeen in qiimaha Telefoonada ay jebiyeen oo ay ka dhigeen US$ 1 (Hal doolar) minitkiiba.

 

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa waxa muddo dheer dhibaato ka haysatay kala qoqobnaanta Isgaadhsiinta dalka gudihiisa, taas oo keentay in laba guri ama laba meheradood oo deris ahi, midkastana telefoon haysto aanay wada-hadli karin, shariikadaha ay telefoonada ka soo gashadeen oo kala duwan darteed, waxaana fashilmay dedaalo iyo iskudayo dhawr ahaa oo xitaa Xukuumaddu soo fara-gelisay oo lagu doonayey in xal loogu helo mushkiladdan.

Hase yeeshee, ururka ay leeyihiin Shariikadaha Telefoonada ee SATO oo la aasaasay August sannadkii hore, ayaa shalay Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Shirkadda STC, waxa ay ku sheegeen in ay hadda soo geba-gabeeyeen dedaal muddo dheer qaatay oo ay ugu kuur-gelayeen, sidii la isugu xidhi lahaa Telefoonada shirkadaha kala duwan ee dalka.

 

“Kadib daraasad aanu muddo dheer wadnay afartayadaa shirkadood, waxaanu gaadhnay go’aanka isku-xidhka.” Sidaa waxa yidhi Maareeyaha Shirkadda STC, Hargeysa, Marwaan X. Cali Bootaan oo ah Gudoomiyaha ururka SATO oo ka hadlayey Shir-jaraa’id. ‘Iminkana waxaanu u qabanaya wakhti ah 1da April ilaa 30-ka April in aanu hawshaa dhammayno oo aanu isku-xidhno afartayadaa Shirkadood dhammaan Somaliland oo dhan,” ayuu raaciyay Marwaan.

Shirkaa Jaraa’id, waxa ku weheliyay Maareeyaha Shirkadda Soltelco, Cali Cabdillaahi Wacays, Maxamed X. Cali Guhaad oo Madax ka ah Shirkadda Aerolite xarunteeda Hargeysa, Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale, Maareeyaha Shirkadda STC, Burco iyo Injineerada Shirkaddahaas oo iyaga ururku u xilsaaray hawsha isku-xidhka telefoonada. Shirkadda Somtel oo ka hawl-gasha Berbera, Burco iyo Gobolada kale ee Bariga Somaliland, ayaa iyana waxa u saxeexay go’aankaas Maxamed X. Macalin.

 

Go’aankaas waxa aan saxeexin oo ka maqnayd kulankaas, shirkadda Telesom oo xubin ka ah ururka. Masuuliyiinta SATO oo shirkaa Jaraa’id lagu weydiiyay ka maqnaanshada Telesom-na, waxay sheegeen in Shirkaddaasi ay xubinteedii ka tahay ururka, balse aanay waafiqin isku-xidhkan ay afarta shirkadood go’aansadeen, waxaanay beeniyeen in afartaa Shirkadood ay iska bahaysteen Telesom. “Shan Shirkadood baanu ahayn, Telesom uun baa naga maqan.” Sidaa waxa yidhi Maxamed X. Cali Guhaad oo ka jawaabayay su’aasha ku saabsan maqnaanshaha Telesom. “Anigu haddaan (anigoo Aerolite ah) is-bido oo iska bido kuwa kale oo aan idhaa idin raaci maayee xor baan ahay, ima khasbi karaan,” ayuu raaciyay.

 

Telesom oo hore uga tirsanaan jirtay Shirkadii Maraykanku ku xidhiidhiyay Agagixisada, hantideedana la xayiray ee Al-Barakaat, waxa uu sheegay Maxamed X. Cali Guhaad in dhibaato ku dhacday Shirkaddaas, ayna jeclaayeen in ay gacan qabtaan Shirkadahaas, ugana hiiliyaan “Gardarrada Maraykanka,” balse waxa uu carabka ku dhuftay in ay iyadu iska biday, goonina u jeestay. “Iska daa Barakaat oo anagu kuwa yaryar ee fooniyayaasha lehi waa Isgaadhsiin oo tuulooyin aanay telefoonadu tegin ayay inaga daboolaan – in aanu iskaashi yeelano oo aanu ururka ballaadhino, ayaa mustaqbalka noogu jirta,” ayuu raaciyay.

 

Maareeyaha Shirkadda Soltelco Cali Cabdillaahi Wacays oo isna faahfaahin ka bixinayay qorshaha isku-xidhka telefoonada, ayaa sheegay in dedaalka isku-xidhka telefoonadu uu ahaa mid muddo dheer socdey, una baahnaa dhaqaale qalab iyo farsamo, taas oo hadda uun suurta-gashay. “Waxaan ugu bushaaraynayaa dadweynaha Somaliland, meelkasta oo ay joogaan in isku-xidhkaasi hadda noo suura-galay in aanu samayno,” ayuu yidhi Cali Wacays. “Waxaanuna ku ballanay in 30-ka bisha April ugu dambayn in ay dhammaato,” ayuu raaciyay, isaga oo sheegay in in laga yaabo in hawshu marxalado kala duwan ay marto oo loogu horaysiiyo Hargeysa, kadibna looga gudbo gobolada kale ee dalka. Waxa kale oo uu sheegay in wejiga labaad ee hawshu ay noqon doonto, isku-xidhka telefoonada dibadda, taasina ay suurta-gelin doonto in shirkaduhu ay isu gudbiyaan telefoonada dibadda, balse waxay sheegeen in ay u baahan tahay qaab-xisaabeed iyo qalab casri ah oo si quman u suura-geliya isku-xidhkaas.

 

Afartaa Shirkadood, waxa kale oo ay muwaafaqo iyo wadaag ka gaadheen, isticmaalka hirarka hawada ee Micro-waves-ka loo yaqaan iyo khilaaf badiyaa ka oognaan jirey Buuraha.

………………………………………………………………………………………………………………….

 

Maamul-goboleed Cusub oo Lagaga Dhawaaqay Baydhabo

B

aydhabo (Haatuf): Ururka RRA ee xoogagga wax-iska-caabinta Raxanweyn, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay Maamul-goboleed ay u bixiyeen Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana isla shalay la caleema saaray Gudoomiyihii RRA, Xasan Maxamed Nuur (Shaati gaduud) oo noqonaya Madaxweynaha Maamul-goboleedkaa afarta sannadood ee soo socota.

 

Sida ay wararku sheegayaan, waxa xafladda Caleema-saarka iyo damaashaadka Maamul-goboleedka lagu qabtay shalay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo loo doortay in ay noqoto Magaalo-madaxda dawlad-goboleedka cusub, halkaas oo sida wararku sheegayaan ay isugu yimaadeen, kumanaan dad ah oo isugu jira dadweyne iyo duqayda beelaha gobolkaas oo ka kala yimi meelo kala duwan. Sawirada Shaati-guduud, ayaa meel kasta lagu dhejiyay magaalada Baydhabo.

 

Maamul-goboleedkan oo muddo dheerba uu ku taamayay ururka RRA, sida uu Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay Afhayeenka RRA, Maxamed Aadan Qalinle, waxa wakhtigan go’aamiyay Golaha Dhexe ee RRA oo ka kooban 52 xubnood iyo 70 duqayti ah oo ka kala socday Gobolada Bay iyo Bakool oo ah gobolada inta badan ay degto qoomiyadda Raxanweyntu. Hase yeeshee, Madaxda RRA, waxay sheegeen in Maamul-goboleedkoodu uu ka talin doono lix gobol oo kala ah; Bay, Bakool, Gedo, Jubada Hoose, Jubadda Dhexe  iyo Shabeelada Hoose.

Sida uu sheegay Mr. Qalinle, Shaati-guduud waxa uu magacaabayaa laba Madaxweyne Ku-xigeen iyo Gole Wasiiro oo ka koobnaan doona 19 Wasiir iyo 19 Ku-xigeen, kadib marka uu la tashado duqaytida. “Xubno ka socda qabaa’ilka aan Raxaweynta ahayn, una badan Daarood iyo Dir, ayaa ku jiri doona Maamulka cusub,” ayuu yidhi Afhayeenka RRA, Maxamed Aadan Qalinle.

“Waxaanu ku biiri doonaa dawlad Qaran Soomaaliyeed oo sumcad leh, haddii la dhiso afartaa sannadood,” ayuu yidhi Qalinle.

 

Tallaabadan RRA qaaday, waxay ku soo beegantay iyadoo loo ballansan yahay Shirkii 14aad ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, bishan April gudaheeda in lagu qabto Nayroobi, Kenya, Inkasta oo ilaa iyo hadda aan loo gogol xaadhin, isla markaana ay caqabad ku yihiin khilaafaadka iyo aragtiyaha iska soo horjeedda ee ay arrinta Soomaaliya ka qabaan dawladaha la deriska ah ee IGAD u xilsaartay in ay wada-jir u qaban-qaabiyaan, Shirka Nayroobi ee Kenya, Itoobiya iyo Djibuuti.

 

RRA, waxay ka mid tahay Isbahaysiga SRRC ee Itoobiya taageerto, kana soo horjeedda Maamulka Cabdiqaasim ee lagu dhisay Shirkii Carta.

Maamul-goboleedkani, waa kii labaad ee Soomaaliya ka samaysma iyo kii saddexaad marka lagu darro Somaliland oo Toban sannadood ka hor Madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya, balse aan aqoonsi diblamaasiyadeed Caalamka ka helin. Tallaabadan RRA-na, waxay ra’yul Caamka dunidu u qaateen mid u adeegaysa ama xoojinaysa fikradiii ahayd in Soomaaliya gunta laga soo unko oo laga sameeyo ugu yaraan 4 Maamul-goboleed oo kala Madaxbanaan, aakhirkana la isugu keeno dawlad Federaal ah oo jilicsan, taas oo ka soo horjeedda Fikradda ah in dib loogu soo celiyo dawlad dhexe oo adag.

…………………………………………………………………………………………………………………..

 

Colaadda Ka Aloosan Bariga Dhexe iyo Wararkii u Dambeeyay

Q

udus (W. Wararka): Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhimatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu xalay qarax cusubi ka dhacay magaalada Qudus, kaas oo qayb ka ah qaraxyo isdaba joog ah oo beryahanba ka dhacayay gudaha Israa’iil.

Dhinaca kale, Ciidamada Israa’iil ee weerarka ku haya dhulka Falastiiniyiinta, ayaa sii xoojiyay duullaankooda iyada oo ay soo baxayaan cambaarayno iyo baaqyo ku saabsan in ay Israa’iil joojiso Xad-gudubyada ay wado, kuwaas oo ka imanaya dalalka Carabta iyo Caalamkaba.

 

Hawl-galadii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Israa’iil qaadeen maalintii shalay, waxa ay gudaha u galeen magaalada Dul-karam oo ay u gaysteen duqayn laxaad lah oo aan kal go’ lahayn. Weeraro kuwaa la mid ah, waxa ay ku qaadeen magaalooyinka Baytulaxam iyo Qalqiiliya oo ay ka fuliyeen falal arxan-darro ah. Falastiiniyiinta, ayaa iyaguna wada weerarada rogaal-celinta ah ee ay kaga aargudanayaan, gar-darrada ay Ciidamada Israa’iil ku hayaan Shacbiga reer Falastiin, waxaana lagu soo waramayaa in ay 8-ka mid ah Askarta Israa’iil ku dhaawacmeen magaalada Qalqiiliya, kadib markii uu banbaane ku qarxay mid ka mid ah Dabaabadaha Ciidamada Israa’iil, mar ay duminayeen guri ku yaalla Qalqiiliya.

 

Waxaa kale oo ay Ciidamada Israa’iil sii wadaan, go’doominta ay ku hayaan guriga uu degan yahay Yaasir Carafaat ee ku yaalla magaalada Raamalah. Wasiirka Gaashaandhigga ee Israa’iil ayaana ku dhawaaqay in ay go’aansadeen in ay si buuxda u go’doomiyaan Carafaat.

Dhinaca kalena, waxaa sii badanaya dhawaaqyada ka imanaya Caalamka ee lagu cambaaraynayo Falalka ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta. Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Islaamka oo shalay ka dhacay Caasimadda dalka Malaysiya, ayay ugu baaqeen Israa’iil in ay joojiso Falalkeeda waxashnimada ah, kuwaas oo bariga dhexe u horseedi kara cawaaqib-xumo ba’an.

 

Dalalka Carabta ayaa iyaguna wada, wada-tashiyo ku saabsan sidii loo qaban lahaa Shir-madaxeed degdeg ah oo lagaga arrinsanayo, Jawaabta laga bixinayo gardarrada Israa’iil.

Dhinaca kalena, waxaa kale oo weli socda Mudaharaadyo ka dhacaya qaa ka mid ah dalalka Carabta oo lagaga soo horjeedo, Falalka Arxan-darrada ah ee ay Ciidamada Israa’iil ku hayaan Shacbiga reer Falastiin, taageerana lagu siinayo halganka xaqa ah ee ay ku jiraan, si ay isaga dul qaadaan gumaysiga Yuhuudda.

………………………………………………………………………………………………………………

 

Hargeysa: Biyo-yaraan Soo Waajahday Magaalada iyo Jawaabta Wakaaladda

H

argeysa (Haatuf): Xaalad ba’an oo biyo-yaraan ah, ayaa soo waajahday magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa tan iyo toddobaadkii hore, waxaana xaafadaha magaalada qaarkood ay dadku safaf dhaadheer ugu jireen Kaalmaha Biyaha laga dhaansado, iyadoo xaafadaha qaarna biyuhu soo dhacaan saacadaha dambe ee habeenkii marna go’aan.

Mushkiladdan biyo-yaraanta ayaa ahayd, mid si xidhiidh ah u soo noqnoqonaysay    laga soo bilaabo August, sannadkii hore markii biyo la’aantii ugu xumayd soo martay dadweynaha magaalada Hargeysa, taas oo gallaafatay Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, balse taasi ma daweyn mushkiladda, waxaana weli jira werwer ku saabsan biyo yaraynta magaalada oo aan la ogaan sababta keentay.

 

Haddaba, Wargeyska Haatuf, ayaa shalay Waraysi kala yeeshay Mushkiladdaa biyo-yaraanta Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mr. Cumar Maxamed Xandulle (Boobe), waxana ugu horayn la weydiiyay:

S: Waxaa jira cabasho biyo la’aan iyo biyo yari meelo badan oo Hargeysa ah, Maxaa ka jira cabaashooyinkaas?

J: Mishiino nagama xuma, Ceelashu waxay shaqaynayaan, laakiin waxaa la galay xilli Jiilaalla, magaaladuna way ballaadhatay oo (81km)2 kow iyo sideetan kiiloo mitir oo isku wareega weeyaan hadda Hargeysi, Biyaha maanta la soo saaraana kuma filna, waayo, biyaha maanta la soo saaro waxaa loogu talo-galay (300,000) saddex boqol oo kun oo qof, kuma filna (600,000) lix boqol oo kun. Markaa biyaha Wakaaladdu soo saaraysay iyo baahida dadka, ayaa kala badatay, isbedelka biyo yaridu halkaasuu ka yimid, taana hadda Mashaariic baanu ka wadnaa, dhawaan waxaa la bilaabi doonaa mashruuc weyn oo hawsha biyaha Hargeysa  wax weyn ku kordhin doona oo lagu samayn doono qaabka kaydka dhexe biyaha la isticmaali jiray, marka barnaamijkaasi hirgalo ee Ceelasha kuwa fadhiya la hagaajiyo (dib-u-habayn) ee ay la jaan-qaadaan Ceelasha hadda shaqeeya ayaa la helayaa biyo kaafiya baahida jirta ee Hargeysa, hadda si arrintaa aanu wax uga qabano waxaanu sameynay qayb-qaybin magaalada ah xaga biyo siinta, dhinaca Waqooyi oo kale waxaa loo bilaabaa 2 duhurnimo ilaa kowda habeenimo, kowda markaay gaadho waxaa cabtay daantaas oo dhan, haddana kowdaa la furayaa si ay biyuhu u gaadhaan. Sidaasaa haddana dhinaca kale ee magaalada, maalinta dambe biyaha loogu sii daayaa, Maxamed Mooge, Iftin, Malka durduro. Mishiinada biyuhu, waxay shaqeeyaan si lamaanaha ah 18-saacadood iyo 18 saacadood. Hadda waxaanu ku kordhinay 2 mishiin oo haddii ay hawl-galaan 6-saacadood ee la nasiyo mishiinada kale biyaha soo tuuraya oo ka keenaya Geeddeeble, soona gaadhsiinaya Beeyo-khadar. Mashruuc kale waxaa naga caawiyana ballaadhinta biyaha Hargeysa, hay’ad la yidhaa UNA – Africa Seventy oo xarunteedu tahay Nayroobi, haddii ay heleen maal-gelinta loo baahan yahay, waana mashruuc ku kacaya ilaa 10-Milyan oo doollar.

Waxa jira oo biyo yaraanta Hargeysa ka qayb qaatay, dadka qaar oo biyihii u samaystay Kaydad biyood oo waaweyn, taas oo sii badisay baahidii biyaha, markaa daba-gal ayaanu ku samaynay maalmihii tagay cidii aanu ku aragnayna tallaabo ayaanu ka qaadnay, digniina waanu siinay. Intaa waxa noo dheer wakaaladda biyaha Hargeysa, biyaha ma siiso magaalada Hargeysa oo qudha ee waxa jira, kaalin Booyadaha ah oo aanu ka samaynay Geed-deeble, waddana aanu Cagaf u marinay gaadiidka, si booyadahaasi biyaha u geeyaan Tuulooyin hawdka ka xiga Hargeysa, xilliga Jiilaalka oo kale. Markaa biyo yaraani ha jirtee, Hargeysa dadbaa harraad ugu dhimanaya ma qabo, qofkii labaatan litir oo biyo ah ayuu u baahan yahay maalintii, sida International-ka ah, anagu markaa Lix kun ayaanu soo saarnaa, 15% biyahaanu soo saarno waa (lost) biyaha daata ama liigista kaga baxa qasabadaha, 20% biyaha waxa loogu talo-galay in ay beebka ku hadhaan, laakiin inagu kuma reebno ee waynu isticmaalnaa. Markaa qofkii waxa ku qaybaya biyaha aanu soo saarno 8 litir, waxa ka dhiman 12 litir, markaa dhinaanshahaasi waa mawduuc Qaran ee maaha wax Wakaaladda Biyaha oo qudha ku xidhan, laakiin anagu waanu dedaalaynaa Wakaalad ahaan.

S: Waxa jiray Kulan ay Dawladdu ku samaynaysay, Siyaasadda dhinaca biyaha ee dawladda, Maxaa ka soo baxay?

J: Horta Shirkaa Wakaalad ahaan, anagu kamaanaan qayb-gelin, Heer Wasaaradeed ayuu ahaa, laakiin anaga Siyaasadda aanu u dhignay si Hargeysa biyaha loo gaadhsiiyo waxa weeye in la kordhiyo soo saarka biyaha, lagana dhigo habka (Centerlazation) in dayactirka Mishiinada iyo Ceelasha shaqeeya kor loo qaado, in la kordhiyo Kaydadka Biyaha (Storage), in ay wada-socdaan biyo soo saarka iyo tirada dadka ku nool Hargeysa.

Lix kun ayaanu hadda soo saarnaa (Qiyaasta Biyaha lagu Cabiro), marka la eego qalabka aanu haysano iyo ceelasha noo shaqeeya, intaa lama dhaafin karo, cid dhaafin kartaana ma jirto.

S: Warbixin hore ayaa sheegaysay in Geed-deeble, aanay kayd biyood oo kaafiyi kara dadweynaha ku dhaqan Hargeysa lahayn, Warbixintaa Wakaaladda Biyuhu may waafaqsanayn xilligaa laga hadlayay, hadda Ma waa waafaqdeen arrintaa?

J: Marar badan ayaa wax laga qoray biyaha Geed-deeble, sida warbixintii shiradii Shiinaha, waanu haynaa warbixintaa, waxaanay sheegaysay in labaatanka sannadood  ee soo socda, waa xilliga la qoray warbixinta in dadweynaha Hargeysa ku nool tiradoodu ay si xawli ah u soo kordhayso, biyaha Geed-deeblana aanu lahayn Keyd biyood oo kaafiyi kara marka tirada dadka Hargeysa ku nool ay aad u korodho, meesha kale ee kayd biyood leh ee looga wareegi karo Geed-deeble ay tahay Jaleelo oo 45km u jirta Hargeysa. Hay’addan UNA Afrika ee aanu hadda doonayno in aanu iska kaashano ballaadhinta biyaha Hargeysa, ayaanu arrintan kala tashanay waxaanay na siiyeen talo ah in 15-kii maalmoodba mar la cabiro heerka biyaha kaydka ee ceelasha Geed-deeble, markaa iminka werwer wuu jiraa ku saabsan arrintaa Shirkadda Shiinuhu warbixinteeda ku qortay, markii aanu helnay baadhista iyo tallooyinka Hay’adda UNA Afrika ee aanu iskaashiga yeelanay.

Inj. Cali Maxamed Xasan: Waxa kale oo jira, tallooyin ay hay’adaasi na siisay, si kor loogu qaado kaydka biyaha ee dhulka ay ku yaallaan ceelasha Geed-deeble, sida; Balayo iyo Biyo-xidheeno laga sameeyo dhulka iyo degaanka ku dhow ceelasha, dooxyadda ku yaalla halkaa oo iyagana loo xidho qaab ay biyuhu ku fadhiisanayaan. Arrintu markaa sida suuqa lagaga sheekaynayo maaha, ee waa isku-dheelitirka biyaha ay soo saarayso Wakaaladdu iyo tirada dadka ku nool Hargeysa.

S: Warar ayaa sheegaya in biyaha Beero lagu waraabiyo, Maxaa ka jira wararkaa?

J: Taa, hadda ayaan baabuur idin siinayaa ee imika soo eega. Horta Geed-deeble, beeraba kuma yaallaan.

S: Maareeye, waxaad ahayd Duqii Caasimadda Hargeysa, markii dib loo hagaajiyay biyaha Hargeysa, markaa halkii ay ku bilaabmatay, ma waxay kuula muuqataa Wakaaladda Biyuhu in ay horumar gaadhay, Mise  dib-u-dhac ayay samaysay?

J: Waxaan qabaa in boqolkiiba saddex boqol ay horumar samaysay Wakaaladda Biyuhu. Waayo, markii aanu bilownay shaqaaluhu soddon qof ayay ahaayeen, ceelashana laba ayaa shaqaynayay, meeshiinada biyaha tuuraana laba ayay ahaayeen. Hadda shaqaalaha Wakaaladdu waa saddex boqol oo qof, 12 ceel ayaa shaqeeya, Mishiinada biyaha soo tuuraa hadda waa afar, kaydka biyuhu imika waa laba meelood, halkii markii Wakaaladda biyaha dib loo habeeyay hal kayd-biyood ka jiray, dakhligeedu imika shaqaalaheeda wuu kaafiyaa, laakiin markii aanu furnay shaqaalihii tirada yaraa ee ka shaqayn jiray may kaafiyi jirin Wakaaladdu. Wakaaladdu gaadiid may lahayn xilligii la furay, haddase waxay leedahay ilaa Sagaal gaadhi, markaa isbedel weyn boqolkiiba saddex boqol ayay Wakaaladdu horumar samaysay.

S: Haddii biyaha oo la gaadhsiiyo dhammaan dadka ku nool Hargeysa, ay u baahan tahay hawl iyo maalgelin oo sida dhici karta aad weydaan Maal-gelintaas, Wakaaladda Biyuhu ma awoodi kartaa in aad idinku iskiin u billaabataan hawshaa, dawladda dhexe-se wax maka rajaynaysaan?

J: Runtii markaan idiin sheego Wakaalad ahaan, aad bay isu bixinaysaa, laakiin waxa ku farabadan daynta oo boqolkiiba afartan ilaa shan afartan dakhligii Wakaaladda waxa la degay deyn, saaka oo qudha laba kun iyo laba boqol oo guri (2200), ayaanu goosanay in aanu biyaha ka soo jarno, guryahaa ilaa sideed bilood ayaa lacagtii biyaha lagu leeyahay, Wasaaradaha dawladda laftooda Misaaniyadii ayaa dhawr bilood ka maqnayd, haddii hantida ka maqan ay wakaaladda u soo ururto, wakaaladdu wax way qabsan kartaa iskeed, waanay bilaaban kartaa hawshaas oo kale.

S: Maayarka iyo Maayar Ku-xigeenka Hargeysa, miyaad ka soo jarteen biyaha, sidaanu maqalnay?

J: Haa, way jirtay in laga soo jaray biyaha laakiin waanu ka heshiinay.

………………………………………………………………………………………………………………….

 

Telesom oo Cadaysay Mawqifkeeda is ku xidhka shirkadaha warisgaadhsiinta

 

H

argeysa (Haatuf): Gudoomiyaha shirkada isgaadh siinta Telesom Mr. CabdiKariim Maxamed Iid ayaa cadeeyey inaanay shirkadoodu marna diidin in ay shir kadaha is gaadhsiintu isku xidhmaan oo ay samaystaan Inter Connection mar uu xalay u waramayey wariye ka tirsan Haatuf isaga oo intaa ku daray in aringa ay isku khilaafeen shirkadaha kale ay fahay hoos u dhig qiimaha lagu dirsado telefoonada oo ay markii hore iyagu gaar ahaan ugu talaabsadeen “sida la ogyahay mudo haatan laga joogo shan maalmood ayaanu bilawnay hoos u dhiga qiimaha lagu dirsado telefoonada oo aanu ka dhignay $1 (Hal Doolar) daqiiqadii hal kii ay markii hore ka ahayd $1.30 senti an aga oo ugu danaynayna bulshadeena oo ku jirta xaalad dhaqaale oo adag sidaasaananu horseed ugu noqonay shirkadaha kale oo iyagana haatan nagu raacay, anaga oo markii horeba ka talo

 

………………………………………………………………………………………………

 

 

 

 

 

Badheedhaha Wargeyska

Sansaanta Soomaaliyada

Cusub Iyo Saamaynta Somaliland

Q

arni iyo badhkii u dambeeya Soomaaliya, waxay ahayd bogcad lagu gooli-baadho, laguna tijaabiyo nidaamyadii dunida soo maray iyo aragtiyo kala duwan oo la jaanqaadayay isbedelada bulshada Caalamka. Cahdigii gumaystaha reer Yurub ayaa ugu soo horeeyay kadib, waxa baalka soo saaray Nidaamkii hanti-wadaaga iyo hirdankii dagaalkii qaboobaa ee dimoqraadiyadda reer galbeedku isku baahinaysay Afrika iyo dunida inteeda kaleba, gala-gelaysiga Carabta ay dhiig iyo dhaqan Wadaagga yihiin iyo Isku daygoodii Carabaynta iyo gulufkii ugu dambeeyay ee beesha Caalamku ku soo waajahday Soomaaliya, ee ay ku doonaysay in ay ka dhisaan, dawlad qaab-dhismeedka reer galbeed leh Sagaashanaadkii, kadib markii ay burburtay dawladii dhexe ee keli-teliska ahayd.

 

Laakiin, dhammaan isku-dayadaas midna ma shaqayn, Soomaaliyana waxay noqotay meel talaal kasta oo loo soo diyaariyay qaadan wayday, aragti kasta oo laga qabay iyo daraasad kasta oo laga sameeyo cilankeeda iyo geel-la-daaqdeedana dib u beenisa, reer galbeedkii heelanaana waxay gaadheen heer quus iyo qanac ah, iyadoo haddana ku adkayd in ay ka sabraan dal dhan oo aan dhinacna ku tirsanayn oo aanay werwerkiisa ka ledi karayn. Ragse talo kama dhammaato’e, raadraacii iyo baadi-goobkii arrintu, wuxuu aakhirkii dhalay aragtida ay iminka in badan oo khuburada reer galbeedku u arkaa tijaabada u dambeysay ee lagaga dawo dooni karo xaalka Soomaaliya, taas oo ah in gobol-gobol loo dhiso Soomaaliyadii burburtay (Building Blocks), kadibna la isugu xidho nidaam federaali ama konfederaal ah oo jilicsan. Aragtidan oo ay iska soo horjeedeen fikradii hore Caalamka ugu qafalnaa, carabtuna ku adkayd ee in Soomaaliya loo dhiso dawlad midaysa oo qaran, waxa reer galbeedka u soo noqday markii ay fashilantay dawladii lagu dhisay Carta ee Qaramada Midoobay dabadda ka riixaysay, taas oo gebi ahaanba xaqirtay rabitaanka qayb weyn oo bulshada ah, halka aragtidan kale ay ka ladifan tahay oo ay qabto in gobol walba iyo intii isku xidhmi karta ee wax wada-qabsan kartaba goonideeda isu dhisto, lana dhiiri-geliyo.

 

Fikraddan, waxa horraan qaaday Somaliland oo iyada hadafkeedu yahay, in ay dib u xaslato Madaxbanaanideedii ka luntay 1960-kii, waxayna aqoonsi-u-meer ahayd muddo 10 sannadood ka badan oo ay Soomaaliyana sii tiimbanaysay qalalaase iyo fawdo. Laakiin, in la garawsado dedaalkedana lagu abaalmariyo waxa ka soka martay in loo aqoonsado, tusaale Soomaaliyada cusub lagu binayn karo.

 

Tusaalihii labaad oo ahaa, maamul-goboleedka Puntland, ayaa najaxay, taasina waxay ay suurta-galnimadeeda soo dhawaysay Shaxda loo dhigay in Soomaaliyada mustaqbalku noqoto afar maamul-goboleed oo ay ku jirto Somaliland, taas oo markii u horreysay Itoobiya soo bandhigtay, isla markaana la rumaysan yahay Maraykankuna taageerayo.

Tallaabadan ururka RRA shalay qaaday ee uu ku dhawaaqay Maamul-goboleedkiisa, ayaa isna loo micnaystay gobolkii saddexaad ee qorshaha afarta waaxood ee Soomaaliyada mustaqbalka, taas oo dhinaca kalena ah guul u soo hoyatay aragtida gobol-gobolaynta (Building Block approach), iyadoo si muuqata Cabdiqaasim iyo kooxdiisa Cartana uu ku khasban yahay inuu ka tanaasulo Soomaali-weynta una dawladeeyo gobolka afraad oo noqonaya deegaanka beeshiisa u badan tahay.

 

Haddaba, Somaliland saamayn noocee ah buu ku yeelanayaa gobolkaa cusubi, mase ku qanacsan tahay meeqaamka ay sidan kaga helayso qiimaynta Caalamiga ah? Dabcan, dawladda Somaliland way taageeraysaa tallaabadan RRA, waxayna la olog tahay Golaha SRRC oo ay Mabda’iyan isku raacsan yihiin qaaddacaadda Kooxda Carta, sidoo kale waxa guul u ah in Horta ilaa xad ay meesha ka baxdo “Midnimada Soomaaliya waa Muqadis.” Waxaase lama huraan u ah in ay hadda iyo wixii ka dambeeya Mawqifkeeda caddayso, taas oo daawo uga ah in aanay hadhow is colaadsan saaxiibadeeda maanta, arrinta gooni-isutaagana ay ka dhigto mid ka mid ah, doodaha ka aloosan Soomaaliya, taas oo aan hore uga mid ahayn Mawaadiicda lagu soo qaado Mushkiladda Soomaaliya, marka golayaasha Caalamiga ah lagu gorfaynayo.

………………………………………………………………………………………….

 

 

Fahamka Caafimaadka

Warbixin Hay’adda La Dagaalanka Cudurka HIV/AIDS ee Qaramada Midoobay

Waxa Diyaariyay: Abshir Cabdillahi Xasan – Riyadh

Sida ay sheegayso tiro-koob ka soo baxday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan HIV/AIDS ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (UNAIDS) in ka badan 28.3 malyuun oo Afrikaan ah ayuu hayaa ama u dhamanaya cudurka AIDS. Haddii aanay mucjiso weyn oo lama filaan ihi dhicin ama aanay bulshada caalamku si weyn ugu soo jeedsan in ay wax ka qabato cudurkan, dadkan Afrikaanka ah ee uu cudurkani hayaa waxa ay dhimandoonaan tobanka sannadood ee soo socda.

Ka sakaw dilaaga u cudurka HIV/AIDSku yahay, ayaa hadana wax ka qabadkiisa ay bulshada caalamku ka gaabisay. Dawladaha Afrikaanka ah laftoodu dhowaan ayuunbay baraarugeen oo ay bilaabeen in ay dadkooda ka dhaadhiciyaan khatarta uu cudurkani leeyahay. Dawladaha Afrikaki waxa ay wax uga qaban waayeen cudurkani waxa weeye awood la’aan xagga dhaqaalaha ah iyo iyaga oo si khalad ah u turjumtay sababaha cudurkan keena iyo sida uu halis ugu yahay dadka oo ay iska dhayalsadeen. Waxa kale oo ay ka baqayeen in haddii ay runta ka sheegaan sida ba’an ee uu cudurkani dalalkooda u saameeyay in ay waayaan lacagtii dal-xiiska ka soo galaysay iyo waliba maal-galinta ay dawladaha shisheeyuhu dalalka Afrika ka wadaan. Dawladaha reer galbeedka oo uu Marykanku ku jiro ayaa si weyn iskaga dhago-tiray khatarta uu Cudurkan dilaaga ahi Afrika ku hayo iyo sida dhakhsaha leh ee uu u fidayo.

 

Khatarta uu HIV/AIDS Afrika ku hayaa waa mid aad u ballaadhan. Maalin walba, 6,700 oo qoys ayaa waaya qof ay aad u jeclaayeen oo uu cudurkini dilo. Meelaha qaar waxa la yidhi qiimihii xabaalaha ayaa aad u kordhay oo iyaba waa yaab ah ay dad badani shaqo ka heleen. Lix iyo toban dal oo Afrikaan ah ayuu in ka badan tobankii qofba mid dadka dalalkaa ku nool cudurka HIV/AIDSku hayaa. Qaaradda Afriki waxa ay hoy u tahay 95% nooca cudurkaas ka mid ah ee ay hooyadu ilmaheeda u gudbiso. Dalalkaasi, in ku dhow 80% dhimashada dadka da'doodu u dhexayso 25-45 sanno ayaa toos loogu xidhiidhyaa cudurka AIDSka.

 

Lix dal oo ka tirsan Afrikada Koonfureed ayaa marka ay taariikhdu tahay sannadka 2005ta uu cudurka AIDSku ka dilidoonaa inta u dhexaysa 8% ilaa 25% dadka dhakhtarada ah ee hadda shaqada ku jira. Cudurkani waxa uu si aad ah ugu dhacaa dumarka. Dalalka Afrikada Koonfureed afartii dumar ah ee ay da’doodu u dhexayso 15-49 sanno mid ka mid ah ayuu cudura AIDSku hayaa. Dalalka Afrika qaarkood, inta u dhexaysa 10% ilaa 20% hablaha da’da yar ayuu cudurkani hayaa. Habalaha uu cudurkani hayo ayaa dugsiyada ka hadha, taas oo keeni karta in xawligii waxbarashada ee dumarku uu is dhimo. Dhinaca kale waxa dalalka Afrika ku soo badanaya caruurta agoonta ah ee uu labadoodii waalid dilay cudurka HIV/AIDS. Waxa suurtagal ah ayaa la leeyahay in sannadka 2010 ay agoonta Afriki kor u dhaafi doonto 40 malyuun.

Habka daryeelka caafimaadka Qaaradda Afriki ee sida dhibaatada leh ku abuurmay sannadadii lixdamadii iyo todobaatanadii, ayaa waxa dhaawacay daynta lagu yeeshay qaaradda, taas oo keentay in miisaaniyad loo waayo cusbitaalada sannadadii sedeetamadii iyo sagaashamadii. Maanta se, cudurka AIDSka ayaa baa’biiyay daryeelkii bulshada iyo dhaqaalihiiba. Sannadada soo socda, Qaaradda Afrika waxa laga dareemi doona in ay aad hoos ugu soo dhacdo isku celcelika da'da ay dadku ku dhintaan.

 

Dadka Afrikaanka ah ee qaba cudurka HIV/AIDSku awood uma laha in ay helaan dawooyinka sii riiq dheeraysiiya qofka qaba cudurka AIDSka, dawiiyinkaas oo runtii wax weyn ka bedelay habka maamulka dada qaba cudurka AIDSka ee ku nool dawladaha reer galbeedka. In ka yar boqolkiiba hal qof dadka qaba cudurka AIDSka ee ku nool qaaradda Afrika ayaa nasiib u leh in ay helaan dawooyinka lagula tacaalo AIDSka.

 

Dhaqaalaha aadka u hooseeya iyo nolosha liidata ee ka jirta qaaradda Afrika ayaa albaabka si aad ah ugu furtay in uu cudurada HIVga, qaaxada iyo cudurada galmada la isku qaadsiiyo ay aad ugu fidaan. Sida uu Uruka Caafimaadka Aduunka (WHO) uu sheegay qiyaastii 30-50% dhammaan dadka qaba cudurka qaaxada ee Afrika ku nool ayaa isla markaan uu hayaa cudurka HIV/AIDS.

Degenaansho la’aanta xagga siyaasadda iyo dagaalada sokeeye ee ka oogan meelo badan oo ka tirsan Qaaradda Afirka ayaa dawladaha Afrika ka horjoogsady in ay fiiro dheeraad ah siiyaan halista uu leeyahay curdurka AIDSku. Labaatan dal oo ka mid ah 53ka wadan ee ay qaaradda Afriki ka kooban tahay ayay ka socdaan dagaallo sokeeye oo keenay in ay qaxootiyo badani ka abuurmaan meelo badan oo dalalkaasi ka tirsan.

 

Hadaba, waxa ayni aragnaa in ay xaaladda HIV/AIDs marayso meel khatar ah oo keeni karta cawaaqib aan laga soo waaqsan karin, waxa dawladaha Afrika la gub-boon in ay fadhiga ka kacaan oo ay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax lagaga qabto aafada HIV/AIDS. Waxa loo baahanyahay in ay dawladaha Afriki qaadaan talaabooyinka soo socda si loo bad-baadiyo ummadda ku nool qaaradda Afrika:-

In hantida qarank iyo khayraadka qaaradda Afrika ka soo baxa lagu jeediyo la dagaalanka cudurka HIV/AIDS, la na joojiyo dagaalada sokeeye ee curyaamiyaya dhaqaalaha qaaradda Afrika. Waa in kharasha lagu bixiyo soo iibsiga hubka lagu bedelaa hor-u-marinta caafimaadka dadka.

Waa in ay dawladah Afriki iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa cudurka HIV/AIDS.

Waa in uu ururka Midawga Afriki (OAU) sameeyaa hay'ado u gaar ah la dagaalanka cudurka HIV/AIDS isaga oo la kaashanaya caalamka.

Waa in hore loo mariyaa habka daryeelka caafimaadka bulshada ku nool qaaradda Afrika.

Waa in ay qaaradda Afriki iska kaashataa wararka ku saabsan curdurka HIV/AIDS

Waa in dadka laga dhaadhiciyaa khatarta uu cudurka AIDS leeyahay, si cadna loogu sheegaa wax yaabaha laga qaado.

Waa in dhammaan dawladaha Afriki raacaan habka ay Ugaandhi ku la dagaalantay AIDSka ee ay hoos ugu dhigtay dadka uu cudurka AIDSku ku dhaco. Talaabadan ay dawladda Ugaandhi qaaday ayaa loo bogay oo lagu tilmaamay in aad wax uga tarayso la dagaalanka cudurka AIDS. Ugaandhi waxa ay ku dhaqaaqday in ay dadkeeda barto waxa uu AIDSku yahay waxa ay qaaday olole ay dadka ugu sheegayso khatarta uu cudurkaasi leeyahay.

 

Cudurka HIV/AIDSku Afrika waxa uu hayaa khatar laxaad leh, marka waxa bulshada caalamka looga baahanyahay in ay dawladaha Afrika gacan buuxda ka siiso arintan, laakiin dadka iyo dawladaha Afrikaanka ahi waa in ay iyagu galaan safka hore ee difaaca lagaga hortagayo cudurkan.

…………………………………………………………………………………………………………………………………..

 

Odhaahda Akhristaha

Maxaa qaran ku dumi karaa?

Sida aan wada ogsoonahay khilaaf iyo dagaalku waa wax ku abuuran aadamaha iyo xayawaankaba, balse dadka ayaa Eebe ku galladay sida khilaafaadka loo xalliyo, kaas oo ah caqli Eebe ugu deeqay iyada oo si wadajir ah ay dhinacyada amuurtani khusaysaa ugu hawlgeli jireen iyaga oo isku dhinac ka eegaya khaladka iyo saxa jira, iyo sidii lagu dhammayn lahaa kaas oo loo marayo xeerar iyo dhaqan la isku waafaqsan yahay oo ka dhaxayn jiray bulshada Soomaliyeed, taas oo Udub-dhexaad ay u ahayd dhaqanka iyo xeerarka oo la ilaalin jirey, iyo dadka oo beenta iyo khiyaamadaba ceeb u yaqaanay. Taasi oo suurtagalisay in beel walba la barto hal-doorkiisii iyo  kaalinta uu kaga jiro mujtamaca.

Haddaba dadkii sidaa ahaan jiray maxaa dooriyay?

 

Waxaan tusaale gaaban u soo qaadanayaa xaaladda dalka maanta ka jirta iyo aayo xumada ku soo fool leh haddii shacabku garan waayo danta caamka ah, fikir midaysan ka istaagi waayo khilaafka ka dhaxeeya muxaafidka iyo mucaaradka hadba midka xaqiiqada hareer marsan ee soo dedejinaya xaalad dalku ku burburi karo, lagana dheeraado in dhinac loo xagliyo iyada oo midnimada la dhaawacayo.

Haddaba si xal loogu helo wacyiga taagan maanta waxa muwaadin kasta la gudboon inuu ka damqado wax kasta iyo cid kasta oo haysa waddo khaldan oo curyaaminaysa dadka iyo dalkaba, iyada oo si asluubi ku dheehan tahay loogu tilmaamayo gefkiisa iyo haddii uu ku jiro khiyaamo qaran. Haddaba iyada oo qaran sidiisaba tiirarka uu ku taagnaan karaa ay tahay wax cam ah waxa aan jecelahay in muxaafidka iyo mucaaradkuba dib isugu noqdaan hooga-tusaalayntaydan hoosta ka xariiqdaan inta ka khusaysa.

 

Waxa qaran ku dumi karaa;  caddaalad-darro, xuquuq la’aan, sida awooda shaqada ee muwaadinka, yasid dhaqan ku dhisan, wax wada qaybsiga iyo horumarka oo aan loo sinnayn.

Waxa kale oo qaran ku dumi karaa; haddii aan laga dheeraan cabsi, faquuqid, nacayb, diidmo is af-garad, isir tirid, takoorid, weerarro, qoqobid, barakicin, kalsooni-darro iyo naxli huursan.

Arrimaha aan kor ku soo sheegay haddii ay fiiro u yeeshaan qaybaha ay khusaysaa waxaan aaminsanahay inaan waxba innaga xumaanayn, qof walbana sida dharaarta uga caddahay meelaha xaajadu ka khaldan tahay. Taas oo haddii la isla garto ama la saxo in uun wax inoo hagaagayaan. Haddaba ummad yahay yaa khadlan labada dhinac innaga oo aan kala xigsanayn, maxaase qaran ku dumi karaa? Khilaafna keena?

Cabdillaahi Cali Xasan (John)

 

……………………………………………………………………………………………………………………

Xul baa lagu doortaye xal laguma soo dooran

Dadyowga adduunka ayaa isuk aragti ahaan si loo wada doortaa marka la magacaabayo madax-dhaqameedyada, waxaana in badan uu ka soo baxaa dadweynaha oo iyagu ah kuwa caleemo-saara. Ujeedada loo abuuraana waa in la helo talo urursan, caddaalad, hoggaan aragti dheer, isku-xidhka ummadaha iyo nabadaynta abuurida xeerarka dhaqan iyo diineed, u kuur-galka danaha shacabka iyo toosinta wixii khadlan, awoodaha ay leeyihiin ayaa kala sarreeya marka loo eego qaab-dhismeedka eray bixinta iyo isticmaalka.

 

Dunida ayaa iyana ku kala qaybsan eray-bixinta, sababna ay u tahay dhaqanka iyo diinaha iyo degaanada, balse waxaa laga midaysan yahay aqoonsiga, haybadda iyo karaamada ay huwan yihiin, madax-dhaqameedyada ayaa qayn weyn ka qaatay abuurida maamul, isku-xidhka bulshada, diblomaasiyadda iyo ilbaxnimada caalamka.

 

Qarni ka hor ayaa madax-dhaqameedka Soomaaliya ahaa mid awooddiisu ahaa hoggaanka ugu sarreeya dalka, kalsoonina ku lahaa shacabkiisa, sababna ay u ahayd iyaga oo aan aqoon talo maroorsi iyo digtaytarnimo, waxaanay iska dhawri jireen wixii magacooda u keenaya sharaf-xumo.

Haddaba dawladihii gumaystayaasha iyo kuwii Soomaaliya ayaa cadaadis iyo cabudhis ku sameeyay, waxaana meesha ka baxday taladii wareega lagu go’aamin jiray, taasina waxay keentay ismaan-dhaafkii siyaasadeed iyo burburkii dalka ku yimi.

Haddaba markii Somaliland xornimadeedii la soo noqotay ayaa waxaa dhacday baaxaa-deggii ku yimi siyaasiyiintii iyo hoggaamada dalka oo dadka foodda u saaray garbo xidhan o an lahayn meel laga baxo, taasi waxay fursad siisay in madax-dhaqameedku hawl uu ka maqnaa in ka badan qarni uu mar labaad abyamo talo uu dadka iyo dalkuba ku badbaado oo lagu abuuro sidii dalka iyo dadkuba u heli lahaayeen dawlado hanta.

 

Madax-dhaqameedyadu waa hay’adda uga sarraysa dadka iyo dadkaba ciddii ka leexata jidka toosan ee iftiiminaya sinnaanta, caddaaladda, horumarka, shacab ha noqoto, dawlad ha noqoto, mucaarad ha noqoto ee dadweynow halka ay farta inoogu fiiqaan aynu shanta farood saaro, waayo “Madax-dhaqameedyada xul baa lagu soo doortee, xal laguma soo dooran.”

Cismaan X. Abokor Axmed,

Burco.

……………………………………………………………………………………………………………….

 

Hay’adda shaqaaluhu waa halka laga soo saaro mas’uuliyiinta ama laga abuuro burburka”

C/raxmaan Siciid Maxamed

Warbixintan ku saabsan hay’adda shaqaalaha waxa loogu talogalay inay mas’uuliyiinta sare ee dawlawddu fahmaan muhiimadda ay u leedahay dhinaca xoojinta nidaamka maamulidda arrimaha dawladda, iyo guud ahaan horumarinta shaqaalaha madaniga ee hay’adaha dawladda dhexe iyo dawlaha hoose.

 

Waqtigan aynu ku jirno ee la doonayo in dalku ka baxo barnaamijyada ay wadaan hay’adaha shisheeye ee gargaarka deg-degga ah ayaa qasbaaya inaynu isu habayno sidii Somaliland ay u heli lahayd maalgelinta mashaariicda horumarinta.

 

Hay’adaha iyo dawladaha shisheeye waxay innaga doonayaan in aynu innagu la nimaadno farsamo caalamku garab inagu siiyo ama inagula shaqayn karo. Sidaa awgeed, warbixintani waxay bayaaminaysaa in hay’adda shaqaaluhu ay tahay xarunta laga maamulo mas’uuliyiinta heerka dhexe iyo heerka hoose ee ka hawlgala hay’adaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose, isla markaa qaabilsan hawlaha la xidhiidha qorshaynta istiraatiijiyadda, qaabaynta mashaariicda, qiimaynta hawlgallada, maaraynta maaliyadda iyo guud ahaan arrimaha khuseeya maamulidda.

Mas’uuliyiinta dawladda ee ay hay’adda shaqaaluhu ay u xil-saaran tahay waxa loo yaqaan “shaqaalaha madaniga ah” (civil servants). Sidaa darteed hay’adda shaqaaluhu waxay qaabilsan tahay qorshaynta shaqaalaha madaniga ah.

 

Inta aynaan faahfaahin waajibaadka hay’adda shaqaalaha, waxa aynu sharraxaad dheeraad ah ka bixinaynaa waxa ay yihiin shaqaalaha madaniga ahi. Shaqaalaha madaniga ahi siyaabo badan ayay kaga duwan yihiin noocyada kale ee shaqaalaha.

1.       Shaqaalaha madaniga ah waxa lagu muujiyaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee hay’adda dawladda dhexe ama dawladda hoose.

2.       Shaqaalaha madaniga ahi waxay leeyihiin magacyada ay ka mid yihiin Agaasime, Maareeye, Maamule, Mas’uul sare, Kormeere, Isu-duwe, Xog-haye, Hawlwadeen sare iwm.

3.       Shaqaalaha madaniga ahi waxay ka diiwaan-gashan yihiin hay’adda shaqaalaha.

4.       Shaqaalaha madaniga ah waxa lagu soo xulaa aqoonta ama xirfadda gaarka ah ee ay u leeyihiin farsamada qorshaynta istiraatiijiyadda ee khuseeya hay’adda dawladda dhexe ama dawladda hoose ee ay ka hawlgalayaan.

5.       Shaqaalaha madaniga ah waxa lagu og-yahay meeshuu ka hawlgalo, sidaa awgeed lama beddeli karo lamana eryi karo ilaa hay’adda shaqaalaha lala socodsiiyo mooyee.

Sidaa awgeed hay’adda shaqaaluhu waxay qaabilsan tahay arrimo badan oo la xidhiidha shaqaalaynta iyo horumarinta shaqaalaha madaniga ah.

Hase yeeshee, waajibaadka sida gaarka ah u khuseeya hay’adda shaqaalaha waxa ka mid ah;

·         Go’aaminta tirada iyo nooca shaqaalaha madaniga ee wax ka tari kara baahida xirfadeed ee hay’adaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose.

·         Diyaarinta qeexidda shaqada (job descriptions) ee shaqaalaha madaniga ah.

·         Samaynta barnaamijyada magdhowga iyo gunnaynta shaqaalaha madaniga ah.

·         Horumarinta iyo bixinta tabobarada shaqaalaha madaniga ah.

·         Dejinta qaab-dhismeedka rasmiga ah ee hay’adaha dawladda dhexe iyo dawladda hoose.

·         Diyaarinta qoraalada ku saabsan nidaamka fulinta hawlaha iyo waajibaadka shaqada.

·         Qorshaynta goobaha shaqada, xafiisyada, qalabka hawlgallada iyo xaashiyaha shaqada (business forms).

 

Hay’adda shaqaaluhu waa halka laga soo saaro mas’uuliyiinta dawladda ama shaqaalaha madaniga ah ee leh aqoonta iyo khibradda ay ku dejin karaan barnaamijyo wax ku kordhin kara hawlgallada adeegyada bulshada iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha. Hase yeeshee, hay’adda shaqaaluhu dalalka adduunka saddexaad waa meesha laga abuuro burburka nidaamka dawladeed. Labada xaaladoodba waxay ku xidhan yihiin mas’uuliyiinta sare ee ka hawlgala hay’adda shaqaalaha iyo guud ahaan arimaha ku saabsan qaab-dhismeedka iyo kala duwanaanta awoodaha.

…………………………………………………………………………………………………………………..

 

Waadiga Ciyaaraha

Manchester ma ka aargsoosan doontaa Deportivo

L

ondon (Reuters) :- Maamulaha Manchester United Sir Alex Ferguson, ayaa daah-furay in kooxda Deportivo guul-darradii kulankii ugu dambeeyay ee horyaalkaYurub uga dan lahayd sidii ay uga fogaan lahayd Bayern Munich iyo inay isku soo hagaagaan kulanka qoor-qabadka (knock-out) ah, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Tabobaraha Celta Vigo (Victor Fernandez), ayaa ii sheegay inay sababta Deportivo kaalinta labaad ee qaybteeda u oggolaata tahay inay ka fogaato Bayern ama Real, waayo waa koox adag.”

Ferguson oo isbarbardhigay Bayern iyo Real ayaa caddeeyay in Real uga sahlan tahay, wuxuuna sheegay inaan Bayern Munich laga heli karin fakad bannaan meelkastana ay buuxiso. Wuxuu intaa ku daray in ay ku daaleen habkii ay ku dhaafi lahaayeen.

 

Faaladan Ferguson, waxay soo baxday kadib markii tabobaraha Arsenal Wenger uu Deportivo ku eedeeyay inay eex ka gashay oo ay lumisay fursaddii ay tartanka Yurub kaga sii mid noqon lahayd.

Hase yeeshee, difaacyahanka Deportivo Mauro Silva ayaa waxba-kama jiraan ku tilmaamay hadalka ay ku af-gobaadsadeen labada tabobare, wuxuuna sheegay inaan taasi noqon karin sabab lagu cambaareeyo Deportivo.

Deportivo waxay u muuqataa mid aan baqdini hayn, kadib markii ay ka baydhay Barcelona iyo Real Madrid oo ay isku waddan yihiin, waxayna fooda is-darayaan M. United oo laba door ku garaacday wareegii koowaad oo ay isku qayb ku jireen.

 

Kooxda ka dhisan gobolka waqooyi-galbeed ee Spain waxay isu diyaarinaysaa sidii ay markale uga adkaan lahayd Manchester United oo ay Salaasada ku kulmayaan garoonka Riazor Stadium.

Deportivo waa koox si adag isugu dheelitiran oo aan lahayn xiddigo sar-sare, waxayna karti u ledahay inay xejisatay meelaynta kubadda.

“Waxaanu u ciyaarnaa hab falsafad ah,” sidaa waxa yidhi Mauro Silva oo ka hadlay qaab-ciyaareedka kooxdiisa.

Ferguson inkasta oo aanu jeclaysan inay isku soo beegmaan Deportivo, haddana wuxuu sheegay inuu ka diyaargaroobayo sidii mar dambe loogasadkaan lahaa.

“Runtii taasi waa taanu u heeganka nahay sidii aanu ciyaartoyga ugu baraarujin lahayn,” ayuu yidhi.

“Waxaa kulankaa looga hadlayaa sidii ka faynalka ee 15 May ka dhacaya Glasgow,” ayuu ku daray Sir Alex.

Manchester ayaa markaliya

 badisay 12 kulan oo ay la yeelatay kooxaha Isbaanishka, halka kooxaha Ingiriisku ay lix kulan oo keliya badiyeen 34 ciyaarood oo ay la yeesheen naadiyada Isbaanishka.

Marka laga tago kulanka dhexmaraya Man. United iyo Deportivo, waxa kale oo jirta ciyaar adag oo dhexmari doonta Real Madrid iyo Bayern Munich oo ay isku soo beegmeen sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah.

 

Bayern Munich oo markii afraad oo xidhiidh ah gaadaysa horyaalka Jarmalka (Bundesilga) waxay Sabtidii 0-0 ku kala baxeen Hamburg, waxaana dhaawac ka gaadhay Mahmet Scholl, oo la beddelay markii ciyaartu 15 daqiiqadood socotay, waxaa la filayaa inuu ugu yaraan 10 cisho u fadhiyi doono dhaawaca soo gaadhay. Tabobaraha B. Munich Ottmer Hitzfeld oo ka hadlay xaaladda kooxda ayaa sheegay in Scholl, oo la waayaa ay khasaare ku tahay.

“Waxaan filayaa inuu shaqayn doono kulanka Real Madrid, Mehmet waa nin ciyaarta abuura, oo abuuri kara habab kala duwana oo guuli ku timaado,” ayuu yidhi Ottmar. “Waxaanu samaynaynaa hab kasta oo aanu Real Madrid ku garaaci karno, iyo sidii aanu mar labaad ugu soo noqon lahayn hoggaanka horyaalka.”

 

Zinedine Zidane, oo ka dhutinaya dhaawac ka gaadhay lugta midig intii ay socotay ciyaartii Sabtidii oo 1-0 ay kaga adkaatay Savilla.

Sidoo kale Luis Figo oo seegay lix ciyaarood ayaa isna ka heetinaya dhaawac ka gaadhay jilibka lugta midig, ayaa la hubin inuu kulankaa ciyaari doono, inkasta oo ay u dhawdahay inuu ka soo kaco.

 

Ciyaaryahanka reer Arjantiin ee Santiago Solari, oo buuxiyay kaalinta Figo, ayaa isna Sabtidii dhaawacmay, haddii Solari ciyaari kari waayo kulanka Salaasada, waxay u dhawdahay inuu fursaddaa ka faa’iidaysto ciyaaryahanka Mc Manaman.

Deportivo Manchester oo wada cayaaray wareegii koowaad ee bilowgii tartanka waxaa labadii jeerba badiyey Deportivo.

………………………………………………………………………………………………………………..

 

Xal ma keeni doontaa Oliseh iyo Finidi oo laga reebo xulka Nayjeeriya

 

K

adib markii uu shaqeeyay go’aanka lagu kala saarayo cidda ka mid noqonaysa ama laga reebayo xulka qaranka Nayjeeriya ayay mid adag u muuqataa in laga maarmi karo Sunday Oliseh iyo Finidi George oo debedda ka noqda ka qaybgalka koobka adduunka, arrintuna hadda waxay saaran tahay miiska wada-hadallada.

Hase yeeshee, maxda had iyo goor waxaa dhibaato ku noqota sidii ay u caddeyn lahaayeen ciyaartoyga taariikhda geesinimo ku lahaa kubadda cagta iyo inaanay saamayn ku yeelan karin dhibaatooyinka gaarka ahi.

 

Labadaa ciyaartoy waxay ku jiraan 54 nin oo ku shaqaysta kubadda cagta, oo uu tabobaraha cusub ee Festus Onigbinde ka xulan doona ragga Nayjeeriya uga qaybgeli doona. Inkasta oo aanay jirin sabab lagu reebi karo, haddana taageerayaasha Nayjeeriya ayaa si deg-deg ah u tilmaamay in doorkii labadaa ciyaartoy ay sababeen iska-horimaadkii la xidhiidhay tigidhadii loogu dhoofayay dalka Mali, oo uu ka dhacayay koobkii Afrika ee dhawaam la soo gebogebeeyay.

Halka uu wasirka ciyaaruhuna si aan qarsoodi ahayn u sheegay sida ay u rumaysan yihiin in sidii anshax-darrada lahayd ee ciyaartoygu u dhaqantay ay horseeday in Nayjeeriya ka soo gudbi weydo wareega kama dambaysta ka horreeya, sidaana ay kaga baxaan koobka qaramada Afrika.

Suurtogal maaha in la sii sheego miisaanka saamaynta ay ku yeelan karaan labadaa nin oo la reebaa, balse arrintii ka muuqatay xulka tabobare Onigbinde Salaasadii markii ay kulan saaxiibtinimo la yeelatay Paruguay ayaa ahayd mid imtixaan ah, oo muujinaysa in hawl badani u dhiman tahay.

 

Muddo laba sannadood keliya laga joogo, waxay ahaayeen mindiyo af badan, laakiin hadda Oliseh iyo Finidi waxa ka hor timi colaad abaabulan iyo cadho badan oo ay u hayaan taageerayaasha kooxdu. Muddo dhaweyd ka hor waxay mudan u ahaayeen kooxda oo ay ka mid ahaayeen halbowlayaasha waraabiya, xataa iyada oo Oliseh fadhiyay kursiga kaydka Juventus ayuu haddana kaalin libaax ku lahaa xulka qaranka, wuuna u qalmaa kaalintiisa tan iyo markii uu ku soo biiray sannadkii 1993 oo uu saftay ciyaartii dhexmartay Itoobiya oo ka dhacday Lagos.

Maalintaa laga soo bilaabo wuxuu xoogiisa isugu geeyay sidii gorgorada Nayjeeriya dunida uga muuqan lahaayeen, isaga oo ka mid ahaa ragga kartida badan.

Qayb yar oo dadka ka mid ah ayaa dedefaynaya fikir xukuumadui ku diidan tahay. Oliseh intii ay joogeen Mali, wuxuu ku qasbay wasiirka iyo agaasimaha ciyaaraha caalamiga ah in Nayjeeriya ay ka baxdo hudheelkii ay deggenaayeen, kadib markii xukuumaddu ishortaagtay bixinta (1,500) oo gini oo uu iskaga bixin lahaa kharashka safarka.

 

Way caddahay inuu ahaa go’aan nacasnimo ah, oo dadka dhexdiisa saadaal ku abuurtay, gaar ahaan arrintu waxay sii korodhay markii xulka Nayjeeriya ku guul-darraystay inuu u soo gudbo kama dambaysta. Oliseh wuuu kaloo Tuke baal  cad ka noqday kooxda dhexdeeda oo uu ku yeeshay muuqaal aan fiicnayn, wuxuu noqday qof qas wade ah.

Ka reebistiisa koobka adduunka waa tallaabo muujinaysa caqabadda weli ka dhexjirta ciyaaraha Nayjeeriya.

 

Oliseh iyo Finidi labaduba waxay marmarsiinyo u helayaan inay fadhiistaan kahor tartanka K. Kuuriya iyo Japan, taasina waxay meesha ka saaraysaa dhammaadkii nin kasta oo wax u qabtay si gaar ah ama si guud.

Go’aankaa kahor, waxay ahayd arrin aan laga fekerin in Nayjeeriya gaadhi karto kama dambaysta iyo inkale.

“Qaar ka mid ah ciyaartoyga ayaa noloshooda oo dhan isugu geeyay sidii ay u ciyaari lahaayeen kama dambaysta koobka adduunka, laakiin aan ku guulaysan, waxay u muuqataa in mar saddexaad aanay suurtogal ahayn,” sidaa waxa yidhi Oliseh, kadib markii uu ogaaday in laga reebay liiska koobka adduunka.

Oliseh wuxuu ciyaartiisa ka bilaabay Julius Berger oo ka dhisan Lagos, gacantana uu ku hayay Joe Erico oo ka mid ahaa kaaliyeyaashii tabobarihii La eryay Mali kadib, wuxuu muujiyay horumar degdeg ah, kaalinta uu ku soo baxayna waxay ahayd khadka dhexe oo uu yarantiisii ku fiicnaa.

Oliseh, wuxuu la kulmay Jewi fiican kulankii ugu horreeyay ee uu si buuxda u saftay waxay ahayd mid dhexmartay Ethiopia iyo Nigeria kuna dhammaatay 6-0.

 

Koobkii Afrika ee Tunisia oo sannadkii labaad ahaa run ahaantii wuxuu muujiyay wacdaro gorgorada sare u fududaysay inay ku guulaystaan koobkii labaad ee ay ka helaan tartanka qaaradda.

Wuxuu isaga dab-qaaday Ajex, Juventus iyo Borusia Dortmund.

Wuxuu qayb ka qaatay kulamadii waddankiisu ugu soo gudbayay koobka adduunka ee 1994, sidoo kale wuxuu door muhiim ah ka qaatay guushii billadda Olympiga adduunka ee laba sannadood kadib.

Waxa kale oo uu dhaliyay gool uu meel fog ka laaday, kaas oo xaqiijiyay guushii ay kaga adkaadeen Spain kulankii koobka adduunka ee 1998.

Oliseh oo la waayaa waxay dareen werwer leh ku beertay taageerayaasha. Waxa kale oo iyana si weyn loo dareemayaa maqnaanshaha Finidi.

Dareenkaa werwerka lihi, wuxuu saamayn ku yeeshay tabobare Onigbinde oo lagu qasbayo inuu dib uga noqdo go’aanka. Hase yeeshee, wasiirka ciyaaraha ayaa si toos ah u sheegay in arrinkoodu dhammaaday Oliseh iyo Finidi, taas oo carqalad kale ku ah xataa haddii Onigbinde albaabka u furo.

 

“Ma jirto sabab ay Oliseh iyo Finidi kaga mid noqon karaan kooxda kadib wixii ka dhacay Mali,” ayuu yidhi wasiirka ciyaaruhu.

Sidoo kale tabobaraha cusub ee Nayjeeriya ayaa isna difaacay tallaabada xulka lagaga saaray labadaa ciyaartoy, wuxuuna tusaale u soo qaatay in aan cidina buuxin kaalintii Pele, markii uu xilka ka fadhiistay, wuxuuna yidhi; “Cidina ma buuxin, markii Pele fadhiistay, kubbaddiina may dhiman. Uma baqayo Nayjeeriya, waan haystaa kalsoonida mid kasta oo yimaadaa inuu si fiican u shaqaynayo,”

 

Si kastaba ha ahaatee weli xaajadu dhinacna uma dhicin oo waxaa la sugayaa ilaa inta laga soo saarayo liiska kama dambaysa ah ee ka qaybgalaya koobka adduunka.