SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 59-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


 

 

 

Badheedhaha Wargeyska

Caddaalad Saylad Taalla Saboolku Ma iibsan Karaa?

Subax iyo galab kasta waxa xafiiska wargeyska Haatuf soo gaadha ugu yaraan shan ilaa toban qof oo koox-koox iyo keli keli u socda, sida qaalibka ah wargeyskasta iyo akhristayaashiisa waxaa ka dhexeeya xidhiidh wax ku ool ah, waxaana laga filaa akhristaha inuu fikrad caam ah oo uu door bidayo in ay dalka iyo dadka wax tar u tahay uu soo gudbiyo ama uu fikraddiisa ka soo dhiibto mawaadiicda taagan ee uu wargeyska ka akhristay. Laakiiin iyadoo ay jirto xaqiiqada ah in bulshadeenu tahay dad hadal oo aan ku dhiirranayn qoraalka, waxa ah mid qayril caadi ah in saddex laab dadka maalin kasta soo gaadha xafiiska wargeysku ay keenaan galdacwadeedyo iyo cabashooyin shaqsi ah, taasoo uu qof kastaa doonayo inuu garnaqsigiisa ku baahiyo wargeysyada.

 

Dadkaas waxa soo jiita madax bannaanida wargeysyada iyo qormooyinka bogga hore ee ay wargeysyadu ku iftiimiyaan meel maamulxumo, musuqmaasaq caddaalad darro iyo ku tagrigal awoodeed ka jirto sida hay’adda dowladda dhexe iyo kuwa deegaanka, taas oo uu u arkayo qofku gar iyo gar darro tay doonto cabashadiisu ha noqotee fursad uu uga faa’iidaysan karo in codkiisa dhibanenimo laga dhex maqlo mushkiladda iyo sidoo kale in saxaafadda madaxa banaani tahay aalad dadweynuhu si xor ah ugula hadlaan madaxdooda. cabashooyinkaasi waxay u badan yihiin muranka dhulka oo sanadahan dambe ah mushkiladda ugu weyn ee ka taagan magaalooyinka dalka, kaas oo u dhexeeya laba qof ama qoys dowladda hoose iyo qof muwaadin ah, iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo xilka ugu awood sheegta qof rayid ah, xukun caddaalad darroah iyo go’aan maxkamadeed oo la fulin waayey, dhammaan arrimahaas iyo kuwo badan oo la mid oo xaasaasiyadooda leh una dhexeeya ashkhaas ayaa noqday waxa ugu badan ee akhrista yaasha dalka gudihiisa wargeyska u soo dirsadaan. In badan oo ka mid ahi waxa ay maraan dariiqa sharciga waxayna ugu soo gudbiyaan dacwaddooda ama cabashadooda qoraal uu ku lifaaqaan yahay gal dacwadeed maxkamadeed iyo dukumaanti.

 

Laaakiin, waxa ah arrin yaxyax iyo naxdin ah oo muujinaysa baaxadda dhibaatada jirtaa marka hooyo  da’ ah oo aad u taag darina ay tukubaha u soo cuskato si ay wargeysyada u gaadhsiiso dacwad afka ah, iyaga oo ka ashkatoonaya madax dowladda ka tirsan ama qof u awood sheegtay.

 

Ma aha male xun ama khaldan in dadk u door-bidaan saxaafadda inay dareenkooda ugu gudbiyaan dowladda laakiin waxa mudan in la fahmo in aanay ahayn hayad garsoor ama maxkamad loogu garqaado dadka, iyadoo aan la dafiri karin baahida keentay ee ka maaransiin weydey. Dhinaca kalenna waxtarka ay leedahay waxa ka mid ah in qof cadhadu geyeysiin lahayd in uu faldenbiyeed weyn geysto uu ku cadho baxo kelmedo uu ku qor jaraa’idka.

 

Layaab ma laha bulsho in ka badan 20 sanadood qori caaradii loogu talinayey, dhaqan dowladeed keedana horayso iyo dambaysoba uu noqday mid garsoorka iyo caddaaladdu gacanta ugu jiro in yar oo ladan sidii uu X.Aadan Afqalooc ku gabyay lixdameeyadii wax yar kadib xorriyadda “xaqii wuxu midiidin u noqdoo aanu ka maarmaynin ninkii maaliintaa bixinaya (lacag-laaluush) iyo kii martabad weyne. Caddaaladdii waxay magan u tahay raasa-maaliga.

 

Hadaba waxaa loo baahan yahay in bulshada si ficil ah loo tuso in sharciga loo siman yahay, hadii kale iswaydiintu waxay tahay cadaalad saylad taala saboolku ma iibsan karaa?.

……………………………………………………………………………

 

“Weli Anigu Ma Hubo In Xilka Layga Qaaday”

Cabdillaahi Askar - Wakiilka Somaliland ee Itoobiya

Hargeysa (Haatuf): Wakiilka Somaliland u fadhiya Addis Ababa ee dalka Itoobiya Cabdillaahi Askar Barkhad, ayaa sheegay shalay mar aanu Telefoon kula xidhiidhnay Addis Ababa inuu isagu weli yahay Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, isla markaana aanay soo gaadhin wax xil ka-qaadis ah oo qoraal iyo hadal midnaba ahi.

 

Tan iyo dabayaaqadii toddobaadkii dhammaaday, ayaa waxa isa soo tarayay war aan rasmi ahayn oo sheegaya in shaqada laga fadhiisiyay, Danjire Cabdillaahi Askar. Ilo lagu kalsoon yahay oo warkani ka soo baxay, waxay sheegeen in beddelka Cabdillaahi Askar soo baxay, kadib Safarkii uu dhawaan Madaxweyne Cigaal ku tegay Addis Ababa. Xukuumaddu, wax jawaab ah kama bixin warka ku saabsan, xil ka-qaadista danjiraha oo ku soo noqnoqotay Saxaafadda Madaxa bannaan, dhowrkii maalmood ee u dambeeyay.

 

Afhayeenka Madaxtooyadda, Mr. Cabdi Idiris Ducaale oo wax laga weydiiyay arrintaasna, wuu xaqiijin kari waayay sida wax uga jiraan warkaas.

 

Sidoo kale, Danjire Cabdillaahi Askar oo Telefoonka ugu waramayay Haatuf, isagoo joogga Addis Ababa, ayaa sheegay in aanu hubin in xilka laga qaaday. Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuu isagu yahay danjiraha Somaliland ee Addis Ababa, maadaama aanu helin amar xilka lagaga qaaday.

“Weli anigu ma hubo in xilka layga qaaday iyo warqad la’ii keenay iyo hadday telefoon tahay iyo qoraal hadday tahay, midna weli ma hubo, ilaa saacaddan aan kula hadlayo weli anigu waxaan ahay wakiilka Somaliland,” ayuu yidhi Cabdillaahi Askar.

 

Wararka ku saabsan xil ka-qaadista Cabdillaahi Askar, waxay sheegeen in arrintani ay ka dambeysay cabasho ama dacwad Madaxweyne Cigaal uga timi dhinaca Maamulka Itoobiya. Ilo kalena waxay ku xidhiidhinayeen, khilaaf dhexmaray Wakiilka iyo Madaxweyne Cigaal, intii ay Addis Ababa wada joogeen.

 

Si kastaba ha ahaatee, Cabdillaahi Askar oo laweydiiyay in ay isku dhaceen isaga iyo Madaxweynuhu, markii uu booqashada ku joogay Addis Ababa, waxa uu ku jawaabay; “Waxaa weeye arrimahaasi, waa arrimo dawladeed, ma aha anigana jawaabtayda, Madaxtooyadda Somaliland baad weydiin kartaan.”

“Anigu ilaa iminka oo aan kula hadlayo, waxaan ahay Ambasadoorka Somaliland ee Addis Ababa,” ayuu raaciyay Cabdillaahi Askar.

 

Cabdillaahi Askar, waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii milateri ee Ciidamadii Soomaaliya, kadibna waxa uu kaalin weyn ka qaatay halgankii Xorraynta ee SNM.

 

……………………………………………………………………………………………

Berbera: Dayaca Muuqda iyo Dhaliilaha Maamul

“Dawladda Hoose, waxaa Xafiisyo u ah Guri kiro ah oo Shacbi leeyahay….”

Warbixin - M. F. Jaambiir

Subaxnimadii Khamiista ee Toddobaadkii tegay (April 4, 2002), waxay dadka reer Berbera ku waa-bariisteen maqalka fal ka dhacay Saldhiga dhexe ee Booliska Berbera dhexdiisa. Waxay ahayd arrin layaab ku noqotay dad badan, markii ay maqleen in Saldhiga dhexdiisa lagu dilay Nin maxbuus ahaa oo halkaas ku xidhnaa, kaas oo uu dhagax ku dilay nin Saldhiga galay oo Maxbuuska ugu tegay goobtii uu hurday, siday xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska degaankaasi.

 

Run ahaantii, falalka dilku maaha wax cusub oo aan hore loo arag ee hadda iyo ka horba, waa falal dunida ka dhaca ama horeba uga dhici jiray, hase yeeshee waxaa dunida ku cusub in Nin Maxbuus ah oo xidhan ay cid bannaanka ka timi, ku dhex disho Jeelka dhexdiisa. Inkastoo ay jiri karaan falal noocan oo kale ahi, haddana waxay dhacdadani soo jiidatay indhaha bulshada, waxaanay muujisay in lagu baraarugo dhaliilaha maamul iyo Ciidan ee ka jira deegaankaa.

 

Saldhiga dhexe ee falkani ka dhacay, wuxuu ka kooban yahay dhisme laba dabaq ah oo gaboobay, kaas oo la dhisay sida la sheegay Qarnigii 19aad, wakhtigaas oo ay xeebaha badda cas ee Somaliland, Xukumi jirtay dawladii Cismaaniyiinta ee Turkigu, taas oo raadad badan oo ilaa hadda jira kaga tagtay deegaanka Berbera, kuwaas oo uu ka mid yahay sida la sheegay dhismaha Saldhigan dhexe ee Boolisku. Marka aad sheeda ka aragto muqaalkiisu, wuxuu u muuqdaa dhisme bilicle, hase ahaatee sawirkiisa dhabta ahi maaha sidaas; Waa dhisme duug ah, balse wajahadiisa hore oo u muuqata mid la rinjiyeeyo iyo bogcadda taaga ah ee uu ka dhisan yahay, ayaa ka dhigaysa heemaalkiisa guud mid qurux leh marka aad ka fog tahay.

 

Marka laga tago muuqaalka duleed ee dhismaha Saldhigaa, waxaan badiba shaqaynin qolalkii Maxaabiista lagu xidhi jiray, kuwaas oo dunsan, taasina waxay sababtay sida muuqata in maxaabiista la soo xidho badhkood lagu hayo berendaha dhismaha Saldhiga.

 

Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Berbera, Ibraahim Aadan Yaasiin oo aan xog-waraysi la yeeshay, ayaa isaga laftiisu muujiyay sida xaalka dhismaha Saldhigu yahay; “Waa Saldhig da’ weyn oo gaboobay oo dhoobo ka dhisan, waxa laga qabqabtayna waa jiraan, imikana waxaan rajaynayaa in waxa laga qabto,” ayuu yidhi Taliye-xigeenku. Wuxuu intaa ku daray in ay jiraan qolal dunsani, laakiin wuxuu ku af-gobaadsaday in aanay waayin meel ay Maxaabiista ku xidhaan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxay dad badan oo reer Berbera ahi ku doodeen in Saldhiga dhexe uu leeyahay oo keli ah, hal qol oo lagu xidho Maxaabiista, qolalkii kalena ay dunsan yihiin, sidaa aawadeedna ay taasi keliftay in maxaabiista lagu hayo meel bannaan oo baylah ah, taas oo meesha ka saaraysa xuquuqdii uu maxbuusku ku lahaa Xukuumadda ee ahayd in la sugo ammaankiisa. “Haddii uu maxbuusku ku asturnaan lahaa meel baydhsan, may dhacdeen tan oo kale.” “Xukuumaddu, iyadaa lumisay ammaanadii Maxaabiista.” Weedhahaa iyo qaar kaleba, waxay ka mid ahaayeen doodihii dadka reer Berbera ee aan la kulmay ay iska weydaarsanayeen amuurtaas. Waxa kale oo aan meesha laga saarin in arrintani fadeexad ku tahay, guud ahaanba Xukuumadda iyo Ciidanka Booliska. Taliye-xigeenka Qaybta Booliska ee magaalada Berbera, ayaan isna taa isdiidsiin oo muujiyay siday uga xun yihiin dhacdadaas iyo saamaynta ay ku yeelanaysaba.

 

Inkastoo dhacdadani, magac ahaan hadhaynayso Booliska, haddana waxa muuqata in Ciidamada ammaanka Berbera aanay haysan qalab badan oo hawshooda lama huraan u ah, taas oo ay la qabaan deegaamo kale oo badan. Sidaa daraadeed dhalliilaha dayaca ka muuqda dhismaha Saldhiga Berbera iyo guud ahaan Ciidanka nabadgelyadaba, waxay dad badani u aanaynayaan in masuuliyad ahaan uu leeyahay Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera.

 

Mar aan wax ka weydiiyay Taliye-xigeenka Qaybta Booliska ee Berbera, sababta loo dayactiri waayay dhismaha Saldhiga ee loo dhisi waayay qolalka Maxaabiista ee dunsan, wuxuu tibaaxay in ay wada-tashi kala leeyihiin Maamulka deegaanka sidii loo dhisi lahaa, laakiin muu sheegin qorshe cad oo muuqda oo hore u sii jiray oo loogu tallo-galay hagaajirnta iyo dayactirka goobaha ammaanka.

 

Si kastaba wax ha u jireene, waxaan la dafiri karin in goobta arrimahani ka jiraan ay tahay il-dhaqaale oo ah ta ugu xoogga weyn dalka oo dhan. Dadka reer Berbera qaarkood, waxay ku doodayaan in arrintani qayb ka tahay dhaliillo is-barkaday oo hadheeyay Maamulka deegaanka magaalada Dekedda ah ee Berbera. “Dawladda Hoose ee Berbera, waxaa xarun u ah guri kiro ah oo shacbi leeyahay, kaasay ku shaqaysaaye tusaale kaleba ugama baahnid.” “Kiradda guriga ay ku jirto ay ka bixiso, marka laysku darro intii ay ku jireen, ayaa wax walba kafayn lahaa oo lagu dayactiri lahaa guryo badan oo dawladdu leedahay.” “Marka horeba, maxaa kelifay in Maamulka dawladda hoose guri shacbi kiraysto, iyadoo guryaheedii dayacan yihiin.” “Xaruntii dawladda hoose, dib-u-dhis baa ka socda, markaa taasaa keliftay in ay guri kiraysato.” Weedhahaasi iyo qaar kale oo badaniba, waxay ka mid ahaayeen fikraddo ay dadku ku cabirayeen aragtiyahooda la-xidhiidha Maamulka dawladda hoose iyo hawl-qabadkiisa.

 

Baddi dhaliilaha Maamulka dawladda hoose ee Berbera lala xidhiidhinayaa, waxay hore u ahaayeen qaar aan sidan loo muujin jirin, laakiin waxaa si weyn u saameeyay falkan ka dhacay Saldhiga dhexdiisa oo muujiyay, sida xaalka dawladeed ka yahay deegaanka Berbera, isla markaana kelifay in la milicsado gol-daloolooyin horeba u jiray iyo falal badan oo dil ahaa oo kan ka horeeyay oo ka dhacay deegaankaa, kuwaas oo la sheegay in aan badi la caddaynin cidii geysatay. Siday tibaaxeen, warar ka soo baxay ilo ku dhow-dhow hay’adaha Garsoorka Berbera, badiba waxaa curyaansan waaxihii dembi-baadhista iyo daba-galka dembiyada dhaca, taas oo loo aanaynayo in ay kow ka tahay, arrimaha ragaadiyay caddayn la’aanta cidii geysatay falal hore u dhacay oo la rumaysan yahay in ay wax ka-qabad la’aantoodu horseeday, sii badashada falalka dilka ah ee deegaankaa ka dhaca, kuwaas oo la sheegay in ay gaadhayaan in ku dhow Toban kiis ilaa sannadkii 2000.

 

Ciidanka Ammaanka (Booliska) ee magaalada Berbera, ayaa iyana loo tirinayaa in ay kala daadsan yihiin, mararaka qaarkoodna lagu mashquuliyo xiisado Siyaasadeed oo aan muuqan oo dadka qaarkii ku eedaynayaan inuu Maamulka Gobolku abuuro.

 

Si kastaba haloo dhigee, Masuuliyiinta Booliska Berbera jawaabta ay ka bixiyeen sida falku u dhacay, ayaa iyana iftiiminaysa sida Ciidanku u kala daadsan yahay, iyo duruufaha la deriska ah. Maayarka magaalada Berbera oo isla markaana ah Gudoomiyaha Maamulka Gobolka, Xasan X. Maxamed (Xasan Gadhweyne) oo aan isku dayay in aan wax ka weydiiyo dhaliilaha Maamulkiisa loo tirinayo, ayaa isagu ka war-wareegay inuu noo ogolaado in aanu waraysi kala yeelano arrimahaas.

……………………………………………………………………………………………

Koox Hubaysan oo Xoog Kula Baxday Gaadhi Dhexyaalay Saldhiga Dhexe ee Booliska Burco

 

Burco (Haatuf): Koox hubaysan, ayaa xoog kagala baxday Saldhiga Dhexe ee Booliska ee magaalada Burco, gaadhi yaalay halkaas oo ku xidhnaa, kaas oo Ciidanka ammaanku ku qabtay waaran Maxkamadeed.

 

Siduu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Togdheer, waxa la sheegay in kooxdaa hubaysani ay Saldhiga galeen xilligii Salaadii Maqrib la tukanayay, isla markaana ay gaadhigaa kaxaysteen, iyagoo aan wax dhibaato ahi gaadhin dhinacba. Warku wuxuu intaa ku daray in kooxdaa hubaysan oo lagu qiyaasay sodoneeyo Nin aanay wax rasaas ah ridin, balse ay ku beegmeen xilli aanu Ciidan badani joogin Saldhiga.

 

Badhasaab Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Togdheer oo uu weriyahayagu  wax ka weydiiyay arrintaas, ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax war ah ka bixiyo. Sidoo kale, Masuuliyiinta Booliska ayaan iyana wax war ah ka soo saarin dhacdadaas.

Siday tibaaxeen warar aan la xaqiijinin, gaadhigaas oo la sheegay in Boolisku ku xidhay Waaran Maxkamadeed, waxa loo haystaa arrin la sheegay in ay la xidhiidho dad ku dhintay mar hore oo uu qalibmay oo aanay arrintoodii weli dhammaanin.

……………………………………………………………………………………………………

Xukuumadda oo Fagaaraha Khayriyadda ka Mamnuucday Xuska SNM

Hargeysa (Haatuf): Sanand-guuradii 21aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka SNM oo sannad kastaba la xusi jiray 6-da April oo ku beegnayd maalintii shalay, ayaan sannadkan la smaynin, isla markaana waxa la sheegay in ay Xukuumaddu mamnuucday in xusaska ururka SNM lagu qabto Fagaaraha Khayriyadda ee magaalada Hargeysa oo hore loogu qaban jiray.

 

Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ka mid ahaa, aasaasayaashii ururka SNM kaga dhawaaqay magaalada London, 6-dii April 1981-kii, ayaa u sheegay Haatuf, in SNM sannadkii samayn jirtay laba xus oo kala ah; maalinta aasaaska ururka oo ah 6-da April iyo 17 Oktoobar oo lagu magacaabo maalinta Mujaahidka, taas oo loogu baroor-diiqo Shahiidiintii ku god-gashay halgankii dib-u-xorraynta.

 

Muj. Xasan Ciise, wuxuu intaa raaciyay oo uu sheegay Xukuumaddu in ay bishii Oktoobar ee sannadkii hore soo saartay amar ay ku mamnuucday in aan xusaska munaasibadahaa lagu qaban karin Fagaaraha Khayriyadda oo hore loogu qaban jiray, isla markaana aan laysugu iman karin.

 

Siduu sheegay Xasan Ciise Xukuumaddu, waxa kale oo ay joojisay Kharashkii lagu maamuli jiray Xusaskaas, Jamciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal oo qaban-qaabin jirtay Xusaskaasina may qaban-qaabin. Dhinaca kale, warar laga soo xigtay xubno ka tirsan Jamciyadda Sooyaal, ayaa iyana cadeeyay in Xukuumaddu joojisay in Fagaaraha Khayriyadda lagu sameeyo Xusaskaa, isla markaana ay jartay dhaqaalihii ay kaga qayb-geli jirtay Xuska Munaasibadahaa. Wararku, waxay intaa ku ladheen in sidaa daraadeed uu u baaqday Xuska 6-da April.

 

……………………………………………………………………………………………

Miyey Jiraan Dad Lagu Qab-qabtay Magaalada Hargeysa?

Hargeysa (Haatuf): Ciidamada Ammaanka, ayaa la sheegay in ay shalay ka qab-qabteen magaalada Hargeysa, dad aan la cadday tiradoodu inta ay dhan tahay. Ma jiro, wax war ah oo ku saabsan dadkaa la sheegay in la qab-qabtay oo dhinaca Xukuumadda ka soo baxay oo xaqiijinaya in ay jiraan, dad la qab-qabtay. Xubno kala duwan oo ka tirsan Booliska oo aanu la xidhiidhnayna, way ka gaabsadeen in ay wax nooga sheegaan arrintaa, balse qaarkood waxay tibaaxeen in ay jiraan, dad ay Laanta Dambi-baadhistu qab-qabatay, laakiin aan la ogayn sababta loo qab-qabtay.

 

Warar aan la xaqiijin, ayaa tibaaxay in ay jiraan tiro dad ah oo shalay la qab-qabtay, kuwaas oo la sheegay in ay gaadhayaan dhowr iyo toban qof. Wararkaasi, waxay intaa ku dareen in dadkaas ay qaarkood ka soo jeedaan, dhalasho ahaan gobolka Soomaalida Itoobiya.

 

Inkastoo laysla dhexmarayay, warar sheegayay in ay jiraan dad la qab-qabtay, haddana weli ma jiraan warar caddayn dhab ah ka bixinaya ammuurtaas ku saabsani.

……………………………………………………………………………………………

 

Maxaad Ka Taqaanaa Guantanamo Bay?

Maxaabiistii uu Maraykanku ka soo qafaashay dalka Afganistaan, waxaa la geeyey xarun ciidammada Maraykanku ay deggan yihiin oo ku t`aallaa, Guantanama Bay ee dalka Cuba. Dad badan waxa ay is waydiinayaan, iyadoo aan wada ognahay in xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Cuba uu aad u xun yahay, haddana sida ay ugu suura gashay in Maraykanku ku yeesho xarun Maraakiibta Ciidamada ah (Naval Base).

 

Sannadkii 1898-kii, ayaa dagaalkii weynaa ee Maraykanku la galay Spanishka, waxa uu kaga qabsaday Xarunta Guantanamo Bay ee dalka Cuba. Cuba oo markaas iyaduna u dagaallamaysay xorriyaddeeda, laakiin aan lahayn awood ay Spanishka iskaga celiso, ayaa Ciidammada Maraykanka ku taageertay, sidii Spanishka looga saari lahaa dalka Cuba. Guantanamo Bay oo sannadahaas ahayd goob ganacsiga ku fiican, waxaa aad ugu dhowaa Dekad Sonkorta laga dhoofin jiray oo la odhan jiray Caimanera oo dhinaca galbeed ka xigtay, dhinaca barina waxaa ka xigga xaafad laga kalluumaysto oo la yiraahdo Fishermans’ Point.

 

Si haddaba uu Maraykanku u difaaco dadka iyo dalka Cuba oo Spanishku gumaysi xun ku hayay, waxaa sannadkii 1903dii Cuba iyo Maraykanku kala saxeexdeen heshiis dhigayay in Maraykanka laga iibiyo ama laga kireeyo Dhul xeebeed dagaalka ku fiican oo Maraakiibta dagaalkuna isticmaali karaan, lagana qodan karo dhuxusha. Heshiiskaas, waxaa saxeexay Madaxwaynihii Cuba Estrada Palma bishii Febrayo 16, sannadkii 1903-dii, iyo Madaxwaynihii Maraykanka Theodore Roosevelt bishii February 23, sannadkii 1903.

 

Sidaas ayaa Maraykanku u soo degeen xarunta Guantanamo Bay iyo Bahia Honda. Sagaal sano kadib, Maraykanku wuu iska dayacay Bahia Honda, waxaana uu ku koobnaaday Guantanamo Bay. Heshiisku waxa uu dhigayay in Maraykanku ay u isticmaali karaan oo keliya dhulka iyo badda ay kireysteen Maraakiibta dagaalka iyo dhuxusha oo ay ka sameystaan oo keliya, iyo in Maraakiibta Cuba ay ku maraan xeebta Cashuur la’aan.

 

Heshiisku, waxa kale oo uu dhigayay in Maraykanku ay bixiyaan lacag dhan $2,000 oo dollar sannadkiiba oo kiro ah. Guantanamo Bay, waxa ay noqotay xeryaha Ciidamada ee uu Maraykanku ku leeyahay dalka dibaddiisa tan ugu wayn. Sida keliya ee lagu jabin karo heshiiskaasina, waa in labada dowladood si wada-jir ah u saxeexaan, heshiis kale oo lagu jebinayo xeerkii hore, taasina waxa ay u badan tahay in aanu Maraykanku waligii ka tanaasuli doonin. Taas oo micnaheedu yahay, Guantanamo waa dhul iyo biyo ay dowladda Maraykanku leedahay.

 

Markii uu Madaxwayne Fidel Castro la wareegay Xukunka dalka Cuba, dhammaadkii sannadkii 1950-kii, ayaa waxaa bilowday in heshiiskii Maraykanka iyo Cuba uu wiiqmo. Waxaa dhacday in Malleeshiyo reer Cuba ah oo uu hoggaaminayo Nin la dhashay Fidel Castro, ay dhowr jeer weerar ku qaadeen askar Maraykan ah, ayna qaar ka qafaasheen. Waxaa xidhiidhkii labada dowladood aad u sii xumaaday, markii uu Castro ku dhawaaqay inuu qaadanayo Siyaasadda Shuuciyadda “Communism”.

 

1961-kii Madaxwaynihii Maraykanka Dwigh Ensinhoward, ayaa ku dhawaaqay inuu jaray xidhiidhkii Dibulumaasinnimo ee uu la lahaa dalka Cuba. Wixii intaas ka dambeeyey, waxaa magaalada Guantanamo labadeeda dhinac is hor fadhiyey ciidamada Maraykanka iyo kuwa Cuba.

Sannadkii 1962dii waxaa dowladda Maraykanku amar ku bixisay in laga soo raro cid kasta oo Maraykan ah-marka laga reebo ciidammada dagaalka-Guantanamo bay iyada oo Madaxwayne J.F. Kennedy uu caddeeyey in madaafiicda Ruushka la soo geliyay dalka Cuba.

 

Dhibaato kale, waxay dhacday markii uu Madaxwayne Fidel Castro ka jaray biyihii iyo korontadii xarunta Guantanamo Bay, isagoo raba inuu ka aarguto eedo uu ka tabanayay dawladda Maraykanka. Wixii intaas ka dambeeyey Dawladda Maraykanku, waxay ku dedaashay in xaruntaasi noqoto, mid isku filan oo biyo iyo koronto ku filan soo saarta. Waxaa kaloo xarunta lagu sameeyey, dibu dhis aad u wayn.

 

Sidaas Darteed, waxaa la odhan karaa Guantanamo Bay, waa dhul iyo biyo uu leeyahay Maraykanku. Si kasta oo uu heshiiska labada dal uu noqdaba, heshiiskii Guantanamo Bay weli waa jiraa, waana jiri doonaa.

…………………………………………………………………………………………

Shir-hawleed Ururka Bisha Cas Uga Furmay Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf):- Shir ay isugu yimaadeen ururada Bisha Cas ee Somaliland oo lagaga badlayo cudurka HIV/AIDS  iyo sidii looga tabaabushaysan lahaa ololaha la dagaalankiisa ayaa shallay ka furmay Hotel-ka Maansoor ee magaaalada Hargeysa.

 

Shirkaas oo uu soo qabanqaabiyay ururka Bisha Cas iyo Laanqaybta Cas ee caalamiga ah, waxaa ka qaybgalay gudoomiyayaasha Bilaha Cas ee Somaliland iyo dhakhaatiir ka kala socda wasaaradda caafimaadka Somaliland, hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo UNICEF.

 

Waxa iyagana furitaankii shirkaas ka soo qayb -galay saraakiil ka socday xidhiidhka Caalamiga ah Bilaha iyo Laanqaybaha Cas oo uu horkacayo ninka ururkaas u qaabilsan caafimaadka gobolka iyo guddoomiyaha Bilaha Cas ee dalkii Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Xasan (Food Cadde) iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiyaha Bilaha Cas ee Somaliland  Cali Sh.Maxamed  Jirde  iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda cafimaadka Somaliland Axmed Cabdi Jaamac oo furitaankii shirka hadallo kooban ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey mudanayaasha iyo marti sharafta ka soo qaybgashay shirka isla markaana ka waramay ahmiyadda shirku leeyahay iyo ujeedooyinka la doonayo in uu gaadho.

“Maanta waxaynu halkan isugu nimi inaynu ka hadallo mawduuc aad iyo aad muhiim ah, dadkana inta badan aanay jeclayn in laga hadlo oo cidii huursataa ay eeddo” sidaa waxa yidhi Cali Jirde, guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland.

“Cudurkaasi waxa weeye cudurka la yidhaa AIDS-ka “ ayuu raaciyay Cali Jirde, waxaana intaa ku daray in cudurkaasi  oo hadda muddo 20 sanadood ah caalamika ku jiray uu maalinba maalinta ka dambaysa ka sii darayo.

 

“inagu haddaynu nahay dadka Soomaaliyeed waynu ka sahlanahay. Inkastoo ceebteenu ay tahay inaguu wixii ceeb ah afka ka qabsanno oo aynu qarsanno” ayuu raaciyay isaga oo sheegay in qarsashadaas isla ay dhibaato weyn ka iman doonto. markaana waxa uu sheegay in cudurkaasi uu asiibo dhallinyarada oo ah xooggii waxsoosarka ee bulshada.

 

“Cudurkaasina run haddii la eego qofkii muslim ah ee islaamnimadiisa adkaysanaya ma helo. Sababtoo ah cudurkan waxa la isugu gudbiyaa waa sino. Sinaduna xaaraam weeye diinta Islaamka” ayuu yidhi Cali Jirde isagoo ka warramaya aafada cudurkaas iyo dhibaatada uu dunida ku hayo.

Shir-hawleedkaas oo socon doona muddo shan maalmood ah, Cali Jirde isagoo ishaaraya natiijada laga filayo waxa uu yidhi: “Waxaan rajeynayaa in illaahay inagu guuleeyo in aynu shirkaa kala soo baxno talo aynu goosanno oo aynu dalka ku gardhsiin karno digniintaa aynu wadno”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo madaxdii kale ee shirka ka qayb gashay ayaa iyana halkaa ka hadlay.

 

Shirkani waa kii u horreeyey ee noocan ah ee ay qabato Bisha Cas, oo sannadkan bilaabysa olole ballaadhan oo wacyigelin ah oo ku wajahan halista cudurka AIDS-ka sida uu hore u sheegay Cali Jirde.

 

Lamaane reer Boorama ah ayaa noqday labadii qof ee ugu horeeyey Somaliland ee qirtay inay qabaan cudurka AIDS, bishii January, hase yeeshee, sahan la qaadey dabayaqadii sagaashanaadkii ayaa  muujisay in heerka  fiditaanka jeermiska  HIV uu yahay 1% dadka Somaliland.

…………………………………………………………………………………

 

Faaqiddaada Aduunka

 

Waa kuma Yaasir Carafaat?

Hadda oo ay bariga dhexe ka taagantahay xaalad ba’an oo werwer ku haysa caalamka oo dhan, kadib makii ay israa’iil duulaan ku gashay deegaanada ismaamulka falastiin, waxaa sigaar ah uga dhex muuqda arrintan magaca hogaamiyaha reer falastiin Yaasir Carafaat waxaana lagu tiriyaa carafaat shakhsiyadaha sal dhiga u ah loolanka u dhexeeya carabta iyo Israa’iil ee uu magacoodu ka dhex muuqday 50kii sanadood ee u dambeeyey isaga oo weli magaciisa ku suntanyahay halganka ay dadka reer falastiin ku jiraan, siaa darteed waxa aynu maanta soo qaadanaynaa sooyaalkii taariikheed ee Yaasir Carafaat.

 

Si dhab ah looma garanayo halka uu ku dhashay Maxamed Cabdi Ra’uuf Al-Qudwa oo markii dambe ku caanbaxay magaca ah Yaasir Carafaat ama Abuu Camaar waxayse u badantahay in uu ku dhashay qaahira 24kii Ogost sanadkii 1929kii, waxaana aabihii ahaa ganacsade, sanadkii  1927kii ayaanu u qaxay magaalada Qaahira halkaas oo uu dagay.

Carafaat hooyadii waxay dhimatay sandkii 1931kii isaga oo afar jir ah, aabihii ayaana u diray Qudus halkaas oo uu ku garaadsaday kacdoonkii falastiiniyiinta ee 1936kii.

 

Sanadkii 1937 ayuu dib ugu noqday Qaahira oo uu ku qaatay waxbarashadiisii jaamacadda isaga oo ka baxay kuliyadda injineernimada sanadkii 1951kii, kadib waxa uu shaqo ka helay shirkad reer Masar ah, hasayeeshe intii uu wax baranaayay ayuu aasaasay urru ay leeyihiin ardaydii reer falastiin ee wax ku baranaaysay Masar.

 

1956kii waxa uu ciidamadda masaarida kala qayb galay difaacii weerarkii sadax geesoodka ahaa ee lagu qaaday.

1958kii ayuu u safray dalka Kuwait oo uu shaqo ka helay halkasayna ku aasaaseen isaga iyo saaxiibkii Khaliil Al-wasiir (Abuu Jihaad) ururka AL-FATAX  kaas oo uu ku guulaystay in uu ictiraaf uga helo dalaka carabta iyo taageeraba , sanadkii 1965kii ayaana ururkaas xafiiskiisii ugu hereeyey ka furtay Al-Jeeriya.

 

Magaca Yaasir Carafaat waxa uu siweyn u soo baxay sanadkii 1967kii markaaso uu horkacay hawlgalo nafih  urenimo ah oo ay falastiiniyiinta ku qaadeen ciidamada Israa’iil, sanadkii ku xigay ee 1968kii ayuu madaxweynihii hore ee Masar Jamaal Cabdi Naasir u aqoonsaday wakiilka xaqa ah ee matala dadka reer falastiin.

Sanadkii 1969kii ayaa Yaasir Carafaat oo doortay hogaamiyaha rasmiga ah ee ururka xoraynta reer falastiin (P.L.O) oo la aasaasay 1964kii.

 

Sanadkii 1974kii ayuu Carafaat khudbad taariikhi ah ka jeediyey golaha loo dhanyahay ee qaramada midoobay, taasoo uu ku difaacay qadiyada reer falastiin iyo xaqa ay u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.

Intii u dhaxaysay sanadihii 1978kii-1982kii ayey Israa’iil weeraro ku qaaday saldhigyadii uu ururka xoraynta falastiin ku laha dalka Lubnaan taasoo keentay inuu Carafaat ka baxo halkaasi isaga oo firxad ah.

Ka dib waxa uu xarun ka dhigtay dalka Tuuniisiya halkaasoo ay ciidamada sirta ee Israa’iil si gaadmo ah ugu dileen Khaliil Al-wasiir (Abuu Jihaad) oo ahaa gacanta midig ee Carafaat, sanadkii 1986kii.

 

Sanadkii 1988kii ayuu ururka (P.L.O) ku dhawaaqay dawlad madaxbanaan oo ay falastiiniyiintu leeyihiin waxa kale oo ay qireen xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda.

 

Kadib waxa bilaabantay wada hadalo sir ah oo u dhaxeeya falastiiniyiinta iyo Israa’iil taasoo keentay inuu shaco heshiiskii labada dhinac dhexmaray sandkii 1993kii kadib markii uu 27 sanadood ku maqnaa mastaafurisdi basda ah ayuu carafaat dib ugu noqday dhulkiisii hooyo bishii May 1994kii isaga oo madax u noqday maamul hooseedka falastiin, doorasho madaxtinimo oo la qabtay 20kii January 1996 kii ayuu Carafaat ku guulaystay isaga oo helay 83% codadkii la bixiyeey u dhaxaysay labada dhinac waxa uu Carafaat galay xaalad adag taasoo keentay inuu ku guulaysanwaayo dawlad-gaar ah oo ay falastiin yelato taasoo uu mudo dheer ku taamayey.

 

Haatan oo uu socdo kacdoonka ay wadaan dadka reer falastiin waxa ay Israa’iil qaaday weeraro aar goosasho ah, Carafaatna waxa uu ku suganyahay xaalad godoomin ah kadib markii ay ciidamada Israa’iil cagta mariyeen xaruntiisii Ramalah.

Waxaana haatan la isweydiinayaa Carafaat hadii uu hore ugu badbaaday dagaalkii uu mudada dheeer ku soo jiray, maka badbaadi doonaa haatan go’doominta lagu hayo?

……………………………………………………………………………………………

 

Fariinta Caafimaadka

Geed Wadaniya oo Xal u Noqday Nabaad-guurka Qaarkii

Beeralayda Beeraha ku leh dhulka Dooxyada leh, waxaa inta badan ku dhacda in Dooxu uu u soo fido dhinaca beerta, taas oo keenta in dhulkii Beerta ee laga beeri jiray cuntada ama khudrad faa’iido u leh dadka ay baaba’do oo ay Dooxa ku darsanto.

 

Beeralaydu inta badan, waxay isticmaalaan habab kala duwan, Cagaf ay iskaga moosaan dooxa, gabyin salag la isku taxay oo dhagax lagu guray ka kooban, si uu biyaha uga weeciyo beerta si aan dooxu ugu soo fidin beerta, noocyadan aynu sheegnay ee beeralaydu isticmaasho, si ay dooxa fidaya ugu joojiyaan may noqonin xal joojiya Nabaad-guurka.

 

Beeralayda qaar, ayaa hela qaab fudud oo kharash yar oo ay kula dagaalamaan Nabaad-guurka biyuhu ay wadaan ee dooxyada, beeralaydaasi waxay ku beeraan geedka loo yaqaan “Gobeys” dhinaca xiga beerta ee dooxa. Gobeysku, wuxuu leeyahay xidido awood u leh in ay qabsadaan ciida oo aan dadku qaadi karin geedka iyo ciida uu ku taagan yahay, halka uu geedaha kale haddii halkaa lagu beero uu faqo ciida uu geedku ku baxayo daadku. Gobeysku, wuxuu samaystaa ciid tuul dhinaca xididka ah, taas oo keenta in uu dadku ka leexdo beerta. Gobeysku, wuxuu leeyahay faa’iidooyin kale sida; laamihiisa oo laga sameeyo salado, caleentiisa oo ay xooluhu cunaan.

……………………………………………………………………………………………

 

Tamarta Cadceedda (Solar Energy)

 

Ilayska Cadceedda ee soo gaadha dhulka, maalin qudha waxa laga kaydin karaa Tamar ku filan aduunka, dhinaca korontada iwm, muddo 15 sannadood ah.”

 

Waxaa jira laba nooc oo ay hawadu u wasakhowdo oo kala ah; waxyaalaha ka samaysan waraaqaha hadhaagooda marka la gubo iyo kan ka yimaadda gubashada, shidaalka mishiinada, warshadaha, taas oo ku darta waxyaabo aan u fiicnayn Caafimaadka dadka, hawada aynu neefsano, marka ay dhibaatadaasi korodhay ayaa la hawl-galay sidii loo heli lahaa tamar kale oo la shito oo aan lahayn waxyeelada ay mishiinada batrooka iyo naaftada ku shaqeeya ay hawada ku keenaan, sidaa daraadeed meelo badan waxaa la isticmaala Tamarta ka dhalata iftiinka cadceedda (solar energy).

 

Markaa tamarta cadceedda oo loo bedelay Elekraric ay ku shaqeeyaan qalab badan oo dadka faa’iido u leh, sida laydhka waxay noqotay farsamo qiimo ahaan jaban, nadiif ah mar walbana la heli karo. Saynisyahanada ayaa hadda aad u raacsan, isticmaalka tamarta qoraxda, waayo, ilayska qoraxda ee soo gaadha dhulka haddii la keydiyo, waxaa ka soo bixi kara keyd tamareed oo ku filan dunida muddo 15 (shan iyo Toban) sannadood ah.

 

Dhinaca kale, “Solar Energy” ma laha qiiqa waxyeelada leh ee hawada gala marka la gubo dhuxusha iyo shidaalka (Batrool ama naafto), qiiqaas oo hawada markuu ku milmo ee dadku neef ahaan u qaato ku keena dhibaato caafimaad. Dalal badan ayaa mar horeba u baydhay isticmaalka Tamarta cadceeda “Solar Energy,” sida wadanka Jabaan, sannadihii sideedtamadkii ilaa 2,000,000 (Laba milyan) oo guri, ayaa la geliyay koronto laga keydiyay ilayska qoraxda. Isticmaalka ilayska Qoraxda, wuxuu aad ugu haboon yahay dhulka hela iftiin qoraxeed oo joogta ah, sida Somaliland.

..............................................................................................................................

 

Waadiga Ciyaaraha

Deisler oo ka Baqdin Qaba inuu ka hadho Koobka Aduunka

Ciyaaryahanka Sebastian Deisler, ayaa la filayaa inuu dib uga dhaco rajadii uu ka qabay ka qayb-galka koobka aduunka, kadib markii u Jimcihii xiddiga Germany ka cawday dhaawac tababar ku gaadhay Khamiistii. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Hartha Berlin oo dhawaan ka soo kabtay, dhaawac ruugga ka gaadhay.

Dhaawacani, wuxuu dhacay iyada oo ciyaartoyga khadka kubadda ku laadayo goolka, dhakhtarka Kooxda Ulrich Schleicher, ayaa si dhakhso ah u xaqiijiyay in ciyaartoyga doortay Bayern Munich xagaaga soo socda uu ka cabanayo dhaawac bawdada ka gaadhay.

 

Tababaraha Hartha Berlin, Falko Gotz, wuxuu cadeeyay inuu dhaawiciisu mid xun yahay, “Muruqaa kacay, waana halis dhaawaciisu, ugu yaraana saddex toddobaad ayuu ciyaaraha ka maqnaan doonaa, sida darteed waxaan filayaa in aanu kulan keliya ciyaari karin ka hor dhammaadka xilligan,” ayuu yidhi Gotz.

Dhaawacan Deisler gaadhay, waa mid dhabar-jab ku ah Hertha iyo Germany labadaba, waxaa kale oo horeba u dhaawacnaa Mehmet Scholl.

Tababaraha Qaranka Jarmalka, Rudi Voller ayay Xaaladdu ku xumaan doontaa, haddii aan mid ka mid ah labadaa nin ee fursadaha abuuraa u soo kicin, inta ka horaysa koobka aduunka.

 

Deisler, wuxuu garoomada ku soo laabtay laba toddobaad ka hor, kadib markii qalliin lagaga sameeyay ruugga bishii Oktoobar, Markiibana wuxuu ciyaaray 90 daqiiqadood oo buuxa, kulankii ay Borusia  Dortmund 3-1 kaga adkaatay, kaas oo Sabtidii hore dhacay.

Waxa haddaba lagama maarmaan ah, in Deisler soo kaco wakhtiga ka horeeya koobka aduunka oo ay qabashadiisii, ka hadhsan tahay in ka yar laba bilood.

..................................................................................................................

 

Siduu ku Bilaabmay Koobka Aduunka

 

53 Maalmood kadib, waxa wadamada Jabaan iy K. Kuuriya, si wada-jir ah uga furmaya tartankii 17aad ee koobka kubadda cagta aduunka oo ay markii labaad ku hirdamayaan wadamadii ugu badnaa ee si toos ah uga qayb-gala ciyaaraha kama-dambaysta ah.

 

Tartantan 17aad ee koobka aduunku, wuxuu ku soo beegmay sannadkii 72aad ee taariikhdiisa. Sida dad badani ka dheregsan yahay ciyaarta kubadda cagta, waa ta ugu xiisaha iyo daawashada badan dunida, sida ay sheegayaan warbixinta laga soo diyaariyay ciyaarta kubadda cagta in ka badan laba dalool tirada dunida ku nool, ayaa daawata ciyaaraha kubadda cagta.

 

Haddaba, ka hor inta aynaan guda-gelin maqaalkan oo hordhac u ah taxane, si xidhiidh ah ugu soo bixi doona Bogga Ciyaaraha ee Wargeyska Haatuf, kaas oo si faahfaahsan u daah-furi doona geedi socodkii ay soo martay taariikhda koobka aduunku, balse aynu dib u jaleecno sida uu ku bilaabmay koobka aduunku, waana tan:

 

Waxay ahayd magaalada Paris, sannadkii 1904, markii ay timi fikradda ah in la sameeyo urur isku xidha tartamada kubadda cagta, waxay markii ugu horaysay fikraddani ka timi, laba nin oo Faransiis ah oo kala ahaa Gudoomiyihii ugu horeeyay ee FIFA yeelatay oo la odhan jiray Jules Rimet iyo Sarkaalkii Xoghaya guud noqday ee Henri Delauney, labadan Nin ayaa in muddo ah daba socday fikraddaa. Muddo 20 sannadood ka badan oo hawshaasi socotay, kadib ayaa lugaha loo taagay dhismaha koobka aduunka oo hadda ah ka ugu wanaagsan Ciyaaraha dunida ka jira.

 

1928 oo ku beegan laba sannadood ka hor, bilowgii tartankii ugu horeeyay ayay shakhsiyaad xirfad yaqaano ahi ku qanceen in aanay fogayn wakhtigii la dhaqan-gelin lahaa bandhigyada kubadda cagta oo maraya marxaladii ugu saraysay, iyada oo xafladii furitaanka koobka aduunka ugu dambayntii la abaabulay.

Inkasta oo wadamada Hungary, Italy, Holland, Spain iyo Sweden ay ku dedaalayeen Marti-gelinta tartanka, haddana Uruguay oo haysatay horyaalka Olymipiga, una dabaal-degaysay sannad-guuradii (100) ee ka soo wareegtay Xornimadeeda oo ku beegnayd 1930, ayaa ku guulaysatay Marti-gelinta koobkii ugu horeeyay.

 

41 xubnood oo FIFA ah, ayay wadamada Yurub iska hortaageen muddo saddex toddobaad ah Dooni ay ku socdaalayeen, xataa iyada oo garoon cusub ka dhistay Montevideo oo weliba si xushmad leh Uruguay ugu deeqday in ay bixiso dhammaan kharashkii socdaalka ku baxayay.

 

Ugu dambayntiina, kooxihii ka yimi wadamada Faransiiska, Belgium iyo Yugoslavia ayaa si gaar ah u doortay in ay u socdaalaan dhinaca Romania, halkaas oo ay Brazil ka soo ururisay, iyaga oo dhexda ku soo jira.

Tartamayaasha kale, waxay ka socdeen Argentine, Paraguay, Peru, Chile, Mexico, Bolivia iyo Maraykanka. Dhammaan ciyaaruhu waxay ka dhaceen garoonka Montevideo, marka laga reebo kulankii kama-dambaysta oo mar kale lagu celiyay garoonkii 1928 lagu qabtay olympiga oo ay Uruguay ku guulaysatay.

 

Jules Rimet, ayaa koobkii gudoonsiiyay Jose Nasazzi, iyada Uruguay-na maalmo waday dabaal-deg, iyada oo dhinaca kalena magaalada Buenos Aires, Qunsuliyadii ay Uruguay ku lahayd, dablay cadhaysani weerartay, sidaana waxaa ku bilaabmay koobka aduunka.

 

Tartankaa, waxa isugu soo hadhay Wadamada Argentine iyo Uruguay, kulankii kama-dambaysta ahaana wuxuu ku dhammaaday 4-2 gool ay Uruguay ku adkaatay.

Xulka Uruguay, waxaa u saftay Ciyaartoyda kala ah: Ballesteros, Nasazzi (Kabtan), Mascheroni, Andrade, Fernandez, Gestido, Doradoz, Scarone, Castroz, Ceaz, Iriartez.

 

Dhinaca Argentine, waxaa kulankaa uga qayb-galay: Botasso, Della Torre, Paternoster, Jevarito, Monti, Saurez, Peucellez, Varallo, Stabilez, Ferreira (kabtan), Mevaristo.

 

Tartankaa, waxaa tirada gool dhallinta ku guulaystay Stabile oo u dhashay Wadanka Argentine, wuxuuna dhaliyay Sideed (8) gool.

..................................................................................................

 

Mustaqbalka Tababare Ancelotti oo Mugdi ku Jira

 

Milan (AP): Gudoomiye Ku-xigeenka ACMilan Adriano Galliani, waxaa dul saaran culays lagu saarayo inuu wax ka qabto tababare Carlo Ancelotti, kadib markii Kooxda Talyaanigu ku guuldaraysatay kulankii koowaad ee wareega kama-dambaysta ahaa oo ay 4-0 ku dhirbaaxday Kooxda B. Dortmund.

 

Galliani wuxuu uga digay Ancelotti in la rusqayn doono, haddii aan kooxdu u soo gudbin ka qayb-galka tartanka, horyaalada Yurub oo ku eg ilaa kaalinta afraad.

“Waa nagu waajib in aanu mustaqbalka dib u eegno, balse waanu sugaynaa ilaa shanta May. Waxaa nala gudboon, bal in aanu dhawrno in kooxdu furdaamiso, gaadhida kaalinta afraad, haddii aan taasi dhicin, waa in aanu ku dhaqaaqnaa sidii Kooxda hormar loogu samayn lahaa mustaqbalka” Sidaa waxa yidhi Galliani.

Gilliani oo ka hadlaya maalin kadib, aragtida uu ka qabo weeraryahanka reer Brazil ee Marcio Amoroso oo dhaliyay saddex gool (hat-trick), qaybtii hore ee ciyaarta ayaa sheegay in ay awooda saarayaan, sidii ay u damin lahaayeen weerarkiisa marka la gaadho kulanka labaad ee Sansiro.

 

Gilliani, wuxuu sheegay in ay adag tahay wax hadal ah oo la yidhaahdaa, maadaama 4-0 lagaga adkaaday; “Waa sax haddii layidhaahdo waa guul-darradii ugu xumayd ee ku dhacda Milan, muddadii Berlusconi,” ayuu yidhi. “Taayirada dhammaadda waa la-bedelaa, laakiin Milan waa in ay gaadhaa kaalinta UEFA Cup, iyo koobka Talyaaniga, waxa kale oo aanu u baahanahay in aanu kaalinta afraad gaadhno” “Waxaan qabaa in cid kastaana cannaanan karto, laakiin arrintu uma baahan buun-buuni,” ayuu ku daray gudoomiye ku-xigeenku.

 

Bishii hore, ayuu Ancelotti kalsooni ka helay guddida Kooxda markii ay 2-0 ku garaacday Bologna; “Qof waliba waa dambiile, laakiin waxaan xaqiijinayaa in Carlo Ancelotti uu tababare ahaanayo ilaa xilli-ciyaareedka soo socda.”

Guddoomiye Ku-xigeenka Milan, wuxuu shir degdeg ah layeeshay dhammaan farsamo yaqaanada, dhakhaatiirta iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan, kulankaasna waxaa lagaga wada arrinsanayay, sidii loo heli lahaa habka ugu wanaagsan ee lagaga gudbi karo dhaleecaynta lagu hayol

Gilliani, wuxuu tilmaamay in is-bedel lagu sameeyo qaabka Kooxda sannadka dambe, wuxuuna intaa ku daray in xilli-ciyaareedkani Kooxda ugu bilaabmay dhaawacyo.

 

Ancelotti, wuxuu kaalinta tababare kala wareegay Fatih Terim bishii Nofember, hase yeeshee wejiyo kala duwan ayuu kala kulmay xilli-ciyaareedkan. Milan kaalinta lixaad ayay kaga jirtaa kala horaynta Sera A, waxayna 15 dhibcood ka dambaysaa Kooxda ugu horaysa, waxayna shan dhibcood ka horaysaa Bologna oo ka buuxisay kaalinta afraad ee lagaga qayb-galayo horyaalada Yurub.

Dhinaca kale, Weeraryahanka reer Brazil, Marcio Amoroso oo saddex gool ka dhaliyay Milan, wuxuu ka mid yahay ragga ay dayriyeen kooxaha Talyaanigu, wuxuu u soo ciyaaray Udinese iyo Parma, ka hor intii aanu u haajirin dhinaca Germany.

 

Wargeysyada ka soo baxa Talyaaniga, ayaa si ba’an u qaadaa dhigay mashaqada ku dhacday Kooxda ACMilan, kuwaas oo qaar Wargeysyada ka mid ahi ay ku tilmaameen in ciyaartoyda burburisay kooxaha, qaarkood ay yihiin kuwo ay kooxaha Talyaanigu dayriyeen. Wargeyska maalinlaha ah ee Gazzetta dello sports, ayaa maqaal uu arrintaa ka qoray wuxuu mawduuca uga dhigay sidan: “Ciyaaryahankii Parma dayrisay, ayaa dumiyay dhalanteedkii ACMilan.”

Guud ahaanba, afarta gool ee lagaga adkaaday ACMilan, waxaa ka dhaliyay Ciyaartoy laga soo eryay kooxaha Talyaaniga.

 

....................................................................................................................

 

Odhaahda Akhristaha

Bayaan Beelleed Laga Soo Saaray Gobolka Sool

 

Hargeysa (Haatuf): Beel ka tirsan Beelaha Gobolka Sool, ayaa ku baaqday in Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Gobolkaasi, ay soo dhex-galaan oo wax ka qabtaan colaad u dhaxaysa laba beelood oo deegaankaa ka tirsan. Sidaana waxa lagu sheegay, Bayaan laga soo saaray Shir ay beesha Fiqi-shini (Hawiye) ee Gobolka Sool ku yeelatay, meesha layidhaahdo Cagga-laaye oo ka mid ah Gobolkaa.

 

Bayaanka laga soo saaray Shirkaas oo uu nasoo gaadhsiiyay, Mudane C/waaxid C/qaadir oo beeshaa ugu jira Golaha Wakiiladdu, wuxuu u dhignaa sidan;

“Shir ballaadhan oo ay yeelatay Beesha Fiqi-shini 12-27/March/2002, kaas oo ka dhacay Cagga-laaye oo ka tirsan G. Sool, waxaa ka soo qayb-galay dhammaan dhinacyada bulshada ee beeshaas.

 

Shirkaas oo guud ahaan, lagaga hadlaayey arrimaha beesha, gaar ahaana Colaadda u dhaxaysa Beesha iyo Beesha reer Cilmi Naaleeye ee deegaanka Adhi-cadeeye, taas oo socotay muddo lix sanno ah.

 

Beeshu, waxay go’aansatay in si nabad ah lagu dhameeyo Colaadda labada dhinac, iyadoo beeshu dhinaceeda diyaar u ah, si kasta oo loo dhammayn karo Colaadda labada beelood ee walaalaha ah. Sidaa daraadeed;

1.       Beeshu, waxay baaq ugu soo jeedinaysaa Isimada, Cuqaasha iyo Culimaa’u-diinka reer Sool, in ay soo dhex-galaan Colaadda labada beelood;

2.       Beeshu, Waxay Xukuumadda Somaliland ka codsanaysaa in ay si dhakhso ah, wax uga qabato Colaadda labada dhinac;

3.       Beeshu, waxay u mahad celinaysaa dhammaan intii xilka iska saartay, dedaalkana u gashay sidii loo soo af-jari lahaa Colaadda labada beelood.

......................................................

Taarikhda Ururka SNM

 

Ururka SNM waxaa la aasaasay 6 april 1981kii, waxaana  lagaga dhawaaqay magaalada London

 

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee ururkuna wuxuu ahaa Ahmed Jimcaale. Taas macnaheedu maaha in halganka dadka reer Somaliland ay doonayeen inay kula soo noqdaan gobanimadeeda ay bilaabanbatay 1981 kii, ee way ka horraysay waxaanay bilaabantay isla markii uu dhacay isku darsigii bilaa sharciga ahaa ee dadka reer Somaliland ay arkeen in xuquuqdoodii la duudsiyey oo ay afka uga galeen aar ay ku macaluulay. Taas oo markiiba loola macaamilay sixun loona diiday xuquuqdii shacbinimo loona baxshay magaca Khaldaamiin oo macnahiisu yahay kuwii waalaa ee aan fahansanayn qiimaha ay dawladnimadu leedahay.

 

Waxaana jirta in  isla markii laysku darsaday koonfurta Somaliya maalintii madoodbayd ee first  july 1960kii. Ee reer Somaliland xornimadoodii hadiyada usiiyeen koonfurta Somalia. Waajibkoodina la mariyey oo loogu abaal  guday dil iyo dhac. Hadiyadna loogu soo diray madaciifdii dadka lala dhacay, karaayaal iyo beebeeyadii dadka shacabka jiidhay markii lagala lexejeclaystay xabadii lagu dhufanayey oo ka qiimo badanayd nafta dhan ee qofka shacbiga ah ee reer Somaliland.

 

Marka aan taariikhda dib ugu noqono waxay ahayd december 1961kii markii saraakiisha milateriga ee Somalliland ay isku dayeen inay dhigaan inqilaab ay dib ugu soo ceshanayaan xornimadoodii. Inqilaabkaas oo ka fashilmay lana xidhay nimankii inqilaabka waday. Laakiin layska sii daayey markii lagu waayey kiiskii la waday oo ahaa inay kala goynayeen koonfurta iyo waqooyiga. Sababta lagu sii daayeyna waxay ahayd iyadoo ay ku dacwiyeen inaanay jirin wax sharci ah oo labada gobol ku midoobeen. Ee xoog lagu qabsaday oo ay afduubeen dawladii Somaliland niman siyaasiyiin ah oo jibaysani oo aan la tashan shacabka, ee bilaa sharci ugeeyey calankii iyo dawladnimadii Somalilland koofurta Somaliya.

 

Ilaa mudadaasna waxay dadwaynaha reer Somaliland geed dheer iyo mid gaabanba ugu jireen sidii ay ula soo noqon lahaayeen madaxbanaanidoodii luntay. Waxaana siidhkii xornimada ee 1961kii soo dedejiyey midhihiisii kacaankii dalka u curtay  21 Oktober 1969kii oo ujeedadiisu ahayd sidii loo cidhib tiri lahaa dadka reer Somaliland oo ay u arkayeen inay ka cilmi badnaayeen marka loo eego koonfurta, isla markaasna gacanta ku hayey dhaqaalaha dalka oo ay u arkayeen hujuum inay ku hayaan dadka reer koofureedka ah. Waxay kacaankii seeftiisii markiiba la dhacay dadkii reer Somaliland oo ay waxna xidheen, waxna laayeen, waxna dalka uga yaaceen.  Taas oo dadkii waxgaranaayey ay uyaaceen wadamada dibada gaar ahaana wadamada Jaamacada carabta oo markaas loo shaqo tegi jiray.

 

Waxaana in badani isugu tageen dalka Sacuudiga  badhtimihii iyo dhamaadkii

sanadihii toddobaanaadkii. Halkaas oo laga sii amba qaday sidii loo samayn lahaa urur mucaarid ah si aan madaxbanaanideena xoog ula soo noqono. Dabadeedna waxaa lagu waday inay mudo qaadan doonto inta dadku u bislaanayaan halganka dhinaca ka ahaa taliskii Barre ee la rabay in lagu xoreeyo dalka Somaliland.

 

Marka laga reebo halgankaas dadka qurbaha joogaa horseedka ka ahaayeenm, waxaa isna jiray dhaq dhaqaaq ba'an oo gudaha ka socday oo ay horseedayeen madaxdii siyaasadda ee sare iyo saraakiishii ciidamada ee kasoo jeeday goboladii waqooyi.  Taasoo ay u dheereed kacdoon shacbi oo balaadhan. Waxaa kale oo halganka shacbiga soo dhawaaeyey dagaalkii 77kii oo shacbigu ay reer waqooyigu ku ogaadeen tiradooda iyo tayadooda taas oo ay ubadnaayeen madaxdii ciimada ee hugaaminaysay dagaalka, kana soo hooyay guulo badan.

 

Waxaa kale oo laga helay dagaalkaas waayo aragnimo, hub, iyo saanad badan oo lagu dagaal degi karo. Waxaana iyana la dejiyey waqooyiga  ciidamadii laga soo celiyey dagaalka oo wadhan weedhkii kula dhacay dadkii reer shacbiga ahaa ee reer Somaliland oo si xun ula macaamilay dadkii shacbiga ahaa oo xoolahoodii boobay, cadaadis badana saaray shacbigii masaakiinta ahaa ee halkaas deganaa. Waxaa isna gaas iyo kabriid kusii qabtay markii 1981kii looso bedelay Mr. Mohamed Xaashi Gaani oo ahaa taliyaha qaybta lix iyo labaatanaad ama ahaa madaweynihii ex- waqooyiga Somaliya. Kaas oo awood balaadhan Afweyne Barre usiiyeey inuu Gaani kasameeyo waqooyiga  Somaliya wuxuu doono.

 

Islamarkaasna waxaa markiiba waqooyiga lagu soo rogay xukun milateri( xukun deg deg ah) si loogu sharciyeeyo dilkii iyo xasuuqii loogu talogay dadka. Kaas oo ay markiiba dhibkiisa arkeen aqoonyahanadii reer Somaliland oo samaystay ururkii la odhan jiray UFFO, kaas oo ujeedadiisu ahayd inay shacabka dareensiiyaan dhibaatada uu talisku ku hayo bulshada. Waxaa kaloo uu ahaa UFFO urur safamal oo bulshada reer Somaliland ka caawiya dhinacyada daryeelka bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.Taas oo aw dawladii macangaga ahayd kaga jawaabtay dil iyo xadhig ay u gaysatay dadkii howhshaas waday. Taas oo ay ardaydu kasameeyeen mudharaad iyo kacdoon  bishii februari 1982kii ee ka dhacay magaalooyinka waa wayn ee Hargeysa iyo Burco.

 

Hadaan dibu noqono taarikhdii SNM oo hada 21  jirsatay, waxay SNM markay ahayd 1982kii heshay ayidaad farabadan oo ay ka heshay dadka shacbiga ah ee reer waqooyiga ah. Waxaa madax ka noqday ururka sanadkii 1982kii Shiikh Yussuf Madar, waxaana xogahaye u noqday Hassan Aden Wadadiid, waxaana la yimid si halganka looga bilaabo  dalka Itoobiya. Isla sanadkaas waxaa baxay saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Somaliyeed oo ku biiray ururkii SNM. Shantii sarkaal ee ugu horeeyeyna waxaa la odhan jiray:-

1. Aden Shiikh Mohamed  "Shiine" ( oo ku shahiiday  Jig jiga shirqool uu

afweyne ugu dhigay 1997kii)

2. Ahmed Dhagax( alle haw naxariistee ku shahiiday dagaalkii Hargeysa

 1988kii)

3.  Aden Saleban Cali ( ku shahiiday  howlgal sanadkii 1990kii)

4. Mohamed Cali( ku shahiiday Burco dagaalkii  gudagalka ee 1988kii)

5.  Mohamed kahin Ahmed( wuu noolyahay jooga Burco Somaliland.)

 Ururka SNM ee maanta 21 jirsaday waxaa uu dhabeeyey riyadii ay badan dadka reer Somaliland ku riyoon jireen ee ahaa inay lasoo  noqon doonaan xornimadooda. Ururku wuxuu hada jiray 10 sanadood ee ugu horeeyey dagaal balaadhan oo isugu jira mid siyaasadeed iyo ciidanba waxaana si ba'an utaageeray dadka horusocodka ah ee Somaliland iyo koonfurta Somaliyaba.

 

Ururku wuxuu bilaabay dagaalka iska horimaadka ah sanadkii 1982kii oo ahayd markii ay ku biireen saraakiisha iyo ardaydu, ka yaacday nidaamkii hore ee dalka ka jiray oo waxna naftooda la yaaceen, kuwo kalena ay u tageen si ay ugu xoojaan halgankii shacbi ee lagu jiray. Waxaana marba marka ka danbaysa sii xoogaysanayey ururkii SNM. Muddadii ka horraysay 1982kii waxaa SNM ay ku dagaalamaysay habka dublumaasiga ah ama i(dealogy) waxayna ku mashquulsanayd in dadka shacabka ah u sharaxo dhibaatada iyo dulmiga lagu hayo oo ay xaq u leeyihiin inay iska xoreeyaan.

 

Waxaana halgankii SNM sii siyaadiyey oo gaas kusii qabtay nidaamkii millateri ee jiray sii laban laabay caabintii iyo dulmigii kuna darsaday kuwo cusub oo is yidhi gacan wax kaga qabo oo wada tir tirba beelo kamid ah Somaliland, taasna waxay keentay in dadkii ay si deg deg ah ugu

bislaadaan inay dagaal af iyo adinba leh kala soo horjeestaan nidaamkii markaas jiray.

 

Ciidamadii SNM oo la odhan jiray Mujaahidiin waxay mudo laba sanadood ah oo ahayd 82kii-83kii ku dagaalamayeen dagaalka dhuumaalisiga ah ee loo yaqaan ( Guerrilla war), iyagoo dagaalkaas kasoo hooyey guulo farabadan uguna geysteen qasaare balaadhan iyo burburba taliskii Afweyne Barre. Dagaalkaas dhumaalaysiga ah waxaa dagaalyahamiintu ka fuliyeen goboladadalkii Somaliya la  odhan sida koonfurta, waqooyi, iyo gobolada dhexeba. Waxaana hawlgalkaas ka mid ahaa kuwii isdabajooga ahaa ee ay ku qaadeen ciidamadii daacadda u ahaa taliskii afweyne Barre ee fadhiyey xuduudaha u dhaxeeya Somaliya iyo Ethiopia. Waxaana ururku kasoo hooyey guulo farabadan.

 

Ururka SNM waxaa uu weerari jiray shakhsiyadaha ama meelaha uu cadowgu fadhiyo ee shacbiga lagu dhibo, waxaana ay warbixinta ka heli jireen shacbiga Somaliland. Halgankaasina wuxuu ahaa mid loo kala hadhin shiikh iyo shariifba. Waana mid loo huray naf iyo maalba, iyadoo la dhaafsaday

xornimada iyo dawladnimada aan maanta ku noolahay. Waxaana halgankaasi uu noqon doonaa mid lama ilaawaan ah oo ay xusi doonto taariikhdu inta uu dunida ku nool yahay qof reer Maandeeq ahi.

 

Waxaa kaloo kamid ahaa hawlgaladii laga fulin jiray dalka gudihiisa sida magaalooyinka waaweyn, waxaana ugu caansanaa jebintii jeelka Mandheera oo dhacday bilawgii januari 1983kii. Hawl galkaas oo uu qaban qaabiyey mujaahidkii waynaa ee Mohamed  Xaashi "Lixle"( alla hawnaxariistee wuxuu ku shahiiday hawlgalkii Burco Duuray 1984kii) waxaa uu xabsiga mandheera ka jebiyey oo kasaaray dhamaan maxaabiistii halkaas ku xidhnayd oo dhan una badnaa kuwo loo haysto arrimo siyaasadeed ama qabiilka ay yihiina.

 

Waxaa kale oo kamid ahaa hawlgalka caanka ah jebintii jeelka Birjeex oo laga soo saaray mujaahid Cabdillahi Askar (still alive Somaliland represantive in Ethiopia) oo halkaas ku xidhnaa. Hawlgalkaas waxaa qaban qaabiyey mujaahid Ibrahim Koodbuur( alla hawnaxariiste waxaa uu dhintay xanuun kaneeco sababtay 1987kii dhamaadkiisi), waxaana ay ku guulaysteen inay jeelkii birjeex oo ahaa meesha ugu ilaalada badan dalka ay kala baxaan mujaahid Cabdillahi Askar.

 

Hawlgalada ay dagaalyahamiintii SNM ka fuliyeen dalka gudihiisa tiro laguma koobi karo waxaa kale oo ka mid aha weeraro dil  qarsoodi ah oo ay ku qaadi jireen daaquudyada shacbiga dhiba  oo kaligii taliyihii uu carbiyey darajadana usiiyey inay dadka ku dhibaan. Waxaana ka mid ahaa kuwaas dilkii Kornayl Ahmed Aden ( dhamaadkii1986kii) oo ahaa taliyaha nabadsugida ee gobolada waqooyi. Waxaa kale oo ka mid ahaa cabdrixman Xoog oo ahaa taliyaha gaaska koowaad ee qaybta 26naad iyo kuwo kale oo badan.

 

Taariikhdu markay ahayd badhtamihii sannadkii 1983kii waxaa ururka SNM noqday mid xoogan oo ka dhisan dhinaca ciidamada. Qalabka ciidamada iyo hubka Tiknikada ahba waxay ka furteen ciidamadii dawladda. Waxaana ururku sameeyey inuu weeraro badheedh ah ku sameeyo ciidamadii taliska Barre.Waxaana ururku taageero hagar la'aan ah ka helay dadka shacabka ah ee degan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

 

Inkastoo dagaalkaas ay hurmood ka ahaayeen dagaalyahamiintii SNM hadana halganku wuxuu ahaa mid shacbi oo aan loo kala hadhin. Waxaana ururka marba marka ka danbaysa kusoo biiraayey dad farabadan  oo u adkaysan waayey dilka iyo dhaca lagu hayo shacbiga. Waxaana hogaanka qabtay sannadkii 1983kii madaxdii Ciidamada waxaana ururka guddoomiye ka noqday Col. Cabdulkadir Koosaar( Waxaa lagu dilay Magaalada Mustaxiil 1987kii isagoo usocda hawl ururku leeyahay). Waxaana ku xigeen ka noqday Aden Shiine( Waxaa lagu dilay shirqool magaalada Jig-Jiga sannadkii 1987kii). Halka uu xoghaye ka noqday Mohamed Kahin( Still alive in Burao SL).

 

Runtiina intii madaxda ciidamadu maamulka hayeen waxaa ay soo hooyeen guulo badan, waxaana taariikhda ugashay inay madaxdiisi ahayeen kuwii ugu horreeyeen ee caawimo ka keena dal aan ahayn Itoobiya. Waxaana dawladdii hore ee Hantiwadaagga ahayd ee dalka Yementa Waqooyi( Cadan)ay ku caawisay qorigii la odhan jiray Nuur madoobaha.

 

Sannadkii 1984kii waxaa sii xoogaystay awoodii SNM markii uu ururka ku soo biiray Cali wardhiigle(  alle hawnaxariisto wuxuu ahaa aasaasihii USC) oo noqday xogahaya ururka markii Guddoomiyaha loodoortay Ahmed Mohamed Siilaanyo( oo ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeeraa ee hoggaansha ururka). Waxaana SNM uu suurtagashay inay halganka gaadhsiiyaan gobolada dhexe oo saldhig ku lahaayeen Mustahiil iyo koonfurta Somaliya oo saldhig ka furteen Doolow. Taas oo ay SNM dhinac kasta dab kaga furtay taliskii hore ee Afweyne Barre.

 

Dabayaaqadii 1984kii waxay dagaalyahamiinta SNM weerar balaadhan ku qaadeen ciidamadii cadowga ee deganaa waddanka gudihiisa. Waxaana dagaalo ba'ani ku dhex mareen dagaal yahanka iyo taliskkii Barre buuralayda  Somliland ee Golis Range loo yaqaan. Waxaana cutubyo uu wato mujaahid Ibrahim  Dhegawayne (still alive in Berbera) ay galeen buuralayda udhaxaysa Shiikh iyo Berbera waxayna xidheen wadamada laamiga ah ee isku xidha jidka laamiga ah ee shiikh iyo Berbera.

 

Cutubyo kale oo uu wato Mujaahid Mohamed Kahin waxay galeen buurta meesha loo yaqaan Marriye.  Halka cutubyo kale oo uu watay Cabdillahi Askar( still alive in Addisaba) ay ka galeen buuralayda Illimaha loo yaqaan ee udhaxaysa gobolka waqooyi galbeed iyo gobolka Awdal.

 

Intii ka danbaysana marba marka ka danbeeya ayay sii xoogaysanaysay SNM, ilaa inta laga gaadhaayey sanadkii 1988kii oo ahayd sanad guulka ah dhinac , dhinaca kalena aan ka qaxnay, xasuuq lagu sameeyey dadkii shacbiga ahaa. Taas oo ka dhalatay markii uu taliskii Barre ubabac dhigi kari waayey awoodii SNM buu si kedis ula heshiiyey madaxweynihii Ethiopia Mr. Mingisto Haile Mirjam. Sheekadaas oo dhan waxay inoo iman doontaa xilligeeda oo ah 27kii may 1988kii markii SNM gashay magaalooyinka waaweyn ee lasoco 27 may ee soo socda hadii alla ka

dhigo.

Abdi Abdillahi Hassan, Holland