SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 63-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


CompanyTelesom

 

Shirkadda Telesom oo ah mid looga bartay Adeeg hufan iyo Isgaadhsiin tayo leh waxay uga balan qaadaysaa dhamaan macaamiisheeda sharafta leh inay ka heli doonaan sidii ay horeba uga barteen :

*    Dirista Telefoonada dibada oo cod saafiya leh iyo qiimo jabanoo halkii daqiiqadiiba yahay USD 1.00 (hal dollar)

*    Soo dhicida Telefoonada dibada oo tayo leh

*    Internet & Email Speedkiisu sareeyiyo qiime aan ku eryin aad kuna isticmaasho saacadiiba  USD 1.5 (hal dollar iyo badh)

*    Mobile tayo leh, cod saafiya leh, kuna fiican xidhiidhka gudaha iyo dibadaba .

*    Hawl yaraynta adeega bulsho sida gelinta Telefoonada: guryaha, xafiisyada, meheradaha iyo meelaha danta guud .

 

Wixii faah-faahin dheeraad ah kalasoo xidhiidh Xafiisyadayada , adoo isticmaalaya furahayaasha: Gudaha 02 , Dibada 00-252-2-xxxxxx

 

Telesom

 
Hargeysa                                                                     00-252-2-522001

TelesomBurco                                                                            00-252-2-712000

Borama                                                                        00-252-2-613008

Berbera                                                                        00-252-2-742000

Gebilay                                                                         00-252-2-622000

Sheikh                                                                          00-252-2-732003

Arabsiiyo                                                                     00-252-2-633300

Baligubadle                                                                 00-252-2-525222

Wajaale                                                                        00-252-2-643000

Allay baday                                                                 00-252-465002

Waxay Telesom kugu soo dhawaynaysaa Gacmo furan, Adeeg hufan, Shaqaale jajaban, iyo Macmiil wanaag .


Mucjisooyinkii Hawl-galkii Birjeex

Qaybtii Labaad ee Taxanihii Dhacdaddaa 19-sannadood Horteed

 

 

 

 

Haddii aad la socotay Tirsigii Jimcihii ee Wargeyska Haatuf, April 12, 2002, waxaanu ku faafinay qaybtii koowaad ee Mowduuc la xidhiidhay qaabkii uu u fulay, Hawl-galkii Taariikhiga ahaa ee Qaybtii 26aad ee Ciidamadii Rajiimkii Siyaad Barre lagaga fara-maroojiyay Mujaahid Cabdillaahi Askar oo dal-dalaad ugu xidhnaa Miiska Saraakiisha ee Hargeysa April 11, 1983.

 

Waxaynu ku xusnay qaybtaa hore, dhacdadaas oo 19-guuradeedu ku beegnayd Jimcihii aynu soo dhaafnay iyo xaaladii ay maalintaa ku sugnayd magaalada Hargeysa. Waxaynu dhex-taagnayn Miiskii Saraakiisha ee uu ku xidhnaa Cabdillaahi Askar. Waxa bilaabmay hawl-galkii, Xabadda ayaa faraha ka baxday, isla markiiba laba ka mid ah Sideedii Mujaahid ee gudaha xaruntaa gashay ayay xabado ku dhaceen. Gaadhigii kale ee Saddexda Mujaahid saarnaayeen ee gaadhka albaabka dhinaca galbeed lagu qaybiyay, iyana weli ma hayno waxay muteen.

Haddaba, haddii aynu halkaa ka sii amba-qaadno, waxaa hawl-galkaa ka sheekeeyay, sidii qaybtii horeba ku xusnayd Mujaahid Aadan Maal Caqli oo ka mid ah, saddexda nin ee maana ka nool 11-kii Halyey ee hawl-galkaa fuliyay.

 

Aadan Maal oo sidii hawl-galkaasi u dhacay uga waramay Boobe Yuusuf Ducaale oo ururiya Taariikhda, isaga oo sii amba-qaadaya sheekadii hawl-galkaas, waxa uu yidhi: “Shantayadii dagaalamaysay ee difaaca loo qaybiyay, markiiba laba ayay ku dhacday. Kuwaas oo kala ahaa; Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid Birjeex. Waxaanu ku soo hadhnay saddex keliya, Siciid isagu dhaawacii gaadhigaba kalamuu soo degin. Biixise, waanu is-agtaagnayn oo bidixda ayuu iga xigay markii ay cuskatay, markaa kadib ayaan arkay Ninkii Biixi toogtay oo meel xas ah dhex rafanaya. Ninkii xaska dhex rafanayay, ayaan xabad ku riday. Inta uu dhaqaaqay, ayuu cadceed-galabeedii isku beegay oo dhinaceeda naga maray. Cadceedduna way sii dhacaysay oo way na-cawaraysay. Markaa ninkii iyo cadceedii, ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu qabtaan. Laakiin, haddana xabad baan ku riday oo aan ku dhuftay, balse inta uu dhacay ayuu haddana siqay. Mujaahid Maloosh iyo Ibraahim Carab, ayaa ka dabba wareegay, hase ahaatee waxa ka horyimid gaadhkii dibadda ee aanu u qaybinay gaadhkoodii kale ee dibadda, markaa kuwii ayay isla libdheen. Aniguna, waxaan u baydhay kuwii gaadiidka daaqadaha guryaha, si aan nalooga soo toogan. Baabuurkii saddexdu saarnaayeen, dibadda ayay hawshoodii ka soo bilaabeen, taasina waxay keentay in gaadhkoodii la soo eryado oo ay xaggayagii iyo gudaha ku soo yaacaan.”

 

Halkaa markay arrintu maraysay, weli lama hayo Cabdillaahi Askar iyo halka uu ku xidhan yahay. Aadan Maal, wuxuu sheegay inuu markaas maqlayay Ibraahim Koodbuur oo ku musanaabayay “Waar ragga laayaay, waar ragga laayaay” wakhtigaas oo ay saddex albaab oo isku xigay ka baadhayeen Cabdillaahi Askar, isaga iyo Cabdisalaan Turki. “C/Salaan Turki, albaabkii bidixda xigay ayuu jabiyay, kadibna wuxuu yidhi kuma jiro, markaasaan ku idhi waar ka midigta.. Waar ka midigta….’ Dabadeedna wuu ku orday oo gacanta ayuu ula tegay. Cabdillaahi Askar, markaa wuxuu bilaabay qaylo, waxaanu kor ugu dhawaaqay; ‘waar waykan…waar waykan..’ Malaha wuxuu maqlay, markii aanu islahayn kana kuma jiro, kana kuma jiro.”

 

Aadan Maal, isaga oo ka sii sheekaynaya siday wax u dhaceen daqiiqadihii markaa ku xigay, wuxuu yidhi; “Dhawaaqii Cabdillaahi Askar kadib, Cabdisalaan Turki ayaa albaabkii gacanta ula tegay, Ibraahim Koodbuurna qoriga dabbadiisa ayuu ku dhuftay, markaasuu mar labaadna ku celiyay oo ku dhuftay. Waxa jabay albaabkii, dabadeedna Cabdillaahi Askar oo qaawan, ayaa isaga oo boodaya soo dhaafay. Kamuu xidhnayn lugaha, balse waxa uu ka xidhnaa gacmaha oo keliya, Nigis yarna wuu xidhnaa, waxaana ku yaallay nabaradii lagu dhuftay. Markii uu soo baxay ayaan is-hortaagay, aniga oo ka soo jeestay xagii daaqadaha, waxaanan ku idhi; Waar Baabuurka fuul…. Waar baabuurka fuul..” balse anigii ayaabu iga shakiyay. Ibraahim iyo Cabdisalaan Turki oo uu soo dhaafay markii hore ayuu ku jeestay oo uu ku yidhi; waar ma baabuurkaan fuullaa? Ibraahim Koodbuur, ayaa la-hadli waayay, markaas ayaan anigu ku idhi Ibraahim; waar Ninka baabuurka fuul dhehdabadeedna Ibraahim, ayaa u ishaaray inuu baabuurka fuulo. Kadib, xagii baabuurka ayuu u dhaaqay oo dhinacii darawalka ayuu maray, dabadeed waxaan ku idhi; ‘dhinaca kale mar oo ka soo gal.’ Ibraahinna, gaadhigii ayuu fuulay oo shidhkii ayuu la galay. Aniga iyo Cabdisalaan Turki, waxaanu ku dhaqaaqnay Biixi X. Xasan oo dhaawacnaa. Dhawr goor, ayaa degdeg awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday, oo haddana naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday. Markaas baabuurkii in doorra ayuu naga goostay oo albaabkii laga baxayay ayuu ku dhowaaday, anaguna Biixi oo dhaawacan ayaanu daba sidnay. Markii dambe ayuu Biixi X. Xasan nagu yidhi; ‘waar anigu dhintaye, yaanu baabuurku idinka tegin.’ Sidaas ayaanu baabuurkii ku fuulnay, Biixi-na halkii baanu kaga tagnay oo naftu kaga baxday, nololna laguma soo gaadhin.

 

Sidaas ayaanu ku ambabaxnay, anagoo baabuur keliya wadana. Albaabka galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka Bari ka mara guriga Cabdillaahi Darawal imika ku jiro, ayaanu qaadnay, waxaanu u joogsanay saddexdii Baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaas, wax naga sii yaacaya mooyaane. Dugsigii 1 July ee imika Jaamacadda Hargeysa loo yaqaano, ayaanu bari ka marnay, Masaajidka Isha Boorama ku yaallana dhinaca galbeed ayaanu ka marnay. Magaalo-qalooc oo ahayd Xeradii Ayaxa, ayaanu sii dhex jibaaxnay. Midig ayaanu u baydhnay oo dalcadda karasharka, dariiqa ka dillaaca ayaanu marnay. Markii aanu ka baxnay dalcaddaa, ayaa baabuurkii naga hashkadeeyay oo uu is-taagay. Waxaa naga horeysa xerro Ciidan degan yahay iyo xaruntii Gantaalaha, labadaa dhexdooda ayaanu ku suganahay. Cadceeddu, markaa liiqay sii dhigaysaa, oo way sii dhacaysaa. Waxay nala noqotay in aanu Ciidankaa, cadceedda sii dhacaysa isugu toosino, taas oo anaga na caawinaysay. Xerradaa markii aanu dhaafnay, ayaanu bidix u baydhnay. Mar kale, ayaa baabuurkii hashkadii bilaabay, anagoo marayna halka ay ku kala baydhaan waddada Madaarka tagta iyo ta ina naxar u soo leexata. Kucladii gaadhiga, ayaanu in shidaalla ku shubnay, nasiib-wanaag wuu noo dhaqaaqay, markii aanu ilaa boqol tallaabo soconay ayuu haddana joogsaday. Tallo, ayaa nagu caddaatay, haddana waxay nala noqotay in aanu wax is-weydiino oo aanu tashano. Intii aanu tashanaynay, ayay cadceeddu godkii gashay oo gabalkii noogu dhacay halkaa. Dabadeed Cabdisalaan Turki, ayaa soo jeediyay in Salaatul Shukri aanu tukano, sidaas darteed markiiba waanu tukanay. Markii aanu tukanay, ayaanu baabuurkii yar taataabanay oo uu noo dhaqaaqay.”

 

Markaa kadib, waxay qoorsadeen waddada Habaas-weyn. Darfacle, goobta loo yaqaan markii ay dhaafeenna, gaadhiga ayay laydhkii u shiteen. Makhaayad ku taallay tuulada la yidhaahdo cunaaye ayay is-yar taageen, waxaanay halkaa ku waraysteen qaar ka mid ah dad deegaankaa deggenaa oo ay weydiiyeen, bal in waddada ay hayaan ay kala baydhayso inta aanay gaadhin Gunburaha Banka iyo in kale. Markaa waxay u sheegeen dadkii ay la kulmeen, in ay kala baydhayso inta aan la gaadhin Gunburaha. Meesha oo Keyn ahayd awgeed, waxay weydiisteen dadkii in raaciyo cid dal-aqoon ah. Dadkii waxay u qaateen in ay yihiin Niman Jaadlayaal ah, dabadeedna waxay ku dareen laba nin. Labadii Nin waxay ku simeen ilaa Gunburaha Banka, halkaasna waxa ka sii raacay Nin kale oo dal-mariye ah. Kadib, waxay cagta saareen Waddada Gumar u baxda, muddo yar markii ay hayeenna waxa u muuqday kaaha Laydhka gaadhi hor-goynayay oo ka soo baxa dhinaca Ballay-gubadle, una jeeday dhinaca gumareed, kaas oo ay markii dambe ogaadeen inuu ahaa Bee-bee Ciidamadii Faqashtu lahaayeen oo iyaga loo soo diray. Bee-bee-gu, wuxuu ku dhacay Xorfad, ciidankii saarnaana markii uu ku dhacay godka, ayaa midba meel ku duulay. Mid ka mid ah, wuxuu dusha kaga tuuray geed oo uu ka laad-laadiyay, mid kalena dhulka ayuu ku dhacay oo luqunta ayuu wax ka noqday. Intii ay shilkaa ku hawl-lanaayeen kooxdii Bee-beegu, ayaa Mujaahidiinta iyo gaadhigoodiina Xuduudda ka tallaabeen. Markaa ka hor, siduu sheegay Aadan Maal markii ay tuulada Gumar gaadheen, waxaa halkaa ku joojiyay Ciidankii Faqashta ee degganaa, hase yeeshee Ibraahim Koodbuur ayaa u sheegay in aanu nahay Koofiyad-castii qaybta 26aad oo baadi-goobaysa baabuur lagala soo baxsaday, sidaas darteed wuxuu ku yidhi Ibraahim Koodbuur Ciidankii halkaa degganaa; ‘Wax baabuur ahi miyey idin dhaafeen?’ waxaanay ugu jawaabeen; “Maya.” Intaa kadibna, wuxuu Ibraahim faray Askartii in wixii baabuur ah ee ay arkaan ay joojiyaan, waxaanu u sheegay in aanu xagga Balli-cabbane u dhaafayno. Alla ha’u naxariistee, Ibraahim wuxuu markaa labisnaa Dirayskii Milateriga, taasina waxay u saamaxday inuu xeeshaa kala hortago askartii faqashta ee Tuuladaa joogtay.

 

Sidaas ayay kaga dhaqaaqeen Gumar, markii ay in yar ka socdeenna, waxay u baydheen wado yar oo la yidhaa Wado-tuug oo Xarshin ku beegan, Caraancaray-na xagga galbeed ka marta. Markii ay u baxeen bug-cadda geed-gaabka Xarshimeed, ayaa Siciid oo dhaawac ahaa oo baabuurka saarnaa yidhi; ‘waar biyo I siiya, kol haddii aynu soo talownay.’ Reer Banka afkiisa yaallay, ayay markaa joogsadeen oo ay biyo weydiisteen. Wakhti ayay ku qaadatay intii ay biyahay sugayeen, markii loo keenay ee ay Siciid biyihii siiyeena ragii reerka joogay, ayaa u sheegay in haddii gabal dhaco aan Xarshin la-geli karin, weliba iyaga waxa u dheeraa oo ay siteen hub. Sidaas darteed taladii ayay qaateen, halkaas ayaanay ku negaadeen habeenkaa. Saacaddu markii ay ahayd 2:45-daqiiqo, ayaa dabadeed Siciid naftii ka baxday (Alla ha’u naxariistee). Subaxnimadii hore ayay tooseen, waxaanay damceen in ay dhaqaaqaan, iyadoo Meydkii Siciid gaadhiga u saaran yahay, hase ahaatee baabuurkii ayaa kici waayay, waxay arkeen in xabadi kaga taallo qasabadda Batroolka, markaas halkii xabaddu ka dhaawacday qasabadda ayay warqad ku duubeen, kadibna way riixeen gaadhigii, in yar dabadeedna wuu u istaadhmay. Abaaro lixdii subaxnimo ayay ka dhaqaaqeen goobtaa, wakhti yar kadibna waxay gaadheen magaalada Xarshin. Xaruntii SNM ee Xarshin ayay Meydkii Siciid ku rogeen, halkaasna waa lagu aasay. Sidaas ayaanay ku nabad-galeen xubnihii kale ee Mujaahidiinta ahaa oo ay ku galeen Itoobiya, intii dhimatay mooyaane.

 

Hawl-galkaas layaabka leh, waxa uu fulay sannad kadib markii ururka SNM saldhigiisa milateri ka unkamay Itoobiya oo ku beegnayd, laba sannadood iyo lix maalmood kadib, markii ururka SNM lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska (April 6, 1981). Hawl-galkaasi, wuxuu fure u noqday dhiirasho xoog leh oo dhalisay in ururku gaadho guulo is-dabba joogga. Mujaahidiintii hawl-galkaa fuliyay oo taariikhda Baal Dahab ah kaga jiraa, waxa maanta ka nool kow iyo tobankoodii, saddex Mujaahid. Magacyada 11-ka Mujaahid ee hawl-galkaa fuliyay, waxay kala yihiin:

1.       Ibraahim Ismaaciil Maxamed (Koodbuur) oo ahaa Illaahay ha’u naxariistee hoggaamiyihii hawl-galkaa. Ibraahim Koodbuur, wuxuu ku geeriyooday markii dambe magaalada Rabaso oo ka tirsan Kilinka 5aad ee Itoobiya, sannadkii 1987-kii, waxaana la sheegay inuu u dhintay xannuunka Kaneecada.

2.       Cabdisalaan Turki, wuxuu ahaa Mujaahidkii la socday Cabdillaahi Askar markii hore ee ay Hargeysa soo wada-galeen, hawl-galkana ay ku wada-jireen. Cabdisalaan Turki, wuxuu hadda ku nool yahay dalka Ingiriiska. Waxa lagu tilmaamaa C/salaan inuu ahaa Maskaxdii Khidadda hawl-galkaa.

3.       Biixi Xaaji Xasan, Illaahay ha’u naxariistee isagu wuxuu ku dhintay Miiskii Saraakiisha, intii hawl-galku socday maalintaa April 11, 1983.

4.       Siciid Birjeex, Alle ha’u naxariistee waxa isna la dilay intii hawl-galku ka socday Miiska Saraakiisha.

5.       Siciid (Kur-libaax) Illaahay ha’u naxariistee wuxuu ku dhintay magaalada Berbera sannadkii 1991-kii.

6.       Axmed Xuseen Warsame (Maloosh), Illaahay ha’u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada Hargeysa, January 21, 2002.

7.       Saleebaan Siciid (Saleebaan yare), Illaahay ha’u naxariistee wuxuu geeriyooday June 1988.

8.       Aadan Maal Caqli, wuxuu isagu ka mid yahay Xubnaha weli nool, waxaanu ku nool yahay magaalada Hargeysa.

9.       Maxamed Carab, waxa isna la sheegay inuu ku nool yahay Gobolka Sanaag.

10.    Jaamac Maxamed Cali iyo

11.    Axmed Ismaaciil Yuusuf, ayaa iyana ka mid ah Xubnaha Hoyday (intii dhimatay Illaahay naxariistii Janno ha siiyee).

 

“Bishu waa April, Toban beriyo laba, Bandhig Ciidamadu isu soo baxeen, waxay baawariyo baaruud hayeen, badka soo dhigeen, Baa Askar lagala baxay.

Waxa la yidhi Birjeex, waxa helay Badjeex. Badhbadhaadhnaydii, ba’ay baa xigtaa, boobow la yidhi.”

 

Tixdaasi, waxay ka mid tahay Gabay uu hal-haleel u soo tuuray Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, kadib markii Cabdillaahi Askar iyo colkii soo furtay ay gaadheen magaalada Xarshin ee Itoobiya.

Maanta oo 19-sannadood laga joogo hawl-galkaas, waxa weli muuqata in aan si fiican looga wada dheregsanayn taariikhdii laabka lahayd ee dhacdaddaa, ama fikrado kala duwan iyo sheekooyin baahay laga kala haysto, taasna waxa u sababa ayaa la odhan karaa sadaradii taariikhda dhacdaddaa oo aan marnaba wada qorin dhammaanba dhinacyadii iyo halgamayaashii kale ee hawl-galkaas doorka weyn ka qaatay, la’aantoodna aanay wax badani suura-gal noqdeen. Sida uu qoraal-taariikheedka dhacdaddaa ku xusay Boobe Yuusuf Ducaale, hawl-galkii Birjeex waxa uu ahaa mid si weyn loo abaabulay, dhinacyo badanina ay ka qayb-qaateen, hase yeeshee 11-ka Mujaahid ee ku suntani ay ahaayeen intii muuqatay, inta dahsoonayd ee aan la ogeyna ay tiro badnaayeen. Waxa uu is-weydiiyay, cidda gaadiidka ugu deeqday? Cidii maal-gelisay? Cidii sahanka u ahayd? Intii kale ee war-qabtay iyo cidii xafidaysay Sirtooda ee lahayd guryihii ay fadhiisanayeen? Waxa uu u daayay daahfurka dhinacyadaas oo dhan taariikhda. Waxa iyana aan la xisaabin karin, inta u aanowday ee dhibaatadu ka soo gaadhay.

 

Haddaba, Wargeyska Haatuf ayaa helay qaybo badan oo ka mid ah, dhinacyadaa dahsoonaa ee gacantii ugu weynayd ka geystay hawl-galkaas, isla markaana xog-wareysi kala yeeshay sidii ay uga qayb-qaateen hawl-galkaa iyo xaalado adag oo ay waajaheenba.

Sheekada, dadkii lahaa labadii gaadhi ee hawl-galkaa lagu fuliyay, hantidii iyo dadkii uu sahayday hawl-galkaasi iyo qodobbo kale oo xiiso badan oo ku lamaanba….

La soco Tirsiga Dambe ee Salaasada………………….

……………………………………………………………………………

Badhasaabkii Hore ee G. Sool oo la Af-duubay

Burco (Haatuf): Koox hubaysan, ayaa shalay barqadii af-duubtay Badhasaabkii hore ee Gobolka Sool, Amiir Jaamac Digaale Mire oo marayay xilligaa, Jidka Laamiga ah ee u dhexeeya degsiimada Yiroowe iyo magaalada Burco.

Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Togdheer Liibaan Maaweel Shire, lama ogga halka ay kooxdaa hubaysani la tageen ninka ay afduubeen, lamana sheegin tirada afduubayaasha falkaa ku kacay.

 

Warku, wuxuu intaa ku daray in falkan afduubka ah ee lagu qafaashay Amiir Jaamac Digaale uu la xidhiidho, gaadhi kuwa xamuulka ah oo la sheegay in hore loogu dhacay magaalada Laas-caanood, kaas oo la sheegay in ay lahaayeen qoyska Kooxda afduubka geysatay, ayna dhaceen maleeshiyo ay isku hayb yihiin ninka la afduubay.

 

Ma jiro, wax war ah oo arrintaa la xidhiidha oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobolka Togdheer, hase yeeshee Suldaanka Beesha ay ka soo jeedaan Kooxda Afduubka samaysay, Suldaan Maxamuud X. Xuseen Nuur, ayaa u sheegay Weriyahayaga in Ninka la afduubay hawshiisa lagu jiro, ayna u direen odayaal iyo Ciidan, si dhakhso ahna loo soo daynayo. “Billaa shuruud baanu ku keenaynaa, sida ugu dhakhso badan,” ayuu yidhi Suldaanku, waxaanu intaa ku ladhay in markaa kadib ay dhinicii gaadhiga dhacayna ka sugayaan gar-marin iyo in ay keenaan gaadhigii.

Falalka Afduubka ah ee noocan oo kale ahi, waxay ka mid yihiin Caadooyinka cusub ee aan hore uga jiri-jirin Somaliland, balse hadda ku cusub. Fallkana, inta la xusuusan yahay, waa kii afraad ee noociisa ah ee ay koox hubaysani ku qafaalato ashkhaas, tan iyo sannadkii sagaashanaadkii.

………………………………………………………….

Warkii ay “IRIN” Sheegtay Waa Mid aan Raad lahayn

 

 

 

 

London (Haatuf): Shirkadda Dahabshiil, ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay London ku beenisay war hore oo tibaaxayay in hay’adda UNDP ka badbaadisay xanibaad la saari lahaa.

 

“Aad baanu ula yaabnay markii aanu ogaanay in 8th April, 2002 ay IRIN faafisay war sheegay in xanibaad lagu waday Shirkadda Dahabshiil ay dib uga dhigtay Hay’adda UNDP oo soo dhex gashay arrinkaa. IRIN, waxay barbar dhigtay arrintan xanibaadii la xanibay Shirkadda Barakaat, waxaana la dersay ayay IRIN tidhi in arrintani ay saamayn weyn ku yeelanayso dhaqaalaha Soomaalida.

Dahabshiil weli lama xanibin ‘50’ kontonka dal ee uu kaga hawl-galo shaqada Xawaaladda, warka ay ‘IRIN’ sheegtay, gebi ahaan waa mid raad lahayn.”

 

Shirkadda Dahabshiil, waxa ay si aan isku mid ahayn uga hawl-gashaa gobolada Soomaalida. Dahabshiil, waa Shirkadda ugu weyn, waana Shirkadda ugu ballaadhan Shirkadaha Shicibka ee ay u shaqeeyaan (5) shaqaale tiro-badan oo aan Somaliland oo qudha joogin, sida ay IRIN sheegtay ee joogga ilaa Somaaliya.

 

Dahabshiil, wuxuu ahaa Shirkadda ugu horeysay ee koowaad ee buuxisa Shuruudaha iyo Shuruucda looga baahan yahay Shirkadaha Xawaaladda ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxaanay Shirkadda Dahabshiil heshay Liisankii ugu horeeyay oo la siiyay bishii January 2002, waxaana siisay Boqortooyada Ingiriiska (U.K), waxaanay buuxisay Shuruudaha, taasaana ka mid sababaha uu Dahabshil u helay kalsoonida macaamiisha ku soo xawisha lacagta oo tiradoodu kor u dhaaftay 3.5 Milyan oo ku kalsoon Xawaaladda Dahabshiil oo loo soo mariyo Quutal Daruuriga dibadaha looga soo diro oo uu Dahabshiil ku hubsado gacmahooda.

Si kastaba ha ahaatee, War-saxaafadeedka UNDP, wuxuu khuseeyay oo keliya Xisaabta hal Baan oo ku yaalla Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka, arrintuna may ahayn xanibaad la barbar-dhigi karo tii Al-Barakaat ee November 2001.

 

War-saxaafadeedka UNDP, wuxuu ahaa sidan:

“Kadib la-tashigii dhawaa ee dhammaan dhinacyada ay khusayso, wuxuu Baanka Wells Fargo Bank ee ku yaalla Maraykanku dib u dhigay go’aankiisii ahaa inuu xidho xisaabaha Dahabshiil.” Waxaanu uga mahad-celinaynaa Hay’adda UNDP, bulshada Soomaalida ah iyo cidii kale ee naga caawisay in xisaabtayadu ay sii furnaato Baankan, si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiima in la xasuusnaado in arrintu ay tahay mid khaasa oo uu khusaysa oo keliya xisaabta Baankan Wells Fargo oo keliya iyo Macaamiishayada isticmaalla Baankan, mana aha mid khusaysa Baayac-mushtariga Shirkadayada ee Dunida oo dhan.”

…………………………………………………………………………………………….

 

 

Badheedhaha Wargeyska

Argagixiso: Eray aanay Dunidu isku Raacsanayn Macnihiisa

Ma jirto kelmad ka muran badan beryahan dambe, kelmadda “Argagixiso” ama “Terrorism” oo ay qalabka Warbaahinta, gaar ahaana kuwa reer galbeedka aad ugu badnayd isticmaalkeedu. Taas oo sii badatay tan iyo markii ay dhaceen weeraradii ka dhacay Maraykanka 11-kii September, kuwaas oo ay Maraykanku ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen ururo ay ugu yeedheen “Argagixiso” iyagoo farta ku fiiqay ururka “Al-Qaaciida” ee uu hoggamiyaha u yahay Usaama binu Laadin.

 

Hase yeeshee, isticmaalka Kelmadda argagixisadu, waxay furtay doodo iyo muran ku saabsan waxa ay tahay argagixisadu, gaar ahaana waxaa arrintan dood adag ka keenay dalalka Islaamka oo u arkay in isticmaalka Kelmaddan loo adeegsaday, xumaynta Sumcadda Islaamka oo ay reer galbeedku ka dhigeen Diinta Islaamka Diin argagixiso ah, xaalkuna uu noqday wixii xunba Xaawaa leh.

 

Doodda arrintan ku saabsan, waxay aqoonyahanada Islaamku, diiradda ku saareen laba arrimood oo kala ah:

-          In aanay Diinta Islaamku ahayn Diin argagixiso ah, balse ay tahay Diin ku salaysan Naxariis iyo Nabadgelyo uu Illaahay u soo dejiyay adoomihiisa, taana waxay u soo daliishadeen sidii ay Diinta Islaamku naxariista iyo wanaagga ugu bedeshay xumaantii iyo cadaawadii xilliyadii diintu soo degtay jiray.

-          Ta labaadna, waxay tahay in la kala saaro dagaalka xaq-u-dirirka ah ee ay ku jiraan Shucuubta dulman iyo argagixisada, iyada oo ay caqli ahaan iyo mabda’ ahaanba ku bannaan tahay in ay is-difaacaan dadka dulmani; sida halganka ay ku jiraan Shacbiga reer Falastiin oo Shucuubta Islaamku u arkaan inuu yahay mid xaq ah.

Hase yeeshee, taasi may joojin Islaamka oo lagu tilmaamo argagixiso, iyada oo ilaa iyo hadda ay dawladaha reer galbeedku Hiil iyo Hooba la barbar taagan yihiin dawladda Israa’iil oo Shacbiga reer Falastiin kula kacaysa, falalkii ugu xumaa ee Taariikhda lagu arko.

Haddaba, waxay dadka Muslimiinta ahi is-weydiinayaan, haddii falalka ay Ciidamada Israa’iil wadaan aanay argagixiso ahayn, maxaa argagixiso ka dhigay ururada reer Falastiin ee difaacaya dalkooda iyo dadkooda.

 

Waxaase iyaduna jirta in ay mararka qaar dhacdo shakhsiyaad iyo ururo ku kaca, falal ay ku talax-tageen ama aan haboonayn, iyaga oo sheeganaya magaca Islaamka, balse eedda ay leeyihiin dad faro ku tiris ahi maloo aanayn karaa Islaamka iyo dadka haysta oo dhan?

Aragtiyaha kala duwan ee laga qabo macnaha argagixisada, waxaa u sabab ah iyada oo aanu jirin macne la isku waafaqsan yahay oo ay leedahay kelmadda “Argagixiso” sidaa darteedna, cidkastaaba waxay u macnaysatay sida ay la-tahay, taas oo ku xidhan hadba diinta iyo dhaqanka ay dadkaasi leeyihiin.

 

Taasi, markaa qasab kama dhigayso in ay argagixisadu tahay, sida ay reer galbeedku u yaqaanaan ama u macneeyaan.

…………………………………………………………………………………

“Maamulka Maxamed Ibraahim Cigaal Wuxuu u Gacan-geliyay Itoobiya 29-Qof oo Soomaali ah”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ONLF

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Ururka ONLF ee ka horjeedda dawladda Itoobiya, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Somaliland in dad u dhashay Gobolka Soomaalida Itoobiya ay gacanta u gelisay Ciidamada Sirdoonka Itoobiya. Sidaana waxaa sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee ururka ONLF, Dr. Maxamed Siraad Doolaal oo waraysi uu siiyay  Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da shalay kaga hadlay arrimo la xidhiidha dadkii dhawaan ay Xukuumaddu mustaafurisay ee u dhashay Gobolka Soomaalida Itoobiya.

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ONLF, wuxuu waraysigaa ku sheegay in Xukuumadda Somaliland ay gacanta ka gelisay 29-qof oo Soomaalida Itoobiya ah, kuwaas oo uu xusay 7-qof oo ka mid ah loo dhiibay dawladda Itoobiya April 4. “Maanta oo keliya maaha in Maamulka Maxamed Ibraahim Cigaal uu dad Soomaali ah u dhiibo Itoobiya. Ogost 27, 1996, saddex masuuliyiinta sar-sare ee ONLF ka mid ah ayuu gacanta ka geliyay,” ayuu yidhi Maxamed Siraad Doolaal.

 

Wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Imikana Balli-gubadle dadka laga dhiibay waa 22 qof, waxaana ka horeeyay 7-qof oo April 4, la dhiibay. Tirada guud ee dadka la dhiibayna, waa 29-qof. Dadka xidhanina, waa 103-qof.” Doolaal, wuxuu intaa ku daray oo uu ku sheegay waraysigaa in dadkaa ay dawladda Somaliland, ku wareejisay Guddi 13-Sarkaal ah oo uu xusay in ay ka socdeen hoggaanka Wardoonka Ciidanka Itoobiya ee qaybta Bariga ee magaalada Herer. Mar wax laga weydiiyay sida uu u caddaynayo, taasna wuxuu carabka ku dhuftay in ururkiisu uu ku leeyahay dad u soo warama magaalooyinka Adari, Jig-jigga iyo Hargeysaba, Maamulkana ay cidi ugu jirto. Waxaanu intaa ku ladhay in ay hayaan magacyada 7-xubnood uu sheegay in April 4, loo dhiibay Ciidanka Itoobiya, kuwaas oo uu sheegay in ay ka mid ahaayeen laba nin oo uu magacyadooda ku sheegay; Mukhtaar Macalin Yuusuf iyo Khadar Cabdi Xaaji.

 

Mr. Doolaal, waxa kale oo uu waraysigaa ku xusay in dadkaa uu sheegay in la dhiibay ay ahaayeen dad shacbi ah oo dano ganacsi iyo qaraabo u yimi Hargeysa, isla markaana aanay ka tirsanayn ururkooda, balse ay ka mid yihiin Shacbiga Gobolka Soomaalida Itoobiya. “Xafiiska Nabad-sugidda Itoobiya wuu cadeeyay in dadkaa gacanta loo soo geliyay, waxaanan la hadlay Masuulka Xafiiska nabad-sugidda ee magaalada Herer oo ii sheegay.” Mr. Doolaal, Inkasta oo uu sidaa sheegay, haddana wuu ka gaabsaday inuu iftiimiyo magaca Masuulka uu la xidhiidhay iyo sababta u suuro-gelisay inuu la xidhiidho Masuul ka tirsan dawladda uu ururkoodu ka soo horjeedo ee uu Mucaaridka ku yahay. Xoghayuhu, wuxuu sheegay in dadkaa uu xusay in la dhiibay aanay wax dembi ah ka gelin Somaliland iyo Itoobiya toona. “Maxamed Ibraahim Cigaal colaad ayuu abuurayaa, dadka ayuu dab dhex-dhigayaa, wuxuu doonayaa Itoobiya inuu kaga helo taageero Siyaasadeed, dhaqaale iyo mid hub intaba,” ayuu yidhi Doolaal. Waxaanu intaa ku ladhay in Shacbiga Somaliland iyo bulshada Gobolka Soomaalida Itoobiya ay yihiin, dad aan la kala goyn karin.

 

Eedayntaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee ONLF u soo jeediyay Maamulka Somaliland, kadib mar aanu xalay la xidhiidhnay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Cumar Cige, oo aanu wax ka weydiinay arrimahaas, wasiirku wuu ka cudur-daartay inuu ka hadlo amuurtaas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid aan jawaab mudnayn. “Waxaas oo kale u jawaabi mayno. Nimankani, waa niman mucaarid ah oo dan kale wata, arrintana la wada ogyahay. Markaa u jawaabi mayno,” ayuu si kooban u yidhi Wasiirku.

 

Toddobaadkii hore ayay Xukuumadda Somaliland, dalka ka saartay tiro dad ah oo uu dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo Ciidanka ammaanku ka qab-qabtay magaalada Hargeysa. War arrintaas ku saabsan oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland siiyay Saxaafaddana, wuxuu ku sheegay in Xukuumaddu dalka ka musaafurisay 20-nin oo dhalinyarro Wadaado ah oo u dhashay Soonka 5aad ee Itoobiya, kuwaas oo uu xusay in ay doonayeen in ay fad-qalalo ka ridaan Somaliland, sidaa aawadeedna loo musaafuriyay.

 

Dadkaas, wuxuu Wasiirku sheegay in laga tallaabiyay Xuduudda, waxaanu ku cel-celiyay in aanay u dhiibin dawladda Itoobiya, balse ay codsadeen in deegaanadoodii lagu celiyo, sidaas darteedna loo celiyay iyagoo xor ah. Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale, ayaa isna sidaa si la mid ah ku sheegay Waraysi uu siiyay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da.

………………………………………………………………………………………………..

Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Oo Maamul-goboleedka Samaysanaya

 

 

 

 

BBC – Badhasaabka Gobolka Hiiraan Mr. Xasan Cabdalla Qalad, ayaa sheegay in ay Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ku jiraan Tabaabushe, sidii ay u samaysan lahaayeen Maamul-goboleed Xukuma gobolada Hiiraan, Shabeeladii Dhexe, Gal-guduud. Mr. Qalaad, wuxuu sheegay in lagu dhawaaqi doono Dawlad-goboleedka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, inta ka horeysa Shirka Dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaalida ee bishan dabayaaqadeeda lagu wado in uu ka dhaco magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya.

 

Mr. Xasan Cabdalla Qalad, wuxuu intaa ku daray in xidhiidhka Golaha SRRC iyo dawladda Itoobiya inuu aad u wanaagsan yahay, sidaa daraadeed uu la yaabay qaar ka mid ah xubnaha SRRC oo eedaynaya Itoobiya.

 

Mr. Qalad, wuxuu sheegay in xubnaha SRRC ee diidan Maamulka dhawaan lagaga dhawaaqay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee xaruntiisu tahay Baydhabo ay yihiin, kuwo aan garanayn sababtii loo aasaasay Maamulka SRRC.

…………………………………………………………………………………………

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo Maanta La Kulmaya Carafaat

Ramaleh (W. Wararkaa): Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Colin Powell oo haatan booqasho ku maraya Bariga Dhexe, ayaa la filayaa inuu maanta kula kulmo hoggaamiyaha reer Falastiin Yaasir Carafaat, xaruntiisa go’doonsan ee Ramaleh.

Kulankan oo lagu waday inuu qabsoomo maalintii shalay, ayaa Dib-u-dhac ku yimid, kadib markii uu Mr. Powell sidaa go’aan ku gaadhay, kadib markii uu dhammaaday kulan dhex-maray Mr. Powell iyo Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Ariel Sharon.

 

Kulankan uu Powell la-yeelanayo Mr. Carafaat oo ku soo beegmay xilli ay Israa’iil sii wado falalka ay ku burburinayso deegaanada Falastiiniyiinta.

 

Ururka Xuquuqal Insaanka ee Amnesty International, ayaa war uu soo saaray dhiniciisa cambaarayn u soo jeediyay falalka ay wadaan Ciidamada Israa’iiliyiinta oo uu ku tilmaamay mid xasuuqa, taas oo ka dambeysay markii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Koffi Annan ku dhawaaqay in ay lama huraan tahay Ciidamo Caalamiya oo loo diro deegaanada Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale, waxaa weli socda Mudaharaaddada ka dhacaya Caalamka ee lagu diidan yahay, falalka ay wadaan Ciidamada Israa’iiliyiinta iyo dalalka carbeed ee weli Cilaaqaadka diblomaasiyadeed la leh.

…………………………………………………………………………………………

 

 

Faaqidaada adduunka

Halganka reer Falastiin iyo Hawlgallada Naftood Hurayaasha

Iyada oo ay shacbiga reer Falastiin ee xaq u dirirka ahi ay halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada gardarada ah ee ay ku hayaan ciidamada Israa’iil, kuwaas oo si badheedh ah ugu tumanaya xurmada iyo xuquuqda ay leeyihiin ayaa waxa maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya hawgalada ay fuilnayaan naftood-hurayaasha reer Falastiin ay ku qaadayaan bartilmaameedyada iyo saldhigyada ciimada Israa’iil.

Weeraradaas naftood-hurayaashu waxa ay waxyeelo weyn gaadhsiiyeen ciidamada iyo shacbiga reer Isaa’iil oo dhadhamiyay xannuunka ay leedahay gardarrada ay wadaan, iyaga oo halgamayaasha reer Falastiin ay naftooda u hurayaan difaaca iyo u dagaalanka dalkooda iyo dadkoodaba.

 

Waxyaabaha layaabka leh waxa ka mid ah sida ay xubno biimaysani weerarada uga geysanayaan gudaha Israa’iil, taas oo muujinaysa dhiidhiga shacbiga reer Falastiin, oo ka damqaday gardarrada qaawacan ee ciidanka ka amar qaata Arial Sharoon.

 

Inkasta oo ay isku dayeen ciidamada Israa’iil inay cagta hoosteeda galiyaan halganka ay ku jiraan shacbiga xaq u dirirka ah, haddana waxa ay muujiyeen naftood-hurayaashu inayna ka waabanayn xooga iyo quwadda ay dul dhigeen ciidanka Yuhuudu, halku-dheggooduna wuxuu noqday ‘geeri ama gobonimo’. Hawlgallada ay fuliyeen halgamayaasha reer Falastiin, waxa ay dhirbaaxo ku noqdeen ciidanka Israa’iil ee cududa is biday, waxaa kale oo ay indhaha caalamka u soo jeediyeen dhibaatada ay qabaan shacbiga reer Falastiin, oo muddo konton sano ka badan dhagax kaga hortagayay kaarayaasha iyo hubka ciidanka Israa’iil. Halkii ay dawladda uu madaxda ka yahay Arial Sharoon wax kaga qaadan lahayd dhiidhiga naftood-hurayaasha waxa ay halkii ka sii wadaa tacaddiga ay ku hayso shacbiga aan waxba galabsan, taas oo beryahan dambe sii korodhay, kadib markii ciidamada Arial Sharon xoog ku qabsadeen degaano badan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Haddii aynu eegno hawlgallada ugu dambeeyay ee ay fuliyeen naftood-hurayaasha reer Falastiin laga soo bilaabo 6 April 1994 – 10-kii bishan April 2002, waxay gaadhayaan 85 halwgal, kuwaas oo ay ku dileen 385 qof oo Yuhuud ah, kuna dhaawaceen 3200 oo kale.

 

Hawlgalladan oo intooda badan ay fuliyeen naftood-hurayaal is biimeeyay waxa ay sii xoogaysteen maalmahan ugu dambeeyay, gaar ahaana inta ay ciidamada Yuhuudu duulaanka ku qaadeen degaanada Falastiiniyiinta. Haddii aynu wax kasoo qaadano hawlgalladii ugu dambeeyay ee dhacay maalmihii dhawaa waxa ka mid ah:

·         10/4/2002, hawlgal ay fuliyeen garabka Milatari ee ururka Xamaas oo loo yaqaano Ciisu-diin Al-qasaam, waxa ay ku qarxiyeen bas weyn oo marayay degmada Xayfa, waxaanay ku dileen ugu yaraan 10 Israa’iiliyiin ah, halka ay 20 kalena ka dhaawacmeen.

·         9/4/2002, Bambaane lagu aasay xerada Jiniin waxa ku dhintay ugu yaraan 15 Yuhuud ah.

·         31/3/2002, Naftii-hure reer Falastiin ah ayaa isku qarxiyay hudheel ku yaala degmada Xayfa, waxaana ku dhintay ugu yaraan 16 Israa’iiliyiin ah, halka ay 45 kalena ku dhaawacmeen.

·         27/3/2002, naftii-hure reer Falastiin ah, ayaa isku qarxiyay hudheel ku yaala magaalada Nataaniya, halkaas oo ay ku dhinteen 19 Israa’iiliyiin ahi, halka uu dhaawacuna gaadhayo 120 qof.

Waxa intaa dheer, hawlgallada ay fuliyeen hablo reer Falastiin ah oo naftood-hurayaal ahi, kuwaas oo halganka kala qaybqaadanaya ragga, taas oo noqotay mid amakaag dhalisay, muujinaysana doorka lama ilaawaanka ah ee ay dumarku ka qaadanayaan halganka xaq u dirirka ah. Haddii aynu wax ka sheegno hablaha naftooda huray waxaa ka mid ah:

·         Wafaa Idiris oo Quddus isku qarxisay 27/1/2002.

·         Daariin Abu Caysha oo isku qarxisay Naabulis 27/2/2002.

·         Aayaat Akhras oo 18-jir ah oo Quddus isku qarxisay 29/3/2002.

Gebogebadiina hawgalladaasi waxay muujinayaan inaanu damayn halganka xaq u dirirku tan iyo intay ka midho dhalinayaan hadafkooda kaas oo ah inay gacanta ku dhigaan gobonimada dalkooda iskana dulqaadaan heeryada gumaysiga ee muddada dheer saarnayd, inta ka horaysana xaalku wuxuu yahay (wallee lama lado).

……………………………………………………………………………………………

Baaq uu soo saaray Ururka Jaaliyadda Somaliland ee Toronto

 

Toronto (Haatuf) – Ururka Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa dhambaal qoraal ah oo talo-bixin ah u soo kala diray madaxweyne Cigaal, Golayaasha Baarlamaanka, Ururada Siyaasadda iyo Ururada Bulshada.

Dhambaalkaa qoraalka ah ee uu soo saaray ururkaasi oo uu saxeexay guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Kanada wuxuu u dhignaa sidan:

Waxaanu u mahad celinaynaa dhamaan inta ay ku socoto warqadan baaqa ahi, sida xilkasnimada ah ee ay uga shaqeeyeen xasiloonida iyo nabad gelyada maanta dhamaan wadankeena ka sugnaatay. Taasoo aanu ku dhiiri galinayno kana rajaynayno inay hore uga socdaan.

 

Iyadoo aanu ka  duulayno dareenka Jaalliyada Somaliland ee Magaalada Toronto, dalka Kanada, kaasoo aanu filayno inay nala qabaan dhamaan ummada reer Somaliland meel ay joogaanba waxaa nala haboonaatay inaanu idiin soo gudbino fikirkayaga wadaniga ah. Ka dib markaanu si qoto dheer u lafo gurnay guud ahaaan xaalada siyaasadeed ee maanta dalku marayo, waxaa dhamaanteenba xusid inaga mudan in dib loo raaco soyaalkii taariikheed ee geediga siyaasadeed ee dalku soo maray  kontankii sanno ee u dambeeyey, taasina inoo noqoto muraayad hagta mayalka siyaasadeed ee guud ee dadka iyo dalku u baahan yahay.

Waxaa kaloo iyaduna xusidan mudan in la xasuusto dibna loo jaleeco, in umadda reer Somaliland ay kaga soo doogtay xaaladihii adkaa ee dalku soo maray, wada tashi iyo isku duubnaan, taasina waxaa  sababay dhaqankeena iyo xeerkeena oo ay laf dhabar  u ahayd wada tashi iyo wax iswaydiin, sida uu dhigayo qodobka 9aad ee dastuurku.  Hadaba,haddii aan la wada hadal, la is turxaan bixin, waxay keeni kartaa in lagu waayo haykalka dawladnimo ee aan huwan nahay.

 

Maanta wadankeenu wuxuu marayaa xaalada kala guur siyaasadeed  oo aad u adag, waxaana loo baahan yahay in dhamaan xubnaha ku looltamaya siyaasada dalku ay ku dadaalaan danta guud, kana foojignaadaan wixii dhibaato u keenaya ummada, Hadaba markaanu isla eegnay , isla gorfaynay xaalada taagan iyo ifafaalaha inagu soo food leh ,waxaanu idiin soo jeedinaynaa  talooyinkan:

-         In dhamaan xubnaha golayaasha, dawlada iyo xisbiyada siyaasigu ay si hagar la'aan ah iyo wada hadal ku dhameeyaan wixii khilaaf ah ee jira, iyagoo ka duulaya ay bar tilmaameedna u tahay ilaalinta Nabad Gelyada iyo xeerka dastuurku.

-         In Golaha Baarlamaanku  guto xilka saaran,isla markaana sugo, hirgalinayana sidii loo heli lahaa nidaam dimuqraadiyadeed oo dhamaystiran.Gaarh  ahaana in  hay'adaha madaxa banaan ee udub dhexaadka u ah nidaam kasta oo aduunka jira, madax banaanidooda la ilaaliyo sida kuwan hoos ku qoran:           

1.         Hanti-dhawrka Guud oo madax banaan.

2.         Maxkamada Sare oo madax banaan.

3.         Guddi Doorasho oo madax banaan

In Golaha Guurtidu dhawraan/ilaaliyaan kaalinta ay kaga jiraan habka dawladnimo ee dalka, isla markaa gartaan xilkii iyo ujeedadii loo doortay oo ahaa mid dhexdheaxadnimo.iyo xalinta wixii muran iyo is maandhaaf ee dhex yimaada dalka sidii horeba looga bartay.

-         In Urarada siyaasigu ay shacbiga u soo bandhigaan habka qaab siyaasadeed ee ay doonayaan inay dalka ku hogaamiyaan.

-         In dawladu dhawrto xuquuqda shakhsiga iyo xoriyatul-qawlka huwan milgada ummada iyo waxay aaminsan yihiin, isla markaan dheg u yeelato dareenka muwaadin kasta sida uu dhigayo (qodobka 32aad) ee datuurku.

-         Waxaanu ku soo gebogebaynaa, anagoo ka baaraan degnay arimaha kor ku xusan, anagoo xusuusana halgankii qadhaadhaa ee ummadu soo martay, qiimayn wayna siinayna sida loogu baahan yahay in ummadu si fiican u degto, taasi oo ay sal u tahay adkaynta nabad gelyadu. Waxaanu dhamaan xubnaha arintu khusayso ku boorinaynaa in ay ku dadaalaan sidii xaalada taagan loogu dhamayn lahaa wada hadal, wada tashi iyo isku duubnaan.

Nabadi waa macaan      Aan wada hadalo waa aan heshiino

Maxamed Cali Bilaal

Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland

………………………………………………………

 

Daymadda Daryeelka Deegaanka

“Ilaalinta degaanku waa nolosha ummad walba”

Hal-ku-dhegga wasaaradda horumarinta daaqa iyo degaanka

 

Wasaaradda Horumarinta Daaqa iyo Degaanka ee Somaliland ayaa diyaarisay qoraal ka kooban 20 bog oo ka hadlaya siyaasadda iyo barnaamijka ilaalinta iyo horumarinta deegaanka Somaliland.

 

Qoraalkaa waxaa saldhig u ah qodobadan:

1.       Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu helo jawi degaan oo ka saafi ah waxyaalaha dhibaateeya caafimaadka dadka.

2.       In laga hortago waxyaalaha degaanka ku keena dhibaatada ama wax ka beddela qaabkiisa dabiiciga ah iyo ilaalinta degaanka.

Qoraalkani wuxuu tilmaamayaa farsamada qorshaysan ee ay wasaarada Horumarinta Daaqa iyo Degaanka Somaliland si ay wax uga qabato dhibaatooyin ku yimaada sida:

1.       In kor loo qaado tabobarka iyo waxbarashada si loo balaadhiyo xirfadaha ilaalinta degaanka.

2.       In loo abaabulo dadka si ay wada-jir ah ugu qorshaystaan qaabka ugu habboon ee daryeelka degaankooda in laga caawiyo dadka reer Somaliland sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka dabiiciga ah.

3.       Barnaamijka wasaaraddu wuxuu xooga saarayaa mawduucyada ilaalinta iyo daryeelka degaanka.

Wasaaradda horumarinta daaqa iyo degaanku waxaa qoraalkeedan ku jira, ilaalinta daryeelka iyo u isticmaalka dhulka xeebaha qaab waafaqsan daryeelka degaanka dabiiciga ah, ilaalinta noolaha ku nool, sidoo kale waxaa ku xusan barnaamijkan wasaaradda horumarinta daaqa iyo degaanka in ilaha biyaha la xaqiijiyo tirada, tayada iyo hubinta baahida dhabta ee biyaha ay u baahan yihiin dadku, iyada la raacayo siyaasadda biyaha ee u taala Somaliland.

Dhinaca kale barnaamijka degaanku waa mid xidhiid la leh dhinacyada kale ee khuseeya arrimaha degaanka, waxaanay taageeraysaa dhaqaalaha beeraha iyo horumarinta dhiraynta, beeraha wax-soo-saarkooda loo isticmaalo kharashka waafaqsan. Danta beeralayda dakhligoodu hooseeyo si ay uga faa’iidaan wax-soo-saarka.

Degaanka kalluumaysiga oo la kordhiyaa ma aha mid waxyeelo u leh degaanka ee waxay kordhinaysaa faa’iidada isticmaalka khayraadka kalluumaysiga.”

Sidaas waxa qoray barnaamijka WHD iyo deegaanka oo ka hadlaysa dhinaca kalluumaysiga.

Yaraynta waxyaalaha wasakhda ah ee la daadiyo dhulka korkiisa ama ay noqdaan kuwa aan waxba yeelayn degaanka iyo caafimaadka dadka.

In la isticmaalo qalabka waddaniga ah si loo yareeyo guddaafadda ay sameeyan weelalka iyo waxyaalaha warshaduhu sameeyaan oo keena xashiish fara badan oo hadhaagoodu wasakhayn u leeyahay degaanka.

 

Barnaamijka WHD iyo degaanku wuxuu adkaynayaa in la ilaaliyo wax walba oo dhibaato iyo wasakhayn ku keeni kara degaanka sida;

Radio Active-ka, sumaha iyo wax waloo dhibaato u leh degaanka.

Samaynta qaab dadka loogu wargeliyo waxyeelada ay leeyihiin waxyaalaha kiimikada ah iyo qaabka badbaabada leh ee loo saaro gaadiidka, waxyeelada degaanka ee ay warashaduhu keenaan dhiirigelinaysaa qorshaha casriga ah.

Ilaalinta degaanka barnaamijkeedan WHD iyo degaanku wuxuu dhiirigelinayaa in dumar iyo ragba ay ka qaybqaataan dalxiis goobo la xafiday oo degaan ahaan la daryeelay kuna habboon dalxiiska.

………………………………………………………………………………………

 

Waadiga Ciyaaraha

Newcastle oo dirqi kaga badisay Derby

 

 

 

 

London (BBC) – Kooxda Derby, ayaa u muuqatay in ay ka baxsan karto kaalinta dib-u-noqoshada martabada labaad markii ay 2-0 kaga hormartay Newcastle oo ku soo laba kaclaysay, sidaana kaga badisay Derby oo 3-2 kaga adkaatay.

 

Derby waxaa goolasha u kala dhaliyay Malcolm Christie iyo Lee Morris, taas oo dad badani u qaateen inay haleeshay guushii sagaalaad ee ay xilli-ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka Laurent Robert ayaa hoos u dhigay rajadoodii markii uu dhaliyay goolkii koowaad, ka hor intii aanay laba gool is raacin Dyer iyo Lomana Tresor Lua-Lua.

Guusha ay haleeshay Magpies waxay keentay inay dib u soo ceshato kaalintii ay kaga qaybgeli lahayd tartanka horyaalada Yurub ee sannadka soo socda.

 

Aston Villa 0, Leeds 1

Leeds United ayaa kor u soo qaaday rajadii ay ka qabtay tiigsashada kooxaha ka qaybgelaya horyaalada Yurub ee sannadka soo socda kadib, markii ay 1-0 kaga badisay Aston Villa oo ay gurigeeda kula ciyaarta.

Leeds United oo fursado fiican heshay qaybtii hore ee ciyaarta ayaa dhalisay goolka, waxaana u saxeexay Mark Viduka, oo dhaliyay goolkii 16aad ee xilli-ciyaareedkan, kaas oo ay muddo saacad badhkeed ah u halgamayeen.

Kadib 45 daqiiqadood oo ay Aston Villa ciyaarteeda liidatay ayay qaybtii dambe horumar weyn  ku tallaabsatay, inkasta oo ay weeraro door ah qaaday haddana kumay guulaysan inay iska soo gudo goolka lagaga adkaaday.

 

Leicester 2, Everton 2.

Leicester City oo muddo dheer ka cabanaysay guul-darro berriinsatay ayaa laba gool kaga hormartay Leicester oo mar horeba ku dhacday derejada dib u noqoshada ayaa labada gool dhalisay qabtii hore ee ciyaarta, waxaana u dhaliyay Brian Deane.

Ciyaaryahanka Everton ee Nick Chadwick, ayaa goolka hore dhaliyay kadibna waxaa u labeeyay Duncan Ferguson.

 

Totten ham 1, West ham 1

Ciyaaryahanka Teddy Sherringham ayaa dhaliyay goolka Totten ham kaga hormartay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Westham, hase yeeshee weeraryahanka Ian Pearce, ayaa xaqiijiyay goolka barbaraha waqti dambe oo ciyaarta ah.

 

Southampton 1, Charlton 1

Sidoo kale kooxaha Southampton iyo Charlton, ayaa kala qaybsaday dhibcihii ciyaarta kadib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1.

Southampton, ayaa ku horumartay gool-dhalinta, waxaana u dhaliyay Richard Rufus, halka goolka barbaraha Charlton uu dhaliyay Taher El Khalij.

 

Sunderland 0, Liverpool 1

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Michael Owen, ayaa dhaliyay goolka suusha daqiiqaddii 55aad ee ciyaarta, kadib markii uu kubadda ka laaday duleedka diilinta ganaaxa.

Liverpool, waxay qaaday tallaabo kale oo u sahli karta inay koobka ku guulaysan karto.

 

 

Thuram oo doonaya inuu u wareego Manchester iyo AC Milan midkood

 

 

 

Turin (AP) – Difaacyahanka Juventus, Lilian Thuram, ayaa sheegay inuu u buko u wareegida Manchester ama AC Milan, haddii ay ka daynayaan inuu ka ciyaaro rukunka midig.

 

“Haddii Alex Ferguson ama Carlo Ancelotti midkood ii yeedho oo igu yidhaahdo ‘Kaalay oo dhexda ka ciyaar, waan danaynayaa mustaqbalkayga, shakina kama qabo inaan ahay difaac dhexda ah, laakiin ciyaartoy ahaan keliya waxaan qabanayaa wixii tabobaruhu doonayaba’,” ayuu yidhi Thuram.

Thuram wuxuu beeniyay in ka ciyaarida rukunka midig ee Juventus, aanu waxba ka duwanayn si buuxdana uu ula mid yahay kaalinta uu ku leeyahay xulka Faransiiska.

“Waxaa jirta kala duwanaansho wayn, waxaan u ciyaaraa kulano yar xulka qaranka, kadibna kooxdayda ayaan tagaa, taasina way u fududahay tabobaraha France uu dhaqaajiyo hal ciyaartoy.

 

Laakiin Juventus tobankuba marbay wareegayaan oo aad kaalinba waayaysaa,” sidaa waxa yidhi Lilian Thuram, oo sharaxaad ka bixinaya kala duwanaanshaha ciyaareed ee xulka Faransiiska iyo Juventus.

Ciyaaryahanka difaaca ahi wuxuu ku sheegay xilli-ciyaareedkani inuu yahay kii ugu badnaa ee kaalintan uu ka ciyaaro wuxuuna yidhi;

“Waa markii iigu horraysay ee aan kulamo badan ka ciyaaro rukunka midig, inkasta oo uu kani waqti fiican ii yahay, haddana waxaan hubaa inaan kaga sii fiicnaan lahaa dhexda.”

 

Thuram, waxa kale oo uu intaa ku daray inuu guulo ka keeno kaalinta uu hadda ka ciyaaro wuxuuna markhaati gashaday ragga ay isku kooxda yihiin. “Jaalayashay way fahamsan yihiin dedaalka aan ka gaysto, waana og yihiin inaan isku dayo una dhabar adaygo xaaladaha cusub shaqo adagna aan qabto. Waxaan keenaa kubado badan oo aan soo gudbiyo.”

Thuram, wuxuu u muuqdaa mid ka daalay kaalinta uu ka ciyaaro ee baasha ah, maadaama da’diisu sii waynaanaysona aanu ku sii negaan karin, sidaan darteedna uu u baahan yahay inuu helo kaalin uga dhib yar oo uu muddo ku sii gabban karo. “Waxaan rabaa inaan mustaqbalkayga u meel dayo, marar badana arrintaa waxaan kala hadlay Marcello Lippi. Diyaar baan u ahay inta ka horraysa inaan naftayda u huro, laakiin hadda waxaan doorbiday inaan soo ceshado kaalintaydii hore ee kubadda cagta, weliba sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu ku daray.

 

Thuram, wuxuu guul-gal u yahay Manchester oo uu hubo inay waayayso Laurent Blanc oo ka fadhiisanaya xagaaga. Isla markaana uu ka dhaawacan yahay West Brown iyo weliba Ronny Johnsen oo isna ka tegaya kooxda sannadkan, .

Tabobare Ferguson, ayaa u gacan haadiyay ka hor intii aanay 22 milyan oo gini kula kala wareegin Parma iyo Juventus xagaagii tegay, hase yeeshee waxaa markale muuqata in ay kaalintaasi u bannaan tahay, isla markaana loola diyaar yahay kharashkii lagu iibsan lahaa.

 

AC Milan, ayay iyana xaaladdan mid la mid ahi ka jirtaa, waxaana la filayaa in uu kaalintiisa banneeyo difaacyahanka Billy Costacurta, sidaa darteed tabobare Ancelotti, ayaa isna dareensan baahida ay u qabaan Thuram.

 

Manchester oo quud-daraynaysa in Veron la baxsado

 

 

Man. England (AP) – Maqnaanshaha Roy Keane iyo David Beckham, oo dhaawac uga fadhiya ayaa Manchester ku banneeyay dalool weyn oo halbowle ah.

 

Manchester, waxay sheegtay inay hawl intaa ka badan ka filayso Juan Sebistian Veron oo ah ciyaaryahanka reer Argentina.

Kooxda markii afraad oo xidhiidh ah laacaysa hanashada horyaalka Ingiriiska waxay gaadhay wareega kama dambaysta ah ee kooxaha horyaalada Yurub, markii ay Arbacadii 3-2 ku suuldaareen Deportivo oo Isbaanish ah.

 

Veron, wuxuu doonayay inuu buuxiyo kaalinta madhan ee dhexda, laakiin taasi muddo dheer kumay qaadan oo Arbacadii ayuu cagaha geliyay waraagii labaad ee ciyaartii Deportivo, taas oo kabtanka England lugta kaga jabay.

Veron sid deg-deg ah ayuu u qaaday mas’uuliyaddii ay u dhiibtay Man. United, xilli-ciyaareedkan ku guulaysato inay ku soo dalbato qiimihii ugu sarreeyay ciyaaraha Ingiriiska oo mid ay mahadiyeen u eg.

 

Markiiba wuxuu Beckham ka dul-qaaday laadida kubadaha xorta ah (free kick), taas oo uu markiiba kubadda u dhigay Ole Gunner Solskear oo dhaliyay goolkii furitaanka, isaga oo markalena difaaca ka kala furfuray goolkii labaad ee uu dhaliyay ciyaartoyga reer Norway.

Veron, waxaa kale oo uu kubbad u dhigay Ryan Giggs, oo isna dhaliyay goolkii saddexaad.

 

Veron, wuxuu markale muraayada ka muujiyay sidii hoggaanka ugu qaban lahaa inay Manchester ku guulaysato koobka Yurub.

Inkasta oo dalka Ingiriiska gudihiisa si weyn looga cambaareeyay qiimaha qaaliga ah ee Veron lagu soo iibsaday bilihii ina dhaafay.

 

Kartidiisa oo muuqata iyo duntiisa shakhsinimo wuxuu ku xaqiijin karaa kulamada soo socda oo laga yaabo in ay ka qanciyaan qiimahiis qaaliga ahaa oo gaadhayay (28.2) milyan oo gini, una dhiganta (U.S $40.50) milyan oo ay kaga soo iibsadeen Lazio dhammaadkii sannadkii tegay, tallaabadaas uu qaaday Alex Ferguson, waxaa si weyn ugu dhalleeceeyay warbaahinta oo ku tilmaantay inuu waayo-aragnimo u urursanayo tartanka koobka adduunka oo ay xagaaga ku kulmayaan Argentina iyo England.

Tallaabadaa dhalleecaynta ahi waxaa si weyn uga biyo diidasy tabobaraha Manchester United, o ku tilmaamay mid khaldan.

 

“Kuma raacsani fikradda warbaahintu ka bixisay imaatiinka Veron, waan hubaa inuu shaqo fiican qabanayo, waxaana filayaa in dhaliishaasi tahay mid aan xaq ahayn,” sidaa waxa yidhi Ferguson.

 

Wuxuu intaa raaciyay inaan cidina u maqlayn dhalleecaynta ay ku hayaan ciyaartoyga, isaguna uu yahay mid waxtar ah, isaga oo arintaa ka haldayana wuxuu yidhi; “Waxkasta oo ay ka sheegaan ka joojin mayso Veron sii wadida ciyaaraha. Arrin bay tahay in markasta la ogaado, taasina waa in la eego marka aanu kubadda qabano.”

 

Ferguson, hadda wuxuu Giggis weydiisanayaa inuu ka barbar ciyaaro ninka reer Koonfur Afrika ee Quinton Fortune oo qaab ahaan ku soo dhawaan kara Paul Scholls ama Veron oo uu iyana ka dalbaday inay buuxiyaan kaalinta dhanka midig ka dalbaday inay buuxiyaan kaalinta dhanka midig ee uu ka maqan yahay David Beckham.

 

Si kastaba ha ahaatee, sumcadda Veron, waxaa lagu wadaa inay kor u soo kacdo maalmaha soo socda.

Dhinaca kale weeraryahanka Solskjaer ayaa kooxda Manchester ugu baaqay inay ku guulaystaan koobka Yurub si ay abaalmarin ugaga dhigaan David Beckham.

Solskjaer, oo beddel ku soo galay ciyaartii Arbacadii ayaa laba gool dhaliyay, taasina waxay hammad gelisay inay ka adkaan karto kulanka ay la yeelanayso Bayer Leverkusen.