SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 66-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 66, April 19, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

C/laahi Yuusuf Oo Ku Hawlan Diyaarinta Guluf Milateri Oo Uu Dib Ugu Qabsanayo Boosaaso

50-Baabuurta Somaliland ah oo uu raafay, ayuu hub iyo saanad milateri kaga daabulayaa Gaal-kacayo

Gaal-kacayo (Haatuf): Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo hadda ku hawlan dhaqdhaqaaq milateri oo uu isugu diyaarinayo inuu ku qabsado magaalada dekedda ah ee Boosaaso ayay Ciidamadiisa, xoog ku raafeen in ku dhow Kontameeyo baabuur oo kuwa Xamuulka ah magaalada Gaal-kacayo iyo nawaaxigeeda, isla markaana baabuurtaas oo la sheegay in badidooda laga leeyahay Somaliland, iyadoo ay baabuurtaas maalmahanba shixnado kala duwan oo qalabka Ciidamada ah ka gurayeen gobolka Mudug, una daad-guraynayeen dhinaca Gobolka Nugaal ee ay ku taallo Xarunta Maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe.

                                                

Sida ay sheegeen warar aanu ka helnay magaalada Gaal-kacayo iyo magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer intaba, badhtamihii toddobaadkii tegay ayay Ciidamada C/laahi Yuusuf magaalada Gaal-kacayo ka ururiyeen baabuur door ah oo dad shicib ahi leeyahay, kuwaas oo la sheegay in ay ilaa hadda ku shaqaysanayaan Ciidamada C/laahi Yuusuf.

Warku wuxuu intaa ku daray in ay baabuurtaasi meelo ka mid ah Gobolka Mudug ee badhtamaha Soomaaliya ka daad-gureeyeen alaabooyin kala duwan oo qallab iyo saad milateri ah, sida; Shidaal, Raashin, Rasaas iyo waxyaalo kale, waxayna alaabtaa geeyeen magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-goboleedka Puntland.

 

Sida ay wararka qaarkood tibaaxeen, ka sokow hubka iyo saadka halkaa la geeyay waxa kale oo iyana halkaa lagu soo ururiyay Maleeshiyaad hubaysan oo daacad u ah Col. C/laahi Yuusuf Axmed, laakiin wararku ma sheegin goobaha baabuurtaa la raafay laga raray iyo meesha ay ka yimaadeen Saanadda iyo Hubku, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in meelahaa saanaddaa laga rarayo ay ka mid tahay goob ku taal meel u dhexeysa Xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya oo magaalada Gaal-kacayo kaga beegan dhinaca galbeed.

 

Dhinaca kale, qaar ka tirsan Mulkiilayaasha Baabuurta lagu raafay Gaal-kacayo oo ku sugan magaalada Burco, ayaa shalay khadka telefoonka kula xidhiidhay Col. C/laahi Yuusuf oo joogga magaalada Gaal-kacayo, kadibna kala hadlay arrinta gaadiidkooda.

Xubno ka tirsan ragga la-xidhiidhay C/laahi Yuusuf oo codsaday in aan magacooda la sheegin, ayaa Wariyaha Haatuf ee magaalada Burco u xaqiijiyay in ay jiraan Baabuur badan oo laga leeyahay Somaliland oo ay raafeen Ciidamada C/laahi Yuusuf, welina haystaan. Xubnahani, waxay sheegeen in ay C/laahi Yuusuf weydiisteen inuu baabuurtooda u soo daayo, hase yeeshee wuxuu u sheegay inuu sida ugu dhakhsaha badan ugu soo dayn doono.

 

“Baabuurta, wixii Isaaqu leeyahay waan sii daynayaa, laakiin aan ku dhammaysto hawshayda.” Sidaa waxa yidhi, C/laahi Yuusuf oo la-hadlaya ragga Baabuurtaa wax ku leh ee Burco kala xidhiidhay.

Wararkani, waxay intaa ku dareen in dhawr iyo Toban baabuurtaa ka mid ah laga leeyahay Gobolka Togdheer, ilaa baabuur toddoba gaadhaysana laga leeyahay Gobolka Sanaag, gaar ahaan Beelaha Isaaqa ee gobolkaa deggan. Sidoo kale, tiro door ah oo baabuurtaa ka mid ah waxa leh beelaha Hartiga ee Gobolada Sool iyo Sanaag ee bariga Somaliland.

Ma cadda tirada rasmiga ah ee baabuurta lagu raafay Gaal-kacayo, laakiin sida ay tibaaxeen warar aan xaqiiqdooda la hubin, waxa la sheegay in tirada baabuurtaasi ku dhowdahay ilaa kontomeeyo baabuur, kuwaas oo ah Gaadiidka Xamuulka ah ee isaga goosha deggaamada Maamul-goboleedka Puntland iyo Gobolada Bariga Somaliland.

 

Wararku waxa kale oo ay sheegeen in ololaha uu C/laahi Yuusuf bilaabay ay hordhac u yihiin, qorshe cusub oo uu damacsan yahay inuu ku qabsado magaalada Dekedda ah ee Boosaaso, magaaladaas oo hadda xarun u ah Jaamac Cali Jaamac oo ah Ninka ay C/laahi Yuusuf, sida ba’an isugu hayaan hogaaminta Maamul-goboleedka Puntland, taas oo mid waliba dhiniciisa u sheeganayo inuu yahay Madaxweynaha Maamul-goboleedka, iyadoo C/laahi Yuusuf fadhigiisu yahay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, kadib markii uu cudud milateri ku qabsaday waxyar kadib, markii Shir halkaa ka dhacay Jaamac Cali Jaamac loogu caleemo saaray inuu yahay Madaxweynaha Puntland, wakhtigaas oo uu C/laahi Yuusuf ku sugnaa magaalada Gaal-kacayo, kadib markii kacdoono gacan ka hadal ah lagaga saaray magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe. Hase yeeshee, Col. C/laahi Yuusuf caleeemo saarka Jaamac Cali Jaamac iyo shirkii lagu magacaabayba wuxuu ku tilmaamay xaaraan iyo qayrul-sharci, isla markaana wuxuu sheegay inuu isagu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Puntland, taas oo keentay inuu weerar milateri ku soo galo Garoowe dabayaaqadii sannadkii hore, kadibna ka saaro Jaamac Cali Jaamac iyo taliskiisii.

 

Wakhtigaa wixii ka dambeeyay iyo ilaa hadda, degaamada Maamul-goboleedka Puntland waxa ka oognaa khilaaf murugsan oo Siyaasadeed, waxaana ku loolamaya laba dhinac oo ay kala hogaaminayaan C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jamac.

Sida ay wararkii u dambeeyay ee degaamada Puntland tibaaxeen Col. C/laahi Yuusuf, waxa uu muddooyinkii u dambeeyay ku taamayay, sidii uu u qabsan lahaa magaalada dekedda ah ee Boosaaso oo ah marinka uu dakhliga ugu badani ka soo galo Puntland.

 

Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo dhinaca C/laahi Yuusuf ka soo baxay, isla markaana ma jiraan warar Madaxbannaan oo sharax iyo xaqiiqooyin ku filan ka bixinaya sida ay arrintu tahay, laakiin waxay wararku farta ku fiiqayaan inuu jiro dhaqdhaqaaq uu C/laahi Yuusuf ku qorshaynayo, sidii uu guluf milateri ugu geli lahaa magaalada muhiimka ah ee Boosaaso.

 

Wakhtigan Jaamac Cali Jaamac, wuxuu socdaal ku jooggaa dalka Itoobiya, lagamana hayo Maamulkiisa wax warar ah oo ku saabsan xaaladdan cusub ee ka muuqata Puntland.

Ergo dhexdhexaadin ah oo in muddo ah ku hawlannaa, sidii ay xal ugu heli lahaayeen khilaafka murugsan ee ka taagan Puntland, ayaa dabayaaqadii toddobaadkan ka gacan-taagtay Waan-waantoodii, isla markaana muujiyay wallaac ku saabsan Colaad cusub oo ka dhex dilaacda C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Butuluqsiga Mucaaridka iyo Baydh-baydhka Xukuumadda?

Marka la maqlo ereyada Xukuumad, Xisbi, Baarlamaan, iwm, waxaa hubaal ah markiiba in ay soo baxayso in laga hadlayo waxa loo yaqaan Siyaasad.

Siyaasad, ayaa macnaheeda runta ah lagu qeexay, sidan: “Waa Cilmi Bulsheed khuseeya qeexidda Hay’adaha iyo hab-maamulka dawladaha oo ah Xirfad isbedel loogaga gudbo, dhibaatooyinka iyo baahiyaha ummadeed.”

 

Taasi, waa fikrado dad kala duwan ka muujiyeen qeexidda ereyga Siyaasad, wax way ka dhinaan karaan, qof kalena wuu u arki karaa in loo qeexo si ka duwan sidan aynu hore u xusnay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Siyaasad sidaa aynu sheegnay ah ma lagaga dhaqmaa dunida saddexaad, Afrika iyo Somaliland? Anagoo isku dayayna in aan ka jawaabno su’aashan, waxaan odhan lahaa; Maya! Sidaa aan qeexnay loogama yaqaan meelahaas aan xusnay ee waxaa looga yaqaan aragti kale oo ah: “Khiyaameyn uu dhinac, koox, qof uu khiyaameeyo ama cid kale, si uu isagu u helo waxa ay u tarmayaan, ha ahaado Mansab Madaxnimo, macaash Hantiyeed, Guul tartan, magac, iwm. Qofka ama Kooxda oo isticmaalaya sax iyo qalad, kolba wixii uu kaga guuleysanayo dhinacaa ka soo horjeedda, xataa haddii loo baahdo been iyo mu’aamarad.”

 

Haddii Siyaasadda inta aynu ilaa hadda aragnay u qaadano, sida kor ku xusan oo aynu markaa ku lamaanayno xaaladda Somaliland ee xilligan oo la doonayo in nidaam Xisbiyeed lagu tartamo oo uu jiro Xisbi-siyaasadeed ay leedahay Xukuumadda hadda talada haysaa iyo xisbiyo mucaarid ah, haddana ay soo baxday sidaa wax ku socon maayaan iyo si kale, waxaa is-weydiin leh; xisbiyada Mucaaridka ahi ma u jilib dhigi karaan Xukuumadda iyo xisbi uu hogaamiyahoodu xirfad dheeraada u leeyahay, sida dadkan looga agaasinto guusha iyaga ku xidhan?

 

Dhinaca kale, Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridkaba waxaa haboon oo dhaxal-gal u noqonaya ummadooda in aanu noocooda Siyaasaddu noqon ka aynu ku sheegnay in lagaga dhaqmo Afrika iyo dalkeenaba, waayo? Guusha lagu gaadho nooc-siyaasadeedka ku salaysan, dabciga dadka noocaa ka mid ah ee loo yaqaan “Lose-Win,” oo ku caana Siyaasiyiinteena iyo ganacsatada caam ahaan oo uu gundhigiisu yahay; “Waa in aan anigu guuleystaa, adna waa in aad guul-daraysataa; Anigu waa in aan macaashaa, adiguna waa in aad khasaarta.” Arrintan oo qofka ka go’an inuu hirgeliyo, qiimahay doonto ha ku kacdee.

 

Guul dhalanteed ah, waxaa ka wanaagsan qofka oo qaabila runta ka jirta jawiga markaa taagan, isu tanaasul kolba ninkii gar leh oo gartiisa loo ogolaado, ayaa dhalin karta midho waara oo ay talo ummadeed yeelato.

 

Haddaba, marka aynu gunaanad uga dhigno badheedhahan jawaabta su’aashii bar-bilowga u ahayd, waxay u muuqataa in Mucaaridka Xisbiyadooda looga baahan yahay, fahamka farsamo ay ugu babac dhigaan Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo la hubo in ay baydh-baydh iyo badheedhba ku tashadeen, si ay Bartilmaameedkooda u gaadhaan.

 

Xaflad Xil-Wareejin ah oo Ka Dhacday Cusbitaalka Boorama

Boorama (Haatuf): Xaflad Xil-wareejin ah oo lagu soo dhawaynayay, looguna ducaynayay Maamulka Caafimaadka Gobolka Awdal, ayaa lagu qabtay Xarunta Cusbitaalka Guud ee Boorama.

 

Xafladdan oo ay ka soo qayb-galeen, Wasiir Ku-xigeenka Caafimadka Somaliland Maxamuud Jaamac, Guddoomiye K/xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Xubno ka socday Salaadiinta Gobolka Awdal, Madaxda ururka Siyaasiga ee ASAD, Golaha Guurtida, Culimaa’udiin, Agaasinta Tababarka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dhakhaatiirta Cusbitaalka Boorama, Shaqaalaha, Marti-sharaf iyo Maamulka Gobolka Awdal.

 

Xafladdan oo ahayd mid aan hore loo arag, waxa dhammaan Masuuliyiinta dawladda iyo xubnaha ka socday shacbiguba ka soo sheekeeyeen, sida uu ahaa Cusbitaalka Boorama markii dalka la soo galay 1991-1995-kii iyo heer ka hooseeya kan maanta uu ka marayo xagga adeegga bulshada reer Boorama iyo sababaha keenay.

 

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland, Maxamuud Jaamac oo isagu ku dadaalay socodsiintan isbedelka Maamulka Caafimaadka oo soo jiitamayey ilaa bishii hore, ayaa sheegay in aan reer Boorama loo yeedhinayn siday u maamulayaan Caafimaadkooda, wuxuuna Wasiir Ku-xigeenku u mahad celiyay cid kasta oo kala qayb-gashay socodsiinta hawshan ku saabsan isbedelka Maamulka Caafimaadka Gobolka.

 

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland, C/raxmaan Aw Cali Faarax oo isna munaasibaddaa ka hadlay, ayaa reer Boorama u caddeeyay in aan qof iyo laba la bed-beddelaa wax macno ah samaynayn, haddii bulshadu wax la-qaban weydo oo la eedeeyo sida kuwii hore. Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo la-hadlayey shaqaalaha iyo Madaxda Caafimaadka, ayaa u sheegay in ay dhinaca Shacbiga ka samayn doonaan guddi gaar ah oo la-shaqeeya, lana xisaabtama. Isuduwaha Cusub ee Gobolka Awdal uga Masuulka noqonaya Caafimaadka, Dr. C/raxmaan Jaamac Hadi, ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Caafimaadka iyo Shacbigaba in haddii lala hagaajin waayo adeegga Caafimaadka Gobolka uu faraha kala bixi doono, inta aanay dhicin eedeynta iyo cambaaraynta ku dhacaysay Masuuliyiintii ka horeysay.

 

Isla Shalay, waxa xilkii uu ka hayey Waaxda Xannaanooyinka iyo Daryeelka Hooyada (PHC), laga qaaday C/rashiid Axmed Guuleed, loona magacaabay Siciid Bille Buraale. Xubnaha kale ee Maamulka cusub ee Caafimaadka Gobolka, ayaa marka laga reebo Isuduwaha, waxa loo kala magacaabay Waaxyaha Maamulka Cusbitaalka, Maamulka iyo Xisaabaadka. Waxaan iyagu xafladahan xil-wareejinta ah ka soo daahirin, Maamulka Magaalada Boorama oo dhan.

 

Maraykanka oo Sheegay In aanay Caddayn Sugan U Hayn In Barakaat Ay Xidhiidh La-lahayd Usama binu Laadin

Washington (W. Wararka): Masuuliyiin ka tirsan Maraykanka, ayaa markii ugu horeysay caddaysay in aanay ilaa iyo hadda wax caddayn ah u haynin in ay Shirkadda Al-Barakaat wax xidhiidh ah la-lahayd ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyo Usama binu Laadin, balse wixii lagu xayiray hantideeda uu ahaa tuhun iyo warar Sirdoonka laga helay, tallaabadaana loo qaaday si taxadar ahaan.

 

Sida uu Wargeyska The Times ee ka soo baxa Maraykanku uu ka soo xigtay Masuuliyiin ka tirsan Maraykanka, in xayiraadii lagu soo rogay Maaliyadda ay Shirkadii Al-Barakaat ku lahayd Caalamku uu qayb ka ahaa, qorshayaashii loogu talo-galay in lagu burburiyo ilaha dhaqaalaha ee argagixisada oo uu Maraykanku dagaal uu horkacayo uu ku qaaday tan iyo intii ay dhaceen weeraradii 11-kii September ka dhacay Maraykanka; “Waa laga yaabaa in Al-Barakaat lagu eedeeyo in ay xidhiidh la-lahayd ururo kale oo xag-jira, sida Al-Itixaad Al-Islaami oo lagu tiriyo ururada Argagixisada ah, balse eedaynta ku saabsan in ay Al-Barakaat xidhiidh la-lahayd Al-Qaacida, waa mid aad u fog.” Sidaa waxaa yidhi, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Khasnadda ee Maraykanka.

 

Waa markii ugu horaysay ee ay Masuuliyiin ka tirsan Maraykanku, xaqiijiyaan in aanay wax caddayn ah loo hayn xidhiidhka la-sheegay in ay Al-Barakaat la-lahayd Usaama binu Laadin, taas oo markii eedayntu soo baxday ay aad u beeniyeen Masuuliyiintii Shirkadii Al-Barakaat.

Bishii November ayay ahayd markii ugu horaysay ee uu Maraykanku, ku dhawaaqay inuu Xayiraad ku soo rogay Maaliyadii, Al-Barakaat ay ku lahayd Caalamka.

 

 

Ururka HAVAYOCO Oo Xuskii Aasaaskiisa Ku Soo Bandhigay Wax-qabadkiisii 10-sanno

Hargeysa (Haatuf): Ururka Dhallinyarada HAVAYOCO oo ah, urur Samo-fal Waddaniya oo ka jira magaalada Hargeysa, ayaa shalay u dabaal-degay Xuska Sannad-guuradii 10aad ee aasaaskooda, waxayna dhallinyarada HAVAYOCO munaasibaddaa ku soo bandhigeen waxqabadkoodii 10 sanno, iyadoo ururkaa la-aasaasay sannadkii 1992-kii.

 

Xaflad kulan ah oo loogu tallo-galay Xuskan, ayaa lagu qabtay Xafiiska ururkan ee Hargeysa, waxaana munaasibaddaa lagu marti-qaaday dad badan oo isugu jira Masuuliyiin dawladeed, Duqay, Siyaasiyiin madaxbannaan iyo marti sharaf kale, iyadoo ay dadkii kulankaa ka soo qayb-galay ay ka mid ahaayeen; Wasiirka Cadaaladda Somaliland, Axmed Xasan Caafi, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Axmed Cali Xayd, Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi, Odayga caanka ah Xaaji Cabdi Waraabe iyo dad kale oo magac leh.

Xubno ka tirsan Maamulayaasha ururka HAVAYOCO, ayaa kulankaa ka jeediyay Warbixino ay kaga waramayaan waxqabadka ururkooda, iyaga oo sheegay in ay muddadii ay jireen ku tallaabsadeen Mashaariic iyo hawlo badan oo samo-fal, waxaana xubnihii HAVAYOCO ee halkaa ka hadlay ka mid ahaa, Axmed Maxamed C/raxmaan oo ah Agaasimaha Fullinta ururka, Maxamed Cilmi Aadan oo mar ahaan jiray Agaasimaha Fullinta ururka, Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsan Guddiga Hogaaminta iyo Xasan Jaamac Yaasiin oo isna ka mid Hawl-wadeenada Sar-sare ee ururka.

 

Dadkii Munaasibadda ka soo qayb-galay, waxa kale oo ay halkaa ku daawadeen Cajalado maqal iyo muuqaal ah oo ay ururka HAVAYOCO ku soo bandhigeen muuqaalada waxqabad ee Mashaariicdii iyo hawlihii samo-fal ee ay qabteen muddadii ay jireen.

Kadib markii uu kulankaasi dhammaaday, waxay hawl-wadeenada HAVAYOCO dadkii ay marti-qaadeen soo tuseen, qaar ka mid ah goobaha ay hadda Mashaariicda ka wadaan, waxaana meelahaa ka mid ahaa Xarunta Barashada Farsamada (VTC) oo ay hadda wax ka bartaan in ku dhow ilaa 220-arday, oo halkaa ka barta Xirfado kala du-duwan, sida; Nijaaradda, Dawaarka, Samaynta Birta, Laydhka, iwm.

 

Sidoo kale, waxay dadkii munaasibadda ka soo qayb-galay soo booqdeen Warshad samaysan Saabuun adag ee dharka oo ka mid ah Mashaariicda ay HAVAYOCO wado, waxayna Warshadaasi ku taallaa dhinaca Xaafadaha Waqooyi ee magaalada Hargeysa.

 

Dawladda iyo Ururada Is-diiwaan-geliyay Waxa U Bilowday Khilaaf Cusub

Hargeysa (Haatuf): Salaasadii Toddobaadkan oo ku beegnayd 16-kii April, waxa markii u horeysay soo if-baxday dood cusub oo ka dhallatay Mawduuc ku saabsan arrimaha Doorashada Madaxtinimada Somaliland ee la-naawilayo, taas oo ay Xukuumadda iyo ururada Mucaaridka ah ee is-diiwaan-geliyay ku kala aragti duwanaadeen Mawduuc ku saabsan diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha.

 

Qodobkan oo ka mid ah Xeerka Doorashooyinka, waxa uu dhigayaa in diiwaan-geliyo tirada Cod-bixiyayaasha inta aan la gaadhin aminta doorashada.

Hase yeeshee, waxaa hadda muuqday khilaaf ku saabsan ku dhaqanka qodobkaa ee mustaqbalka dhow, kadib markii ay Wakiilo ka kala socda Lix urur-siyaasadeed oo kala ah; HORMOOD, BIRSOL, SAHAN, ILAYS, UCID, UMAD iyo Guddi ka socda Golaha Xukuumadda oo uu horkacayo Madaxweyne Ku-xigeenka Daahir Riyaale, kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyadda, halkaas oo ay ku gorfeeyeen Ajande ku saabsan diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha.

Hogaamiyayaasha ururada, ayaa kulankaa kadib buuq iyo sawaxan bilaabay, taas oo ay Xukuumadda ku eedeeyeen in ay damacsan tahay in qodobka diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha meesha laga saaro, iyagoo ururaduna dareen diidmo ah taa ka muujiyay.

 

Ururka HORMOOD, ayaa isla galabnimadii Salaasada xafiiskiisa Hargeysa ku qabtay Shir-jaraa’id oo uu jawaab kaga bixinayo kulankii Madaxtooyadda. Afhayeen u hadlay ururka HORMOOD, Axmed Muxumed Madar, ayaa sheegay in kulankii Madaxtooyadda ay Xukuumaddu soo jeedisay Hindise nuxurkiisu yahay in laga maarmo qodobka diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, taas oo uu Afhayeenka HORMOOD si kulul u cambaareeyay, isla markaana sheegay in aanay ururada Siyaasaddu taa ismacayn, isaga oo tilmaamay in aanay diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha la’aanteed wax doorasho ahi qabsoomi karin.

 

Ururka UCID, ayaa isna qoraal dhowr bog ah oo uu tilmaamo kaga bixinayo Mowqifkiisa ku waajahan hannaanka doorashada soo saaray 17-kii bishan oo ahayd Arbacadii dorraad, wuxuuna ururka UCID hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la-diiwaan-geliyo Cod-bixiyayaasha doonaya in ay footeeyaan Asxaabta tartamaysa, isla markaana wuxuu ururka UCID qoraalkiisaa ku calaamadiyay tallooyin badan oo la-xidhiidha qadiyadda doorashada.

Inkastoo ururada qaarkood Xukuumadda ku eedeeyeen in ay doonayso in meesha laga saaro, Mowduuca diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, haddana Xukuumaddu dhinaceeda taa ma qiran ee way beenisay, laakiin waxay qiratay in ay meesha timid dood ku saabsan Mowduucan, taas oo u dha-dhamaysa in mowduucan miiska la soo dhigay sababtu waxa ay doonto ha ahaatee.

“Ma jirto cid diiday Diiwaan-gelinta, waxaase fikrado la iska weydiiyay qaabka loo dhigayo hawshaa.” Sidaa waxa yidhi, Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka jawaabaya eedaynta mowduucaa la xidhiidha ee ka soo yeedhay ururada Mucaaridka qaarkood, laakiin Inkasta oo uu C/laahi Darawal, Xukuumadda uu ka tirsan yahay ka duway eedda looga soo jeediyay Mowduuca diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, haddana waxa jira warar madaxbannaan oo tibaaxaya in aragtida dawladdu tahay in laga kaaftoomo Mowduucan, sabab dhaqaale iyo arrin kale midka ay doonto ha uga wahsatee.

 

Guddiga doorashooyinka oo iyagu ah kuwa loo igmaday in ay Maamulaan hawlaha doorashooyinka, ayaanu la kulanay kadib markii ay soo if-baxday doodda khilaafka ka dha-dhamayo ee ku saabsan diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, taas oo aanu guddiga weydiinay sida ay arrintaasi ula muuqato iyo waxa uu mowqifkooda Mowduucaa ku waajahani yahay, laakiin Gudoomiyaha Guddiga Doorashada, Mudane C/laahi Cabdi X. Cumar (C/laahi-jawaan) oo su’aashaa aanu weydiinay wuu ka joogsaday inuu soo qadimo Mowqifka guddigiisa ee mowduuca dooddu ka taagan tahay, wuxuuse ku tiraabay; “Hadda waxaanu ku dhex-jirnaa tallo urursi ku saabsan hawlaha doorashada, markaa ilaa inta aanu dhammaysanayno tallo-urursigayaga arrintaa (Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha), wax jawaab ah ka bixin mayno.”

C/laahi, waxa kale oo uu intaa ku daray, “Qodobka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha wax ka beddelkiisa, waxa sharciyan iska leh Hay’adda Sharci Dejinta (Baarlamaanka), anaguna waxaanu leenahay fullintiisa.”

 

Wakiilo ka socda ururka Haweenka NEGAAD oo ah, Dallaayad ay ku bahoobeen dhawr iyo soddon urur-haween, ayaa iyaguna Arbacadii dorraad la-kulmay guddiga doorashooyinka, waxayna halkaa isku dhaafsadeen doodo iyo tallooyin la-xidhiidha hawlaha doorashooyinka. Wakiiladda ururka NEGAAD oo kulankaa kadib, u waramay Wargeyska Codka Haweenka, ayaa sheegay in ay guddiga doorashooyinka u gudbiyeen tallooyin door ah oo ku saabsan arrimaha doorashada, isla markaana waxay Wakiiladda ururka NEGAAD farta ku fiiqeen in Mowqifkoodu yahay in la sameeyo diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, haddii kale aanay meesha iman karin doorasho xalaal ahi.

 

Inkasta oo doodda Mowduucani miiska timi, isla markaana uu muuqdo dareen khilaaf ka dha-dhamayaa, haddana weli arrintu maaha kama-dambays, isla markaana weli ma cadda in aragtida dawladdu tahay in laga maarmo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, laakiin haddiiba ay dhacdo in ay Dawladda iyo Xisbigeeda UDUB, tab iyo badheedh waxay doonaanba ha isticmaaleene meesha ka saaraan qodobka hawsha badan, isla markaana muhimka ah ee Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, waxa muuqata in ay taasi keeni karto khilaaf cusub oo ka dhex oogma dhinacyadii aaminsanaa in doorashooyin la-qabto, iyadoo awalba hore u jiray khilaaf dhumuc weyn oo u dhexeeya laba xulfi oo kala ah; ururo Siyaasadeed oo mucaarid ah iyo dad badan oo aaminsan in aanay wax doorasho ahi soo naasa-caddayn mustaqbalka dhow, halka ay dhinaca kalena xulfiga dawladda iyo xisbigeeda UDUB leeyihiin, doorashadu mar walba way dhacaysaa, balse waxa aynu ka war sugaynaa waxa ay ku dambayso dooddan cusub ee ka dhallatay Mowduuca Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha.

 

 

 

Cigaal oo Hambalyo U Diray Madaxweyne Laga Doortay Ee East

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka East Timor.

Siduu sheegay war ay baahisay Idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa shalay, Madaxweyne Cigaal wuxuu ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee East Timor xilkaa loo doortay, iyadoo Madaxweynaha la doortay yahay kii koowaad ee laga doorto dalkaas oo si toos ah uga bixi doona gacanta dalka Indonesia bisha May ee sannadka, wakhtigaas oo uu talada dalka la wareegi doono Madaxweynahan cusub ee hadda la doortay.

 

East Timor oo hore uga mid ahayd dalka Indonesia, waxa sannadkii hore dadweynaha dalka laga qaadayay Afti ay ku kala dooranayeen, Madaxbannaani gaar ah iyo in ay ka sii mid ahaadaan dalka Indonesia. Natiijadii aftidaas oo ay Qaramada Midoobay maamulayeenna, waxay noqotay in dadka reer East Timor ay doorteen madaxbannaani iyo qaran gaar ah oo ay yeeshaan.

…………………………………………………………………………

 

Mas’uul Cusub Oo Loo Magacaabay Maamulka G. Awdal iyo Deg. Boorama

 

 

 

 

Harg (Haatuf) :- Madaxweynaha Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa shalay xilkii ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Awdal Axmed Maxamed Maxamuud (Af-weyne), iyo Maayorkii magaalada Boorama Maxameed Daheeye Ismaaciil, isla markaana u magacaabay mas’uul cusub oo wada qabanaya xilka maayornimo iyo ka Guddoomiyenimo ee gobolka Awdal. Sidaana waxa caddeeyay af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale oo war-saxaafadeed arrintaa ku saabsan soo saaray.

 

Af-hayeenka madaxtooyadu wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in madaxweyne Cigaal uu u magacaabay Maxamed Muuse Bahdoon inuu noqdo Maayorka magaalada Boorama iyo Badhasaabka gobolka Awdal-ba. War-saxaafadeedkaasi wuxuu intaa ku daray in xilkii laga qaaday Maayorkii hore ee Boorama Maxamed Daheeye Ismaaciil iyo Badhasaabkii hore Axmed Maxamed Maxamuud. Hase yeeshee lama sheegin sababta mas’uuliyiinta xilka looga qaaday.

 

………………………………………….

 

Diyaarad Jiidhay Dhisme Fooq Ah Oo Ku Yaalla Millan, Italy

 

 

 

 

Milan – (W.Wararka) – Booliska Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay inay diyaarad yar oo dalxiis ahi ay jiidhay fooqa ugu dheer magaalada Milan dabaqiisa 25aad, halkaas oo ay 2 qof ku dhinteen ugu yaraan ilaa 20 qofna ay ku dhaawacmeen inta ilaa hadda la ogyahay.

Warku wuxuu intaa ku daray in duuliyaha diyaaraddu uu ku wargeliyay intaan shilku dhicin shaqaalaha diyaaradaha haga ee Talyaaniga in diyaaraddaas ay gashay cillad farsamo oo ay hoggaamintu ka luntay.

Diyaaradda oo ka soo kicintintay waddanka Switzerland, waxaana la socday ninkii duuliyaha ahaa oo qudha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa beeniyay in shilkaas uu wax shirqool ahi ku jiray.

…………………………………………………………….

 

Boqorkii Hore Ee Afgaanistaan Oo 29 Sanno Kadib Ku Laabtay Dalkiisa

 

 

 

 

Kabul (W.wararka) – Boqorkii hore ee Afqanistaan Dahir Shah, ayaa maalintii shalay markii ugu horraysay muddo 29 sannadood ah cagaha saaray ciidda dhulkiisa, isaga oo ka soo laabtay mustaafuris uu muddadaa ku joogay caasimadda Talyaaniga ee Roma.

Boqorka oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalkiisa, waxaa soo noqoshadiisa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, waxaana la sheegay inuu ahaan doono shaqsi caadi ah, balse waxaa la tuhunsan yahay inu door siyaasiya yeelan doono. Waxaana lagu wadaa inuu guddoomin doono shirweynaha qaran ee dhawaan ka dhici doona Afqaanistaan.

Boqor Shah oo muddadii uu dalkiisa ka maqnaa ay ku dhaceen dagaalo faro badani oo burbur ku keenay, waxa ay dadweynaha reer Afqaanistaan rajaynayeen inuu u horseedi doono nabad iyo barwaaqo.

……………………………………………….

 

“Askarta Maraykanka Waxaanu Ku Dilay Dibadda,

Maantana Waxaanu Tusaynaa In aanu Ku Dili Karno Dalkooda”

Dar-daarankii mid ka mid ah dadka loo haysto Qaraxyadii 11 September 

 

 

 

 

Doha (Al-Jazeera) – TV-ga Al-Jazeera ayaa xalay baahiyay cajalad video ah oo uu ku duuban yahay hadal dardaaran ah oo uu iska duubay mid ka mid ah 19kii nin ee uu Maraykanku ku eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay 11 September 2001 magaalooyiinka New York iyo Washington, ninkaas oo lagu magacaabo Axmed Al-Xinzaawi Al-Qaamidi.

 

Cajaladaa maqalka iyo muuqaalka ah ee uu sii daayay TV-ga Jazeera xalay waxa la duubay saddex bilood ka hor intii aanay dhicin qaraxyadii 11 September.

Mr. Axmed Al-qaamidi dar-daaranka uu iska duubay waxa uu kaga hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha mustlimiinta caalamka iyo duruufaha haysta. Wuxuu ku sheegay hadalkiisaa dar-daaranka ahaa inay ku hawlan yihiin, sidii ay u soo celin lahaayeen sharaftii iyo maamuuskii ay lahaan jireen jireen ayuu yidhi muslimiintu.

Waxa kale oo uu sheegay in falalka is-biimaynta ahi ay yihiin qaar loo baahayn yahay waqtigan, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin qaar argagixiso ahayn. “ Askarta Maraykanka, waxaanu ku dilnay oo ku laynay Maraykanka dibeddiisa, maantana waxaanu tusaynaa inaanu ku dilo karno dalkooda gudihiisa,” sidaa waxa hadalkiisaa dardaaranka ahaa ku yidhi Axmed Al-qaamidi, waqtigaas oo ahaa laba bilood kahor intii aanay dhicin qaraxyadu. Al-qamidi waxa uu hadalkiisa u cuskanayay aayado qur’aan ah iyo gabayo Af-carbeed lagu tiriyay, iyo weliba khudbado ka mid ah kuwa culimada ugu waaweyn dunida Islaamka.

 

Cajaladaa waxa kale oo ku jiray khudbado ay leeyihiin Usama bin Laden iyo Dr. Ayman Al-dawaahiri.

Cajaladu markay dhammaatay waxa shaashada janalka Jazeera faalooyin arrintaa la xidhiidha kaga dhiibtay afar nin oo kala ah; ku xigeenka tifaftiraha wargeyska Arab-Times, Nin cilmi-baadhe ah, Garyaqaan Masri ah iyo Garyaqaan Maraykan ah, isla markaana ah cilmi-baadhe arrimaha nabadda ah iyo weliba af-hayeenka Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

Mar la weydiiyay af-hayeenka in cajaladani ku habboonayd in la sii daayo waqtigan iyo inkale wuxuu ku jawaabay inaanay habboonayn waqtigan lagu jiro in la sii daayo, haddii la sii daynayona waxay ahayd ayuu yidhi in laga jaro ereyada dhiirigelinaya ladagaalanka Maraykanka.

 

Dr. Maxamed Al-Cawedi, ayaa isna ka bixiyay jawaabtan isaga oo soo qaadanaya hadalo ay hore u yidhaahdeen aqoonyahano Maraykan ahi waxaanu yidhi; “Danta Maraykanku kuma jirto inuu soo qab-qabto dadkii ka dambeeyay qaraxyadii 11 Sptember, laakiinse waxay dani ugu jirtaa isaga oo baadha inuu helo dadka neceb Maraykanka iyo sababaha ku kellifay inay naftooda biimeeyaan.”

 

Odhaahda Akhristaha

 

Madaxweyne Mustaqbalkayaga Ka Tali Oo Iska Naso

 

 

 

 

Annagoo ah dhallinyarada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, una dhashay gobolka Togdheer, waxaanu nahay da’dii ku dhalatay colaadii SNM, isla markaana ku garaadsatay xilligii colaadihii sokeeye ee kala dambeeyay, 1992, 93, 94. markaas waxaanu filaynay wixii xilliyadaa ka dambeeyay inaanu noqonayno dad ay xukuumaddooda iyo golayaashooda qaranku ugu hawlan yihiin sidii ay tacliin iyo shaqo uga haqab tiri lahaayeen. Hase yeeshee, waxa muuqata halkaanu taa ka filaynay in naloo qorsheeyay inaanu ka daba tagno kuwii xabaalaha galay.

 

Waxaanu u aragnaa kordhintii Guurtidu inaanay ahayn dan ummadeed ee ay tahay colaad hurin, waxaana noo caddaatay inay guurtida Somaliland u badan tahay raggii oogay colaadahaa hore. Markaa annaga oo ka xun inaanu madaxweyne Maxamed I. Cigaal ugu dedaalin waxbarashadayada sidii isaga gumaystihii ugu dedaalay oo kale, Guurtiduna aanay u muuqan sidii gumaystuhu dagaalka ugu ilaalin jiray oo kale, sidaa daraadeed waxaaanu si buuxda u taageersnahay shirkii qaran ee ay salaadiintu ku baaqeen.

 

Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay maanta adoon cidna la ficiltamayn mustaqbalkayaga ka tali oo iska naso. Dhallinyarada reer Somaliland-na waxaanu ugu baaqaynaa inay u tafo-xaytaan sidii ay u sugi lahaayeen aayahooda una gaadhi lahaayeen.

Saleebaan Cabdi Xasan,

C/salaan Sh. Cali Warsame,

Siciid Dubad Aadan,

Cali Xaamud Ducaale,

Iyo Cabdi-khadar Maxamuud Yuusuf.

……………………………………………………………………………………………

 

Doorasho iyo Shirweyne-Qaran Iyamay Noqon?

 

Tan iyo markay burburtay dawladdii keligii taliyihii Siyaad Barre, waxa mesha ka baxday magacii iyo karaamadii Soomaalidu ku lahayd beesha caalamka. Sidoo kale, waxa hoos-u-dhac ku yimi dhammaan qoomiyadaha ku abtirsan jiray Soomaalida ee ku kala nool meel kasta oo adduunka ah iyo dalalka aynu jaarka nahay sida Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, kadib burburkii dawladdii hore ee Soomaaliya waxay mar labaad fursad u noqotay dadkii ku dhaqnaa gobollada waqooyi ee xasuuqa loo geysan jiray inay mar labaad la soo noqdaan xornimadii ka luntay lixdankii ee madaxdoodu jarka ka tureen, sidoo kale waxay qabsadeen shirkii ugu horreeyay ee ka dhacay 1991 gobolka Togdheer caasimaddiisa Burco, shirkaas Burco waxa isugu yimi dhammaan beelaha ku abtirsada Somaliland oo uu hoggaaminayay ururkii dalka xoreeyay ee SNM. Madashaasi waxay kulmisay dhammaan noocyada kala duwan ee bulshada Somaliland sida culimaa’udiinka, wax-garadka, aqoonyahanka, haweenka iyo salaadiinta beelaha.

 

Ugu horrayn waxa madashaa lagu guddoonsaday in gooni-isu-taaga Somaliland uu muqaddas yahay, marka labaadna in la turxaan bixiyo beelihii khilaafka sokeeye ka dhexeeyay. In la isu celiyo hantida ma guurtada ah ee la kala haysto iyo in muddo laba sanno ah xukunka waddanka ay sii hayaan ururka SNM. Isla markana la qaban-qaabiyo doorashooyin xor ah iyo dawlad rayid ah, balse may suurtoobin.

Waxa jaah-wareeriyay khiyaamadii C/raxmaan-tuur iyo khilafkii SNM u dhaxeeyay, waxaanu sababay in shirweyne labaad la isugu yimaado madashii Boorama 1993, muddadii labada sano ahaydna halka ku dhammaatay. Waxa kale oo iyana xusid mudan in qayb ka tirsan ururkii SNM ay gacan-saar la yeesheen madaxweyne Cigaal, sababna u ahaayeen madaxtinimadiisa, odayaashii madasha Boorama fadhiyay oo dhammaa 150 xubnood ay ugu hiiliyeen madaxweyne C  igaal xataa u garba duubeen musharixiintii si aanay cid kale ugu soo bixin tartanka doorashada.

 

Kadib doorashadiisii wuxuu madaxweyne Cigaal ballan qaaday dhawr arrimood, midna lagama hayo, isla shan sano dabadeed waxa haddana la isugu yimi madashii Hargeysa 1997, iyana may dhicimn inuu ku guulaysto madaxweyne Cigaal inuu maamulkiisa dalka ku baahiyo. Sidoo kale 31 May 2001, waxa la qabtay aftidii dadweynaha ee dastuurka loo qaaday oo ku habboonayd saddex sano kahor in la qabto sida dastuurku dhigayo, waxa dhawr jeer wax laga beddelay dastuurka oo markii hore ahaa 156 qodob. Kadib markii isku shaandhayn lagu sameeyay waxa laga dhigay 99 qodob. Sidoo kale mar golayaashu kaabid iyo wax ka beddel ku sameeyeen waxa la isugu min guuriyay 130 qodob.

 

Isku soo duub oo waxa dhawaan is diiwaangeliyay toddoba urur oo ku tartamaya doorashada dalka, sidoo kalena waxay xukuumaddu u astaysay inay doorashooyinku bilaabmaan 20 December 2001, waxayna guurtidu muddo-kordhin hal sano ah u samaysay xukuumadda, kadib markii shantii sano dhammaadeen, sababaha ugu muhiimsan ee ay u adeegsadeena tahay nabadgelyo darro dalka ka jirta oo ay u isticmaaleen qodobka 83aad ee dastuurka qaranka. Haddaba waxaan ku talin lahaa in Guurtida maxkamad lala beegsado, maadaama ay sameeyeen ku xad-gudub distoor qaran iyo khiyaamo dadweyne.

 

Waxa iyana xusid mudan 17 suldaan oo ka tirsan salaadiinta beelaha oo iyana ku baaqay shirweyne qaran iyo qayb ka tirsan siyaasiyiinta mayalka adag oo uu hoggaaminayo siyaasiga weyn ee Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal). Kadib markay xukuumaddu ku guul-daraysatay in ay qabato doorashooyin xor ah iyo nidaam ku salaysan caddaalad ayay ku baaqeen fikraddaa shir-qarameed, oo aad moodaa maalmahan dambe inay sii xoogaysanayso taageerada shirkaasi oo laga maamulo Burco. Haddaba waxaynu eegi halkay ku dambayso iyo maalmaha fooda innagu soo haya.

Mawliid Saleebaan

(Mawliid Ilko-case).

 

……………………………………………………………………………………………………………..

Ma Miskiinbaa Misko La Fuulo leh?

Anigoo ku dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, ahna muwaadin, waxaan ka tirsanaa ciidanka Booliska Somaliland, maalin qudha kamaan habsaamin shaqadii aan u hayay ciidanka Booliska, waxaa dhacday in uu shaqadii uu iga eryay taliyaha ciidanka Booliska ee Somaliland oo uu weliba I af-lagaadeeyay oo igu yidhi halkani (Boorama) ma aha ee orodoo Boorama tag.

 

Waxaan cabasho u gudbiyay wasiirka Arrimaha Gudah oo ii qoray warqadda sumaddeedu ahayd WAG/XW/1174/32/2001, laakiin taliyuhu wuu diiday, markaa waxaan leeyahay taliyuhu wuxuu leeyahay “Miskiinbaa miska la fuulo leh.” Waxaan ahay agoon haysata carruur, cabashadaydan waxaan u soo bandhigay shacbiga reer Somaliland, xukuumadda iyo inta jecel ilaalinta xuquuqda aadamaha.

 

Xuquuqdayduu duudsiyay waxaa ii dheer isaga oo hatigaad iyo hadal xun iigu jawaabayay intii aan u soc-socday sidii aan shaqadayda iyo xuquuqdayda u heli lahaa.

Xaawa Miyir Bulaale.

 

…………………………………………………………………………………………..

 

WAADIGA CIYAARAHA

koobka Adduunka Iyo Kulamadii Dhexmaray Kooxaha Waaweyn

 

 

 

 

In ka badan 32ka waddan ee ka qaybgalaya koobka adduunka 2002 oo ka dhacaya Kuuriya iyo Japan, ayaa yeeshay ciyaaro saaxiibtinimo oo ay mid waliba awoodeeda ku tijaabinayso. Kooxaha ciyaarahii ay yeesheen badiyayna waxaa ka mid ah Argentine oo 1-0 kaga adkaatay Germany oo marti u ahayd, sidoo kale dalka Isbaanishka ayaa 5-0 ku jiidhay waddanka Nothern Ireland oo ay ku kulmeen ciyaar ka dhacday magaalada Belfast ee waddanka N. Ireland.

 

Weeraryahanka Raul Gonzales ayaa dhaliyay laba ka mid ah goolashaa, goolasha kalena waxaa u kala dhaliyay Ruban Baraja, Carles Puyol iyo Fernando Morientes.

Sidoo kale xulka Nayjeeriya aya 2-1 kaga adkaaday Scotland oo ay ku wada ciyaareen Aberdeen. Weeraryahanka Julius Aghahowa ayaa u dhaliyay labada gool ee Nayjeeriya , goolka Scotland waxaa u saxeexay Christian Dailly.

Xulka Ingiriiska oo uu ka maqnaa kabtan David Beckham oo ah ciyaartoy aad uga dambeeyaan xulka Ingiriisku.

 

Ciyaartii habeen hore dhexmartay England iyo Paraguay waxa aad u cad-caddaa ciyaartoyga Liverpool oo gurigooda lagu ciyaarayay. Ugu horraynba Michael Owen ayaa waddankiisa u bilaabay gooldhalinta, kadib markii uu daqiiqaddii afraad ee ciyaarta ku salaamay gool deg-deg ah.

Ciyaartoyga Danny Murphy iyo Darius Vassel ayaa kala dhaliyay laba gool oo xidhiidh ah, halka goolka afraadna uu ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyay Celso Ayala.

Dhinaca kalena, xulka Arjantina ayaa 1-0 ku samirsiiyay kooxda Jarmalka oo ay wada yeesheen ciyaar aad u adag ciyaaryahanka Juan Pablo Sorin.

Ciyaarihii kalena waxay u dhaceen sidan;

 

Italy 1, Uruguay 1

Difaaca Talyaaniga ee Christian Panucci ayaa dhaliyay goolka, halka goolka Uruguay uu dhaliyay Sebastian Abreu.

 

France 0, Russia 0

Ciyaaryahanka Zinedine Zidane, ayaa horumar ciyaareed oo uu soo bandhigay waxba ka beddeli waayeen ragga weerarka hore uga ciyaara, kadib markii ay u jilib dhigeen difaaca Russia.

 

Portugal 1, Brazil 1

Xulka Brazil oo badiyay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ayaa kulankii habeen hore barbaro lagalay xulka Portoqiiska oo gurigeeda ku ciyaaraysay, ciyaartoyga Inter Milan Sergio Conseicao, ayaa dhaliyay goolka Portiqiiska, halka goolka Brazil uu dhaliyay Ronaldinho.

Belgjium 1, Slovakia 1, labada dal waxay ku kala baxen barbaro.

Japan 1, Costa Rica 1, Poland 1, Romania 2, Croatia 2, Bosnia 0, Denmark 3, Israel 1.

Norway 0, Sweden0

Slovania 1, Tunisia 0

Austria 0, Cameroon 0

Turkey 2, Chile 0

South Africa 0, Ecuador 0

Mexico 1, Bulgaria 0

Ireland 2, United States 1.

 

 

Tartanka Taariikhda Koobka Adduunka

Q:3aad

 

 

 

Intii hore ula socotay waxaanu wax ka taataabanay taariikhda koobka adduunka iyo labadii tartan ee ugu horreeyay.

Qormadan maanta oo ah tii saddexaad ee ku soo baxda bogga ciyaaraha ee wargeyska Haatuf, waxaanu qaddar kaga tilmaami doonaa laba tartan oo kala ah kii saddexaad iyo kii afraad ee dunidu ku beretanto.

 

Tartankii saddexaad oo la qabtay sannadkii 1938, waxaa martigeliyay dalka Faransiiska, wuxuu ahaa koobkii dunida ugu halista badnaa waayo waxaa dunida ka dhex fooryaysay dabayshii dagaalkii labaad ee dunida. Dalka Austeria ayaa dib ula noqday kooxdiisii kadib markii ciidamadii Jarmalka ee Nasiga ahaa dagaal ku hanjabeen, halka ay waddamada Argentina iyo Uruguay ayaa xataa diiday inay ka soo qaybgalaan.

 

Sannadkasi wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee wax lagaga beddelay qaabka ay kooxuhu ugu soo gudbaan ciyaaraha adduunka, taas oo keentay in ay si toos ah ciyaaraha ugu soo gudbaan iyaga oo aan is-reebreeb soo gelin, sidaa darteed Talyaaniga oo koobkii hore haystay iyo Faransiiska oo martigeliyay ayaa noqday kuwii ugu horreeyay ee fuliya dhaqangelinta sharcigaa cusub.

Waddamadii kale ee tartanka ka qaybqaatay waxaa ka mid ahaa Beljium, Czechoslavakia, Germany, Hungary, Holland, Norway, Poland, Romania iyo Swizerland, waxaa ku weheliyay Brazil, Cuba iyo koox ka socotay Jasiirada ku taal Bariga Hindiya ee (Dutch East India), saddexdaa waddan oo keliya ayaan ahayn Yurub.

Kulankii kama dambaysta ahaa waxa ku loolamaya Talyaaniga oo  horyaalka difaacanaya iyo Hungury .

Qaybtii hore ee ciyaartuna waxay ku dhamaatay 3-1 ay Talyaanigu dhaliyeen ,taas oo keentay inay si hawlyaraan ah u qaadaan koobkii oo ay haysteen muddo 12 sannadood ah , sababta uu Talyaanigu mudada intaa le’eg u haystay horyaalka  waxay ahayd qaraxii dagaalweynihii labaad ee dunida oo muddo ka dib bilaabmay , taas oo keentay in aan cidiba xusuusan ciyaaraha .

Tartankaa waxa gool-dhalinta qaatay weeraryahan reer Brazil ah oo la odhanjiray Leonidas oo keenay 8 gool .

Talyaanigu waxay la kulmeen farxad aad u weyn , maxaa yeelay waxay markii labaad qaadeen koobkii dunida.

Si kastaba ha ahaatee kulankii ugu dambeeyay wuxuu ku dhammaaday 4-2 ay ku adkaatay kooxdii Talyaanigu.

Ciyaartoygii Talyaaniga u saftay waxa kala ahaayeen Oliveiri, Foni, Rava, Serantoni, Andreola, Lo Caltelli, Biavati, Meazza (Captain-ka), Piola 2, Ferrari, Colaussi 2.

Kooxda Hungary, waxaa u safnaa Szabo, Polgar, Biro, Szalay, Szucs, Lazar, Sas, Vincze, Sarosi (kabtanka), 1, Szengeller, Titkos1.

 

Brazil 1950

Tartankii afraad oo ay Brazil martigelisay sannadkii 1950, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay kii ugu adkaa ee dunidas soo maray waayo waa koobka keliya ee ku dhammaaday ciyaaro aan kama dambays (final) lahayn! Halka ay kuwa kale kulanka ugu dambeeya ay ku kala bixi jireen laba naadi ee isugu soo hadha ciyaarta kala reebta ah.

Iyada oo saamayn yar ku lahayd dagaalkii dunida darteed ayaa Brazil, loogu doortay martigelinta koobaa. Xilligaa waxay dhistay garoonka caanka ah ee Maracana oo ay munaasibadda ugu talogashay.

Kooxaha Yurub qaarkood waxay qabeen dhibaatooyin kala duwan, Talyaanigu waxay ku hallaagmeen markii dayuuradda kula burburtay magaalada Torino sannadkii 1949, taas oo ay ku dhinteen siddeed ka mid ah kooxda. Sidoo kale tartanka Ingiriiska (Biritish Championship), ayaa loo cayimay inay tartamada dunida ay soo gudbi karaan keliya England iyo Scotland. Laakiin Scotland, ayaa la go’aamiyay inaanay ka qaybgelin, maadaama aanay ku guulaysan kulankii caalamiga ahaa ee gurigeeda ka dhacay.

Portugal ayaa iyana diiday inay kaalinteedii buuxiso, halka ay Turkiga iyo Hindiyana dib ula noqdeen kooxahoodii. Faransiiska ayaa ku dedaalay inuu isu taago kaalintaa, laakiin isagana labadii goorba dibedda ayaa la dhigay. Waxaana halkaa u hayaamay 13 kooxood oo ah dalka koobka haysta iyo martigeliyaha, iyo 11 dal oo kale, kuwaas oo kala ah; Bolivia, Chile, England, Mexico, Paraguay, Spain, Sweden, Switzerland, USA, Uruguay iyo Yogoslavia. Waddamadani wxay dhammaan ku wareegayeen la ciyaaridda Brazil, halka ay Brazil oo martigelinaysa tartanka ay shan ka mid ah ciyaaraheedii ku yeelatay Rio De Janeiro.

Tiro gaadhaysa 1991854 taageere ayaa ka qaybgalay kulankii ay ku silcisay Uruguay oo ka dhacay garoonka Maracana Stadium.

Guushaas waxba umay dhimin heesaha martigeliyeyaasha oo kooxdooda looga guulaystay si aan weligeed hore loo maqlin.

Halyayga ciyaaraha waxaa sannadkaa noqday Larry Gaetjens, oo Maraykanka u ciyaarayay una dhashay dalka Haite, wuxuu dhaliyay goolkii ay kaga badiyeen England.

Sidoo kale sannadkii 1950, waxaa ciyaar-wanaaga qaatay Rajko Mitic oo u dhashay Yugoslavia, Rajka ayaa dhaawac ka gaadhay madaxa dartii uga maqnaaday kulankii Brazi iyo Yugoslavia.

Isla sannadkaa waxaa tirada gooldhalinta qaatay weeraryahanka reer Brazil ee Ademir oo sagaal gool dhaliyay. Kulankii ugu dambeeyay koobkaa waxaa ku guulaysatay kooxdii xulka Uruguay oo isna noqday waddankii labaad ee laba goor ku guulaystay afartii tartan ee ugu horreeyay.

La socod: cadadyada dambe taariikhda koobkii 5aad oo sanadkii 1954 lagu qabtay dalka Switzerland.