SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 68-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


 

Haatuf, Cadadki 68, April 23, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

Dawladda Itoobiya Oo Marti-qaad U Fidisay Sul. Maxamed Xirsi Qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab

Safarkooda ay shalay ugu ambabaxeen Herer wuxuu noqday lama filaan

Burco (Haatuf): Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab, ayaa shalay gelinkii dambe ka baqoolay magaalada Burco, una kicitimay dhinaca magaalada Herer ee dalka Itoobiya, kadib markii ay martiqaad ka heleen dawladda Federaalka Itoobiya.

 

Siday sheegeen warar aanu ka helnay illo lagu kalsoon yahay oo ku dhow-dhow Salaadiinta magaalada Burco, Suldaanka Maxamed Sul. Xirsi Qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab, socdaalkoodu wuxuu ka dhashay martiqaad rasmi ah oo la sheegay in maamulka Itooiya u soo diray. Warku wuxuu intaa ku daray in Suldaanka iyo Boqorka, ay socdaalkooda ku weheliyaan laba oday oo ka soo kala jeedda Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco. Waxa la sheegay in waftigaasi uu ka baxay magaalada Burco abaaro labadii duhurnimo ee shalay, xalayna ay ku hoyanayeen magaalada Daroor ee Kililka 5aad ee Itoobiya, halkaas oo la filayo in ay saaka uga sii ambabaxaan dhinaca magaalada Herer, laguna in ay iska sii raacaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay halkaa ku sugayaan, geynayaana ilaa magaalada Herer.

 

Siday wararkaasi tibaaxeen, waxa la sheegay in Toddobaadkii hore uu magaalada Burco tegay, ergay Itoobiyaan ah oo u gudbiyay Suldaanka iyo Boqorka martiqaadkaa oo la sheegay inuu u soo diray Jeneraal fadhigiisu yahay magaalada Herer.

Wararku waxay intaa ku dareen in Suldaanka iyo Boqorku ay markaa ku wargeliyeen Ergegaygaa in ay la tashanayaan dadkooda, ka hor inta aanay ambabixin, sidaa daraadeedna waxay wararku sheegeen in markaa kadib uu magaalada Burco ku qabsoomay, Kulan kooban oo ay ka qayb-galeen xubno Salaadiin iyo Siyaasiyiin reer Burco ah. Kulankaas, waxa la sheegay in la iskula qaatay in Suldaanka iyo Boqorku ay tagaan Itoobiya, maadaama martiqaad loo fidiyay.

 

Lama oga sababta rasmiga ah ee martiqaadkaas, hase yeeshee siday wararku sheegeen waxaa la filayaa in ay dawladda Itoobiya doonayso in ay ogaato, waaqaca dhabta ah ee ka jira Gobolka Togdheer, isla markaana waxa la sheegay in xubnaha Madax-dhaqameedka ahina in ay dhinacooda u gudbin doonaan Itoobiya in aanay Gobolka Togdheer joogin, cid Itoobiya cadow u ihi.

Dadka reer Burco, ayaa iyaguna maalintii shalay isla dhexmarayay warar sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Cigaal ay ku tilmaanto Gobolka Togdheer, goob ururka Al-Itixaadku ku badan yahay, isla markaana ay Madaxweyne Cigaal iyo Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi, isla soo qaadeen dhawaan markii uu Madaxweynuhu safarka ku tegay Itoobiya qodobo amuurtaas la xidhiidha, lana filayo in ay taasi dhalisay Martiqaadka.

Ma cadda muddada ay xubnahani ku maqnaanayaan Itoobiya, balse sida ay tibaaxeen warar naga soo gaadhay magaalada Burco, waxa la filayaa in ay maqnaadaan ilaa tobaneeyo maalmood, waxaana lagu wadaa in ay magaalada Herer kula kulmaan Wefti dawladda dhexe ee Itoobiya ka tirsan. Inkastoo wararkaasi soo baxeen, haddana weli ma jiraan warar Madaxbannaan oo diirka ka qaaday xaqiiqada arrintani.

 

Dhinaca kale, labada xubnood ee la sheegay in martiqaadka loo fidiyay, waxay ka mid yihiin Golihii Salaadiinta ee lagu aasaasay magaalada Burco kal hore, kuna dhawaaqay in la qabto Shirweyne Qaran, kuwaas oo si weyn uga soo horjeedda Xukuumadda Madaxweyne Cigaal.

 

Madaxweyne Cigaal oo Isku-bedel ku Sameeyay Qaar Ka Tirsan Masuuliyiinta Dawladda

 

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa shalay isku-shaandhayn ku sameeyay, qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda.

Siduu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris, Madaxweyne Cigaal wuxuu u bedelay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xasan Xuseen Maxamed inuu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta; Hanti-dhawrihii guud ee Qaranka Axmed Daa’uud Geedi, ayaa isna loo magacaabay inuu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

 

Qoraalka Afhayeenku, wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay in Mr. Aadan Cali Yoonis, loo magacaabay Jagada Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.

 

Booliska Berbera Oo u Maaro La’ Tuugo Faro-baas Ku Haysa Magaalada

Berbera (Haatuf): Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil, Berbera, Mr. Yuusuf Kaahin Caateeye, ayaa ku tilmaamay dhibaatada ugu badan ee nabadgelyo ee gobolka ka jirta, tuugta oo beryahan dambe ku soo badatay magaalada Berbera.

“Xaaladda Guud ee nabadgelyada Gobolka Saaxil aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, mana jiraan wax dhibaato ah oo sidaa u buuran, marka laga reebo waxyaalo yaryar oo ay ka mid tahay Tuugadu.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha Booliska Berbera, Yuusuf Kaahin oo shalay weriyayaasha uga xog-waramayay, xaaladda nabadgelyada ee Gobolkaas.

 

Taliyuhu, waxa uu qiray in tuugtu ay khatar weyn ku hayaan magaalada, kuwaas oo habeenkii u dhaca guryaha, iyaga oo xoog adeegsanaya. Mar la weydiiyey, sida ay arrintaa wax uga qabanayaanna, waxa uu yidhi; “Way jirtaa in ay magaalada ku soo badatay tuugadu, waxaana jiray beryihii hore tuugo caanna oo la yaqaan oo aan tiradoodu badnayn, laakiin iminka waxa jira tuug yaryar oo badan oo tuug saqajaan ah oo laga yaabo in ay dumarka suuqa ka soo adeegaya ay ka dhufsadaan lacagta biilka ah.”

 

Yuusuf Kaahin, waxa uu intaas ku daray in arrintaa uu Boolisku ka sameeyay hawl-gal ballaadhan oo magaalada lagaga sifeeyay tuugta, laakiin nasiib-darro, waxa uu taliyuhu sheegay in tuug fara badani ay dib ugu soo noqotay magaalada, markii lagu sii daayey Cafis loo fidiyay Maxaabiista. “Ilaa kontomeeyo tuug ah ayaa soo galay magaalada, ilaa labadii bilood ee u dambeeyayna waxaanu gacanta ku dhignay 26-tuug,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliye Yuusuf, waxa uu sheegay in Maxaabiistaas la horgeeyay Maxkamadda, xabsigana loo gudbiyay, hase yeeshee waxa uu sheegay in tuugtaas dib suuqa loogu arko oo la sii daayo, iyadoo sababtu tahay in aan wax cad lagu qaban, ama lagu caddayn kari waayo.

Dhinaca kale, Saldhiga Booliska Berbera oo dhawaan Nin Maxbuus ah lagu dhex dilay, taasna dhaliil weyn loogu jeediyay, ayaa waxa haysta dayac weyn iyo duruufo kale.

Saldhigga, waxa taliyuhu sheegay in ay ku xidhan yihiin lix qof oo Maskaxda wax uga dhimman yihiin (Shan Nin iyo Gabadh), kuwaas oo uu sheegay in halkaa lagu soo xidhay markii ay khasaarooyin joogto ah u geysteen dadka iyo gaadiidka magaalada. Haatana, waxa uu sheegay in ay xal u raadinayaan oo ay doonayaan, kuwa eheladoodu joogto in ay ku wareejiyaan, haddii ay xaslan karaan.

 

Dayaca iyo burburka Saldhigga, isagoo ka jawaabaya waxa uu sheegay in dhismaha Saldhiggu uu yahay, mid gaboobay oo laga dhaxlay Gumaystihii Ingiriiska, Ilaa wakhtigaana aan wax dayactir iyo dib-u-dhis ah lagu samaynin, waxana uu sheegay in dib-u-dhiska uu u baahan yahay mid ka baaxad weyn awoodda gobolka.

“Waxaanu hore ugu gudbinay dawladda iyo hay’ado, iyagu eegay Saldhigga, waxaanuna ku rajo weynahay in degdeg wax looga qabto,” ayuu yidhi Taliyuhu.

 

 

Maayarkii Magaalada Gaashaamo Ee Dalka Itoobiya Oo La Xidhay

 

 

 

 

Burco (Haatuf): Maayarkii Degmada Gaashaamo ee Gobolka Dhagaxbuur ee Kililka 5aad ee Itoobiya, ayaa Xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyay arrimo la xidhiidha ururada Islaamka ee Xag jirka loogu yeesho.

Siday sheegeen warar aanu ka helay magaalada Burco, xadhiga Maayarka Gaashaamo waxa la sheegay inuu la xidhiidho Mu’aamarad iyo eedaymo Soomaalida deegaankaa dhexdeeda kaga yimi oo la gaadhsiiyay Ciidamada Itoobiyaanka ee fadhiisinkoodu yahay magaalada Gaashaamo, taasina ay sababtay in la xidho.

 

Siday tibaaxeen wararku, xadhiga Maayarku wuxuu soo baxay shalay gelinkii dambe, hase yeeshee ma jiraan warar Madaxbannaan oo arrintaa la-xidhiidha oo soo baxay, balse siday Haatuf u sheegeen illo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Burco, beryahanba waxaa magaalada Gaashaamo ka taagnaa, olole dhan ka ah Maayarka oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Faroole, kaas oo la sheegay in ay wadeen xubno Soomaali ah oo Mucaarid ku ahi, kuwaas oo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-Itixaad oo Itoobiya ku tilmaanto inuu ka mid yahay ururada loogu yeedho argagixisada ee lagu eedeeyo in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-Qaaciida ee uu hoggaamiyo Usaama binu Laadin. Wararkaasi, waxay tibaaxeen in eedaynta lagu xidhiidhiyay Maayarka ee ku saabsan ururka Al-Itixaad ay tahay, hab la doonayo in lagaga qaado kursiga, balse aanay ahayn wax jira.

 

Warar aan la xaqiijina, waxay tibaaxeen in xadhiga Maayarku ka abuurmay magaalada Gaashaamo xiisad, laakiin ma jiraan warar Madaxbanaan oo xaqiijinaya, sida guud ahaanba arrimahaasi u jiraan.

…………………………………………………………………..

 

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Iyo Xilligan Roobabka

“Iskaa wax-u-qabso ayaanu ololahan ku wadnaa”  Mr. Nakruuma

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa bilowday olole dhinaca nadaafadda ah, xilligan oo ay roobabka gu’ga ee curtay daaddadkii ay soo rogeen ay wax u dhimeen wadooyinkii Caasimadda qaarkood.

 

Ololahan oo xoogiisu bilowday maalintii shalay, siduu sheegay Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee D/Hoose C/wahaab Nakruuma, waxaa ololahan oo uu ku tilmaamay mid dheeraad ah oo ka baxsan hawshii nadaafadda ee caadiga ahayd uu u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah; ururinta qashinka qoyan, ka qalalan iyo buufin dhinaca faya-dhawrka ah.

Mr. Nakruuma, wuxuu sheegay mar uu u waramayay Weriyayaal Haatuf ka tirsan, in ololahani yahay mid had iyo goor ay sameeyaan sannadkastaba xilli roobaadka, wakhtigaas oo ay roobabku wax ka beddelaan xaaladda nadaafadeed ee magaalada. “Iskaa wax-u-qabso ayaanu ku shaqaynaynaa oo aanu hawshan ku wadnaa, taas oo ah mid dheeraad ah oo aanu sannadkiiba mar samayno, si qashinka loo koontaroolo,” ayuu yidhi Mr. Nakruuma.

 

Ololahan bilowga ah ee Waaxda Arrimaha Bulshada ee D/Hoose wado, waxay dadka qaarkood ku tilmaameen inuu yahay mid awood ahaan aan caabiyi karin baaxadda hawsha hortaalla, sidaa daraadeedna ay haboon tahay in la xoojiyo laxaadkiisa. “Wakhti yar bay nagu qaadan lahayd, haddii ay joogto cafaftii Grader-ta ahayd oo hadda nagaga maqan dhinaca jidka Boorama iyo Dilla.” Sidaa waxa yidhi Mr. Nakruuma oo aanu wax ka weydiinay, sababta ay qalab u isticmaali waayeen, markaas waxay isaga iyo hawl-wadeenadiisa nadiifiyayaasha ahi, xashiish ka gurayeen Jidka wadnaha ee badhtamaha magaalada, gaar ahaan qaybta hor marta Guriga Shaqalaha Dawladda, halkaas oo daad ku soo jabay kaga tegay Camuud iyo Qashin qoyan. Dadka Xashiishka gurayey may adeegsanayn qalab muhiim ah, marka loo eego baaxadda hawsha ee waxay isticmaalayeen waxyaabo yaryar oo gacan-qabsi ah oo ay ku ururinayeen Xashiishka qoyan oo ay ku gurayeen Gaadhi iska-rogo ah oo duug ah.

 

Dhinaca kale, Dawladda Hoose ee Hargeysa ayay wararku sheegayaan in Mudooyinkan dambeba ay soo foodsaartay marxalad dhaqaale-xumo, taas oo saamaysay ilaa mushaharooyinka shaqaalaha. Si cad looma qeexin, sababaha keentay dhaqaale yaraantaa, hase yeeshee waxay warar laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay tibaaxeen in wax is-dhaafdhaafin xoog leh oo hay’addaa saameeyay ay qayb ka tahay arrintaas.

 

…………………………………………………………………………….

 

Tartan Aqooneed Dhexmaray Ardayda Machadka Aflax

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Tartan-aqooneed dhexmaraya ardayda wax ka barata Machadka gaarka ah ee AFLAX, ayaa shalay ka bilaabmay xarunta dugsigaas ee magaalada Hargeysa.

Tartankaa oo dhacaya Maalinkasta oo Isniin ah, wuxuu soconaya muddo laba bilood ah, kaas oo inta uu socdaan ay ardayda fasalada isku midka ah (same grade) dhigataa ku tartami doonto, qaybo ka mid ah casharada ay ku qaataan Waxbarashada Machadka, sida yeeshiska (dictation), wada-sheekaysi (conversation), turjumid (translation) iyo su’aalo dhinaca naxwaha ah.

Maamulaha Machadka AFLAX, Axmed Ismaaciil Maxamed (Aflax) oo aanu wax ka weydiinay ujeeddada tartanka, ayaa sheegay inuu yahay mid loogu talo-galay, sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee afka Ingiriisiga, isla markaana loo ogaan lahaa tayada Waxbarasho ee ardaydu heerka ay gaadhsiisan tahay.

Tartankan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay qaban-qaabiyaan Dugsiyada qaar ka mid ahi, waxaa loo bixiyay “AFLAX B1-Monthly Competition,” sida uu sheegay Maamulaha Machadku, fasalada ku guulaysta tartanka waxa la siinayaa Abaal-marino.

……………………………………………………………….

 

Xoolahaagu Xeer Ha Kuugu Jiraan Ama Xerro Ha Kuugu Jiraan

Faallo – Siciid I. Guraase

Maahmaah Soomaaliyeed, ayaa tidhaahda “Xoolahaagu Xeer ha kuugu jiraan ama Xerro ha kuugu jiraan,” taas oo ka turjumaysa waaya-aragnimada iyo garashada ay dadka Soomaaliyeed u lahaayeen wax isku darsashada iyo wax wadaagga oo ay murtidan ku cadeeyeen, dariiqa loo marayo ka hor inta aan la dhaqan-gelin, taas oo ah in marka hore xeer la kala dhigto inta aan wax la isku darsan ama uu qof waliba wixiisa haysto oo aan waxba la isku darsan, si aanay dhibaato uga iman.

 

Sidaa darteed, waxaynu odhan karnaa waxa keenay dhibaatada iyo mushkiladda Soomaalida ee dabadda dheeraatay, iyada oo markeedii horeba laga tallaabsaday murtidaa, waxaana wax la isku darsaday iyadoon wax xeer ah la kala dhiganin, sida wax loo wadaagayo ama loo qaybsanayo qaabka dawladnimada, taasi waxa ay keentay burburka iyo mushkiladda aan muddada xalka loo helin. Waxa taa dheer in la kala caddayn kari waayo, cidda khaladka leh ee horseeday dhibaatada maadaama aan wax xeer ah la kala dhiganin, markii dambena cid walba waxay la noqotay in ay waxeeda iska haysato, taas oo horseeday dawladaha is-daba-joogga ah ee ka dhismaya ama lagaga dhawaaqayo dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.

Waxaa la odhan karaa, markii hore waxaa sababtay in Xeer la kala dhigan waayo, dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:

v       Soomaalida oo aanay hore u soo marin dawlad ay leeyihiin kaligood oo ay wadaagaan, sidaa darteedna aan fahamsanayn macnaha dawladnimada iyo waxa ay tahay.

v       Jacaylkii iyo Niyad-wanaagii ay dadka Soomaalidu isu qabeen oo keenay in ay u halgamaan, sidii ay u Xorroobi lahaayeen una samaysan lahaayeen dawlad ay leeyihiin.

v       Nacaybkii ay dadka Soomaalidu u qabeen gumaystayaashii, iyada oo ay cawo iyo ayaan u ahayd in ay Cadawga iska dhiciyaan.

Laakiin, burkaba  bahal kamay filan, mar qudha ayay arrimahaasi oo dhammi is-beddeleen markii la arkay dawladnimadu waxay tahay. Waxa taa ka sii darnaa markii la arkay Madax Soomaaliyeed oo dadkooda kula kacaya, waxaan waraabana adhi ku samayn.

Taasi waxay meesha ka saartay, Jacaylkii caadifadda ku dhisnaa ee Soomaalidu isku qabtay iyo fahamkii khaldanaa ee laga qabay dawladnimada iyo waxa ay tahay. Markii ay damqashadu gaadhay qofkasta oo Soomaaliyeed, ayaa hubka la isku gurtay, waxaana burburtay dawladii la wada karhay ee  iyadu xabadda iyo xoogga ku haysatay dalka 21-ka sannadood ee uu Madaxda ka ahaa Siyaad Barre 1991-kii. Laakiin nasiib-darro, dhibtii intaa kuma ekaan, salkana looma dhigin in la saxo khaladkii hore oo la is xaq siiyo, balse laba waddo ayaa la kala qabsaday. Qaybtii bursatay ee ku badanayd Nidaamkii jibadu, waxay doontay in wax waliba sidii hore ku soo noqoto, halkii intii la hambagay ay xaqoodii ku mintideen, taasina ay noqotay “isla yaab isla diid.”

 

Somaliland oo ay dhibaatada ugu weyni ka soo gaadhay Midnimadii 1960-kii, kadib markii ay ku weyday Xornimadeedii ay ka qaadatay Ingiriiska, ayaa halgan dheer, kadib la soo noqotay xaqeedii, waxaana lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale dhinaca Koonfurta, arrintu halkaa kumay ekaan. Markii la riday Siyaad Barre waxaa dhacday in cidii xaq ka maqnaa ay fursad u hesho in ay soo ceshato, sida Qoomiyadda Raxanweynta (RRA) ee hadda la baxay “Maamulka K/Galbeed Soomaaliya” oo iyagu ahaa, cidda keliya ee ka walaacay Midnimadii 1960-kii, kana doorbidayay Federaal, halka qaar kalena ay dooneen xaq dheeraad ah, taas oo marka horeba qayb ka ahayd wixii burburka keenay, sidii uu Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” hore u yidhi:

Inta Qaran dhiskiisiyo,

Dhidibkiisu taagnaa,

Dheeraad Nin dooniyo,

Nin ku dhegay xaqiisoo,

Dhacsanaayey baa jiray.

 

Taasi, waxay horseeday dagaalada iyo mushkiladda dami la’ ee ka taagan Soomaaliya iyo in kolba lagu dhawaaqo dawlad hor leh, iyada oo muddadii 10-ka sannadood ahayd ee ay mushkiladdu jirtay la soo qabtay ilaa 13 Shir oo dib-u-heshiisiin ah, balse aan wax xal ah lagu gaadhin.

Ugu dambayntii, waxa aan moodaa in lagu baraarugay khaladkii markii hore la galay, cid walibana waxay jeceshahay in ay xoolahoodu xeer ugu jiraan ama xerro ugu jiraan, taas oo ah mid lagama gudbaan ah, haddii la doonayo in aanu khaladkii hore lagu noqon.

……………………………………………………………………………….

 

 

Qalalaasaha Bariga Dhexe Oo Ka Sii Daraya

 

 

 

 

Quddus (W.Wararka) – Waxa weli taagan qalalaasaha iyo dagaalada ka taagan Bariga Dhexe, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada Israa’il iyo Faastiiniyiinta gadoodsan oo dagaal ugu jira sidii ay u xorayn lahaayeen dhulkooda.

 

Maalintii shalayna waxa ku dhintay lix Falastiiniyiin ah, kadib markii ay iska hor-imaadyo ka dhaceen goobo kala geddisan oo ka tirsan degaanada Falastiiniyiinta.

Magaalada Baytu-laxam, waxaa lagu soo warramayaa inay ka sii darayso xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku go’doonsan kaniisada Al-mahdi, kadib markii ay ka go’een cuntadii, biyihii iyo laydhkiiba, dadkaas oo halkaa ku go’doonsanaa muddo laba toddobaad ah. Iyada oo haatan laga cabsi qabo in ay ciidamada Israa’iil xoog ku galaan gudaha kaniisadda.

Dhinaca kale hoggaamiyaha reer Falastiin Yaasir Carafaat ayaa maalintii shalay kula kulmay xarunta uu ku go’doonsan yahay ee Ramallah ku xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka William Berry oo haatan booqsho ku jooga Bariga Dhexe, lamase sheegin wax natiijo ah oo ka soo baxay wadahadalladaas. Waxaase lagu soo warramayaa inuu Yaasir Carafaat ku adkaystay inay ciidamada Israa’iil deg-deg uga baxaan dhulka Falastiin ee ay xooga ku qabsadeen.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Kofi Anan, ayaa isna magacaabay guddi xaqiiqo-raadis ah oo saddex xubnood ka kooban oo baadhitaan ku soo samaynaya xasuuqii ka dhacay Jiniin.

………………………………………………………….

 

Doorashada Madaxtinimada Faransiiska Oo Muran Dhalisay

 

 

 

 

Paris (W.Wararka) – Doorashadi madaxtimada ee maalintii Axaddii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa muran dhalisay, kadib markii uu kaalinta labaad si lama filaan ah ugu soo baxay musharaxa xag jira ee garabka midigta Jeanarie le Pen oo ka darajo sarreeyay musharaxii hantiwadaaga Lionel Juspin, isla markaana ah Ra’iisal-wasaraha hadda ee Faransiiska.

Mr. Lepen guusha uub gaadhay waxa ay cadho gelisay dadweynaha Faransiiska oo ay lama filaan ku noqotay guushiisu, waxaana maaliintii shalay caasimadda Paris ka dhacay mudaharaado ay ka qaybqaateen kumanaan kun oo qof oo diidanaa guusha uu helay Jean Marie le Pen.

Sababta keentay cadhada ay dadka Faransiisku ka muujiyeen guushiisu waa iyaga oo diidan siyaasadihiisa xag jira ee uu kaga so horjeedo dadka soo galawga ah iyo midnimada dalalka Yurub.

 

Balse waxaa hadhay wareeg labaad oo ay ku kulmi doonaan Jaques Chirac oo ah madaxweynaha hadda ee Faransiiska oo doorashadii Axaddii ka helay 19.67% codadkiila bixiyay iyo Jean Marie Le Pen oo helay 17.02% codadkii la bixiyay.

 

Lionel Jospin oo isagu galay kaalinta saddexaad waxa u helay 16%, taas oo keentay inuu ku dhawaaqo in uu ka baxay hawilhii siyaasadda.

Xisbigiisa Hantiwadaaga ayaana shir deg-deg ah la isugu yeedhay si ay uga wada hadlaan guul-darrada kaga dhacday doorashadan.

………………………………………………………………………

 

BUSTAANKAFANKA IYO SUUGAANTA

Taariikh-Faneedka Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise “Sangub”

Q: 3aad

aybihii hore ee Taarrikh-faneedka Abwaan Sangub, waxaynu ku xusnay qaybo ka mid ah Badweynta murtiyeed ee Eebbe ku manaystay Abwaanka, gaar ahaan riwaayadihii uu sameeyay oo qaar ka mid ah aanu wax kga tilmaamay.

Qormadeenan maantana, waxaynu ku soo qaadanaynaa doorkii uu Sangub ku lahaa, heesaha Waddaniga loo yaqaan.

 

Inkasta oo uu Sangub si weyn uga soo horjeeday Maamulkii Rayidka ahaa oo uu Inqilaab Meletari Xukunka kagala wareegay 21 Oktoobar 1969, haddana wuxuu taageero weyn isla barbar taagay dawladii milateriga ahayd, isaga oo Maxamuud C/laahi arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi: “Dawladii hore waan la-dagaalami jiray oo waxaan u arkayay wax khaldan, kadibna waxaa dhashay Kacaankii markaa aad baan u dheereeyay.”

Marka laga tago heesaha Kal-gacalka ah  iyo kuwa hogga-tusaalaynta ah, waxa kale oo uu qayb libaax ka qaatay samaynta heesaha Waddaniga ah oo uu maqaam sare ka gaadhay. Haddii aynu dhawr ka mid soo qaadano, waxaa tusaale inoogu filan Heesta caanka ah ee “Dhulka sow anigu ma lihi,, miyay dhimashadu iqoonta, miyaan dhiig baxay ka diiraa, shahiidku miyuu dhib-diidaa, dhulkayga miyaa la-rarayaa, baddayda miyaa la-dhurayaa, dhirtayda miyaa la-dhoofshaa, ninkii dhoof ku yimi bay geeridu dhibaysaa.”

 

Inkasta oo ay heestani Waddani tahay oo sida uu sheegay abwaanku, loogu tala-galay in loogu digo dawladii Ruushka oo dhinaca Itoobiya u xaglisay markii uu socday dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadihii 1970-naadkii, haddana sideedii looma dayn, waxayna noqotay mid loo isticmaalay ujeedooyin badan oo dadka midba sidii uu jecelyahay u cabiro, gaar ahaan xilliyada ay jiraan iska horimaadyo iyo khilaafaad u dhexeeya laba ardaa ama laba qolo oo xataa isku ardaa keliya ahi. Falalka noocaas ah oo noqday, qaar si weyn ugu faafay dhammaan dhulka Soomaalidu degto. Abwaan Sangub oo dareenkiisa ka dhiibanaya, sida loo maydhaamay heestaa iyo kuwa kaleba, ayaa yidhi; “Markii Ruushku inaga soo saaray Itoobiya, ayaan aniga oo cadhaysan sameeyay afar heesood oo tani ka mid tahay, laakiin waa nasiib-darro in dadku arki waayan Xikmadaha qotoda dheer ee ay xambaarsan tahay, waana wax laga xumaado.”

Heesaha kale ee Waddaniga ah, waxaa ka mid ah: “Dhiigayga waan gada-hayaa, galaas ayaan ku shubayaa,”  “Wallee dheehooy dhaaxaad oloshaye, waa lagaa dhalin.”

 

Abwaan Sangub, intii uu ku dhexjiray mihnadda Fanka, wuxuu soo barbaariyay Fannaaniin badan oo Caan ah oo ay ka mid yihiin; Cabdi Cali “Bacalwaan,” Cumar Rooraaye, Axmed Cali Cigaal, Axmed Mooge iyo Axmed Gacayte. Waxa kale oo uu qayb ka qaatay hablaha fannaaniinta, gaar ahaan kooxdii ciyaaraha dhaqanka oo uu soo saaray gabdho badan oo ay mid yihiin; Shamso Cumar, Caasha Walasaqo, Safiya Geelle, Fayruus Sh. Daahir, Khadiija Maxamuud “Qalanjo,” Saynab Cige, Xakiima Caalin, Kaaha Shire iyo kuwo kale oo farabadan.

 

Fannaaniinta iyo Jilayaasha kale ee ka qayb-qaatay Riwaayadaha Abwaan Sangub, waxaa ka mid ah; Maxamed Mooge, Dhegjar, Huryo, (dhammaantood Alle ha’u naxariistee), Sahra Axmed, Cabdi-dhuux, Meecaad Miigane iyo Saado Cali Warsame.

Abwaan Sangub oo la-weydiiyay, qofka uu ugu jecelyahay marka laga hadlayo dhinaca Jillaanimada, wuxuu ku sheegay Fannaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame “Cunaabi.” “Qofka wax jilla oo wax ii metela, waxaan ugu jeclaa Saado Cali, waayo, wax kasta waxay u samayn jirtay ama u odhan jirtay, sidaa ugu sheego.” Sidaa waxa yidhi Sangub oo sharaxaad ka bixiyay sababta Saado Cali uu ku jeclaaday.

 

Maxamuud Cabdillaahi Ciise “Sangub,” waxaa lagu tilmaamaa ragga ugu horeeya marka laga hadlayo samaynta riwaayadaha, haddaba isaga oo ka jawaab celinaya aragtida uu ka qabo cidda ugu riwaayadaha badan, wuxuu yidhi: “Anigu waxaan ahay, qofka ugu riwaayadaha badan.”

Markii uu dagaalku ka dhacay dalka Soomaaliya, waxaa bilaabmay burbur ku yimi dhammaan dhinacyada nolosha bulshada, iyo baro-kac weyn oo dadku ugu hayaameen, dhinaca Waddamada Jaarka ah, gaar ahaan Waddanka Kenya. Sangub, wakhtigaa wuxuu sameeyay Riwaayado badan oo uu kaga hadlayo dhibaatooyinkii ay keeneen dagaaladii sokeeye. Riwaayadahaas, waxaa ka mid ahaa: “Ummad wada qooqan, wax u qaybi leeyahay,” “Halkii qoontu ku taallay dhakhtarkii qalliwaa,” “Qabyo,” “Ambiil ma leh.”

 

Heesaha, sida gaarka ah dadbadani ugu xusuusto, waxaa ka mid ah: “Yaan Ismiit,” iyo “Nin ku siray wax kuu sheeg,” oo labaduba yihiin kuwo Waddani ah oo si guud uga hadlaya, dhibaatooyinka gumaysigu ku hayo bulsho-madowda Afrika, gaar ahaanna “Yaan Ismiit,” waa hees caan ah oo ay qaadaan fannaaniinta Waaberi, kana hadlaysa qadiyadii Gumaysigu ku hayay Waddamada Rodisia iyo Koonfurta Afrika.

Abwaan Sangub markii dagaaladu dhaceen, wuxuu u qaxay dalka Kenya, halkaas oo uu muddo ku noolaa Xero Qaxooti oo ku taallaa duleedka magaalo-xeebeedka Mombassa oo lagu magacaabo “Utanga,” halkaas oo uu markii dambe uga sii tacabiray dhinaca Waddanka Maraykanka. Kuma yarayn qaxar, werwer iyo walbahaarna waa u dheeraa, wixii ka qabsaday Qaxootinimada oo ahayd mid ku cusub oo hore aanu u arag.

 

Abwaanku, isaga oo tilmaamo ka bixinaya mahadhooyinkii ka soo maray, hayaankii dheeraa ee qaxootiga, wuxuu yidhi: “Anigu weligay hore umaan gaajoon, mana dhibaatoon, Calanka uma halgamin, la ima dilin, laymana ciilin, Calan rag ku soo daaleen ayaan gedaanka qabsaday, kadibna waa la ii sacabo tumay oo Sangubow baa la igu yidhi, aniga oo ilmo xalay dhashay la mid ah, ayaan qaxay. Weligay kumaan fekerin, Soomaaliya waad ka tegaysaa, Kenya ayan tegay, waxaan watay caruur badan, waxaana la kulmay gaajo badan iyo dhibaatooyin aan la koobi karin.”

Abwaanku, wuxuu sheekada ka bilaabay markii uu gaadhay magaalada “Dika” oo u dhow Caasimadda Kenya ee Nairobi, isaga oo sheegay waxyaabihii uu halkaa kala kulmay inuu ka tiriyay Jiifto uu u bixiyay “Derin iyo Go’ wadato,” isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Markii aanu tagnay xeradaa, waxaa dhacday in qofkii shirikaan haysa lagu qabsado oo la yidhi, xageed ka keentay oo qofkii Derin sitay lagu qabsaday, ayaan sameeyay Jiiftadan.” Jiiftadii uu Sangub tiriyay, waxaa erayadeedii ka mid aha: “Kud ka deg oo qanjo u durug derin iyo go’ wadatada, Jirikaan dawerisada taandhada ku dooddada waaba looga sii daray. Soddon gu’ iyo dogaad diraac iyo Jiilaalkeed, dalkan aynu leenahay dad aqoon leh baa yidhi, dembiyadii ka dhici jiray duhur galay dharaar qudha, xisaabihii la daabacay daalacan tan baa dheer.” Jiiftadan oo ah mid aad u dheer, waxa kale oo ka mid ahaa tuduc uu kaga hadlayo, sida aan cidina dan uga lahayn Shacbiga magacooda lagu adeeganayo, iyada oo qof waliba odhanayo; ummadda Soomaaliyeed!! “Sa’dan la isku wada-dagay ee magac duleedka ah, Nin waliba dadkiisii iyo duulqabiil ah soo tubay, ku led daarburburyahan dabalayha fadhiistoo debedaha u soo baxa nooga dhigaya derejada waxay dood wadaagaan, kii dilay Ninkii yidhi waan ladnahaye iga daa.”

La soco qaybta afraad oo ka hadlaysa dhibtii Sangub ee qurbaha…..

 

Dheeho dhaqankaaga

M. I. Sagax

Akhristayaasha qiimaha badanow, dhawra hide iyo dhaqankiina oo ka bogta bulshooy:

1.       Mansab haddii laguu doorto macangag lama noqdo

2.       Manfac haddii lagu siiyo murdiye lama noqdo

3.       Madax aanad lahayn miyirkiisa laysma saaro

4.       Meel aanad seexanayn laguma luloodo.

5.       Meel hoo doonaysa hadal waxba kama taro,

6.       Milil dushiisa lama dhayo,

7.       Marti Nin ka yar iyo muddo maalin ka yar midna lama arag,

8.       Matag meel kuguma simo.

9.       Midiidin qoodh ma aha.

10.    Madax meel la salaaxo oo ka saraysaa ma jirto.

11.    Maaweelo ma bogsiiso meel bugta.

12.    Mas madaxaa laga dilaa.

13.    Mas abur dhalay iyo abur mas dhalay

14.    Maba lulatee maxay leeftaa

15.    Macal cune muuqan doonee.

16.    Muraadka magaalo kaa gala muraayad baa xigta.

17.    Meel aar ka kacay atoor fadhfadhiisay.

18.    Maamul xumaba macalinkeedaa ka masuula.

19.    Mahiigaan hortiibaa guryaha layska moosaa.

 

1.       Nin reer u weyn iyo Naag naago ka umulisayba, midna sida ay wax u ogyihiin uma sheegaan.

2.       Naago nimay yaqaanaan nin ma moodaan.

3.       Nin aan qooq dilin, Maroodi ma dilo.

4.       Nin yari waa nin ban soo ordaya.

5.       Nin loo tumay looma talin.

6.       Nin-na maankiisa ma saluugo.

7.       Nin af leh ayaa abaar ka baxa.

8.       Nin weyni Wadkii waa yaqaan.

9.       Nin qoyani biyo iskama dhawro.

10.    Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.

11.    Nin xil qaaday eed qaad.

12.    Nin walba Ceesaantii ceel keen.

13.    Nin hulaab xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa.

14.    Nin guursaday xuunshana xoolo mood.

15.    Nin is amaanay waa Ri’ is-nuugtay.

16.    Nin Ani yidhi rag iska reeb.

17.    Naago abaal haw gelin, amaanse haw diidin.

18.    Naago nimay lagdan kama kacaan.

19.    Nin weyn oo qawl ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday.

20.    Naag la furay fadhi u la’ ninkeediina fadqalalow.

21.    Nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin.

 

1.       Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.

2.       Af aanad lahayn lama qabto.

3.       Af aamusani Marti ma sado.

4.       Af wax cunay xishoo.

5.       Arrin rag waa mudacyo afkood.

6.       Awrba awrka ka horeeya socodkiisuu leeyahay.

7.       Amaano kugu raagtay yeddaada baad moodaa.

8.       Awr kala guurtay ma xumee uur kala guuray baa xun.

9.       Alifka kaa xumaadaa Al-baqra kaama hadho.

10.    Arrin ku dhaafay aah sooma celiso.

11.    Abaal raagga ragbaa leh, mid baaqdana haweenbaa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.

12.    Ama afeef hore lahow, ama adkaysi dambe.

13.    Arrin-xumo abaar ak daran.

 

1.       Hadal waa murti iyo yooyoon.

2.       Hadal waa kun iyo kow.

3.       Hadal Markhaati leh iyo hillib mindi leh midkoodna laguma margado.

4.       Hadal waa run kama rayste.

5.       Hunuu hunuu hadal maaha, himbiriirsina wax arag maaha.

6.       Hadal meeshiisaa loogu tagaa.

7.       Haddii hamadaadu kuu been sheegto, talladaadaa kuu run sheegta.

8.       Hal laba midigle u leeyay dhana uma badqabo.

9.       Habar dhali wayday aleelo ku waalatay.

10.    Habar fadhida lagdini wax uga fudud.

 

1.       Bil saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gaadhsiiso.

2.       Beeni raad ma leh.

3.       Beenaale Markhaatigiisuu fogeeyaa.

4.       Beentaada hore runtaada dambe ma gaadho.

 

“Danta reerkaaga, dariskaaga lagalama tashado”

La soco Toddobaadka dambe..

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dawladdu Daacad Ma Ka Tahay Doorashooyin Xalaal U Dhaca???

Waxa sagaal sannadood la sugaayay in mar kasta ay dawladdu soo badhigto, nidaam dhexdhexaad ah oo la isku doorto. Sannadku markuu ahaa 1995, ayaa dawladdu cudur-daar ka dhigatay, sababo ay ka mid ahaayeen dagaaladii sokeeye, in ay ka gaadhsiin wayday xeerarkii doorashooyinka, wakhtigaas waxaa dawladda loo cusboonaysiiyay 18 bilood. 1997 shir beeleedkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Hargaysa, maalintii ugu dambaysay wuxuu madaxweyne Cigaal ballan qaaday in uu si dhakhso ah u dhammayn doono nidaam la isku doorto. Intaan la gaadhin muddadii ku ekayd Maamulka Madaxweyne Cigaal, waxay mar walba dadweynaha loo sheegaayay in ay doorashadu dhici karto. Waxaase caddayd in dawladdu Muddo-kordhinta ay sii ogayd oo meel ay sii dhigatay.

 

Doorashooyin diyaar ahaana marnaba may jirin! Wax imika xalaal noqon kara oo diyaar ihina ma jiraan! Inoomana maqna. Dalkana habayareetee kama soo socoto doorashooyin xalaal ah oo noqota tii dalka iyo dadkaba lagu dejin lahaa. Madaxweyne Cigaal, waxa muuqata inuu ku talagalay in aannu marnaba ka degin Xukunka Madaxtinimo, wuxuuna qorshaystay in aan isaga mooyee  cid kale dalkan Madax ka noqon, waxa kale oo maamulkiisu meel sii dhigtay in nidaamka doorashona noqdo mid xukuumaddan dib ugu soo celiya shan sannadood oo dambe.

 Maamulka Madaxweyne Cigaal, wuxuu dalka ka magacaabay gobolo, iyo 23 degmo oo uu u samaystay doorashooyinka soo socda. Gobolo iyo degmooyin hadyad loo bixinaayo, qaarna abaalgud looga dhigayo taageeridda madaxweyne Cigaal. Waa qaar aan illa hadda la ansixin dhibaatooyinkoodana badannaa keenaya mustaqbalka. Haddaba sidee wax looga qaban karaa, hadday dawladdu halkaa ka taagan tahay, mucaaradkuna ka aamin-ka-baxay dawladda?

Dawladdii marnaba isku may dayin raallina kama aha inay la tashato,lana wadaagto sidii nidaam doorasho oo xalaalaysan dalka loogu heli lahaa.Taasi waxay dad badan xasuusisay doorashadii Somaliweyn ee 1969.

 

Somaliland, dagaal ba'an oo dad iyo duunyaba qaba ayaa loo soo wada maray. wuxuu ahaa dagaal, deegaan kasta iyo gobol kasta uu faqash halkiisa kala dagaalamay kana xoreeyay.Wuxuu ahaa dagaal intii mujaahid shahiidday iyo intii mujaahid nabad gashayba ay rajo fiican ka qabeen in la helo dal iyo dawlad ku dhisnaada xaq iyo caddaalad. Maanta in Somaliland laga duwo tii loogu soo dagaalgalay, ee ahayd: -

v       Nabad iyo walaaltinimo.

v       Caddaalad loo wada simanyahay.

v       Iyo ugu dambayn Dimoqraadiyad macnaheedu yahay Madaxtinimada ama Talada oo noqota wadaagid iyo wax raalli lagu wada yahay.

Waxaa jeclahay inaan shacabka reer Somaliland dib u xasuusiyo, taariikhdii ururka SNM inay soo martay afar guddoomiye iyo doorashooyin ku dhisnaa xalaal, wakhtigaas oo waliba ahaa wakhti adag.  SNM waxay ahayd, ururkii ugu dimuqraadisanaa ururada wakhtiyadaa soo maray. Haddaba haddaan la xalilin waxna laga qaban, goboladan iyo degmooyinkan loo magacawday Siyaasadda doorasho, waxaa hubaal noqon doonta in doorasho xalaal ahi marnaba aanay suurto galin, cidina aanay ku riyoon maamulkan ayaa doorasho xaqa soo wada. Waxaa iman doonta siday caadadu ahaydna golihii guurtidu inay kordhis markaa ay ku xalili doonaan halkay dhibaatada wax ka qaban lahaayeen.

Maxamuud Caydiid Lafcanbe, Toronto, Canada

………………………………………………………………………………..

 

 

RAADIYOW MAQALLOOCSHE

A.A.Garas

 

 

 

 

Halkani waa Raadiyow Maqallooocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha fiiqfiiqan ee Ilaaq-yaqahanka iyo hirarka bagafsan ee ilaaqyahannka iyo caalamka oo dhan ilaa Tuula-buurya-qab oo aydun naga dhegaysataan Indhedhnetka oo baaqayagu yahay Habaryuu habaryuu dhishkum. Akhyaartayada dhegaha bagbagafsanow maanta waxaydun raadiyowga ka dhegaysanaysaan shuqullo kala caycayn ah oo warkii cara edeg ugu soo horreeyo.

Warkii oo fadhiya:

Dalka Afbagistaan waxa dhawaan ku soo noqday Boqor guun ah oo soddomeeyo sannadood dalka baadi kaga maqnaa, kaas oo ku dibood ahaa kayn ku taala dooxada Ruuma ee carriga Talyanka.

Dalkaa Afbagastaan  markuu gaadhay ayaa si sanqadh weyn loo soo dhaweeyay, kaas oo markii uu tegayba inkaar ku legday talafishankii dalkaasi lahaa oo sidii boqorku u yimiba sakaraadsanaa, boqorkaas oo markii uu halkaa gaadhay xarrago la kuur-kuursanayay waxa waashmaano ka ahaa ilaalo Talyaani ah, kuwaas oo ka reebayay dad badan oo reer Afbagastaan ahaa oo  hore looga helay xanuuno lagu tilmaamay inkaar boqor, kuwaas oo u baahnaa duco boqor. Habar dalkaas u dhalatay ayaa gafuurka feedh lagaga dhuftay, kadib markii ay boqorka afka u dhuubtay oo damacday inay dhunkato, laakiin ilaaladii u malaysay inay habartu boqorka qaniinayso.

Waxa kale oo warar looga qaateen ahi sheegayaan in dalkaas uunsi badan lagu shiday maalintii, si aan boqorku uga hargabin hubkii Maraykanku ku riday.

 

Boqorkan oo magaciisa la yidhaa Daahir Shaadali, wuxuu boqornimada la caymaday guyaal hore, halkaasi u idlaaday xaalad boqor la’aan ah, kuwaas oo arrin la’aan ilkaha iskaga qubay, oo xariifnimo darteed daroogo u beertay.

Boqorkani wuxuu ku soo beegmay xilli uu Afbagastaan Maraykanku ka sameeyay maamul Maarkit tuu ah, kaas oo nin Xamid Karaani layidhaa darawal ka yahay.

 

Boqorkan oo ka dhashay qabiilka la yidhaa Bashtuu Bataan wuxuu isha ku dhuftay nabaradii ay isla dhaceen Maraykanka iyo Jabhaddii Gaal-dhibaan la odhan jiray.

Boqorkan oo xammaalidiisa Talyaanigu lahaa dawladda samaynteedana uu Maraykanku lahaa. Waxa dadka qaar sheegayaan inay qayb ka tahay qoryo qaybsiga xintanka Yurub iyo Maraykanka u dhaxeeya. Boqor Shaadali hadal yar oo uu dadkiisa duco ku hulluuqsiiyay, wuxuu yidhi; “Wax alla waxaan duco hayo waxba idinkala hadhi mayo ee idina hayska qubina awoowayaal.”

 

Hargeysa

Lacag ay lahayd marxuumadii dhimatay ee Soomaaliya, ayaa Hargeysa dhawaan loogu shiray sidii duunyadaa loo soo qaadi lahaa, loona soo dhaxal joojin lahaa, si rajooyinkii Islaantu ka dhimatay loogu qaybsho.

Lacagtan oo cadadkeeda lagu qiyaasay laba malyuumaad, waxa baadideeda laga helay dal ammaano xafid ah oo lagu magacaabo Bilijam, kana mid ahaa dawladihii qaarimiga ahaan jiray, iminka se ku jira Burseelaha Yururb.

 

Lacagtan oo la sheegay in habartii Soomaaliya la odhan jiray iyada oo cusbur ku soo iibsanaysa xaqu helay, iyada oo tarantay oo midhki doolarba ciyaal kale dhalay.

Waxay ka mid ahayd lacag waddamada Yurub cawrida Afrika iskaga ilaaliyaan oo waddamada busaaraddu hesho loo siin jiiray si ay u siistaan saabuun usgaga iskaga maydhaan, lacagtaas oo Soomaalida laga afqabtay koob iyo toban sannadood ka hor, kaas oo la sheegay in aan cidna la siin ilaa carruurtii marxuumaddu dhashay ka qaangaadhayaan. Ururo u maryo-alooloobay hantidaa ayaa shirkooda ku soo saaray rabuudh ay ku hagaajiyaan ragga duunyadaa haya, rabuudhkaasi wuxuu u ekaa sedan:

 

Annaga oo ah ciyaalkii ay ka hoyatay duqdii Soomaali, markaanu aragnay qaar qaan-gaadhay, qaar imika soo koraya, markaanu waynay oday xilo saamad ah, oo aabe noo noqda, waxaanu doonaynaa in caano naloo soo siiyo lacagtii hooyaday ka dhimatay wixii ka yaal, oo Ilaah baan idinku dhaarinee hanoo diidina yaanaan idin cuqubayne.

 

Bariis

Doorsho codka lagu dagaalamay ayaa ka dhacday Faransiiswiga, waxaana cod la’aan u dhintay Xisbi mudakar ahaan jiray oo la is lahaa qadi maayo. Iraadada Ilaahay waxa meeshaas ku macaashay xisbiga martida neceb, kaas oo helay codado inuu xaday iyo inuu xalaashaday loo kala garan waayay, kaas oo garoonku ku labeeyay xisbi udubkooda uu Shaakikshirik ka diiga yahay.

Inkasta food-horraadkii dadka reer Faraans xummad ku abuurtay oo mirqaanka ka xumaysay, haddana waxa la qiyaasayaa in ShaakirShiraak aan lagu saqajaamayn ee uu isagu ku leeyahay.

Shaakir oo ah oday dhako weyn, wuxuu digaaga Farasiis diig u ahaa sagaal sanadood, muddadaasna wuxuu ka mid ahaa naadiga ciyaartoyga dalka oo uu uga ciyaaro lambarka siirooga ee qiirada tarabuunka. Waxaa naadigoodu lugta ku calfaday koobka dunida oo Faransiiskii hore shaarubaha aan u gelin jirin, kaas oo kooxda ciyaarta Shaakir ka sameeyay maryo alool kala jaad-jaad ah, iyada oo ay u ciyaaraan inamo badan oo Faransiisku u yahay Abti, habaryar iyo habarwadaag.

 

Sido kale, Shaakir wuxuu awrgaal ku yahay siyaasadda geeljiraha Yurub ee cusub, horena wuxuu u ahaan jiray haydhtuulihii Bariis, halkaas oo ay ku gashay bidaarta wacan ee dhakada uu ku leeyahay.

 

Qudus

Magaalo Janiina la yidhaa ayaa loogu dhextegay dad Carab ahaa oo Yuhuudu beerka kala baxday, kadib markii ninka Shardoon la yidhaa ku ducaystay, dadkaa oo uu Alla bari ahaan u gawgawracay.

 

Dhegaystayaal haddaan gabay tirshaba gabay kale ayuu iila galayaa,

Haddaan hees tirshana hees kale ayay hoosta ii galine,

Haddii aan buraanburi lahaa muusig baan jirine,

Waa gabay bigeys lagu cunaa subag la ruubaaye,

Waa gabay sidii urur xisbiga loo arrimiyaaye,

Waa gabay indhaha iyo dhagaha laga gufeeyaaye,

Waa gabay gafuurkiyo sanka laga xinneeyaaye,

Wa gabay isagoo madow suuq la galiyaaye,

Sidii awr surwaal loo gashoo suudhna loo tolayo,

Gabaygu sidii caashaquu hoosta kaa galiye,

Caashaq dhiidhi galay ayaan beryahan soo qodqodayaaye,

Hadda madaxyareey adigoo qudhaan kuu warramayaaye,

Gabadhaan dhawr aan caashaqay ee aad madowga yaabaysay,

Ee dhalaalkeeda quruxdiisa aad dhuxusha yaabaysay,

Markaan lacag u waayay ee gabana cidi siin wayday,

Markaan lacag u doonay ee la rabay inaan aroos geeyo,

Ayuunbay intaan maqnaa buufis mariyeene,

Inkaarmooyin waxay iga marsheen midabo shaydaane,

Anigoon ogayn bay yartii iga caseeyeene,

Caweefbay u yeeleen intay ciiro mariyeene,

Awal horeba way joogtayoo may casaan jirine,

Gabaatiga markaan raadiyay ayay sii marmariyeene,

Mar haday caseeyeen jacayl la iga ciideeye,

Gabadhii nacaye seedigay yaa iag qabanaaya,

Soddohdayna xeedhay toshaye saw I dilimayso,

Afartaa sidii Bariga dhexe boodh makaga duulshay,

Afar kalena waan soo wadaa sida Israa’iile,

Inay dunidu baal-baal tahoo la is bugaaxaayo,

Nin bu’iyo ninki baqa haddaan la iska baydheen,

Bayhoofka Falastiin qabtiyo bay’ada yeedhaysa,

Baroortaa dareertay eed daruur qudhuntay moodaysay,

Waxaa la isku boox-booxayaa budul colaadeede,

Carabay ba’a waa nimanka Buush hiil u beegsanaya.

Dhegaystayaal gabaygaa idinku halkaa ka sii wada.

Waxaa kale oo aan maanta idiin hayaa hal-xidhaale oo jawaabtiisa ii keeni doontaan haddaad garataan.

“Hadaanad jawaabi garanayn ha iga akhriyin”

1.       Waxad garataa duceeyaha aan weligii isagu ducada qaadan?

2.       Waxaad garataa halka raggu awrka uga weyn yahay?

3.       Waxaad garataa qofka aabahaa iyo hooyadaa dhaleen ee haddana walaalkaa ahayn?

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Guray

Hanashada Horyaalka Talyaaniga oo Saadaal Beelay

 

 

 

Rome (AP) – Kooxda xilligan xaraaradda leh ee Chievo, ayaa hakisay naadiga horyaalka hoggaaminaya ee Internazionale oo ay Axaddii 2-2 kula dhammaystay ciyaarti dhexmartay, iyada oo laba ciyaarood oo keli ahi ka hadhsan yihiin dhammaadkii tartanka.

Inter waxay dhibic keliya ka horraysaa Juventus (66 iyo 65) ayay kala leeyihiin Inter iyo Juventus oo u muuqata inay awood badan la soo noqotay.

Federico Cossato oo qaybtii dambe beddel ku soo galay ayaa Chievo u dhaliyay goolka barbar dhaca dhammaadkii ciyaartii ka dhacday garoonka Verona ee Bentegodi Stadium oo ay markaa Inter 2-1 kulanka ku hoggaaminaysay. Weeraryahanka reer Brazil ee Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad ee uu dhaliyo labadi ciyaarood ee ugu dambeeyay, Ronaldo oo dhammaystay ciyaarti toddobaadkii tegay, wuxuu ka soo hoyday dhaawac ka gaadhay muruqa. Xiddiga reer Brazil ayaa kubadda dhexdhigay shebegga oo bannaan, kadib markii goolhayaha Chievlo awoodi waayay inuu kubadda qabto.

 

Massimo Marazzina, ayaa Chievo u dhaliyay goolka daqiiqaddii 42aad, markii uu madaxa ku dhaliyay kubbad. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska ah Stephane Dalmat, ayaa Inter u dhaliyay goolkii barbaraha daqiiqaddii 46aad oo uu kubadda kaga laadahay qiyaas 15 mitir u jirta.

Hase yeeshee, daqiiqaddii 60aad ayuu Ronaldo kubadda ka boobay goolhaye Cristiano Cupatelli oo dhayalsaday qabashada kubadda, kadibna sidaa ayuu ku dhaliyay goolkii labaad ee kooxda Inter oo isu dhigtay inay horyaalka qaadanayso.

Si kastaba ha ahaatee Cassato ayaa dhammaadkii ciyaarta dhaliyay gooklii barbaraha oo Chievo u sahlay inay ciyaaraheedii ku dhammaysatay 13 badis, 2 barbaro ah iyo toddoba guul-darro, waxayna leedahay 51 dhibcood. Chievo waxay ku taamaysaa inay sannadka soo socda ka qaybgasho horyaalada Yurub.

 

Piacenza 0, Juventus 1

Ciyaar jewigeedu aad u kacsanaa ayaa dhexmartay kooxda ka dagaalamaysa dib-u-dhaca heerka labaad ee Piacenza iyo Juventus oo ku dedaalaysa sidii ay horyaalka u qaadan lahaayeen.

Weeraryahanka gooldhalinta badan Dario Hubnen, ayaa helay ugu yaraan laba fursadood oo goolal noqon lahaa, balse wuu la seegay shebegga.

Juventus halgan bay ku jirtay ilaa uu Nedved u dhaliyay goolkiisii guusha oo yimid dhammaadkii ciyaarta, kaas oo ciyaaraha Juventus ka dhigay 18 badis, 11 barbaro ah iyo saddex guul-darro.

 

Brescia 3, Fiorentina 0

Ciyaaryahanka Roberto Baggio, oo ka soo laabtay dhaawac ka soo gaadhay ruuga horraantii sannadka, isla markaana filaya inuu kaalin ka helo xulka Talyaaniga ee ka qaybgalaya koobkii adduunka.

 

Baggio wuxuu dhaliyay goolkiisii labaad oo ahaa kiisii ugu horreeyay ee uu dhaliyay markii uu laba daqiiqo oo keliya ciyaarta ku jiray.

35-jirka weerarka ka ciyaari jiray ayaa markale daqiiqaddii 88aad dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, taas oo keentay inay Brescia ka sii durugto marxaladda baqashada badan.

Baggio oo daqiiqaddii 70aad cabsi tiray kooxdiisa ayaa ku guulaystay in tabobare Giovanni Trapattoni ku dhiirado inuu ku daro xulka.

Waxay ahayd guul-darradii 20aad ee Fiorentina oo horeba ugu siibatay kaalinta dib-u-noqoshada. Brescia waxay leedahay 37 dhibcood, waxayna isku dhibco yihiin Udinese oo ay ku wada jiraan kaalinta 15aad.

 

AC Milan 0, As Roma 0

Kooxda AC Milan oo ay 1-0 kaga badisay Juventus toddobaadkii hore oo ay ku wada ciyaareen Turin, ayaa ku dedaashay sidii ay ula hadhi lahayd AS Roma iyo weerarkeeda wanaagsan oo ay ka mid yihiin Montella iyo Totti.

Totti, ayaa isku deyay inuu dhaliyo goolkii guusha qaybtii labaad markii uu weerar xoog badan baal ka soo qaaday, hase yeeshee waxaa si xeelad weyni ku jirto u samato bixiyay goolhaye Christian Abiatti.

 

Roma waxay leedahay 64 dhibcood, halka ay AC Milan leedahay 49 dhibcood, welina waxay quud-daraynaysaa inay kaalin ka hesho tartanka Yurub ee kal dambe.

 

Lazio 5, Verona 4

Lazio ayaa 5-1 ciyaarta ku hoggaaminaysay intii aanay Verona dhalin saddex gool oo deg-deg ah, taas oo halis gelisay guusha kooxda martida loo ahaa.

Verona ayaa goolka hore dhalisay daqiiqaddii sagaalaad, waxaana u saxeexay weeraryahanka reer Switzerland ee Mario Frick.

 

Difaacyahanka reer Holland ee Stam, ayaa daqiiqaddii 29aad u dhaliyay goolkii barbaraha ee Lazio, waana kii ugu horreeyay ee uu dhaliyo intii uu kooxda u soo wareegay.

Rigoore uu dhaliyay weeraryahanka reer Argentina ee Claudio Lopez, iyo laba gool oo uu si xarrago leh u dhaliyay Stankovic ayaa 4-1 ciyaarta ka dhigay.

Weeraryahanka Hernan Crespo oo dhaawac ka soo laabtay ayaa kulanka ka dhigay 5-1, kadib markii uu gool dhaliyay daqiiqaddii 77aad.

 

Hase yeeshee, goolasha ay dhaliyeen Baraasiliyiinta Adalton, Leonardo Colucci iyo Michele Cossato, ayaa soo koobay kala fogaantii dhinaca goolasha.

 

Perugia 1, Bologna 0

Rigoore uu si xarrago leh u dhaliyay weeraryahanka reer Brazil ee Ze Mario daqiiqaddii 51aad ee ciyaarta, ayna 1-0 ka dhigay natiijadii kulankii dhexmaray labada kooxood.

Guul-darradani waa tii saddexaad ee la kulanta Bologna ciyaarihii ugu dambeeyay.

Perugia oo u qalantay guusha waxay kor ugu hinqatay kaalinta siddeedaad ee tartanka.

 

Torino 1, Lecce 1

Laad xor ah oo uu miidaamiyay difaaca Romania ee Ghoerghe Popescu, ayaa keenay in Lecce ciyaarta 1-0 ku hoggaamiso daqiiqaddii 35aad, hase yeeshee daqiqaddii 76aad ayuu goolkii barbaraha keenay weeraryahanka reer Uruguay ee Franco.

 

 

Tartan orodka 5000 m ah oo ka dhacay Berbera

T

artan orodka dheer ee 5000 ee mitir ah ayaa shalay ka dacay magaalo xeebeeda Berbera, tartankaasna waxaa kaalinta koowaad ku guulaystay orodyahanka lagu magacaabo Maxamed Axmed Cismaan oo orodkisii ku dhammeeyay 19:00 daqiiqadood, kaalinta labaad ee orodkaa waxa ku guulaystay Caydaruus C/llaahi Cawad oo ku orday 20 daqiiqadood, kaalinta saddexaadna waxa ku guulaystay wiilka lagu magacaabo Axmed-yaasiin C/llaahi Haybe oo ku orday 21 daqiiqadood.

 

Kaalinta afraad ee isla tartanka waxaa galay Mr. Hurry Gulker oo ku orday 29 daqiiqo.

Orodyahanadi ku guulastay saddexda kaalmood ee ugu horreeya waxaa la guddoonsiiyay abaalmarino lacageed iyadoo dhinaca kalena 10-ka orodyahan ee tartanka ugu horreeyay la guddoonsiiyay koofiyado iyo shandado ay bixisay hay’adda T.H.W oo iyadu soo qabanqaabisay tartanka. Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera. Mr. Cabdirashiid Cismaan aya abaalmarinta guddoonsiiyay orodyahanada.

 

 

Xulka Gobolka Saaxil Oo La Magacaabay

 

 

 

 

Berbera (Haatuf):- Iyada oo la filayo inay dhawaan dalka ka bilaabmayaan ciyaarihi gobollada ayaa intooda badani isu diyaarinayaan sidii ay qayb laxaad leh tartanka uga qadan lahaayeen. Gobolka Saaxil ayaa noqday kii saddexaad ee soo saara liiska magacyada ciyaartoyga gobolka ugu qaybgalaya ciyaaraha. Waxa magacyada ciyaartoygooda hore u soo gudbiyay gobolka Hargeysa iyo gobolka Togdheer.

Magacyada ciyaartoyga cusubina waxay kala yihiin sidan:

1.       C/qani Maxamed Warsame

2.       C/qani Nuur Maxamed

3.       C/qaadir xasan Ibraahim

4.       C/naasir Xasan Aadan

5.       C/raxmaan Aadan Sahal

6.       Farxaan Muuse Liibaan

7.       Mustafe Aadan C/llaahi

8.       Mustafe Maxamed C/llaahi

9.       Maxamed Cumar Jaamac

10.    Maxamed C/llaahi Cawad

11.    Maxamed Axmed Cabdi

12.    Xuseen Cabdi Axmed

13.    Siciid Axmed Rooble

14.    Xasan Saalax Siciid

15.    Cumar Maxamed Siciid

16.    Cumar Maxamed Siciid

17.    Yaasiin Cige Beegsi

18.    C/rakiin Maxamed Kaahin

19.    Mawliid Maxamed Yuusuf

20.    Mubaarig Maxamed C/llaahi

21.    Yuusuf Cabdi Samatar

22.    Xasan Maxamed Guuleed.

 

 

Ronaldo oo goolkiisii saddexaad dhaliyay ciyaartii habeen hore, kadib markuu dhaawac ka soo kacay.