SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 69-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 69, April 24, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

“Salaadiinta Iyo Itoobiya Waxay Ka Wada-hadlayaan Nabadgelyada… Shirweynihiina Wuxuu Qabsoomayaa Dhawaan”

Suldaan Maxamed Suldaan C\qaadir

 

 

 

 

Hargaysa (Haatuf) Suldaan Maxamed Suldaan C\qaadir oo ka mid ah salaadiinta reer-somaliland, ayaa waraysi uu shalay siiyey wargayska Haatuf kaga hadlay socdaal ay dalka itoobiya ku tageen wefti salaadiinta reer-burco ah oo isniintii doraad ka baqoolay magaalada burco ,una kicitimay dhinaca dalka itoobiya, iyadoo ay taasi ka dmbaysay martiqaad ay ka heleen masuuliyiinta dawladda itoobiya .

Sidoo kale wuxuu Suldan Maxamed Suld. C\qadir ka hadlay halka ay arintiisu marayso shirweynihii qaran ee ay salaadiin uu ka mid yahay hore ugu dhawaaqeen.

 

Suldaanku isag oo ugu horayn ka hadlya socdaalka ay itoobiya ku tageen salaadiinta reer-burco wuxuu yidh “Horta wa in la fahmo inay salaadiintu bilaa xuduud yihiin oo ay meeshiii dadkoodu joogaba u talaabi karaan waayo dadka aanu salaadiinta u nahay halkan (Somaliland) iyo itoobiyaba way deganyihiin , qaarna jabuuti ayey deganyiihiin , socdaalka ay labadan suldaan itoobiya ku tageena waanu la soconay, horena markii aanu burco joognay xidhiidh baanu la samaynay itoobiya , gaar ahaan gudoomiyaha baarlaamaanka federaalka itoobiya , arintuna waa sidii la isaga kaashan lahaa nabadgelyada, markaa salaadiinta la martiqaaday iyo mas’uuliyiinta Itoobiya waxyaalaha ay ka wada hadlayaan waxa ka mid ah nabadgelyada iyo sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka labada dhinac, waxaanan u arkaa inay socdaalkooda guul ka keeni doonaan.”

 

Suldaan Maxamed mar la weydiiyay, maadaama ay labada dawladood (Somaliland iyo Itoobiya) xidhiidh iyo iskaashi ka leeyihiin dhinaca nabadgelyada, sababta kelliftay inay salaadiin ahaan arrintaa galaan wuxuu ku jawaabay; “Horta nabadgelyada salaadiinta ayaa wada ee dawlad nabadgelyo doonaysa maba aragno, halka ay salaadiintu u guntan yihiin xoojinta nabadgelyada, cadawga koowaad ee nabaddu waa xukuumadda, iyadaana beelaha dabka isugu dhiibaysa.”

 

Sidoo kale, suldaanka waxa la weydiiyay warar sheegaya inay dawladda Itoobiya shaki ka qabto inay gobolka Togdheer fadhiisimo ku leeyihiin ururka Al-Itixaad ee la dagaalama dawladda Itoobiya, sababtaana loo martiqaaday salaadiinta reer Burco, wuxuuna taa kaga jawaabay, “Erayga Al-Itixaad wuxuu noqday wax ay dawladda Somaliland ku cadaadiso cidda siyaasadaheeda diidan, sidaana ay adduunyada ku beer-laxawsato, gaar ahaan Itoobiya iyo Maraykanka, balse taa waxa kama jiraan, waxa la isku hayaana waa siyaasad, mana aha in cadow la isku tilmaamo.”

 

Suldaan Maxamed waxa kale oo la weydiiyay sababta martiqaadka loogu fidiyay suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab oo keli ah, wuxuuna sheegay inay sababtu tahay Suld. Maxamed Suld. Xirsi Qani oo af-hayeenkooda ah.

Waxa jira tuhun ku saabsan inay dawladda Itoobiya damacsan tahay inay dhexdhexaadiso xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka ku kacsan oo ay salaadiinta shirweynaha qaran ku dhawaaqay ka mid yihiin, laakiin suldaan Maxamed Sul. C/qaadir oo la weydiiyay inay socdaalka salaadiinta Itoobiya tegay arrintaa lagala hadlayo wuxuu yidhi; “Waa laga yaabaa inay isla soo qaadaan arrintaa, balse annigu ma hubo, annagu se haddii aanu salaadiinta nahay marwalba wadahadalka diyaar baanu u nahay ee cidda diidani waa xukuumadda.”

 

Suldaanka waxa la weydiiyay oo kale inay xidhiidhka ay Itoobiya la sameeyeen wax xidhiidh ah kala yeesheen madaxweyne Cigaal iyo dawladdiisa, wuxuuna ku jawaabay; “Adeer maxaanu la xidhiidhnaa, Duub-cas aanu markii hore wasiiro u haysanay ayaa isku gudbay oo aan meel laga maraaba jirine.”

Sul. Maxamed Sul. C/qaadir, waxa kale oo la weydiiyay halka uu xaalkisu ku dambeeyay shirweynihii qaran ee ay hore ugu dhawaaqeen, wuxuuna ku jawaabay; “Ma jiraan wax dhulka naga yaalaa, waxaanuna filaynaa inuu shirku noo qabsoomo dhawaan, sidii aanu hore u ballanqaadnayna waxaanu ku qabanaynaa Ceelka Hargeysa.”

 

Suldaanku isaga oo jawaab ka bixinaya waxa ay tahay ujeedada la xidhiidha qabashada shriweynaha qaran ee ay u olaleynayaan wuxuu yidhi; “Ujeedada aanu shirweynaha qaran u qabanaynaa waxa weeye in la helo dawlad runta ka sheegta sidii ay Somaliland u hirgeli lahayd oo aan dadka ku maaweelin khiyaali, kana shaqaysa danta dalka iyo dadka.”

 

Madaxweyne Cigaal Oo Koonfur Afrika Ugu Kicitimay Socdaal Diblomaasiyadeed

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris Ducaale, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Mudane Cigaal uu maanta bilaabayo Socdaal hawleed oo uu ku tegayo dalka Koonfur Afrika, kaas oo uu ku sii marayo Waddano kale oo Bariga Afrika ah.

Madaxweyne Cigaal, Safarkiisa oo aan si rasmi ah daboolka looga qaadin, waxa lagu war helay barqadii shalay, markii magaalada Hargeysa lagu arkay Ciidamada Ammaanka oo la safay Waddada xidhiidhisa Madaxtooyadda iyo Madaarka, iyo Ciidamada Koofiyad-casta iyo Kooxda Baanboyda oo lagu diyaariyay Madaarka, halkaas oo sidoo kalena ay isku sii xaadiriyeen Masuuliyiin doorra oo doonayay in ay Madaxweynaha sii sagootiyaan. Laakiin, waxaa Ciidamadaas dib looga qaaday goobahaas abaaro 1-dii duhurnimo ee shalay, markii la ogaaday in Madaxweynuhu uu ka baaqday Safarkaas.

 

Wax tafaasiil ah oo rasmi ah lagama bixin, Safarka Madaxweyne Cigaal oo lagu wado maanta gelinka hore inuu dalka kaga ambabaxo, iyo ujeeddooyinkiisa.

Afhayeenka Madaxtooyadda Mr. Cabdi Idiris oo aanu shalay arrintaa wax ka weydiinayna, waxa uu sheegay in aanu faahfaahin dheeraad ah ka bixin karin Socdaalka Madaxweynaha, taas oo uu sheegay in si rasmi ah loo soo saari doono maanta. Hase yeeshee, Afhayeenku, waxa uu “Mala-awaal” ku tilmaamay xogo sheegaya in Madaxweynuhu u baxayo, sababo Caafimaad oo uu dhakhtar u tegayo dalka Koonfur Afrika, waxana uu sheegay in socdaalka Madaxweynuhu ku salaysan yahay hawl-gal diblomaasiyadeed oo uu ku tegayo dalkaas Koonfur Afrika oo sida uu sheegay xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland.

 

Cabdi Idiris, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu diyaarad khaas ah ka raaci doono Madaarka Hargeysa oo toos uu u tegi doono Koonfur Afrika, waxase uu carrabka ku dhuftay inuu ku sii weecan doono Nayroobi, dalka Kenya oo marinkiisu noqonayo.

Booqashadiisii shalay-na, waxa uu ku macneeyay Afhayeenku mid ka timi, dhinaca duulimaadkii Madaxweynuhu raaci lahaa oo dib u dhacay.

Madaxweyne Cigaal, safarkiisa waxa la sheegay in ay ku wehelin doonaan xubno Wasiiro ah, balse weli daboolka lagama qaadin.

 

Madaxweyne Cigaal, ayaa mudooyinkan dambe la-sheegayay in xaaladdiisa Caafimaad ay ka soo daraysay marba marka ka dambaysa, taasina ay saamaysay xil-gudashadiisa, wakhti ay ku kacsan yihiin dabaylo Siyaasadeed oo lig-ligaya Xukuumadiisa.

 

Dhinaca kalena, Wefti ka socda Maamulka Cabdiqaasim ee Muqdisho, ayaa la sheegay in ay shalay u kicitimeen dalka Koonfur Afrika.

Weftigaas oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maamulka Cabdiqaasim oo ah ninka la yidhaahdo Yuusuf Dheeg, uuna ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta C/qaasim oo ah ninka lagu Naanayso Ibi. Si rasmi ah looma sheegin sababta safarkooda Koonfur Afrika, waxayse wararka qaar tibaaxeen in ay arrintoodu la xidhiidho Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee lagu wado inuu bisha dabayaaqadeeda ka dhici doono magaalada Nairoobi ee dalka Kenya

 

Degmada Gebiley Iyo Duruufta Biyo-yaraanta

Maxamed Xasan (Weriyaha Haatuf) - Warbixin

Gebilay, waxay ka mid tahay degmooyinka ugu faca weyn marka loo eego magaalooyinka la midka ahna, waxay kaga jirtaa kaalinta koowaad, Inkasta oo ay ka mid tahay goobaha ugu wax-soo-saarka badan, dhinaca dakhligana ay kaalin muhiim ah kaga jirto, haddana waxaa dhibaato weyn ku haysa biyo la’aanta bariinsatay oo ilaa hadda aan maaro loo hayn.

Biyaha magaaladu cabto, waxay ka yimaadaana ceel ku yaal Jihada Waqooyi ee magaalada oo qiyaas saddex kiiloo mitir ah u jirta, ceelkaas biyaha waxaa hirgelisay Wakaaladii Biyaha ee Soomaaliya sannadkii 1972, wakhtigaas oo ay dadka magaalada ku nooli aad uga yaraayeen marka loo eego qiyaasta hadda ku nool oo ilaa lix jeer ku labanlaabmaysa.

 

Ceelka waraabiya magaalada Gebilay, wuxuu leeyahay laba kayd-biyood oo mid tahay Berked ku taalla Ceelka oo qaada 20 mitir-kuyuub, iyo kaydka labaad oo ah taangi ku dhexyaalla magaalada oo qaada 40 mitir-kuyuub. Ceelkaasi 24-kii saacadoodba, wuxuu soo saari karaa 20mk oo biyo ah, inta u dhaxaysa bilaha March iyo December, halka uu bilaha kale ee sannadka soo saaro 40mk.

Magaalada waxaa ku dhexyaalla toddoba kaalmood oo dadku biyaha ka dhaansadaan.

Aqoonyahano ku xeel-dheer Cilmiga Biyaha, ayaa daraasad ay sameeyeen ku sheegay in magaaladu maalinkasta u baahan tahay, ilaa 1,000 mitir kuyuubi oo biyo ah.

 

Sida ka muuqata Jaantuska biyaha ay magaaladu u baahan tahay iyo xadiga biyaha ay xilligan heshaa, waa laba aad u kala fog, hase yeeshee baahida biyaha ay Gebilay u qabto, waxaa daboolla gaadiidka Booyadaha oo biyo-dhaamis joogto ah ka wada Xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladu. Tiro u dhaxaysa 12-20 booyadood, ayay midkastaaba ugu yaraan saddex goor biyaha keentaa magaalada, kuwaas oo ka soo dhaamiya Ceelal ku yaalla Dooxa magaalada u dhow oo ay dad degmada u dhashay qodeen intii u dhaxaysay sannadihii 1920-1930. booyaduhu biyaha ay keenaan, waxay ceelasha kaga soo dhaansadaan kuwa waaweyn Shan iyo Toban (15,000) kun oo ah Shillinka Somaliland, halka kuwa yaryarna loogu dhaamiyo ilaa (7,500) oo Sl.Sh ah, hase yeeshee iyagu waxay halkii foosto ku iibiyan lacag u dhaxaysa (2500 – 3000) oo Shillin.

 

Haddaba, biyaha Ceelasha laga soo dhaamiyo oo qiime qaali ah ku joogga dadka, ayaa keena in marmarka qaarkood ay dadka danyarta ahi iibsan kari waayaan, taasina waxay keentaa culays dheeraad ah oo dusha ka fuulla bulshada danyarta oo ay wakhtiyada qaarkood dhacdo in ay dumarku shirikaamo biyo ah dushooda kaga soo dhaamiyaan masaafado durugsan.

Sidoo kale, waxaa jirta cabashooyin ka soo yeedhaya dadka qaarkii oo walaac ka muujiya Caafimaadka Biyaha laga keeno Ceelasha ku dhexyaalla Dooxa oo ay sheegeen in aan la daboolin tan iyo wakhtigii la sameeyay, isla markaana aanay jirin cid ka ilaalisa bahalaha oo habeenkii u soo aroorra.

 

Ceelasha Dooxa ku yaalla, ayaa iyaga qudhoodu biyo-yarood ah xilliga Jiilaalka oo aan waxba ugu filayn baahida magaalada, taasina waxay keentaa in ay Booyaduhu u aroorraan deegaano durugsan.

Haddaba, Su’aasha ay is-weydiinayaan dad badan oo ku dhaqan deegaanka Gebilay, waxay tahay sababta ay ku dhacday in degmada Gebilay oo ka mid ah, meelaha ugu horeeya ee dakhliga ugu badani ka soo galo Somaliland, haddana in ay noqoto goobaha ugu harraadka badan Somaliland?

 

Koox Ciidanka Nabad-gelyada Wadooyina Somaliland ah Oo Tababar Ugu Xidhmay Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Sideed iyo Toban Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska laanta Nabadgelyada Waddooyinka, kana kala yimi shan gobol oo Somaliland ah, ayaa Isniintii tababar laba toddobaad qaatay loogu soo geba-gebeeyay magaalada Hargeysa.

Tababarkaas, waxa Ciidanka ugu deeqday Shirkadda Caymiska Gaadiidka ee “Badbaao,” waxana ay ku baranayeen duruus iyo macluumaad ku saabsan, habka marista jidadka, kala-hagista baabuurta, calaamadaha iyo habka loola macaamilo Shilalka Gaadiidka.

Geba-gebadii tababarkaas, waxa ka qayb-galayaasha lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin iyo Calaamadaha Hagista Gaadiidka, Xaflad ballaadhan oo habeen hore lagu qabtay Hoolka Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa.

 

Xafladdaas oo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Xaaji Cabdi Waraabe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cumar Cige, Taliyaha Booliska, Masuuliyiin iyo marti-sharaf kale, ayaa masuuliyiinta Shirkadda Badbaado ee siminaarkaas soo qaban-qaabiyay iyo Saraakiisha Ciidankuba ku soo bandhigeen, dhibaatada joogtada ah ee Shilalka gaadiidku ku hayaan bulshada, taas oo ay ku tilmaameen “dilaa qarsoon” oo aan lagu baraarugsanayn.

Maareeyaha Shirkadda Badbaado, Maxamuud Nuur Ducaale oo xafladdaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Shirkadoodu ay ku bixisay tababarkan adduun dhan $ 3,000 (saddex kun oo doollar), taas oo uu sheegay in ay uga gol leeyihiin in ay ku dhiiri-geliyaan ganacsatada iyo shirkadaha Waddaniga ah in hantidooda, qayb ay dib ugu celiyaan dadka iyo dalka, waxana ay shirkaddu ku wareejisay Ciidanka Soddon (30) calaamadaha Waddo-marista ah.

 

Fu’aad Axmed, tababarihii kooxdaas, ayaa isaguna ka waramay dhibaatada Shilalka gaadiidka, isaga oo sheegay in maalin kasta uu dhaco shilka gaadiidku, laakiin dadku aanay u dareensanayn sida ay u dareemaan shaqaaqooyinka ama shilalka kale ee dhaca.

Masuuliyiinta dawladda ee xafladdaas ka qayb-galay, ayaa uga mahad celiyay Shirkadda Badbaado, kaalmadaas ay u fidisay Ciidanka, waxaana kooxdaas Shahaadooyin gudoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

2066 Shil gaadiid ah, ayaa ka dhacay Gobolka Hargeysa saddexdii bilood ee ugu horeeyay sannadkan, sida uu xafladdaas kadib Weriyayaasha u sheegay Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Gobolka Hargeysa, Maxamuud Cabdi Jaamac, waxana uu sheegay in tababarkani uu wax ka tari doono yaraynta Shilalka.

 

Dakhliga Ethiopia Ka Soo Geli Jiray Jaadka Oo Hoos U Dhacay

Addis Ababa (WIC): Dakhligii lacagta adaga ee ka soo geli jiray Itoobiya, qaadka loo dhoofiyo dhinaca Soomalaiya, ayaa hoos u dhacay, sidaa waxaa u sheegay Hay’adda Wararka ee WIC, Madaxa Kastamka ee Jigjigga Mr. Giday Tedia.

 

Mr. Giday, waxa uu intaa ku daray in uu koontarabaanku ku batay qaad ay Itoobiya u iibgeyso dhinaca Soomaaliya. Waxaa kale oo uu Sarkaalkaa Itoobiyaanka ahi sheegay in ay markii hore jiri jireen (7) toddoba Shirkadood oo qaadka dhoofiya, laakiin hadda ay hawl-galaan oo keliya (2) shirkadood oo qaadka dhoofiya. Labadan shirkadood ee sida Sharciga ah qaadka u dhoofiyaa, waxay dhoofiyaan oo keliya 276,708kgs oo qaad ah, halka markii hore laga dhoofin jiray 1,789,703kgs.

Mr. Giday, wuxuu sheegay labada shirkadood ee qaadka dhoofiyaa, ay Sagaal bilood ugu soo hooyeen Itoobiya, lacag dhan $11,225,881.

 

“Al-Qaacida Waxay Haysataan Bam Halis Ah, Waxayna Aqoon U Leeyihiin Samaynta Hubka”

Sarkaal sare oo Al-Qaacida ah oo ka mid ah Maxaabiista Maraykanku hayo

Washington (CNN):  Ninka ugu muhiimsan Maxaabiista Al-Qaaciida ee Maraykanku hayo oo ah ninka magaciisa la yidhaahdo Zubayda, ayaa sheegay in ay ururka Al-Qaaciida muhiimada saarayaan sidii ay u soo saari lahaayeen Hub Radhiyoo-aktif leh. “Way yaqaaniin, sida loo sameeyo hubkaa,” ayuu yidhi Abu Zubayda.

Abu Zubayda, waxa lagu qabtay dalka Baakistaan, kadib markii la dhaawacay 1-dii bisha April, waxayna Saraakiisha Maraykanku walaac ka muujiyeen, sida loo rumaysan karo warkan uu sheegay Abu Zubayda.

 

Warka arrintan ku saabsani, wuxuu intaa ku daray inuu Abu Zubayda oo ah ninka warka laga soo xigtay uu sheegay in ururka Al-Qaacida weeraro ku qaadayo Baananka iyo meelaha Maaliyadda ku shaqada leh ee Waqooyi-bari ee dalka Maraykanka.

Warkaas oo soo baxay Jimcihii u dambeeyay, waxay Saraakiisha Maraykanku si rasmi ah ugu celceliyeen inuu ururka Al-Qaacida baadi-goobayo Hub si laxaadle, wax u baabiin kara. Hubkaas oo ay ku jiraan, Kiimikada Bay-loojikal ah (Biological) iyo hubka leh sunta raadyow-aktifka (radioactive), laakiin weli caddaymo looma hayo inuu ururka Al-Qaacida ku guulaystay samaynta hubkaa iyo in kale.

 

19-kii bishii March ee sannadkan, Agaasimaha Hay’adda CIA-da ee Maraykanka Mr. George Tenet, ayaa Aqalka Kongereska ee Maraykanka hortiisa ka sheegay in kooxaha Argagixisadu ay hore u heleen, macluumaadka iyo wararka la xidhiidha samaynta hubka Kiimikada, baayoolajiga iyo xataa Nukliyeerka.

 

Dukmanti laga helay Xarumihii Al-Qaacida ee dalka Afgaanistaan, ayaa laga ogaaday inuu hoggaamiyaha Al-Qaacida, Usaama Binu Laadin ku hawlanaa barnaamij ku saabsan samaynta hubka halista ah ee Nukliyeerka iyo Baayoolajiga ah.

Al-Zubayda oo hadda ka mid ah Maxaabiista Maraykanku hayo, waxa uu ahaa Madaxii hawl-galka iyo Diiwaan-gelinta Ciidamada ururka Al-Qaacida.

 

Israa’iil Iyo Falastiin Oo Isku Mari

Waayay Sii-daynta Dad Ku Xayiran Kaniisad

Baytu-laxam (CNN): Muddo laba toddobaad ah, ayay markii u horeysay shalay wada-hadal isku soo hor fadhiisteen Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta dirirtu ka dhexayso, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen Ajande ku saabsan, dadka ku xayiran Kaniisadda uu ku dhashay Nebi Ciise (c.s) ee ku taal Baytu-laxam. Hase yeeshee, way isku mari waayeen sii daynta dadka Kaniisaddaa ku xayiran.

 

Labada dhinac, waxay ku kulmeen fagaaraha Menger oo u dhow Kaniisadda ay labada boqol ee qof ee Falastiiniyiinta ahi ku xayiran yihiin, wuxuuna kulankaasi socday  muddo saddex saacadood ah, taas oo markii kulankaa la isku mari waayay la isla qaatay in la isugu yimaado kulan kale, si arrimaha la isku mari waayay looga wada-hadlo.

Wada-hadaladaa, waxay Falastiiniyiintu dhinacooda soo jeediyeen in wado dhinaca Gaza ah loo baneeyo soddon Falastiiniyiin ah oo ka mid ah dadka Kaniisaddaa ku xayiran, si ay waddadaa uga baxaan. Hase yeeshee, Israa’iiliyiintuna dhinacooda ku doodeen in ay soddonkaa Falastiiniyiinta ah ay ku jiraan xubno argagixiso ah oo la baadi-doonayo, sidaa darteed aan la ogolaan karin in ay sidaa ku baxaan, taas oo uu Ra’iisal-wasaaraha Yuhuudda, Ariel Sharon sheegay in la aqbali karo oo keliya, qorshe lagu sii daynayo dadka aan argagixisada ahayn ee ku jira Kaniisadda, laakiin dadka argagixisada loo haysto ee Kaniisaddaa ku jira, “waa in Maxkamad lagu saaro dalka Israa’iil, ama ay mastaafuris ku maqnaadaan inta noloshooda ka hadhay,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil. Hase yeeshee, Falastiiniyiintu way diideen taa.

 

Shan Falastiiniyiin ah, ayaa Isniintii dorraad ka baxsaday Kaniisadda ay ku go’doonsanaayeen, waxaase qab-qabtay Ciidamada Israa’iil ee aaggaa joogga.

Madaxii Guutada Al-Aqsa ee Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, ayay Ciidamada Israa’iil Isniintii dorraad ku dileen Weerar helikobtar ah.

 

Ninka la dilay oo la odhan jiray Marwaan Zalom, waxaa la toogtay isaga oo wata baabuur habeenimadii Isniinta, wuxuuna marayay wakhtiga la dilay badhtamaha magaalada Hebron.

Marwaan Zalom, waxa gaadhiga kula jiray nin kale oo la yidhaahdo Zameer Abu Rajab oo isna halkaa ku dhintay, kana mid ahaa guutadaa.

 

 

Ciidamada Cirka ee Maraykanka oo sahan ku maray xadka Somaliland iyo Itoobiya

 

 

 

 

Walta Information Centre (WAT) -Lix hawlwadeen oo ka tirsan ciidasnka cirka ee Maraykanka ayaa horraantii bishan sahan ku maray xuduudka Itoobiya ay la leedahay Somaliland, sida laga soo xigtay Diblomaasiyiin jooga Addis Ababa.

 

Hawlwadeenadaa Maraykaynka ahi waxay siteen dhar shicib, waxayna wateen diyaarad yar oo aan ahayn diyaaradaha ciidamada.

Kooxda hawlwadeenada ciidanka cirka ee Maraykanku waxay yimaadeen dhinaca Somaliland, iyaga oo wata laba ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ilaalinayay nabadgelyadooda.

 

Warku wuxuu intaa ku daray in meelo kale oo ku yaal geeska Afrika ay kooxdaas Maraykanka ahi marytay sida xadadka ay Itoobiya la leedahay waddamada Eriteriya iyo Suudaan.

 

Sooyaalka Taariikheed Ee Somaliland

Q: 3aad

 Cumar Daahir Cumar

 

Dhulka Somaliland ee uu Maamulka Ingiriisku Xukumi jiray, waxa bedkiisu dhan yahay 68,000ml square .

Sannadkii 1924-kii, waxa dhulka Somaliland ka dhacay Abaar ba’an oo aad loo gaajooday, waxayna taasi keentay inuu si ballaadhan dhulka uga dillaaco Cudurka Daacuunka.

Isla 1924-kii, Maamulkii Ingiriiska ee Somaliland, wuxuu bilaabay dhiiri-gelinta ganacsiga iyo beeraha.

Sannadkii 1933-kii dawladda Ingiriisku, waxay Maamulkeedii Somaliland u qorshaysay Miisaaniyad dhan 213,139 Giniga Istarliinka ah (lacagta Ingiriiska).

 

Sannadkii 1933-kii, ayay dadka reer Somaliland ka soo kabteen abaarihii iyo daacuunkii ku habsaday sannadkii 1924-kii, waxayna xaaladoodii nololeed ku soo noqotay mid caadi ah.

Waxbarashada Dugsiyada Somaliland oo ay fidintoodu hakatay, xilligii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Mustacmaraddii Ingiriiska iyo Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxa xilligaa furnaa oo qudha goobaha waxbarashada ee magaalooyinka Berbera, Saylac iyo Bula-xaar.

Sannadkii 1933-kii, ayaa dib loo abaabulay hawlihii Waxbarashada. Hase yeeshee, dadka reer Somaliland ayaa ka soo horjeestay nidaamkii waxbarasho ee Ingiriiska. Sidaa darteed, waxay dawladda Ingiriisku go’aamisay in ardayda Somaliland loo diro dalka Suudaan, si ay wax ugu soo bartaan. Arrintani, waxay keentay in Ingiriisku 1933-kii shan arday u diro dalka Suudaan. Hase yeeshee, ardaydii reer Somaliland ee Ingiriisku u dirayay dalka Suudaan, waxa tegistoodii hakayey dagaalkii 2aad ee adduunka oo bilowday 1939-kii, kuna dhammaaday 1945-kii.

 

Sannadkii 1940-kii, bishii Ogost, waxa Somaliland qabsaday Ciidamadii Mustacmaradii Talyaaniga ee gumaysan jirtay Soomaaliya. Hase yeeshee, sannadkii 1941-kii, ayaa Ciidamadii Mustacmaradii Talyaaniga ee Somaliland qabsaday la jabiyay, waxaana Somaliland dib u qabsaday Ingiriiska.

Sannadkii 1935-kii, ayay Mustacmaradii Ingiriisku magaalada Berbera ka furtay Xarun Waxbarasho oo ballaadhan…

La soco……………….

 

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Saleebaan, Siyaad Barre Burbur Iyo Baaba’ Buu Ka   Tegay

 

Annaga oo ah muwaadiniin reer Somaliland ah, laakiin hadda deggan dalka Denmar, waxaanu ra’yigayaga shakhsiga ah ka dhiibanayaa waraysi uu siyaasiga Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan-gaal) siiyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da dhowaan.

Hadallada Saleebaan ee waraysigaa waxa ku jiray waxa ka mid ahaa Siyaad Barre waxbuu ka tegay iyo waxbuu qabtay, laakiin Saleebaan oo ah nin loo hanweyn yahay, isla markaana ah nin damac siyaasadeed leh oo doonaya inuu hoggaamiye sare noqdo.

 

Sidaa darteed, waxa mar walba looga baahan yahay inuu xaqiiqda ka hadlo, isla markaana waa inuu muujiyo deggenaan iyo dul-qaad, waayo haddii aad cadhooto ama aad xaqiiqda gees marto waxay taasi wax u dhimaysaa sumcaddaada iyo kal-soonidii shacbiga, iyada oo laga yaabo in laguu arko mas’uul fudud oo sida la ogyahay aan xil qaadi karin.

 

Siyaad Barre kama tegin wax lagu majeerto, dhaxalka keliya ee uu ka tegayna waa burbur iyo baab’a, isla markaana Siyaad Barre wuxuu ahaa nin keli-taliye ah oo naxariista islaamnimo iyo dadnimada aadamanimo ka arradan, taasina waa ta keentay inuu xadhig, xasuuq iyo khasaare aan xad lahayn geysto, iyada oo ay dhibaatada Siyaad Barre geystay guud ahaan saamaysay Soomaali oo dhan, laakiin isweydiin mayno wixii dil, xadhig, xasuuq iyo burbur u geystay dadka reer Somaliland.

Haddaba Saleebaan marka uu ammaano digtaytar Afweyne oo kale ah, miyaanay rumoobayn hadalkii uu Cigaal yidhi markii Saleebaan la xidhay ee ahaa Saleebaan belaayo ayuu xambaarsanaa, iyada oo aanu anagu ka xumaanay xadhigaagii.

 

Saleebaan miyaanuse ogayn inuu ammaanta Afweyne ku waayayo hoggaaminta iyo damaca siyaasadeed ee uu higsanayo.

Waayo ninka uu Saleebaan ammaanayo dadkii dooran lahaana uurka ayay ka neceb yihiin.

Ta kale madaxweyne Cigaal waxa uu qabtay indhaha shacbiga ayay hor yaaliin, mana aha inuu Saleebaan Afweynena ammaano, madaxweynihii ay dadku doorteena uu dhalleeceeyo, taasna waxaan leenahay xaasha’e nin libin kaa xisdiyay xumihii waa yaabe.

 

Iyada oo ay isweydiintu tahay Saleebaan muxuu ku ammaanay Siyaad Barre, ma wixii uu geystay ayuu ilaaway, mise cid buu derejo iyo sumcad kaga doonayay, jawaabtaasi waa mid Saleebaan laga sugayo.

Maxamuud Aadan (Denmar),

Khadar X. Maxamed (Denmark).

 

 

 “Injineerada Somaliland Waxaan Leeyahay….

Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree,

Way dhici lahaayeen dhismahooda weeyaan.

Ku bilaabid magaca Alle ee Naxariis guud iyo mid gaarba.

Hambalyo wasiirka hawlaha Guud iyo Ingineer Abdi Ali Barkhad oo ah hoggaanka fuliyaha shaqo maalmeedka udub u taagista korontada Hargeysa iyo dhammaan shaqaalaha hawsha wada.l

Waxaad moodaa marka aad tahay ummad yar oo sabool ah in raxmaadka Ilaahay ina siiyaa ay inoo leeyihiin khasaare iyo faa’iido, tusaale ahaan roobkii toddobaadkan da’ay wuxuu nooleeyay dhirtii, waxaanu waxyeelo khatarteeda leh u geystay sabada tiirarka laydhka ee laga taagay laamiyada hareerahooda oo qaarkood ciireen, khatar badana keeni kara marka la shido laydhka, haddaan iminka wax laga qaban.

 

Waxaan codsigan u dirayaa Guddoomiyaha UNDP ee socdaalka ku jooga dalka, inuu naga caawiyo adkaynta tiirarka oo haddaan maanta wax laga qaban dili kara carruuro badan ama nafo badani ku bixi karaan.

Waxaanu leenahay welcome home.

 

Gebogebo:

Engineerada Somaliland ee jooga Hargeysa maanta oon u horreeyaana waxaan leeyahay, malaha cahdigan dalkani maanta ku jiraa waa in wax loo qabtaa ee wax inoo qabta cid kale ha la sugin ciidaada iyo calanka.

Cali Cumar Xassan Guuleed, Hargeysa

 

WAADIGA CIYAARAHA

Ma Guulaysan Doonaa Dedaalka Cadow Iyo Hayatou Ee Guddoomiyenimada FIFA

“Wax waliba waa iska caadi, Ciisena wuu heli doonaa doorashada, lacagtana wuu badin doonaa, mashaariicdana si caddaalad ah ayuu dadka ugu qaybin doonaa,” sidaa waxa laanta Afka-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay Faarax Weheliye Cadow oo ah nin Soomaali ah oo guddoomiye ku xigeen u ah xidhiidhka kubadda cagta ee Afrika ee (CAF).

Mr. Cadow wuxuu hadda olole ballaadhan ugu jiraa sidii uu doorashada madaxtinimada FIFA ugu guulaysan lahaa Issa Hayatou oo ah musharaxa u taagan tartanka jagada guddoomiyenimada xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA oo doorashadeedu ka dhacayso magaalada Seoul ee K/Kuuriya 29 bisha May 2002, iyada oo loolalanka kama dambaysta ahi dhexmarayo ninka hadda jadaa haya ee Sepp. Blatter iyo Issa Hayatou.

 

Faara Weheliye Cadow oo xilal kala duwan ka haya Afriak, Soomaaliya iyo waddamada Bariga iyo Badhtamaha Afrika (CAFA), wuxuu marar dhaw ah cambaarayn u soo jeediyay Sepp. Blatter, oo uu ku tilmaamay nin musuq-maasuq ku dhaqma, wax-tarna aan u geysan qaaradda Afrika. Haddaba inta aynaan gudogelin xaqiiqada dhabta ah ee ay salka ku hayso eedaynta loo soo jeediyay Blatter, bal aynu is dul taagno waxna iska weydiino wax-qabadka madaxda Afrika marka laga hadlayo horumarinta ciyaaraha, gaar ahaan Mr. Cadow oo isagu muddo aad u dheer ku hawlanaa ciyaaraha Soomaalida.

Faarax Weheliye Cadow, waa gacanyaraha koowaad ee Issa Hayatou, oo jagada guddoomiyenimada Afrika loo doortay sannadkii 1988.

 

Labada ninka waxaa lagu tilmaamaa kuwo aan wax-qabad lahayn oo danahooda u gaarka ah ku foogan, mana jirto wax-qabad muuqda oo ay Afrika u qabteen muddada dheer ee ay xilka ahayeen.

Mr. Cadow, wuxuu hadda guddoomiye u yahay guddiga Olymipikada qaranka Soomaaliyeed, waxaana xilkaa loogu doortay shir ka dhacay magaalada Muqdisho horraantii sannadkii dhammaaday ee 2001, shirka uu Cadow soo qabanqaabiyay ma ahayn mid ay u dhan yihiin bulshada Soomaalida ah ee uu magacooda ku huwan yahay, waayo shirkaas waxaa lagu qabtay goob aan xaaladeeda nabadgelyo sugnayn. Sido kale, waqti ku filan lama siin xubnihii shirkaa ka qaybgeli lahaa, sababta ugu weyn ee Mr. Cadow tallaabadaa u qaaday waxaa lagu macneeyay, si aanay shirka uga soo qaybgelin ragga uu uga baqdin qabay inay kaga guulaysan karaan u tartanka jagada uu muddada dheer afduubka ku haystay.

Dhammaadkii shirkaana, waxaa lagaga dhawaaqay guddoomiyenimada Cadow, oo ahayd mid awelba la filayay, maadaama aanay halkaa tegin rag miisaan leh oo xilka ku qabsan karaa. Sidoo kale waxa gebogebadii shirkaa lagaga dhawaaqay dhismaha xubnaha guddida Olympikada qaranka Soomaaliya oo ka kooban 21 xubnood, kuwaas oo intooda badani yihiin dhallinyaro aan waayo aragnimo u lahayn mas’uuliyadda loo dhiibtay oo isku Ardaa yihiin Faarax Weheliye.

 

Sida wararku sheegayaan, waxaa liiska tartanka doorashooyinka laga reebay dhammaan xubnihii dhinaca aragtida ay ku kala duwanaayeen Mr. Cadow, ee iyagu halkaa ku sugnaa waqtigii doorashooyinku dhacayeen. Magaalada Muqdisho oo ahayd goobtii doorashadu ka dhacday kamay jirin dawlad dhexe iyo maxkamado ka garnaqa wixii la isku khilaafo. Sidaa darteed, waxay ahayd kii roonoow reerka u hadh.

Marka laga tago qaabka doorasho ee Mr. Cadow ku soo baxay waxa mudnaan leh in la isweydiiyo muxuu u qabtay bulshada ciyaaraha ee uu muddada dheer madaxda u soo ahaa?

Runta biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay ma jirto tallaabo keliya oo marag-fur u noqon kata wax-tar iyo taageero uu ka geystay sidii horumar loogu samayn lahaa ciyaarah Soomaalida intii ka dambaysay burburkii dawladdii uu Siyaad Barre madaxda ka ahaa.

 

Mr. Cadow, waa nin inta badan dibedda kaga maqan dhulka Soomaalidu deto, marka keliya ee muuqiisa la arkaa waa marka ay soo dhawaato doorasho, iyada oo inta badana magaciisa la maqlo marka uu dinada kaalmooyin ku weydiisanayo magaca Soomaalida.

Ma jiraan tartamadii ciyaareed ee dalka ka dhici jiray, sidoo kale lama sameeyo tabobaro kor logu qaadayo aqoonta xirfadeed ee ciyaartoyga kala duwan ee ku nool gobollada uu Mr. Cadow magacooda ku fadhiyo kursiga Afrika.

 

Waxa jira ciyaartoy badan oo magac ku leh noocyada kala duwan ee ciyaaraha Soomaaliya, kuwaas oo ku darxumaysan meelo ka mid ah dalka gudihiisa iyo waddamada aynu jaarka nahay, kuwaas oo wax gacan-qabad ah aan ka helin madaxdooda.

Sannadihii u dambeeyay waxa jiray deeqo lacageed oo loogu yaboohay Soomaaliya, hase yeeshee aan ilaa hadda wax badan laga ogayn meel ay ku dambeeyeen. Lacagahaa waxa ka mid ah hal milyan oo dollar oo la sheegay in FIFA sannadkii 2000 ay ugu deeqday Soomaaliya, balse aan ilaa hadda cidi isweydiin meel ay ku dambaysay, isla sannadkaas waxa Soomaaliya soo gaadhay lacag dhan 250,000 kun oo dollar, oo ah lacag ay FIFA si guud ugu qorshaysay waddan kastaa inuu sannadkii qaato, si loogu kabo waddamada dhaqaalahoodu liito.

 

Deeqahaas waxa lagu go’aamiyay shirweynihii guud ee guddiga FIFA oo sannadkii 1999 lagu qabtay magaalada Los Angels ee dalka Maraykanka. Waxa kale oo jira deeqo badan oo ay waddamo badan iyo xidhiidho kala duwani u fidiyeen dalka Soomaaliya, tusaale waxa inoogu filan deeq uu dalka Faransiisku ugu talogalay in lagu maalgeliyo shirka doorashada ee guddiga Olympikada Soomaaliya oo sannadkii hore la qabtay, lacagtaas oo cadadkeead lagu qiyaasay ilaa malyan iyo laba boqol oo kun oo dollar, lacagtaasna lama garanayo meel ay ku baxday.

Maamulka ciyaaraha Somaliland oo aanu wax ka weydiinay inay wax deeqo ahi ka soo gaadheen maamulka guud ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inaanay jirin wax deeq ah oo ka soo gaadhay lacagaha Soomaalida la siiyay. Inkasta oo aanay hore u jirin xidhiidho wax ku ool ah oo u dhaxeeya Faarax Weheliye iyo meelaha ka baxsan magaalada  Muqdisho oo ah gobolka uu u dhashay Cadow, haddana waxaa maalmahan u dambeeyay bilaabmay xidhiidho iyo dhaqdhaqaaqyo isa soo taraya oo dhexmaray xubno ka socda Mr. Cadow iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ciyaaraha Somaliland, maamulka Puntland iyo Baydhabo.

 

Badhtamihii bishii March ee sannadkii 2002, waxa magaaladan Hargeysa booqasho ku yimi laba xubnood oo kala ah Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Mr. Kabay oo ah nin ay isku raas yihiin Faarax Weheliye, iyo ninka madaxda ka ah kooxda kubadda cagta ee Elmen oo ka dhisan magaalada Muqdisho, weftigaas waxay booqashadoodu la xidhiidhay sidii taageero looga heli lahaa loolanka doorashada madaxtinimada FIFA oo uu hormood ka yahay ninka Soomaaliga ah ee Cadow oo isaga laftiisu la filayo inay fursadi uga bannaanaan doonto haddii uu Hayatou jagada ku guulaysto.

 

Cadow markuu u sharaxnaa jagada guddoomiye ku xigeenka Afrika, wuxuu taageerada ugu weyn ka helay waddamada Carabta Afrika oo uu hadda si weyn uga soo horjeestay, kadib markii uu ku eedeeyay inay laaluush ugu ballan qaadeen intii uu socday tartankii doorashada madaxtinimada FIFA, ee sannadkii 1998, waqtigaas oo Blatter ka guulaystay Johanson oo ay taageerayaal u ahaayeen Issa Hayatou iyo Cadow, oo dhammaantood ka soo horjeeda guddoomiyenimada Blatter.

Mr. Cadow oo madax u ah guddiga garsoorka Afrika, waxa isaga iyo Hayatou lagu eedeeyay wado khaldan mariyeen mustaqbalkii Afrika, kadib markii ay inbadan oo ka mid ah codadkii Afrika ku lumiyeen taageeradii ay isla garab taageen Johanson oo guul-daraystay, waxa kale oo labada nin si wadajir ah loogu eedeeyay inaanay waxba ka qaban baahida dhaqaale iyo ciyaareed ee Afrika haysata iyo inay ku kaceen khiyaamooyin dhinaca garsoorka ah, gaar ahaan intii lagu jiray koobkii Afrika ee 1998, waqtigaas oo la sheegay in qaar ka mid ah garsoorayaashu ay laaluush qaateen.

 

Eedaymaha kale ee loo hayo Mr. Cadow waxa ka mid ah qaabkii loo sameeyay isku-aadka kooxaha Afrika ee koobka Adduunka 2002, kuwaas oo la sheegay inuu si badheedh ah isugu beegay waddamada Carabta sida Masar iyo Aljeeriya oo isku qayb noqday iyo Marooko iyo Tuunis oo iyana la isku beegay, taas oo keentay inay koobka adduunka ka hadhaan waddamada Masar, Maroko iyo Aljeeriya. Tallaabadaa waxa si weyn uga cadhooday dalka Masar, oo sheegay in ay kaga aargoosanayaan guuldarradii ku dhacday Hayatou iyo Cadow.

 

Xidhiidhka kubadda cagta ee Afrika (CAF), oo 16kii bishan kulan ku yeeshay dalka K/Afrika, ayaa isku maandhaafay inay go’aan midaysan ka gaadhaan cidda ay siinayaan codkooda marka la gaadho 29 May oo ku beegan maalinta doorashadu dhacayso. Waddamo badan oo Afrika ah ayaa badheedhahooda ku muujiyay taageerada ay u hayaan madaxtinimada Blatter, kuwaas oo taageeradooda ku sababeeyay inuu uga waxtar roon yahay ninka Afrikaanka ah, sida darteed aanay cidna ula simayn.

Arrintu si kastaba ha ahaate waxa muuqata in Mr. Blatter weli taageero badan ka haysto Afrika, hase yeeshee natiijada gebogebada doorashadan waxa la ogaan doonaa marka la gaadho dhammaadka bisha May ee fooda inagu soo haysa.