SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 70-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 70, April 26, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Beenisay In Itoobiya Marti-qaaday Salaadiinta Burco

 

Hargeysa (Haatuf): Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa beenisay marti-qaadka la sheegay in ay Itoobiya u fidisay laba ka mid ah, Madax-dhaqameedyada Sare ee Gobolka Togdheer, Suldaan Maxamed Xirsi-qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab oo hadda ku sugan Herer, iyadoo ay Salaadiintuna ku adkaysanayaan in Itoobiya martiqaaday.

“Wasaaradda Arrimaha Dibaddu, waxay si cad oo kalsooni leh u beeninaysaa in Salaadiintaa Itoobiya macsuuntay.” Sidaa waxa yidhi, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka) oo shalay u waramay Haatuf.

 

Md. Maxamed Cabdi, waxa uu arrintan ku beeniyay Shir-jaraa’id oo uu habeen hore Khamiistii qabtay, kaas oo uu ku sheegay in Salaadiinta Burco ee Itoobiya tegay, aanay wax marti-qaad ah ka helin dawladda Itoobiya. Suldaan Maxamed Xirsi-qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab, waxa ay ka ambabaxeen magaalada Burco Isniintii April 22, iyada oo sida la sheegay u ambabaxay magaalada Herer ee dalka Itoobiya oo martiqaad ay ka heleen dawladda dalkaas.

Balse, Wasiir Ku-xigeenka Mudane Diktoorku, waxa uu sheegay in safarka Salaadiintu uu ku egyahay magaalada Gaashaamo, halkaas oo uu sheegay in ay u tageen xallinta shaqaaqo ka dhex aloosantay dadka deegaankaas oo ka tirsan beelaha ay Madax-dhaqameedka u yihiin Salaadiintaasi.

“Itoobiya iyo Somaliland, waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto-dheer iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo aanay midna mid dadkeeda u gacan-dhaafi karin,” ayuu yidhi Digtoorku.

Wasiir Ku-xigeenka oo aanu weydiinay cidda ay kala xidhiidheen dhinaca Itoobiya, waxa uu yidhi; “Maalinkasta iyo saacad kasta waanu wada-xidhiidhnaa, halkana rag baa u joogga (Itoobiya), waxayna noo caddeeyeen in aanu jirin Martiqaadkaasi,” ayuu yidhi Diktoorku, isagoo ku nuux-nuuxsanaya beenintiisa warkaas.

 

Mar la weydiiyay, halka ay ku sugan yihiin Salaadiintaasi iminka, waxa uu sheegay in aanu wax war ah ka hayn.

Booqashada labada Suldaan ee Itoobiya, ayaa la sheegay in ay dabadda ku haysay xidhiidh beryahan dambe u socday dawladda Itoobiya iyo Salaadiinta abaabulaya Shirweynaha ka dhanka ah Xukuumadda Madaxweyne Cigaal ee Saldhigoodu yahay Burco, isla markaana uu magaaladaas tegay ergey Itoobiya ka socday oo wada-hadal la soo yeeshay Salaadiinta, ka hor intii aan martiqaadka la-gaadhsiin.

Hase yeeshee, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo aanu taas weydiinay, waxa uu sheegay in aanu gebi ahaanba jirin ergey Itoobiyaan ah oo Salaadiintaas ugu tegay Burco iyo wax xidhiidh ah oo Itoobiya la samaysay midna. Laakiin, Wasiir Ku-xigeenku, waxa uu sheegay in aanu isagu ogaan karin haddiiba Salaadiinta dhinacooda uu ka dhashay xidhiidhka iyaga iyo Itoobiya, ayna codsadeen in ay wada-hadlaan.

 

Socdaalka Salaadiinta, ayaa ku soo beegmay wakhti dawladda Itoobiya oo si weyn ugu lug leh dedaalka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, xidhiidh dhowna la leh Maamulada Somaliland iyo gobolka Puntland ee Soomaaliya ay bilowday dedaal cusub oo ay ku dhexdhexaadinayso, labada nin ee isku haya talada Puntland, Col. C/laahi Yuusuf oo Itoobiya aad ugu tirsanaa iyo Jaamac Cali Jaamac oo mid waliba gaarkiisa u sheeganayo inuu yahay Madaxweynaha Maamul-goboleedkaas. Taas oo Booqashada Salaadiintana ka bixisay sawir ama turjumaad muujinaysa in sida Puntland oo kale ay Itoobiya danaynayso in khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland-na lagu xalliyo wada-hadal, dhexdhexaadna ay ka gasho. Hase yeeshee, Wasiir Ku-xigeenka Arr. Dibadda, Mud; Diktoorka oo aanu wax ka weydiinay suurta-galnimada arrintaas, waxa uu yidhi: “Ma dhici karto.”

“Annagu warkaa ma hayno,” ayuu raaciyay, waxana uu sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Salaadiinta iyo dawladda.

Dhinaca kale, Booqashada Salaadiinta oo uu hore faahfaahin uga bixiyay Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka mid ah Salaadiinta beelaha Hargeysa, ayaanu shalay wax ka weydiinay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mid ah Salaadiinta reer Burco.

 

Suldaan Maxamuud Guuleed oo aanu telefoonka ku waraysanay, isagoo joogga Burco, mar uu ka jawaabayay warka Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibaddu ku beeniyay martiqaadka Salaadiinta, waxa uu yidhi: “Casuumad way ka heleen Itoobiya, waxayna baxeen iyaga oo metela gobolkan. Dacaayado khaldan oo la fidiyay oo ay fidiyeen dad cadow u ah gobolkan oo la leeyahay Argagixiso iyo cadow Itoobiya, ayaa joogga bay ka soo saarayaan fikraddaas khaldan ee lagu soo jiheeyay. Wax cadow Itoobiya u ah oo gobolkan joogga ma jiro, Itoobiyana xidhiidh fiican oo qoto dheer baa ina dhexyaal, dad baa inaga dhexeeya, iyo deris-wanaag. Fikraddaas khaldan bayna ka soo saarayaan.”

Suldaan Maxamuud oo la weydiiyay in Itoobiyaanku ay la soo xidhiidheen iyo in iyagu dalbadeen, waxa uu yidhi: “Inkasta oo annagaba ay qorshaha noogu jirtay in aanu la xidhiidhno, imika martiqaadka waxa fidisay oo ku horeysay dawladda Itoobiya.”

 

Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, waxa kale oo uu xaqiijiyay in ergey Itoobiyaan ahi uu tegay Burco, isla markaana uu la kulmay Boqor Maxamuud Cali Carab iyo Suldaan Maxamed Xirsi-qani, waxana uu sheegay in ergeygaas laftiisu uu martiqaadka soo gaadhsiiyay labada Suldaan.

Suldaanku, waxa uu sheegay in aanu xog dheeraad ah ka hayn, halka lagu martiqaaday Suldaanka iyo Boqorka, in ay Gaashaamo tahay iyo in ay dhaafayeen, balse uu hubo in la martiqaaday.

“Way dhici kartaa,” ayuu yidhi Suldaanku, mar uu ka jawaabayay in martiqaadka Salaadiintu uu ku lug leeyahay dedaal Itoobiya doonayso in ay ku dhexdhexaadiso khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland.

“Balse, taas ma hubo. Waayo, Salaadiintaas bay kulmayaan, iyaga ayayna ajandahay damacsan yihiin u soo jeedin doonaan,” ayuu raaciyay Suldaan Maxamuud Guuleed.

 

Laba Wefti Oo Ka Kala Socda Somaliland Iyo Maamulka C/Qaasim Oo U Wada-Socdaalay Koonfur Afrika

Hargeysa (Haatuf): Laba Wefti oo mid ka mid ahi uu ka socdo dawladda Somaliland, uuna hoggaaminaayo Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, ka kalena uu ka socdo Maamulka C/qaasim oo uu hoggaaminayo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), ayaa isku maalin ka dhoofay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, isla markaana labadooduba u ambabaxay dalka Koonfur Afrika oo ay ku tageen Socdaalo rasmi ah.

 

Arbacadii Toddobaadkan, ayaa Madaxweyne Cigaal iyo Wefti uu hogaaminayaa ay ka duulleen Madaarka magaalada Hargeysa, una socdaaleen dhinaca dalka Koonfur Afrika. Siduu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris, ujeeddada Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisu, wuxuu ku macneeyay in ay tahay mid Caafimaad iyo mid shaqo. “Madaxweynuhu, muddo saddex biloodaba xannuun ayuu dareemayay, hase yeeshee hawl-daraadeed ayuu iskaga adkaysanayay,” ayuu ku yidhi Afhayeenku War-saxaafadeedkiisa, waxaanu intaa ku ladhay in Madaxweynuhu uu Cusbitaalka geli doono markuu tago Koonfur Afrika, isla markaana ay Wasiiradda la socdaana sii wadi-doonaan hawlo Siyaasadeed, inta uu Madaxweynuhu hawsha Caafimaad ku jiro.

Afhayeenku, waxa kale oo uu War-saxaafadeedkiisa ku xusay in Weftiga Madaxweynuhu uu maqnaan doono, muddo 10-maalmood ah.

 

Madaxweyne Cigaal iyo Weftigiisa oo ay ka mid yihiin; Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maxamed Siciid Gees; Warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale; Guddoomiyaha Baanka C/raxmaan Ducaale; Marwada Madaxweynaha, Kaltuun X. Daahir, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Cali Sheekh Ibraahim iyo Sarkaalka Nabadgelyada Madaxtooyadda Abokor Sulub Axmed, wuxuu markii hore qorshuhu ahaa in ay ka dhoofaan Hargeysa maalintii Salaasada, hase yeeshee taasi may suuro-gelin. Afhayeenka Madaxtooyadda, Cabdi Idiris oo aanu wax ka weydiinay sababta dib-u-dhacaa keentayna, wuxuu sheegay in dib-u-dhacu ka yimi dhinaca diyaaradii ay raaci lahaayeen oo daahday, sidaa daraadeedna ay u negaadeen, isla markaana wuxuu afhayeenku muujiyay in diyaaradda ay raacayaan ay tahay mid gaar ah oo aanu kala caddayn in ay kiro tahay iyo in loo soo diray. Mar aanu weydiinay in Itoobiya leedahay diyaaradda iyo in Shirkadaha Waddaniga ahi leeyihiina, wuxuu carabka ku dhuftay in aanay labadaa midna lahayn diyaaradda.

 

Intaas ka sokow, Cabdi Idiris Ducaale isla wakhtigaa oo ahaa habeenkii Arbacada (habeenimadii maalintaa hore ee weftigu baaqday), waxa kale oo aanu wax ka weydiinay ujeeddada socdaalka Madaxweynaha, kaas oo uu ku sifeeyay mid diblomaasiyadeed. “Socdaalka Madaxweynuhu, waa mid diblomaasiyadeed oo hawlo Siyaasadeed lagu soo qabanaya, sababtoo ah sidaad ogtihiinba Koonfur Afrika, waxaa inaga dhexeeay xidhiidh wanaagsan,” ayuu yidhi Afhayeenku. Wuxuu intaa raaciyay oo uu meesha ka saaray in socdaalka ay qayb ka tahay, arrinta Caafimaad ee uu War-saxaafadeedkiisan dambe ku cadeeyay, waxaanu markaa hore ee aanu wax ka weydiinay Jiritaanka arrintaa ku tilmaamay in ay tahay Mala-awaal.

 

Isla habeenkaas Afhayeenka Madaxtooyaddu, wuxuu Haatuf u sheegay in qorshuhu yahay in Weftiga Madaxweynuhu ay sii maraan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, balse muu sii iftiimin sababta ay u marayaan waxa ay tahay, waxaanu kaga baxay oo keli ah; “Ma marayaan Addis Ababa ee qorshuhu, wuxuu ahaa in ay sii maraan Nayroobi, haddii aanay wax iska beddelin.”

 

Iyadoo ay wararkii ku saabsanaa, weftiga Madaxweynaha ee ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland maalmihii Arbacadda iyo Salaasadu sidaa ahaayeen, ayaa dhinaca kalena waxaa isla maalintii Arbacadda ee weftiga Madaxweynuhu ka dhoofay Hargeysa, iyana ka dhoofay magaalada Muqdisho wefti ka socda Maamulka C/Qaasim oo u ambabaxay dalka Koonfur Afrika. Siday baahisay Idaacadda Raadiyow Muqdisho, weftigaas waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maamulkaa, Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), waxaanay ku sii hakanayeen magaalada Nayroobi, halkaas oo uu warku sheegay in ay wada-hadalo ku saabsan qadiyadda dib-u-heshiisiinta Soomaaliya kula yeelanayaan Madax ka tirsan dawladda Kenya, isla markaana ay ka wada-doodaan sida kooxaha Soomaaliya uga soo qayb-galayaan Shirka Nairobi ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee lagu wado inuu halkaa ka dhaco.

 

Idaacadda Muqdisho warkaa ay baahisay, waxa kale oo ay ku sheegtay in weftigaasi u sii gudbayo dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay xustay in ay kaga qayb-galayaan Shirka dawladaha loogu yeedho “Dhexdhexaadka”(Non-align Movement) oo halkaa ku qabsoomi doona. Warku, wuxuu intaa ku daray in muddada ay Koonfur Afrika joogaan ay la kulmi doonaan, Madax ka tirsan dawladda Koonfur Afrika iyo kuwa Shirka ka qayb-galayaba. Hase yeeshee, ma cadda in ay kulamo yeelan doonaan, Weftiga C/qaasim iyo Weftiga Madaxweyne Cigaal.

 

Madaxweyne Cigaal Oo Xaalad Degdeg Ah Loo Dhigay Cusbitaal Milateri

Pretoria, South Afrika – Madaxweynaha Somaliland Mudane Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo Arbacadii dorraad, arrimo Caafimaad ugu kicitimay dalka Koonfur Afrika, ayaa isaga iyo Weftigii la socdayba waxay nabad tageen magaalada Pretoria ee Xarunta dalkaas habeen hore, sida uu sheegay war xalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

 

Warku, waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Cigaal, isla markii uu halkaa gaadhayba loo gudbiyay Cusbitaal Milateri oo ku yaalla Pretoria, si loogu daweeyo, loogana gaadhsiiyo daaweyn uu si degdeg ah ugu baahday.

“Kadib, taxadir xoog leh oo la siiyay, daaweynta Madaxweyne Cigaal iyo la-tashiyo uu la-sameeyay Dhakhtarkiisa Shakhsiga ah iyo qoyskiisa, Madaxweynuhu wuxuu doortay in lagu daaweeyo dalka Koonfur Afrika,” ayuu sheegay warka ka soo baxay  Wasaaradda Warfaafintu xalay.

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyaddu Arbacadii, kadib markii Madaxweynuhu ka ambabaxay dalka, ayaa isagu sheegay in Madaxweyne Cigaal taxadirka daaweyntiisa darteed uu diiday inuu Caafimaad u tago dalalka Carabta. Sidoo kale, waxa uu diiday in lagu daaweeyo Cusbitaal Milateri oo Koonfur Afrika ah, isaga oo doorbidayay in la-geeyo Cusbitaal gaar loo leeyahay (private) oo isla dalkaas ah.

 

Warku, ma sheegin sababta beddeshay qorshihii daaweynta Madaxweynaha iyo sida ay hadda tahay xaaladiisa Caafimaad.

 

Sida warku sheegay, Madaxweyne Cigaal oo ay weheliyaan Marwada Koowaad, Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Baanka, waxa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Koonfur Afrika, Dr. NC Dlamini Zuma iyo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Milateriga Koonfur Afrika.  Waxa kale oo uu warku sheegay, Madaxweyne Cigaal isagoo ku hadlaya magaca dawladda Somaliland inuu uga mahad-naqay dawladda Koonfur Afrika, sidii diirranayd ee ay u qaabishay, waxana uu si gaar ah ugu mahadnaqay, Danjiraha Koonfur Afrika ee u fadhiya Itoobiya Danjire; Kingsly Mamabolo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika oo Madaxweynaha u fududeeyay in dalkaas lagu daaweeyo.

 

Itoobiya Oo Dib-u-soo Celinaysa 30,000-qof Oo Qaxooti ah

Addis Ababa (Wic): Ilaa 30,000 oo qaxooti ah oo u dhashay Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in dhawaan laga soo celiyo Itoobiya, sida uu sheegay Xafiiska Hay’adda UNHCR ku leedahay Addis Ababa, Itoobiya.

 

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Xafiiskaas, Mehari Masho, ayaa Isniintii u sheegay Saxaafadda in qaxootiga ku jira xeryaha Kaam Abokor iyo Rabaso ee Bariga Itoobiya, dib loo celin doono sannadkan gudihiisa, waxana uu Mehari intaa ku daray in kadib marka la qiimeeyo natiijada sida uu u fulay hawl-galka dib-u-celinta qaxootigaas, sidoo kale ay bilaabi doonaan dib-u-celinta qaxootiga ku jira xeryaha Aysha, Harta Sheekha iyo Qabri-dahare.

Hawl-galkaa waxa la fulin doonaa keliya, ayuu yidhi; haddii Maaliyad ku filan iyo sahay la helo, isla markaana la xaqiijiyo nabadgelyada meelaha  qaxootigaas lagu celinayo.

Mehari, waxa uu intaas ku daray in Qaxootigaa la siin doono, marka la celinayo midkiiba sagaal bilood oo raashin qallalan ah, weelka wax lagu karsado iyo lacag dib-u-dejin ah.

 

Qaxootigani, waxay badankoodu ka bara-kaceen Somaliland, dabayaaqadii 80-neeyadii markii dalkan dagaalada qadhaadhi ku dhexmareen Ciidamadii Siyaad Barre iyo Xooggagii SNM.

Itoobiya, waxay sheegtaa in ay magan-gelisay in ka badan 154,000 oo qaxooti ah oo ka kala yimi, Waddamada Soomaaliya, Suudaan, Djabuuti iyo Ereteriya.

 

Khabiir Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo Dembiyadii Dagaal Ee Soomaaliya

 

Geneva (Routers): Khabiirka Hay’adda Xuquuqul-insaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Qaanim Al-najaar, ayaa ku baaqay in baadhitaan Caalamiya lagu sameeyo, dambiyadii dagaalka ee ka dhacay dalka Soomaaliya, taas oo qayb ka ah, dedaalka dib-u-heshiisiinta ee la wado. Sidaana wuxuu sheegay mar uu hadal ka jeediyay guddiga Xuquuqul-insaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee uu Saldhigeedu yahay Geneva.

 

Mr. Qaanim, bayaan uu soo saaray hadalkaa kadib, waxaa kale oo uu ku baaqay in sidoo kale baadhis Caalamiya lagu sameeyo xad-gudubyadii la-sheegay in ay ku kaceen Ciidamadii Qaramada Midoobay ee ka hawl-galay Soomaaliya, horraantii sagaashanaadkii. “Waxa jirta Xad-gudubyo dhinaca Banii’aadamnimada ah oo hore loo geystay iyo falal Waxashnimo ah… guddi Madaxbannaan oo la sameeyaana waxay dadka Soomaaliyeed dareensiinaysaa in aan mushkiladooda la ilaawin gebi ahaanba,” ayuu yidhi Mr. Qaanim, isaga oo soo jeediyay in la sameeyo Maxkamaddo gaar ah oo la mid ah kuwa laga sameeyay Ruwaanda iyo Boosniya ee qaadda dambiyadii dagaalka ee ka dhacay dalalkaa.

Sidoo kale, wuxuu shaki ka muujiyay in si xun looga faa’iidaysto eedaymaha loo soo jeediyay Ciidamada Qaramada Midoobay ee ka hawl-galay Soomaaliya.

 

“Eedaymahaa, waxaa loo soo jeediyay Ciidamadii ka socday Maraykanka, Kanada iyo Talyaaniga, waxaana xaqiiqo ah in ay tani dagaal Siyaasadeed ka furayso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayuu yidhi Mr. Qaanim Al-najaar, isaga oo ugu dambayna u soo jeediyay, gaar ahaan dalalka Ingiriiska, Djabuuti, Kanada, Masar, Itoobiya, Kiiniya, Talyaaniga, Maraykanka iyo Yaman in ay Maxkamaddo soo taagaan, dadka Soomaalida ah ee ku eedaysan in ay dembiyo dagaal iyo falal waxashnimo geysteen ee dalalkooda ku sugan.

 

 

Shir Lagaga Arrinsanayay Dhammaystirka Jidka Dilla – Boorama Oo Ka Dhacay Boorama

 

 

 

 

Boorama (Haatuf): Shir laga arrinsanayay Xoojinta hawlaha dib-u-dhiska Jidka Dilla iyo Boorama, ayaa shalay subax lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Awdal ee Boorama.

 

Siduu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamed Cumar, kulankaas oo ay ka qayb-galeen Maamulka cusub ee G. Awdal iyo degmada Boorama, Guddiyada Sagaal urur-haween, Salaadiin iyo dad kaleba, waxaa si weyn loogaga dooday sidii loo dhammaystiri lahaa Jidka Dilla iyo Boorama. Masuuliyiinta Shirkadda Shaafici oo wada dhismaha Jidkaas, ayaa warbixin ay ka bixiyeen halka hawshu marayso ku sheegay in durba la dareemay isbedelka Jidkaa, marka la dhammaystirana la wada dareemi doono. Waxay intaa ku ladheen in wakhtigan loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha weli jira, ayna lama huraan tahay in loo kaco dhammaystirka Jidkaa ayay yidhaahdeen. Waxay intaa ku dareen in loo baahan yahay xoog iyo xoolo, isla markaana waxay haweenka ka dalbadeen in ay ka qayb-qaataan, dhaqaajinta wejigan labaad ee dhammaystirka dhismaha Jidkaa. Ururadii haweenka ee shirkaa ka qayb-galayna, waxay ballan-qaadeen in ay ka qayb-qaadanayaan oo aanay waxba ka hagran doonin, Sidaana waxa cadeeyay Marwo Ikraan X. Daa’uud iyo Sacaada Nuur Geedi oo ku hadlay magaca haweenkii Shirkaa ka qayb-galay.

 

Badhasaabka cusub ee Gobolka Awdal, isla markaana ah Maayarka Boorama Axmed Muuse, ayaa isna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku sheegay in aanay Xukuumaddu, waxba ka hagran doonin ka-qayb-qaadashada dhismaha Jidka.

 

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku hadlayay magaca bulshada reer Boorama, ayaa isna ku baaqay in dadku u kacaan ka-qayb-qaadashada dhismaha Jidkaas oo uu xusay in ay iloobeen, Xukuumaddii Soomaaliyadii hore iyo tan Somaliland ee talada haysaaba dhismaheeda.

Dhinaca kale, siduu ku soo warramay Weriyahayagu, Badhasaabka cusub ee G. Awdal oo isla markaana ah Maayarka Boorama Axmed Muuse, ayaa xilkii Maamul ee Gobolka iyo degmadaba, si rasmi ah ugala wareegay Badhasaabkii hore ee Gobolkaas, Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne) iyo Maayarkii hore ee Boorama Maxamed Daheeye Ismaaciil. Xil-wareejintaana, waxaa goob-joog ka ahaa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Jaamac.

 

Xoghayihii Hore Ee Degmada Gabiley Oo Xilkii Laga Tiriyay

Gabiley (Haatuf): Xoghayaha cusub ee Degmada Gebiley Mr. Maxamed Ciise Dhergiye, ayaa shalay xilkii Xoghayanimada kala wareegay Xoghayihii hore Mr. Maxamed Cabaas Jaamac oo shaqada laga fadhiisiyay April 20.

Xafladdan Xil-wareejinta, waxaa ka qayb-galay Wasiir Ku-xigeenka Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland, Mr. Cabdi Cawaale Jaamac.

 

Hawsha Xil-wareejinta ee Xoghayaha D/Hoose ee Gabiley, waxaa muddo saddex cisho ah u joogay magaalada Gebiley, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa iyo Agaasimaha Waaxda Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland. Hase yeeshee, may jirin Xil-wareejin la isla ogolyahay oo u suura-gashay labadaa Wasiir, wixii ka horeeyay tan shalay ee uu goob-joogga ka ahaa, Wasiir Ku-xigeen Hawlaha Guud, Mr. Cabdi Cawaale.

Wariyaha Haatuf ee Gabiley oo wax ka weydiiyay, Masuuliyiinta sababta ay 3 cisho ugu suurta-gali wayday in ay xilka Xoghaye-nimada Dawladda Hoose ee Gabiley ku wareejiyaan Masuulkii loo soo magacaabay, ayaa sheegay in ay waayeen Xoghayihii xilka laga wareejin lahaa, Mr. Maxamed Cabaas oo uu ka soo daahiri waayay goobtii xil-wareejinta.

 

Warku, wuxuu intaa ku daray in labadan Masuul ee ka socday Wasaaradda Arrimaha Guduhu ay shalay intii aanay xil-wareejintu si rasmiya u dhicin ay sameeyeen xil-wareejin, dhinicii Xilka la-wareegayay oo qudhi uu goob-joog ahaa Mr. Maxamed Ciise Dhergiye, hase yeeshee, waxaa isla shalay dhacday Xil-wareejin ay labada dhinacba goob-joog yihiin.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Ibraahim (Saleebaan-Guray)

 

Taariikhda Kubadda Cagta Adduunka

Q: 4aad

 

 

 

Qormadan oo aanu si xidhiidh ah ugaga hadallo taariikhda koobka kubadda cagta adduunka ayaanu maanta ku eegi doonaa qaybtii afraad ee taxanaha ciyaaraha.

Qormadan waxaanu ku soo qaadanaynaa koobkii shanaad ee adduunka oo lagu qabtay dalka Switzerland 1954.

Tartankii shanaad ee koobka adduunka ayaa noqday mid si weyn uga duwan kuwii hore u jiray, iyada oo kooxaha ka qaybgalay tartanka is-reeb-reebku ay gaadheen 38 waddan.

Martigelinta tartanka waxaa loo doortay dalka Switzerland, Uruguay iyo kooxda Hungary oo mid adag ahayd kama dambaystana soo gaadhay ayaa iyana wareegaa u soo gudbay.

England iyo Scotland, labaduba waxay u soo baxeen tartankaa, waxa kale oo tallaabooyin kuwaa la mid ah qaaday waddamada Austria, Beljium, Brazil, Czechoslovakia, France, Italy, Mexico, South Korea, Turkey, West Germany iyo Yugoslavia.

 

Kooxda Hungary oo sannadkaa wacdaro soo bandhigta ayaa 17 gool ka dhalisay laba kulan o keliya, waxay 9-0 ku garaacday South Korea, sidoo kale waxay 8-3 gool u dhiibtay Jarmalka Galbeed, waxayna noqotay ciyaartii ugu murugada badnayd tartanka.

Kulankii dhexmaray Hungary iyo Brazil, waxaa hoos u dhigay mudahraad rabshado wata, kaas oo ka dhashay dagaal ka dhex qarxay daawadayaasha iyo ciyaartoygii kaydka fadhiyay.

Ciyaartoygii ayaa mar dambe murankii dib uga dhex aloosmay markii ay isugu tageen qolka beddelashada, halkaas oo uu ka dhacay waxa loo yaqaan dagaalkii ‘Berni’.

Naxdintii ugu weynayd waxay dhacday markii la gaadhay kulankii kama dambaysta ahaa oo Hungary ay garaacday kooxdii Jarmalka Galbeed oo ay kulankii hore u dhexmaray 8-3 ku dhirbaaxday. Guuldarradaa Hungary soo gaadhay waxay ahayd tii ugu horraysay ee la kulanta 33 ciyaarood oo ay yeelatay muddo afar sannadood ah.

 

Halyaygii sannadkaasi waxaa ku guulaystay ciyaaryahanka Ferenc Puskas oo u dhashay Hungary, oo weli ka cabanaya dhaawacii ka soo gaadhay kulankii ay Jarmalka la yeesheenj. Puskas wuxuu noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee dalkiisa uga qaybgala koobka adduunka.

Sidoo kale ciyaartoygii ugu masrixiyadda fiicnaa oo ahaa goolhayihii xulka England, inkasta oo khalad uu galay darted uu keenay in xulkiisu 4-2 ay ku tuntay Hungary, haddana wuxuu sannadkaa galay diiwaanka xusuusta lagu qoro, kulankaa ay ka maqnaayeen saddex ciyaartoy oo dhaawacmay, kuwaas oo loo diiday inay ku beddelaan ciyaartoygii kaydka u ahaa.

Kulanka kama dambaysta oo dhexmaray West Germany iyo Hungary, wuxuu ku dhammaaday 3-2 gool oo Jarmalka Galbeed ku badiyay, ciyaarta qaybteedii hore waxay ku dhammaatay 2-2 gool (barbaro).

Tartanka gool-dhalinta waxaaq sannadkaaq qaaday weeraryahanka waddanka Hungary ee Kocsis, oo dhaliyay 11 gool.

 

Kooxdii Jarmalka Galbeed u qaaday kobkii ugu horreeyay ee ay qaado waxay kala ahaayeen;

Turek, Posipal, Kohlmeyer, Eckel, Liebrich, Mai, Rahn, Morlock, O Welter, F Welter (Kabtanka), Schafer.

Xulka Hungary waxaa u saftay;

Grosics, Buzansky, Lantos, Bozsik, Lorant, Zakarias, Czibor, Kocsis, Hidegkuti, Puskas (Kabtanka) iyo Toth.

 

Sweden 1958

Koobkii lixaad ee adduunka oo sannadki 1958 ka dhacay dalka Sweden, wxuuu ahaa kii ugu horreeyay ee si caalami ah looga daawado telefishanada, waana kii ugu horreeyay ee Brazil ka bilowday hanashada horyaalka koobka adduunka, sidoo kale wuxuu noqday koobkii ugu horreeyay ee uu qaado waddan debedda ka ah qaarada lagu qabtay.

 

Dalkii Midowga Sofiyeeti ee burburay ayaa markii ugu horraysay ka soo qaybgalay ciyaaraha kama dambaysta, waxayna fooda isla galeen Hungary oo sannadkii 1956, qaar ka mid ah ciyaartoygii halbawlaha u ahaa dalka debedda uga baxeen, sidaa darteedna aan tartanka ka qaybqaadan.

Xulkii England oo badhkii ku halligmay burbur diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Munich, ayaan u soo gudbin ciyaaraha kama dambaysa, laakiin kooxaha Wales iyo Waqooyiga Ireland, ayaa u soo gudbay markii ugu horraysay tartanka. Wales, waxay ugu soo gudubtay si sharci ah, halka Waqooyiga Ireland ugu so gudubtay markii ay 2-1 kaga badisay Talyaaniga kulankii ka dhacay magaalada Belfast.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga Ireland, waxaa ka mid ahaa nin ka badbaaday shil dayuuradeedkii Munich oo lagu magacaabo Harry Gregg, oo goolhaye xulka u ahaa, hase yeeshee labadii kooxoodba waxay muujiyeen ciyaar wanaag, waxayna soo gaadheen wareega saddexaad.

Kooxaha kale ee soo baxay waxaa ka mid ahaa Argentina, Austria, Czechoslovakia, France, Mexico, Paraguay, Scotland, West Germany iyo Yugoslavia.

 

Waxaa arrin yaab leh  noqotay markii kooxdii martigelisay kama dambaysta gaadhay, balse ay goolal tiro badan kaga badisay Brazil oo ku ciyaaraysay hannaanka 4-2-4. kooxda Brazil, waxa u ciyaarayay Didi, oo khadka dhexe kubadda ka dhisayay iyo Garrincha oo dhinaca midig uga ciyaara. Waxa kale oo afka hore uga ciyaarayay Vava oo uu caawinayay 17-jirka Pele, oo ka mid noqoshadiisa xulka loo magacaabay markii uu dhaliyay laba gool oo uu mid dedaalkiisa keli ku ahaa. Wuxuu ku daray saddexdiisi gool (hat-trick) ee uu ka dhaliyay wareegii kama dambaysta.

Halyaygii sannadkaa waxaa noqday weeraryahanka Faransiiska ah ee Just Fontaine oo 13 gool ka dhaliyay, isaga oo aan gaadhin ciyaaraha kama dambaysta ah, rikoodh ilaa hadda cid gaadhay ma jirto marka laga tago Gerd Mueller oo Jarmalka Galbeed u dhaliyay 14 gool labadii koob ee 1970 iyo 1974.

Ciyaartoygii ugu ciyaarta fiicnaa wuxuu ahaa Kurt Hamrin, oo u dhashay Sweden, kaas oo muujiyay ciyaar aad ugu wanaagsan oo dadka soo jiidatay. Hamrin wuxuu Sweden u dhaliyay goolkii ay kaga badisay Jarmalka Galbeed, kulankii wareega kama dambaysta ahaa.

Kulankii kama dasmbaysta ahaa wuxuu ku dhammaaday 5-2 gool oo ay guushu ku raacday Brazil, qaybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2-1.

 

Brazil, waxaa kulankii kama dambaysta ahaa u saftay; Gilmar, D Santos, N Santos, Zito, B illini (Kabtanka), Orlando, Garrincha, Didid, Vaava, Pele, Zagalo.

Kooxda Sweden; Svensson, Bergmark, Axbom, Boerjeson, Gustavsson, Parling, Hamrin, Gren, Simonsson, Liedholm (Kabtanka), Skoglund.

Lasoco cadada dambe…..

 

 

Manchester oo Leverkusen kala kulantay caabi kaga wareeriyay

 

 

 

Maamulaha Manchester United , ayaa sheegay inay kooxda Jarmalka ah kala kulmeen ciyaar u qaadan-waa ku riday oo kaga wareerisay, Alex Ferguson wuxuu caddeeyay inay barbaraha u qalmeen. “Waxay ahayd natiijo xaq ah, waxay aad u soo fiicnaadeen qaybtii labaad. Waxaanu u baahanahay inaanu difaac adag samayno, laakiin madax-xannuun baanu ka sii qaadnay.”

Inkasta oo uu qiray in si adag loola ciyaaray, haddana wuxuu ku adkaystay inay suurtogal tahay guul in ay ka gaadhaan ciyaarta Salaasada ay kulankii labaad la yeelanayaan kooxda Bayer Leverkusen. Isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu markhaati ka dhigtay kooxdisa iyo Juventus, kaas oo ciyaartii hore oo ka dhacday Old Traffor ay barbaro ku galeen 1-1, laakiin markii ay Turino tageen ay 3-2 kaga adkaadeen.

“Aad baanu u niyad xumayn, laakiin markii aanu u tagnay ayaanu horumar samaynay.

Dhammaantayona waanu ognahay inaanu goolal ku dhalin karno Jarmalka, in aad fursado samaysana waxay ku xidhan tahay ciyaarta.”

Manchester, waxay filaysaa inay kulankaa hesho kabtanka Roy Keane, oo sameeyay qaddar dhoola-tus ah, ciyaarta oo beddel uu ku soo galay, wuxuuna sidoo kale safanayaa kulanka Sabtida ay la yeelanayaan Ipswich.

Klaus Toppmoller, tabobaraha kooxda Leverkusen, wuxuu khibrad u leeyahay sida ay Manchester awood ugu leedahay inay guul kala carrawdo Jarmalka, sidaa darteedwuxuu kulanka dhexdiisa beddelay difaacyahanka caalamiga ah ee Jens Nowotny, oo uu nasinayo, xataa kulanka Sabtida ee ciyaaraha Jarmalka.

Roy Keane, wuxuu Manchester ka caawinayaa khadka dhexe, inkasta oo Juan Sabestian Veron, uu kubado fiican sameeyay, hadana wuxuu ka niyad jabay Nicky Butt iyo Paul Scholes oo awood u waayay inay kala dhambalaan ciyaarta Bayer Leverkusen, inkasta oo Roy Keane kaga fiican yahay habaynta khadka dhexe, haddana uma babac-dhigi karayo halyayga ay isku beegan yihiin ee Ballack.

Weeraryahanka Manchester ku dhaadato ee Nestelrooy ayaan kulankii dhawaa u ciyaarin sidii laga filayay, wuxuu lumiyay fursad uu Veron u soo gudbiyay qaybtii hore ee ciyaarta. Hase yeeshee, waqti dambe ayuu dhaliyay fursad rigoore ah, taas oo tirada gooldhalintiisa ka dhigtay 10 gol, sidaan wuxuu kula sinmay ciyaartoyga ay ka midka yihiin, Alenssandaro Delpiero, Raul, Rivaldo iyo Jardel, hase yeeshee, waxaa Nestelrooy u hadhsan laba ciyaarood oo uu ku dhaafi karo.

Kulankii Arbacadii waxaa Manchester kaga dhaawacmay difaaca Gary Neville, oo markii ciyaartu socotay muddo 18 daqiiqadood ah ka dhaawacmay halkii uu ciyaartii tan ka horraysay ka dhaawacmay David Beckham oo ay saaxiib yihiin, wararka ka soo baxaya dhinaca kooxda Manchester ayaa quus ka muujiyay difaacooda ay ku kalsoon yihiin.

Warku wuxuu intaa ku daray in Gary Neville uu ka hadhayo xulka Ingiriiska ee u socdaalaya koobka adduunka ee K. Kuuriya iyo Japan.

 

Arsenal oo qarka u saaran hanashada horyaalka Ingiriiska

 

 

 

 

Taageerayaasha kooxda Arsenal, ayaa cod aad udheer ku dhawaaqayay, isla markaana si cad u rumaysan inay ku guulaysanayaan horyaalka markii koowaad muddo afar sannadood ah. Arsenal waxay rajadeedu kor u sii kacday markii ay kulankii habeen hore 2-0 kaga adkaatay, Westham United, taas oo keentay inay afar dhibcood ku hoggaamiyaan tartanka. Laba gool oo saddex daqiiqadod u dhaxeeyaan ayay u kala dhaliyeen Freddie Lyunberg iyo Nwankwo Kanu. 10 guulood oo xidhiidh ah ayaa kor u qaaday inay niyaystaan koobka, xataa inta aanay gaadhin kulanka Isniinta ay la ciyaarayaan Bolton.

Arrinta ugu muhiimsan ee laga sheekaysanayaa waxay tahay in kooxda Arsene Wenger ka fogaato guuldaro kulanka dhexmaraya Manchester, si ay u qaado horyaalka, kadib markii muddo saddex sannadood ah isku dayaysay hanashadiisa.

 

Dhinaca kale, iyada oo Liverpol cidhiidhi ku hayso ayay Manchester la sii dawakhday wadhidii ay kala kulantay B. Leverkusen, iyada oo ay gabaabsi ku dhaw yihiin ciyaaraha Ingiriisku ayay hadda u muuqataa in Arsenal ugu rajo wanaagsan tahay.

Si kastaba arintu ha ahaatee, weli dhabtii way laalan tahay, wax walibana waxay ku xidhnaayeen maxsuulka ka soo baxa kulamada ugu soo horreeya ee toddobaadka soo socda dhici doona.

 

 

IFTIINKA ISLAAMKA

 

Sooyaalkii Taariikheed Ee Dawladihii Islaamka Iyo Cahdigii Cabbaasiyiinta

 

 

 

Marka hore, waxaan akhristayaasha ka raaligelinaynaa kala go’ii ku yimi taxanahan aynu kaga hadlaynay sooyaalkii taariikheed ee dawladihii islaamka, innaga oo halkii ka sii wadi doona cadadada soo socda ee Jimcaha haddii Ilaahay yidhaa.

 

Inaga oo dhexda kaga jirnay marxaladihii ay soo martay dawladdii Cabbaasiyiintu iyo madaxdii kala duwanayd ee isaga dambaysay xukunka, waxaanaynu maraynay gebogebadii muddadii uu xukunka hayay Abuu Jacfar Al-Mansuur oo markii uu geeriyoonayay u dardaarmay inuu xukunka uga dambeeyo inankiisii Al-Mahdi oo xukunka la wareegay geeridiisii kadib sannadkii 158-kii Hijrada, kuna beegnayd 775 Miilaadiga.

Muddadii uu xukunka hayay oo gaadhaysa toban sannadood waxa uu qabtay hawlo badan, isaga oo halkii ka sii waday shaqooyinkii uu soo qabtay aabihii.

Al-mahdi, waxa uu dhashay 126-kii Hijrada, muddadii uu yaraana aabihii ayaa kula dedaalay waxbarashada, kadibna waxa uu ka dhigay qofka leh dhaxalka xukunka isaga dabadii, taas oo hirgashay markii uu geriyooday muddadii uu Al-mahdi xukunka hayay waxyaabihii uu qabtay waxaa ka mid ah:

·         Waxa uu dagaal la galay oo uu ka takhalusay kooxo ku kacay oo xukunkiisa diidanaa.

·         Waxa uu qaaday tallaabooyin uu ku hagaajinayo arrimaha gudaha ee dawladdii uu madaxda ka ahaa, isaga oo ku soo beegmay xilli ay xasillooni ka hirgashay guud ahaanba dhulkii Cabbaasiyiintu xukumayeen.  Waxa intaa dheeraa isaga oo aad u jeclaa dhismaha iyo magaalaynta.

Al-mahdi, waxa uu geeriyooday sannadkii 169-kii Hijrada, kuna beegnayd 785-kii, waxaana xukunka uga dambeeyay inankiisii Al-hadi oo aan muddo dheer xukunka hayn, isaga oo geeriyooday sannadkii 170-kii Hijrada. Isagana waxaa beddelay walaalkii Haaruun Al-rashiid oo lagu tilmaamo inuu ka mid ahaa madaxdii udub dhexaadka u ahaa dawladdii Cabbaasiyiinta. Muddadii uu xukunka hayayna waxaa lagu tiriyaa cahdiyadii dahabiga ahaa ee soo mara Cabbaasiyiinta.

Markii uu xukunka qabtay Haaruun Al-rashiid oo ku beegnayd 170-kii Hijrada, waafaqsanaydna 786-kii Miilaadiga, iyada oo muddadii uu xukunka hayay oo gaadhaysa 23 sannadood ay soo shaac-baxeen laba arrimood oo kala duwan oo is barbar socday, kuwaas oo kala ahaa Fitan iyo qalalaase gudaha ah oo gilgilay dawladdiisii iyo dhinaca kalena horumar iyo xaddaarad ballaadhan oo ay gaadheen dawladdii Cabbaasiyiintu.

 

Qalalaasaha waxaa ka mid ahaa iyada oo ay dawladdiisii ku kaceen fallaagooyin ay ka mid ahaayeen Calawiyiintii iyo Khawaarijiyiintii, kuwaas oo uu Haaruun Al-rashid ka adkaaday.

Inkasta oo ay dhibaatooyinkaasi jireen, haddana waxaa u suurto gashay Haaruun Al-rashiid inuu dawladdii Islaamka gaadhsiiyo horumar iyo xaddaarad aad u sarraysa, markii ay soo dhawaatay muddadii uu xukunka hayay.

 

Waxa uu Haaruun Al-rashiid ku dhacay khaladkii ay madaxdii hore ku dhacday oo kale, iyada oo xukunka isaga dabadii u dardaarmay inay iskaga dambeeyaan saddex wiil oo uu dhalay, kuwaas oo kala ah; Al-amiin, Al-mamuun iyo Al-qaasim, oo lagu naanaysi jiray Al-mu’tamin, kuwaas oo uu dalkii oo dhan u qaybiyay, isaga oo aan ka fikirin waxa dhici kara.

 

Markii uu Haaruun Al-rashiid dhintay sannadkii 193 Hijrada ama 808 miilaadiga, ayuu khilaaf dhexmaray saddexdoodii.

Lasoco…………

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Caasimada Hargeysa Weli Ma Haysaa Maayor u qalma?

Marka laga hadlayo dawlad ama dal meelaha ugu muhimsan ee la soo hadal-qaadaa, isla markaana waxa muuqda ahi markaynu ka hadlayno xilalka qaranka xaga kuraasta waa kursiga madaxweynaha, Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Maayorka caasimadda. Waxa kale oo kuraasidaasi ku dhacaan indhaha dadweynaha, waaba agab ay ka dhaxeeyaan umadda khayrkooda iyo sharkooduba, bulshaduna dareemi karto. Markaynu ka hadlayno xagga waajibaadkooda waxa ugu mudan inuu ninku aaminsan yahay hawshan, sidoo kalena daacad ka yahay wuxuu qabanayo, caddaaladna u furayo cidduu mas’uulka ka yahay, balse sidan maanta aynu ognahay sabab noocee ah ayaa lagu doortaa mas’uulka xilka loo dhiibayo? Waa inuu af-miishaar yahay, waa inuu dawladdii Siyaad Barre la soo shaqeeyay, waa inuu raad ku leeyahay beeshiisa, waa inuu neceb yahay kelmadda Mujaahid iyo ururka SNM soo hadal-qaadkiisa, waa inuu u raxleeyo ama u dhego-nuglaado madaxweyne Cigaal, intaas oo shuruudood ayuu mas’uulku ku heli karaa qabashada kursiga, isla kobtaas bayna ku baylahday xilkii qaranku.

 

Haddaba akhristow ma u malaynaysaa in sifaha kursiga uu ku yimi mas’uulku uu daacad u noqon karo xilkuu umadda u hayo, balse iyada oo taasi jirto haddana wuxuu mas’uulku ku dedaalaa wax kasta oo ku xejin kara kursiga, wuxuu bilaabaa nacamlayn, kacaanimo, nacaybshiiyo loo gelinayo xubnaha mucaaridka ah iyo inta runta sheegta, sababtaasina waa ta keliya ee bulshadu u tidhaahdo maxaa wax loo qaban la’ yahay, iyo xeradeenu waa wada ul oo ul la qaato ma leh. Balse innagoo qiimayn ku samayn doona kuraasida kor ku xusan aan is dul taagno kursiga Maayorka caasimadda Hargeysa, tan iyo waqtigii dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland, waxaa caasimadda soo maray lix mayor, mayor kastaana uu wato waayihiisa iyo wacyigiisa. Waxay isugu jireen qaar hawshii loo dirtay siddeedii uga soo baxay, qaar baylihiyay iyo kuwo had iyo jeer heegan ugu jiray sidii ay uga ganacsan lahaayeen hantida dawladda iyo tan shacabkaba.

 

Ugu horrayn, waa kuma maayorkii ugu horreeyay caasimaddu? Wuxuu ahaa oday ka tirsan odayaasha Hargeysa, waqtigiisii maayornimo wuxuu ku dhammaaday baala-xoofto iyo goolaaftan, waxaana la odhan jiray Bare Laangadhe. Kii labaadna wuxuu ahaa Cumar Maxamuud Xandule (Boobe), wuxuuna ahaa odayaashii ka qaybqaatay dib u soo celintii madaxweyne Cigaal ee madashii Boorama 1993. isaguna maayornimadiisa wuxuu kala yimi Boorama, waqtigiisii inta badan wuxuu ku dedaali jiray nadaafada magaalada, isaga oo awooda saari jiray qashinkii hubka iyo xashiishkii tuulaa magaalada, iyo siduu u abuuri lahaa nidaam lagu soo ururinayo cashuurta dawladda, nasiib darro-na isaga oo wax badani qabyo ka yihiin ayaa xilkii laga qaaday, haddana waa maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa. Waxa isna ku xigay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu ahaa dhawrkii nin ee magaca SNM taabogalkisa ka qaybqaatay. Waqtigii ku dhawaaqiddii halgankii SNM, wuxuu ka shaqaynayay meelaha ugu dakhliga badan ee dalka boqortooyada Sucuudiga, balse wuxuu ku iloobay naftiisa iyo maalkiisaba inuu u huro xoraynta dalka, wuxuuna si bilaa shuruud ah ugu biiray ururkii SNM, naf iyo maalba.

 

Balse aynu dulucdeena ku soo noqono, Eng. Maxamed Xaashi waxaa dawladda hoose ee Hargeysa loo dhiibay iyada oo xataa qaybi dunsanayd xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, lagana warqabo intay ahaayeen shaqaalaha tiradooda iyo tayadoodaba, isla markiiba waxaa bilicdeeda kor u qaaday guryaha iyo xafiisyada dawladda hoose, wuxuuna diyaariyay dhammaan agabkii xafiisyada looga baahnaa oo dhan. Sidoo kale wuxuu soo kordhiyay gaadiid fara badan, wuxuuna kor u qaaday tayadii shaqaalaha dawladda hoose ka jiri jiray, ilaa xataa uu hindisay inuu caasimada u sameeyo town plan cusub.

 

Waxa kale oo isna ku xigay Cali Xasan (Cali Asad), wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo laga lahaa dano siyaasadeed, loona xambaariyay laba jago oo culus oo ahaa Badhasaabka gobolka iyo maayorka caasimadda, wuxuuna waqtigaasi ahaa horraantii 1997 ilaa 98, balse Cali wuxuu magaalada ku soo kordhiyay iska daaye wuxuu xataa iska hor iyo daba keenay maamulkii dawladda hoose. Waxa isna ku xigay C/raxmaan Xuseen Ismaaciil (Cadami), wuxuu ahaa macallin jaamacadeed, isla markaana wax ka dhigi jiray jaamacadihii Muqdisho, balse markii xilka loo dhiibay isaga oo aan waayo aragnimo u lahayn, ayaa keentay in wax badani qabyo ka noqdaan, isla markaana culays kala kulmay maamulkii dawladda hoose.

 

Waxaase si lama filaana xilka ugu soo baxay Cawl Cilmi Cabdalla oo ahaan jiray shaqaalihii dawladdii Siyaad Barre, kadib markii musuqmaasuq lagu eedeeyayna u cararay xaggaa iyo Qaaxo, kana mid noqday halgamayaashii SNM. Sannadki 1996, ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo uu waqtigaa wasiir ka ahaa Axmed Jaambiir Suldaan.

 

Waxaa Md. Cawl loo magacaabay xilka maayornimada sannadkii 2000, muxuuse ku soo kordhiyay Cawl caasimadda iyo dawladda hooseba? Ugu horrayn wuxuu soo kordhiyay waxaa ugu weyn Traffic lights, laakiin wax raasamaal mustaqbalka lagu xusuusto oon ahayn dhaldhalaal iyo indho sarcaad iyo kaabad rinji lagu celceliyo maahee Hargeysa wax kale kama hayso. Waxaa taa u sii dheer isaga oo kordhiyay, dhul boob uu ka bilaabay faras-magaalaha magaalada, oo isaga laftiisu aanu ka qadin, waxaana ka markhaati ah gurigiisa.

 

Waxaan leeyahay ganacsatada iyo shacbiga, haddaad ka damqan weydaan guryihiinay soo gaadhi falkan cusubi.

 

Gebogebadii waxaan leeyahay Hargeysaay haddaad nasiib leedahay maayarada qaar kumay xukumeen. Waxaad heli lahayd mid ku kool-kooliya oo habaaska kaa ilaaliya, waxaanan haddeer iyo hadhowba ku leeyahay waad heli xaqaaqa, xuquuqdaada iyo xurmadaadaba. Mayor walibana wuxuu qabtay xumaan iyo wanaagba taariikhdaa sheegi.

Mawliid Saleebaan (Ilkocase).

 

 

Waxaanu soo jeedinaynaa in ummaddu codkeeda siiyaan Siilaanyo

Haddaanu nahay dhallinyarada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaanu maqaalkan ku soo dhiibaynaa fikradda aanu ka qabno halka ay marayso siyaasadda waddanku.

 Markaanu aragnay wacyiga jira awgii iyo marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo, markaanu aragnay xukuumadda oo waqtigeedii dhammaaday iyo khasaaraha laga taagan yahay, markaanu aragnay ummadda iyo dalkaba inay dhibaato iyo khal-khal ku waddo.

 

Waxaanu ku talinaynaa in dalkan dawlad xaq ah oo sinnaan iyo caddaalad ku shaqaysa loo helo. Annaga oo aragtiyadu tahay fikradda ka soo baxday Qareen Faysal X. Jaamac ee ku soo baxday Jamhuuriya 21/04/2002, cadadkiisii 1778, halkaas oo uu umadda u soo jeediyay inay codkooda siiyaan siyaasiga buugiisa cad yahay ee ah madaxweynaha mustaqbalka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Aragtidaas ayaanu annaguna aaminsanahay una aragnaaq in marxaladan lagaga gudbi karo siyaasiyiinta iyo mucaaridkana waxaanu ka codsanaynaa inay midoobaan oo codkooda siiyaan ciddii umadda wax u qabanaysa.

1.    Jaamac Cawil Oogle

2.    Aadan Cali Cumar

3.    Xasan Maxamed Xasan

4.    Yuusuf Cawil Axmed

5.    C/risaaq Axmed Jaamac

6.    Jaamac Cabdi Cawed

7.    C/risaaq Cumar Xasan

8.    Faarax Cali Saleebaan

(Burco).

 

Muuqaalka koobka adduunka