SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 71-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 71, April 28, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

Weftiga Salaadiinta Reer Burco Ee

Socdaalka Ku Tegay Itoobiya Oo Soo Fool Leh

“Salaadiinta iyo Mas’uuliyiinta Itoobiya si fiican bay isu soo af-garteen”

Hargeysa (Haatuf): Weftiga Salaadiinta reer Burco ee socdaalka ku joogga dalka Itoobiya, ayaa la filayaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan maanta ilaa berito, kadib markii ay magaalada Herer ee dalka Itoobiya wada-hadalo kula soo yeesheen Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya.

 

Warar u dhuun-daloolla socdaalka Salaadiinta oo aanu maalintii shalay illo kala du-duwan ka helnay, ayaa tibaaxay in Salaadiintaasi soo dhammaysteen wada-hadaladii ay dalka Itoobiya kula lahaayeen Masuuliyiinta dawladda Itoobiya, isla markaana ay soo fool leeyihiin, iyadoo ay dadka qaar filayeen in ay maalintii shalay soo gaadhaan Jiidaha Burco ama Hargeysa. Hase yeeshee, ilaa cawaysinkii xalay lama xaqiijin in ay soo gaadheen labadaa magaalo midna.

 

“Salaadiinta iyo masuuliyiinta Itoobiya way soo dhammaysteen wada-hadaladii ay lahaayeen, mar aan shalay (dorraad) la xidhiidhay Salaadiintana, waxay ii sheegeen in ay si fiican isu af-garteen dawladda Itoobiya, ayna soo fool leeyihiin.” Sidaa waxa yidhi, qof la xidhiidhay Salaadiinta socdaalka ku joogga Itoobiya oo u waramay Haatuf.

 

Inkasta oo ay wararku tibaaxeen in ay Salaadiinta iyo masuuliyiinta Itoobiya si fiican isula meel dhigeen arrimihii ay ka wada-hadleen, haddana wararku tafaasiil dheeraad ah kama bixin, qodobbada ay labada dhinac isla meel dhigeen iyo waxyaalihii ay bilowgii isla gorfeeyeen. Hase yeeshee, waxay wararka arrintaa u dhuun-daloollaa sheegeen in ay labada dhinac ka wada-hadleen, waxyaalo ay ka mid yihiin; arrimaha nabadgelyada iyo derisnimada labada dhinac ama labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo ay wararka qaarna tibaaxeen in ay labada qolo ka wada-hadleen, duruufaha Siyaasadeed ee guud ahaan ka jira mandaqadda Bariga Afrika, gaar ahaanna sida ay wararku tibaaxeen la isla qaaday wacyiga Siyaasadeed ee wakhtigan xaadirka ah ka jira Somaliland, balse wararku ma qeexin qaabka ay labada dhinac isula soo qaadeen ama uga wada-hadleen xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland, waxase la tuhunsan yahay in ay labada dhinac isla soo qaadeen khilaafaadka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Cigaal iyo Mucaaridka ku kacsan, iyadoo ay Salaadiinta socdaalka ku joogga Itoobiya ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab ay ka mid yihiin, kooxo Salaadiin ah oo hore ugu dhawaaqay Shirweyne Qaran, laguna tiriyo in ay ka soo horjeedaan Maamulka Madaxweyne Cigaal.

 

Labadan Hoggaamiye-dhaqameed (Suldaan Maxamed iyo Boqor Maxamuud) oo ay weheliyeen laba oday oo reer Burco ah, waxay dalka Itoobiya u kicitimeen Isniintii toddobaadkii hore, kadib markii ay martiqaad ka heleen Masuuliyiinta sar-sare ee dawladda Itoobiya, iyadoo uu ergay ka socda Maamulka Itoobiya, fariinta Martiqaadka magaalada Burco ugu geeyay Salaadiintaa, waxaana wararku sheegeen in ay weftiga Salaadiinta dalka Itoobiya ku qaabileen Masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin xubno ka socda Xoghaynta sare ee xafiiskan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, balse lama carifin magacyada iyo derejada xubnaha la kulmay weftiga Salaadiinta reer Burco.

 

Daadad Waxyeelo U Geystay Xarun

Digaagga ah Oo Ku Taal Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): “Afar boqol (400) oo digaagga nooca loo yaqaan (White leghorn) ayaan ku bilaabay, waxaana sameeyay labo guri iyo beer hal hiktar oo lagu xanaaneeyo.” Sidaa waxa yidhi C/raxmaan Xaaji Nuur oo ah, Maamulaha Kaam lagu xanaaneeyo digaagga oo ku taal xaafadda Boqol-jire ee magaalada Hargeysa.

 

Kaamkan oo loo yaqaan Xarunta Horumarinta Digaagga ee Boqol-jire, waxaa markii u horaysay la-abuuray bishii Ogost oo sannadkii 2000, wakhtigaasna waxa hadda laga jooggaa ilaa muddo labo sanno ku dhawaad ah, waxaana xarunta bud-dhigay C/raxmaan Xaaji Nuur oo iminka Maamule ka ah xaruntaa.

Roobabkii ka da[ay magaalada Hargeysa dhawaan, ayaa waxyeelo u gaystay Kaamkaa, kadib markii ay daadad ku soo jabay burburiyeen qaybo ka mid ah Kaamboolka ay ku fadhido xaruntaasi, iyadoo uu daadku dhulka la simay dhisme gabyan ah oo dhinaca Waqooyi kaga xeernaa Beerta digaagga.

Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Haatuf oo toddobaadkii hore booqday xarunta Xannaanada digaagga boqol-jire, waxay indhahooda ku soo arkeen waxyeelada ay daadadku u geysteen Xayndaabka xarunta digaagga Boqol-jire, taas oo ay Weriyayaashu sheegeen in ay daadad ka soo fatahay doox u dhow xaruntaa, burburiyeen qaybo ka mid ah dayrka ku wareegsan xerrada digaagga Boqol-jire.

 

Maamulaha Kaamka digaagga Boqol-jire C/raxmaan Xaaji Nuur oo u waramay Haatuf, ayaa walaac weyn ka muujiyay halista ay daadadku ku hayaan dhismaha Xaruntaa, wuxuuna C/raxmaan sheegay in ay daadadku khasaare u gaysteen xaruntiisa, kadib markii ay daadadku gebi ahaanba baabi’iyeen dhisme gabyan (Dhagax silig lagu guray) ah oo xarunta gabood uga ahaa fataha daadadka, iyadoo ay duleedka Waqooyi ee kaamboolka xaruntaa marto dhudhub weyn oo ay biyaha roobabku ka soo rogmadaan.

Marka laga yimaado waxyeelada iyo khatarta uu daadku ku hayo, waxa kale oo uu Maamuluhu ka waramay heerka wax-soo-saarka ee xaruntaa iyo duruufaha ku gadaaman geedi-socodka horumarka xaruntaa.

 

“Waxaanu ku bilownay ilaa 400-xabbo oo ah, digaagga nooca loo yaqaan (white leghorn), iyadoo ay noocani yihiin nooc si dhaqso ah looga helo beed,” ayuu yidhi C/raxmaan, iyadoo uu C/raxmaan Xaaji Nuur, intaa ku daray in ay wakhtigan Xaadirka ah, gacanta ku hayaan Barnaamij tijaabo ah oo ay isku tallaalayaan digaagga Waddaniga ah iyo digaag laga keenay Jaamacadda Allamaayo oo ah Jaamacad beeraha ah, iyadoo uu digaagga Allamaayo laga keenay ka mid yahay noocyada digaagga ah ee lagu xannaaneeyo xarunta digaagga Boqol-jire.

 

Maamulaha xarunta digaagga Boqol-jire C/raxmaan X. Nuur, wuxuu sheegay in digaagga lagu dhaqo xaruntiisa laga tallaalay dhammaan cudurada ku dhaca digaagga, sidaa darteed uu dadka ka iibiyo beed (ukun) aad u fayo-qaba, iyadoo uu C/raxmaan khabiir ku noqday sida loo xannaaneeyo ama loo daryeelo digaagga laba guri oo hoy u ah digaagga iyo beer hal hiktar ah, ayaa ku yaal xarunta digaagga Boqol-jire.

Goobo dhawr ah oo ka mid ah magaalada Hargeysa, ayaa Macaamiil ganacsi la leh xarunta digaagga Boqol-jire, sida; Adna Hospital, Baar Xaraf, Hargeysa Club iyo Baar Gol-jano, wuxuuna Maamulaha xaruntaasi sheegay in ay higsanayaan wax-soo-saar intaa ka badan, isla markaana uu diyaar yahy suuqii iibka wax-soo-saarka digaaggu, laakiin wuxuu Maamuluhu farta ku fiiqay in ay haystaan duruufo dhaqaale oo hortaagan horumarkii wax-soo-saar ee ay xarunta ku tallaabsan lahayd, si ay u hesho awoodii wax-soo-saar ee ay isku dabooli lahayd, iyadoo uu C/raxmaan tilmaamay in ay mustaqbalka dhow ku talo-jiraan kor-u-qaadidda iyo ballaadhinta wax-soo-saarka digaagga.

 

“Waxa noo qorshaysan in ay xaruntu soo saarto digaag loo qaybiyo ilaa 200-qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah, si ay kor ugu qaadaan dakhligooda oo ay u dhaqdaan digaagga, una manaafacaad-sadaan,” ayuu yidhi C/raxmaan.

Ugu dambayna C/raxmaan, wuxuu sheegay in ay xaruntiisu samaysay tijaabooyin dhowr ah oo uu guulaystay, qaarna ay hadda waddo.

 

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

 

Somaliland: Shaqo La’aanta Sii Kordhaysa Iyo Saamaynta Nolosha

 

 

 

Qaab nololeedka noloshii hore ee dadka reer Somaliland oo u badidoodu ahaa xoolo dhaqato iyo beeralay isku dhafan waxay noloshoodu ku tiirsanayd wax-soo-saarka xoolahooda oo u qaybsanaa daruuri ay toos u isticmaalaan iyo badh ay iibiyaan si ay ugu soo beddeshaan baahiyaha kale ee ay u baahan yihiin.

Noloshaa hore ee dadka reer Somaliland waxay ahayd mid xubin wal oo qoyska ka mid ahi ay ka qaybgasho wax-soo-saarka qoyska iyo hantidiisa manfaca leh xubinba halka ay ka qaban karto korodhkii magaalooyinka iyo korodhka dadka ku nool magaalooyin aan lahayn goobo ay dad aad u faro badani u shaqo tagaan waxay keentay muuqaal shaqo la’aana oo ka jira inta badan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, arrintani waxay ku habsatay qoysaska tirada badan ee noloshoodu joogtada ku noqotay magaalooyinka, iyaga oo ilahooda dakhliguna yahay wixii lagu helo shaqo uu ka shaqo galo xubin ka mid ah qoysku.

 

Waxaa xusid mudan in tiro badan oo dhallinyaro hawlgal noqon kari lahaa oo loo baahnaa inay helaan shaqooyin daboola baahiyahooda aasaasiga ah ay weli dulsaar ku yihiin waalidkood ama dad kale.

Shaqo la’aanta xooga dhallinyaradu waa sabab ka mid sababaha kor u qaaday isticmaalka maandooriyeyaasha iyo waxyaalaha kale ee qofka u halista ahaa caafimaadka, shaqo la’aanta ku yuurursatay dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah, waxay qayb weyn ka tahay korodhka cudurada maskaxda (waalida) oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya.

Shaqo la’aantu waxay gaar ahaan dhallinyarada hoos u dhigtay hankoodii guurka oo ah aasaaska qoysas cusub oo sal u ah nolosha, haddii uu guurku yaraado waxay u dhawdahay inuu bato fusuqa kale ee dhiirigeliya faafista cudurada halista ah sida (HIV).

Shaqo la’aantu waxay keentaa hoos-u-dhaca daryeelka caafimaadka iyo nadaafada kuwaas oo wiiqa cududa horumarka ee umadda.

 

Arrintan shaqo la’aantu waa mid u baahan in xukuumadda Somaliland ay siiso dareen ka weyn kan hadda jira, waxaa muuqda in iyada oo ay muuqato duruufta shaqo la’aanteed ee dalka ka jirtaa waxaa muuqda in aan isticmaalka kharashka ee dhaqaalayn u baahan sida dal dhaqaalihiisa kan Somaliland oo kale yahay aanu ka muuqan.

 

Si loo abuuro mashaariich shaqo, waxaa lama huraan ah inuu jiro tashiil hanti qaran iyo isticmaalka kharashka dawladda oo loo isticmaalo si la aqbali karo, tusaale ahaan waxay dawladdu mararka qaar iibsataa gaadhi uu wato hal mas’uul oo ka tirsan wasaaradi, gaadhigaas waxaa lagu bixinayaa ilaa $15,000 (shan iyo toban kun), waxaa haddana dhacda in gaadhigaasi uu fadhiisto sannad gudaheed, markaa waxaa isweydiin leh hantidaas oo mid ummaddu wada leedahay miyaa loo isticmaalay sidii ku habboonayd. Haddiise hantidaa loo isticmaalo si wajahan danta guud intay waxtar leedahay?

Qaybta hore ee su’aasha aniga maya ayay ila muuqataa, laakiin qaybta dambe waxaa soo baxaysa in ilaa toban qof oo uu midkiiba qaato $100 ay ku shaqayn karaan muddo sanad iyo saddex bilood ah, waa hubaal ah in hanti badan oo umadda wax badan u tari lahayd uu mas’uul dawladda Somaliland ka tirsani ku isticmaalay wax ku lug leh raaxo naftiisa ama wax qosol ku jaba.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, shaqo la’aanta faraha badani ee ka jirta bulshada dhexdeedu waxay sawir u noqonaysaa sida uu maamulka xilligaa jiraa u dareensan yahay baahida aasaasiga ah ee ummaddiisa.

 

Ciidamada Maraykanka Iyo Baakistaan Oo

Wadajir U Qaaday Hawlgal Lagu Raadinayo Al-Qaacida

 

 

Islamabad (W. Wararka) – Ciidamada Maraykanka, iyo kuwa Baakistaan ayaa wadajir u bilaabay hawlgal ay ku raadinayaan xubno ka tirsan Al-qaacida iyo Daalibaan oo la sheegay inay soo galeen buuraylayda xigta xuduudka uu dalka Baakistaan la leeyahay Af-qaanistaan.

Weerarka ay qaadeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Baakistaan, waxa la sheegay in ay ku qaadeen madarasad ku taala xuduuda Baakistaan, lamase sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen iyo inay heleen xubno Al-qaacida ka tirsan.

Dhinaca kalena waxaa Baakistaan ka socda rabshado ka dhashay Afti uu madaxweyne Barfiis Musharaf ku doonayo in wakhtiga loogu kordhiyo muddo shan sannadood ah, taas oo lagu wado in la qabto dhawaan.

 

Axsaabta mucaaradka ah ayaa diidan in Musharaf loo kordhiyo waqtiga, taas oo keentay in ciidamada Ammaanku qabqabtaan xubno mucaarad ah.

Sida ay wararku sheegeen laba ka mid ah taageerayaasha waaweyn ee Janaral Musharaf ayaa lagu dilay magaalada Karaaji, iyaga oo ku jiray ololaha ay ku taageerayaan Aftida Musharaf oo ay hore u taageertay maxkamadda sare ee dalkaasi.

 

Guddi Xaqiiqo-raadin ah Oo Hawl-baadhis

Xasuuq Ka Bilaabaya Xerro Qaxootiga Falastiin ah

 

Qudus (W. Wararka): Guddiga Xaqiiqo-raadinta ee ay Qaramada Midoobay u xil-saartay baadhista, xasuuq la-sheegay in ay ciidamada Israa’iil u geysteen Falastiiniyiinta ku dhaqan Xerrada Qaxootiga ee la yidhaahdo Jinin, ayaa lagu wadaa in ay maanta hawshooda ka bilaabaan halkaa, iyadoo safarka guddigaasi ilaa laba goor dib u dhacay.

 

Xoghaya Guud ee Q. Midoobay Mr. Koffi Annan, ayaa ku dhawaaqay in ay guddigaasi maanta hawshooda bilaabayaan, iyadoo uu qorshuhu markii hore ahaa in ay guddigaasi maalintii shalay gaadhaan xerrada Jinin, balse waxa dib loogu dhigay safarka guddigaa codsiyo ka yimi dhinaca Israa’iiliyiinta oo ay ku dalbanayaan in dib loo dhigo, waxayse taasi keentay Cambaarayn loo jeediyay Qaramada Midoobay, iyadoo lagu eedaynayo in ay u dabcayaan codsiyada Israa’iiliyiinta.

Xasuuqa ay Ciidamada Israa’iil u geysteen, dadka ku dhaqan xerrada Qaxootiga Jinin, waxay noqotay dhacdo ay adduunyadu aad uga qaylisay, iyadoo la tuhunsan yahay in aanay dadkii xerradaa ku dhaqnaa cidiba ka noolayn, taas oo la helay Xabaalo waaweyn oo ay Israa’iiliyiintu si wadar ah ugu aaseen Maydad farabadan oo ay Ciidamadeedu laayeen.

 

Imaatinka Guddiga Xaqiiqo-raadinta ee Qaramada Midoobay, waxa uu ku soo beegmay, iyada oo ay weli Ciidamada Israa’iil wadaan gumaadka ay ku hayaan dadka reer Falastiin rayidka ah. Ciidamada Israa’iil hawl-galkoodii ugu dambeeyay, waxay cagta mariyeen dukaamo iyo dhismayaal farobadan oo ku yaalla degmada Al-khaliil, kadib markii uu Nin Falastiini ah oo hubaysani weerar ku qaaday mid ka mid ah goobaha la dejiyay Yuhuudda lagu degaamaynayo dhulka Falastiin, waxaana halkaa ku dhintay 4-qof oo Yuhuud ah, halka ay lix kale oo Yuhuud ahina dhaawacmeen.

Markii uu weerarkaasi dhacay kadib, ayay Ciidamada Israa’iil bilaabeen in ay weeraro ku qaadaan dadka reer Falastiin, iyagoo aan u aabo-yeelayn layntooda.

 

Dhinaca kalena, iyadoo ay weeraradaasi socdaan waxa jira wada-hadalo la doonayo in lagu soo af-jaro, go’ doonka ay Ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka ku xayiran Kaniisadda Al-mahdi ee ku taal magaalada Baytul-laxam.

 

FAAQIDAADDA ADDUUNKA

Faransiiska: Fejecisada Doorashada iyo Afkaaraha Kala Duwan Ee Musharaxiinta

 

Dadweynaha ku nool dalka Faransiiska, ayaa maalinti Axadii ee 21/4/2002 u dareeray doorasho dhinaca Madaxtinimada ah, si ay u soo doortaan Madaxweynahooda shanta sannadood ee soo socota.

Doorashadan oo ay ku loolamayaan Musharaxiin kala duwani, waxa ka soo baxday markii la-tiriyay cod-bixinta natiijo lama fillaan iyo fajiciso noqotay, kadib markii uu kaalinta labaad galay musharixii ka socday midigta fog Mr. Jean-marie le Pen oo ka derejo sareeyay Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska Mr. Lionel Jospin oo isagu markiiba qirtay in laga adkaaday, kana hadhay doorashada.

 

Madaxweynaha haatan ee Faransiiska, Mr. Jacques Chirac oo ah musharaxa ugu weyn, ayaa isagu doorashadan ka helay 19.67%, kaalinta saddexaadna waxaa galay Lionel Jospin oo helay 16%. Sidaa daraadeed, wareegga labaad waxa isugu soo hadhay labada musharax ee Jacques Chirac iyo Jean-marie Le Pen, kaas oo dhici-doona 5 bisha May ee soo socota.

Guusha lama filaanka ah ee uu gaadhay Mr. Le Pen oo ah musharax ay afkaartiisu aad u fog tahay, ayaa keenay warwar iyo wallaac weyn oo ku abuurmay dadweynaha Faransiiska, gaar ahaanna dadka aanay dhalashadoodu Faransiiska ahayn oo ka cabsi qaba, haddii uu Le Pen guul ka gaadho doorashada soo socota in ay waayi-doonaan Joogitaankooda Faransiiska, maadaama ay Siyaasadaha Le Pen iyo Afkaartisuba ay diidan tahay Joogintaanka Ajanebiga ee Faransiiska oo uu u arko in ay yihiin khatar weyn oo loo baahan yahay in wax lagu qabto.

 

Sidaas oo kale, waxay guusha Le Pen wallaac ku abuurtay guud ahaanba dalalka Midowga Yurub, kadib markii uu Mr. Le Pen ku hanjabay inuu Faransiisku ka saarayo Midowga Yurub iyo inuu diidan yahay lacagta midaysan ee ay samaysteen dalalka Yurub.

Arrintani, waxay keentay mudaharaado iyo bannaan-baxyo waaweyn oo ka dhaca Faransiiska iyo dhawaaqyo diidmo ah oo ka soo yeedha masuuliyiinta ururka Midowga Yurub.

Madaxweynaha Faransiiska Jacques Chirac, ayaa isna ku gacan-saydhay inuu dood dhinaca Telefeshinka ah la yeesho Le Pen oo uu ku tilmaamay inuu halis ku yahay Jiritaanka Faransiiska, waxaanu ugu baaqay dadweynaha in ay wareegga labaad ee doorashada iska hubiyaan codkooda cidda ay siinayaan.

 

Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska, Mr. Lionel Juspin oo lagaga adkaaday doorashadan, ayaa isna ugu baaqay taageerayaashiisa iyo guud ahaanba dadweynaha Faransiiska in ay is-daba taagaan doorashada wareegeeda labaad Madaxweyne Jacques Chirac.

Marka ta laga yimaado, waxa loo arkaa in guusha uu gaadhay Mr. Le Pen ay tusaale u tahay, sida uu ugu soo siyaado dalalka reer Yurub, afkaaraha ad-adag ee xag-jira, kuwaas oo sii siyaaday tan iyo markii ay dhaceen weeradii ka dhacay Maraykanka 11-kii bishii September 2001, waxaana laga cabsi-qabaa in ay taasi horseedo guulo kale oo ay gaadhaan Axsaabta ay afkaartoodu kulushahay, taas oo halis ku ah xasiloonida dalalka Yurub.

 

Haddii aynu eegno taariikh nololeedka saddexda musharax ee ugu waaweyn doorashada ka dhacday Faransiiska, waxa aynu arkaynaa in ay Afkaartoodu aad u kala duwan tahay, iyaga oo ka soo jeedda Axsaab kala duwan, Siyaasadahooduna ay iska soo horjeedaan.

Jacques Chirac oo ah Madaxweynaha haatan ee Faransiiska, ahna musharaxa ugu horeeya waxa ay da’diisu gaadhaysaa 69-jir, Siyaasaddana waxa uu ku soo jiray muddo aad u dheer, isaga oo ka mid ahaa ardaydii uu tababaray General De Goulle oo isagu hogaamiye ka ahaa dagaalkii Faransiiska lagu xoreeyay ee dagaalkii labaad ee adduunka, ka hor intii aanu ku guulaysan doorashadii Madaxtimada ee sannadkii 1995-kii, waxa uu Ra’iisal-wasaare ka soo noqday Faransiiska laba jeer oo mid ahayd 28 sannadood ka hor intii aanu Madaxweynaha noqon. Waxaa kale oo uu soo qabtay, jagooyin Wasaaradeed oo kala duwan.

 

Sannadkii 1976-kii, ayuu aasaasay Xisbiga Isku-tagga Jamhuuriyadda (R.P.R), isaga oo muddo 18 sannadoodahna ahaa Duqa Caasimadda Faransiiska ee Paris, doorashadana waatii Afraad ee uu isku soo taago Mr. Chirac, isaga oo laba goor oo hore ku guuldaraystay, muddadii uu hayay jagada Madaxtinimada oo ahayd 7 sannadood, waxa isbedel lagu sameeyay muddada lahaynayo Madaxtimada oo markii hore ahayd 7 sannadood, haatan waxa laga dhigay 5 sannadood, haddii uu doorkan ku guulaystana waxay noqonaysaa markii ugu dambaysay ee uu Madaxtinimada hayo.

Mr. Jean-marie Le Pen oo doorashadan ka galay kaalinta labaad, waxa uu dhashay sannadkii 1928-kii. Dhinaca Siyaasadda, waxa uu ku biiray sannadkii 1956-kii, kadibna sannadkii 1972-kii ayuu aasaasay Xisbiga Jabhadda Waddaniga ah N.F.P, kadibna waxa uu guulo marba marka ka dambeeya isa soo tarayey ka gaadhayay doorashooyinkii la soo qabtay sannadihii, intaa ka dambeeyay ilaa uu soo gaadhay heerka uu haatan marayo.

 

Leionel Jospin oo isagu ka socda Xisbiga Hanti-wadaagga, waxa uu Ra’iisal-wasaare ka noqday Faransiiska shantii sannadood ee u dambeeyay, waxaanu dhashay sannadkii 1937-kii, isaga oo sannadkii 1971-kii ku biiray Xisbiga Shuuciga ahaa ilaa uu noqday hoggaamiyaha Xisbigaa sannadkii 1993-kii, waxaana laga yaabaa in ay wax u dhinto guul-darada haatan soo waajahday.

Nidaamka dalka Faransiiska oo ah mid aan kala caddayn, ayaa had iyo jeer muran gelisa hannaanka Siyaasadeed ee dalka, iyada oo inta badan uu Madaxweynuhuna ka soo jeedo xisbi Ra’iisal-wasaaruhuna uu ka soo jeedo Xisbi kale.

 

Doorashadan haatan ee Madaxtinimada, waxaa ku xigta tii Baarlamaanka oo dhici doonta bisha Juun ee soo socota, markaas oo ay kala caddaan doonto dariiqa ay marayso Siyaasadda Faransiiska ee uu haatan muranku galay.

 

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Cumar Daahir Cumar

Astaamaha iyo Calaamadda Dhiig-karka Iyo Cudurka Faaliga (Stroke)

 

 

 

Dadka qaar dhiig-karku wuxuu ku keenaa madax-xannuun, madax-wareer, jidhka oo yeesha kulayl dheeraada iyo daal.

Dadku inta badan ma gartaan marka uu dhiig-karku ku cusub yahay, waxayse dareemaan marka uu dhiig-karku jidhkooda ku yeesho saamayn badan oo uu waxyeelo badan gaadhsiiyo, wadnaha iyo xidida uu dhiigu maro si uu qofku uga gaashaanto halista ay yeelan karto adiga oo moog dhiig-kar jidhkaaga ku jira, waxay dad badani ku dhaqmaan in ay ugu yaraan hal mar sannadkii inay qiyaasaan heerka dhiigooda.

Qiyaasta dhiig-karku waxay qaadataa qaddar yar oo daqiiqado ah, laakiin waxaa kaaga soo bixi kara cabir aad isku ogaan karto inaad qabto dhiig-kar iyo inkale, in uu halis kugu hayo dhiig-karku iyo inkale.

 

Daaweynta Dhiig-karka

Dhiig-karka, waxaa lagu daweyn karaa dawooyin casriya oo heerka dhiiga ku celiya halka aan waxyeelada u lahayn qofka. Waxaa kale oo xal noqon kara qofka oo cuna raashin aan lahayn milix ama mid ay milixdu ku yar tahay.

 

Arrinta kale ee wax ka tari karta dhiig-karku waxa weeyi qofka oo dhima miisaankiisa jidheed, waxa ay keentaa inuu hoos uga dhaco dhiig-karku, barashada dareemada iyo dhacdooyinka marka ay kula soo darsaan uu dhiigu kugu kaco oo uu markaa qofku ka hortago sidii aanu ula kulmi lahayn waxay ka mid tahay farsamooyinka lagula dagaalamo dhiig-karka.

Haddii uu qofku si fiican u qaato dawooyinka dhiig-karka inta badan waxaa dhacda in qofku ka badbaado waxyeelada caafimaad ee dhiig-karka.

 

Inta badan dadka uu dhiig-karku hayo ma qaataan dawadiisa, iskamana ilaaliyaan raashinka milixdku ku badan tahay, sababtu waxay tahay ma dareemaan inuu hayo dhiig-kar. Waxay dareemaan in waxoogaa isbeddel ahi ku yimid garaaca wadnaha, laakiin marka waxaa socda xannuunkii dhiig-karka oo ah mid halis ah oo ay habboon tahay inaan qofku dhayalsan markaa uu isku arko isbeddel dhinaca garaaca wadnaha ah.

 

Cudurka Faaliga (Stroke)

Cudurka Faaligu wuxuu dhacaa marka ay dhibaato gaadho qayb ka mid ah maskaxda, dhibaatada oo ay keento marka dhiiga u socda unugyada iyo xubnaha maskaxda uu hakad ama joogsi uu ku dhaco.

Dhiiga ka hakanaya maskaxdu wuxuu ku iman karaa dhawr sababood, sida marka xidid hore u bukay oo maskaxda ku yaalaa uu gubto, waxaa kale oo dhici karta in xididka uu dhiigu u marayay maskaxda uu gufaysmo oo ay xidho baruur ama xinjir dhiiga oo adkaatay, markaa waxaa dhimanaya xubintii maskaxda ee dhiigu ka xidhmay unugyadeedii, taas oo keenaysa xubintaas maskaxdu in ay dhimato.

Xannuunkan faaliga waxaa uu qofku dareemaa marka uu ku soo jiro jidhkiisa madax-xannuun faro badan iyo madaxwareer marar qaarna dhinac ayaa qofka bakhtiya sida lug iyo gacan, waxaa qofka uu ku dhacay faaligu ku adkaata in uu hadlo iyo inuu wax liqi karo sida cuntada.

 

Waxaa kale oo dhaca in araga qofku uu noqdo mid aan caadi ahayn, fikirka maskaxda ayaa isna qofka ka khaldama ama uu awoodi waayaa.

Astaamahaa oo dhami waxay sheegayaan oo ay digniin u yihiin in laga hortago si dedega faalig xoog badan oo qofka ku soo socda.

Marka uu dhinto xidid ka mida kuwa maskaxda, waxaa dhacaysa inay iyana dhimato qaybtii jidhka ee la shaqaynaysay xididkaa maskaxda ee dhintay, halkaa waxay natiijadu noqonaysaa in qofku uu faalig ku dhacay qayb jidhkiisa ka midi shaqayn weydo (paralyzed), bukaanka uu faaligu ku dhacay qaarkood waxaa ku dhaca in aanu hadalku ka soo bixi karin, bukaanka qaarna waxaa ku dhib noqota in ay fahmaan hadalka lala hadlayo ujeedadiisa, xusuusta oo ka lunta iyo qofka oo noqda mid maskaxdiisu ay buuqsan tahay waa calaamadaha faaliga.

 

Bukaanka uu faaligu ku dhacay waxaa suurtogal ah inuu xusuusto wixii dhacay sanado badan ka hor, laakiin aanu xusuusan wixii dhacay maalin kahor.

Waxaa dhici karta in aan qofka uu faaligu ku dhacay uu dareen khaldan ka bixiyo xaaladda markaa taagan sida, marka la murugaysan yahay oo uu qofku qoslo, marka la faraxsan yahayna uu ooyo.

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

Rivaldo Wuu Ciyaarayaa Koobka Adduunka

Rio De Janeiro (AFP) – Xiddiga reer Brazil ee Rivaldo oo ka canabaya dhaawac ka gaadhay ruuga midig markii uu dhaliyay goolkii Barcelona ee Sabtidii hore, ayaa la sheegay inuu ka qaybgeli doono ciyaaraha koobka adduunka ee dhawaan ka dhici doona waddamada K. Kuuriya iyo Japan, sidaa waxa daboolka ka qaaday dhakhtarka xulka Brazil Jose Luis Runco oo u warramay warbaahinta gudaha dalkaa.

Runco, wuxuu sheegay in ay aad u yar tahay baqdinta laga qabo inuu ka gaadhi waayo ciyaaraha oo bilaabmaya May 31 2002.

 

Dhakhtarku wuxuu intaa ku daray inaan xaaladda ciyaartoygu halis ahayn, balse la buunbuuninayo.

“Hadda wuxuu haystaa waqti ku filan oo uu ku bugsan karayo, wuxuuna diyaar noqonayaa kulanka Barcelona iyo Brazil oo dhacaya 18-ka May,” ayuu yidhi Runco.

Runco wuxuu tilmaamay in xiddiga waddanka Brazil, oo hore uga cawarmay ruuga lugta bidix, kaas oo mar hore laug wargeliyay in qalliin lagaga samayeeyayo, kaas oo dhakhtarku sheegay in dhaawacan cusubi hadda ka gaadhay ruuga midig.

 

Runco oo sida uu sheegay telefoon kula xidhiidhay Rivaldo oo ku sugan Barcelona, ayaa tibaaxay in xaaladdiisu ka soo raynayso marba marka ka dambaysa.

Rivaldo oo muddo la dhutinayay dhaawac horraantii xilli-ciyaareedkan ka soo gaadhay ruuga bidix oo uu muddo ciyaaraha uga fadhiyay ayaa haddana waxaa ku dhacay dhaawac cusub oo hor leh.

 

Manchester Oo Rajadeedii Kor U Soo Qaaday

London (AP) – Rajadii Manchester ka qabtay hanashada horyaalka, ayaa dib-u-soo noolaatay markii ay dhammaadkii qaybtii hore dhaliyeen rigoore sugnaantiisa la la isku khilaafsan yahay.

Manchester waxay sida raha uga dul booday Liverpool oo 1-0 lagaga adkaaday kulankii shalay, inkasta oo Manchester ay la ciyaaraysay koox horeba ugu jirtay derejada dib-u-dhaca ah, haddana may muujin ciyaartii looga baahnaa, waxayna kaga adkaatay 1-0. Manchester oo Salaasada yeelanaysa kulankii labaad ee horyaalka Yurub oo ay la ciyaarayso Bayer Leverkusen, ma jirto waddo kale oo u furani oo aan ahayn in ay badiso dhammaan kulamada u hadhay ee labada ah, taas oo weliba ku xidhnaan doonta in in kooxda Arsenal laga badiyo laba ka mid ah ciyaaraha u hadhsan.

 

Haddiise ay Manchester barbaro mid ka mid ah ciyaaraha u hadhay waxay noqonaysaa in Arsenal hanato horyaalka oo ay qaadashadiisa ugu dambaysay sannadkii 1998.

Arsenal waxay Isniinta la kulmaysaa Bolton, kahor inta aanay booqan Old Trafford toddobaadka soo socda, iyada oo kulanka ugu dambeeyana gurigeeda kula yeelanaysa Everton.

Arsene Wenger, waxa kale oo kooxdiisu hore u gaadhay kulanka kama dambaysta ah ee koobka Ingiriiska FA Cup, oo ay isna hanashadiisa ugu dambaysay isla sannadkii 1998, markaas oo Arsenal isku darsatay labada koob-ba. Inkasta oo Arsenal qoondaysatay hanashada koobka, haddana tabobaraha Manchester ayaan isagu weli u hibayn, isla markaana dood ka qaba sheegashada Wenger iyo kooxdiisa, wuxuuna gacanta ugu jirin.

 

“Waxay ku adkaysanayaan inay wax samaynayaan, way dhici kartaa inay ku guulaystaan, laakiin weli ma hayaan wax guul ah,” ayuu yidhi Ferguson.

“Liverpool waanu kala tagnay, Arsenal-na waxaanu rajaynaynaa inay kulan barbaro gasho, kadibna aanu Arsenal isku mudano kulankayaga,” ayuu ku daray.

Hase yeeshee, tabobaraha Arsenal, Arsene Wenger, ayaa dhinaciisa sheegay inuu ku kalsoon yahay ciyaartoygiisa, isla markaana ganafka ku dhuftay faalada Ferguson ka bixiyay ciyaaraha gebogebada ah, wuxuuna yidhi; “waan ixtiraamaa Ferguson, laakiin waan xaqirayaa faaqidaad kasta oo uu bixiyo.”

“Arrimuhu waxay ku xidhan yihiin sidaanu ka dhigno iyo sida aanu u ciyaarno, rajada aanu qabnaa waa mid aad u sarraysa, kooxduna sidaas ayay kor ugu sii soconaysaa,” ayuu ku daray Wenger oo jimcihii weriyeyaasha ugu warramay goobta tabobarka. Waxa kale oo tabobaraha Arsenal intaa ku daray in nin waliba lagola yimaado wixii uu tab iyo xeelad haysto. Wuxuuna muujiyay kalsoonida uu ka qabo inuu koobka ku guulaysan karo, isaga oo toban kulan oo xidhiidh ah guulo soo dhex jibaaxayay. “Guul baa u mu’akid ah kalsoonidaada, aniguna waan ku kalsoonahay,” ayuu raaciyay isaga oo u goolaaftamaya Ferguson.

 

Tartanka waxa weli hoggaaminaya Arsenal oo leh 78 dhibcood oo ay saddex kulana u hadhsan yihiin.

Manchester, waxay leedahay 76, waxaana u dhiman laba ciyaarood.

Kooxda Liverpool oo kulankii shalay laga adkaaday waxay leedahay 74 dhibcood, laba kulana way u hadheen.

 

Kooxda New Castle, ayaa gashay kaalinta afraad waxayna leedahay 71 dhibcood.

New Castle waxay kulankii shalay 3-1 kaga badisay Westham United.

Kulamadii kalena waxay u dhaceen sidan:

Sunderland 2, Charlton 2

Middlesbrough 0, Chelsea 2

Leeds United 1, Derby County 0

Astonvilla 2, Southampton 1

Fulham 0, Leicester 0

 

Boca Juniors Oo Barbaro La Gashay El Nacional

Ecuador (AP) – Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Boca Juniors oo ka dhisan dalka Argentina iyo kooxda Ecuador ee El Nacional, ayaa isku mari waayay dagaal ay fooda iskula galeen kulankii koowaad ee wareega labaad ee koobka Libertadores-ka oo ku dhammaaday 0-0 barbaro.

Kooxda Ecuador, oo aan mar keliya kala goyn weeraro duufaan ah oo ay ciyaarta ku bilowday, balse waxaa badbaadiyay goolhayaha Boca Juniors Roberto Abbondancieri oo ay mashquul ka dhigeen laadad toos ah iyo kubado koonayaasha lagaga soo laadayay.

 

mid ka mid ah fursadihii ugu muhiimsanaa waxay heshay daqiiqaddii 19aad markii laad xor ah loo dhigay xiddiga Evelio Ordonez, diilinta ganaaxa dusheeda uu ku garaacay tiirka midig ee birta goolka.

Kooxda martida loo ahaa way sii waday weeraradeedii qaybtii dambe ee ciyaarta oo dhan, waxayna u muuqatay mid guul ka gaadhayso kulankii dhexmaray kooxda reer Argentina.

Goolhaye Abbondancieri ayaa dib u badbaadiyay kubbadgool laga fishay oo uu madaxa ku dhuftay Ordonez daqiiqaddii 58aad.

Roobab da’ayay darteed ayaa lumiyay gacan ku haynta ciyaarta oo mararka qaarkood kubaddu ku socotay xawli gaaban.

 

Labada kooxood waxay kulanka labaad ku yeelanayaan magaalada Buenos Aires, labada bisha May iyada oo kooxdii badisaa u gudbi doonto wareega saddexaad.

Sidoo kale, kooxda Sao Cactano, ee Brazil, ayaa barbaro la gashay kooxda dalka Chile ee Universided Catolica oo ay ku kala baxeen 1-1.

Ciyaaryahanka Anailson, ayaa dhaliyay goolka Caetano daqiiqadii sagaalaad markii uu birta ugu dhuftay goolhaye Johnny Walker, laad dheer oo uu soo tuuray Adaozinho.

Hase yeeshee daqiiqaddii 29aad, ayaa Jorge Campos shebegga ku dhejiyay kubbad khafiif ah, oo goolka hortiisa uu ka helay.

Catolica, waxay marar dhawr ah heshay fursado, gaar ahaan qaybtii dambe ee ciyaarta, balse dhammaantood way lumisay.

 

Chilavert Oo Difaacay Dhalleecaynta Tabobare Maldini

Asuncion (AFP) – Goolhayaha aan la saadaalin karin ee xulka Paraguay Jose Luis Chilavert, ayaa dedefeeyay weriyeyaasha waddankiisa maalintii Jimcihii, wuxuuna caddeeyay in ay 90% yihiin qaar aan waayo-aragnimo lahayn.

 

Goolhayaha 31-jirka ah oo sannadkii 2001 u ciyaarayay kooxdii ku guulaysatay koobka Faransiiska ee Strasboug, wuxuu ugu baaqay da’yarta weriyeyaasha ahi in aanay raacin waddadii guurtidii ka horraysay.

Chilavert, wuxuu rumaysan yahay in ay mareen waddadii raggii ka horreeyay, isla markaana aanay ku dhaqmin xeerarka cusub ee caalamiga ah, kadib markii ay si fool xun saxaafadda ugu canaanteen Cesar Maldini, iyaga oo daba socda markii 4-0 ay ku jiidheen England oo ay wada yeesheen ciyaar tijaabo ah.

“90 boqolkiiba weriyeyaasha ciyaaruhu waayo-aragnimo ma laha,” ayuu yidhi Chilavert.

“Da’ yarta weriyeyaasha ah ee Paraguay, waxaa ku waajib ah inay beddelaan fikradda iyo dareenka ay ka haystaan ciyaaraha oo aanay qaadin wado la mid ah tii ay mareen jiilashii ka waaweynaa,” ayuu ku daray.

 

Goolhayaha Paraguay, oo ka hadlay Sabtidii kulan ay kooxdiisa oo u halgamaysa sidii ay uga soo gudbi lahayd derejada labaad kaga adkaatay Martiues, wuxuu kale oo dhaliilay warqad xidhan oo loo soo diray tabobare Cesar Maldini, taas uu ku tilmaamay mid aad u liidata oo aan macno badan xambaarsanayn.

Chilavert, oo dib u soo cusboonaysiiyay laadadka xorta ah (Free kicks), oo sidii horeba caadada ugu ahayd u wehelisay goolhayn-nimada, waxa kale oo uu Maldini ka difaacay koox taageerayaal ah, oo aflagaadeeyay tabobarihii hore ee Talyaaniga, markii uu ka soo laabtay kulankii England.

Wuxuu tabobaraha xaalmarin ka siiyay af-xumo uu wax aan la aqbali karin ku tilmaamay.

Chilavert, oo ka mid ahaa kooxda Paraguay markii ay Faransiisku 1-0 kaga badisay wareegii labaad ee koobkii adduunka 1998, wuxuu tilmaamay in cambaarayntu iman karto keliya tartanka, kadib haddii aanay kooxdu soo bandhigin ciyaaro aan cuntamin.

Goolhaye Chilavert wuxuu dadkiisa kula taliyay inaanay degdegin oo ay kooxda ka dhursugaan inta ay diyaargaroobayaan, balse haddii xaaladdu ka sii darto ay xor u yihiin cannaanta ay doonayaan.