SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 72-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 72, April 30, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

Madaxweyne Cigaal Ma Dhiman

“Nin-na Afkiisa lagu dhiman maayo…, Ninka aniga balaayo ii awilayana dhinaciisa belaayo ha marto” Madaxweyne Cigaal

“Ummadda Somaliland waxaan u sheegayaa in Madaxweynuhu Caafimaad qabo” C/laahi Askar, Safiirka Somaliland u fadhiya Addis Ababa

 

Hargeysa (Haatuf): Kadib markii ay soo ifbaxeen dareemo iyo warar ku-tiri-ku-teen ah, ayaa Madaxweyne Cigaal markii u horeysay codlkiisa laga maqlay Idaacadda BBC-da, hadalkaas oo ahaa mid uu ku xaqiijinayay inuu noolyahay, uuna ku muujinayay rajadiisa Caafimaad.

 

Xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Cigaal, ayaa laga dayrinayay tan iyo markii uu ka dhoofay gegidda diyaaradaha ee magaalada Hargeysa khamiistii toddobaadkii hore, markaas oo loo qaaday dhakhtar dalka Koonfur Afrika ah. Hase yeeshee, walaaca ku saabsan xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Cigaal, wuxuu ahaa mid si mala-awaal ah u soo kordhayay maalmihii u dambeeyay, ilaa ay shalay soo baxeen warar iyo dareemo, muran gelinaya nolosha Madaxweyne Cigaal.

Xafiiska Wargeyska Haatuf, ayaa shalay laga soo weydiiyay warkaas magaalada Boosaaso ee Bariga Soomaaliya (Puntland), iyo sidoo kale Burco iyo Hargeysa gudaheedaba.

Laakiin, warkaa waxa beeniyay Madaxweyne Cigaal oo Idaacadda BBC-da, laanteeda Afka Soomaaligu ay la xidhiidhay caweysinkii xalay.

 

“Baadhitaan Caafimaad ayaan la soo dhoofay, maadaama ay shaqo badani I hortaal oo ay intikhaabo (doorashooyin) iyo kaambayno (olole) I horyaaliin, waxaan damcay intaanay waxaasi i soo dhexgelin in aan saxadayda soo hubiyo, sidaa darteed baan u imi Koonfur Afrika,” ayuu yidhi Madaxweyne Cigaal, isaga oo sheegay in ay dawladda Koonfur Afrika si fiican u soo dhawaysay.

“Toban dhakhtar baa ilaa maanta (shalay) iga shaqaynayay, nin nin qudha maahee, waa afar kooxood oo qaar neerfayaasha yihiin, qaar caloosha yihiin, qaar maskaxda yihiin iyo qaar lugaha ah, ayaa midba mar gurigayga gooni ahaan u yimid,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, isaga oo intaa raaciyay in ay dhakhaatiirtaasi hawlahooda u daba fadhiisteen dhakhtarkiisa gaarka ah Dr. Cali Sheekh Ibraahim (Cali Qaadi) oo la socda.

 

“Aniga aad iyo aad baa caafimaadkaygu u wanaagsan yahay, Toban cisho ayaan ku talo-galay in aan Piritooriya joogo,” ayuu yidhi.

Maxadaxweyne Cigaal, waxa uu muujiyay inuu ka war hayo dareemada laga fidiyay xannuunkiisa, isaga oo taa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Al-acmaalu biyadilaah (heddu gacanta Illaahay bay ku jirtaa), anigu ninna Illaahay uga baryi maayo inuu dhinto, ninna afkiisa lagu dhimman maayo, nin walibana wakhtigiisa ayuu baxayaa, laakiin anigu waxaan filayaa Toban cisho ee aan soo qabsaday gudahooda in aan dalkaygii ku noqdo, anigoo Caafimaad qaba, shaqadaydiina halkii ka bilowdo, ninkii aniga xumaan ii aawilayayna, waxaan leeyahay; Belatu jambak (belaayo xagaaga ha u baydho),” ayuu Madaxweyne Cigaal ku soo afjaray hadalkiisa.

 

Dhinaca kale, ka hor intii aanu Madaxweyne Cigaal ka hadlin BBC-da, waxa uu Wargeyska Haatuf la xidhiidhay Wakiilka Somaliland u fadhiya Addis Ababa, C/laahi Askar Barkhad oo aanu wax ka weydiinay xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha, taas oo aanu askar isku daynay in uu nagu xidhiidhiyo Madaxweyne Cigaal laftiisa, laakiin C/laahi Askar oo aanu la hadalnay Sideedii fiidnimo ee xalay, isaga oo joogga Addis Ababa, waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha iyo Wasiirada la socdaba aad uga warhayo oo uu xidhiidh la leeyahay, wuxuuna sheegay in ay Madaxweynaha laftiisa wax yar ka hor wada-hadleen, xaaladiisa Caafimaadna ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana uu baadhistii u dambay maanta (shalay) maray, waxaana cid walba qancinaysa oo ku filan ayuu yidhi C/laahi Askar, warbixin ka hadlaysa Caafimaadka Madaxweynaha oo uu internet-ka ku faafiyay Dr. Cali Qaadi, dhakhtarka gaarka ah ee Madaxweynaha.

 

“Ummadda Somaliland oo dhan waxaan u sheegayaa in Madaxweynuhu Caafimaad qabo,” ayuu yidhi C/laahi Askar, isagoo intaa ku daray, “Anigu Illaahay ma ihi, laba mirir ka bacdi inuu dhiman karo waa suuro-gal, laakiin saacadda aan idinla hadlayo Madaxweynuhu wuu caafimaad qabaa, waana soo salaamayaa dadkiisa.”

 

C/laahi Askar, wuxuu sheegay in Madaxweynaha la geeyay Cusbitaal ka mid ah, Cusbitaalada ugu waaweyn koonfur Afrika ee la geeyo Madaxweynayaasha dalkaas, isla markaana isaga iyo marwadiisa la dijiyay qayb dhismaha Cusbitaalka ka mid ah oo ka kooban shan qol.

Sidoo kale, Wasiiradii la socday, wuxuu sheegay in ay gudanayaan hawlahoodii.

Ugu dambayn, wuxuu C/laahi Askar Saxaafadda iyo dadka Somaliland kula dardaarmay in ay ka hortagaan mala-awaalka iyo buun-buuninta aan raadka lahayn.

 

Shaqaaqo Dhimasho Iyo Dhaawacba Keentay Oo Ka Dhacday Burco

 

Burco (Haatuf): Hal qof ayaa ku dhintay, 5 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii uu galabnimadii shalay iska horimaad hubaysani ku dhexmaray Booliiska iyo koox dablay ah, bathtamaha suuqa magaalada Burco.

Iska horimaadkan oo sida warku sheegay ka dhashay, kadib markii uu Maamulka dawladda hoose ee Burco, isku dayay dhismaha Bakhaar ay dawladdu leedahay oo ay ku jireen xubno ka tirsan dadweynaha Burco.

 

Dhismahaa ayaa shalay la dul geeyay ilaalo ka tirsan Ciidanka Booliska Burco, hase yeeshee waxa isla maanta soo weeraray dablay hubaysan oo isku dayay in ay dib u qabsadaan dhismahaa, halkaana waxa ka bilaabmay tacshiirado rasaas ah oo ay is-weydaarsadeen labada dhinac ee Booliska iyo dablayda, waxaana iska horimaadkaa ku dhintay Marxuum la odhan jiray, Maxamed Faarax Aadan (Gabyaaye).

Waxa kale oo iska horimaadkaa ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska oo la yidhaahdo, Jamaal Cabdi Xuseen.

 

Sidoo kale, waxa iska horimaadkaa ku dhaawacmay xubno dadweynaha ka tirsan oo ay rasaasta la is-dhaafsaday ku dhacday, waxaana dadkaa ka mid ah; Saleebaan Cali Carab, Barwaaqo Saalax Salaad, Yaasiin M. Barre, Maxamuud Diiriye Ciise iyo qof kale oo aanu magaciisu na soo gaadhin.

Iska horimaadkani, waxa uu istaagay markii ay makhribnimadii hawl-dhexdhexaadin ah bilaabeen koox odayaal ahi, taas oo keentay in dib loo qaado Ciidanka Booliiska, xaaladduna waxaa lagu soo waramay in ay degan tahay.

 

Maayarka Burco, Maxamed Cali Maxamed oo aanu la xidhiidhnay, waxna ka weydiinay dhismaha la isku hayo, ayaa sheegay in dhismahan Maamulkii ka horeeyay sifo aan sharciga waafaqsanayn ku iibiyay, sidaa darteed ay hadda doonayaan in ay dhismahaa si sharci ah u kireeyaan iyadoo ay dawladdu leedahay, wuxuuna intaa ku daray in ninka ku jira dhismahan oo ku haysta Nijaarad uu u socday wada-hadal isaga iyo maamulka dawladda hoose, wada-hadalkaas oo nuxurkiisu ahaa in dhismahaa si nabadgelyo ah loo baneeyo, laakiin wuxuu Maayarku tilmaamay in ay weerarka dablayda uga warheleen si lama filaan ah.

 

Golaha Guurtida Oo Muddo Sannad

Ah U Kordhiyay Golaha Wakiilada

 

 

 

Harg (Haatuf) :-  Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo sannad ah u kordhiyay Golaha Wakiilada oo muddadiisii xilku ku egtahay May 27, 2002.

Golaha Guurtidu waxa uu go’aankan ku gaadhay fadhi uu Axaddii dorraad (April 27) kaga dooday muddo-kordhinta golaha Wakiilada oo ay xukuumaddu soo jeedisay horraantii March., waxaana uu Goluhu ku ansixiyay muddada sannadka ah ee golaha Wakiilada iyo go’aano uu ku lifaaqayba cod aqlabiyad ah oo dhan 53 cod, iyada oo saddex mudane ay ka aamuseen, cid diidayna aanay jirin.

Go’aankaas muddo-kordhinta iyo talooyinka uu goluhu ku ladhay oo uu shalay xog-hayaha golaha Guurtidu ka akhriyay shir-jaraa’id oo uu shir-guddonka goluhu qabtay, wuxuu u dhignaa sidan;

Ø        “Golaha Guurtida Somaliland;  Markuu arkay qod. 42aad faqraddiisa 3aad ee distoorka.

Ø        Markuu arkay faqraddiisa koowaad iyo soo jeedintii xukuumadda ee 5/3/2002.

Ø        Markuu arkay kana baaraan-degay duruufihii sababay qabsoomid la’aanta doorashada golaha Wakiilada, duruufahaas oo la xidhiidhsanaa kuwii sababay qabsoomid la’aanta doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Ø        Goluhu markuu isku qanciyay hawlaha dhiman iyo muddada wax ku qabsoomi karaan, gaar ahaana doorashooyinka is daba jooga ee kala horreeya, isla markaana uu ka taxadiray niyad-jab dhinacyada hawlaha qabyaysan ee golaha ku iman kara.

Ø        Goluhu markuu ka baaraan degay falanqayn iyo dood dheerna ka yeeshay waqtiyada ama xilliyada ay doorashooyinku ku kala beegmi karaan.

Wuxuu go’aamiyay;

·         In muddada korodhsiimada ee golaha wakiiladu noqoto hal sano oo ka bilaabmaysa dhammaadka muddadii hore ee xilkooda oo sida dastuurku qorayo ah markii maxkamadda sare lagu dhaariyay, kuna eg waqtigaa marka sannad lagu daro.

·         In muddadaas ka hor, gaar ahaana sannadkan dhammaadkiisa uu dhammaystirmo xeerar iyo hawl kasta oo la xidhiidha doorasho una baahan sharciyad, gaar ahaana xeerarka la xidhiidha Baarlamaanka. Kuwa hadda horyaala ee ku saabsan doorashooyinka, gaar ahaan xeerarka maamulka gobollada iyo degmooyinka in sida dhakhsaha badan loogu soo gudbiyo, golahan Guurtidana la soo gaadhsiiyo bil gudaheed.

·         Xubnaha golaha wakiiladu inay ka qaybqaataan wacyigelinta bulshada iyo u bislaynta nidaamka Axsaabta badan iyo tartanka doorashooyinka.

·         Golaha Guurtidu wuxuu ka codsanayaa golaha wakiilada arrimahan:

1.                                            In mudnaanta koowaad la siiyo maslaxadda qaranka iyo sida ay wax innoogu hagaagi karaan, waafaqsana dastuurka dalka.

2.                                            Sidii horeba ugu caddayd go’aamadii la socday muddada korodhsiimada, madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynaha, waxa looga fadhiyaa lagana codsanayaa dardar cusub, is-xilqaan buuxa dhinacyada xubnaha iyo meelmarinta himilada shacbiga Somaliland kaalinta kaga aadan Golaha, wax walbana laga hormariyo danta guud ee dalka”.

Golaha wakilada ee hadda oo ay beeluhu soo doorteen 1997-kii, kadib shirweynihii Hargeysa ee mudada 5-ta sannadood ah dib loogu doortay madaxweyne Cigaal, waxa mudadan cusub ee sannadka ahi kaga egtahay 25 May 2003 waxaana loo kordhiyay markii doorashooyinkii la qorsheeyay ay qabsoomi waayeen, iyada oo Guurtidu ay hore ugu kordhiyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa muddo sannad ah.

Dastuurka Somaliland qodobkiisa 42aad ayaa dhigaya in golaha  wakiiladu uu xilka sii haynayo ilaa gole kale oo la soo doortay uu kala wareego. Isla qodobkaa faqrad ka mid ah ayaa isna odhanaya haddii doorashada wakiiladu ay qabsoomi weydo golaha Guurtida ayaa muddada u kordhinaya,, kadib marka xukuumaddu soo jeediso, isla markaana goluhu uu qiimeeyo xaaladda doorashadu u qabsoomi weydey.

Shir-guddoonka Guurtida oo shirkaa jaraa;id lagu weydiiyay arrintaasi sida ay isku waafaqaysana waxa ay sheegeen in qodobkaasi 42aad uu ku waajibinayo Guurtida inay qiimeeyaan go’aanna ka gaadhaan duruufta doorashadu u qabsoomi weyday, isla markaana muddo-kordhintanna ku saleeyeen muddo-kordhintii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

 

“Duruuftii baa weli taagan, maadaama doorashooyinkii ka horreeyayba aanay dhicin, sida tii dawladaha hoose ee ee Axsaabtu ku soo kala baxaysay ee la doonayay in saddexda Xisbi ee soo baxaa inay ku galaan tartanka. Baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka,” sidaa waxa yidhi guddoomiye ku xigeenka labaad ee Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali oo ka jawaabayay su’aashaas.

“Maadaama aanay soo bixin oo duruufihii hore ay hortaagan yihiin, xaaladdiibaa weli taagan oo sidaas baanay u qabsoomi karayn,” ayuu raaciyay.

Golaha Guurtida, laftiisa ayaa sida dastuurku dhigayo muddo sannad ah ka dambeeya mudada xilka xukuumada iyo wakiilada oo iyagu ahaa min 5 sannadood halka golaha Guurtidu tahay lix sannadood. Hase yeeshee, taasi waxay u muuqataa mid meesha ka baxday marka la eego muddo-kordhinta sannadka ah ee Guurtidu u kordhisay xukuumada iyo wakiilada oo simaysa muddada xil-haynta golayaasha qaranka, haddiiba aanay Guurtidu ugu hor dhicin, iyada oo aanu dastuurku caddayn cidda u kordhinaysa Guurtida lafteeda.

 

Shir-guddoonka Guurtiduna wuxuu u arkaa in waqtiga u hadhay ku filan yahay, haddii waqtigu ku soo kediyona xal loo baadh-baadhi karo.

“Muddo dheer baa annaga hadda noo hadhsan. Taasna marka la gaadho waqtigeeda, xalkeeday yeelanaysaa,: sidaa waxa yidhi Guddoomiye ku xigeenka 2aad Md. Siciid Jaamac Cali oo ka jawaabayay cidda Guurtidana mudada u kordhin doonta.

Mudane Sh. Axmed Nuux, guddoomiye xigeenka 1aad ee Guurtida oo isaguna ka jawaabay laaluushka lagu xanto in Guurtidu kaga qaadato xukuumadda muddo-kordhinta iyo mashaariicda kale ee sharci, ayaa yidhi “[Goluhu] danta caamka ah mooyee asalkiisaba wax kale kuma shaqeeyo, kumana dhisna, kumana soo dhisnaan jirin.”

 

“Laakiin kolley haddii madax la yahay waxbaa la iska sheegayaa, kolley run iyo been waxay noqotaba wax baa la iska sheegayaa, maxaa wax nalooga sheegayaana la odhan maayo,” ayuu raaciyay.

 

Golaha Wasiiradda Oo Iska Xog-Waraystay Xaaladda Dalka

 

“Waa Farxad in arrimaha nabadgelyo oo beryahan dhacaa ay

yihiin uun wax la kala dilay” Cawl Cilmi – Maayarka Hargeysa

 

 

 

Harg (Haatuf) :- Golaha wasiirada Somaliland ayaa shalay yeeshay shirkiisii toddobaadlaha ahaa, iyada oo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in shirka golaha wasiiradu aanu qabsoomin labadii toddobaad ee tegay.

 

Shirkan oo ah kii u horreeyay ee uu golaha wasiiradu yeesho tan iyo markii madaxweyne Cigaal dibedda ugu baxay arrimo caafimaad, waxa guddoominayay madaxweyne ku xigeenka Md. Daahir Riyaale Kaahin, sida uu sheegay war-saxaafadeed u soo saaray af-hayeenka madaxtooyada. Waxaana shirkaa isku weydaarsaday warbixino ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan nabadgelyada iyo wax-qabadka hay’adaha dawladda qaarkood.

Sida war-saxaafadeedku sheegay madaxweyne ku xigeenka Md. Riyaale ayaa golaha uga xog-warramay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Cigaal u tegay Koonfur Afrika iyo hawlaha weftiga la socday ay halkaas ka wadaan.

 

Waxaana uu sheegay in labaduba ay meel wanaagsan marayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Cumar, ayaa ka war-bixiyay xaaladda nabadgelyo ee gobollada dalka, waxaana uu ka warramay magaalada Laas-caanood, halkaas oo ay shaqaaqo dad ku dhintay ay ka dhex taagan tahay laba Ardaa oo beelaha degaankaas ah iyo degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo iyana ay ka aloosan tahay xaalad ka dhalatay nin dhowaan lagu dilay jiidaas.

Sida war-saxaafaadeedku sheegay wasiirku waxa uu ku war-bixiyay in labadaas arrimoodba gacanta lagu hayo. Isaga oo sheegay in wefti u bixi doono Laas-caanood. Sidoo kalena arrinta Ceel-afweyn lagu xallinayo gobolka Togdheer.

 

Duqa caasimadda Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle oo shirkaas ka qaybgalay ayaa warku sheegay inuu isna ka war-bixiyay xaaladda magaalada Hargeysa oo uu ku tilmaamay mid heer sare ah.”

Wuxuuna maayorku intaa ku daray ayuu yidhi war-saxaafadeedku; “Inay tahay wax lagu farxo.” Mar haddii arrimaha nabadgelyo ee beryahan dhacaa ay yihiin uun wax la kala dilay” taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa xaaladda nabadgelyo  ee dalku guud ahaan inay sugan tahay.

 

Waxa kale oo ka warbixiyay hawlaha hay’adahooda, maareeyaha xooga korontada ee Hargeysa Inj. Cali Cabdi Barkhad, wasiirka Beeraha Md. Maxamuud Jaamac Belel iyo wasiirka Dib-u-dejinta Md. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo isagu ka warramay arrimihii ay ka wada hadleen guddi golaha Guurtida u qaabilsan dabogalka hawlaha doorashooyinka iyo guddi dhinaca xukuumadda ah oo uu isagu horkacayay.

 

 

Tabantaabada Somaliland Ee Loogu Gudbayo Xisbiyo Ma Haysataa Tiir Adag?

Faallo – Cumar Daahir  Cumar

 

 

 

Golayasha Baarlamaanka iyo Guurtida oo lagu qaybgsho qaab beeleed wuxuu dhaqan ahaan ka soo jiray Somaliland tan iyo 1991-kii, marki dib loogu yagleelay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Inkasta oo uu qaabkaasi shaqeeyay, haddana waxaaq jiray cabashooyin iyo aragtiyo kala duwan oo ay kala qabeen ashkhaas iyo meelaha qaarkoodna beelo guud ahaantood aragtidaa diidan iyo mid taageersanba leh oo ku saabsan sida loo maamulay iyo tirada ay beeshoodu ka heshay Baarlamaanka iyo Guurtida, meelaha qaarna waxay diidmo ka jirtay sida loo xulo xubnaha beesha u galaya golayaasha.

Dadka qaar ayaa inta badan shaki galaya in uu Barlamaanka xubnihiisa iyo shir-guddonkiisu ay leeyihiin ama fulin karaan ujeedadii loo aasaasay oo ah inay noqdaan hay’ado sharci oo joojin karta, ama wax ka beddeli karta isku day ay la timaado golaha fulinta ee xukuumadda oo markaa aan u danaynayn danta guud ee umadda, si looga hortago nidaam keli-talis iyo ku tagrifal ku dhaqma.

Golayaasha Somaliland ee beelaha lagu soo doortay xubnaha ka tirsana marka la isku daro sababo badan oo ay ka mid yihiin xubnaha qaarkood oo ku cusbaa gud ahaanba siyaasadda oo aan si weyn u fahamsanayn kaalinta uu leeyahay Mudane Baarlamaan.

Sabab dhaqaale oo mararka qaar keenaysay in mudanaha ama mudanayaashu ay ka baydhaan mawqifka runta ah ee ay ka qaadan lahaayeen arrin.

Xukuumadda ama golaha fulinta ee Somaliland oo aad ugu hawlgalay sidii ay shir-guddoonka iyo xubnaba Baarlamaanku u noqon lahaayeen kuwa wax u ansixiya kolba sida ay xukuumaddu rabto.

Arrintu si kastaba ha ahaatee Barlamaankii Somaliland ee jiray waxaa ku cad inuu ku guul-darraystay ishortaaga musuqmaasuqa iyo hantida ummadda oo si cad loo leexsaday oo ay arrintaa ku kaceen hawlwadeeno ka tirsan maamulka jira.

 

Haddaba xilligan oo talada Somaliland tahay in loo guuro xisbiyo oo mudanayaashaa lagu soo doorto qaab xisbiyeed ma aha arrin fudud, sababtoo ah muddo waxaa soo jiray mudane beeleed, wasiir beeleed labaduba ka bartay dhinaca sida looga soo dhex baxo ama la isugu sawiro inay iyagu beeshaa ka yihiin afhayeen iyo in loo marayo wixii xidhiidha ee beeshaa lala samaynayo, cidda meteli kartaana ay iyaga tahay.

 

Marka aynu qaadano sida nidaamka xisbiyadu uu suuqa u soo dhigayo rag badan oo sannado mustawi ku ahaa nidaam beeleedka waxaa hubaala in ay iyagu yihiin qaybta ugu horraysa ee dagaalka kula jirta inaan loo gudbin xilli xisbiyeed, arrintaana waxaa markhaati cad u ah dib-u-dhaca ansixinta xeerarkii hawshaa lagu wadi lahaa ee ka yimid dhinaca Baarlamaanka.

Arrinta kale ee faa’iidada lahayd oo ay golayaasha Somaliland lumiyeen waxay tahay inay kasbadaan kalsoonida dhammaan xisbiyada laga furay Somaliland kuwa ka soo jeeda dhinaca xukuumadda iyo kuwa lagu tiriyo inay ka soo jeedaan dhinaca mucaaradka, taas oo xilligan aad dhadhansanayso in xisbiyo badan oo ka tirsan mucaaradku ay aragti ahaan wis-wis geliyeen dhexdhexaadnimada golayaasha Barlamaanka.

 

Xisbiyo talada lagu qaybsado ama isbeddel ku yimaada maamulka hadda jira waxay iyana wadno-xannuun ku tahay rag badan oo ka farsamo bartay mansabka ku helida nidaamadii hore ee talada Somaliland, kuwaas oo dhinacooda dagaal kula jira dib u riixista, khaladgelinta iyo diyaarinta nidaamo gurracan oo ay ku huluulan karaan mansabada ay baraysteen. Si looga hortago arrimahaa, ha la adkeeyo tiirka qaab xisbiyeedka loo marayo.

 

Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali Iyo Xafladii Sagootiska Macalimiinta Masaarida

 

Hargeysa (Haatuf): Xaflad ballaadhan oo lagu sagootiyay Macalimiinta Masaarida ah ee wax ka dhiga dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali, ayaa maalintii Axadii lagu qabtay barxadda dugsiga Maxamuud Axmed Cali oo ka mid ah dugsiyada sare ee Hargeysa.

Xafladdan oo ay soo agaasimeen ardayda wax ka barata dugsigaasi, ayna ka muuqatay ixtiraamka iyo qadarinta ay u hayaan macalimiintooda in ay wax baraan uga yimid dalka Masar, waxa ka soo qayb-galay Maamulka dugsiga Maxamuud Axmed Cali, Macalimiinta ardayda iyo martisharaf kale oo aad u badan.

 

Hadalo kala duwan oo ay munaasibadaasi ka soo jeediyeen qaar ka mid ah ardaydu, waxa aad ugu mahadnaqeen macalimiinta Masaarida ah, sidii aan hagrashada lahayn ee ay wax u barayeen muddadii uu socday sannad-dugsiyeedka haatan gaba-gabada ah, waxaa kale oo ay ka hadleen qiimaha ay waxbarashadu leedahay.

 

Qaar ka mid ah macalimiinta Masaarida ah oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa aad uga waramay qiimaha ay xafladaasi u leedahay iyo guud ahaanba sida ay u arkeen Shacbiga Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi soo dhaweyn iyo marti-gelinba leh, iyaga oo aad uga mahad-naqay sidii dalka loogu soo dhaweeyay, muddadii ay joogeen oo ay ku tilmaameen in ay joogeen dalkoodii hooyo, taas oo ka turjumaysa ayay yidhaahdeen, walaalnimada ka dhexaysa labada shacbi ee Masar iyo Somaliland.

Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, Mr. Keyse Xasan oo isna khudbad munaasibadaasi ka jeediyay, ayaa u mahad-naqay macalimiinta Masaarida ah iyo dawladda Masar-ba oo iyadu macalimiintaasi dalka ku soo caawisay. Waxaa kale oo uu u mahad-naqay ardaydii soo qaban-qaabisay oo uu ku tilmaamay in ay muujiyeen is-xilqaan aad u weyn.

 

Ugu dambayna, waxa ay ardaydu munaasibadaasi ku gudoonsiiyeen Macalimiinta Masaarida ah, hadiyado ka turjumaya Hidaha iyo Dhaqanka bulshada Somaliland.

Dawladda Masar, ayaa dalka Somaliland ku caawisay macalimiin ay tiradoodu 50 ka badan tahay, kuwaas oo wax ka dhigga dugsiyo kala duwan oo ku yaalla gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaaas oo haatan muddada fasaxa ku soo qaadanaya dalkooda Masar.

 

 

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujiyay Diidmada Israa’iil Ee Gudiga Xaqiiqo-Raadiska Ah

 

 

 

 

New York (W. Wararka): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa muujiyay walaac ay ka qabaan diidmada soo noq-noqonaysa ee ay Israa’iil kala hortimid, guddiga xaqiiqo-raadiska ee ay u direen xerrada Falastiiniyiinta ee Jiniin oo ay Ciidamada Israa’iil xasuuqa ballaadhan ka geysteen.

Safiirka Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka, haatana ah guddoomiyaha Golaha ayaa dhammaadkii kulankaas oo albaabadu u xidhnaayeen, kadib u waramayay War-fidiyeenka, wuxuuna ku dhawaaqay in wada-tashiyadaa ay iskula gaadheen in ay muddo maalin ah siiyaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu ku soo afjaro khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Israa’iil, si ay gudigu si degdeg ah ugu billaaban lahaayeen hawshooda. Waxaanu intaa ku daray  Safiirku in ay Golaha Ammaankku ku adkaysanayaan in la dhaqan geliyo go’aankii gaarka ahaa ee ay ka soo saareen arrintaas, kaas oo dhigayey samaynta Guddiga Xaqiiqo-raadiska ah iyo in ay warwar weyn ka qabaan dib-u-dhaca soo noq-noqonaya ee ku imanaya Safarka Guddigaasi ay ku tagi lahaayeen Israa’iil.

 

Dhinaca kalena dawladda Ingiriiska, ayaa ku dhiiri-gelisay Israa’iil in ay u ogolaato guddiga xaqiiqo-raadiska, sidii ay degdeg ugu billaaban lahaayeen hawshooda ah in ay soo baadhaan wixii ka dhacay xerrada Jiniin, muddadii ay xooga ku haysteen Ciidamada Israa’iil.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo arrintaasi ka hadlayey, ayaa intaa ku daray inuul a xidhiidhay Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, uuna Sidaasi gaadhsiiyay.

 

Arrimahani, waxay ku soo beegmeen iyada oo ay Israa’iil ogolaatay in ay xayiraadda ka qaado Yaasir Carafaat oo muddo bil ah ay Ciidamadeedu ku xeernaayeen xarunta uu degan yahay ee Ramalah, kadib markii ay dawladda Maraykanku soo dhex-gashay labada dhinaca, iyada oo soo jeedisay in Carafaat laga qaado xayiraadda, uuna u socdaali karo halka uu doono, Carafaatna waxa uu ogolaaaday in Jeelka loo gudbiyo lix Falastiiniyiin ah oo ay Israa’iil ku eedaynayso in ay ka dambeeyeen dilkii Wasiirkii Dalxiiska ee Israa’iil, iyaga oo ay Jeelka ku ilaalin doonaan xubno Maraykan iyo Ingiriiis ahi.

Waxaa iyaguna weli sii socda, weerarada ay Ciidamada Israa’iil ku hayaan degaanada Falastiiniyiinta, iyaga oo marka ay meel ka baxaanba meel hor leh galaya.

 

Madaxtinimada Madakaskar Oo Muran Ka Taagan Yahay

 

 

 

Reuters – Maxkamadda sare ee dalka Madagaskar ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday inuu musharaxa ka socday mucaraadka ee Makraflo Manaana uu ku guulaystay doorashooyinkii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacay bishii December ee la soo dhaafay, taas oo ilaa muddadaa muran ka taagnaa.

Ku simaha Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Madagaskar Mananjaro o sidaasi kaga dhawaaqay maalintii shalay kulan ay ka soo qaybgaleen Diblomaasiyiinta dalpkaasi jooga, siyaasiyiin iyo madaxda kaniisadaha waxa uu sheegay in Makraflo Manaana uu doorashadaasi ka helay 51.46% madaxweynihii hore ee Rak Sirakna uu helay 35.9%, kadib markii dib loo tiriyay cod-bixintii dadku ay ka dhiibteen doorashadaasi.

 

Balse waxa arrintaasi ku gacan saydhay maamulka madaxweyne Rak Siraka oo diidan dib u tirinta codadka doorashada.

Tan iyo markii ay doorshayoonku dhaceen waxa dalkaasi ka taagnaa muran ku saabsan cidda ku guulaysatay.

 

Taasi waxay keentay khilaaf iyo rabshado arrintaasi ku saabsan, taas oo khalkhal gelisay degganaanshaha iyo xasilloonida dalka Madagaskar.

 

 

 

BADWEYNTA FANKA IYO SUUGAANTA

“Dabayl Caafimaad”

Gabay: Abwaan Jaamac Gaashaancadde

 

Gabaygan nuxurkiisu waa duco, sida magaciisaba ka muuqata. Waxaan curiyay wakhti hore, balse waxaan maqashiinta dadka bilaabay muddo saddex bilood laga joogo, wuxuuse rasmi ahaan kowsanayaa ku daabicidda Wargeyska iyo Cajaladaynta.

Waxaan ka soo xulay suugaantayda kaydka ah, anigoo u arkaaya in uu haboon yahay xilligan. Waxaan ku hal-qabsanayaa gabayaagii Waddaniga ahaa ee Cabdullaahi Suldaan “Timacadde,” Illaahay naxariista janna ha ka waraabiyo, isagiyo, innagiyo, intii Illaahay taqaannaba’e. waxaan uga waramayaa si kooban:

1.       Dabadii wixii dhacay waxaan isu miisaamayaa bellaayadii uu ka qaylinaayay iyo ta maanta heerka u dhexeeya;

2.       Waxaan dadka xusuusinayaa xikmadihiisii ay ka mid ahaayeen/

a.       “Geesiga madow uma ogola guusha reer Yurub”

b.       “Berbera, daadku ah qaadoo, dooniyi yaanay ku leexan”

3.       Waxaan u sheegayaa in aanu gacantayada (maamulkayaga), kaga leexinney, doonyaha Berbera (isagu cid kaluu ka ilaalinayaaye) oo aanaan maamul kale eedaynaynin.

4.       Waxay taariikhdu muujisay in shirqoolkii lagu afduubay dawladnimadii Waqooyiga (Somaliland), laguna laayay dadka ay ka masuul ahaayeen Siyaasiyiinta Somaliland oo aan meel kaleba looga iman (Godin yahay badhkay baa kugu jiree, imaad goyseen);

5.       Waxyaabaha caddaynaaya shirqoolka Siyaasiyiinta hawl-gabka ah (kuwii lixdankii):

a.       Ma jiro mid runta ka sheegay in aanay reer Waqooyigu gobanimaba qaadanin lixdankii oo aanay 26-ka Juun ka mid ahayn maalmaha gobanimada Soomaaliya ee laga aqoonsan yahay Qaramada Midoobay;

b.       Ma ma jiro mid taageeray, ama si caalami ah ugu hadlay Gobannimada (madaxbanaanida) Somaliland, hadduu yahay mid maamulkeeda haya iyo mid debedaha wareegaaya, iyo mid mucaarid sheeganaaya (oo ka mid ah kuwii lixdankii), weli waa la sugayaa mid ama laba ama dhawr u doodda Gooni-isu-taagga Somaliland.

c.       Marka aanu jirin mid u godoboobay, waxaynu haynaa (bil cakis) in ay dhammaantood is hortaageen oo ay cid walba uga horreeyeen is hortaagga iyo carqaladaynta Gobanimada Somaliland.

Markay intaasiba ka badheedhay shirqoolka Somaliland, isla markaana aanu jirin ra’yi ka soo horjeedda kooda oo ay xubno facooda ahi ku dhawaaqeen, waxay tusaalayaashaas oo keli ahi innoogu filan yihiin, anigoo aan u dhaadhicin boqol iyo labaatan (120) tusaale oo ii qoran. Sidaa daraadeed, waxaan idhi:

Dabayl Caafimaad (Gabay)


Illaahow dadkaad naga dhigtiyo

Diintaad nagu kaabtay

Illaahoow dalkaad nagu dhaqdiyo

Deeqdaad nagu siisay

Illaahoow dirkii mahadiyeen

Daadin naga yeel

Illaahoow kuwii daafacee

Daalin naga yeel

Illaahoow degaan nabadgelyoo

Doogsan naga yeel

Duqii timacaddoow duco allaan

Kuu dalbanayaaye

Illaahay degaankii jannada

Kuugu derejeeye

Dul ahaan adduunkii haddaan

Eray ku soo duubo

Waa loo dardaar werinayaa

Diir madoobaha’e

Illaaheense nooguma darraan

Midab daraadiiye

Diintii Furqaaneed kufrigu

Way durreeyeene

Tawraad dar-xumaday badeen

Muuse dabadii

Dulmigii Injiil laga galay

Doonayaan weli

Dusdus iyo khiyaanuu ahaa

Doorka gaaladu’e

Duullaan badheedhay wadaan

Duhur dharaareede

Dunidii Islaamkuna hadday

Kala danaysteene

Dufan baa heshiis lagula galay

Dalalka qaarkoode.

 

Ciraaq lama duqeeyeen haddaan

Kuurka loo degine

Dabar-goynta Falastiin xigaal

Uma dul-qaateene

Dagaal may yaraynine walaal

Daafacaan jirine

Jeejniya dubbaha lagu dhuftaan

Cidi ka diirayne

Durriyaha afgaan lagu ridee

Dumiyay buuraha

Dambas lagama yeeleen haddana

Derisku naafayne

Maraakiib dayuurado siddiyo

Kuman dabaabaad ah

Dariiqyada ma gooyeen badaha

Dunida qaarkeede

Doonyaha ma baadheen siday

Deyn ku leeyihiin

Dabbaal joogto iyo damac fog iyo

Duur-xul baa jira.

 

Gaar ahaan dalkeenii haddaan

Kuu dul maro sheeko

Dadkii waa ku noolyahay haddana

Way dellegan yiine

Dugsi ma leh wixii aad lahayd

Waa dastuur qarane

Doontaad ka saartuu caqligu

Weli dul yaallaaye

Iyadoo dab kala qaadataad

Dunida joogteene

Doorsoome qoomkaad ogeyd

Daayinna u maqan.

 

Gaaladu adduunkay degtoo

Diidey aakhiro’e

Muslinkiina Jannuu doonayaa

Taa dambaa wacane

Ummad aan dhanaba dooranbaa

Joogta degelkiiye.

 

Waa shicib dhankii lagu dayaba

Loo dareersado’e

Waa shicib dalluumaha ku dhaca

Loo diyaarsadaye

Waa shicib dadnimadooda qira

Geeri dabadeede

Waa shicib degdegga oon lahayn

Daymo feejigane

Isku diridda gudahooda waw

Dhego daloolaane

Dabka culus markii lagu riday

Dumar ciyaaraane

Hadba kooda dhiig daadiyay

Ubax dul saaraane

Dembiyadaba waxa lagu helaa

Doorashiyo guule

Weliyaaba noo daahiray

Debedda geeyaane

Waxay qoloba daba joogsataa

Daallinkii gubaye

Billad dahabta waxa loo xidhaa

Hooyadii dila’e

Oo weliba deeq iyo abaal

Loogu darayaaye.

 

Dugsi ma leh wixii aad lahayd

Waa dastuur qarane

Doorsoome qoomkaad ogeyd

Daayinna u maqane.

 

Qabiilkoo jahligu daajiyaad

Daaya-na lahayde

Aqoonyahan u doodaaya iyo

Janan difaacaaya

Isagoo digtooriyo sharci leh

Daayin kuma joojin

Dugsi baarlamaanoo ku yimid

Doorashada reerka

Oo haddana duruus looga dhigay

Daayin kuma joojin

Guurti dhaqanka daadihisa oo

Duca ku miisaaman

Oon duudsiga aqoonin baad

Dunida joogteene

Iyagoo ka dawladda carriga

Daayin kuma joojin

Marag dollar lagu iibsado

Gubey damiirkiisa

Oo kii dambiilaha ahaa

Daalac wax u raaco

Maxkamad dulmigu xaakim yahay

Daayin kuma joojin.

 

Isagoo daliilkii quraan

Daayin ku cadeeyay

Iyagoo digriigiiyo bateen

Culimadii diintu

Xaqa dumarka waxa laga dalbaa

Dawga gaalada’e

Iyana diirka soo hoodhiyay

Kula dardaarmaane

Waxa midabka lagu dooriyaa

Baras dukaan taalle

Doqon iyo habeenbaa madow

Daayin kuma joojin

Ducayeel lamaagiyo mudnaan

Dakharo loo yeellay

Isna derajadiisii ka tegay

Daayin kuma joojin

Suldaan jeelka loo dirayo

Oo lagu damaashaado

Dhaqan aabihiisiii la dilay

Daayin kuma joojin.

 

La soco toddobaadka dambe….


 

Raadiyow Ma Qaloocshe

 

 

 

Halkani waa raadiyow ma qaloocshe oo aydin ka macmiilataan mowjadaha kaftan yaqaanka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq aqoonka; dhegaystayaashayada dhakada salaxanow, waxaan dabadda idiin qaban doonaa warkii dunida iyo waraysi daba socda oo aan la yeeshay wiilka Osman bani’aadam, balse qacda hore waxaan qadhawda idinkaga saari doonaa weriye Mr. War ma arke;

Warkii oo kurkuursan:

Madaxkuuska Shankaroonland, ayaa dabiib loo geeyay dalka oogada afrika, kadib markii jilbaha hargab kaga dhacay, waxa kaloo u sii wehelyeelay labao ka mid ah Wasiiradiisa iyo sariflaha Qaranka oo kiish lacagtii lagu dabiibayay ku sii qaaday.

 

Diyaarad fariid ahayd oo weftigaa sii qaaday, ayaa bed-qab ku geysay magaalada Jawaahirbeeg ee gafuurka afrika, isla markaana dabiibka odayga waxa loo aamini waayey dhakhtar shicib, waxaana degdeg loo geeyay Cusbitaalka hargabka iyo durayga ee milaterigu leeyahay.

Haddaba, mar aan telegaraamka la tiigsaday milateri digtoor ku takhsusay cudurada hargabka iyo hindhisada, waxaanan ka waraystay xaaladda odayga, ugu horayn waxaan weydiiyay su’aal aan Soomaali iyo af Ingiriisi isugu jacburiyay, waxaanan ku idhi:

Ma qal: How is health our Madaxkuuskayagii?

Digtor: He is good-good.

Ma qal: What was xannuunkiisa?

Digtor: It is some about bolotikaal feefar, markii aanu baadhnayna waxa aanu ka helnay lix balaas oo duco qabayn ah, May be in ay kaga timi Egas-ministaro hore.

Ma qal: What do you thing dawadiisa?

Digtor: It is very simple, he need only five year doorasho with him, because he is bolotikaal best for your badaw bolotiig.

Ma qal: If he will come back, what will must do?

Digtor: He is not need too much tarabal come from ASAD and Eldaris.

Digtoorkaas oo aan weydiiyay in indhaha loo qurxiyay, wuxuu sheegay in indhaha loo salaxay oo uu si fiican u arki doono Siyaasadda.

 

Hargeysa

Oday aan da’diisa la sheegin, ayaa maalin dhaweyto harraad ugu dhiman gaadhay, waxaana la arkay isagoo qasabad dusheed rafanaya, kadib markii ay magaalada soo food-saartay biyo la’aan bilaa qiyaas ah.

Gabadh gashaanti ahayd, ayaa iyana biyo la’aan darteed la dhukuratay, kadib markii ay wayday biyo ay ku maydhato.

Haddaba Inkasta oo beryahanba biyuhu suqu-qul ahaayeen, haddana waxay surmigu samada gaadhay markii Madaxkuusku tegay, taas oo dadka qaar sheegeen in haddii odaygu joogo ceelka sidan looga haraadeen.

 

South Africa

Afrikada cawlan nin u dhashay, ayaa ayaan dhawayd dayaxa u qayilaad tegay, kadib markii uu ingaydh garaystay tagaasida dayaxa taga ee Ruushku leeyahay.

Ninkan oo ku kiraystay lacag afrika saddex casho ku qadayn lahayd, taas oo haddii dhammaan dadka reer afrika, haddii lagu arad-tiri lahaana “Nigisyo” u goyn lahayd, ayaa markii wiilkii dayaxa tegay asqoobay oo habeen iyo maalin kala garan waayay, balse waxa igu maqaalo ah in dhulka looga sheego marka la seexanayo iyo marka la toosinayo.

Ninkani, waa ninkii labaad ee kibir daraadii cirka u kaadi taga, iyadoo kal saddexaadna Nin taajirnimo daraadeed urayna kibir u tegay.

 

Weriyaha dayaxa nooga soo warama, ayaa soo sheegay in laba habrood ay isku laayeen dayaxa guudkiisa, kadib markii ay isku qabsadeen baloodh qiyaastiisu tahay eydhi baay aydhi. Labadaas habrood oo u kala dhashay Ruushka iyo Maraykanka, kuwaas oo labadooduba ay haysteen Faylal sharciya iyo kuwo maxkamadeed, waxa la sheegay in ay daraad galab labadii habrood is dileen oo dagaal badani dhexmaray.

 

Habartii Ruushada ahayd, ayaa la sheegay in ay dayaxa ka soo tuurtay tii Maraykan, kadib markii sabaaxad Ruush ay ku soo lalisay. Habartaas Maraykan oo la sheegayo in ay ilaa shalay hawada soo lalmanaysay, waxaa loo malaynayaa in ay ku soo dhacayso meel ku beegan dalka Ciraaq, siiba agagaarka aqalka Sadaam Xuseen.

 

Wareysi Bin’aadan

Akhyaartayada indhaha buur-buuranow, waxaan idiin soo tebinayaa Wareysi aan beryahaaba ku maqnaa oo aan la yeeshay Ninka Cusmaan Benu Aaden ee Maraykan ka xanaajiyay, ninkaas oo markii meel aan u maro waayay aan warqad ugu dhiibay habaryartii. Warqadaas, waxaan ku weydiiyay su’aalahan, waxaanu iigu soo jawaabay sidan. Inkastoo jawaabtu af-carbeed ku qornayd, balse anigu aan Soomaali gareeyay;

S: Waar bal iska waran, wixii Maraykanku hub kugu riday xaggay kaa mareen?

J: Waanu ka noolnahay aniga iyo gadhkeygiiba.

S: Oo Maraykanku ma sidaasuu u shish daranyahay?

J: Waar Maraykan aqoon ayaadan u lahayn ee inuu aniga I dilo ma doonayo, ee wuxuu doonayaa inuu kolba dalkuu qabsanayo yidhaa Binu Laadanbaa joogga.

S: Waxaan ku weydiiyay daarihii Maraykanka ma adiga diyaaradaha la eegtay?

J: Mayee daaraha Diyaaradda Maraykankaa la eegtay oo rag ciidankayga oo rakaab ahaan, diyaaradda u raacay ayay diyaaradaha ku laayeen.

S: Muxuu ninka weyni sidaa u sameeyay?

J: Bil Macne duulaanka Afgaanistaan ayaan hirgaleen haddana Maraykanka laga nixin.

S: Cumsaan, waydinkii Maraykanka isku wanaagsanaaye, goormaad colowdeen?

J: Waxaan colownay markaan ogaaday wuxuu doonayaa.

S: Wuxuu doonayaa maxay ahayd?

J: Maraykanku wuxuu u qayilay shan sanno, farsamadii uu boqol sannadood isagu dunida u meherin lahaa, si uu dunida isagu oday uga noqdo, inta kalena xaaskii iyo caruurtii, anna waxaan doonayaa in aan Carabta oo dhan NGO ka dhigo, markaa tii Alle ka dhigo ayuu baay noqon.

S: Oo Horta Mascuud Shah ma adiga dilay?

J: Eesh Qiyaasak, iyagaa Rooma ku soo dilay, kadibna Mascuud Macmala, ayay u soo direen Afgaanistaan, kadibna kuwan dilayna iyagaa u soo diray oo haddana annaga nagu hafray.

S: Cusmaan hadda xageed joogtaa?

J: Halkaan joogo waxaad ku garan, waa kolba halka Maraykanku weeraro.

S: Cusamow, Horta ma xagaa iyo beri Soomaal miyaad waa u soo dustay?

J: anigu maan tegin, laakiin gadhkayga ayuu badh tagay beri Soomaal, miyaanadse ogeyn in dalka la igu sheego doollar lagaga dhergo oo Maraykanku bixiyo Basaas Broojjekt.

S: Cusmaan, adigu ma argagixiyaad tahay?

J: Mayee, Cawaandiga Carbeed ayaan ahay. Argagixisadiina, waxaa loo bixiyay qofka diida aan ku danbaabo.

S: Xageed imika doonaysaa in aad tagto?

J: Horta anigu waxa laga yaabaa in aan Sacuudiga laftiisa qabto, waxbase iguma aha intaan gaadhka xiiro oo dhafoorada xiirto in aan Waanshitoon Piibsi u doonto, ilayn magacayga labaad Jemis Jaarlasbaa layidhaa. Dagaalkuna, aniga idhaafyoo waa Carab iyo Gaalo, Yuhuudna Bariga dhexe waanu ka eryaynaa oo waxay u guuraysaa Kaashamiiriyo, xagaa eeshiya.

 

DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Badbaadi, Oo Dhaq Beer: Dhirta Daaqa Iyo Ugaadha Somaliland

 

Macluumaadkan iyo sawirada saddex ka mid ah waxaa laga soo xigtay wasaaradda Horumarinta daaqa iyo degaanka.

 

 

 

Dhulka Somaliland waxaa ku beeran dhir, daaq iyo Ugaadh kala duwan oo ah khayraad dabiiciya. Dhirta dabiiciga ah waxaa ka mid ah; Qudhaca, Galoolka, Meygaag, Dhafaruur, Gob, Dacar, Kariiri, Duur, Midhcaanyo caday, Qansax, Kedi, Kulan, Moxor, Gulaan, Xayramad, Dhosoq, Bilcil iyo kuwo kale oo badan.

 

Daaqa waxaa ka mid ah; Dareemada, Dixi, Saddexo iyo kuwo kale.

Ugaadha waxaa ka mid ah; Sakaarada, Deerada, Dameer-farowga, iyo kuwo kale.

Intaa waxaa dheer dhirta iyo xayawaanka kala duwan ee ku nool Badda oo iyaga qudhoodu u baahan daryeel la mid ah kaa ay u baahan yihiin dhirta iyo noolaha Barrigu.

Dhirtan iyo daaqa aynu xusnay, waxay ka baxaan degaamada kala duwan ee Somaliland, marka laga soo bilaabo dhulka ooda leh ee ku dhereran dhinaca koonfureed ee xadka Somaliland, bannaanada Banka ah, dooxyada, buuraha iyo dhulka gubanka ah ee xeebaha waqooyiga.

Waqooyi Bari, iyo Waqooyi Galbeed ee Somaliland.

 

Shidaal ama wax u dhigma dhuxusha oo aan inta badan lagu isticmaalin Somaliland, ayaa keentay in la jaray oo dhirta laga xaalufiyay dhul badan oo ay ka bixi jireen dhirta dabiiciga ah.

Markii ay dhacday xaalufinta dhirta dabiiciga ah waxaa kordhay dhulka uu saameeyay nabaad-guurkii ay dhirtaas bixideedu ka hortaagnayd dhulka, waayo dhirtu waxay ilaalisaa dhulka inay carrada ka qaado dabayshu, dhinaca kale dhirtan waxaa quuta xoolaha xilliga Jiilaalka ee uu daaqu qalalo ee Xagaaga iyo Jiilaalka.

Geedka Galoolka ayaa aad loo jaray oo loo dhuxulaystay Somaliland, intaa waxaa dheer in Galoolka aad ay u isticmaalaan reer Miyigu iyagoo laamihiisa maydhaxdooda ku dhista guryaha (Aqal Soomaaliga).

 

Dareemada oo ah geed daaqsimeed carro san oo ay xooluhu aad u jecel yihiin ayaa si qayru-xada loo daaqay, taas oo keentay inay ka siidh-guurto ama ku yaraato dhul badan oo ay hore uga bixi jirtay.

Dhulka uu joogiisu aadka u sarreeyo ee buuraha Golis, ayaa laga xaalufiyay dhir badan oo ay buuralaydaasi qani ku ahayd, sida dhir loo isticmaali jiray in lagu sameeyo furaashyada iyo barkimooyinka.

 

Marka la eego dhibaatada weyn ee loo geystay dhirtii iyo daaqsintii dabiiciiga ahayd ee Somaliland, waxay qoraal ku muujisay wasaaradda Horumarinta Daaqa iyo Degaanku in loo baahan yahay hirgelinta barnaamijka ay wasaaraddaasi u dhigtay wax-ka-qabashada dhulkii dhirta iyo daaqa ku haboonaa oo qaarkood loo rogay dhul-beereed aanu dhulkaasi cimilo ahaan iyo ciid-ba ugu habboonayn. Arrintan oo keentay in uu fido nabaad-guurka ciida oo mustaqbalka keeni kara in dhul badani isu rogo lama dagaan.

 

Barnaamijkan wasaarada Horumarinta daaqu wuxuu lama huraan ka dhigayaa Barnaamij wax lagaga qabto goynta xad-dhaafka ah ee lagula kacay dhirta Somaliland iyo daaqsinta aan xadaysnayn ee xaalufisay dhulkii hodanka ku ahaa geed-daaqsimeedka ay daaqaan xoolaha aynu dhaqano, bilic iyo badbaadana u ah degaanka Somaliland.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Hay’adu Ma Waxay Xalaashatay Inay Dhaqankeenii Ku Tomato

 

Waxaan laba toddobaad ka hor ka akhriyay mid ka mid ah jariiradaha afka Ingiriisiga ku soo baxa ee dalkan ogaysiis ku saabsan shaqo bannaan oo ay faafisay hay’adda IRC, kaas oo ay hay’addaasi ku sheegayso in cidda shaqadaas soo doonanaysa aan loo eegi doonin midabkooda, diintooda iyo waxyaabo kale oo fara badan oo ay ka mid tahay in habka qofku u jecel yahay galmada (sexual orientation), aanay ka horjoogsan doonin inuu soo doonto shaqadaas, taas oo looga jeedo dumarka oo dumarka u taga iyo ragga ragga fuulaba, Ilaahay ha inaga shartiro’e.

Arrintani run ahaantii waa mid meel ka dhac ku ah diinteena iyo dhaqankeena, ula-jeedadeena waa la iska garanayaa.

 

Waxa la tijaabinayaa in aynu aqbali karno waxyaabo tan ka daran oo soo socda. Waxaase habboon in taxaddir fara badan laga yeesho. Waxase isweydiin leh, jaraa’idkeenu ma waxay dhaafsanayaan diintooda iyo daqankooda labaatan dollar oo ay ka qaataan xayaysiisyada dhaawacaya dareenka bulshadeena muslimiinta ah.

 

Hay’adda IRC ee kasoo jeeda dalka Maraykanka, lagama fadhiisteen haddii jaraa’idkeenu soo qori lahayn xayaysiis ku saabsan shaqooyin ka bannaan ururka Al-qaacida.

Haddaba waxaan leenahay hay’addaasi inay xor u tahay wixii ay aaminsan tahay, balse aanay xor u ahayn inay ku tomato waxay dadka dalkani aaminsan yihiin.

Ugu dambayntii waxa IRC looga fadhiyaa inay bulshada reer Somaliland ka raali-geliso meel ka dhaca damqashada leh ee ay u geysatay.

Axmed Cilmi, Hargeysa.

 

 

Baaq Madaxda Ururka UDUB ee Gobolka Sool U Jeediyeen Reer Laas-caanood

Anagoo ah madaxda gobolka ee ururka UDUB, kuna sugan xilligan caasimadda Hargeysa, waxanu Baaq nabadgelyo u soo jeedinayna labada beelood ee qardafta dhimashada iyo dhaawaca keentay ku dhexmartay degmada Laas-caanood ee G. Sool.

Waxaanu walaalahayaga dagaalkaas laga naxaa dhexmaray u soo jeedinayna in laga waantoobo wax dhibaato ah oo dhaca oo intaa dhaafsiisan.

 

Iyada oo wixii horana ay ku dhaceen si aan mas’uulnimo ahayn, haddana waxaanu leenahay dhammaan wax-garadka, culimaa’udiinka, hooyooyinka, dhallinyarada waa in laga hortagaa abaabul dambe, iyo is-urursi ciidan oo keenaya dhibaato dhacda oo keeni karta mid ka badan tii hore.

Waxaanu baaqayagan ku taageeraynaa cid kasta oo dareenkeedu yahay inay nabadgelyada isbarbar taagto.

Dhallinyarada qoryaha sidata, waxaanu leenahay walaalayaal mid waliba kuu qoriga u sitaa kii walaalkii ahaa ee ay shalay ceeshow milixda ahaayeen.

 

Odayaasha wax-garadkow waxaa idinla gudboon hawshaad dabaqashadeeda, mana aha maanta maalintii qabiil loo dagaalami lahaa ee waa maalintii aqoon iyo horumar lagu tartami lahaa.

UDUB, wuxuu taageersan yahay nabadgelyada iyo xasilloonida intii khayr iyo nabadayn wada Ilaahay ha ku garabgalo.

 

Waxaanu u mahadnaqaynaa hooyooyinkii iyo dhallinyaradii ka dhiidhiday walaalahaas macno la’aantu isu geysay ee bannaan-baxa ka sameyay, ilaa haddana wada dadaalkooda nabadeed.

Xubnaha Baaqan diraya;

1.        Aadan X. Xuseen (Xoghayaha G. Sool)

2.        Ibraahim Cali Cabdi (khasnaji)

3.        Xasan Muuse Shire (dhallinta)

4.        Carfi Jaamac Dhurwaa (haweenka)

5.        Cabdi Yuusuf Cali Koore (xubin).

 

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

Per. Colonia: Garsooraha Dunida Ugu Khibradda Badan

 

 

 

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa soo saaray liiska magacyada garsoorayaasha dhexdhexaadinaya koobka adduunka 2002, oo ka dhacaya waddamada K.Kuuriya iyo Japan.

Garsooraha caanka ah ee u dhashay dalka Talyaaniga Perluigia Colonia oo ka mid ah ragga sida aadka ah dhexdhexaadintooda loo jecel yahay,taas oo keentay inuu soo jiito indhaha daawadayaasha caalamka kala duwan.

Garsoore Colonia, waa nin had iyo goor xiiran oo aan madaxiisu timo yeelan, isla markaana waa nin ad-adag marka lagu jiro garoonka, inta badana waa nin marka ay ciyaartoyga isku dhacaan go’aan adag qaata.

 

Koobka adduunku wuxuu ka mid yahay kuwa ugu horreeya dunida, ayna ku soo caan-baxaan xiddigo badan, kooxo iyo weliba garsoorayaasha nasiibka u yeesha muhiimada warbaahinta.

Garsooraha Talyaaniga ahi mar uu dhawaan shir-jaraa’id qabtay, wuxuu kaga hadlay sababta uu ku kasbaday taageerayaasha tirada badan marka uu ciyaaraha dhexdhexaadinayo, waxaa kale oo uu ka hadlay sababta uu ku doortay garsoorenimada, iyo siduu uga hortago iska-horimaadka ciyaartoyga ka dhexqarxa iyo eedaymaha loo soo jeediyo garsoorka.

 

Garsooraha oo ugu horreynba la weydiiyay sababta uu ku doorbiday dhexdhexaadinta (garsoorenimada), ayaa sheegay in markii uu ardayga ahaa, gaar ahaana intii uu ku jiray wax-barashada dugsiga sare uu wiil ay saaxiib yihiin kula taliay inuu barto cilmiga garsoorka ciyaaraha. “Wuxuu ii tilmaamay goob lagu barto shaqadaa, aniguna kumaan ceebsan fikradda ee waan ku raacay , waana ugu mahadcelinayaa, waayo waa albaabkii aan ka soo galay dunida ciyaaraha,” ayuu yidhi Perluigia oo ka hadlay sidii uu ku noqday garsooraha.

Markii uu yaraa wuxuu ciyaari jiary kubadda cagta, hase yeeshee wuxuu joojiyay markii uu galay dugsiga tabobarenimada oo ay da’diisu 17-jir ahayd.

 

Muddooyinkan dambe, waxaa garoomada ciyaaraha laga dhaqangeliyay kamaradaha soo saara khaladaadka dhaca inta ciyaarta lagu jiro, kuwaas oo inta badan kashifa gefaf si qarsoodi ah u dhaca oo aanay garsoorayaashu arkin oo marar badana cambaarayn ku keena dhexdhexaadiyeyaasha. Mar la weydiiyay aragtida uu ka qabo wuxuu yidhi; “Runtii waxa muhiim ah inaynu u garwaaqsano inaan kubadda cagtu ahayn mid khaladku ku dheer yahay, dadkuna gef wuu ka dhacaa. Ku soo cel-celinta khaladka oo marar badan kamaradu samaysaa waxay culays badan ku keentaa garsooraha.”

Inkasta oo dareen diidmo leh uu ka muujiyay isticmaalka kamaradaha maragfurka ah wuxuuna garsoorayaasha kula taliyay inay ka faa’iidaystaan khaladaadka ay ku dhacaan marka ay kamaraduhu ku soo celiyaan dhacdadaa.

 

Garsooruhu wuxuu sheegay ingarsoorayaasha oo la kordhiyaa aanay wax weyn ka tari karin yaraynta khaladaadka. “keliya waxay soo saaraysaa goolka dhasha, laakiin uma arko in ay wax horumar ah ka keeni karto culayska jira,” ayuu yidhi, wuxuu intaa ku daray in dalka Ingiriiska lagu tijaabiyay inay ciyaarta dhexdhexaadiyaan dhawr garsoore, balse aan wax horumar ah laga gaadhin.

Colonia, oo la weydiiyay sababta uu markiiba ku garto inta ay gaadhsiisan tahay khatarka dhaawac ee ciyaartoygu qabo kahor inta aanu ka bogan, ayaa sheegay inaan tacliinta loogu darin calaamado jidhku bixiyo oo lagu qiimeeyo hadba intay khatartu le’eg tahay, balse wuxuu tilmamay inay ku xidhan tahay khibrada go’aan qaadashada iyo aqoonta uu u leeyahay ciyaartoyga khaladka galay oo uu markiiba qiimayn karo.

 

Sanadihii ugu dambeeyay garsoorayaasha ciyaaraha caalamiga ah dhexdhexaadiya waxa lagu soo rogay imtixaan lagu tijaabinayo aragtida indhaha iyo adkaysiga orodka, iyada oo uu tartanka ka hadhayo qofka aanay aragtidiisu fiicnayni, ama aan adkaysan u lahayn inuu ordi karo waqtiga ciyaartu socoto.

Per. Colonia oo aragtidiisa ka dhiibanaya qorshahaa lagu kala reebayo garsoorayaasha ayaa ku sheegay hawl muhiim ah, maadaama marba marka ka dambaysa ay soo kordhayaan tartamadu, isla markaana ay soo if-baxayaan khiyaamooyin casri ah oo aan hore u jirin.

“Waa hubaal in xaakinka culays ku sii kordhayo daqiiqad kasta muddada ciyaaraha, markaa garsooraha waxaa la gudboon inuu la socdo xeeladaha kala duwan ee koox waliba ku ciyaarto, waana inuu dhug u leeyahay farsamooyinka qarsoon ee ciyaartoy kastaaba leeyahay,” ayuu ku daray.

 

Garsooraha Talyaaniga ah oo wax laga weydiiyay sida ay suurtogal u noqon karto in laba dhexdhexaadiye ciyaar keliya wada xukumaan, ayaa tibaaxay in lagu jiro hawl tijaabo ah oo lagu dersayo suurtogalnimada hawshaa balllaadhan, taas oo loo xilsaaray dawladda Talyaaniga oo muddo laba sannadood ah laga dhursugayo jawaabteeda. Isaga oo arrinta ka hadlayana wuxuu yidhi; “Arrinta waxaa loo xilsaaray xidhiidhka Talyaaniga waana inaynu fursad siinaa inta laga gaadhayo dhammaadka waqtigii loo qabtay, markaas ayaynu kala xukumi doonaa midho dhal iyo khasaare midkay noqoto.”

Garsooraha xiiran ee indhaha god-godani wuxuu dhaliilay kordhinta masaafada ay isu jirayaan ciyaartoyga iyo garsooruhu, taas oo hore u ahaan jirtay toddoba mitir, balse dalka Ingiriisku hadda ka dhigay 10 mitir, isaga oo caddeeyay inay qiyaastaasi ku koobnayd ciyaarta Ragbida, sidaa darteedna aanay munaasib ku ahayn kubadda cagta, wuxuu diidmadiisa markhaati uga dhigtay iyada oo garsooraha ku keeni karta inuu khaladaado badan ku dhaco, waxa kale oo Colonia diiday in sharcigaa lagu dhaqangleyo tartamada naadiyada.

 

Mar uu ka jawaabay su’aal la xidhiidha waxa uu ka qabo cadaadiska dheeraadka ah ee la saaray garsoorayaasha, wuxuu caddeeyay inuu aad u taageersan yahay imtixaan kasta oo lagu eegayo aqoontiisa uuna ku raaxaysto.

 

Yaa Calafsan Doona Horyaalka Talyaaniga?

 

 

 

Iyada oo ciyaar keliya ka hadhsan tahay gebogebada horyaalka Talyaaniga ayay kooxaha Inter, Juventus iyo Roma weli ku kala bixi la’ yihiin dhinaca awood-qaybsiga, ilaa haddana lama garan karo cidda calafsanaysa koobka lagu hirdamayo.

Inter, waxay leedahay 69 dhibcood, waxayna hal dhibic ka horraysaa Juventus oo iyana haysata 68 dhibcood, sidoo kale Roma, ayaan iyana waxba ka dhibco yaran, waxayna leedahay 67 dhibcood.

Saddexda kooxoodba waxay ciyaarahooda ugu baxayaan debedda, Inter waxay u tegaysaa Lazio oo ay kula kulmayso garoonka Olympik ee magaalada Rome, haddii Inter kulankaa badiso cidi kuma wada hadlayso koobkana waxaa la dheelman doonta kooxda 13-ka sannadood ka dhursugaysay hanshadiisa, laakiin haddii ay il-duufto waxaa ka faa’iidaysanaya Juventus oo u hayaamaysa Udinese, oo ka hoosaysa ama Roma oo u kicitimaysa Torino oo meel dhexe taagan.

 

Haddaba iyada oo aan natiijada ciyaarahaa ka soo baxaysa aan cidina si cad u qeexi karin, wax walibana ay ku xidhnaan doonaan kulamada 90-ka daqiiqadood ee wadna-xannuunka ah oo dhici doona Axadda soo socota, haddana waxaanu door-bidnay inaanu akhristayaashada u soo bandhigno saadaalaha kala duwan ee laga bixinayo bal kooxda ku guulaysan karta koobka, annaga oo mid-mid u soo qaadanayna saddexda kooxood.

 

Haddii labada kooxood ee ugu sarreeyaa ay isku dhibco noqdaan waxaa lagu kala saarayaa ciyaar, mana shaqaynayso gool-dheeri iyo goolal badnaan midina.

Inter Milan, waxay haysataa dhibic faa’iido ah oo haddii kulanka Axadda saddexda kooxoodba wada badiyaan dhibacdaa ayay ku qaadanaysaa horyaalka.

Sidoo kale haddii saddexda koxood dhammaantoodba ay guul-darraystaan amaba ay barbaro noqdaan, waxaa guulaysanaysa Inter oo dhibic dheeraad ah leh.

Haddii Roma iyo Juventus laga badiyo Inter ayaa iska leh koobka.

 

Haddii Inter iyo Roma laga badiyo Juventusna ay barbaro gasho, waxaa isku dhibco noqonaya Inter iyo Juventus oo wada yeelanaya 69 dhibcood, sidaa darteed waxaa lagu kala saarayaa ciyaar.

Haddii Inter barbaro gasho Roma-na ay badiso, isla markaana Juventus laga adkaado waxaa isku dhibco noqon doona Inter Milan iyo Roma oo wada yeelan doona ciyaar lagu kala saarayo.

Juventus, waxay horyaalka ku guulaysan kartaa haddii ay ka badiso Udinise oo Inter lagaga adkaado kulanka Lazio.

 

Haddii Juventus badiso ama barbaro gasho, isla markaana laga badiyo Inter iyo Roma, koobka sidaas ayay ku qaadanaysaa.

Haddii Juventus barbaro gasho, Inter iyo Roma-na laga badiyo waxaa isku dhibco noqonaya ciyaarna loo dhigayaa Juventus iyo Inter.

Hase yeeshee, kooxda Roma oo ah ta ugu rajada adag, waxay guusheedu ku xidhan tahay iyada oo badisa ciyaarta u hadhsan, isla markaana Inter laga badiyo, kooxda Juventus-na laga badiyo ama ay barbaro gasho.

Marka laga tago saadaasha guud ee laga bixiyay koobka ciyaaryahanka reer Uruguay ee Alvaro Recoba ayaa sheegay inuu kalsooni weyn ka qabo hanashada horyaalka, koobkuna ku soo hoyan dono magaalada Milan.