SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 73-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Haatuf, Cadadki 73, May 1, 2002

Telephone 252-225-3783, 252-828-3783

E-mail: haatufnews@hotmail.com

 

Maxaa Laga Ogyahay Gunta Xidhiidhkii Iyo Wada-Hadalkii Dhexmaray Salaadiinta Reer Burco Iyo Masuuliyiinta Itoobiya

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti Salaadiin reer Burco ah oo ka koobnaa; Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani iyo Boqor Maxamuud Cali Carab iyo weliba xubno odayaal ah, ayaa Axadii toddobaadkan ka soo noqday safar ay muddo toddobaad ku dhow ugu maqnaayeen dalka Itoobiya, kadib markii ay martiqaad ka heleen masuuliyiinta dawladda Itoobiya.

 

Weftiga Salaadiinta reer Burco, waxay tageen magaalada Herer ee bariga Itoobiya, halkaas oo ay kulamo kula soo yeesheen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

Sidoo kale, weftiga Salaadiintu markii ay ka soo laabteen dhinaca Herer, waxay ku hakadeen magaalada Jig-jigga ee xarunta Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, halkaasna waxay wararku sheegeen in ay kula kulmeen Masuuliyiinta Is-maamulka Soomaalida.

Socdaalka Salaadiinta reer Burco ee dalka Itoobiya iyo martiqaadka loo fidiyayba, waxay dadka reer Somaliland ku ahayd arrin lama filaan ah oo aan hore loo ogeyn, waxaana ka dhashay su’aalo dood iyo dareen dhaliyay.

 

Sidoo kale, dawladda Somaliland ayaa iyana ka diday arrintaa, iyadoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, socdaalka Salaadiinta ka bixisay Jawaab cadho ka dha-dhamayso.

Markii lagu war helay Safarka iyo martiqaadka Salaadiinta reer Burco ee dalka Itoobiya, waxay ugu horeyn dadku is-weydiiyeen sababta keentay Martiqaadka iyo cidda ka shaqaysay xidhiidhka dhexmaray labada dhinac, waxayna arrintani soo if-baxday xilli la aaminsan yahay ama uu jiraba xidhiidh dhow oo Siyaasadeed iyo Nabadgelyo oo u dhexeeya labada maamul ee Somaliland iyo Itoobiya, sidaa darteed aanay dad badan u muuqan xaalad si guud iyo si gaar ahba ay ugaga wada-hadlaan, Salaadiinta reer Burco iyo Maamulka Itoobiya, iyadoo ay dadku is-weydiiyeen waxa ay labada Maamul maarayn kari waayeen ee ay Salaadiinta iyo Maamulka Itoobiya ka wada-hadlayaan.

 

Marka laga yimaado su’aalaha ka dhashay bilowgii sheekada Salaadiinta, waxa kale oo iyana aad la isku weydiiyay waxa ay yihiin Ajandayaasha ay ka wada-hadleen Salaadiinta reer Burco iyo Masuuliyiinta Itoobiya, taas oo ay doodda taagan ama su’aasha meesha timid tahay, waa maxay tolow waxyaalaha ay ka wada-hadli karaan Salaadiinta reer Burco iyo Maamulka Itoobiya.

Lama ogga sababta dhabta ah ee kaliftay martiqaadka iyo cidda ka shaqaysay xidhiidhka dhexmaray labada dhinac. Hase yeeshee, wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in aanu xidhiidhkani ka bilaabmin xilligii martiqaadka oo keliya ee uu jiray xidhiidh muddo soo taxnaa oo u dhexeeyay Salaadiintan iyo Masuuliyiinta Itoobiya, laakiin wax tibaax ah lagama bixin sida uu u unkamay xidhiidhkaasi, waxaase la tuhunsan yahay in ay dawladda Itoobiya iyadu abuurtay xidhiidhkan, kana shaqaysay.

Weftiga Salaadiinta reer Burco, markii ay ka soo laabteen Itoobiya waxay saxaafadda u sheegeen in ay masuuliyiinta Itoobiya ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin; ilaalinta nabadgelyada iyo deris-wanaagga labada dhinac, isla markaana ay dawladda Itoobiya ka saareen tuhun ay ka qabtay  inuu ururka Al-Itixaad ee ka dagaalama bariga Itoobiya, dhaq-dhaqaaq Siyaasadeed ama fadhiisimo Ciidan ku leeyahay Gobolka Togdheer.

 

Marka laga yimaado hadalkaa guud-marka ah, Salaadiintu ma bixin tafaasiil intaa ka badan oo la xidhiidha Safarkoodii Itoobiya, laakiin dadka arrimaha Siyaasadda faaqidda ama u dhuun-daloolla ayaa xidhiidhka iyo kulanka dhexmaray Salaadiinta iyo Maamulka Itoobiya ka bixiyay faallooyin iyo dareemo kala duwan, iyadoo ay jiraan tibaaxo wareed oo ay dadka qaar xiganayaan.

Wararka ama faallooyinka qaarkood, waxay tibaaxayaan inuu xidhiidhka iyo kulanka dhexmaray Salaadiinta iyo Maamulka Itoobiya, nuxurkiisu ahaa ka wada-hadalka shaki ay dawladda Itoobiya ka qabtay Gobolka Togdheer, taas oo ay ka dareen qabtay ama ay cidi ugu warantay inuu ururka Al-Itixaad lug ama xidhiidh ku leeyahay gobolkaa, sidaa darteed ay dawladda Itoobiya Salaadiinta reer Burco kala hadashay laba arrimood mid uun. Ta hore oo ah; in ay dawladda Itoobiya Salaadiinta ka wareysatay, Jiritaanka arrimahaa iyo haddiiba ay wax ka jiraan inta ay qoto le’eg yihiin. Ta labaadna, waxay wararku leeyihiin dawladda Itoobiya waxay aaminsan tahay in ay wuxuun ka jiraan arrinta ururka Al-Itixaad inta uu doonaba dhaq-dhaqaaqu ha le’ekaadee, sidaas darteed waxa la leeyahay waxa dhici karta in ay dawladda Itoobiya Salaadiinta kala hadashay, bal sida ay reer Togdheer ahaan u damaano qaadayaan dhibaato si toos ah ama si dadbanba Itoobiya ugaga timaadda degaanka ay Salaadiintu ka soo jeedo.

Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in arrimaha ay dawladda Itoobiya ugu yeedhay ama kala hadashay Salaadiinta ay yihiin, sidii ay u dhexdhexaadinta lahayd dawladda Somaliland iyo Mucaaridka ku kacsan, iyadoo ay Salaadiinta la martiqaaday ka mid yihiin kooxo Salaadiin reer Somaliland ah oo hore ugu dhawaaqay qabashada Shirweyne Qaran, laguna tiriyo in ay ka mid yihiin Jinaaxyada Mucaaridka.

 

Arrintu siday doontaba ha ahaatee, dadka reer Burco xidhiidhka dhexmaray Salaadiintooda iyo dawladda Itoobiya, waxay u arkeen fursad muhiim ah oo ay dawladda Itoobiya kaga saari karaan shakiga ay ka qabto gobolka, iyagoo dadka reer Burco aamin-darro ka qaba sida ay dawladda Somaliland shakigaa u saari karto ama haddii ay doonaan u arka in ay dawladda Somaliland ka mid tahay dhinacyada wax ka beeray shakiga ay dawladda Itoobiya ka qabto Gobolka.

Dhinaca kalena dawladda Somaliland, xidhiidhka iyo kulanka dhexmaray Salaadiinta reer Burco iyo masuuliyiinta Itoobiya, waxay ka qaaday dareen didmo leh, waxayna u aragtay gacan-dhaaf Siyaasadeed.

 

Ajandaha laga wada-hadlay ha ahaado, laakiin Salaadiinta reer Burco markii ay ka soo fan-jeediyeen kulamadii ay la soo yeesheen Masuuliyiinta Itoobiya, waxay dadkii la xidhiidhay iyo dadkii la kulmayba ugu bushaareeyeen in ay safarkoodii kala kulmeen guul, isla markaana ay xambaarsan yihiin is-af-garad iyo heshiis dhexmaray iyaga iyo masuuliyiintii Itoobiya ee ay la kulmeen. Hase yeeshee, war jiraaba Cakaara ayuu iman…

 

Ninna Ceeb Soo Socota Ayuu Ka Damqaday, Ninna Ceeb Dhabta U Saaran Ayuu Iska Baydhin Waayay

 

MR: Shell Magne  Bondervik wuxuu mar ra’iisal-wasaare ka ahaa  dalka Norway ee waqooyiga Yurub .

Haseyeeshee snnadkii 2000 ayuu iskas casilay jagadaa , ka dib markii uu ka biyo-diiday ajande uu baasgareeyey baarlamaanka dalkaasi , laakiin arinta xiisaha llihi waxa weeye sababta uu ninlaasi isu casilay.

 

Runtii waa wax aad u yar oo dad badan oo ku dhaqan dunida saddexaad ama  gaar ahaan bariga afrika iyo hadii hoos loo sii daadego Somaliland ay la yaabi karaan marka looga sheekeeyo sababta uu ninkaa dhan ee ra’iisal-wasaaraha ahi isu casilay .

Ra’iisal-wasaaraha iscasilay MR: Bondervik ma gelin fadeexad maanul iyo wax dembi ah toona , laaiin wuxuu iska casilay ka dib markii uu baarlamaankiisu go’aamiyey Ajande ah in gaasta dabiiciga ah ee laga soo saaro dalka Norway kagu gudaha dalka , iyadoo aan taa hore looga samayn jirin dalkaa., wuxuuna ninkaasi  sheegay in ay  gaasta dalka gudihiisa lagu isticmaalayaa keeni doonto  saxa-xumo waayo buu  yidhi waxay hawada ku badinaysaa bahasha la yidhaado  kaarboon-dhay-ogsaydh,sidaa darteed ay taasi hadhow keeni doonto caafimaad daro soo food saarta saxada degaanka , taasna aanu raali ka ahayn sababtaana uu isu casilay.

 

Dalka Norway waa dalka ugu horeeya ee gaasta dabiiciga ah u iibgeeya dalalka reer-yurub. Waxayna caadadu ahayd inaan gaasta dalka laga soo saaro lagu  isticmaalin gudaha dalka ,laakiin baarlamaanka dalkaa ayaa cod aqlabiyad ah lu go’aamiyey in hadda laga bilaabo gaasta lagu isticmaalo dalka gudihiisa, taas oo uu ra’iisal-wasaarihii xiligaa MR: Bondervik iska casilay , isaga oo sheegay inuu ka fogaanayo ceebta ama canaanta hadhow  halkaa ka imman-doonta , isla markaana uu ka danqanayo dhibaatada arintaasi keenayso, laakiin madaxda dalal badan oo aynu ka mid nahay, iska daa ceeb iman karta oo ay ka sii fekeraane ma ka suurtowdaa inay iska casilaan ceeb dhabta u saaran ama ay ka yaqyaqsoodaan jawaano ceebo iyo fadeexado ah oo barkimada ama guntiga ugu jira. Tusaale ahaan magaalooyinka Somaliland oo ay caasimadda Hargeysa ugu horrayso waxa surimada xaafadaha, waddooyinka iyo meelaha faras-magaalaha ah is dul tuulan ama wadhan guddaafaad xaar iyo xashiishba leh oo aanay cidina basrinayn.

 

Haddii ay dawlad dhexe tahay iyo haddii ay dawlado hoose tahayba tiro ma leh inta sir iyo caadba loo arkay fadeexado iyo baylah maamul oo dhabta iyo muskaba u yaal madaxda dawladda, laakiin ma jirto cid ceeb ka qaaday iyo cid intay ka damqatay is casishay markii ay waxba qaban weyday.

Waxa kale oo tusaale loo soo qaadan karaa, iyada oo ay hogoshii Gu’gu curatay waqti ay magaalooyiinka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa suryo kasta iyo koone kasta kuddaafadu ceegaagto, taas oo ay iska muuqato saxa xumada iyo cudurada halkaa ka dhalan kara, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay degaamo dalka xuduud la leh ka dillaaceen cuduro uu daacuunku ka mid yahay, taas oo ay dad badani ka shaki qabaan inuu cudurkaasi soo galo magaalooyinka Somaliland.

Marka aynu eegno dhacdada is casillaada Ra’iisal-wasaarihii Norway, waxa muuqata inuu ninkaasi iska casilay canan ama fool-xumo iman karta, laakiin dalal badan oo aynu ka mid nahay ceeb iyo canaan midna madaxdoodu kuma mutaan hawlaha ay xumeeyaan ama fadeexadaha ay galaan.

 

Hadal iyo murti maxaynu ka nidhaahnaa ninka ceeb ama canaan soo socota iska casilay iyo ninka ceeb dhabta u saaran iska baydhin kari waayay ama ka yaqyaqsoon waayay.

 

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Bilowday Olole Lagaga Hortagayo Cudurka Daacuunka

 

Hargeysa (Haatuf): Hawlwadeeno ka tirsan dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa shalay bilaabay olole lagaga hortagayo Cudurka Kolooraha (chlora) oo la sheegay inuu ka dilaacay gobolada bari ee Maamul-goboleedka Puntland. Mr. C/wahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee D/Hoose ee Hargeysa, ayaa shalay warbixin ka siiyay Wargeyska Haatuf, sida ay hawshaas u bilaabeen, wuxuuna sheegay in shalay hawl-wadeenada Caafimaadka ee D/Hoose ee Hargeysa ay ku shubeen (chlorina), ceelasha dooxa Hargeysa, iyagoo dhinaca kalena buufiyay goobaha dooxa Hargeysa ku dhereran ee qashinka lagu qubo, isla markaana hawl-wadeenada Dawladda Hoose waxay ka gurayeen wixii qashina ee ay ku arkaan goobahaas, si kor loogu qaado nadaafadda.

Mr. C/wahaab Cabdi Jaamac, wuxuu intaa ku daray in olalahani uu socon doono muddo toddoba cisho ah iyo in ay dadweynaha reer Hargeysa iyo hay’adaha caawiya hawlaha sama-falkaba in ay wax kala qabtaan hawshaas ay bilowday dawladda hoose ee Hargeysa.

 

Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Burco Oo Laga Qaadayo Imtixaan Qiimeyn Ah

 

Burco (Haatuf) :- 343 qof oo shaqaalaha dawladda hoose ee Burco ah ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda u fadhiistaan imtixaan qiimeyn ah oo lagu kala ogaanayo heerkooda aqooneed, sidaana waxa wargeyska Haatuf u sheegay Maayorka magaalada Burco Cali Maxamed Cali.

Maalintii shalay waxa magaalada Burco gaadhay wefti ka socda hay’adda shaqalaha dawlada iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, weftigaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Cabdillaahi Cali Xayd. Waxa ujeedada socdaalkooda lagu tilmaamay inuu ku saabsan yahay imtixaanka qiimaynta ah ee laga qaadayo shaqaalaha dawladda hoose ee Burco.

Maayorka Burco oo aanu weydiinay sababta keentay in waqtigan xaadirka ah shaqalaha laga qaado imtixaan qiimeyn ah ayaa sheegay inay taasi ku timi baahi loo qabo shaqaale si hufan guta hawsha dawladda hoose.

 

“Qaybaha ay u samaysan yihiin ma qurux badna, sidaa darteed waxa loo baahday in wax laga beddelo taa, si ay shaqada dawladda hoose u hagaagto,” ayuu yidhi maayorku.

Sida ay wararku sheegeen shaqaalaha dawladda hoose ee Burco waqtigan ka hawgalaa waa kuwo ka badan intii loo baahnaa, taasina waxay keentay culays shaqaale oo xataa la sheegay in loo waayay mushahaarooyin.

 

Hase yeeshee, maayorka oo aanu weydiinay inay dhimista shaqaaluhu wax ka tari doonto culayska dhaqaale ee haysta maaqmulkiisa ayaa sheegay inay ugu yaraan mushahar u heleyaan shaqaalahooda marka la dhimo shaqaalaha xad-dhaafka ah, “haa waanu u heleynaa mushahar marba inta la dhimayo,” ayuu yidhi maayorku.

 

Dood-Cilmiyeed Ku Saabsan Xal U Helidda Caafimaadka Gobolka Awdal Oo La Gebo-Gebeeyay

 

Boorama (Haatuf) :- Dood-cilmiyeed ku saabsan sidii xal kama dambays ah loogu heli lahaa dhibaatooyinka caafimaad ee ka taagan degaanka gobolka Awdal ayaa shalay lagu soo gebogebeeyay magaalada Boorama.

 

Dood-cilmiyeedkaas oo muddadii uu socday lagu lafoguray sidii hawlaha adeega caafimaad loogu baahin lahaa degmooyinka iyo tuulooyinka  gobolkku ka kooban yahay, waxa kale oo lagaga hadlay baahida lo qabo in dadka gobolka ku dhaqan la fahamsiiyo qorshaha caafimaad ee qiimaha jaban ee lagu daaweynayo dadka (cost recovery system).

Agaasimaha waaxda tabobarada Wasaaradda Caafimaadka Mr. Axmed Saleebaan Jaamac (Shiine), ayaa sheegay inay weli dhibaato ka taagan tahay sidii dadweynaha loogu qancin lahaa mashruuca loogu talogalay in dadka lagaga iibiyo daawo qiimaheedu aad u jaban yahay, kaas oo uu sheegay inaan shacbiga reer Boorama weli si dhab ah u fahmin.

 

Dood-cilmiyeedkaas oo ay ka qaybgaleen in ka badan 70 qof oo isugu jira madaxda iyo shaqaalaha qaybaha kala duwan ee caafimaadka gobolka Awdal.

Waxaa kale oo shirkaa ka hadlay madax ka socota degmooyinka gobolku ka kooban yahay oo iyana dhinacooda ka warramay kala fogaanshaha qorshayaasha caafimaad ee wasaaraddu ugu talogashay in lagu maamulo iyo duruufaha baahiyeed ee degmooyinkaa ka jira, kuwaas oo ay sheegeen sida loogubaahan yahay in la isugu dheeli tiro.

 

Dhinaca kalena, maamulka cusub ee dhawaan loo magacaabay cusbitaalka gobolka, ayaa sheegay inay soo af-jareen khilaaf in muddo ah halkaa ka taagnaa oo u dhaxeeyay shaqaalaha cusbitaalka gobolka, hay’adda COOPI iyo maamulka wasaaradda Caafimaadka dalka.

Warku faahfaahin dheeraad ah kama bixin waxa lagu dhammeeyay arrinta iyo cidda ka qaybqaadatay heshiiska midna, hase yeeshee waxa la sheegay in heshiiskani ka dambeeyay kadib markii xukuumada Somaliland fulisay dhawr qodob oo ay hay’adda COOPI ku xidhay ka gun-gaadhida murankaas.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Maxaa Xoojiya Sarrif-Bararka Doollarka?

 

Baahida uu Qaran, Qoomiyad ama dad ay u baahdaan lacag uu isticmaalo dal kale, sida Doollarka Maraykanka oo kale, waxay ku salaysan tahay wax kala iibsi iyo ganacsi.

 

Baahida loo baahanayo lacag adag, sida tan Yurub (Euro), ama lacagta Maraykanka ee $ (Doollar), waxay sare ama hoos uga kacdaa kolba baahida loo qabo in wax la soo iibsado oo ku xidhan baahiyaha kala muhiimsan ee dalka wax iibsanayaa leeyahay, sida cuntada, dharka, qalabka guryaha lagu dhiso, shidaalka, weelka, kabaha, qalabka xafiisyada, qalabka guryaha iyo waliba gaadiidka, iwm. Inta waxaa Somaliland u dheer in ay lacag adag ku soo iibsato qaadka la cuno. Arrintan, marka si dhaba loo ilaalinayo danta ummadeed ee ah in aanay qiimo dhicin lacagta waddanku leeyahay, sida tan Somaliland Shillin, waxaa loo baahan yahay in baahiyahaa aan soo sheegnay qaarkood loo helo wax-soo-saar gudaha ah oo dabooli kara, si aan loogu baahan sarrif lacag adag marka baahi badan oo lacag adag ahi ay suuqa gasho waxaa si degdeg ah kor ugu kacaya lacagta adag ee baahideedu ku badatay suuqa.

Inta badan dhibaatada sarrif-bararku, waxay ku dhacdaa danyarta reer Somaliland ee dakhligoodu xadidan yahay, iyadoo u keenta in qiimihii lacagta Somaliland ee ay heli karayeen uu qiimo dhaco.

 

Arrintan si wax looa qabto, waxaa loo baahan yahay dhiiri-gelinta wax-soo-saarka gudaha ee Somaliland. Tusaale ahaan, haddii beeralayda yaryar ee beeraha waraabka ah ku leh dooxyada, sida; Arabsiyo, Horo-haadley, Agabar, Agamso, Hulluuq, Aw-Barkhadle, dararweyne, Cadaadley, Jaleelo, Humbaweyne, Camuud, Daray Macaane, Hargeysa iyo Gobolada kale ee Somaliland iwm, lagu dhiiri-geliyo in ay beeraan geedka Saliida ee loo yaqaan Sinsinta, laguna maalgeliyo lacagta Somaliland, waxay u dhowdahay in beeraleydaasi ay soo saareen Saliid la cuno oo meesha ka saarta Saliid u baahnayd in lacag adag lagu soo iibiyo.

 

Waxaa amaan mudan, Makhaayadaha iyagu kariya Raashinka Waddaniga ah sida Garowga, iyo Arabikhida oo qiimaha jaban wax ku iibiya iyo suuqa ay u sameeyeen beeraleyda, beeralayda in la maalgeliyo, si ay u qaatan kaalin ka weyn ta hadda.

Ilaalinta sarrifka Waddaniga ah, waxay dan u tahay dhammaan qaybaha dadka qof hanti haysta, mid qaadaa ma dherge ah iyo qofka faraha madhanba waxaa saaran masuuliyad ah in aanu abuurin ama dhayalsan abuurista baahi helisteeda u baahan tahay lacag adag oo keenaysa sarrif-barar culeysiya dhaqaalaha, qiima ridina lacagta Waddaniga ah.

 

Baabuurta oo la iibsado, kuwa tayada leh, waxay ka mid tahay dhaqaaleynta iyo weliba kuwa qalabkooda dayactirka dalka laga heli karo. Dhiiri-gelinta ama iibsiga waxyaabaha dalka lagu farsameeyo, waxay kaalin mugleh ka galaysaa hoos u dhigga sarrif-bararka. Haragga iyo saamaha oo qani uu ku yahay dhulkeenu, una baahan hanti yar oo lagu farsameeyo, waa hubaal in ay inagaga baxdo malaayiin doollar oo saamayn weyn ku leh culeyska dhaqaale ee dusha ka fuulay danyarta reer Somaliland. Malaayiinta doollar ee loo baahan yahay, si qaad loogaga soo iibsado Itoobiya, waa saldhigga ugu ballaadhan ee cirka ku shareeray qiimaha lacagta adaga ee doollarku ka mid yahay, waxaase miisaami lahayd haddii loo iibgeeyo Itoobiya Milix iyo Kalluun ay ka soo baxdo lacagta Itoobiya ee Birta, si loogu baxo baahida doollarka ee suuqyada Somaliland ku keenta sicir-bararka.

 

Guud ahaan, wax-soo-saarka dalka gudihiisa oo kor loo qaado, ayaa xal u noqon kara sarrifka sabeeya ee lacagta adag.

 

 

FAAQIDAADDA ADDUUNKA

Siciid I Guraase

Golaha Ammaanku Israa’iil Ma Kula Dhici Doonaa Tallaabadii Uu Ka Qaaday Ciraaq Iyo Yogoslaafiya

 

Muddo haatan laga joogo Toban cisho, ayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aan ay ku magacaabeen guddi xaqiiqo-raadis ah oo ay u diryaariyeen in ay soo baadhaan xasuuqa la sheegay in ay Israa’iil Ciidamadeedu ka geysteen, xerrada Qaxootiga Falastiiniyiinta ee Jiniin oo ay xoog ku qabsadeen markii ay duullaan ku qaadeen.

Hase yeeshee, hawl-galka guddigaasi waxaa diidmo kala hortimid dawladda Israa’iil ee uu Madaxda ka yahay Ariel Sharon oo kolba shuruuud ku xidhaysay imaatinka guddigaasi, taas oo ay dhawr jeer u dabceen Golaha Ammaanku, iyaga oo fuliyay shuruudo ay Israa’iil hor dhigtay, balse taasi may qancin Ariel Sharon oo ugu dambayntii diidmo buuxda kala horyimid go’aanka Golaha Ammaanka oo ah Hay’adda Caalamka ugu sareysa.

 

Haddaba, su’aasha la is-weydiinayaa waxay tahay; Golaha Ammaanku Israa’iil maka qaadi doonaa tallaabo la mid ah tallaabooyinkii ay ka qaadeen dalalkii hore sidan oo kale ugu gacan saydhay go’aano ay soo saareen Golaha Ammaanku, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Liibiya iyo Yuguslaafiya oo ay ku dhacday dhirbaaxo kulul oo kaga timid Golaha Ammaanka, taas oo ku khasabtay in ay fuliyaan go’aanka Golaha Ammaanka. Maxaase ka iman kara, haddii ay Golaha Ammaanku tallaabo ka qaadi waayaan Israa’iil? Waa kumase Ariel Sharon, Maxaase laga filayaa?

 

Haddii aynu ku horayno oo aynu isku dayno jawaabta su’aasha hore, waa mid suurto-gal ah in ay Golaha Ammaanku tallaabo ka qaadaan Israa’iil, taas oo ay soo baxayaan calaamado muujinaya in ay Golaha Ammaanku diyaar u yihiin in ay tallaabo adag qaataan, maadaama ay Israa’iil ku adkaysatay diidmada ay kala hortimid go’aanka Golaha Ammaanka, waxaase laga shaki qabaa in ay tallaabadaasi la mid noqon doonto tallaabooyinkii ad-adkaa ee ay hore uga qaadeen dalalka Ciraaq, Liibiya iyo Yuguslaafiya.

Waxyaabaha kalifaya ama u sabab noqon kara in ay Golaha Ammaanku, tallabo qaadan waxaa ka mid ah:

-          Dawladda Maraykanka oo u muuqata in ay debcisay taageeradii bilaaxadka ahayd ee ay u fidin jirtay Israa’iil, iyada oo ku garab-taagnaan jirtay gar iyo gar-daraba wixii ay wado dawladda Israa’iil, waxaanay haatan dawladda Maraykanku u soo jeedsatay in ay kabato ama soo jiidato dawladaha Carabta oo isku barbartaagtay, dagaalka Maraykanku kula jiro waxa loogu yeedho Argagixisada.

-          Dawladaha Carabta oo beryahan dambe muujiyay debecsanaan ay u hayaan xidhiidh fiican oo ay la yeeshaan Israa’iil, gaar ahaana waxay go’aan arrintasi ku saabsan ka soo saareen Shir-madaxeedkii ugu dambeeyay ee ay dalalka Carabtu ku yeesheen Bayruut, balse dhinaca Israa’iil kamay helin soo dhaweyntii ay filaayeen.

-          Adduunyada oo dhammaanteed haatan wada aragtay gardarada iyo falalka bani’aadamnimada ka baxsan ee ay Israa’iil waday muddada dheer, la iskana dhega tirayey.

Arrimahaas oo dhammi, waxay haatan waajibinayaan in ay Israa’iil mutaysatay in laga abaalmariyo waxa ay wado, haddiise ay timaado in tallaabo laga qaadi waayo Israa’iil, waxa rumoobaysa fikradii la haystay ee ahayd in aanay marnaba suurto-gal ahayn in Israa’iil tallaabo laga qaado, maadaama ay haysato taageerada Maraykanka, sidaa darteedna ay Israa’iil sharciga Caalamiga ah ka sarayso.

Marka aynu eegno shakhsiyadda Ariel Sharon, waxaynu arkaynaa in aanay marna suurto-gal ka ahayn inuu u dhego nuglaado, dalabyada Caalamiga ah ee ku saabsan inuu joojiyo falalka waxashnimada ah ee uu kula kacayo dadka rayidka ah ee reer Falastiin.

Haddiise aynu taariikhdiisa dib u raacnana, waxaynu arkaynaa inuu ku soo dhex jiray weligiiba, falalkii ay Israa’iil ka waday bariga dhexe laga soo bilaabo 1948-kii ilaa wakhtigan aynu joogno.

Ariel Sumu’iil Murdakhaay Sharaa’iir oo loo yaqaano (Ariel Sharon), waxa degmada Milaanka oo ka tirsan Falastiin sannadkii 1928-kii, waxanu ka dhashay qoys uu asalkoodii hore ka yimid dalka Poland.

Waxbarashada uu qaatay Sharon, way noocyo badan tahay, isaga oo markii hore bartay taariikhda, sahamiska, beeraha iyo qaanuunka oo uu ku qaatay Israa’iil, kadibna waxa uu bartay Culuumta Milateriga oo uu ku bartay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sannadkii 1948-kii, ayuu ka mid noqday maleeshiyooyinkii Yuhuuddda ee halganka kula jiray Falastiiniyiinta.

 

Sannadkii 1966-kiina, waxa uu Madax ka noqday qaybta tababarada ee Ciidamada Israa’iil. Sannadkii 1967-kiina, waxa uu gaadhay derajada Janaral, isaga oo ka mid ahaa Madaxdii hogaaminaysay Ciidanka Israa’iil oo markaa dagaal la galay dalalka Carabta, kadibna waxa uu ka qayb qaatay dagaalkii dhexmaray Israa’iil iyo Masar sannadkii 1973-kii.

1977-kii ayuu madax ka noqday xisbi uu aasaasay, kadibna waxa uu ku biiray Xisbiga Likuud, kadibna waxa uu noqday Wasiirka Beeraha iyo Deegaamaynta. Sannadkii 1982-kii ayuu u wareegay Wasaaradda Gaashaandhigga, wakhtigaasi oo ay Israa’iil ku duushay dalka Lubnaan, uuna dhacay gumaadkii Sabra iyo Shatiila.

 

Muddadaa laga soo bilaabo ilaa 1999-kii, waxa uu soo qabtay jagooyin Wasaaradeed oo kala duwan, markaas oo loo doortay hoggaamiyaha Xisbiga Likuud.

Bishii September sannadkii 2000, ayuu Sharon galay Masaajidka Barakaysan ee Al-Aqsa, taas oo keentay kacdoonka ay ku jiraan Falastiiniyiintu.

Bishii February, sannadkii 2001, ayaa loo doortay Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, jagadaasi oo uu ilaa hadda hayo, tan iyo muddadaana waxa uu waday duullaanka iyo falalka arxandarada ah ee uu ku hayo dadka reer Falastiin.

Muddooyinkan dambena, waxaa socotay isku dayo lagu doonayo in Maxkamad lagu soo taago Ariel Sharon.

 

Gaba-gabadiina, waxay u muuqataa inuu Sharon hayo, waddadii Milosevic, Israa’iilna waddadii Yuguslaafiya.

 

Dawladda Ruushka oo Sheegtay In ay Dileen Hoggaamiyihi Dagaalyahanka Jeejniya

 

Moscow (W. Wararka): Dawladda Ruushka, ayaa sheegtay in ay Ciidamadeeda dagaalka ka wada Jeejniya ay dileen hogaamiyihii gobanimo doonka Jeejniya, Shaamil Baasayeef. Warkan oo ay Wakaaladda Wararka ee Raashiya ka soo xigatay Taliyaha Ciidamada Ruushka oo booqasho ku tegay Caasimadda Jeejniya ee Garoosni, waxa uu intaa ku daray in ay u suurto-gashay Ciidamadiisa in ay dilaan Basayeef, balse aanay ku guulaysan in ay soo qaadaan Maydkiisa, walise ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya dilka Shaamil Baasayeef.

 

Baasayeef oo ay da’diisu ahayd 37-jir, waxa uu hoggaanka u qabtay halganka ay wadaan gobanimo-doonka reer Jeejniya, intii u dhaxaysay 1994-kii ilaa 1996-kii.

Warka ku saabsan dilkaasina, wuxuu soo baxay maalmo yar kadib markii ay maalintii Khamiistii sidoo kale Ciidamada Ruushku sheegeen in ay dileen Khidaab oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha dagaalyahanka Jeejniya, una dhashay dalka Sucuudiga.

Baasayaaf iyo Khadaab haddii uu dilkoodu rumoobo, waxay noqonayaan xubnihii ugu muhiimsanaa ee laga dilo Ciidamada Jeejniya, tan iyo markii la dilay hogaamiyahoodii hore Jawhar Duudayeef, sannadkii 1996-kii.

 

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waxaan Idiinku Baaqayaa Nabad

 

Waxa ayaamahan lagu xanshashaqayay in xaaladi ka jirto Laas-caanood, taas oo dhalisay walaac kuna dhalisay bulsho weynta danaynaysa amuuraha gobolka Sool. Laas-caanood waxa ka jiraa waa wax meelo kalena ka jiri kara, hase yeeshee loo baahan yahya in loo helo xal wax ku ool ah.

Xaqiiqadu siday tahay, dhacdada ka jirta waxa degaanka ku tallaabsaday dhallin yaro aan si dhab u fekerin oo dhaqan celin laftoodu u baahan. Waxa lagama maarmaan ah shaqaaqadu inkastaba ha le’ekaatee, waxa waajib ah in halkeeda lagdamideeda meel looga soo wada jeesto, iyada oo loo danaynayo qaranimada guud.

 

Mar labaad waxa madax-dhaqameedyada waajib ku ah inay cabudhiyaan wax allaale wixi bulsho weynta wax u dhimaya. La iskuma khilaafsana in degaanka Sool yahay xubin aan kala qaybsami karin oo asal iyo farac u diraysan marka loo eego Somaliland.

 

Waxa Laas-caanood dhooban raggii caqliga u saaxiibka ahaa, culimaa’udiinta islaamka iyo raggii beri talin lahaa.

Waxaan shicibyahow xaqiiqada ka fogi idinku boorinayaa inaad dhegaha siisaan Isimada, culimada iyo wax-garadka, haddii sidaas la yeelo waxa la heli karaa bey’ad nabadeed.

Maxamed Shire Carab, Ceerigaabo.

 

Dar-Yeel Xumadda Haysata Maxaabiista Jeelka Hargeysa

 

Haddaynu nahay muwaadiniin u dhalatay Somaliland, waxaynu xaq u leenahay inaynu ka hadallo wax kasta oo aynu qoonsano oo dalkeena iyo dadkeena dhibaato u leh.

Waxaad arkaysaa in dhibaatada jeelka ee maxaabiista haysataa badan tahay, ciddii wax ka qaban lahaydna hawsheedii gabtay siiba dawladda.

Dawladda iyo ciddii wax ka qabanaysa waxaanu leenahay ha loo gurmado daryeel xumada haysata maxaabiista jeelka.

 

Waxa taa sii dheer, haddaad is tidhaahdo maxbuus u gee dawo uu u baahan yahay oo xannuunsanaya , adiga ayaa daalac laguu raacayaa.

Waa ayaan darro haddii xaqa layska daboolo dulmigana la isugu gargaaro. Maxaabiista jeelka ku jirta qaar ayaa dulmi ku xidhan, waxaana u badan ciidamada qaranka.

Waxa maqsinada maxaabiista ku dhashay dulin, taas oo u baahan in la buufiyo oo goor walba lala socdo daryeel xumada haysata maxaabiista jeelka.

Maxaaqbiista jeelku waxay u baahan tahay gurmad deg-deg ah.

Maxaabiista ciidamada qaranka oo xaaslay u badan oo caddaalad darro ku xidhan ayaa aad u badan oo u baahan in wax laga qabto. Waxaad arkaysaa maxbuusyo aan wax cad lagu haysan oo 2 sano caddaalad darro ku xidhan.

 

Meelaha noqday sayladaha dadka dan-yarta ah lagu kala iibsado waxa ka mid ah maxkamadaha Hargeysa, jeelka Hargeysa iwm.

Haddaynu ka dhiidhin weyno dhibaatada haysata dadkeena danyarta ah ee dulman. Dawladdenu waxay awoodi kari weyday inay dhaliilaheeda saxdo oo wax ka qabato meelaha dulmigu ka jiro.

“Ha ka talin masiibiyo wax makhluuqa kala dila,

maskaxdaadu yay noqon maqal lagula leeyahay.”

Dawladdenu ha saxdo dhaliilaheeda si deg-deg ah oo daacad ku dhisan.

Cabdi Saleebaan, Hargeysa.

 

 WAADIGA CIYAARAHA

Saleeb Ibraahim (Guray)

 

Julius Aghahowa Waa Ilayska Nayjeeriya

 

 

 

 

 

Nayjeeriya waxay u baahnayd cid dhiirigelisa, taas oo u muuqata inay hadda uun heshay hanadka Julius Aghahowa. Weeraryahanka khatarta badan oo kubadda ka ciyaara kooxda dalka Ukraine ee Shakhtar Donetsk, wuxuu qarka u saaran yahay inuu noqdo sucdiga cusub ee taageerayaasha Gorgorada Nayjeeriya. Kulankii saaxiibtinimo ee Scotland, Aghahowa wuxuu si habaysan ugu raaxaystay laba fursadood, isaga oo keenay inuu kii saddexaad xurbiyo. Tabobaraha Nayjeeriya Festus Onigbinde ayay ugu dambayntii taasi ray-rayn ku abuurtay markii kooxdisu iska jartay sawirkii murugada lahaa ee isa soo tarayay. Wax yar ka hor ma jirin qof keliya oo ku fekerayay in Nayjeeriya guul ka gaadhi karaysay ciyaaraha Yurub ee ay ugu diyaargaroobayso koobka adduunka 2002 ee Kuuriya iyo Japan.

Intii ka dambaysay guul-darradii ay faraheeda Senegal kaga maroorsatay kulankii wareegii kama dambaysta ahaa ee koobka qaramada Afrika, shaqo ka caydhintii tabobare Amodi Shaibi, diidmadii ciyaaraha caalamiga ah loogu diiday xiddigaha sar-sare sida Finidi George iyo Sunday Oliseh iyo muuqaalkii liitay ee kulamadii saaxiibtinimo, cid kasta oo beerta joogtay waxay ugu muuqatay inay ka dheer tahay rajada fiican ee ay April bilaabeen.

 

Waxay noqotay inay u socdaalaan Scotland, si ay uga bilaabaan ciyaaro olole ah, si edeb leh markuu garbo simid u dhaliyay goolasha Julius Aghahowa, ayay muuqatay in waddankaasi soo saari karo weeraryahano wanaagsan sida Rasheed Yekini, Nwankwo Kanu, Daniel Amokachi iyo Victor Ikpeba.

 

 
Hibo u dhalad sidan oo kale ah oo doortay inuu ka ciyaaro horyaalka aan magaca weyn ku lahayn Yurub

ee (Ukraine), ayaa laga yaabaa inaanu bartilmaameed ka noqon fagaarayaasha, laakiin hawshaa waxaa

kaga dhabeeyay Julius Aghahowa. Markii ugu horraysay wuxuu saamayn ku yeeshay 1999, intii lagu jiray tartanka horyaalada dhallinyarada adduunka ee Nayjeeriya, waqtigaas oo laba ka mid ah tayadiisa uu ku faafiyay halkaa, labadaa hibo ee laga fajacay waxay kala ahaayeen orod iyo farsamo, taasina waxay hordhac u noqotay inay albaabada u furto koox ka mid ah kuwa Afrika ugu waaweyn oo ah Esperance of Tunisia.

 

Muddo aan dheerayn kahor intii aanu 20 jirsan ayuu sida shamaca u ifay, wuxuuna kasbaday in loogu yeesho xulka Nayjeeriya, wuxuuna isku gaaso bixiyay fursad uu ka helay tartanka qaramada Afrika oo gurigiisa lagu qabtay.

 

Markii uu laba gool ka dhaliyayciyaartii wareega labaad ee ay Senegal la yeesheen, ayaa noqotay maalin lagu xusuusto hal-ku-dheggii ahaa “Aghahowa wuu iwaalay”, kaas oo uu ku calaacalay difaacyahanka reer Senegal ee Malick Diop, kadib markii sagaashan daqiiqadood weetaynayay.

Rogoorihii uu lumiyay kama dambaystii ayaa dhaawac u geystay, taas oo muujisay in magciisu ka baxay khariirada ciyaaraha, hase yeeshee wuxuu boogtaa ka bugsaday markii uu si layaab leh dhammaadkii sannadkii 2000 ugu socdaalay, Ukraine inkasta oo aanu ku tiirsan koox taariikh weyn Yurub ku leh, wuxuu heshiisa la galay kooxda ka dhisan dalka Ukraine ee Shakhtar Donetsk, oo uu 50 milyan Franc kula heshiiyay. Wuxuu si deg-deg ah calaamad ugu noqday halkaa, wuxuu tayadiisa kor u sii qaaday goolba goolka ka dambeeya, isaga oo u leexday inuu madax ka kow orod ugu tiriyo dhammaan ciyaartoyga, wuxuu 100 mitir ku ordaa 10,3 ilbidhiqsi.

 

si isdaba joog ah ayuu qalab urursanayay ilaa uu martabad sare gaadhay, goolkiisa uu sida gaarka ah ugu dabbaal-dego, wuxuu kaga shaqeeyay keliya inuu sumcaddiisa kor ugu qaado, marar kale ayuu goolal dhaliyay, isaga oo kor ugu qaaday si aan la rumaysan karin oo weliba xidhiidh ah maxsuulka wax-sosaarkiisa, wuxuu ka saa’id caleeyay kooxaha Yurub ugu waaweyn, kuwaas oo ku hawlan sidii ay u xaqiijin lahaayeen inuu la shaqeeyo (Aghahowa), hase yeeshee waxaa xannibay tabobaraha Shakhtar Donetsk, Nevio Scala oo xujo kaga dhigay inay bixiyaan lacag gaadhaysa 74 milyan Franc, una dhiganta (12 milyan oo lacagta Yurub ah).

 

Sidaa darteed Aghahowa, wuxuu sii wataa ciyaarihii Ukraine, halka ay wadada boqornimadiisu ku xidhan tahay siduu u nooleeyo xulka qaranka Nayjeeriya.

Aghahowa, rajadiisu aad bay u wanaangsan tahay, laakiin waxaa iska cad in ay ku xidhan tahay lugtiisa haddii uu kaga adkaado difaaca.

 

Cragnotti Oo Si Cadho Leh Ugu Hanjabay Tabobaraha Lazio

 

Maareeyaha guud ee Lazio Sergio Cragnotti ayaa caddeeyay inuu isbeddel weyn ku samaynayo kooxda ka dhisan bariga Roma, kadib markii ay Bologna 2-0 ku dhirbaaxday kulankii Axaddii, sidaana ay kaga quusatay rajadii ay ka qabtay ka qaybgalka horyaalada Yurub sanadka soo socda.

 

Cragnotti, wuxuu marki ugu horraysay si badheedh ah u dhalleeceeyay tabobare Alberto Zaccheroni, waxaana aad u badan warar sheegaya in la caydhin doono tabobarihii hore ee AC Milan, marka xilli-ciyaareedkani dhammaadona uu wadada cabi doono. “Sidii hore u dhici jirtay kulamada adag waxaanu u xallin jirnay sida xumbada saabuuntu u gudho. Waxay annaga nagu dhacday kulankii horyaalada Yurub ee Nantes, waxa dhacday in 5-1 ay nagu garaacdo Roma oo aanu cadaawe nahay, mar kale ayay Bologna nagaga timi,” sidaa waxa yidhi Cragnotti oo ka hadlay itaal darrada Lazio haysata. Wuxuu kaloo intaa ku daray; “waa arrin aad u xun, waayo waxaa jirtay muddo fara badan oo aanu ku toosi weynay qorshe aanu ku xaqiijinayno kulamada muhiimadda badan leh, taas oo ku tusaysa inay kooxda ka maqan tahay maskaxdii ay u baahnayd. Waana arin qof waliba eedku leeyahay, marka lagu daro tabobaraha.”

Cragnotti wuxuu sheegay tallaabooyinka uu damacsan yahay inuu ku dhaqaaqo mustaqbalka dhow, kaas oo xal loogu raadinayo xaalada cakiran ee Lazio haysata, isaga oo sheegay inay dib-u-habayn xoog leh ku samaynayaan meelaha ay ka dhutinayso iyo inay go’aan ka gaadhi doonaan cidda sii joogaysa iyo cidda tegaysa intaba. Wuxuu intaa ku daray in furayaasha ciyaartoyga ee Allessandro Nesta iyo Hernan Crespo ay iyagu sii joogi doonaan.

 

Guusha ay kaalinta shanaad kaga adkaatay Bologna, waxay Lazio ka riixday kaalinta afraad oo ay ugu soo bixi lahayd kooxaha isreeb-reebka u gelaya ka mid noqoshada kooxaha horyaalada Yurub.

Hadda Lazio waxay ku jirtaa kaalinta toddobaad, waxay laba dhibcood ka dambaysaa AC Milan iyo Bologna oo ku wada jira kaalinta afraad, mid walibana waxay leedahay 52 dhibcood, Lazio-na waxay ku soo hagaagtay kulanka kama dambaysta ah Inter oo horyaalka hoggaaminaysa.

Haddii ay ku guulaysato kulanka Inter waxay noqonaysaa xataa inay ka hadho kaalinta UEFA Cup, waxayna tegaysaa tartanka Intertoto Cup, oo ah ka keliya ee ay ka heshay tartamada Yurub. Hase yeeshee, Cragnotti, wuxuu sheegay inaanu rabin in kooxdu gasho tartan, maadaama ay kala daadsan tahay.

 

“Runtii annigu ma doonayo inaan waqtigan ku fekero. Ugu horrayn waa inaan Inter la ciyaarnaa kadibna go’aan baanu gaadhaynaa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cragnotti.

 

Arsenal Oo Kaabiga U Saaran Hanashada Horyaalka England

 

 

London (Reuters) – Arsenal ayaa sii wada in ay hoggaanka u hayso tartanka ciyaaraha Ingiriiska, kadib markii 2-0 ay kaga badisay Bolton, sidaana ay ku halleeshay guusheedii 11aad oo xidhiidh ah. Labada gool ee guushu ku raacday waxaa u dhaliyay Fredrik Ljungberg iyo Sylvain Wiltord.

Kooxda London, waxay shan dhibcood oo saafi ah ka horraysaa kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester United, iyada oo mid kasta laba ciyaarood uga hadhsan yihiin tartanka.

Arsenal oo ku guulaysatay siddeed kulan oo ay debeda ugu kacday waxay kale oo toddoba dhibcood ka horraysaa Liverpool oo kaalinta saddexaad ku jirta.

 

Kooxda ka dhisan Highbury, waxay u baahan tahay keliya dhibic barbaro ah oo ay ka hesho kulanka ay la yeelanayso Man. United, oo ka dhacaya Old Trafford, muddo sagaal maalmood gudahood ah ayay ku noqonaysaa inay calfanayso horyaalka markii ugu horreysay muddo saddex sannadood ah tan iyo sannadkii 1998.

Intaa kadib ayay ku dedaalaysaa inay xaqiijiso markii labaad oo ay wada qaado horyaalka iyo koobka FA-ga, oo isna kulanaka kama dambaysta ah lagu qabanayo garoonka Millenium Stadium ee magaalada Cardiff.

 

Tabobaraha Arsenal, ayaa isna kalsooni ka muujiyay hanashada horyaalka, wuxuuna sheegay inuu hore u qaaday tallaabo horumar leh oo loo baahnaa. Hase yeeshee, wuxuu caddeeyay inuu u hadhsan yahay kulan adagi, sidaa darteedna aan loo baahnayn inay is dhigtaan. Arsene Wenger, oo u warramay telefishanka Sky Sports, guushii kadib, ayaa yidhi; “Waxaanu yeelanay kulan weyn, kadibna waxaanu u tegaynaa Manchester United, kahor inta aanaan la kulmin Everton.”

Koxda Wenger horjoogaha ka yahay waxay hadda leedahay  81 dhibcood, shan dhibcood ayay ka horraysaa Man. United oo kaalinta labaad ku jirta. Labada kooxood waxay kulmayaan Arbacada, ciyaartoodaa ayaa lagu kala ogaan doonaa cidda horyaalka qaadanaysa.

Hase yeeshee, Arsenal waxaa marka hore ku waajiba inay la kulanto Chelsea ciyaarta faynalka ee koobka FA Cup, maalinta Sabtida.

 

“Kulanka Old Trafford, waa toddobaadka soo socda, waana kulan muhiim ah oo aanu isu diyaarinayno, laakiin ugu horrayn waa inaanu diirada saarnaa ciyaarta FA Cup, dabadeedna aanu isu diyaarinaa kulanka Man. United,” ayuu ku daray Wenger.

Wenger, wuxuu sheegay in Manchester tahay koox khatar ah oo leh mooraal iyo maskax weyn, ayna dareensan yihiin in ay shaqo adag u baahan tahay.

Manchester United oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay aan marna laga qaadin horyaalka ayaa waqtigan ku dagaalamaysa sidii ay markii afraad oo xidhiidh ah ugu guulasan lahayd.