SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 74-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Maxkamaduhu, Maxay Uga

Xishoon-Waayeen Dhul-Boobka?

 

“Dhulkaa wax loo seestay si sharci-darro ah, waxaana seestay garsoore Maxamed Siciid”

 

 

April 3, 1998-kii, ayaa Mako Cali Yuusuf loo sharciyeeyay Dhul ku yaal degmada Axmed Dhagax, waxaase ku qabsaday Aadan Cabdi Yuusuf, laakiin dacwad kadib waxay degmada u xukuntay Mako Cali Yuusuf, haddana waxa ku qabsaday Garsoore Maxamed Siciid oo isna sheegay inuu sharci u haysto.”

Hadaladani, waxay ka mid yihiin war-bixin ku saabsan dhul lagu muransan yahay uu ka qoray, Taliyaha Saldhigga Booliska Iftin ee magaalada Hargeysa.

 

Taliyaha Saldhigga Booliska Iftin Ismaaciil Ibraahim Maxamuud, waxa uu war-bixintaa qoray April 9, 2002, wuxuuna war-bixintiisa ku socod-siiyay Taliyaha qaybta Booliska, isla markaana wuxuu ogeysiiyay Maamulka Degmada Axmed Dhagax, isaga oo Taliyuhu ka digayay in ay dhibaato ka iman karto, wuxuuna Taliyuhu War-bixintiisa ku sheegay in Jagadaa si sharci-darro ah loo seestay.

Haddaba, si aynu wax uga ogaano xaaladda murugsan ee dhulka iyo sida cidkasta oo awood lihi uga qayb-gashay bililiqada dhulka, bal aynu eegno xaaladaha ay soo martay jagada uu warbixinta ka qoray Taliyaha Saldhigga Iftin.

 

Dhulkan waxa markii u horeysay isku dacweeyay laba dhinac oo kala ah; Mako Cali Yuusuf iyo Aadan Cabdi Yuusuf, kadibna guddi ka tirsan degmada Axmed Dhagax oo uu ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii degmada Xuseen Maxamed ayaa u gar-qaaday labadaa qof, waxaana dhulkaa loo xukumay Mako Cali Yuusuf. Go’aankaas oo ku taariikhaysnaa November 14, 2001, iyadoo ay xubnaha guddiga ee go’aanka saxeexay kala yihiin:

1.       Aw Aadan C/laahi Cali,

2.       Muxiyadiin Muuse Dage,

3.       Khayre Cabdi Yuusuf iyo

4.       Guddoomiye Ku-xigeenkii degmada, Xuseen Maxamed Cumar.

“Guddigu markii uu arkay Sharciga dacwootada, Mako Yuusuf ee ku taariikhaysan 28/2/1998, Jiwankiisuna yahay Lr: 1108213 iyo in aanu dacwoodaha Aadan Cabdi Yuusuf, habayaratee haysan wax sharci ah ee uu yahay nin meesha iska degay markii dalka la soo galay, waxay guddigu dhulkaa u xukumeen Mako Cali Yuusuf, iyadoo dhulkaa cabirkiisu yahay 80ft x 80ft.” ayay guddigaasi ku yidhaahdeen go’aankooda. Hase yeeshee, sheekada dhulkaasi way sii socotay, waxaana 28-kii March, 2002, war-bixin ka soo saaray Guddoomiyaha Axmed Dhagax Maxamed Xasan Jaamac, wuxuuna guddoomiyuhu qoraalkiisa ku socod-siiyay Maayar-xigeenka 2aad ee Hargeysa. Qoraalkaasina, wuxuu u dhignaa:

“Guddoomiye, waxaa halkan kuugu soo gudbinayaa Mako Cali Yuusuf oo sidata Faylka No: 8170 oo loo soo cadeeyay meeshaa (dhul) oo ay isku dacweeyeen Garsoore Maxamed Siciid seedigii oo la yidhaahdo Aadan Cabdi Yuusuf, waxaana dhulkaa loo xukumay Mako Cali Yuusuf, balse markii ay Mako Cali keentay go’aankii ahaa in ay Mako leedahay dhulkaa ayay dhinicii kalena keentay fayl loo soo cadeeyay dhulkaa, haddaba guddoomiye arrintaa hoos u eeg,” ayuu ku soo afjaray guddoomiyaha Axmed Dhagax qoraalkiisa.

Hase yeeshee, iyadoo aanay weli wax jawaab ahi ka soo bixin Warbixinii uu guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax u diray Maayar-xigeenka Hargeysa, ayuu dhulkii qaylo kale ka soo yeedhay sida ku xusan warbixin uu qoray Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Axmed Dhagax Ismaaciil Ibraahim. Warbixintaa oo ku taariikhaysan April 9, 2002, waxa uu Taliyaha Saldhiggu ku socod-siiyay Taliyaha qaybta Booliska, waxayna war-bixintaasi u dhignayd:

“Waxa dhul loo sharciyeeyay 3/4/1988, Mako Cali Yuusuf, waxaana ku qabsaday Aadan Cabdi Yuusuf, kadibna degmada Axmed Dhagax dacwad u qaaday, waxayna degmada dhulkaa u xukuntay Mako Cali Yuusuf markay Taariikhdu ahayd 12/5/2000, isla sannadkii 2000 bilowgiisii ayaa Mako Cali loo ogolaaday in ay dhulkaa jeexato (sees), dabadeedna iyadoo hawshii jeexistu socoto ayay degmada u joojisay Garsoore Maxamed Siciid oo sheegay inuu Jagada sharci u haysto, wakhtigaas oo ahayd 29/3/2002, ayaa habeenimadii jimcaha dhulkaa si sharci-darro ah loo seestay, iyadoo cidii dhulkaa seesatayna lagu sheegayo Garsoore Maxamed Siciid, baadhistii arrintaasina way socotaa.”

 

Ardayda Jaamacadda Hargeysa Iyo

Camuud Oo Isku Qaabilay Casuumad Ballaadhan

 

Hargeysa (Haatuf): Kulan ballaadhan oo ay isku qaabileen ardayda Jaamacadaha Boorame iyo Hargeysa, ayaa shalay ka dhacay Xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxaana kulankaa lagu martiqaday Marti-sharaf door ah oo isugu jira Masuuliyiin sar-sare oo dawladda Somaliland ka tirsan, hawl-wadeeno ka socda hay’adaha sama-falka Caalimiga ah, xunbo Baarlamaanka Somaliland ah, Siyaasiyiin madaxbannaan, duqay iyo wax-garad kale.

 

Sidoo kale, waxaa munaasibaddan ka soo qayb-galay Masuuliyiinta laba Jaamacadood. Kulankani, waxa uu ka dambeeyay martiqaad ay ardayda Jaacadda Hargeysa u fidiyeen ardayda dhigooda ah ee Jaamacadda Camuud-Boorame, iyadoo ay ardayda Jaamacadda Boorama ka socday tiradoodu gaadhayso in ka badan 50 arday oo ay horkacayaan xubno ka tirsan macalimiinta iyo maamulkoodu, waxayna ardayda la casuumay ee Jaamacadda Boorame magaalada Hargeysa ku soo gaadheen gelinkii dambe ee Arbacadii dorraad, taas oo ay ardayda iyo maamulka Jaamacadda Hargeysa, si ballaadhan u soo dhaweeyeen, kagana hortageen Jidka.

 

Kulanka ay isku qaabileen ardayda labada Jaamacadood, waxay ujeedadiisu tahay is-barasho iyo is-dhex-gal ku saaban ardayda laba Jaamacadood.

Sidaas darteed, waxay ardayda labada Jaamacadood xarunta Jaamacadda Hargeysa isku dhaafsadeen dood dhawr saacadood socotay oo aqoon-is-weydaarsi iyo is-barasho ahayd, iyadoo uu kulankaasi ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, isla markaana ay arday iyo Maamulka Jaamacadda Hargeysa si ballaadhan u soo camireen.

 

Furitaanka kulankaana, waxa hadalo ka jeediyay dad kala duwan oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta labada Jaamacadood iyo Shir-gudoonada Baarlamaanka Somaliland, waxaana ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay Professor; Maxamed Barkhad Miigane oo ku hadlay magaca Jaamacadda Hargeysa, kana hadlay xaaladda waxbarasho ee Jaamacadda Hargeysa. “Maanta waxaan caddaynaya inuu aqoon-is-weydaarsigan ay labada Jaamacadood ardaydooda iyo macalimiintoodu isla garteen in ay maalinta 27-ka May, noqoto maalinta Jaamacadaha,” ayuu yidhi Pro. Miigane.

 

Intaa kadibna, waxa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyay Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ah hormoodka Jaamacadda Camuud – Boorama, wuxuuna ugu horeyn ka mahad-naqay sida ay u qaabishay Jaamacadda Hargeysa, kadibna wuxuu sharax ka bixiyay Sooyaalkii aasaaska Jaamacadaha Somaliland iyo heerka ay maanta marayso, taas oo uu tilmaamay in ay marayaan heer midho-dhal ah.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa; “Maanta annaga waxa sharaf weyn noo ah in ay 16 Mudane ka qayb-galan Jaamacadda oo ay arday ka yihiin. Sidoo kale, waxa sharaf weyn noo ah in ay rag ka tirsan Baarlamaanka ay hormuud ka yihiin, sida Prof. Maxamed Cumar Jiir, Prof. Miigane iyo rag kale, waxaanuna ku ballan-qaadaynaa in aanu Jaamacadda aad u taageerno.”

 

Odayga caanka ah, Xaaji Cabdi Waraabe oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isna madashaa ka hadlay, wuxuuna halkaa ka jeediyay hadal dheer oo dhinacyo badan leh.

“Dhalinyarada Somaliland, meel fiican bay maraysa, anigana haddii aanu odayasha nahay, waxaad moodaa in aanu odayaasha Koonfureed ka fiicannahay, laakiin idinka ayaa naga fiicnaysiiyay. Waayo? Waad na maqasheen,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.

 

Waxa kale oo madashii shalay hadalo mahad-naq iyo soo dhoweyn ah ka jeediyay, xubno arday ah oo ka kala tirsan labada Jaamacadood, waxayna ardayda labada Jaamacadood is-gudoonsiiyeen Hadiyado kala duwan, iyadoo ay qolo waliba dhinaceeda qolada kale Hadiyad gudoonsiisay.

Kulankan Casuumadda ah ee ay isku qaabileen laba Jaamacadood, waxa uu ahaa mid aad loo soo abaabulay, aadna u xiisa badan, waana kulankii u horeeyay ee noociisa ah ee dhexmara labadan Jaamacadood.

 

 

Haweenay Buro-Gaamurtay

Lagaga Qallay Cusbitaalka Boorama

 

Hargeysa (Haatuf): Qof dumar ah ayaa shalay cusbitaalka guud ee magaalada Boorame lagaga jaray buro miisaankeedu yahay ilaa 6kg. Waxaana qaliinkaa fuliyey laba dhakhtar oo kala ah DR:Ismaaciil X. Maxamuud iyo Cabdi Daa’uud Muuse.

 

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee magaalada Boorame Maxamed Cumar waxa uu qaliinkaasi ahaa mid lagu guulaystay, kadib markii uu socday muddo 6 saacadood ah, iyadoo ay haweenaydii qaliinka lagu sameeyey ay aad u caafimaad qabto sida ay ku warameen dhakhaatiirtu.

“Haweenaydan oo ay da’deedu tahay 43jir waxay xudunta ka cabanaysay muddo ilaa 4 sannadood ah, iminkana aad baa caafimaadkeedu u wanaagsan yahay” ayey yidhaahdeen dhakhaatiirta qaliinka samaysay.

 

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtaasi sheegeen inay hore u sameeyeen qaliinno noocan oo kale ah, balse waxay Xuseen inuu nadir yahay qaliinka noocan oo kale ahi, iyaga oo dhakhaatiirtani intaa ku daray inay burooyimka noocan kale ahi aakhirka isu bedeli karaan kansar.

 

Roobab Dabaylo Wata Oo Dad Ku Laayay Burco

Burco (Haatuf): Saddex qof ayaa geeriyooday, ugu yaraana 16-guri ayaa burburay, kadib markii ay roobab dabaylo wataa magaalada Burco ka da’een galabnimadii arbacada ee dorraad.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire, waxay roobabkan oo watay dabaylo laxaad leh, khasaare kale oo ballaadhan gaadhsiiyeen Tiirarka ay maraan xadhka Laydhka ee magaalada iyo dhismayaal badan oo kale.

 

Saddexda qof ee dhintay, waxa ku dhacay dhismayaal dumay, waxayna magacyadoodu kala yihiin; Faadumo Nuur Maxamed, Xaliimo Hurre iyo wiil yar oo ilaa hadda magaciisa la heyn.

 

Dhismaha Waddo Cusub Oo Laga Bilaabay Degaanka Burco

Burco (Haatuf): Hay’adda CCS, ayaa magaalada Burco ka bilowday dhismaha waddo cusub oo dhererkeedu yahay laba ilaa afar kilo mitir, taas oo isku xidhi doonta Xaafadda cusub ee la yidhaahdo Koosaar iyo suuqa magaalada Burco.

 

Dhismaha waddadan, waxa iska kaashanaya Hay’adda CCS (Committee for Concerned Somalis) iyo Hay’adda Cunta Adduunka (WHO), iyo weliba Dawladda Hoose ee Burco, waxaana dhismaha waddadaa lagu fulinayaa habka “Food for work” oo ah hab dadka shaqaynaya la siinayo cunto.

Madaxa xafiiska CCS ee Burco, Ibraahim Cismaan Ismaaciil, waxa uu sheegay in ay hawshaa ka qayb-galayaan ilaa 252-qof oo ay ku jiraan Gaadiidley, farsamo-yaqaano iyo muruq-maal kale, kuwaas oo dhammaantood shaqada loogu bedeli doono raashin.

Xaafadda cusub ee Koosaar oo cidhifka Waqooyi kaga taal magaalada Burco, waxa la dejiyay Qaxooti dhawaan laga soo celiyay Bariga Itoobiya.

 

Madaxa xafiiska CCS ee Burco, waxa kale oo uu sheegay in ay sababta wakhtigan dhismaha waddadaa u bilaabeen ay tahay, iyadoo la galay xilligii roobka gu’ga, taas oo keentay in ay gaadiidku xaafaddaa geli kari waayaan, maadaama aanay waddo lahayn, wuxuuna madaxa xafiiska CCS intaa ku daray in ay hawsha dhismaha waddadaa ku dhammayn doonaan ilaa 15 maalmood, isaga oo Ibraahim tilmaamay in ay Hay’adoodu ku dedaalayso, sidii ay xaafaddaa cusubi u heli lahayd adeegyada aasaasiga ah, sida; Caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo daryeelka nadaafadda.

 

“Haddii Ay Dadka Reer Somaliland

Doortaan Goosashada, Anigu Waan Tix-Gelinayaa”

Jaamac Cali Jaamac – Wareysi

Addis-Ababa (The Reporter): Dedaal ay dawladda Itoobiya isku dayday inay ku dhexdhexaadiso khilaafka Siyaasadeed ee uu dhexeeya labada nin ee sida ba’an ugu loolamaya hogaaminta maamul-gibileedka  Puntland ayaa burburay , ka dib markii ay labada ni ee uu mid waliba goonidiisa uu sheeganayo inuu yahay Madaxweynaha maamul-goboleedka punt-land Cabdilaahi Yuusuf iyo Jaamac cali Jaamac  isku mari-waayeen mawqifyaadooda aadka u kala fog ,taas oo uu mid waliba goonidiisa ugu adkaystay inuu yahay madaxweynha sharciga ah ee maamul-goboleedka,iyadoo uu mid waliba sheegay inaanu wax gorgortan ah ka gelayn sheegashadiisa Madaxweyne-nimo.

 

Dawladda Itoobiya oo la aaminsanyahay inay taageersantahay Col: Cabdilaahi Yuusuf waxay dedaalkan bilowday , iyada oo u ololaynaysa shirka dib u heshhiisiinta somalida ee Magaalada Nayroobi loogu ballansanyahay bishan aynu jirno ee may, isla markaana tixgelinaysa in la mideeyo dhinacyada Siyaasadeed ee isku haya talada hogaaminta maamul-goboleedka punt-land inta ka horaysa shirka Nayroobi . Sidaa darteed waxay dawladda Itoobiya ku martiqaaday dalkeeda toddoobaadkii hore labada nin ee isku haya kursiga madaxweynenimada punt-land Cabdilaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac si ay u dhexdhexaadiso.

 

Hadaba wargeyska toddobaadlaha ah ee la yidhaahdo The reporter oo ka soo baxa caasumadda Itoobiya ee Adis-Ababa , kuna soo baxa afka ingiriisiga ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan leh la yeeshay Jaamac Cali Jaamac dhawaan , wuxuuna Jaamac waraysigiisaa kaga jawaabay mawqifkiisa ku waajahan Somaliland iyo sida uu u arko gooin isu taageeda.

Jaamac oo ugu horayn shakhsiyadiisa ka waramayaa wuxuu yidhi “ magacaygu waa Jaamac Cali Jaamac waxaan ahay Madaxweynaha punt-land waxana la I doortay Abril 2001 , markii garoowe lagu qabtay shirweynihii dastuuriga ahaa ee labaad.”

 

Jaamac wuu sii waday hadalka wuxuuna yidhi “ Novembar 21-keedii waxa nasoo weeraray ciidamo uu hogaaminayo Col: Cabdilahi Yuusuf, Madaxweynihiii hore ee punt-land, nasiib-wanaag waanu ka baxsanay weerarkaa, aniga iyo shaqaalahayguna waxaanu tagnay Boosaaso oo ah magaalo ku taal xeebta Badda Cas. Waxaanu halkaa ka dhisnay dawladda Puntland, waxaanuna ku guulaysanay in aanu samayno Golaha Qaranka Puntland oo ka kooban 66-xubnood, waxaanu dooranay Shir-gudoon iyo unugyadii kale ee Golaha, waxaanu kale oo aanu leenahay hannaan garsoor.”

Jaamac Cali Jaamac, waxa uu sheegay in dadka reer Puntland u arkaan in ay qayb ka yihiin Soomaaliya, isla markaana ay taageersan yihiin hannaan Federaal ah oo la isugu keeno Soomaaliya.

 

“Waxaanu ka soo horjeednaa Gooni-u-goostayaasha,” ayuu yidhi Jaamac Cali Jaamac, balse wuxuu intaa ku daray in ay jecel yihiin xidhiidh wanaagsan in ay la yeeshaan Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland labadaba, isaga oo ku tilmaamay Puntland in ay tahay meel muhim u ah labada dhinac.

Jaamac, waxa uu ku sheegay wareysigiisaa in badiba xubnihii Maamulkii u horeeyay ee Puntland oo uu ku jiro isagu ay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta (Kismaayo), taas oo uu sheegay in Waalidkii asal ahaan ka yimaadeen, balse dhalasho ahaan ay reer Puntland yihiin.

“Anigu 12-sannadood ayaan ku qaatay Xabsi, Madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa isna laftiisu ila xidhnaa,” ayuu yidhi Jaamac Cali Jaamac oo ka waramayay shakhsiyadiisa, isaga oo sheegay in Keligii-taliyihii uu u xidhay aragtidiisa Siyaasadeed, taas oo uu diidanaa hannaankiisa keli-talisnimo.

 

Jaamac Cali Jaamac oo la weydiiyay aragtidiisa Somaliland iyo inuu ka soo horjeedo Madaxbannaanideeda, wuxuu yidhi; “Maya, kama soo horjeedo, laakiin, anigu waxaan tixgelinayaa Soomaaliya, waxaanan ka soo horjeeddaa Goosashada.”

Jaamac oo la weydiiyay, maadaama aad diiddan tahay gooni-u-goosashada, miyaanad markaa ka soo horjeedin Somaliland, waxa uu sheegay in aanu macnuhu sidaa ahayn, sababtuna ay tahay, iyadoo ay Somaliland ka wada-hadli karaan arrinta gooni-isu-taagga, laakiin isagu uu tixgelinayo hannaanka Maamul ee ka jira Somaliland.

“Taasi waxay ku xidhnaan doontaa dadka reer Somaliland,” ayuu yidhi Jaamac, isaga oo ka jawaabayay su’aal ahayd, waxa ay yeelayaan haddii aanay Somaliland doonayn in ay ku biirto Soomaaliya.

“Haddii ay taas doortaan, waanu tixgelin doonaa rabitaankooda, waayo, 1960-kii hogaamiyayaashoodu waxay aqbaleen Midnimada Soomaaliya,” ayuu raaciyay Jaamac Cali Jaamac.

Waxa kale oo uu Jaamac sheegay in afti dadweyne loo maro arrintaa oo kale (Gooni-isu-taagga), isagoo ka jawaabayay mar la weydiiyay qaabka rabitaanka lagu ogaan karo.

“Cigaal, wuxuu odhan karaa wuxuu doono, laakiin doorashada waxa leh dadka,” ayuu yidhi Jaamac oo la weydiiyay su’aal ahayd, haddii uu Madaxweyne Cigaal aftida diido.

 

Dhinaca kale, mar Jaamac la weydiiyay inuu ka soo horjeedo iyo in kale Maamulka cusub ee dhawaan lagaga dhawaaqay, Gobolo ka mid ah Soomaaliya ee la magac baxay Maamul Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya, wuxuu yidhi; “Kama soo horjeedno, laakiin haddana taageeri  mayno,” wuxuuna Jaamac sheegay in dadka Goboladaas iyo Maamulka laftiisaba uu ka dhex jiro, muran iyo is-qabsi badan.

 

Maamulihii Xarunta Agoomaha Burco Ee Hay’add

Al-Xaramayn Qarsoodi Kaga Baxay Magaalada Burco

Burco (Haatuf): Maamulihii Dugsi lagu xanaaneeyo Agoomaha Burco oo ay gacanta ku haysay Hay’adda Samo-falka Al-Xaramayn oo la yidhaahdo Mr. Jumca, ayaa la sheegay inuu ka baqoolay magaalada Burco, una kicitimay dhinaca magaalada Muqdisho ee Koonfurta Soomaaliya.

Jumca oo ah Nin ay dhalashadiisu tahay Suudaani, waxa tegitaankiisa lagu war helay maalintii arbacadii ee dorraad, taas oo ay wararku sheegeen inuu u baqoolay dhinaca Koonfurta Soomaaliya, iyadoo aan inta badan la ogeyn tegitaankiisa.

 

Warar laga helay ilo xog-ogaal ah oo ku dhow-dhow arrimaha Ninkaa Suudaaniga ah, ayaa sheegay inuu Mr. Jumca  subaxnimadii arbacada uu baabuur yar oo ah nooca loo yaqaan Mark II ka raacay magaalada Burco, taas oo la rumaysan yahay inuu magaalada si qarsoodi ah kaga baxay.

Mr. Jumca oo hore u sheegay in sharcigii joogitaanka ama dal ku galka Somaliland uu ka hayay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo damiin ka ahaa ninkaa, ayaan ilaa hadda si cad loo ogeyn in Mr. Jumca loo celiyay sharcigiisii iyo in laga hayo.

Maamulka Gobolka Togdheer oo uu arrinta ninkaa waxa ka weydiiyay Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel, ayaa ka gaabsaday in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan arrinta ninkaa. Hase yeeshee, warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay in Ninkaa Suudaaniga ah, dib loogu celiyay sharcigii laga hayay, iyadoo taa bedelkeedana lagu amray inuu ka baxo magaalada Burco.

 

Wararku, waxa kale oo ay intaa ku dareen inuu Mr. Jumca u socdaalay dhinaca magaalada Muqdisho oo ay Hay’adda Al-Xaramayn ku leedahay Xarun weyn, wuxuuna Mr. Jumca macalin ka ahaa dugsi lagu daryeelo carruurta agoomaha ah ee magaalada Burco. Dugsigaas oo ay caawin jirtay Hay’adda Al-Xaraymayn, hase yeeshee joogitaanka ninkaa Suudaaniga ah, waxa dhawaan ka dhashay muran, kadib markii ay Xukuumadda Somaliland ku amartay inuu ka soo wareego magaalada Burco, yimaaddana magaalada Hargeysa, haddii kalena uu Somaliland ka baxo, iyada oo ay sidaa amreen Masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan Wasiirka Waxbarashada. Waxaase go’aankaa, si weyn uga biyo diiday dadka reer Burco oo meel ka-dhac iyo qadaf ku tilmaamay, go’aanka ay Xukuumaddu ka gaadhay ninkaa oo gacanta ku hayay dugsi muhim ah oo lagu xannaaneeyo dad da’ yar oo agoomo ah, waxaana amarka Xukuumaddu ka soo saartay joogitaanka ninkaa muddo toddobaado ah ka oognaa, muran cirka isku shareeray oo u dhexeeyay Xukuumadda iyo Hogaamiyayaasha reer Burco.

 

Horraantii toddobaadkan, ayaa la soo geba-gebeeyay sannad-dugsiyeedka Waxbarashada ee 2002 ee dugsiga uu gacanta Mr. Jumca, taas oo la fasaxay ardaydii wax ka baran jirtay dugsigaa, hase yeeshee lama garanayo waxa ay hadda kadib ku sugnaan doonto xaaladda dugsigaasi.

 

Jaamacadda Camuud
Oo Kutub Ugu Deeqday Degmada Gebilay

Gebilay (Haatuf): 4.000 oo buuggaagta daabacan ee la akhristo ah ayay Jaamacadda Camuud ugu deeqday degmada Gebilay.

 

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Cumar, xaflad lagu kala gudoontay Kutubtaa ayaa shalay lagu qabtay xarunta degmada Gebilay, waxaana Xafladdaa ka qayb-galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Axmed Xaashi Madar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Xuseen Cilmi iyo weliba masuuliyiinta Maamulka degmada Gebilay oo uu horkacayo Maayarka degmada, Xasan Xaaji iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, waxaana buuggaagta deeqda ah la gudoonsiiyay Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Gebilay, iyada ay munaasibaddaa hadalo ay ugu mahad-naqayaan Jaamacadda Camuud ka soo jeediyeen Masuuliyiinta kala duwan ee degmada Gebilay.

 

Degaanka Soomaalida Itoobiya:

Shalay Iyo Maanta Mid-Ba Waa Sidee?

Warbixin – Muuse F. Jaambiir

 

 

 

Inkasta oo ay qoomiyadda Soomaalida Itoobiya soo mareen marxalado iyo duruufo qallafsan, muddo nus-qarni gaadhaysana ay ku soo jireen nolol silic iyo saxariir ah, oo ay leeleel iyo luuf-luuf-ba soo muteen, haddana maanta waxay u muuqdaan bulsho ka soo doogaysa diiftaa hore, waxaana gacmahooda ku jira xuquuq aan hore waxba looga weydiin jirin, balse ay hadda fursad u heleen ka talinteeda. Hanashada fursadani maaha mid si hawlyar ku timi, ee waxay Soomaalidu qoomiyad ahaan u soo gashay halgan dheer oo naf iyo maalba lahaa. Kaas oo ay la galeen talisyo aan u kala ilko qaboobayn oo waqti dheer soo xukumayay dhul-weynaha Itoobiya, geyiga Kililka Shanaad-na ka dhigay goob militari, kana ilaaliyay gebi ahaanba wixii horumar ahaa.

 

Haddaba, markii talisyadii noocaas ahaa meesha ka baxeen, ee sannadkii 1991-kii uu talada dalka Itoobiya la wareegay ururka EPRDF, waxaa dal-weynaha Itoobiya ka hana-qaaday hannaan cusub oo beddelay habkii keli-talisnimada ahaa ee hore uga jiray dalkaas. Habkaa cusub ee ururka EPRDF la gole-yimi, wuxuu abuuray Itoobiya cusub oo ka duwan tii shalay, waxaanu habkan oo ah hab dimuqraadi ahi sababay in nidaamka dawliga ah ee Itoobiya uu noqdo mid federaal ah, qoomiyad kasta oo ka mid ah bulshada Itoobiyana ay yeelato maamulkeeda daakhiliga ah, kana arrimiso danaheeda. Sidaa aawadeed waxa degaanka Soomaalida Itoobiya ka aas-aasmay isla waqtigaaba ururo dhawr ahaa oo siyaasadeed, kuwaas oo markii hore ku unkamay siyaabo kala duwan, balse markii dambe isu teg-tegay oo midoobay. Midowgii ugu dambeeyayna wuxuu ku sinnaa sanadkii 1991-kii, xilligaas oo ay isu tageen labada Xisbi ee ESDM iyo ONLF, sidaana uu ku dhismay xisbiga talada haya oo lagu magacaabo SPDP (Somali Peoples Democratic Party).

 

Taas ka sokow degaanka Somalida Itoobiya, waxa waqti badan ka lumiyay xafiiltan siyaasadeed iyo xintan hoose waqtiyadii hore oo dhan, hase yeeshee waxa xilligan ka muuqda dareen wanaagsan oo iftiiminaya in laga gudbay xafiiltankaa hore. Siday ii sheegeen dhinacyo badan oo aan la sheekaystay mar aan dhowaan booqday caasimadda qoomiyadda Somalida Itoobiya ee Jig-Jiga, waxa waqtigan ka aloosan degaankaa hannaan midnimo, oo ay ii sheegeen in lagu soo af-jaray khilaafaadkii. Waxa kale oo ay ii sheegeen in la hirgelinayo hab cusub oo loogu talogalay in uu dhidibada u aaso nidaam dawladeed sal adag oo hana-qaad noqda. Si habkaas loo dhaqaajiyo-na waxa xarunta Jig-jiga ka furmay shir ballaadhan oo loogu wan-qalayo dabbaqidda nidaamkaa cusub oo ah mid muujinaya qaabka uu u shaqayn doono maamulka dawliga ahi, kulankaas oo markuu dhammaado kadib la filayo in la soo dhiso golihii xukuumadda degaanka.

 

Xilligan waxa jagada madaxweynenimo ee xukuumadda degaanka Soomaalida haya madaxweyne Cabdirashiid Duulane Rafle, oo da’diisu gaadhayso ilaa 42 sannadood. Cabdirashiid wuxuu ku takhasusay cilmiga beeraha, hase yeeshee waxa la sheegay inuu leeyahay khibrad weyn oo dhinaca maamulka ah, horena uu uga soo shaqeeyay meelo kala duwan, sidaa aawadeedna waxa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasi da’ ahaan iyo aqoon ahaanba xaslan kara hoggaaminta xukuumadda degaanka. Cabdirashiid Duullane waxa kursiga uga horreeyay tiraba lix madaxweyne tan iyo intii uu dalka Itoobiya ka curtay hannaankan cusub ee dumuqraadiga ahi.

 

Si kastaba ha loo dhigee, waxa la odhan karaa degaanka Soomaalida Itoobiya siyaasiyan wuxuu hadda u muuqdaa mid koraya oo tayo ahaan dhismaya. Dhinaca kale, degaanka Somalida Itoobiya waxa waqtigan ka muuqda sawir ka duwan kii uu lahaa toban sanno hortood. Tusaale ahaan; toban sano ka hor degaanadaa waxa ka jiray hal dugsi sare oo keli ah, maanta se intii nidaamkan cusub ee dimuqraadiga ahi uu ka jiray Itoobiya waxa laga hirgeliyay in ka badan toban dugsi oo kuwa sare ah, waxa kale oo laga dhisay magaalada Jig-jiga xarun tabobarka macallimiinta (TTI) ah, taas oo la ii sheegay inay durba ka qalin-jebiyeen macallimiin door ahi. Sidoo kale waxa laga dhisay caasimadda Jig-jiga mac-had dhinaca maamulka iyo maaraynta ah, kaas oo la ii sheegay inuu shaqaynayay muddo saddex sannadood ahba.

 

Dhinaca caafimaadka marka la eego waxa degaanka Somalida Itoobiya hore uga jiri-jiray isbitaalo kooban oo a awoodooda dhinaca daaweyntu yarayd, hase yeeshee sida ay ii xaqiijiyeen xubno kala duwan oo aan la kulmay waxa tobankan sannadood ee dambe laga hirgeliyay gobollada degaanka Soomaalida in ka badan 100 xarumood oo kuwa caafimaadka ah, isla markaana waxa laga dhisay gobolka Af-dheer isbitaal weyn.

Isgaadhsiinta telefoonada oo hore ugu ekeyd magaalada Jig-jiga ayaa iyana la ii sheegay in lagu baahiyay tobankii sannadood ee u dambeeyay degaamo badan oo kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin magaalooyinka, Lafo-ciise, Dhagax-buur, Qabri-dahar, War-dheer, Qabri-bayax, Goday, Fiiq iyo Jinacsani, isla markaana waxa la ii sheegay inay qorshaha ku jirto in la gaadhsiiyo siddeed magaalo oo kale. Mashaariic dhinaca jidadka ah ayaa iyana hawshoodu ka socotaa degaankaa.

 

Guud ahaan mashaariichdaa kala duwan waxa la sheegay inay isugu jireen qaar ay hirgelisay dawladda degaanku iyo qaar ka yimi gacmaha hay’adaha samofalka. Waxa taa barbar socday oo iyana laga dareemayaa degaankaa wax-qabadka madaxa bannaan ee dhinaca dadweynaha, waxaana mashaariicda ugu waaweyn ee ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ka hirgeliyeen degaankaas ka mid ah istibitaal weyn oo dhawr dabaq ah oo ay shirkadda jaadka ee 571 ka dhistay magaalada Jig-jiga. Siduu ii sheegay maamulaha shirkaddaa Mr. Kawsar Af-diinle oo aan kula kulmay xaruntiisa Jig-jiga, isbitaalkaa waxa loogu talogalay oo uu qaadayaa 180 qof oo bukaan-jiif ah, waxaana lagu wadaa siduu sheegay inuu dhismihiisu dhammaado ilaa bil iyo badh dabadeed. Waxa kale oo uu ii sheegay in isbitaalkaas uu u shaqayn doono habka isbitaalada casriga ah, lana dhigi doono qalab casri ah oo ku kacaya ilaa hal milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar. Sidoo kale waxa isla shirkaddaasi ka waddaa magaalada Jig-jiga isbitaal kale, oo qaybtiisii hore ee iibinta daawooyinka xooluhu ay shaqayso, qaybtiisii labaad oo ah seero lagu dhaqayo xoolo Yurub laga keenay iyo kuwa Somaliduna uu socdo, laguna wado siduu sheegay Guddoomiyaha shirkadda 571 inuu dhammaado lix bilood ka dib. Intaas oo keliya kuma koobna wax-qabadka gaarka ah ee dhinaca shacbigu, balse waxa jira mashaariic kale oo ay fuliyeen kuwaas oo abuuray ilo door ah oo dhinaca shaqada ah.

 

Guud ahaan marka la isku soo xooriyo degaanka Somalida Itoobiya wuxuu maanta leeyahay weji ka wanaagsan kii uu shalay lahaa, bulsho ahaana waxay dadkii reer Jig-jiga ee aan la kulmay u muuqdeen qaar fahmay faa’iidada ay ku helayaan qoomiyad ahaantooda, isla markaana ku baraarugsan khasaaraha qabiilka, kaas oo loo tiriyo inuu gebi ahaanba regaadiyay bulsho-weynta Somalida.

La soco cadadka dambe maqaal xiiso badan oo ku saabsan magaalada Jig-jiga.

 

 

Shirweynihii 3aad Ee Xisbiga  U Taliya

Is-Maamulka Somalida Itoobiya Oo Ka Furmay Jig-Jiga

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf) :- Shirweynihii 3aad ee golaha dhexe ee Xisbiga SPDP ee degaanka Somalida Itoobiya ayaa ka furmay magaalada Jig-jiga, kaas oo lagu ansixiyay hannaan cusub oo uu ku shaqayn doono maamulka degaankaasi.

Siday sheegeen warar naga soo gaadhay magaalada Jig-jiga, shirkaas oo fumay Arbacadii, waxa khudbad furitaan ah ka jeediyay Dr. Cabdi-majiid Xuseen oo sharraxaad ka bixiyay taarikhdii iyo marxaladihii uu soo maray degaanka Soomaalidu. Dr Cabdi-majiid wuxuu ku sheegay khudbadiisaa in maanta laga baxay xilligii kala qaybsanaanta iyo xafiiltanka, loona gudbay xilli cusub, sidaa daraadeedna wuxuu u sheegay ka qaybgalayaasha shirka in loo baahan yahay in la abuuro nolol cusub. “Maadaama kala qaybsanaantii laga soo baxay, waxa loo baahan yahay inaynu maanta midowno oo aynu nolol cusub abuurno.”

 

Dr. Cabdi-majiid oo muddoba ka odayaynayay khilaaf la dhammeeyay oo dhexgalay xisbiga, wuxuu ku celceliyay oo uu sheegay in la gaadhay xilligii tallaabada horumarka la qaadi lahaa, si wadajir ahna loo wada hawgeli lahaa. Kulankaas waxa kale oo isna ka hadlay sida la sheegay mas’uul ka socday dawladda dhexe ee federaalka Itoobiya.

 

Dhinaca kale, shirkaa golaha dhexe ee xisbiga SPDP, waxa la sheegay in laga saaray 7 xubnood oo laga qaaday xubin-nimadii golaha dhexe ee xisbiga, waxaana shirkaas lagu ansixiyay hab cusub oo la sheegay inuu sal u noqon doono maamulka dawliga ah ee degaanka qoomiyadda Somalida Itoobiya. Shirkaas oo lagu wado in la soo gebogebeeyo Jimcaha Berri, waxa la sheegay in lagu soo dooran doono xubno cusub oo golaha dhexe ee xisbiga ah, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay inay gaadhayaan 45 xubnood. Sidoo kale waxa lagu wadaa in la soo doorto Guddoomiyaha xisbiga.

Markaas kadibna waxay wararku sheegeen in la soo dhisi doono golihii xukuumadda degaanka qoomiyadda Somalida Itoobiya.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

 

Ganacsatada Kaalintee Bay Ku Leeyihiin Qaranimada?

 

 

 

 

Marka la doonayo in faallo iyo tilmaan laga bixiyo kaalinta ay canshuur-bixiyeyaasha muhiimka ahi ama ganacsatadu kaga jiraan dalkooda, sida Somaliland oo kale, waxa marka hore lagama maarmaan noqonaysa in la tilmaamo nooca canshuurta ee dalkaasi isticmaalo sida canshuurta (madax) qof ahaaneed, tan laga jaro shaqada uu qofku hayo, nooca canshuurta ee laga qaado ganacsiga iyo hantida ma guurtada ah.

 

Halkan waxa aynu si fudud uga arkaynaa in Somaliland tahay dal nooca canshuurta ee uu ku dhaqmaa ay tahay canshuurta ganacsiga iyo hantida maguurtada ah, taas oo markiiba muujinaysa in ganacsatadu ay yihiin canshuur-bixiyeyaasha ugu muhiimsan ee canshuurta siiya xukuumadda Somaliland.

Canshuurta ay ganacsatadu bixisaa waa waajib, laakiin waxaa lagama maarmaan noqonaysa inay helaan tixgelin iyo in si hufan loola dhaqmo marka ay la soo xidhiidhaan xafiisyada iyo meelaha u qaabilsan xukuumadda ururinta canshuurta.

 

Waxaa iyana waajib ah, kol haddii uu ninka ganacsadaha ahi uu u diyaar yahay canshuurta sharciga ah inaan dusha laga saarin lacag kale oo aan ku dhicin qasnadda oo haddii ninka ganacsatada ah laga waayo dul-saarkaa lacageed ee aan sharciga ahayn inaan sarkaal shaqaalaha ahi u adeegsan mas’uuliyaddiisa qaran dan u gaara, waxaa wanaagsan in uu ninka shaqaalaha dawladda ahi ixtiraamo ninka ganacsadaha ah oo isagu bixiya lacag canshuur ah oo ay ka soo baxdo mushaharka la siiyo ninka shaqaalaha ah.

Sida inta badan dhacda, ama ay hawlwadeenada dawladdu caadaysteen, waxaad moodaa in hawshan ay u hayaan qaranka awgeed ay dawladnimada uga dhaw yihiin muwaadinka kale, arrintuse waxay run ku tahay canshuur-bixiyaha ayaa ah ninka leh muhiimadda koowaad ee qaranimada marka la barbardhigo ninka isagu ah shaqaale masruufsada hantida ka soo baxda canshuurta la ururiyay.

Inta badan hab-dhaqanka ganacsatada iyo muwaadiniinta kaleba sida adag ee aan ixtiraamka iyo dhawrista lahayn loola dhaqmaa wuxuu ka soo jeedo nidaamyo ay maamuladii hore ee ka jiri-jiray dhulkani ay ku dhaqmi jireen, dhaqamada sidaasa waxaa ku lammaanayd cadownimo iyo cadaadis ula-kac ah oo weliba garab-haystay.

 

xilligan oo nidaamadii dhaqankaa lahaa waqti hore lagu riday halgan sababaha lagula coloobay nidaamada ama maamulada horena ay ka mid ahayd cadaadis iyo qiime la’aan muwaadinka ah, waxaa habboon in saraakiisha xukuumadda ee ka hawlgala goobaha canshuuraha ay ula dhaqmaan ganacsatada iyo canshuur-bixiyeyaasha kaleba qaab ay soo dhaweyn ixtiraam iyo sharci-dhawrisi ku jirto oo ka duwan kii ay hore u dhaliileen.

 

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I Guraase

Sooyaalkii Taariikheed Ee

Dawladihii Islaamka Iyo Cahdigii Cabaasiyiinta

Waxaynu qormadeenii tan ka horaysay kaga soo sheekaynay cahdigii uu dawladda cabaasiyiinta xukumayey Haaruun Al-rashiid iyo heerkii ay gaadhay xadaaradii islaamku cahdigii uu talada hayey Haaruun Al-rashiid .

Waxa kale oo aynu  ka soo sheekaynay, markii uu geeriyooday Haaruun Al-Rashiid inuu Xukunka kaga tegay saddex Wiil oo uu dhalay, kalana ahaa: Amiin, Ma’muun iyo Qaasim, kuwaas oo uu markii dambe khilaaf dhexmaray.

 

Sidii uu dardaaranku ahaa Haaruun Al-Rashiid kadib, waxa Xukunka qabtay Inankiisii Amiin Binu Haaruun, waxaana dhashay sannadkii 170 ee Hijrada, isagoo Amiin Talada la wareegay sannadkii 193 ee Hijrada, kuna beegnaa 808 taariikhda Miilaadiga.

Amiin, markii uu Aabihii dhintay ayuu la wareegay Talada, Inkasta oo uu Ma’muun ka yaraa lix bilood oo qudha. Sidaa darteed Ma’muun, raali kama uu noqon inuu walaalkiisa ka yari Xukunka uga horeeyo, taas oo keentay muddadii uu Xukunka hayay Amiin inuu ku sugnaado Xaalad loolan iyo khilaafaad ah, waxayna taasi ka bilaabmatay magaalada Baqdaad, kadib markii ay Ma’aamarad u dhigeen Walaalkii Ma’muun iyo taageerayaashiisa oo u badnaa Faarisiyiin, maadaama ay Ma’muun hooyadii ahayd Faarisiyad reer Iiraan ah.

 

Khilaafka iyo loolanku, waxa uu soo maray marxalado kala duwan, markii ugu horeysayna waxa ay labadoodu (Amiin iyo Ma’muun), isweydaarsadeen dhambaalo cambaarayn ah oo uu midba midka kale u dirayo. Hase yeeshee, markii dambe waxay isugu dhaceen si badheedh ah, kadib markii uu Amiin walaalkii Ma’muun u soo jeediyay inuu dhaxalka xukunka isaga dabadii u daayo Inankiisa Muuse Amiin, taas oo uu Ma’muunna dhinaciisa ku gacan-saydhay. Markii ay taasi dhacdayna, waxa uu Amiin ku dhawaaqay inuu dhaxalka Xukunka isaga dabadii uu leeyahay Inankiisa Muuse, isla markaana wuxuu casilay walaalkii Ma’muun. Hase yeeshee, waxay taasi horseeday inuu bilaabmo dagaal toos ah oo dhexmara labadooda walaalaha ah, waxaase dagaalka ku guulaystay Ma’muun, kadib markii Amiin la dilay bishii Muxaram, sannadkii 198 ee Hijrada, waxaana xukunkii sidaa kula wareegay Ma’muun.

Waxyaabaha kale ee arrintan ka dhashay, waxa ka mid ahaa; Fawdo iyo Qallalaase ka dilaacay magaalada Baqdaad oo ahayd Caasimaddii dawladdii Cabaasiyiinta, wuxuuna qallalaasahaasi keenay in ay dhammaan is-taagaan dhaqdhaqaaqyadii noloshu.

Waxa kale oo meesha ka baxday, rajadii ay Carabtu ka qabtay in ay maqaam sare ka gaadhan qaybaha Maamulka dawladda, iyadoo ay Taladu gacanta u gashay Wasiiradii Faarisiyiinta ahaa ee ku xeernaa Ma’muun.

 

Ma’muun binu Haaruun, markuu talada la wareegay sannadkii 198 ee Hijrada, kuna beegnayd 813 ee Miilaadiga, waxa maalinba maalinta ka dambaysa sii siyaadayay khilaafkii iyo rabshadihii ka dilaacay dhulkii Maamulka Cabaasiyiintu ka jiray, gaar ahaan waxay taasi aad u sii fiday markii uu dagaalku dhexmaray Amiin iyo Ma’muun, waxayna taasi keentay inuu sii diciifo Xukunkii Cabaasiyiintu. Hase yeeshee, taasi may joojin ama meesha kama saarin horumarkii iyo xadaaraddii socotay ee xilligii Cabaasiyiinta, iyadoo ay xadaaraddaasi gaadhay halkii ugu sareysay muddadii uu Talada hayay Ma’muun binu Rashiid, waxaana taas u sabab ahaa Ma’muun oo ahaa Nin aad u jecel Cilmiga iyo Horumarka, aadna u dhiiri-gelin jiray Culimada iyo Dadka aqoonta leh.

Ma’muun, waxa uu ku dardaarmay inuu isaga dabadii Talada qabto walaalkii Muctasim, kaas oo uu ka doorbiday inankiisii Cabaas, waayo, wuxuu rumaysnaa inuu walaalkii Muctasim kaga karti badan yahay Maamulka arrimaha Muslimiinta.

 

Ma’muun waxa uu geeriyooday sannadkii 218 ee Hijrada, kuna beegnayd sannadkii 833 ee Miilaadiga, waxaana wakhtigaa kadib talada la wareegay Maxamed binu Haaruun Al-Rashiid oo ku magac dheeraa (Muctasim bilaah), laakiin oo aan ka mid ahayn saddex wiil ee uu Haaruun ku dardaarmay in ay Xukunka qabtaan.

Muctasim, waxa uu ahaa nin lagu yaqaano geesinimo, soona maray Askarinimo, sidaa darteed markii uu Xukunka qabtay, waxa uu adeegsaday Ciidamo Turki ah, iyadoo ay hooyadii ahayd Turkiyad, wuxuuna iska fogeeyay Carabtii iyo Faarisiyiintii uu markii hore dhexdooda loolanku ka jiray, balse kama uu fekerin khatarta ay laftoodu leeyihiin, taas oo markii ay bateen loolan u galay Xukunka, markii dambena waxayba khatar geliyeen Muctasim laftiisa.

 

Muctasim, waxa uu Xukunka uga tegay Inankiisii Haaruun, wuxuuna Muctasim geeriyooday sannadkii 227 ee Hijrada, kuna beegnayd 842-kii, taariikhda Miilaadiga, waxaana Xukunkii la wareegay wiilkiisii Haaruun binu Muctasim oo ku magac dheeraa Waasiq, wuxuuna Waasiq xukunka hayey ilaa 232-kii ee Hijrada, kadibna waxa Xukunka ka qabsaday Walaalkii Mutawakil oo ay doorteen hogaamiyayaashii Turkiyiinta ahaa, iyadoo aanu Waasiq cidna u dardaarmin in ay Talada uga dambayso.

 

Hase yeeshee Mutawakil, wuxuu isaga dabadii Xukunka ugu dardaarmay saddex Inan oo uu dhalay, kuwaas oo kala ahaa; Muntasir, Muctasir iyo Mu’ayad. Balse markii dambe ayuu Mutawakal isku dayay inuu Talada ka weeciyo Muntasir, isaga oo kaashaanaya Ciidamadii Turkiyiinta ahaa ayay u suura-gashay in ay dilaan Mutawakil sannadkii 247-kii ee Hijrada, kuna beegnay 861-kii taariikhda Miilaadiga, muddadaa kadibna waxay Taladu gacanta u gashay hogaamiyayaashii Ciidanka Turkiyiinta, kuwaas oo marba cidda ay doonaan Talada u dhiibayay, halkaana waxa ku dhammaaday Cahdigii hore ee Xukunka Cabaasiyiinta oo loo yaqaan Madaxdii Xoogga lahayd.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Ibraahim (Guray)

Yaasiin Ismaaciil Oo Noqday Xidiga Kooxaha Khaliijka

 

 

 

Doha (AFP) – Xiddiga kubadda Kolayga kooxda Al-Rayan ee dalka Qatar, Yaasiin Ismaaciil Xasan-nuur, ayaa loo doortay ciyaaryahanka ugu wanaagsan tartanka naadiyada waddamada Gacanka Carabta (Khaliijka), oo toddobaadkii hore la soo gebogebeeyay.

Magacaabista xiddignimada Yaasiin waxay ka dambaysay markii kooxdiisa Al-Rayaan ku guulaysatay koobkii 22aad ee naadiyada dawladaha Gacanka, oo ay gacanta ku dhigtay markii ugu horraysay taariikhda kadib markii ciyaarta kala reebta ah loo beddelay mid shan qaybood la ciyaaro, taas oo ay koobka qaadato kooxdii badisaa saddex ka mid ah shanta ciyaarood.

Haddaba kooxda Al-Rayaan ee Yaasiin hoggaaminayay oo bilowgii ciyaarta hana-qaaday dhalinta dhibcaha kulanka ayaan marna sii dayn kaalinteeda tan iyo dhammaadkii ciyaarta. Rubucii ugu horreeyay ciyaartu wuxuu ku dhammaaday 30-22, kii labaadna 19-16, kii saddexaadna wuxuu ku dhammaaday 24-19, rubicii afraadna wuxuu ku dhammaaday 28 –24.

 

Sidoo kale naadiga Al-Ahli, oo reer Qatar ah, ayaa isna kaalinta saddexaad ku guulaystay, kadib markii uu dhibic keliya kaga adkaaday naadiga Al-Muxariq ee dalka Bahrain, oo ay ku kala baxeen 84-83 dhibcood. Kooxda Al-Qaadiisiya ee dalka Kuwait ayaa kaalinta shanaad gashay, Manaama oo Baxrayn ah ayaa kaalinta lixaad fadhiisatay, Al-Ahli oo Imaaraadka ah ayaa kaalinta toddobaad ku dhacday. Sidoo kale kooxda Al-Sayib ee Cumaan ayaa kaalinta ugu dambaysa tartanka ku hadhay.

Yaasiin Ismaaciil waa ciyaaryahan u dhashay Somaliland, balse hadda haysta dhalasho dalka Qatar ah, oo aad looga jecel yahay ciyaartiisa. Yaasiin maaha markii ugu horraysay ee uu haybad tan oo kale ah u soo hooyo dalkaa, hase yeeshee waxaa jiray marar badan oo uu gacantiisa ku soo xero-geliyay billado iyo koobab kala duwan iyo qaar heer goboleed ah.

 

Yaasiin waa wiil dhallin-yaro ah, aadna u dheer oo suurtogeliyay inuu gacantiisa ku kasbado qaddarin magac weyn.

 

Real Madrid Oo Markii 13aad U Soo

Gudubtay Kulanka Kama-Dambaysta Horyaalada Yurub

 

 

 

Madrid (APP) – Naadiga Real Madrid ee dalka Isbaanishka ayaa markii 13aad u soo gudubtay kulanka kama dambaysta ah ee koobka kooxaha horyaalada qaarada Yurub, oo sannadkiiba mar la qabto, kadib markii ay 3-1 gool isu-geyntii labada kulan kaga adkaatay kooxda Barcelona, oo ay ku kulmeen ciyaaraha wareega kama-dambaysta ah.

Kulankii labaad oo habeenimadii Khamiistu soo gelaysay ka dhacay garoonka Barnabeu Stadium  ee magaalada Madrid ayaa ku dhammaaday barbaro 1-1, sidaana waxaa ku guulaystay Real Madrid oo haysatay laba gool oo dheeraad ah.

 

Real Madrid, waa kooxda ugu badan xagga hanashada koobabka horyaalka waxayna ku guulaysatay siddeed goor, afar jeerna waa laga guulaystay, sannadkan-na waxay u mici-lisanaysaa inay markii sagaalaad qaado.

Kulanka kama dambaysta ah waxay wada ciyaarayaan kooxda Jarmalka ah ee Bayer Leverkusen oo ay 15 bisha May isku haleelayaan garoonka Glasgow, oo ah halkii ay Real Madrid ku xaqiijisay guushii ugu caansanayd tartanka ee taariikhda soo martay, markii kooxda Jarmalka ah ee A. Frankfurt ay kaga badisay 7-3 gool sannadkii 1960-kii.

Waxaa muuqata in sannadkan ay mar labaad taariikhdaasi dib u soo laabatay, iyada oo Real Madrid sidan oo kale wareegii saddexaad ee is-reebreebka kaga soo adkaatay Barcelona, ka hor intii aanay koobka ka qaadin kooxda Jarmalka ah.

 

Haddaba, maadaama Real Madrid wareegii kama dambaysta ahaa kaga adkaatay Barcelona oo ay 1960 ka adkaatay, isla markaana ay isla garoonkii berigaa isugu baxeen naadi Jarmal ah, waxay ciyaartani la mid tahay kulankii 1960. hase yeeshee, ilaa hadda lama oga inay ka adkaan karto naadiga yar ee Jarmalka ah. Bayer Leverkusen oo sanadkan is-daba dhigay saddexda naadi ee ugu magaca iyo awooda badan kooxaha Ingiriiska oo xilligana ah kuwa ugu dhibco sarreeya kooxaha dalkaa Jarmalka ka dhisan.

Wareegii labaad ee tartanka oo ay isku qayb ahaayeen kooxda Arsenal ayay ugu quus-goysay markii ay si weyn ugu guulaysatay kulankii ugu dambeeyay oo ay la yeelatay Deportivo La Caruna, taas oo haddii B. Leverkusen laga adkaado ay ku xidhnayd rajada Arsenal.

Wareegii siddeeda kooxood waxay mar kale isku qayb noqdeen kooxda Liverpool oo ka mid ah kuwa ugu awooda badan Ingiriiska.

 

Hase yeeshee, Bayer Leverkusen, waxay kaga adkaatay 4-3 marka la isu geeyo goolashii labada kulan, sidaana waxay markale tartanka ka dabageysay kooxdii labaad oo Ingiriis ah.

Bayer Leverkusen, waxay markii saddexaad toddobaadkan u quus-goysay kooxda Ingiriiska ugu awooda badan ee Manchester United, oo ay markale isugu yimaadeen wareegii kama-dambaysta ahaa. Inkasta oo kulamadii ay labada goor wada yeesheenba barbaro noqdeen, ayaa lagu kala saaray sharciga ciyaaraha u yaala, kaas oo sheegaya in kooxda gurigeeda goolal badan lagaga dhaliyaa ay hadhayso, sidaa darteed waxa sharcigu boqna-gooyay kooxda Ingiriiska ah kulankii hore oo gurigeeda ka dhacay ayaa lagu kala sad-qaatay 2-2 gool. Guushii ugu dambaysayna waxay keentay in kooxda aan taariikhda weyn lahayni si isdaba joog ah saaxadda uga saarto naadiyo caan ah oo isku waddan keliya ka soo jeeda.

 

Haddaba, maadaama ay kooxaha hore hadhuudhlaha ku dartay, waxa su’aasha hadda la isweydiinayaa tahay Real Madrid ma iska caabiyi kartaa Bayer Leverkusen oo aanay taariikh ahaan wax badan kala socon qaab-ciyaareedkeeda, ayna u saftaan ciyaartoy dhallinyaro u badan oo aanay hore isu arag.

Dhinaca kalena, Real Madrid, ma soo dhaweyn isku soo aadka Bayer Leverkusen, waxayna ka doorbidi lahayd in Manchester ay wada ciyaaraan kulanka kama dambaysta ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga wardhawrayaa biyo-dhaca kulanka 15 May dhexmari doona kooxda korodhsiimada doonaysa iyo koox u hammuun qabta horyaalka.

 

Sumcadda Senegal, Waxaa Meel

Sare Geeyay Xidigaheeda Faransiiska Ku Sidkan

 

 

 

Dakar (AFP) – Senegal, ayaa la filayaa inay u shiraacato olole ay isugu diyaarinayso tartanka koobka adduunka oo ay kulanka ugu horreeya la yeelanayso waddanka awooda badan ee Faransiiska, laakiin farriinta ka imanaysa kooxda ka soo gudubtay Galbeedka Afrika waa mid ololeheedu cad yahay.

Rajo yar ayay ka qaybtay inay kama dambaysta gaadho markii lagu beegay Morocco, Egypt, iyo Algeria.

Senegal waxay ka fajacdy guushii ay ka gaadhay qaybtii ay la tartamaysay, ayna cidhiidhsatay taariikhda markii ugu horraysay ay u soo baxdo koobka adduunka.

 

Xulka kooxda oo dhammaantood si gaar ah debedda uga xoogsada iyo maamulka Senegal oo si adag isugu xidhan, iyaga oo dhammaantood mid keliya isku ah, ayaa ka yaabisay tartamayaasha ay ku wada jiraan qaybta A, oo kala ah France, Uruguay iyo Denmark.

Intii uu gacanta ku hayay ninka Faransiiska ah Bruno Metsu “Libaaxyada Teranga” waxay si kedis ah u noqdeen mid ka mid ah kuwa ugu xooga badan dhinaca Afrika, waxaana dirqi kaga baxsaday guushii koobka qaramada Afrika ee ka dhacay Mali horraantii sannadkan.

 

Galbeedka Afrika, waxaa u soo galay oo badhida dhulka ugu dhuftay maamulka Senegal ee indheer-garadka ah iyo firfircoonida xubno cusub oo ku sidkan Faransiiska hiwaayada weyn leh.

Muddo afar sannadood ah Senegal waxay u halgamaysay siday ugu gudbi lahayd derejo caalami ah, balse qaab-dhismeedkooda oo liita iyo kaalmada ay helaan oo yarayd ayaa curyaamisay inay samaystaan tiirar adag.

 

Halbeeggooda oo kala daadsanaa ayaa ku keentay in Senegal runta ka tallaabsan weyday oo ay ku guul-darraysatay xataa inay u gudubto koobkii adduunka ee 1998, markii loo sameeyay maamul[ isku dhafan.

Markii uu Metsu u yimi, ayaa la isu soo dhaweeyay xidhiidhka ciyaaraha Senegal oo si xaqsoor ah kuraasta loogu qaybiyay.

Metsu oo ah tabobarihii hore ee kooxda Sedan, ayaa adeegsaday aqoonta uu u leeyahay kubadda Faransiiska, si uu u xaqiijiyo shaqada ciyaartoy badan oo reer Senegal ah oo ciyaartooda debedaha kaga ganacsada.

Koobkii qaramada ee Feberweri, Senegal waxaa rigoorayaal ku garaacday Cameroon oo kama dambaystii ay isugu yimaadeen.

 

“Mar walba waan ogaa inay Senegaliyiin badani ka ciyaarto Faransiiska, oo qaar ka mid ahina halkaa joogeen ilaa carruurnimadiisii, kuwaas oon weligood fursad u heleen ciyaaraha Senegal ilaa aan isu soo ururinayay,” sidaa waxa yidhi Metsu. Wuxuu kaloo intaa ku daray; “hadda waxaanu haysanaa ciyaartoy cajiib ah, oo hibo leh, aadna u asluub badan. Waxay ku guulaysteen qaybtoodii, kadib markii lagu meeleeyay waddamada Morocco, Egypt iyo Algeria, waxayna muujiyeen tayadoodii.”

Waxaa muuqata tayada ay wado kasta kaga soo gudubtay Senegal.

 

Tony Sylva, oo Monaco u safta, waxaa loo doortay goolhayihii ugu wanaagsanaa tartankii koobka Afrika, iyada oo isla waqtigaa ninka hortiisa ka ciyaara Aliou Cisse loo doortay boqorka difaaca dhexda.

Difaaca Senegal ayaa muuqaal ahaan isu dheeli tiran, laakiin waxaa aad u dhammaystiran difaaca baalka midig Ferdinand Coly, oo si dhakhso ah ugu tallaabsaday mid ka mid ah difaaca ugu wanaagsan Afrika, inkasta oo shan sannadood oo keliya uu ku hawlanaa mihnadda caalamiga ah.

Metsu ayaa ku tashaday inuu Arsenal ku qabsado wiilka Dakar ku dhashay ee Patrick Vieira, ka hor intii aanu samayn, Senegal oo aan weligeed helin tiro badan oo ku wanaagsan khadka dhexe.

Ninka furaha u ahi waa ciyaartoyga Auxerr Khalilou Fadiga, oo dhawaan ka yimi markuu ku gaadhay marxalad caalami ah dalka Belguim.

 

Fadiga wuxuu faa’iido weyn u taray ninka Sedan u ciyaara ee Salif Diao oo dhexda wada adkeeyay.

Ninka hoggaaminaya weerarka Lens ee El Hadji Diouf, oo isna loo doortay ciyaartoyga Afrika ee sannadkan oo dhaliyay siddeed gool markii dalkuu u soo baxay koobka adduunka, isaga oo madi ku ahaa suurtogelinta in waddankiisu markii ugu horraysay u soo gudbo koobka adduunka.

Wuxuu la baxay naanaysta “Dilaaga tooska ah”, kaas oo uu kula baxay cadaadiska joogtada ah ee difaaca uu saaro. Diouf waxaa niyad-jab ka soo gaadhay koobkii Afrika ee Mali oo gool keliya uu ka dhaliyay, isla markaana wuxuu lumiyay rigoore kulankii kama dambaysta ahaa uu ka cunay kooxdiisa.