SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf Tirsi Gaar ah

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


 

Tirsi Gaar ah oo loogu talo galay Geerida Madaxweynaha Somaliland, May 4, 2002

 

Madaxweyne Cigaal Oo Qalliin Lagu Sameeyay Ugu Geeriyooday Cusbitaal Ku Yaal K. Afrika

 

 

 

Pretoria, K. Afrika (Haatuf) :- Madaxweynihii Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa shalay ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee xarunta dalka Koonfur Afrika.

Geerida Madaxweynaha, waxa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka Md. Daahir Riyaale Kaahin, oo isla shalay gelinkii dambe si ku-meel-gaadh ah loogu dhaariyay Madaxweynaha ku meel-gaadhka ah. Magaalada Pretoria-na waxa kaga dhawaaqay Wasiirka Warfaafinta oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha geeriyooday ku wehelinayay Koonfur Afrika.

Madaxweyne Cigaal, waxa baadhis iyo daaweyn caafimaad loogu qaaday dalka Koonfur Afrika Khamiistii toddobaadkii hore (April, 25), iyada oo ay weheliyeen xaaskiisii Marwo Kaltuun X. Daahir, Wasiirada Arrimaha Dibedda, iyo Warfaafinta, Maxamed Siciid Gees iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Guddoomiyaha Baanka Cabdiraxmaan iyo Taliyaha Ilaalada madaxtooyada Abokor Sulub. Waxaana uu abaaro 12:00 Duhurnimo ee waqtiga Geeska Afrika (10:00 subaxnimo waqtiga Koonfur Afrika), cusbitaal Milatari oo ku yaalla Pretoria oo lagu daaweynayay maalmihii tegay.

 

Mr. Cigaal, waxa laga daaweynayay cuduro door ah oo is biirsaday oo ka bilaabmay jiro curuqo-xannuun (Hreumatisen) iyo dhiig-kar (Hypertension) ilaa macaan (Diabetes) iyo Kansar, waxaana la xaqiijiyay inuu u dhintay kacdoon ka dhashay qalliin lagu sameeyay.

Weriyaha BBC-da uga soo warranta Pretoria, ayaa sheegtay in bilowgiiba Madaxweynuhu markii uu gaadhay Koonfur Afrika ay xaaladdiisu aad u liidatay, isla markaana diyaaraddii uu la socday lagaga qaaday Dhooli ama Ambalas.

 

Wakiilka Somaliland ee dalka K. Afrika oo kala talinayay dhinaca daawaynta Mr. Iqbal Jhazbhay ayaa BBC-da u sheegay, inuu barbarkiisa fadhiyay oo uu ka hubinayay daawooyinka ilaa intii uu dhimanayay. Lataliyuhu waxa uu ku sheegay waraysi ay BBC-du la yeelatay in Madaxweynuhu si fiican ugu raystay daawayntii u horraysay, uuna u shaqaynayay si dhiirigelin leh.

“Waxa uu lahaa fir-fircooni iyo niyad, waxaana uu guddoominayay kulamadii ay yeelanayeen xubnihii weftigiisa ee ku wehelinayay socdaalka,” ayuu yidhi lataliyuhu Mr. Iqbal.

Laakiin waxa uu sheegay in kadib markii luguhu bakhtiyeen oo wax dareen ah laga waayay ay dhakhaatiirka cusbitaalka Mileteri ee lagu daaweynayay u diyaariyeen qalliin caloosha ah oo ay doonayeen inay ku ogaadaan eelka. Balse waxa uu sheegay, in intii qalliinku socday subaxnimadii hore ee shalay ay marxuumka ku dillaacday nudub-calooleed, isla markaana uu u dhintay 10:00-kii subaxnimo (waqtiga K. Afrika) kacdoon kaga yimid wadne-garaac (dhiig-kar) iyo Hunguriga.

 

Iqbal Jhazbhay, wuxuu inta ku daray in da’da weyn ee marxuum Cigaal uu joogay ay saamayn weyn ku lahayd sababta geeridiisa, waxaanu sheegay in weftiga Somaliland ee Pretoria joogaa ay kalsooni weyn ku qabaan cusbitaalkii lagu daweynayay Madaxweynaha, isla markaana aanu jirin wax shaki ah oo ay ka qabaan geerida Madaxweynuhu inay ka dhalatay dayac kaga yimid shaqaalaha cusbitaalka.

 

Meydka Madaxweynaha geeriyooday, waxa laga soo qaadayaa maanta Pretoria, halkaas oo ay qabanqaabada hawshaas ka wadaan weftigii xukuumadda ee wehelinayay Madaxweynaha geeriyooday. Isla markaana shir deg-deg ah oo ay shalay galab isugu yimaadeen Golaha Wasiirada iyo shir-guddoonada laba gole ee Baarlamaanka, ayaa lagu magacaabay guddi Toban xubnood ah oo ka kooban saddexda gole, guddoomiyena uu u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Cumar Cige, oo qabanqaabinaya aaska Madaxweynaha.

Waxaa kale oo la go’aamiyay in marxuumka lagu aaso Berbera marka la keeno meydkiisa, iyada oo la tixgelinayo dar-daaran uu ka tegay marxuumku oo ahaa in qabrigii Aabihii lagu ag aaso.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyay sida uu sheegayo war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland in muddo toddoba cisho ah dalka laga sameeyo Tacsi Qur’aan Akhris ah iyo Duco, iyada oo ay hawluhuna caadi u socon doonaan sida warku sheegay.

 

Madaxweynaha geeriyooday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxa u qorshaysnaa safar caafimaad oo Toban maalmood ah inuu ku soo qaato dalka K. Afrika, waxaana uu geeriyooday maalintii siddeedaad. Dhinaca kale, waxa isla shalay maqribkiiba laga bilaabay qodista xabaasha lagu aasayo marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo markii hore la filayay in meydkiisa maanta la keeno dalka, hase yeeshee Af-hayeenka madaxtooyada ayaa goor dambe oo xalay ah u sheegay Haatuf in soo qaadista meydka Madaxweynuhu dib ugu dhacay maalinta Axadda, iyada oo diyaaraddii soo qaadi lahayd uu duulimaadkeedu isbeddelay awgeed.

………………………………………………………………………………

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Maxaa La Gudboon Somaliland ?

 

 

11kii sannadood ee tegay Somaliland waxay dheerayd dhulkii kale ee ka tirsanaa dhulkii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya laba arrimood oo kala ah; reer Somaliland oo helay nidaam nabadeed oo xilka madaxtinimada la isugu beddelo. Tan labaad waxay ahayd, iyada oo inta badan shirar lagu xalliyay markii ay dhammaadeen xilliyadii xilka loo igmaday hoggaanka sare ee dalka. Haddaba xilligan oo ay soo food-saartay Somaliland xaalad cusubi, waxaa isweydiin leh, maxaa la gudboon reer Somaliland in aanay kaga gudbaan xaaladdan adag ee soo food-saartay.

Waxaa xusid mudan oo tusaale ugu filan reer Somaliland, dadka ku mudaharaaday qof banii’aadam ah oo cusbitaal daaweyn loo geeyay waa tii ka dhacday Pretoria 3, May, 2002. Laakiin waxaa hubaal ah inaanay reer Somaliland ka suurtogal ahayn dhaqamada cadowtinimadu ka muuqato ee ka fog banii’aadanimadu.

Markaa Somaliland waxay cadowgeeda kaga guulaysan kartaa saddex arrimood oo saldhig iyo tiir adag u ah qaranimada, kuwaas oo ay tan koowaad tahay midnimo (Unity), tan labaad isku kalsooni (Faith), iyo tan saddexaad oo ah kala dambayn (Discipline).

Saddexda arrimood ee aynu xusnay mid waliba wuxuu xoogaynayaa guusha Somaliland, wuxuuna wiiqayaa cadowga Somaliland. Midnimada dadku waxay awdaysaa daldalloolo uu cadowgu ka soo galo si uu u burburiyo, isla markaana Isku-kalsoonidu waxay ummadda siisaa jiritaan iyo inay hawlaha ummaddu u socdaan si habboon, si ay uga badbaadaan carqaladaha ay gelin karaan kala shakiga iyi is barbar yaacu.

Kala dambayntuna (Discipline), waxay keentaa dhismaha hannaanka ummadnimo iyo in muwaadin walba looga dambeeyo hawsha uu ka mas’uulka yahay, arrimaha uu aqoonta iyo waayo-aragnimada u leeyahayna lagu tixgeliyo.

 

Waa hubaal, haddii dadka reer Somaliland ay xilligan dhidibada u adkeeyaan saddexdaa arrimood ee aynu soo sheegnay, in aynu si fudud uga gudbi karro xaaladda cusub ee ina soo food-saartay.

Alla ha u naxariistee, geerida Madaxweyne Cigaal waxay ku soo beegantay laba maalmood ka hor sanad-guuradii 9aad ee markii xilka madaxweynenimada loogu doortay 5, May, 1993-kii, shirweynihii Boorama ee beelaha Somaliland oo ku beegan berrito oo ah 5, May, 2002.

 

Geeridu waa xaq madax iyo Shicib-ba, waxase la gudboon inta nool inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, sameeyaana sidii ay Somaliland qaab nabadeed ugaga gudbi lahayd xaaladan soo food-saartay oo ka timid xagga Eebe. Waa hubaal in Somaliland ay leedahay madax iyo mutacallimiin farabadan oo horeba dadkooda ugala soo dabbaashay xaalado adag oo quus-geliyay dadka inta aragtida gaaban. Sidaa aawadeed, waxaa la gudboon Shacbiga reer Somaliland madax iyo shicib-ba, mucaarad iyo muxaafadba inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo jewiga xasilloon ee lagu sugan yahay, isla markaana ay adkeeyaan midnimada guud iyo wadar ahaanta bulshada iyo Qaranka. Madaxweynaheenii geeriyoodayna waxaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii Janno siiyo, umadda reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

…………………………………………………………………………………………..

 

Daahir Riyaale Oo Loo Dhaariyay Xilka Madaxweyne-Nimo

 

 

 

Harg (Haatuf) :- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay si rasmi ah loogu dhaariyay qabashada jagada madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo uu hayn doono inta ay ka dhammaanayso muddadii sannadka ahayd ee Golaha Guurtidu kordhiyay.

 

Markii ay caddaatay geeridii madaxweynihii Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, kadib waxa isla shalay gelinkii dambe-ba ku qabsoomay xarunta madaxtooyada shir ballaadhan oo ay ka qaybgaleen xubnaha Golaha Wasiirada, Shir-guddoonada Golayaasha Baarlamaanka  (Guurtida  iyo Wakiillada), Maxkamadda Sare iyo Xubno mas’uuliyiinta kale ee dawladda ka mid ah. Gebogebadii kulankaasna waxa lagaga dhawaaqay in Madaxweyne ku xigeenkii hore la go’aamiyay inuu noqdo Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo go’aankaas kaga dhawaaqay madashii shirka ee madaxtooyaduna wuxuu yidhi; “Waxaa la soo qaatay dastuurka qodobkiisa 86aad oo sheegaya xaaladaha ay ku bannaan karto jagada madaxweyaha, xaaladahaas oo ay ka mid tahay geeri ku timaada madaxweynaha.

Waxa kale oo la eegay qodobka 89aad ee dastuurka oo sheegaya habka loo buuxin karo. Faqradda 2aad ee qodobkaasi waxay sheegaysaa, haddii Madaxweynaha xaaladdaasi ku timaado labada sannadood ee u dambeeya muddada shanta sannadood ahayd in calaa-duul uu xilka madaxweynenimo ula wareegayo madaxweynu ku xigeenku, xilkaana uu haynayo muddada hadhay oo dhan. Sidaa daraadeed, iyada oo dastuurka la waafajinayo waxa la isla gartay in Madaxweyne ku xigeenkii hore loo dhaariyo xilka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Ku dhawaaqiddii go’aanka kadib, isla goobtaa ayaa lagu dhaariyay Daahir Riyaale Kaahin, waxaana dhaariyay sii hayaha Maxkamadda sare Md. Showqi Cilmi Cali. Dhaartii kadib, waxa kulankaas hadallo koob-kooban ka jeediyay xubno dhawr ah, oo ka mid ah mas’uuliyiintii shirkaa ka qaybgalay.

“Anigoo ku hadlaya magaca Golaha Guurtida, waxaan leeyahay Ilaahay Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo, Marxuumkana naxariistii Janno Alla ha siiyo, halkiisiina Ilaahay beddel khayr qaba ha inoo dhigo,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha Guurtida Sh. Ibraahim.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Axmed Aadan (Qaybe), ayaa isna yidhi weedhan; “Maxamed Ibraahim Cigaal Ilaahay ha u naxariisto, innagana samir iyo iimaan ha innaga siiyo. Midda kale waxaan leeyahay ummadda Somaliland waxay u baahan tahay isku-duubni iyo wada shaqayn.”

Waxa kale oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka Wakiillada Md. Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, oo sheegay in Maxamed Ibraahim Cigaal markii uu u ambo-baxayay Koonfur Afrika uu ku sii dar-daarmay haddii ay tiisii noqoto in xilka madaxweynenimo loo dhiibo Daahir Riyaale Kaahin, waxaanu naga dalbaday ayuu yidhi Jirde in aanu ula shaqayno sidii aanu ula shaqayn jirnay, sidaa daraadeed ayuu yidhi; “Taas waanu ballan-qaadaynaa sida dastuurkuba na farayo.”

……………………………………………………………………………………………..

 

Dawladda K. Afrika Oo Somaliland Uga Tacsiyaysay Geerida Madaxweynahooda

 

 

 

Pretoria (SABC – Haatuf) :- dawladda Koonfur Afrika, ayaa uga tacsiyaysay dawladda iyo dadka Somaliland geerida ku timi Madaxweynahoodii Maxamed Ibraahim Cigaal, oo shalay ku geeriyooday cusbitaal milatari oo ku yaalla magaalada Pretoria xarunta dalka Koonfur Afrika.

Dhambaal rasmi ah oo ay shalay soo saartay dawladda K. Afrika, waxa ay ku sheegtay inay ka xun tahay geerida ku timi Madaxweynihii Somaliland, isla markaana waxa ay uga tacsiyaysay Shacbiga iyo dawladda Somaliland geeridaa naxdinta leh.

Madaxweyne Cigaal waxa uu ku dhintay cusbitaal milaterigu leeyahay oo u dhow caasimadda Pretoria, kadib markii qalliin lagu sameeyay.

 

Taariikhda Madaxweynaha Cusub

 

 

 

Taariikhda waxbarasho iyo khibradeed ee Madaxweynaha cusub ee xilka loo dhaariyay Daahir Riyaale Kaahin waa sedan:

Magaca Hooyadii: Aaddan Barre Samatar

Wuxuu ku dhashay: Qul-u-jeed iyo Boon dhexdooda (Degmada Boorama), waxaanu dhashay: 1952-kii

Wuxuu leeyahay Xaas iyo Carruur

 

Waxbarashada

1957-60: Wuxuu Malcaamad Qur’aan ka galay Qul-u-jeed

1960-63: Dugsigiisii Hoose wuxuu ku qaatay Degaanka Qul-u-jeed

1963-67: Dugsiga Dhexe wuxuu ka dhigtay Boorama, qoraal uu soo saarayna wuxuu ku sheegay inuu saddex sano dugsiga ka tegay oo uu haddana dib u bilaabay.

1973-74: Wuxuu dhammaystay Dugsiga Sare ee Cammuud.

1974-75: Wuxuu galay Dugsigii Tabobarka ee Xalane loo yaqaanay ee magaalada Muqdisho,

1975: Wuxuu qaatay Kooras Sarkaal-nimo oo loogu tabobarayay Arrimaha Nabad-sugidda.

 

Khibradda Shaqo:

Wuxuu ka soo shaqeeyay Gobolka Nugaal ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, iyo gobolada Sool, Sanaag iyo Waqooyi-Galbeed. Afar sannadood iyo badhna wuxuu ahaa madaxa laanta Socdaalka ee gobolka Waqooyi-Galbeed xilligii Taliskii Barre.

1982-83: Wuxuu ahaa Xog-hayihii koowaad ee Safaaraddii Soomaaliya ee Jabuuti. Derejadii ugu dambaysay ee xagga ciidamada ee uu ka qaatay xukuumaddii Soomaaliyadii horena waxay ahayd Gaashaanle sare oo Ciidanka nabad-sugidda ah.

1991: Wuxuu ka qaybgalay shirkii Burco ee lagaga dhawaaqay la soo noqoshada xorriyadda Somaliland.

1991-92: Wuxuu Badhasaab ka ahaa Gobolka Awdal

1992-97: Wuxuu ka soo shaqeeyay nabadaynta iyo isu-soo dhaweynta Beelaha Somaliland.

1997: Wuxuu ka qaybgalay tartankii madaxtinimada dalka, waxaana loogu doortay shirweynihii Hargeysa inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

……………………………………………………………………………………

 

Maqalkii Warka Geerida, Dareenkii dadka Iyo Jawaabta Mucaaridka

 

 

 

Harg (Haatuf) :- Abaaro saddexdii galabnimo ee saacadda Bariga Afrika ayay dadweynaha reer Somaliland ku war heleen geerida Madaxweyne Cigaal, kadib markii ay warkaa baahisay idaacad afka Soomaaliga ku hadasha oo ku taal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maqalka warkaas ku saabsan geeridaa naxdinta leh ee ku timi Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ka dhacday cusbitaal ku yaal dalka Koonfur Afrika, wuxuu noqday mid kedis ah oo dadka intiisa badan cunaha u dhaafi waayay, waxaana ka dhashay su’aalo badan oo dadku iska weydiinayaan xaqiiqada dhabta ah ee geeridaa.

 

Hase yeeshee, muddo yar kadib waxa soo baxay xaqiiqda dhabta ah ee arrinta dhimashada Madaxweyne Cigaal, waxayna dadweynaha reer Somaliland madax iyo shacab-ba ka muujiyeen dareen tiiraanyo huwan, kaas oo ka turjumaya warka sida kediska ah ku yimi.

 

Dadweyne aad u badan ayaa ku qulqulayay goobaha la isugu yimaado sida makhaayadaha iyo Hudheelada si ay u dhegaystaan Idaacadaha, gaar ahaan BBC-da oo dadku warkeeda aad u rumaysto. Dad shacab ah oo dumar iyo carruur u badan ayaa u soo baxay waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, su’aalaha u badan ee dadkaasi isweydiinayeen waxa ka mid ahaa geerida sida kediska ah u dhacday ee ku timi marxuumka, marka laga tago dareemada naxdinta badan ee ka dhashay geerida lama filaanka ah ma muuqan walaac weyn oo dadkii isu soo baxay ka qabeen aayaha Somaliland iyo waxay ku dambaynayso mustaqbalka. Waxa keliya ee la isweydiinayay kama badnayn ma dhab-baa geerida Madaxweyne Cigaal, iyo waxa keenay geerida deg-dega ah oo aan dad badani ka dheregsanayn inuu jiray xannuun halista intaa le’eg leh oo uu qabay Madaxweynuhu.

 

Dareenkaa naxdinta leh ee ka dhashay geerida marxuumka Alla ha u naxariistee, ma ahayn mid ku kooban qof, qoys iyo qabiil midna, balse waa dareen guud oo Shacbiga Somaliland ka siman yahay, jawaabihii ugu horreeyayna waxay ka yimaadeen siyaasiyiin, Salaadiin, Aqoon-yahano iyo wax-garad, kuwaas oo intooda badani yihiin kuwii Siyaasadda ay isku hayeen Madaxweynaha geeriyooday.

 

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa kulan deg-dega ku yeeshay 31 xubnood oo isugu jira xubnaha Golaha salaadiinta oo dhawaan lagu aasaasay magaalada Burco, kuwaas oo ay si weyn xukuumadda isugu hayeen qabashada shirweyne Qaran. Guddida laba beelood ee Burco iyo siyaasiyiin waaweyn oo ay ka mid yihiin Ismaaciil Cali Abokor, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), oo ka mid ah siyaasiyiinta xurgufta weyni u dhaxaysay xukuumadda uu Madaxda ka ahaa Madaxweynaha geeriyooday, kulankaas oo ay albaabadu u xidhnaayeen, waxay ka soo saareen baaq isugu jira tacsi iyo talo-bixin, kaas oo ay kaga hadlayeen sidii laga yeeli lahaa aayaha jamhuriyadda Somaliland, kadib geerida marxuumka, Baaqaasina wuxuu u qornaa sidan:

“Geerida naxdinta leh ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal (Alla ha u naxariistee), waxay keentay xaalad cusub oo loo baahan yahay in deg-deg looga hawlgalo.” Wuxuu kaloo intaa ku daray; “nimcooyinka Ilaahay ugu mannaystay waxa ugu weyn nabadgelyada iyo xasilloonida, sidaa darteed waxaanu ugu baaqaynaa bulsho-weynta reer Somaliland iyo maamulka dalkaba inay heegan u ahaadaan ilaalinteeda.”

Waxa kale oo talo iyo tacsi u diray Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir, oo ka mid ah Salaadiinta mucaaradka ku ah maamulka. Wuxuuna baaqaa ku yidhi; “Geeridu waa xaq, Alla ha u naxariisto marxuumka geeriyooday.” Suldaanku wuxuu tacsi u diray Shacbiga Somaliland guud ahaan, gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu.

Urur-siyaasadeedyada SAHAN iyo ASAD, ayaa iyana ka hadlay geerida Madaxweynaha, tacsi kadib waxay ku taliyeen in la ilaaliyo xasilloonida iyo nabadgelyada jiritaanka qaranimada Somaliland.

“Waxaanu ummadda reer Somaliland u soo jeedinaynaa inay waayaha la soo gudboonaaday ku wajahan midnimo, nabadgelyo, waayeelnimo iyo wada-tashi dhab ah,” sidaa waxa lagu sheegay Baaq isugu jira Tacsi iyo talo-bixin oo uu Haatuf soo gaadhsiiyay Xog-hayaha war-faafinta ururka ASAD Yuusuf M. Cali (Tuke).

Guddoomiyaha ururka siyaasiga ah ee SAHAN, ayaa soo saaray qoraal ururkiisu kaga hadlayo geeridan cusub ee ku timi madaxweynihii Somaliland, Mr. Jiir wuxuu Qoraalka kaga talo bixinayaa sida ugu habboon ee ay la tahay in lagaga bixi karo dhacdadan cusub. “Ururka SAHAN wuxuu ku talo-bixinayaa in isbeddelka madaxtinimada dalka loo cuskado qodobada ku qayaxan dastuurka ee aynu ku ansixinay 97%, lana xaaraantimeeyo loolanka Siyaasadeed oo ka soo horjeeda qawaaniinta dalka u taal, si aan khalkhal inooga gelin Siyaasadda waddanka,” ayuu yidhi Baaqa ururka SAHAN.

Waxa kale oo tacsi taa la mid ah nasoo gaadhsiiyay Madaxda iyo xubnaha ururada mucaaradka ah, sida HORMOOD, UCID, BIRSOL, waxay iyaga oo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan guud ahaan Shacbiga reer Somaliland, gaar ahaan ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday madaxweynihii jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

TACSI

 

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Xasan X. Maxamuud, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca bulshada gobolka Saaxilba wuxuu ka tacsiyadaynayaa umadda reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadiisiiba geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynihii Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, shacabka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

Sahra Cabdi Kooshin iyo Safiya Cumar Axmed waxay ka tacsiyadaynayaan umadda reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadiisiiba geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynihii Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, shacabka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo

 

Dhammaanba Tifaftirayaasha, qoroyaasha, weriyeyaasha iyo shaqaalaha Bahda Haatuf Media Network waxay ka tacsiyadaynayaan umadda reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadiisiiba geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynihii Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, shacabka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo

Sidoo kale Bahda wargeysyada Maandeeq Group waxay tacsi taa la mid ah u dirayaan umadda reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadiisiiba geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynihii Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, shacabka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo

 

Hooyo Weris Aw Jaamac Xasan, Ifraax Maxamuud Caydiid iyo Odaygeeda iyo Caruurteeda, Cabdifataax Maxamuud Caydiid, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Nasra Maxamuud Caydiid iyo Odaygeeda C/laahi Yey, Raxma Maxamuud Caydiid iyo Odaygeeda Maxamed Yuusuf,  Maxamed Caydiid Cabdi Nuura Aw Jaamac, Shamis Caydiid iyo Faamliga reer Caydiid Cabdi iyo reer Aw Jaamac Xasan, waxay ka tacsiyadaynayaan umadda reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadiisiiba geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynihii Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, shacabka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo