SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 76-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Shalay; Munaasibadda Aaskii Qaran Ee Aan Loo Kala Hadhin Iyo Dareenkii Dadka

“Maalin waa if, maalinna waa aakhiro… maanta iga saamax”

 

Berbera (Haatuf): Alla ha u naxariistee Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland marxuum: Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa shalay lagu aasay magaalada dekedda ah ee Berbera, iyadoo marxuumka xabaashiisa lagu dhinac qabtay qabrigii aabihii marxuum: Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku aasan barxad ku taal meesha la yidhaahdo xerada guutada ee dhinaca Koonfur-galbeed ee magaalada, waxaana jinaasadda marxuumka ka soo qayb-galayboqolaal kun oo qof isaga yimi dhammaan gobolada Somaliland, dad reer-Somaliland ah oo ka yimi debedaha iyo dad kale oo ajnebi ah.

 

Aaska marxuumka waxa looga soo qayb-galaysi ballaadhan oo aan hore loo arag . iyadoo ay  ka qaybgalka jinaasaddaa isugu soo baxeen dadkii ugu tirada badnaa ee taariikhda Somaliland madal isugu yimaadda.

 

Koox weriyayaal ah oo ka tirsan Haatuf ayaa ka qayb-galayaaska marxuum Maxamed x. Ibraahin Cigaal waxayna muuqaalkii yaabka lahaa ee aaska iyo dareenkii dadkii isugu soo baxay ka qaybgalka jinaasadda marxuumka ka diyaariyeen warbixin waana tan warbixintii oo faahfaahsani:

“Ilaa 12km.ayuu garoonka diyaardaha ee magaalada Berbera u jiraa magaalada oo ah dhulka xeebta ku dhereran laakiin salaadii hore intii aanay lib-dhadu soo bixin ayey dad iyo baabuur leexadu isqarisay waxaana gebi-ahaanba ceeryoomay jiidda ballaadhan ee xeebta ah u dhexaysa magaalada iyo Madaarka.

 

Marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal ,madaxweynihii Somaliland wuxuu dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday maalinimadii Jimcaha ee May 3, 2002 , waxayna maamulayaasha dawladda Somaliland maalin ka dib dhimashadii Madaxweynaha ku dhawaaqeen in marxuumka lagu aasi doono magaalada Berbera ,halkas oo la sheegay inuu ku dardaarmay in marka uu dhinto lagu aaso duleedka qabriga aabihii oo ku yaal magaalada Berbera . Sidaa darteed tan iyo markii ay dawladdu ku dhawaaqday in marxuumka lagu aasi doono magaalada Berbera waxa magaalada Berbera ku qulqulayey dadweyne noocwalba leh oo isaga yimi dhammaan gobolada Somaliland iyo debedahaba, taasina waxay keentay in aymagaalada Berbera dhawrkii maalmood ee u dambeeyey dad la ceeryoonto, iyadoo usha cirka loo aanay dhulka u dhacayn, waxa la waayey meel la kala jiifsado, waxa cirka isku shareeray cuntadii iyo biyhii, waxay dadka iyo baabuurtoodu wadhnaayeen banaanada xeebta ku dhereran, taas oo geed iyo gelgelinba la waayey meel la kala qabsado.

 

Waxa la soo dareeray magaalooyinkii Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka hargaysa iyo Burco oo ah labada magaalo ee ugu dhow magaalooyinka waaweyn ayaa la odhan karaa  gebigoodaba waa la soo faaruqiyey .

Ka soo qayb-galka jinaasadda looma kala hadhin yar iyo weyn, rag iyo dumar , duqay iyo dhalinyaro, caruur iyo ciroole, waayeel iyo waxgarad, madax iyo minjo, mucaarad iyo muxaafid, dawlad iyo dadweyne, waxaana jinaasadda dusheeda looga baroor-diiqay ama lagaga qayb-galaydareen isku mid ah.

 

Marka laga yimaado magalooyinka Burco iyo hargaysa oo si aan qiyaas lahayn looga dareeray iyo magaalada oo marti loo ahaa, waxa kale oo iyaguna si laxaad leh uga soo qayb-galaydadka ku dhaqan gobolada Awdal, Sool, Sanaag iyo dadka reer-Somaliland ee ku dhaqan debedaha.         

 

Lagama geyoon karo sheeg-sheegidda dadkii magaca lahaa ee ka soo qayb-galayjinaasadda, waxaana goobtaa isugu yimi dad kala baadey oo aan sannado badan madal ku kulmin, kuwaas oo intooda badan dudmo siyaasadeed ku kala maqnaa, hase yeeshee waxa ka soo qayb-galaydad miisaan leh oo isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameedyo, duqay iyo hogaamiyayaal tira badan oo magac leh, iyadoo la odhan karo nin magac leh oo Somaliland u dhashay kama maqnayan goobta, laakiin   haddii aynu qaarkood xusno waxa dadka ka soo qayb-galayka mid ahaa garaadada beesha sool oo si weyn uga soo qaybgalay, hogaaminayeyna dad tiro badan oo reer sool ah, waxaana Garaaddadaa ka mid ahaa Garaad C/qani Garaad Jaamac, Garaad Ismaaciil Ducaale, Suldaan Siciid, Boqor: Cabdilaahi Dabay iyo xubno kale, iyaga oo madax-dhaqameedka reersool sheegay in ayqaar ka tirsan salaadiintooda uga yimaadeen shaqaaqo. Waxa kale oo gobolka Sool ka yimi rag siyaasiyiin ah iyo rag kale oo ah hogaamiyayaal  magac leh.

 

Sidoo kale, waxa iyaguna si xoog leh uga soo qayb-galayhogaamiyayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal,waxaan ka mid ahaa Ugaas CismaanUgaas Doodi ,Suldaan Ibraahin Jamac Samatar, Suldaan Nuur Axmed, Suldaan Daahir xaddi,Suldaan Muuse goodaad, Chief caaqil: Xasan Daahir Xaddi, SH. Cabdilahi SH: Cali Jawhar, Xaaji Daahir Cilmi, X. Nuur Muxumed Cumar, Chiefcaaqil: Maxamed Ibraahin Riyaale, Caaqil: Maxamed Cabdi Xasan iyo Nabadoon:Ismaaciil Axmed. Sidoo kale, waxa ka soo siyaasiyiin, duqey, iyo waxgarad badan oo reer-Awdal ah.

 

Gobolka ku yaal bariga fog ee Somaliland oo ah gobolka Sanaag ayaa iyana waxa ka yimi ergooyin door ah, waxaana ergada gobolka Sanaag hogaaminayey Suldaan Siciid Suldaan C/salaan oo ah Suldaanka beesha bariga Sanaag (warsangeli).    

Salaadiinta gobolada Togdheer iyo gobolka Hargaysa ayaa iyaguna si laxaad leh uga soo qaybgalay, kuwaas oo aan u kala hadhin, iyadoo ay jinaasadda si door ah uga muuqdeen hurintii salaadiinta ahayd ee la baxay golaha salaadiinta, horena ugu dhawaaqay qabashada shirweyne Qaran.

 

Dhinaca kalena waxa jinaasadda si ballaadhan uga soo qayb-galayhogaamiyayaasha iyo xubnaha ururada mucaaradka ah, iyadoo ay badiba goobta ka muuqanayeen siyaasiyiinta ugu caansan ragga mucaaradka ah iyo weliba kuwa lagu tilmaamo mucaaradka xag-jira, sida: siyaasiga Saleebaan Maxamuud Aadan (saleeban-gaal) oo ah Gudoomiyaha ururka ASAD iyo labadiisa gudoomiye-ku-xigeen C/raxmaan Awcali Faarax iyo Fu’aad Aadan-cadde iyo siyaasiyiin kale oo ururka ASAD ah sida: Maxamed Kaahin Axmed, Aaadan Baxnaan iyo rag kale oo badan, waxa kale oo siyaasiyiinta mucaaradka ka mid ahaa siyaasiga mayalka adag Maxamed Xaashi Cilmi iyo siyaasiyiin kale oo ururka sahan ah sida Maxamed Cabdi Gaboose, Muuse Biixi Cabdi, Cali Maxamed Warran-cadde, iyo xubno kale oo badan.

 

Sidoo waxa aaska ka soo qayb-galaysiyaasiyiinta ururada HORMOOD iyo UCID, waxaana ragga ururada Siyaasadda ee goobta ka muuqday ka mid ahaa Gudoomiyaha ururka HORMOOD Xasan Xaaji Maxamuud iyo Xasan xaydh oo isna ka tirsan ururka UCID.

 

Gudoomiyaha ururka ILAYS-ka Ibraahin Ducaale Saleebaan ayaa isna ka mid ahaa qolyihii debedaha ka yimi ee aaska ka soo qaybgalay, iyadoo ay isla duulimaadyo isdaba joog ah ku yimaadeen kooxo ka mid ah jaaliyadaha dalalka debedaha oo dalka u yimi in ayaaska Madaxweynaha ka qaybgalaan, waxaan ragga duulimaadyadii shalay la socday ka mid ahaa Colaad Ibraahim Yaasiin, Gudoomiyaha shirkadda diyaaradaha Daallo Airline iyo xubno kale.

 

Sidoo kale, waxa isna goobta ka muuqday siyaasiga caanka ah Axmed Maxamed Maxamed (siilaanyo).

 

Waxa kale oo ka soo qayb-galayaaska Madaxweynihii Somaliland wefti ka socda dalka Itoobiya iyo hawl-wadeenno ka tirsan hayadaha samafalka caalamiga ah.

Masuuliyiinta dawladda Somaliland ayaa iyaguna si qiyaas lahayn uga soo qayb-galayaaska sida Golaha Xukuumadda oo uu horkacayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, labada shirgudoon ee golayaasha baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) oo ay kala horkacayaan Mudane Axmed Maxamed Aadan (qaybe) oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada  iyo mudanre SH. Ibraahim SH. Yuusuf oo isna ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida, iyadoo ay  aaska  si laxaad leh uga soo qayb-galeen mudanayaasha labada gole ee Guurtida iyo Golaha wasiirada Somaliland.

 

Abaara 7:15 daqiiqo ayey Madaarka Berbera soo cago-dhigatay diyaaradii siday maydka Madaxweynaha, marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo habeen hore saqdii dhexe ka soo duushay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu Madaxweynuhu ku geeriyooday isaga oo cusbitaal kaga jira.

 

Markii diyaaradii maydka siday albaabka loo balaqay, waxa isha lagu dhuftay xubnihii weheliyey Madaxweynaha sida marwadii marxuumka Kaltuun X: Daahir iyo wasiirada arimaha debedda iyo warfaafinta (Maxamed Siciid Gees iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale) iyo gudoomiyaha baanka dhexe C/raxman Ducaale iyo weliba xubno kale, mar labaadkiina waxa isha lagu dhuftay maydkii Madaxweynaha oo naxash saaran, iyadoo ay goobta joogeen 4 qof oo uu marxuumku dhalay, kuwaas oo kala ah saddex wiil iyo gabadh, magacyadooduna kala yihiin: Axmed, Ibraahim, Cali iyo Ifoon.

 

Tiiraanyada dadku waxay cirka isku shareertay markii dhulka la soo dhigay maydkii Madaxweynaha oo naxash lagu walwaalayo, waxaana maydka diyaaradda ka soo rogay cutub ka tirsan CiidankaQaranka Somaliland, iyadoo goobtii ay salaan maamuus ah ku kala qaateen cutubyo ciidamada Qaranka ah iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo ay weheliso marwadiisa, Marwo: Huda.

 

Ma qarsoonayn dareenka tiiraanyada leh ee ay dadka reer-Somaliland ku qaabileen geerida madaxweynahooda. Haseyeeshee waxa iyaguna dareenka dadka si gaar ah u sii damqayey tiiraanyada iyo oohinta ehliyadda Madaxweynaha, gaar ahaan xaaska iyo caruurta uu ka tegey oo maydka ka dul-ooyayey, waxaana guud ahaan la odhan karaa dareen iyo quluub isku mid ah ayaa lala dul yimi jinaasaddii aaska madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland Marxuum Maxamed X: Ibraahim Cigaal.

Ilaa abaaro 10:00 barqanimo ayey dadku ku gaadheen aaska, qoraxduna waxay ahayd mid aad u daran oo waxa dhacayey hanfi aad u kulul, laakiin ndadki aaska joogay waxaad moodaysay inaanay dareemayn.

 

Inkasta oo ay dhaceen shilal dhawr ah oo ilaa hadda inta la ogyahay keenay dhaawacyo dad iyo khasaare duunyo, haddana marka la eego xaaladdii xadi-dhaafka ahayd ee dadkii iyo gaadiidkii meesha isugu yimi waxa la odhan karaa arimuhu aad bay u sahlanaayeen.

 

Sidoo kale, marka aad eegto sidii ay dadku isu dhexqaadayeen ama is-dul-buuxiyeen, waxa xaaladooda lagu tilmaami karayey muuqaal dhinac fawdo ka ah, dhinaca kalena xaaladoodu waxay ahayd mid iskeed isaga nidaamsan oo aan rabshad iyo qalaanqal lahayn. Hase yaashee dadka qaarkood waxay dhaliilayeen guddigii dawladda ee loo xilsaaray qaban-qaabada aaska Madaxweynaha, kuwaas oo la lahaa xataa waxay keeni-kari waayeen biyo dadka ku fillan, isla markaana la lahaa may samayn agaasinkii loo baahnaa ee hawsha aaska. 

   

Hadii ay jireen rag ay Siyaasadda aad isugu hayeen Madaxweynaha geeriyooday, taasi waxay u muuqatay in ay ku dhamaatay ayaamihii noloshiisa, waxaana dadkii shalay isugu soo baxay ka qayb-galka aaskii Madaxweyne Cigaal hal-ku-dhegoodu ahaa “Illaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo marxuumka,” waxaana markii godka lagu riday kor loogu dhawaaqay Madaxweynaha ha la saamaxo, kadib-na cod aan loo kala hadhin ayaa lala dhawaaqay “waa naga saamax”.

“Shalay waxay ahayd maalin if, maantana waa aakhiro,sidaa darteed waa iga caf iyo musaamax, waxaana leeyahay illaahay naxariistiisii janno haka waraabiyo, ragna maanta ayaa barashadoodu noo bilaabmatay” sidaa waxa yidhi Mudane: Cabdi-farjar oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, kana mid ahaa ragga sida xag-jirnimada ah uga soo horjeeday Madaxweynihii Somaliland.

 

“Madaxweyne Cigaal, waxaan ku xusuusan doonaa nabadgelyada uu dalka ka abuuray” sidaa waxa Xaliimo Cabdi oo ka mid ahayd haweenkii aaska ka soo qaybgalay.

“Madaxweyne Cigaal intuu noolaa ayaa wax naga dhexeeyeen, laakiin maanta mar hadduu dhintay waxaan leeyahay Illaahay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo, cawil khayr qabana ha inaga siiyo” Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah raggii ay Madaxweyne Cigaal sida weyn Siyaasadda isugu hayeen.

“Madaxweyne Cigaal nin jeclaa iyo nin necbaaba iska dhimey, laakiin inta nool ayey talo la gudboon tahay, isagana illaahay naxariitiisa janno haka waraabiyo” Sidaana waxa yidhi nin ka mid ah duqaydii ka soo qaybgashay aaska.

 

Dareemada ku soo jiidanayey ee madasha aaska ka muuqday waxa ka mid ahaa rag badan oo Siyaasadda col ku ahaa, laakiin iska ilaaway xurguftii ayaamo hore u dhexeysay, kadibna ay aragtidoodu ka midaysnayd waxa dhacay iyo duruufta ay dalka ku soo kordhisay geerida naxdinta leh ee ku timi Madaxweynihii Somaliland Marxuum: Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

Arimaha kale ee muuqday waxa ka mid ahaa imaatinka garaadada reer-sool , kuwaas oo aan muddo shan sanno ka badan ka soo xaadirin madal ay somalinad u dhan tahay ,iyadoo la aaminsan yahay in aycadho Siyaasadeed ku maqnaayeen.

Markii lagu warhelay geeridii naxdinta lahayd ee Madaxweynihii Somaliland Marxuum: Maxamed X: Ibraahim Cigaal waxa muuqday werwer, taas oo ay dadku waxoogaa walaac ah ka muujiyeen sida ay xaaladda ku dambayn doonto dhimashada Madaxweynaha kadib.

 

Haseyeeshee marka la eego sidii laxaadka lahayd ee ay dadka reersomaliland isugu soo habarwacdeen ka qaybgalkii jinaasaddii Madaxweynehoodii geeriyooday iyo sidii ay dareenka midaysan uga muujiyeen xaaladdii naxdinta lahayd ee ku soo korodhay waxa la odhan karaa aaskii marxuum: Maxamed X: Ibraahim Cigaal waxa dushiisa ka muuqatay midnimadii ugu shishlayd ee indhowaale ka muuqata dadka reer-Somaliland. Sidaa darteed, marka laga yimaado dareeenka tiiraanyada iyo baroor-diiqda ah ee ka muuqday dadkii reer-Somaliland ee shalay isugu yimi aaskii Marxuum: Maxamed X: Ibraahim Cigaal, waxa kale oo iyana meesha ka muuqday dareen yididiilo leh, waayo isu soo baxii miisaanka lahaa ee ay midnimaduna ka muuqatay, ayaa ahayd arin muujinaysa caqiibada iyo rabitaanka ay dadka reer-Somaliland isu hayaan iyo sida ay u fahamsan yihiin danta weyn ee ka dhexaysa.

 

“Xaaladdani waxay muujinaysaa in waxa dadku isku diidan yahay iyo waxa ay isla ogolyihiin ay boqolkiiba shan iyo sagaashan (95%), badan tahay waxa ay isla ogolyihiin” Sidaa waxa yidhi nin ka mid ah dadkii aaska ka soo qayb-galayoo dareenkiisu muuqaal riyaaq leh ka bixinayo sidii yaabka iyo fillanwaaga ahayd ee ay dadka reer-Somaliland bari iyo galbeedba uga soo qayb-galeen, iyaga oo dareen midaysan ka muujiyey xaaladda ku timi, taas oo lagu micnayn karo geeridii Madaxweyne Cigaal ee laga werwer qabey in aydadka reer-Somaliland ku kala dhaqaaqaan way ba isugu soo urureen, taana waxa u daliil ah sidii culayska badnayd ee isugu yimaadeen baroordiiqdii iyo duugidii marxuum: Maxamed X: Ibraahim Cigaal, Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Illaahay naxariitii janno ha ka waraabiyee.

 

Dawladda Somaliland Oo Beenisay In Ay Wefti Reer Djabuuti Ah U Diiday Ka Qayb-Galka Aaskii Madaxweynihii Geeriyooday

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Cumar Cige (C/laahi-cadde), ayaa sheegay in aanu jirin Wefti ka socda dawladda Djabuuti oo loo diiday in ay ka qayb-galaan aaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland ee geeriyooday, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo shalay lagu aasay magaalada Berbera.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/laahi-cadde oo aanu xalay wax ka weydiinay sababta loo celiyay Wefti la sheegay in ay ka socdeen dawladda Djabuuti oo ka qayb-geli lahaa aaskii Madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday, wuxuu ku celceliyay in aanay jirin wefti ay celiyeen; “Nimankaasi iyagaa iska joogay, anaguna maanaan celin, dad tacsi u socdana cidi ma celiso, markaa ikhtiyaarkooda ayay u joogeen,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in aanu jirin wefti reer Djabuuti ah oo la soo xidhiidhay, isla markaana soo weydiistay in ay tacsida ka soo qayb-galaan.

 

Dhinaca kalena, Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Djabuuti Idiris Xarbi, ayaa Wareysi uu siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da shalay ku sheegay, in isaga iyo wefti uu hogaaminayay oo ka socday Baarlamaanka Djabuuti laga celiyay diyaaradii ay saaraayeen Madaarka Berbera, markii 7-miridh uga hadhsanaayeen in ay fadhiisato. Idiris Xarbi, isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi:

 

 “Waxa weeye waa tii geeridu dhacday ee Madaxweynihii Maxamed Ibraahim Cigaal oo Siyaasadda Gobolkan, ilaa qarnigii dhammaaday ku soo jiray oo hawlo badan gobonimo-doonkii ka soo qabtay uu geeriyooday. Markaa taasi aad bay noo xannuunjisay haddaanu reer Djabuuti nahay, markaa Djabuuti baan ka tagnay si aan Berbera aaska uga qayb-galo, sababtuna waxa weeye anagu Somaliland dal aanu xuduud wadaagno uun maahee, waa dal aanu wax badan wadaagno, markaa waan isku damqanay halkaa in aan tago ayay ahayd oo aan ka qayb-galno aaska, anigoo wefti weyn wata, haddana diyaaradii markay 7-daqiiqo ka hadhsanayd in ay fadhiisato, war ayaa nala siiyay la leeyahay, diyaarad Djabuuti ka timi iyo weftiguba ma fadhiisan karaan, mana dhici karto in ay soo fadhiistaan, sidaa darteed waxay nagu khasabtay in aan Djabuuti ku noqono.”

 

Idiris Xarbi, mar la weydiiyay in ay ka hor la xidhiidheen oo u sheegeen imaatinkooda iyo in kale, wuxuu sheegay in ay soo war-geliyeen Xukuumadda Somaliland imaatinkooda. Hase yeeshee Idiris Xarbi, wuxuu intaa daba-dhigay oo uu yidhi; “Hore waanu isu sii sheegnay, waxa kale oon kuu sheegayaa degmadayadan aan deganahay wakhtigan la joogo, dhulku ma kala xidh-xidhna ee ninba magaalada uu doono ayuu tagaa, halkaasaa laga ogaadaa ee maaha sidii waagii gumaysiga ee la odhanayay sii qaado waraaqo oo sii shaanbadayso, tanina geeribay weliba ahayd, anaguna wakhti qadhaadh oo aanay walaaluhu kala maqnaan karin, ayaanu u arkaynay.”

 

Wefti Reer Muqdisho Ah Oo U Yimi Ka-Qayb-Galka Aaskii Marxuum Madaxweyne Cigaal

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti 18-xubnood ah oo ka yimid Muqdisho, ayaa shalay soo gaadhay Hargeysa, si ay uga qayb-galaan aaska Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, tacsina u soo gaadhsiiyaan Shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland.

 

Weftigan oo ku soo digay Hutelka Hargeysa Club oo aanu xalay la kulanay, wuxuu afhayeen u hadlay oo la yidhaahdo Faarax Cii Gaad sheegay in ay ka kooban yihiin Madax-dhaqameedyo, Odayaal iyo Waxgarad kala duwan, ayna Somaliland u yimaadeen ka-qayb-galka Aaska Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo in ay Tacsi soo gaadhsiiyaan Shacbiga iyo Xukuumaddaba, waxaanu intaa ku daray in aanay wax Siyaasad ah u soconin, isaga oo ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah oo intaa dhaafsiisan ka bixiyo socdaalkooda. Balse Faarax, waxa uu carabaabay in ay faahfaahin intan ka ballaadhan bixin doonaan marka ay la kulmaan Madaxda Dawladda Somaliland, maantana ay Shir-jaraa’id qabanayaan, kadibna ay isla maanta 11-ka ka ambabixi doonaan dalka, iyaga oo ku laabanaya Muqdisho.

 

Dagaal Culus Ka Dhacay Puntland

 

Garoowe (Haatuf): Dagaal qadhaadh oo la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka, ayaa maalintii shalay ka dhex-dilaacay Ciidamo kala taageersan Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Jaamac Cali Jaamac oo isku haya Madaxtinimada Dawlad-Goboleedka Puntland.

 

Dagaalkan oo labada Ciidan ku dhexmaray Tuulada la yidhaahdo Xaaji Khayr oo magaalada Qardho 60km ka xigta dhinaca Caasimadda Maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe, waxaa la sheegay in ay labada dhinac isugu adeegsadeen hubka cul-culus iyo ka fudud-ba, waxaana ka dhashay dagaalkaa khasaare ballaadhan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, balse ilaa hadda lama sheegin inta ay le’eg tahay.

 

Dagaalkani, waxa uu ka dambeeyay kadib markii ay labada nin ee is-hayaa, muddaba isku hub urursanayeen, waxaana la sheegay in ay labada Ciidan ee kala taageersan ee dagaalkana ka qayb-qaadanayaan ay gaadhayaan ilaa 2000 oo askari oo hubkoodii wata.

 

Wararkii u dambeeyay ee xalay soo baxayna, waxay sheegeen inuu dagaalku u durkay dhinaca magaalada Qardho, uuna gabalku isugu dhacay labada Ciidan tuulo Qardho 30km u jirta.

Waxaa hore u fashilmay dhaqdhaqaaqyo lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac, kii ugu dambeeyayna ay isku dayday dawladda Itoobiya, balse kumay guulaysan in ay heshiisiiso labada dhinac ee is-haya.

 

“Shaki La’aan Wuxuu Ka Mid Ahaa Hoggaamiye-Dawladeedyada Ugu Waaweyn Afrika”

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya

 

Berbera (Haatuf): Wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hogaaminayay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda dalkaas, Mr. Tekeda Alemu ayaa shalay ka qayb-galay Aaskii Qaran ee Madaxweynihii Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ka dhacay magaalada Berbera.

 

Weftiga Mr. Alemu oo ka wakiil ahaa Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo dawladda Federaalka Itoobiya, waxa diyaarad khaas ah oo uu watay kaga soo degay garoonka diyaaradaha ee Berbera galabnimadii Axadii dorraad, iyadoo uu weheliyay Wakiilka Somaliland u fadhiya Addis Ababa, C/laahi Askar Barkhad, waxana weftigu dib ugu noqday duhurkii, kadib markii Aasku dhacay.

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Tekeda Alemu oo goobtaa Munaasibadda Aaska Qaran ka dhacay ugu waramay Weriyayaal ka kala socday Saxaafadda Caalamka iyo tan Waddaniga ah oo ka qayb-galay aaska, waxa uu sheegay ka sokow xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya in arrinta soo jiidatay ee ay dawladda Itoobiya u bogtey ay tahay, go’aankii ay qaadatay dawladda Somaliland markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee xilka Madaxweyne-nimada loogu dhaariyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Mudane Daahir Riyaal Kaahin, isla maalintii Jimcihii oo ahayd markii Maxdaxweynihii hore geeriyooday.

 

“Waxa noo muuqanayay saddexdii maalmood ee tegay, tan iyo markii Madaxweyne Cigaal geeriyooday, waa Xukunkii Somaliland oo loola kala wareegay si quman oo habsami ah,” ayuu yidhi Dr. Alema.

“Waxa aanu aragnay in Somaliland ay leedahay haykal dawladeed oo adag, waxqabadna leh,” ayuu raaciyay Dr. Alemu, waxana uu sheegay in tani ay cashar ama cibro u tahay dadka mandaqadda iyo guud ahaan dadka Afrika; “Annagu, haddaanu Itoobiya nahay, waxaanu arrintan u qaadanay si aad iyo aad u ddddweyn. Waayo, nabadda iyo xasiloonida Somaliland gaadhay 11-kii sannadood ee tegay, waa mid ilaa xad muhiim noo ah, Itoobiya u ah iyo weliba siday ila tahay mandaqadda oo dhan,” ayuu yidhi Dr. Alemu.

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Alemu, waxa uu ku tilmaamay waxqabadkaas iyo horumarkaas, dhaxal uu Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal uga tegay ummadda Somaliland.

“Isaga (Marxuum Cigaal) iyo colkiisii la shaqaynayay, waxay sameeyeen waxqabad taariikhi ah,” ayuu yidhi Alemu, waxana uu rajeeyay dadka reer Somaliland in ay ilaashadaan waxqabadkaas, isaga oo yidhi: “Waxaanu rajaynaynaa in waxqabadka la ilaalin doono, la naaxin doono oo la kobciyo iyo in dadka Somaliland ay sii wadi doonaan in ay muujiyaan qaraarkooda lama huraanka ah iyo siday uga go’an tahay in ay ilaashadaan oo ay xejistaan nabadooda iyo xasiloonidooda, taas oo muhiim u ah, iyaga uun maahee mandaqadda oo dhan. Tani waa ta aanu u eegayno Madaxweyne Cigaal iyo waxqabadkiisii.”

 

Dr. Alemu, waxa uu intaa ku daray inuu ka xun yahay sida nay beesha Caalamku aqoonsiga u gala masuugtay Somaliland, isla markaana ay indhaha uga lalisay waxa ay qabsatay Somaliland oo uu sheegay in aan la siin tixgelintii ay mudnayd.

“Waynu naqaannaa waxa ay natiijadu noqoto marka ay dawladi burburto,” ayuu yidhi Dr. Alemu, waxana uu raaciyay; “Sidaa daraadeed, waxqabadka taariikhiga ah, kaas oo aynu maanta arkayno xaqiiqadiisa, waxaan u arkaa in la siiyo ahmiyadda uu leeyahay.”

 

Dr. Tekeda Alemu, isaga oo ka hadlaya Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Cigaal, waxa uu sheegay inuu ahaa tiir ka dhex-muuqanayay Siyaasadda Afrika Kontonkii sannadood ee tegay. Muddadaasna si firfircoon ugu jiray Siyaasadda Soomaaliya iyo tan Afrika.

“Shaki la’aan, wuxuu ka mid ahaa Hogaamiye-dawladeedyada ugu waaweyn Afrika,” ayuu yidhi Alemu, isaga oo sifaynaya Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Sidoo kale, waxa uu yidhi; “Shaki kuma jiro inuu ahaa ka ugu horreeya hoggaamiyayaasha dawladaha Mandaqadeena, waxqabadkiisiina waxaynu maanta ka aragnaa halkan, Somaliland.”

 

Waxaana uu ku soo ururiyay Dr. Alemu hadalkiisa in qofkasta oo arka dareenka laga bixiyay geerida Madaweynihii Cigaal, aanay dafiri karin sida dadka Somaliland ay uga go’an tahay in ay ilaashadaan nabadda iyo xasiloonida.

 

Gabay Tacsiyeed

Abwaan Axmed Maxamed Nuur-dhako

 

Warka sida jantaha iyo madfaca jibinta aan moodnay,

Ee shalay dalkaba jiidhay ee jeex kastaba gaadhay,

Jariidaadku goortay qoreen amase joornaalku,

Judhii ay maqleen bay dadkii wada jareeyeene,

Nin waliba halkii uu ku jiray jaw ka soo yidhiye,

Jariiradda iyo oohintiyo jiibta iyo taaha,

Iyo qaar iyaga oo aan jug qabin juuqba laga waayay,

Badhna jiifka aamine wadnaha jararacdiisiiye,

Mooraalka jiifsaday iyaga oo cagaha jiidaya,

Jawigoo beddelan bay dadkii jidadka buuxsheene,

Allahayow jannee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,

Heduse way jirtaye geeriyaha midiba waa jaade,

Haddii ruux jacayl loo qabaa dunida joogaayo,

Oo malag arwaax uu jar yidhi jamasho ay baajin,

Jaliilkeenu kuu soo diray ayaa iilka jiifsadaye,

Ambiyaalihii lama jareen jawharta ahayde,

Dhammaanteen jidkaa geeridaa jaa’is loo yahaye,

Ninba inuu jiraba waa mid aan laga jawaabayne,

Jibaadkiyo baroor maatadaa jawda damin weyday,

Jagaduu banneeyay ilmada jagac ka siiyeene,

Allahayow janee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,

Jeedaalo goortaan ku dayo jabadkii aan aallay,

Ee uu jarmaadiyo kallaho igaga soo jiiday,

Jidkii uu dadweynaha la maray jaranjartii dawga,

Jilbis iyo abees iyo wuxuu halaq la soo jiidhay,

Jiidh debecsanaantuu bulshada kula hejaan-qaaday,

Uu kala jihaynaayay iyo nabad jacalkiisii,

Jambaynkii iyo hoguu kala bixiyo jar iyo laalaadka,

Haddii aan distoor jirin dadyahow tala majoogteene,

Jidkuu sii banneeyay anfacay maamulkoo jiray,

Markuu tiirar aan naga jabayn jooji yuu tegaye,

Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa,

Jisaskii Qur’aanka oo dhan lagu jaan-gooyo,

Jaliilkaan baryanaa inuu naga ajiibaaye,

Jirabkiyo ciqaabtiyo raboow jaynafkiyo oonka,

Jahanama kuwaa lagu guray ee jixijix loo diiday,

Ilaahay kuwaa jabay adiga kulama soo joojo,

Jamhuuriyadda Somaliland shacab wixii jooga,

Ubadkaaga kuu jeelan iyo jaanka ahalkaaga,

Iyana samiir jamiilbay naftii ugu jawaabeene,

Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Valencia oo ku guulaysatay horyaalkii shanaad ee Spanish-ka

 

Madrid (AP) - Kooxda Valencia ayaa hantiday horyaalka Isbaanishka, markii ugu horraysay muddo 31 sannadood ah, kadib markii kulankii Axaddi 2-0 kaga badisay naadiga Malaga.

 

Daqiiqaddii 35aad ayuu goolka hore u dhaliyay ciyaarahanka reer Argentina Roberto Ayala, daqiiqaddi 44aad waxaa goolka labaad raaciyay xiddiga reer Brazil ee Fabio Aurelio, sidaana waxay kula galbatay horyaalkii shanaad ee ay taariikhda qaaday.

Valencia, koobkii ugu horreeyay ee ay qaadatay wuxuu ahaa sannadkii 1971, waqtigaas oo kooxda uu gacanta ku hayay ciyaaryahankii hore ee Real Madrid Alfredo Di Stefano. Horyaalada kalena waxay qaadatay sannadihuii 1942, 1944, iyo 1947.

 

Iyada oo hal kulan ka hadhsan yahay ciyaaraha Isbaanishka ayay kooxda uu gacanta ku hayo Rafa Benitez haysataa 72 dhibcood, sidaana waxay lix dhibcood kaga horraysaa Real Madrid, oo ay barbaro 0-0 galeen Mallorca, oo ay isku heleen ciyaar ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.

 

Valencia, waxay ku guul-daraysatay labadii koob ee ugu dambeeyay horyaalada Yurub, markii ay kaga adkaadeen Real Madrid oo 3-0 ku dhaaftay sannadkii 2000, iyo Bayern Munich oo rigoorayaal kaga qaaday sannadkii ugu dambeeyay.

Tabobaraha kooxda Real Madrid Vicente Del Bosque, oo hunguri ka hayay horyaalka kahor kulankii Axaddii ayaa u hibeeyay guusha Valencia gaadhay. “Waxaan ugu hambalyaynayaa Valencia horyaalka ay ku guulaysatay,” ayuu yidhi Del Bosque.

 

Inkasta oo roobab da’ayeen, haddana sida wararku sheegayaan ilaa (50,000) oo taageerayaasha kooxda ah ayaa markii ciyaartu dhammaatay cado-lool ka bilaabay afaafka garoonka Mestalla, halkaas oo ay habeenkii oo dhan ku dabbaal-degayeen.

“Kani, waa arrinka ugu fiican ee uu ku kaco ciyaartoyga kubadda cagtu,” sidaa waxa yidhi ciyaartoyga caalamiga ah ee Valancia.

Kooxda Valencia, waxaa la dhisay sannadkii 1919, garoonkeeda oo lagu magacaabo Masttella Stadium, waxaa la dhisay sannadkii 1923, wuxuu qaadaa (53,000) oo qof.

Guddoomiyaha Valencia, waa Jaime Orti, tabobaraha hadda laylyaana waa Rafa Benitez.

 

Naanaysta kooxdu waa “El equipo che “the ches”), midabka dirayska kooxdu waa funnaanad cad iyo surwaal madow.

Horyaalka dalka, waxay qaadatay shan goor oo kala ah; (1942, 1944, 1947, 1971, 2002). Koobka dalka (King Cup) waxay ku guulaysatay lix goor oo kala ah; (1941, 1949, 1954, 1967, 1979 iyo 1999).

 

Koobabka kale ee ay qaadatay waxaa ka mid ah koobka loo yaqaan Cup Winners Cup. Sannadkii 1980 (oo ay Rigoorayaal kaga qaaday Arsenal).

Koobka Fairs Cup (2) goor oo kala ah (1962, 1963) oo ka kala qaaday kooxaha (Barcelona iyo Dynamo Zagreb).

Koobka Yurub ee Super Cup, waxay ku guulaysatay sannadkii 1980, waxayna ka badisay kooxda Ingiriiska ah ee (Nottingham Forest).

Koobka Isbaanishka ee loo yaqaano Super Cup, waxay ku guulaysatay sannadkii 1999, oo ay ka fara-maroorisay Barcelona.

 

Koobka horyaalada Yurub, weligeed kummay guulaysan, balse waxay ciyaarta kama-dambaysta u soo baxday sannadihii 2000-2001.

Ciyaartoyga ugu muddada dheeraa ee Valencia u saftaa waa Fernando Gomez, wuxuuna u ciyaaray (434) kulan.

Ciyaaryahankii ugu gool-dhalinta badnaa ee soo mara waxa la odhan jiray Eduardo Saurez (Mundo), wuxuu dhaliyay 191 gool, wuxuuna u ciyaaray Valencia 208 kulan oo ciyaaraha heerka koowaad ah.

 

Ciyaartoyga ugu qaalisan waa Paplo Aimar, oo ay River Plate kaga soo iibsadeen 20 milyan oo dollar bishii January 2001.

Tabobaraha Valencia Rafa Benitez, ayaa si weyn u ammaanay ciyaartoygiisa markii ay Axaddii xalaalaysteen horyaalka dalka oo 31 sannadood ay ka oomanaayeen. “Waan ogaa in horu-socodku muhiimad noolahaa, ciyaartoygayguna uu ku dhaqaaqayo kulanka gurigayaga,” ayuu yidhi Rafa.

 

Sanadkii tegay wuxu ahaa kii kooxda ugu murugada badnaa ee soo mara, waayo kulankii ugu dambeeyay ee horyaalada Yurub ayay Bayern Munich rigoorayaal kaga qaaday. Sidoo kale, kabtankii kooxda Gaizka Mendieta, ayaa uga wareegay Lazio, waxay ahayd kaalin tabasho badan, waayo ma jirin cid khadka dhexda ugu diyaarsanayd, hakla uu tabobarihii Argentina ahaa ee Hector Cuper, oo ahaa ninkii ugu awooda badnaa kubadda Yurub uu isna uga diga-rogtay dhinaca Inter Milan.

 

Rafa Benitez, markii uu la wareegay ayay kooxdu muujisay siday diyaarka ugu tahay hanashada horyaalka. Waxay ku bilowday inay 1-0 kaga badiso Real Madrid, kadibna aan markeliya laga adkaan 13 kulan oo isku xiga. Laba guul-darro oo bishii January debedda kaga dhacay ciyaarihii ay la yeelatay Real Madrid iyo Villarreal, ayaa ku keenay inay dib ugu dhacdo kaalinta toddobaad, balse hadda way ka soo kabatay.

 

Kulamadii kalena waxay ku u dhaceen sidan:

Deportivo 3 - Real Betis 0

R. Zaragoza 1 - Villarreal 2.

 

 

 

 

“Kooxdii Ugu Fiicnayd Ma Guulaysan”

Hector Cuper Tabobaraha Inter.

 

Tabobaraha iyo Guddoomiyaha kooxda Inter Hector Cuper iyo Massimo Morratti, ayaa sharaxay cadhada iyo niyad-jabka ay ka qaadeen markii ay seegeen horyaalka ciyaartii ugu dambaysay.

 

Tabobare Cuper oo ugu horrayntii ka hadlay wixii dhacay markii Lazio 4-2 kaga adkaatay ayaa dhabar-jab ku macneeyay dhacdadaa, wuxuuna intaa ku daray inay boog-jidhkiisa ku noqotay. Tabobaraha reer Argentine, wuxuu guul-darradii ku habsatay ku macneeyay mid laga yaq-yaqsoodo. “Ma doonayo inaan mid-mid uga hadlo ciyaartoyga. Waa wax laga yax-yaxo luminta fursad mudan oo taageerayaasha Inter farxad weyn u noqon lahayd,” ayuu yidhi Cuper.

 

Inter waxay xaga sare ku jirtay min bilow ilaa dhammaad, hase yeeshee Juventus, oo ku guulaysatay horyaalkii 26aad, ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay xawaare ku dhaaftay. Tabobare Cuper, oo arrintaa ku dheeraaday wuxuu yidhi; “Ma garanayo haddii kooxdu ugu fiicnayd guulaysatay. Waxaanu kala kulanay ciyaar adag kooxda Roma ka dhisan oo u danaysay Juventus.”

Hector Cuper, tabobaraha xarfadaynta badani, wuxuu ku soo caan-baxay markii uu saddex goor oo xidhiidh ah gaadhay kama dambaysta koobabka Yurub, balse dhammaantood uu ku guul-darraystay.

 

Xilligan oo ah kii ugu horreeyay ee kooxda uu ku soo biiray, wuxuu soo gaadhsiiyay meel fiican, balse isaga uma cuntamin fursadda kooxdu baylihisay saacaddii ugu dambaysay.

“Waqtigii nasashada intii lagu jiray waxa keliya oo aan weydiiyay inay difaacdaan, haddii ay lumiyeen hoggaamintoodii.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha kooxda Massimo Moratti, ayaa isna walaac ka muujiyay dhacdadii Axaddii ee Olympic Staduim. “Qaybtii labaad waxay ahayd mid niyad-jab badan. Waxaa naga lumay wixii aanu sannadka dhan u halgamaynay,” ayuu yidhi Moratti.

 

Moratti, wuxuu sheegay in kooxda Lazio ku mitinday Inter, balse koxihii kale sii daayeen kuwii ay la tartamayeen. “Keliya waxaan filaayay in Lazio lafaheeda u guulaysato, laakiin fursaddii waxay naga siisay Juventus, mana ogi in kooxdii fiicnayd guulaysatay, waayo markasta aad baanu isugu dhaweyn,” ayuu yidhi mulkiilaha kooxda Inter.

“Waan ka xumahay, waxa ku dhacay ciyaartoygayaga iyo taageerayaashooda,” ayuu raaciyay.

 

Dhinaca kalena, weeraryahanka Inter Milan ee Ronaldo ayaa waxaan la rumaysan karin ku tilmaamay sida loo hareereeyay horyaalkii.

Kooxda Milan ka dhisani waxay ku ciirtay kaalinta saddexaad, kadib markii ay ka badisay Lazio oo Juventus u oggolaatay guusha, Roma oo badisayna kaalinta labaad ka riixatay.

 

Ronaldo, wuxuu muujiyay sida uu uga calool-xumaaday wadhidii ka raacday garoonkii uu horena ugu dhaawacmay, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Niyad-jabku wuxuu mujiyay inuu noloshayda la rafiiq noqday. Olympic Stadium, maaha mid ila bili ah, runtii waxaan filayay inan iskaga dhayo doogtii iga gaadhay dhaawacii ruuga iga haleelay, laakiin wuu igu sii ballaadhiyay.”