SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 77-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Dawladda Maraykanka Oo Somaliland Ku Bogaadisay Caleemo-Saarka Hogaanka Cusub

 

Washington (AFP): - Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Dawladda Somaliland u soo dirtay dhambaal ay kaga tacsiyeynayso geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal oo Isniintii lagu aasay Magaalada Berbera, kadib markii uu jimcihii ku geeryoodey cusbitaal Milateri oo dalka Koonfur Afrika ah.

 

Sida ay soo werisey Wakaaladda Wararka Faransiiska (AFP) waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanku waxa kale oo ay dhambaalkeeda tacsida ku sheegtay inay ku qanacsan tahay sida hanaansan ee dhakhsaha iyo dimoqraadiyadda ah ee xukunka loo kala wareejiyay kadib geeridii Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal.

 

Xilka Madaxweynenimada Somaliland ayaa si lama filaan ah oo deg-deg ah loogu dhaariyey Madaxweyne-kuxigeenkii hore mudane Daahir Riyaale Kaahin, isla maalintii Jimcihii ee uu geeryoodey Madaxweynihii hore, taas oo aan wax muran ahi ka dhalan.

Dawladda Itoobiya, ayaa sidoo kale muujisay inay aad ula dhacday sida hannaansan ee xukunka loo kala wareejiyay.

 

Dad badan oo ay ku jiraan kuwa beesha Caalamka ee lagu tilmaamo inay ku xeel-dheer yihiin arrimaha gobolka ayaa saadaaliyey in fawdo iyo loollan awoodeed oo ba’ani ka aloosmi doonto Somaliland, kadib markii la maqlay geerida Madaxweynihii hore.

 

Sidee Buu Noqday Jewiga Magaalada Berbera Kadib Culayskii Aaska

C/raxmaan X.Daahir (Casaan)

 

Berbera -- Magaalada yar ee Berbera oo la ceeryoontay labadii Maalmood ee u dambeeyey tobanaan kun oo qof iyo gaadiid aad u fara badan oo ka qaybgelayey aaskii Qaran ee Madaxweynihii hore ee Somaliland, isla markaana Isniintii doraad dhammaanba adeegyada guud iyo kuwa gaarka ahba loo joojiyey aaska oo ay magaalada oo dhami mashquul ku ahayd ayaa shalay hawluhu caadigoodii ku soo noqdeen, si caadi ahna hawluhu dib ugu bilaabmeen. Iyada oo ay meelo dhawr ah ka socoto tacsida, qur’aan Akhriska iyo baroordiiqdu.

 

Dadka reer Berbera todobaadka intiisa badan ku hawlahaa dejinta, qaabilaadda martidii ku soo qulqulaysey iyo u diyaargarowga aaskii Qaran ee Madaxweynihii hore ayaa shalay subax la soo toosay jawi cusub oo lagu tilmaami karo in magaalada uu ka qaaday roob jir ah oo hayey 48-dii saacadood ee shalay ka horreysey, kadib markii uu ka dhacay culayska aaskii qaran ee Madaxweynihii hore, isla markaana galabnimadii Isniintii iyo habeenkii Salaasadu soo gelayseyna ay ka noqdeen dadkii martida ahaa, iyadoo dadkii iyagu tabaabushaha ku iman ee habaqlaha ahaa oo u badnaa dumar iyo caruurna dib loogu daabulay gaadiid waaweyn oo maamulku u kireeyey.

 

Maqaayadaha Bunka iyo Barraadka (Shaaha) laga cabbo ayaa subaxnimadii shalay subax ay isugu yimaaddeen dad badan oo reer Berbera oo ka soo kabtay qardadii iyo daalkii hawsha, kuwaas oo is-weydaarsanayey kaftan goo-goos ah oo xidhnaa dhawrkii maalmood ee ka dambeysey geeridii Madaxweynaha. Waxa kale oo bilawday faallootan iyo falanqayn ku saabsan aayaha Somaliland iyo qofka xiga ee xukunka qaban doona ama ku haboon inuu qabto.

 

“Waa in shuruudaha lagu dooranayo Madaxweynaha cusub la inoogu daraa in marka uu dhinto lagu aaso Berbera oo weliba lagu ag aaso Madaxweynihii hore..” sidaa waxa yidhi Aar Guruxeed oo ah Oday kaftanka “jaa-jaalaha” loo yaqaano ku caan baxay oo reer Berbera ah, taas oo aan filayo in uu uga jeedey in Berbera xaq loo siiyo aaska Madaxweynayaasha Somaliland.

Nin kale oo oday ah ayaa isaguna ku tilmaamay ducada iyo Qur’aanka ka baxayey cod-baahiyayaasha waaweyn iyo sameecadaha baabuurta magaalada uu u malaynayo in Berbera oo dhan dembigeeda la maydhay.

 

Dhinaca kale, dekedda oo xidhnay Isniintii, maalmihii ka horreeyeyna shaqadeedu aad u yarayd, ayaa shalay xafiisyadeeda dib loo furay, shaqaduna dib uga bilaabantay si xawli ah. Waxaana shalay subax ku soo xidhay Markab weyn oo Bangaali ah (MV SKUT) oo sida 14,000 oo tan oo ay wada leeyihiin labada ganacsade ee X. Cabdi Indha-deero iyo Baxsane. Waxa iyaguna shalay subax dekedda ku jirey gaadiid sidey Hargo dibadda loo dhoofinayo oo koonteenarro lagu cabaynayey.

Maxkamadda Gobolka ayaa iyana shalay shaqadeeda ku bilawday waaran ay xabsiga ugu dirtay eedaysane Maxamed Dalab X. Muuse oo la sheegay inuu toorey qudha kaga jaray walaalkii Marxuum Axmed Dalab X. Muuse oo uu ku diley magaalada Sheekh Isniintii (6/5/2002). Waxa la sheegay in eedaysanuhu toorreyda ku dhuftay marxuumka ay walaalaha ahaayeen markii uu laba Minjood oo Jaad ah marxuumku ka qaaday eedaysanaha.

 

Waxa kale oo ay Maxkamadda shalay la hor keenay laba haween ah oo lagu soo eedeyey inay si tuugo ah magaalada Berbera u soo geliyeen maandooriyaha Xashiishadda loo yaqaan. Kuwaas oo ay maxkamaddu rummaan ahaan ugu dirtay Xabsiga Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, waxa weli magaalada loo fadhiyaa tacsida, ducada iyo qur’aan akhriska Madaxweyihii geeryoodey oo ka socota Guriga Martida ee Bebera, halkaas oo maamulka degmada iyo gobolku isugu keeneen dhammaanba culimadii magaalada. Dhawr guri oo kale oo uu ka mid yahay guriga Madaxtooyada ee Marxuumka saldhigga u ahaa marka uu tago Berbera iyo dhawr guri oo kale oo ay leeyihiin eheladii uu ka tegey Marxuumku ayaa sidoo kale tacsida loo fadhiyaa. Laakiin reer Berbera waxay u jeesteen shaqooyinkii caadiga ahaa. Doodaha iyo kaftanka maanta bilaabmay shalay-na, waa kuwo sii socon doona.

 

“Madaxda Somaliland Waanu Wada-Hadalnay In Dib La Isugu Noqdaana Waxay Ku Xidhan Tahay Dadka Soomaaliyeed”

Waraysi - Xuseen Xaaji Bood (Siyaasi reer Muqdisho ah)

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti 18 xubnood ah oo isugu jira siyaasiyiin, hogaamiye-dhaqameedyo iyo odayaal kale oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ee koonfurta Soomaaliya, ayaa isniintii doraad socdaal ku yimi caasumadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna sheegeen inay ujeedada socdaalkoodu ku saabsan tahay sidii ay uga qaybgeli lahaayeen tacsida geeridii madaxweynihii Somaliland Marxuum: Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo isniintii doraad lagu aasay magaalada Berbera.

 

Haseyeeshee weftigaasi, Inkasta oo ay sheegeen inay Somaliland u yimaadeen ka qaybgalka tacsida Marxuum: Maxamed X. Ibraahim Cigaal, haddana waxay kulamo Siyaasadeed la yeesheen Madaxda sare ee dawladda somalilnad sida Madaxweynaha Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo shirgudoonnada labada gole ee baarlamaanka, iyadoo ay weftigaasi u muuqdaan koox miisaan leh ayna ka mid yihiin rag magac leh oo ka mid ah siyaasiyiinta somalliya.

 

Hadaba si aanu tafaasiil dheeraad ah uga helo ujeedada socdaalka weftigaa iyo waxyaalihii ay Madaxda Somaliland ka wada hadleen-ba waxaanu waraysi la yeelanay Xuseen Xaaji Bood oo ka mid ah siyaasiyyiinta somaliya, waqtigan xaadirka ahna si weyn uga dhexmuuqda loolanka Siyaasadeed ee ka ooggan koonfurta somaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee ay sida weyn ugu hirdamaan kooxaha Siyaasadda ee kala duwani, wuxuuna waraysgaasi u dhacay sidan:

S: Maxay ahayd ujeedada socdaalkiinu?

J: Waxaanu nahay odayaal Soomaaliyeed, halkana (Somaliland) waxaanu u nimi inaanu ka qaybgalno tacsida Madaxweynihii dhintay Marxuum: Maxamed X: Ibraahim Cigaal oo ahaa oday Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa nin taariikh dheer ku leh dalka oo wax badan hore ugu soo qabtay, haddana halkan (Somaliland) ka qabtay wax loo aayo, waana meesha keliya ee ay nabadi ka jirto dhulka Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu ahaa Nin aanu anagu aqoon gaar ah u lahayn, waayo waxaanu ahayn dad waqtiyadiisii shaqayn jiray siyaasad ahaan iyo maamul ahaan-ba, markaa waxaanu u nimi tacsidiisa. Laakiin, markii aanu nimi waxaanu la kulanay Madaxda Somaliland, sida Madaxweynaha iyo labada gole ee Guurtida iyo wakiilada, kuwaas oo aanu la yeelnay shirar waqti dheer socday, aad baana naloo soo dhoweeyey, aad baanuna ugu diirsanay walaaltinimadii naloo muujiyey, waanuna u mahad-celinaynaa dawladda iyo shacbi-weynahaba.

S: Maxaad ka wada hadasheen Madaxda aad la kulanteen?

J: Waxaanu ka wada hadalnay danaha ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan sidii wax looga qaban lahaa arimaha konfurta Soomaaliya oo ay dhibaatada ugu weyni maanta ka taagan tahay, iyadoo aanu u hambalyeynayno nabadgelyada ay Madaxda iyo Shacbiga oo is-kaashanaya, halkan (Somaliland) ka sugeen, taas oo uu shacbigu masuuliyad muujiyay, waayo haddii aanu shacbigu raali ka ahayn nabadgelyada lama sugi kareen. Madaxdii aanu la kulanayna aad baanu isu af-garanay anaga oo rajaynayna in si wada-jir ah loogu dedaalo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya.

S: Imaatinkiinu, miyaanu ahayn in aad tacsida ka qayb-gashaan oo keliya, mise waxyaalo kale ayaa idiin weheliyay?

J: Runtii, anagu markii hore Tacsidaa mooyee wax kale umaanu iman, laakiin talo way kaa hoos dhallan kartaa, maxaa yeelay dad baanu u nimid walaalahayo ah, dabadeedna waxaanu isla garanay in iyada oo aan wax la is odhan in aan lagu kala tegin meesha.

S: Soomaalida maanta way kala duruufo iyo xaaladda duwan yihiin, markaa idinka iyo Madaxda Somaliland qaab noocee ah ayaad uga wada-hadasheen arrimaha Soomaaliyeed?

J: Waxyaalaha aanu ka wada-hadalnay waxa ka mid ahaa, masalan dhinacan (Somaliland), waxaanu ka wada-hadalnay nabadda ay sugeen iyo Maamulka ka jira, dhinaca Koonfurta Soomaaliyana waxaanu ka wada-hadalnay dhibaatada ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa.

S: Somaliland 1991-kii ayay ku dhawaaqday in ay tahay dal madaxbannaan, idinku taa ma yiqiinsan tihiin?

J: Yiqiinsi iyo yiqiinsi la’aan Somaliland waa wax jira, waa Maamul jira, laakiin waxaa jiritaankoodu khatar ku jiraa Soomaalida intii kale oo dhan, markaa taa ayaanu leenahay waar sidee wax uga qabanaa. Anaga arrinta Soomaaliyeed dhammaanteed waa na khusaysaa, ha noqoto dawladda Somaliland ama ha noqoto Soomaalida kale, oo xataa haddii aynu dawladdo kala yeelano, ma kala maarmayno oo waxbaa inaga dhexeeya.

S: Shirka Nayroobi lagu qabanayo ee nabadaynta Soomaaliya, bal ka warama?

J: Weli kamaanu talo-bixin shirka Nayroobi, laakiin waxaan ku odhan karaa Shirka Nayroobi ma aha shir aanu anagu ikhtiyaar u leenahay, waxa qaban-qaabiyay dawlado shisheeye, dawladaha qaban-qaabiyayna waxaa muuqata in aanay muwaafaqo dhexdooda ka jirin, markaa wixii ka soo baxa.

S: Dawladda Djabuuti lagu soo dhisay ee Muqdisho ka jirta, ma waxaad u aragtaa in ay shaqayn weyday?

J: Saamayn way ku leedahay, laakiin dhibaato ayaa ka jirta Muqdisho, dawladdaana caqabado ayaa hor taagan, dhibaatada jirtaana anaga oo keliya naguma koobna ee xataa faro-gelin dibadda ah ayaa meesha ku jirta.

S: Dawladda iyo kooxaha ka soo horjeedda, iyamaa ku xoog weyn Muqdisho?

J: Anigu isuma miisaamin ama gooni uma tiring midkooda meesha ku xoog badan, taasna hawl-yari looma qiimayn karo.

S: Dhawr iyo Toban shir oo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ah, ayaa la qabtay, ilaa haddana lagama gaadhin wax guul ah, markaa sidee baad adigu u aragtaa in loo maareyn karo mushkiladda Soomaaliya ka jirta?

J: Waxaas oo dhammi, waxay ku xidhan yihiin sida ay bulshada Soomaaliyeed u dareento dhibaatada, wax kastaana waxay ku xidhan yihiin rabitaan, laakiin hadda rabitaan dadweyne waa jiraa, balse dadweynuhu ikhtiyaar ma leh oo waxa u taliya kooxo hubaysan oo midba meel taagan yahay, muraad gaar ahna leeyahay, kuwaas ayaa loo baahan yahay in la isla helo, kadibna madal la isla waafaqsan yahay la isugu yimaado oo xalku ka yimaado kooxaha qudhooda, dadweynuhuna go’aanka wax ku yeesho.

S: Hadda idinku ma ku talo jirtaan in aad qabsataan shir gudihiina ah oo aan cidi idinku faro-gelin?

J: Haddii aan hadda idhaahdo waanu qabsanaynaa, waxaan go’aan u gaadhayaa in badan oo aan meesha joogin, balse in ay taasi haboon tahay baan aaminsanahay.

S: Madaxda Somaliland ee aad la kulanteen, miyaanay idinkala hadlin qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland?

J: Ma jirto, wax aanu isu reebnay ee wax walba waanu ka wada-hadalnay oo doodo ayaanu ka yeelanay.

S: Maxaad kaga jawaabteen Taa?

J: Waanigii idinku idhi waanu is af-garanay, mar haddii aanu wax walba isku af-garanayna, waanu is-afgaranay weeye.

S: Adiga ma kula tahay in mar dambe dib loo heli karo jamhuuriyadii soomaaliyeed ee kala googo’day?

J: Taasi waxay ku xidhan tahay dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankiisa, balse anigu hadda waxba ma odoroosi karo.

 

Kal-Fadhigii 2-Aad Ee Baarlamaanka Is-Maamulka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Furmay Jig-Jigga

 

Hargeysa (Haatuf): Kal-fadhigii labaad ee Baarlamaanka dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa shalay ka furmay magaalada Jig-jigga, isla markaana waxa la sheegay in 19-xubnood laga saaray Baarlamaanka, kuwaas oo qaarkood la eryay iyagoo ka maqan fadhiga Shirka.

 

Siduu sheegay warkan oo aanu ka soo xiganay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, waxa lagu wadaa in kal-fadhigan lagu ansixiyo Miisaaniyad-sannadeedka Maamulka Deegaankaa. Warku wuxuu intaa ku daray in xubnahaa la eryay ee laga saaray Baarlamaanku uu ka mid yahay, Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana la sheegay in go’aanka lagu eryay xubnahaasi uu ahaa mid ka soo baxay Xisbiga Dimoqraadiga dadka Soomaalida ah ee Itoobiya (SPDP), kaas oo ah Xisbiga talada haya.

 

Kulankaa Baarlamaanka hadal uu ka jeediyay Madaxweynaha Dawladda Qoomiyadda Soomaalida Itoobiya, C/rashiid Guulane Rafle, wuxuu ku sheegay in intii uu Maamulkiisu xilka hayay uu waxqabad muuqda ka sameeyay dhinaca nabadgelyada, isla markaana uu sameeyay guddiyo ka shaqeeya adkaynta nabadgelyada iyo ilaalinta xasiloonida.

 

Golaha Baarlamaanka Kilinka 5aad, wuxuu ka kooban yahay 168-xubnood, waxaana kal-fadhigan furmay goob-joog ka ahaa oo kale, Xubno uu ka mid yahay Danjiraha dawladda Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Dr. C/majiid Xuseen. Dhinaca kale shirkaa ka hor, waxaa magaalada Jig-jigga lagu soo geba-gebeeyay shir uu yeeshay Xisbiga SPDP, kaas oo lagu soo doortay xubnaha cusub ee Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Madaxda Xisbiga.

 

Jig-jigga: Caasimad Koreysa
Haddii Hargeysa Duray ku dhaco, Jig-jiggana waa laga qufacaa

 

Tirsigii Axadii toddobaadkan, waxaa ku soo baxay qayb ka mid ah Maqaalkan ku saabsan taariikhda magaalada Jig-jigga, sidaa daraadeed tirsigana waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee mowduucaa.

 

Sida la sheegay magaalada Jig-jigga, waxaa markii hore loo yaqaanay “LAACA” hase yeeshee magacaasi ma noqonin mid tis qaadda. Siduu ii sheegay Cali Yuusuf oo hore wax uga qoray taariikhda magaaladaas, ka hor intii aanay goobtaasi magaaloobin ee ay ahayd Ceelasha biyaha, waxa dhici jirtay in Ceelashaasi markastaba dumaan. Wuxuu sheegay in ay ceelashu ahaayeen, qaar shubaal ah oo inta uu qof ku dhaadhaco gunta ceelka uu hoosta ka soo dhaamiyo Waddaanta, kadibna uu ka soo baaciyo, sidaa aawadeed ceelashaasi mar kasta oo ay dumaanba, waxa wax ku noqon jiray dadka gudaha ku jira oo ay ku dumi jireen. Wuxuu intaa ku daray in magaca Jig-jigga, erey-bixintiisu ay ka soo jeedo sanqadhii cod ahaan ka soo noqon jirtay dumista ceelasha.

 

Haddaba, markii ay Wiil-waal iyo ragiisii qabsadeen Ceelashii biyaha kadib, waxa 1890-kii qabsaday deegaankaa dawladii Xabashida ee xilligaa, waxaanay sida la sheegay u soo magacowday Maamulkii Ceelasha biyaha nin la odhan jiray, Cabdalla Daaha oo la rumaysan yahay inuu Carab ahaa, kaas oo la sheegay inuu taagey udubkii ugu horeeyay ee magaalada Jig-jigga taariikhdu markay ahayd 1900-kii. Muddo kadib, nin kale oo Carab ahaa ayaa magaalada Jig-jigga keenay Faynuusyo la shito, kuwaas oo la sheegay inuu keligii u shidi jiray dadkii magaalada ee ka iibsaday. Markasta oo gabalku dhacana ay dadkaasi Kuyuu u soo geli jireen, si uu ugu shido, dabadeedna waxa la sheegay inuu Ninkaasi intuu marba mid qaado uu meel aan cid kale ka arkaynin ku soo shido, kadibna uu u keeno qofkii lahaa isagoo shidan. Taas oo lagu macneeyay inuu uga dan lahaa in aan la qishin, sida loo shido si aanay uga xidhmin farsamadaas oo meherad u ahayd in muddo ahi.

 

Markii la soo gaadhay xilligii uu dunida ka holcay dagaalkii 2aad, waxay magaalada Jig-jigga gacanta u gashay Dawladii Talyaaniga ee xilligaa, taas oo ka saartay Maamulkii Xabashida. Wakhtigaas, waxaa kale oo uu Talyaanigu qabsaday dhulka Soomaalidu degto badidiisa. Sida la ii sheegay Talyaanigu, wuxuu gacanta ku hayay halkaas muddo shan sannadood ah, waxaana muddadaas koobnayd ku kordhay magaalada Jig-jigga dhismayaal door ah oo qayb weyn ka qaatay magaaleynteeda, isla markaana waxaa isla xilligaa laga dhisay magaalada Jig-jigga Masaajid weyn oo ilaa hadda ah Masjid Jaamaca magaalada. Isla wakhtigaa wuxuu Talyaanigu sameeyay, Jid dheer oo mara Jig-jigga, kaas oo xidhiidhsan duleedka magaalada Baladweyne (Soomaaliya) ilaa xarunta Itoobiya ee Addis Ababa. Dhawrkaa sanno kadib, waxa Talyaaniga ka qabsaday magaalada Jig-jigga dawladii Ingiriiska oo ay wagaa iskaga soo horjeedeen dagaalka. 1948-kiina, waxay dawladda Ingiriisku ku wareejisay deegaankaa dawladii Xabashida ee Boqor Xayla Salaase, iyadoo fulinaysa axdi hore ay ula galeen.

 

Xilliyadii Nidaamyadii Boqor Xayla Salaase iyo Mingistu Xayla Mariam ay ka talinayeen dalka Itoobiya, waxaa lagu tilmaamaa in ay Jig-jigga ahayd magaalo Milateri oo la deris ahayd wel-wel iyo walbahaar collaadeed oo baaxadiisa lahaa. Waxa kale oo taas dheerraa in ay ahayd xarun lagu dhibaateeyo bulshadii Soomaalida ahayd ee ku dhaqnayd. Inkastoo lagu macneeyay waayahaa, mid aanay dhibaatadiisu u kala yarayn qoomiyadda Soomaalida ee deegaankaa, siiba dadka reer Jig-jigga, haddana waxay xaaladdu sii adkaatay, sida muuqata sannadihii Lixdamaadkii, Toddobaatanaadkii iyo Sideetamaadkii. Wakhtiyadaas oo ay mandaqaddan ka dhaceen, dagaalo u dhexeeyay dawladihii Jamhuuriyadii Soomaaliya iyo dawladihii hore ee Itoobiya.

 

Xilliyadaas Qoomiyadda Soomaalida Itoobiya, waxay ku jireen xaalad cidhiidhi ah, magaalada Jig-jigga-na waxay u ekayd xero Ciidan oo dhismayaasheeda qaarkeed aanay Soomaalidu eegi karayn, kuwaas oo la sheegay markay agmarayaan in ay socod ku dhaafi jireen iyagoo foorarra, “Dayrkaa wareegsan ee maanta xarunta u ah dawladda deegaanka, shalay qofka Soomaaliga ah ee eegga waa la dilli jiray, imikana waa taa laga dhisay dabaqyadaa faraha badan ee xafiisyada u noqonaya Xukuumadda Qoomiyadda Soomaalida. Taasiba, waa wax Illaahay lagu mahadiyo, waana isbedel khayr qaba oo uu Itoobiya u horseeday ururka EPRDF.” Sidaa waxa ku odhanaya dadka Soomaalida ah ee deegaankaa, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah oo aanu wax ka weydiiyay, isbedelka waayaha dhacay oo mid kastaaba tusaale iigu soo qaatay intuu farta ku fiiqay, xaruntii taliskii ciidamada ee Migistu, taas oo hore u ahayd sida la sheegay goob xasuuq oo lagu dilo qofkasta oo Soomaali ah oo jaleeca dayrkeeda. Goobtaasi, waxay maanta hoy u tahay Xukuumadda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana dhexdeeda laga dhisay dhismayaal aad u qurux badan oo mid weliba dhawr dabaq ka kooban yahay.

 

September 12, 1977, waxay magaalada Jig-jigga gacanta u gashay Ciidamadii Xukuumadii Soomaaliya ee uu hogaamiyaha ka ahaa Jenaraal Barre, wakhtigaas oo ahaa xilli uu dagaal culusi ka dhex qarxay Soomaalida iyo Itoobiyaanka. Hase yeeshee, March 3, 1978 ayaa Ciidamadii Migistu ay dib u qabsadeen magaalada Jig-jigga. Waayadaa hore oo dhan, waxay magaaladu ahayd sida la ii sheegay mid aan sal-dhigin oo koriinkeedu yaraa. Hase ahaatee, markii la soo gaadhay 1991-kii ee ay dhalatay Itoobiyada cusubi, ayay Jig-jigga noqotay magaalo nasri cusub heshay oo lugaha fidsatay, bulshadeeda Soomaaliduna ay heleen xuquuq ay muddo dheer baadi-goobkeeda ku soo jireen. Intaa kadib, sannadkii 1994-kii ayay noqotay Caasimadda Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, sidaas darteed waxay noqotay magaalo aad u kortay oo si xoog leh loo dhiso, waxaana xilligaa ilaa hadda ku soo kordhay dhismayaal aad u tiro badan oo ka dhigay magaaladaa mid dhinackastaba u fiday, una sii fidaysa.

 

Dhismayaashaa qaar ka mid ah, waxa hirgeliyay Shacbiga, qaar kaloo badana waxa hirgeliyay dawladda. Guud ahaan, dhismayaashaasina waxay isugu jiraan guryo caadi ah, xafiisyo, Cusbitaalo, sida; Cusbitaalka weyn ee Shirkadda 571 ka dhistay, kaas oo la filayo inuu wax weyn ka taro baahida caafimaad ee deegaankaa. Dhinaca kale markaan eegno, magaalada Jig-jigga waxa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalo Xudun u ah oo u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa (Somaliland), Dhagaxbuur iyo Diri-dhaba (Itoobiya), kuwaas oo la sheegay in ay mid kastaba u jirto masaafo lagu qiyaasay 160km. Dadka ku nool xilligan, waxa lagu qiyaasaa in ay gaadhayaan ilaa 200,000 oo qof.

 

Guud ahaan markaan soo koobo Jig-jigga, waa magaalo ay saamayn ku leedahay magaalada Hargeysa, waayo waa tii horeba loo yidhi; “Haddii Hargeysa duray ku dhaco, Jig-jiggana waa laga qufacaa.”

 

Laanta Af-Carabiga Ee BBC-du

Waxay Faafisay War Xaqiiqda Ka Fog

 

Hargeysa (Haatuf): Laanta Afka Carabiga ee Idaacadda BBC-da, ayaa habeenimadii Salaasadu gelaysay baahisay Warbixin ku saabsan dagaalka ka socda Maamul-goboleedka Puntland ee u dhexeeya labada nin ee sida ba’an isugu haya hogaanka Puntland, C/laahi Yuusuf Axmed iyo Jaamac Cali Jaamac.

 

Laanta Afka Carabiga ee BBC-du, waxay warbixinteedaa ku eedaysay dawladda Itoobiya, taas oo ay dusha ka saartay in ay ka mas’uul tahay dhibaatada hadda ka oogan Puntland, iyadoo sheegtay in ay dawladda Itoobiya hub siisay C/laahi Yuusuf.

Warbixintan oo ku coddaysnayd Afka Carabiga, waxa la sheegay inuu BBC-da u soo diray Suxufi Soomaali ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Yuusuf, kaas oo ay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Carabigu sheegtay inuu joogay Aaskii Madaxweynihii Somaliland, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee Subaxnimadii Isniintii ka dhacay magaalada Berbera.

 

Warbixinta ay sii daysay Laanta Afka Carabiga ee BBC-du, waxa kale oo ay dawladda Itoobiya ku eedaysay in ay ka dambaysay celinta Wefti reer Djabuuti ah oo ay dawladda Somaliland iska hor taagtay in ay ka qayb-galaan Aaskii Marxuum M.I.Cigaal.

“Waxa la rumaysan yahay in diidmada weftiga Djabuuti loo diiday in ay ka qayb-galaan Aaska Marxuum M. I. Cigaal, ay lug ku leedahay dawladda Itoobiya oo wefti ka joogay Munaasibadda Aaska,” ayuu Suxufigaasi ku sheegay warbixinta ay baahisay Laanta Afka Carabiga ee BBC-du.

 

Haddaba, ninka Suxufiga ahi Inkasta oo uu sheegtay inuu goob-joog ahaa Aaskii Marxuumka, haddana waxba kama sheegin, sidii ballaadhnayd ee uu u dhacay aasku iyo dareenkii boqolaalkii kun ee aaskaa isugu soo baxay. Hase yeeshee, waxay warbixintaasi culayska saartay eedaynta Itoobiya, iyadoo warbixintaasi u muuqatay mid dhegeystayaasheeda jaha-habaabinaysa, iyadoo saadaalisay in ay dhibaatooyin ka dhici karaan Somaliland, taas oo bay tidhi la filayo in Xukunka la isku qabsado, sidaas darteed aanay nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland sii waari doonin, marka ay dhammaato muddada loo fadhiyo Tacsida Madaxweynaha geeriyooday.

 

Dabcan, nuxurka warbixintani xambaarsanayd wuxuu u muuqday been-abuur aan sinaba ugu run sheegin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo sidii geesinimada lahayd ee ay dadka iyo dawladda Somaliland u waajeheen geeridii naxdinta lahayd ee ku timi, iyagoo si nabadgelyo iyo dimoqraadiyadi ku dheehan tahay uu taladii dalka ula wareegay Madaxweyne Ku-xigeenkii Madaxweynihii geeriyooday, haddana ah Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Mudane Daahir Riyaale Kaahin, taas oo ahayd dhacdo Caalamku u khushuucay, ugubna ku ah Qaaradda Afrika.

 

Somaliland waxa lagaga dhaqmaa Mabaa’diida Xorriyadda Saxaafadda, warbaahintuna haddii ay tahay mid goboleed iyo Caalami ahba, waxay fasax u tahay in ay ka hawl-gasho ama ka hadasho, arrimaha iyo xaaladaha ka jira Somaliland.

 

Weriyayaashii goob-joogga ka ahaa aaskii Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, waxay ka direen  warbixino ay ku qirayaan sida ay dawladda iyo dadka reer Somaliland ugu go’aan qaateen in ay ilaashadaan nabadgelyada ay ku soo tabceen ee ka jirta dalkooda, isla markaana ay ugu diyaar-garoobeen sidii ay ficil ahaan ugu xaqiijin lahaayeen himiladaa.

 

Intkastoo aanu jirin Suxufi reer Somaliland ah oo sita magaca Cabdi Yuusuf, haddana waxa jira olole ay wadaan rag ka tirsan taageerayaasha Maamulka C/qaasim iyo Dawladda Djabuuti, kuwaas oo faafinaya boro-bagaande ku lid ah Somaliland, iyagoo isticmaalaya godadka Internetka iyo warbaahinta Carabta, taas oo la filayo in ay ujeeddadu tahay khal-khal-gelinta dadka Somaliland, isla markaana ay tahay in la marin habaabiyo cid kasta oo Caalamka ka mid ah oo il qadarin iyo raxmad leh ku eegaysa dalkan geeriyaysan.

 

Haddaba, warka ay laanta Afka Carabiga ee BBC-du faafisay oo ku baxay Barnaamijka la yidhaahdo “Xisaad Al-yoom” waxa uu ahaa mid ka been sheegay xaqiiqda ka jirta Somaliland. Sidaa darteed, haddii ay BBC-du ula-kac u faafisay iyo haddii uu Suxufiga u soo waramay khaldayba, waxa loo baahan yahay in laga daba-tago, iyadoo uu xilkaasi u yaalo Maamulka Somaliland oo loo baahan yahay inuu la xidhiidho Maamulka iyo Masuuliyiinta BBC-da, si aanay arrinta oo kale dib ugu dhicin.

 

Dareenkii Ay Beesha Caalamku Ka Bixiyay Geeridii Ku Timi  Somaliland

 

Hargeysa (Haatuf): Maqalka warka geeridii lama filaanka ahayd ee Madaxweynihii Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal jimcihii May 3, waxa uu ahaa mid uu ku lammaanaa wer-wer ama guud ahaan saadaal ku saabsan aayaha Somaliland iyo sida ay noqonayso nabadda iyo xasiloonida ay Somaliland ku sugnayd 11-kii sannadood ee Somaliland jirtay oo inta badan uu Madaxweynihii Cigaal (Alle ha’ u naxariistee) majaraha u hayay.

 

Isla markiiba, dalyaqaanada shisheeye ee wax laga weydiiyay, iyaga oo ka shidaal qaadanaya gulufyadii xoogganaa ee mucaaradka ee ku waajahnaa Maamulkiisa beryahan dambe ama uu sutida u hayay, waxay ishaareen in fawdo iyo loollan awoodeed ka bilaabmayo Somaliland, kaas oo gallaafan kara Maamulka iyo xasiloonida halkaa ka jirta, Inkasta oo markasta ay qiyaasayeen in fawdadaasi aanay noqon doonin mid sida Soomaaliya loo caal waayo.

 

Hase yeeshee, saadaashaasi sidaa uma dhicin, balse dareenkaasi weli ma hadhin.

Tallaabadii ay golayaasha Qaranku isla galabnimadii Jimcihiiba xilka Madaxweyne-nimada ugu dhaariyeen Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo lagu saleeyay dastuurka Qaranka, ayaa noqotay mid lama filaan ah oo aan haabkaba lagu hayn, taasina waxa ay beenisay qayb ahaan mala-awaalkii la qabay. Inkasta oo ay jiraan dadka qaar iyagu xaqiijinta saadaashooda dib ugu dhigtay inta laga soo jeesanayo aaska iyo tacsida Madaxweynihii geeriyooday.

 

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan geeridu waxay noqotay mid nacab iyo nasteexba indhahooda u soo jeedisay Somaliland, iyada oo midkastaa dareenkiisu uu ku salaysan yahay rabitaankiisa iyo sida uu jecel yahay in ay ku dambayso. Ta ahmiyadda iyo fiirada gaarka ah ay u soo jiidatayna waxay tahay, iyada oo geeridani timi wakhti ay Somaliland tahay, meesha keliya ee xasilooni iyo Maamul ka jiro Jamhuuriyadii Soomaaliya la odhan jiray, isla markaana Maamul-goboleedka Puntland oo ku lammaanaa Somaliland uu gallaaftay loollanka awoodeed iyo muranka xilliga kala-guurka oo Somaliland lafteedu ku jirto.

 

Waxana muuqatay hadda in dalal waaweyn oo hore uga walaacsanaa Somaliland ay ku soo dhiiradeen in ay reer Somaliland la qaybsadaan tacsida, markii ay yaqiinsadeen in dadka Somaliland uu ka dhab yahay dhismaha iyo waxay sheeganayaan.

“Wixii aanu arkaynay saddexdii maalmood ee Madaxweyne Cigaal sii mootanaa, wuxuu ahaa Xukunka oo si habsani ah loola kala wareegay.” Sidaa waxa yidhi Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dr. Tekede Alemu oo ka soo qayb-galay aaskii qaran ee Madaxweynihii hore ee Somaliland, isaga oo macnaynayay sababta uu u yimi aaska.

Dr. Alemu, waxa dareen hor leh oo qoto fog ku beeray muuqaalkii uu kala kulmay aaska oo ay isugu yimaadeen tobanaan kun oo qof oo reer Somaliland oo ay ku jiraan Mucaaridkii ugu foggaa ee ka soo horjeeday Maamulka Madaxweynihii Cigaal.

“Qofkasta oo arka shucuurtan soo butaacday, ma dafiri karo sida ay dadka Somaliland diyaarka ugu yihiin in ay ilaalashadaan xasiloonidooda,” ayuu yidhi Alemu.

 

Waaxda Arrimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka, ayaa iyana dhambaal Tacsi ah oo ay u soo dirtay dawladda Somaliland ku sheegtay in ay ku qanacsan tahay, sida habsamida dhakhsaha iyo dimoqraadiyadda ah ee Xukunka loo kala wareejiyay, kadib geeridii Madaxweynaha.

“Jeclow ama necbow, Cigaal waxa uu ka dhigay dadka kuwo si weyn u haysta Somaliland.” Sidaa waxa IRIN u sheegtay haweenay ay ku tilmaantay in ay odorosto Arrimaha Gobolka, iyada oo uu jiro dood ku saabsan in Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal uu ahaa hogaamiye nasteex u ahaa Midnimada Soomaaliya iyo inuu ahaa deyr adag oo ku gudbanaa Midnimo Soomaaliya isugu timaado mar kale oo laga raysan karo. Dooddaas oo ka dhex taagan, kuwa Midnimada u ololeeya, taas oo ay isla meel dhigi kari la’ yihiin.

 

Haweenaydaasi, waxay sheegtay in ay geerida Cigaal ay timi, wakhti kala guur ah oo lagu jiro geediga la doonayso in loogu tallaabsado doorashada Xisbiyada badan, waxana jira bay tidhi laba ra’yi oo iska soo horjeedda oo soo waajahay, kadib geeridii Cigaal. Aragtiyahaasi, midi waxay qabtaan in hore loogu socdo dooroshooyin xor ah, ta kalena waxay leedahay weli looma bislaan ee hala qabto Shirweyne Beelaha oo dhammi isugu yimaadaana.

“Qofna ma Saadaalin karo fikradda guulaysan doonta mustaqbalka fog, laakiin wakhtigan dhow hannaanka dastuurku wuu sii soconayaa,” ayay tidhi haweenaydu.

Waxay kaloo sheegtay in durba hannaan la qaatay, uuna u muuqdo mid shaqeeyay, kaas oo ah dastuurka, isla markaana aanu u ekayn mid horseedi doona qalallaase ama xasilooni-darro.

“Cigaal, waxa uu Somaliland ku hayay xasilooni, halka Soomaaliya inteedii kale ay ku sugan tahay qalallaase, waxana uu dhisay haykal dawladeed, kaas oo faa’iido u ah qofkasta.” Sidaa waxa IRIN u sheegay Khabiir reer Galbeed ah oo ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya.

“Tanina, waxay noqon doontaa waxa ugu weyn ee gayeysiin kara qalaan-qal noocuun ah oo ka qarxa,” ayuu raaciyay.

 

Saxaafadda Caalamka oo ka hadashay geerida Madaxweynihii Somaliland iyo Ashkhaas Caalami ahiba, waxay dhammaantood isku raaceen in Cigaal uu ku tuntuunsaday nabadgelyada Somaliland muddadii uu hogaaminayay, laakiin aanu ku guulaysan inuu aqoonsi u helo Somaliland.

 

Tabobar U Furmay Macallimiinta Burco

 

Burco (Haatuf) :- Aqoon-isweydaaris la xidhiidha sidii loo dhaqangelin lahaa man-hajka wax-barashada cusub ee dhawaan loo sameeyay dugsiyada H/Dhexe ee Somaliland, ayaa shalay ka bilaabmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

 

Tabobarkaas oo socon doona muddo labaatan (20) maalmood ah, waxa ka qaybgelaya kormeerayaasha wasaaradda Wax-barashada iyo macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada H/Dhexe ee gobolkaa.

Tabobarkaas oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha UNICEF, iyo UNISCO, waxa casharada lagu baranayo bixinaya siddeed macallin oo ka socda wasaaradda wax-barashda, fadhigooduna yahay magaalada Hargeysa.

 

Guddoomiyaha wax-barashada gobolka Togdheer Ibraahim Maxamed Siciid (Dhego-weyne), oo hadal ka jeediyay munaasibaddii xafladda furitaanka tabobarkaa, ayaa kula dar-daarmay kormeerayaasha iyo macallimiinta tabobarku u furmay inay ka faa’iidaystaan casharadaa si man-hajku u noqdo mid ka hirgala gobolka, kaas oo sida uu guddoomiyuhu sheegasy ka qaybgalayaashu marka dambe ardayda ku tabobari doonaan duruustii ay barteen.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Guray

Romario Oo Ka Qaday Koobka Adduunka Ee 2002

 

Rio De Janeiro (Reuters) - Dagaal-yahanka reer Brazil ee Romario, ayay soo af-go’day rajadii uu ka qabay koobka adduunka markii Isniintii tabobaraha Brazil Scolari ka hor yimi aragtidii dadweynaha reer Brazil, oo uu ka reebay xulka ciyaaraha kama-dambaysta kaga qaybgelaya Kuuriya iyo Japan.

 

Scolari oo ay ku kadeedeen badhtamaha magaalada Rio De Janeiro, taageerayaal ka cadhaysan diidmada uu ka muujiyay Romario, ayaa sheegay inuu ku adkaysanayo go’aankiisa, wuxuuna ku daray inaanu wax baqdin ah ka qabin in lafihiisa wax la yeelo.

Weeraryahanka karaamada leh ee Romario, oo Brazil u soo hooyay koobkii adduunka ee 1994, wuxuu ku negaaday oo uu noqday kuwa ugu mudan goolal-ka-dhalinta xerada ganaaxa dhexdeeda, taas oo aan cid kula tartamaysaa jirin.

Scolari, waxa kale oo uu ka tegay ninka khadka dhexe ee Djalminho, kadib markii uu toddobaadkii hore madaxa ka cawarmay.

 

Romario, oo aan ciyaarin tan iyo bishii July oo ay 1-0 kaga badisay Uruguay.

Scolari, wuxuu ku sababeeyay diidmadiisa mid farsamo iyo xeeladda la xidhiidha, inkasta oo dad badani rumaysan yihiin inay tahay mid xagga hab-dhaqanka ku lug leh.

“Waxaan rabaa inaan sheego sababta aan u reebay ciyaartoygan oo aan filayo xaqay u leeyihiin shaqada … cidina ma bedeli karto fikraddayda,” sidaa waxa yidhi Scolari oo kooxdiisu ku beegan tahay Turkey, Cost Rica iyo China, oo ku wada jiraan qaybta ‘C’.

“Waan ku xumahay fudaydkoodii inaan ka tago, laakiin waxaan midhay 23 ciyaartoy oo keliya. Guul iyo guul-darraba waa sidaa dookhaygii… waxaan door-biday inaan ku socdo siday ila tahay, waxaanan doortay kuwo aan fidmo walayaal ahayn, qaar kalena waxyaabo kale ayaan ku doortay,” ayuu ku daray, isaga oo wejigiisa cadho ka muuqato.

 

Scolari, wuxuu waxba la’aan ka soo qaaday mudaharaado ay kula kaceen (50) ka mid ah taageerayaasha kooxda oo jid-gooyo uga galay meel dhexe, isaga oo u lugaynayay meel aan sidaa uga fogayn xarunta xidhiidhka kubadda cagta Brazil, halkaas oo uu ku sugayay baabuurkii uu raaci lahaa. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Ma ahayn shaqaaqadu mid gacan ka hadal leh, waan ka dheregsanay taageerayaasha, laakiin waxaan gaadhay go’aan aan filayo inuu yahay kooxdii ugu xiisaha badnayd.”

Wuxuu kaloo diiday inuu kaxaysto rag illaaliya.

 

“Ma qaato wax difaaca markaan baanka tegayo, markaan qoyskayga booqanayo, qof walibana waa ogyahay halkaan ku noolahay iyo meelaha aan tagoba,” ayuu yidhi, isaga ka jawaabaya su’aal la xidhiidha sababta uu rag ilaaliya u kaxaysan waayay.

Scolari, oo xilka qabtay 11 bilood kahor oo Brazil halis u ahayd inay ka hadho koobka, ayaa sheegay inuu ogyahay inaanu ku qancayn waxaan ahayn hanashada koobkii shanaad. Romario joogistiisa iyo maqnaanshihiisuna aanay cudur-daar u noqonayn. “Haddii aanan guulaysan waan dhintay kor iyo hoosba, waajibkaygu waa guul. Waddankani kaalinta labaad dhaqan uma laha, wuxuuna noola mid yahay kaalinta ugu dambaysa. Waxaaanu fursad wanaagsan helnay 1998, laakiin natiijadu waxay noqotay waxba la’aan,” ayuu ku daray.

 

36-jirka beleda ku qaba gooldhalintu, wuxuu u boholyoobay ka qaybgalka koobka adduunka, inkasta oo uu ku guulaystay koobka, shan goolna uu dhaliyay, haddana waxaa xusuus aan fiicnayn ka reebay koobabkii 1990 iyo 1998. Romario, wuxuu marka la isku cel-celiyo tirada gooldhalintiisu sannadkan tahay kulankiiba gool. Ma qarsoonayn rajada uu ka qabay ka qaybgalka koobka, marna kalsooni quman kamuu haysan Scolari oo aan marna qalbigiisa beddelin.

 

Scolari, wuxuu ku macneeyay go’aanka kale ee uu ku reebay Djalminho, inuu yahay la tashi uu la yeeshay tabobaraha Deportivo, taasina waxay nasteexo u noqotay wiilka 19-jirka ah ee u safta Sao Paulo ee Kaka.

Xulka la magacaabay waxay kala yihiin sidan:

Goolhaye: Rogerio Ceni (S. Paulo), Marcos (Palmeires), Dida (Corinthians).

Difaaca: Cafu (Roma), Belletti (S. Paulo), Junior (Parma), R. Carlos (R. Madrid), Lucio (B. Leverkusen), Roque Junior (AC Milan), Anderson Polga (Gremio), Edmilson (Olympique Lyon).

Khadka dhexe: Gilberto Silva (At-Mineiro), Emerson Ferreiral (Roma), Juninho Paulista (Flamengo), Kaka (S. Paulo), Klebrson (At-Paranaense), Vampeta (Corinthians), Ronaldinho Gaucho (P.S.G).

Weerarka: Ronaldo (Inter Milan), Luizao (Gremio), Edilson (Cruzeiro), Denilson (R. Betis), Rivaldo (Barcelona).

 

 

 

Taxanaha Taariikheed Ee Koobka Kubadda Cagta Adduunka

Q: 6aad

Taxanaha taariikheed ee koobka kubadda cagta adduunka oo aynu muddo soo wadnay waxaynu qormadan maanta ku eegaynaa koobkii sagaalaad oo sannadkii 1970 lagu qabtay dalka Mexico.

 

Sannadkaa waxaa tartanka is-reeb-reebka ka soo qaybgalay 71 dal, kaas oo ka dhigay faynalkii ugu fiicnaa ee soo mara ciyaaraha adduunka. Argentina, ayaa la filayay inay martigeliso koobkaa, laakiin FIFA, ayaa go’aan ku gaadhay dhaqaaleheeda oo aan iska xejin karayn darteed, waxayna ku abaal-marisay tartanka waddanka dhul-gariirku weeraro ba’an ku hayay ee Mexico.

 

Wadanka El Salvador, ayaa tartanka u soo gudbay markii ugu horraysay, xataa kadib saddexdii ciyaarood ee ay ku soo baxday oo ay la yeelatay dalka ay jaarka yihiin ee Honduras, kaas oo ka cadhaysiiyay ugu dambayntiina keenay dagaal kubbadda cagta ah oo ay ku naf-waayeen ilaa (30,000) oo qof, dagaalkaas oo gaadhay halkii ugu sarraysay muddo dheerna kala xidhay xadkii labada waddan u dhaxeeyay.

 

Dalka K. Kuuriya, ayaa tartanka ka baxday, kadib markii ay diiday inay la ciyaarto dalka Isra’il. Waddamada ka qaybqaatayna waxaa ka mid ahaa; Belgium, Bulgaria, Czechoslovakia, Italy, Morocco, Peru, Romania, Sweden, Uruguay, The USSR, West Germany iyo England oo horyaalka haysatay.

Hase yeeshee, dhammaan waddamadaa kuma jirin waddan u babac-dhigi karayay Brazil.

 

Pele oo figta hoggaaminta taagnaa, gooldhalintii Jairzinho, awoodii Rivelino oo hadba dhinac u leexinayay kubadda iyo gacan ku hayntii maamulka kubadda ee Gerson, ayaa Brazil ka dhigay inay markasta muujiso farsamo heersare ah. Wacdarihii ugu muhiimsanaa waxay ku soo bandhigtay kulankii kama dambaysta ahaa ee ay la yeelatay Talyaaniga, waxayna sidaas ku hanatay koobkii saddexaad ee dunida. Guddoomiyaha FIFA, Jules Rimet, ayaa ku tilmaamay kooxda dunida sannadkii 1970. waxaa tartankaa ka qaybgalay weeraryahanka dunida ugu fiican ee Edson Arantesdo Nascimento (Pele), oo lagu tilmaamay ka ugu wanaagsan ragga kubadda laada ee weligood soo maray dunida.

 

Tartanka gooldhalinta waxaa sannadkaa ku guulaystay weeraryahanka Jarmalka ah ee Gerd Mueller, oo ku qaaday sagaal (9). Ciyaaryahanka awoodiisu madaxa kaga jirto, muddadii koobnayd ee qarankiisa uu ku jiray, wuxuu ku caan-baxay hal-adayg, wuxuuna dhaliyay 68 gool oo uu ka dhaliyay 62 ciyaarood. Wuxuu ka qaybgalay labadaii tartan ee 1970-1974.

 

Kulankii kama dambaysta ahaa wuxuu ku dhammaaday 4-1 Brazil ku adkaatay.

Ciyaartoyga Brazil u saftay waxaa ka mid ahaa; Felix, Carlos Alberto (Kabtan), Brito, Piazza, Everldo, Clodaldo, Gerson, Jainzinho, Tostao, Pele iyo Rivelino.

Dhinaca Talyaaniga waxaa u saftay; Albertosi, Cera, Burgnich, Bertini, (Juliano), Rosato, Facchetti (Kabtan), Domenghini, Mazzalo, De Sisti, Boninsegna (Rivera), Riva.

 

West Germany:

Iyada oo laga duulayo dhacdadii Munich ee Olympiga, oo laba sannadood ka hor ay argagixiso qudha kaga jartay xubno ka tirsan ciyaaraha fudud ee kala duwan ee waddanka Isra’el, ayaa si weyn loo adkeeyay nabadgelyada koobka adduunka.

74 waddan ayaa ka qaybgalay tartankaa oo uu ka muuqday horumar weyn oo dhinaca ciyaartoyga iyo dhinaca dhaqaalaha ah.

 

Kulamadii lagu kala reebay waddamadii u soo gudbay waxaa lagu kala saaray gool-dheeri, waxaana ku soo baxay waddamada Argentina, Australia, Bulgaria, Chile, East Germany, Haiti, Italy, Poland, Scotland, Sweden, Uruguay, Yugoslavia, iyo Zaire oo si toos ah u soo gudbay.

 

Iyada oo ku talogalkii hore ahaa in labadaa waddan ay yihiin kuwa keliya ee lagu soo kordhiyay tartanka. Inkasta oo aanay labadaa waddan guulaysan, haddana waxa abaal-marin loogaga dhigay ciyaar-wanaag ay muujiyeen.

Waxa kale oo tartanka lagu soo daray xulka Holland, kooxda uu horkacayay Johan Cruyff, waxay beddelen kaalintii ciyaareed ee hore looga bartay, waxayna la soo baxeen xeelado hor leh. Holland waxay barbaro (0-0) la gashay Sweden, laakiin waxay wada garaacday kooxihii kale ee qaybta kula jiray oo ay Brazil ka mid ahayd, waxayna si xarrago leh ku soo gaadhay kulanka kamadambaysta.

Jarmalka Galbeed oo 1-0 uu kaga badiyay Jarmalka Bari, kulankii ugu horreeyay tartanka, ayaa kulamadii kale oo dhan badisay, sidaana kula ciyaartay Dutch-ka, oo ay ku kulmeen magaalada Munich.

 

Kulankii faynalka, waxaa gooldhalinta ku horreeyay Holland, xulka Jarmalka Galbeedna kubadda fursad uma helin kahor intii aan qalliin deg-deg ah lola cararin Cruyff, oo si aan xaq ahayn uu dhaawac u gaadhsiiyay Hoeness.

Jarmalka Galbeed waxay barbarreeyeen mar dambe oo ay gool rigoore ah heleen, laakiin kulankii waxay ku guulaysteen markii ninka farsamada badan ee Gerd Muller uu si xirfad leh u dhaliyay fursad ay Heleen.

Difaacyahanka Jarmalka Galbeed Franz Beckenbauer, ayaa noqday furaha guusha, inkasta oo kooxda Johan Cruyff, lahayd xiddigaha tartanka, haddana waxa mudnaanta laga siiyay Beckenbauer, oo isagu dhinaciisa ka ilaaliyay in kubadda lagala soo galo.

Tartanka gooldhalinta, waxaa qaaday Lato, oo u saftay Polland, wuxuuna dhlaliyay toddoba gool.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd waxaa wada ciyaaray West Germany iyo Holland oo 2-1 ku kala baxay.

 

West Germany waxaa u saftay; Mairer, Becken Bauer (Kabtan), Vogts, Schwarzenbeck, Breitner, Bonhof, Hoeness, Overath, Gerabowsi, Muller, Holzenbein.

Xulka Holland-na waxaa u saftay; Jongbloed, Suurbier, Rijsbergen, (De Jon), Haan, Krol, Jansen, Neeskens, Van Hanegem, Rep. Cruyff (Kabtan), Rensenbrink, (R. Vand de Kerkhof).

La soco cadadyada dambe….