SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 78-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Dr. Cali Qaadi Oo Ka Hadlay Shaki Ka Dhashay Qalliinkii Uu Ku Dhintay Madaxweynihii Somaliland

 

“Marka Qofka la Qalo ama la eegayo mararka qaarkood xumaani way dhacdaa aan ku talo-gal ahayni”

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Dr. Cali Sheekh Ibraahim (Cali-qaadi) oo ahaa dhakhtarka khaaska ah ee Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa shalay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababtii uu u dhintay Madaxweynihii Somaliland.

Dr. Cali Qaadi oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Madaxtooyadu, waxa uu ka jawaabayay warar ku-tiri ku-teen ah iyo tuhun ka dhashay sababihii uu u dhintay Madaxweynihii Cigaal. wararkaas oo si weyn u baahay dhawrkii maalmood ee ka dambaysay geerida, waxa ay sheegayaan in la sameeyay ama siyaalo kale loogu dilay Madaxweynihii hore Cusbitaalkii Milateri ee Koonfur Afrika oo lagu daaweynayay.

 

Dr. Cali Qaadi, warbixintiisa ka hor, waxa uu mahadnaq u jeediyay dawladda Koonfur Afrika oo uu sheegay in ay si wanaagsan u qaabishay Madaxweynihii geeriyooday iyo xubnihii la socday, 24-ka saacadoodna ay ilaalin jireen. Waxa kale oo uu ka codsaday dadweynaha, in ay Faataxada u maraan Madaxweynihii geeriyooday, waxana uu warbixintiisa Caafimaad ee geeridii Madaxweynihii hore ku bilaabay:

 

“Marxuumkii, waxa uu u tegay Koonfur Afrika laba xaalo; Marka hore inuu isa soo eego, Caalamka Madaxweyne kasta sannadkii (mar) baa la eegaa oo wuu is-baadhaa ilayn masuuliyad weyn baa saarane. Markay taasi u dhammaato dabadeetona inuu dawladda Koonfur Afrika la hadlo ayuu damacsanaa. Cusbitaalka Milateriga ah ee koowaad ka ugu wanaagsan, ayaa nala geeyay. Aad bay dawladdu noola shaqaysay, shaybaadh baa la geeyay. Madaxa halkaa dhakada ilaa cagaha meel aan laga eegini ma jirto, dhegaha, indhaha, sambabada, caloosha, beerka, wadnaha, adigu meel aan aan la eegin maba jirinba. Laba shaybaadh oo keliya baa noo hadhsanaa, midna khamiistii buu ahaa, midna Jimcihii buu ahaa. Khamiistii, wuxuu ahaa in mindhicirkiisa weyn la eegaayey. Sababtuna, waxay ahayd in Horta Caafimaadkiisa la wada-baadho. Ta labaad dhabarku wuu xanuunayay oo Caalamka qofka da’da ah dhabarku wuu  xannuunaa, kaasina cudur qof keliya ku gaar ah muu ahayn. Kabuubyuu lugaha ku lahaa, taasna fadhiga badani wuu keenaa, cudurna wuu keenaa. Markaa waxay ahayd in si wanaagsan loo baahdo oo kabuubyadaa la eego waxay tahay, oo haddii wax laga helo la daweeyo, ayaa shaybaadhka xoog loogu eegay. Markaa maalintii Khamiistii, ayaa Mindhicirkiisa la eegaayey. Marka hore neecow baa lagu shubaa, si ay u weynayso Mindhicirka (oo asal ahaan dhuuban). Markaa nasiib-darro eegistii la eegayay, ayay Mindhicirkii dilaacisay, dabadeedna hawadii ku jirtay mindhicirkiisa ee faraha badnayd ayaa ka soo baxday, markaasay dibirisay. Markiiba waanu garanay in dhibaatadaasi dhacday. Markaas wadnihiisii wuu istaagay. Wadnihii waa la soo celiyay, markaa in la qalo ayuun bay noqotay. Sababtuna waa maxay? Haddii uu noolaanayo qalliin uun baa nololi ugu jirtaa oo la tolo mindhicirka, haddii aan la tolin wuu dhimanayaa. Marka horena, waa kuwan wadnihii iyo sambabadii istaageenoo dee xalkiisu wuu xumaa.

Galabnimadii Khamiistii bay ahayd, markaa waxa la geeyay meeshii lagu qallayay. La fur calooshii, meeshii waa la tolay. Markaa, iyadoo haraggan sare la tolay oo la yidhi qaadda, ayuu haddana wadnihii iyo sambabadii is-taageen, mar labaad ayaa wadnihii la soo celiyay. Markaa isagu wuu suuxsan yahay, ilaa markii ugu horreysay intii aan qolka qalliinkaba la geynin oo marka horeba nafi kumay jirin, runta haddaad doonaysaan. Mashiinaa ku rakibnaa oo neefsanayay, boqol mishiin baa lagu xidhay oo meel kasta lagaga xidhay.

Waxa la geeyay meesha la dhigo, dadka aadka u liita (Intensive cabinet). Markaa wadnihiisu wuu noolaa, laakiin si fiican umuu shaqaynayn oo ma neefsan karayn oo mishiin baa u neefsanayay. Markaanu cabaar joognay, ayuu haddana wadnihii is-taagey. Waa la soo celin kari waayay. Saacaddu ma hubo intay ahayde, markaas ayay naftu dhaaftay.”

 

Dr. Cali Qaadi oo xog-warankiisaa kadib, weriyayaashu su’aalo weydiiyeen, isaga oo ka jawaabayay sida wax uga jiraan wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Madaxweynaha la dilay, waxa uu yidhi: “Taa aniguba halkan markaan imi, waan maqlay. Been weeyaan, waxa Cusbitaalka nagula jiray nin Wasiir ah oo dawladda oo dhan (K/Afrika), amniga u qaabilsanaa. Dadkii Koonfur Afrika u soo dagaalamay ee u soo baaba’ay buu ahaa, waa la qalay, isaguna wuu dhintay. Markaa, isagana miyaa la sumeeyay? Maya, been weeyaan, waxba kama jiraan.”

 

Mar la weydiiyay in ay jiraan, wax dayac ama farsamo-xumo ah oo kaga timi dhinaca Cusbitaalka, Dr. Cali Qaadi waxa uu xusay inuu jiri karo, khalad dhinaca dhakhaatiirta ah, balse aan ku tala-gal ama badheedh ahayn.

“Marka qof la qallayo ama la eegayo marmarka qaarkood xumaani (khalad), wuu dhacaa aan la is-lahayn xumaan sameeyo,” ayuu yidhi Dr. Cali Qaadi.

“Ma jiro qof dhakhtar ah oo is leh qofkan aad qallayso ama aad daweynayso xumaan u geyso,” ayuu raaciyay, waxana uu ku macneeyay sida wax u dhaceen “Shil ama accident.”

 

Dhakhtarku, waxa uu sheegay in mindhicirku dillaacay, markii lagu shubay hawo lagu faaxiyo ama lagu ballaadhiyo Mindhicirka, si loo arki karo gudihiisa, iyadoo lagu eegayay ayuu yidhi qalab Kombuyuutar ah, shaashaddana laga arkayay Mindhicirka. “Nasiib-darro, markii la baadhayay dillaaca lama arag,” ayuu yidhi Dr. Cali.

“Haddii markii la arko, markiiba waa la qaadi lahaa oo waxa la geyn lahaa Tiyaatarka Qalliinka ee gelinkii dambe markuu dibiray ayaa la gartay inuu dhacay,” ayuu yidhi Dr-ku.

“Madaxweynihii geeriyooday, waxa markii hore loo qorsheeyay in la geeyo Cusbitaal gaar loo leeyahay oo Koonfur Afrika ah, sidaas darteed Cali Qaadi oo la weydiiyay sababta ay u doorteen Cusbitaalka Milateri, waxa uu yidhi; “Waxa noo dooray dadkii xaggaa joogay. Madaxweynaha Maraykan, markuu is-baadhayo ama la daweynayo Cusbitaalka Milateriga, ayaa la geeyaa. Markaa iyagu kalsooni bay ku qabeen. Waayo, Wasiirkoodiiba, waa tii la geeyay.”

 

Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal, waxay weriyayaasha Pretoria joogaa markii uu geeriyoodayba ku warbixiyeen in Marxuumka laga daweynayay, xanuunno is-bursaday oo ka bilaabma Curuuqa-xanuun ama Roomatiisan, dhiig-kar, macaan ilaa kansar, Cudurradaasina ay qayb ka qaateen sababta geeridiisa. Hase yeeshee Dr. Cali Qaadi, wuu beeniyay inuu xanuunnadaas u dhintay Marxuumku.

“Sababtu, waxay ahayd dillaaca ku dhacay Mindhicirkiisa, taas baa sababta ahayd oo wadnihiisa joojisay oo sambabadiisa joojisay,” ayuu yidhi Dr. Cali Qaadi.

Dhinaca kale, Marwada uu ka tegay Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo Cusbitaalka ku wehelisay Marxuumka, ayaa waraysi iyaduna shalay siisay BBC-da, waxay sidoo kale ku xaqiijisay in Madaxweynihii hore uu u dhintay dhaawac soo gaadhay, mar lagu samaynayay baadhis galabnimadii Khamiistii.

 

“Nin Caafimaad-qaba oo socda baanu geynay markii hore meesha (baadhista), laakiin markii dhaawacaasi yimid, markiiba wuu sillanaaday intaanan meeshaba ka soo qaadin,” ayay tidhi Kaltuun X. Daahir, waxayna raacisay, “Sariirtiisii baanu ku soo celinay, markiiba dhidid hooraya buu noqday, wuu baaxaa-degey. Dhakhtarkii (Dr. Cali Qaadi), wuu iga tegay oo wuxuu yidhi; waa naqas waxan haya oo wuu ka bi’I doonaa; anigu hudheelkaygii baan tegayaa.”

Kaltuun, waxay intaa ku dartay in Marxuumku uu markaaba yaqiinsaday in aanu ka kacayn dibbiradaa caloosha, isla markaana uu la dardaarmay, wuxuuna igu yidhi ayay tidhi; “Caawa dhaafi maayee idhegayso, dibiradani uma wanaagsana dadka waaweyn, wuxuu i odhanayayna wuu i yidhi,” ayay tidhi Kaltuun.

Kaltuun X. Daahir, waxay sheegtay in intii aanay Hargeysaba ka ambabixin uu Marxuumku, dhowr goor u sheegay in aanu rajo sidaas ah ka qabin nolosha, marar badanna uu la dardaarmay.

 

Madaxtooyadda Somaliland Oo Soo Geba-Gebeysay Toddobaad Tacsi Iyo Quraan Akhris Ah

 

Hargeysa (Haatuf): Tacsida iyo Qur’aan akhriska, geeridii Madaxweynihii Somaliland oo muddo toddobaad ah socotay, ayaa shalay lagu soo geba-gebeeyay Qasriga Madaxtooyadda ee magaalada Hargeysa, oo isla markaana hoy u ahayd Madaxweynihii geeriyooday.

Tacsida Qaran ee Madaxweynihii hore, waxa lagu soo geba-gebeeyay Alla-bari ballaadhan oo shalay lagu qabtay Madaxtooyadda, taas oo ay ka qayb-galeen Culma’udiin iyagu quraan akhris u fadhiyay Madaxtooyadda iyo dadweyne kale.

 

Sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Mr. Cabdi Idiris Ducaale, waxa kale oo ka soo qayb-galay geba-gebadii Tacsida Madaxweynaha Kumeel-gaadhka ah Mudane Daahir Riyaale Kaahin, xubnaha Golaha Wasiirada, Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo marti-sharaf kale.

Isla maalintii Jimcihii ee toddobaadkii hore, markii la soo sheegay geerida Madaxweynihi Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, ayaa kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Gole lagu go’aamiyay in dalka oo dhan laga sameeyo toddoba cisho oo tacsi iyo qur’aan akhris ah, muddadaas oo ku ekayd Khamiistii shalay.

 

War rasmi ah oo ku saabsan geba-gebada Tacsida Qaran, kama soo bixin Xukuumadda, Afhayeenka Madaxtooyadduna waxa uu sheegay in toddobaadkii tacsidu dhammaaday, uuna rajeynayo in gogosha tacsida la laabo maanta.

Magaalada Berbera, ayaa iyana tacsida iyo qur’aan akhriska loo fadhiyay shalay.

 

Wasiir Ingiriis Ah Oo Tacsi U Soo Diray Dawladda Somaliland

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, ayaa Arbacadii dhambaal tacsi ah ka helay Wasiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mr. Baroness Amos.

Wasiirku, waxa uu ku sheegay dhambaalkiisa inuu aad uga naxay, maqalka geeridii lama filaanka ahayd ee ku timi Madaxweynihii Somaliland, Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

“Waxaa lagu xasuusan doonaa (Cigaal), inuu hormuud u ahaa ka qayb-galayaashii wada-xaajoodyadii horseeday Madaxbannaanidii Somaliland ka qaadatay Boqortooyada Britain 1960-kii iyo inuu nabad iyo xasilooni ku soo dabbaalay Somaliland, muddadii 10-ka sannadood ee Qallalaasuhu ka jiray Soomaaliya,” ayuu yidhi.

 

Waxana uu intaa ku daray in isagoo Wasiirka Afrika ah uu uga tacsiyaynayo, qoyskii uu ka tegay iyo dadka reer Somaliland, geeridaa ku timi Madaxweynihii Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

 

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee Maamulka Jaamac

Cali Jaamac Oo Diyaarad Ka Raacay Madaarka Burco

 

Burco (Haatuf): Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Maamulkii Jaamac Cali Jaamac ee laga qabsaday magaalada Boosaaso, ayaa shalay diyaarad ka raacay Madaarka magaalada Burco, una socdaalay dhinaca magaalada Djabuuti.

 

Siduu noo soo tebiyay Weriyahayaga Gobolka Togdheer Liibaan Maaweel Shire, ninkaa Wasiirka ka ahaa Maamulka Jaamac Cali Jaamac oo lagu magacaabo C/raxmaan Shuluco, wuxuu habeen hore ka soo baxay magaalada Garoowe, wuxuuna shalay subax ka raacay Madaarka magaalada Burco diyaarad. Suldaan Siciid Cismaan oo joogga magaalada Burco, lana kulmay ninkaas, ayaa u xaqiijiyay Weriyahayaga arrintaas.

 

Dhinaca kale Jaamac Cali Jaamac, ayaa u sheegay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da shalay, inuu joogo magaalada Laas-caanood, halkaas oo uu xusay in ay ku shirayaan dad ka kala yimi Gobolada Puntland. Jaamac Cali Jaamac, wuxuu sheegay inuu iskii uga soo baxay magaalada Boosaaso, taana waxaan ugu danaynayay ayuu yidhi, dadka iyo in aan magaalada lagu dagaalamin. Wuxuu intaa ku daray in aanu isagu dagaal-doon ahayn, C/laahi Yuusuf-na wuxuu ku eedeeyay inuu xoog wax ku doonayso. Mar wax laga weydiiyay, waxa uu yeeli doono mar haddii laga qabsaday Boosaaso, wuxuu sheegay inuu isagu sugayo go’aanka shacabka, kaas oo uu ku dooday inuu ku shaqeeyo, hase yeeshee muu qeexin tallaabo cad oo uu qaadi doono.

 

“Shacbiga ayay u taallaa, sidii ay go’aan uga gaadhi lahaayeen arrintan. Dalka intiisii badnaydna, sida Qardho, Garoowe, Laas-caanood iyo Sanaag, gacanta kuma hayo C/laahi Yuusuf ee Boosaaso ayuun buu qabsaday,” ayuu yidhi Jaamac Cali Jaamac.

 

Wara kale, ayaa iyana sheegaya in Jaamac Cali Jaamac ku sugan yahay guri Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkiisu deggan yahay oo ku yaalla, magaalada Laas-caanood.

 

Ina Cigaal Aabahay Buu Ahaa”

Faysal Cali Waraabe

 

Amsterdam (Haatuf): Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda lagu magacaabo Raadiyow Dalmar oo Saldhigeedu yahay dalka Holland, waxa uu ku sheegay in geerida Madaxweynihii Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal ay ka jarayso isaga, fallaadh shakhsi ahaan ku taagnayd, taas oo uu ku tilmaamay “Cigaal buu u shaqeeyaa.” Waxa kale oo uu sheegay in geeridaasi ay soo af-jarayso, cabashadii ururada Mucaaridka ah qaarkood ay kaga caga-jiidayeen doorashada ee ahayd in Cigaal ku shuban doono Coddadka.

 

Faysal Cali Waraabe oo fadhigiisu yahay dalka Finland ee Waqooyiga Yurub, olole taageero-raadis ahna ku galaa-bixinayay beryahan dalalka Yurub iyo Ameerika, waxa uu waraysigaa kaga qayb-qaatay, Barnaamij laga sii daayay raadiyowga Dalmar oo lagu faallaynayay xaaladda Somaliland, kadib geerida Mdaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.

“Ina Cigaal, Aabahay buu ahaa,” ayuu yidhi Faysal. “Waddani buu ahaa, wax xumaan ahina nagamay dhexayn, beddelka aan beddelayayna xumaan ma ahayne in aan nasiyaan rabey.”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu dhawaan daboolka ka qaaday inuu isu soo taagayo doorashada Madaxweyne-nimada Somaliland, iyadoo Madaxweynihii geeriyoodeyna uu u sharaxnaa in mar kale Jagadaas loo doorto.

 

Faysal, waxa uu sheegay in geerida Marxuumku ay ka reebi doonto Naanaysta lagu dhejiyay ee ah inuu Cigaal u shaqeeyo.

“Waxay kaloo soo af-jaraysaa,” ayuu yidhi, “Canaasiirtii Shir-beeleedka doonaysay ee lahayd Ina Cigaal baa coddadka naga boobaya.”

 

Guddoomiyaha UCID, Mr. Faysal, waxa kale oo uu u hanjabay Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in Maxkamad la soo taagi doono, haddii ay dalka ku soo laabtaan.

 

Qoys Daad Qaaday Oo La Baadi Goobayo Meydadkoodii

 

Berbera (Haatuf): Saddex caruur ah oo walaalo ahaa iyo hooyadood ayaa geeriyooday, kadib markii uu daad ku qaaday tuulada Dubur ee degmada Sheekh, halkaas oo uu ka da’ay Arbacadii, roob laxaad lahaa oo daadadkii uu soo rogay ay buux-dhaafiyeen Dooxa loo yaqaan Ooman oo mara Jiidaas.

Siduu ku soo waramay Weriyahayaga Gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir, saddexdaa qof ee carruurta ahaa oo laba ka mid ahaa ay gabdho ahaayeen, waxay markii hore ku dhex ciyaarayeen biyo yar oo marayay dooxa Dubureed ee loo yaqaano Ooman, hase yeeshee markii dambe waxaa ku soo kediyay daad xoog leh oo ku soo rogmaday dooxa, kaas oo dhuftay oo qaaday saddexdii caruurta ahaa oo la odhan jiray Ilma Cabdi Xasan Maxamed. Warku, wuxuu intaa ku daray in carruurtaa hooyadood ku soo carartay, iyadoo doonaysay in ay badbaadiso ubadkeeda, hase yeeshee uu iyana qaaday daadkaasi.

 

Ilaa hadda waxaa la helay laba ka mid ah meydkoodii, kuwaas oo la sheegay in ay midi tahay hooyadii carruurtaa dhashay, ta kalena tahay labadii hablood midkood.

Dhinaca kalena, waxaa baadi-goobkooda weli lagu jiraa meydkii labadii carruurta ahaa ee hadhay, kuwaas oo loo malaynayo inuu daadku dhex-geliyay ciidda dhulka daad-xoorta ah, waxaana magaalooyinka Berbera iyo Sheekh looga diray Gaadiid iyo dad u gurmadda baadi-goobka Meydadkaa iyo qoyskaa masii’badu ku dhacdayba.

 

Somaliland: Muuqaalkii 5tii May 1993, Iyo Murugadii 5tii May 2002

Faallo – Cumar D. Cumar

 

Kadib markii uu magaalada Boorama ka socday muddo ka badan afar bilood, Shir lahaa hab ku salaysan arrimihii lagu xalinayay oo ka nooc duwanaa hannaanka Shirarka ay inta badan dunidu taqaano oo kulanka iyo dooduba ka dhacaan Miiska dushiisa, ayaa subaxdii May 5, 1993, waxaa soo camiray madashii uu shirku ka socday ee dugsiga sare ee Sheekh Cali Jowhar, Boorama ka qayb-galayaashii Shirka oo isugu jiray musharixiin, ergooyin beeleed, goob-joogayaal, shir-guddoon, weriyayaal iyo hawl-wadeenadii reer Boorama ee madasha Shirka heegan ugu ahaa muddadaa dheer marti-gelinta iyo raali-gelinta ka qayb-galayaashii shirka.

 

Saacaddu markii ay ahayd 10-kii subaxnimo, ayuu bilaabmay barnaamijkii doorashada hogaanka Somaliland (Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen), waxaa ka dhacday subaxaa 5-May, 1993, goobtii shirkii muddo 30-daqiiqadood ah oo uu shirku ku sigtay inuu ku soo gaba-gaboobo burbur, hase yeeshee Shir-guddoomiyihii Subaxaa ee shirka Sheekh Muuse Jaamac Goodaad, wuxuu ku guulaystay inuu hogaankii iyo hagistii shirka dib ula wareego.

cod-qaadista kadib, waxaa soo baxday inuu 99 cod ku guulaystay Madaxweynihii geeriyooday Alla ha’u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxa isna cod dhan 102 ku guulaystay Madaxweyne Ku-xigeen C/raxmaan Aw Cali Faarax. Codayntaas kadib, waxaa ka dhacay damaashaad iyo dhaar la dhaariyay Masuuliyiintii la doortay.

 

Isla maalintii May 5, 1993, wax yar kadib, doorashada Madaxda cusub ee hogaanka Somaliland, waxay musharixiintii kale ee reer Somaliland muujiyeen oo ay Shir-jaraa’id ku sheegeen in aanay raali ka ahayn go’aankii ka soo baxay shirka oo ay ka dudeen coddeynta ka hor.

Saacad iyo badh kadib, markii la doortay Alla ha’u naxariistee, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan kula kulmay gurigii uu ka degganaa markaa magaalada Boorama, kulanka Alla ha’u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, markii aan su’aal ka weydiiyay sida uu u arko doorashadiisa, mar haddii ay musharixiintii kale ka soo horjeesteen, wuxuu ku jawaabay; “Waxaa jira Sharci iyo dawlad, mana jirto cid ka hor iman karta sharciga.”

 

Waxaa xusid mudan in aanu xilligaa lahayn askari qudha iyo gacan-yare-toona. Maalintaa May 5, 1993, Maamulkii la doortay ma jirin Hanti iyo Xafiisyo dawladeed oo loo tirinayay oo ay la wareegayeen, jawaabta uu Alla ha’u naxariistee uu su’aashaydii ka bixiyayna, waxay muujinaysay marka la eego xaaladda May 5, 1993 ee xilkii uu la wareegay iyo ereyada jawaabta, waxaa soo baxaya arrin aniga maalintaa iila muuqatay isku kalsooni shakhsiyeed oo adag oo uu lahaa Alla ha’u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, taas oo sal u ahayd hannaankii uu ku waajahay mowjado mushkilad ah oo la soo dersay 9-kii sannadood ee uu xilka Madaxweyne-nimada Somaliland u hayay.

 

Saadaashii dad badan ee May 5, 1993 ee Somaliland, run may noqon xaaladii iyo murankii maalintaa taagnaa natiijadoodu may noqon sidii la filayay.

Subaxnimadii May 5, 2002, oo ahayd sannad-guuradii 9aad ee ka soo wareegtay May 5, 1993, Somaliland waxa ka muuqday Jawiyo isugu jiray Murugo iyo Aaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo loo diyaar-garoobayay, isla markaana May 5, 2002, waxaa Jagadda Madaxweyne-nimo ee Somaliland ku xasilay Mudane Daahir Riyaale Kaahin. Hase yeeshee, 5 May ee sannadkani waa mid muuqaal ahaan iyo rajo ahaan aad uga wanaagsan 5 May, 1993-kii ee Boorama. Laakiin, laba maalmood waxay wadaagaan sadaasha mustaqbal ee xilalka iyo Qaran ahaan, waxay mudan doonaan oo aragtiyo kala duwan laga bixinayay. Waxaase kala saari doonna, kolba sida ay arrini noqoto iyo xaaladda ay Somaliland ku sugnaato Mustaqbalka dhow.

 

 

Xoghayaha Guud Ee Jaamacadda Carabta

Oo Ergay Gaar Ah U Magacaabay Somaliya

Qaahira (Al-xayaat) – Xoghayaha guud ee ururka jaamacadda Carabta Camar Muusa ayaa magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kadib markii ay kulan isugu yimaadeen guddiga gaarka ah ee ururka u qaabilsan la-socodka xaaladda Somaaliya oo ka kooban 11 dal, kuwaas oo ay kulanka uga qaybgaleen wakiiladooda joogtada ah ee u fadhiya xarunta jaamacada Carabta.

Ergaygan gaarka ah oo lagu magacaabo Saalim binu Maxamed Al-khaasibi oo hore u ahaa Safiirka Saldanada Cumaan u fadhiya qaramada midoobay  waxa ay hawshiisu noqonaysaa inuu la socdo xaalada iyo wadciga ka taagan Soomaaliya guud ahaanba.

Camar Muusa, waxa kale oo uu kulankaasi maalintii Sabtidii ka dhacay xarunta ururka jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira uu ka jeediyay war-bixin guud oo ka hadlaysa Soomaaliya iyo halka ay xaaladaheedu marayaan.

 

Gebogebadii, waxaa kulankaasi ka soo baxay bayaan ka kooban lix qodob oo ay ka mid yihiin; inay guddigu taageersan yihiin tallaabada uu qaaday xog-hayaha guud ee uu Ergayga ugu magacaabay Soomaaliya, iyaga oo ku dhiirigeliyay inuu hawlihiisii si deg-deg ah u bilaabo, inuu ururka jaamacadda Carabtu diyaar u yahay iskaashi iyo wada-shaqayn dhexmarta dhammaan dhinacyada uu khuseeyo ee ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, si loo gaadho dib-u-heshiisiin dhexmarta dhinacyada Soomaalida.

Waxaa kale oo caddeeyeen in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka shirka lagu wado in lagu qabto Nayroobi, iyo inay xidhiidh la sameeyaan dalalka jaarka laa ah Soomaaliya, si ay ugu caddeeyaan mawqifka dalalka Carabta ee ku wajahan ilaalinta midnimada dhulka Soomaaliyeed.

Ugu dambayna waxayu guddigu ku baaqaday dedejinta deeq-maaliyadeed oo loo fidiyo Soomaaliya, taas oo gaadhaysa 65 malyuun dollar, uuna hore u go’aamiyay shir-madaxeedkii Carabta ee bishii March lagu qabtay Bayruut.

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Sooyaalkii Taariikheed Ee Dawladdii Islaamka Iyo Cahdigii Cabbaasiyiinta

Q: 10aad

 

 

 

Waxa aynu qormadeenii hore ku soo aragnay gebogebadii madaxdii xooga lahaa ee soo maray dawladdii Cabaasiyiinta iyo sidii ay ku soo galeen ciidamadii ka socday Turkiga oo markii dambe xoog ku yeeshay awoodii maamulka dawladda, ilaa ay markii dambe gaadheen inay iyagu magacaabaan qofkii madaxda ka noqon lahaa dawladda, taas oo keentay inay maamulkii Cabaasiyiintu marba marka ka dambaysa sii daciifo.

Qormadeenan maanta waxaynu ku eegaynaa sababihii keenay iany daciifto dawladdii Cabaasiyiintu, taas oo iyaduna sabab u noqotay inay ka faa’iidaystaan cid kasta oo ujeedo gaar ah lahayd ama uu damac ka hayay qabsashada maamulka iyo inay soo baxaan qaybo ka mid ah dhulweynihii dawladdii islaamka oo ka go’a maamulkii Cabaasiyiinta, sababahaana waxa ka mid ahaa:

·         Iyada oo ay dawladdii Cabaasiyiinta soo galeen kooxo cusub oo ay garab ama taageerayaal ka dhiganayeen dadkii maamulka hayay. Sidii aynu soo aragnayna kooxahaa waxaa ka mid ah Faarisiyiinta oo markii hore taageerayay madaxdii hore ee Cabaasiyiinta iyo Turkiyiinta oo markii dambe gacanta la soo galay ilaa ay ku yeesheen xoog ay ku bedeli karaan madaxdii Carabta ahaa, waxayna halgan ugu jireen sidii ay u soo ceshan lahaayeen waagii Umawiyiitna, taasina waxay diciifisay awoodii iyo karaamadii madaxda Cabaasiyiinta.

·         Dawladii Cabaasiyiinta oo ay ballaadhatay dhulkii ay ka talin jirtay, ayna adkaatay in la maamulaa iyada oo xuduudkeedu gaadhayay xuduuda Shiinaha, ilaa badweynta Atlantic-ga, badhtamaha Aasiya ilaa dalka Hindiya, ilaa koonfurta jasiirda Carabta, kaas oo ah dhul aad iyo aad u kala fog, taasina waxay adkaysay in la maamuli karo ama si dhib yar la isugu xidhi karo.

·         Fitan iyo qas farabadan oo ka dhacay dhulkii maamulka Cabaasiyiinta iyo iyada oo ay bateen soona baxeen mad-habo ku socda dariiqyo kala duwan, kuwaas oo dadka qaarba dhinac u jiiteen.

·         Iyada oo ay qaybo ka mid ah dhulkii maamulka Cabaasiyiintu ka goosteen maamulki dhexe, ayna samaysteen maamulo gaar u ah.

·         Loolankii u dhaxeeyay reer Cabaas dhexdooda, iyaga oo maray dariiqii ay mareen Umawiyiintu, waxna aan ku qaadan wixii ka raacay markii dambe, taasina waxa ay faa’iido u noqotay dadkii iyo kooxihii ka soo horjeeday oo helay daldaloolo ay ku minjo-xaabin karaan maamulkii Cabaasiyiinta.

·         Arrimahaa iyo kuwo kale ayaa horseeday inay daciifto, isla markaana meesha ka baxdo dawladdii Cabaasiyiintu.

Haddii aynu dib ugu noqono muddadii ay xukunka haysay dawladdii Cabaasiyiintu iyo waxyaabihii ay qabatay, waxaynu arkaynaa inay aad iyo aad u badan tahay, inkasta oo ay jireen dhibaatooyinkaa iyo carqaladahaa aynu soo aragnay oo dhami, kuwaas oo aan iska hortaagin Cabaasiyiinta inay sameeyaan horumar iyo xaddaarad aad u ballaadhan oo taabanaysay dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha.

Dawladdii Cabaasiyiintu waxay xukunka haysay intii u dhaxaysay 132 Hijrada ilaa 656-kii Hijrada, oo ah muddo gaadhaysa 524 sannadood una dhiganta shan qarni iyo rubuc qarni. Waa muddo aad u dheer, balse muddadaa Cabaasiyiintu waxay soo mareen marxalado kala duwan oo kala ah:

1.       Marxaladdii madaxda xooga lahayd, taas oo ka soo bilaabmaysa markii ay dhalatay dawladdii Cabaasiyiintu sannadkii 132 Hijrada ilaa markii la dilay Mutawakil sanadkii 247-kii, markaas oo uu awoodii maamulku gacanta u galay ciidamada Turkiga oo iyagu dooran jiray cidii madax noqonaysa.

2.       Marxaladdii awoodii Turkiyiinta, taas oo ka bilaabmaysa sannadkii 247 hijrada ilaa 334 hijrada, muddadaana qaybo badan ayaa ka go’ay maamulkii xaruntii Baqdaad.

3.       Marxaladdii awooda ay lahaayeen Faarisiyiintu oo ka bilaabmaysa 334 H ilaa 447-kii, waxaanay Faarisiyiintu ku yimaadeen qaylo-dhaan ay u direen madaxdii Cabaasiyintu si ay meesha uga saaraan ciidankii Turkiyiinta.

4.       Marxaladdi ay soo rogaal-celiyeen Turkiyiintu oo loogu yeedhay inay meesha ka saaraan Faarisiyiintii, taas oo ka bilaabmaysay sannadkii 447 H ilaa 656 Hij., muddadaana dhulkii islaamka waxa dhacay laba weerar oo kaga yimid dibadda, kuwaas oo kala ah:

-          Dagaalkii ay so qaadeen Kiristaanku oo ka dhacay dhulka Shaam.

-          Weerarkii ay soo qaadeen Mangooliyiintu oo qabsaday caasimadii Baqdaad sannadkii 656 Hij., ama 1258 miilaadiga.

La soco………………

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Guray

 

Feyenoord Oo Ku Guulaysatay Koobka Yurub (UEFA Cup).

 

 

Rotterdam (AP) – Laba gool oo Pierre Van Hooijdonk dhaliyay iyo Juergen Kohler oo laga saaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda horyaalka Jarmalka ayaa ka dhigtay in Feyenoord 3-2 kaga adkaato Borussia Dortmund, sidaana waxay ku hanatay koobka Yurub markii ugu horraysay muddo 28 sanadood ah.

Shilka ka dhacay De Kuip Stadium, oo ciyaarta lagaga saaray ciyaaryahanka Kohler, daqiiqaddii 32aad ayaa lagu tilmaamay mid aan habboonayn, kaas oo rigoorihii loo dhigayna uu dhaliyay isla Pierra Van Hooijdonk.

 

Hooijdonk, oo kubbad loo dhigay birta ku dhuftay, ayaa daqiiqaddii 40aad dhaliyay laad xor ah oo loo dhigay, ciyaartiina waxay noqotay 2-0.

Ciyaaryahanka Brazil ee Marco Amoroso, ayaa dhaliyay rigoore Dortmund loo dhigay daqiiqaddii 47aad, hase yeeshee, John Dahl Tomasson ayaa ciyaarta 3-1 ka dhigay. Tomasson, oo Feyenoord uga wareegaya AC Milan, wuxuu goolka saddexaad dhaliyay laba daqiiqadood kadib goolka Dortmund.

Ciyaaryahanka u dhashay Czech ee Jan Koller, ayaa kubad hoobiye ah u dhaliyay kooxda Jarmalka ah oo 10 nin ku ciyaaraysay. Hase yeeshee, kooxda uu gacanta ku hayay Mattlias Sammer kumay guulaysan inay ciyaarta barbaro gaadhsiiyaan iyo inay koobka Yurub ku kordhistaan horyaalka oo ay hore u qaadeen.

 

Guusha Feyenoord waxay wax-tar weyn u ahayd waddanka Dutch-ka oo ka hadhay koobka adduunka, dhinaca kalena Feyenoord, waxay guushani u ahayd mid cawo leh, waayo kumay guulaysan koob ka dambeeyay horyaalka Yurub oo ay qaaday sannadkii 1970, iyada oo afar sanadood ka horna ay qaadeen koobka ay hadda ku guulaysatay.

Tabobaraha Dortmund oo kabtan u ahaa sannadkii 1997, markii ay kooxdu qaaday horyaalka keliya ee ay weligeed qaaday, ayaa noqday tabobaraha ugu yar ee weligii ku guulaysta horyaalka Jarmalka.

Sammer oo 34-jir ah ayaa ka hadlay ciyaartii faynalka, wuxuuna caddeeyay inay barbaro awoodi waayeen, sidaana lagaga qaaday koobkii Yurub.

Tabobaraha dhallin-yarada ah ee Sammer, wuxuu intaa ku daray aanay habboonayn tallaabadii uu qaatay garsoorihii ciyaarta oo si deg-deg ah kaadhka casaanka ah u siiyay ciyaartana ka saaray mid ka mid ah udub-dhexaadka Dortmund.

“Waxay ahayd khalad, laakiin kooxda ayaa ku dirqiday inuu rigoore kubadda ka dhigo, iyo inuu debedda u saaro Kohler, waxayna ahayd tacaddi,” ayuu yidhi Sammer oo ka hadlay sidii loo maamulay ciyaarta.

 

Inkasta oo kooxda Jarmalku saluug ka muujisay garsoorka, waxaa iyadu farxad iyo ray-rayn guushaa ku soo dhoweysay Feyenoord. Ciyaaryahanka Tomasson, oo kulankani ahaa kii ugu dambeeyay ee uu u safto Feyenoord, oo ka iibisay AC Milan, ayaa kulanka ku tilmaamay mid ay kaga xarrago qaateen kooxda horyaalka Jarmalka ah. Sidoo kale kabtanka kooxda Paul Bosvelt, oo koobka ka guddoomay Guddoomiyaha Yurub, Lennart Johansson, ayaa guushan ku macneeyay mid waddanka Holland si weyn ugu baahnaa.

Kooxaha Holland, waxa hanashada koobabka Yurub ugu dambeeyay sannadkii 1995, markii kooxda Ajax ku guulaysatay koobka horyaalada Yurub.

 

Arsenal Oo Isku Darsatay Horyaalka Iyo Koobka Dalka

 

Manchester (Reuters) – Laba iyo toban kulan oo aan marna la waabin ayay Arsenal  isku kululaysay inay muddo shan sanadood ah min laba goor isku darsato koobka FA Cup iyo horyaalka dalka, kadib markii ay Arbacadii 1-0 ku dhirbaaxday Manchester oo difaacanaysay horyaalka.

Arsenal, waxay sidoo kale afar maalmood kahor isku hubsatay koobka dalka oo ay kulankii ugu dambeeyay 2-0 ku quusiyay Chelsea.

Arsenal waxay fara-madhan dirtay kooxda Alex Ferguson oo markii afraad oo xidhiidh ah ku taamaysay hanashada horyaalka.

Tabobaraha Arsenal, Arsene Wenger, ayaa guushaa kadib sheegay inay habeen weyn u tahay isaga iyo kooxdiisaba, wuxuuna yidhi; “Waxaanu samaynay horumar weyn, waa natiijo wax ku ool ah markaad garaacdo koox Manchester oo kale la awood ah.”

 

Arsenal, waxay kulankas oo lagu ciyaarayay Old Trafford, badisay iyada oo ay ka maqan yihiin saddex ka mid ah halbowlayaasha kooxda oo kala ah kabtanka kooxda Tony Adams, Thierry Henry iyo Denis Bergkamp, kuwaas oo dhammaantood u fadhiyay dhaawacyo sahlan.

Arsenal, waxay ahayd koox badheedhsan oo aanay waxba ciyaarteeda u dhimin sawaxankii (67,580), ka mid ah taageerayaasha Manchester, waxayna afka gashatay badiba hal-doorkii ay ku dhaaran jirtay oo farsamadoodii socon weyday, Paul Scholls, Phil Neville iyo kabtan Roy Keane, ayaa kaadhka huruuda ah loo taagay muddo lix daqiiqadood u dhaxayso, markii lagu kala badhnaa waqtigii ciyaarta, kadib markii ay khaladaad ku galeen; Edu, Wiltord iyo Patrick Vieira. Maqaalkan oo aad u kooban waxaan idiinku soo gudbinayaa tariikhdii kooxda Arsenal, waana tan:

-          Waxa la aas-aasay sannadkii 1886, waxay kooxaha borfishanalka ah ku biirtay 1891,

-          Magacyadii ay kooxdu soo martay muddadii ay jirtay waxaa ka mid ahaa 1886, waxaa loo bixiyay Dial Square, 1886-91, waxaa loo beddelay magacii kooxda Royal Arsenal, 1891-1914, waxaa markale loo beddelay Wool-wich Arsenal.

Naanaysta ay caanka ku tahay waa “Gunners”, garoonka ay ku ciyaarto waxaa la yidhaahdaa Highbury, muggiisuna waa (38,500), oo qof, garoonkaas waxay markii hore uga soo wareegeen mid ku yaalay koonfurta magaalada London sannadkii 1913.

Waqtigan waxay dhisayaan garoon cusub oo qaada (60,000), kaas oo la filayay in uu dhammaado sanadka 2004-2005.

Tabobaraha kooxdu waa Arsene Wenger, waxaa loo magacaabay Sebtember 1996.

Koobabka ay qaaday waxay kala yihiin:

Koobka waddanka iyo horyaalka waxay wada qaadatay sadex goor oo kala ah; 1971, 1998, iyo 2002.

-          Horyaalka waxay qaadatay 12 goor oo kala ah (1931, 1933, 1934, 1938, 1948, 1953, 1971, 1989, 1991, 1998, 2002).

-          Koobka dalka (FA Cup) 8 goor oo kala ah: (1930, 1936, 1950, 1971, 1979, 1993, 1998, 2002),

-          Koobka liiga (League Cup) (2): 1987, 1993,

-          Fairs Cup 1970

-          Koobka kooxaha guulaystay 1994/

 

Tabobaraha England Oo Magacaabay Ciyaartoyga Xulka Qaranka

 

London (AP) – Tabobaraha xulka England Sven Goran Eriksson, ayaa soo saaray magacyada ciyaartoyga xulka England uga qaybgalaya koobka adduunka ee bisha soo socota la qaban doono, wuxuu xulka ka reebay Mc Manaman, oo dad badani sugayeen in lagu dari doono liiska, hase yeeshee, wuxuu tirada ku darsaday 20-jirka Westham khadka dhexe uga ciyaara ee Joe Cole, waana ninka ugu yar xulka England.

 

Tallaabada kale ee lala yaabay markii uu qaaday waxay tahay goolhayaha Westham David James. Wuxuu kale oo ka tegay Andy Cole iyo walaalaha Manchester ee Gary Neville iyo Philip Neville.

Xulka uu magacaabayna waa sidan:

Goolhayeyaasha; David Sea Man (Arsenal), Nigel Martyn (Leeds) Iyo David James (Westham).

Difaaca; Danny Mills (Leeds), Sol Campell (Arsenal), Rio Ferdinand (Leeds), Gareth Southgate (Middlesbrough), Martin Keown (Arsenal), Ashley Cole (Arsenal), Wayne Bridge (Southampton), Wes Brown (Manchester United);

Dhexda -- David Beckham (Manchester United), Paul Scholes (Manchester United), Nicky Butt (Manchester United), Steven Gerrard (Liverpool), Kieron Dyer (Newcastle), Owen Hargreaves (Bayern Munich), Joe Cole (West Ham);

Weerar -- Michael Owen (Liverpool), Emile Heskey (Liverpool), Robbie Fowler (Leeds), Darius Vassell (Aston Villa), Teddy Sheringham (Tottenham).

waxaa dhaxal suge ah Danny Murphy (Liverpool) oo rajadiisu ku xidhan tahay haddii uu soo bogsan waayo Nicky Butt, oo dhaawac ka qaba ruuga oo la sugayo muddo laba toddobaad ah inuu ku soo ladnaado.

 

Baroor-Diiq (Marxuum M. I. Cigaal) – Gabay

 

Waxa tiriyay: Muj. Cali Ismaaciil Carab.

Wax dhaaxaa culays nimaan lahayn loo calaacalaye,

Allaylehe cirkay nagaga timi caawa geeridu’e,

Inuu calankii Somaliland ciiraybaa dhaba’e,

Allaylehe Cigaal wuxuu ahaa sida cad-ceeddaase,

Caradoo dhanbaa laga yaqiin cidhif ilaa daane,

Caddaan iyo madow uumiyuhu wuu cisayn jiraye,

Cidna geeridaan deynin oo caamirow,

Curad iyo halyay buu ahaa laysma caasiyo’e,

Ka xoree cadaabtii raboow caadil baad tahaye,

Waa siyaasad camalkeed ra’yigoo laysku caarido’e,

Hadday ruux is-yara caabiyeen male cambaar weyne,

Carrabkiyo marbay labada daan cadho is-qooyaane,

Cafis iyo wuxuu duco helaan cidiba koobayne,

Cad yar abidkii muu bixinin iyo soor cidhiidhi ahe,

Waa ninkii gumaystihii caddaa ceejiyee diraye,

Caqiibo iyo nabad-raadin buu caarif ku ahaaye,

Inuu cadow ku beegnaa ragyahow caamadaan garane,

Ka xoree cadaabtii rabow caadil baad tahaye,

Afartaa cirkoo hooray iyo curasho dayreed dheh,

Caynaboo karkaarada jabshiyo haradii Ceel dhaab dheh,

Caynkii Badweyn oo kale iyo cidhifkii waaheen dheh,

Badda oo xagaa cararaysiyo ciiro iyo qiiq dheh,

Carrab kalena waa hadalkoon soo rogaal celiyay,

Iyada oo cardhada buuxsoon cidina quudhaynin,

Culuseey hasheenii markii cadow la tooreeyay,

Cawri laguma soo dhicinin iyo shirib ciyaareede,

Curadada ku maqan baa ka badan ciidan oo kale’e,

Markiisa caadil noo dhiibay ee cududa noo saaray,

Waa tii camaalaqa gashiyo ciriq qabiileede,

Cashaduu isagu noo qabtay deysay cararkiiye,

Caruur iyo cirooleba dadkii ka cokanaysiiye,

Ninkii loo cimaamaday xil waa lagu cannaantaaye,

Iyadoo camiran oo adduun caynkastaba yaallo,

Oon cidina waalaynin baan cidhifyo joognaaye,

Inoo celiya ceebtana ka raba caawa waa halise.