SOMALILAND FORUM                                                   www.somalilandforum.com

Haatuf

 

 

 


Haatuf cadadkii 79-aad

Haatuf Media Network

Hargeysa - Somaliland


Madaxweynaha Cusub Iyo Salaadiintii

Ay Is-Hayeen Xukuumadda Oo Markii U Horreysay Wada-Hadal Isku Hor Fadhiistay

“Anaga wuxuu noola muuqday Madaxweyne

Rayaale, Nin Mas’uul ah oo aan Keligii-Taliye ahayn”

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

 

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha cusub ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Jimcihii qaabilay Salaadiintii Burco kaga dhawaaqday in la qabto Shirweyne Qaran, isla markaana u sameeyay Martiqaad qado, lana yeeshay wada-hadal.

 

Martiqaad Qaddo oo uu ku casuumay Salaadiintaa kadib, Madaxweynuhu wuxuu fiidnimadii isla maalintaa wada-hadal kula yeeshay Gurigiisa 7-xubnood oo ka Wakiil ahaa Salaadiintaas, kuwaas oo laba Suldaan oo ka mid ahi ay ahaayeen Gobolka Togdheer, labana Gobolka Hargeysa, Saddexda kalena Gobolka Awdal, balse dhammaantoodba ku wada-jira Golihii Salaadiinta ee ay ku aasaaseen magaalada Burco. Ma jiro, war rasmi ah oo kulankaas wada-jir uga soo baxay, hase yeeshee Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka mid ahaa Salaadiintii ka qayb-gashay kulankaa ee wada-hadalka la yeelatay Madaxweynaha oo aanu wax ka weydiinay arrimihii ay ka wada-hadleen, ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen qodobo dhawr ah; “Horta Tacsi waanu ugu tagnay oo waxaanu ka tacsiyaynay geeridii Madaxweyneheenii hore. Ta labaad, booskan uu qabtay e qaabka cajiibka ah loogu magacaabay ee Caalamkii dimoqraadiyadda ku faanayay ka yaabiyayna, waanu ugu hambalyaynay, Illaahayna waxaanu uga baryaynaa inuu xilkaa ku garab-galo,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

 

Suldaanku, wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Waxa kale oo aanu ka wada-hadalay, sidii weji cusub loo bilaabi lahaa, wixii hore u jiray ee khilaafaad ahaana laysaga duuduubi lahaa ee looga gudbi lahaa.”

Mar la weydiiyay in kulankaa ay la yeesheen Madaxweynuhu uu ka dhigan yahay, xurguftii u dhexaysay iyaga iyo Xukuumadda oo soo af-jarantay iyo inkale, wuxuu sheegay in ay sidaas tahay oo ay soo af-jarmayso, isagoo taa sii sharaxayana wuxuu yidhi; “Way soo af-jarmaysaa, sababtoo ah anaga wax walba waxaa nagala qaalisan Qaranimada, nabadgelyada, Jiritaanka dalka. Maanta ma jirto dawlad Soomaaliyeed oo kale oo dhisan, Xamar waad aragtaa siday tahay, Puntland-na waad arkaysaa waxa ka dhacaya, markaas teenan nabadda ku dhisan in aynu ilaashano oo ku faro-adaygno weeye, Mabda’yaguna mar walba taasuu ku salaysan yahay.”

 

Salaadiintan uu Madaxweynuhu la kulmay, waa Salaadiintii hore ugu dhawaaqay in la qabto Shirweyne Qaran, sidaa aawadeed mar aanu wax ka weydiinay, bal in ay ka tanaasuleen Mowqifkaa hore iyo in kale, wuxuu ku jawaabay Suldaan Maxamed; “Taas weli kamaanaan wada-hadlin Salaadiin ahaan, markaa waa darruuri in aanu wax iska weydiino.”

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, waxa kale oo uu sheegay in ay Madaxweynaha tallooyin u gudbiyeen; “Maadaama aanu weli magacaabin Madaxweyne Ku-xigeen, anagu waxaanu tallo ahaan ugu gudbinay inuu wada-tashiga badiyo oo uu wixii ka dhiman ee dhinac kastaba ah xog-ogaal waraysto, dadkuna u sinaadaan,” ayuu yidhi Suldaanku. Wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Anagu cid kalamaanu hadal, balse waxaan qabaa in aan maanta reer loo eegin jagadaas ee loo dhiibo cidii wax wadi karta.”

 

Sul. Maxamed Sul. C/qaadir, waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynuhu uu ula muuqdo inuu yahay nin cid kastaba tallo weydiinaya. “Anaga, wuxuu noola muuqday inuu yahay Nin degan oo masuul ah, Nin cidkastaba tallo weydiinaya oo aan keligii taliye ahayn ayuu noola muuqday.” Wuxuu intaa raaciyay in ay kulan dambe yeelanayaan, iyaga (Salaadiinta) iyo Madaxweynuhu.

Tallaabadan wada-hadalka ah ee uu Madaxweynuhu ku qaabilay Salaadiintaa, waxaa lagu tilmaamay in ay tahay albaab cusub oo uu u furay Siyaasadda Gudaha dalka.

 

Waa Kuma Madaxweyne Ku-Xigeenka Cusub Ee Somaliland?

 

 

Hargeysa (Haatuf): Olole iyo Kaambeyn xoog leh oo la xidhiidha cidda buuxinaysa Jagada bannaan ee Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa maalmahanba laga dareemay magaalada Hargeysa, isla markaana waxa dhacay labadii maalmood ee u dambeeyay shirar gooni-gooni ah oo arrintaa ku lug lahaa.

Iyadoo aanu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, si dhab ah u soo saarin Magacaabista rasmiga ah ee Madaxweyne Ku-xigeenkiisa cusub, ayaa haddana waxa maalmahan u dambeeyay soo xoogaysanayay ololayaal la xidhiidha arrintaas.

 

Siday wararku sheegeen, jagadan Madaxweyne Ku-xigeenka ee haatan bannaan, dadka u ololaynaya waxa ka mid ah; Mudane ka tirsan xubnaha Golaha Wakiiladda kaga jira deegaanka Berbera, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac X. Cilmi (Dable) oo la sheegay inuu dedaal ugu jiro, sidii uu ugu soo bixi lahaa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka.

Waxa kale oo jira, dedaal iyo dhaqdhaqaaq ballaadhan oo dhawrkan maalmood ee u dambeeyay soo xoogaystay, kaas oo la sheegay in ay  waxgarad badan oo reer Somaliland ahi ku doonayaan, sidii ay Siyaasiga Axmed Siilaanyo oo ka mid ah Siyaasiyiinta waaweyn ee magaca ku leh Somaliland ugu qancin lahaayeen inuu aqbalo qabashada Jagadaas.

 

Wararku, waxay intaa ku dareen in Axmed Siilaanyo uu markii hore ka gows adaygay arrintaas, hase yeeshee siday wararku tibaaxeen uu hadda u muuqdo inuu aqbalay, markii sida la sheegay ay codsi ula tageen xubno miisaan ku leh Somaliland oo isugu jira duqay iyo waxgarad kala duwan.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isna siday warar aan la xaqiijin sheegeen lagu tilmaamay inuu ka dambeeyay dedaalkaa Axmed Siilaanyo lagu qancinayay, isla markaana ay u dhowdahay inuu jagada Madaxweyne Ku-xigeenka u magacaabo Axmed Siilaanyo. Hase yeeshee, weli ma jiro war rasmi ah oo arrintaa xaqiijiyay.

 

Dhinaca kale, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayaa iyana la sheegay in ay hunguraynayaan jagadaas, una ololaynayaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen. Siday tibaaxeen warar la isla dhexmarayay maalintii shalay, xubnaha Wasiiradda ah ee arrintaa ku hawlan waxa ka mid ah; Wasiirka Waxbarashada, Axmed Yuusuf Ducaale oo la sheegay inuu u ololaynayo sidii uu u heli lahaa kursigaa. Waxa kale oo isna magaciisu saaxadda ku jiray Gudddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiiladda, Mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, kaas oo la sheegay in aanu isagu shakhsiyan u ololaynin jagadaas.

 

Ilaa hadda ma cadda qofka uu noqon doono Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee uu soo magacaabayo Madaxweynuhu, hase yeeshee siday sheegeen wararkii ugu dambeeyay oo laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay, waxa la saadaalinayaa in ay u dhowdahay Axmed Siilaanyo, balse weli xaqiiqda kama-dambaysta ah ee arrintaasi way laalantahay, waxaana lagu wadaa in ay dhakhso u soo baxdo.

 

Xukuumadda Oo Mahadnaq U Jeedisay Dawladihii Iyo Hay’adihii Uga Soo Tacsiyeeyay Geeridii Madaxweynihii Hore

 

Hargeysa (Haatuf): Xukuumadda Somaliland ayaa u mahadnaqday dhammaanba dhinacyadii kala duwanaa ee ka qayb-galay aaskii Madaxweynihii hore ee geeriyooday, iyo cidii uga soo tacsiyadaysay geeridaasba. Arrintaasna, waxaa War-saxaafadeed ka soo saaray Wasiirka Warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale.

 

War-saxaafadeedkaa mahadnaqa ah ee uu Wasiirku soo saarayna, wuxuu u dhignaa sidan:

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Mudane. C/laahi Maxamed Ducaale, isaga oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha JSL, Mud. Daahir Riyaale Kaahin iyo magaca shacabka Somaliland, wuxuu mahadnaq u soo jeediyay dhammaan dawladihii, Madax-dhaqameedyadii, Hay’adihii aan dawliga ahayn iyo dadweynihii Xukuumadda iyo shacabka Somaliland uga soo tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee Marxuum Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal ku haleeshay dalka Koonfur Afrika.

 

Wasiirku, waxa uu ku tilmaamay geeridii Marxuum Madaxweyne Cigaal iyo qiimaha uu ku lahaa dalka iyo qaaradda Afrika in ay keentay, midaynta dhammaan dadyowga iyo bulshada Somaliland, mucaarid iyo muxaafid, midnimadaa oo ka turjumaysa sida bulshada Somaliland, mar walba oo xaalad adag timaado u mideeyaan aragtidooda, eraygooda iyo xoogooda, si mudnaanta loo siiyo danta guud, loona hakiyo danaha iyo aarahda gaarka ah.

 

Wasiirku, Mudane C/laahi Maxamed Ducaale, wuxuu si gaar ah ugu mahad naqay dawladda Itoobiya oo wefti heer sare ah u soo dirtay tacsida, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Gaashaandhigga ee Koonfur Afrika, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka, Wasiiradda Iskaashiga Afrika ee dalka Britain, Baarlamaanka Talyaaniga, Safaaradda Talyaaniga ee Nayroobi, Safaaradda Kanada ee dalka Kiiniya. Dhammaan Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya, Siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha dhaqameed ee ka soo baqoolay dalka Soomaaliya, Hoggaamada Kooxaha Siyaasadeed ee Soomaaliya, Maamul-goboleedka Puntland, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed meel kasta oo ay naga soo tacsiyadeeyeen, Jaaliyadaha Somaliland ee qurbaha, saxaafadda madaxabanaan ee dalka, idaacadda BBC-da laanta Af-Soomaaliga oo si mug leh iyo dhexdhexaadnimo u dabooshay baroor-diiqdii geerida Madaxweynaha, Golayaasha Qaranka, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo Rayidka, hoggaamada dhaqameed ee dalka iyo dhammaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

 

Wasiirka Mud. Ducaale, isaga oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha, waxa uu ballan qaaday dalku in uu ku sii socon doono Jaangooyadii iyo hannaankii Siyaasadeed ee uu u jeexay Marxuum Madaxweynihii hore Cigaal, iyada oo tallaabo kasta la waafajinayo dastuurka iyo nidaamka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Mudane Cusub Oo Ku Biiray Golaha Wakiiladda

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Mudane Caydaruus Cali Cubayd, ayaa shalay ku biiray Golaha Wakiiladda Somaliland, waxaana xubinimadiisa Golaha u wargeliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiiladda Mudane Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde.

Mudane Caydaruus, waxay Maxkamadda Sare u dhaarisay Mudane-nimada Arbacadii, May 7, isaga oo bedelay Marxuum Siciid Seef oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda, kuna geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta February 18.

 

Mudane Caydaruus, waxa uu ka soo jeedaa beesha Carabta reer Somaliland, taas oo hadda u soo dooratay inuu wakiil uga noqdo Golaha Wakiiladda oo ay beeshu hal kursi ku leedahay, kadib markii uu geeriyooday Mudanihii hore u metelayay.

Mudane Caydaruus, waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta waaweyn ee beesha Carabta, waxa uu ka qayb-galay Shirweynihii saddexaad ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Hargeysa 1996/97, isaga oo u ololaynayay xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland oo ay ku jirto beesha Carabtu.

 

Mudanuhu, waxa uu ka mid ahaa, Saraakiishii Sar-sare ee Baankii Ganacsiga ee Soomaaliya.

 

D/Hoose Ee Hargeysa Oo Qaaday Olole Ay Ku Ururinayso Dawooyin Dhacay

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa olole ay shalay qaaday kaga soo ururisay Farmasiiyada magaalada, daraasiin daawooyin dhacay ah.

Sida uu Haatuf u sheegay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, Cabdulwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma), ololahan shalay oo lagu soo ururiyay daraasiin ka kooban in ka badan 40 nooc oo dawooyin wakhtigoodu dhacay ah, waxa uu hordhac u yahay barnaamij soo fool leh oo la doonayo in lagu xaddido dhibaatooyinka Caafimaad ee ka dhallan kara daawooyinka.

Nakruuma, waxa uu sheegay in ololahan uu yoolkiisu yahay in la ogaado, sida daawooyinku u waxyeelayn karaan dadka naftiisa.

 

“Marka laga yimaado daawooyinka wakhtigoodu dhacay oo mudooyinkan dambe ururintooda aanu wadnay, waxa kale oo aanu ololahan ku eegaynaa meelaha dawooyinka lagu keydiyo oo waxyeelo ka iman karto, haddii aanay haboonayn ama aan loogu talo-gelin, ayuu yidhi Nakruuma, isaga oo sheegay in dawo kasta uu dusha kaga qoran yahay heerkul ay ku dhaqmi karto oo loogu talo-galay, sidoo kalena uu ololahani saamaynayo daawooyinka dadka iyo xoolaha oo farmasiiyada qaar isku meel ku iibiyaan.”

 

Waxa kale oo uu intaa ku daray in toddobaadka soo socdana ay bilaabi doonaan, olole lagu basrinayo hadhaaga iyo qashinka daawooyinka lagu isticmaalo goobaha Caafimaadka oo uu ku jiro Cusbitaalka Guud, isaga oo sheegay in xarun kasta oo Caafimaad lagu soo rogi doono in ay qashinkeeda iyo hadhaaga daawada xafiddo, dawladda hoose-na u samayn doonto gaadhi gaar ah oo ka qaadda qashinkaa, kadibna la gubi doono.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Riyaale: Samirkiisii Ayaa Ku Soo Simay Jagadda Madaxweyne-nimo

 

 

 

 

Shirweynihii Beelaha Somaliland ee Hargeysa ee dabayaaqadii 1996, ilaa horraantii 1997, ayaa Daahir Rayaale Kaahin loogu doortay Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka somaliand, taas oo uu hayay 5-sannadood iyo waxoogaa.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin, intuu uu Madaxweyne Ku-xigeenka ahaa, waxaa muddo-fadhiisin u ahayd magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxaa kale oo uu muddo shaqo u joogay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Labadaa hawl-gal ee uu muddada bilaha ah u fadhiyay Burco iyo Ceerigaabo, waxay ahaayeen qaar la xidhiidhay, baahinta Maamulka Somaliland ee Xaruntiisu tahay Hargeysa iyo xog-ogogaal u noqoshada xaaladda runta ee ka jirta degaamada Somaliland ee ka baxsan xarunta Hargeysa.

 

Taas ka sokow, runtii Mudane Daahir Riyaale, wuxuu u dhaqmay muddadii uu Madaxweyne Ku-xigeenka ahaa, qaab aanu muuqan oo u eg halku-dhegii uu ka tegay Madaxweynihii Masar ee Anwar Saadaat. Saaddat, markii uu Madaxweynaha noqday ee ay soo baxday kartidiisii, ayaa Weriyayaashu weydiiyeen su’aashan, “Haddii aad sidan u karti badnayd, maxaad u muuqan weyday intii uu noolaa Jamaal Cabinaasir ee uu Madaxweynaha ahaa, adna aad Ku-xigeenka u ahayd?”

Anwar Al-Saadaat, su’aashaa wuxuu ka bixiyay jawaab halku-dheg Siyaasadeed noqotay, waxaanu yidhi: “Madaxweyne Ku-xigeenku, waa musbaar bilaa dabo ah, Musbaar bilaa dabo ahina labada loox isagaa isu haya, mana muuqdo. Sidaa aawadeed, looma baahnayn in aan muuqdo, balse waxaa darruuri ahayd in aan labada loox isu hayo.”

 

Sifaha weedhahaa Saadaat darteed, wax badan lagama sheegi karo doorka uu qaadan doono iyo kaalintii uu qaadan jiray muddadii 5-sanno iyo dheeraadka ahayd ee uu ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka, lamana qiimayn karo hadda in tallaabadiisii hore iyo tiisan cusub ay waafaqayaan odhaahdaa Saadaat iyo in kale, lamana saadaalin karo waxa ay noqon doonto kartidiisa waxqabad ee xilka Madaxweyne-nimo ee uu hadda qabtay.

 

Hase yeeshee, inta badan dadka wax indho-indheeyaa waxay isku raacsan yihiin in Mudane Daahir Rayaale, samirkiisii ku soo simay jagadda uu maanta hayo, marar badanna uu aamus iyo dulqaad kaga jawaabay gefaf kaga yimi Xukuumadda dhexdeeda, intii uu Madaxweyne Ku-xigeenka ahaa.

Inkastoo dadka qaarkii ku dhalliileen aamuskaa, haddana dhinaca Siyaasadda wuxuu kaga helay kalsooni. Si kastaba wax ha u jireene, Mudane Rayaale, wuxuu maanta hor-fadhiyaa Gole ay xubno ka yihiin rag badan oo intii Marxuumkii hore noollaa isu arkayay in ay gacan ku-haynta awoodda iyo talada uga dhow yihiin isaga, kuwaas oo la aaminsan yahay in aanay jeclaysan magacaabistiisa, sidaa aawadeed waxaa la gudboon inuu marka hore jareeyo, Golihiisa oo uu seetada isku meel uga xidho, xusho-na rag la jaanqaadi kara oo aanu qaabkaa hore luminin.

 

Dhinaca kale, waxaa iyana la eegayaa hadba sida uu u buuxiyo jagadda Madaxweyne Ku-xigeenka oo la aaminsan yahay in horumarkiisa Siyaasadeed iyo waxqabadkiisaba laga saadaalin karo, khibradda iyo waayo-aragnimada Siyaasadeed ee uu leeyahay shakhsiga uu jagaddaa u doortaa. Sababtoo ah, waxaa la rumaysan yahay helitaanka Madaxweyne Ku-xigeen luqadda Siyaasadda ku wadh-wadhay, sida Taariq Casiis-ka Ciraaq inuu yahay ka keliya ee ka buuxin kara foogooyinka Siyaasadeed ee ku bannaan.

 

Hadal iyo dhammaan Madaxweyne Rayaale, wuxuu shacbi-weynaha reer Somaliland markiiba ka helay taageero laxaad leh oo muujinaysa, sida ay bulshadu ugu faraxday xilkan cusub ee loo dhaariyay. Sidaa aawadeed, bal aynu ka war-dhawro waayaha soo socda iyo jawaabaha ka soo baxa waxyaabaha aynu soo xusnay.

 

Baarlamaanka Kililka 5aad Oo Doortay Madaxweyne Iyo Madaxweyne Ku-Xigeen

 

Jig-jigga (Haatuf): Baarlamaanka Is-maamulka deegaanka Soomalida Itoobiya, ayaa kal-fadhigoodii 2aad oo lagu soo geba-gebeeyay xarunta Jig-jigga, ku doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xukumadda deegaankaas, isla markaana ku ansixiyay miisaaniyad-sannadeedka Maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Baarlamaanku Kal-fadhigiisaa labaad, wuxuu mar kale jagada Madaxweyne-nimo u doortay C/rashiid Duullane Rafle oo ahaa Madaxweynihii xilka hayay, Madaxweyne Ku-xigeenkana waxaa loo doortay Cabdi Jibriil oo hore u ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shiniille. Kal-fadhigaa, waxa kale oo lagu doortay Af-hayeenka Baarlamaanka ee saddexda sannadood ee soo socda, kaas oo ah C/raxmaan Badde Cabdi, isla markaana waxa kale oo la doortay Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka.

Siday wararku sheegeen, waxa kale oo la magacaabay Madax-xafiiseedyada hay’adaha dawladda.

Kal-fadhigaa 2aad ee Baarlamaanka Is-Maamulka Soomaalida Itoobiya, waxa kale oo lagu ansixiyay Miisaaniyad-sannadeedka dawladda deegaanka Soomaalida, taas oo la sheegay in ay tahay tii ugu badnayd, gaadhaysana 454-milyan oo Birr oo u dhiganta ilaa 53-milyan oo doollar. Warku, wuxuu intaa ku daray 178-milyan oo Birr oo lacagtaa ka mid ah in loo qoondeeyay in ay noqoto Miisaaniyadda Caadiga ah ee Maamulka, 276-milyan oo Birr-na loo qoondeeyay in lagu fulliyo Mashaariic horumarineed oo laga hirgelin doono deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Dhinaca kalena, waxay wararku sheegeen Xafiiska Hanti-dhawrka dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, warbixin uu hordhigay kal-fadhigaa oo halkaa laga akhriyay, wuxuu ku sheegay in ay jirto lacag 50-milyan oo Birr ah oo ay lunsadeen 19-xafiis, taas oo uu xusay in ay ka maqan tahay Khasnadda Dawladda. Horena, waxaa Kal-fadhigan 2aad ee Baarlamaanka lagu eryay 19-xubnood oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka, balse hadda laga qaaday xubinimadii Baarlamaanka. Waxaanay wararku sheegeen in 19-xubnood, la soo taagi doono Maxkamad, laguna eedeeyay arrimo la xidhiidha musuq-maasuq iyo nabad-diidnimo.

 

Ururka BIRSOL Oo Tallooyin

 U Soo Jeediyay Madaxweynaha

 

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Ururka BIRSOL oo ka mid ah Axsaabtii Is-diiwaan-gelisay, ayaa tallooyin u soo jeediyay Madaxweynaha cusub Mud. Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo ku saabsan sida ugu haboon ee uu u gudan karayo xilka culus ee loo doortay iyo sida ugu fiican ee ay dalka uga hirgeli karayaan doorashooyin xalaal ahi.

War-saxaafadeed arrintaa ku saabsan oo uu nasoo gaadhsiiyay Guddoomiyaha ururka BIRSOL, Axmed Sandon Xasan, waxa uu u qornaa sidan:

“Annagoo ah ururka BIRSOL, kana tiiraanyaysan geeridii naxdinta lahayd ee Madaxweynaheenii hore, waxaanu marka hore mar labaad ka tacsiyadaynaynaa Madaxweynaha cusub Mudane Daahir Rayaale. Marka xiga, waxaanu Madaxweynaha cusub Illaahay uga baryaynaa inuu u fudaydiyo xilka culus, iyadoo runtii dalku marayo xaalad kala-guur oo aad u adag, waxaanu jecelnahay kuguna barbar taagannahay, sidii doorashooyin xor ah oo xalaal ahi uga dhici lahayd dalka inta aad xilkiisa hayso, una noqoto Madaxweynaha labaad ee lagu xusuusto dalkan, waayo waa halkii u adkayd, haddii Illaahay kugu guuleeyo.

 

Sidaa darteed, waxaanu Madaxweyne kugu adkaynaynaa in aad u dhabar adaygto hawsha baaxadda leh, una gudato si aan hagrasho iyo habrasho toona lahayn. Waxa kale ood ogaataa, shayga qudha ee dadka deeqa ama kuwada fillaadaa tahay cadaalad iyo sinaan, cidda intaasi deeqi waydona, dadkaa kula arki doona.

Waxaanu aaminsan tahay, haddii xataa aad ku guul-daraysato in aad ku soo noqoto xilkan aad hayso, balse doorashooyinku inoo qabsoomaan oo aynu ka gudubno, waxay kuu noqon doontaa arrin taariikhda kuu gasha.

 

Sidaa darteed Mudane Madaxweyne, talladaada ku salee cadaalad, ha garowshiyo dhawaan, aadna ha u girgir adkaan, dacaayado rakhiis ah iyo eedayn badan laabta ka ogow, danta guud iyo ictiraafka maqaar Ey ugu seexo manfac kasta ha lahaatee, ha ugu xilan wixii magaca iyo jiritaanka lid ku ah.

Mudane Madaxweyne, adigoo UDUB ah iyo anagoo BIRSOL ah, tartanka mooyee, ilaalinta Qaranku way inaga dhexeysaaye, dhankayaga nagu daa.

 

Mudane Madaxweyne, ha moogaan seeska doorashooyinku waa diiwaan-gelinta, intaaney ururada kala baran halkay ku qadayaan iyo halkay shacbiyad ku leeyihiin, haddii kale waxay noqon laaxin aan inaga hadhin weligeed.”

 

 

Horumarka Dhaqaalaha

Somaliland Iyo Caqabadaha Hor Taagan

Siciid I. Guraase

 

 

 

Tan iyo markii lagu dhawaaqay madax-bannaanida Somaliland, sannadkii 1991-kii, waxa ay bulshada Somaliland guntiga dhiisha iskaga dhigeen sidii uu dalku u gaadhi lahaa horumar dhinaca dhaqaalaha ah, taas oo ay wax badani ka hirgaleen. Inkasta oo haddana ay jireen waxyaalo badan oo aan suurtogelin iyo caqabado ka hor yimid sidii loo xaqiijin lahaa horumar dhammaystiran oo dalka ka hirgala.

Iyada oo ay taasi jirto, haddana bulshada Somaliland kamay waaban inay intii tamartooda ah muujiyaan dedaalkooda ku wajahan sidii uu dalku u gaadhi lahaa horumar dhaqaale, kaas oo ku salaysnaa inta badan dedaal gaar ahaaneed oo ay dadku gooni gooni u wadeen, iyada oo uu qof waliba kaga qaybqaadanayo intii karaankiisa ah.

 

Meelaha aynu odhan karno dalku wuxuu ka gaadhay horumar waxaa ka mid ah:

-          Ganacsiga iyo baayac-mushtarka oo suurtogeliyay inay dalka soo galaan badeecado iyo alaabooyin ka yimid meelo aad u kala duwan oo ay ku jiraan dalal aad u durugsan Juqraafi ahaan, balse ay dhawaysay horumarka qalabka is-gaadhsiinta iyo gaadiidka kala duwan ee wax lagu daabulo.

-          Warshadaynta iyo goobaha farsamada gacanta ayay iyagana ka muuqataa horumar la taaban karaa, taas oo suurtogelisay in qalab kala duwan iyo cuntooyin markii hore debedda laga keeni jiray ay suurtogasho in dalka gudihiisa lagu farsameeyo.

Meelaha uu horumarka dalku gaadhay, meelahaa aynu soo sheegnay ayaa ka mid ah, inkasta oo aanay intaa ku dhammayn. Balse waxaynu u soo qaadanay tusaale ahaan, innaga oo qormooyinkeena dambe mid-mid uga hadli doona meelaha uu ka socdo dhaq-dhaqaaqyada kobcinta dhaqaaluhu.

Haddii aynu eegno sababaha keenay inuu dalku horumarka la taaban karo ku tallaabsado muddadii aynu la soo noqonay gobanimadeena, waxaa ka mid ah;

·         Dedaalka ay muujiyeen shacbiga Somaliland, oo muujiyay sida ay ugu heelan yihiin horumar uu dalkoodu gaadho, gaar ahaana dadka reer Somaliland ee ku noolaa dibedaha oo wixii ay hanti hayeen ee ay shaqaysteen muddadii ay dibedda joogeen dalkooda dib ugu soo celiyay, iyaga oo furay goobo ganacsi oo kala duwan iyo maal-qabeenada oo hantidooda u huray dalka.

·         Dawladda oo tixgelisay madax-bannaanida ganacsiga iyo hantida gaarka ah, taas oo dhiirigelisay in ay dadku qofba intii itaalkiisa ah aanay waxba dib u dhiganin sidii ay hantidooda dalka u gashan lahaayeen.

·         Helidda gaadiid kala duwan oo fududeeyay soo daabulidda bucsharadaha ee ganacsiga, isla markaana lagu geyn karo kolba halkii loo baahdo.

·         Shariikadaha xawaalada ayaa iyaguna ka qaybqaatay horumarka dhaqaalaha, kadib markii ay suurtogaliyeen in si dhibyar la isugu xawilo lacagta la soo siinayo noocyada kala duwan ee bucsharadaha ganacsiga. Waxa kale oo ay suurtogeliyeen inay dadka dibedaha ku nooli dadkooda gudaha u soo gudbin karaan kolba wixii hanti ay ugu deeqayaan.

·         Waayo-aragnimo badan oo ay dadka reer Somaliland ka heleen muddadii ay qaxootiga ku ahaayeen, iyaga oo soo bartay farsamooyin badan oo looga shaqaysto dalalka adduunka.

·         Qalabka kala duwan ee war-is-gaadhsiinta ayaa isna suurtogeliyay in si fudud ay ugu wada xidhiidhaan dadka wada hawlaha ganacsigu, iyaga oo isla socod-siinaya kolba wixii jira.

Marka taa laga yimaado waxa iyaduna jirta caqabado badan oo ka horyimid sidii uu dalku u gaadhi lahaa horumar dhaqaale oo intan ka weyn, waxana ka mid ah:

1.                                                       xayiraadii xoolaha ee ay soo rogeen dalalka Carabtu, ayaa ahayd caqabadii ugu weynayd ee ka hortimid dhaqaalaha dalka iyo guud ahaanba nolosha dadka reer Somaliland, maadaama 95%, in kabadani dhaqaalaha dalku uu ku xidhnaa ganacsiga xoolaha nool, taasina waxay naafaysay dhaqaalihii bulshada, gaar ahaana xoola-dhaqatada oo ay nolosheedii aad cidhiidhi u gashay.

2.                                                       qorshe la’aan dhinaca dhaqaalaha ah oo dalka ka jirtay, taas oo is dhex-yaac ka dhigtay hannaanka dhaqaalaha oo aan madax iyo minjo kala lahayn.

3.                                                       sabbaynta sarrifka dollarka iyo sicir-bararka oo muddo dheer khal-khal ku hayay hannaanka ganacsiga iyo dhaqaalahaba, taas oo ay inta badan si xun uga faa’iidaysanayeen dad gaar ahi, taasina waxay naafaysay dhaqaalihii bulshada qaybo badan oo ka mid ah.

4.                                                       hannaanka canshuuraha dawladda oo aan lahayn qorshe cad iyo nidaam loo raaco, taas oo khalkhal gelisay geedi-socodka hannaanka ganacsiga iyo dhaqaalaha, keentayna in ay aad hoos ugu dhacaan badeecadaha ka soo dega dekedda Berbera.

5.                                                       ganacsatada iyo baayac-mushtarka oo iyaga laftoodu aan lahayn qorshe iyo hannaan ay ku kala saaraan baahiyaha gudaha, iyaga oo si is-barbar-yaac ah u keenayay waxyaabo isku mid ah ama aan kala soocnayn. Waxa intaa dheeraa, iyada oo ay ka muuqatay tixgelin la’aantooda dadkooda dan-yarta ah marka la eego qiimaha iyo sarrifka ay ku salaynayeen.

Si kastaba ha ahaatee, waa mid lagama maarmaan ah in dedaalka halkaa laga sii wado, caqabadaheedana lala tacaalo mustaqbalka.

 

19 Arday Oo Ku Guulaystay Deeq Waxbarasho Masar Ah Oo Maanta Dalka Ka Ambabaxaya

 

 

 

Hargeysa (Haatuf) :- 19 Arday oo ku guulaystay deeq wax-barasho oo ay bixisay dawladda Masar, ayaa lagu wadaa inay qaybtoodii u horraysay maanta dalka ka amba-baxaan, iyada oo ay qaybta kalena bari ka daba tegi doonaan.

 

19 arday oo ku guulaystay imtixaan laga qaaday ilaa 50 arday bishii Ogost ee sanadkii hore ee 2001, waxa guusha ay gaadheen 19-kan arday oo u kala baxa 6 hablood iyo 13 wiil lagu dhawaaqay bishii March ee ina dhaaftay, intaana waxa lagu jiray hawlaha diyaarinta safarkooda.

Ardaydan oo iyagu iska bixiyay lacagta tigidhka, waxaa lagu wadaa inay maalinta Jimcaha ka amba-baxaan Addis Ababa, ayna gaadhaan magaalada Qaahira oo ay uga bilaabmayso waxbarasho ay ku qaadan doonaan jaamacadda Al-As-har, iyada oo inta aanay u bilaabmin duruusta rasmiga ahi ay qaadan doonaan sannad hor-dhac ah oo loogu diyaarinayo waxbarashada rasmiga ah.

 

Deeqdan oo ay dawladda Masar soo marisay wasaaradda wax-barashada, waxa uu noqonayaa markii ugu horraysay ee si rasmiya loo dhaqangeliyo deeqdan oo kale, iyada oo ay dhawr goor oo hore u baaqatay sababo aan la caddayn.

 

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Cumar Daahir Cumar

Waxyeelada Maandooriyeyaasha

Tiro badan oo ah maandooriyeyaal kiimiko kala duwani ay ku jiraan ayaa yaala inta badan magaalooyinka Somaliland.

 

Marka laga reebo maandooriyeyaasha caanka ah sida; Caffeine, Amphetamines, Cocaine, Marijuana, waxaa jira aalado kiimikal ah oo ku jira kiniin ama noocyada kale ee dawo ahaanta loo isticmaalo si ay xannuun gudaha jidhka ah ama mid guud ugu noqdaan dawo caafimaad.

Xayaysiinta waxyaalaha ay ka mid yihiin Aspirin, kiniinada dejinta ama kuwa hurdada, ayaa ah mid caadi ah oo aynu maqalno, ama qoraalo ku saabsan aynu aragno, xayaysiintaas waxa u sal ah in dawooyinkaasi ay si deg-deg ah xal ugu noqonayaan mushkiladaada caafimaad. Ilaa xad arrintaasi waa run oo xannuunka ku haya wax way ka tarayaan.

Dawooyin badan ayaa dadka ka daweeya xannuunka haya oo ay isticmaalaan. Dawooyinka loo yaqaano (Tranquilizers), waxay dadka ka caawiyaan kacsanaanta dareen, kuwa loo yaqaan (Barbiturates), waxay dadka ku abuuraan hurdo, inta badan dawooyinka waxtarkooda si deg-deg ah ayaa loo dareemaa, taasina waa sababta keentay in dadku rumaystaan waxtarka dawooyinka (drags), laakiin dawo kasta oo waxtar lihi waxyeelana way u leedahay ama ku keeni kartaa caafimaadka qofka isticmaalay.

 

Arrinta macnaheedu wuxuu yahay, dad badan ayaa si qayru caadi ah u isticmaala dawooyinka caadiga ah, markaa sida khaldan loo isticmaalo dawooyinka ayay isu rogaan maan-dooriye. Sababtuna waxaa weeye qofkan sida khaldan u isticmaalay oo yeesha baahi uu aad ugu tiirsan yahay nolol ahaan isticmaalka daawadaasi (Dependent), arintani Qofka waxay ka dhigta qayru-caadi (Abnormal).

Dadku waxay isticmaalaan daawo aanay garanayn. Dhinaca waxyeelada ee daawada (side effects) ama baahida ku tiirsanaanta isticmaalkeeda ee ay keeni karto.

Mararka qaar, maandooriyeyaashu waxay qofka ku keenaan inuu lumiyo dareenkii uu jidhkiisu ku dareemi lahaa xannuun haya, mararka qaarna qofka isticmaalay maandooriyuhu wuxuu noqdaa qof maahsan oo ka maqan oo nolosha runta ah ee hortaala. Noocan maandooriyeyaasha ah ee wax ka beddela dareenka iyo hamiga qofka waxaa lagu magacabaa (Mind altering drags), maandooriyeyaashii maskaxda beddelayay.

 

Maandooriyeyaashu waxay khal-khaliyaan qaabka caadiga ah ee jidhka qofku u shaqeeyo. Saamaynta ay maandooriyeyaashu u saameeyaan jidhka qofka, waxa qayb weyn ka qaata xaddiga ama qaddarka daawada ah ee uu qofku cunay ama isku muday, taas oo ku xidhan xajmiga qofka.

Waxay maantoodiyeyaashu ku kala halisaysan yihiin qaybta jidhka ee uu maan dooriyehaasi isbeddelka ku keenayo, sida kan wax ka beddelaya garaaca wadnaha iyo ka wax ka beddelaya qaabka ay kaadi-haystu u shaqayso.

 

Xannuunka Maskaxda  Ee Psychoses

Macluumaadkan waxa laga soo xigtay buuga Understanding Health oo ay tafaftirtay Linda Perrin

Xannuunkan maskaxda ee Psychoses, waa dabeecada caadiga ah ee qofka oo uu ku yimaado isbeddel iyo hab-dhaqan ka fog ka dadka miyirka qaba. Qofka Psychoses, wuxuu awoodi kari waayaa inuu qabto shaqada nololeed ee maalinlaha ah isaga oo aan haysan cudur-daar macquul ah oo u diiday hawl-qabadkaasi. Waxaa kale oo uu qofkani joojiyaa cuntada uu qaadan jiray.

Psychoses-ka, waxaa sababa jug ama dhibaato gaadhay maskaxda qofka oo ka timid xannuun galay wareega dhiiga ee qofka ama buro ka baxday xubin ka mid ah jidhka qofka, caabuq, maandooriye iyo jug ku dhacday.

 

Psychoses, wuxuu u kala khatarsan yahay kolba inta ay le’eg tahay dhibta gaadhay maskaxda qofka.

Psychoses, waxaa ka mid ah noocyada xannuunka maskaxda ee uu ka mid yahay Schizophrenia.

Schizophrenia, waa kan ugu caansan noocyda xannuun ee Psychoses-ka, noocan xannuun ee maskaxda qofku wuxuu rumaystaa sheekooyin nololeed oo beena, maskaxdiisuna ay malo-awaashay, haddii arrintan runta looga sheegana bukaanka xannuunkan qabaa ma rumaysto.

Bukaankan waxaa u baxa shanqadh iyo muuqaal aan si dhab ah loo arki karin, meeshana joogin.

Bukaanka qaba xannuunkani, wuxuu si khaldan uga jawaabaa dareenka jira, sida isaga oo qosla, iyada oo ay geeriyi ka jirto qoyskiisa uu ka midka yahay, lana nool yahay. Qofkan bukaanka ah, waxaa iyana u wehelin karta xannuun kale oo isna maskaxda ah, loona yaqaano Paranoid.

Xannuunkan Paranoid-ka wuxuu qofku rumaysanayaa dareen ah inay dadka oo dhammi qof-qof ahaan ay isaga u shirqoolayaan.

 

Waxaa kale oo uu bukaanka Paranoid-ka qabaa rumaysanayaan inuu isagu yahay hoggaamiyaha dunida ugu weyn ee wax hoggaamin kara. Xannuunka maskaxda ee Schizophrenia wuxuu aad ugu dhacaa mujtamaca ay noloshoodu hoosayso ee ku nool magaalooyinka. Waxaa kale oo ay culimada aqoonta u leh xannuunada maskaxdu ay sheegeen in cudurka Schizophrenia u yahay mid la isugu gudbin karo dhinaca dhaxalka taranka (genetics), haddii ay qofka ka soo shaac-baxdo dabeecadda aan ahayn kuwa caadiga ah, bulshada waxa loo aqoonsanayaa inuu ka xannuunsanayo xagga maskaxda (Abnormal), waxaana loo kala saaraa laba nooc oo kala ah; markuu qofku joogteeyo dabeecadaha qayru-caadiga ah sida Hysterical iyo Antisocial.

La soco…..

 

ODHAAHD AKHRISTAHA

 

Madaxweyne: Shacbigu Aad Buu U Jeclaystay Jawaabihii Aad Ka Bixisay Waraysigii BBC-Da

 

Guud ahaan shacbigu aad ayuu u jeclaystay jawabihii aad ka bixisay laanta Af-soomaaliga ee idaacadda BBC-da, iyada oo ay su’aalahasi ay dhammaayeen ilaa 20 su’aalood, mid walba waxaad uga jawaabtay si kalsooni weyni ka muuqato iyo deggenaanshiiyo iyo jawaabta oo koobnayd kuna habboonayd su’aalihii lagu weydiiyay.

Guud ahaan ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto gudaha iyo dibeddaba, waxaanu Eebe kaaga rajaynaynaa inuu kuu fududeeyo hawshaas iyo xilkaas ballaadhan ee aad u qabatay dadka reer Somaliland, waananu kugu garab taaganahay haddii aanu nahay shacbiga.

 

Talo soo jeedin

Madaxweyne, adiga oo xilka maalmo yar hayay waxaan kugula talin lahaa arrimahan hoos ku qoran:

Mas’uul kastaaba muddada uu xilka hayo waxa uu jecel yahay inuu qabto waxyaalo magac uu ku helo muddadaasi, haddaba waxa jirta madaxweyne sidaad adiguba ogtahay hawlo badan oo wax ka qabad u baahan kuna horyaala waxaana ka mid ah;

1.       waxaa jirta maamul xumo badan oo dalka ku baahday hadday tahay dawlada dhexe iyo dawladaha hooseba, markaa madaxweyne wixii isbeddel iyo wax ka qabad u baahan ha ka indho qarsan ee tallaabada ku habboon ka qaad.

2.       madaxweyne dalku ma laha idaacad la wada maqlo, sidaas darteed isku day in dalka la keeno idaacad weyn oo dalka oo dhan laga wada maqlo iyo dalalka aynu jaarka nahayba.

3.       madaxweyne marka ugu horraysa ee ay kuu suurogasho gobollada dalka ee lixda ah socdaal ku soo wada mar, si aad xog-ogaal ugu noqotid xaqiiqada dhabta ee dalka ka jirta.

4.       waxaa jirta in qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ay u baahan yihiin isbeddel dhinaca taliska ah sababo maamul xumo darteed, una baahan yihiin hoggaan hanan kara shaqooyinka ciidan ee ay hayaan.

5.       madaxweyne waqti badan yayna kaaga lumin arrimaha aan muhiimka ahayn sida suldaano, odayaal, sheekhyo iwm, waxaanad fursad weyn siisaa dadka dhalinyarada ee aqoonyahanka ah, adigoo kala tashanaya dhinac walba sida dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaha bulshadaba, maadaama uu dalku u baahan yahay dib-u-dhis dhinac walba ah.

6.       sidii aad waraysigii BBC-da kaga jawaabtay madaxweyne waxaad ahmiyad siisaa fulinta iyo hirgelinta shuruucda dalka.

 

Ismaaciil C/raxmaan Xaashi

 

“Beeshu Way Ku Calool-Santay Cid Kasta Oo Uu Madaxweynuhu U Magacaabo Madaxweyne Ku-Xigeen”

Bayaan Beesha Awal-Bari

Shir ay isugu yimaadeen madax-dhaqameedyo, iyo wax-garad badan oo ka tirsan beesha Awal-bari, kaas oo shalay oo bishu ahayd 11/5/2002 ka dhacay Hargeysa, waxay go’aamiyeen qodobadan hoos ku qoran;

1.       iyada oo wixii hadda ka horreeyay lagu jiray tacsidii madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxay beeshu hambalyo iyo bogaadin u diraysaa madaxweynaha cusub Mud. Daahir Rayaale Kaahin, annaga oo ugu hambalyaynayna xilka madaxweynenimo ee loo doortay Ilaahayna uga baryayna inuu ku garabgalo una fududeeyo xilkaas.

2.       waxay beeshu hiil iyo hooba la garab taagan tahay oo ay si buuxda diyaar ugu tahay inay la shaqayso madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa, iyada oo aanay waxba iska dhimi doonin, iskana beddeli doonin mawqifkeedii hore ee ay kula shaqayn jirtay madaxweynihii geeriyooday.

3.       iyada oo beeshu ka jawaabaysa dareemo maalmahanba jiray oo la xidhiidha xilka madaxweyne ku xigeenka ee haatan banaan, kaas oo warbaahintana ku soo baxayay, loona sawiray inay beesha lafteedu qaab baayactan ah ugu jirto. Waxay beeshu u caddaynaysaa shacbiga reer Somaliland iyo golayaasha qarankaba inaanay jirin dacaayaddaasi iyo hadallada la isla dhexmarayaa, ahayna hab-dhaqanka beeshan.

4.       waxay beeshu aaminsan tahay in hawsha buuxinta jagada madaxweyne ku xigeenku tahay hawl dastuuri ah oo u taala madaxweynaha Somaliland, cid alla ciddii uu doonana isagu awood u leeyahay inuu u magacaabo, iyada oo beeshuna u caloolsan ulana shaqayn doonta sida aynu kor ku soo sheegnay cid kasta oo uu jagadaa u magacaabo.

5.       ugu dambayntii waxay beeshu xushmaynaysaa himiladeeduna tahay jiritaanka qaranimada Somaliland.

Xubnaha go’aankan soo saaray:

1.       Sh. Xariir Sh. Cismaan Nuur (Shirguddoon),

2.       Caaqil Shaqalle Maxamuud Xasan,

3.       Ganacsade Xasan Aw Libaax iyo xubno kale oo badan

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Guray

 

D. Beckham Oo Heshiis Cusub La Galay Manchester

 

 

 

Manchester (England – Reuters) – Kabtanka xulka England, ayaa saxeexay heshiis cusub oo uu la galay Manchester United, kaas oo Old Trafford uu ku sii negaan doono tan iyo dhammaadka bisha June ee 2005.

Manchester waxay xaqijisay in Beckham ku raacay heshiiska oo muddo bilo ah la dhiraandhirinayay, sidaana waxay war-murtiyeed ay soo saartay kooxdu inyar ka hor kulankii ugu dambeeyay tartanka sannadkan oo ay garoonka Old Trafford kula yeelatay kooxda Charlton Athletic.

“Kooxdu marna kamay caajisin raacdada ay ugu jirtay helitaankayga, anigu markasta waan ka warhayay in Manchester tahay ta keliya ee aan weligay ku hamiyi jiray u ciyaariddeeda,” sidaa waxa yidhi Beckham oo ka hadlayay xafladdii heshiiska.

Beckham wuxuu sheegay inaanu weligii ka werwer qabin heshiiska, balse wuxuu caddeeyay inuu ka dhursugayay inta laga gaadhayo koobka adduunka.

“Alex Ferguson, wuxuu ii caddeeyay inuu I doonayo oo aan qayb muhiim ah kooxda ka hayo, hadalladiisaa wanaagsanina way igu fillaadeen,” ayuu ku daray.

Kabtanka England, oo ka soo kabanaya dhaawac lugta ka gaadhay wuxuu u dabbaaldegay heshiiskiisa, wuxuuna hadba dhinac u lugaynayay kaalinta ay fadhiistaan ciyaartoyga kaydka ee Old Trafford.

 

Wararku waxay sheegayaan in heshiiska cusub ee 27-jirka kabtanka ah lala galay yahay (90,000) kun oo gini oo toddobaadle ah, kaas oo noqonaya qiimihii ugu sarreeyay ee lagu bixiyo kubadda cagta ee dalkaasi.

Waxaa in muddo ah si taxaddar leh u socday wadahadalka u dhaxeeyay kooxda iyo Beckham, oo heshooskoodii hore ku dhammaanayo dhammaadka xilli-ciyaareedka soo socda.

Madaxa gudiga fulinta kooxda Peter Kenyon, ayaa sheegay inay ka warhayeen in heshiisku muddo dheer qaadan doono, balse ugu dambaynta tay ku guulaysanayaan, isaga oo arrintaana ka hadlayana wuxuu yidhi; “Q      of waliba waa ogyahay inay muddo dheer nagu qaadanayso inaanu heshiis ka gaadhno wadahadalka cusub. Wadada ciyaartoy kasta loo marayo wadahadalkiisu waa mid nooc gooniya ah.”

 

“Waanu rumaysanahay inaanau wada gaadhayno heshiis sidan oo kale ah. Waxaa muhiimad leh inaanu weligayo ku fekeri jirnay in Beckham doonayo joogista Manchester,” ayuu ku daray.

Kabtanka dhanka bidix kubadaha ka soo rogaalaa wuxuu qayb libaax ka qaatay guulo kooxdu soo hoysay waqtiyadii hore, sidoo kale wuxuu heegan u yahay sidii dedaal hor leh loogu geli lahaa guulo cusub oo kooxdu ku tallaabsato waqtiyada soo socda.

Beckham wuxuu tallaabadan u xaqiijiyay tabobaraha Ferguson iyo kooxdaba saddex cisho kadib markii ay faro madhan kala hoyatay rajadii horyaalka, iyada oo Arsenal 1-0 ugu quus-goysay fursaddii damaceeda ka hadhsanayd.

 

Tabobare Ferguson, oo ka hadlay haybadda ciyaaroygaa ayaa ku tilmaamay haldoor kaalin mug leh ka qaata guulaha kooxdu gaadho, isaga oo heshiiskan cusubna ku tilmaamay mid hour-kac weyn ay ku gaadhi doonaan waqtiyada soo socda.

Beckham oo tabobarka ka bilaabay kooxda Manchester, wuxuu u mahad-celiyay taageerayaasha kooxda, wuxuuna yidhi; “Taageerayaasha Manchester waa qayb ka mid ah ehelkayga, waanay I taageeraan marka aan gacan-sarreeyo iyo marka la iga gacan-sarreeyaba, tan iyo markii aan ka soo baxay Old Trafford.”

Manchester, waxay horeba heshiis ula gaadhay kabtanka Roy Keane, oo ay muddo dheer xod-xodanayeen, iyada oo go’aankii Ferguson-na noqday in uu sii joogo tan iyo inta uu ka fadhiisanayo ciyaaraha, kaas oo la filayo inuu soo dhoweeyay heshiiskan cusub ee Beckham lagalay kooxda.

David Beckham, oo ka soo kabanaya dhaawac dhowaan gaadhay wuxuu kooxda qaranka u raacayaa xerada tabobarka ee Dubai, oo ay Isniinta u ambo-bixi doonto.

 

Dyer Iyo Gerrard Dhaawacmay Kulamadii

 

 

London (Reuters) – Maamulaha xulka England Sven Goran Eriksson ayay soo food-saartay wer-wer ka dhashay dhaawac ka soo gaadhay laba ka mid ah xulkii uu dhawaan doortay kulankii ugu dambeeyay ciyaaraha waddankaa oo dhacay sabtidii shalay.

Ciyaartoyga kala ah Kieron Dyer oo u safta kooxda Newcastle ayaa lugta ka cawarmay, halka uu Steven Gerrard gaadhay dhaawac aan halis ahayni.

 

Dyer, oo ka mid ahaa ciyaartoygii safka hore ee uu miidhay Eriksson, dhaawaca soo gaadhay maaha mid halis ah ama baqdin weyn ku haya kooxda, kadib markii uu ka wiiqmay seedalayda lugta midig oo xummad badan laga dareemayay markii ay ku habsadeen labada adin ee ciyaartoyga kooxda Southampton, oo difaaca uga ciyaara xulka Morocco Taher El-khalej.

Ciyaartoyga ayaa garoonka laga dhex walwaalay, iyada oo xummaddi lalinayso, halka El-khalej-na kaadhka cas la siiyay, ciyaartana debedda laga dhigay.

Telefishanka Sky Sports, ayaa ku warramay in Dyer, caqabad kale ku soo kordhin doono haddii uu xulka ka hadho, inkasta oo wer-wer laga qabo maqnaanshihiisa, haddana ilaa hadda lama geyn dhakhtar caddeeya inta uu le’eg yahay dhaawaciisu.

Sidoo kale, waxaa dhaawacmay ciyaartoygakhadka dhexe ee Gerrard, oo beddel ku soo galay qaybtii koowaad ee kulankii shalay oo Liverpool 5-0 kaga adkaatay Ipswich, oo ay isku haleeleen garoonka Anfield.

 

Tabobaraha Liverpool Gerard Houllier, ayaa u sheegay Sky Sports, in aanu halis ahayn dhaawaaca ciyaartoygu, oo uu raaci karayo xulka waddankiisa uga qaybgelaya koobka adduunka ee dhawaan lagu qabanayo waddamada K. Kuuriya iyo Japan.

Houllier, wuxuu sheegay inuu qaddar nasasho ah u baahan yahay, kadibna uu ciyaari karayo.

Kooxda England, waxaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta u duusho dalka Dubai, si ay muddo toddobaad ah halkaa ugu sii nasato, kahor intaanay u socdaalin dalka Japan, oo ay kulanka ugu horreeyay 2da bisha June kula yeelanayso xulka Sweden.

“Wuu tegayaa Dubai, wuuna bogsanayaa,” ayuu yidhi Gerard Houllier.

Eriksson, oo uu doorashadii hore kaga lumay Gary Neville oo dhaawacani wuxuu xulkii kama dambaysta ahaa magacaabay Khamiistii dhaweyd.