Haatuf, Cadadki 82, May 17, 2002

Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Magacaabay Madaxweyne Ku-Xigeen

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay si rasmi ah u soo saaray magacaabista Madaxweyne ku-xigeenkiisa cusub, kaas oo uu u magacaabay Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa Mudane ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, kana mid ah Mudanayaasha Gobolka Saaxil kaga jira Baarlamaanka.

 

Magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka cusubi, waxay soo af-jartay in ku dhow sideed maalmood oo uu socday olole xoog leh oo loogu xusul-duuban yahay buuxinta jagadaas, taas oo uu aakhirkii si lama fillaan ah ugu soo baxay Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo aan hore uga muuqan muraayadda ololihii loogu jiray buuxinta jagadan, isla markaana aanu magaciisu ka mid ahayn magacyadii la isla dhex marayay, waxaase lagu war helay markii uu shalay Madaxweynuhu soo saaray Wareegtada magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka cusub.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris, wuxuu Madaxweynuhu soo saaray magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka, kadib markii uu tixgeliyay la-tashiyo uu la sameeyay duqay iyo waxgarad ummadda ka tirsan, isla markaana uu  cuskaday sharciyadda distoorka, kuna qancay inuu masuulkani hannan karo xilka Madaxweyne Ku-xigeenka.

 

Qoraalka lagu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub, waxa kale oo lagu sheegay inuu Madaxweynuhu isla shalayba magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka cusub qoraal ahaan ugu gudbiyay golayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda), isagoo Madaxweynuhu sheegay in ay Baarlamaanku waajibaadkooda distooriga ah ka gutaan Madaxweyne Ku-xigeenka cusub oo la filayo inuu dhakhso ah u hor tegi doono Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan.

 

Sida uu dhigayo Distoorka Somaliland, marka ay timaado xaaladdan oo kale, waxa magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka soo xulanaya Madaxweynaha, kadibna u gudbinaya Baarlamaanka si ay u ansixiyaan, waxaana ansixintiisa wada-jir ugu codaynaya labada Gole oo wada-jira, taas oo ay ogolaanayaan ama diidayaan, iyadoo haddii ay diidaan uu Madaxweynuhu mar kale xaq u leeyahay inuu muddo 30 maalmood gudahood ah dib u soo magacaabo Madaxweyne Ku-xigeen.

 

Urur-Siyaasadeedka ASAD Oo Shaaca Inuu Is-Diiwaan-Gelinayo

 

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka ASAD oo ka mid ah, ururada Siyaasadda ee dalka Somaliland ka abuurmay dabayaaqadii sannadkii hore, laakiin aan hore isu diiwaan-gelin ayaa markii u horreysay hadda ku dhawaaqay in ay is-diiwaan-gelinayaan, sidaana waxa xaqiijiyay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Xoghayaha Warfaafinta ee ASAD, Yuusuf Maxamed (Tuke).

“Guddiga Fullinta Isbahaysiga ASAD, waxay go’aamiyeen in la diiwaan-geliyo isbahaysiga,” ayuu yidhi War-saxaafadeedkaasi.

 

Ururka ASAD, waxa uu ahaa urur-siyaasadeedka keliya ee qaadacay Is-diiwaan-gelintii ururada Siyaasadda, halka ay iska diiwaan-geliyeen ilaa toddoba urur-siyaasadeed oo kale. Sidaa darteed ururka ASAD, isaga oo tilmaamaya sababta uu hadda u go’aansaday inuu is-diiwaan-geliyo, wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi:

 

“Go’aanka is-diiwaan-gelintu, wuxuu ka yimid wada-tashi ballaadhan oo ay yeesheen ururada uu ka kooban yahay Isbahaysigu oo kala; UGBAAD, Dib-u-habaynta SNM, USIN, DADKA iyo AllA-AAMIN, iyo weliba taageerayaal badan oo isugu jira waayeel iyo waxgarad, waxayna taasi ka dambaysay markii dalku galay marxalad cusub, kadib geeridii ku timid Madaxweynihii hore Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, sidaa awgeed waxa timid maalin loo baahan yahay Midnimo, isku duubnaan iyo is-xilqaan dheeraad ah, si looga gudbo duruufaha adag ee ina soo food-saaray, iyadoo maanta loo baahan yahay wada-tashi run ah, ururka ASAD-na wuxuu muujiyay tallaabo kasta oo u adeegaysa danta ummadda, kuna salaysan distoorka, midnimada iyo xasiloonida Somaliland, waxayna tahay ujeeddada uu ururka ASAD isu diiwaan-gelinayaa inuu Shacbiga u muujiyo niyad-samidiisa, isla markaana uu Xukuumadda Cusub siiyo fursad ay ku saxdo khaladaadka jira, waxna ka bedesho Siyaasadii ahayd la-isu-joojin-maayo, xil-gudashadeedana ay ku salayso wada-tashi run ah.

 

Sidoo kale ururka ASAD, waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay sababaha uu markii hore ku diidanaa is-diiwaan-gelinta, wuxuuna yidhi: “ururka ASAD, wuxuu is-diiwaan-gelinta ku diiddanaa sababo cad-cad oo marxaladdaa taagnaa, welina ay badidoodu taagan yihiin, waxaana ka mid ahaa:

1.       Wada-tashi la’aan saamaysay qaabkii loo maamulay xeerarkii iyo hay’adihii doorashooyinka, iyo weliba guud ahaan jidka loo marayo doorashada oo qaabkii loo maamulay ahaa mid aan lagu gaadhi karayn doorashooyin xor ah oo xallaal ah.

2.       Maqnaashaha Shuruucdii saldhigga u ahaa doorasho xaq ah, sida xeerka Jinsiyadda iyo xeer kala-xaddaynta xuduudaha Gobolada iyo Degmooyinka.

3.       Tira-koob la’aanta cod-bixiyayaasha iyo guud ahaan dadka reer Somaliland.

4.       Gobolada qaarkood oo aanu Maamulku gaadhin, taas oo wiiqday Midnimadii Somaliland.

5.       Iyo kala-qaybsanaan iyo kalsooni-darro ka abuurantay jewigii Siyaasadeed ee jiray iyo qaabkii loo aasaasay ururka UDUB oo cirka ku sii laalay rajada doorashooyin loo siman yahay.”

 

Waa Kuma Madaxweyne Ku-Xigeenka Cusubi?

 

Abaaro 10:45- daqiiqadood ee gelinkii hore ee shalay ayaa si rasmi ah loogu war helay magacaabista Madaxweyne-kuxigeenka cusub oo ah Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu Madaxweyne Rayaale u doortay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub.

 

Warka magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenka cusub waxa xarumaha iyo rugaha saxaafadda Somaliland u qayb-qaybiyey Afhayeenka Madaxtooyadda, Cabdi Idiris Ducaale. Hase yeeshee, warku markiiba wuu istafay oo wuxuu ku baahay suuqyada magaalada, sidaa darteed waxa si is-daba-joog ah xafiiska wargeyska ugu soo dhacayey telefoono ay dadku nagu waydiinayaan qofka uu yahay ninka loo magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub iyo waxa uu ahaan jiray ama sooyaalkiisa taariikheed (his back ground), waydiintaasina waxay ahayd mid ay dadku ku doonayeen in ay ogaadaan ninka loo, magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Somaliland, taas oo ay aad u xiisaynayeen.

 

Waxa laga yaabaa in ay sababta ugu weyn ee ay dadkaasi noola soo xidhiidhayeen ahayd garan-waa iyo filan-waa ay kala kulmeen ninka loo magacaabay jagada Madaxweyne Ku-xigeenka oo aanay horena u aqoon, ayaamahana aanay maqal hadal-hayntiisa intii uu socday ololihii loogu jiray helista jagada banaanaatay ee Madaxweyne Ku-xigeenka.

 

Haddaba, si aad wax uga ogaataan qofka uu yahay iyo sooyaalka taariikheed ee masuulka loo magacaabay jagada Madaxweyne Ku-xigeenka waxaanu idiinka soo diyaarinay warbixintan:

 

“Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1957-kii. Waxbarashadiisii Quraankana wuxuu ku qaatay magaalada Berbera, sidoo kale waxbarashadiisii dugsiga hoose ilaa dugsiga dhexe wuxuu ku qaatay magaalada Hargeysa sannadihii u dhexeeyey 1967-kii ilaa 1974-kii.

Waxbarashadiisii dugsiga sarena wuxuu ku qaatay magaalada Hargeysa intii u dhexaysay 1974-kii –1976-kii.

Intaa kadib, wuxuu Maxadka lagu magacaabo British Career Training College Jersey ee dalka Ingiriiska ka qaatay shahaado Diploma ah oo dhinaca xisaabaadka ah, waxa kale oo uu sannadihii u dhexeeyey 1995ilaa 1998 iyo 2000 magaalada Hargeysa ku qaatay aqoon kala duwan oo la xidhiidha nidaamyada dawliga ah iyo culuunta kombiyuutarada. Waqtigan xaadirka ahna waxa uu ka mid ahaa ardayda wax ka barata kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, isaga oo laga soo bilaabo 1997-kii ilaa hadda ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Somaliland.

 

Sida la sheegay Axmed wuxuu ku hadlaa luqadda Soomaaliga marka laga reebo laba luqadood oo kale, kuwaas oo kala ah Ingiriisida iyo Carabiga.

Dhinaca kale sannadihii 1993-kii ilaa 1997-kii, wuxuu maamule ka ahaa shirkad xoolaha dhoofisa oo la yidhaahdo DUBAR.

 

Sannadkii 1993-kii wuxuu kormeere ka ahaa barnaamij dhinaca gargaarka ah oo ay ku shaqo lahaayeen guddi ka shaqeeya iskaashiga dhinaca dhaqaalaha oo ka dhexeeya Sucuudiga iyo Maraykanka, laguna magacaabo JECOR, xaruntiisuna ahayd magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Carabia.

 

Dhinaca kale haddii aynu eegno, Axmed Yuusuf Yaasiin intii uu ku jiray Golaha Wakiiladda Somaliland waxa lagu tirin jiray muadanayaasha qunyar socodka ah ee aad u afka gaaban, wuxuuna ahaa nin aan codkiisa aad loo maqal oo aanu heerkulkiisa Siyaasadeed had iyo goor aad u kacsnayn. Waxaase lagu tilmaami karaa nin asluub badan.

 

Axmed ma ahayn nin inta badan masraxa doodaha ku dheereeya, laakiin haddii uu masraxa doodda fuulo waxa uu nin sawaxan badan lahayn oo si miyir qabta u dooda.

 

Waxa kale oo Axmed lagu tilmaamaa nin akhlaaq wanaagsan oo weliba ehlul-cibaado ah, laakiin marka laga yimaado akhlaaq wanaagiisa dadka aqoonta u lihi waxay ku tilmaameen inuu yahay nin dhinaca ganacsiga ay hawlihiisu u badnaayeen oo aan qaarac ku ahayn mihnadda qaxarka badan ee Siyaasadda, sidoo kale waxa lagu tilmaamay inuu yahay nin caydi ku ah jiidaasha syaasadda iyo xadaafiirta maamulkaba, sidaa awgeed waxay dad badani is-weydiinayaan tolow maxay isla fali-doonaan Axmed iyo waayaha Siyaasadeed ee qaxarka badan ee Somaliland ka ooggan waqtigan xaadirka ah.

Hadal iyo murti Axmed waxaynu ku tilmaami karnaa Siyaasi aan doob dilaacsan oo ku cusub golayaasha iyo masraxyada Siyaasadda, laakiin bal aynu ka war sugno inuu Axmed noqdo nin buuxiya kaalinta Siyaasadeed ee u bannaan kursiga uu fuulay iyo in kale.

 

 

Xuska 18-Ka May: 12 Sannadood Ka

Hor Iyo Saaka Midba Waa Sidee Xaalku

Hargeysa (Haatuf): Sannad-guurada 12aad ee xuska 18-ka may oo ah maalinta la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland ayaa maalinta berito looga dabaal-degayaa dalka Somaliland.

Damaashaad iyo farxad ayaa cirka isku shareeray ayaa lala yaacay, ka dib markii 18-kii may 1991-kii magaalada Burco oo uu ka socday shirkii koowaad ee beelaha somaliland lagaga dhawaaqay go’aamadii ahaa inay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii, isla markana ya ka go’day dalwaynihii jamhuuriyaddii somaliyeed.

 

Warka ku dhawaaqidda madaxbanaanida Somaliland oo ay habeenimadii ka dambaysay maalinimadii 18-ka may baahisay idaacadda raadyow hargaysa waxa cirka isku shareeray sanqadha iyo iftiinka rasaas boqolaal xabo gaadhaysa oo laga ridayey qoryo kala duwan oo ay ka midyihiin boobayaasha fudud iyo kuwa lidka diyaaradaha,waxyana taasi qayb ka ahayd dabaal-deg ku saabsanaa go’aankii ku dhawaaqidda madaxbanaanida Somaliland.

 

Ka dib markii lagu dhawaaqay go’aankii madaxbanaanida waxa magaalada Burco lagu soo dhisay dawlad ka kooban Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen iyo gole wasiiro ah, waxayna xarunta dawladaasi noqotay magaalada hargaysa oo ah caasumadda Somaliland..

Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland –na wuxuu noqday C/raxmaan Axmed Cali (tuur), Madaxweyne-ku-xigeena waxa noqday Xasan Ciise Jaamaca oo waqtigaa isu ahaa Gudoomiyihii iyo gudoomiye-ku-xigeenkii ururka SNM ee qabsaday goboladii Waqooyi ee Jamhuuriyadii Soomaaliya, ka dib markii ka saaray taliskii Siyaad Barre.

 

Muddo labo sannadood ah ayaa hogaankii ururka SNM loo doortay inuu talada hayo, waxaana qaab baarlaman u shaqaynayey golihii dhexe ee SNM oo uu gudoomiye ka ahaa Ibraahim Maygaag Samatar, waxaase golahaa lagu daray xubno kale oo ka tirsan beelaha Somaliland.

 

Maamulkii Dawladii C/raxmaan Axmed Cali e Burco lagu soo dhisay, toddobadii bilood ee u horeeyay wuxuu ku tallaabsaday dhaqdhaqaaqyo waxqabad ah oo aad loogu diirsaday, wuxuuna wax weyn ka taray dhinaca nabadgelyada, taas oo la sameeyay Ciidan Nabadgelyo oo badidooda laga soo xulay Cutubyadii dagaalyahankii SNM. dawladaasi waxay ahayd, mid ay ku wada-jireen Garabyadii Siyaasadeed ee hogaankii SNM oo ahaa kuwo ku kala duwan dhinaca afkaarta. Hase yeeshee, markii uu C/raxmaan Axmed Cali dabayaaqadii sannadkii 1991-kii isku-shaandhaynta ku sameeyay golihiisii wasiirada, waxaa kadib bilaabmay jawi cusub oo khilaafaad Siyaasadeed ah, kaas oo markii dambe isku rogay dagaalo sokeeye.

 

Haddaba si loo xaliyo khilaafaadkii jiray iyo dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalada sokeeye, ayaa markii uu dhammaaday xilligii labada sannadood ahaa ee Maamulkii dawladii SNM, waxay beelaha Somaliland mar kale Shir isugu yimaadeen magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, horraantii 1993-kii, halkaas oo ay ergooyinkii beelaha ka socday shir muddo dheer u socday kadib ku sameeyeen dawlad cusub oo talada loo igmaday muddo laba sanno ah, iyadoo shirkaa lagu sameeyay Axdi Qarameed ahaa xeerka ugu sareeya ee ay ku dhaqmayso dawladaasi.

 

Nidaamka Dawladii Boorama lagu soo dhisay, waxay ka koobnayd laba gole oo kala ah Guurti iyo Baarlamaan iyo Gole Xukuumadeed oo ka kooban; Madaxweyne, Ku-xigeen iyo Gole Wasiiro.

 

Maalin-nimadii 5-tii May 1993-kii, ayaa madasha shirkii Boorama lagaga dhawaaqay Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen cusub oo beddela kuwii hore, waxayna labadaa nin kala ahaayeen Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Madaxweynihii geeriyooday, Alla ha’ u naxariistee) iyo C/raxmaan Aw Cali Faarax.

 

Hawshii ugu horeysay ee ay ku tallaabsatay dawladii Boorama lagu soo dhisay waxa ay ahayd, hub-ka-dhigistii dagaalyahanka oo ay si weyn ugu guulaysatay, kuwaas oo intooda badan lagu kala daray Ciidamada Qaranka, Booliska iyo Asluubta. Hase yeeshee, Maamulkii Maxamed X. Ibraahim Cigaal ee Boorama lagu soo dhisay kama nabad-gelin khilaafaad Siyaasadeed. Sidaa awgeed, khilaafaad siyaadeed oo jiray awgeed 15-kii November 1994-kii, waxa magaalada Hargeysa ka sanqadhay rasaas qiiqeedu cirka isku shareeray, taas oo ahayd dagaal sokeeye oo ka qarxay magaalada, dagaalkaas oo markii dambe ku fiday magaalada Burco iyo meelo kaleba, waxa uu socday in ku dhow laba sanno, laakiin waan-waan nabadeed iyo dib-u-heshiisiin ayaa mar kale la galay, waxaana aakhirkii la isugu yimid Shirweynihii saddexaad ee beelaha Somaliland oo ka dhacay magaalada Hargeysa, intii u dhexeysay dabayaaqadii 1996-kii ilaa horraantii 1997-kii.

 

Shirkaa waxaa mar kale Madaxweyne loogu doortay Maxamed X. Ibraahim Cigaal, halka Madaxweyne Ku-xigeen cusub loo doortay Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Waxyaalaha kale ee ay dawladii Madaxweyne Cigaal ku guulaysatay, waxaa ka mid ahaa; hirgelinta lacagta Shillinka Somaliland oo soo baxday 1994-kii iyo samaynta Distoorka Somaliland oo Afti dadweyne loo qaaday 31-kii May, 2002, kaas oo ay dadweynuhu si ballaadhan u ogolaadeen.

 

Dabayaaqadii 2001 ilaa horraantii 2002, waxaa dalka Somaliland ka abuurmay ururo Siyaasadeed oo gaadhaya ilaa sideed urur, waxaana abuurmay Jawi Siyaasadeed cusub oo ay muraayadda Siyaasadda ku hirdamayaan kooxo Siyaasadeed oo afkaarta ku kala duwan, kuwaas oo ugu yaraan kala ahaa dhinacyada talada gacanta ku haya iyo kooxo mucaarid ah oo talada dibadda ka joogga.

 

Ugu dambeyn 3-dii May, 2002, waxaa geeriyooday Madaxweynihii Somaliland (Alla ha’u naxariistee) Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ku dhintay Cusbitaal ku yaal magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u tegay arrin Caafimaad. Geerida Madaxweynihii hore, waxay keentay inuu Madaxweyne Ku-xigeenkiisii Mudane Daahir Rayaale, isla 3-dii May noqdo Madaxweynaha cusub ee Somaliland.

6-dii May 2002, ayaa meydka Madaxweynihii geeriyooday oo diyaarad lagu sido la keenay magaalada Berbera, halkaas oo uu ka dhacay aas ballaadhan oo ay ka soo qayb-galeen boqolaal kun oo dadweynaha Somaliland ah oo ay ka dhex muuqdaan inta badan hogaamiyayaasha Siyaasadeed, dhaqan, bulsho iyo waxgaradka reer Somaliland.

 

Madaxweyne Rayaale 16-kii May oo ahayd shalay, ayuu jagadii uu baneeyay u magacaabay Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Somaliland.

 

Arrintu sida ay doonto ha noqotee, 11-sannadood oo ay Somaliland soo martay marxalado iyo duruufo kala duwan kadib, waxay maalinta barrito u dabaal-degaysaa Xuska Sannad-guurada 11aad ee la soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland, iyadoo ay sannad-guuradani ku soo beegantay marxalad xusuus leh, taas oo ay degel-fadhi yihiin duruufihii ka dhashay geeridii Madaxweynihii hore iyo weliba duruufo hore u jiray oo is-biirsaday, dadkuna ay ka faaloonayaan sida looga gudbi karo duruufahaa iyo sida Maamulka Daahir Rayaale Kaahin u maareyn doono duruufaha Siyaasadeed ee horyaal.

 

Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiir Denmark Ah Oo Wada-Hadal Dhexmaray

 

Hargaysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dawladda Denmark u fadhiya dalka Kenya, Mr. Finn Thilsted oo uu weheliyo xoghayihiisa koowaad ee u qaabilsan arrimaha horumarinta.

 

Danjiruhu wuxuu sheegay inuu socdaalkiisu Somaliland la xidhiidho, kormeer uu ku samaynayo mashaariicda ay Denmark ka wado Somaliland, iyo xogo-gaal u noqoshada xaaladda dalkan, iyo weliba arrimo ay Somaliland rabto in ay wax kala qabato dawladda Denmark.

 

Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadda, Cabdi Idiris kulankaa ka soo saaray, wuxuu Madaxweyne Rayaale, Danjirahaa ka siiyay xaaladda Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay, wuxuuna u sheegay in arrinta aqoonsiga Somaliland uu waddankani buuxiyay shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga, iyadoo aanu dalkani ahayn Gobol ka go’ay Soomaaliya ee uu ahaa Qaran Madaxbannaan, iyadoo aanay Soomaaliya Gobanimadeeda qaadan.

 

“Waxaanu kala ahayn Koonfurta oo Talyaanigu xukumayay, magaceeduna ahaa Soomaaliya iyo annaga oo ahayn Maxmiyadii Ingiriiska magacayaguna ahaa Somaliland, doonista shacbigana aanu ugu biirnay Midnimadii riyada ahayd ee Soomaali-weyn oo aan maanta jirin, sidaa daraadeed ayaanu 1991-kii Qaranimadayadii dib ula soo noqonay,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, isagoo intaa ku daray, “Waxaanu qabnaa xal u helida laga raadinayo arrinta Soomaaliya in ay furre u tahay aqoonsiga Somaliland, waxa kale oo aanu aad u danaynaa in wax nalagala qabto horumarinta arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada, maxaa yeelay; intii awooddayada ah aasaaskii baanu u dhignay, iyadoo aanaan adduunka wax kaalmo ah ka helin, taas waxa aanu u baahannahay in nalagu taageero.”

 

Ugu dambeyntii Danjiruhu, wuxuu sheegay inuu dalkiisu bisha Julay ee soo socoto Guddoomiye ka noqon doono ururka EU-da ee dalalka reer Yurub, wuxuuna ka ballan-qaaday Madaxweynaha inuu dalkiisa gaadhsiin doono xogta buuxda ee uu ka sido Somaliland, iyadoo ay muuqatay inuu danjiruhu ka garaabay arrimaha uu Madaxweynuhu kala hadlay, waxaana kulankaa goob-joog ahaa Qunsul sharafeedka guud ee waddamada la isku yidhaahdo Iskaadaneefiyanka ee ay Denmark ka mid tahay, Inj. Cali Jirde.

 

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Mudane Rayaale, Muddo Gaaban Ma Is-Waafajin Karaa Hawlo Adag

 

Doorashada Golayaasha Dawladaha Hoose, Kuwa Baarlamaanka iyo Hogaanka Madaxtooyadda oo la doonayso in lagu soo doorto hannaanka xisbiyada badan iyo tartanka doorashooyinka Madaxtinimada, ayaa ka mid ah hawlaha ugu ad-adag ee horyaal Maamulka Madaxweyne Rayaale, muddada sannadka ka yar ee xilka loo doortay, isagoo shalay magacaabay Ninka Madaxweyne Ku-xigeenka u noqonaya oo ah Axmed Yuusuf Yaasiin. Sidoo kale, waxa horyaal duruufo Siyaasadeed oo iyagana looga fadhiyo inuu furdaamiyo.

 

Urur-siyaasadeedka ASAD oo ay ku bahoobeen rag door ah oo magac lihi, ayaa hadda qaatay mowqif cusub oo isku diiwaan-gelinayo kadib, markii uu hore u qaadacay is-diiwaan-gelinta, kuna dooday in aanu ismacayn wax aan shir-beeleed ama shirweyne qaran ahayn, laakiin hadda waxay u muuqataa inuu ururka ASAD, diyaar u yahay wixii la keenaba. Sidoo kale, waxa jira tibaaxo sheegaya in lagu dhawaaqayo urur-siyaasadeed cusub, kaas oo ilaa hadda aan soo shaac-bixin, laakiin ay wararka qaar tibaaxayaan in ay hormood ka noqonayaan xubno ay ka mid yihiin; Siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo ay hore u jireen ilaa toddoba urur-siyaasadeed oo is-diiwaan-geliyay. Arrimahaasina, waxay u muuqdaan sheekooyin cusub oo ku soo biiray xarakaadka Siyaasadeed ee Somaliland, waxaanad moodaa in si weyn loogu diyaar garoobayo loolan Siyaasadeed oo mustaqbalka dhow lagu kala dhacsanayo kuraasta hogaaminta.

 

Runtii marka la eego, mugga isbedelka loo baahan yahay, hawsha adag ee meesha taal iyo muddada gaaban ee uu haysto Maamulka Madaxweyne Rayaale ee ku boori-kaasaya inuu muddada sannadka ka yar, qabanaya doorashooyinka saddexda ah, waxay dad badan ugu muuqataa sheeko aan hawl yareyn, laakiin haddii aynu Rayaale iyo Maamulkiisa sidooda u raacno, waxaa muddadaa looga fadhiyaa agaasinka Nidaamkii doorashooyinka oo dhammaystiran iyo qaban-qaabada hawsha ballaadhan ee qabashada doorashooyinka. Hase yeeshee, marka taa laga yimaado waxa xilligan muuqata inaan jawaab sax ah laga bixin karin in ay doorashadu hirgeli doonto iyo in kale, waxaase taa tilmaan ka bixin doona hadba hawl-galka ka muuqda muddada dhow Maamulka iyo guud ahaan dhinacyada ka qayb-galaya hawsha doorashada.

 

Waxa kale oo isna sawirka qurxin kara ama rajo-xumo ka muujin kara, hadba sida tallaabooyinka arrintan loogu diyaar-garoobayo ay aragtidoodu isugu dhawaato ama u kala fogaato, dhinacyada Xisbiga dawladda ee UDUB iyo xisbiyada Mucaaridka ah.

 

Hindisaha la doonayo in loogu gudbo doorashooyin ay dadku cododkooda dhiibtaan, waxaa iyaguna hawshaa saamayn weyn ku leh golayaasha sharci-dejinta oo haddii ay taban-taabiyaan hawlaha ku xidhan, wax badan ka tari kara arrimaha.

 

Haddii uu Maamulka Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ku hirgeliyo hawsha adag iyo isbedelka mugga weyn ee hannaanka doorashada, waxaa xaqiiq ah in ay ku heli doonaan sumcad weyn oo Siyaasadeed, laakiin haddii ay hirgelin waayaan waa hubaal in ay markaana la kulmi doonaan Mowjaddo Siyaasadeed iyo duruufo badan oo ay ku haftaan, taas oo haddii hungo lagu dhaco ay hadhow furdaaminteedu adkaanayso.

 

Arrinta kale ee muhimka ahina waxay tahay, hadba sida ay kalsooni iyo is-faham u yeeshaan dhinacyada Siyaasaddu, gaar ahaan ururada, kooxaha iyo shakhsiyaadka mucaaridka ah, taas oo haddii ay dhacdo la odhan karo, waxay yarayn doontaa surmo-seegto iyo gebi-dhaclayn Siyaasadeed oo dalka hadhaysa.

Hadal iyo dhammaan, waxaynu  qormadeenan ku soo gunaanadaynaa Madaxweyne Riyaale iyo Maamulkiisu, hawlo ad-adag ma is-waafajin karaan muddo gaaban.

 

Maleeshiyo Hubaysan Oo Burburiyay Dhismaha Dugsi Cusub Oo Saylac Ah

Boorama (Haatuf): Kooxo Maleeshiyo hubaysan ah ayaa dhawaan burburiyay dhisme gacanta lagu hayo oo loogu talo-galay inuu noqdo Dugsiga Sare ee magaalada Saylac oo ka tirsan Gobolka Awdal, waxaana dhacdadaa ka dhashay Xiisad muran dhalisay.

 

Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka iyo Odayaal ka soo jeedda Beesha Maleeshiyada falkaa geysatay, ayaa u ambabaxay degmada Saylac, si ay wax uga qabtaan mushkiladdaa.

 

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar, falka lagu burburiyay dhismahaa, waxa uu dhacay 14kii bisha May ee aynu ku jirno, waxayna wararku sheegeen in ay Maleeshiyada arrintaa ku tallaabsatay tiradoodu gaadhayso ilaa kontomeeyo Nin, taas oo ay Weriyaha Haatuf u xaqiijiyeen dad socoto ah oo ka yimid Jiidda Saylac.

Wararku ma sheegin, wax khasaare kale ah oo ay Maleeshiyadaasi geysteen, waxaana la sheegay in ay Nimankaa Maleeshiyada ahi, markii ay falka geysteen kadib magaalada uga baxeen dhinaca tuullooyin isla deggaankaas ah.

 

Nin ka mid ah Odayaasha Beesha ay Maleeshiyadaasi ka soo jeedo oo ka cudur-daartay in magaciisa la sheego, ayaa Haatuf u sheegay in sababta ay maleeshiyadu falkaa u geysteen ay tahay arrin la xidhiidha aano hore u dhexaysay Beesha Maleeshiyaddu ka soo jeedo iyo Beel kale oo isla deegaanka Saylac ah, aanadaasina ay tahay dilka Marxuum la odhan jiray Maxamed Xasan Ardaale oo lagu dilay magaalada Hargeysa 10 November 2002. Marxuumkaa oo uu sababta dilkiisu la xidhiidhay, muran ka dhashay Qandaraaskii Iskuulka Saylac ee hadda la dumiyay.

 

Wararku waxa kale oo ay tibaaxeen in ay xaaladda Saylac hadda caadi tahay, balse uu falkaasi degaamada Galbeedka Gobolka Awdal ka abuuray dareen xasaasi ah, kaas oo sababay in deggaamada deegaanka Awdal loo dhaqaajiyo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka, si ay u sugaan ammaanka, iyadoo ay dhinaca kalena u ambabaxeen degaankaa wefti uu hogaaminayo Badhasaabka Awdal, si ay arrinta wax uga qabtaan.

 

“Qofkala Dooranayo Waa In Loo Eego Taariikhdiisa Iyo Waxtarkiisa”

Guddoomiyaha STILL

 

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha ururka S.T.I.L.L, Maxamed C/laahi Caabi Faarax, ayaa sheegay in ururkiisa iyo guud ahaanba dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Cariga Ingiriiska ay aad u boggaadiyeen, sidii haboonayd ee ay dadka reer Somaliland uga gudbeen marxaladii adkayd ee ka dhalatay geeridii Madaxweynihii hore.

Ururka S.T.I.L.L oo ay xaruntiisu tahay magaalada London, una dhaqdhaqaaqa baadi-goobka aqoonsiga Somaliland, waxa uu guddoomiyahoodu hadda socdaal ku jooggaa Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa.

 

Wareysi uu Maxamed C/laahi Caabi, habeen hore siiyay Wargeyska Haatuf, waxa uu ku sheegay inuu aad ula dhacsan yahay isbedelka la sameeyay geeridii Madaxweynihii hore kadib, taas oo uu sheegay in ay lama fillaan ku noqotay dawladaha iyo dadka shisheeyaha ah oo uu yidhi; “Markii hore may rumaysnayn inuu isbedel sidaas oo kale ahi ka dhici doono Somaliland, sidaas daraadeedna ay arrintaasi wax ka bedeli kari karayso aragtidii markii hore laga haystay Somaliland.”

 

Maxamed C/laahi Caabi, wuxuu arrintan aad ugu ammaanay dadka reer Somaliland oo uu xusay in ay muujiyeen wada-jir iyo isku duubnaan dhib yaraysay  in ay isbedel dhakhso ah keenaan.

Guddoomiyaha S.T.I.L.L, mar uu ka hadlayay ujeeddada socdaalkiisa Somaliland, wuxuu sheegay inuu u yimid sidii uu tacsi u gaadhsiin lahaa Shacbiga Somaliland, isaga oo xusay in ay u suurto-geli wayday inuu ka soo qayb-galo aaskii Marxuum, Maxamed X. Ibraahim Cigaal, wuxuuna sheegay inuu booqan doono xabaashii lagu aasay, iyadoo uu Maxamed aabihiina ku aasan yahay isla goobtaa.

 

Guddoomiyaha S.T.I.L.L, isaga oo ka hadlaya halka ay marayaan hawlihii aqoonsi raadinta Somaliland ee uu ururkoodu waday iyo guud ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka reer Somaliland ee ku nool Cariga Ingiriiska, wuxuu sheegay in ay hadda rajo fiican ka qabaan in tixgelin gaar ah la siiyo Somaliland, dadka reer Somaliland ee dibadaha ku dhaqanina ay dedaal ugu jiraan, sidii ay dib-u-dhis ugu samayn lahaayeen dalkooda.

 

Dhinaca xaaladda nololeed ee dadka reer Somaliland ee halkaa ku dhaqan, wuxuu xusay in waxyaalaha aad loo hadal hayo ay ka mid yihiin, muran ku saabsan qaadka, taas oo ay doodi ka taagan tahay waxtarkiisa iyo waxyeeladiisa, wuxuuna tilmaamay inuu isagu u arko in ay cunista qaadku dadka dibadaha ku nool ka hortaagan tahay waxyeelooyin kale oo ka khatarsan, sida; isticmaalka khamriga, xashiishada iyo mukhaadaraadka kale ee halista ah.

 

“Waxa loo baahan yahay in cunista qaadka lagu darro farsamo,” ayuu yidhi Caabi.

 

Ugu dambayn, wuxuu dadka reer Somaliland u soo jeediyay talo, wuxuuna yidhi; “Ummadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in aanay cidii ay dooranayaan ku qiimayn Qabyaalad iyo Qof-jeclaysi, balse ay u eegaan taariikhda uu qofkaasi leeyahay iyo waxa uu dalka u qaban karo oo la miisaamo, taas ayaana horumar lagu gaadhi karaa.” Wuxuuna intaa ku daray in aanu ururkiisa S.T.I.L.L, hunguri ka hayn Siyaasadda, balse ay ka shaqayn doonaan waxtarka dalka.

 

Arday Machadka Rainbo Ah Oo U Fadhiisatay Imtixaan Kama-Dambays Ah

Hargeysa (Haatuf): Koox arday ah oo ka mid ah ardayda wax ka barata maxadka barashada luqadaha ee RAINBO oo ku yaal magaalada hargaysa ayaa shalay u fadhiistay imtixaankii kama dambaysta ahaa , ka dib markii ay soo dhamaysteen duruus taxane ah oo u socotay muddo 16 bilood ah, kuna saabsan luqadda ingiriisida.

 

Maamulaha maxadka barashad luqadha RAINBO Xuseen Cali Shire ayaa u sheegay wargayska Haatuf inay ardayda ku guulaysata imtixaankan ay qaadan doonaan shahaadad qalin-jebinta ee luqadda ingiriisida, iyadoo uu maamuluhu sheegay inay natiijada imtixaanka soo saari doonaan dhawaan, taas oo ardayda qalin-jebisa loo qaban doono xaflad qalin-jebin ah.

 

Ardayda imtixaankan gashay waxay noqonayaan daf-caddii labaad ee ka qalin-jebisa maxadka barashada luqadaha ee RAINBO.

 

Maxadka barashada luqadaha ee RAINBO waxa markii u horaysay la furay snnadkii 2000,wuxuuna ka kooban yahay ilaa laba qaybood , iyadoo qayb ka mid ah  lagu barto luqadaha sida: Ingiriisida, Faransiisska iyo Carabiga, halka ay qaybta kale tahay dugsi hoose oo ay wax ka bartaan arday da’ yari .

Sida uu sheegay maamulha maxadka Xuseen Cali Shire waxa maxadka wax ka barta arday tiradoodu gaadhayso ilaa 400 oo arday, waxaana wax ka dhiga ilaa 4 macalin, isla markaana waxa uu maamuluhu intaa ku daray inay higsanayaan horumar intaa ka ballaadhan.

 

“Tan iyo markii aanu furnay maxadku wuxuu ku talabsaday horumar weyn, waayo waxaanu marki u horaysay ku furnay ilaa 50 arday maantana waxa wax ka barta ilaa 400 oo arday” ayuu yidhi maamuluhu, isaga oo intaa ku daray “Mustaqbalkana waxaanu ku talo jirnaa in aanu hore u marino dugsiga, oo aanu xataa ku xidhno maxadyo debedaha ah.”

 

Koox Shaqaalaha Dawladda Ah Oo Tababar Ugu Xidhmay Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): Koox isugu jirta hawl-wadeenno iyo shaqaale oo ka kala socday wasaaradaha iyo hayadaha kala duduwan ee dawladda Somaliland ayaa shalay tababar socday muddo tddobaad gaadhaysa ugu xidhmay xarunta hayadda shaqaalaha dawladda ee magaalada hargaysa, waxaana tababarkaa xidhay Gudoomiyaha hayadda shaqalaaha dawladda Cabdilaahi Cali Xayd, iyadoo loogu talo galay xidhitaanka tababarkaa lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta hayadda shaqaalaha,waxaana xidhitaankii xafladaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan.

 

Gudoomiye-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalha Cumar Xaaji Siciid iyo C/kariin SH: Ibraahim ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasibadaa, waxayna tilmaamo ka bixiyeen ujeedadii loo qabtay tababarkaa iyo faa’iidooyinka ka soo baxay, taas oo ay sheegeen inay ujeedada tababarkaa loo qabtay ahayd kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha dawladda, sidaa awgeed-na ay ka qayb-galayaashu ka korodhsadeen aqoon badan oo la xidhiidha shaqooyinkooda.

 

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Maxamuud Caynaanshe Amarre oo isna ku hadlay magaca ka soo qaybgalayaashii tababarka, wuxuuna sheegay Maxamuud Caynaanshe inay tababarkaa ka korodhsadeen aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah oo aad uga caawin doonto dabakhidda hawlahooda .

Gudoomiyaha hayadda shaqaalaha dawladda Cabdilahi Cali Xayd oo ugu dambayntii xafladaa xidhay ayaa dadkii tababarku u xidhmay ku guubaabiyey inay aqoontii ay tababarka ka korodhsadeen ku dedaalaan sidii ay ugu dabakhi lahaayeen adeegyadooda shaqo, waxaana erayadiisa ka mid ahaa “hawsha maaliyadda ee aad haysaan waa hawsha wadanka ugu muhimsan, waxaana Illaahay idiinka rajaynayaa inaad noqotaan kuwii si xaqiiq ah wax u qabta”.

 

Tababarkani waa kii saddexaad ee noociisa ah ee ay qabato hayadda shaqaaluhu, wuxuuna ku saabsanaa tayaynta aqoonta Xisaabaadka, iyadoo ay hay’adda shaqaaluhu hore u qabatay laba tababar oo la xidhiidha tayaynta adeegyada Maamul iyo maareynta Xisaabaadka.

 

Kulan Dhexmaray Guddiga Horumarinta Deegaanka Burco Iyo Maayarka Burco

 

Burco (Haatuf): Guddiga loogu magac daray Guddiga Horumarinta Deegaanka Burco iyo Maayarka magaalada Maxamed Cali Maxamed, ayaa shalay kulankoodii ugu weynaa ku yeeshay xafiiskan Maayarka, iyadoo ay kulankaa ka soo qayb-galeen masuuliyiin iyo hawl-wadeeno ka socda Hay’adda Samo-falka IIRO (International Islamic Relief Organization).

 

Madaxda IIRO, waxay kulankaa ku soo bandhigeen Deeq ah Bundaad Maryo ah oo ay ugu deeqeen dadka Qaxootiga ah ee deggan Xaafadaha Koosaar iyo Sii-bakhti ee magaalada Burco, waxayna hay’adaasi sheegtay in ay samaynayaan Ceelal biyood iyo in ay xagga Waxbarashada Diinta ka caawinayaan dhallaanka yaryar ee xaafadahaa ku nool.

 

Maayarka Burco, ayaa goobtaa ku magacaabay laba hawl-wadeen oo ka tirsan Dawladda Hoose, si ay hay’adda IIRO ula qaybiyaan deeqdaa, iyadoo deeqdaa Maryaha ah la qaybin doono maanta.

 

Dhinaca kale, Guddiga Horumarinta Deegaanka Burco, ayaa kulankaa ka soo jeediyay sidii loo xakamayn lahaa hubka yaryar, dadkana looga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinkiisa. Waxa iyaguna kulankaa ka hadlay Maayarka Burco, Maxamed Cali iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Burco, Saleebaan Muuse Xasan, waxayna sheegeen in 18-ka May magaalada Burco lagu qaban doono dabaal-deg loogu talo-galay Xuska sannad-guurada 12-aad ee maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Madaxbannaanida Somaliland.

 

Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal Eebe Ha U Naxariistee, Haloogu Magac-Daro Meelaha Qaar

Dal kasta oo caalamka jira dadkii soo halgamay ayaa logu magac-daraa meelaha muhiimka ah, waxaana aynu isku raacsanahay marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal inuu ahaa aabihii Somaliland (Father of Somaliland). Sidaas darteed, wuxuu mutaystay isaga oo geeriyooday 3/5/2002 in loogu magac-daro meelahan soo socda;

1.       Jaamacadda “Ereygaasi haloogu magacdaro marxuum Maxamed I. Cigaal”

2.       Jidka wadnaha Hargeysa ee ka soo bilaabma goolada Jig-jiga-yar ilaa kaalinta ina-Afdiinle ee shidaalka haloogu magac-daro.

3.       Laba Dugsi oo ah kuwa aan magacyada habboon lahayn ee Burco iyo Berbera kala ah haloogu magac-daro marxuumka.

4.       Man-hajka waxbarashada Somaliland haloogu magac-daro taariikhda Somaliland qaybta ay khusayso ee Social Study-ga, hana lagu xuso halgamayaashii dalka sida marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, iyo kuwii la midka ahaa ee soo halgamay ilaa xorayntii iyo ilaa iyo halgankii dib-u-xoraynta dalka, si jiilba jiilka ka dambeeyaa ay u akhristaan una ogaadaan taariikhdii halganka dalka loo soo maray iyo ciddii soo hantay gobanimadan iyo dawladnimadan.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar-xaashi.

 

 

 

 

 

Ladagaalanka Qataarka Iyo Sixirka

Dadweynaha Somaliland waxay qaranimada ay haystaan u soo mareen halgan dheer oo maal badan iyo nafba loo huray, waxaanay suurogeliyeen in Somaliland noqoto goob ammaan ah, taasuna waxay soo jiidatay dad farabadan oo ku soo qul-qulay Somaliland, kana soo kicitimay dalalka aynu deriska nahay sida Itoobiya, Somaliyada kale meelo ka mid ah, gaar ahaan dhulka webiyada. Dadkaasi waxay ka heleen dadweynaha Somaliland soo dhoweyn, iyada oo loo arkay dad ka soo cararay dufuufo dhaqaale oo adag, waxaana u suurogashay inay si xor ah uga shaqaystaan suuqa xorta ah ee ka hirgalay Somaliland. Xataa munaasabadaha diiniga ah waxaa la guddoonsiiyaa sadaqadaha iwm.

 

Iyada oo ay jiraan dad farabadan oo u dhashay dalka oo ay haysato shaqo la’aan iyo saboolnimo, hase yeeshee nasiib-darrona ay qaddarin soo galeetigu wanaaga loo galay iyo soo dhoweyntii la xidhiidhay bani’aadanimada, waxaanay ku kaceen falal fool xun oo ay ka mid yihiin Sixir iyo Qataar hore aan looga aqoon Somaliland, waxayna ku dhaceen hanti badan iyo maalka shacbigii soo dhoweeyay. Carruur yar-yar iyo haween badan ayaa la sheegay ina la qataaray, lana kaxaystay. Waxaad mararka qaarkood arkaysaa haween barooranaya oo baadi-goobaya carruur la waayay lana xaday.

 

Haddaba, iyada oo caalamku marayo qarnigii 21aad oo si buuxda looga xoroobay qafaalashada iyo iibsiga dadkaba, sidee ayay uga suurogashay dal xor ah oo leh dhammaan hay’adaha ammaanka in la xado ubadka, lana qataaro haweenka oo la kaxaysto? Runtii waa arrin fool xun oo ceeb ah, waxaana loo baahan yahay in dadweynaha iyo hay’adaha arrintaasi khusayso si wadajir ah inay ugu tallaabsadaan wax ka qabashada arrimahaas, kuwa ay ku caddaatona lala tiigsado sharciga. Ma lihi ha la dhibaateeyo dad aan waxba galabsan, hase ahaatee waa in la soo af-jaraa lagana tirtiraa sixirka iyo qataarka Somaliland, kuwa ku lug leh ee sida xun uga faa’iidaystay naxariistii iyo soo dhoweyntii loo galay, lagana saaro dalkan Somaliland.

Cumar Cali Yuusuf.

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Maamuladii Ka Hoos Baxay Dawladdii Cabbaasiyiinta

 

Waxa aynu qormadeenii u dambaysay ee Iftiinka Islaamka ku soo qaadanay bur-burkii soo wajahay dawladdii islaamka ee ay madaxda ka ahaayeen Cabaasiyiintu iyo sababihii keenay inay markii dambe toos u baaba’do, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen farogelintii dibedda kaga timi iyo khilaafaadkii ka dhex aloosmay madaxdii Cabbaasiyiinta laftooda.

 

Muddadii ay socotay bur-burkii iyo hoos u dhacii Cabaasiyiintu, waxay ay taasi fursad siisay maamuladii ka fogaa caasimaddii Cabbaasiyiinta ee Baqdaad, oo sidii aynu hore u soo sheeganay qaarkood ay ka hoos baxeenba maamulkii dhexe ee Cabbaasiyiintu, iyaga oo samaystay maamulo iyo dawlado iyaga gaar u ah.

Laakiin madax-bannaanidaasi may ahayn mid dhinaca caqiidada islaamka ah, iyada oo ay dadka oo dhan ku weynayd aaminsanaanta iyo ku qanacsanaanta caqiiqadada islaamka. Balse waxa ay ahayd mid dhinaca maamulka iyo is-xukunka uun ah. Waxaa kale oo iyaduna jirtay in aanay badanka madaxdii maamulada goonida u go’ay la baxaan magaca “Khaliifka muslimiinta” oo la odhan jiray qofka ugu sarreeya ama madaxweynaha maamulka guud ee muslimiinta.

 

Arrintaana waxa badanaa ugu wacnaa muslimiinta oo ay ku weynayd ixtiraamka ay u hayaan Khaliifka Cabbaasiyiinta oo loo arkayay inay ka soo jeedaan Nebiga Adeerkii Cabbaas.

Waxaase jiray maamulo ay madaxdoodu qaateen derejada “Khaliif”, waxaana ka mid ah dawladdii la odhan jiray Faadumiyiinta Calawiyiitna ahaa, oo ka dhismay waqooyiga Afrika iyo Masar. Dawladdii Umaawiyiinta ee ka dhisantay Andolos ama Isbayn.

 

Haddii aynu eegno dawladihii ka go’ay Cabbaasiyiinta, halkii ay ka soo baxdeen iyo muddadii ay xukunka hayseen waxaa ka mid ah;

·         Dawladdii Umaawiyiinta ee Andolos ama dhulka haatan loo yaqaan Isbayn iyo Boortaqiiska, taas oo shaac-baxday sannadkii 138kii Hijirada ama 756 Miilaadiga, waxaanay dhisnayd ilaa 422 H ama 1031 M.

·         Dawladdi Al-Adaarisata, oo ka dhisantay dhulka haatan loo yaqaan Marooko sannadkii 172 H ama 788 M, taas oo jirtay ilaa 375kii H ama 985 M.

·         Dawladdii Duuluuniya oo ka dhisantay dalka haatan loo yaqaano Masar sannadkii 254 H ama 868 M, taas oo jirtay ilaa 292 H ama 905 M.

·         Dawladdii Akhshiidiya oo iyaduna ka dhisantay Masar sannadkii 323 H ama 935 M, taas oo iyaduna jirtay ilaa 358 H ama 969 M.

·         Dawladdii Faadumiyiinta oo ka dhisantay dalka haatan lo yaqaanTuuniisiya, markii dambena waxay u gudubtay Masar, waxaanay dhisantay sannadkii 297 H ama 909 M, waxaanay jirtay ilaa 567 H ama 1771 M.

·         Dawladdii Ayuubiya oo ka dhisantay Shaam iyo Masar sannadkii 564 H ama 1250 M.

·         Dawladdii Mamaaliik oo iyaduna ka dhisantay Shaam iyo Masar sannadkii 618 H ama 1517 M.

·         Dawladdii Al-Buuhbahyuun oo ka dhisantay Furus, haatana loo yaqaan Iiraan sannadkii 332 H ama 945 M, jirtayna ilaa 447 H ama 1055 M.

·         Dawladdii Salaajifada oo ka dhisantay Turkiga sannadkii 429 H ama 1037 M, jirtayna ilaa 693 H ama 1299 M.

·         Dawladdii Al-xamdaaniyiin oo ka dhisantay Ciraaq iyo Suuriya sannadkii 317 H ama 872 M, jirtayna ilaa 394 H ama 996 M.

Dawladahaa ayaa ka mid ah kuwii gaarka u go’ay. Markii ay bur-burtay dawladdii Cabaasiyiintu waxa xukunka la wareegtay dawladdii Cismaaniyiinta.

La soco …………..

 

WAADIGA CIYAARAHA

Real Madrid Oo Markii Sagaalaad Ku Guulaysatay Horyaalka Yurub

“Saaxiibaday dhammaantood ammaanbay iga mudan yihiin”

Zidane

 

Glasgow (AP) – Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid iyo xulka Faransiiska Zinedine Zidane, ayaa si weyn ugu ammaanay kooxdiisa is-kaashi caqiibo leh oo ay ku wajaheen kulankii adkaa ee koobka horyaalada Yurub, oo ay kooxdiisu 2-1 ku calafsatay habeenimadii Khamiistii.

 

“Dhammaan jaalayaashay waxay mudan yihiin ammaan tayda ka mudan,” sidaa waxa yidhi goolhayaha dhallinyarada ah Casillas, oo beddelay Casar Sanchez, oo dhaawacmay.

Zinedine Zidane, oo noqday halyaygii kulanka, isla markaana la guddoonsiiyay abaalmarintii uu kasbaday ayaa sheegay in ciyaartoy kasta oo garoonka galayba ahaa xiddigii ciyaarta, xataa kooxda B. Leverkusen xaggeeda. Zidane, wuxuu kulankaa ku macneeyay mid aad u adag oo ay faraha kaga gudbteen dhallinyaradii kooxda Jarmalka, isaga oo arrinta ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxay ahayd ciyaar kulul, laakiin dhammaadkii waxaanu noqonay Horyaal. Dhammaan ciyaartoyga labada dhinacba way u wada qalmeen xiddiga ciyaarta. Hase yeeshee, horyaalka ayaa ka muhiimad badan abaal-marinta xiddiga ciyaarta, Casillas, Caser iyo cid kasta oo kaleba si fiican bay u shaqaysay.”

 

“Aad baan ugu faraxsanahay guushan, jaalayaashay dhammaantood ammaan bay iga mudan yihiin,” ayuu raaciyay Zidane oo u warramay suxufi ka tirsan Telefishanka caalamiga ah ee Isbaanishka.

Zidane, oo si weyn ugu oomanaa hanashada horyaalnimada Yurub, oo aanu hore shaarubaha u gelin waxaa wejigiisa ka muuqatay ray-rayn. Wuxuu dhaliyay goolka guusha oo uu ku hadal-tiray hanashada koobka, kadib markii uu daqiiqaddii 45aad ee qaybtii hore kubbad gantaal ah dhanka midig ka sudhay baas hoobiye ah oo Roberto Carlos ku soo tabcay.

 

Kabtanka kooxda R. Madrid Fernando Hierro, u ah difaac adag oo gurada dambe uga ciyaara ayaa isna si weyn uga mahad-sheegtay dedaalka ciyaartoyga kooxda, oo uu ku tilmaamay inay u qalmaan guulo intaa ka badan. Heirro, wuxuu sheegay in guushan cusubi ku dhiirigelinayso inuu si dhakhso ah ciyaaraha uga fadhiisto. “Aniga waxay ii xiisogelisay waddadii aan ciyaaraha kaga nasan lahaa. Waxaan ku guulaystay saddex horyaalada Yurub ah, oo aanay nasiib u yeelan ciyaaryahano badan oo u qalmaa,” ayuu yidhi Kabtanku.

Kulankii kamadambaysta ahaa waxaa kale oo ammaan ku mutaystay goolhayaha dhallinyarada ah ee Iker Casillas, oo badbaadiyay saddex fursadod oo halis ah, wuxuun fursad khatar badan leh ka qabtay Yiliray Basturk iyo Dimitar Berbatov, intii lagu jiray waqtigii ciyaarta ka lumay.

Tabobare Vicente Del Bosque oo hadda markii labaad Real u qaaday horyaalka Yurub, ayaa guushan ku tilmaamay mid u fiican kooxda.

 

Tabobaruhu wuxuu sheegay inaan sannadkani u fiicnayn, balse ay guushan kaga gam’ayaan dhammaan wixii soo maray. “Guushani aniga iima fiicna, balse Real Madrid ayay u fiican tahay. Waxaanu u halganay si adag muddadii ciyaarta oo dhan, Leverkusen-na way nagu soo laba kaclaysay, laakiin waxaa nagu hagoogtay Iker,” sidaa waxa yidhi Del Bosque, oo ka hadlayay kulankii dhexmaray Leverkusen.

Dhinaca kale tabobaraha cirrada badan ee kooxda Jarmalka Klaus Toppmoeller, ayaa dareen murugo leh ka muujiyay kooxdiisa oo waxkasta kaalinta labaad ka gashay sannadkan, wuxuuna ku tilmaamay wadhidii ugu xummayd ee soo martay noloshiisa. “Waa maalintii ugu xummayd waqtigayga. Ciyaarta annagaa lahayn ilaa iyo dhammaadkii, goolalna maanu dhalin, waana ta aan la muraara-dillaacsanahay,” ayuu yidhi.

Wuxuu kaloo intaa ku daray; “Waanu dagaalanay ilaa dhammaadkii, waxaanu abuuray fursado, kubadduna gacantay noogu jirtay, manay kala go’in mar qudha, haddana maanu awoodin inaanu kubadda dhaafino xarriiqda goolka.”

 

Bilowgii ciyaarta ayuu weeraryahanka Raul Gonzalez, ku xarriiqay goolkiisii kowaad, markii uu si yaab leh ugu dhaqaqay kubbad tuuryo ah oo Roberto Carlos kasoo maguujiyay meel aad uga durugsan goobtii uu taagnaa.

Isla shan daqiiqadood kadib ayay Leverkusen la simantay markii uu difaaca Brazil u dhashay ee Lucio uu ka dulmudhay difaaca Hierro, kadina uu shebegga ku hubsaday kubbad  madax ah oo uu meel dheer ka soo ganay Bernd Schneider, oo loo dhigay laad xor ah.

Ciyaaryahanka sannadka ee Luis Figo, ayaan fir-fircooni ka muujin kulankaa, iyada oo markii dambe lagu beddelay inanka Ingiriiska ah ee Steve Mc Manaman, oo markiiba is-beddel ku sameeyay ciyaarta, wuxuuna dhanka midig ka soo rogaalay kubado doora oo qaarkoodna sida daadka hor mulacyeeyeen afaafka goolka Leverkusen, balse waayay cid ku dhammaystirta.

 

Kulankaa waxaa daawashadiisa ka qaybgalay taasgeerayaal badan oo kooxda Madrid ah, kana soo baqoolay qiyaas gaadhaysa (2400) oo km. In ka badan 350 milyan ayaa ka daawanaysay Telefishanka la iska arko.

Waxaa ka mid ahaa daawadayaasha labada duq ee min 75-jirka ah. Ferenc Puskas, oo dhaliyay afar ka mid ah toddobadii gool ee Real kaga adkaatay kooxda Jarmalka ah ee Eintracht Frankfurt, sannadkii 1960, iyo Alfredo Di Stefano, oo isna dhaliyay sadexda gool ee kale.

Inkasta oo Real Madrid ku garaacday kamadambaystii, haddana iyada lafteedu waxay hore u soo jiidhay kooxdaha Liverpool iyo Manchester, oo ay ku soo dhaaftay wareegyadii ugu dambeeyay, waxayna si weyn u tebaysay khibraddii difaaca Jens Nowotny, oo ka dhaawacmay iyo xirfaddii Ze Roberto, oo isna laba kaadh oo huruud ah isugu biireen.

 

Tabobarayaal badan ayaa ciyaarta u soo daawasho tegay, iyada oo ujeedadoodu ahayd sidii ay uga xulan lahaayeen ciyaartoy ay ku miisaamaan naadiyada ay gacanta ku hayaan.

Tabobaraha xulka qaranka England ayaa ka mid ahaa raggii ka muuqday Sven Goran Eriksson, wuxuu isha la raacayay tabaha ciyaareed ee Steve Mc Manaman, oo uu hore xulka uga reebay, base ay hadda u muuqatay in dani badday, kadib markii ay ka dhaawacmeen dhawr ka mid ah ciyaartoygii u ku dhaadan jiray.

Waxa kale oo madashii la isku arkay xaadir ku ahaa tabobarayaasha kooxaha Arsenal Arsene Wenger iyo Man. United Sir Alex Ferguson, oo labaduba raacdo ugu jiraan sidii ay kooxahooda ugu heli lahaayeen ciyaartoy cusub, gaar ahaan dhanka difaaca oo ay kooxuhu baahidooda ka siman yihiin.

Weeraryahanka Raul, oo dhaliyay goolkii bilowga ayaa isna u dabbaal-degay koobkii saddexaad ee horyaalada Yurub ee uu ku guulaysto. Raul wuxuu ciyaaray koobkii ay Juventus ka qaadeen 1998 iyo kii Valencia ee 2000, oo uu isaga goolal ka dhaliyay, isaga oo baabuurkiisa qiyaas aad u gaaban.

Real Madrid waxaa u saftay:

 

13-Cesar (1-Iker Casillas 68); 2-Michel Salgado, 4-Fernando Hierro, 6-Ivan Helguera, 3-Roberto Carlos; 21-Santiago Solari, 24-Claude Makelele (16-Flavio Conceicao 73); 5-Zinedine Zidane, 10-Luis Figo (8-Steve McManaman 61); 7-Raul, 9-Fernando Morientes

Bayer Leverkusen: 1-Hans-Joerg Butt; 35-Diego Placente, 26-Zoltan Sebescen (9-Ulf Kirsten 65), 19-Lucio (3-Marko Babic 90), 6-Boris Zivkovic; 25-Bernd Schneider, 28-Carsten Ramelow, 13-Michael Ballack, 10-Yildiray Basturk; 27-Oliver Neuville, 23-Thomas Brdaric (12-Dimitar Berbatov 39)