Haatuf, Cadadki 84, May 21, 2002

 

Iska Horimaad Ay Foodda Isku Dareen Ciidamada Ammaanka Iyo Koox Dabley Ahi Oo Shalay Ka Dhacay Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): Ugu yaraan saddex qof oo ku jiro Guddoomiye Ku-xigeenkii Waaxda Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, ayaa dhaawacyo culusi ku gaadheen iska horimaad shalay, Ciidanka Booliska iyo koox hubaysan ku dhexmaray xaafadda New Hargeysa.

Guddoomiye Ku-xigeenka Waaxda Gacan Libaax, Maxamuud Saqadhi, ayaa xalay saqdii dhexe xaaladiisa Caafimaad aad looga dayrinayay, kadib markii xabadi kaga dhacday koodka ama isha dusheeda barqadii shalay.

 

Gudddoomiye Ku-xigeenka, Mr. saqadhi, wuxuu horkacayay sida la sheegay Ciidan ka tirsan Booliska dawladda hoose oo loo diray in ay raraan, kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla dayrka xabaalaha ka soo horjeedda Tiyaatarka dunsan ee xaafadda New Hargeysa, halkaas oo ay niman hubaysan oo kaalinta difaacayay iyo boolisku isku waydaarsadeen tacshiirado rasaas ah, waxaa kale oo rasaastaa ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidanka Booliska iyo nin rayid ah oo aan labada dhinac midna ka tirsanayn, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdillaahi Cumar Cige.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/laahi Cumar Cilmi oo xalay cawaysinkii khadka telefoonka ugu waramay Haatuf, waxa uu aad uga dayriyay rajo yaraana ka muujiyay nolosha Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Gacan Libaax oo dhaawaciisa Cusbitaalka lagu dawaynayay ilaa xalay. Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in meesha wax ka dhaceen ay tahay, kaalin si ku-meelgaadh ah loogu ogolaaday qoloda deggan, uuna siiyay mid ka mid ah Maayaradii Hargeysa ee ka horeeyay Maayarka hadda xilka haya, Mr. Cawl Cilmi Cabdalla. Waxa uu sheegay Wasiirku in wakhti badan la farayay qolada kaalinta leh in ay ka guuraan dhulkaas, isla markaana ay shalay guddoomiye Ku-xigeenka iyo ciidanku ku baxeen, markii laga war helay in ay guri dhagax ah ka bilaabeen halkaas oo Wasiirku ku tilmaamay in ay tahay goob dan guud ah oo aan la dhisan karin. Wasiirku, wuxuu intaa ku daray in kaalintaa ay Ciidanka dagaal kala horyimaadeen, ilaa toddoba nin oo uu xusay in ay ku hubaysnaayeen hub culus iyo boobayaal fudud. Markii ay falkaa geysteena ay u gurteen dhinaca beerta xabaalaha dhexdeeda oo ay difaac adag ka galeen, Ciidanka booliskuna ay u geli kari waayeen ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay in goor dambe ay isaga iyo Taliyaha Booliska Somaliland ay tageen goobtaa, kadibna ay u dalbadeen Ciidan xoogan oo ka socda Birmatka Booliska, kaas oo uu xusay in ay isku xeereen  beerta xabaalaha ee ay ku jireen nimankaasi si aanay u baxsan. Wuxuu intaa ku ladhay in odayaal iyo cuqaasha beesha nimankaasi ka soo jeeddaan ka socdaa ay gacan weyn ka geysteen, wax ka qabashada arrintaas. Waxa uu xusay in ay odayaashu u tageen dablayda oo ay kala dooransiiyeen in dhammaantoodba la laayo iyo in ay hubka dhigaan, sidaas aawadeed ayuu yidhi way is-dhiibeen intii meeshaa ku jirtay, iyagoo hubkoodiina sita.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidanku gacanta ku dhigay shan nin oo ka mid ah kooxdaa dagaalamaysay iyo hub culus oo ay haysteen, kaas oo ay ka mid ahaayeen ayuu yidhi qoriga BKM loo yaqaano.

Wasiirku wuxuu aad ugu mahad-naqay odayaasha iyo cuqaashii arrintaa daba-qabataynteeda ka qaatay, balse wuxuu ku nuux-nuuxsaday oo lagama maarmaan ka dhigay, burburinta dhismayaasha goobtaas; “Kaalintaas iyo mid kale oo la yidhi agteedaa laga dhisayba waa la baabi’inayaa oo cagafbaa la gilanayaa,” ayuu yidhi Wasiirku, isagoo sheegay in meeshaas aan loogu talo-gelin in la dego.

 

Guddoomiye Waaxda Gacan Libaax, Cumar Nuux Xuseen oo isaguna shalay Shir-jaraa’id kaga hadlay arrintaas, ayaa isna xaqiijiyay in Maayaradii hore ay bixiyeen dhulkaas, balse loo dhawr goor loo sheegay ka hor intii aan Ciidanka loo adeegsan. Dad xogo-gaal ah, ayaa iyana sheegay in dhawr goor oo hore Maayarku isku dayay inuu kaalintaas ka raro halkaas, balse ay taasi suuro-gali wayday markii ay nimanka lihi ula soo baxeen sharci iyo ogolaansho ay bixiyeen Maayaradii hore.

 

Saraakiisha Booliska, ayaa iyagu gebi ahaanba diiday in ay wax wara ka bixiyaan dhacdadaas, marar badan oo Wargeyska Haatuf la xidhiidhay shalay ilaa xalayna, way ka gaabsadeen in ay wax wara ka bixiyaan khasaaraha dhacdadaas oo warar is-khilaafsani ka soo baxeen.

 

Guddoomiyaha Waaxda Gacan Libaax iyo warar Cusbitaalka laga soo xigtayba, waxay sheegeen in Kooxda dablayda ah lafteeda laga dhaawacay nin, xabsigana loo taxaabay isagoo dhaawaca, halka Wasiirka arrimaha guduhu sheegay in dhaawacu yahay saddex nin loo keli ah.

 

 

Shixnado Maar Iyo Qalab Kale Ah Oo Si Qarsoodiya Looga Saarayay Dalka Oo La Qabtay

 

 

 

 

Berbera (Haatuf): Booliska magaalada Berbera ee ilaalinta cashuuraha u xilsaaran, ayaa gacanta ku dhigay shixnad maar, jaandi, naxaas iyo xadiid iskugu jirta oo la doonayay in si qarsoodi ah dibadda loogu dhoofiyo.

 

Shixnad oo laga furfuray qalab duugoobay, waxa lagu soo qariyay hal Koontaynar oo dhererkiisu dhan yahay 40 feet, waxaana si qarsoodi ah dekedda loo geliyay 13/5/2002, iyadoo uu siday gaadhi tareella ahi, hase yeeshee waxay booliska iyo shaqaalaha dekeddu ogaadeen, markii koontaynarkaa ay alaabtu ku jirtay laga rogayay gaadhigii siday, intii aan lagu wareejin Markabkii qaadi lahaa, waxaana shakiga ugu horeeyay dhaliyay sida la sheegay, culayska iyo miisaanka shixnaddaa koontaynarku siday, taas oo sababtay in markii dambe la ogaado oo la baahdo.

 

Siday wararku sheegeen alaabtaa loo dhoofinayay Dubai ee dalka Iimaaraadka Carabta, waxaana laga soo raray dhinaca magaalada Hargeysa. Taliyaha Rugta Booliska ee dekedda Berbera, ayaa u sheegay Haatuf in gaadhiga siday shixnaddaas uu saarnaa keliya dirawalkii waday cid kalena aanay ku wehelin, balse wuxuu sheegay taliyuhu in la aqoonsaday ninka leh alaabtaas.

Arbacadii toddobaadkii hore, ayaa Maareeyaha Dekedda Inj. Cali Cumar uu amar ku bixiyay in alaabtaas dekedda dibadda looga saaro, waxaana la geeyay Bakhaarada Oomaar ee duleedka Berbera, halkaas oo lagu soo faaruqiyay koontaynarka oo laftiisa ay hore u bixisay dekeddu.

Maareeyaha dekedda, Cali Xoor-xoor oo arrintaa faahfaahin ka siiyay Wargeyska Haatuf, wuxuu sheegay in xafiis lagu magacaabo 1- M.S.S uu ka soo dalbaday koontaynar madhan oo ay sheegeen in ay ku guranayaan alaab ka qaldantay shirkadda ganacsiga ee Oomaar, isaguna uu maareeye ahaan sidaa ugu ogolaaday koontaynarka.

 

“Sidaas ayaan ku siiyay koontaynarka, anigoo kalsooni ka qaba oo aanan akhriyin warqadii ay ii soo qorteen,” ayuu yidhi Cali Xoor-xoor, waxaanu intaa ku ladhay in ay kala duwan yihiin wixii ay soo codsadeen in ay ku soo ridayaan iyo wixii lagu soo riday markan dambe koontaynarka, sidaas darteen uu dib uga celiyay dekedda. “Waxay ku soo rideen maaha wax la yeeli karo oo mamnuuc, Waddanka oo dhanna waa la soo furfuri lahaa, haddii ay hirgasho bili-liqada noocaas ahi,” ayuu yidhi.

 

Mar la weydiiyay siday shixnaddaasi dekedda ku soo gashay, wuxuu sheegay in koontaynarada alaabta lagu keenaa ay dekedda ka baxaan iyagoo buuxa, iyagoo faaruqana lagu soo celiyo, balse koontaynarkan ay shixnaddu ku jirtay, wuxuu sheegay in Booliska albaabka dekedda lagu dhaafiyay warqadii uu isagu maareeye ahaan siiyay, laakiin ay markii dambe ogaadeen ragii rogayay.

 

Maareeyaha dekeddu, wuxuu sheegay uu gebi ahaanba arrintaas u riixay dhinaca booliska, si ay iyagu u daba-galaan cidii lahayd alaabtaa. “Qoloda Booliska warqad baanu u qornay, kiiskana iyagaanu u wareejinay, dekeddana dibaddaanu uga soo saarnay si ay arrintu u dhexmarto booliska iyo dadkii alaabtaa sitay.

Dhinaca kale Taliye ku-xigeen Qaybta Booliska Berbera, Ibraahim Aadan Yaasiin (Fanax) oo Weriyaha Haatuf ee Berbera wax ka weydiiyay arritaas, ayaa isna sheegay in gaadhiga shixnaddaa maarta ah siday uu waday dirawalka oo keli ah, waxase uu xusay in ay garanayaan cidda leh, gacantana ay ku hayaan arrintaas.

Taliye Fanax, wuxuu ku qiyaasay shirxnaddaas in ay gaadhayso ilaa 18-ton, balse waxa jira warar sheegaya in maarta iyo naxaasta la qabtay ay ka badan tahay intaas.

 

Horraantii sagaashaneeyadii, kadib markii oodda loo rogay Taliskii Siyaad Barre ayaa dhoofinta maarta iyo naxaastu, waxay ka noqdeen magaalada Muqdisho meherad weyn oo xoog looga ganacsado, waxaana dibadda gaar ahaan Imaaraadka Carabta loo dhoofiyay boqolaal kun oo ton oo maar iyo naxaas ahaa oo si boob iyo bili-liqaysi ahaa looga furfurtay wershadihii iyo kaabayaashii dhaqaale ee halkaa ku yaallay.

Somaliland lafteeda, wakhtiyadii uu socday dagaalkii lagu jiray Taliskii Siyaad Barre, siiba 1988 – 1989 waxaa laga bili-liqaystay waxoogaa maar iyo naxaas ah oo la sheegay in loo dhoofiyay dalalka dibadda.

 

Madaxweyne Ku-Xigeenka Cusub Oo Maanta Hortegaya Golayaasha Baarlamaanka

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la filayaa inuu maanta hortago fadhi labada gole ee Baarlamaanku yeelanayaan, si ay ugu coddeeyaan oo u ansixiyaan ama u diidaan.

Kulanka labada aqal ee barlamaanka oo markii hore la filayay inuu qabsoomo maalintii shalay, waxa lagu wadaa inuu maanta qabsoomo si ay u dhamaystiraan sharciyadda xilka Madaxweyne Ku-xigeen-nimo ee loo magacaabay, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, kaas oo uu si rasmi ah u qabanaya marka ay labada Gole codka ansixinta siiyaan.

 

Dhinaca kale lama sii saadaalin karo, tirada codadka uu heli doono, in ansixin doono iyo in la waabin doono toonna, hase yeeshee qaar badan oo ka mid ah Mudanayaasha laba aqal, ayaa iyagu muujiyay dareen ah in ay ku qanacsan yihiin, mar haddii xilkaa loo magacaabay nin muddo dheer ka tirsanaa Golaha Wakiiladda.

 

 

Wasiir Ka Goostay Maamulka C/Qaasim Oo Shalay Ka Soo Degay Madaarka Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirkii Tamarta iyo Korontada ee Maamulka C/qaasim hogaamiyo, Ing. Siciid Warsame Abokor oo ka mid ahaa xubnaha Somaliland u dhashay ee ka qayb-galay Maamulkaas, ayaa shalay ka soo degay Madaarka magaalada Hargeysa, isla markaana shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulkaas, una soo noqday dalkiisa hooyo.

Ing. Siciid Warsame, war-saxaafadeed uu isla shalayba soo saaray, wuxuu ku sheegay in soo noqoshadiisu tahay mid isaga ka timid, isla markaana uu u soo bandhigay Xukuumadda Somaliland, Sidaana uu ku soo guryo-noqday.

 

Ing. Siciid, waxaa muddo ka soo horeeyay Marwadiisa oo iyana iska casishay xil ay ka haysay Maamulka C/qaasim, war-saxaafadeedka uu soo saarayna, wuxuu kaga hadlay qodobbo dhawr ah oo arrintaasi la xidhiidha, waxaanu u dhignaa sidan:

 

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta ku soo guryo noqday dhulkaygii hooyo, aniga oo ka maqnaa tan iyo intii shirkii Carta ee dalka Djabuuti, markaa oo aan is-moodsiiyay in aan shirkaa wax ku kordhin karayay, aniga oo aan marnaba ilaabaynin danta dalkayga, Xukuumadda iyo dadkayga Somaliland.

 

Run ahaantii Xukuumaddii ku-meelgaadhka ahayd, waxa ay noqotay hungo iyo tu aan dhinacna wax u wadaynin, wixii loo xil saarayna oo ahayd nabadaynta Koonfurta Soomaaliya, way ku guul-daraysatay, guul-daradaa mas’uuliyadeedana waxa iska leh Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada oo aan ka mid ahaa. Golaha Wasiirada, waxaan u soo jeediyay 24/4/2002 oo ahayd maalin Arbaca ah, shirkii aanu yeelanay in ay dhammaantood is-casilaan, taas oo ay garwaaqsan waayeend, ayaan go’aansaday in aan ka baxo dawladda ku-meelgaadhka ah, is-casilaadaydiina 19/05/2002, ayaan fax ugu diray Ra’iisal-wasaaraha, anigoo ku qancay waxqabadkayga iyo wixii aan tari karo inuu xaq u leeyahay dalkaygu, isla markaana ka faa’iidaysanaya Siyaasadda Xukuumadda Somaliland oo ku baaqaday, qofkasta oo muwaadin ah oo ka tanaasula afkaartii shirka Carta in uu xaq u leeyahay ku soo noqoshada iyo ka qayb-qaadashada dalka. Waxaan maanta ku soo laabtay dalkayga, aniga oo u diyaar ah in aan shuruud la’aan ugu adeego dalka iyo dadkaba. Waxaan shacabka iyo Xukuumadda Somaliland uga tacsidaynayaa, geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Madaxweynihii ajashu haleeshay, Illaahay ha u naxariistee, waxa uu ka tegay nidaam iyo maamul ay tayadiisu ay ka muuqatay, sida hufan ee loo buuxiyay xilkii uu baneeyay. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, iyo Madaxweyne Ku-xigeen, Axmed Yuusuf Yaasiin, anigoo Illaahay uga baryaya inuu la garab-galo xilka culus ee ummaddu u igmatay.

 

Ugu dambayntii, waxaan caddaynayaa soo noqoshadaydu in ay tahay talo aniga iga timid, isla markaana aan u bandhigay Xukuumadda Somaliland, kuna fushay nidaamka iyo xeerarka dalka, waxaanan u mahad-celinayaa Madaxdii gacanta iga siisay fullinta go’aankaas, waxaanan diyaar u ahay in aan u shaqeeyo dalkayga iyo dadkayga.

 

Dagaalo Ka Dhacay Kililka 5aad Ee Itoobiya

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa u ambabaxay jiidda Gobolka Af-dheer oo ay dagaalo ku dhexmareen laba qabiil oo ka tirsan qabaa’ilka Soomaalida Itoobiya ee aagaas degga.

 

Siduu sheegay war ay faafisay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBC-du shalay, deegaanka degmada Salaxaad ee Gobolka Af-dheer ee Kililka 5aad ee Itoobiya, waxa ka dhacay dagaalo u dhexeeyay laba qabiil oo la sheegay in ay bilaabmeen toddobaadkii hore, dhaceene dhawr maalmood.

Warku wuxuu intaa ku daray in dagaaladaasi geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, balse ay hadda qaboobeen, isla markaana aagaas ay u socdaaleen wefti ballaadhan oo ka socda dawladda is-maamulka Soomaalida Itoobiya, kaas oo ka ambabaxay Caasimadda Jig-jigga.

Dagaaladan oo u dhexeeya laba qabiil oo ka tirsan Soomaalida aagaas degta, ayaa la sheegay in ay hadda ka horna dhawr jeer dhexmareen labadaa Qabiil, sidaas darteedna la filayo inuu weftigaasi xalintiisa galo.

 

UNICEF oo Wasaaradda Caafimaadka Gudoonsiisay Maro-Kaneecooyin Daweysan

 

Hargeysa (Haatuf): Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka ee UNICEF, ayaa shalay gudoonsiisay Wasaaradda Caafimaadka 13,000 midh oo Maro-Kaneecooyin daweysan ah, kuwaas oo loogu talo-galay ka hor-tegista iyo la-dagaalana cudurka kaneecada ama duumada.

Xaflad kooban oo lagula kala wareegay deeqdan maro-kaneecooyinka ah oo shalay barqadii lagu qabtay Hotel Maansoor, waxa ka qayb-galay Wasiirada Madaxtooyadda, Nuux Axmed Cismaan; Caafimaadka, Xasan Ismaaciil Yuusuf; Beeraha, Maxamuud Jaamac Belal; Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Hargeysa, Mr. Romanos iyo marti-sharaf kale oo badnayd.

 

Ugu horeyn, waxa hadal xog-waran iyo warbixin ah ka jeediyay xafladaas Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaad, Axmed Cabdi Jaamac, kaas oo ka waramay heerka uu xannuunka kaneecadu ka gaadhsiisan yahay dalka gudihiisa, iyo sida loogu baahan yahay in looga hortago, waxaanu u mahad-naqay hay’adda UNICEF ee ku deeqday Maro-kaneecooyinkaas oo lagu iibin doono qiimo jaban, lana gaadhsiin doono dhammaan Gobolada dalka.

 

Wasiirka Madaxtooyadda, Axmed Nuux Cismaan oo isna xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in xannuunka kaneecadu yahay mid soo jireen ah oo ku tilmaamay inuu ka mid yahay, xannuunada had iyo jeer waxyeelada ku haya bulshada.

 

Wakiilka UNICEF ee Hargeysa, ayaa isna hadal uu jeediyay ku sheegay ujeeddada ay ka leeyihiin deeqdani in ay tahay, sidii looga hortegi lahaa kaneecada oo inta badan dilaacda xilliga roobabka, waxyeelana gaadhsiisa bulshada.

 

Deeqdaasna, waxa ka gudoomay hay’adda UNICEF, Wasiirka Caafimaad, Dr. Xasan Ismaaciil oo uga mahad-celiyay hay’adda UNICEF kaalmadaas.

 

 

Ururka Somaliland Forum Oo Guddi Fullineed Oo Cusub Doortay

London (Haatuf): Ururka Somaliland Forum oo ka hawl-gala dalalka dibadda ee ay ku nool yihiin qurbo-joogga Somaliland, ayaa soo saaray war uu ku sheegay in ururkaasi loo doortay guddi fullineed oo cusub, kaas oo ka kooban shan xubnood oo noqonaya guddiga fullinta oo hawsha bilaabay 11-kii bishan May.

 

Siduu warkaasi sheegay guddigaa waxa la soo doortay, kadib markii ururku uu shir yeeshay, halkaasna ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee ururka oo ah Daahir Cabdi Jaamac, Ku-xigeenkiisa oo ah Axmed Xuseen Ismaaciil, Dr. Maxamed Raabi oo isna loo doortay Xoghayaha ururka, Xuseen Wadaad-yare oo isna loo doortay Khasnajiga ururka iyo xubinta shanaad oo ah Cumar A. Xasan.

 

Qoraalkaa ururku soo saaray, wuxuu intaa ku daray in xubnahana la doortay ay yihiin, qaar muddo dheer ku soo jiray ururka Somaliland Forum, sidaa aawadeedna ay xubnaha guud ee ururku hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen Guddigaa shanta xubnood ah ee xilka ururka loo xilsaaray. Dhinaca kalena, wuxuu ururku mahad-celin u jeediyay guddigii hore ee xilkaa hayay oo ay sheegeen in ay xilligoodii, waxqabad badan ku tallaabsadeen.

 

East Temor: Dawladii U Dambaysay Ee Ku Biirta Q. Midoobay

 

Dili (W. Wararka): Dalka East Temor, ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee xornimadiisa qaata Caalamka, kadib markii uu gumaysi ku hoos jiray muddo aad u dheer, iyada oo ay iskaga dambeeyeen dalalka Boortaqiiska iyo indoniisiya oo Muddadaasi gumaysanayay dalkaasi Temor-ta Bari.

 

Xafladdo ballaadhan oo lagu xusayay xornimada, ayna ku dabaal-degayeen dadweynaha East Temor, ayaa maalintii shalay 20 May 2002 ka socday guud ahaanba deegaanada uu ka kooban yahay dalkaasi, waxaana munaasibadii lagu saarayay Calanka cusub ee loo sameeyay East Temor ka qayb-galay, Madax ka kala socotay Caalamka, ayna ka mid yihiin; Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Koffi Annan.

Madaxweynaha dalka Indoniisiya, Migarna Waati Sukarno Buuti ayay Qaramada Midoobay kala wareegtay sannadkii 1999-kii, muddadii ay gacanta ku haysayna waxay Qaramada Midoobay u diyaarisay East Temor, sidii uu lugihiisa isugu taagi lahaa marka uu xoroobo.

 

Madaxweynaha cusub ee dalkaasina, wuxuu noqday Sanana Jushmaw oo muddo dheer u xidhnaa u dagaalanka xornimo uu dalka East Temor gaadho, taas oo haatan lagu guulaystay dadweynaha dalkaasina waxay ku jiraan farxad.

 

Xuska 18-Ka May: Sidee Looga Xusay Yurub Iyo Waqooyiga Ameerika

Toronto – The Hague (Haatuf):- Xaflado lagu maamuusay munaasibadda 18 May ee la soo noqoshada madaxbannaanida ayaa ka dhacay dalalka Kanada, Holland iyo Ingiriiska.

 

Warbixino xafladahaas ku saabsana waxaa khadka Email-ka noogu soo diray Cabdi C/llaahi Xasan, Maxamuud Yuusuf Ducaale (Digtoorka) iyo Ibraaahim Xaashi. Warbixinahaasina waxay u dhignaayeen sidan:

( The Hague, 18 May 20002) waxaa magaalada Den Haag ee dalka Holland lagu qabtay xaflad balaadhanoo lagu xusayay sannad guuradii 11aad ee Somaliland kula soo  noqotay qaranimadeeda.

 Xafladda oo u dhacday jawi farxad leh waxaa kasoo qayb galay dad weyne  badan oo ka kala yimid gobolada kala duwan oo dalka Holland. Xaflada oo si fiican loo soo agaasimay waxa soo diyaariyay dhallinta reer  Somaliland ee dalka Holland oo lagu magacaabo NOMAD oo ay ku

 wehelinayeen odayaasha reer Somaliland ee Holland iyo wax garad kale.

 

Xaflada oo ku socotay barnaamij iyo ajende si fiican loo soo nidaamiyay ayaa waxa lagu bilaabay ayaado quraan ah iyo wacdi kooban. Maadaama Madaxeynihii reer Somaliland uu bishan bilowgeedii  geeriyooday Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyeey ayaa qayb  barnaamijka ka mid ah la siiyay xuska taariikhdiisii, waxa kale oo laga soo jeediyay duco iyo tacsi arrinkaa la xidhiidha.

 

Sida ajandaha shirku tilmaamayay waxa laga soo jeediyay taariikhda  Somaliland iyo maraaxisha kala duwan ee ay soo martay. Waxaa iyana hadal kasoo jeediyey ururka dhallinyarada ee Nomad oo ka hadlay jaaliyadaha dibaddaha iyo doorka looga baahanyahay inay ka qaataan dib u dhiska waddanka iyo weliba in la iska xil saaro sidii looga qayb qaadan lahaa sidii waddanku u heli lahaa aqoonsi dibadeed isla markaana qaddiyada Somalilandna loo gaadhsiin lahaa bulshada adduunka si looga soo dhirin dhiriyo ictiraaf. Waxaa kaloo iyana ka hadlay halkaas odayada jaaliyadda Holland oo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay ilaalinta dhaqanka, rabaayadda carruurta iyo toosinta dhallinta qurbajoog ah. Taasoo lagu xusay in loo baahanyahay in la qaaddo olale balaadhan oo lagu baraarujinaayo laguna wacyigelinaayo bulshada reer Somaliland ee qurbaawiga ah si looga baxo dhibaatooyinka iyo duruufaha soo foolsaaray bulshada reer Somaliland ee dibadaha ku nool. Waxaa kaloo iyana goobta lagu soo bandhigay suuggaan, fan iyo muusiq kala duwan. Waxaanad moodaysay in xafladdu guud ahaan u dhacday jawi  farxad leh. Waxaana dadku intay is gacan qaadaan isugu hanbalyeynayeen sannad guuro wanaagsan. Waxaana joogay mid kamid ah abwaanada Somaliland ee reer Holland oo la yidhaahdo Nuuradiin oo dhallinta iyo waayeelba ka haqab tiray muusig casriya. Waxaana dadweynihii kasoo qayb galay xafladda oo aad u faraxsani boodayeen fagaaraha ay ka socdeen heesaha fannaanka codka baxsani ku luuqaynaayo waxaanay raacinayeen jiib iyo jaan. Waxaa kaloo xafladdaa goob-joog ahaa dad aan Somali ahayn iyo Somalida kale ee geeska afrika. Ugu danbayna inkasto dad badan oo jaaliyadda reer Holland ahi ku maqnaayeen xafladda wayn ee London ka socotay ee lagu xusaayo 18 Mey, haddana waxaa joogay dadweyne tiro badan.

 

Ugu danbayna waxaanan bulshada reer Somaliland meelkastoo ay joogaanba u rajaynayaa inay xafladda 18 Mey ee sannadka soo socda  ku gaadhaan bash  iyo barwaaqo.” Dhinaca kalena Maxamuud Yuusuf Ducaale (Digtoorka) oo ka mid ah suxufiyiinta reer Somaliland ee ku nool magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa isna warbixin uu noogu soo diray khadka Emailka ku sheegay in xaafadda Scarborough ee magaalada Toronto lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu xusay sannad-guurada 11aad ee ka soo wareegtay maalintii la soo noqoshada madax-bannaanida. Warbixintaasina waxay u dhignayd sidan:

“Hadaan war kooban idinka siiyo Toronto iyo sidii looga damaashaaday, waxay ahayd galabninadii jimce markii loo dareeraray ka qayb galka Xuska sanadguurada qaaliga ah ee qaranimada Somaaliland,wajiyo aad u miraaqoonaya oo farxad iyo rayn-rayni ka muuqato ayaa soo buuxiyey goobtii xaflada oo ahayd bariga magaalo weynta Toronto xaafada Scarborough, wixii halkaa ka dhacay hadal lagumo soo koobi karo, waxa laga sheekeeyey taariikhdii dheerayd ee Maandeeq, waxa la xusay taariikhdii alla ha u naxariistee Madaxwyne Cigaal loona duceeyey, waxa kale oo intaa socday Music iyo heeso wadaniya oo ay ku fara yaraysteen koox fanaaniin ah oo ay ka mid ahaayeen Shamis Qardajeex,Kiin Ibraahim, Cumar Indhoyare, si kastaba ha ahaatee dadwenihii halkaa joogay caruur iyo ciroole qofkii ugu nuuxsi yaraa madaxa ayaa daalay, da,yarta iyo inta saarayda ah hadalkooda daa.Waxa barnaamujka daadihinayey oo xaga maaweeladana qayb ka qaatay oo intaa dadka ka qoslinayey wariyihii weynaa ee Idiris Cigaal Nuur oo u kala raray.”

Waxaa ka mid ahaa ka qayb galayasha halkaana ka khudbadeeyey madaxada urarada reer Somaliland ee ku sugan Magaaladan iyo waayeel kale oo taarikhda ka sakow qaarkood murti iyo sugaan burqadeen.

Si kastaba ha ahaatee habeenkaasi waxa uu ahaa habeen habeenada ka soocnaa, si weyna la isugu arkay.”

Sidoo kale warbixin taa la mid ah waxaa magaalada Manchester nooga soo diray Ibraahim Xaashi, taas oo u qornayd sidan:

 “Jaaliyadda Somaliland ee deggan magaladda Manchester ee dalka Ingriiska ayaa munaasibadda 18ka May 2002 qabatay xaflad balaadhan oo isugu jirtay xassuus iyo xus.

 Qaybta xassuustu waxay isugu jirtay Quraan iyo duco loogu talogalay Marxuumkii Madaxeyne Maxamad Xaaji Ibraahin Cigal (Alla ha u naxariiste) ee dhowaan geeriyooday, taariikhdiisii dheerayd iyo waxqabadkiisii oo la xassuustay.  Qaybta xuskuna waxay ku saabsanayd sanadguuraddii 11aad ee la soo noqoshada madaxbanaanida  Jamhuuriydda Somaliland.

 Xafladdan oo lagu qabtay xarunta SALTSHAKER ee magaalada Manchester waxaa kasoo qaybgalay ila 150 Somalilander ah oo isugu jira odayaal, indheergarato, dhalinyaro iyo dumar. Quraanka iyo ducadda kadib, waxa halka lagu dawaday cajalad lagasoo duubay aaskii Madaxweynaha.  Waxa kaloo xafladdaas laga jeediyay hadalo ku saabsan halganka umaddeenu soo martay iyo kaalinta ay jaaliyadu ka qaadan karto qadiyada Somaliland. Waxaa halkaa ka hadlay Mujaahidiin ay ka mid ahaayeen Maxamuud Maxamad Xeyd, Maxamed Axmed (Bashe) iyo Xasan Farax Jagac. 

 Jaaliyaddu waxay ku hambalyeynasa ummadda Somaliland oo dhan sida midaysan ee haboon ee ay u damqatay kadib markii geeridani inugu timi.  Waxayna isku raacday in ay aad uga shaqeyso qadiyadda Somaliland.”

Warkan waxa soo gudbiyey Ibrahim Xashi Jaamac oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Manchester, UK

 

 

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Siduu Doona-Ba Yeelow Sabti Weyn Nooga Dhig

 

Ku bilaabida magaca Eebe ee naxariista guud iyo mid gaarba naxariista ayaanu u baryaynaa in madaxweynaheenii hore iyo mujaahidiintii hore oo dhan inuu jannada ka waraabiyo, gaar ahaana samir iyo iimaan carruurtii uu ka tegay marxuumku ka siiyo.

1.       Cali, Axmed, Ibraahim, Lifoon iyo hooyadood,

2.       Marwada madaxweynihii hore Kaltuum Haaji Daahir, Aamina Maxamed Cigaal

Iyo dhammaan eheladiisii, kuwaas oo aanan arag intii geeridu dhacday waxaan leeyahay samir iyo iimaan , hamoodina in uu keligiin idinka dhintay ee wuxuu ka geeriyooday ummadda reer Somaliland iyo Soomaaliyeedba, waxaanu inooga tegay raad amba sees la yidhaahdo xeer.

Intaa waxa ii raaca iyada oo ay maanta tahay bishu 18 May 2002, oo ku beegan 6/7 bil-mawliid Ilaahay barakadeeda ha ina siiyo, loolanka dimuqraadiyadda cusub ee dhalatayna Eebeheen ha inooga dhigo Sabti weyn oo la mid ah Salaasada weyn ee Maraykanku ula magac-baxay Supper Tuesday, waxaanu ka baryaynaa in siduu doonaba yeeluhu inagana inooga dhigo Supper Saturday.

Madaxweynaha cusub iyo khudbadiisii maanta, xukuumadda, shacbiga reer Somaliland ee muujiyay shucuurtooda si lamida sidii ay u muujiyeen 31 2001 wallee ma iilataan.

Cali Cumar Xasan Guuleed

 

Madaxweyne Garsoor Ka Hoos Eeg

Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii uu ka tegay marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariistee iyo dhammaan ummada reer Somaliland ee uu ka tegayba.

 

Marka xiga waxaan ku hambalyaynayaaa madaxweynaha cusub Daahir Rayaale Kaahin xilka uu u qabtay ummadda reer Somaliland, waxaanan leeyahay ku guulayso xilkaaga una hano sidii Maxamed Ibraahim Cigaal iyo si la mid ah.

 

Haddaan madaxweyne intaa ka gudbo, waxaa hambalyadayda daba-socota cabasho ah in hoos loo eego hay’adaha sharciga, oo aad u hooseeya, lagagana dhaqmo laaluush iyo been sida maxkamadaha iyo waaxaha laguna dhibo dadweynaha masaakiinta ah ee aan anigu ka mid ahay.

Haddaba waxaan madaxweyne kaa codsanayaa inaad hoos u eegto goobahaa lagu dhibayo maatida.

Faadumo Xirsi Faarax

 

BUSTAANKA FANKA IYO SUUGAANTA

 

Khadra Daahir: Fannaanada Qarniga

 

Maxay Ka Xusuusan Tahay Waayihii Jacaylkii Soo Maray

“Ubax-baal Casuuslaan ku dhex beeri doonaa, biyihii webi Shabeelaan ku butaacin doonaa”

 

 

Sidii intiinii akhrisatay la socotay Salaasadii toddobaadkii hore ee 14 May, 2002, waxaanu Wargeyska Haatuf idiinku baahinay Waraysi aanu la yeelanay fannaaniinta Khadra Daahir iyo Nimco Yaasiin oo ka mid ah hablaha sida weyn luuqdooda loo dhegaysto oo dadkuna aad ugu raaxaysto, markay maqlaan codadkooda baxsan. Haddaba, anaga oo hore idiinku ballan-qaadnay in aanu mid-mid idiinku soo gudbino taariikh-fanneedka hablahaa, ayaanu barnaamijka toddobaadlaha fanka idiinku soo gudbinaynaa inta aanu ka gaadhno, fannaanadda weyn ee Khadra Daahir Cige, waana tan:

 

Khadra Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku bar-baartay waxna ku baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fan-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii, siday Khadra sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay Waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha, heesii ugu horeysay ee ay qaadaanaa waxay ahayd hees Waddani ah oo uu sameeyay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda Carabiga dhiga, Khadrana macalin u ahaa. Waxay ahayd sannadkii 1972-kii, waana heesteedii curad ee u balaysintay heesaa-nimada ay Khadra qaniga ku tahay, heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa; “Hawl iyo dadweynoow, hantidoon wadaagnaa waa horumarkeeniyo hido aynu leenahay, hayaan baa la gelayaa, haka hadhine soo raac.”

Khadra, intaa kagamay hadhin jacaylka ay u haysay fanka, waxayna kor u sii kacday markii ay dhiiri-gelin ka heshay dad badan oo ka mid ah bahda fanka, waxayna mar kale hees la qaaday hablo ay isku Iskuul ahaayeen.

 

Khadra Daahir Cige, waxay si toos ah fanka u bilowday sannadkii 1974-kii, habeen habeenada ka mid ah ayay Khadra ka qayb-gashay Xaflad, waxayna halkaa kula kulantay Fannaanka Saalax Qaasim oo kabanka u garaacay markii la sara-kacday hees ay qaado Fannaanadda Sahra Axmed.

Saalax Qaasim oo aad ula dhacay Codka inantaa yar, ayaa Madaxii Idaacadda Raadiyow Hargeysa, Idiris Cigaal u sheegay in ay Khadri heesi karto, sidaa darteedna la qaato, iyada oo sidii wax u dhaceen ka sheekaynaysa, waxay tidhi; “Waxa la ii geeyay Alla ha’u naxariistee Ismaaciil Yare, Huryo, Saalax Qaasim iyo Siciid Xarawo, waxayna igu yidhaahdeen hees kale maqaadi karta, waxaan qaaday hees kale oo iyana Sahra Axmed qaado.”

 

Maalintaa kadib, Khadra waxaa loo aqoonsaday fannaanad ka midda hoboladii “Waaberi,” iyadoo isla sannadkaa si buuxda uga qayb-gashay Riwaayado caan ahaa oo ay ka mid tahay “Dab Jacayl kari waa.”

Khadra Daahir, waxay ku caan baxday ku luuqaynta heesaha Jacaylka ah oo ay kaga soo dhex-mudhay Masraxyadii kala duwannaa ee Fanka Soomaalida, waxaanay qaab-masrixiyeedkeeda, fannaan-nimadeeda iyo luuqdeeda dabacsan-ba ku soo jiidatay dadweyne aad u tiro badan oo Soomaali ah oo xoog u dhegeysta heesaheeda, kuwaas oo ay xitaa ka mid yihiin fannaaniin iyo abwaanaba.

In badan oo Soomaalida ka mid ahi, markay fanka ka hadlayaan waxay Khadra ku tilmaamaan Boqorada Jacaylka. Mar la weydiiyay heesteedii u horeysay ee jacaylka ahayd ee ay qaaday, waxay sheegtay in ay ahayd hees uu sameeyay nin la odhan jiray Maxamuud oo reer Hargeysa ah. Heestaasi, waa heesta caanka ah ee ereyadeeda ka midka yihiin; “Afka lagama sheegtoo,

Adigoon Jacayl arag,

Looma uur xumaadee,

Intuu soo abraarruu…”

 

Heestani, waxay ahayd tijaabadii ugu dambaysay ee Khadra laga qaado, ka hor intii aanay ku dabaallan badweynta heesaha ee ay marba dhinac u qaaday.

Khadra oo ka jawaab-celinaysay su’aal ku saabsanayd, sidii dareenkeedu ahaa markay Fanka bilowday waxay tidhi; “Waan yaraa, waayo-aragnimana maan lahayn, balse waxa ijiidanayay jacaylka aan u qabay Fanka.”

Khadra Daahir, waxay ka mid tahay koox fannaaniin ah oo dhawaan ka soo kicitimay Carriga Ingiriiska oo ay muddo dhawr iyo Toban sannadood ah ku noolaayeen. Mar aanu wax ka weydiinay ujeeddada socdaalkooda, waxay ku tilmaantay war-doon la xidhiidha sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah oo ay in muddo ah ka maqnaayeen. Waxa kale oo booqashada fannaaniintan ka mid ah, in ay dadka wax ka xusuusiyaan Fankoodii, waxaanay sheegtay in ay dhawaan ku soo bandhigayaan Masraxyadda Hargeysa, Bandhig-fanneed.

Fannaanadu, waxay ka deyrisay nolosha qurbo-joogga ah oo ay ku macnaysay mid adag oo ka soo horjeedda dhaqanka Soomaalida. “Waa meel aanad cidna ka garanayni. Dhibaatooyinka qurbaha nagu qabsaday, waxa ka mid ah wax-soo-saarkayagii oo yaraaday,” ayay tidhi Khadra oo ka hadlaysay carqaladaha dhulka shisheeye ay kala kulmeen.

 

Marka laga tago Riwaayadii la odhan jiray Dab jacayl kari waa oo ay Khadra kala wareegtay Sahra Axmed oo markii hore heesaaga koowaad ka ahayd, waxa kale oo ay markiiba hogaan-qaaday Riwaayad la odhan jiray “Jini iyo Jacayl,” oo noqotay mid markiiba ku fiday daafaha dhulweynaha Soomaalidu degto. Heesaha ay qaado Khadra Daahir, waxa intooda badan sameeyay Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganay), hase yeeshee heesta ay ugu jeceshahay heesaha ay ku luuqayso, waxay ku tilmaantay hees uu sameeyay Abwaan Maxamed Cali Kaariye (Illaahay ha’u naxariistee). Mar ay arrintaa ka hadlaysayna, waxay Khadra tidhi: “Heesahayga waxaan ugu jecelahay, Jacaylkii Boorama, kii bulaale iyo herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir igu helay.”

 

Fannaanadu, waxay jacaylkeeda heestaa bud-dhig uga dhigtay munaasibad u gaar ah oo ay ka turjumaysay, taas oo saamayn dhinaca cishqiga ah Kharda lafteeda. “Heestaasi waxay lahayd laba munaasibadood, ta hore abwaanka sameeyay oo jacayl rasmi ahi hayay, iyo aniga laftayda oo markaa la i hayay.” Sidaa waxa tidhi Khadra Daahir oo daboolka ka qaaday, jiritaanka sharaxaad ay bulshadu ka bixin jirtay aroorka nudaha iyo macnaha ay heestu xambaarsan tahay.

 

Inkastoo Khadra Daahir ay lama filaan ku noqotay, nabadda iyo horumarka dalku gaadhay oo ku dhaliyay go’aan ah, in ay dalka u soo guurto, haddana meesha kamay saarin in ay weli jirto dhibaato dhinaca Tiyaatarada ahi, balse waxay xustay in ay u hawl-galayaan sidii loo dhisi golihii murtida iyo mededaalada oo la aaminsan yahay inuu saldhig u yahay wax-soo-saarka fanka iyo fannaanka.

 

“Markii aanu Hargeysa nimid, waxaanu aragnay dhulkii oo la-wada dhisay, tiyaatarkii fannaaniinta mooyaane.” Ayay tidhi Khadra Daahir oo walaac ka muujisay dayaca ka muuqda golihii murtida iyo mededaalada ee ku yaalay magaalada Hargeysa oo lagu majeerto, in ay tahay Hooyada Fanka Soomaalida.

 

La soco cadadka dambe, qaybtii labaad ee taxanahan iyo waraysi kale oo ku lamaan oo aanu la yeelanay, Fannaanada weyn ee caanka ah Nimco Yaasiin Caraale oo iyana ka mid ah Fannaaniintaa ka timid dhinaca Carriga Ingiriiska.

 

 

Dheeho Dhaqankaaga

 

M. I. Sagax

 

 

Qormaddani, waa toddobaadle qayb ka ah Barnaamijka Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida, taas oo aanu ku eegno badweynta Maahmaahaha Soomaaliyeed, waxaanay tilmaan iyo tusmo u tahay dhaqankii awoowayaasheen ee hido-samida lahaa iyo murtidii ay ka tageen. Sidaa daraadeed, Akhriste ka bogo, xigmaddu waa baadi kaa maqan oo u baahan in aad baratided.

 

Saddex waa yaab, saddexna waa yaabka yaabkii, saddexna waa ama-kaag

Aboorbaa dundumo dhisay, waa yaab; candhuuftiisuu ku dhisaana, waa yaabka yaabkii; habeenkii buu dhisaana, waa ama-kaag.

 

Saddex saddex kama dheregto.

Ili deymo kama dheregto,

Dabna xaabo kama dhergo,

Munaafaqna dambi kama dhergo

 

Saddex baa boqornimo kaa qaadda

Gacan gudhan,

Gudoon jilicsan iyo

Gar eexo.

 

Boqornimo waa saddex

Mid Illaahay doorto,

Mid dadku doorto iyo

Jini-boqor isagu is-caleemo saara.

 

Ninku markuu madax noqdo, saddex ninbaa u yimaadda oo ninba wax ula socdo

Nin Cilmi la socda,

Nin Caqli la socda, iyo

Nin Calool la socda.

labada hore caynaano ayay leeyihiin, ninkase hunguriga la socda cidhib la’aan iyo ceebuu dhaxalsiiyaa Madaxda. Saddexdaa sidaad u kala soocaysaana waa adiga iyo maankaa.”

 

Hadal waa murti iyo yoon-yoon

Hadal waxa dilay agnaanka halka xun ku dhufta marka uu hadlayo

Xog mooge xaajaduu dilaa

Marka geella loo heesayo, goroyo looma heesho

Qof waliba hadalkiisuu ku qiimaysan yahay

Nin weyn oo qawl ka dhacay, waa geed qolofi ka dhacday

Nin waalan tolkiibaa u miyir qaba.

Hadalkana la kala odhan og, Illaahayna la kala baryi og.

Af xumo nabad-na waa kaa kaxaysaa, colaadna wax kaagama tarto

Af baa la xukumaaye, uur lama xukumo

Hadal iyo hilbaba kala qallan.

Laba aamuskay ku qurux badan yihiin

Didiyaha iyo damanuhu haday hadlaan, colaad iyo cudur uunbaa dhaxalkoodu noqdaa, markaa waxa u kheyr-roon in ay aamuska badiyaan

Aqoon yari iyo af xumo, aamusbaa lagu kabbaa

Haddaad meel fagaare ka hadlayso carabkaaga ilaali, haddaad cunto cunaysana calooshaada ilaali

Bil-saddex gurigaana waa kaa kaxaysaa, guri kalena kuma gaadhsiiso

Wixii indho arkaan ayaa ilko gooyaan

War jiraaba cakaaruu iman

Ninkaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eeggaa

Isma dhaanto dhan kuuma kaxayso

Ciridkaa aan arko ilko kama soo jeeddaan

Adduun waa hir-doogle iyo abaar lagu harraado