Haatuf, Cadadki 88, May 31, 2002

Dawladda Itoobiya Oo Mowqif Adag Iska Taagtay Xaaladda Somaliland

 

“Haddi ay dadka qaar isku dayaan tallaabo khatar ku ah Somaliland, Itoobiya uma dulqaadan doonto”

 

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Tekede Alemu, ayaa caddeeyay in dawladiisu aanay u dulqaadan doonin fara-gelin dibadeed oo la isku deyayo in lagu manjaxaabiyo xasiloonida iyo hannaanka ka jira Somaliland, isla markaana ugu baaqay dawladda iyo mucaaridkaba in ay ka feejignaadaan faro-gelin dalka dibadda kaga timaadda.

Dr. Tekede Alemu iyo wefti sare oo uu hoggaaminayay oo booqasho ku yimi dalka Salaasadii, waxa ay ka ambabaxeen Hargeysa gelinkii dambe ee Khamiistii shalay, kadib markii uu wetfigaasi wada-hadalo dhinacyo badan leh la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Shirguddoonka labada Gole, Hay’adaha Ammaanka iyo Wasaaradaha dawladda qaar ka mid ah.

 

Dr. Alemu, Wareysi khaas ah oo uu siiyay wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times Arbacadii dorraad, kadib kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Rayaale, waxa uu si qoto dheer ugaga waramay heerka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya iyo sida dawladda Itoobiya u danaynayso xasiloonida iyo horumarka ay gaadhay Somaliland.

Dr. Alemu, waxa uu aad ugu nuux-nuuxsaday rajada ka dhalatay iyo sida Itoobiya ula dhacsan tahay isbeddelkii, sida hufan ee habsamida ah uga dhacay Somaliland dhawaan, kadib geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, taas oo uu ku tilmaamay mid markhaati weyn u ah wixii dadka reer Somaliland ay qabsadeen kow iyo tobankii sannadood ee tegay.

 

Horumarkaa oo uu sheegay in beesha Caalamku xaqirtay, hase yeeshee waxa uu muujiyay waxoogaa werwer ah oo ay dawladda Itoobiya ka qabto isku-dayo shisheeye oo ay dareensan tahay in loo maleegayo in lagu waxyeeleeyo Somaliland iyo in loollanka Siyaasadeed ee Somaliland uu noqon karo gol-daloolo looga soo dhici karo nabadda iyo xasiloonida Somaliland.

 

Dr. Alemu, waxa uu kulankii arbacadii, Madaxweyne Rayaale ugu gudbiyay dhambaal uu uga siday Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Males Zenawi, kaas oo uu weheliyay Maritqaad uu u fidiyay Madaxweynaha oo uu ku tegayo Addis Ababa, waxana uu sheegay in dhambaalkaas qayb ahaan uu xambaarsanaa, farriin uu Ra’iisul-wasaare Zenawi u soo diray dawladda, mucaaridka iyo shacabka Somaliland, taas oo ah ayuu yidhi; “Qof kasta oo Somaliland joogga, xil baa saaran. Hoggaanka (Dalka) xil baa saaran in la sugo ama la xaqiijiyo in maalmaha ama bilaha soo socdaa ay noqdaan marxalad qofkasta ay tahay inuu ka qayb-qaato, gacana ka geysto difaaca iyo sii ambaqaadista nabadda iyo xasiloonida Somaliland ay haysatay 11-ka sannadood.”

 

Dr. Alemu, isagoo taas sii sharaxaya waxa uu yidhi; “Waxa jiri doona tartan Siyaasadeed oo dhaqan u ah loollanka Siyaasadda. Waxa aloosmi kara shucuur iyo xasaasiyad Siyaasadeed, laakiin gebi ahaan waa in qof kastaaba taxadir iyo fiiro dheer u yeeshaa sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo, la difaaco, lana badbaadiyo haykalka dawladeed. Hay’adahaa ama haykalkaa maamul, wuxuu u baahan yahay in la lexejecleeyo, si feejigana loo ilaaliyo.”

 

Waxana uu xusay in ay Itoobiya dareensan tahay, isku-dayo dibadda ka imanaya oo loogu tala-galay in lagu waxyeeleeyo hannaanka iyo geeddi-socodka Somaliland. Waxaana jiri kara ayuu yidhi, qaar arka in ay tahay iminka wakhtigii ku haboonaa.

Dr. Alemu, cid farta kuma fiiqin, mar la weydiiyay khatarta ay ka digeyso Itoobiya ee ay dareentayna waxa uu muujiyay in Itoobiya kalsooni fiican ku qabto in isku dayadaas ku lidka ah Somaliland aanay guulaysan doonin.

 

“Itoobiya ma rumaysna in ay jiraan wax fursad ah oo ay ka helayaan Somaliland dadka aan nasteexa u ahayn danta dadka Somaliland, si ay uga kalluumaystaan biyo qasan,” ayuu yidhi Dr. Alemu. Laakiin dhinaca kale, waxa jira ayuu yidhi fikrado iyo aragtiyo, kuwaas oo ay qaar qabaan in wakhtigani ay tahay mid ku haboon in xiisado iyo xasilooni darro laga abuuro Somaliland.

“Waan ognahay in ay jiraan isku dayo caynkaas ah, waxaanuna dareemaynaa in aragtiyahaasi ay yihiin fikrado khatar ah,” ayuu yidhi, isaga oo intaas raaciyay in haddii dadka qaar ay isku dayaan in ay qorsheeyaan tallaabo ku salaysan in Itoobiya aanay u dulqaadan doonin khatarta noocaas ah.

“Waxa xaqiiqo ah in kuwa loogu yeedho dawladda ku-meelgaadhka ah (Kooxda Carta), ayaa tan samaynayay wakhtiyadii hore,” ayuu yidhi.

 

“Waxayna sidoo kale diyaarinayaan in ay wax kale oo badan sameeyaan, iyagoo raacaya khaladkaas,” ayuu raaciyay. Waxa kale oo uu xusay in ay jiri karaan kuwo kale oo ka baxsan mandaqadda Geeska Afrika oo uu sheegay in ay ka xun yihiin nabadda iyo xasiloonida iyo hannaanka tamariyay ee ay Somaliland haysato, una ooman in dadka reer Somaliland ay cidhiidhi ka gasho xasilloonida iyo in ay si guul ah ku dhammaystaan marxaladdan kala-guurka. Laakiin, waxa uu sheegay in aanay filayn in taasi guulaysato. “Waayo, waxaan leeyahay xaaladda Somaliland ayaanba ogolaan doonin taas,” ayuu yidhi.

“Laakiin, taa lafteeda waxaanu qabnaa in ay tahay xil saaran dawladda iyo mucaaridka labadaba in ay heegan iyo feejignaan ugu jiraan,” ayuu yidhi Dr. Alemu.

“Anagana dhinacayaga Itoobiya, ma ogolaan doono haba yaraatee wax aan ahayn rabitaanka dadka Somaliland in dusha lagaga keeno, ama lagu soo rogo. Taasi, waa biyo-kama-dhibcaankayaga,” ayuu yidhi.

 

Dr. Alemu, waxa uu aad ugu dheeraaday ahmiyadda nabadda iyo xasilloonida Somaliland ugu fadhido Gobolka, waxana uu si weyn u ammaanay isbeddelkii dhawaan xilka Madaxweyne-nimada loogu dhaariyay Mudane Daahir Rayaale, kadib geeridii Madaxweynihii hore.

“Waxaanu u aragnaa in ay tahay xil saaran beesha Caalamka, guud ahaan iyo dawladaha mandaqadda oo ay ku jirto Itoobiya in ay sameeyaan wax kasta oo lama huraan ah, si loo xaqiijiyo in is-beddelkani uu noqdo mid habsami u socda oo nabadgelyo ah,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu sheegay in dabool la saaro nabadda iyo horumarka dadka Somaliland iyagu gaadheen, iyadoo aanay jirin cid ka caawisay, xitaa Itoobiya aanay ku andacoon karin in ay doorweyn ka ciyaartay dhismaha nabadda iyo hannaanka Somaliland.

 

“Waxaanu nahay run ahaantii Waddanka Afrika dhexdeeda iyo Caalami ahaanba ku wacyi-geliya, kuna baraarujiya xaaladda ka jirta Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Alemu, balse waxa uu sheegay in kadib Itoobiya ku qanacday in si munaafaqnimo ah loo qariyo xaqiiqada Somaliland, iyadoo ayuu yidhi qofkasta oo booqday Hargeysa, Berbera, Boorama, Burco iyo magaalooyinka kale ee Somaliland aanu dafiri karin nabadda, xasilloonida iyo hannaanka Siyaasadeed ee dadka reer Somaliland haystaan, kaas oo aan lagu helin si fudud ayuu yidhi.

 

31 May: Hargeysa Iyo Afar Iyo Toban Sanno Ka Hor

 

 

Hargeysa (Haatuf): “Waxaad moodaysay inaanu aroos tegayno farxadda iyo rayn-raynta Ciidanka ka dhacaysay”- sidaa waxa yidhi C/raxman Aw-Cali Faarax oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa dagaalka hubaysan kula jiray dawladdii keli-taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

 

Saaka oo ay bisha May tahay 31,2002 waxa weeye sannad-guuradii 14aad ee markii ay xoogagga ururka SNM dagaalka is-miidaaminta ah ku soo galeen gudaha goboladii waqooyi ee dalkii jamhuuriyadda Somaliyeed, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida: Burco iyo Hargaysa, iyadoo ay taasi ka dambaysay heshiis dhex-maray labadii dawladood ee Siyaad Barre iyo Mingistu,heshiiskaa oo dhigayey inay qolowaliba taageerada ka joojiso jabhadihii ku kala kacsanaa labada talis, taas oo uu Mingistu heshiiskaa ka dib hogaankii ururka SNM ku wargeliyey inay ciidamadooda ka soo raraan jiidaha dagaalka oo ay dib ugu soo raraan gudaha Itoobiya, taas oo macneheedu ahaa inay halkaa ku hakiyaan dirirtii ay kula jireen ciidamadii taliskii Siyaad Barre, laakiin hogaankii ururka SNM waxay arintaa ka qaateen mawqif xaraj ah,waxayna go’aansadeen inay ciidamadoodu madax-madax isugu soo tuuraan gudaha ,iyagoo bartilmaameed ka dhiganaya xarumihii iyo saldhigyadii ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee fadhiyey goboladii waqooyi (Somaliland).

 

27-kii May 1988, ayey ciidamadii ururka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen gudaha magaalada Burco, sidoo kale afar cisho ka dib oo ahayd 31-kii May 1988 ayey qaybo kale oo ciidamadii SNM ahi guluf-dagaal ku sooo galeen gudaha magaalada Hargeysa oo xarun u ahayd ciidamadii qaybtii 26aad la odhan jiray ee taliskii Siyaad Barre, iyadoo qaybo kale oo ciidamadii SNM ahi isla maalintaa 31-ka May duulaan ku galeen aagga deegaanka Cadaadley oo uu fadhiyey gaas ka tirsan ciidamadii qaybtii 26aad,waxaana ciidamadii SNM ee jiidda Cadaadley ka dagaal galay hogaaminayey Muj: Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen-dheere), laakiin ciidamadii SNM ee Hargaysa ka dagaal galay waxa uu taliyahoodii u sareeyay ahaa Muj: Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Ibraahin-dhegaweyne),waxa kale oo ka mid ahaa saraakiishii iyo hogaamiyayaashii taliskii ciidamadii SNM ee Hargaysa soo galay C/raxmaan Aw-Cali Faarax, Muuse Biixi Cabdi, Cabdilaahi Askar, Maxamed Axmed Ibraahim (Dayib-guray), Cali-guray iyo rag kale, laakiin Ibraahin-dhegaweyne oo aanu kala sheekaysanay waayihii dagaal ee maalintaa waxa uu xusay rag kale ,waxaanu yidhi “Runtii halkan kuma soo koobi karo raggii qiimaha lahaa ee u kala sareeyay hogaamintii iyo hawl-gelintii ciidamadii SNM ee maalintaa ka dagaal galay jiidaha Hargaysa iyo Cadaadley, laakiin waxaan ka xusuustaa Maxamed Cilmi Samatar, Gacma-dheere, Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe, Aadan-cadde, C/kariin Xaashi, koosaar, Alif-doon, Yuusuf-gadhle, weerar, Axmed-waysacadde, Maxamed Ismaaciil, Aadan-dheere, C/laahi Cige Obsi, Siilaanyo-yare iyo rag badan oo kale oo dhamaantood ka kala tirsanaa Guutooyinka Seyid-Cumar, San-caani,20aad, Guuto 3aad iyo Seyid-cali oo dhamaantood ka tirsanaa aaggii Makal-mukarama”.

 

Sida uu sheegay Ibraahin-dhegaweyne ciidankii SNM ee aagga Hargaysa soo galay waxay tiradoodu ahayd ilaa 1300 oo dagaalyahan,waxayna wateen tiro aad u yar oo tikniko ah “raggu xataa ma haysan maalin-dagaal hadiiay rasaas,raashin, dawo, shidaal IWM,tiknikadayaduna waxay ahayd 2 jiib, 2 sekow,3 garaan-B,hal beebe,iyo hal brown” ayuu yidhi Muj: Ibraahim dhegaweyne,sidaa darteedna awoodda ciidamadii SNM waxay ahayd mid aad u yar oo aan tiro iyo hub toona wax cidi le’eg uga dhigmayn ciidamadii qaybti 26ad ee Hargaysa fadhiyey, wuxuuna Ibraahin,isaga oo awoodii ciidamadii ay waajahayeen ka waramaya yidhi “Marka la isku daro guutooyinkii Ciidanka dhulka, saldhigyadii Ciidanka cirka iyo difaaca cirka ,jabhadihii hubaysnaa Oromada iyo Somalida isugu jiray, maleeshiyaadkii hubaysnaa ee qaxootigii Jiidaha Hargaysa deganaa, waxay ciidamadii aanu waajahaynay tiradoodu gaadhaysay ilaa sideetan-kun oo nin”.  C/raxmaan Aw-Cali oo timaamaya Mooralkii ciidankooda ayaa yidhi “Markii aanu ka soo dhaqaaqaynay bartii dagaalka oo ahayd meesha la yidhaahdo Balli-samatar oo ah meel xuduudka saaran waxaad moodaysay inaanu aroos tegayno farxadda iyo rayn-raynta Ciidanka ka muuqatay”.

“Ciidanka aanu wadanay waxa uu ahaa Ciidan bir ah tayo iyo mooral-ba ” ayuu intaa ku daray Ibraahin-dhegaweyne, laakiin Ibraahin isaga oo ka waramaya sidii ay dagaalka u bilaabeen iyo sidii ay wax u dhaceen waxa uu yidhi “Ilaa 1:30 ayaanu soo dhaqaaqnay, waa nalaga sii diyaar-garoobay,dabadeedna laba jid-gooyo iyo diyaarad na duqaysay ayaa jidka nagala kulmay,laakiin 6:00 maqribnimo ayaa dagaal culusi nagu qabsaday meesha la yidhaahdo Garabis oo ilaa tobaneeyo KM. Hargaysa u jirta ,waxaanuna halkaa ku gaadhnay ilaa tobankii habeenimo, roob baa nagu da’ay, waxay noqotay habeen madow ah, is-gaadhsiin ma haysano, xagga hore iyo labada dhinacba ciidamo ayaa naga fadhiya, waxaana la doonayay inuu halkaa waagu noogu beryo oo inta nala hareereeyo gam nalaga siiyo, laakiin intaanu ciidankii ilaa 600 jidgooyo uga nimi, gaadiidkii waaweynaana iskaga nimi ayaanu soo lugaynay anaga oo baabuurtii fududayd ee tiknikada ahaydna riixayna si aan guuxooda loo maqal sidaa ayaanu magaalada soo galay abaara 2:30 saqdii dhexe waxaanuna markii u horaysay dagaalka ka bilownay taliskii qaybta 26aad, oo aanu qabsanay,meelo kale oo badan xaruumahoodii ahna waanu ka qabsanay, waxayna taliyihii qaybta Morgan iyo raggii taliska joogay, iyaga oo shooksan u carareen dhinaca Madaarka”.

 

Dagaalkaa ay xoogagga SNM maalintaa ku soo galeen waxay gudaha Hargaysa ku jireen in ka badan laba bilood, iyaga oo sheegay inay inta badan magaalada haysteen.

 

Sida aynu xagga hore ku soo xusnay dagaalka ay ciidamada SNM ku soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa uu ahaa dagaal miidaamo ah, taas oo ay hogaamiyayaasha SNM sheegeen in ay xaaladoodu ahayd bakhtiyaa-nasiib.  “xaaladayadu waxay ka dhignayd cadawgiina waa ka hortaada joogga, waxaana kaa dambaysa bad oo ma jirto meel aad u noqotaa” ayuu yidhi C/raxmaan Aw-Cali oo dareen ka bixinaya sidii ay xaaladoodu ahayd xiligaa,laakiin, Ibraahin iyo C/raxmaan, iyaga oo tilmaamaya natiijadii u soo baxday dagaalka ka dib waxay yidhaahdeen “jawaabta noo soo baxday waxay ahayd guul, waayo waxaanu ku guulaysanay inaanu sii jirno oo aanu halgankii sii wadno, umadduna way noo soo gurmatay, dumarku haba ugu daraadeene, waayo tiro ma leh inta dumar dawo, raashin, mashxarad iyo guubaabo nala daba socotay”.

 

Marka laga hadlayo dagaalkii is-miidaaminta ahaa ee ay xiligaa ciidamadii SNM ku soo galeen gudaha waxay dadka qaarkood sheegaan in la isku khilaafsanaa go’aanka is-miidaaminta oo aanay hogaanka Siyaasaddu sidaa doonayn, laakiin ay hogaanka milaterigu arinta khasbadeen, balse C/raxmaan Aw-Cali iyo Ibraahim Dhega-weyne, iyaga oo taa ka jawaabaya waxay yidhaahdeen “Arrintaa waxba kama jiraan haba yaraatee,khilaafka dadka qaar sheegaana kama ay badnayn doodihii laga yeelanayey sida hawl-galka  loo gelayo, laakiin marna ma jirin khilaaf mabdi’iya oo arintaa ku saabsani, hogaanka SNM-na siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba 100% go’aankaa way isku raacsanaayeen” .

 

Hawl-galkaa is-miidaaminta ah ee ay ciidamadii ururka SNM ku soo galeen gudaha waxay ahayd arin lama filaan iyo amakaag ku noqotay labadii talis ee heshisku dhex-maray (Siyaad Barre iyo Mingistu Haila Mariam).  “Mingiste iyo Siyaad Barre iyo ninkii waqooyiga haystay ee Morgan waxay xiligaa wada fadhiyeen meesha la yidhaahdo Nasareed (Itoobiya), dabadeedna markii la, maqlay Burco ayaa la qabsaday ayuu Siyaad Barre ku yidhi Mingisto waad i khiyaamaysay, dabadeedna Mingisto ayaa ku jawaabay kuma aan khiyaamayn, waayo waxba kamaan ogayn arintaa” sidaa waxa yidhi Axmed_Siilaanyo oo tilmaan ka bixinaya saamayntii uu hawlgalkaasi ku yeeshay talisyadii Siyaad Barre iyo Mingistu, isaga oo Axmed-Siilaanyo xiligaa ahaa Gudoomiyihii ururka SNM.

 

Haddaba dagaalkii maalintaa qarxay waxa uu arlada ka dhigay kab-riid gaas lagu qabtay, waxayna ciidamadii Siyaad Barre, hawlgalkaa kaga jawaabeen dagaal aan loo aabo-yeelin, taas oo ay hub culus iyo diyaaradaha wax duqeeya u naceen magaalooyinka, taasina waxay galaafatay kumanaan rayid ah, iyadoo dhinaca kalena uu xadhiga iyo xasuuqu batay, islamarkaana dadkii shicibka ahaa waxay u firxadeen dhinaca Itoobiya oo ay ka galeen kaamam qaxooti, laakiin ciidamadii SNM Inkasta oo ay muddo ka dib ka baxeen magaalooyinka, haddana waxay fadhiisimo ka samaysteen gudaha, waxayna sii wadeen halgankii hubaysnaa ee ay kula jireen dawladdii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre ilaa markii uu taliskaasi dhacay, kadibna 1991-kii magaalada Burco lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland .

“Maalintaasi waxay ahayd maalin adag oo lagu jiro marxalad qalafsan oo dagaal, laakiin maanta waxay somaliland ku jirtaa nabadgelyo iyo nidaam dawladnimo, iyo iyadoo laga fekerayo horumar, taasina waa midhihii halgankii SNM,waayo, Inkasta oo weli wax dhiman yihiin inta badan SNM way gaadhay wixii ay u halgamaysay oo ah Somaliland oo Madaxbanaan oo dawlad ah oo nabad qabta” ayey yidhaahdeen C/raxmaan Aw-Cali iyo Ibraahim-dhegaweyne  oo dareenkooda ka bixinaya faraqa u dhexeeya dabayaaqadii May 1988-kii iyo maanta oo ay maalintaa ka soo wareegtay 14 sannadood.

 

Marka laga hadlayo Halgankii hubaysnaa ee uu ururka SNM ku qaaday dawladdii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre waxa inta badan naanaystiisa taariikheed la siiyaa ama loo badiyaa qabiilka Isaaqa, laakiin Ibraahin-dhegaweyne oo taa ka jawaabaya ayaa yidhi “Runtii halgankii SNM ma wadin Isaaq oo qudhi ee waxa uu ahaa halgan ballaadhan oo ay dadka reer-Somaliland iyo dad kale oo Somaliyeed-ba ka qayb qaateeen, laakiin Inkasta oo aanan wada xusuusin karin waxaan raggii hogaamiyayaasha ahaa tusaale u soo qaadan karaa C/raxmaan Aw-Cali (Awdal), Kabtan: Cabdi Cabdilaahi (Awdal), Cali-gaab (Awdal), Yaasiin Axmed-“Yaasiin-dheere" (Sool), Siciid Cali-giir(Sool), Yaasiin tamaad (Sool), Ciise Soofe (Sool), Cabdi Cali Bayr (Sanaag),Faarax-gamuute (reer Boosaaso), Kornayl-gadh-dheere (reer-boosaaso), Cumar Salaad (hawiye), Cilmi Cali (Hawiye),Yuusuf Cabdilaahi (Ugaden), Aadan khabaas (Ugaden), C/naasir Sheekh (dir), C/shukuur (dir ), iyo rag kale oo badan”.

 

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururka SNM ayaa isna ka hadlay maalintan wuxuuna yidhi “ maanta waa 14 guuradii gudo-galki Hargeysa, markaa Illaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo intii ku geeriyootay halgankii SNM, waxa jira dad caado ka dhigtay canbaaraynta iyo ceebaynta halgankii SNM,laakiin SNM waxay u badheedhay ciidamadii dawladdii kelitaliska ahayd ee Afrika ugu awoodda badnayd, waxayna xoraysay Somaliland, guushaasina SNM qiimo weyn bay ku joogtaa ,muruqa lab suulena ninba si ku ah, laakiin dad caadaystay in ay SNM si fudud makarafoonka uga dhaleeceeyaan maxaa u diiday inay gartaan qiimaha ay SNM dalka iyo dadkaba ku joogto iyo xaq-dhawrka waalidkii ay halyeeyadii ay dhaleen ku shahiideen, ubadkii iyo ooryihii ay ka dhinteen intii shahiiday iyo kuwii ku laxaad beelay ama ku soo dhibaatooday ee maanta nool, waxaanse ku soo gunaanadayaa gabaygii Qaasin ee ahaa “ haddii ay halkii kuu macaan muhato labtaadu, ama aanad madadaaladeed igala maarmayn iska soo mar  waa kuu bannaan marinkaad doontaaye”.

 

Ma Dhabaa Mid Ka Mid Ah Dugsiyada

Burco Ayaa Dhulkiisa Laga Iibiyay Ganacsato?

 

 

Burco (Haatuf): Dawladda hoose ee Burco ayaa ka dal-batay wasaaradda Waxbarashada dawladda Somaliland in lagu wareejiyo dhulka uu ku fadhiyo dhismaha dugsiga hoose oo ku yaalla badhtamaha suuqa weyn ee ganacsiga ee magaalada Burco, halkaas oo ay qorshaynayso in ay ka dhisto dhismayaal ay galaan meheradaha dharka ka ganacsada ee bacadlayaasha.

 

Tobankii maalmood ee u dambeeyay, waxa magaalada Burco laysla dhexmarayay warar sheegaya in niman ganacsato ah laga iibiyay bog-cad dhuleed ee uu ku yaalo dhismaha dunsan ee dugsigii hore loo odhan jiray dugsiga hoose ee Siyaad. Dugsigaas oo aan la isticmaalin, wixii ka dambeeyay 1988-kii ilaa hadda waxa uu ku yaallaa bog-cad ku dhextaalla suuqweynaha ganacsiga ee magaalada Burco, dhismahiisa oo qaybo ka mid ah dunsan yihiin-na, waa kharaabado qaybo ka midda geerash ahaan loogu adeegto.

Haddaba, wararkaas soo baxayay maalmihii tegay ee laysla dhexmarayay, waxay iftiiminayeen in goobta Iskuulkaasi ku yaalo, si hoose looga iibiyay niman bacadlayaal ah.

Tibaaxda warkaas awgii, waxay arrintaasi darreen gelisay kooxo bacadlayaal ah, kuwaas oo saluug ka muujiyay, cabasho arrintaas ku saabsana la hortegay Maamulka Gobolka, iyagoo doonayay in ay hubsadaan xaqiiqada.

 

Haddaba xaqiiqada arrintaas, waxa soo axadhay oo soo ururiyay Weriyahayaga Gobolka Togdheer Liibaan Maaweel Shire, wuxuuna ka diyaariyay warbixintan:

“Waxba kama jiraan wararka sheegaya in dhulka Iskuulkaa la iibiyay, mana jiro qorshe cusub oo lagu iibin doono.” Sidaa waxa yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer Cali Cabdi Hurre, mar aan Arbacadii tagtay wax ka weydiiyay jiritaanka arrintaas.

 

Badhasaabku wuxuu intaas ku daray oo uu ii sheegay in uu xog ku helay in ay D/Hoose ka dalbatay Wasaarada Waxbarashada in ay ku wareejiso dhulka dhismaha Iskuulkaasi hadda ku yaalo, isla markaana ay ballan-qaaday in ay Iskuulka ka dhisto goob kale.

Badhasaabka ka sokow, waxa kale oo aan arrintaa wax ka weydiiyay guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer, Ibraahim Maxamed Siciid (Dhega-weyne), kaas oo ii sheegay in aanu jirin dhul Waxbarashadu leedahay oo la iibiyay.

 

“Anaga baahi dugsi mar walba way na haysaa oo runtii ka dhergi mayno; markaa D/Hoose waxay naga dalbatay in dhulka dhismaha Iskuulkaasi ku yaalo ay ka dhisto bacadlayaal,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolku, waxaanu intaas sii raaciyay oo uu yidhi; “Sidaa aawadeed, anaguna waxa aanu shuruud adag kaga dhignay in ay D/Hoose noo dhisto dugsi cusub oo ugu yaraan 8-fasal ka kooban, ayna ka dhisto inta u dhexeysa Sayladda iyo Goobta Iskuulku ku yaalo.”

 

Dhinaca kale Maayarka magaalada Burco, Maxamed Cali Maxamed oo aan isna wax ka weydiiyay arrintaas, ayaa ii xaqiijiyay in D/Hoose ay ka dalbatay Wasaarada Waxbarashada in ay ku wareejiso dhulka dhismaha dugsigaasi ku yaalo, kaas oo xusay in ay D/Hoose ugu talo-gashay in ay ka dhisto dhismayaal ay ku ganacsadaan bacadlayaasha xidhay Jidadka magaalada. Maayarku wuxuu intaas ku daray in dhulkaa bedelkiisa ay siinayaan Wasaarada Waxbarashada, kaas oo uu xusay in ay hayaan, isla markaanna uu sheegay in laga dhisi-doono dhismaha Iskuul cusub oo ay kharashkiisa bixinayso D/Hoose.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Burco oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka, waxa ka jirta baahi dhinaca dugsiyada ah oo aad u weyn, taas oo u baahan in wax laga qabto, si ay waxbarasho u helaan kumanaan kun oo da’ yar ah oo aan weli helin fursadihii dhinaca Waxbarashada ee ay u baahnaayeen.

Si taasi u suuro-gashana, waxa lama hurraan ah in la badbaadiyo dugsiyada tirada yar ee ku yaalla magaalada Burco, kuwaas oo dhammaantoodba ah qaar la dhisay xilliyadii Soomaaliyadii hore iyo ka horba, qaarkoodna ay hadda faro baas ku hayaan dad dhul doon ah oo degay xayndaabyadii dugsiyadaa, sida dugsiga H/Dhexe ee Togdheer iyo dugsiga sare ee Sheekh Bashiir.

 

Guud ahaan marka laysku soo ururiyo, magaalada Burco gudaheeda lagama dhisin wax Iskuul cusub ah tan iyo intii lagu dhawaaqay la soo noqoshada Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland May 18, 1991.

 

Helena Iyo Nicole: Hablo Dhallinyaro

Oo Ka Shaqeeya Miinosaarista Somaliland

 

"Ujeedada barnaamijku, waxa weeye in la ogaado siday Miinada dhulka ku aasani u saamaysay nolosha dadka ku nool Somaliland, dhinac dhaqaale iyo dhinac dhaqanba.” Sidaa waxa tidhi, Haweenay dhallinyaro ah oo hawl-wadeen ka ah mashruuc Cilmi-baadhiseed oo lagu dersayo saamaynta dhaqan dhaqaale ee ay miinadu ku yeelatay geedi-socodka nolosha bulshada Somaliland. Mashruucan oo qayb ka ah hawlaha dhinaca miinada ee ay dalka ka wado hay’adda miinada DDG (Danish Demining Grouop), waa barnaamij si cilmiyan ah loogu darsayo bal inta ay le’eg tahay saamaynta miinadu. Mr.’s. Helene oo u dhalatay dalka Denmark oo ay hay’adda DDG lafteedu ka soo jeedo, iyadoo hawlaha barnaamijkan ka sii sheekaynaysa waxay tidhi; “Waxaanu dhulka u kala diri doonaa dad hawshan loo tababaray oo soo ururiya macluumaadka, kuwaas oo adeegsan doona foomam qoraal ah oo su’alo ku qoran yihiin.”

 

Waxay intaa raacisay in markaa kadib, xogaha ay soo ururiyeen ay dib ugu soo celin doonaan xarunta; “Ugu dambayntana, waxaa la soo saari doonaa maabka Somaliland oo muujinaya heerarka kala duwan ee ay miinadu u saamaysay nolosha dadka,” ayay tidhi Helene. Waxa kale oo ay xustay inuu maabkaasi caddayn doono Jiritaanka iyo Jiritaan la’aanta saamayntaasi.

Isla barnaamijkan, waxaa u timi dalka haweenay kale oo dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Nicole Allet oo ka socota xarun Cilmi-baadhiseed oo ku taalla Swisarland.

 

Nicole Allet, waxay u timi hawl tababar lagu siinayo shaqaale sii wadi doona hawlaha xarunta kaydka macluumadka miinada. Intii ay ay joogtayna, waxay tababar siisay hawl-wadeeno ka tirsan Somaliland, iyo laba qof oo ka kala yimi Puntland iyo Muqdisho, iyadoo hawlaha miinada lagu tilmaamo in ay yihiin qaar aanay inta badan dumarku ka shaqaynin, ayaa haddana labadan hablood, waxay muujiyeen in ay ku faraxsan yihiin hawsha dhinaca miinada ee ay hayaan. Tanina, waxay tilmaan cusub u tahay oo ay furtay dariiq ay dumarku kaga qayb-qaadan karaan Miino-saarista iyo hawlaha dhinaca miinada la xidhiidhaba, taasna waxaa tusaale u noqon kara haweenkan ka hawl-gala hay’adda miinada ee DDG, taas oo hawlo miino-saaris ah dalka ka waday muddo dhawr sannadood ahba.

 

 

Go’aamo Ururka SAHAN

Ka Soo Saaray Shir Uu Yeeshay

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka SAHAN oo ka mid ah ururada Is-diiwaangeliyay, ayaa go’aansaday in ay 29-ka bisha Juun isugu yimaadaana shirweynahoodii, kadib markii la soo gaba-gebeeyay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Dhexe ee ururkaas oo 29 May ka furmay Hargeysa.

 

Shirkan, waxaa kale oo ka soo baxay go’aano iyo talooyin kale oo uu ururku ugu talo-galay marxalaaddan lagu jiro. War-saxaafadeed arrintaa ku saabsan oo uu ururku soo saaray, uuna ku saxeexan yahay Guddoomiye Ku-xigeenka SAHAN, Xuseen Caynaan Faarax, waxa uu qornaa sidan:

“Markuu arkay ururka SAHAN, Isbeddelka Siyaasadeed ee ka dhacay dalka sida:

1.       Geeridii Madaxweynihii hore Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Alla Ha u naxariistee).

2.       Ururka cusub ee is-diiwaangeliyay ee ku soo biiray saaxadda tartanka doorashooyinka, kuwaas oo qaarkood diidanaa is-diiwaangelinta.

3.       Khilaafkii ku dhex jiray Salaadiinta qaarkood iyo Madaxweynihii hore oo Madaxweynaha cusub u socdaan kulamo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafyadii hore.

4.       Ummadda Somaliland mucaaridkii iyo muxaafid, waxay muujisay biseyl Siyaasadeed iyo xilkasnimo, kaas oo yididiilo gelisay shacabka Somaliland iyo dadweynaha Caalamka.

Haddaba ururka SAHAN, isagoo fiiro raacaya arrimaha kor ku xusan ayay shir ballaadhan isugu yimaadeen xubnaha golihiisa dhexe 29 May oo lagu qabtay xarunta Hargeysa, waxana lagu go’aamiyay qodobada hoos ku qoran:

1.       Inuu ururku ku qabsado shirweynihiisii (Congress), muddo bil ah (29 June), taas oo loo magacaabay Lix xubnood oo ah Guddiga qabanqaabada shirweynaha ururka (Congress-ka).

2.       Inuu noqdo xidhiidhka ururka SAHAN iyo Xukuumaddu mid ku salaysan mabda’ ah mucaarid waxa dhisa (constructive opposition policy).

3.       Taas oo micnaheedu yahay in wixii wanaagsan Xukuumadda lagu taageero wixii khaldana loogu tilmaamo, si ay u saxdo.

4.       In ururka SAHAN la yeesho wada-tashi joogta ah iyo xidhiidh wanaagsan ururada kale ee mucaaridka ee is-diiwaangeliyay.”

 

Maxay Shisheeyuhu Sababeeyaan Aqoonsi La’aanta Somaliland

Cumar Daahir Cumar

 

Mar walba oo la soo bandhgayo aragtiyo ku saabsan sababaynta arrin khusaysa dal ama gobol ka mid ah dunida waa suurtogal in ay soo baxaan sababo kala duwan oo arrintaa khuseeya.

Arrimaha lagu kala duwan yahay ee dad kala duwani ay bixinayaan aragtiyo aan isku mid ahayn waxaa ka mid ah aqoonsi la’aanta qaranimada Somaliland oo hadda 11-jir ah.

 

Si aynu u dhuuxno bal aynu eegno sababaha ay shisheeye wax ka qoray ku sheegeen aqoonsi la’aanta Somaliland. Qofka arrintan ka hadlay ayaa war u diray wakaaladda wararka Faransiiska xilligii uu socday aaskii madaxweynihii hore ee Somaliland (Alla ha u naxariistee), waxaanu qofkaasi sheegay in Somaliland loo aqoonsan waayay sabab ah, iyada oo uu gooni isu taaga Somaliland ka soo horjeedo xeerka ururka Midowga Afrika ee ah inaan la beddelin xadadkii dhuleed ee dalalkii ay mustacmaradihii Afrika gumaysan jiray ka tageen xilligii ay xorriyadda ka qaateen.

 

War-fidiyeenka AFP wuxuu taa ku ladhay sabab uu ka soo xigtay nin uu ku sheegay inuu yahay Somali khabiir ku ah Somalida, ninkaas oo u sheegay warfidiyeenka (AFP) in sababta loo aqonsan waayay Somaliland ay tahay iyada oo ay dawladuhu iska diidayaan aqoonsiga dawladaha yar-yar (Ministates), kuwaas oo aan iskaafiyi karin dhaqaale ahaan, iyo iyaga oo dawladahaas yar-yar ay dhex mari doonto muran iyo cadaawad ka timaada dhinaca xadadka ay yeelanayaan.

 

Marka aynu eegno sababaha uu qoray warfidiyeenka AFP, waxaa muuqanaysa in marka horeba qodobka ah in Somaliland ay tahay mid qaranimadeedu ka hor imanayso xeerka (OAU), uu yahay mid runta ka fog marka la eego sida ay Somaliland xeerkaas OAU u waafaqsan tahay iyada oo ku astaysan dhulkii uu Ingiriisu xorriyadda siiyay 26 June 1960 ee Somaliland oo xadadkeeda dhuleed ee qaranimo ay si toosa u waafaqsan yihiin.

 

Tan labaad Somaliland isku filaanshaheeda dal ahaaneed waa mid ay tusaale u noqon karto wax-qabadka iyo maamulka dawladeed ee ka hirgalay 11 sanadood ee maamulkeeda qaranimo uu gaarka ahaa, iyada oo aan helin kaalmo caalamiya oo macno leh.

 

Dhinaca xadadka ma jiro muran muuqda oo la tilmaami karo 11 sannadoodna Somaliland cidna iskagama ay hor iman dagaal ka dhashay muran xad ku saabsan, haddii laga tegi waayo, waxaa muranka qaar ka soo baxa maamul-goboleedka Puntland. Khilaaf xad ku saabsan oo runtii markaa ay sheegashada Puntland noqonayso mid ka soo horjeeda xeerka (OAU), ururka Midowga Afrika, ee ah in xadadka dhuleed ee Afrika loo daayo sidii ay mustacmaradihii reer Yurub kaga tageen.

 

Marka aan isku daro laba dhacdo oo tan hore ahayd weriyeyaal ka socday hay’adaha wararka ee loo yaqaan (AP) Associated Press oo booqasho ku yimid Somaliland 25 March 1996, iyaga oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Weriyeyaashaasi markii ay soo gaadheen Hargeysa kamay warhayn in Somaliland ay leedahay arrimahan;

1.       Calan u gaara

2.       lacag u gaara

3.       nidaam maamul

4.       golayaal sharci

5.       ciidamo kala duwan

dhacdadaas iyo tan warfidiyeenka AFP waxaa aniga halkaa iiga soo baxday in sababaha loo aqoonsan waayay Somaliland ay ka mid tahay iyada oo ay ka warramaan dad aan runta ka sheegayn qaddiyadda Somaliland, aqoon-darro haka ahaato ama u kas haka ahaatee, kuwaas oo bixiya  sababo runta aad uga fog.

 

Waxaase arrintan dawo u noqon kara xaqaa’iqa Somaliland oo looga warramo warbaahinta muhiimka ah ee dunida oo ay ka warramaan mas’uuliyiinta iyo muwaadiniinta reer Somaliland ee miisaanka ku leh dunidu.

 

  ODHAAHDA AKHRISTAHA

Maxaynu Ku Xusuusanaa Halyay M. I. Cigaal

 

Alle ha u naxariistee waxaa inaga geeriyooday madaxweynaheenii qaaliga ahaa Marxuum Maxamed I Cigaal. Haddaba marka halyay waddan madax u ahaa taariikhdana baal dahaba kaga jiray uu geeriyoodo waxaa lama huraan ah in loo sameeyo wax lagu xusuusto si jiilasheena soo socdaa ay xog uga helaan taariikhda halyayga, inkasta oo halyaygu ahaa mid aanay maskaxdeenu marnaba ilaabayn, ayaa haddana waxaan soo jeedin lahaa talooyinkan soo socda anigoo arrintaa u soo jeedinayaa mas’uuliyiinta dawladda iyo cid walba oo wax ka qaban karta waana kuwan:

1.       In lacagta noodhka 500 Sh. Dhexda lagaga sawiro sawirka marxuumka.

2.       In 6 gobol magaalo-madaxyadooda looga dhiso taalooyin bilic iyo qiime leh oo loo bixiyo magacii marxuumka.

3.       In manhajka iskuuladeena lagu daro taariikhdii marxuumka, khaasatan maadada Taariikhda.

4.       In lix gobol magaalo-madaxyadooda waddooyinka ugu bilicda san loo bixiyo magaca marxuumka.

5.       In madaarka Hargeysa loo bixiyo M. I. Cigaal International Airport.

Saadaad Aadan Cismaan,Hargeysa.

 

 

Khudbaddii Rayaale Waa Loo Riyaaqay Ee Ha Rumeeyo

 

Khudbaddii koobnayd balse nuxurkeedu uu ballaadhnaa waxa ay xambaarsanayd fariin shacbiga Somaliland aad moodaysay in ay u boholyowsanaayeen, iyada oo dhinaca kalena abaartay boogo uu mamulkii hore indhaha ka laalayay. Dad badan oo khudbadda madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale rog-rogay, taas oo ahayd arrinta ugu muhiimsani garsoorka iyo musuqmaasuqa oo aafeeyay maamulkeena, haddaba inkasta oo maamulkii hore laftiisu uu mushahar kordhin u sameeyay garsoorka, ayaa haddana mar walba kafadda miisaanka garsoorku wuxuu ahaa mid dhinac u badan, si loo miisaamo kafaddaasina waxay u baahan tahay dedaal go’aan qaadasho taageerada shacabka, waxaanay ugu muuqataa dad badan oo u guuxay nuxurka ay abaarayso khudbaddii madaxweynaha ee 18 May 2002.

 

Gaar ahaan qodobka caddaaladda oo bulshada inteeda badan raaligeliyay ayaa waxay u arkayaan dad badani si wax looga qabto in looga abaaro halka uu alifka caddaaladu ugu horrayn uu qaloocu ka galay, kuwaas oo ay ka mid yihiin saldhigyada Booliska, waaxaha degmooyinka iyo xeer-ilaalinta gobollada dalka oo intooda badani ay yihiin niman ku miciyo maaraystay, loona baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo.

 

Sidoo kale waxa dadka rajo gelisay arrinta ku saabsan musuqmaasuqa oo aafo ku noqotay hay’adaha dawladda dhexdooda, taas oo dad badani ay u arkaan in wax ka qabashadeedu ay u baahan tahay ku dhac iyo daacdadnimo, maadaama shacbgia Somaliland ay taageero buuxda u muujiyeen madaxweyne Rayaale.

 

Taas oo laga dheehanayay sidii dadweynaha ay uga oo qaybgaleen xafladdii lagu xusayay 18 May ee fagaaraha Khayriyadda.

“Nin la sugayow adna yaad sugi”

 

Arintu si kastaba ha ahaatee, waxay ugu muuqataa dad badan oo taageersan lana dhacay khudbadda madaxweynaha inuu ka jibo keeno ballan-qaadyadii ku jiray khudbaddiisii bulshada yididiilada ku abuurtay si ay u rumowdo ballanqaadyadii uu ku xusay khudbaddisii uu ka jeediyay fagaaraha Khayriyadda sannadguuradii 11aad ee 18 May.

 

Hadal iyo murti Mudane Rayaale ha rumeeyo weedhihii loo bogay.

Maxamed Ibraahim Sagax.

 

 

Maxaa U Dan Ah Jiritaanka Somaliland

Sansaanta dawladnimo iyo saadaasha cusub waxa ay u muuqataa mid soconaysa isla mar ahaantaana haykalkeeda dawladnimo tahay mid aan joogsi iyo hakad toona lahayn.

Tan iyo intii uu noolaaa madaxweynihii hore ee geeriyooday Md. Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxa uu qaranka Somaliland u dhisay oo dhaxalgal u noqotay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland inay noqoto muqaddas, kaas oo sameeyay Ilaahayna uu la qabtay nabadda iyo amniga fiican ee aynu maanta hadhsanayno.

 

Haddaba maanta saadaasha iyo sansaanta ay leedahay Somaliland waa mid aanu cadawga iyo xaasidka ka xun jecelna in lagu noqdo sidii beryo qaarkood ee dhiigu ka quban jiray ummadda walaalaha ah ee ku nool Somaliland.

 

Ummadda ama shacabka Somaliland way soo arkeen dhibaato dhac, burbur, dil iyo waxyaabo badan oo la halmaalaba, aad ayay u fahmeen una darseen ka danaysta ah ee jecel inuu dhiib iyo burbur baahsan ku sameeyo.

Haddaba aniga oo hadalka soo gaabinaya waxa aan ummadda reer Somaliland aan u sheegi lahaa inay dantooda guud raacaan, sameeyaana wax soo-saar buuxa oo ay midhihiisa cunaan.

Sababtoo ah, khayraad ayuu Ilaahay ku mannaystay dalkeena hadday (Bad tahay) iyo hadday Berri tahayba.

 

Dawlada maanta iyo marwalbana waxa habboon inay xooga saarto dhaqaalaha dalka, taas oo weliba looga baahan yahay inay xooga saarto wax-qabad buuxa oo midho-dhala.

Hadal badan iyo huuhaa aan waxba ka muuqani waa hal bacaad lagu shubay ama lagu lisay.

Dalkeena waxa ku nool dhallinyaro fara badan oo ubaxii dalka ah, kuwaasi waxay u baahan yihiin in wax la baro oo ahmiyadda la saaro sidii ay wax u baran lahaayeen, uguna faa’iidaystaan jaaniska maanta la hayo waayo waa kuwii bari u talin lahaa dadka iyo dalka. Haddaba gunnaanadka faaladan waxa aan dawladda iyo nimanka xilka haya u sheegayaa in aanay dhayalsan ama aanay noqon qawda maqashii waxna ha u qaban.

 

Waxa kale oo iyana soo raacda caafimaadka oo ah nolosha qof kasta oo Alle abuuray, la’aantiisna waxba aanu socon karin.

In Xooga la saaro dadka dhibaataysan ee uu xannuunku la soo dersay ee wadhan miyi iyo magaaloba.

Laakiin haddii la iska indho tiro wax-qabadna aan loo samaynin, laguna cuno ama laga dul cuno mashruuc, waa mid soo gaadhaysa cid kasta oo dhaxalsiinaysa aakhirataanka geeri dhimasho.

Halaga baxo oo si rasmi ah haloogu soo jeesto shicib iyo dawladba wax u qabadka iyo ka faa’iidaysiga qaranimada Somaliland.

 

Haddaan inyar dib ugu yara dhaadhaco fikradda faaladayda, waxa aan shacbiga iyo dawladaba tusi lahaa waxaad eegtaan dalalkan aynu jaarka nahay ama xuduuda aynu leenahay. Dhibaatada aan weligeed ka joogsanayn hadday dhac, dil, ama amni xumo u dheertahay ee maalin walba boqolaalka qof kurka iska jaraya eeg tusaale ahaan sida Koonfur-Somaliya.

Khayrku waxa uu ku jiraa hadalka fiican ee leh wax isku sheeg iyo is xasuusin wanaaga ifka iyo aakhiroba ah.

Axmed Cali Sh. Muxumed,

Hargeysa.

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Dhalashadii Nebi Maxamed (c.s.w)

Q: 2aad

Waxa aynu qormadeenii hore ee aynu ku xusnay dhalashadii Nebi Muxamed c.s.w ku soo qaadanay marxaladihii ay soo martay dacwaddii Rasuulku iyo xaaladdii ay dadku ku sugnaayeen markii uu Ilaahay Rasuulka soo diray innaga oo soo qaadanay tusaalayaal arrinta ku saabsan, innaga oo si gaar ah u soo qaadanay qisooyin uu ka warramay Cumar binu Khaddaab sidii uu ahaa intii aanu muslimin iyo markii uu raacay ee uu rumeeyay risaaladda islaamka ee uu waday Nebi Muxamed c.s.w qisadiisa ku saabsanayd markii uu qaatay diinta islaamka waxaynu maraynay intiinii la socotay isaga oo noqday Amiirka muslimiinta uuna booqan jiray, isla markaana kormeeri jiray xaafadaha iyo waddooyinka si uu u hubiyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka islaamka ah ee uu madaxa u yahay. Qisadii oo dhammaystirani waa tan:

 

“Habeen ayuu Cumar binu Khaddaab arkay dab meel ka baxaya dadna ay ku urursan yihiin, markaasuu si deg-deg ah ugu tegay isaga oo hubinaya waxa meesha ka jira. Markii uu gaadhay ee uu weydiiyay waxa dhacay ayuu u jawaabay ninkii guriga lahaa isaga oo ku yidhi; “Waxaanu nahay dad masaakiin ah oo aan waxba haysan, xaaskii baana umulaysa, kii dalkan madaxda ka ahaana wuu iska hurdaa. Intaa markuu yidhi ayuu Cumar naxay, si deg-deg ah ayaanu u dhaqaaqay isaga oo ay raaceen laba nin loo la socday, waxaanay tageen gurigii kaydka (Baytul-maal), kaas oo lagu ururin jriay raashinka kaydka ah. Cumar baa ku yidhi raggii la socday raashin baynu u qaadnaynaa reerkii dhibataysnaa ee horta aniga I saara jawaan budo ama daqiiq ah. Raggii baa ku yidhi adigu qaadi maysid, maadaama aad tahay madaxweynihii muslimiinta ee annagaa qaadayna. Cumar inta uu cadhoday ayuu ku yidhi; ma idinkaa maalinta qiyaamaha dembigayga qaadaya? Waanu qaaday daqiiqdii oo dushiisa wadamartay.

 

Intii ay sii socdeen ayay sii mareen gabadh uu Cumar dhalay, taas oo ay sii kaxeeyeen si ay uga umuliso, una ag joogto haweenaydii umulaysay.

Markii ay gurigii gaadheen Cumar markiiba waxa uu shitay dab, isaga oo bilaabay inuu kariyo raashinki uu siday. Intii uu karinayay ayuu waraystay ninkii guriga lahaa, isaga oo ku yidhi; Ka warran Cumar binu Khaddaab? Ninkiibaa yidhi, waxba ma qabto waanu iska hurdaa xilligaa, annaguna aanu dhibaataysanahay, isaga oo aan markaa garanayn Cumar binu Khaddaab. Sheekadii isaga oo wada ayay soo baxday gabadhii uu dhalay Cumar ee umusha la joogtay, iyada oo ugu bushaaraysay inay wiil umushay, markasuu ninkii gartay cidda uu la hadlayaa inuu yahay Cumar binu Khaddaab, isaga oo naxay doonayna inuu baxo.

 

Balse Cumar baa dejiyay oo ku yidhi waad I baraarujisay ee waxba ha nixin. Markii uu waagu beryay ayay ka tageen reerkii, markay inyar socdeen ayuu Cumar istaagay isaga oo yidhi; “Mategayo ilaa aan arko iyaga oo faraxsan oo ciyaaraya mooyee.”

 

Qisadani waxa ay inoo caddaynasaa sidii ay islaamnimadu u beddeshay dadkaii markii hore ku noolaa xaaladdii aynu soo aragnay, iyaga oo dhagax ay qoreen caabudi jiray, hablaha yar-yarna aasi jiray, dulmi iyo is addoonsina ku noolaa.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Maanta Iyo Furitaanka

Ciyaaraha Koobka Adduunka 2002

 

Faransiiska oo uu ka maqan yahay Zidane ayaa beerka siinaya libaaxyada Senegal

 

Marka la laado kubadda ciyaarta ugu shacniga iyo xamaasadda badan ee bilowga koobka adduunka oo dhexmari doonta Faransiiska iyo Sinigaal dhicina doonta 31-ka bishan May oo maanta ah, waxaa labadaa horyaal ee Faransiiska iyo Sinigaal ciyaartooda iyo daawadayaasha duniduba ay tebi doonaan maqnaanshaha mid ka mid ah xiddigaha ciyaartoyga ugu muuqaalka iyo magaca weyn kulanka koobka adduunka oo aan ka muuqan doonin ciyaartaa.

 

Xidiga xulka Faransiiska Zinedine Zidane, ayaa ka dhaawacmay Bowdada, taas oo ka reebtay inuu ciyaarta maanta u safto kooxdiisa xulka qaranka ee Faransiiska oo maanta la ciyaari doona xulka Sinigaal.

 

Xulka Faransiiska oo hore u shaaciyay inay ku guulaysan karaan koobka adduunka ee FIFA, iyaga oo aan caabi adag kala kulmin kooxaha adduunka, waxaa hadda muuqata in ka maqnaanshaha Zidane ee ciyaarta maanta uu culays ku soo kordhin doono iyo isbeddel natiijada ay kooxda Faransiisku ka filayso ciyaartan maanta u furitaanka ah.

 

Marka uu xulka Faransiiska ka maqnaado ciyaaryahanka nasiibka ku leh guulaha loolanada ciyaarta kubadda cagta waxay Faransiisku la kulmaan guul-darrooyin, xataa haddii la iska iloobo natiijooyinka ciyaarihii saaxiibtinimo ee Faransiisku la yeeshay Beljamka oo ku dhammaatay (1-2), iyo tii Kuuriya oo iyana ku dhammaatay (3-2). Waxaa kale oo ay Faransiisku aad uga murmeen guul-darrooyinkii ka so gaadhay kulankii ay la yeesheen Denmark oo ku dhammaaday (2-1) iyo kii Paraguay oo natiijadiisu ahayd (1-0).

 

Waxaa intaa dheeraa koobkii Yurub ee Euro 2000 oo ay kooxda Holland (Netherlands) ka badisay Faransiiska (2-3), kadib markii xulka Faransiiska uu ciyaarta nasiyay Zidane.

Xulka kubadda cagta ee Faransiiska oo ay awoodooda ciyaareed kor u sii kacaysay laxaad badanina u sii siyaadinayay tamarta koox ciyaareed ee uu xulka Faransiiska kaga libaysanayo kooxaha ay iskaga horyimaadaan loolanada kubadda cagta.

Tan iyo intii ay xulka Faransiisku ku guulaysteen koobka adduunka ee FIFA 1998, ee tartankiisa lagu qabtay carriga Faransiiska, waxaa muuqatay inaanu soo shaac-bixin ciyaartoy u dhigma Zidane oo laba sannadood loo aqoonsaday ciyaartoygii ugu fiicnaa ama xiddiga ciyaaraha FIFA ee sannadihii 1998 iyo 2000.

 

Kaalintan lama filaanka ah ee ku soo bannaanaatay xulka Faransiska Zidane oo u fadhiya dhaawac awgii wuxuu u muuqdaa nabar halisa oo gaadhay wadnaha halbowle ee hab ciyaareedka xulka Faransiiska ee tartankan FIFA 2002, labada ciyaartoy ee Youri Djorkaeff iyo Christrophe Dugarry oo aan laf ahaantoodu si dhaba u buuxin karayn hibada iyo kartida ciyaareed ee Zidane ayay haddana dani ku haysataa inay u tafa-xaytaan sidii ay u buuxin lahaayeen kaalintii uu Zidane ka buuxin jiray ciyaarta xulka oo ahayd laf-dhabar.

 

Tabobare Roger Lamerre ayaa aad ugu faraxsan kaalinta labadan ciyaartoy, gaar ahaan (Dugarry), oo wax weyn ku kordhiyay markii uu soo galay qaybtii dambe ee ciyaartii saaxiibtinimo ee xulka Faransiisku la yeeshay xulka Kuuriya.

 

Faaladan marka la qaato in ciyaarihii saaxiibtinimo ee xulka Faransiisku ciyaaray u diyaargarowgii koobka FIFA ee 2002, haddii ay kooxda Faransiisku la kulantay guul-darrooyin.

Xiddigooda Zidane oo ciyaarahaa ka maqnaa awgii marka indhaha dadka ciyaaraha xiiseeya waxay muhiimad siinayaan kulankan kooxda libaaxyada Sinigaal oo markii ugu horraysay ka soo qaybgalay loolanada ciyaaraha kubadda cagta ee dunida kuwooda ugu sarreeya amaba kan koowaad oo ah koobka dunida ee FIFA. Waxaana kooxda reer Senegal lagu qiimaynayaa sidii ay uga soo dhexbaxeen ee ay uga soo guulaysteen kooxaha kubadda cagta ee dalalka Aljeeriya, Masar iyo Marooko kulamadii is-reebreebka koobka FIFA ee sannadkan.

 

Kooxahaas Sinigaal ay ka soo dhexbaxday oo marka la qiimeeyo tayada iyo adkaanta kulamadooda ciyaareed ka dhigaysa Sinigaal koox aan la fili karin in dhayal dhinaceeda dhulka loo dhigo marka ay maanta iska horyimaadaan xulka Faransiiska.

Tabobaraha xulka Sinigaal oo ah nin u dhashay Faransiiska Mr. Bruno Metsu ayaa qiimayn khaldan ku tilmaamay cabirkii uu kooxdiisa ka bixiyay Pele oo ku tilmaamay inay tahay kooxda ugu taagta daran tartankan.

 

Xubnaha xulka Sinigaal u safanaya koobkan FIFIA 2002, ayaa 21 ciyaartoy oo ka mid ah 23 ciyaartoy ee uga qaybgelaya tartankan waxay kuwo ka ciyaara naadiyada ka dhisan Faransiiska.

Tabobaraha Mr. Metsu isaga oo ka hadlaya rajada kooxdiisa wuxuu yidhi; “Waxaan rumaysanahay in kooxdaydu leeahay awood tartan oo ah ta ugu sarraysa, waxa qudha ee aan ka cabsi qabaa waxa weeyi culayska jiraa inuu ku keeno qalo ay dareemaan ciyaartoygu jawiga lagu ciyaarayo awgii.”

Waxaa ciyaartan xulalka Faransiiska iyo Sinigaal saamayn weyn ku leh in ciyaaroyga wada ciyaara aqlabiyaddoodu ay ka ciyaaraan labada dhinacba loolanada ciyaaraha kubadda cagta ee Naadiyada Faransiiska, taas oo meesha keenaysa  inay Faransiiska iyo Sinigaal ciyaartoygooda wada ciyaarayaa yihiin kuwo is ciyaar yaqaana.

 

Mr. Roger Lemerre, ayaa ku tilmaamay in ciyaarta ay iskaga hor imanayaan kooxda Sinigaal ay tahay ciyaar furitaan, ciyaaraha furitankuna ay yihiin sida bakhtiyaanasiibka oo kale marka ay dhacayaan kulamada koobka adduunka ee FIFA ciyaarta maanta dhexmaraysaana ay tahay sidaas oo kale.

Runtii Mr. Lemerre waa inuu wax warkiisa uu ka werwersan yahay maqnaanshaha Zidane ee kulanku uu ka yaraado kan tabobaraha kooxda, maadaama ay garabkiisa ka ciyaarayaan ciyaartoy ka mida safka hroe ee xiddigaha kubadda cagta ee adduunka, sida Thiery Henry, Patrick Vieira, Marcel Desailly iyo ciyaartoy kale oo xiddigo ka ah kubadda cagta oo la heera Zidane.

 

Tabobaraha xulka Sinigaal Bruno Metsu, iyo kooxdiisa rajo qabayaasha ahi waa kuwo u heelan in guulo ka gaadhaan kulamadan ciyaareed ee koobka adduunka si ay mar uun u arkaan riyadoodii ahayd inay kaalin muuqata ka galaan tartankan.

 

Si kastaba arrintu ahaa ahaatee ciyaarta maanta oo ay Sinigaal wacdaro ka muujiso kulankan ay la yeelanayso Faransiiska waa mid sumcad iyo rajo wanaag u keenaysa kooxda reer Sinigaal ee lagu magacaabo Libaaxyada Sinigaal sida uu yidhi tabobare Metsu oo ahaa “Aan eegno in ay hubanti ardaydu ka guulaysan karto khubaradii iyaga layliday.”